Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Qiyaanada loo maleegayo Xadeynta Badda Soomaaliya iyo qorshaha ka dambeeyay in lagu iibsado

$
0
0

Iyadoo mudooyinka uu guux weyn ka jiray qorshaha lagu iibsanayo Badda Soomaaliya, isla markaana is fahamo badan uu ka jiray ayaa waxaa isa soo taraya qiyaanada loo maleegayo arrinta ka dmabeysa xadeynta Badda Soomaaliya. Dhowr isku dayo oo la damacsanaa in lagu socodsiiyo, ayna gadaal ka riixayeen Diblomaasiyiin Soomaaliyed ayaa waxaa hada xoogiisa yahay in [...]


Dowladda Kenya oo xaqiijisay in Haweeneydii Faransiiska lala galay Somalia

$
0
0

Dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaaday in Haweeneydii Faransiiska u dhalatay lala galay dhulka Soomaaliya, kadib markii uu fashilmay isku day la doonayay in lagu hor-istaago, iyadoo iska hor imaad uu dhex maray Ciidamada Badda Kenya iyo Dableyda Soomaalida ah. Haweeneydan ayaa waxaa afduubtay ragg hubeysan oo ka kaxeystay meel loo dalxiis tago oo ku [...]

Dhibaatooyin culus oo ka taagan deegaanka Gawaan ee magaaladda Dhuusa Mareeb “Daawo Sawirada”

$
0
0

Xaalad cakiran ayaa waxay ka taagan tahay tuulada Gawaan oo qiyaastii 50km u jirta magaaladda Dhuusa Mareeb ee Gobolka Galgaduud, iyadoo dadka ku dhaqan ay ka soo yeereyso qaylo dhaan xoogan.
Xaaladda cakiran ee ka jirta tuulada Gawaan, ayaa waxay salka ku heysaa biyo la’aan ba’an oo soo wajahday tuulladaasi, kadib markii uu jabay ceel biyood ay ka helli jireen biyo wanaagsan oo ku fillan.
Ceel-biyoodka jabay ayaa waxaa weeye isha kaliya ee ay biyuhu ka cabi jireen boqolaalka ruux ee ku dhaqan tuullada Gawaan, oo dhacda duleedka magaaladda Dhuusa Mareeb ee Gobolka Galgaduud.
Shacabka ku dhaqan deegaanka Gawaan ayaa waxay muujiyeen qaylo dhaan xoog leh, waxayna u qaylo dhaamiyeen qeybaha kala duwan ee bulshada Somaliyeed iyo Hay’adaha Gargaarka ah ee ka hawl-galla gudaha dalka Soomaaliya.
Qaylo dhaanta xoogga leh ee ka soo yeertay shacabka ku dhaqan tuullada Gawaan, ayaa waxaa jawaab ka bixisay Hay’adda Samafalka iyo Dib u Dhiska Bulshada Somaliyeed “Somali Social Relief and Reconstruction Organisation”, oo iyadu dadkaasi u geysay booyada biyo ah.
Hay’adda Samafalka iyo Dib u Dhiska Bulshada Somaliyeed “Somali Social Relief and Reconstruction Organisation”, ayaa waxay bilowday inay gacan ka geysato qaylo dhaanta ka soo yeereysa shacabka ku dhaqan deegaanka Gawaan, kuna aadan biyo la’aanta baahsan ee heysata.
Kolka ay Hay’addu biyaha geysay deegaanka Gawaan, ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyay shacabka ku dhaqan deegaankaasi, waxayna qaarkood sheegeen in tani ay ku noqotay mid aysan filleen, isla-markaana waxay muujiyeen sida xoogga leh ee ay ugu mahad-celinayaan.
Biyo la’aanta baahsan ee ka jirta deegaanka Gawaan, ayaa waxaa sida la-sheegay ugu geeriyooday laba caruur, halka dad badanina ay dhibaato xoogan kala kulmeen, biyo la’aanta baahsan ee soo wajahday dadkaasi, iyadoo ay jiraan xoolo badan oo u la’day biyo la’aanta soo wajahday.
Shacabka ayaa waxay qaarkood sheegeen inay heysato wax la’aan baahsan, ayna dhinac ka saameysay abaaraha baahsan ee ka jira Gobolada Dhexe, waxayna Jaaliyadaha Somaliyeed iyo Hay’adaha Deeq bixiya-yaasha ah, ay ka dalbadeen inay gacan u soo fidiyaan.
Madaxa Hay’adda Samafalka iyo Dib u Dhiska Bulshada Somaliyeed “Somali Social Relief and Reconstruction Organisation” Mudane Cabdi Nuur Sheekh Cali Maxamed, ayaa wuxuu Hay’adaha ka hawl-galla gobolka uu ugu baaqay, inay gacan ka geystaan qaylo dhaanta baahsan ee ka soo yeereysa shacabka ku dhaqan deegaanka Gawaan.
Deegaanka Gawaan oo qiyaastii 50km u jira magaaladda Dhuusa Mareeb, ayaa waxaa xilligaan ka jirta biyo la’aan baahsan, waxayna dadku ay muujinayaan sida ay biyo la’aanta baahsan u soo wajahday.







