Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Sucuudiga oo beeniyey in Bin Naayif xabsi guri lagu...

$
0
0

Masuul sare oo Sucuudi ah yaa beeniyey warbixin uu qoray wargeyska New York Times oo sheegaysay in Sucuudigu xabsi guri ku soo rogay Amiir Maxamed Bin Naayif isla markaana laga mamnuucay inuu dalka dibaddiisa u safro ka dib markii Boqorka Salmaan-ka Sucuudigu ka qaaday xilkii dhaxal sugenimo kuna bedelay wiilkiisa Maxamed Bin Salmaan.
Wakaaladda wararka Reuters ayaa masuulkaa Sucuudiga ah ka soo xigatay inuu yidhi "Maxamed Bin Naayif, wasiirkii hore ee arimaha gudaha ee ruug caddaaga ahaa weli sidii buu u qaabilaa martida u timaad mana jirto wax xayiraad socdaal ah oo lagu soo rogay isaga iyo qoyskiisa toona".
Wargeyska Maraykana ahi wuxuu warbixin uu baahiyey Khamiistii isagoo soo xiganaya afar masuul oo iskugu jira kuwo hore iyo kuwo haatan xilal haya oo ay aad isugu dhawyihiin qoyska boqortooyada Sucuudiga, ku sheegay in ay yidhaahdeen in Maxamed Bin Naayif "laga mamnuucay inuu boqortooyada ka baxo isla markaana lagu xukumay inuu xabsi guri ku joogo qasrigiisa" ku yaal magaalada Jiddah.
Laakiin masuulkan sare ee Sucuudiga ah ee la hadlay wakaaladda wararka Reuters, ayaa sheegay in uu aad uga xunyahay warbixinta uu wargeyskaasi baahiyey waxaanu ku tilmaamay mid "been abuur ah" waxaanu hadalkiisa ku sii daray in "Maxamed Bin Naayif damacsanyahay inuu sharciga la tiigsadao wargeyskaa".
Wargeyska New York Times wuxu ku waramay in xayiraadda cusub ee lagu soo rogay Amiirka la casilay ee 57 jirka ah "looga gol leeyahay in laga hor tago mucaaradnimo suurto gal ah oo uu kala hor iman karo dhaxal sugaha cusub, Maxamed Bin Salmaan, oo 31 jir ah. Sidoo kalena ay tibaaxayso cabsida laga qabo in hadii Maxamed Bin Naayif shacabka dhex socdo ay keeni karto in dadka iyo qaar ka mid ah qoyska boqortooyada ee ka cadhooday isbedelkani ay taageeraan amiirka la casilay".


SAWIRRO: MD Farmaajo oo Taariikh Cusub dhigay kadib...

$
0
0

Jun 29, 2017 -
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa si weyn uga qeyb galay olalaha Bilic soo celinta Muqdisho.
Madaxweynaha oo kaashanaya qaar kamid ah shaqaalaha xafiiskiisa iyo Dhalinyarada Muqdisho ayaa la arkay isagoo wata alaabta nadaafadda isla markaana qashinka ka nadifinaya meel laami ah.
Waa Madaxweynihii ugu horeeyay ee sidaas sameeya, waana balan qaad uu horey usameeyay.
Nagala soo xiriir

Yemen: Colaad iyo daacuun is biirsaday

$
0
0

Yemen oo ku jirta sannadkii saddexaad ee dagaal ka socdo dalka aya waxa soo food saaray daacuunkii ugu xumaa ee dunida ka dillaaca.

US: Degdeg ayaan ciidankeena uga soo saarnay Afghanistan

$
0
0

Xoghayaha gaashaandhigga ee Maraykanka, James Mattis, ayaa sheegay in ciidanka dalkiisa uu si degdeg ah uga soo baaxay dalka Afghanistan, oo ay haboonaan lahayn inuu muddo sii joogo dalkaasi.

US: Degdeg ayaan ciidankeena uga soo saarnay...

$
0
0

Xoghayaha gaashaandhigga ee Maraykanka, James Mattis, ayaa sheegay in ciidanka dalkiisa uu si degdeg ah uga soo baaxay dalka Afghanistan, oo ay haboonaan lahayn inuu muddo sii joogo dalkaasi.
Waxa uu kala hadlayay dalalka xubnaha ka ah gaashaanbuurta NATO istaraajiyadda mustaqbalka ee Maraykanka, xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in dalkaasi uu qorshaynayo xoojinta askarta ka joogta Afghanistan.
Maraykanka ayaa si weyn u dhimay ciidanka ka joogay Afghanistan, waxaana dabayaaqadii 2014 uu ammaanka dalkaasi gacanta u geliyay ciidamada loo tabababary.
Wixii markaa ka dambeeyay ayaa waxaa soo xoogaystay Taliban iyo weliba ururka isku magacaabay dowladda Islaamka oo dalkaasi xarumo ku yeeshay.
Ciidamo waxyar ka badan 13 kun oo ka socda NATO ayaa hadda ku sugan Afghanistan, waxaana ay gacan siiyaan ciidamada dalkaasi.

Jarmalka oo Chile la dheeli doona fiinaalka koobka Confederations-ka

$
0
0

Xulka Jarmalka ayaa si sahlan 4-1 uga adkaaday kan Mexico ciyaartii nus dhammaadka koobka confederations-ka ee ka dhacday garoonka Fisht Olympic ee magaalada Sochi.

DAAWO: Wasiir Fiqi oo DFS Xog ka siiyay Sida ay...

