Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Sacuudiga oo lagu tilmaamay inuu yahay `isha xagjirnimada`

0
0

Warbixin ay soo saartay hay'ad samaysa daraasaadka ayaa Sacuudi Carabiya ku eedeysay inay tahay meesha ugu weyn ee ay ka soo baxaan Islaamiyiinta xagjirka ah ee Britain.


Dhageyso Barnaamijka Wadajir ee Radio Muqdisho

Wasiir ka Tirsan Xukuumada RW kheyre oo Shaaciyay...

0
0

Jul 5, 2017 -
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la wareegeysa hoggaanka howlgalka la dagaallanka Burcad Badeedda Soomaalida ee ka socda xeebaha Soomaaliya, sida uu sheegay Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga Soomaaliya.
Dr. C/raxmaan Maxamed Xaashi Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in Dowladda ay waqti badan ku bixineyso sidii ay ula wareegi laheyd hoggaanka howlgalka la dagaallanka Burcad Badeedda.
Wasiir C/raxmaan oo Soomaaliya ku matalaya shir laba maalmood soconaya, kaasi oo maanta ka furmaya dalka Mauritius, ayna ka qeyb galayaan wadamada urur goboleedka IGAD iyo Deeq bixiyeyaasha ayaa la filayaa in masuuliyiinta uu ka codsado sidii Soomaaliya loogu wareejin lahaa hoggaanka howlgalka Burcad badeeda.
Hoggaanka Holwgalka la dagaalanka Burcad badeeda hada waxaa maamulaya urur goboleedka IGAD, Soomaaliya waxay dooneysaa wixii hada ka dambeeya in howshaas ay la wareegto.
Shirkan oo furmaya maanta oo Arbaco ah ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa walaaca ka dhashay weerarada cusub ee burcad badeeda ay sanadkan Maraakiibta kaga qafaasheen xeebaha Soomaaliya.
Nagala soo xiriir

DAAWO: Dal Caan ah oo Aduunka kusoo kordhiyay...

0
0

Jul 5, 2017 -
Qaar ka mid ah dalalka Caalamka ayaa horumar balaaran ku talaabsaday waxaana iminka la arkay Diyaarado ka soo guuray beriga ama dhulka kuwaas oo si toos ah maalin kasta uga duulaya gudaha biyaha Badweynta iyadoo garoomo cusub laga dhex sameeyay Badda oo ay ka duulaan diyaaradahaan kuna soo dagaan.
HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA
Diyaaradahaan ayaa waxaa soo saaray dalka Ruushka waxeeyna awoodaan inay qarda jeexaan ama dhex mushaaxaan Biyaha Bada , kuwaas oo dhanka rakaabka ama safarka ka qaalisan Diyaaradaha kale ee ka duula garoomada caalamiga ah .
Nagala soo xiriir

Soomaaliya oo la wareegeysa Holwgalka la dagaalanka...

0
0

Soomaaliya oo la wareegeysa Holwgalka la dagaalanka Burcad badeeda
Jul 5, 2017 -

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la wareegeysa hoggaanka howlgalka la dagaallanka Burcad Badeedda Soomaalida ee ka socda xeebaha Soomaaliya, sida uu sheegay Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga Soomaaliya.
Dr. C/raxmaan Maxamed Xaashi Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in Dowladda ay waqti badan ku bixineyso sidii ay ula wareegi laheyd hoggaanka howlgalka la dagaallanka Burcad Badeedda.
Wasiir C/raxmaan oo Soomaaliya ku matalaya shir laba maalmood soconaya, kaasi oo maanta ka furmaya dalka Mauritius, ayna ka qeyb galayaan wadamada urur goboleedka IGAD iyo Deeq bixiyeyaasha ayaa la filayaa in masuuliyiinta uu ka codsado sidii Soomaaliya loogu wareejin lahaa hoggaanka howlgalka Burcad badeeda.
Hoggaanka Holwgalka la dagaalanka Burcad badeeda hada waxaa maamulaya urur goboleedka IGAD, Soomaaliya waxay dooneysaa wixii hada ka dambeeya in howshaas ay la wareegto.
Shirkan oo furmaya maanta oo Arbaco ah ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa walaaca ka dhashay weerarada cusub ee burcad badeeda ay sanadkan Maraakiibta kaga qafaasheen xeebaha Soomaaliya. Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
English News

DEG DEG: Saraakiil & Dagaal-yahano Shabaab ah oo...

