Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Dunida Muslimka oo maanta u dabaaldegaya maalinta...

$
0
0

NAIROBI (RBC Radio) Muslimiinta inta badan wadamada caalamka ayaa maanta oo Axad ah waxaa u bilawday dabaaldegga maalinta koowaad ee Ciidul Fidriga taasoo soo afmeereysa bishii Ramadaan.
Wadanka Sacuudiga oo uu ku yaallo Xaramka ayaa xalay ku dhawaaqay aragtida bisha Shawaal (Soonfur) ayna maanta tahay maalin Ciid ah, iyadoo badi wadamada Khaliijka ay sidoo kale ku raaceen.
Hase yeeshee wadanka Cumaan ayaa sheegay in Ciidda ay u bilaabaneyso maalinta Isniinta ah.
Dawlada Soomaaliya ayaa xalay sheegtay in maanta oo Axad ah ay tahay maalinta koowaad ee Ciidul Firdiga kadib markii degmooyin ku yaalla koonfurta dalka laga arkay bisha Shawaal.
Dawlada waxay sidoo kale Ciida darteed fasaxday shaqaalaha dawlada oo la siiyay muddoo saddex maalmood oo fasax ah.
Ciidul Fidriga sannadkan waxaa uu imaanayaa iyadoo khilaaf xooggan uu ka dhex jiro wadamada Carabta, kadib markii Sacuudiga iyo wadamada uu hogaamiyo ee la isku yiraahdo xulufada Sacuudiga ay xiriirka u jareen dalka yar ee Qadar.
Khilaafkaasi si weyn ayaa looga dareemay badi wadamada Khaliijka. Waxaana waxyaabaha saameynta yeeshay durba ka mid ah in qoysas ku kala noolaa wadamada uu khilaafku hareeyay aysan isu safri karin sababtuna ay tahay iyadoo dadka heysta dhalashada Qadar aysan u safri karin wadamada Sacuudiga, Imaaraadka Carabta, Baxreyn iyo Masar.
Qadar ayaa iyana dhankeeda ku amartay dadka u dhashay afartaasi wadan ee ka shaqeysta dalkeeda inay jinsiyada iska dhiibaan ama ay dalkeeda ka baxaa.
Dalka Jabuuti oo ciidamo ka socda Qadar ay ku kala dhex jireen Eritrea oo dagaal dhanka soohdinta ah uu ka dhexeeyo ayaa iyana laga dareemay khilaafka, kadib markii ciidamada Qadar laga saaray soohdinta, taasoo keentay in Eritrea ay ciidamadeeda ay soo dhoobto goobihii ay ka bexeen ciidamada Qadar.


Boqol qof iyo dheeraad ku dhintay qaraxa booyad...

$
0
0

Saraakiil ayaa sheegay in ugu yaraan 123 qof ay dhinteen ka dib markii booyad shidaal siday ku qaraxday meel u dhaw magaalada bariga Pakistan ku taal ee Ahmedpur.
Dad ayaa ku soo ururay meesha ay booyaddu ku qallibantay oo doonayey in ay dhurtaan shidaalka, ka dibna waxa dab qabsaday booyaddii sidaas ayayna dad badani ku dhinteen. Tobanaan kale ayaa isbitaallaada lagu dawaynayaa.
Dad sigaar cabayey oo goobta joogay ayaa loo malaynayaa in ay sababeen dabka qabsaday shidaalkii daatay iyo booyaddaba, sidaa waxa ku waramay TV-ga Geo ee Pakistan laga leeyahay isagoo soo xiganaya dad goob joog ahaa.
Wadooyinka dalkaas ayaa lagu yaqaan in ay khatar badanyihiin, baabuurta oo aan si fiican loo daryeelin iyo wadeyaal si bilaa taxadar ah u kexeeya baabuurta ayaa loo aaneeyaa shilalka ka dhaca dalkaas.
Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee ciidanka ayaa goobta loo diray si ay dadka dhaawaca ah isbitaallada ula gaadhaan, sidaana waxa sheegay af-hayeenka ciidanka Maj-Gen Asif Ghafoor.
Warbaahinta Pakistan ayaa baahisay sawirrada baabuur iyo maydad dhuxuloobay, waxaana laga cabsi qabaa in tirada dhimashadu sii kordhi doonto.

Madaxweynaha Puntland oo Salaada Ciidul Fidriga kala...

$
0
0

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa saaka subax nimadii 25 June 2017 kala qayb galay shacabka - Puntland Salaada Ciidul fidriga.
Salaada Ciida oo Lagu tukadey garoonka kubada cagta Mire Awaare ee magaalada Garoowe ayaa waxaa Madaxweynaha kala qayb galay Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey, Gudomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane. Axmed Cali Xaashi iyo ku xigeenadiisa, masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Puntland, saraakiisha ciidamada Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, isimo, cuqaal, nabadoono, waxgarad, siyaasiyiin, aqoon yahano, Culumo iyo shacab weynaha Casimada Dawladda Puntland.
Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa ugu horayn hanbalyo u diray ummaada Soomaaliyeed iyo shacabka reer Puntland meelkastay joogaan munaasibada ciidul fidriga darteed, waxaana uu madaxweynihu sheegay in Puntland ka jirto nabad gelyo sugan oo boqlkiiba boqol laysku halayn karo."Ciid mubaarik, Ciid mubaarik, waxaan u hanbalyay nayaa ummada Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka reer Puntland meelkastay joogaanba, waxaan si gaara ugu hanbalyay nayaa ciidamada qalabka sida ee Puntland oo inoo suura geliyey inaan midnimo ku ciidno, nabad isugu nimaadno, farxadna ku ciidno, Puntland waa amni Illaahay fadligiisana ayay ku ahaatay, dabcan inbadan oo ku dedaashay waa ay jirtaa in Puntland nabad ahaato dawladd iyo shacabba iyana waa ay mahadsan yihiin shaqadaa ay qabteen" ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland."Waxaan rabnaa marka inaanu amnigayaga sii xejisano, inaanu sii badhi taarno, inaanu sii adkaysano" ayuu yiri Madaxweynuhu.
Sidoo kale Madaxweynaha Puntland oo ka hadlaya inay jiraan cadaw u soo tafa xaytey khalkhal gelinta amniga Puntland, isla markaana ay loolan ugu jiraan sidii ay u carqaladayn lahaayeen xasiloonida dawladda Puntland." sidaad ka war-haysaanba cadawgeeni wuxuu loolan ugu jiraa inuu Puntland dhibaato ka suubiyo, laakiin waxaan u sheegayaa in Puntland iyo shacabkeeda oo isku duuban diyaar u yihiin inay dalkooda difaacdaan, waana ka adkaanaynaa Insha Allah xaqiiqaduna taa weeye, sababtoo ah baadil iyo xaqdaro ayay ku socdaan anana xaq ayaan ku taaganahay, Puntland cidna ma gardaraysato cidnana ma daandaansato, cidwalba oo wanaag iyo amni soo bidana waa ay soo dhoweysaa " ayuu yiri Madaxweynuhu.
Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Egn. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey oo dhankiisa hanbayada ciida u diray ummada Soomaliyeed iyo shacabka reer Puntland ayaa sheegay in Puntland tahay meesha keliya ee maanta horumar lataaban karo ka socdo, taasi oo uu u sababeeyey amniga buuxa ee ka jira Punaland inay ku gaadhey, waxaana uu sidoo kale ugu baaqayn shacabka Puntland inay Soo dhoweeyaan ummada Soomaliyeed ee ku soo hayaamaysa dhulkooda, isla markaana la tuso niyad sami iyo Soomaalinimo.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha DFS Cabdi Saciid Faarax Juxa ayaa dhankiisa ku booriyey ummada Soomaaliyeed inay is-cafiyaan, inay isu tanaasulaan iyo inay heshiiyaan, waxaana uu shacabka reer Puntland ku booriyey inay ilaashadaan nabada iyo xasiloonida ay hibada gaar ka ah u leeyihiin.
Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa hoosta ka xariiqay in dawladda Puntland ka go'antahay inay derikooda nabad kula nooladaan, isla markaana ay markasta danaynayaan Soomaliya oo Mida, Soomaaliya oo is raacday.-DHAMMAAD-XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.
The post Madaxweynaha Puntland oo Salaada Ciidul Fidriga kala qayb galay Shacabka Garowe appeared first on Puntland Post.