$
0
0

Jun 30, 2017 -
Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga ee DKMG Somalia, Cabdixakiim Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa ka hadlay suurtagalnimada in Sh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur iyo soo bandhigidii Shabaab ee wajiga Hogaamiyahoodii Axmed Madoobe.
Fiqi ayaa bixiyay xogta dhabta ah ee ka dambeysay in Mukhtaar Roobow laga saaro liiska dadka uu doonayo Mareykanka.
Dhanka kale, Wasiir hore Fiqi ayaa aamisan in dowladda madaxweyne farmaajo ay hayso wadadii ay uga guuleysan laheyd Shabaab hadii qaarkood ay wadahadal la bilowdo.
Soo bandhigidii Muuqaalka Axmed Godane ayuu dhanka kale Wasiir Fiqi ka hadlay.
Nagala soo xiriir

Daawo Video: RW. Khayre oo noqday R/wasaarihii Kii...

$
0
0

Jun 30, 2017 -
Raysal wasaaraha SOomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa Noqday R/wasaarihii ugu Shaqada Badnaa ee dalka Soo Maray, Wuxuuna Isbadal Balaadhan ku sameeyay Hay'adaha Dawladda iyo Wasaaradaha Hoos Yimaada.
Hadaba waxaanu Halkan idiinku soo Gudbinaynaa Barnaamij Xiiso leh oo Telefishinka Universal uu Arimahaasi ka diyaariyey.
Nagala soo xiriir


Amarki Madaxweyne Trump ee Qaxootiga oo Xalay Si Rasmi Ah U Dhaqan-galay

$
0
0

Dowladda Mareykanka ayaa xalay Sideedii fiidnimo xilliga magaalada Washington, dhaqan-galisay sharci cusub oo dhinaca socdaalka ah kaasoo lagu soo rogay muwaadiniinta ka imaanaya dalalka Iran, Libya, Somalia, Sudan, Syria and Yemen.

DHAGAYSO: DFS oo Ciidamo Militeri ah udirtay Xudur...

$
0
0

Jun 30, 2017 -
Ciidamada Dowladda Somaliya, ayaa u dhaqaaqay halka uu Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) kaga sugan yahay Gobolka Bakool, si ay uga soo badbaadiyan gacanta Ururka Al Shabaab.
Ciidamada Dowladda, ayaa waxaa la sheegay inay maanta gaareen Deegaanka Baano oo qiyaastii 8km u jirta Deegaanka Abal, oo ah halka uu ku sugan yahay Mukhtaar Roobow Cali.
Ciidamada Dowladda, ayaa waxaa uu ujeedkoodu yahay in Mukhtaar Roobow Cali ka badbaadiyan maleeshiyada Ururka Al Shabaab, oo sida la sheegay hareereeyay halka uu ninkaasi kaga sugan yahay Abal.HOOS KA DAAWO GURMADKA DFS EE Shabaab
[embedded content]
Xoogaga Al Shabaab, ayaa bilaabay in ay culeys saaraan Abuu Mansuur, wixii ka dambeeyay markii ay soo baxeen wararka sheegaya in Dowladda Mareykanka ay ka saartay liiska argagixisada.
Mareykanka, ayaa dib ula noqday abaalmarin lacageed oo dhan shan milyan oo lacagta Mareykanka ah, oo la siin lahaa cidii keenta war iyo wacaal lagu soo qaban karo amaba lagu qaarajin karo Abuu Mansuur. Go'aanka uu Mareykanku qaatay waxay ku soo aadaysaa, xilli sida la sheegay uu ninkaasi wada hadalo la bilaabay Dowladda Federaalka.
Shabaabku waxay u muuqdaan kuwo ka careysan tallaabada liiska argagixisada looga saaray Abuu Mansuur iyo wararka sheegaya in wada hadalo uu kula jiro Dowladda Somaliya.
Abuu Mansuur, ayaa ka tagey Ururka Al Shabaab, ka dib markii Amiirkii hore ee Al Shabaab, Axmed Cabdi Maxamed (Godane), ay isu qabteen Saraakiil Shabaabka ka tirsaneyd oo uu Godane qaarajiyay.
Tan iyo sanadkii 2013-kii, ayuu Abuu Mansuur iyo ciidan uu watay waxaa ay ku dhuumaaleysanayen deegaano ku yaala Gobolada Koonfur Galbeed Somaliya, waxaana jiray ciidan gaar ah oo Godane uu daba dhigay, iyadoo ay dhowr goor isu dhaceen, kuna fashilmeen in ay ka takhalusaan.
Nagala soo xiriir

DEG DEG: Amarkii MD Farmaajo oo Mar kale lagu sii...

$
0
0

Jun 30, 2017 -
91 nin oo maxaabiis ahaa, ayaa waxaa goor dhow laga sii daayay Xabsiga Dhexe Xamar, ka dib cafis uu u sameeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed C/laahi Farmaajo.
Magacyada dadkan, ayaa waxaa soo gudbiyay guddi uu Madaxweynaha Somaliya u xil saaray inay soo qoraan magacyada dadka dembiyada fudud ugu xiran Xabsiga Dhexe.
Taliyaha Ciidamada Asluubta Somaliyeed, General Xuseen Xasan Cismaan oo shir jaraa'id ku qabtay Xabsiga Dhexe, ayaa tilmaamay in dadkan lagu sii daayay cafis uu u sameeyay Madaxweynaha.
Taliyaha, ayaa sheegay in dadkaasi ay yihiin kuwa qaba dembiyo fudud, sida buu yiri caasi waalideen, isagoo intaa ku daray in qofkasta la siiyay labaatan dollar, oo gaari raac uu ka dhigto.
Taliyaha, ayaa waxaa uu dadkaasi kula dardaarmay inay ka fogaadan in mar labaad lagu soo xiro wixii ay hadda ugu xirnaayen Xabsiga Dhexe.
Maxaabiista oodda laga qaaday, ayaa soo dhaweysay cafiska uu u fidiyay Hogaamiyaha Wadanka, iyagoona kaga mahadceliyay naxariista uu u muujiyay.
Maalintii Talaadada, ayay ahayd markii sidaan oo kale Xabsiga Dhexe Xamar looga sii daayay 13 nin, oo uu cafis u fidiyay Madaxweynaha Farmaajo.
Nagala soo xiriir

MD Farmaajo oo si qiiro leh oga hadlay Somaliland...

