Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Cabdiweli Gaas: “Annaga waxaa maanta noo muuqda...

$
0
0


Garoowe (RBC Radio) Madaxweynaha Puntland,Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo khudbad muhiima ka jeediyey furitaanka kal-fadhiga labaad ee Baarlamaanka Faderaalka dalka ayaa sheegay in maanta ay muuqato wanaag Soomaaliyeed oo tiro badan iyo mustaqbalka Soomaaliyeed oo maanta ah mid wanaagsan, Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in ay Soomaaliya dan u tahay in la-yagleelo geedi ku salaysan horumarka iyo danaha shacabka Soomaaliyeed.
" Runtii waxaa noo muuqda anaga wanaag Soomaaliyeed oo tiro badan, waxaa noo muuqda mustaqbalka Soomaaliyeed inuu fiicanaan doono, dhib badan waa la soo maray laakiin runtii waxaanu qabnaa rajo weyn, in Soomaaliya waddadii saxda ahayd ay qaaday, is bedel dhabihina ka muuqdo una socoto dhankii wanaagsanaa runtii, markaad eegto meesha aan ka nimi waxay maanta Soomaaliya haysaa wadadii saxda ahayd" ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.
Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa xusay in lahelayo hadii ummaada Soomaaliyeed mudawdo wanaag degdega, horumar degdega iyo isbedel wanaagsan oo degdega, hadiise aan la helin waddajir Soomaaliyeed in intaasiba dib u dhacayaan oo aanay hirgalayn.
" waxaan aamin sanahay hadii aynu midawno wanaagu waa soo degdegayaa, horumarku waa soo degdegayaa , is bedelkuna waa soo degdegayaa, hadii aanaan mudobin oo dhibta jirta aanaan u midoobina dabcan xalku iyo wanaaga aan rajaynaynaa waa ay sii dheeraanayaan, 27 sano oo shido ah iyo shaqaaqo ah ha kala duwanaatee ayaan soomarnay , dabcan bulshada marka dhibaatadu ku raagto colaadu ku raagto waxa ay noqotaa bulsho xun, taasina waxaa ka dhalanaya wax badan oo aadan ku tala gelin inay yimaadaan, waxaana taasi kaga bixi karnaa Soomaali oo midaysan, "hadii cadawgaagu bato cududaadaa waa lamideyaa ". ayuu yiri madaxweynaha Puntland.
Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay Al-shabaab ayaa sheegay in yihiin dabayl dhaafaysa shacabka Soomaaliyeed mustaqbalka dhawna lays waydiin doona Al-shabaab waxay ahaan jireen.
Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa hoosta ka xariiqay in laga midaysan yahay dhammaan Maamuladda Soomaaliya iyo DFS-ba dib usoo celinta sharaftii iyo karaamadii dawlad-nimo Soomaaliyeed, taasina ay tahay maanta tan isu keentay hogaamiyayaasha ummaada Soomaaliyeed.
___
RBC Radio

storvideo: 


SOMALIA: President Farmaajo Opens 2nd Parliamentary...

$
0
0

President Mohamed Abdullahi Farmaajo has today officially opened the second parliamentary plenary session of the 10th Parliament.
MOGADISHU (RBC Radio) President Mohamed Abdullahi Farmaajo has officially opened the second parliamentary plenary session of the 10th Parliament after two months of recess.
President Farmaajo while giving his constitutional address to both houses of parliament emphasized on the need to have the separate organs of the government to work closely together to achieve development goals.
In his address, the president shared with the parliamentarians highlights of the government's progress include consistency in paying salaries and wages for all government employees, efforts in controlling the free flow of illegal arms, operationalizing an integrated special stabilization force for the capital and strengthening of cooperation between the central government and the federal states.
The government has as well been successful in finalizing regaining control of the Somali airspace, has made huge progress in negotiating for agreements to free Somali prisoners in foreign countries and reclaiming Somalia's cosignatory status for aid funds earmarked for development in Somalia.President Farmaajo addresses lawmakers as he opened the second parliamentary plenary session of the 10th Parliament today.
President Farmaajo confessed that a lot is expected from the government including ensuring security and stability, justice sector reform, recreating sound economic infrastructure, strengthening foreign policies and relations, upgrading government institutions and public reconciliation.
The president then requested parliament to approve 15 bills that the administration plans to table before the house in this parliamentary session to fast track delivery efforts.MPs and officials listen to Presient Farmaajo's address of the nation during the opening ceremony of the second parliamentary plenary session of the 10th Parliament.
President Farmaajo while addressing the pertinent issue of the Berbera port deal underscored that it is clear in article 7, sub-article 2, 4 and 5 of the constitution of Somalia that it is of paramount importance to safeguard the sovereignty and unity of the republic, adding that the administration would soon bring before the house a full report on the same.

