Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Ciidamada Xasilinta oo meelo gaar ah...

$
0
0

Jun 29, 2017 -
Ciidamada xasilinta ammaanka Muqdisho ayaa howlgallo gaara ka wada qeybo ka mida caasimadda.
Ciidamadan oo sii xoojiyay baaritaannada ay ka wadaan wadooyinka magaalada ayaa saaka baaritaan xoog leh ka wada Isgoysada suuqa Bakaaraha iyo wadadda Sey Biyaano.
Dadweynaha la socda gaadiidka iyo kuwa wata gaadiidka gaarka ah ayaa la arkayay iyadoo laga dejinayo baabuurta oo si adag loo baarayo, waxaana arrintan ay ciriiri xoog leh gelisay wadooyinka waaweyn ee kaliya ee ah kuwa kaliya ee gaadiidku isticmaalaan magaalada Muqdisho.
Howgalka ka socda magaalada Muqdisho ayaa la sii xoojiyay xilli ay soo dhowdahay munaasabadda 1-da Luulyo ee xoriyadda dalka oo lagu wado in xus weyn loo sameeyo.
Nagala soo xiriir


Talyaaniga oo shaaciyay hadal naxdin geliyay...

$
0
0

Jun 29, 2017 -
Dowlada dalka talyaaniga ayaa soo saartay war digniin ah oo ay u jeedineyso maraakiibta reer Yurub ee bada kasoo badbaadiya muhaajiriinta kusoo fool leh wadanka Talynaaniga. Waxeyna ku hanjabtay in maraakiibtaas aysan kusoo xiran doonin dekadaha dalka Italy, kadib markii maalmihii ugu danbeeyaya ay talyaaniga soo gaareen dad ku dhow 10.000 oo tahriibayaal ah.
Safiirka EU-da ee dalka Talyaaniga ayaa maanta kulan deg-deg la qaatay madax ka socotay wadamada EU-da katirsan ee laga leeyahay maraakiibta badbaadisa Tahriibayaasha. Wuxuuna kala hadlay walaaca dowlada Talyaaniga, isaga oo u gudbiyay fariinta dowlada dalkiisa.
Talyaaniga ayaa sheegay ineysan awood u heynin inay qaabilaan Tahriibayaal cusub, iyaga oo meel ay geeyeen garan la', kuwii hore oo ay qaabileen. Sanadkan oo kali ah, waxaa xeebaha Italy soo gaaray dad kor u dhaafayo 100.000, iyada oo la filayo in tiradu ay intaas wax badan kasii badato.Xigasho NRK
Nagala soo xiriir

Yaa Mas'uul ka ah Goobaha lagu Dabaasho ee Xeebaha Soomaaliya, Gaar ahaan Caasimada Muqdisho

$
0
0

Shalay Lix dhalinyaro ah ayaa meydkooda laga heley xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

WARBIXIN: Qurbejoog Oo Kusoo Laba Kacleysay Muqdisho...

$
0
0

Jun 29, 2017 -
Qurbejoogta Soomaaliyeed ayaa si aan caadi ahayn waxay ugu soo qulqulayaan magaalada Muqdisho wixii ka dambeeyey markii madaxweyne loo doortay Farmaajo.
Qurbejoogtan oo u badan xil raadis ayaa magaalada waxay soo galeen si aad ah Labadii bile e ugu dambeysay.
Baaritaan ay sameysay Badweyn.com ayaa lagu ogaaday in Qurbejoogtaan yihiin kuwo qaab casriyeesan u raadsana shaqooyinka dowladda, xitaa kama deyrinayaan guddoomiye waaxeed, iyo shaqooyinka hoose ee dowladda.
Taasi bedalkeeda waxaa afkoodii juuqday gabay qorrax joogtii Muqdisho, maadaama ay ka fursad diicnaadeen kuwa dibadda ka yimid, dowladdana ay kuwaasi aad u daneeneyso.
Waxay noqotay in Muqdisho ay isku kala bahaystaan Qurbejoogta iyo Qorrax joogta, xitaa meel lama wada fariisto oo waa la kala didsan yahay.!
Nagala soo xiriir

XOG: Labo Shaqsi Oo Xil Ka Qaadistoodii Loo Darsaday...

