Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

SAWIRO: Sargaal Diyaarad uu afduubtay ku weeraray...

$
0
0

Jun 28, 2017 -
Sargaal katirsanaa ciidanka Milatariga dalka Venezuela ayaa afduubtay diyaarad nuuca qumaatiga u kaca ee leeyihiin ciidanka booliiska dalkaasi, waxa uuna diyaarada ku duuliyay qeybo kamid ah magaalada Karakas ee - dalkaasi.
Diyaaradan ayaa la arkayay iyada oo ku dul wareeganeysa qeybo kamid ah magaalada Karacas, waxa ayna markii dambe diyaarada dhoor qarax ku weeraratay xarunta Maxkamada sare halkaas oo laga maqlay dhawaqa dhoor qarax oo xoogan.
Sargaalkan katirsanaa ciidanka Milatariga ee afduubtay diyaarada ayaa magaciisa lagu sheegay Oscar Perez, waxa uuna sargaalkan baraha bulshada ku baahiyay muuqaal uu iska duubay uu ku dhaleeceenayo dowlada . Venezuela.
Madaxweynaha Venezuela Nicolas Maduro ayaa sheegay in bambooyin loo adeegsaday weerarka, waxa uuna wacad ku maray in ciidamada amaanka ay gacanta kusoo dhigi doonaan dadkii ka dambeeyay weerarkan, waxa uuna intaa raaciyay in uusan khasaaro ka dhalan weerarkaasi.
Dalka Venezuela waxaa ka socda wali banaan baxo rabshada wata oo looga soo horjeedo dowlada dalkaasi, waxaana banaan baxyada oo socday dhoor bilood ku dhintay dad ku dhaw 100-qof oo u badnaa dibad baxayaasha dowlada kasoo horjeeda.
Nagala soo xiriir Badweynnews@hotmail.com


Militariga Turkiga oo Weeraray Kurdish-ka Syria

$
0
0

Militariga Turkiga ayaa sheegay maanta in ay burburiyeen bartilmaameedyo Kurdish-ka Syria ay leeyihiin ayaga oo uga aargudanaya gantaalo ay ku rideen ciidamada Turkiga uu taageero ee ku sugan waqooyiga Syria.
Bayaan kasoo baxay ciidamada Turkiga ayaa lagu sheegay in isku dhacyadu ay ka dhaceen deegaanka Afrin.
Kooxda Kurdish-ka ee YPG ayaa qeyb ka ah mucaaradka Mareykanka uu taageero ee Syria ee dagaalka kula jira kooxda Daacish, islamarkaana doonaya inay ka saaraan magaalada Raqqa ee caasimadda u ah kooxdaas.
Si kastaba, Turkiga ayaa aad uga soo horjeeda kooxdan oo ay u arkaan inay xiriir la leedahay kooxda PKK ee dagaalka ka waday koonfurta Bari ee Turkiga, tan iyo sanaddii 1980-kii.
Xogahayaha gaashaandhigga Mareykanka, Jim Mattis ayaa lagu wadaa inuu dhiggiisa Turkiga kula kulmo magaalada Brussels oo shirka NATO uu ka dhacayo, halkaasi oo la filayo inay uga hadlaan xiisadda gobolka.

War Lagu Farxay oo naga soo gaaray Magaalada...

$
0
0

Jun 28, 2017 -
Maamulka Magaalada Gaalkacyo ee Galmudug ayaa sheegay in qaar kamid ah qodobadii heshiiska Galmudug iyo Puntland ay fuleen.
Ku xigeenka duqa magaalada Gaalkacyo, Cabdiraxmaan Maxamed Axmed ayaa sheegay in ammaanka magaalada uu yahay mid wanaagsan.
Waxa uu sheegay in shirarkii Gaalkacyo uga soconayay maamullada Puntland iyo Galmudug ay yihiin kuwa meel hagaagsan maraya oo Labada dhinac ay si weyn isugu soo dhowaanayaan.
]Waxa uu tilmaamay in laga heshiiyay arrinta dhul daaqsiinka oo markii hore reer guuraaga labada maamul isku diidanayeen.
"Qaarkood qodobadii si wanaagsan ayeey u fuleen sida qodobkii ku saabsanaa dhuldaaqsinka, insha Allah, kuwa harayna waa ay fuli doonaan, si wanaagsan ayaana la isku fahmayaa" ayuu yiri ku xigeenka duqa Gaalkacyo.
Puntland iyo Galmudug, heshiis ay ku gaareen magaalada Gaalkacyo ayaa ka kooban dhowr qodob oo dhanka ammaanka u badan.
Nagala soo xiriir Badweynnews@hotmail.com