War Deg Deg ah :Magaalada Muqdisho oo manta Internet...

$
0
0

Jun 25, 2017 -
Waxaa Habeenimadii Xalay la waayay adeegii internetka ee Magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka Soomaaliya taasoo Jahwareer ku riday dhaq dhaqaaqii ganacsi ee Magaalada Muqdisho iyo guud ahaan ganacsigii Dalka.
Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho iyo Gobolada Soomaaliya ayaa sheegaya in ay saakay ka jirto halkaas Internet la,anta taasi oo sababtay in ay shaqayn waayaan Xawaladihii dalka ka jiray, shirkadihii Isgaarsiinta iyo xata bangiyadii dalka ka Jiray
Wararka ayaa sheegaya in Xawaaladaha magaalada Muqdsiho ay dhooban yihiin macaamiisha kuwaas oo raadinaya lacagahooda Xaqal Ciida ah, Balse ay Maamulka xawaaladaha ay ku war galiyeen in ay jirto Internet la,anta Inkastoo Inta badan ay xiran yihiin Xarumaha waa wayn ee Xawalaadaha .
Dhanka kale Mar aan Xiriir la sameenay Qaar kamid ah Shirkadaha bixiya Internetka ayaa noo xaqiijin waayay sababaha keenay manta in dhamaan Magaalada Muqdosho ay ka dhacdo internet la,aan waxayna hadalka ku soo gaba gabeeyen in shaqo laga hayo internetka
Ugu Danbayntii Lama Oga Sababaha ka danbeeya in Maanta laga Jaro Internetka guud ahaan Magaalada muqdisho iyo Qaar kamid ah Gobalada Dalka Soomaliya waxaana jira warar sheegaya in fibre optico laga helo qadka Internetka ay Cilad ku timid, waxaana la sheegay in lala tacaalaayo Ciladaas.Wixii Warar ah eek u Saabsan Internet la,aanta ka jirta Magalaada Muqdisho waxaa ka Bogan doontaan Wararkayaga danbe insha Allah .
Nagala soo xiriir Badweynnews@hotmail.com

Erdogan: Shuruudaha Qatar lagu xidhay sharciga caalamiga ah ayey lid ku yihiin

$
0
0

Madaxweynaha Turkiga, Racep Tayyip Erdogan, ayaa yidhi shuruudaha ay Qatar ku xidheen dalalka Gacanka ee ay jaarka yihiin waa kuwo ka hor imanaya sharciga caalamiga ah, sababta oo ah buu yidhi waxay farogelin ku yihiin qaranimada dalkaas.

Erdogan: Shuruudaha Qatar lagu xidhay sharciga...

$
0
0

Madaxweynaha Turkiga, Racep Tayyip Erdogan, ayaa yidhi shuruudaha ay Qatar ku xidheen dalalka Gacanka ee ay jaarka yihiin waa kuwo ka hor imanaya sharciga caalamiga ah, sababta oo ah buu yidhi waxay farogelin ku yihiin qaranimada dalkaas.
Qatar ayaa ku tilmaantay shuruudahaa oo ay ka mid yihiin in ay hoos u dhigto xidhiidhka ay Iran la leedahay, in ay xidho Tv-ga Aljazeera iyo in ay xidho saldhigga ciidamada Turkigu ku leeyihiin dalkaas kuwo aan suurtogal ahayn.
Todobaadkii hore ayaa Ankara waxay ballan qaaday in ay xoojin doonto ciidamada ka jooga Qatar. Waxa kale oo ay u dirtay markab cunto sida magaalada Dooxa oo ah xarunta dalka Qatar ee ay go'doomiyeen Sucuudiga, Imaaraadka Carabta, Baxrayn iyo Masar oo ku eedeeyey in ay maalgeliso argagixisada.

Mucaaradka Talyaaniga oo ku guuleystay magaalooyin dhowr ah

$
0
0

Xisbiyada mucaaradka garabka midig ee dalka Talyaaniga ayaa guulo la taaban karo ka gaaray doorashooyinkii heerka duqa magaalada ee Axaddii dhacday.

Mucaaradka Talyaaniga oo ku guuleystay magaalooyin...

$
0
0

Xisbiyada mucaaradka garabka midig ee dalka Talyaaniga ayaa guulo la taaban karo ka gaaray doorashooyinkii heerka duqa magaalada ee Axaddii dhacday.
Waxay ku guuleysteen maamulka magaalooyin dhowr ah oo dalkaasi ku yaalla, sida magaalo-dekadeedka Genoa, oo uu gacanta ku hayay xisbiga bidix dhexe in ka badan konton sano.
Hoggaamiyaha xisbiga Forza Italia ee aqalka hoose ee baarlamaanka Renato Brunetta ayaa sheegay in tallaabadiisa ay haatan u sii gogol xaareyso inuu ku guuleysto doorashooyinka baarlamaaniga ah ee sannadka soo socda.
Hoggaamiyaha xisbiga dimuqraadiga ah ee bartamaha-bidix iyo ra'iisalwasaarihii hore Matteo Renzi ayaa sheegay in natiijooyinka ay ahaayeen kuwo ka soo baxay magaalooyin yar.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454


Madaxweyne Farmaajo oo Gobolada Waqooyi ugu baaqay...