0
0

Jul 5, 2017 -
Saraakiisha Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in Ciidamada Gaarka ah Ee Jubbaland ay Degaanka Lugloow ee Gobolka Jubbada Hoose ay ku dileen Dagaalameyaal ka tirsan Xarakada Al-shabaab iyo Saraakiishii hogaaminayay.
Dagaalameyaasha la dilay ayaa Tiradooda lagu sheegay 13 Dagaalame,waxaana Saraakiisha Jubbaland ay sheegeen in Weerarku uu ahaa Mid Qorsheysan oo lagu Guuleystay.
Lasoco Warkaan Wixii kasoo kordha:
Nagala soo xiriir

XOG: Madaxweyne Gaas oo qorsheynaya inuu labo sano...

0
0

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas.
GAROWE (RBC Radio) Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa qorsheynaya inuu labo sano oo dheeraad ah ku kororsado xilkiisa kadib marka uu dhammaado waqtiga xafiiska uu heynayo oo ku eg Jannaayo 2019.
Sida ay ay xog hoose ku heshay Raxanreeb, maamulka madaxweyne Gaas ayaa dadaalo ugu jira sidii ay ku meelmarin lahaayeen waqti kororsiga oo ku beegan xilli sannad iyo bar ay uga harsan tahay waqtiga uu xafiiska haynayo madaxweynaha.
Sida qorshuhu ahaa waxay ahayd in Puntland ay ka dhacaan doorashooyin ku saleysan hab deegaan oo xisbiyada ay ku tartamayaan, iyadoo mudada uu joogo maamulka madaxweyne Cabdiweli Gaas uu ballanqaaday inuu ka shaqeynayo sameynta nidaamka xisbiyada iyo diyaarinta dhicitaanka dooashada sannadka 2019. Hase yeeshee duruufo amni iyo dhaqaale iyo damac siyaasadeed ayaa la sheegayaa inay wax badan ka bedeleen ballanqaadyada maamulka hadda ka arrimiya Puntland.DOORASHADA FEDERAALKA 2021
Maamulka Madaxweyne Gaas ayaa haatan qaba aragti ah in waqtiga doorashooyinka Puntland, la baajiyo sannadka 2019, loona riixo illaa 2021, oo ah xilliga ay dhacayso (sida qorsheysan) doorashada Dawlada Federaalka ee Soomaaliya, taasoo maamulka Madaxweyne Farmaajo uu doonayo in habka xisbiyada badan lagu saleeyo, lagana hirgaliyo dalka oo dhan.
Dhicitaanka doorashada federaalka ayaa laf ahaanteeda ah qorshe qoran uun, waxaana ay ka dhalatay kulamadii madaxda Madasha Hoggamiyaasha Qaran ee uu horey u sameeyay madaxweynihii hore ee federaalka Xasan Sheekh Maxamuud. Madashaasoo ahayd tii goysay in doorashada baarlamaanka qabiilada ay dalka markale ka dhacdo 2016/2017, isla markaana uu ku yimid Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Ilo xog ogaal ah, waxay Raxanreeb u sheegeen in Madaxweynaha Puntland oo hadda xiriirkiisa Federaalka aad u wanaagsan yahay, uu ka dhaadhicinayo sidii Dawlada Federaalka ay ugu taageeri lahayd dib u dhigidda doorashooyinka Puntland, si loogu soo beego doorashada guud ee heer federaal ee 2021, isla markaana Madaxweyne Gaas sii hayo talada mudada labada sano ah ee ka dhiman waqtigaasi, kadib marka uu dhammaado muddo xileedkiisa Puntland.DURUUFAHA JIRA
Maamulka Prof. Cabdiweli Gaas ayaa u arka doorashooyin inaaney ka dhici karin Puntland waqtigan, loona baahan yahay u diyaargarow kale iyadoo la xeerinayo duruufaha hadda haysta maamulka oo ay ugu horreeyaan amniga, dhaqaalaha iyo xagga siyaasadda.Xildhibaanada Federaalka ee boooqday Puntland bishii May.
Puntland waxay dagaal kula jirtaa kooxaha argagixisada ee Al-Shabaab iyo Daacish (ISIS) oo guud ahaan dalka Soomaaliya dhibaato ku haya. Waxaa taasi u dheer Puntland in tayada ciidamada Puntland ay hoos u dhacday iyadoo sababta ugu weyna ay tahay tabashada beelaha gudaha Puntland oo saameyn ku yeelatay ciidamada. Waxaa la qiyaasayaa xilligan in hubka iyo maleeshiyaadka beelaha ay ka awood badan yihiin kuwa rasmi ahaan Dawlada Puntland ugu diiwaangashan. Arrintan waxaa xitaa ka dhawaajiyay wafdi xildhibaano heer federaal ah oo dhammaadkii bishii May ee sannadkan booqday Puntland kuwaasoo madaxweyne Cabdiweli Gaas horgeeyay talooyin ku saabsan xagga amniga gudaha.
Madaxweyne Gaas maamulkiisa billawgiiba wuxuu ku dhaqaaqay tallaabooyin dib u habeyn ah oo ay ka mid ahaayeen nidaaminta ciidamada booliska, daraawiishta iyo laamaha kale ee ammaanka, balse dib u habeyntan waxaa la aaminsan yahay inaanay noqon mid mira dhasha, ka sokow in la yareeyay tirada ciidanka, lagana saaray kuwa magac-u-yaalka ah ee mushaharka uun qaata.
Saameynta sii xoogeysaneysa ee kooxaha argagixisada gaar ahaan kooxda Al-Shabaab ayaa dhibaato kale ku heysa ammaanka Puntland. Gobollada Bari, Sanaag iyo Mudug ayaase la sheegayaa inay noqdeen meelo ay kooxda Al-Shabaab saameynta ugu badan ku yeelatay, illaa ay gaartay inay kooxdu lacag qasab ah ku soo rogaan ganacsatada reer Puntland ee saddexda gobol deggan.
Duruufaha dhaqaalaha waxay had iyo jeer ahaayeen kuwo madaxdu ku marmarsiyoodaan markasta, hase yeeshee waqtigan maamulka Madaxweyne Gaas waxaa uu sheegayaa in dhaqaale u gaar doorashooyinka inaanay diyaarin, isla markaana Puntland kaligeed wada awoodin inay maalgaliso doorasho heer deegaan oo dhammaan Puntland ka dhaca. Si taasi loo hirgaliyana, ay tahay in laga faa'ideyso doorashooyin ay suurtagal tahay inay beesha caalamka maalgaliso oo Soomaaliya ka dhaca 2021.
Dadka dura siyaasadaha maamulka, waxay leeyihiin damaca siyaasadeed ee kursiga ayaa ka mid ah waxyaabaha bedelay ballanqaadyadii madaxweyne Gaas uu ku galay doorashadii Jannaayo 2014 ee ahaa in doorashooyinka heer deegaan ay ka dhacaan Puntland 2019.