MadaxweyneGaas oo baaq u diray Dhalinyarada

$
0
0

Waxa uu sheegay Dowladdiisa in ay ku howlan tahay kor u qaadista Kaabayaasha Dhaqaalaha si dhalinta Soomaaliyeed ay u hesho fursado shaqo.
Gaas ayaa sidoo kale sheegay in xukuumaddiisa ay wiiqi doonto awooda ururka Al-shabaab, islamarkaana ay xilligan heegan ugu jiraan sidii loo ciribtiri lahaa Shabaab.
C/wali Maxamed Cali (Gaas) Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa Dhalinyarada Puntland ugu baaqay in ay ka fogaadaan dhibaatada Tahriibka, islamarkaana wadankooda ay ku kalsoonaadaan.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454

Kumanaan Tahriibayaal ah oo la soo badbaadiyayJune...

$
0
0

Dadkan ayaa waxaa soo badbaadiyay qaar ka tirsan shaqaalaha Hay'adda Bisha Cas, waxaana ay u badan yihiin Haween iyo caruur, sida lagu arkay sawirro laga soo qaaday.
Sarkaal u hadlay Hay'adda Bisha Cas ayaa waxa uu sheegay hada in ay soo badbaadiyeen Tahriibayaal gaaraya 5000 oo Qof, labadii maalmood ee la soo dhaafay.
Bisha Cas iyo Hay'adaha kale ee soo badbaadiyay dadkan weli ma aysan shaacin dalalka ay u kala dhasheen dadkan, balse waxa ay ka soo jeedaan dalalka Geeska Afrika ku yaalla oo Soomaaliya ay qeyb ka tahay.
Muhaajriinta la soo badbaadiyay oo la soo gaarsiiyay Jasiirada Siishelis ayaa waxaa ku jirta Haweeney Soomaali ah oo maalmo ka hor ku dhex dhashay Doontii ay saarneyd oo ay ku Tahriibeysay.
Liibiyiinta dadka ku heysta goobaha ku yaalla gudaha Liibiya ayaa dhibaatoyin xun dadka u geysta oo xitaa mararka qaar dhacda in sida qofka ay u garaacayaan uu dhinto.
Hay'adaha xuquuqda aadanaha ayaa in muddo ah sheegayey in muhaajiriinta soo mara dalka Liibiya ay la kulmaan xadgudubyo baahsan oo ay u gaystaan dadka ka ganacsada masaafurinta.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454

WAR CUSUB: DF oo war Degdeg ah kasoo saartay Bariis...

$
0
0

Jun 28, 2017 -
iyadoo dalal ka tirsan Caalamka la ogaaday in la galiyay Bariis Caag ah kaasoo halis ku ah nolosha ayaa la xaqiijiyay in gudaha Magaalada Muqdisho Bariiskaasi lasoo galiyay waxaana si degdeg ah kaga hadashay Xukuumada Somalia.
Bariiskaan Caaga ah ayaa la sheegay Ganacsato dhiigya cab ah in ay kasoo dajiyeen Dekadda magaalada Muqdisho kadibna lasoo galiyay gudaha magaalada.
Wasiirka Beeraha ee Xukuumada Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ay war heleyn bariiska Caaga ah ee Muqdisho lasoo galiyay tilaabo degdeg ahna ay ka qaadi doonaan dadkii bariiskaasi magaalada soo dajiyay.
Sidoo kale Wasiirka Beeraha ee Xukuumada Somalia ayaa sheegay in Magaalada lasoo galiyay doolsho ama keek ka sameysan waxyaabo macmal ah sida koolada isagoo shacabka Soomaaliyeed digniin u diray waxaana uu kula taliyay in ay iska hubiyaan waxa ay cunayaan.
Nagala soo xiriir Badweynnews@hotmail.com

Talyaaniga oo dekedihiisa "ka xidhaya" muhaajiriinta

$
0
0

Talyaaniga ayaa ku hanjabay inuu u diidi doono maraakiibka dalalka shisheeye leeyihiin in ay ku dejiyaan dekadihiisa dadka muhaajiriinta ah.

