Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Wasiir Xoosh iyo Saraakiil Sare oo ka tirsan...

0
0

SHARE
Facebook
Twitter

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil iyo Saraakiil Sare oo katirsan Wasaaradda ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG ah ee Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed, xubnaha Wasiirka safarka ku wehliya ayaa waxaa kamid ah Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Maxamed Abuukar Zubeeyr iyo 3 kamid ah La-taliyayaasha Wasaaradda.
Ugu horeeyn, Wafdiga uu hogaaminayay Wasiirka ayaa shir la qaatay Ku-simaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed ahna Wasiirka Dhaqan Celinta Maleeshiyaadka iyo Hub-ka-dhigista Mudane Xasan Maxamed Xuseen iyo Wasiirka Arrimaha Dastuurka Koofur Galbeed Mudane Cabduqaadir Cali Caraale.
Intaa kadib, AVV Cabdi Xoosh oo warfidiyeenka kula hadlay xarunta madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa ka warbixiyay ujeedaada ay daarantahay safarka wafdiga uu hogaaminayo.
"Waxa aan Baydhabo u nimid in aan madaxda iyo shacabka Koonfur Galbeed aan ka talo gelino Qorshaha Guud ee hannaanka dib-u-eegista Dastuurka ee ay Wasaaradda diyaarineyso; innagu waxaa inaga go'an in aan si daah-furnaan ah ugu shaqeyno dadka Soomaaliyeed waxa aana kulamo wadatashi ah la yeelan doonnaa dhamaaan qaybaha kala duwan ee bulshada Baydhabo" ayuu yiri Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh.
Ugu damabeyn, safar hawleedkan ayaa kamid ah kuwo ay Wasaaradda ku gaarsiineyso kulamada wadatashiga dhamaan gobolada dalka si diyaarinta Qorshaha Guud ee hanaanka dib u eegsita Dastuurka uu u noqdo mid ka qaybgalkiisu loo dhanyahay.
---DHAMAAD---
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleWasiirka Haweenka oo Daahfurtay nidaamka lagu soo xulayo Guddiga Madaxa Bannaan ee Xaquuqul Insaanka

storvideo: 


Xaalada Saylac abaarta kadib

0
0

Gudoomiyaha gobolka Selel ee Saylac ee somaliland Axmed Maxamed Xaashi oo Hargeysa safar shaqo ku jooga ayaa uga waramay weriyaha BBC Axmed Saciid Cige xaaladda deegaanadaasi abaartii ka dib, gaar ahaan dad badan oo xoolo dhaqato ahaa oo xoolahoodii abaartii kaga dhamaadeen , haatana ku soo barakacay tuulooyinka degmada Saylac qaarkood.

XOG: Ciidankii Ugu badnaa ka socda Mareykanka oo soo...

0
0

Jul 9, 2017 -
Sida xogta ay sheegeyso, dowladda Maraykanka ayaa magaalada Muqdisho kasoo dejisay ciidamo gaaraya 400 kuwaasi oo Saddexdii Habeen ee ugu dambeysay lasoo daabulayey.
Ciidamadan ayaa la dejiyey Xerada Xalane, waxaana loo sii qaadayaa Ballidoogle waa sidaan xogta ku helnaye.
Waxaa ciidamadan loogu talogalay in dalka ay kula dagaallamaan Al-shabaab iyo Daacishta Soomaaliya oo aan awood badan lahayn.
Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa inoo sheegaya in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay sidoo kale caawin doonaan ciidamadan, wallow hadda tiro ahaan ciidankaan la keenay yihiin kuwo aad uga badan intii hore.
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa dhowaan ku dhowaaqay in ciidamo u dirayo Soomaaliya si ay ula dagaallamaan Argagaxisada.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Jubbaland oo walaac ka muujisey sharci la meelmariyey