$
0
0

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo ayaa Gobolada Waqooyi ee Soomaaliya ee la magacbaxay Somaliland ugu baaqay in laga wada shaqeeyo Midnimada iyo Qaranimada dalka.
Madaxweyne Farmaajo oo xalay Aqalka dowladda Hoose ee Muqdisho kaga qaybgalay munaasabad lagu xusayay sanad guuradii 57-aad ee ka soo wareegtay maalintii Gobolada Waqooyi ee Soomaaliya qaateen xoyadda ayuu yiri.
"Xuska 26-ka June waxaa walaalahayaga Gobolada Waqooyiga, dhalinyaro iyo waayeel, rag iyo dumarba aan ugu baaqayaa inay tahay masuuliyad inoo wada taala inaan dib u hanano qaranimadii iyo midnimadii dalkeena."
"Iyadoo taariikhdeena dhow qaybteeda xanuunka iyo foolxumada leh ay tahay inaan ka gudubno, si aan u gaarno mustaqbal ka wanaagsan kan maanta aanu ku suganahay."
"57 guuradii, 26-kii June waxay ku beegan tahay anigoo sanadkan ah Madaxweynihii Qaranka, isla-markaana waxaan dib u xusuusanayaa dabaaldegyadii la qabtay doorashadeedii. Dabaaldegyadaas oo ay isugu soo baxeen, ayna soo dhaweeyeen dhalinyaro fara-badan, waayeel, rag iyo dumarba, oo gobol kastoo Soomaaliyeed joogga. Waxay ahayd farriin uu hankeeda aad u weyn yahay, saldhigeeduna uu ahaa nabad, nolol, midnimo iyo cadaalad."
"Marka munaasabadan waxay tahay mid aad iyo aad noogu weyn ama ugu weyn taariikhdeena, waxaana dadka Soomaaliyeed meel kastoo ay jooggaan ugu hambalyeeynayaa 57 guurada ka soo wareegatay maalintii calanka Soomaaliyeed oo xor ah laga taagey dhul Soomaaliyeed."PUNTLAND POST
The post Madaxweyne Farmaajo oo Gobolada Waqooyi ugu baaqay Midnimo appeared first on Puntland Post.

Internetka Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya oo Cillad ku Timid

$
0
0

24-kii saac ee la soo dhaafay ayaa magaalada Muqdisho iyo inta badan gobolada Koonfurta Soomaaliya waxaa khalkhal uu ku yimid khadkii intetnetka oo meelo badan ka maqan.

DAAWO: Shacabka Muqdisho oo Hal Arin Xalay La Seexan...

$
0
0

Jun 26, 2017 -
Waxay ahayd munaasabad dabaaldeg ah, balse dareen baqdin leh ku dhalisay bulshada ku dhaqan Degmooyinka Gobolka Banaadir qaarkood, markii ay dowladdu riday baaruud ama buleer lagu xusaayay munaasabadda 26-ka June, oo ah maalintii ay Gobolada Waqooyi (Somaliland), ka xaroobeen gumeystihii caddaa ee Ingiriiska.
Xarunta Dowladda Hoose Xamar ee Visha Governo, ayaa caawa lagu qabtay xafladda 26-ka June, waxaana ka qaybgalay Madaxda Qaranka, Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiil ciidan, Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir iyo marti sharaf kaloo xafladda lagu soo casuumay. Markii ay saacaddu isu taagtey 12:00am, ayaa Xarunta Visha Governo oo ku taala Degmada Xamar Weyne waxaa laga riday daraasiin baaruud ah, taa oo qalqal-gelisay bulshada ku dhaqan Magaalada Muqdisho, qaarkood. Baaruudan waxaa la sheegay in dhawaqeedu uu aad u xooganaa, dadkuna waxayba u maleeyeen in weerar uu magaalada ka socdo.
Maxamed Cismaan Cali oo ka mid ah dadka ku nool Degmada Boondheere oo ood wadaag la ah Degmada Xamar Weyne, ayaa ka warbixiyay sida ay tani u saamaysay dadka deegaanka.
Maxamed Cismaan, ayaa yiri "Caawa (Xalay) wax aad iyo aad iiga yaabiyay ayaa ka dhacay Magaalada Muqdisho, ka dib markii aan maqalnay dhawaqa wax u eg duqayn ama aan iraahdo madaaafiic aad u xooganeyd, oo in cabaara socotay."
Maxamed Cali, ayaa yiri "Xarunta Dowladda Hoose ee Xamar waxaa caawa (Xalay) ka socotay munaasabadda 26-ka June, oo loogu dabaaldegaayay munaasabadda 26-ka June. Saacaddu markii ay ahayd abaarihii laba iyo tobankii saqda dhexe (12:00am), ayaa la riday buleer muddo daqiiqado ah socotay oo lagu weyneynaayay munaasabadaasi, waxayse dadka degan Degmada Xamar Weyne iyo degmooyinka kale ee ku dhow dhow u qaateen in magaalada ay duqayn ku socoto ama in xarun la weeraray. Haddee ogow waqtiga buleerta la riday iyadoo inta badan ay dadku hurdeen, qof kasta oo hurdayna wuu ka booday hurdadii uu ku jiray. Mid kasta wuxuu ku cararay teleefankiisii si uu meelaha u gargaraaco, bal waxa meeshaan ka socdo, inuu wax uun ka ogaado!"
Isagoo hadalkiisa sii wata, ayuu yiri "Haddii arrintii la baaray oo la isku soo noq noqday waxaa cadaatay in wixii duqaynta ama weerarka u heysanay ay noqotay baaruud ay dowladda riday. Soo wax layaab leh maaha? In saq dhexe baaruud nalagu argagax geliyo, xaalka magaaladana waad ka warqabtaan. Midda labaad dadku uma baran waa-yadaan dambe in buleer sidaasi u xoogan ay dhegahoodu maqlaan, aan ka ahayn qaraxyo iyo madaafiic. Markaad joogto Magaalada Muqdisho waxaad dareemeysaa in dadka oo dhan ay dhegta u taagan tahay, shanqartii yeertaaba waxaa loo qaadanaya qarax ama hoobiye-yaal. Tanse caawa ka dhacday Magaalada Muqdisho, weli ima soo marin."
Si kastaba ha-ahaatee waxay tani ku soo beegmaysaa, xilli saddex weerar oo dad badani lagu dilay ay ka dhaceen Magaalada Muqdisho, tobankii dambe ee bishii hore ee Ramadan.
.
Nagala soo xiriir Badweynnews@hotmail.com

DAAWO: Madaxweynaha Farmaajo oo Khudbad Hambalyo &...