$
0
0

Jul 1, 2017 -
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo oo Xalay ka qeyb Munaasabad lagu Xusayay 1-da Luuluyo oo ah Markii ay Gobolada Koofureed ka Xoroobeen Guumeystihii Talyaaniga islamarkaana ah Israacii Gobolada Waqooyi iyo Koofur ayaa ka hadlay Midnimada Soomaaliya.
Maxamed C/laahi farmaajo ayaa sheegay inuu soo celin doono Wada hadalkii Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland kaas oo Mudooyinkii dame hakad ku jiray .
Madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa sheegay in lagama Maarmaan ay tahay in la helo Midnimadii Soomaaliya oo dib u soo noqotay islamarkaana Soomaaliya aysan kala maarmin.
Wadahadaladii Dowlada Dhexe iyo Somaliland ayaa Mudo hakad ku jiray,waxaana Somaliland ay sheegtay in ay diyaar u tahay wada hadal ay la gasho Dowladda uu Hogaamiyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi farmaayo .
Nagala soo xiriir

Dowlada Mareykanka oo Soomaaliya ugu Hambalyeeysay...

$
0
0

Safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya Stephen Schwartz ayaa war uu soo saarey ku sheegay isaga oo ku hadlaya magaca Dowladda Maraykanka in uu hambalyo u dirayo shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay ku sugan yihiin.
".... Tan iyo markii aan imid Soomaaliya aniga oo noqdey safiirkii u horeeyey muddo 25 sano ah. Waxaan markhaanti u noqdey guulaha la yaabka leh ee dadka Soomaaliyeed sameeyeen ee dib u dhiska dalkooda. Inkasta oo ay barbarsocotey khatar badan sida Macaluul, weeraro ka imaanaya al-Shabaab, Dakhliga dowladda oo yar, Caddaaladda oo aan tabar weyn lahayn iyo kuwo kale....." ayuu yiri Denjire Stephen Schwartz.
Warka ka soo baxay safiirka ayaa lagu sheegay in Dowladda Maraykanku aaminsan tahay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi iyo Raysalwasaare Xasan Kheyre ay dhab ka tahay in ay dalka ku soo celiyaan nabad iyo dib u heshishiisiin, dadka Soomaaliyeedna dib ugu laabtaan shaqooyinkoodi.
- Anaga Maraykanka ah iyo qaar kale oo kamid ah Beesha Caalamku waxaan si dhaw ula shaqeyneynaa Dowladda Federaalka ah iyo maamulada gobolada ka jireyy, si isbeddel degdeg ah loogu sameeyo bulshada Soomaaliyeed.
War saxaafadeedka Safiirka Maraykanku soo sarey ayaa lagu sheegay in siyaasiyiinta Soomaalida laga doonaayo in ay dhinac iska dhigaan khilkaafka keenaya khatar siyaasadeed diiradana ay saaraan horusocod dhab ah iyada oo muhimadda la siinaayo, jebinta argagixisada, kordhinta dakhliga iyo wadaaga kheyraadka dowladaha xubnaha ka ah federaalka, dib u eegista iyo dhamaytirka dastuurka, diyaar garowga doorasho hal qof hal cod ah, wadahadal dhab ah oo lala galo Somaliland, xoojinta dhaqaalaha, shaqo abuurka iyo la dagaalnak Musuqa.
Ugu danbeyntii ayaa lagu sheegay in shaqooyinka badan ee horyaala Dowladda Soomaaliya ee aan waxba laga qaban 30 sano ee u danbeeyey , aysan suurta gal ahayn in sanad wax looga qabto ama afar sano laakiin la iska doonayo in asaaskii guusha la asteeyo ka hor 2021, taasna waxay dooneysaa shaqo badan iyo dulqaad.PUNTLAND POST
The post Dowlada Mareykanka oo Soomaaliya ugu Hambalyeeysay Maalinta Xurnimada Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

‘Maalintii arooskayga ayaa la i kufsaday’

