Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Madaxweyne Farmaajo: “Waxaa la gaaraya maalina ay...

0
0


Muqdisho (RBC Radio) Madaxweynaha Soomaaliya,Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka hadlay munaasabad xalay ka dhacday magaalada Muqdisho oo loogu dabaal-degay 57 guuradii kasoo wareegtay maalinta xoriyadda dalka ayaa sheegay in la gaari doono maalin ay middooban bulshada Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa sheegay dowladda inay ka shaqeynayso sidii dadka Soomaaliyeed ay mid u noqon lahaayeen,wuxuu marka si gaar ah uga hadlay arrimo ku saabsan Soomaaliland oo dooneysa inay dalka intiisa kale ka go'do.
Farmaajo ayaa xaqiijiyay si dhaqso ah dowladda inay u billaabayso wada-hadallada ay kula jirto Soomaaliland,wada-hadallada ayaa muddooyinkii dambe hakad ku jiray.
"Dowladda waxaa ay ka shaqeynaysa midnimada bulshada Soomaaliyeed,waxaana la gaari maalin ay mar kale midooban." ayuu yiri madaxweyne Farmaajo oo inta ku darray." Si aan taas u gaarno waxaan dib u billaabaynaa wada-hadalladii aan kula jirnay gobollada waqooyiga ee Soomaaliland."
Madaxweynaha ayaa hadalkan sheegay xilli ay wali ku cel celinayaan hoggaamiyeyaasha gobollaa waqooyiga inay raadinayaan goni goosad,taaso dowladihii dalka soo maray ay diidanayeen.
__
RBC Radio


Imtixaanadii Shahaadada oo Somaliland ka Bilowday

0
0

Arday tiradoodu ku dhawdahay 27,000 oo arday ayaa maanta imtixaanka shahaadiga ah u fadhiistay guud ahaan Somaliland. Imtixaankan ayaa ku soo beegmay wakhti ay wasaaradda waxbarashadu soo saartay go'aamo adag oo ka dhan ah kala eegashada imtixaanka, kuwaas oo isugu jira xadhig iyo imtixaanka oo ardayda lagu qabtaa uu ka hadhayo. Weriyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye ayaa warbixintan ka soo diray Hargeysa.

Embed code
Copy and paste the embed code below.
The code has been copied to your clipboard.
0:03:05
0:00:00 /0:03:05
Direct link
Pop-out player

Faah Faahin Kasoo baxeysa Qarax Khasaaro geystay oo...

0
0

Jul 1, 2017 -
Qarax miino ayaa haleelay gaari nooca dadweynaha ah oo ay la socdeen rakaab, taasoo keentay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh.
Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Qaraxa oo ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso uu qabsaday gaari Caasi Homey ah oo ku socday wadadda xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.
Darawalkii gaariga ayaa la soo weriyay inuu ku dhintay qaraxa, halka iln ka badan shan qof oo rakaabkii saarnaa ah ay ku dhaawacmeen.
Nagala soo xiriir

Safiirka Mareykanka ee Somalia oo ka digay in...