0
0

Kn: Wasaaradda warfaafinta, isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyadda Jubaland ayaa ku eedeeysay wasaaradda boosatada, isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyadda dalka in ay baalmartay heshiis ay hore ula gashay madaxda dowlad goboleedyada oo ku saabsanaa hannaanka loo mari doono sharciga isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyadda dalka.
Mudane C/nuur Cali Aadan wasiirka wasaradda warfaafinta, isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyadda Jubaland ayaa sheegay in shir 06- bishii May ay isugu yimaadeen madaxda wasaaradaha isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyadda dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada looga wadahadlay arimo ku saabsan sharciga isgaarsiinta dalka, waxa uu sheegay in shir kale lagu ballamay in la isugu yimaado magaalada Kismaayo si loo dhameystiro sharciga islamarkaana madaxda dowlad goboleedyada kasoo talo bixiyaan.
"Waxaan ku ballannay Sharciga in naloo soo diro oo aan ka talo bixinno, way noo soo direen waana ka talo bixinnay, shir guud oo la isugu yimaado oo lagu soo bandhigo talooyinkii lasoo jeediyay ayay ahayd in Kismaayo la isugu yimaado 05 bishan, mana dhicin, oo waxaan ka warhelnay in xukuumadda loo gudbiyay oo ay meelmarisay sharciga" ayuu wasiiirku hadalkiisii raaciyay.
Waxa uu sheegay in wixii ka yimaada arintaasi in uu masuuliyaddeeda qaadan doono wasiirka wasaaradda isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyadda dalka.
KismaayoNews.com
storvideo: 

Ciidamada Qaranka oo qaaraan loo uruurinayo

0
0

Kn: Madaxda ugu sareysa dalka ayaa si wadajir ah uga qeyb qaatay barnaamij lagu taageereyey ciidamada Qaranka oo uu soo qaban-qaabiyey xafiiska ra'iisul wasaaraha, islamarkaana dhaqaale loogu uruurineyey ciidamadda qalabka-sida.
Waxana munaasabadda ka hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo, Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xassan Cali Khayre, Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi C/laahi iyo masuuliyiin kale oo dhamaantood qiray sida ay lagama maarmaan u tahay in bulshada Soomaaliyeed ay gacantooda ku dhistaan ciidamadda qaranka, si looga baxo baahida uu dalkeenu u qabo ciidan difaaciisa u taagan.
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey munaasabadda ayaa tilmaamay in maanta ay tahay maalin qaali ah oo dadkeenu ka shaqeynayaan dhismaha ciidankooda, isagoo soo xiganaya taariikhda ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayuu ra'iisul wasaaruhu sheegay in ciidamadda Africa ugu tayada iyo tirada fiican ay kamid ahaayeen ciidankeenu, hadana wadajir iyo isku tashi lagu gaari karo in dib loo yagleelo ciidamadaasi.
"Ciidankeenu wuxuu lahaa cudud adag, wuxuu lahaa tababar fiican, wuxuu lahaa niyad fiican, wuxuu lahaa waxyaabo aanay laheyn ciidamada afirika oo ah geesinimo iyo dhiiranaan adag oo ilaalhay siiyey. Wuxuu kaalin ka geystay olohihii hirgelinta Af-Soomaaliga ee sanadkii 1974-kii, sidoo kale waxay gurmad u fidiyeen dadkii ay ku dhacday abaartii dabadheer oo ciidankeenu muujiyey qiimaha ay shacabkiisu leeyihiin"ayuu yiri ra'iisal wasaaraha oo intaas raaciyey.
"Maanta waxaan nahay dal dhan oo aan lahayn ciidan dhisan oo hadduu cadowgu ku soo duulo markuu rabo qabsan karo. Waxaanu nahay dal idil oo difaaciisa cirka, badda iyo berigaba ay ka dayacan yihiin. Calanku ma taagnaan karo oo cirka kama babban karo haddaanu ciidan ku tiirsanayn, kalsoonida bulshadu ma dhismayso haddii ayan ku hurdin ciidan difaaca, cadowgu ma soo hunguriyeysanayo ciidda dal leh ciidan daryeelan oo cudud iyo tayo leh ayuu raaciyey.
Ra'iisal wasaaraha ayaa sheegay in ummadi aysan gaari karin midnimo iyo horumar haddii aanay leheyn ciidan ay u baxsato waqtiyada adag, isla markaana uusan dal nabadgelyo iyo xasillooni sugan ku naaloon karin haddii aanu lahayn ciidan heegan ah. Sida kaliya ee dhibkaas looga bixi karana ay tahay isku tashi, dhamaanteenna loo baahan yahay inaan u istaagno dhismaha ciidankeena, si aan ula tartanno wadamada nalamidka ah.Wuxuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in lagu taageero ciidanka qof walba wixii uu awoodo.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo oo gunaanadkii munaasabadda ka hadlay ayaa ugu baaqay bulsho weynta Soomaaliyeed in ay ka soo qeyb qaataan dhismaha ciidanka qaranka, wuxuna hoosta ka xariiqay in dhaqaalaha ay soo uruuriyaan uu geli doono gacan aamin ah oo gaarsiin doonta ciidamadda u taagan difaaca dalkooda.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa digreeto ku magacaabay guddiga Taakuleynta Ciidamadda Qaranka, kuwaas oo madax u yihiin dad bulshada dhexdeeda sumcad ku leh, la aamini karo, isla markaana horey loo tijaabiyey.
KismaayoNews.com
storvideo: 