$
0
0

Labo masiibo ayaa maalintaas qabsatay gabadhan yar oo baadari ka ahayd Nairobi, laakiin way badbaaday. Waxay ahayd xaflad aroos oo wayn sababtoo waxaan ahaa baadari dadkii kiniisadda ku xirnaa oo dhan iyo qaraabada ayaa iman lahaa. Aniga iyo Harry oon is calmanayba aad ayaan u faraxsanayn - wuxuu aroosku ka dhici lahaa kiniisadda All Saints Cathedral ee magaalada Nairobi waxaana soo kiraystay toob qurux badan.
Laakiin habeenkii ka horreeyay arooska ayaan ogaaday in aan hayo qaar ka mid ah dharkii arooska ee Harry oo uu ka mid ah yahay taygiisii oo la'aantii uusan xafladda imaan karin, marka gabar aan saaxiibbo nahay oo habeenkii nala seexatey ayaa noo soo bandhigtay in uu aroorta horaba u geeyo.
Subax hore ayaan kacnay aniga iyo iyaddaba si aan u gaarsiiyo meeshii ay baska ka raaci lahayd.
Markii Terry Apudo ay soo xaadiriwayday xafladdii arooskeeda qofna ma malaynin in la afduubtay oo la kufsaday haddana mayd ahaan looga tagay iyada oo waddo hareerteed taala.
Ragga midba mar ayuu i kufsadey. Waan hubay in aan dhimanayo, laakiin wali waxaan u dagaalamayey nafteyda, markii mid ka mid ahi uu alaabadiisii kala baxay afkayga ayaan ka qaniiney cisalka. Xanuun ayuu la qayliyey kadibna caloosha ayey toorey iga geliyeen. Kadib daaqada ayey gaadhiga fureen oo iga tuureen. In badan ayaan guriga u jirey, meel ka baxsan Nayrobi ayey ahayd. Ilaa lix saacadood ayaa kasoo wareegey ilaa xiligii la i afduubey.
Ilme yar ayaa i arkey markay gaadhiga iga tuureen oo u yeedhay ayeydii . Dadkii ayaa igu soo yaacay. Markii booliisku yimi, waxay eegeen in aan neefsanayo, laakiin uma ay muuqan. Waxa ay u maleeyeen in aan dhintey, kadibna buste ayey igu duuduuben oo waxay ii qaadeen meesha meydka la dhigo. Jidka annaga oo ku sii jirna ayaan saxdey oo aan kadibna qufacay. Nin booliis ah ayaa yidhi 'wey nooshahay'? Gaadhigii ayuu dib u celiyey waxaanay i geeyeen cusbitaalka ugu weyn dowlada ee Kiiniya.
Waxa cusbitaalka la i keeney anniga oo naxsan, si jaah wareer ah ayaan u hadlayey, jidhkeyga qayb badan ayaa qaawaneyd, dhiigna wuu iga da'ayey. Wajigeyga feedhkii ayaa barariyey. Laakiin wax ayaa u sheegey gabadha mas'uulka ka ahayd xarunta caafimaadka in aan caruusad ahay, 'waxay tidhi ina keena aynu soo eegno kiniisada in ay jirto gabadh caruusad ah oo la waayey', kalkaaliyayaasha caafimaadka ayey ku tidhi.
Image captionAll Saint's Cathedral waa kiniisada ugu weyn kiniisadaha Anglican cathedral ee Nairobi
Si lama filaan ah, kiniisadii u horeysey ee ay soo gaadheen waxa ay ahayd kiniisada All Saints Cathedral. 'Miyaad weydeen caruusad ayey weydiiyeen?' kalkaalisada ayaa weydiisey.
Wadaadka ayaa yidhi, 'Haa, aroos ayaa jirey tobankii laakiin ma ay iman.'
Markii aanan iman kiniisada iyo waalidkey wey warwareen. dad ayaa la direy isoo raadiya. warkii ayaa la isgaadhsiiyey. Dadka qaar ayaa isweydiiyey, 'tolow miyey is bedeshay?'qaar waxay isweydiiyeen, 'Maya, qof noocaas ah maaha, wax ayaa ku dhacay?'
Saacado kooban kadib, waxyaabihii goobta lagu qurxiyey ayaa laga furey, si arooskii igu xigey loogu baneeyo goobta. Harry qol ayaa la fadhiisiyey.
Markii ay maqleen meesha aan joogo, waalidkey iyo dhamaan martidii ayaa ii timi. Harry waxa uu siddey toobkii arooskayga. Warbaahintuna war yar ayey heleen oo goobta ayey yimaadeen.
Cusbitaal kale oo aan ku heli karo waxoogaa dhowrsanaan ah ayaa la i geeyey. Cusbitaalkaas ayey dhakhaatiirtu igu toleen oo iigu sheegeen warka naxdinta leh ee in aanan dhali doonin caruur. "tooreydii ay i geliyeen ayaa gaadhey ilmo galeenka oo keeneysa in aanan caruur dhali doonin."
Waxa la i siiyey kiniinka joojiya uurka iyo dawada ka hortagta xanuunka HIV iyo Aydhiska. Maskaxsdeydii wey xidhantey. wey diidey in ay aqbasho waxa dhacay.
Harry waxa uu ku celcelinayey in uu wali doonayo in uu i guursado 'Waxaan doonayaa in aan ku xanaaneeyo oo aan hubiyo in aad caafimaado anniga oo gacanta kugu haya, gurigeena'. Ma aan ku sugneyn xaalad aan ku idhaahdo Haa ama Maya, waayo maskaxdeyda waxa ka guuxayey wajiyada saddex nin iyo wixii dhacay oo dhan.
Dhowr caanamaal kadib, markii aan caadi kusoo yara noqdey, waxa ii suurta gashay in aan eego, waxaan ku celceliyey waan ka xumahay. Waxaan dareemayey in aan lugooyey. Dadka qaar ayaa yidhi waan ku khaldanaa in aan guriga ka baxo alaseydii hore. Runtii waan dhibanaa, laakiin qoyskeyga iyo Harry ayaa i caawiyey.
Booliiska kuma ay guuleysan in ay soo xidheen raggii ikufsadey, niman badan ayaa la i tusay, laakiin kuma aan guuleysan in aan garto. Markasta oo la i tuso rag, wey igu adkeyd - arrintani waxay dheereysey in aan ka kaco dhaawicii isoo gaadhey. Waxay la mid ahayd markaan 10 talaabo hore u qaado in aan 20 talaabo dib u qaado. Ugu danbeyntii booliiska ayaan ku noqdey: 'waxaan ku idhi waan iska deynayaa, waan ku daaley, joojiya'.
Saddex todobaad kadib markii la i kufsadey waxa la ii sheegey in aanan qaadin xanuunka HVI, aad ayaan u farxay, laakiin waxa la ii sheegey in aan sugo saddex bilood oo kale si loo hubsado. Wali anniga iyo Harry waxaanu sii wadney in aanu qorsheysano arooskayagii.
Inkasta oo aan aad uga cadheysnaa faragelinta warbaahinta, qof ayaa akhriyey sheekadeyda oo iga codsadey in aan la kulmo. Magaceedu waxa uu ahaa Ogolla, iyadana hore ayaa loo kufsadey. Waan hadalney, waxa ay ii sheegtey in iyadda iyo saaxiibadood ay doonayaan in ay bixiyaan kharashka arooskayga. 'Waxaad doonto kharash garee, siddaad doonto yeel ,' ayey tidhi'.
Waan farxay. Waxaan iibasadey doorshe/keeg nooc kale ah, oo aad qaali u ah. Halkii aan ka kireysan lahaa toobka aroosada, mid aan leeyahay ayaan heli karaa.
Bishii Julay 2005ta, toddoba bilood kadib xilligii arooskeygii hore uu dhici lahaa. Anniga iyo Harry waanu is guursaney, waxaanu u baxney toddoba baxayagii.
Image captionArooskii Harry Olwande iyo Terry bishii July 2005
