Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Qarax 19 qof ku dilay caasimadda Suuriya

$
0
0

Qof miidaame ah ayaa isku qarxiyey caasimadda Suuriya waxaanay wararku sheegayaan in ugu yaraan 19 qof ku dhinteen weerarkaa.
Telefishanka dawladda ayaa sheegay in booliska Suuriya ay eryanayeen saddex baabuur oo looga shakisanaa in lagu soo rakibay walxaha qarxa oo isku dayey in ay galaan caasimadda.
Boolisku waxay joojiyeen oo qarxiyeen laba ka mid ah gawaadhidaa laakiin kii saddexaad ayaa dirawalkii waday wuxu geliyey Fagaaraha Taxriir oo ku yaal bariga magaalada waxaanu qarxiyey markii la hareereeyey.
Suuriya waxay weli ka socda dagaal sokeeye oo lix jirsaday, magaalada Dimishiq ee caasimadda ah inteeda badanina waxay ku jirtaa gacnta dawladda.
Waxa aanay wararku sheegayaan in ugu yaraan 12 qof oo kale ku dhaawacmeen qaraxaa dhacay Axaddii.
Telefishanka dawladdu wuxu sheegay in dadka weerarkaa soo qaaday ay u qorshaysnayd in ay qarxiyaan goobaha dadku iskugu yimaadaan maalintii shaqo ee ugu horraysay marka laga soo noqdo fasaxii ciidda ee ka dambeeyey dhamaadka bishii barakaysnayd ee Rabadaan.
"Qaraxaa argagixiso waxa ku dhintay oo ku dhaawacmay dhawr qof oo rayid ah, khasaare badan oo burbur ahna goobta wuu gaadhsiiyey" ayuu yidhi sarkaal boolis ah oo la hdlay wakaaladda wararka Sana.
Qof ka mid ah dadka magaalada degan ayaa isna wakaalada wararka AFP u sheegay "waxaan maqalnay rasaas dhacaysa saacaddu markii ay ahayd 06:00 galabnimo [saacadda Suuriya], ka dibna waxaa dhacay qarax oo waxa muraayadihii ka daateen daaqadihii guryaha goobta u dhawaa".
Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay in ay fulisay weerarkaa.
In ka baan 300,000 oo qof ayaa ku naf waayey dagaalka Suuriya ee ka bilaabmay dibad baxyo lagaga soo horjeeday dawladda sannadkii 2011-kii.
Hay'ada Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ayaa sheegtay in ilaa iyo intii ay colaaddu bilaabantay ay ku dhawaad 5.5 milyan oo qof dalka ka qaxeen, 6.3 milyan oo kalena dalka gudihiisa ku baro kaceen.


Wararkii Ugu dambeeyay Xaalada Baladweyne oo Cakiran...

$
0
0

Jul 3, 2017 -
Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in maanta ay xiran yihiin goobaha Ganacsiga Magaaladaasi.
Dadka ku sugan Magaalada ayaa saakay ku soo baraarugay iyadoo dukaamada ugu waa weyn magaalada ay xiran yihiin.
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya sababta loo xiray goobaha Ganacsiga Magaalada Baledweyne, iyadoona wararka qaarkood ay sheegayaan in Al-Shabaab degaanada gobolka Hiiraan ay ka maamulaan ay ku Amreen dadka in aysan isticmaali karin lacagta Shillin Soomaaliga.
Amarkan ayaa la sheegay in uu sababay in Magaalada la soo galiyo Shilin Soomaali aad u fara badan oo laga keenay degmooyinka gobolka Hiiraan.
Wararka hadda naga soo gaaraya Magaalada ayaa waxa ay sheegayaan in maamulka gobolka Hiiraan uu bilaabay in xoog lagu furo dukaamada cidii diidana tilaabo laga qaado.
Sidoo kale meelaha qaar magaalada Baladweyne waxaa ka dhacaya Dibadbaxyo rabshada wata balse ilaa hada lama oo sheegen qasaaro ka dhashay.
Nagala soo xiriir

XOG: MD Farmaajo oo iskugu Yeeray Madaxda Maamul...

$
0
0

Jul 3, 2017 -
Madaxwaynaha DFS Maxamed C/Laahi Farmaajo ayaa shir-wadatashi ah waxaa uu isugu yeeray Madaxda Maamul-Goboleedyada Dalka 5ta bishaan July.
Shirkaasi oo Muqdisho ka dhici-doona qodobada ilaa hada la ogyahay ee laga hadli dooni waxa ka mid ah
1-Go'aanka dawladda ka qaadatay arimaha Khaliijka
2-Isku dhafka ciidmada iyo Xureynta dalka Iyo guluf colaadeed Al-Shabaab, xoojinta xiriirka wadashaqayneed
3-Mooshin la sheegay in Xildhibaanada qaar ay wadaan
Nagala soo xiriir

Wasiir Beyle: Waxaan Bilkasta Soo Xereynaa $11...