$
0
0

Jun 29, 2017 -
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa xil ka qaaday saraakiil iyo mas'uuliyiin kale oo caan ah, balse waxaa dadkii la eryay ku jiray Labo shaqsi oo durba loo darsaday.
Bashiir Goobe, taliyihii ciidamada Asluubta durba waa ay soo baxday in loo darsaday, waxaana cabasho xooggan muujiyey ciidamada Asluubta iyo sidoo kale maxaabiista xabsiga dhexe.
Waxaa maxaabiistii laga jartay biyahii ay 24-saac ku qubeysanayeen, waxaa go'day shaqadii maxaabiista la siinayey, sidoo kalena waxa alaga jartay korontadii iyo Tv-gii uu u xiray Bashiir Goobe, waxaana Farmaajo lagu eedeeyay inuu ku degdegay xil ka qaadista mas'uuliyiintaasi.
Sidoo kale waxaa la tabay guddoomiyahii gobolka Banaadir Yuusuf Jimcaale oo Muqdisho wax badan ka qabtay.
Wuxuu dhisay laamiyaal badan oo la ilowsanaa, wuxuuna sidoo kale isku xiray bulshada gobolka.
Balse Farmaajo ma aanu eegin waxqabadkoodii ee meesha ayuu ka saaray, waana uu eryay, taasi ayaana keentay in hadda gobolka uu noqdo mid dansan oo aan weli waxbqad laga arag maamulka cusub oo aan ka ahayn awaamiir qaarkood socon la.
Nagala soo xiriir

Daawo:Wasiirkii gashaadhiga Soomaaliya oo xog...

$
0
0

Jun 29, 2017 -
Waxaanu Halkan idiinku soo Gudbinaynaa Barnaamijka Qubanaha VOA-da oo Todobaadkan ay soo jeedinayaan Jacfar Kuukaay iyo Falastiin Axmed Iimaan.
Qodobada lagau soo qaatay Barnaamijka ayaa waxaa kamid ah, Soomaalida Minnesota oo ka hadlay Go'aankii Madaxwayne Trump oo dhaqan galay, Sababta ka danbaysa In Al-sbabaab ay xiligan Baahiso Muuqaalkii Hogaamiyahoodii la dilay Axmed Godane iyo In Maraykanku uu Liiska Dadka la doonayo kasaaray Mukhtaar Roobow, Arin la yaab leh oo dhextaagan Britain iyo Midowga Yurub iyo Warbixino Kale oo Xiiso leh.
Nagala soo xiriir

XOG:Dowlada Qadar oo MD Farmaajo ugu Abaal gudeyso...