Wadahadal ufurmay Duqa Muqdisho & Ganacsatada Beerta...

0
0

Jul 6, 2017 -
Wararka laga helayo maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in waanwaan laga dhex wado Guddoomiyaha Gobolka iyo Ganacsatada Beerta Nabadda ee magaalada Muqdisho.
Arrintan ayaa ka danbeysay markii Guddoomiyaha G/Banaadir Taabit Cabdi Axmed uu dhowaan faragelin ku sameeyay Beertaasi oo uu ku dhawaaqay in lacag la'aan laga dhigo gelitaankeeda.
Khilaafka ka dhex taagan Ganacsatada Beerta nabadda iyo Guddoomiye Taabit ayaa yimid kadib markii ganacsatada ay diideen in Beerta laga dhex sameeyo Taallo lagu sheegay mid astaan nabadeed leh oo uu soo jeediyay Guddoomiyaha Gobolka.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Beerta ka kireeyay ganacsato shirko ah oo muddo saddex sanadood ka hor heshiis la galay maamulka G/Banaadir, iyagoo maalgelin weyn ku sameeyay.
Nagala soo xiriir


SOMALIA: President Farmajo opens the National...

0
0

The meeting brought together the leaders of the Federal Government of Somalia and the Federal Member States including Puntland, Galmudug, South West, Hirshabelle and Jubbaland.
MOGADISHU (RBC Radio) Somali President Mohamed Abdullahi Farmaajo has on Wednesday opened the first National Security Council meeting he chairs since he was elected in February this year to discuss the current security situation in the country and the threats posed by extremist groups.
The meeting brought together the leaders of the Federal Government of Somalia and the Federal Member States including Puntland, Galmudug, South West, Hirshabelle and Jubbaland.
This is the first meeting since the establishment of the committee in April this year during the National Consultative meetings held jointly by the Federal Government of Somalia and its Federal Member States which eventually replaced the National Leadership Forum (NLF).
Sources close to the presidency said the meeting will be on for two days will discuss among other issues, national security, the fight against terrorism and the establishment of a joint army composed of 18, 000 soldiers from all the states.
The meeting comes amid growing concern of the threats of the terror groups Al-Shabab and ISIS in the horn of African country.
The militant groups continue to carry deadly attacks in the country. Between May and June, Al-Shabab carried at least five attacks in Mogadishu and Puntland killing several dozens of civilians and members of the country's security forces.