29 caanamaal kadib, annaga oo guriga joogna habeen dhaxani jirtey, Harry girgire dhuxul ka baxayso ayuu soo shidey, waxaanu keeney qolkii hurdada. Cashadii kadib, dhuxushii dibbada ayaanu u saarey iyada oo qolkii kululaadey. Bustaha ayaan hoosta ka galay intii uu albaabka xidhayey. Markii uu sariirta soo galay waxa uu yidhi waan dawakhayaa, laakiin wax weyn kama aanu soo qaadin.
Qabow ayey noqotey, markaas ayaan ku idhi Harry buste kale inoo soo qaad . Laakiin Harry waxa uu igu yidhi masoo qaadi karo oo awood uma hayo, mana istaagi karayo ayuu raaciyey. Waxaan garaney in ay wax khaldan yihiin. Wuu suuxay, ana waan suuxay. Waxaan sii xasuustaa in aan u dhawaaqo, mar mar wuu ii jawaabayey, mar marna iima uu jawaabeyn. Waxaan isku khasbey in aan sariirta ka dego oo aan matago, awood yar ayaan heley. Waxaan u gurguurtey tilifoonka oo waxaan wacay deriska oo aan u sheegey 'in ay wax si yihiin oo aanu Harry hadli kareyn'.
Markiiba wey noo timi, laakiin wakhti dheer ayey igu qaadatey in aan albaabka gaadho anniga oo marba suuxayey. waxaan arkey dad badan oo buuqaya oo soo socda. Haddana waan suuxay.
Waxaan ku toosey cusbitaalka, waxaanan weydiiyey meeyey ninkeygii? Waxay ii sheegeen in ay qolka kale ku eegayaan. Waxaan ku idhi 'waxaan ahayd baadariyad, waxyaabo badan ayaan arkey, runta ii sheega.' Dhakhtarkii ayaa isoo eegey oo igu yidhi 'Waan ka xumahay ninkaagii ma uu badbaadin.'
Waan u qaadan waayey.
Image captionTerry oo fargalkii u galineysa Harry
Aad ayey u adkeyd markii aan kiniisada ku noqoney aaskiisii. Bil uun ka hor halkan ayaan joogey anniga oo xidhey toobkaygii cadaa, Harry wuu i agtaanaa isaga oo sita suudh uu aad ugu soo baxay. Iminka waxaan sitaa toob madow, Harry na waxa lagu soo riixey naxash.
Dadku waxay u maleynayeen in aan ahay qof la falay, caruurtoodii ayey iga celiyeen. 'Wey falan tahay ayey yidhaahdeen'. Mar ayaan xataa annigu siddaas aaminay.
Dadka qaar ayaa igu masabidey in aan ninkaygii diley. Arrintani runtii wey iga jajabisey. Waan geeriyesnaa.
Baadhitaan caafimaad oo la sameeyey ayaa lagu ogaadey in kiimikada carbon monoxide ay unugyadiisa gashay oo uu naqaskii ku dhegey. Aad ayey iiga qasantay oo waan isku dhex yaacay. Waxaan dareemey in uu Ilaahay i dayacay, in qof waliba i dayacay. Waan u qaadan waayey in qof kastaa igu qoslayo, noloshooda wataan. Waan isku dhex daatey.
Maalin waxa aan fadhiyey balakoonka guriga, waxaan daawanyey shimbiraha duul duulaya, waxaan idhi, 'Ilaahow, siddee ayaad u ilaalisaa shimbiraha oo aad anniga ii ilaalin kari weydey?' Isla ilbidhiqsigaas ayey igu soo dhacdey in maalintu 24 saacadood tahay, haddii aan dhex fadhiyo guriga oo aan daahyadana xidho cidi iima soo celineyso 24kaas saacadood. Addiga oo aan dareemin waa toddobaad, bil, sannad aad khasaareysay. Waxay ahayd xaqiiq adag.
Waxaan qof kasta u sheegey in aanan waligay mar kale guursan doonin. Ilaahay ayaa ninkeygii iga qaadey, in mar labaad arrintaas oo kale igu dhacdana waa wax igu adag. Waa arrin aanan qof kale la rabin in ay ku dhacdo. Xanuun badan ayey lahayd, cidiyaha ayaad ka dareemeysay.
Laakiin waxa jira nin magaciisa la yidhaahdo Tonny Gobanga oo si joogto ah ii soo booqan jirey. Waxa uu igu dhiiri gelin jirey in aan ka hadlo ninkeygii oo aan ka fakaro wakhtigii wanaagsanaa ee aanu soo wada qaadanay. Mar ayuu iga maqnaa saddex caanamaal, aadna waan uga cadhoodey. Markaas ayaan ogaadey in aan jeclaadey.
Image captionTonny iyo Terry Gobanga
Tonny waxa uu iga codsadey in aanu is guursano, laakiin waxa aan u sheegey in uu marka hore soo iibsado jariirad oo uu akhriyo sheekadeyda, kadibna uu eego in uu wali doonayo in uu i guursado.
Waxaan ku idhi: "Dhegeyso, wax kale ayaa jira, caruur ma dhali karo, kuma guursan karo."
"Caruurtu waa hadyad Ilaahay bixiyo,' ayuu igu yidhi, 'haddii aynu dhalno aamiin, haddii aynaan dhalin, waxaan haysan doonaa wakhti dheeraad ah oo kugu jeclaado.'
Waxaan is idhi: "Wow, haasaawe wanaagsanaa!" Haye ayaan ku idhi.
Tonny waxa uu aadey gurigoodii si uu ugu sheego aabihii, aad ayey ugu farxeen ilaa ay ka maqleen sheekadeydii. "Ma guursaneysid ayey ku yidhaahdeen, wey falan tahay,' Soddogey wuu diidey in uu yimaado arooskayagii, laakiin waanu iska wadaney howshayada, 800 oo marti ah ayaa timi, qaar badani waxay u yimaadeen in ay na arkaan uun.
Saddex sannadood ayaa kasoo wareegtey arooskeygii hore, waanan baqayey markii meherku dhacayey. Waxaan ka fakarayey, 'weykan mar kale aabow, fadlan ha iga dilin.' Intii dadkii noo ducaynayeen, aad ayaan u ooyayey.
Sannad kadib arooskayagii, waan xanuunsadey, dhakhtarka ayaan u tegey, mucjiso, waxa uu ii sheegey in aan uur leeyahay.
Bilo markey dhaaftey waxa la ii sheegey in aan sariirta jiifo oo aan si buuxda u nasto, sababta oo ah dhaawicii iga gaadhey ilmo galeenka. Laakiin wax waliba caadi ayey noqdeen, waxaanan dhalay gabadh aanu u bixiney Tehille. Afar sannadood kadib waxaan umulay gabadh kale oo aanu u bixiney Towdah.
Maanta, saaxiibka ugu wanaagsan ayaan la ahayd soddogey. Buug ayaan ka qorey xaaladeyda. Ka Gurguurashadii Madowga. Si aan dadka u siiyo rajo ay ku kacaan mar kale. Waxa kale oo aan aasaasey urur la yidhaahdo Olmurani. Waxa aanu ku caawinaa dadka kufsiga ka badabaada waa siddaan ugu yeedha'e. uguma yeedho dhibanayaasha la kufsadey.
Waxaanu ku caawinaa talo iyo taageero. Waxa aanu wadnaa guri ay yimaadaan inta ay u diyaar garoobayaan in ay mar kale qaabilaan dibada.
Waan cafiyey kuwii i weerarey. Ma ay fududeyn runtii, waxaan dareemey in ay anniga uun cadhadu wax i yeeleysay maadaama oo aanay ogeyn dadkan aan u cadheysanahayba. Diinteydu waxa kale oo ay igu dhiiri gelisaa i aan wax cafiyo oo aan shar kaga jawaabin shar kale, laakiin aan kaga jawaabo wanaag.
Ta ugu muhiimsani waa in aan qiirooto, talaabo kasta u mar. Laakiin u gudub mustaqbalkaaga, waayo wuu ku sugayaa, waa in aad raadsataa oo aad soo qabataana.Join the conversation - find us on Facebook, Instagram, Snapchat and Twitter.