Talyaaniga oo dekedihiisa "ka xidhaya" muhaajiriinta

$
0
0

Talyaaniga ayaa ku hanjabay inuu u diidi doono maraakiibka dalalka shisheeye leeyihiin in ay ku dejiyaan dekadihiisa dadka muhaajiriinta ah.
Hadalkani wuxu ku soo baxay warqad uu danjiraha Talyaaniga u fadhiya Midowga Yurub, Maurizio Massari, uu digniin ah in xaaladdu noqontay haatan mid "aan la sii wadi karin" ku siinayey Midowga.
Ra'isal Wasaare Paolo Gentiloni ayaa isna ku eedeeyey qaramada Yurub in "ay isha ka lalinayaan" duruufaha taagan.
Waxa la rumaysanyahay in afartii cishee la soo dhaafay dad tiradoodu gaadhayso 10,000 oo qof isku soo miidaamiyeen safar ay badda kaga gudbayaan oo ay kaga soo kicitimeen Woqooyiga Afrika.
In ka badan 73,000 oo muhaajiriin ah ayaa sannadkan gaadhay dalka Talyaaniga, taas oo ah tiro ka badan boqolkiiba 14 tirada sannadkii hore gaadhay.
Qiyaastii 2000 oo qof ayaa ku dhintay ama la la'yahay oo loo malaynayaa in ay ku qarraqmeen badda, hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga yaa iyaduna sheegtay in dadka badda isku biimaynaya badankoodu ka dhoofaan dalka Liibiya.
Liibiya ayaa noqotay marinka ay Yurub u maraan muhaajiriinta ka yimaad dalalka ka hooseeya saxaraha Afrika, Bangladesh iyo dalal ka mid ah jasiirad la moodda Carabta oo ay ka mid yihiin Masar iyo Suuriya. Dadkaa qaar badan oo ka mid ahi waxay ka qaxayaan dagaallo iyo faqri.
Ciidanka ilaalada xeebaha Talyaaniga yaa hormood ka ah isku duwidda hawlaha gurmadka ah ee lagu samato bixinayo dadkaas, laakiin maraakiibta muhaajiriinta u gurmada badankooda waxa leh ururro khayri ah waxa aanay maraakiibtaasi sitaan calamada qaramo kale oo ay ku jiraan dalal ka tirsan Midowga Yurub sida Jarmalka iyo Malta.


Waraysi: Daacish oo saddex jirsatay

$
0
0

Saddex sanadood ka hor maanta oo kale ayaa hogaamiyaha kooxda la baxday Dawladda Islaamka, Abuu Bakr Al-Baqdaadi, wuxu kaga dhawaaqay masaajidka Al-Nuri oo ku yaal magaalada Mosul ee dalka Ciraaq wax uu ku sheegay Dawladda Islaamka oo uu ku sheegay in ay tahay Khilaafo Muslimiintu leeyihiin isaguna hogaanka u hayo oo uu yahay Khaliifkeeda.

Shaqaale QM oo lagu weerarray Liibiya

$
0
0

Kolonyo gawaari ah oo uu leeyahay howlgalka Qaramada Midoobay ee Liibiya ayaa lagu weerarray meel u dhaw magaalo xeebeedka Surman, ayadoo muddo kooban la haystay 7 shaqaalaha ah oo gawaarida la socday.