Mukhtaar Roobow oo shuruudo ku xidhay inuu isku...

0
0

Baydhaba (Waaheen) - Wararka naga soo gaadhaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in wadaadka Mukhtaar Roobow uu shuruudo adag ku xidhay isku dhiibida dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Xubnaha Beesha Caalamka ka jooga Somaliya.
Roobow oo garabsanaya Odayaal dhaqmeed ku dhaqan miyiga deegaanka Abal oo ku taalla duleedka Degmada Xudur ee Gobolka Bakool, ayaa ku baaqay in dowlada Federaalka iyo Beesha caalamka ay ka jawaaban shuruudaha uu usoo bandhigay.
Roobow waxa uu sheegay inay adkaan doonto in si sahlan uu isugu dhiibo dowlada ama Beesha Caalamka iyadoo aan la kala qoran Heshiis uu ku qanci karo.
Roobow ayaa doonaya in laga badbaadiyo dhammaan tacadiyadii iyo dhibaatooyinkii lagu sameeyay wadaadka Xasan Daahir Aweys oo hadda ku jira gacanta dowlada, kuna jira xabsi guri.
Waxaa kamid ah shuruudaha uu dowladda ka dalbanayo inay cafis u fidiso, ballan-qaadna ku sheegto inaanay xidhayn, oo aan wax dacwad ah lagu soo oogi doonin.
Mukhtaar Roobow ayaa qodobada uu codsanayo oo qoraal ah toddobaadkan ku wareejiyay xubnaha ka dhex shaqeynaya isaga iyo Dawladda Somaliya.

Wefti ka socda Dawladda Itoobiya oo shalay soo...

0
0

Hargeysa(Waaheen) wefti isugu jira Xukuumadda Itoobiya iyo shirkad ka shaqaysa Korontada ayaa shalay ka soo dagay madaarka Hargeysa, halkaas oo ay ku soo dhawaysay Xukuumadda Somaliland wallow aanay warbaahinta la hadal.
Weftigan ayaa sida ay Waaheen xogta ku heshay ujeeddadiisa ugu weyn tahay Heshiis dhinaca Korontadda ah oo ay hore Somaliland ula gashay, kaasoo ay ku doonayaan inay Laydhka Itoobiya soo galiyaan Somaliland.
Wasaaradda Arrimaha Dibeda Somaliland ayaa weftiga qaabishay, waxaana la filayaa shir balaadhan oo la xidhiidha ujeedada ay u socdaan in maanta lagu qabto wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Somaliland.
Somaliland ayaa si weyn u danaynaysa inay Hesho Koronto jaban, waxaanay wadahadalo kala duwan kala yeelatay arrintan dawladda Itoobiya iyo shirkaddo kale oo ajanabi ah, kuwaas oo ay qaarkood dalka ka wadaan nidaamyadda Tamarta lagaga dhaliyo Cadceeda iyo Dabaysha.
Somaliland ayaa shirkaddo gaar loo leeyahay Ruqsad usiisay inay Korontadda Itoobiya dalka keenaan, halka ay Korontadii Dawladdu lahayd-na ku wareejisay shirkaddaha dalka laga leeyahay qaarkood, gaar ahaan wakaaladdii Korontadda Hargeysa oo kale.
Ganacsatada Somaliland iyo shicibka ayaa si weyn uga cawda qiimaha qaaliga ah ee Korontadda dalka, taasoo ay ku tilmaamaan inay dibu-dhac balaadhan ku keentay Horumarkii laga gaadhi lahaa dhinaca warshadaynta.
Lama oga wakhtiga ay joogi doonaan weftigani iyo cida ay la kulmi doonaan toona, hase yeeshee waxa la filayaa in uu war ka soo bixi doono kulankooda maanta.

Saraakiisha Ciidaka Xoogga Ee Gobolka Gedo oo ka...