$
0
0

Jun 26, 2017 -
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo xalay ka qeyb galay munaasabadda xuska 57 guuradii kasoo wareegatay xoriyadda goboladda Waqooyi ayaa halkaas ka jeediyay khudbad xasaasi ah.
Kahor inta aan madaxweynaha loo yeerin ayaa waxaa mikrafoonka qaatay Gudoomiyaha aqalka sare ee barlamaanka Soomaaliya kana soo jeeda gobollada Waqooyi kaas oo yiri "Soomaaliya Ha Midowdo, Soomaaliya Ha Guuleysato" kadibna waxaa uu mikrafoonka ku wareejiyay madaxweynaha DFS Mudane Farmaajo Inkastoo uu magaciisa wax badan ka qalday.
Madaxweynaha ayaa khudbadiisa hambalyada ah uga hadlay labo qodob oo kala ahaa munaababadan, laakiin dhanka kale waxaa uu sheegay in farxada ugu weyn ay tahay in munaasabadan ay kusoo aaday xili uu dalka madax ka yahay.
"Halgankaasi dheer waxaan ka dhaxalnay labo Arrimood oo kala ah Farxad iyo Dhib, Farxadu waxay ahayd inaan helnay Xornimo weyn, laakiin Guul darada ayaa ah Barakac, Qaxooti iyo Burbur ay sababeen dagaaladii Sokeeye." ayuu yiri Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya.
Nagala soo xiriir Badweynnews@hotmail.com

SAWIRRO: Madaxweyne Farmaajo & Arday Boolisnimo ka...

$
0
0

Jun 26, 2017 -
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo, Qaar kamid ah golaha wasiirada iyo Duqa Muqdisho ayaa maanta dhoola-tus ka sameeyay Fagaaraha Daljirka Daahsoon ee magaaladda Muqdisho.
Madaxweyne Farmaajo ayaana waxaa hortiisa dhoola-tus ka sameeyay ciidamo boolis ah kuwaas oo ahaa dhalinyaro ka baxay Jaamacadaha Muqdisho kadibna tababar boolis Jabuuti kusoo qaatay.
Ciidamadan oo isugu jira wiilal iyo dumar ayaa waxaa ay umuuqdeen kuwa si wanaagsan loo soo diyaariyay, waxaana madaxweynaha uu ka gadoomay salaan.
Madaxweyne Farmaajo ayaa halkaas ka jeediyay Khudbad Xasaasi ah oo uu uga hadlay maalinta Xoriyadda gobollada Waqooyi (Somaliland) taas oo ku beegan 26-ka June.
La soco Khudbadda MD Farmaajo & Munaasabadda oo dhan
Nagala soo xiriir Badweynnews@hotmail.com

Internetka Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya oo...

$
0
0

24-kii saac ee la soo dhaafay ayaa magaalada Muqdisho iyo inta badan gobolada Koonfurta Soomaaliya waxaa khalkhal uu ku yimid khadkii intetnetka oo meelo badan ka maqan.

MUUQAAL: Maamulka Somaliland oo DF-Somalia ku...

$
0
0

Jun 26, 2017 -
Afhayeenka Madaxyootada ee maamulka Somaliland ayaa Dawladda SOomaaliya ku eedeeyay Xuska ay u qabato Munaasibada 26-ka June, oo ku beegan Xiligii Gobalada Waqooyi ee Soomaaliya qaateen Xornimada, Islamarkaana calanka Soomaaliya laga taagay Hargeisa, Sidoo kale waxay Dawladda ku eedeeyeen inay Tirtirayso Al-shabaab.
Nagala soo xiriir Badweynnews@hotmail.com


Madaxweyne Farmaajo oo Shaqada ka ceyriyay...

$
0
0

Jun 26, 2017 -
Warar laga helayo Villa Soomaaliya Xarunta Madaxtooyada ayaa sheegaya in Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo shaqada ka eriyay Latalihii amaanka Madaxweynaha Xuseen Macalin Maxamud (Damuumaaye).
Xubin ka tirsan Villa Soomaaliya ayaa Newsomali u sheegay in la diyaariyay warqadii lagu cadeynayay in xilka laga qaaday La Taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macalin Maxamud (Damuumaaye).
Villa Soomaaliya ayaa bilihii Farmaajo joogay waxaa marba marka ka dambeysa ka socday xil magacabis iyo xil ka qaadis, sidaas darteed inay taasi saameyn ku yeelatay Xuseen Macalin Maxamud (Damuumaaye) iyo in kale lama oga.
Wax Faahfaahin ah lagama bixin sababta xilka looga qaaday, waxaana la soo sheegaya in Madaxweynuhu calaamaystay qof kale oo aqoon fara badan u leh arrimaha ciidamada iyo amaanka.
Nagala soo xiriir Badweynnews@hotmail.com

Dib-U-Heshiisiinta: Al-SHabaab in wada hadal toos ah...