$
0
0

Wasiirka Maaliyadda C/raxman Ducaale Bayle ayaa saxaafada uga warbixiyey barnaamijkii bilaha ahaa ee Wasaaradda Maaliyadda, kaas oo looga hadlo waxyaalaha u qabsoomay wasaaradda iyo caqabadaha u baahan in la xaliyo.
Wasiirka ayaa warfidiyeenada u sheegay in arinkaan uu ka hadlo bil walba uu daba socdo balanqaadkii Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo ahaa in siyaasada dowladda saldhig u tahay daah-furnaanta, isla xisaabtanka iyo la dagaalanka musuq-maasuq, sidaas daraadeedna ay waajib ku tahay Wasaaradda Maaliyadda in bil kasta usoo bandhigto Shacabka Soomaaliyeed warbixino ku salaysan dakhliga iyo kharashaadka dowladda.
Ugu horeynta Wasiirka ayaa ka hadlay heerarka kala duwan ee ay soo martay Misaaniyadda Sanadka 2017, taas oo aad uga duwan habraacii loo qoondeeyey in ay ku socoto miisaaniyadda dowladda.
"Misaaniyadu waxa ay ka turjumaysaa waxa ay dowladdu qaban karto iyo qaabka ay u qabanayso. Habraaca miisaaniyada dal loo samaynayo waxaa ugu horeyn in la isu keenaa baahiyaha dalka horyaala sanadkaas, markaas ayaa la yiraahdaa misaaniyada nagu filan sanadkaan waa intaas. lakiin inaga xaalka dalkeena ku sugan yahay hadeer arinku saas waa ka duwan yahay sababtoo ah waxa na soo gala ayaa aad u yar, waana dakhli kooban waxa soo gala dowladda, isku celcelis bishii waxaa u soo xarooda 11 milyan, waxaan u baahanahy bil kasta 17 milyan si aan misaaniayda yare ee noo qoondaysan aan u daboolno" ayuu yiri Wasiir Bayle.
Wasiirka oo sii hadlayey ayaa sheegay "Miisaanyidii sanadkaan bartankiisa ayaan ku jirnaa, sanadkan wuxuu ahaa mid dowlad cusub timid, qorshahana wuxuu ahaa in sanadkii hore aakhirkiisa la ansaxiyo, tani waa ka duwnayd oo laba dowaladood ayaa kala wareegayey. Qanuunka maaliyaddu waaxaa uu sheegayaa in lagu sii shaqayn karo misaaniyadii hore mudo sadex bilood ah, waxaana horgeeynay golaha Baarlamaanka 31, March, 2017 weyna ansixiyeen si aan u isticmaalno qoondadaan. Waxaana lagu heshiiyey in misaaniyadda inta sanadka ka dhiman aan horgayno Baarlamnaka, hadan waxaan sugaynaa furitaanka golaha shacabka maalmaha nagu soo aadan"
Dhanka kale Wasiirka ayaa sheegay in dalka u baahan yahay soo celintii Astaanka Qaranka oo ahayd lacagta Shilin Soomaaliga ah, samaynta lacagtaasna waxaa ay qayb ka tahay shuruudaha ay IMF ku xirtay sidii Soomaaliya daynta looga cafin lahaa, waxaana laga rajo qabaa in lagu guulaysto dhamaadka sanakdaan in dib loo soo daabaco lacago shilin Soomaali ah oo cusub.
"Daymaha faraha badan ee nalagu leeyahay waa kuwo naga hortaagan inaan dib u dhis ku samayno kaabayaasha dhaqaalaha dalka, waxaan hada ku guda jirnaa tirkoobka daymahaas, horaanta bishii June ayaan kala saxiixanay IMF qaabkii nalooga cafin lahaa daymahaas" ayuu yiri Wasiir Bayle
Ugu danbayntii Wasiirka ayaa ka warbixiyey shirk ka dhacay dalka Isutaga Imaraatka Carabta bartamaha bishii hore kaas oo looga hadlayey nidaamka xawaaladaha dalku ku shaqeeyaan.
"Lacago faro badan ayaa xawaalad ahaan lagu keenaa dalka, waxyna badankoodu ka yimaadaan dibadaha waan nolosha shacabka Soomaaliyeed, waxaana hada qarka u saaran yihiin in la joojiyo, waxaana aduunku ka soo horjeedaa qaabka lacagtaas ku baxdo, waxaana loo baahan yahay in helo qaab lagu ogaan karo ilaa qofka u danbeeya ee lacagtaas ay gaarto. Waxaana cid walba kala hadalanay in lacagaahaas aan la jarin, waana lagama maarmaan ah in dadka laga rabaa qof kasta inuu samaysto aqoonsi uu lacagta ku qaato, waana arin socoto qaabkii loo wajihi lahaa" ayuu yiri Wasiirku.
Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.comEmail: Ishabaydhaba@hotmail.com

Wasiirka Maaliyadda Somalia Dr. Bayle ayaa kashifay...