$
0
0

Jun 29, 2017 -
Warar dhanka Sirdoonka ah oo ay heshay Badweyn.com waxay cadeynayaan in ay wada hadalo aan toos aheyn ilaa hadda dhexmareen Hogaamiyaasha dawladda faderaalka Soomaaliya & Horjoogayaal katirsan kooxda mayalka adag ee Al- Shabaab.
Wararku waxay cadeynayaan in qaar kamid ah Saraakiisha ugu sareysa ee Al- Shabaab ay dawladda Qadar ka wada hadleen suuragalnimada in ay ku biiraan nabadda iyo geedi socodka Soomaaliya oo xabadda joojiyaan.
Taas bedelkeedana waxaa loo balan qaaday ayaa la leeyahay Amni iyo daganaansho ay ka heli doonaan dalka Qadar, laakiin hubantida jirta ayaa ah in ay Qadar door wanaagsan ku leedahay arrintan.
Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Soomaaliya Fahad Yaasiin Daahir oo ah nin si wanaagsan xariir ula leh Xukuumada Doha, ayaa todobaadkan ka soo laabtay dalkaas.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu goor sii horeysay wada hadal ugu yeeray Al- Shabaab kuwooda waa weyn ee nabadda raadinaya, oo aysan ku jirin Ajaaniibta shisheeye.
Dawladda Mareykanka ayaa qeyb ka ah ayaa la leeyahay qorshahan, waxayna liiska dadka la baadi-goobayo ka saartay Saraakiil Shabaab ah, sidaas oo kalena qorshaha waxaa ugu jira in xubno cusub laga saaro.
Saraakiisha Shabaabka ee hadda la rumeysan yahay in ay wada hadal aqbalayaan waxaa kamid ah kuwii dhisey ama asaasayba kooxdan, gaar ahaana wadaadka Mayalka adag ee Fu'aad Shangole oo ka soo jeeda beesha Madaxweynaha Soomaaliya.
Haddii ay dhab noqoto in ay dawladdan fursad u hesho in ay wada hadal lagasho Shabaab xubnaheeda ugu sareeya, shaki ma saarna in ay dhici karaan waxyaabo badan oo Isbedel ah, laakiin dadka la socda arrimaha Ururada xagjirka ah ayaa rumeysan in ay sii socon doonaan weerarada, qaraxyada iyo dilal qorsheysan ee ay kooxdaas masuuliyadooda leedahay.
In ay kala jabaan oo ay labo saf kala noqdaan ayaa qeyb ka ah dadaalada guusha ee Soomaaaliya, maadaama kala jabkooda ay soo dadajin doonto in lasoo afjaro kooxaha Shisheeyaha ee kusugan gudaha dalka iyo kuwa doonaya in aysan nabad sii ahaanin Soomaaliya.
Nagala soo xiriir

Soomaaligii ugu horreeyay oo noqoday suugaan-yahanka...

$
0
0


Edmonton (RBC Radio) Axmed Cali oo loo yaqaano Axmed Knowmadic oo dhalasho ahaan Soomaali ah ayaa loo magacaabay suugaan yahanka magaalada Edmonton ee dalka Canada ilaa sanadka 2019.
Ali, 33, sano jir ah ayaa dalka Canada tagay sanadkii 1992, isagoona ah qof ku wanaagsan tirinta gabeyada.
"Edmonton waa meeshii igu horeysay oo aan bartay, sidaa awgeed qalbigeyga ayay ku taalaa," ayuu yiri Axmed Cali.
Shaqada la doonayo ayaa ah in uu u fasiro ereyada suugaanta marka ay shireyaan golaha magaalada Edmonton, isla markaana uu qeyb ka qaato horumarinta suugaanta magaaladaas.
Axmed Knowmadic ayaa waxaa soo xuley suugaan yahan hore iyo qaar kamid ah xubnaha bulshada Soomaaliyeed ee halkaas ku dhaqan kaidb markii ay arkeen sida Axmed ugu wanaagsan yahay tirinta gabeyada iyo suugaanta kale.
Golaha suugaanta magaalada Edmonton ayaana ugu dambeyntii Axmed u doortay jagadan.
"Wuxuu akhriyay gabey qosol iyo reyn reyn ku sameeyay guddiga xulidda loo xil saaray," ayuu sheegay afhayeenka Jenna Turner.
"Hanaankiisa u gaarka ah oo gabey tirinta ah waxaa u maleynayaa in uu awoodi doono in wax badan nooga sheegi doono magaalada."
Axmed Cali oo ku magac dheer Axmed Knowmadic ayaa noqoneya suugaan yahankii todobaad oo xilkan qabto, isago xilka kala wareeji doono Pierrette Requier, kaas oo ah nin luuqado badan ku hadla, masraxyada soo bandhiga isla markaana sheekooyinka qora.
__
RBC Radio


Tartamihii Soomaaliya ee dhawaan laga saaray...