Laba nin oo lagu qalay magaaladda Kismaayo iyo shacabka ku dhaqan magaaladda Kismaayo oo argagax ka muujiyay

$
0
0

Waxaa maanta magaaladda Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose lagu gawracay laba nin oo dhalinyaro ah, iyadoo shacabka ku dhaqan magaaladda Kismaayo ay amuurtaasi ka muujiyeen argagax xoog leh.
Meydadka labadaan nin oo qoorta laga soo jaray, ayaa waxaa maanta la-soo dhigay meel si weyn ugu dhaw garoonka diyaaradaha ee magaaladda Kismaayo, iyadoo aan la-ogeyn sababaha dhabta ah ee loo-gawracay.
Meydadka labadaan nin oo aan la-aqoonsan, ayaa waxaa dilkooda loo-maleeyay inay ka dambeysay Xarakada Al Shabaab, maadaama ay iyadu sameyso dhacdooyin noocaanoo kala ah, isla-markaana gacanta ku heyso magaaladda Kismaayo oo dhan.
Shacabka ku dhaqan magaaladda Kismaayo oo arintaan argagax xoog leh ka muujiyay, ayaa waxay qaarkood ay warbaahinta u sheegeen in arintaan ay iska cadahay cidda dhabta ah ee ka dambeyso.
Xarakada Al Shabaab ayaanan ka hadlin dhacdadaan oo ay maanta walaac xoogan ka muujiyeen, shacabka ku dhaqan qeybaha kala duwan ee magaaladda Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Dhakhaatiirta Turkey oo soo gabogabeysay Hawlgalkii Caafimaad ee ay Puntland ka wadeen kana dhoofay dalka (Sawiro)