Munaasabad loogu dabaal degayay 1-da Luulyo oo xalay...

$
0
0

Munaasabadda oo ka dhacday xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar, ayaa waxaa ka qeyb galay, Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, Ra'iisul Wasaare ku xigeenka dalka, Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad, xubno ka tirsan Labada Gole ee dowladda, Wakiilo ka kala socday dalalka Caalamka, Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida, Gudoomiyaha gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed, Gudoomiyeyaasha degmooyinka iyo ururada Bulshada.
Munaasabadda waxaa Qudbado ku saabsan taariikhda iyo halgankii dheeraa ee loo soo maray Xorriyadda Soomaaliya ka jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya, Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Dad waaya jog ah.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed oo ugu horeyn goobta ka hadlay wuxuu sheegay shacabka Soomaaliyeed in ay wajahayaan daruufo dhinacyo badan ah, oo ay ugu horeyso mid amni, wuxuuna tilmaamay in ay ku jiraan dadaaladii arrimahaasi looga gudbi lahaa.
Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye waxay dhankeeda sheegtay in la qabtay Tartan lagu maamuusayay 1-da Luulyo, kaasi oo ugu dambeyn ay ku guuleysatay kooxda Banaadir, oo ka adkaatay Horseed.
Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay shacabka Soomaaliyeed in uu saaran yahay waajib ah in ay cadowga dalkooda ka difaacaan, wuxuu intaasi raaciyay shacabka Soomaaliyeed in aysan waajibkooda ka soo bixin inta ay qarinayaan Shabaab, iyaguna aysan waxba ku qabsan Karin.
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo khudbada ugu dambeysa ee Munaasabada ku soo dhaweynayay Madaxweynaha ayaa sheegay in ay na hortaagan yihiin Argagixso, Abaar, kala qu qubnaan iyo waxyaabo kale, si taasi looga gudbo ayuu dhalinyarada ugu baaqay in ay raacaan wadadii SYL.
Ugu dambeyn waxaa hadalka qaatay Madaxweynaha Soomaaliya, wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Munaasabadda Kowda Luulyo, isaga oo intaasi ku daray dhismayaasha Dowladda in ay ugu magac dari doonaan dadkii gobonimada u soo halgamay.