$
0
0

[Al-SHabaab waa koox Soomaaliyeed oo hubaysan, waxaadna moodaa in la go'doomiyay oo albaabka loo furay oo ay ka bixi karaan uu yahay oo keliya dagaal iyo colaad!..]
Waa talaabo geesinimo ah oo horay loo qaaday in shir dib-u heshiissin ah ay ku dhawaaqday wazaaradda arrimaha gudaha, waa astaan fiican oo ay ka muuqato in cagta la saaray waddadii lama huraanka u ahayd sidii qaranimmadii Soomaaliyeed loo soo celin lahaa, laakiin dib-u- heshiisiinta lagu dhawaaqay waa inay ka baaxad weyn tahay, nadaamkeeduna uu ka duwan yahay kuwii marar badan la soo qabtay, waa inaan jidkii hore lagu noq-noqon dowladuna la timaadaa siyaasad cusub oo ay kaga duwan tahay siyaasadihii horay loo isticmaalay iyadoo fiirinaysa indhahana ku haynaysa wixii horay u khaldamay iyo sababihii fashiliyay shirarkii dib-u-heshiisiinta ahaa ee horay loo qabtay.....Waa in la fiiriyaa shirarkii hore yaa ka qayb galay? Dalalka shisheeyaha ah kaalintooda maxay ahayd? Maxay u fashilmeen?! Ma is af-garan-waa gudaha ah baa jiray mise gacmo kale baa ku jiray? Maxaa khaldamay sideese u khaldameen? Waa in wax la weydiiyaa saraakiishii Soomaaliyeed ee qabanqaabadooda wax ku lahaa ama wax ka ogaa, lana arkaa xogta qoran ee ay ka diyaariyeen iyo dhaliilaha ku jira....DHibaatooyinka ka hor yimid maxaa ugu waaweynaa ma kuwo farsamo ma khilaaf badan oo laysku af-garan waayay?...
Dowladdu haddii ay muddada sidaas u gaaban ku qabatay shir dib-u-heshiisiin ah runtii waa astaan fiican oo rajo gelinaysa qof kasta oo Soomaalinimadu damqayso, isla markaasna ay xanuujinayso dhibaatada dadkiisa iyo dalkiisa soo gaartay!.... golayaasha dowladda oo ay dhallin yaro badan ku jiraan waxaa ilaa iyo hadda ka muuqda ficilladii iyo qiirradii lagu yaqiinay dhallin yaro dadkoodu dhibaato soo gaartay!....Abaarihii ka waran!... Waxay ahayd xilli tijaabo adag ay la soo gudboonatay guud ahaan dadka Soomaaliyeed,run ahaantii shacabku waa ka soo dhalaalay kaalintiisii....Waxaa nasiib leh ninkuu Ilaahay Soomaali ka dhigay!.....waxaa iyadana mudnaan gaar ah lahayd qaaraankii iyo gurmmadkii ay dhalin-yaradu u fidiyeen dadkii tabaalaysnaa, waad arkaysay rag iyo dumar iyagoo aan kala harin oo qof keliya ah sidii ay ugu guntadeen dadkay aabaartu aafaysay!....DHallin-Yarada!....Ma aha inaan inkirayo guud ahaan kaalintii ay shacab-weynaha Soomaaliyeed ka qaateen gurmmadkii abaarta, dhallin-yarradu waxay muujiyeen inay quwaddii iyo xooggi u adeegayay ummadda haddii ay tahay deeq, haddii ay tahay adeeg,iyo haddii ay talo ahaydba!....
Waxaan soo xasuustay oo maskaxdaydu sawiratay halgankii gobanimo doonka, waxaa ii muuqday dhallin-yaro wada geyfan, dhallin-yaro wada ordaysa!.....DHallin-Yaro ay ka muuqato shacuur wanaagasan oo rumaysan inaan dadkooda cid kale u maqnayn....malaha dhallin-yarradii noocaas ahayd baa bedeshay dhallinyaradii noocii Xasan SHiikh ahayd, ee iskood u danysanaayay intii ay hoggaanka siyaasadda hayeen!.... Dib-u-heshiisiin?! Run ahaantii arrintan ma mid fudud oo ku dhammaan karta kulumo maalin iyo labo laysugu yimaado, waxayse u baahantahay xafiis gaar oo ku soo kordha nidaamka dowladda, kaasoo si joogta ah uga shaqeeya arrimaha nabadeynta heer reer guuraa ilaa heer siyaasadeed oo miizaaniyaddiisu gaar u tahay, oo hoos taga xafiiska madaxda sarsare ee dalka; Madax-weynaha, Ra'iisal-wazaaraha, wazaaradda arrimaha gudaha, taliska ciidanka sir-doonka Soomaaliyeed iyo hawl wadeeno heer kastaba leh laakiin lagu soo xulay daacadnimo, geesinimo iyo dhaqan aqoon...
Waxaa iyadana lama huraan ah dowladdu inay bedesho habka qalafsan ee ay u wajahayso arrimaha Al-SHabaab, maxaa yeelay way ogtahay in iyaga iyo Al-SHabaab aan lagu talo gelin inay kala adkaadaan, sidaas daraadeed arrintu uma baahna madax-weyne tuuto soo gashta, umana baahna hanjabaad iyo isa soo dhiiba, laakiin waxay u baahantahay caqli iyo feker aad looga baaraan degay, iyo in la joojiyo duqaynta ciidammada shisheeyaha ah ay ku hayaan, dowladuna ay si cad ugu dhawaaqdo xabbad joojin iyo in Al-SHabaab miiska wada hadalka soo fariisato iyadoo markaas ka dib laga wada tashanayo qaabka wada hadalka, ammaanka xubnaha Al-SHabaab ka imaanaya oo iyada ah arrinta ugu muhiimsan si kalsooni iyo is-aaminaad loo helo...Al-SHabaab waa in lagu dayaa hab nabadeed ay soo diyaariyeen dad-Soomaaliyeed maadaama habkii dalalkii aan aqoonta iyo khibradda bideynay uu ku soo ururay oo keliya dagaal iyo waxbaan duqaynaynaa!...[Marka dib-u-heshiisiinta laga hadlayo, waxaa mar kasta la moodaa in kaalinta sir-doonka maqantahay!]
Dib-u-heshiisiintu waa inay yeelataa hay'ad sida hay'adaha kale ee dowladda u dhisan oo caadi u shaqaysa haddii aysan noqonayn wazaarad buuxda, taasoo shaqadeeda noqonayso ka hor tagga iyo maareynta xaaladaha abuuri kara colaadaha, dib-u-heshiisiinta, ogaanshaha iyo la socoshada kaalinta ergooyinka shisheeyaha ah ay ku leeyihiin hurinta xiisadaha gudaha ka aloosan, iyo diyaarinta barnaamijo dad-weynaha ku baraarujinaya ilaalinta nabad-gelyada isla markaasna qabanaya taba-baro la xiriira arrintaas sanadkiiba mar ama labo mar (hadba sida la qorsheeyo). Hasa ahaatee, ma aha in maalin kasta aan marno jidkii iyo qaababkii horay loogu fashilmay ee aan ka baranay shirarkii dib-u-heshiisiinta ee dalalka shisheeyaha ahaa ay inoo qaban jireen, ee kolba kooxda danaha dalalkaas ka soo hor jeedda ama la tuhmayay loo diidayay inay qayb ka noqoto dib-u-heshiisiinta.
Dib-u-heshiisiinta aan u baahan nahay waxaa loo kala qaadi karaa ilaa seddex qaybood oo waaweyn oo is garab socda; marka hore waxaa muhiim ah in wada-hadalo nabadeed lala galo qaybaha dagaalsan ama dudsan, ee dhibaatada ku haya nabad gelyada bulshada, deggenaanshaha iyo midnimmada ummadda iyo dalka, magac ahaan Al-SHabaab iyo Somaliland. Midda xigta waa in la fahmaa oo la ogaadaa colaadaha iyo murannada dhex yaala bulshooyinka wada yaala loona dhigaa gogol nabadeed deegaan kasta oo khilaaf uu ka jiro si gaar ahna dib u heshiisiin loogu qabto iyadoo laga duulayo deegaan kasta xaalladihiisa iyo xeerarkiisa gaarka ah ee soo jireenka ahaa ee bulshada deegaankaas wadaagto. Iyo qaybta seddexaad oo ah soo nooleynta dareenkii Soomaalinimmada, wadan jacaylka, iyo guud ahaan midnimmada ka dhexeysa ummadda Soomaaliyeed; dhalashada, dalka, diinta, afka, (Qaranimmada) taasoo ka mid noqonaysa manhajka (Curriculum) wax-barashada ardayda dugsiyada oo dhan si qasab ah, haddii ay tahay dugsiyada gaarka loo leeyahay iyo kuwa guud ee dowladdu maamushaba, sidaasoo kalana ay qasab tahay inay war-baahin kasta ka qayb qaadato faafintiisa....