$
0
0

Wasiirka caafimaadka oo ka hadlaya xafladii sagootinta ee casho sharafta
Boosaaso: Dhakhaatiirta wadanka Turkey ee hawlaha caafimaad ee Taborucaadka ah ka waday Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Boosaaso ayaa maalintii Jimcaha soo gabogabeeyey taborucaadkii caafimaad ee ay wadeen intii u dhaxaysay 22-Sept/30-Sept-2011. Dhakhaatiirtu waxay taborucaad caafimaad u fidiyeen dad ku dhow 3000 oo qof oo ku kala nool Boosaaso iyo Gaalkacyo.
Dhakhaatiirtu waxay hawlgalkooda kusoo gabogabeeyeen Isbitaalka guud ee Bandarqaasim ee Magaalada Boosaaso waxayna ku qaabileen dad gaaraya 1439 qof oo 4 maalmood  ay shaqo culus ka wadeen Isbitaalka, Qaliimada ay sameeyeen oo aad u cuslaa waxay gaarayaan 46 qof Isbitaalka Boosaaso oo kaliya.
dhakhaatiirta oo booqanaya qaybaha caruurta eegayana file lashooda xogta loogu aruursho
Hawlgalkii Caafimaad ee ay dhakhaatiirtu wadeen muddada yar waxaa ku diirsaday dadweynaha caafimaadka loo fidiyey iyo guud ahaan shacabka Puntland waxaana caawin helay dad aan haysan waxay isku daaweeyaan. Waxyaabaha ugu xasuusta badan sanadkan ee ay dhakhaatiirtan sameeyeen waxaa ka mid ah gurmadka ay u fidiyeen labo caruur ah kuwaas oo xaaladahooda caafimaad aad looga naxayo labada ilmood oo gabdho ah mid indhaha oo malaasan ayay ku dhalatey waxayna ahayd reer Puntland waxaa loo qaadey wadanka Turkey oo caawimaad caafimaad ay ka heshay, gabadha kale waxay qabtey oo ay dhakhaatiirtu ka heleen Cudurka Kansarka oo diley gabadhan yar naxdin iyo murugo ayay aragtideedu u lahayd qof walba oo jirkiisu naxayo oo bini aadam ah. Gabadhan waxa uu cudurkaasi ka qaadey qoloftii kore ee madaxeeda, waxa uu naafeeyey carabkeedii, bishimaheedii wuxuuna muuqaalkii ka dilay jirkeeda xaalkeeduna waxa uu waalidkeed ku ahaa walwal iyo naxdin joogta ah.
Wasiirka maaliyada Faarax Cali Shire oo Shahaaado sharafeed gudoonsiiyey Dr.Ahmed
Qoyska ay ka dhalatey gabadhan waxay ahaayeen dad aan waxba haysan oo dagan Kaam ku yaala Xeryaha Barakacayaasha ee Boosaaso lana yiraahdo Buulo Mingis waxay kasoo qaxeen Magaalada Baydhabo iskadaa gabadha caafimaadkeedee waxaa aysan helin mararka qaarkood saddexda waqti inay wax cunaan. Nasiib wanaag walwalkii iyo niyadjabkii haystey qoyska ay gabadhan ka dhalatey iyo dhamaan intii aragtideeda ka naxday markii ay aragtey ayna ka mid ahaayeen madaxda wasaaradda caafimaadka iyo shaqaalaha caafimaadka waxaa ka farxiyey mar kaliya dhakhaatiirta Turkey oo jirkoodu u damqaday gabadhaas waalidkii iyo dadkii gabadha ku dhex arkay Isbitaalkana kaga farxiyey inay wax u qabanayaan oo ay gaynayaan Isbitaal ku yaala dalkooda gaar ahaan magaalada Stanbul.
wasiirka caafimaadka Dr. Cali iyo wasiirka maaliyada Dr. Faarax oo booqdey bukaanadii qaliinka ay ku sameeyeen dhakhaatiirtu iyadoo ay la sheekaysteen ayna bukaanadu u sheegeen inay ladan yihiin
Dhakhaatiirtu waxay Fiise u dalbeen gabadha iyo hooyadeed iyagoo waliba bixiyey lacagtii ay ku samaysan lahaayeen Boosaboorka Soomaaliga ah maadaama aysan qoyskaasi heleen hadii la oran lahaa Baasaboor soo qaata.Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in gabadha yar iy hooyadeedba ay ka dhoofaan Boosaaso kana dagaan Muqdisho oo ay diyaarad Stanbul toos u gaynaysa ay ka qaadi doonto.
Prof. Maxamed Jaamac Salaad oo bukaan neerfayaasha wax ka qaba xaaladiisa eegaya
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka dowladda Puntland Dr. Cali C/laahi Warsame ayaa uga mahadceliyey dhakhaatiirta Turkey  gurmadka ay u fidiyeen gabadha cudurka Kansarku uu diloodey ee xaalkeedu liito, wasiirku waxa uu dhakhaatiirta ilaahay uga baryey inuu gargaarkooda ugu badalo ajar iyo xasanaad. Dadweynihii joogay Isbitaalka ee loo sheegay in gabadha la qaadayo ayaa iyaguna duco afka ku kala qaadey una ducaynayay dhakhaatiirta Turkey iyadoo ay halkaasina ka dhacday farxad aad u balaaran oo qof walba laga dareemay inkastoo muuqaalka gabadha yar ee uu cudurkaasi u gaystayna uu ahaa mid naxdin  iyo murogo leh marka aad eegtana ay ilmadu kusoo dhaafayso.
oday bukaan ah oo wasiirada uga waramayay sida ay ugu diirsadeen hawlgalka caafimaadka ee dhakhaatiirta isagoo uga mahadceliyey dowlada kaalinta ay ka ciyaartey
Gaalkacyo ayay sidoo kale dhakhaatiirtu ka sameeyeen hawlo caafimaad oo baaxad leh waxaana ay dhakhaatiirtu sheegeen inay soo noqon doonaan sanadka danbe waqtigan oo kale iyadoo ay inta ay hada yihiin ka tiro badan yihiin. Waxay sheegeen inay farxad kala tagayaan Puntland ayna u yimaadeen shacab soo dhaweyn iyo martiqaad fiican u sameeyey, dhakhaatiirta qaarkood waxayba saxaafada oo waraysatay u sheegeen inaysan kala ogeyn inay Turkey ka maqan yihiin iyo in kale.
Maareeyaha Shirkada Golis Aadan Shiikhdoon oo ka hadlayey Xaflada
Mid ka mid ah dhakhaatiirtu waxa u sheegay inuu ka xunyahay in waqtiga uu kaalmada caafimaad u fidinayo walaalihiisa Soomaaliyeed inuu yar yahay ayna ku tahay niyad jab inuu ka tago shacab u baahan oo marka uu daweeyana u ducaynaya  ilaahayna uga baryaya waxa u ujecel yahay inuu helo cadaabkii aakhirana uu ka nabad galo.
Gudoomiyaha rugta ganacsiga Puntland oo ka hadlayay xaflada
Casho Sharaf  loo sameeyey Dhakhaatiirta:
Ganacsatada Gobalka Bari ayaa habeenimadii Jimcada waxay casho sharaf sagootin ah u sameeyeen Dhakhaatiirta iyadoo martiqaadkaasina uu ka dhacay Hotel Juba, waxaa kasoo qaybgalay dhamaan dhakhaatiirta Turkey, Wasiirka Caafimaadka, Wasiirka Maaliyada, Wasiir ku xigeenka hawlgaha guud, Ganacsatada Puntland ee fadhigoodu yahay Boosaaso ee martiqaadka u sameeyey dhakhaatiirta iyo marti sharaf kale.
gudoomiyaha gobalka Bari Cabdisamad Maxamed Galan oo ka hadlayey xaflada
Dhamaan dadkii ka hadlay xafladan ayaa mahadcelin balaaran usoo jeediyey dhakhaatiirta iyadoo ay u sheegeen inay xasuusan yihiin taageerada caafimaad iyo mida bini aadanimo ee ay dowladda Turkiga iyo shacabkeedu siiyeen bulshada Soomaaliyeed ee dhibaataysan, madaxdii iyo ganacsatadii ka hadashay xafladan waxay ka codsadeen dhakhaatiirta Turkey iyo dowladoodaba inay sii labo jibaaraan kaalmada ay shacabka Soomaaliyeed siinayaan. Ganacsatadu waxay dhakhaatiirta gudoonsiiyeen hadiyado qaali ah kuwaasi oo ay dhakhaatiirtu aad ula dhaceen iyagoo sheegay inay daalkii shaqada ay ka qaadeen ay ilowsiisay cashada iyo hadiyadaha qaaliga ah ee la gudoonsiiyey iyagoo sheegay inaysan dareemin inay dalkoodii hooyo kasoo tageen balse ay u yimaadeen dal iyo dad ula mid ah dadkoodii iyo dalkoodii.
dhakhaatiirta iyo ganacsatada oo fadhiya hoolka Hotel Juba oo xafladu ka dhacday
Madaxa Dhakhaatiirta Turkey ee hawlgalkan wadey Dr. Ahmed ayaa isaguna halkaas ka hadlay waxaana uu u mahadceliyey Madaxda dowladda Puntland, Shacabka Puntland iyo ganacsatada u sameeyey casho sharafta iyo hadiyadaha kala duwan siiyey isgaoo sheegay inuu fariimaha codsiga ah uu gaarsiin doono madaxda wadankiisa ayna indhahoodu usoo jeedaan Soomaaliya ayna caawin doonaan mar walba.
wasiirka maaliyada Faaarax Cali Shire oo ka hadlayey Xaflada Cashada
Dhakhaatiirtu waxay shaqadii caafimaad ee ay wadeen soo gabogabeeyeen duhurnimadii Jimcaha iyadoo markaasna ay ku dabaasheen Xeebta Boosaaso ka hor inta aysan dhoofin waxay aad uga heleen biyaha nadiifta ah  waxayna cabaar ku jireen badda, Dhakhaatiirtu markii ay bogeen xeebta waxay raaceen diyaaradii sugaysay iyagoo farxad iyo raynrayn ku jira macsalaamaynayana madaxdii sagootinaysay. Dhakhaatiirtu waxay xalay u hoydeen magaalada Gaalkacyo iyadoo ay Gaalkacyona ka dhoofeen Maanta ayna u duuleen dalka Kenya oo ay kasii raacayaan diyaaradda Turkish Airline oo gaynaysa Caawa magaalada Stanbul ee wadanka Turkey.
wasiirada caafimaadka iyo maaliyada ee Puntland oo dhakhaatiirta ku booqdey Isbitaalka shalay intii aysan shaqada gabogabeyn
Cabdulqaadir Warsame Yuusuf
Madaxa Warfaafinta Wasaaradda Caafimaadka
Abdiqadir72@gmail.com