0
0

Jul 1, 2017 -
Safiirka Dowladda Mareykanka u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Danjire Stephen Schwartz ayaa hambalyo ku aaddan munaasabadda 1da Luulyo u diray dowladda iyo shacabka Soomaaliya, isaga oo sidoo kale ka digay in la carqaladeeyo xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Safiirka Mareykanka ayaa sheegay in uu arkay horumar la taaban karo oo ay sameynaysay dowladda Soomaaliya tan iyo intii loo soo magacaabay balse ay caqabad ku noqdeen argagixiso, macluul, dakhli yari iyo unugga caddaaladda oo aad u liita.
Warkan ay soo saartay dowladda Mareykanka ayaa kusoo beegmay xilli olole iyo mooshin ka dhan ah xukuumadda Khayre ay wadaan xildhibaanno ka tirsan labada Gole ee Shacabka, iyada oo lagu eedeynayo in ay dabada ka riixayaan dowladdo shisheeye oo ay ka go'antahay in rajada shacabka Soomaaliyeed la wiiqo.
"Dowladda Mareykanka waxay aaminsantahay in Xukuumadda Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ay dhab ka tahay in ay Soomaaliya gaarsiiyaan nabad, dib u heshiisiin iyo shaqo abuur loo sameeyo shacabka Soomaaliyeed. Annaga iyo qaar badan oo kamid ah beesha Caalamka waxaan si dhaw ula shaqeynaynaa Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada si loo hormariyo nolosha dadka Soomaaliyeed."
"Inkastoo ay muhiim yihiin guulaha kooban ee la gaaray, haddana horumar waara oo dhab ah waxay u baahantahay dadaal iyo joogteyn sanado badan socda kaasoo lagama maarmaan ay tahay in Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamka ay ka wada qeyb qaataan."
"Hormurkaas waa in aysan minja xaabin muwaadiniinta iyo kooxaha doonaya in ay ka faa'iideystaan maamul xumada iyo fal-dambiyeedyada, kuwaas oo ka cabsanaya sarreynta sharciga iyo isla xisaabtanka."
Danjire Schwartz ayaa tilmaaay in shaqooyinka horyaalla dowladda ay yihiin kuwa aad u fara badan balse laga gun gaari karo. Wuxuu yiri "Dhibaatooyinka soo maray Soomaaliya ma aha wax lagu xallin karo hal sano iyo afar sano toona, laakiin waxaa la sameyn karaa dhagax dhiggii guusha inta ka horreysa 2021. Taasi waxay u baahantahay dulqaad iyo in laga shaqqeeyo danaha fog ee Soomaaliya.
Mudane Scharwtz ayaa hadalkiisa kusoo gabagabeeyay in ay dadka Soomaaliyeed feejignaadaan, ayna la xisaabtamaan dowladdooda iyo barlamaankooda si ay uga shaqeeyaan masaalixda dadkooda.
Nagala soo xiriir

Qatar: Shuruudahan ma aqbali karno, wadahadal se diyaar baan u nahay

0
0

Wasiirka arimaha dibadda Qatar ayaa sheegay in dalkiisu diiday dalabaadka ay ku soo eedeeyeen dhawr dal oo Carbeed, laakiin wuxu intaa ku daray in ay diyaar u yihiin wadahadal jawi caafimaad qaba lagu kulmo.

Qatar: Shuruudahan ma aqbali karno, wadahadal se...

0
0

Wasiirka arimaha dibadda Qatar ayaa sheegay in dalkiisu diiday dalabaadka ay ku soo eedeeyeen dhawr dal oo Carbeed, laakiin wuxu intaa ku daray in ay diyaar u yihiin wadahadal jawi caafimaad qaba lagu kulmo.
Iyadoo ay maalin keli ahi ka hadhsantahay mudadii ay u qabteen dalalkaas oo Sucuudiga iyo Imaraadka Carabtu ka mid yihiin, ayaa Maxamed Bin Cabdiraxmaan Bin Jassim Al Thani, wuxuu ku celiyey in Qatar aanay aqbali doonin wax kasta oo qaranimadeeda faro gelin ku ah.
Berri oo Isniin ah ayey ku eg tahay ballantii goodiga ahayd ee ay dalalka Carbeed u qabteen inay kaga jawaab celiso liiska ay ku qoranyihiin arimaha loo gudbiyey.
Hase ahaatee ilaa hadda, Qatar si cad umay muujinin in ay diyaar u tahay in ay fuliso arimahaa laga dalbday. Waxaanu wasiirka arimaha dibadda ee dalkaasi sheegay in dalabaadka loo soo gudbiyey yihiin kuwo albaabada oo dhan ka soo xidhay habkii lagu wada hadli lahaa, waxa keliya ee u bannaanina yahay in ay Qatar ku gacan saydho.
In kasta oo ay hadallo isku mid ah oo ka soo yeedhayey madaxda caalamku ku baaqayeen in la isku tanaasulo, ayaa waxa muuqata in aan ilaa hadda halkii la isku seeganaa waxba laga dhaqaaqin.
Wasiirka arimaha dibadda Sucuudiga, Caadil Al-Jubayr, ayaa mar labaad bartiisa Twitter-ka ku baahiyey liiska arimaha laga dalbaday Qatar ee ay ka mid yihiin in ay joojiso maal gelinta argagixisadu ay yihiin kuwo aan gorgortan geli karin.
Laakiin Qatar waxay sheegtay in saddex iyo tobanka qodob ay dhaafsiisanyihiin dalabkaa argagixiso kalkaalka ah oo ay halis gelinayaan jiritaanka iyo madaxbannanida dalkeeda.

