Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Meydad qoorta laga gooyay oo la soo dhigay ´Garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo

$
0
0

Laba meyd oo qoorta laga gooyay ayaa waxaa maanta lagu arkay meel aan ka fogeyn garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo, xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Meydadkan oo mid ka mid ah sida dadka deegaanka laga soo xigtay uu ka tirsanaa mas'uuliyiintii mamulkii Dooxadda Jubbada ee beri Kismaayo ka talin jiray ayaan weli halkaas laga qaadin, cabsi ehelkoodu ka qabaan al Shabaab darteed.

Maamulka al Shabaab ee Kismaayo ka taliya ayaan weli ka hadlin dilkan argagaxa leh ee Kismaayo ka dhacay, sidoo kale waxaa weli mugdi ku jiraan kooxda ama dadka ka dambeeyay dilkan.

Dilalka noocaan oo kale ah ayaa inta badan ka dhaca deegaanada ay al Shabaabku ka taliyaan, waxaana la sheegaa in al Shabaabku ay dadka ku cabsi geliyaan falalkan aad u naxdin badan.

halgankanet@gmail.com


WAR DEG DEG AH: Laba ka tirsan Shirkadaha isgaarsiinta oo deegaanada qaar ee Soomaaliya shaqadoodi laga joojiyay

$
0
0

War deg deg ah oo goor dhow ay baahisay Shabakadda warbaahinta Shabelle ayaa sheegaya in al Shabaab ay ka mamnuuceen shaqadii ay Shirkadaha Isgaarsiinta ee NationLink iyo Telecom u hayeen shacabka ku dhaqan bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya.

Al Shabaab ayaa la sheegayaa in shirkadahan xarumohoodi ku yaalay deegaanada ay ka taliyeen ay albaabada u laabeen, sida ay baahisay idaacaduna weli lama oga sababta keentay talaabadan.

Maamulka iyo madaxda Shirkadahan ayaa weli war rasmi ah ka soo saarin amarkan al Shabaabku ay dul dhigeen shaqooyinkoodi, sidaas si la mid ah, al Shabaabku weli wax hadal ah kama soo saarin falkan ay ku mamnuuceen sida la soo sheegayo shaqadii shirkadaha isgaarsiinta.

halgankanet@gmail.com

Somali Government didn’t endorse or support Peter King’s hearings

$
0
0

Press release
Somali Government didn’t endorse or support Peter King’s hearings
Sunday October, 2nd 2011: United States Representative Peter T. King, Chairman of the Committee on Homeland Security, recently published in his website that Somali Government supports Peter King’s hearings. Somali Government never supported the series of hearings that Peter King convened in March.
The Prime Minister of Somalia, Dr Abdiweli Mohamed Ali was surprised to learn that U.S. Rep. Peter T. King (R-NY) publicized that Somali Government assured him of their full support and cooperation in his hearings.
Somali Government condemns Peter King’s controversial and extreme views and under no circumstances would support or cooperate with him in this issue.
The Prime Minister of Somalia stated: “Somali Government will never support Peter King’s series of investigations focusing exclusively on Islam. Our Government will not support or cooperate with someone who is controversial and had partisan views. We, the Government of Somalia can only support for non-partisan views and any crime should be looked as individual and anyone committing crime has no place in our society and should face fair and objective trial without discriminating a segment of the society.”
Somali Government is in the frontline of terrorism, and will do everything to stop terrorism in our soil and around the globe, however, under no circumstance we support individuals that are clearly discriminating and labeling Muslims as terrorists.
Somali Government asks U.S. Rep. Peter T. King (R-NY) to remove the statement on his website claiming that Somali Prime Minister Abdiweli Mohamed Ali joins in supporting the hearings. This is a total fabrication.
- END -

Press release Somali Government didn’t endorse or support Peter King’s hearings.

$
0
0

United States Representative Peter T. King, Chairman of the Committee on Homeland Security, recently published in his website that Somali Government supports Peter King’s hearings. Somali Government never supported the series of hearings that Peter King convened in March.
 
The Prime Minister of Somalia, Dr Abdiweli Mohamed Ali was surprised to learn that U.S. Rep. Peter T. King (R-NY) publicized that Somali Government assured him of their full support and cooperation in his hearings.
 
Somali Government condemns Peter King’s controversial and extreme views and under no circumstances would support or cooperate with him in this issue.
 
The Prime Minister of Somalia stated: “Somali Government will never support Peter King’s series of investigations focusing exclusively on Islam. Our Government will not support or cooperate with someone who is controversial and had partisan views. We, the Government of Somalia can only support for non-partisan views and any crime should be looked as individual and anyone committing crime has no place in our society and should face fair and objective trial without discriminating a segment of the society.”
 
Somali Government is in the frontline of terrorism, and will do everything to stop terrorism in our soil and around the globe, however, under no circumstance we support individuals that are clearly discriminating and labeling Muslims as terrorists.
 
Somali Government asks U.S. Rep. Peter T. King (R-NY) to remove the statement on his website claiming that Somali Prime Minister Abdiweli Mohamed Ali joins in supporting the hearings. This is a total fabrication.
 
- END -
Somali version

DAILY TIMES: Dagaalka argagixisada waxaa ku horeeya madaxweyne Barack Obama

$
0
0

DAILY TIMES: Mareykan badan ayaa madaxweyne Obama ku eedeeya xanuunada haya bulshada sida ciriirga dhaqaalaha iyo dagaalada Ciraaq iyo Afghaanistan.

Haddii taasi run tahay iyo haddii ay been tahayba waa dood furan. Obama wuu dhaxlay labada dagaalba, sida dad badani qabaana musiibada dhaqaale ee Mareykanka ku dhuftay xitaa dhaxal ayuu u helay.