storvideo: 

Daawo A.Madoobe oo Khudbad Cajiib ah u jeediyey...

$
0
0

Jul 8, 2017 -
Madaxwaynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa Khudbad Cajiib ah ka jeediyey Maanta Furitaankii Kalfadhiga Baarlamaanka Soomaaliya.
HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA
Axmed Madoobe ayaa Dar-daaran u soo jeediyey Xildhibaanada, oo la sheegay in qaar ka mid ah ay Wadaan Mooshin ka dhan Ah Xukuumada "Hadii maanta aad Xukuumada meesha ka saartaan, Intaas oo Xildhibaan Miyaad wada heli Karaan Wasiiro ? Waa maya, Maanta Ninka aad Qasto adigana Beri ayuu ku Qasayaa ee dalka inoo Hagaajiya" Ayuu yiri.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

DAAWO:DHACDO MURUGO LEH Sargaal Boolis & Garsoorkii...

$
0
0

Jul 8, 2017 -
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa shaaca ka qaaday iney bilooyinka soo socda ay meel marin doonaan qorshaha cadaaladda Soomaaliya.
Laakiin dad badan ayaa aamisan in cadaaladda ay ubaahan tahay iney ka bilaabato dowladda dhexdeeda gaar ahaan askari ilaa madaxda ugu sareysa.Mid kamid ah Saraakiishii Booliska iyo garsoorka Soomaaliya oo ka qeyb galay barnaamijka Cafis oo ah olole ay wadaan Saxafiyiin Soomaaliyeed oo ka dhacay dalka Finland ayaa waxaa uu kusoo bandhigay qiso dad badan ay la murugoodeen oo aheyd cadaaladii dalka ka jirtay xiligii hore.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Dhageyso:-Goorma Ayuu Furmayaa Kalfadhiga Labaad Ee...

$
0
0

Jul 8, 2017 -
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa ka warbixiyay xiliga uu furmayo kalfadhiga labaad ee Golaha Aqalka Sare ee Dalka.
Mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi oo Wreysi gar ah siiyay Shabakada Badweyn.com Xarunta Muqdisho ayaa sheegay in kulnk Xubnaha Aqalka Sare uu furmi doono 12-ka Bishaan Juulaay.
Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas ku daray diirada lagu saari doono dib u eegiska Dastuurka dalka ayna ka qaybgali doonaan Gudiyada Joogtada ah ee Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka, guddoomiyaasha Baarlamaanada dowlad gobaleedyada, wasaaradda Dastuurka, Ururada bulshada Rayidka ah iyo masuuliyiin kale.
Xubnaha Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa ka soo laabanaya fasaxii ay galeen markii la xiray kalfadhigii koowaad ee Golaha Aqalka Sare.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Article 0

Mareykanka oo 639 Milyan oo Dollar Ugu Deeqay Afar Dal oo Ay Somalia Ku Jirto

$
0
0

Dowlada Mareykanka ayaa ku dhawaaqday Sabtidii inay 639 milyan oo doolar ugu deeqeyso dalalka Somalia, South Sudan, Nigeria iyo Yemen oo ay ka jiraan xaalado bani,aadannimo oo aad u liita, kuwaasoo ay Qaramada Midoobay ku sheegtay in ay sababeen colaado sokeeye.