Ma Puntland baa Qaldan Mise Dawladda Federaalka?

$
0
0

1st July 2017 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

Puntland ayaa dhawaan ka hor timid manhajka waxbarasho ee la horgeeyay gollaha wasiirada ee Dawladda Fedaarlka ee Soomaaliya. Hadaba ka hor imaanshaha Puntland ay ka hortimid ayaa dadka qaarkiis waxeey u arkaan in Puntland ay tahay mid dawaladda ku ah carqalad ama jecel ineey carqalad abuurto.
Hadaba, maamulada dalka Soomaaliya waxeey codsanayaan in talada dalka laga qeeyb gelliyo oo aan sidii dawaddii hore aan loo dhaqmin ee iyadu aheed midda go'aan walba gaari jirtay ha wannaagsanaado ama ha xummaado. Dalka waxa uu dal ku noqon karaa marka taladiisa lawada wadaago, waana in la illaaliyaa nidaamka federaalka ee uu dalka yeeshay. Waxaa xaqiiq ah in dalka welli uusan yeelan dastuur la isla meel dhigay iyo wax si toos ah u kalla qeexaya cid kasta waxa ay xaqa u leedahay.
Tusaale, dalka Mareeykanka oo ah dal nidaamkiisa uu yahay federaal ayaa waxaa waxbarashada maamula gobolada iyo dawladdaha hoose ee gobololadaas, mana jirto cid ku maamusha manhajka ay dhigayaan; sidoo kale, dawladda federaalka ee Mareeykanka waxeey siisaa ama ku kabtaa gobolada dalka lacag dhan 8 boqolkii, inta kalle oo ah 92 boqolkii waxeey ka timaadaa gobolada oo iyaga ayaa la baxa.
Dhinaca kalle, dalka Canada, ma laha wasiirka waxbarashada ee heer federaal, waxbarashada dalka oo dhana waa mid ay maamullaan gobolada dalka, gobol kastana waxa uu leeyahay manhajkiisa u gaarka ah. Sidoo kalle, gobol kasta oo ka mid ah dalka Canada waxa uu leeyahay wasiir waxbarasho oo gobolkaas gaar u ah. Su'aasha isweeydiinta leh waxeey tahay, ma Puntland baa qaldan, mise dawladda federaalka? miyeeysa haboon tahay in maalin kasta la is jiijiito? Maxaa ka hortaagan in wasiirka waxbarshada ee federaalka uu la tashto gobolada dalka?
Hadaba si aad u wax badan uga oggaato nidaamka waxbarasho ee Canada iyo Mareeykanka fadlan hoos ka aqirso.https://www2.ed.gov/about/overview/fed/role.htmlhttp://www.cmec.ca/299/Education-in-Canada-An-Overview/Puntland oo dhawaan diiday manhajkii dhawaan la horgeeyay golaha wasiirada.
[embedded content]Allsanaag.com
Post navigation
- War Hooy Aniga Cali Khalif ah Kabo buudha ayaan xidhaa

Baaritaan deg deg ah oo ku socda Marine Le Pen

$
0
0

Ms Le Pen ayaa xilligii uu socday ololaha doorashada waxa ay diiday in ay ka jawaabto su'aalo ku aaddan eedeymaha ah in ay ku tagri fashay maalka umadda.
Haweeneydan ayaa gaartay wareegga kama dambeysta ah ee doorashadii madaxtinimada ee Faransiiska ka dhacday bishii hore, ka dib markii musharraxa xisbiga Jamhuuriga, Francois Fillon uu saaxadda kaga baxay eedeymo ah inuu xaaskiisa siiyay mushaar aanay xaq u lahayn.
Dembi baarayaasha Faransiiska ayaa hadda baaritaan rasmi ah ku billaabay Ms Le Pen, oo loo haysto inay ku tagri fashay lacag dadweynuhu leeyahay oo lagu aaminay.
Ms Le Pen ayaa horay u beenisay in ay wax khalad ah gashay, waxaana ay sheegtay in baaritaanka uu yahay mid ay siyaasadaysan. Waxa ay intaa ku dartay in ay iska difaaci doonto dacwad kasta oo lagu soo oogo.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454

Soomaali laga barakiciyay xerada Calais oo dib u soo...

$
0
0

Qaxootiga laga barakiciyay xeradan ee dib ugu soo laabtay mar kale ayaa waxaa ka mid ah dad u dhashay Soomaaliya, sida ay sheegtay Hay'adda gacanta ku haysa Qaxootigan.
C/casiis Axmed oo ka mid ah Soomaalida ku jirta xeradaas, lana hadlay warbaahinta gudaha ee dalkaasi ayaa sheegay Dowladda Faransiiska in aysan siin tixgelin, aysana garaneyn meel kale oo ay ku noolaadaan.
Duqa magaalada Calais ayaa sheegay Qaxootigan in dib loogu celin doono xero ku taalla magaalada Renns oo hada ay ka soo barakaceen, maadaama aanan la ogoleyn xeradan ay hada ku soo laabteen.
Qaxootigan ku sugan dalka Faransiiska ayaa markoodii hore waxa ay Tahriib ku galeen dalka Talyaaniga, halkaasi oo Faransiiska ay ka soo galeen.
Xerada Calais ku taalla ayaa waxaa ku jira Qaxooti garaya 600, kuwaasi oo u kala dhashay dalalka Eritrea, Ethiopia, Sudan, Afganistan, Syria, iyo Somalia.
Dhanka kale Midowga Yurub ayaa sheegay in ay ka hortaagayaan Tahriibayaasha nafsadooda ku biimeynaya Badda Mediterraneanka, si aysan ugu dhiman Badda.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454

Marekanka oo bulshada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey...