Obama Waa kabtan Markabka ee markasta ay mas'uuliyaddu dul saaran tahay. Marka laga hadlayo la tacaalida argagixisada sida dad qabaan Obama wuxuu u qalmaa heerka "A" (koobaad).

Jimcihii la soo dhaafay diyaaradah aan duuliyuhu wadin ee dhulka laga hago ayeey Mareykanku ku qaarajiyeen wadaadka Anwar Al-Awlaki gudaha Yemen. Sidoo kale waxaa weerarkaas lagu dilay bambaano sameeyihii Al Qaacida ee Yemen Ibrahim Al-Asiri.

Tan iyo wixii ka dambeysay  dilkii Osama Bin Laden ee bishii May, Mareykanku waxay dileen Todoba ka tirsanaa saraakiisha sarsare ee al Qaacida, kuwaas oo ka hawlgeli jiray Soomaaliya, Yaman iyo Pakistan. Awlaki ayaa sideed ku ah argagixiyayaasha la dilay mudada uu xukunka hayay Obama.

Madaxweynuhu wuxuu si muuqata u kala jiiday muruqyadiisa marka ay joogto arrintu tacaalida argagixisada haddii taasi wax ka tareyso in dib loo doortana waa su'aal jawaabteeda la heli doono Bisha Nofeembar ee sanadka 2012.

Laakiin inta badan Mareykanku waa in ay ku faraxsanaadaan habka uu Obama ula xafiiltamay argagixisada dhiigga-qaboow, kuwaas oo dhamaantood hal hadaf le, hadafkooduna waa baab'in Mareykanka iyo ciddii ay taageeraan Mareykanku.

Jambuuriyiintu waxay Obama ku ciqaabeen wax kasta, sida daryeelka caafimaadka, dagaalka Ciraaq iyo Afghaanistan iyo weliba dhaqaalaha. Dimuquraadiyiintu xitaa madaxweynaha waa ku canaanteen siyaasadiisa dhaqaalaha. (si aad u sii dhameysto faaladan halkan guji)

FG: Faalladan waxa ay xambaarsan tahay, xumaan iyo samaan waxaa iska leh qoraaga iyo DAILY TIMES.

 

 

DAILY TIMES: Dagaalka argagixisada waxaa ku horeeya madaxweyne Barack Obama

$
0
0

DAILY TIMES: Mareykan badan ayaa madaxweyne Obama ku eedeeya xanuunada haya bulshada sida ciriirga dhaqaalaha iyo dagaalada Ciraaq iyo Afghaanistan.
Haddii taasi run tahay iyo haddii ay been tahayba waa dood furan. Obama wuu dhaxlay labada dagaalba, sida dad badani qabaana musiibada dhaqaale ee Mareykanka ku dhuftay xitaa dhaxal ayuu u helay.
Obama Waa kabtan Markabka ee markasta ay mas'uuliyaddu dul saaran tahay. Marka laga hadlayo la tacaalida argagixisada sida dad qabaan Obama wuxuu u qalmaa heerka "A" (koobaad).
Jimcihii la soo dhaafay diyaaradah aan duuliyuhu wadin ee dhulka laga hago ayeey Mareykanku ku qaarajiyeen wadaadka Anwar Al-Awlaki gudaha Yemen. Sidoo kale waxaa weerarkaas lagu dilay bambaano sameeyihii Al Qaacida ee Yemen Ibrahim Al-Asiri.
Tan iyo wixii ka dambeysay  dilkii Osama Bin Laden ee bishii May, Mareykanku waxay dileen Todoba ka tirsanaa saraakiisha sarsare ee al Qaacida, kuwaas oo ka hawlgeli jiray Soomaaliya, Yaman iyo Pakistan. Awlaki ayaa sideed ku ah argagixiyayaasha la dilay mudada uu xukunka hayay Obama.
Madaxweynuhu wuxuu si muuqata u kala jiiday muruqyadiisa marka ay joogto arrintu tacaalida argagixisada haddii taasi wax ka tareyso in dib loo doortana waa su'aal jawaabteeda la heli doono Bisha Nofeembar ee sanadka 2012.
Laakiin inta badan Mareykanku waa in ay ku faraxsanaadaan habka uu Obama ula xafiiltamay argagixisada dhiigga-qaboow, kuwaas oo dhamaantood hal hadaf le, hadafkooduna waa baab'in Mareykanka iyo ciddii ay taageeraan Mareykanku.
Jambuuriyiintu waxay Obama ku ciqaabeen wax kasta, sida daryeelka caafimaadka, dagaalka Ciraaq iyo Afghaanistan iyo weliba dhaqaalaha. Dimuquraadiyiintu xitaa madaxweynaha waa ku canaanteen siyaasadiisa dhaqaalaha. (si aad u sii dhameysto faaladan halkan guji)
FG: Faalladan waxa ay xambaarsan tahay, xumaan iyo samaan waxaa iska leh qoraaga iyo DAILY TIMES.
 
 

War Dag dag ah.Dhakhaatiir ka socota dalka Ingiriiska oo maanta Garowe soo gaarey.