Mosul oo Dhaw Inay Ku Dhacdo Gacanta Ciraq

$
0
0

WASHINGTON. D.C --
Ciidamada qalabka sida ee dalka Ciraaq ayaa sheegay in ay saacadaha soo aadan ku dhawaaqi doonaan guusha dagaalka magaalada Mosul, taasoo soo dhameyn doonto qeyb ka mid ah khilaafada Daacish ee qeybta Ciraq.
Bayaan kasoo baxay taliska ciidamada isgarabsanaya ayaa lagu sheegay in howlgalku uu gaba gabo marayo, isla markaana ay ciidanku qarka u saaranyihiin in ay gaaraan wabiga Mosul.
Dhinaca kalana, taliye ka tirsan ciidanka Mareykanka ee jooga Ciraaq, General Robert Sofge ayaa wakaalada wararka AFP u sheegay in guul ay ciidanka Ciraq ka gaaraan dagaalka Mosul ay hadda aad usoo dhawaatay.
Saraakiisha Ciraq ayaa todobaadyadi lasoo dhaafay saadaalinayey guusha dagaalka Mosul, kadib marki ay sheegeen in ay xoogaga Dacish ku go,doomiyeen qeyb yar oo ka mid ah faras magaalaha Mosul iyo agagaarka Wibiga Dijlah ee magaalada.
storvideo: 


Gabar Sooomaaliyeed oo Mareykanka Timid Amarki Trump...

$
0
0

WASHINGTON. D.C --
Gobolka Virginia ee duleedka magaalada Washington waxaa dhowaan soo gaartey Luul Mohamuud Yusuf (Diyaaboone) oo ku guuleysatey dal-kugalka Mareykanka uu bixiyo ee Lottery ama baqtiyaa-nasiibka.
Waxaa dalkugalkan ay heshey ayadoo dalkan Mareykanka laga mamnuucay inay soo galaan dadka dhalasho ahaan kasoo jeedo 6 wadan oo Muslim ah oo ay Soomaaliyana ka mid tahay.
Luul waxay shalay galab nagu soo booqatay daarta VOA-da ee Kohen ee magaaladan Washington. Safarkeedii iyo wixi ay kala kulantay ilaa ay kasoo gaarto magaaladan Washington waxa ay uga warrantay Sahra Cabdi Axmed.

Embed code
Copy and paste the embed code below.
The code has been copied to your clipboard.
0:06:15
0:00:00 /0:06:15
Direct link
Pop-out player
storvideo: 

Mareykanka oo 639 Milyan oo Dollar Ugu Deeqay Afar...

$
0
0

Dowlada Mareykanka ayaa ku dhawaaqday Sabtidii inay 639 milyan oo doolar ugu deeqeyso dalalka Somalia, South Sudan, Nigeria iyo Yemen oo ay ka jiraan xaalado bani,aadannimo oo aad u liita, kuwaasoo ay Qaramada Midoobay ku sheegtay in ay sababeen colaado sokeeye.
Wariyaha VOA-da Nur Hasan Nur ayaa faah-faahinta deeqdani ka wareystay Cabdigafar Cabdi Wardheere oo ku taqasusay Horumarinta Caalamiga ah. Ugu horreyn wuxuu weydiiyey waxa ay lacagtani ku timid.

Embed code
Copy and paste the embed code below.
The code has been copied to your clipboard.
0:05:32
0:00:00 /0:05:32
Direct link
Pop-out player
storvideo: 