Shabaab oo laba nin ku gawracday magaaladda Kismaayo

$
0
0

Xoogaga Shabaab ee ka arrimiya magaaladda Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose, ayaa waxay gawraceen laba nin oo dhalinyaro ah, iyadoo aan la-ogeyn sababaha dhabta ah ee ay u gawracday kooxda Shabaab.
Meydadka laba nin oo dhalinyaro ah oo qoorta laga soo jaray, ayaa waxaa maanta la-soo dhigay meel ku dhawn Garoonka Diyaaradaha ee magaaladda Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.
Labadaan nin oo aan weli la-aqoonsan waxa ay yihiin, ayaa waxaa hadana la-rumeysan yahay inay gawracday Xarakada Al Shabaab, maadaama ay iyadu gacanta ku heyso guud ahaan magaaladda Kismaayo oo dhan.
Shacabka ku dhaqan magaaladda Kismaayo, ayaa waxay rumeysan yihiin in dadkaan ay gawracday Xarakada Al Shabaab, waxayna dadku ay sheegeen inaysan jirin cid aan Shabaab ahayn oo maanta amuurtan ka geysan karta magaaladda Kismaayo.
Xarakada Al Shabaab ayaanan weli soo hadal-qaadan meydadka labadaan nine e dhalinyarada ee lagu gawracay magaaladda Kismaayo iyo weliba sababaha dhabta ah ee maanta loo-gawracay.

Madaxdii Dowlada KMG oo uga Qeyb galay Shirkii ICG ee Danmark oo 3-garab u kala jabay

$
0
0

Sida maanta lagu Baahiyay Shabakada Wehel Media oo u kuur gashay wax ka ogaanshiyaha shirka kooxda xiriirka Caalamiga ee ka dhacay Magaalada Copenhagen ee dalka Denmark ayaa waxaa u suura gashay in ay hesho xog ku saabsan shirkaasi iyo khilaaf la sheegay in uu soo kala dhex galay madaxda Dowlada KMG ee ka qeyb galeesay shirkaasi.
Dowlada KMG ayaa shirkaasi waxaa ugu qeyb galay 3-garab oo ka kala socday Baarlamaanka, Xukuumada iyo Madaxtoooyada oo ay ka socdeen xubno madaxweynaha u matalayay shirka.
3-da garab ayaa khilaaf xoogan kala soo dhex galay inta uu socday shirka taasi oo jahwareer ku dhalisay xubnaha qaban qaabada shirka, oo dareemayay tafaraaruq xoogan oo u dhaxeeya xubnaha dowlada ee shirkaasi goob jooga ka ahaa.
Inkastoo Shirka la soo gaba gabeeyay hadana la sheegay in la soo saaray qodobo la xariira Arrimaha Soomaaliya ee markii horeyba shirkaan loo qabtay ayaan jirin bayaan cad oo ay kooxda Xiriirka Caalamiga ah ee Contact group soo saareen, waxaana jiray in qodobada la doonaayay in shirka laga soo saaro lagu kala qeyb samay.
Isku dhicii ugu horeeyay ayaa soo kala dhax galay xubnaha 3-da garab ka kala socday ka dib markii Saraakiisha QM u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya UNDP ee sheegeen in ay iyagu qaadayaan mas,uuliyada iyo sameenta Dastuurka, taasi oo markii horeba ay lug weyn ku la ahaayeen Sameynta Dastuurka qabyada ah.