$
0
0

Garowe(Puntlandi.com)Waxaa maanta garoonka diyaaradaha ee Garowe ka soo dagey dhakhaatiir ka socota dalka Britian oo in mudo ah laga sugayey magaladda Garowe,dhakhaatiirataasi ayaa galinka danbe ee maanta isbitaalka wayn ee magaladda Garowe ka bilaabaya qaliimo lagu samayn doono caruurta Faruuran ee ku dhaqan deegaanadda Puntland.
Dhakhaatiirta maanta soo gaartey magaladda Garowe ayaa tiro ahaan ka koobnayd 9 dhaktar,ayadoo maalinta bari ahna la sugayo 6 kale,sida uu Radio Garowe u sheegey Dr C/risaaq Garwayne oo kamid ah saraakiisha wasaaradda caafimaadka ee Puntland.
Maamulka isbitaalka wayn ee magaladda Garowe ayaa diwaangaliyey in ka baddan 200 oo caruur faruuran ah,kuwaasi oo laga kala keeney goboladda iyo dagmooyinka kala duwan ee Puntland.
Saraakiisha wasaaradda Caafimaadka ayaa sidoo kale sheegey in dhakhaatiirtani ka socota dalka Britian ay joogi doonan mudo kusiman Lix casho,ayadoo sidoo kale masuuliyiintu ay shaaciyeen in wafdigani ay ka balan qaadeen in joogi doonaan tan iyo inta ay ka dhamaystirayaan qaliimada ay u yimaadeen ee ku aadan caruurta Faruuran.
Shacabka magaladda Garowe-na si aad ah ayey u soo dhaweeyeen wafdigani dhakhatiirta ah ee ka socota dowladda Ingiriiska,waxaana dhakhaatiirtani ay imaanayan ayadoo maalin ka hor ka dhoofeen magaladda Galkacyo wafdi dhakhaatiir ah oo ka socdey dalka Turkiga kuwaasi oo mudo hawlo caafimaad ka wadey magaalooyinka Bossaso iyo Galkacyo ee Puntland.

Xafiiska Puntlandi Garowe

Maamulka G/Banaadir Oo Hakiyay Boob Loo Geysanayay Dhul Ay Dowladdu Laheyd

$
0
0

Gudoomiyaha Maamulka Gobalka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho oo maanta kormeer ku tagay dagmada Shangaani ee gobalka Banaadir ayaa  hakad geliyay boob baahsan oo ka socday dhul ay leedaha dowlada Soomaaliya
Dhulkan la boobay oo ay laheyd wasaaradda howlaha guud iyo guryeeynta xukuumada Soomaaliya ayaa waxaa ka socday dhisme ay ka Wadeen dad sheegay in ay dikumentiyo sharci ah u heystaan.
Guddoomiyaha maamulka gobalka ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uusan raali ka noqonkarin in dhul danguud ah la iska dhisto isagoo intaa raaciyay  in uu jirro amar arintan la xiriira oo ka soo baxay maxkamadda sare ee dalka.
Mudane Maxamuud Axmad Nuur Tasan ayaa digniin u jeediyay Shaqsiyaadka haatan ku howlan dhul boobista waxuuna ku booriyay Hay’adaha Kala duwan ee dowlada in ay dhistaan dhulalka ay ku leeyihiin magaalada Muqdisha si bulshada loogu adeego.
Dhinaca kale guddoomiyaha maamulka gobalka ayaa sheegay in kadib markii ay ka warheleen raashina roob waqti hore ku Da’ay misna Dhagxaan isku badalay kaas oo inta Jawaannada laga badalay lana Garaacay dibna loogu iibinayo suuqyada magaalada Muqdisha kaas oo uu gudoomiyuhu amar ku bixiyay in dab la qabadsiiyo.
Sidaas oo kale gudoomiyaha ayaa uga digay ganacsatada Soomaaliyeed in ay raashinkan oo kale ay ka iibiyaan bulshada isagoo ka hadlay qatarta caafimaad ee uu bulshada ku keeni karo waxaana uu ku booriyay maamulka dakada Muqdisho in ay ka foojignaadaan in raashin aan tayeysneyn uu ka soo dago dakada magaalada Muqdisho.


Mas’uuliyiin Ka tirsan Xukuumadda Oo Kormeer Ku Tagay Suuqa Bakaaro

$
0
0

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa maanta kormeer ku tagay suuqa bakaaraha iyagoo u kuur galayay xaaladda amaanka ee suuqaasi.
Kormeerkan howleyd oo ay maanta ku tageen suuqa Bakaaraha Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda oo ay ka mid ahaayeen wasiir ku xigeenka wasaaradda arimaha gudaha iyo amniga Qaranka,  taliyaha ciidamada Booliiska, Guddoomiyaha Maxkadda ciidamada qalabka sida, agaasimaha hey’adda nabadsugidda Qaranka iyo mas’uuliyiin kale ayaa u jeedada kormeerkoodu waxa uu ahaa sidii loo dhameystirilahaay howlaha lagu sugayo amaanka suuqa si dib loogu furo ganacsiga suuqa bakaaraha.
Mas’uuliyiintani ayaa mudadii ay joogeen suuqaasi waxa ay kormeer ku soo mareen qeybaha kala duwan ee suuqaasi, iyagoo warbixin ku saabsan ammaanka suuqaasi ka dhageeystay saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan suuqaasi.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga qaranka mudane C/xakiin Cige Guuleed oo ayaa sheegay in dowladdu xil weyn iska saareyso sidii dib loogu furi lahaa goobaha ganacsiga ee suuqaasi, wuxuuna ganacsatada ku booriyay in ay furaan goobahooda ganacsiga si loo sameeyo  baaritaanoo la xiriira amaanka.
Taliyaha ciidamada Booliiska S/Guuto Shariif Shiiq’unaa Maye ayaa isna sheegay in la furayo suuqa bakaaraha maadaama uu waqti dheer xirnaa,  isagoo hoosta ka xariiqay in la hubiyo goobaha ganacsiga ee xiran .
Guddoomiyaha Maxkamadda ciidamada qalabka sida Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in marka la baarayo goobaha ganacsiga ay maxkamadda ciidamada qalabka sida ay goob joog ka haan doonto si uu san u imaanin wax shaki ah isagoona ugu baaqay ganacsatada in  ay u hogaansamaan awaamiirta loo jeediyay lana shaqeeyaan ciidamada Dowladda.
Kurmeerkan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay dowladdu ugu jirto sidii ay u xaqiijin laheyd amaanka suuqaasi si loogu furo ganacsigii suuqaasi.
 