Warbixin: Wadanka South Sudan oo 6 Sano Jirsaday

$
0
0

Wadanka South Sudan oo ah Wadanka ugu da'da yare dunida ayaa manta 6 sano jirsaday isaga oo manta oo kale sanadkii 2011 xurnimadii ka qaatay Wadanka Suudaan.
Hogaamiyaal u xusul doobayay in Koonfurta Suudaan ay ka Go'do Suudaan ayaa Maanta oo kale 9 July Sanadkii 2011 Calanka Wadankaasi ka Taagay Magaalada Jubba oo hadda Caasimad u ah wadankaasi South Sudaan.
Wadanka South Sudaan ayaa dhanka Woqooyi waxa uu xuduuda kala wadaagaa Wadanka Itoobiya , Dhanka Bari ayaa waxa uu xuduud kala wadaa Wadanka Kenya , dhanka Koonfur ayuu xuduud kala wadaagaa Wadanka Uganda.
Laba sano uun kadib markii South Sudan uu qaatay madaxbanaanidiisii ayaa waxaa ka qarxay magaalooyinka dalkaasi dagaal qabiileed aad u qasaare badnaa oo ilaa iyo hadda ka socdo dalkaasi.
Dagaalkaasi ayaa galaaftay nolosha dad aad u farabadan waxaana dagaalkaasi ku dhintay kumanaan dadka reer koonfurta Suudaan ah halka kuwo kalena ay ka barakaceen dalkaasi.
Salva Kiir Mayardit ayaa isla sanadkii 2011 noqday madaxweynihii ugu horeeyay ee dalkaasi koonfurta Suudaan waxaana madaxweyne ku xigeen uu u doortay Riek Machar .
Mr Kiir iyo Mr Machar ayaa waxaa dhexmaray qilaafaad xoogaan oo ugu dambeeyntii sababtay in ay dagaalamaan.
Ha'adaha xuquuqda aadanaha ayaa sheegaya in dhibaatooyin badan oo ka dhan ah bini aadamka ay ka dhacaan gudaha dalkaasi South Sudan.
Ugu dambeeyntii dalka Koonfurta Suudaan ayaa waxaa ku ganacsada Soomaali badan oo la kulmaya dhibaatooyin kala duwan waxaana saameeyay qala laasaha dalkaasi ka Jira.Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post
The post Warbixin: Wadanka South Sudan oo 6 Sano Jirsaday appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

M/weynaha Kenya oo Bandaw ku soo rogay Magaalooyin...

$
0
0

Jul 9, 2017 -
Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay Bandaw ku soo rogeen Magaalooyin ka mida Dalkeeda,waxaana Magaalooyinka ka mida Gaarisa,Laamu iyo Tanariifo.
Madaxweynaha Wadanka Kenya ayaa sheegay in Bandawgaan uu yahay mid lagu Xaqiijinayo Ammaanka degaanadaas islamarkaana looga hortagayo Weerarada Al-shabaab ay ka geystaan Magaalooyinkaas.
Bandawga ayaa Kenya ay sheegtay inuu socon doono Mudo Saddex Bilood ah.
Al-shabaab ayaa dhowr jeer Weeraro Khasaare dhaliyay ka geystay Magaalooyin badan oo ka tirsan Kenya.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Donald Trump oo Lacag badan u balan qaaday Dowlada...

$
0
0

Jul 9, 2017 -
Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in Malaayiin dollar ay ugu deeqeyso dadka ay Abaaruhu saameeyeen ee kunool dalalka Soomaaliya, Nigeria, Suudaanta Koofureed iyo sidoo kale dalka Yemen.
Madaxweyne Trump oo ka qeyb galayay Shirka G20 ee dalka Jarmalka ayaa ku dhawaaqay deeqdaasi oo uu sheegay in ay muhiim u tahay Nolasha dad badan oo xilligaan ku jira Dhibaato Culus.
Sidoo kale Madaxweyne Donald Trump ayaa xusay in dalalka Caalamka laga doonaayo in ay caawiyaan dalalkaasi oo uu sheegay in ay halakeeyeen Abaaraha iyo dagaalada aan joogsiga laheyn.
Lacagtaan ayaa dhan 639 Milyan oo dollar.
Soomaaliya ayaa waxaa kusoo aadeysa in ka badan 100 Milyan oo dollar, waxaana lacagtaasi lasoo marsiin doonaa Hay'adaha Gargaarka u qaabilsan Qaramada Midoobey.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Dowlada Soomaaliya oo la wareegtay Qalabkii lagu...