Soomaaliya oo maalin kasta qasaaraysa $10 milyan

0
0

Kn: Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya ayaa sheegey in dalka uu maalin kasta qasaarayo lacag dhan $10 milyan oo doolar sababtuna tahay qadka internetka oo go'an dartiis.
Cabdi Canshuur Xasan ayaa sheegey in illaa iyo hadda Soomaaliya ay qasaarat $130 milyan oo doolar kadib markii ganacsiyadii ku shaqeyn jirey qadka iyo hawlihii dowladda ee lagu kala waday ay istaageen.
Waxaa horey loo sheegey in markab ganacsi oo badda marayay uu jiirey xarkihii internetka ee badweynta marayay, balse dowladana waxa ay sheegtey in ay wax ka qaban doonto waxa dhacay.
KismaayoNews.com
storvideo: 

Faah Faahin:- Kooxo  Hubeysan oo Dad Shacab ahaa ku...

0
0

Marka ( Sh.M.Network)-Wararka laga helayo Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in dabley hubeysan xalay Deegaanka Gardanshe oo qiyaas ahaan 10 km dhinaca Waqooyi kaga beegan Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose ay raasaaseeyeen Qoys ku dhaqnaa Deegaankaasi.
Sadex ruux ayaa ku dhimatay halka 5 kale uu dhaawac ka soo gaaray kuwaasi oo intooda badan dhaawacyadooda loo soo qaaday Magaalada Muqdisho waxa ayna ahaayeed dadka dhintay iyo kuwa dhaawac-mayba Qoys iyo Dad kale oo ay ehel yihiin oo Deegaanka Gardanshe ku wada noolaa.
Ibraahim Sheekh Maxamuud oo ay ehelo dhaw yihiin dadka kooxda hubeeysan ay rasaasta la dhacday oo Shabelle la hadlay ayaa arrintaan ku tilmaamay Xasuuq isagoo ugu baaqay Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose in kooxihii ka dambeeyay falkaas sharciga lala tiigsado.
Ma jirto cid sheegatay Masuuliyadda weerarkaasi balse Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in ay wadaan baaritaanno xoogan.
Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxaa ka jira xiisad beeleedyo weli aan xal laga gaarin kuwaas oo saameyn ba'an ku yeesha dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan.

storvideo: 

Somalia: Policeman killed in Mogadishu

0
0

MOGADISHU, Somalia - Unknown gunmen were reported to have shot dead a Somali Policeman in Mogadishu on Monday, the latest in string of rising killing in the capital.
The policeman was murdered in the line of duty by two men armed with pistols who later fled the scene before the security forces arrived.
The officer whose name has been identified as Mohamed Abdulahi Timo-jilac came under attack while accumulating levy in a marketplace near Benadir junction.
The gunmen seized the gun of the Policeman, before escaping the crime area.
The government security officials did not comment on the assassination, the Police say they are conducting a probe into the incident, and will provide details later.
No group has so far claimed responsibility for the killing, but suspicion falls on Al shabaab who often carry out such targeted assassinations in the capital.

storvideo: 


Somalia: Govt soldier kills 1, injures 2 in...