Wasiirkii hore ee bada Somaliya oo sharaxaya muranka badda Dhageyso

Hay’adda CAN International oo Maanta Deeq Raashiin ah u Qeybisay in Ka Badan 400-Qoys oo Barakacayaal ah oo Sugan Muqdisho (Sawiro)

$
0
0

Muqdisho (RBC) Hay’adda CAN International ayaa Maanta deeq raashiinka qalalan ah waxay gaarsiisay 408-Qoys oo barakacayaal ah kuwaasi oo ku sugan xero ku taalla xaafada Zone-K ee degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.
Deeqdan oo isugu jirtay bariis, bur, sonkor, saliid iyo haruur ayaa laga qeybiyey mid ka mid ah xeryaha ay ku nool yihiin dadka ugu liita ee ku sugan goobaha barakacayaasha degan yihiin ee Muqdisho.
Madaxa qeybta mashaariicda ee hay’adda CAN international Maxamed Axmed Hiraabe oo aanu wax ka weydiinay deeqdan maanta la gaarsiiyey dadka barakacayaasha ayaa sheegay in deeqdan ay tahay tii ugu hreysay, ayna ku saleeyeen hada sida dadka u kala daran yahay.
Maxamed Axmed Hiraabe- madaxa mashaariicda hay'ada CAN International
Wuxuuna Hiraabe intaa ku daray inay qorsheynayaan inay sii wadaan bixinta raashiinkan bil kasta, illaa iyo inta ay dadka barakacayaasha ee liita ay ka soo kabanayaan.

Qaar ka mid ah dadkii ka faa’ideystay raashiinkan maanta la gaarsiiyey oo isugu jiray haween carruur wata, waayeelo iyo xitaa dad curyaamiin ah ayaa si aad ugu farxay deeqda maanta la siiyey iyagoo uga mahadceliyey intii isu xilqaantay inay gurmadkan soo gaarsiiyaan maanta.
Hooyo curyaan ah oo raashiinka deeqda heshay
Haweeney curyaan ah oo gaari gacan lagu siday oo ka mid ahayd dadkii raashiinka la siiyey oo RBC Radio weydiiyey xaaladeea ayaa sheegtay in mudo 9 bilood ah ay ku jirtay xeradan barakaca ah waxayna tilmaantay inay tahay markii ugu horeysay oo deeq ay hesho.
Haween ka mid ah kuwii deeqda la siiyey
 
Oday 70 jir ah indhoolna ah oo deeqda heley
Xasan Cali oo ah oday 70 jir ah indhoolna ah oo ka mid ah dadkii raashiinka la siiyey ayaa sheegay inuu ku farxay raashiinka la siiyey, isagoo sheegay in tan iyo intii uu xeradan ku jiray uusan helin wax gurmad ah.
Hooyo noo sheegtay inay ka soo barakacday gobolka Sh/Hoose
Deeqaha noocani oo kale ah ayaa wax badan ka tari kara inay isbedesho xaalada dadka barakacayaasha ee ku sugan Muqdisho kuwaasoo tiradooda ay kor u dhaafeyso 20,000 ruux isla markaana aan weli heysan gurmad ku filan.





RBC Radio
Xafiiska wararka Muqdisho

Xarakada Al Shabaab oo maanta xitray Xaruunta Dahab Shiil ee magaaladda Jowhar

$
0
0

Xoogaga Shabaab ayaa waxay maanta xireen Xaruunta Xawaaladda Dahab Shiil ee magaaladda Jowhar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo aan la-kala cadeyn sababaha dhabta ah ee loo-xiray Xaruuntaan.
Ciidamo ka tirsan Xarakada Al Shabaab oo oo watay gawaarida dagaalada, ayaa waxay saacado kahor ay taggeen Xaruunta Xawaaladda Dahab Shiil ee magaaladda Jowhar, gaar ahaan xaruunta ku taalla Xaafadda Hanti-Wadaag.
Ciidamadaan ayaa waxay shaqaalaha xaruunta ay ku amreen inay ilbaabada iskugu laabaan, iyagoo aan kala cadeyn sababaha dhabta ah ee loo-xiray, bacdamaa aysan weli ka kala hadlin Shabaab iyo Maamulka Dahab Shiil ee Jowhar.
Xilli dad badan lacago loo-soo diray dibadaha ay hor-taagnaayeen shirkada si’ay lacagaha u qaataan, ayaa waxaa goobtaasi soo gaaray ciidamo hubeysan oo ka tirsan Shabaab, waxayna dadkaasi ay ku yiraahdeen “Ordaha dib iskaga laabta”.
Inkastoo aysan cadeyn sababaha dhabta ah ee loo-xiray Shirkada Xawaalada Dahab Shiil xaruunteeda magaaladda Jowhar, ayaa waxaa isa soo taraaya wararka sheegaaya, in uu khilaafaad u dhaxeeya Shabaab iyo Maamulka Guud ee Xawaaladda Dahab Shiil.