SHirkii dib-u-heshiisiinta ahaa ee dowladdu qabatay 10casho ka hor, runtii wuxuu ahaa talaabo horay loo qaaday oo dhiiri gelinaysa inay ummaddu wada hadasho, waxaase la moodaa inuusan waxba ka duwanayn kuwii horay loo soo qaban jiray, siiba marka aad fiiriso Ergedii ka soo qayb gashay waxaad arkaysaa in dadka meesha isugu yimid ay ahaayeen intii is taqaanay oo maalin kasta kulmi jirtay oo aan iyagu awalba xog isku seeganayn....waxaa indhahaagu si cad u qabanayaan in kaalinta Sir-doonka ay ku kooban tahay war-bixino ku salaysan oo keliya intaas baan xirnay, iyo intaas baan qabanay!....laakiin waxaa meesha ka maqan kaalin intaas oo dhan ka muhiimsan oo ah in sir-doonku ay dhisaan buundo qarsoodi ah oo ay ku diyaarinayso sidii wada hadal u dhex mari lahaa dowladda iyo xoogagga hubaysan ee la dagaalaya sida Al-SHabaab....Waxaa laga faa'idaysan karay saraakiil faro badan oo loo xiray xiriir ay la lahaayeen ururkaas, sida General Cabdi Max'ed Ismaaciil, oo isagu ahaa taliyhii ciidanka asluubta Soomaaliyeed oo maxkammadda ciidammada ay ku heshay inuu xabsiga ka sii dayn jiray xubnaha ururkaas ka tirsan ee la soo qabto!.... marka waxaa loo baahan yahay sir-doonku inuu kaalintiisa balaariyo oo uusan isku soo kooban oo keliya nin baan qabanay iyo mid baan ku raad joognaa, mana aha inay u shaqeeyaan sida sir doonka shisheeyaha ah ee dalka jooga.[Al-SHabaab waxaa muuqata inay xiriir wanaagsan leeyihiin dalal shiheeye ah maxaa u diiday dowladda Soomaaliyeed?!]
Al-SHabaab waa urur ilaa laga soo bilaabo 2005tii iyo 2006dii soo dhisnaa, waxay ahayd inay markaan gaaraan bisayl siyaasadeed oo ay wax kaga bedelayaan barnaamijkooda maadaama aysan jirin wax horumar ah oo ay urur ahaan ku gaareen, walina ay taaganyihiin meeshii ay ka bilaabeen....Waxay ahayd inay bedelaan dagaalka aan macnaha lahayn ee ay ku dhinteen kumanaan aan waxba galabsan oo ay ku jiraan dad wax ku ool u ahaa dadka iyo dalka, saraakiil ciidan oo waayo aragnimo qoto dheer lahaa, culumaa'u-diin, arday, dhalin-yaro, siyaasiyiin, iyo dad biri-ma-geydo ah sida; odayaal. hooyooyin, waayeel, bukaan, caruur yar-yar, iyo shacab aan dagaal ku jirin..... Al-SHabaab waxaa kale oo aysan fahmin ama aan u qiyaasnayn heerka khatarta ay siyaasadooda dalka u horseedday!
Waxa keliya ee Al-SHabaab ay sheegato, waxa keliya ee ay ku faanto, waxay noqdeen wax yeellada dadka iyo dalka Soomaaliyeed; waa dilnay, waa gubnay, waa qarxinnay!....Al-SHabaab waxaa looga fadhiyaa inay iyada dib isugu noqoto, inay dib u fiirin ku samayso muddada ay dhisnayd maxay ku soo kordhisay dadka iyo dalka oo aan ahayn qarax, dil, bara-kac, misaajiddii oo laga haajiro iyo dagaalo aan dhammaad lahayn?!.... Al-SHabaab wax kasta oo uu qorshaheedu yahay tallada waxaa la leh ummadda Soomaaliyeed, waxaana la gudboon inay ummadda la hadasho, gogosha wada hadalka soo fariisto si shuruurd la'aan ah, haddii ay taas yeesho ayey tallaabadaas noqonaysaa guushii ugu horeysay ee Al-SHabaab ay sheegato taariikhda ummadana ay xusi doontaa.....
Dalka aad baa loogu dhex jiraa, ciidamo shisheeye, sir-doonkii dunida oo dhan, Mafio qaabab iyo nidaamyo kala duwan (ganacsato, magaca dowladeed, magac sama-fal, maal-gashi...) oo aan cidina ka war hayn siyaabaha ay u hubaysan yihiin, hubabka ay keenaan, lagana yaabo inay jiraan kuwa hubeeya Al-SHabaab marka laga soo tago dowladda Qatar oo iyadu taageerada Al-Shabaab ku can baxday iyadoo ujeeddadeedu tahay inay dulaal ka noqoto dibindaabyada loo geysanayo si ay uga dhex muuqato masraxa siyaasadeed ee dalalka xoogga is biday. Mar haddii uu xaalka dalku yahay sida guri aan deyr iyo ood lahayn oo balo kasta uu u furanyahay, waxaa loo bahan yahay inay dowladu nidaamkii ilaalin lahaa siyaasadda shirka dib-u-heshiisiinta, nidaamkii ilaalin lahaa siyaasadda hoggaaminaysa wada tashiyada ama wada hadallada heer Tuulo ilaa heer Qaran....[Ciidammada AMISOM wadamo kale oo dannahoodu aad u qoto dheeryahay baa dalka keenay!]
Dowladaha ciidammadooda AMISOM ka tirsan yihiin maalin kasta waxay ku celcelinayaan inaysan ciidammadooda Soomaaliya ka baxayn ilaa Al-SHabaab laga adkaado, oo sidee baa looga adkaan?!....waa la laynayaa miyaa?!.... SHaki iigama jiro dalal badan ciidankooda la bixi lahaayeen laakiin waxaa gadaal ka soo riixayay dalal joogitaanka ciidammada dalalkaas dano ka leh, tusaale ahaan ciidmmada Kenya markii ay dalka soo gelayeen waxaa ka horeeyay faro gelinta dowladda Norway ee xudduda badda ee Soomaaliya iyo Kenya iyadoo markaas uu qorshaha Norway ahaa in qaybaha badda Soomaaliya ee shidaalka uu ku jiro ay ku wareejiso dalka Kenya, si arrintaas loo xaqiijiyana ciidammada Kenya ayaa magaca AMISOM lagu soo geliyay dalka, waxaana taas ku xigtay booqashadii ra'iisal wazaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu uu ku tegay Kenya isagoo u xaqiijinaya taageerrada uu dalkiisa la garab taagan yahay Kenya....Taageerada israa'iil ee dalka Kenya waligeedba waa soo jirtay, laakiin waxaa is weydiin mudan maxaa sheegisteeda iyo isa soo feero qaawinta Netanyahu ku soo aadiyay xilligii ay ciidammada Kenya soo galeen dalka Soomaaliya?!....
Marka aad isu geyso dhaqanka Norway, ee la xiriira arrinta biyaha Soomaaliya iyo ballan qaadka Israa'iil, oo aad si miyir qab ah isugu tosho arrimaha waxaa kuu soo baxay in ciidammada Kenya iyo kuwa kale ee AMISOM aysan Soomaaliya u imaan barnaamijka dadka Soomaaliyeed loo sheego ee ah inay dowladda xagga ammaanka ka caawinayaan....waa laga yaabaa inay qaarkeen sidaas rumaysnayn inkastoo la oran karo waa kuwo is yeel-yeelaaya!..... Balse ka waran ciidammada Soomaaliyeed ee ay qoranayaan dowladaha shisheeyaha ah, ee ay siinayaan mushaarka faraha badan, iyo xannaanada dheeriga ah ee aysan dowladda Soomaaliyeed u heli karin ciidammadeeda?! Ciidammada noocaas khatarta ugu weyn ee ay leeyihiin oo ay ka faa'idaysteen dowladahaas waxay tahay inay yihiin dhalin-yaro aad u yar-yar oo aan dowlad iyo Qaran Soomaaliyeed soo arag!...waxaa aad u haboon in ciidammada noocaas ah ama dhallin yaradaas barnaamijo ama war-baahin iyaga gaar u ah si loo baro ummadooda iyo dalkooda....
Al-SHabaab, waa inay ku dhawaaqaan inay diyaar u yihiin ka qayb qaadashada shirarka dib-u-heshiisiinta ah ee socda, waa inay ku talo gashaa codsiyadooda badankood inaan la yeeli doonin oo ay fahmaan isla markaasna tix geliyaan xaaladaha gaarka ee ay dowladdu ku sugantahay iyagoo waliba indhaha ku haya marxaladda uu marayo dalka iyo in sida looga bixi karo ay tahay iyadoo qof kasta oo muwaadhin Soomaaliyeed ah uu kaalintiisa si hagar la'aan ah ka qayb qaato sidii loo soo celin lahaa qarankii Soomaaliyeed!....Al-SHabaab, waa inay tijaabisaa habka wada hadalka maadaama hababkii kale oo dhan ay natiijadoodii noqtay burbur joogta ah iyo in ummaddii dib qaranimadeeda u soo ceshan weydo.Axmed-Yaasiin Max'ed Sooyaan.
The post Dib-U-Heshiisiinta: Al-SHabaab in wada hadal toos ah lala galo maxaa diidaya?!.. appeared first on Puntland Post.