Wararka hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Xubnaha iyagu matalayay madaxtooyada ee ka soo horjeedteen Arrinkaasi halka garabyada kale ee iyagu ka kala socday Baarlmaanka ee uu Hogaaminaayay Shariif Xasan iyo Xukuumada oo uu hogaaminaayay C/weli ee arrinkaasi qaarna ka gaabsadeen qaarna ay ku taageereen taasi oo kala aragti duwanaanshiyo xoogan sababtay.
Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa iyagu sheegay in go,aanka ugu danbeeya ee qodobada shirka ku raacistiisa iyo diidmadiisa ay iyagu lee yihiin halka xubnaha matalayay madaxweynaha ee iyagu shirka goob jooga ka ahaa ee sheegeen in go’aan qaadashada ee dhankooda cod weyn ku leeyihiin.
Augustine Mahige oo damacsanaa in uu istecmaalo awood go;aaneed ka baxsan 3-da garab ayaa shirka sii socod siin waayay taasi oo caqabad weyn ku noqotay in kooxda xiriirka caalamiga uu ka dhaa dhiciyo go,aamada uu doonayo, waxa ayna xubnaha 40-ta dowladood ka socday ee shirkaasi ka qeyb galaayay jahwareer ka qaadeen socoshada shirka.
Shirka marka uu soo gaba gaboobay ayaa inta badan waxaa la isku raacay oo kaliya in la sheego in shirka loogu hadlay arrimo quseeya arrimaha soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen Amaanka, bini aadan-nimada, iyo sidii dowlada KMG iyo garab yada kale ee maamulada ka jira dalka u fulin lahaayeen go,aamadii ka soo baxay shirkii wada tashiga ee la xariiray dowlad wanaaga, hirgilinta dowlad dhexe oo KMG ka baxda, iyo Dastuurka.
Khilaafka kale ee ugu xooganaa oo soo kala dhex galay 3-da garab ee Shirka ICG ka qeyb galaayay ayaa ahaa markii la soo gaba gabeeyay shirka ICG isla markaana lagu waday in la qabto shir deeq loogu aruurinayo Soomaaliya, taasi oo ay is qab qabsi weyn ka dhalatay cida dhaqaalahaasi lagu wareejinaayo isla markaana mas,uul ka noqoneesa deeqdaasi lacageed.
Xukuumada ayaa iyagu codsatay in dhaqaale aruurinta iyadu lagu wareejiyo isla markaana ay mas,uul ka noqdaan, halka Baarlamaanka ee dhankooda soo jeediyeen in ay iyagu lahaadaan mas,uuliyada dhaqaalahaasi, waxaana gaashaanka u duray xubnaha ka socday Madaxtiiyada.
Ergooyinka ka socday Maamulka Puntland iyo Galmudug ee iyagu shirkaasi ka qeyb galaayay ayaa awoodood siyaasadeed la waayay intii uu shirka socday, waxa ayna u muuqdeen kuwo ku milmay tiro badnaashiyaha xubnaha kala gedisan ee ka socday Dowlada Federalka KMG.
Horey ayaa loogu bartay in shirarka kale gedisan oo ay qabtaan kooxda Xiriirka Caalamiga in uusan ka soo bixin wax natiijo oo wax ku ool ah, waxaana dhowr jeer oo horey ee kooxdaani u qabteen shir la xariira Arrimaha Soomaaliya kaasi oo aan waxba ka soo bixin.
Xilligaan ayaa xubnaha Dowlada KMG waxa ay u muuqdaan kuwo shirarka caalamiga ugu qeyb gala 3-weji oo kala matalaya 3-awoodood ee dowlada lee dahay, waxa ayna tani muujineesaa in siyaasada Dowlada aysan aheyn mid isku meel u socota.

Madaxweyne Shariif Sh. Axmed ayaa maanta kor’meer ku soo maray qaar ka mid ah xeryaha barakacayaasha.+Sawiro

$
0
0

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaliya Mudane Shariif Sh. Axmed ayaa maanta kor’meer ku soo maray qaar ka mid ah xeryaha barakacayaasha ee magaalda Muqdisho. Madaxweynaha ayaa booqday goobahan ay barakacayaashu ku suganyihiin si uu ugu kuurgalo xaalada ay ku jiraan isagoo war’bixin ka dhageystay qaar ka mid ah dadka barakacayaasha ah.
Madaxweyne Shariif ayaa horaantii booqday baqaar ku yaala degmada xamar jajab oo cunto loogu qay’binayay dad badan oo barakacayaal ah.
Madaxweynaha ayaa war’bixin ka helay shaqaalihii ka howl galayay goobta iyo qaar ka mid ah barakacayaasha si uu u xaqiijiyo in gar’gaarka bino’aadnimo uu gaaro dadka loogu talagalay.
Madaxweyanaha ayaa booqashadiisa ku soo gaba’gabeeyay xerada weyn ee Rajo, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen dadweyne aad u farabadan oo ka tirsan barakacayaasha xerada Rajo. Sidoo kale waxaa goobta Madaxweynaha ku soo dhaweeyay war’bixina siiyay Guddomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamed M. Tarzan, Gudoomiyaha Degmada Madiina Axmed Daaci iyo wakiilka ha’yada Turkish Red Crescent Kamal.
Kadib war’bixin uu ka helay madaxda xerada iyo ha’yadaha ka howl gala ayuu Madaxweynuhu dhex lugeeyay barakacayaasha si uu u ogaado habka gar’gaarka bino’aadnimo uu u socdo iyo baahida jirta wali.
Ha’yada Turkish Red Crescent ee ka howl gasha xerada Rajo ayaa u soo bandhigtay Madaxweynaha mashruucyo ay ka mid tahay dhisme loogu talagalay in ay dhalinyaradu ku ciyaaraan iyo tababaro loo fidiyay shaqaale oo dhisay wado dheer oo uu Madaxweynahu ku lu geeyay.
- Dhamaad –
Suldan A. Farahseed
Agaasimaha Warfaafinta
Xafiiska Madaxweynaha
Moqdishu, Somalia
media@presidency.gov.so
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 


War Saxaafadeed: Dowladda KMG Soomaaliya oo kordhinaysa Ciidammada Ilaaliya xeryaha ay degen yihiin dadka Barakacayaasha