Talo iyo Tusaalayn ku Socta Amina weris iyo xirsi:,By: Pro: Axmed Yusuf

$
0
0

Aamina werisMarwada koowaad ee dalkeena Somaliland halbaan leeyahay:
Ammina halbaan leeyahay oo waxan leeyahay halkii madax weynaha Seegay
yuu ku seegin. U dulqaado xanafta mucaaradka kana ilaali wax yaabaha
madax weynaha turun tureynayadhibaatadanau geysanaya ee mooryaantu
maleegayso.
Xirsinahalbaan leeyahay Xirsaw far baa kugu godan oo xantaadu suuqa waa
buux. Waxana laguu aanaynayaa in aad wax badan u mada reer Somaliland ka
gashay una meegayso. Maantana aad canjaafaynayso dawladii dhiiga badani
ku daatay ee kumanaanku u naf waayeen. Qabyaaladii aynu wadi jirnay
waagii aynu isku class ka ahayn iyo wax yaabihii aad ka sheekayn jirtay
yaanay kaa iman PUBLIC waayo dhibaato ayay kuu soo jiidaysaa reer
nimadaada iyo qabyaaladaada qarso saaxiib.
Siyaasaadu waa cantara baqash inader inaga daa waxan aad maleegayso ee
qabyaalada ah iyo reeraha isku jebintooda. Udhaqan inader sidii masuul
qaran haw dhaqmin sidii in kijada laynagu dili jirey oo kale iska ilaw
qabyaalad umadana wax u qabta. Maanta anoo inaadeerkaa ah baa fahmaaya
waxan aad maleegaysaan ee kadaaya inader.
Waa gacal is gacal tilmaamaya oo is hoga tusaalaynaya dhanka wacan.
Waa aniga oo ah Pro: Axmed Yusuf
qaasim19038@hotmail.com
 
—————————————————–
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.

Hanbalyo meher farxadleh mudane mohammed nour balayax iyo marwo warda yusuf kulanle

$
0
0

 
hanbalyo meher  farxadleh
1.hiis  mohamoud jama
2.jama dirir hirsi
3.jama adam ilmi
4.abdale mohamed iyo  reerkiisa 
5.nour salieman iyo reerkiisa 
6.mousa faras iyo reerkiisa 
7.mustafe mohammed
8.hirsi haji iyo  reerkiisa
9.abdinaasir  diini iyo  reerkiisa
10.ahmed  cilmi  foojari
11. hassan  abdirahman sh.bashir
12.abdirashiid  abdi dhamac
13.hassan  mohamoud mr.norway
14.abubokor  mubarik
15.mohammed  amin  mubarik
16.abdi lucky saleiman 
17.mohammed  abdi farah
18.mohammed  farah  iyo  reerkiisa
19.amina  yusuf iyo  saygeeda
20.samatar  mohammed  samatar
21.yusuf jama  dhahar
22. qasim  dool 
23.osman  mohammed  hudhun
24.abdifatah mohamoud tukaale
25.abokor  haji
26.ileeye  mohammed  ileeye
27.mohammed  hassan  hussein 
dhamaan  dadkani waxaay   hanbalyo  kal iyo  laab ah   hawada  u  maranayaan  
mudane  mohammed  nour  balayax  iyo  marwo  warda  yusuf  kulanle  oo  meherkoodu  
maanta  oo  bishu tahay  01/10/2011   meherkoodu ka   dhacay  wadanka  switezrland  
gaar  ahaan  gobolka  fribourg  dhamaantayo  waxaanu leenahay  gacal iyo  sokeeyeba  
guurkiina lagu  farax  aqal galkiinana ku  gaadhaa   nabad  iyo  barwaaqo   waxaanu  
u soo   xulnay   heestan   gayaaan  waxaanu  salamaynaaa  iyana  hawl  wadeenada  
websiteka  calaamiga ah ee  hormuudka  media ha waa   oodweynenews.com meel
kastaad  joogaanba waad  salaamantihiin   alla mahad
leh
http://www.youtube.com/watch?v=Xtk7hmei7pY&feature=email

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inaysan marnaba aqbalin isla markaanta taageerin dacwad uu wado Peter King

$
0
0

Mudanaha aqalka Mareykanka ee Peter T. King, ahna guddoomiyaha guddiga arrimaha amniga ayaa dhawaan ku shaaciyay boggiisa internet-ka in dowladda Soomaaliya ay taageereyso dacwadaha ka dhanka ah muslimiinta oo uu wado. Dowladda Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed ay maanta oo Axad ah soo saartay ku sheegtay inaysan marnaba taageerin dacwadaha uu Kign ku dhawaaqay bishii Maarso.
Warsaxaafadeedka xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali uu aad ula yaabay kaddib markii uu ogaaday in mudane Peter King uu shaaciyay in dowladda Soomaaliya ay siisay ballanqaad ah inay si buuxda u taageereyso kalana shaqeyneyso dacwadaha uu wado.
“Dowladda Soomaaliyeed waxay canbaareyneysaa Peter King aragtiyadiisa ku aadan xag-jirnimada oo ah kuwo khilaaf dhalin kara, dowladda KMG Soomaaliya sinna uma taageeri karto dacwadahaas, mana la shaqeyn karto Peter King,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa yiri: “Dowladda KMG Soomaaliya marnaba ma taageereyso dacwadaha is-daba jooga ah ee diiradda lagu saarayo muslimiinta. xukuumaddeydu ma taageereyso arrintaas, mana la shaqeyneyso shaqsi khilaaf-wade ah, isla markaana aragtidiisu tahay mid gaaban. Dowladda KMG Soomaaliya waxay taageeri kartaa oo kaliya aragtiyada aan khilaaf keeni karin. Dambi walba waa in loo eegaa si gaar ah, cid allaale iyo cidii danbi gashana waa mid aan lasoo dhaweynayn, waana in la horgeeyaa maxkamadda oo si cadaalad ahna loo xukumo, iyadoon aan koox ka tirsan bulshada la faquuqayn.”
Sidoo kale, warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dowladda KMG ah ay safka hore kaga jirto la dagaalanka argagixisada, ayna ka shaqeyn doontaa sidii kooxaha argagaxisada ah looga cirib tiri lahaa dalka iyo adduunkaba. Sidaas daraadeed, ma jiri karto xaalad keeni karta oo aan ku taageeri karno shaqi ama shaqsiyaad oo si cad u faquuqaya muslimiinta, kuna tilmaamaya argagaxiso.
Ugu dambeyn, qoraalka xukuumadda ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay weydiisanayso mudanaha aqalka Mareykanka Peter King inuu ka saaro qoraalka uu kusoo saaray boggiisa internet-ka oo sheeganaya in ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Cali uu ku biiray taageerayaasha fikirkiisa dacwadaha uu kusoo oogayo dad gaar ah. Warkaas waa mid aan sal iyo raad toona laheyn oo la been abuuray.
Source-Hol