Sarkaal Q.M ka tirsan oo ku baaqay in Talyaaniga la taageero

0
0

Madaxa hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa codkeeda ku dartay ka dadka ku baaqaya in Talyaaniga la siiyo taageero dheeraad ah, maadaama uu la daalaa dhacayo tirada badan ee dadka muhaajiriinta ah ee ka soo haajiraya Afrika ee ka soo gudbaya badda Mediterranean-ka.

Sarkaal Q.M ka tirsan oo ku baaqay in Talyaaniga la...

0
0

Madaxa hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa codkeeda ku dartay ka dadka ku baaqaya in Talyaaniga la siiyo taageero dheeraad ah, maadaama uu la daalaa dhacayo tirada badan ee dadka muhaajiriinta ah ee ka soo haajiraya Afrika ee ka soo gudbaya badda Mediterranean-ka.
Flippo Grandi ayaa sheegay in ay tahay in Yurub si dhakhso ah ula timaad hab sugan oo ay ku kala qaybsanayaan dadka soo galootiga ah.
Laakiin wuxuu sidoo kale ku baaqay in lala yimaad dedaal caalami ah oo wax lagaga qabanayo waxyaabaha keena tahriibinta dadka.
Sannadkan oo keli ah waxa gaadhay dalka Talyaaniga sideetan kun oo qof oo tahriib ah, dadka ku dhintay badana waxa tiradooda lagu qiyaasay laba kun oo qof oo isku deyayey in ay ka talaabaan badda.


Dhalinyaro la socotay Shariif Xasan & Cabdi Qeybdiid...

0
0

Jul 1, 2017 -
Wararka laga helayo magaalada Nairobi ayaa sheegaya in diyaarad u socotay magaalada Muqdisho laga reebay dhalinyaro ka mid ahayd rakaabka saaran.
Dhalinyaradan ayaa la sheegay inay ka shakiyeen ciidamada ammaanka Kenya, iyagoo la haray markii ay diyaaradda ka dejiyeen, waxaana la xaqiijiyay in diyaaradda ay la socdeen xubno mas'uuliyiin ah.
Dhalinyarada ay ciidamada Kenya xireen si ay baaritaan ugu sameeyaan ayaa lagu sheegay inay gaarayaan shan qof oo ka yimid dalalka Qurbaha kuna socday Muqdisho, waxaana isla diyaaradda la socday Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Xildhibaan Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid).
Lama oga sababta dhabta ah ee ciidmada Kenya u xirteen dhalinyaradan oo safar transit ku ahaa magaalada Nairob, garoonka Jommo Kenyatta.
Nagala soo xiriir

XOG DEG DEG AH: Madaxweyne Farmaajo oo diyaariyay...