$
0
0

Wasiirka Maaliyadda Somalia Dr. Bayle ayaa kashifay dad aan dawladda u shaqayn oo qaata Mushahar.
Waxa Daabacay staff-reporter on Jul 3rd, 2017 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.
Wasiirka wasaaradda maaliyada Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa digniin u diray dadka mushaarka ka qaata hey'adaha dowladda ee ku diiwaan gishan inay shaqaale yihiin, balse aan ka shaqeyn hay'adahaasi ay mushaharka ka qaataan.
Wasiirka ayaa sheegay in ay soo ogaadaan dad mushar ka qaata dawladda, balse aan aheyn shaqaale dowladda ka tirsan, kuwaasi oo uu xusay inay qoreen rag siyaasiyiin ah, waa sida uu hadalka u dhigaye.
"Waxa aan soo ogaannay kuwa meelo kale ka shaqeeya, oo haddana mushahar qaata iyo kuwa dibadaha jooga mushaarka ka qaata Dawladda Federaalka Somalia, kuwo suuqa bakaaraha iska fadhiya oo mushaar qaata, oo aan ka soo xaadirin shaqada." Ayuu yidhi Wasiirka Maaliyaddu.
Sidoo kale waxa uu sheegay in dadkaasi ay fursad siinayaan illaa dhammaadka bishan July, ciddii
ka soo xaadiri weyda shaqadeeda mushaarka laga jari doono.
"Waxaan siineynaa fursaddii ugu dambeysey oo ah illaa dhamaadka bisha July, dadka lacagaha sida ceyrta oo kale u qaata ee shaqooyinka aan imaan waxaa laga jarayaa lacagaha ay sida xaqdarada u qaataan"ayuu mar kale yidhi Wasiir Beyle.
Wasiir Beyle ayaa sheegay in shaqaalaha dowladda ay gaadhayaan illaa 5kun oo ruux, kuwaasi oo uu xusay inay jiraan dad dibadaha jira oo Account-dadooda Bankiga ugu soo dhacdaan mushaar.
Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaanna walaac ka muujiyay boqolaal qof oo ku jira liiska shaqaalaha dowladda, kuwaasi oo shaqooyin kale qabsada, isla markaana aan dowladda u shaqeyn, waxaana intooda badan ay yihiin kuwo mushaar qaata.
Hol
This post has been viewed 35 times.

Siddeed iyo toban ku dhimatay bas ku gubtay Jermalka

$
0
0

Siddeed iyo toban ruux ayaa dhimatay ka dib markii uu dab qabsaday bas dalxiis oo marayay koonfurta dalka Jermalka.

Dagaal Culus oo ka Dhacay Gedo

$
0
0

Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab ayaa maanta ka dhacay deegaanka Birta Dheer oo 20 KM dhinac Buurdhuubo kaga beegan degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo.

KASHIFAAD: Muxuu Guddoomiyaha G/Banaadir ku maagay...

$
0
0

Jul 3, 2017 -
Gudoomiyaha gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa ku dhaqaaqay tallaabo dad badan ka yaabisay markii uu shalay ku dhawaaqay inuu wado qorshe lagu mamnuucayo in lacaga laga qaado dadka taga Beerta nabadda ee Muqdisho.
Gudoomiye Taabit ayaa ku dooday in Beerta Nabadda ay tahay meel loogu tala galay in Bulshadda Soomaaliyeed ay damaashaad u yimaadaamn, islamarkaana ganacsatada Beerta Nabadda laga doonaayo in ay hakiyaan lacagaha lagu galo beerta.
Sida la ogyahay Beerta Nabadda waxay dowladda Hoose ee Muqdisho ku wareejisay ganacsato reer Muqdisho ah oo maalgashi ku sameeyay iyadoo heshiis ay kala saxiixdeen dowladda iyo ganacsatadaasi waxayna Beertaasi noqotay hanti gaara oo ganacsi, iyadoo aan muddo sanado ah sidaasi ku shaqeyneysay.
Beerta Nabadda waxay ka mid tahay hanti fara badan oo Qaranku leeyahay oo shirkado gaara ay dowladihii dalka soo maray ku wareejiyeen Ganacsato iyo shaqsiyaad gaara, waxayna sida Hotelka SYL ee dhabarkiisa ay ku taallo, waxaana jira tobanaan xarumood oo Soomaali iyo ajnabi ah ay qaabkaasi ula wareegeen.
Xogta ayaa sheegeysa in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uu tallaabadan u qaaday inuu cadaadis ku saaro ganacsatada maalgashatay beerta arrintan oo dhanna ay tahay cadaadis ujeedkiisu yahay dhaqaale.
Nagala soo xiriir


DAAWO: Wasiirka Maaliya Beyle oo Soo Xareeyay...