0
0

Jalalaqsi, Somalia - At least one person was confirmed killed, and two others wounded in a shooting took place on Monday in the central town of Jalalaqsi in Hiiran region, witnesses said.
The unfortunate incident happened after a government soldier has opened fire at crowd in the town, which is currently under SNA and AMISOM forces' control.
The murder has sparked an outrage by local residents who took to the main streets, in protest of the civilian shooting and called on local authorities to arrest the killer.
The soldier was reported to be at large, after escaping from the scene after the shooting of the civilians, according to the eyewitnesses who spoke to Radio Shabelle via phone.
The town has been beset by a long-running blockade since it was retaken by Somali and African Union forces from the Al Qaeda-affiliated Al shabaab in 2014.

storvideo: 

Wasiir katirsn dowlada Turkiga oo sabab yaab leh...

0
0

Jul 10, 2017 -
Dowladda Austria ayaa wasiirka dhaqaalaha Turkiga ka mamnuucday inuu dalkaas soo galo, si uu uga qeyb-galo dibadbax lagu xusayo sanadguuradii koowaad ee kasoo wareegtay afgambigii dhicisoobay ee dalkaas.
Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Austria, Thomas Schnoell ayaa bayaan uu soo saaray ku xaqiijiyey go'aankan oo uu gaaray wasiirka arrimaha dibedda dalkaas Sebastian Kurz.
Waxa uu sheegay in dibadbax uu ka qeyb galo Nihat Zeybekci oo ah wasiirka dhaqaalaha Turkiga ay halis gelin karto amniga iyo kala dambeynta Austria.
Dowladda Austria ayaa horey u dhalleeceysay howl-gallada ciidamada amniga Turkiga ay fulinayeen wixii ka dambeeyey afgambiga, waxayna ku baaqday in la hakiyo wada-hadallad Turkiga uu doonayo inuu kaga mid noqdo Midowga Yurub.
Go'aanka Austria ayaa xigay go'aan kale oo ay dowladda Netherlands ku sheegtay in ra'iisul wasaare ku xigeenka Turkiga Tugrul Turkes uusan iman karin dalkaas. Turkes ayaa doonayey inuu ka qeyb galo xaflad ay jimcihii dhigeen bulshada Turkish-ka ee dalkaas, oo lagu xusayey afgambiga.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

MUUQAAL: Wasiir Bayle oo Baydhaba ka dhagax dhigay...

0
0

Jul 10, 2017 -
Wasiirka Maaliyadda dowladda Federaalka Cabdiraxman Ducaale Bayle iyo wafti uu hogaaminayo oo safar shaqo ku tagay magaalada Baydhabo ee Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa dhagax dhigay wadamo laami oo dharerkeedu gaarayo 3.5km .
Dhaqaalaha ku baxaya dhismaha wadadaan ayaa waxaa bixinaya Bangiga Aduunka waxaana lasoo marsiiyey lacagta ku baxaysa Mashruuca SSF, oo hoostimaada Wasaaradda Maaliyadda, taas oo shaqadeedu tahay dhismaha wadooyinka iyo dayactirka xarumaha dowladda.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

DAAWO XOG MUHIM AH : Cumar cabdirashid Oo Imaraatka...

0
0

Jul 10, 2017 -
Dad badan Ayaa Aamin san Inay dowlada Imaraatka tageeraysey Inuu soo baxo Cumar cabdirashid cali Sharma'arke Waxayna malaayin lacag Ku bixisay sida Uu madaxweyne ku noqon lahaa doorashadii looga Guulaystey.
Lakiin fashilkaasi kadib waxa Muuqanaya Siyaasada Uu la Laha dalka Imaraatka Oo Ana Qarsoonayn Isla Markaasina Hagardaamo ugu muuqanaysa Inuu Ku hayo dowlada Faderalka Soomaaliya Ee xiligani Jirta.
Warbaahinta Muqdisho Joogta Ayaa Qorayey Baryahani Inuu ka mid yahay Cumar cabdirashid cali Sharma'arke Raga La Doonaayey In lagu wax yeeleeyo Dowlada Soomaaliya Waxaana uU noqday Siyaasiga Ugu horeeyey Oo ka Horyimaada Go'amada Siyaasadfa Dowlada.
kadib markii uu Dhawaan Diidey Go'aankii dowlada Soomaaliya Uga Noqotay Dhex dhexaadka khilaafka Khaliijka Carabta Oo soomaaliya Qusayn,Eedaymaha Hore eE Loo haystey Cumar cabdirashid cali Sharma'arke Waxa Ka mId Ahaa iNuu bada Soomaaliya Ku Wareejiyey Kenya.