$
0
0


Muqdisho (RBC Radio) Dowladda Marekanka ayaa hambalyo u dirtay shacabka Soomaaliyeed ee maanta u dabaal-degaya 57 guuradii kasoo wareegtay maalinta xoriyadda,sida lugu sheegay war-murtiyeed ka soo baxay safaaradda Soomaaliya ee ku taalla magaalada Muqdisho.
Safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya Stephen Schwartz oo ku hadlay afka dowladda Marekanka ayaa sheegay inuu marqaati u yahay Soomaaliya inay gaartay guulo badan oo muuqda.
"Tan iyo markii aan imid Soomaaliya aniga oo noqdey safiirkii u horeeyey muddo 25 sano ah. Waxaan markhaanti u noqdey guulaha la yaabka leh ee dadka Soomaaliyeed sameeyeen ee dib u dhiska dalkooda. Inkasta oo ay barbarsocotey khatar badan sida Macaluul, weeraro ka imaanaya al-Shabaab, Dakhliga dowladda oo yar, Caddaaladda oo aan tabar weyn lahayn iyo kuwo kale." ayuu yiri Denjire Stephen Schwartz.
Inta wuxuu ku darray in dowladda Maraykanku aaminsan tahay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi iyo ra'iisul wasaare Xasan Kheyre ay dhab ka tahay in ay dalka ku soo celiyaan nabad iyo dib u heshishiisiin, dadka Soomaaliyeedna dib ugu laabtaan shaqooyinkoodi.
"Anaga Maraykanka ah iyo qaar kale oo kamid ah Beesha Caalamku waxaan si dhaw ula shaqeyneynaa Dowladda Federaalka ah iyo maamulada gobolada ka jireyy, si isbeddel degdeg ah loogu sameeyo bulshada Soomaaliyeed."
War saxaafadeedka Safiirka Maraykanku soo sarey ayaa lagu sheegay in siyaasiyiinta Soomaalida laga doonaayo in ay dhinac iska dhigaan khilkaafka keenaya khatar siyaasadeed diiradana ay saaraan horusocod dhab ah iyada oo muhimadda la siinaayo, jebinta argagixisada, kordhinta dakhliga iyo wadaaga kheyraadka dowladaha xubnaha ka ah federaalka, dib u eegista iyo dhamaytirka dastuurka, diyaar garowga doorasho hal qof hal cod ah, wadahadal dhab ah oo lala galo Somaliland, xoojinta dhaqaalaha, shaqo abuurka iyo la dagaalnak Musuqa.
Ugu dambeyntii ayaa lagu sheegay in shaqooyinka badan ee horyaala dowladda Soomaaliya ee aan waxba laga qaban 30 sano ee u danbeeyey , aysan suurta gal ahayn in sanad wax looga qabto ama afar sano laakiin la iska doonayo in asaaskii guusha la asteeyo ka hor 2021, taasna waxay dooneysaa shaqo badan iyo dulqaad.
___
RBC Radio

Dowladda Soomaaliya oo wada-hadal la bilowday...

$
0
0


Muqdiso (RBC Radio) Wada-hadallo u dhaxeeya dowladda Soomaaliye iyo hoggaamiye mar noqday qofka labaad ee ururka al-Shabaab ugu sareeya Sheekh Muqtaar Roobow Cali Abuu Masuur ayaa bilowday,sida ay wakaaladda wararka ee Reuters ka soo xigatay sarkaal sare oo dowladda ka tirsan.
Waxaa lugu sheegay wada-hadallad socday inay-yihiin kuwo toos ah,waxaana lugu doonaya in lugu soo xero geliyo Sheekh Muqtaar Rooboow.
"Wada-hadallada dowladda Soomaaliya iyo Sheekh Muqtaar Roobow Cali Abuu Masuur ,way bilowdeen si toos ah ayeyna u socdaan hadda,qorshaha wuxuu yahay inuu dowladda isku soo dhiibo Sheekh Abuu Masuur." ayuu yiri sarkaal ka tirsan dowladda oo ay wakaaladda Reuters ku sheegtay magaciisa Col. Aadan Axmed.
Wada-hadallada dowladda iyo wadaadka ayaa ka dambeeyay markii dhawaan uu Marekanka oo 5 milyan ku baadi goobayay uu ka saaray liiska argagixisada.
Sheekh Muqtaar , ayaa muddo ahaa saraakiisha ugu sarreeysay ururka al-Shabaab,waxaa la aaminsanyahay inuu ilaa hadda yahay hoggaamiyaha kaliya oo ay daacadda u yihiin dagaalyahannada ugu badan ee kooxda ka tirsanaa.
Wuxuu ku suganyahay deegaanka Abal oo hoostaga degmada Xudur ee gobolka Bakool ,waxaa laga soo sheegaya deegaannada inay xiisad dagaal ka taaganyahay,markii dagaallamayaal al-Shabaab ah ay ku soo dhawaadeen deegaanka.
Warar madax banaan ayaa lugu sheegay ku dhawaad boqol dagaalyahan inuu deegaanka ku heysto Sheekh Muqtaar Roobow ,halka sidoo kale dowladda Soomaaliya ay sheegtay inay ka hortagi doonto weerarro ay al-Shabaab ku qaadan Sheekh Muqtaar Roobow .
Gabagabadii,Sheekh Muqtaar Roobow ayaa ka mid noqon doona hoggaamiyeyaal muhiim ah oo u waayi doono ururka al-Shabaab,waxaana loo arka inay hoosu dhac ku keeni doonto awooda al-Shabaab oo dagaallo kula jirta dowladda Soomaaliya.
__
RBC Radio

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live