$
0
0

Jul 3, 2017 -
Wasiirka Maaliyadda XFS mudane Cabdiraxman Ducaale Bayle ayaa saxaafada uga warbixiyey barnaamijkii bilaha ahaa ee Wasaaradda Maaliyadda, kaas oo looga hadlo waxyaalaha u qabsoomay wasaaradda iyo caqabadaha u baahan in la xaliyo.
Wasiirka ayaa warfidiyeenada u sheegay in arinkaan uu ka hadlo bil walba uu daba socdo balanqaadkii Madaxweyne JFS mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra'iisul Wasaare XFS mudane Xasan Cali Kheyre oo ahaa in siyaasada dowladda saldhig u tahay daah-furnaanta, isla xisaabtanka iyo la dagaalanka musuq-maasuq, sidaas daraadeedna ay waajib ku tahay Wasaaradda Maaliyadda in bil kasta usoo bandhigto Shacabka Soomaaliyeed warbixino ku salaysan dakhliga iyo kharashaadka dowladda.HOOS KA DAAWO MUUQAALKA
[embedded content]
Ugu horeynta Wasiirka ayaa ka hadlay heerarka kala duwan ee ay soo martay Misaaniyadda Sanadka 2017, taas oo aad uga duwan habraacii loo qoondeeyey in ay ku socoto miisaaniyadda dowladda.
"Misaaniyadu waxa ay ka turjumaysaa waxa ay dowladdu qaban karto iyo qaabka ay u qabanayso. Habraaca miisaaniyada dal loo samaynayo waxaa ugu horeyn in la isu keenaa baahiyaha dalka horyaala sanadkaas, markaas ayaa la yiraahdaa misaaniyada nagu filan sanadkaan waa intaas. lakiin inaga xaalka dalkeena ku sugan yahay hadeer arinku saas waa ka duwan yahay sababtoo ah waxa na soo gala ayaa aad u yar, waana dakhli kooban waxa soo gala dowladda, isku celcelis bishii waxaa u soo xarooda 11 milyan, waxaan u baahanahy bil kasta 17 milyan si aan misaaniayda yare ee noo qoondaysan aan u daboolno" ayuu yiri Wasiir Bayle.
Wasiirka oo sii hadlayey ayaa sheegay "Miisaanyidii sanadkaan bartankiisa ayaan ku jirnaa, sanadkan wuxuu ahaa mid dowlad cusub timid, qorshahana wuxuu ahaa in sanadkii hore aakhirkiisa la ansaxiyo, tani waa ka duwnayd oo laba dowaladood ayaa kala wareegayey.
Qanuunka maaliyaddu waaxaa uu sheegayaa in lagu sii shaqayn karo misaaniyadii hore mudo sadex bilood ah, waxaana horgeeynay golaha Baarlamaanka 31, March, 2017 weyna ansixiyeen si aan u isticmaalno qoondadaan. Waxaana lagu heshiiyey in misaaniyadda inta sanadka ka dhiman aan horgayno Baarlamnaka, hadan waxaan sugaynaa furitaanka golaha shacabka maalmaha nagu soo aadan"
Dhanka kale Wasiirka ayaa sheegay in dalka u baahan yahay soo celintii Astaanka Qaranka oo ahayd lacagta Shilin Soomaaliga ah, samaynta lacagtaasna waxaa ay qayb ka tahay shuruudaha ay IMF ku xirtay sidii Soomaaliya daynta looga cafin lahaa, waxaana laga rajo qabaa in lagu guulaysto dhamaadka sanakdaan in dib loo soo daabaco lacago shilin Soomaali ah oo cusub.
"Daymaha faraha badan ee nalagu leeyahay waa kuwo naga hortaagan inaan dib u dhis ku samayno kaabayaasha dhaqaalaha dalka, waxaan hada ku guda jirnaa tirkoobka daymahaas, horaanta bishii June ayaan kala saxiixanay IMF qaabkii nalooga cafin lahaa daymahaas" ayuu yiri Wasiir Bayle
Ugu danbayntii Wasiirka ayaa ka warbixiyey shirk ka dhacay dalka Isutaga Imaraatka Carabta bartamaha bishii hore kaas oo looga hadlayey nidaamka xawaaladaha dalku ku shaqeeyaan.
"Lacago faro badan ayaa xawaalad ahaan lagu keenaa dalka, waxyna badankoodu ka yimaadaan dibadaha waan nolosha shacabka Soomaaliyeed, waxaana hada qarka u saaran yihiin in la joojiyo, waxaana aduunku ka soo horjeedaa qaabka lacagtaas ku baxdo, waxaana loo baahan yahay in helo qaab lagu ogaan karo ilaa qofka u danbeeya ee lacagtaas ay gaarto. Waxaana cid walba kala hadalanay in lacagaahaas aan la jarin, waana lagama maarmaan ah in dadka laga rabaa qof kasta inuu samaysto aqoonsi uu lacagta ku qaato, waana arin socoto qaabkii loo wajihi lahaa" ayuu yiri Wasiirku
Nagala soo xiriir

Sacuudiga iyo xulufadiisa oo waqtigii loo qabtay...