Nagala soo xiriir
storvideo: 

XOG:RW Kheyre oo kalsooni kahelay xildhibaano cusub...

0
0

Jul 10, 2017 -
Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay Mooshin la sheegay in laga waddo Xukuumadda Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.
Xildhibaanada ayaa sheegay in Xukuumado ay heyso Shaqo Fiican , islamarkaana aysan ka waddin wax mooshin ah.
Xildhibaan Cismaan Daalo ayaa sheegay inay rajeynayaan shaqada Baarlamaanka iyo Xukuumadda u dhaxeysa inay noqoto mid sare u kacdo, lagana shaqeeyo danta shacabka.
C/laahi Sheekh Ismaaciil ayaa asna dhankiisa ayaa sheegay inuusan xumeyn xiriirka Xukuumadda iyo Baarlamaanka ka dhaxeeya.
"Waxaa la hadal haayaa in Xukuumadda iyo Baarlamaanka mugdi mugdi uu ku dhexjiro arintaasi waxba kama jiraan haddii aan nahay Xildhibaanada wada shaqeyn buuxda ayaan diyaar ula nahay Xukuumadda." Ayuu yiri Xildhibaan C/laahi Sheekh Ismaaciil.
Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa soo baxayay Warar sheegaya in xildhibaanada ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ay waddaan Mooshin ka dhan Xukumadda Soomaaliya.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Dhageyso: 18-Nin Shabaab ah oo la dilay & Saldhig la...

0
0

Jul 10, 2017 -
Maamul goboleedka Puntland ayaa sheegay inay dileen 18 ka tirsan Al-Shabaab, islamarkaana ay burburiyeen saldhigyo ay leeyihiin kadib hawlgal ka dhacay buuralayda Galgala ee Gobolka Bari.
Wasiirka amniga Maamulka Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab,oo la hadlay Warbaahinta in ragas lagu dilay howlgallo Culus oo ay Ciidamada Puntland ka sameeyeen Buuraha Calmadoow islamarkaana ay burburiyeen fariisimihii Al-Shabaab sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale Wasiirka ayaa hadalkiisa intaas ku daray in ka sokoow dilka Ciidamada ka tirsan Al-Shabaab ay jiraan rag Maxaabiis ah oo ay iminka Gacanta ku hayaan.
Majiran Warar madaxbanaan oo xaqiijinaya sheegashada Wasiirka Amniga Puntland in ay dileen 18 ka tirsan Al-Shabaab ayna hayaan Maxaabiis.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Sawirro:-Shil Gaari Oo Ka Dhacay Bartamaha Magaalada...

0
0

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Hargeysa ee deegaanada Maamulka Soomaaliland ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay shil Gaari kaas oo sababay khasaaro dhaawac ah iyo Burbur Hantiyadeed.
Shilkaan ayaa ka dhacay Bartamaha Magaalada Hargeysa meel aan ka fogeen Hotelka Ambasaddor ee magaalada Hargeysa.
Gaariga shilka Galay oo ahaa Nooca Raaxada ah ayaa waxaa la socday Haweeneey iyo caruur ay dhashay ku waas oo ku wajahnaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Hargeysa ee Cigaal si ay uga dhoofaan.
Shilkaas ayaa waxaa dhaawac uu ka soo gaaray Haweneydii Gaariga wadatay halka uu burbur soo gaaray Goobo Ganacsi oo ku yaalla agagaarka goobta uu shilka ka dhacay
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 


Akhriso:-10-qodob oo Laga Soo Saaray Shirka Gollaha...