$
0
0


Muqdisho (RBC Radio) Dowladda Qatar ayaa casuumad u fidisay ardey dhawaan laga saaray tartan Qur"aanka oo lugu qabtay magaalada Dubai.
Ismaciil Cumar Madar , oo Soomaaliya ku matalayay tartanka ayaa laga masaafuriyay dalka Imaaradka Carabta,markii dowladda Soomaaliya ay dhex dhexaad ka noqonatay khilafka waddamada khaliijka.
Ardeygan oo magaalada Hargeysa lugu celiyay ayaa hadda gaaray dalka Qatar,markii safaaradda Soomaaliya ee dalka Qatar ay codsi u gubisay dowladda Qatar.
Codsigan ayaa ku saabsanaa in dowladda Qatar ay ka qayb-qaadato sidii niyadda loogu dhisi lahaa ardeyga laga masaafuriyay dalka Imaaradka Carabta isagoo ku jira tartan qur'aanka kariimka ah.Markiiba dowladda Qatar ayaa codsiga aqbashay taaso casuumad sharafeed u fidisey Ismaciil Cumar .
Garoonka diyaaradaha ee Doha ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay,Ismaciil Cumar ,waxaana soo dhaweyntiisa ka qayb-qaatay culimada iyo jaaliyadda Soomaalida ee dalkaas.
"Waxaan si gaar ah usoo dhoweynaynaa macalinka iyo ardaygiisa wadanka inoogu yimid, musaabiqaaddaa quraanka in arrin siyaasadeed la galiyo may ahayn." ayuu yiri Sheekh Cabdirashid Sheikh Suufi oo ka mid ah culimadda ugu caansan Soomaaliya iyo dunidda islaamka.
Waddadka ayaa sidoo kale sheegay inuu dhowr mar ka qayb ahaa guddiyadda tartamada qur'aanka,markii uu qaymeeyay ardeyga Soomaaliya wuxuu sheegay inuu mudnaa kaalinta ugu horreeysa ama mida ku xigta ee labaad.
Sheekh Cabdirashid, ayaa inta kaddib u mahadceliyay safaaradda Soomaaliya iyo doorkii ay ku lahayd in ardeyga Soomaaliga ah casuumad sharafeed uu ku yimaado dalka Qatar.
Arrintan ayaa ku soo aaday xilli wali dowladda Soomaaliya ay dhex dhexaad ka tahay khilaafka waddamada khaliijka,waxaana la sheegay madaxweynaha dalka inuu iska diidey dalabyo dhowr ah oo lugu doonayey inuu xiriirka ugu jaro Qatar.
___
RBC Radio

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya oo tagay Hargeysa

$
0
0

Safiirka dowladda Mareykan u qaabilsan Soomaaliya Stephen Schwartz iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland.
Wafdiga safiir Stephen Schwartz oo ay ka mid ahaayeen madax ka tirsan hay'ada Mareykanka u qaabilsan gargaarka ee USAID ayaa kulamo la qaatay madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxman Saylici oo ah ku simaha Madaxweynaha, Wsiiro iyo Guddiga Doorashooyinka Somaliland.
Kulamada kadib ayay warbaahinta u sheegeen ujeeddada socdaalku in uu la xiriiro doorashooyinka la filayo inay ka qabsoomaan Somaliland iyo arrimo kale.
Mareykanka ayaa doonayo inuu ka qayb qaato sidii ay doorashada Somaliland ugu qabsoomi lahayd wakhtigeeda, xilli ay beesha caalamku ka niyad jabeen, markii ay dhowr jeer dib u dhacday.
Safiirka dowladda Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Stephen Schwartz ayaa hadda fadhigiisu yahay magaalada Nairobi ee xarunta Kenya.PUNTLAND POST
The post Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya oo tagay Hargeysa appeared first on Puntland Post.

DEG DEG: Puntland oo ka soo horjeesatay hannaanka...