0
0

Col. Aadan Axmed Rufle oo ka mida Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka Ee Gobolka Gedo ayaa ka hadlay Dhibaato Xilligaan ka jirta Gobolka Gedo islamarkaana haysata Ciidamada Milatariga Soomaaliya.
Col. Aadan Axmed Rufle ayaa sheegay in Ciidamada Milatariga aysan Haysan Hub islamarkaana ay qarka u saaran yihiin in Al-shabaab ay soo Weeraraan oo ay laa'yaan Ciidamada halkaas jooga.
"Ciidamada Milatariga ee Gobolka Gedo,ma hastaan Hub ay Shabaab isaga difaacaan,waxaan Madaxweynaha Soomaaliya ka Codsaneynaa inuu Arrintaas wax ka qabto oo aan Ciidanka lagu fiirsan Cadawga soo weeraraya"ayuu yiri Col. Aadan Axmed Rufle.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454

Faah faahin Weeraro xalay ka dhacay Muqdisho

0
0

Kooxdii Weerartay Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa waxa ay ku hubeysnaayeen Hubka garbaha laga tuuro, hubka fudud iyo bambooyin.
Ciidamada Militariga Soomaaliya ee ku sugan Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, ayaa waxaa la sheegay inay iska caabiyeen Kooxdii Weerarkii soo qaaday, Waxaana Ciidamadii ilaalada ka ahaa Wasaarada ay muddo daqiiqado ah la dagaalameen kooxdii Weerarka soo qaaday.
Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in dableydaasi daqiiqado ka dib inay dib u carartay, isla-markaana ay Ciidamada Militarigu bilaabeen inay daba galaan, balse kuma guuleysan iney gacanta ku soo dhigaan.
Sarkaal ka tirsan Milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in Ciidamada Milatariga ay ka hortageen Weerarka Wasaarada lagu soo qaaday.
Sarkaalka ayaa sidoo kale sheegay in dhankooda uusan wax khasaaro ah sooo gaarin.
Dhanka kale Ciidamada amaanka ee dowladda ayaa Xalay howlgalo Saacado badan qaatay waxa ay ka sameeyeen Xaafadaha degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir.
Ciidamada howlgalka sameeyay ayaa waxa ay isugu jireen Ciidamada Nabad sugidda, Booliiska iyo Ciidamada sida gaarka ah u tabababaran ee NISA.
Howlgalka ayaa si gaar ah waxaa looga sameeyay Xaafadaha u dhaw inta u dhaxeysa Isgoysyada Ceel Gaabta iyo Xamar Jajab.
Intii uu howlgalka socday ayaa Ciidamo ka tirsan Maamulka degmada Xamar Jajab oo fariisin ku lahaa meel u dhaw Barxada Shaneemo Afrika waxaa lagu tuuray bambo gacmeed.
Howlgalka ayaa waxaa lagu soo qabtay ku dhawaad 200 oo dhalinyaro ah qaarkood baaris iyo su'aalo dheer ka dib Ciidamada amaanka ay dib u fasaxeen Xalay Saqdii dhexe, halka kuwa kalena ay weli ku jiraan gacanta Ciidamada ammaanka oo su'aalo la weydiinayo.
Ciidamada howlgalka waday ayaa gudaha u galayay guryaha waxa ayna dadka guriga joogay ku amraayeen in ay banaanka u soo saaraan dhalinyarada guriga ku jirta ka dibna waxaa loo kaxeynaayay Barxada Shaneemo Afrika halkaas oo su'aalo lagu weydiinayay, sidoo kalena dadka lagu kala saaraayay.
Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in ay sii socon doonaan howlgalada ammaanka lagu xaqiijinayo ee ka socda degmooyinka gobolka Banaadir.

Marekanka oo sheegay inuu tallaabo milateri uga...

0
0


Nikki Haley
Muqdisho (RBC Radio) Dowladda Marekanka ayaa ku wargelisay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay inay qaadi doonan tallaabo milateri oo ay uga hortagayaan khatarta ka imaneysa Kuuriyada Waqooyi.
Wargelinta waxaa kalo ku jirto Marekanka inuu wali door-bidayo in arrinta lagu xaliyo hab diblamaasiyadeed iyo go,doomin dhinaca dhaqaalaha ah.
Danjiraha u jooga Marekanka xarunta Qaramada Midoobay,Nikki Haley ayaa caddeeysay Marekanka inuu diyaar u yahay sidii uu u difaaci lahaa dalkiisa iyo xulafadiisa.
Nikki , waxaa kalo uu sheegtay in Mareykanka ay ka joogaan dalka Kuuriyada Koofureed ciidamo gaaraya 28,500, halka Japan ay daganyihiin 50,000 oo askari oo Mareykan ah.
Marekanka ayaa warkan soo saaray maalin kaddib marki ay Kuuriyada Waqooyi tijaabisay gantaal nuuca ballistiga ah ee isaga kala gooshi kara qaaradaha.Gantaalki ay Waqooyiga Kuuriyda ridday Talaadadi ayaa dhaliyey cambaareyn caalami ah iyo walaac dhinaca diblamaasiyadda ah.
Tijaabadii gantaalka ee Talaadadii ay samaysay Kuuriya Waqooyi ayaa ahaa midkii u dambeeyay ee kuwo badan oo ay dhawaan sameeyeen oo ay kaga dhago adaygeen xayiraadda Gollaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.
___
RBC Radio