0
0

Waxaa goor dhaw oo maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho shirka gollaha amniga Qaranka ee madaxda dowladda federaalka iyo maamul gobolleedka dalka.
Shirka ayaa laga soo saaray war murtiyeed ka kooban dhowr qodob, oo aysan ka dhax muuqan qodobadii maalmahan lagu muransanaa oo loo saaray guddiyo farsamo oo ka kala imaanaya dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada.War-murtiyeedka Golaha Amniga Qaranka :
1.Golaha Amniga Qaranka ayaa kulan kuyeeshay magaalada Muqdisho intii u dhaxeysay 5ta ilaa 10ka bisha Luulyo, 2017.
2.Kulanka waxaa shir-guddoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, waxaana ka soo qeyb galay Ra'iisul Wassaraada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Ra'iisul Wasaare Ku Xigeenka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Puntland Mudane Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle, Hirshabelle, Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Thaabit Cabdi Maxamed, Wasiirrada Caddaaladda, Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Gaashaandhigga, Amniga Gudaha, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida iyo La Taliyaha Amniga Qaranka.
3.Golaha Amniga Qaranka waxa uu bogaadiyay shaqada wanaagsan ee ay dowladda dhexe ka qabatay arrimaha amniga sida xasilinta caasimadda, siyaasadda iyo xoojinta xiriirka ka dhaxeeya dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada.
4.Kaddib markii uu Goluhu qiimeeyay xaaladaha amni ee ka jira dalka, waxay isla garteen in la xoojiyo dagaalka lagula jiro kooxaha nabaddiidka ah, meelna looga soo wadajeesto cid kasta oo ku taageerta dhaqaale, gabbaad ama faafineysa afkaardooda gurracan.
5.Golahu, markii uu dib u eegay Heshiiskii Amni ee Bishii 16-17 Abriil, 2017, uuna dhageystay talooyinkii ay soo jeediyeen Guddi hoosaadyada Difaaca iyo Amniga ee Golaha Shacabka, tixgeliyeyna aragtiyada kala duwan ee bulshada, waxaa talooyinkaas lagu biiriyay Qorshaha Amniga Qaranka.
6.Golahu, waxaa kale oo uu ku heshiiyay sameynta guddi farsamo oo ka shaqeeya dhameystirka Qaab dhismeedka Amniga Qaranka oo ay ku jiraan qaab-dhismeedka Ciidamada Nabadsugidda, Booliska, iyo ciidanka Asluubta. Guddidaas waxa uu ka kala imaandoonaa Dawladda Federaalka, Dawlad-goboleedyada iyo Gobolka Benaadir.
7.Golaha oo garowsan baahida loo qabo in siyaasad mideysan laga yeesho horumarinta nidaamka federaalka, dib-u-eegista dastuurka iyo doorashooyinka qof iyo cod ee 2020ka, waxay ku heshiiyeen in taabo gelinta qodobadaas loo maro hannaan ku salaysan wadatashi joogto ah oo 3dii biloodba mar ah.
8.Golahu waxa uu iskuraacay in sharciga lagu dhisayo Golaha Amniga Qaranka la horgeeyo Golaha Shacabka si waafaqsan Qodobka 111, Faqrada (h) ee Dastuurka KMG.
9.Golahu, waxa uu meelmariyay xeerka anshaxa ee kulamadooda iyo Fulinta Qorshaha Amniga Qaranka.
10.Ugu dambeyntii, Kulanka Golaha Amniga Qaranka wuxuu dhici doonaa saddexdii biloodba mar.
storvideo: 

DEG DEG: Qarax Xoogan oo Goordhaw ka dhacay Muqdisho...