$
0
0

 
 Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka ayaa kordhienysa  Ciidamada Gaarka ah iyo Ciidamada Deegaanka ee ka howlgalaya xeryaha barakacayaasha ee Muqdisho,kuwaasoo xeryaha ka howl-geli doona habeen iyo maalin si loo yareeyo dhibaatooyinka ka dhanka ah barakacayaasha.
Go’aankan ayaa yimid kaddib markii wasiirro ka tirsan Xukuumadda ay maanta booqdeen Xerada
Badbaado oo ah tan ugu weyn magaalada Muqdisho. Wasiirradu waxay doonayeen inay indhahooda ku sooarkaan xaaladda xeryaha, waxaana warbixin siiyay Hay’adda Qaranka ee Maareynta Musiibooyinka,iyadoo sidoo kale kulamo fool-ka-fool ah la yeeshay barakacayaasha.
Wasiirka Haweenka iyo Daryeelka Qoyska, Marwo Maryan Aweys Juma ayaa sheegtay inay aad ugu
faraxsan tahay sida xaaladda xerada ay u soo wanaagsanaatay labadii bilood ee la soo dhaafay dhinacyada nolosha iyo ammaanka. Hase yeeshee, waxay qirtay inay xerada ka dhacday hal dhacdo oo kufsi ah.
Waxay tiri: “Waxaan aad uga xunnahay inuu kufsi ka dhaco xerooyinka Muqdisho, haba ahaato hal
dhacdo, waxaana aan la qeybsanayaa xanuunka dadka ay dhibaatada noocaas ah soo gaartay. Waa inaan ilaalinaa xuquuqda aadanaha ee aasaasiga ah, waana inaan haweenka loo dayicin falalka noocaan oo kale ah.”
Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Gudaha & Amniga Qaranka, Mudane Cabdixakiim Cige Guuleed, ayaa yiri:
“Waxaan xeryaha geynay booliis xirfad leh si ay sharaf shacabka ugula dhaqmaan. Shaqo wanaagsan ayay qabteen, waana la sii kordhin karaa. Waxaan sidoo kale kordhin doonnaa tirada ciidanka deegaanka ee xerada, qofkii looga shakiyo inuu dambiyo ka galay barakacayaasha waxaa la horkeeni doonaa sharciga haddii ay jiraan caddeymo ku filan.”
Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta, Mudane Cabdulqaadir Xuseen Maxamed (Jaahweyn) ayaa sheegay in Xukuumaddu ay aad uga go’an tahay gaarsiinta gargaarka iyo ammaanka xeryaha barakacayaasha, isla markaana aysan u dulqaadan doonon falalka ka dhanka ah barakacayaasha.
DHAMMAAD

Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya dagaalkii galabta ee Dharkeenley iyo Xiisad caawa taagan

$
0
0

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo galabta degmada Dharkeenley ku dhex maray Ciidamo ka wada tirsan dowladda oo hoos taga maamulka degmadaas. Dagaalka ayaa yimid kadib muran maalmahan ka taagnaa goob lacago looga qaado gaadiidka oo ay isku heysteen Ciidamada, iyadoo weerar ay qaadeen mid ka mid ah ciidamadii dagaalamayay. Sida [...]

Muxaadaro Tilmaanta Dacwada Anbiyada By Sh. Mustafe Xaaji ismaaciil Haaruun Part.1

Muxaadaro Tilmaanta Dacwada Anbiyada By Sh. Mustafe Xaaji ismaaciil Haaruun Part.2

Heesta Nasashada Caawa: Waayo waayo Heesii iitali iitali aniga iitali …

Wararkii ugu dambeeyay dagaalo culus oo Shabaab iyo Amisom ku dhex maray magaaladda Muqdisho

$
0
0

Dagaalo culus ayaa waxay xalay iyo saakayba ay ka dhaceen magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, waxayna dagaalada ay geysteen khasaarooyin kala duwan oo soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamay.
Dagaalada dhex maray labada dhinac, ayaa waxay ka dhaceen wadada dheer ee Jidka Warshadaha, isla-markaana dagaalada ayaa yimid, markii ay soo qaadeen ciidamo hubeysan oo ka tirsan Xoogaga Xarakada Al Shabaab.
Ciidamadda Xarakada Al Shabaab iyo Ciidamadda Amisom, ayaa dagaalada xalay iyo maanta dhex maray xoog badnaa, dagaalada xalay ku dhex maray Jidka Warshadaha, kadib markii ay isku adeegsadeen noocyada kala duwan ee hubka.
Waxay isku adeegsadeen qeybaha kala duwan ee hubka oo ay ku jireen hubka cul culus, kuwaa oo si weyn u ruxay qeybaha kala gedisan magaaladda caasimadd ah ee Muqdisho.
Labada dhinac ayaa waxaa soo kala gaaray khasaarooyin kala duwan oo dhimasho iyo dhaawacba leh, sida ay sheegeen dadka ku dhaqan xaafadaha ku hareereysan Jidka Warshadaha.
Majirto wax war ah oo ka soo kala baxay Shababaab, Amisom iyo Dowladda Soomaaliya, oo ku aadan dagaalada xalay iyo maanta ka dhacay wadada dheer ee Jidka Warshadaha, hase ahaatee la-soco wixii warar ah oo ku soo kordha.

Axmed Daaci oo walaac xoogan ka muujiyay dagaalada ka dhacay degmada Dharkiinleey ee Gobolka Banaadir

$
0
0

Axmed Daaci ayaa wuxuu ka hadlay dagaalo culus oo shalay galab ruxay degmada Dharkiinleey ee Gobolka Banaadir, iyadoo uu sheegay in dagaaladu ay geysteen khasaarooyin badan.
Gudoomiyaha Degmada Wadajir ee Maamulka Gobolka Banaadir ee Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane Axmed Xasan Cadow “Axmed Daaci”, oo warbaahinta maanta kula hadlay magaaladda Muqdisho, ayaa wuxuu marka hore uu ka hadlay dagaalada ka dhacay degmada Dharkiinleey.
Gudoomiyaha ayaa wuxuu sheegay inay nasiib daro tahay, in Maamulka Degmada Dharkiinleey ay ku dagaalaman degmada Dharkiinleey, xilli ay ku sugan yihiin boqolaal ruux oo masaakiin ah.
Gudoomiye Axmed Daaci ayaa wuxuu tibaaxay in dagaalada dhex maray labada dhinac ay ku geeriyoodeen dad badan, halka dhaawacyaduna ay intaasi ka sii badan yihiin, isla-markaana wuxuu sheegay in dadka dagaalamaaya ay yihiin dad walaalo iyo ehelba ah.
Dowladda Soomaaliya ayaa wuxuu ugu baaqay inay soo kala dhex gasho labada dhinac, isla-markaana wuxuu ku booriyay inay dadaal balaaran ka ciyaarto, dagaalada ka dhacay degmada Dharkiinleey ee Gobolka Banaadir.
Gudoomiyaha Degmada Wadajir ee Maamulka Gobolka Banaadir ee Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane Axmed Xasan Cadow “Axmed Daaci”, ayaa wuxuu sheegay inay jiraan saan-saan colaadeed oo ku aadan, in markale ay dagaalo xoogan ka dhacaan degmada Dharkiinleey.