Magaalada Chicago ee dalka Maraykanka oo lagu toogtay 101 ruux

0
0

Ugu yaraan 101 ruux ayaa lagu toogtay magaalada Chicago ee dalka Maraykanka tan iyo 4tii bishan Luulyo oo ahayd maalintii xoriyadda


Magaalada Chicago ee dalka Maraykanka oo lagu...

0
0

Ugu yaraan 101 ruux ayaa lagu toogtay magaalada Chicago ee dalka Maraykanka tan iyo 4tii bishan Luulyo oo ahayd maalintii xoriyadda, sida uu ku warramay wargays ka soo baxa magaaladaas.
Ku dhawaad kala badh toogashadaasi waxay dhacday 12 saac gudahood sida uu ku warramay wargayska Chicago Tribune.
Qofka ugu da'yar wuxuu ahaa wiil 13 sano jira halka qofka ugu da'wayna uu ka ahaa nin 60 jir ah.
Madaxweya Maraykanka Donald Trump ayaa dhawaan sheegay in uu xubno faderaal ah u dirayo Chicago si ay booliiska magaalada gacan uga siiyaan wax ka qabashada weerarrada budhcadda ee magaalada ka dhaca.
Rasaasayntaas kala badhkeed waxay ka dhacday koonfurta iyo galbeedka magaalada Chicago.
Inkastoo booliiska Chicago lagu xoojiyay 1,000 askari oo dheeri ah haddana si buuxda umayna xakamaynin dhibaatada.
Dadka ay waxyeeladu soo gaartay sannadkan ayaa ka badan kuwii dabaaldegga xorriyadda ee 2016kii, markaas oo 66 ruux la toogtay.
Dadka lagu toogtay magaalada Chicago sannadkan 2017ka ayaa noqonaya in ka badan 1,800 sida uu ku warramay Tribune.
Laakiin xaaladdu uma xuma siddii ay sannadkii hore u xumayd markii la marayay wakhtigan oo kale iyadoo markaas la toogtay 20,035 ruux.
Booliiska magaalada Chicago ayaa toddobaadkan sheegay in toogashada magaalada ay hoos u dhacday 14% marka loo eego lixdii billood ee u horaysay sannadkii 2016kii.

Baarlamaanka oo sabtida furmaya

0
0

Kn: Waxaa magaalada Xamar dib ugu soo laabtay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari oo intii bilo ahba ku maqnaa fasax si la mid ah xildhibaanada.
Guddoomiyaha waxa uu sheegey in uu furmayo kalfadhiga baarlamaanka maalinta sabtida ah ee ay taariikhda ku beegantahay 8da July, wuxuuna furmayaa baarlamaanka xili mooshin uu ka yaalo Ra'isulwasaare Xasan Cali Kheyre.
Sidoo kale baarlamaanka ayaa looga fadhiyaa meelmarinta sharciyo muhiim ah, loogana doodo xaaladaha dalka ka jira.
KismaayoNews.com
storvideo: 

Muniir Axmed Cigaal Oo Ka Jawaabay Eedo Uga Yimid...