0
0

Jul 11, 2017 -
Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax Xoogan oo ka dhacay Magaalada Muqdisho waxaana la sheegaya in qaraxaasi uu ahaa niimo balse faah faahin ayaa laga helayaa.
Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee Amisom ayaa qaraxa lagula eegtay qeybo ka mid ah degamda Hurwaa ee Gobolkaan Banaadir.
Kolonyadan ay wateen Ciidamada Amisom ayaa la sheegay in mid ka mid ah uu qarax qabsaday xili ay marayeen inta u dhaxeysa Isgoyska Ex koontorool Balcad iyo halka loo yaqaano Warsahda Barafuunka.
Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxaas ee gaaray mid ka mid ah Gawaarida Amisom ee marayay qeybo ka mid ah degmada hurwaa.
Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqleen jugta qaraxa balse aysan cadeyn karin khasaaraha uu geestay qaraxa.
Goobta uu qaraxa ka dhacay oo ay inta badan isticmaalaan Gawaarida dadweynaha taas oo keentay in mudo Daqiiqado ah ay hakad galaan walow markii dambe dib loo furay.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Puntland oo biyo xireen ka bilowday Deegaanka...

0
0

Wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska Dowlada Puntland ayaa maanta dhagax dhigtay Biyo xireen laga samaynayo Togga Dhuugleey oo ku yaala deegaanka Xamxamaa ee Gobolka Nugaal, Waxaana ka qeybgalay munaasabada Madaxda Wasaaradda Deegaanka, Masuuliyiin ka socota Wasaaradaha Xanaanada Xoolaha, Beeraha, Xafiiska Deegaanka Dowlada Federalka Somalia,Maamulka iyo Shacabka Tuulada Xamxamaa, iyo Qaar ka mid ah Hay,addaha Bahwadaagta la ah Wasaarada Deegaanka Puntland.
Agaasimaha waaxda deegaanka ahna xiriiriyaha mashruuca biyaha ee hormarinta hab-nololeedka xoolo-dhaqatada iyo beeralayda Puntland (WALP) Maryam Maxamed Aadam oo ka hadashay furitaankii Biyo xireenka Xamxamaa ayaa sheegtay inuu mashruucan ka koobnaan doono labo-biyo xireen oo loogu talagalay inuu midkiiba qabto in kabadan "Boqol kun oo fuusto" xili roobaadka.
Waxay sheegtay Maryam togga dhuug inuu ku guulaystay daraasad casri ah oo ay wasaarada deegaanku horey u samaysay islamarkaasna uu buuxiyey shuruudihii loogu talagalay ayna ka faa'iidaysan doonaan biyaha la qabanayo dadka, duunyada iyo Duurjoogtaba.
Maamulka Xamxamaa iyo Waxgaradka Deegaanka oo ka qaybgalay dhagaxdhiga Biyo xireenka ayaa u mahadceliyay Wasaarada Deegaanka Dawlada Puntland oo ay sheegeen inay mudo ku mashquulsanayd sidii Togga Dhuugley looga samayn lahaa biyo xireen.Waxayna sheegeen inay diyaar u yihiin sidii ay qeybtooda uga qaadan lahaayeen dhismaha biyo xireenka, Islamarkaana ay gacansiin doonaan Wasaarada iyo Injineerada fulinaya mashruucan.Wasiir kuxigenka Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Dawlada Puntland Marwo Siciido Xuseen Cali ayaa dhankeeda sheegtay inay ku faraxsan tahay dhismaha biyo xireenka togaga Dhuugley waxayna ugu baaqday dadka deegaanka inay samaystaan Beero si ay uga faaiidaystaan biyaha loo qabanayo taas oo ay sheegtay in looga bixi karo dhibaatooyinka Cuno yarida oo mar walba soo noqnoqda.
Agaasimaha Waaxda hormarinta Xanaanada Xoolaha ee Wasaarada Xanaanadaha Xoolaha DPL ayaa isna dhankiisa ugu baaqay dadka deegaanka marka biyo xireenka la sameeyo inay Calaf u beeraan Xoolahooda si ay uga gaashaantaan dhibaatooyinka Abaaraha soo noqnoqda, Nabaad guurka iyo Biyo yarida.
Agaasimaha xafiiska deegaanka ee dawlada Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdirashiid Maxamed Maxamuud (XIdig) oo isna ka qaybgalay Dhagax dhiga Biyo xireenka maanta laga sameeyay Tuulada Xamxamaa ee Gobolka Nugaal ayaa sheegey inuu qeyb wayn ka qaadan doono dhismaha biyo xireenkan hormarka Deegaanka, Wuxuuna carabka ku dhuftay in dawlada Federaalka Soomaaliya ay maamulada kale ee dalka ka jira ugu baaqayso sidey ugu dayan lahaayeen Wasaarada Deegaanka Puntland oo uu ku amaanay mid mudooyinkii ugu dambeeyay ku fooganayd dhismaha Biyo xireenada.Wasiirka Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska DPL Dr. Cali Cabdullaahi Warsame oo si rasmi ah u dhagax dhigay Biyo xireenka laga dhisayo deegaanka Xamxamaa ayaa sheegey inay wasaaradiisu xooga saareyso sidii shacabka Puntland uga bixi lahaayeen biyo yarida, Islamarkaana uga faa,iideysan lahaayeen biyaha roobka oo khasaara sanad walba.
Wuxuu sheegey Wasiir Cali Cabdulaahi inay la socdaan dhismaha Biyo xireenkan mashaariic yaryar oo ay ka mid tahay Haan-wayn oo Biyaha lagu kaydiyo si ay xoolaha iyo Duurjoogtu bauga cabaan xilli walba wuxuuna sheegay in Haantani ay ku shaqayn doonto tamarta deegaanka Saaxiibka la'ah ee Qorxda.
Wuxuu intaas ku darey Wasiirku in dhismaha Biyo xireenka Togga Dhuugley uu ka mid noqonayo kaabayaasha dhaqaalaha oo ay ku mashquulsan tahay Dowlada Puntland, Wuxuuna ugu baaqay dadka deegaanka inay ka faa'iidaystaan mashaariicdan islamarkaasna ay ilaaliyaan nadaafadiisa iyo hormarkiisaba biyo xireenka laga samaynayo deegaanka Xamxamaa ee Gobolka Nugaal
Ugu dambeyn Wasiir Cali Cabdulaahi ayaa u mahadceliyay Bahwadaagta Wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska Puntland sida Hay,addaha Caalamiga iyo Kuwa Dowliga ahba.Abshir DhiiranePUNTLAND POST
The post Puntland oo biyo xireen ka bilowday Deegaanka Xamxamaa ee Gobolka Nugaal appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Risaas Lagu Furey Barakacayaal Gargaar Loo Qeybinaayey