Shaqaale QM oo lagu weerarray Liibiya

$
0
0

Kolonyo gawaari ah oo uu leeyahay howlgalka Qaramada Midoobay ee Liibiya ayaa lagu weerarray meel u dhaw magaalo xeebeedka Surman, ayadoo muddo kooban la haystay 7 shaqaalaha ah oo gawaarida la socday.
Shaqaalaha ayaa isugu jiray afar ajaanib ah iyo saddex Liibiyaan ah, waxaana ay qeyb ka ahaayeen koox ka tirsan xafiiska xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay kuwaasoo booqanayay muhaajiriin lagu hayo xabsiyo ku yaal magaaladaasi.
Maleeshiyada weerarka fulisay ayaa markii dambe shaqaalaha Qaramada Midoobay ku wareejisay boolis maxalli ah oo deegaankaasi ka shaqeeya.
Dableyda shaqaalaha qafaalatay ayaan wax shuruud ah ku xirin sii deyntooda, waxaana la filayaa in howlwadeennadaasi Qaramada Midoobay dib loogu celiyo caasimadda Tripoli.
Weerarkan ugu dambeeyay ayaa loo arkaa mid muujinaya amni darrada ay Liibiya ku wajahayaan hay'adaha caalamiga ah ee doonaya in ay ka shaqeeyaan dalkaasi.
Inta badan safaaradaha shisheeye iyo hay'adaha caalamiga ah ayaa isaga baxay Liibiya sanadkii 2014, xilligaasi oo uu dagaal culus Tripoli ku dhex maray maleeshiyaad uu loolan ka dhexeeyo.

Chile oo usoo baxday fiinaalka koobka confederations-ka

$
0
0

Goolhayaha kooxda Manchester City, Claudio Bravo, ayaa guul u horseeday xulka qaranka Chile oo rigoorooyin ku reebay kan Bortaqiiska, oo ay wada dheeleen nus dhammaadka koobka confederations-ka ee ka socda Ruushka.

Daawo:R/wasaaraha Somalia oo Kulan la qaatay Qaar...

$
0
0

Jun 28, 2017 -
Ra,iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta kulan balaadhan la qaatay xubno ka socday Golaha Naafada Soomaaliyeed kuwaas oo qaba dhibaatooyin kala duwan.
Ra,iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa intii kulanku socday waxaa uu hadalo ka dhagaystay qaar kamida xubanaha Naafada ah ee uu la kulmay si ay Dowladu wax uga qabato Baahiyaha iyo Cabashada ay qabaa.
Nagala soo xiriir Badweynnews@hotmail.com

Daawo sawirada:Kenya oo noqotay wadankii ugu...

$
0
0

Jun 28, 2017 -
Wadanka Kenya oo ka mid ah dalalka Afrika ee halista ku haaya cudurka dilaaga ah ee HIV/AIDS, waxayna Kenya noqotay dalkii ugu horeeyay ee Afrika oo la gaarsiiyay daawada cusub ee HIV, kaasoo qofka ka saacidaaya inuu helo nolol dheeri ah.
Daawadaan oo lagu magacaabo DTG ayaa waxaa laga soo saaray dalka Mareykanka iyadoo la ansixiyay sanadkii 2013-kii, waxaana la siiyay 20,000 bukaano ah oo reer Kenya, kuwaasi oo ku caafimaaday, helayna awood aysan heysan ka hor inta aysan qaadan dawadaani.
Doughtiest Ogutu oo mudo 15 sano la nool cudurka HIV ayaa sheegtay in ka hor inta aysan qaadan daawada DTG ay aheyd qof bukaan ah oo aan cunto xitaa cuni jirin, markii ay bilowday qaadashada daawadaani ay u furantahay cuntadii.
Waxay intaa raacisay in xadiga dhiigeeda ee HIV uu hoos ugu dhacay 40,000 halkii markii hore uu ka ahaa 450,000.
Laakiin dhibaatada jirta ayaa ah in dawadaani aysan qaadan karin dadka reer tabareedka ah ama dadka kale ee nolosha hoose ku cool, maadaama ay tahay mid qaali ah.
Inkastoo ay jirto hay'adda UNITAID ay dadka ku tabarucdo daawada cusub ee DTG ee HIV, taasoo dabooli karin baahida iyo tirada dadka ku nool Kenya iyo dalalka kale ee Afrika.
Sanad ka hor, dalalka Uganda iyo Nigeria ayaa lagu bilaabay daawadaan oo dad badan ay ku heleen nolol iyo niyad wanaagsan oo bulshada ay wax kula qeybsadaan.
W/Diyaariyay: Cali Muxiyaddiin CaliEmail: Muxiyaddiin@hotmail.com
Daughtie Ogutu who lives with HIV and takes part in the Dolutegravir pill trial used in the treatment of HIV talks to Reuters during an interview in Nairobi, Kenya, June 27, 2017. REUTERS/Baz Ratner