0
0

Muniir Axmed Cigaal Oo Ka Jawaabay Eedo Uga Yimid Badhasaabka Gobolka Togdheer"Badhasaab Ramaax Hadii Ay Canaani Kaga Timid Xaga Gudoomiyaha Kulmiye, Oo Ay Sanqadh Tirasho Iyo Qaab Muuqasho La'aan Ah Gobolka Togdheer Ku Yimid Maaha Inuu Kula Soo Galgasho Eedaha Noocaas Ah Xisbiga Waddani" Muniir Axmed CigaalBurco (Waaheen) - Kaaliyaha Warbaahinta ee Musharaxa xisbiga Waddani, Muniir Axmed Cigaal ayaa jawaab ka bixiyey eedo uga yimid Badhasaabka gobolka Togdheer, Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) oo ku eedeeyey in Muniir hadalo uu ka jeediyey goobihii shalay lagu soo dhaweeyey Masuuliyiinta xisbiga Waddani ee socdaalka ku tagay gobolka Togdheer ay qalalaase iyo fowdo abuurtay.
Muniir Axmed Cigaal, Kaaliyaha Warbaahinta ee Xisbiga Waddani ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedahaasi Badhasaabka Gobolka Togdheer, waxaanu Muniir Axmed Cigaal nasiib daro ku tilmaamay in Badhasaab Ramaax oo ay saaxiib yihiin uu kula soo galgasho Masuuliyiinta xisbiga Waddani eedaha noocaas ah hadiiba ay canaani kaga timid xaga gudoomiyihiisa Xisbiga Kulmiye oo sanqadh tirasho iyo qaab muuqasho la'aan ah ku yimid gobolka Togdheer.
Kaaliyaha Warbaahinta ee Musharaxa xisbiga Waddani, Muniir Axmed Cigaal waxa uu sidaasi ku sheegay shir jaraa'id oo uu maanta ku qabtay magaalada Burco isagoo arimahaasi ka jawaabayana waxa uu yidhi
"Waxaan halkan kalmad iyo laba ka odhan doonaa hadal runtii aan u malaynayo in aanu sidii saxda ahaa u bixin oo aniga igu wajahnaa oo munaasibadii balaadhnayd ee lagu daahfurayey kaadh qaadashada doorashada Somaliland ku soo fool leh oo maanta ka qabsoontay magaalada Burco oo ka dhacday Kaafi Hotel hadal uu ka jeediyey Badhasaabka Gobolka Togdheer Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) uu eedayn farabadan oo runtii uu ii soo jeediyey aniga Muniir ahaan oo ku saabsanayd in badhasaabku igu eedeeyey in waxyaabo ka dhacay soo dhaweyntii xisbiga Waddani ee Galoolay, Sheekh iyo Burco oo aanan anigu ogayn aan anigu masuul ka ahaa qalalaase iyo fawdona ay abuurtay oo ninka waxaa kiciyey ee uu ku eedeeyeyna uu ahaa Muniir, sida badhasaabku hadalka u dhigay.
Runtii Muniir ahaan iyo Xisbi ahaan toona ma ogin manaanaan arag meel buuq iyo qalalaase ka dhacay ama ka muuqday intii Weftiga xisbiga Waddani uu jidka soo maray, laga soo bilaabo deegaanada gobolka Saaxil ilaa Togdheer ee lagu soo dhaweeyey weftiga Murashaxa xisbiga Waddani oo aan ka mid ahaa, waxa si nabadgalyo ah oo aad u balaadhan ay noogu soo galbinayeen jamaahiirta xisbiga Waddani oo ay dariiqyada aad u tubnaayeen dadka deegaamadii aanu soo maraynay oo ay ka muuqatay qiiro farabadani.
Dadkaasi taageerayaasha xisbiga Waddani ah cidi may abaabulin waxaan arkayey dadkii deegaanka Hudusa iyo Sheekh oo si lama ilaawaan ah xisbiga Waddani iyo madaxdiisa u qaabilay una soo dhaweeyey.
Badhasaabka gobolka Togdheer hadii ay canaani kaga timid xaga gudoomiyaha xisbiga Kulmiye, oo ay sanqadh tirasho iyo qaab muuqasho la'aan ah gobolka Togdheer ku yimid maaha inuu kula soo galgasho xisbiga Waddani iyo Masuuliyiintiisa, arimahaasi uu Badhasaabku sheegayna wax ka jiraa ma jiro oo halkan ayaan ka beeninayaa, wax dhibaato ah oo dhacayna ma ogi, wax aanu abaabulnayna ma jirin, hadalkayagiina wax uu dhaliyey oon wanaag ahayna muu jirin oo wax aan wanaag ahayni nagamuu soo bixin, warkaa badhasaabku uu xafladaasi ka sheegay oo masuuliyiin badani ay fadhiday oo gudoomiyaha xisbiga KUlmiye uu fadhiyey, gudoomiyaha xisbiga Waddani, Komishankii, Xildhibaano iyo dad kale oo masuuliyiin ahi ay fadhiyeen, maanaan filayn inuu eedayn waxba kama jiraan ah ka soo jeediyo isagoo runtii aan badhasaabku wax hubsanin, waxaan u malaynayaa uun waxbaa dhagta loogu tuuray, warkaasina war aanu maqalnay ma ahayn eedaasina mid meesha qabanaysay ma ahayn, waxaan leeyahay saaxiib in aad wax hubsato ayay ahayd." Ayuu yidhi Muniir Axmed Cigaal, Kaaliyaha Warbaahinta ee Musharaxa xisbiga Waddani.
storvideo: 

Madaxwayne ku-xigeenka Somaliland Oo Daahfuray...