$
0
0

Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa la wareegtay qalabkii lagu hagi lahaa Hawada Soomaaliya.
Munaasabad kooban oo ka dhacday garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho ee aadan Cadde waxaa qalabkaan oo ay bixinaysay Hay'add laga leeyahay dalka Talyaaniga ku gudoomay Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo dhulka Maxamed C/llaahi Oomaar iyon Maareeyaha Guud ee Hey'adda Saadaasha iyo Duulista Hawada Soomaaliya Yuusuf Cabdi Cabulle.
90 maalmood kaddib ayaa la filayaa inay Soomaaliya yeelato qalab casri ah oo lagu hago Hawada Soomaaliya iyo shaqaale tababaran oo ku shaqeyn doona xarunta dhexe ee Hey'adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Soomaaliya ee Muqdisho, sida uu sheegay Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo dhulka Maxamed C/llaahi Oomaar.
Dhanka kale Maareeyaha Hey'adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Yuusuf Cabdi Cabdulle ayaa sheegay in dhowaan dowladdu si rasmi ah ula wareegi doonto Maamulka Hawada Soomaaliya, kaddib 20 sano ka badan oo ay gacanta ku heysay Hey'adda ICAO ee Qaramada Midoobey.
Wasiirka iyo maareeyaha ayaa muddooyinkii u dambeeyay dadaal ugu jira dhameystirka qorshaha ay dowladda Soomaaliya kula wareegeyso maamulka hawada Soomaaliya, oo laga hayay sanadihii dambe dalka Kenya.

Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho
The post Dowlada Soomaaliya oo la wareegtay Qalabkii lagu hagi lahaa hawada Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Faah Faahin: 7 Ruux oo isku Qooys ah oo lagu laayay...

$
0
0

Faah Faahin Dheeraad ah ayaa laga helayaa qaabkii uu u dhacay weerar naxdin leh oo lagu qaaday gaari ay la socdeen dad isku qooys ahaa oo ganacsato ahaa oo lagu weeraray duleedka Muqdisho.
Qooskaaan Ganacsatada ah ee la laayay ayaa ah qooys caan ah oo si weeyn looga yaqaano Magaalada Muqdisho waxaana lagu magacaabaa Reer Xaaji Gaaboow.
Dableey hubeeysan oo aan heeybtooda lagaran ayaa gaari ay wateen oo ahaa nooca looyaqaano Parado rasaas ooda kaga qaaday xili ay doonayeen in ay ka qeeybgalaan aaska haweeneey geeriyootay.
Caadil Xaaji Gaabow oo kamid ah qooskaasi ay musiibadu ku dhacday oo la hadlay warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay in falkaasi uu ahaa mid aad u naxdin badnaa .
Waxa uu sheegay Caadil Xaaji Gaaboow in koox afka soo duubatay ay rasaaseen gaariga ay la socdeen qaar kamid ah qoosyka Reer Xaaji Gaaboow islamarkaasina ay halkaasi ku dileen .
"Haweeney caan ka aheyd degmada ayaa dhimatay aaskeeda ayay u raaceen deegaanka Siinka Dheer ee duleedka Muqdisho, sida ay ii sheegeen dad la socday gawaarida meydka ayaa ii sheegay in gaari lagu horgeeyay islamarkaana la rasaaseeyay, mid kamid oo aan abti u ahaa ayaa gaariga ka booday balse waa la dilay asna", ayuu yiri Caadi Xaaji Gaabow oo kamid ah qoyska reer Xaaji Gaabow.
5 kamid ahaa qooyskaan Ganacsatada ahaa ayaa geeriyooday halka labo qof oo kale oo ay qaraabo dhow ahaayeena ay ku dhintay kuwaasi oo kamid ahaa dadka gaariga saarnaa.
Ciidamo katirsan kuwo dowlada ayaa goobtaasi gaaray oo howlgal ka sameeyay.Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho
The post Faah Faahin: 7 Ruux oo isku Qooys ah oo lagu laayay Duleedka Muqdisho appeared first on Puntland Post.
storvideo: 


Dhageyso: Wax qabadka Dowlada MD Farmaajo….[Akhriso...