Dadka Jabuuti oo u dareeray xuska sanadgurada 40-aad...

$
0
0

Dadka reer Jabuuti waxa ay kamid yihiin shucuubta Afrika ee halganka u soo galay sidii ay u noqon lahaayeen dad xor ah oo leh dowlad madax-bannaan,iyagoo ku guuleystay 27-kii Juun sanadkii 1977-dii in ay soo afjaraan gumeysigii Faransiiska oo dalkaasi maamulayey muddo ka badan 120-sano
Dhulka Jabuuti waxa uu kamid ahaa gobolada dhaca geeska frika ee Joqraafi ahaan iyaga iyo Soomaaliya la isku oranjiray Puntland (dhulkii udugga),waxaana dhamaadkii qarnigii 18-aad iyo bilowgii qarnigii 19-aad Faransiisku uu ula baxay magaca ah dhulka Faransiiska ee Somaliland ,halka sanadkii 1967-dii magacaasi uu u badalay dhulka Faransiiska ee Canfarta iyo Ciisaha, tobansano kadibna dadka reer Jabuuti ayaa u codeeyay madaxbanaani calaamad looga dhigay Jamhuuriyadda Jabuuti
Sanadihii 1839-1942-dii waa markii ugu horeysay ee gumeysiga Faransiiska uu sahan ku tagay dalka Jabuuti,isagoo ku andacooday in uu raadinaayo goobo uu ka fushado danahiisa ee dhinaca Xeebaha badda Cas ,wuxuuna Jabuuti ugu magac-daray dhulka Faransiiska ee Somaliland,kadib markii sanadihii 1869-1888-87-dii uu heshiis la galay odoyasha beelaha dalkaasi si ay ugu ogolaadaan in uu raaciyaddiisa ku ballaariyo gacankaTajura,halka uu gacanta ku hayey magaalooyinka Obokh,Dikhil iyo kuwo kale.
Gobolada Woqooyi iyo Koonfurta dalka Soomaaliya waxaa sidoo kale ka jiray gumeysi lamid ah kii Faransiiska ee xeebaha Jabuuti ,kaas oo ay horseed ka ahaayeen dalalka Ingiriiska iyo Talyaaniga,waxayna arimahaasi ay abuuureen in la yeeshi iska warqab .isla markaana la isu taago sidii meel looga soo wada jeesan ahaa quwadaha shisheeye ee geyiga u yimid in ay ka gurtaan kheyraadka dabiiciga ah.
Dhaq-dhaqaaqii xornimo doonka Soomaaliya ee ay garwadeenka ka ahaayeen dhallinyarada, waxaa islamarkiib ay ku baaheen dalka Jabuuti ,tallaabadaasina waxa ay sababtay in dhallinyaro.aqoonyahan iyo waxgarad kale ay u qummaan sidii looga hoo-sbixi lahaa maamulkii Faransiiska .
Sanadihii1958-dii dowladda Faransiiska oo taageero ka heysatay beelo dega dhulka Jabuuti iyo kuwo Soomaali ah oo daba-dhilif ah ,ayaa qabatay afti dadweyne oo kusaabsan in Jabuuti ay kusii jirto maamulkii Fransiiska iyo in ay qaataan madaxbannaani,waxaana arintaasi ay ku dhamaatay in dadka Jabuti ay ku sii jiraan maamulkaasi.
Codeynta aftidaasi,ayaa lagu tilmaamay in ay ku dhacday qaab kushubasho ah oo ay daneynayeen Faransiiska,waxayna arintaasi kallifatay in shacbiga Soomaaliyeed ay colaad iyo naceyb u qaadaan Dowladda ajanabiga ah ee Faransiiska.
Siyaasiyiinta badan oo uu kamid ahaa Maxamuud Xarbi ayaadoonayey in Jabuuti ay la midowdo Soomaali,isagoo xilligaasi ahaa ku xigeenkii golaha xukuumadda ee maamulka dhulka Faransiiska,wuxuuna sanadkii 1960- ku dhintay shil diyaarad oo lagu micneeyay in uu ahaa shirqool ay maleegeen cadowga shisheeye.
Maxamuud Xarbi oo ahaa siyaasi jecel midowga dadka Soomaaliyeed,isla markaana ka horjeeday gumeysiigii caddaanka,waxaa dowladda Soomaaliya ee fadhigeedu aha magallada Muqdisho ay ku sharaftay in marxuumkaasi magaciisa loogu yeero mid kamid ah dugsiyada waxbarashada ee caasimadda Soomaaliya.Cali Caarif Burhaan oo sanadihii 1960-1966-dii qabtay jagadaasi uu banneeyay marxuumkaasi,waxa uu ahaa nin neceb midowga dadka Soomaaliyeed,waxaana sanadahaasi magaalada Muqdisho iyo kuwo kale lagu qabtay bannaanbaxyo lid ku ah siyaasigaasi.
Walow ay jireen dhaqdhaqaaqyo ka horjeeday maamulkii Fransiiska sida Somali Pan,haddana sanadkii 1963-dii wixii ka dambeeyay waxaa xoogeystay kacdoonkii la magacbaxay xoreynta xeebaha jabuuti,taasina waxa ay dhalisay in dad badan ay naftooda,halka kuwo kale uu soo gaaray dhaawacyo naafeeyay xubno kamid ah jirkooda,waxaana intaa dheer kumanaan ruux oo laga masaafuriyay dalka Jabuuti iyo qaar kale oo laga buuxiyay xabsiyo gaar ah oo ay maamulayeen gumeysiga Faransiiska.
Inkastoo dadkaJabuuti ay jeclaayeen in ay ku soo biiraan Soomaali weyn ,haddana, Waxaaj iryay cabsi laga qabay dowladdii ay maamulka u hayeen ciidamada mileteriga e ku saleysnaa xukun keli talis ah iy arimo kale oo la xiriiray quwadaha shisheeye oo aan dooneyn in awoodda dadka Soomaaliyeed ay ku fiddo geeska Afrika,ayaa keentay in uu isbedel ku yimaado hankii ama hammigiil la doonayey in la gaaro.
Aftila qabtay 8-dii May 1977-dii dadka ree, waxa ay u codeeyay in ay doonayaan madax-bannaani,iyagoo bil kadib27-kii June 1977-dii u dareeray doorashooyin uu ku soo baxay madaxweynihi i ugu horeeyay ee dalka Jabuuti Mudane Xasan Guuleed Abtidoon oo talada ka dagay sanadkii 1999-dii
Xafladdii caleemo saarka ee Madaxweyne Xasan Guuleed,waxaa dowladda Soomaaliya uga qeybgala Mudane Xuseen Kulmiye Afrax oo ahaa madaxweyne ku xigeenka iyo qaar kamid ah wasiradii xukuumaddii mileeriga ee dalka,waxayna shacbiga reer Jabuuti la qeybsadeen farxadda callan-saarka iyo munaasabadihii kale ee lagu maamuusay 27-ka Juun.
Sanadkii 1999-kii dalka Jabuuti waxaa lagu qabtay doorashooyin ku dhisan habka xisbiyada badan,waxaana ku soo baxay MudameIsmaaciil Cumar Geelle oo la tilmaamo in uu dalka gaarsiiyay horumar baaxad leh oo la taaban karo.
Haddaba maanta oo ah 27-ka Juun ee xuska sanadguurada 40-aad ee ka soo wareegatay markii dalka Jabuuti uu sandkii 19770dii xoriyaddiisa ka qaatay dalka Faransiiska,waxaa dabbaaldegyo iyo xaflado lagu maamuusaayo maalintaasi ay ka kala dhacayaan dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti,kuwaas oo ay ka qeybgaleen madaxda iyo shacabka labada dal.
Munaasabadda 27-ka Juun oo sanadkiiba mar la qabto waxaa lagu soo bandhigaa halgankii ay dadka Jabuuti u soo galeen xoriyadda iyo sida loo sii xoojin karo howlaha ku aadan horumarka socda iyo kuwa la rajeynayo in la qabto mustaqbalka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa dhambaal hambalyo ah oo ku aadan xuska munaasabadda sanadguurada 40-aad ee ka soowareegatay markii la helay xoriyadda dalka Jabuuti aawadeed u diray guud ahaan shacbiga Soomaaliya,gaar ahaan dadka reer Jabuuti ee ku kala nool gudaha dalka iyo dibadda.Madaxweyne Ismaaciil oo xalay la hadlay dadka reer Jabuuti ayaa xusay halgankii dheeraa ee loo soo galay xoriyadda dalkaasi iyo guulihii ay ka soo hooyeen kacdoonadii lagu tuuray gumeysiga,wuxuuna u rajeeyay dadka reer Jabuuti in sanadkaan kiisa kale ay ku gaaraan barwaaqo iyo baraare.Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo iyo qaar kamid ah golaha xukuumadda iyo kan shacabka,ayaa iyaguna dhambaal hambalyo ah oo la mid ah kaa u diray shacabka iyo xukuumadda reer Jabuuti
DalkaJabuuti oo ah waddankii ugu dambeeyay ee xotiyad ka qaata mustacmiraddii Faransiiska ee qaaradda Afrika sanadkii 1977-dii waxa uu dhacaa Jugraafi ahaan dhul Istraatiiji ah oo kulaala badda Cas yo gacanka Cadmeed,islamarkaana xuduudo la leh dalalka Soomaaliya,Ereteriyai yo Iyoobiya
Dhowr iyo labaatankii sano ee u dambeeyay dalka Jabuuti waxa uu ku tallaabsaday horumar lixaad leh oo aysan gaarin Soomaalida kale oo lagu tilmaamo in uu ku yimid dib u dhac la mid ah sanadihii ay soo kabteen dadka reerJabuuti,waxana xilligaan ka muuqda dhismaha dekedo iyo waddooyin tareenoo dalka soo gelin kara dhaqaalo badan oo wax ku ool ah.WQ Shire Xasan Kulmiye