Natiijooyinka Kulamdii Horyaalka ingiriiska iyo kulamo adag oo maanta dhacaya.

$
0
0

02 Oct 2011-  Kulamadii 7aad ee horyaalka ingiriiska ayaa asbuucaan la ciyaaray,waxaana wali hogaanka horyaalka ku loolamaaya hanaanka guushana isugu fanaaya kooxaha reer Manchester.
Kulankii ugu horeeyay ee asbuucaan ayaa dhex maray kooxaha Everton iyo Liverpool waxa uuna ahaa kulan aad u xamaasad badnaa, Liverpool ayaa dagaal wayn u agshay inay ka adgaato everton oo ay marti u ahayd,waxa uuna kulankaasi ku idlaaday 0-2 oo ay ku badisay Liverpool, waxaana goolasha u dhaliyay, Carrol iyo Suarez.
Waxaa sidoo kale ciyaaray kooxda Man City oo xili ciyaareedkaan loolan adag ugu jirta hanashada horyaalka oo marti u ahayd kooxda Blackburn.City ayaa goolal gaaraya ilaa 4uga adgaatay kooxdaasi.
Taas waxaa sii xigay guushii kooxda shayaatiinta cascas ay ka gaaren naadiga Norwich oo ay ku mareen 2-0.,natiijadaasi ayaa isku dhawaynaysa koxaha reer Manchester oo sanadkaan la la’yahay wax la loolama. Waxayna leeyihiin min 19dhibcood,
Tiiyoo ay usii dheertay Man Untd oo leh 19 gaol halka City ay iyana ledahay 18goal.
Waxa dhacay sidoo akle kulamo ka dirsan horyalka ingiriiska waxyna kooxuhu isu argeen sidan:
Aston villa ayaa 2-0 kaga adgaatay kooxda Wigan,Sunderland waxay Barbara 2-2 la dhaafiw aysay kooxda West Brom, halka kooxda Newcastle U.oo soo tiigsanaysa kaalmaha hore ee horyaalka ay iyana 2-1 uga adgaatay kooxda wolves oo ay marti u ahayd.
Maantana waxaa jira kulamo aad u adag waxaana ka mid ah Chelsea oo booqanaysa kooxda Bolton.Fulham oo la kulmaysa QPR ,Swansea oo iyana argaysa Stoke City. Iyo koxda Arsenal oo marti u noqonaysa garoonka white hart ee kooxda Tottenham.
Mohamud hassan idaajaa
Idaajaa4@gmail.com
Idaajaa_11@hotmail.com

Natiijooyinka Kulamdii Horyaalka ingiriiska iyo kulamo adag oo maanta dhacaya.

$
0
0

02 Oct 2011-  Kulamadii 7aad ee horyaalka ingiriiska ayaa asbuucaan la ciyaaray,waxaana wali hogaanka horyaalka ku loolamaaya hanaanka guushana isugu fanaaya kooxaha reer Manchester.
Kulankii ugu horeeyay ee asbuucaan ayaa dhex maray kooxaha Everton iyo Liverpool waxa uuna ahaa kulan aad u xamaasad badnaa, Liverpool ayaa dagaal wayn u agshay inay ka adgaato everton oo ay marti u ahayd,waxa uuna kulankaasi ku idlaaday 0-2 oo ay ku badisay Liverpool, waxaana goolasha u dhaliyay, Carrol iyo Suarez.
Waxaa sidoo kale ciyaaray kooxda Man City oo xili ciyaareedkaan loolan adag ugu jirta hanashada horyaalka oo marti u ahayd kooxda Blackburn.City ayaa goolal gaaraya ilaa 4uga adgaatay kooxdaasi.
Taas waxaa sii xigay guushii kooxda shayaatiinta cascas ay ka gaaren naadiga Norwich oo ay ku mareen 2-0.,natiijadaasi ayaa isku dhawaynaysa koxaha reer Manchester oo sanadkaan la la’yahay wax la loolama. Waxayna leeyihiin min 19dhibcood,
Tiiyoo ay usii dheertay Man Untd oo leh 19 gaol halka City ay iyana ledahay 18goal.
Waxa dhacay sidoo akle kulamo ka dirsan horyalka ingiriiska waxyna kooxuhu isu argeen sidan:
Aston villa ayaa 2-0 kaga adgaatay kooxda Wigan,Sunderland waxay Barbara 2-2 la dhaafiw aysay kooxda West Brom, halka kooxda Newcastle U.oo soo tiigsanaysa kaalmaha hore ee horyaalka ay iyana 2-1 uga adgaatay kooxda wolves oo ay marti u ahayd.
Maantana waxaa jira kulamo aad u adag waxaana ka mid ah Chelsea oo booqanaysa kooxda Bolton.Fulham oo la kulmaysa QPR ,Swansea oo iyana argaysa Stoke City. Iyo koxda Arsenal oo marti u noqonaysa garoonka white hart ee kooxda Tottenham.
Mohamud hassan idaajaa
Idaajaa4@gmail.com
Idaajaa_11@hotmail.com

Natiijooyinka Kulamdii Horyaalka ingiriiska iyo kulamo adag oo maanta dhacaya.