$
0
0

Jul 9, 2017 -
Maxamed Cabdulalahi Farmaajo,Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay dowladda Cusub ee Sooamaliya ee uu hoggaamiyo mudadii dhowrka Bilood aheyd o ay jirtay.
Madaxweyne Farmaajo,ayaa soo bandhigay ilaa ku dhawaad 10 Qodob kuwaas oo uu sheegay in inta badan ay ku guuleesteen.
1:- joogteynta Mushaaraadka Hay'adaha dowladda sida Baarlamaanka Xukuumada, Madaxda amniga iyo Shaqaalaha Rayidka.2:- Ka guul gaarida xakameynta Hubka Sharcidarada ah ee lagu watay muqdisho qaadista Jidgooyooyinka lagu dhibaateynayay Shacabka Soomaaliyeed.3:- Guulo laga gaaray shirarkii Caalamiga ahaa sida shirkii London,kaas oo lagu guuleestay qorshaha Horumarinta Qaranka.4:- Xoojinta iyo wadashaqeynta Madaxda maamul goboleedyad dalka kajira.5:- Dib u hanada Saxiixa kuwa deeqaha ku bixiya Magaca Ummadda Soomaaliyeed awoodaas oo ka maqned Gacanta dowladda.6:- Dib usoo celinta in uu Shaqeeyo xili habeen ah Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada muqdisho iyo hagaajinta duulimaadayada tooska ah ee Muqdisho ilaa Nairobi.7:- Dhamestirka dib u hanashada Maamulka Hawada Sooamaliya ka hor dhamaadka Sanadkaan oo la rajeynayo in Gacanta dowladda ay soo gasho.8:- Guul ka gaarista in ay hehsiis la galaan dhowr Wadan oo ay ku xiran yihiin Muwaadiniin Soomaaliyeed si ay xuriyadooda u helaan.9:- Dib u habeenta qabka loo maareeyo dhaqalaha soo gala dowlada Federaalka Soomaaliya.10:-Qabsoomida Shirar gogol xaar u ah dib u heshisiinta dhabta ah ee uu dalkeena u baahan yahay.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Somalia’s internet outage costing country $10...

$
0
0

Somalia's government says a widespread internet outage that began roughly two weeks ago is costing the Horn of Africa nation about $10 million each day and is a "major disaster."
The post and telecommunications minister, Abdi Anshur Hassan, told a press conference Saturday that Somalia has lost more than $130 million so far.
The loss of internet service has sparked anger across Somalia and affected the central and southern parts of the country including the capital, Mogadishu.
The minister didn't say what caused the outage, but officials and internet providers have attributed the problem to a commercial ship that they said cut an undersea cable.
Hassan says the government is working to restore internet service as quickly as possible.
Somalia is trying to emerge from a quarter-century of conflict.

storvideo: 

Akhri: S/land Oo Ka Jawaab degdeg ah siisay M/weyne...

$
0
0

Jul 9, 2017 -
Maamulka Somaliland ayaa ka jawaabay hadal uu madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ku sheegay in dawladiisu ku daba joogto sidii ay u heli lahayd xog dhamaystiran oo ku saabsan heshiiska saldhiga Berbera ee Imaaraadka Carabta oo uu sheegay inuu bilowgiisu ka horeeyey dawladiisa.
Mr Farmaajo oo shalay hadal ka jeediyey kalfadhiga Labaad ee Baarlamaanka Somaliya,wuxuu sheegay in marka uu soo helo xogtaas uu la wadaagi doono Barlamaanka Somaliya.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaliland Yaasiin Maxamuud Xiir "Faratoon" oo la hadlayaay Wargeyska Geeska Afrika eek a soo baxa Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in uu digniin u diray Madaxda dowladda Soomaaliya islamarkaana waxa uu sheegay in madax kasta ee soo marta dalka Soomaaliya ay ku mashquulaan siyaasada Soomaaliland sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu sidoo kale Wasiirku ka hadlay Wadada saxda ah oo ay u mareen hehsiiskii Saldhiga Meleteeri uga sameysanayaan Imaaradka Carabta waxa uuna yiri.
"Somaliland waa dal madax banaan,waa dal leh madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud "Siilaanyo" ,Somaliland waa dal leh baarlamaan Lasoo doortay ,saldhiga Milateri ee Berbera nidaamkii saxda ahaa ayuu maray oo golaha guurtida iyo golaha wakiilada ayaa si wada jira u ansixiyey una mel mariyeyee qoraal baarlamaan Somaliya ah iyo talo la waydiiyo cid kale oo Somaliya ah waxba Somaliland kama qaadayaan ee Somaliland waa dal dhisan oo xasiloon oo nidaamkeeda dawladnimo u dhisan tahay ee madaxda Somaliya waxaan leeyahay dantiina raaca.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

AMISOM donates food and non-food items to drought...