Nagala soo xiriir Badweynnews@hotmail.com

6 Carruur Ah Oo Ku Geeriyootay Xeebta Liido Kadib...

$
0
0

Maamulka degmada C/casiis ee gobolka Banaadir ayaa u sheegay Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya in carruur ay ku geeriyootay xeebta Liido degmadaasi kadib markii ay baddu qaaday. Guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga iyo siyaasadda ee maamulka degmada C/casiis oo wareysi siiyey Radio Muqdisho ayaa sheegay in xeebta Liido laga helay meydadka lix carruur ah oo ay baddu qaaday shalay kuwaasi oo ku dabaalanayey meel aan xeebta ka fogeyn. "meydadka lix carruur ah ayaan ka helnay xeebta waa la aqoonsaday waxaanna ku wareejinay waalidiinta dhalay badda ayaa qaaday xili ay ku qubeysanayeen shalay, maanta ayaana la helay meydadkooda waa arin xanuun leh"ayuu yiri Guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga iyo siyaasadda ee maamulka degmada C/casiis. Ugu dambeyntii maamulka degmada C/casiis waxa ay ka codsadeen waalidiinta Soomaaliyeed iney carruurtooda si gaar ah uga war hayan ayaga oo ka digay in xiligan oo lagu jiro xiliga bad xiranka ay carruurta ku dabaashaan bad weynta Hindiya.


Amarro lagu soo rogay Dadka soo gelaya magaalada...

$
0
0

Jun 29, 2017 -
Ciidamada xasilinta ammaanka Muqdisho ayaa sii adkeeyay howgallada dhinaca ammaanka ah ee ay ka wadaan Caasimadda.
Ciidamada ammaanka ayaa bilaabay inay su'aalo weydiiyaan dadka soo gelaya magaalada oo ay ka mid tahay inay cid ka garanayaan magaalada oo damiin ka noqota, waxaana la sii xoojiyay baaritaanka gaadiidka soo galaya caasimadda.
Gaadiidka Khudaarka ka keena laba gobol ee Shabeelooyinka ayaa lagu soo rogay in baaritaan dheeraad ah lagu sameeyo oo aanay geli karin caasimadda, waxaana lagu celiyaa koontaroolada laga soo galo magaalada.
Howgalkan ayaa ku soo beegmay iyadoo laga soo baxay bishii Ramadaan laguna dhex jiro toddobaadkii xoriyadda, waxaana magaalada ka socda diyaargarowga xuska 1-da Luulyo ee sanadguuradii 57-aad xoriyadda Gobollada Koonfureed iyo Midowgii Waqooyi iyo Koofur oo ay ka dhalatay Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Dhinaca kale waddooyinka magaalada Muqdisho ayay ciidamadu baarayaan dadka iyo gaadiidka, kadib markii la xiray wadooyinkii xaafadaha oo keentay ciriiriga maritaanka wadooyinka waaweyn.
Nagala soo xiriir Badweynnews@hotmail.com

Safiirka Mareykanka ee Somalia oo Tagey Hargeysa

$
0
0

Wefti uu hoggaaminayay safiirka Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya ee fadhigiisu yahay Nairobi Stephen Schwartz, ayaa maanta socdaal ku tegay magaalada Hargeysa.
Safiirka waxaa socdaalka ku wehelinayay madaxa hay'adda Maraykanka u qaabilsan caawimooyinka dibedda ee USAID.
Weftigani waxay kulamo la yeesheen Ku-simaha madaxweynaha Somaliland, ahna madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Cabdillaahi (Saylici), golaha wasiirada iyo sidoo kale guddida doorashada.
Kulankaa kadib ayay warbaahinta u sheegeen ujeeddada socdaalku inay la xidhiidho doorashooyinka la filayo inay qabsoomaan iyo arrimo kale.
Waxa warbixintan magaalada Hargeysa ka soo diray Weriyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye.