Wasiirka Kalluumeysiga DKMG ah oo sheegay inaysan jirin wax xadeyn ah oo lagu sameynayo badda Soomaaliya

$
0
0

Wasiirka kalluumeysiga iyo kheyraadka badda DKMG ah ee Soomaaliya, C/raxmaan Sheekh Ibraahim oo ka qaybgalay kulan looga hadlayay xadeynta badda Soomaaliya oo ay xildhiabannada baarlamaanka Somalia ku yeesheen xaruntooda Muqdisho ayaa sheegay inaysan jirin wax xaddeyn ah oo lagu sameynayo badda Soomaaliya.
Kulanka oo uu shir-guddoominayay guddoomiye ku xigeenka koowaad baarlamaanka C/weli Sheekh Ibraahim Muuddeey ayaa sheegay in kulanka ay kasoo qaybgaleen 290 xildhibaan, isagoo daboolka ka qaaday inaysan jirin cid ay ka ogolaanayaan inay badda Soomaaliya dalaal ka noqoto.
“Waxaan xukuumadda KMG ah ku wargelinaynaa inaysan ka qaybgelin shir walba oo ku saabsan xadeynta badda Soomaaliya inta arritan uu baarlamaanka go’aan ka gaarayo,” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka baalamaanka, isagoo intaas ku daray in su’aalaha la weydiinayo wasiirka ay noqdaan kuwo ku saabsan sharciga badaha, isagoo xildhibaannada kula taliyay inay ka fogaadaan wax xamaasad ah.
Intaa kaddib waxaa goobta ka hadlay wasiirka kalluumeysiga iyo kheyraadka badda DKMG ah, C/raxmaan Sheekh isagoo sheegay in kulankii uu kaga qaybgalay dalka Seychelles aan looga hadlin xadeynta badda Soomaaliya.
“Waxaan halkan ka caddeynayaa in shirkii Seychelles aan looga hadlin xadeynta badda Soomaaliya. Waxaana sidoo kale caddeynayaa in aniga iyo xubnaha kale ee wasaaradda aan qabno fikirka baarlamaanka ee lagu difaacayo badda Soomaaliya,” ayuu wasiirku ka sheegay kulankii maanta.
Sidoo kale, wasiirku wuxuu xidhibaannada weydiistay inay dib ugu dhigaan su’aalaha ay weydiinayaan isagoo sheegay inuu ku socdo safar, waxayna xildhibaannada qaar ka mid ah ka digeen xadeyn lagu sameeyo badda Soomaaliya, iyagoo ku tilmaamay inay hordhac u tahay qorshe la doonayo in dalka oo dhan lagula wareego.
Xildhibaannada baarlamaanka ayaa doodo adag ka yeeshay xadeynta badda dalka Soomaaliya, iyagoo sheegay inaysan aqbalayn, halka kuwo kalena ay soo jeediyeen in qorshahan oo dhan la joojiyo, maadaama horay baarlamaanku uu u diiday arrinta ku saabsan xadeynta badda Soomaaliya.
Source-Hol

OWN: Barnaamijka Xiisaha Badnaa Ee Ciyaaraha Ee Todobaadka‏n

$
0
0

 
Kusoo Dhawaada Barnaamijkii xiisaha badnaa ee Ciyaaraha iyo Todobaadkan,  barnaamijkan oo ku saabsan Ciyaaraha ka dhaca daafaha caalamka kuwa ugu xiisaha badan,  waxaana inoo soo diyaariya todobaad kasta  wariyaha Oodweynenews ee gobolka Togdheer gaar ahaan magaalada Burco Maxamed Cawad Maxamed ee dhegaysi wacan:–

Shirkadaha Telecom, NationLink iyo Dahabshiil oo albaabada la isugu laabay

$
0
0

Waxaa maanta shaqo joojin lagu sameeyay Shirkadaha Isgaarsiinta Telcom, NationLink iyo shirkadda Xawaaladda Dahab Shiil ee ka howl gala gobollada Jubbooyinka, Bay, Bakool, Sh/hoose, Sh/dhexe iyo Hiiraan.
 
Shirkadahaas ayaa waxaa shaqadii ay bulshada u hayeen xayiraad ku soo rogay xarkada Al-shabaab oo amar ku bixisay in la xiro shirkadahaas.
 
Wararku waxa ay sheegayaan in shirkadahaas laga doonayo dhaqaalo fara badan,  wuxuuna mas’uul u hadlay mid ka mid ah shirkadahaas uu sheegay in lacagta la weydiistay ay tahay mid aad u fara badan oo aysan awoodi Karin bixinteeda.
 