$
0
0

Jul 3, 2017 -
Sacuudi Carabiya iyo saddex dal oo kale oo Carab ah ayaa 48 saac ku kordhiyay wakhtigii kama dambaysta ahaa ee ay Qadar u qabteen si ay u aqbasho shuruudaha ay u gudbiyeen.
Wakhtigii markii hore loo qabtay Qadar si ay u aqbasho shuruudahan ayaa ku ekaa Axaddii.
Shuruudahaas 13ka ah waxaa ka mid ah in Qadar ay xirto warbaahinta Al Jazeera iyo saldhigga milatari ee Turkiga.
Qadar waxay sheegtay in ay jawaabaheeda rasmiga ah oo waraaq ku qoran u diri doonto dalka Kuwayd Isniinta.
Qadar ayaa diiday eedaymaha uga yimid dalalka ay dariska yihiin ee sheegaya in ay taageerto argagixisada.
Wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaasi ayaa Isniinta u ambabixi doona Kuwayd si uu u sii qaado waraaqdaas oo ka timid boqorka Qadar kuna sii jeedda boqorka Kuwayd oo ah dhexdhexaadiyaha ugu way nee xiisadda Khaliijka.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Qadar Sheekh Moxamed bin Cabdulraxman bin Jassim Al-Thani ayaa Sabtidii sheegay in dalkiisu uu diiday dalabka loo soo jeediyay balse uu diyaar u yahay wadahadallo shuruudo sax ah wata.
Qadar ayay todobaadyo saran yihiin cunaqabatayno dublamaasiyadeed iyo mid dhaqaale oo aan la sii saadaalinin, kuwaas oo uga yimid Sacuudi Carabiya iyo xulafadiisa Masar, Isutagga Imaaraadka Carabta iyo Baxrayn.
Nagala soo xiriir

Dagaal Culus oo ka Dhacay Gedo

$
0
0

Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab ayaa maanta ka dhacay deegaanka Birta Dheer oo 20 KM dhinac Buurdhuubo kaga beegan degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo.
Taliyaha guutadda 9-aad ee ciidamada dowlada federaalka, Gaashaanle Dhexe Maxamed Cabdow Cali ayaa sheegay inay duulaan qaadeen kadib marki ay ogaadeen in ay halkaas ku sugan yihiin xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.
Taliyahu waxaa uu sheegay in khasaaraha ciidankooda soo gaarey ay yihiin 3 dhimasho ah iyo 4 askari oo ka dhaawacmey.
Waxa uu sheegay in Al-Shabaab ay ka dileen 14 maleeshiyo, islamarkaana ay dhaawaceen 17 kale.
Gaanshaanle Dhexe Maxamed Cabdow Cali ayaa sheegay in hadda ciidamadoodu ay ku sugan yihiin halkii lagu dagaalamay.
Jaamac Buulle ayaa wareystay Gaanshaanle Dhexe Maxamed Cabdow Cali.

Embed code
Copy and paste the embed code below.
The code has been copied to your clipboard.
0:02:51
0:00:00 /0:02:51
Direct link
Pop-out player

Dowladda Soomaaliya oo la wareegtay deeq raashin oo...

$
0
0

Kn: Dowladda Soomaaliya ayaa la wareegtay deeq raashin ah oo ka timid Turkiga, kaasoo loogu tala galay gurmadka abaaraha saameeyay gobolada dalka, iyadoo deeqdaas lagu xareeyay bakhaaro ku yaalla Dekeda Muqdisho
Ra'iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya ahna ku simaha Ra'iisul Wasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ay waheliyaan Wasiirka Cadaalada Xasan Xuseen Xaaji, Wasiir ku-xigeenka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xildhibaan Cilmi Cumar Ceynsane iyo Gudiga Abaaraha Soomaaliya ayaa si wadajira maanta u booqdey bakhaarada ay ku jiraan raashin mucaawino ah oo ay ku deeqdey Hay'adda Bisha cas ee dalka Turkiga,taasoo loogu tala galay in la gaarsiiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen.
Wasiir kuxigeenka Wasaarada Gargaarka Cilmi Cumar Caynsane ayaa warbaahinta u sheegay in raashinkan oo dhan 12500 oo tan kana kooban noocyo kala duwan, ayaa loogu tala galay in loo qaybiyo dadka Soomaaliyeed kuwooda ay saameenta xoogan ku yeelatay abaarihii dalka ka dhacay,qof walbana goobtiisa lagu gaarsiin doono.
Ra'iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa u mahad celiyay dowlada Turkiga sida ay u garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed mar walbana ay la qayb sato xaaladaha adag sida abaaraha iyo dhibaatooyinka kale ee nolosha iyo amniga.
"Waxaa loo baahan yahay in shacabka Soomaaliyeed ay dhiri galiyaan waraabka beeraha si loo abuuro noocyada kala duwan ee dalaga ka baxa dalkeena, taasoo noo sahlaysa inaan helno cunto aan anagu abuuranay ugana baxno baahida dowladaha shisheeye"ayuu yiri Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya.
Ra'iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa sheegay in si cadaalada loo qaybin doono raashinkan,waxuuna tilmaamay in shaqadan ay si wada jira u maamuli doonaan madaxda WasaaradaGargaarka iyo Gudiga Abaaraha Qaran.KismaayoNews.com

NRC oo sheegtay in 700 carruur ah daacuun uga...