0
0

Jul 1, 2017 -
Wararka laga helayo Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya inuu socdo qorshe xilalka looga qaaadayo madax sare oo ka tirsan hay'adaha Garsoorka Dalka.
Guddi Madaxweyne Farmaajo dhowaan u magacaabay kasoo talobixinta xaaladda maxaabiista ku jira xabsiga dhexe ayaa warbixin naxdin leh ka keenay xabsiga oo ay ka mid yihiin in dhibanayaal u xiran yihiin dacwado ay ahayd in dembiilayaasha la xiro, isla markaana awood loo adeegsado Garsoorka.
Xubin ka tirsan Guddiga oo lagu magacaabo Mukhtaar Nuur Abuukar ayaa ku eedeeyay maxkamadda sare iyo xeer ilaalinta inay waajibaadkoodu ka gaabiyeen taas bedelkeedna ku kacaan falal sharci darro ah iyo laaluush.
Wararka ayaa sheegaya in inta badan garsoorayaasha maxkamadda sare xilalka laga qaadayo, waxaa kaloo miiska saaran xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir.
Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaan weli isbedelkiisa gaarin hay'adaha Garsoorka, wuxuuna dhowaan u hanjabay hay'adaha garsoorka iyo garsoorayaasha.
Nagala soo xiriir

Goolhayihii Manchester City oo ku biiray Chelsea

0
0

Kooxda haysata horyaalka Ingiriiska ee Chelsea ayaa lasoo wareegtay goolhayihii hore ee Manchester City, Willy Caballero, kaasoo aan wax koox ah ka tirsanayn.

Amniyaadka Al-Shabaab oo Caasimada Muqdisho Laga Saaray

0
0

Wixii ka dambeeyay markii dowladda Federalka Somaliya ay gacanta ku dhigtay madaxii amniyaadka Shabaab ee Gobolka Banaadir C/wahaab Khaliif Axmed (Ciise Tarabuun) oo la qabtay 19-kii Bishii dhamaatay ee June, waxaa Magaalada Muqdisho laga saaray dhamaan amniyaadkii Al Shabaab ee dilalka qorsheysan gaysan jiray.
Ciise Tarabuun oo inta badan adeegsan jiray Koox dhalinyaro ah oo Shabaab ka tirsan si ay u fuliyaan dilalka qorsheysan ayaa markii la qabtay waxaa Shabaabka ay Magaalada ka saareen dhalinyaradii Ciise Tarabuun la shaqeyn jirtay sababo ku aadan in uusan Ciise Tarabuun tilmaam ka bixin dhalinyaradaasi oo dowladda aysan qaban.
Ilo Wareedyo ayaa sheegay in dhalinyarada amniyaadka Shabaab la isugu geeyay deegaanka Tooratoorow oo ka tirsan Gobolka Shabellaha hoose, islamarkaana la qorsheynaayo kuwa cusub oo amniyaad ah in Shabaab ay u soo diraan Magaalada Muqdisho.
Xeeladaha ay isticmaalaan Shabaabka ayaa waxaa ka mid ah haddii Sarkaalka madaxda u ah Kooxda dhalinyarada dilalka ka gaysata Magaalada Muqdisho, dhalinyaradaasi laga saaro Magaalada si aysan u fashilmin oo aanan loo qaban.
Saraakiil ka tirsan Hay'adda NISA, ayaa laga soo xigtay in ammaanka Magaalada Muqdisho hadda uu yahay mid hagaagsan, amnigana uu ku yimid hawlgalka ciidanka ay kordhiyeen iyo Baaritaanada wadooyinka Muqdisho sida joogtada ah looga sameeyo.
Dilalkii sida joogtada ah uga dhici jiray Magaalada Muqdisho ayaa aad u yaraaday, maadaama dhalinyaradii dilalka gaysan jirtay ay isaga baxeen Magaalada fursado badan oo ay Magaalada dilalka uga gaystaana aysan haysan.
Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.comEmail: Ishabaydhaba@hotmail.com

Kheyre oo Isku Shaandheyn Sameeynayo Si Uu u Baajiyo...