$
0
0

02 Oct 2011-  Kulamadii 7aad ee horyaalka ingiriiska ayaa asbuucaan la ciyaaray,waxaana wali hogaanka horyaalka ku loolamaaya hanaanka guushana isugu fanaaya kooxaha reer Manchester.
Kulankii ugu horeeyay ee asbuucaan ayaa dhex maray kooxaha Everton iyo Liverpool waxa uuna ahaa kulan aad u xamaasad badnaa, Liverpool ayaa dagaal wayn u agshay inay ka adgaato everton oo ay marti u ahayd,waxa uuna kulankaasi ku idlaaday 0-2 oo ay ku badisay Liverpool, waxaana goolasha u dhaliyay, Carrol iyo Suarez.
Waxaa sidoo kale ciyaaray kooxda Man City oo xili ciyaareedkaan loolan adag ugu jirta hanashada horyaalka oo marti u ahayd kooxda Blackburn.City ayaa goolal gaaraya ilaa 4uga adgaatay kooxdaasi.
Taas waxaa sii xigay guushii kooxda shayaatiinta cascas ay ka gaaren naadiga Norwich oo ay ku mareen 2-0.,natiijadaasi ayaa isku dhawaynaysa koxaha reer Manchester oo sanadkaan la la’yahay wax la loolama. Waxayna leeyihiin min 19dhibcood,
Tiiyoo ay usii dheertay Man Untd oo leh 19 gaol halka City ay iyana ledahay 18goal.
Waxa dhacay sidoo akle kulamo ka dirsan horyalka ingiriiska waxyna kooxuhu isu argeen sidan:
Aston villa ayaa 2-0 kaga adgaatay kooxda Wigan,Sunderland waxay Barbara 2-2 la dhaafiw aysay kooxda West Brom, halka kooxda Newcastle U.oo soo tiigsanaysa kaalmaha hore ee horyaalka ay iyana 2-1 uga adgaatay kooxda wolves oo ay marti u ahayd.
Maantana waxaa jira kulamo aad u adag waxaana ka mid ah Chelsea oo booqanaysa kooxda Bolton.Fulham oo la kulmaysa QPR ,Swansea oo iyana argaysa Stoke City. Iyo koxda Arsenal oo marti u noqonaysa garoonka white hart ee kooxda Tottenham.
Mohamud hassan idaajaa
Idaajaa4@gmail.com
Idaajaa_11@hotmail.com

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta shir xasaasi ah ku leh magaaladda Muqdisho

$
0
0

Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay maanta magaaladda Muqdisho ay ku yeellan doonaan kullan xasaasi ah, oo ay uga hadli doonaan arinta ku saabsan badda dalka Soomaaliya.
Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta iskugu imaan doono Xaruunta Golaha Shacabka, ayaa waxay ka doodi doonaan arinta la-xiriirta, murunka xoogan ee ka taagan badda dalka Soomaaliya.
Shirkaan ayaa waxaa hogaamin doona Gudoomiye ku Xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Kmg ah ee Soomaaliya Mudane C/Wali Sheekh Ibraahim Muudeey, kaasoo marka uu Shariif Xasan maqan yahay, shir gudoomiye Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.
Xildhibaanada ayaa waxay maanta ay si weyn uga hadli doonaan murunka la-xiriira xeebaha dalka Soomaaliya, iyadoo aan la-ogeyn waxa dhabta ah ee ka soo bixi doono, hadana Xildhibaanada waa kuwo ka soo horjeeda in badda Somaliya la-taabto.
Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa waxay damacsan yihiin, in badan Soomaaliya lagu soo koobo wax yar uun, halka inta kalana laga iibiyo Dowladaha reer Galbeedka oo si weyn iyagu u doonaaya.

Laba ka tirsan Ciidamadda Shabaab oo lagu dillay degmada Dhoobleey iyo Dowladda oo ka hadashay

$
0
0

Laba ka tirsan Ciidamadda Xarakada Al Shabaab ayaa waxaa shalay galab lagu dillay degmada Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose, iyadoo labadaasi nin ay ku hareen gudaha degmada Dhoobleey.
Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee aagga degmada Dhoobleey, ayaa waxay shalay hawl-gallo ay ka sameeyeen qeybaha kala duwan ee degmada Dhoobleey, isla-markaana waxay hawl-gallada ay ka sameeyeen goobo cayiman.
Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ayaa waxay gacanta ay ku soo dhigeen rag badan, inkastoo intoodu badan la’iska sii daayay, marka laga reebo seddex nin oo oo si weyn looga shakiyay Xarakada Al Shabaab.
Laba ka mid ah ayaa waxaa shalay galab lagu toogtay degmada Dhoobleey, kadib markii ay qirteen inay ka tirsan Ciidamadda Xarakada Al Shabaab ee Jubbooyinkaasi, waxayna taasi ay keentay in lagu toogto degmada Dhoobleey, halka midka seddexaadna weli lagu wado baaritaano kala duwan.
Afhayeenka Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Gobolada Jubbooyinka Cornel Maxamed Faarax Daahir, ayaa wuxuu warbaahinta uu u xaqiijiyay in amuurtaasi ay jirto, isla-markaana wuxuu sharaxaad uu ka bixiyay sida ay toogashada u dhacday.
Jimcihii ayaa waxay dagaalo culus ay ka dhaceen degmada Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose, iyadoo gacan ku heynta ay mar la-wareegeen Xoogaga Shabaab, inkastoo markii dambe dib looga saaray.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live