$
0
0

Mogadishu, - The African Union Mission in Somalia (AMISOM) has donated to the Somali Federal Government, an assortment of food and non-food items to assist drought-affected, internally displaced communities.
Ambassador Francisco Caetano Madeira, the Special Representative of the Chairperson of the African Union Commission (SRCC) for Somalia, said the donation will benefit about 200 households living in a camp for internally displaced persons at Kilometre 13, in the outskirts of the capital Mogadishu.
The items include rice, pasta, sugar, vegetable cooking oil, beans, mosquito nets, blankets, bed sheets, jerricans, cooking pans, solar lanterns, plastic buckets, detergent, water purification tablets, and scrubbing brushes.
"What counts is the gesture. We don't want the people of Somalia to suffer. We don't want them to die out of hunger. So, the little we have, we share," Ambassador Madeira said as he handed over the donation to the Permanent Secretary of the Federal Ministry of Humanitarian Affairs and Disaster Management Mr. Mohamed Moallim,.
The AU Special Representative for Somalia explained that the donation was in response to an appeal made by government authorities and Somalia President Mohamed Abdullahi Mohamed 'Farmajo', aimed at averting a looming humanitarian crisis.
"We are desperately trying to avert a situation that leads us to famine. And luckily now we have received rains in some parts of the country," Permanent Secretary Mohamed Moallim stated, but added that the situation was still dire.
"We have, as a ministry, already made a plan for this (donation). And reason being that we want to be able to dispatch this humanitarian aid as soon as we can," Mr. Moallim added.
Mr. Vincent Lelei, the Deputy UN Humanitarian Coordinator for Somalia lauded efforts by the federal government of Somalia, Somali publics and the humanitarian community in averting a humanitarian disaster.
"The community is KM13 is a group of families, overwhelmingly women and children who have fled from the drought-affected areas, particularly in south-central Jubba Valley and many other places. They have come in, looking for protection, looking for services and looking for food, medicine, shelter, household items to cook and to survive. Our work has been to support them. As long as they are there, the support will be required," Mr. Lelei reiterated.

storvideo: 

Severe drought displaces further 761,000 in Somalia:...

$
0
0

An estimated number of people who have been displaced by the severe drought ravaging several parts of Somalia has risen to over 761,000 since November 2016, the UN said on Tuesday.
The UN Office for Coordination of Humanitarian Affairs (OCHA) said in its latest report that over 22,000 displacements were recorded between June 1 and 23.
The UN said out of 22,000, 13,500 individuals arrived in Baidoa town from remote villages in Berdaale, Dinsoor and Qansahdhere districts in Bay region and Rabdhuure district in Bakool.
The UN said the cities of Baidoa which had 174,280 of those displaced while Mogadishu (161,100) host 44 percent of these displaced people.
"As of June 23, 16,300 IDPs are reported to have returned to their places of origin in Bay and Bakool regions, with 60 percent of them returning in June. In 2017, 29,087 Somali refugees returned to Somalia," said the UN.
According to the UN humanitarian agency, some 3,769 Somali refugees returned - 3,158 from Kenya, 417 from Yemen, and 197 from Djibouti - in May alone.
Humanitarian agencies say the severe drought has made local communities more vulnerable.
Most have been forced to sell their assets and borrow food and money to survive.
The Horn of Africa nation is in the midst of a drought after rains failed in November 2016, for a third year in the row.
Humanitarians in Somalia are seeking over 800 million U.S. dollars to reach the most vulnerable with life-saving assistance until June.
According to the UN, donors have been quick with their contributions for a scale-up of response and over 600 million dollars has been made available or pledged for humanitarian response since January.
Source: Xinhua

storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live