0
0

Iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay isa soo tarayeen hadal heyn ku aadan in suura galnimada in mooshin laga keeno Xukuumadda Ra'iisul Wasaare Kheyre ayaa waxaa iminka isa soo taraya dadaalada la doonayo in looga hortago mooshinkaas, lana baajiyo.
Guuxa ku aadan mooshinka ayaa aad u soo kordhayay labadii todobaad ee u dambeeyay, waxaana Xildhibaanada Baarlamaanka dhexdooda ka bilowday isbaheysiyo xooggan oo arrinta mooshinka la xiriirta.
Ilo ku dhow dhow Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha ayaa sheegaya in laga yaabo inay dhacdo isku shaandheyn waqtigeeda ka soo hormarta, taasoo lagu baajinayo mowjadaha siyaasadeed ee ku soo fool leh Xukuumadda.
Ra'iisul Wasaaraha ayaa laga yaabaa in labo sababo dartood uu isku shaandheyn u sameeyo, waa tan koowaade, iyadoo ay jireen saluug ay beelaha qaar markii hore ka keeneen magacaabistii Golaha Wasiirada, oo lagu soo daray shaqsiyaad aan kalsooni ka heysan Xildhibaanadooda iyo beelahooda.
Mida labaad ayaa ah, si uu u yareeyo culeyska Baarlamaanka uga imaanaya iyo guuxa ku aadan Mooshinka la hadal haayo, ayay suura gal tahay in shaqsiyaadka hor-boodaya ololaha socda inuu wada xaajood la galo, si uu ugu qanciyo xilal.
Durbaba waxaa xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha ka bilowday kulamo siyaasadeed oo la xiriiray qaabka loo wajahayo guuxa ay wadaan Xildhibaanada dhaliilsan Xukuumadda iyo Madaxtooyada.
Ra'iisul Wasaare Kheyre ayaa la sheegay in habeenadii la soo dhaafay uu kulamo la qaadanayay Xildhibaanada beeshiisa, iyadoo kulankan looga hadlay sida looga hortagi karo, hadii ay mowjado siyaasadeed kaga soo furmaan dhanka Baarlamaanka.
Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.comEmail: Ishabaydhaba@hotmail.com

Ra’iisul wasaare Kheyre oo shir labaad uga qeyb...

0
0

Ra'iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.
Ra'iisul wasaare Kheyre ayaa halkaas ugu qeyb galaya shir ay leeyihiin Midowga Africa oo sanadkiiba labo jeer la qabto sida bilaha June iyo July, iyadoo sida caadada ah shir hore uu ka dhaco magaalada Addis Ababa, halka shirka labaadna uu magaalo kale ka dhaco.
Shirka labaad ee Midowga Africa ayaa lagu waday in lagu qabto magaalada Kigali ee dalka Rwanda, balse loo soo wareejiyay Addis Ababa.
Arrimaha shirka looga hadlayo ayaa waxaa ka mid ah dib u habeynta Ururka Midowga Africa iyo kharashaadka uu ku shaqeynayo ururkaasi.
Safarka Ra'iisul wasaare Kheyre ku aaday Addis Ababa ayaa noqonaya kii labaad uu ku tago magaaladaas muddo bil gudahood.
Sidoo kalana waa safarkii saddexaad ee uu dibadda ugu ambabaxo tan iyo markii xilka Ra'iisul Wasaaraha loo magacaabay dhamaadkii bishii February.PUNTLAND POST
The post Ra'iisul wasaare Kheyre oo shir labaad uga qeyb galaya Addis Ababa appeared first on Puntland Post.

WARBIXIN: Madaxweyne Farmaajo oo shir madaxeedka...