$
0
0

Kn: Hay'adda NRC ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in 700 oo ruux cudurka shuban biyoodka ugu geeriyoodeen Soomaaliya.
Hay'adda ayaa sheegtay in dadka daacuunka ugu dhimanaya Soomaaliya gaar ahaan carruurta ayaa ka badan kuwa colaadaha ugu dhimanaya.
K/Suudaan ayaa sidoo kale diiwan galisay 160 ruux oo u dhimatay daacuun, taas oo aan caadiyan dhicin xilliyada aan roobabku di'in.
Sannadkii hore markii uu xilligan oo kale marayay hal ruux oo daacuun u dhintay lama soo sheegin.
Hay'adda Norwegian Refugee Council waxay sheegtay in colaadda ka jirta labadaas dal ay dhibaato baaxad leh u gaysteen nidaamyadii caafimaadka dadwaynaha, dhanka biyaha bulshada iyo waxyaabihii kale ee aasaasiga u ahaa nadaafadda.
Xog-hayaha guud ee hay'adda NRC Jan Egeland ayaa sheegay in loo baahan yahay in dadka la gaarsiiyo biyo nadiif ah, adeegyada nadaafadda aasaasiga u ah iyo dawo si loo joojiyo faafitaanka cudurkan laga hortagi karo, isaga oo intaa ku darray in cuddurkan uu istaahilo in buugaagta taariikhda uun lagu arko.KismaayoNews.com

Dowladda Ethiopia oo Soomaaliya Ku Wareejisay 120...

$
0
0

Kn: Ra'isul Wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo ka qaybgalaya shirw madaxeedka Ururka Midowga Afrika ee ka socda magaalada Adis-ababa, waxaa uu sheegay in dowladda ethiopia ay ku soo wareejisay 120 maxbuus oo ku xirnaa dalka Ethiopia.
Wuxuu sheegay in soo wareejinta maxaabiistu ay qayb ka ahayd heshiis dhexmaray dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowladda Ethiopia, kaasi oo la saxiixay safarkii hore ee uu ku tegay Magaaladda Adis-ababa ee Dalka Ethiopia
"Waxaan ku guuleysanay in ay Itoobiya nagu warejiso 120 Maxabiis Soomaali ah iyadoo fulinaysa heshiiskii ay Soomaaliya la gashay " ayuu ku yiri ra'isul Wasaaruhu qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.
Waxaan ku guuleysanay in ay Itoobiya nagu warejiso 120 Maxabiis Soomaali ah iyadoo fulinaysa heshiiskii ay Soomaaliya la sashay #Soomaaliya
-- SomaliPM (@SomaliPM) July 3, 2017
"Safarkeygii hore waxaan Dowladda Itobiya kula heshiinay in ay nagu soo wareejiso Maxabiista Soomaaliyeed ku xiran dalkeedda" ayuu sii raaciyay
Dhinaca kale, Ra'isul Wasaare Khayre wuxuu khudbad ka jeediyay shirweynaha 29aad ee ururka Midowga afrika oo ay ka qaybgalayaan Madaxweynayaal iyo hoggaamiyaasha qaaradda afrika, wuxuuna ka hadlay caqabadaha haysta Soomaaliya iyo fursadaha horyaal gaar ahaan horumarinta dhalinyarada oo udub dhexaad u ahayd barnaamijka uu la tegay shirka midowga Afrika.KismaayoNews.com

Dhageyso: Madaxweynaha K/galbeed oo Ka Hadlay...

$
0
0

Shariif Xasan Sheekh Aadan, Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay arrinta ku aadan Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur).
Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa marka hore soo dhaweeyay wararka sheegaya in Dowladda Mareykanka ay Abuu Mansuur ka saartay liiska argagixisada, isagoona tallaabadaasi kaga mahadceliyay Mareykanka.
Shariif Xasan oo galabta la hadlay VOA, ayaa xusay in Mukhtaar Roobow Cali ay ka rajeynayan in uu ka tanaasulo fekerkii Al-Shabaab, isla-markaana uu taageero Somalinimada iyo dowladnimada, intaba.
Shariif Xasan, ayaa qaba go'aanka Abuu Mansuur looga saaray liiska dadka la doon doonayo, ay wax weyn ka bedeli karto amniga Deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Madaxweyne Shariif, ayaa wax wanaagsan ku sheegay haddii Sheekh Abuu Mansuur uu la shaqeeyo Dowladda Dhexe Soomaaliya, isaga oo intaa ku daray in uu la xiriiri doono, si uu ula hadlo.
Shariif Xasan, ayaa Dowladda Soomaaliya ka codsaday in sida ugu haboon ay uga jawaabto go'aanka Abuu Mansuur looga saaray liiska argagixisada.
Mar la weydiiyay tallaabada uu jeclaan lahaa in Dowladda Soomaaliya ay u qaaddo dhinaca Abuu Mansuur, ayuu ku sheegay in dowladdu soo dhaweyso Abuu Mansuur, sida Mareykankuba uu u aqbalay in laga saaro liiska argagixisada, inkastoo sida uu sheegay uu rumeysan yahay in Villa Somalia ay ka shaqaysay qaraarka uu Mareykanku ka gaaray Abuu Mansuur.
Isagoo hadalkiisa sii wata, ayaa waxaa uu Dowladda Soomaaliya ka codsaday xiriir inay la samayso Abuu Mansuur, ayna ka shaqayso sidii la'isku fahamsiin lahaa ninkaasi iyo dadka deegaanka.
Su'aal ahayd doorkii uu ka Madaxweyne ahaan ku lahaa in xayiraadda laga qaado Abuu Mansuur, ayuu ka gaabsaday in uu faaqido, balse waxaa uu qiray in uu jeclaa tallaabada uu Mareykanku ka qaatay ninkaasi.
Sheekh Abuu Mansuur oo ka tirsanaa Saraakiisha sar sare ee Ururka Al-Shabaab, ayaa waxaa la sheegay in uu khilaaf soo kala dhex galay Amiirkii hore ee Al Shabaab, Axmed Cabdi Aw Maxamed (Godane), sanadkii 2013-ka, ka dib markii uu Godane qaarajiyay Saraakiil Shabaabka ka tirsaneyd.Ku Dhageyso Mobilkaga.Ku Dhageyso Mobilkaga.
Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.comEmail: Ishabaydhaba@hotmail.com