“Waxay noo sheegeen in ay naga doonayaan lacago laakiin intii aynaan ka jawaabin dalabkoodaas diidmo iyo yeelis ayay naga joojiyeen shaqada, sidoo kalena waxay na weydiiteen dhaqaalaha na soo gala sanadkii inta uu gaarsiisan yahay” sidaas waxaa yiri mas’uul ka ka tirsan shirkadaha maanta ay kooxda Al-shabaab shaqada ka joojiyeen.
 
Dadwaynaha ku nool goballadaas ayaa maanta waxa ay waayeen qadadkii taleefannada shirkadahaas labada ah iyadoo la fasaxay shirkadda Hormuud oo ah shirkadda saddexaad ee Soomaaliya kaga howlgasha dhinaca isgaarsiinta, sidoo kale waxaa la hakiyay howlihii Shirkadda xawaaladda Dahab Shiil oo ka mid ah shirkadaha xawaaladaha kuwaasoo joojiyay bixinta iyo qabashada lacagaha dadweynaha goboladaas.
 
Ma aha markii ugu horreysay oo shirkado isgaarsiineed iyo kuwo xawilaad oo ka howl gala gudaha dalka Soomaaliya xayiraad noocan oo kale lagu soo rogo, dhawaan ayay ahayd markii ururka Ahlusunna Waljaama oo ka mid ah ururada siyaasadda dalka wax kaga loolama ay degaanno ka mid ah gobollada dhexe shirkado isgaarsiineed shaqo joojin socotay in muddo ah ku soo rogeen, kadib markii ay ka dalbadeen dhaqaalo, iyadoo shirkadahaasina ay sheegeen inaysan awoodin bixinta lacagahaas oo ah kuwo aad u fara badan.

Ardaygaadhay 538 Oo Ka Qalin Jabiyay Jaamacada Hargeysa Iyo Madaxweyne Siilaanyo Oo Shahaadooyin Gudoonsiiyey + SAWIRO

$
0
0

Hargeysa (OWN)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa maanta shahaadooyin gudoon siiyay 538 arday oo ka qalin jabiyay toban kuliyadood oo ay ka koobantahay  Jaamacada Hargeysa.
 Ardaydani qali jabisaya ayaa waxa ay Qaateen shahaada koowaan ee Firt Dgree waxay ka qalin jabiyeen toban kuliyadood oo jaamacada lagu barto oo ay ka mid yihiin Sharciga(Law) , ICT, daraasaadka islaamiga ah, Maamulka iyo maareynta, Ganacsiga, xalinta khalaafaadka, Statics-ka, Caafimaadka, Sayniska iyo kuliyado kale.

Munaasibad Balaadhan oo loo qabtay qalin jabinta ardayada jaamacada dhamaysatay ayaa waxa kale oo ka qeyb galay, Gudoomiyaha Maxkamada Sare Yuusuf Ismaaciil Cali, Hoggaamiyeyaasha Axsaabta KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, UDUB Axmed Yuusuf Yaasiin  Xubno ka mid ah Golaha Wasiiradda, waalidiin iyo marti sharaf kale.
 Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo oo ka hadlay xafladaasi ayaa bogaadiyay ardaydii qalin jabisay waxaanu yidhi “Marka u horaysa waxaan hambalyo aad iyo aad u balaadhan aan u soo jeedinayaa ardayda ka qalin jabisay jaamacadan Hargeysa iyo macaliimiinta iyo maamulka Jaamacada ee ardaydan wax baray waxaan doonayaa inaan u sheego in anigoo ku hadlaya magacii dawlada Somaliland inaanu ku faanayno qiimayn iyo qadarin aad u weyna aanu siinayno. Waxaan idin leeyahay intiina maanta qalin jabisay Hambalyo.”

Waxa kale oo uu Md. Soolaanyo intaasi ku daray “Jaamacada Hargeysa waa Jaamacada u weyn aad iyo aad u taariikhiya, waa jaamacad qaranka Somaliland iyo dadweynuhu aad ugu faanayaan, waxaan u rajaynaynaa inay guusha iyo heerka ay maanta marayso ay kor uga sii socoto,”ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Siilaanyo. Waxa kale oo uu sheegay inuu hambalyo iyo Bogaadin u soo jeedinayaa shirkadaha iyo dadweynaha reer Somaliland ee jaamacada Hargeysa gacanta ka geystay. “Waxaan hambalyo iyo bogaadin u soo jeedinayaa shirkadaha iyo dadweynaha reer Somaliland ee gacanta ka geysatay dhismaha jaamacada waxaan waliba ku sii guubaabinayaa inay halkaasi ka sii wadaan,”ayuu yidhi Madaxweynuhu.
 Madaxweynaha oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Anagu dawlad ahaan waxaanu balan qaadaynaa inaanu gacan ka geysano wax kasta oo ay jaamacaddaha dalku u baahdaan,waxaan idin leeyahay waxaanu wax idin kala qaban doonaa baahiyo badan oo aad sheegateen.”
 