0
0

Madaxwayne ku-xigeenka ahna Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Daahfuray Qaadashada Kaadhadhka Codbixinta Ee Gobolka Maroodi-jeex.Hargeysa(Waaheen) Madaxwayneku-xigeenka ahna kusimaha Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa ka qayb galay furitaanka kaadh qaadashada codbixiyayaasha ee gobolka Maroodi-jeex .
Xaflad si weyn loosoo agaasimay oo ay soo qaban qaabiyeen koomishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland oo uu hadalo kooban ka jeediyay guddomiyaha komishanka doorashooyinka qaranku waxaa uu sheegay in maalinta sabtida ah ay gobolada Maroodi-jeex iyo Togdheer ay ka bilaabmi doonto qaadashada kaadhka codbixinta doorashada dhacaysa bisha Novembar ee sanadkan.
Saraakiisha ugu saraysa seddexda xisbi qaran oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa balan qaaday inay ilaalin doonaan anshaxa iyo habsami u socodka qaadashada kaadhka codbixinta.
Madaxwayne ku-xigeenka ahna kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo munaasibada soo gabo-gabeeyay ayaa sheegay in Xukuumadda Somaliland muhiimada koowaad siisay sidii dalkani ay uga dhici lahad doorasho xor-iyo xalaal ah islamarkaana ay fulisay dhamaan arrimhii kaga adanaa qabsoomida doorashada Madaxtooyada oo ay ugu buuran tahay bixinta gabi ahaanba qarashka ku baxaya doorashada waxaanu yidhi Madaxwayne ku xigeenku "Xukuumada somaliland waxay muhiimad siisay sidii ay gabi ahaanba annagoo qudhi aanu u dabari lahayn doorashada madaxtooyada, dawladihii hore 25% ayay bixin jireen,markaasaa waliba laga waayi jiray annaguse' maanta dhamaan kharashka doorashada annagaa dhabarka u ridanay, iyada oo aynu ogsoon nahay duruufaha kala duwan ee dalku ku jiro xisbiyada mucaaridka ah waxaanu ka filaynaa inay noo mahadceliyaan" ayuu yidhi Cabdiraxmaan saylici Madaxwayne ku-xigeenka JSL.Sidoo kale waxa uu Madaxwayne ku-xigeenku reebay in shaqaalaha dawladu aanay u ololayn karin xisbiyada.
storvideo: 

Madaxweynaha Somaliland Oo La Kulmay Maareeyaha guud...

0
0

Dubai(Waaheen)Madaxaweynaha JSL md Axmed Maxamed Silaanyo ayaa halka uu ka degan yahay Abu Dhabi waxa uu ku soo booqday Maareeyaha guud ee Hay'adda Horumarinta iyo Maalgashiga ee Abu Dhabi (director general of Adhabi Fund for development) Md.Maxamed Saif Al Suwaidi. Waxay ka wada hadleen xidhiidhka labada dal iyo derder galinta Mashaariicda horumarineed ee Dawladda Imaaraadku ka hirgalinayso Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo ay labada dhinacba si wada jir ah usoo dhaweyeen heshiisyada labada dal dhexmaray ee iskaashiga iyo horumarka dhinacyada badan leh. Kullankan waxa Madaxweynaha ku wehelinayay Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi Maxamuud iyo safiirka Somaliland u fadhiya UAE Amb. Baashe Cawil Cumar.
Dhanka kalena Madaxweynaha JSL oo warbahinta qaranka u waramayay ayaa waxa uu sheegay in Illaahay Mahadi haka gaadhee xaaladiisa caafimaad ay wanaagsan tahay waxaanu sheegay inay dalka si dhakhso ah dib ugu soo noqon doonaan haddii Alle idmo.
Xuseen Adan Cige (Deyr)
Afhayeenka Madaxweynaha JSL
[embedded content]
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live