Liiska Ardayda u sharraxan wejiga hore ee deeqaha...

$
0
0

3rd July 2017 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare, waxay soo bandhigaysaa liiska ardaydii ugu sarraysay sanad dugsiyeedka 2016/2017 ee ka baxay dugsiyada sare ee Puntland, kuwaasoo loo soo sharraxay inay noqdaan ardayda u sharraxan inay ka faa'iidaystaan deeqaha Waxbarashada ee ay wasaaraddu u soo heshay sanadkaan.
Aradaydan nasiibka u yeelatay inay ka mid noqdaan liiska ugu sarreeya ee ka baxday sanad dugsiyeedkan 2016/17, waxaa lala socodsiinayaa in ay u sii diyaar garoobaan, siina diyaarsadaan dhammaan dekumentiyada looga baahan karo iyo baasabooradooda, sidoo kale waxaa la ogeysiinayaa waalidiinta iyo cid kasta oo ku taxaluqda ardaydaan inay sidaa ula socdaan, wixii faah faahin intaasi dheerna ay la soo xiriiraan xafiiska Imtixaanaadka ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland si faah-faahinta ay u baahan yihiin loo siiyo.
Post navigation
- Siyaasiyiinta SNMta Goormeey Wax Fahmayaan?

Madaxweynaha Jubbaland oo Kismaayo ku laabanaya...

$
0
0

Kn: Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa dib ugu laabanaya magaalada Kismaayo kadib safaro aad muhiimadoodu u saraysay, lagana soo hoyiyey guulo waaweyn sida aan wararka ku helney.
Madaxweynaha ayaa markii hore muddo bil ah ku maqnaa dalka Sucuudiga Carabiya, halkaasi oo uu ugu maqnaa sababo cibaado, balse ay wehliyeen arrimo kale.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu safar ku tagay dalka Itoobiya, halkaasi oo uu u tagay sababo is xambaarsanaa, oo ay koow ka ahayd arrimaha amniga iyo walibaa arrimo la xiriiro waanwaan oo uu ku tagay magaalada Jig Jiga.
Madaxweynaha ayaa marka uu Kismaayo ku laabto waxaa la filayaa isbadalo dhinaca maamulka ah, gaar ahaan golaha wasiirada iyo hawlgalo xagga amniga ah.
KismaayoNews.com

Shariif Xasan “Rooboow dalka meeshii doono ayuu ka...

$
0
0

Kn: Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo markii ugu horeysay ka hadlay go'aankii dowladda Mareykanka uga xaaqay xayiraadii saarneyd Mukhtaar Roobow ayaa sheegay in arintaasi tahay mid soo dhaweyn mudan.
Isaga oo la hadlayay Idaacada VOA ayaa ku tilmaamay Shariif Xassan tallaabada xayiraada looga qaaday Mukhtaar Roobow in ay wax weyn ka bedeli doonto xasilooni, nabad ku soo dabaalida deegaanada Koofur Galbeed, isla markaana jidadka xiran ay furmi doonaan, isu socodkana uu soo laaban doono.
"Waxaa is leeyahay mar haddii xayiraada laga qaaday in dowladda uu u tago wax dhibaato ay leedahay ma lahan, dalka dowladda Federaalka u talisa, dalka waa dalkiisa, meel walba waa u gudbi karaa, meeshaan wuu joogi karaa, wixii dowladda la garato baa la sameynayaa,"ayuu yiri Madaxweynaha Koofur Galbeed.
Mar uu ka jawaabay su'aal aheyd kaalinta maamulkiisa ka qaadan karo hadii qatar ay soo wajahdo Abuu Mansuur ama Al-Shabaab weeraraan, ayuu sheegay in uusan aaminsaneyn in Al-Shabaab ay weerari karaan maadaama uu deegaanadiisa ku sugan yahay.
"Anniga ila ma'aha Sheekh Mukhtaar oo jooga goboladan, in kooxdaas wax ka qaadi karaan,, hadii wax nooga baahdo waa kaalmeyn doonaa, waxaa aaminsanahay in uu isaga filan yahay oo aan lagu weerari karin goboladan"ayuu yiri Madaxweynaha Koofur Galbeed
Shariif Xassan sheegay in uu maqnaa waqtigii xayiraada laga qaaday Mukhtaar Roobow, isla markaana wixii hada ka dambeeya uu dar ar gelin doono, sidii inta dhiman loo dhameystiri lahaa, isagana uu la xiriiri doono sida uu hadalka u dhigay.
Kismaayonews.com