$
0
0


Garoowe (RBC Radio) War-saxaafadeed goor dhow ka soo baxay Puntland ayaa lugu shaaciyay mowqif ay sheegtay inay ka qaadatay qaabka loo wado dib u eegista Dastuurka Federaalka Soomaaliya, waxayna sheegta sida hadda wax loo wado in aysan sax aheyn.
War-saxaafadeedka oo ka koobna labo bog ayaa lugu caddeeyay Puntland inaysan qayb ka hayn tillaabo kasta oo khilaafsan hanaanka dib-u-eegista iyo habraaca waxka-bedelka Dastuurka.
Puntland ayaa mowqifkeeda u cuskaneysay qodobbo dastuurka ku jira.
War-Saxaafadeedka Puntland kasoo baxay oo dhameystiran akhri:-
__
RBC Radio

Kumanaan Qof oo Itoobiyaan ah oo ku xaniban Dalka...

$
0
0

Jun 29, 2017 -
Kumanaan qof oo ah Muhaajiriin u dhashay dalka Itoobiya ayaa ku xaniban Boqortooyada Sacuudi Carabiya, kadib markii uu dhamaaday cafis ay Dowlada Sacuudiga u fidisay dadka Muhaajiriinta ah ee sida sharci darada u joogay dalkaasi.
Dowlada Sacuudiga ayaa cafis sadex bilood ah u fidisay dadka muhaajiriinta ah ee sida sharci darada ku joogay dalka Sacuudiga, waxaana kumanaan qof oo u dhashay dalka Itoobiya ka dhamaaday waqtigii cafiska kahor inta aysan dalka ka bixin.
Wasaarada Arimaha guddaha Sacuudiga ayaa shaaca ka qaaday bishii March ee sanadkan in cafis loo fidinayo dadka sharci darada ku jooga Sacuudiga , waxa ayna dowlada balan qaaday in wax dambi ah aan loo raaci doonin cidii ka faa'iideesata cafiska dalkana ka baxda mudo sadex bilood gudahood.
Wasiirka Warfaafina dalka Itoobiya Nageri Lencho ayaa ka hadlay kumanaan qof oo Itoobiyaan ah oo ku xaniban dalka Sacuudiga, waxa uuna sheegay Wasiirka in dowlada Sacuudiga ka codsadeen in ay u kordhiso waqtiga cafiska dadka Itoobiyaanka ah ee dalkeeda ku sugan.
Waxa uu sheegay Wasiirka in dowlada Sacuudiga ka filayaan in ay aqbasho codsigooda ayna fursad dheeraad ah siiso dadka Itoobiyaanka ah ee ku xaniban dalka Sacuudiga si ay mar kale u helaan fursad ay dalkooda dib ugu soo laabtaan.
Dowlada Itoobiya ayaa sheegtay in dad gaaraya 45-kun oo qof oo Itoobiyaan ah oo kasoo tagay dalka Sacuudiga dib ugu soo laabteen dalkooda Itoobiya, waxa ayna dowladu xustay in ay jiraan Kumanaan kun oo kale oo wali ku xaniban dalkaasi kuwaa oo sifo sharci dara ah ku jooga Sacudiga.
Nagala soo xiriir

Dowladda Faderaalka oo sheegtay dagaalka ka dhacay...

$
0
0

Muqdisho (RBC Radio) Dowladda Soomaaliya ayaa guul ka sheegatay dagaal ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha dhexe oo u dhaxeeyay ciidamada qaranka iyo dagaallamayaasha al-Shabaab.
Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka Jen Cabdullaahi ali Caanood oo faah faahiyay dagaalka ka dhacay gobolka Shabeellaha dhexe,wuxuu sheegay ciidamada dowladda iyo dagaalyahanno al-Shabaab ah inay ku dagaallameen deegaanka Cali-fooldheere.
Dagaalka inta uu socday waxaa ku dhintay 6 dagaal-yahan oo ka tirsan al-Shabaab,sida u sheegay abaanduulaha ciidamada oo inta ku darray labo askari oo ciidamada dowladda ah inay dagaalka ku dhinteen.
"6 dagaalyahan ayaa looga dilay al-Shabaab dagaalka,waxaa dhankeena dhintay labo askari,wuuna socon doona dagaalka." ayuu yiri abaanduulaha ciidamada xoogga Jen Caanood.
Ugu dambeyntii,jeneraalka ayaa sheegay ciidamada dowladda inay weerarro ku qaadi doonan dhammaan deegaannada al-Shabaab ay kaga suganyihiin gobolka Shabeellaha dhexe si looga saaro.
__
RBC Radio