Embed code
Copy and paste the embed code below.
The code has been copied to your clipboard.
0:02:57
0:00:00 /0:02:57
Direct link
Pop-out player

Khayre oo qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda Norway ...

$
0
0

Labada dhinac, ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal yo taageerada Norway ee dib u dhiska Soomaaliya, Waxana kulanka goob-joog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Yuusuf Garaad Cumar iyo Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha.
Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay sida ay Dowladda Norway xilligan ugu heelan tahay inay gacan ka gaysato dadaalada lagu xasilinayo dalka iyo sidoo kale dhismaha dowladnimada Soomaaliya, oo maraya meel aad muhiim u ah. Wuxuna tilmaamay in guulo wax ku ool ah laga gaaray dhowrkii bilood ee la soo dhaafay arrimaha mudnaanta sare u leh dowladda.
"Booqashada uu noogu yimid Wasiirka Arrimaha Dibedda Norwey, waxay cadeynaysaa horumarka ballaaran ee la sameeyey afartii bilood ee la soo dhaafay oo sii jiitay indhaha caalamka, waxaan isla soo qaadnay arrimo muhiim ah oo wax tar u leh dalkeena, iyaguna waxay qireen in Soomaaliya ay u heelan tahay sidii ay uga faaiideysan lahayd taageerada uu caalamku siiyo." Ayuu yiri Ra'iisul Wasaare Khayre.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Norway, Borge Brende ayaa dhankiisa ka mahadceliyey sidii wanaagsaneyd ee loogu soo dhoweeyay Soomaaliya iyo sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dal.
Wasiirka ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay sameysay horumar ballaaran 4-tii bilood ee la soo dhaafay, isla-markaana loo baahan yahay in la sii wado, Waxaana uu intaasi raaciyay in dalkiisu sii wadi doono taageerada dhinacyada kala duwan ee uu siinayo Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha amniga dib u heshiisiinta iyo dhismaha hay'adaha dowladda.

Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454

Muwaadiniinta Yurub ee UK oo Deganaansho loo Ogolaanayo

$
0
0

Dawladda Britain ayaa ku dhawaaqday qorshe cusub oo u ogolaanaya Muwaadiniinta kasoo jeeda Midowga Yurub ee dalkeeda ku nool oo Soomaaliduna ay kamid yihiin in ay dalban karaan daganaansho haddii dalka Britain ay ku noolaayeen muddo shan sano ah ka hor inta dalkeedu uusan ka bixin Midowga Yurub.
Qorshahan cusub ee Britain oo aan si weyn loo qeexin waxaa shaki ka muujiyay Midowga Yurub oo sheegay in arrimahani ay qayb ka noqon doonaan wada hadalalada lagu wado in ay furmaan todobaadyada soo socda.
Hadaba Wariyaha VOA-da ee London, Ridwaan Xaaji ayaa warbixintan ku eegaya qorshaha cusub iyo Isfahan daradda ka dhex aloosan Midowga Yurub iyo Britain.

Embed code
Copy and paste the embed code below.
The code has been copied to your clipboard.
0:05:09
0:00:00 /0:05:09
Direct link
Pop-out player

Faah faahin Dagaal ka dhacay Sh/Dhexe

$
0
0

Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka Gen. C/laahi Cali Caanood ayaa sheegay Dagaalka in uu si gaar ah uga dhacay degaanka Cali-fooldheere.
Wuxuu sheegay Dagaalkan in ay ku dileen 6 Dagaalyahan oo Shabaab ka tirsan, halka dhankooda uu sheegay in looga dilay laba Askari.
Sidoo kale Gen. C/laahi Cali Caanood Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka ayaa sheegay Ciidanka Dowladda in ay ku baxayaan degaanada Shabaab ay kaga sugan yihiin gobolka Shabeelaha Dhexe.
Ugu dameyn wuxuu Dhalinyarada Shabaab ku jirta ugu baaqay in ay ku soo biiraan Dowladda Federaalka, si ay u helaan waxbarasho iyo fursado shaqo.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live