0
0

MUQDISHO (RBC Radio) Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka baaqday shir madaxeedka labaad ee Midowga Afrika kaasoo uu ka qeybgalayo Raysul wasaare Xasan Cali Khayre.
Tallaabadan ayaa imaaneysa iyadoo xukuumadda ay wajaheyso dhaliilo uga imaanaya mudanayaal baarlamaanka ka tirsan oo qorsheynaya mooshin [soo jeedin] ka dhan ah xukuumadda uu hogaamiyo Xasan Cali Khayre. [AKHRI XOGTA MOOSHINKA]
Ilo xog ogaal ah ayaa Raxanreeb u sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu casuumad ka heley shir guddoonka Midowga Afrika si uu uga qeybgalo Shir Madaxeedka Aan Caadiga ahayn ee 29aad.
Shirkan oo magaciisu yahay "Assembly of the Union" ayaa waxaa uu yahay caadiyan shirka labaad ee ugu heerka sarreeya Midowga Afrika, marka laga soo tago shir madaxeedka sannadlaha ah ee ay madaxda Afrikaanka ee qaaradda oo dhan isugu yimaadaan.
Waxaa shirkan heerkiisu yahay midka madaxda sare "Heads of State and Government". Wuxuuna dhacayaa labo maalmood oo kala ah 3-4 bishan July 2017.
Waa shirkii labaad oo Madaxweyne Farmaajo ka maqnaado oo ay yeeshaan madaxda Midowga Afrika. Bishii dhammaatay ee June 11- 12 waxay madaxda Urur Goboleedka IGAD ku yeesheen magaalada Addis Ababa shir ku saabsanaa xaalada wadanka Koonfurta Suudaan, kaasoo Madaxweynaha Soomaaliya uu ka maqnaaday, hase yeeshee Raysul wasaare Xasan Khayre uu ku metelayey Madaxweynaha Soomaaliya.SABABTA BAAQASHADA FARMAAJO
Madaxweyne Farmaajo, ayaa sida ilo wareedku sheegayo, wuxuu ka cudurdaartay inuu shakhsiyan shirka uga qeybgalo, wuxuuna warqad jawaab ah oo casuumaadii loo fidiyay uu kaga jawaabay, u igmaday Raysul wasaare Khayre inuu ku metelo Soomaaliya. Raysul wasaare Xasan Cali Khayre.
Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in labo sababood ay ugu wacan tahay in Madaxweyne Farmaajo aanu ka qeybgalin shirkan labaad ee muhiimka ah ee Midowga Afrika.
Waa tan koowaade, Madaxweynaha ayaa doonayaa inuu yareeyo dhaliilaha faraha badan ee dadweynaha iyo dadka ka faalooda dawlada ay ugu jeedinayaan badnaanshaha safaradiisa, iyadoo tan iyo bishii Febraayo markii la doortay Madaxweyne Farmaajo uu galay illaa sagaal (9) safar dibadeed oo u badan Carabta iyo wadamada deriska.
Hadaladiisii ballanqaadyada ee xilligii uu ahaa musharraxa jagada madaxweynaha, ayuu Farmaajo ku celceliyay inuu yareyn doono safarrada dibadda ee aan loo baahneyn, kuwaasoo dawlada ku weyso lacago fara badan oo dano kale loo isticmaali kari lahaa. Dad badan ayaase waqtigan qaba in Farmaajo ballantaasi uu hareermaray, walow wasiirka arrimaha dibadda Yuusuf Garaad oo mar ka hadlay safarrada Farmaajo uu ku sifeeyay kuwo muhiim u ah qaranka.
Tan labaad, Madaxweynaha ayaa isu diyaarinaya khudbada uu ka horjeedin doono furitaanka Kalfadhiga Baarlamaanka Federaalka oo ku beegan Sabtida soo socota oo ah bishan July 8deeda. Waxaase xusid mudan in fadhiga baarlamaanka uu furmi doono iyadoo magaalada Muqdisho lagu karkarinayo mooshin ka dhan ah xukuumadda, kaasoo intiisa badan sal looga dhigayo dhaliilaha xukuumadda iyo madaxtooyada loo jeedinayo.
Si kastaba ha ahaatee, ka qeybgalka ama baaqashada madaxweynaha ee shirarka caalamiga iyo kuwa gobol, waa mid ku xiran ahmiyada la siiyo iyo faa'iidada uga iman karta dalka iyo dadka Soomaaliyeed.