Xog: Al-Shabaab oo hareereysay Abu Mansuur iyo...

$
0
0

Jun 29, 2017 -
Ciidamo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ayaa loo diray inay badbaadiyaan Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Mareyle oo loo yaqaaan Abu Mansuur, oo noloshiisa looga baqayo kooxda Al-Shabaab oo dooneysa inay gacanta ku dhigto ama disho.
Ciidamadan ayaa maanta gaaray deegaanka Baano ee gobolka Bakool, oo 8 KM u jirta deegaanka Abal oo uu ku sugan yahay Abu Mansuur, islamarkaana ay isku hareereeyeen kooxda Al-Shabaab. Deegaanka Abal ayaa 18 KM u jira degmada Xudur.
l-Shabaab ayaa deegaanka isku hareereysay kadib markii Roobow laga saaray liiska argagixisada Mareykanka, lana filayo inuu isku soo dhiibo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.
Al-Shabaab ayaa la sheegay inay doonayaan inay dilaan Abu mansuur, si ay uga hortagaan inuu sirta kooxda siiyo dowladda Soomaaliya, maadaama uu ahaan jiray amiir ku xigeenka kooxda Al-Shabaab.
Abu Mansuur ayaa waxaa deegaanka Abal oo uu ku dhashay ku ilaalinaya maleeshiyo ku beel ah, oo uu haystay tan iyo markii ay Al-shabaab isku dhaceen sanadii 2012-kii, hase yeeshee waxaa laga cabsi qabaa inaysan ku filneyn inay iska dhiciyaan Al-Shabaab.
Wararka imanaya deegaanka ayaa sheegaya in laga cabsi qaba in saacad kasta uu qarxo dagaal u dhaxeeya dhinacyadan.
Nagala soo xiriir

Golaha wasiirrada Puntland oo ansixiyay heshiiska...

$
0
0


Garoowe (RBC Radio) Golaha wasiirrada Puntland ayaa maanta ku shiray magaalada Garoowe,shirka oo qayb ka ahaa kulanka toddobadkii mar dhaca.
Golaha wasiirrada ayaa shirkooda maanta ka soo saaray qodobbo muhiim ah,waxaana ay ansixiyeen heshiiska ay dowladda la gashay shirkadda dalka Imaaradka laga leeyahay ee DP World oo dhawaan la wareegaysa dekedda Boosaaso.
Heshiiska ayey wasiirrada ku sheegen inuu ka qaybqaadanayo kobaca dhaqaalaha Puntland.
Qodobbo kale oo shirka looga hadlay waxaa ka mid ahaa in dhammaan baraha koontoroolada la dhigo ciidamo gaar ah oo la sheegay inay waardiye ka heyn doonan dagaalyahannada iyo qaraxyada ay al-Shabaab ku soo dhex qariyaan gawaarida xamuulka qaada.
Wasiirrada ayaa sidoo kale shirka ku ansixiyay dhowr degmo oo cusub oo ka tirsan gobollada Puntland.
Hoos ka akhriso qodobbada shirka wasiirrada

__
RBC Radio


Puntland oo degmooyin u magacowday deegaannada kala...