Xogtii Ugu dambeysay Markab Dagaal oo ku Qarxay...

$
0
0

Jun 27, 2017 -
Markab nuuca Dagaalka ah ayaa Ku Qarxay Xeebta Degmada Caluula ee Gobolka Bari, waxaana la sheegay inuu degay markii uu Qarxay ka dib,lamana oga Dalka iska leh.
xeebaha dalka Soomaaliya ayaa waxaa jooga maraakiib dagaal kuwaas oo kasocda wadamo badan isla markaasna waxa ay sheegaan in ay maraakiibta ka ilaaliyaan burcad badeeda waxaana jira sidoo kale maraakiib si sharci dara ah uga kaluumeesta xeebaha Soomaaliya.
wadanka markabka laga leeyahay iyo qasaaraha ka dhashay waxaan xooga saari doonna in aan soo ogaano isla markaana aan idin so gudbino faafaahin.
Nagala soo xiriir Badweynnews@hotmail.com

DAAWO: S/Land oo Weerarkii Ugu Dambeeyay ku qaaday...

$
0
0

Jun 27, 2017 -
Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cismaan Cabdullahi Saxardiid (Cadaani) ayaa weerar ku qaaday dowladda Soomaaliya iyo madaxweyne Farmaajo isagoo usheegay in maalinta 26-ka June ay tahay maalin ugaar ah Somaliland.
"Dadka waxbaa isaga qaldan, waxaa ay moodaan in maalintan ay Soomaali ka dhaxeyso, maalintan waxaa gaar u leh Somaliland"ayuu yiri Wasiir Cadaani oo dhanka kale faah faahiyay sababta ka dambeysa iney muhiim siiyaan 18-ka May oo aysan si wanaagsan u xusin 26 June.
Dhanka kale Cadaani ayaa weerar ku qaaday Idaacadaha VOA iyo BBC oo uu ku sheegay kuwa dhibaato ku ah Somaliland, maadaama ay Somaliland weli ku daraan Soomaaliya.
Nagala soo xiriir Badweynnews@hotmail.com

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live