Wasiirka Wasaarada waxbarashada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, oo ka hadashay xafladaasi ayaa bogaadisay ardaydii ka qalin jabisay Jaamacada Hargeysa waxaanu tilmaantay inay ku faraxsan tahay ardayda tiradaasi lee gee ka aflaxday Jaamacada.
“Jaamacada Hargeysa ma aha Jaamacad gobol mana aha jaamacad cidi leedahay ee waa jaamacad qaran,”ayay tidhi marwo Samsam Cabdi Aadan.
Guddoomiyaha Ku meel gaadhka ah ee Jaamacada Pof. Muuse Aadan Axmed, oo isaguna xafladaasi ka hadlay ayaa sheegay in isagoo ku hadlaya magaca ardayda qalin jabinaysa uu u mahad celinayo marti sharafta uu u horeeyo madaxweynaha Somaliland ee ka qayb galay xafladan. Waxa kale oo uu bogaadiyay waalidiinta iyo marti sharafta kala duwn.
Hadaladii Gudoomiyahana waxa ka mida ahaa  “Ardaydani waa dufcadii ugu badnayd ee ka qalin jabisa jaamacadaha dalka, waana dufcadii 8-aad ee ka baxda jaamacada Hargeysa, waana 538 arday, oo hablo ay yihiin 150 arday oo u dhiganta 27% iyo 388 wiil,”ayuu yidhi Gudoomiyaha Jaamacada Hargeysa Guddoomiyaha oo la dardaarmayay ardayda qalin jabisay waxa uu yidhi “Idin odhan maayo waad qalin jabiseen ee waxaad dhamayseen afartii sanadood ee hore waxbarashadiinuna waa bilow, bini’aadmiguna illaa maalinta uu dhasho ilaa maalinta uu dhimanayo waxa uu ku jiraa waxbarasho. Waxa ku jira ardaydan qalin jabinaysa 29 arday oo bartay Cilmiga Tiro koobka (Statics-ka). Waxaanu madaxweynaha Somaliland ka codsanaynaa in intii uu kari karo ardaydaasi jaamacada ka qalin jabisay uu shaqo u raadiyo. “
Waxa kale oo uu Gudoomiye Muuse intaasi ku daray  “Waxa kale oo aanu madaxweynaha ka codsanaynaa jaamacadu waxay muddo ku jirtay maamul ku meel gaadh ah, ILAAHAY ha u naxariistee Guddoomiyihii hore Muuse Cabdi Cilmi laba jeer oo ku meel gaadh ah ayuu galay, ninkii ku xigayna ku meel gaadh ayuu ahaa laakiin dan gaar ah ayuu u baxay , waxaan Anigu xilkii ula wareegay si ku meel gaadh ah 11 arday oo ka mid ah kuwii sanadkii hore jaamacada ayaanu macalimiin ayaanu ka dhignay markii ay muddo ku shaqaynayeen ku meel gaadh markii jaamacadu koorasyo u dirtay ee aqoontooda kor loo qaaday imika waxay yihiin macalimiin jaamacadeed oo rasmi ah. Waxaanu doonaynaa inaan jaamacadu ay qeyb libaax ka qaadato qeybaha kala duwan ee bulshada Somaliland haddii ay tahay daraasad iyo horumarinba,”ayuu yidhi Muuse Aadan Axmed.
Waxa kale oo xafladaasi ka hadlay Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali waraabe iyo Guddoomiye Ku xigeenka xisbiga UDUB Axmed Yuusuf Yaasiin waxaanay dhamaantood bogaadiyeen ardaydii ka qalin jabisay jaamacada waxaanay sheegeen in ardaydan loo baahan yahay in loo abuuro fursado shaqo.
 
 
Saddam Mohamed Ahmed                              
Oodweynenews.com/ Hargeysa Office 2
Sadam151@hotmail.com    

Madaxweyne Shariif oo Kormeeray Xarunta Ciidamada Kulliyadii Jaalle Siyaad iyo xubno ka tirsan dowladda oo suuqa Bakaaraha booqday

$
0
0

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta kormeer ku tagay xarunta kulliyadii Jaalle Siyaad isagoo halkaasi kula kulmay saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda KMG iyo kuwa AMISOM.
 
Madaxweyne Shariif ayaa salaan sharaf halkaasi kaga qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, wuxuuna kulan la qaatay saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku sugan halkaasi.
 
Madaxweynaha ayaa sheegay in la ballaarin doono tabarta iyo tayada ciidamada si ciidamadu ay gutaan waajibaadkooda ku aadan difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
 
Dhanka kale Wasiir ku-xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka C/xakiin Cige Guuleed, Taliyaha ciidanka Booliiska Shariif Sheekhunaa Maye, Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada dowladda KMG Col. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) iyo Agaasimaha hay’adda nabadsugidda dowladda KMG Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta booqday Suuqa Bakaaraha iyagoo sheegay in dib loo furayo suuqa.
 
Ganacsatada suuqaas ayay ugu baaqeen inay maalinta Khamiista ah ee soo socota isugu yimaadaan suuqa, isla markaana ay furan goobahooda ganacsi si baaris loogu sameeyo xarumahooda ganacsi.
 
Wasiir ku-xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka C/xakiin Cige Guuleed oo goobta ka hadlay ayaa sheegay inay ugu baaqayaan guud ahaan ganacsatadii suuqa Bakaaraha inay maalinta Khamiista ah yimaadaan si loo baaro xaurmahooda ganacsi, isagoo sheegay in qorshahan uu qayb ka yahay mid dib loogu furayo suuqa Bakaaraha isla markaana ammaanka suuqa lagu sugayo.
 
Taliyaha ciidanka booliiska dowladda KMG ah Shariikh Sheekhunaa oo isaguna gudaha suuqa kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay doonayaan inay goobaha ganacsi ka baaraan walxaha qarxa, isagoo sheegay in tani ay tahay mas’uuliyad iyaga ka saaray adkeynta ammaanka guud ee Suuqa.
 
Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada dowladda KMG Col. Muungaab oo isaguna ka hadlay goobta ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay sugaan ammanka goobaha ganacsi iyo ganacsatada ayna ciqaab adag marinayaan ciddii lagu arko iyadoo amnidarro ka samaynaysa suuqa, wuxuuna ugu baaqay askarta dowladda KMG Soomaaliya ee ka howlgala suuqa Bakaaraha inay amniga ka shaqeeyaan.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live