$
0
0


Gaalkacyo (RBC Radio) Afar magaalo oo horey deegaanno u ahaa ayaa hadda loo magacaabay degmooyin,markii golaha wasiirrada Puntland ay maanta ansixiyeen.
Deegaannada ayaa ka mid ah gobollada Puntland,waxaana ay kalayihiin Bursaalax, Xumbeys, Shaxda iyo Dhubdhub oo dhammaantod wixii hadda ka dambeeya noqonaya degmooyinka,warsaxaafadeed ka soo baxay shirka wasiirrada Puntland.
Horumarka iyo isbadallada ay ku tallaabsanayaan deegaannada ayaa lugu sheegay inay sabab u tahay degmooyin in loo dalacsiiyo.
Shirka ay wasiirrada ku ansixiyeen degmooyinka cusub,waxaa shir guddoomiyay madaxweynaha Puntland oo u waheliyay ku-xigeenkiisa.
__
RBC Radio

Jubaland TV oo agaasime cusub loo magacaabay

$
0
0

Kn: Taleefishinka Jubaland ayaa waxaa loo magacaabay mas'uuliyiin cusub kadib markii agaasimihii hore Cabdinaasir Axmed Sheekh Bashiir uu oga tagay shaqada sababo dano shaqsiyadeed ah awgeed.
Wasiirka warfaafinta Cabdinuur Cali Aadan ayaa agaasimaha TVga u magacaabay Yuusuf Xasan Salaan, kuxigeenkana waxaa loo magacaabay Jaamac Axmed Cali.
Agaasimihii hore ayaa u hambalyeeyey mas'uuliyiinta cusub ee TVga, wuxuun u rajeeyey guul iyo shaqo wacan.
KismaayoNews.com

Raaligalin akhristayaasha hakadkii nagu dhacay

$
0
0

Kn: Akhristayaasheena sharafta leh waxaan ka raaligalineynaa hakadkii dhawrkii maalmood ee lasoo dhaafay ku dhacay wararkii iyo qoraaladii aan sida joogtada ah idiinku soo gudbineyney.
Hakadka ayaa waxaa ugu wacnaa cilad xagga internetka ah oo Soomaaliya badankeeda qabsatay, taasi oo aan hadda xal waara ka gaarnay, wixii hadda ka dambeeyana si joogto ah ayaan wararka idiinku soo tabin doonaa alle idimkiisa.
KismaayoNews.com

DAAWO: Bandhiga Nadaara Oo Lagu Cadeeyey Cidda...

$
0
0

Jun 29, 2017 -
Magaaladda Muqdisho waxaa ka soconaya kulamo ay yeelanayaan xildhibaano la sheegay iney 8-da bisha July mooshin ka keeni doonaan RW Xasan Cali Kheyre.
Mooshinkan ayaa waxaa wada tiro xildhibaano ah kuwaas oo leh dano gaar ah oo ay ugu horeyso iney xilal ka waayeen xukumadda cusub.
Dood wadaag uu waday Wariye C/Qadir Nadaara ayaa sidoo kale lagu ogaaday iney jiraan koox Xildhibaano ah oo malaayiin Dollar kasoo qaatay qaar kamid ah wadamadii Carabta ee dhawaan xariirka ujaray dalka Qatar, kuwaas oo doonaya in la rido RW Kheyre.
Madaxweynaha DFS ayaa isku dayaya inuu la kulmo xildhibaanada qaar oo uu ku qanciyo iney joojiyaan mooshinka.
Xildhibaan Goodax oo kamid ah Xildhibaanada DFS ayaa ku baaqay in mooshinkaas la joojiiyo maadaama dalka uu wadadii hormarka ku jiro.
Nagala soo xiriir

Sucuudiga oo beeniyey in Bin Naayif xabsi guri lagu soo rogay

$
0
0

Masuul sare oo Sucuudi ah yaa beeniyey warbixin uu qoray wargeyska New York Times oo sheegaysay in Sucuudigu xabsi guri ku soo rogay Amiir Maxamed Bin Naayif isla markaana laga mamnuucay inuu dalka dibaddiisa u safro.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live