Bangi weyn ee Kismaayo laga furey

$
0
0

Kn: Bangiga Shirkadda Amal ayaa markii ugu horeeysay si rasmi ah looga daahfuray magaalada Kismaayo ee xaurnta gobolka J/hoose ayadoo munaasabaddii daahfurta laanta uu bangiga ku yeelan doono Kismaayo ay ka qeybgaleen madax ka tirsan dowlad goboleedka Jubaland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Xafladda ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalay wasiir ku xigeenka wasaaradda cadaaladda, dastuurka iyo arimaha Diinta Jubaland Mudane Aadan Inshaar, gudoomiyaha degmada Kismaayo iyo masuuliyiin kale.
Gudoomiyaha Bangiga Amal laantiisa Kismaayo Cismaan Cabdi Xasan oo ugu horeyn madasha ka hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyay adeegyada uu bangigu u hayo bulshada iyo weliba waxyaalaha uu soo kordhin doono. Waxa uu ka codsaday bulshaweynta reer Kismaayo in ay kamid noqdaan macaamiishooda.
Gudoomiyaha ururka haweenka Jubaland Marwo Batraan Muxumed C/dulle oo kamid ahayd marti sharaftii goobta ka hadashay ayaa sheegtay in ay la shaqeyn doonaan bangiga cusub, ayadoo ka codsatay in ay soo kordhiyaan mashaariic ay ka faa'ideysan karaan shacabka.
Gudoomiyaha degmada Kismaayo oo goobta ka hadaly ayaa sheegay in Kismaayo ay ku talaabsaneeyso horumarro dhinacyo kala duwan leh, ayna manta ku faraxsanyihiin koboca dhanka ganacsiga ee ka jira magaalada.
Madaxa ugu sareeya ee Bangiga Amal Dr. Siciid Cali Shire oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in Bangigu laamo kala duwan ku leeyahay gobollada dalka, waxa uu sheegay in Bangigu yahay mid waafaqsan shareecada Islaamka waxtarna u leh bulshada.
KismaayoNews.com

Ra’isulwasaaraha Oo Ku Guuleystay In Lagu Soo...

$
0
0

Ra'isulwasaaraha Soomaaliya ayaa ku guuleystay in maxaabiis Soomaaliyeed oo ku xirnaa xasabsiyada dalka Ethiopia lagu Soo wareejiyo Dowladda Soomaaliya,isagoo dhinaca kalena kulammo kula qaatay qaar ka mid ah madaxda Africa magaalada Addis Ababa ee caasimadda Dalka Ethiopia. Ra'isulwasaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo safar shaqo ku jooga dalka Ethiopia ayaa ku guuleystay in xabsiyada dalkaasi laga sii daayo maxabiis Soomaaliyeed oo sanado kala duwan ku xirnaa xabsiyada dalka Ethiopia islamarkaana lagu soo wareejiyo Dowladda Soomaaliya,iyadoo dowladda Ethiopia fulinaysay heshiis horay uu Ra'isul wasaaraha Xasan Cali Khayre la galay. Maxabiistaan o danbiyo kale duwan loo haystay ayaa tiro ahaan garaya 120 Muwaadin waxa ayna bilow wanaagsan u yihiin hirgalinta qorsha Xukuumadda Soomaaliya ay ku doonayso in ay ku soo dayso Muwaadininta Soomaaliyeed ee ku xiran xabsiyada Caalamka, Safiirka Soomaaliya u fadhiya Ethiopia Maxamed Cali Nuur oo la hadlay Warbaahinta qaranka aya sharaxaad ka bixiyey goorta maxabiistan la gaynayo Soomaaliya . Ra'isulwasaaraha dalka ayaa sidoo kale kulammo kala duwan kula qaatay Addis Ababa Madaxweyne ku xigeenka dalka Masar , Madaxweyne ku xigeenka Botswana waxa ayna dhammaan ugu hambalyeeyeen dowladda Somaaliya horumarka ay samaysay muwadii yarayd ee ay jirtay ayna ka go'antahay in ay xoojiyaan xariirka kala dhexeeya Soomaaliya, Mudane [...]

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live