Maxaa ka jira in Madaxweynaha Galmudug Nairobi kula...

0
0

Jul 2, 2017 -
Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) ayaa si kulul u beeniyay warar laga faafiyay oo ku saabsan kulamo uu la yeeshay mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Imaaraadka.
Xaaf oo maanta kasoo laabtay safar uu ku tegay magaalada Nairobi ayuu sheegay inaysan waxba ka jirin wararka sheegaya inuu Nairobi kulamo kula yeeshay saraakiil ka tirsan dowladda Imaaraadka Carabta.
Wuxuu sheegay in safarkiisa ku saabsanaa kulamo uu la yeeshay hay'adaha Deeq bixiyeyaasha iyo Hay'adaha Qaramada Midoobay, isagoo codsiyo ku saabsan Galmudug hordhigay, isla markaana uu la kulmay Jaaliyadda Soomaalida ee Galmudug.
Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa ku cusub xilka, waxaana socda olole Imaaraadka Carabta kula xiriireyso maamul goboleedyada dalka oo xiriiro toos ah ay la leedahay.
Loolanka ka dhaxeeya dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka oo isbaheysi leh iyo dalka Qatar ayaa laga cabsi qabaa inuu saameyn weyn ku yeesho siyaasadda Soomaaliya.
Nagala soo xiriir

Dhageyso: Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha

0
0

Barnaamijka Wicitiaanka Dhageystaha ee todobaadkan waxaa uu ku saabsanyahay mabnuucista dalka Mareykanka laga mabnuucay in ay soo galaan si ku meelgaar ah muwaadaniinta lix dal oo ay Soomaaliya ku jirto iyo qoxootiga.

Barnaamijka waxaa inoo soo diyaariyey Jaamac Buulle Jaamac.

 

 

 

Boqorka Sacuudiga oo ka carooday ammaan xad dhaaf ah oo loo jeediyey.

0
0

Boqorka Sacuudiga Boqorl Salmaan Bin Cabdulcasiis ayaa amray in shaqada laga eryo qoraa wargeys oo xamaasad badan, ka dib markii uu Boqorka barbardhigay ALLE, sida ay shaacisay saxaafadda Sacuudigu.

Boqorka Sacuudiga oo ka carooday ammaan xad dhaaf ah...

0
0

Boqorka Sacuudiga Boqorl Salmaan Bin Cabdulcasiis ayaa amray in shaqada laga eryo qoraa wargeys oo xamaasad badan, ka dib markii uu Boqorka barbardhigay ALLE, sida ay shaacisay saxaafadda Sacuudigu.
Boqor Salmaan ayaa badiyaa ka helayey qorayaasha saxaafadda gudaha ammaan heer dhaqan ilaa xukun tan iyo markii 81 jirka uu talada Boqortooyada qabtay sanadkii 2015.
Laakiin Ramadaan Al-Anzi oo qoraa ka ah wargeyska al-Jazirah newspaper ayaa ku tilmaamay Boqorka Salmaan "Haliim" ama "Naxariis badane" iyo"Shadeed al-Eqab""Ciqaabtiisu kulushahay", labadaasi erey oo Islaamku qabo inay yihiin kuwa u gaar ALLE, waxaana loo arkaa in uu ku talax tagay.
Waxaa loo arkaa dambi aad u culus oo ka soo horjeeda hannaanka ku dhaqanka sharceeda Islaamka ee Sacuudiga qof kasta oo sheegtay sagaal iyo sagaashanka magac ee ALLE.gu.

Qarax 19 qof ku dilay caasimadda Suuriya

0
0

Qof miidaame ah ayaa isku qarxiyey caasimadda Suuriya waxaanay wararku sheegayaan in ugu yaraan 19 qof ku dhinteen weerarkaa.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live