0
0

Risaas Lagu Furey Barakacayaal Gargaar Loo Qeybinaayey
Jul 11, 2017 -
Wararka laga heleyo Deegaanka Siinka Dheer oo dhaca Duleedka Muqdisho ayaa sheegaya in Goob barakacayaal Raashiin Mucaawino ah loogu qeybinaayey dabley hubeesan ay risaas ku fureyn.
Wararka qaar ayaa ku waramaaya in Dableyda Risaasta furay ay doonayen in ay boob u geestaan raasiinka loo qeybinaayey dadka barakacayaasha ah Sida uu inoo xaqiijiyey mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho.
Ilaa iyo haatan lama oga qasaaraha ka dhashay risaastaas dableyda ay ku fureyn barakacayaasha raashiinka loo qeybinaayey. Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
English News
storvideo: 

Midowga Afrika oo Shaki Galiyay Balan Qaadka...

0
0

Gudoomiyaha Ururka midowga Africa Moussa Faki Mahamat ayaa su'aal geliayay balan qaadka mareykanka ee ku aadan dagaalka ka dhanka ah ururada loogu yeero argagixisada ee ka dagaalama qaarada Africa kadib markii dowlada mareykanka ay cadaadis ku saartay qaramada midoobay in la joojiyo isku day ururka midowga Africa uu ku doonayay taageerida qaraashaadka ku baxa la dagaalanka kooxaha jihaadiyiinta ee ka dhisan qaarda Africa oo qaramada midooba ay bixiso.
Gudoomiyaha ururka midowga Africa oo la hadlay wakaalada wararka ee AFP ayaa walaac xoogan ka muujiyay kooxha jihaadiyiinta ee ka dagaalamaya dalalka qaarada Africa isagoo xusay in gobalka ay ka jiraan dagaalyano Qatar ku ah dalalka ay ka howlgalaan.
"Ma fahamsanin sida mareykanka uu ku doonayo in uu dib kaga noqdo dagaalka ka dhanka ah la dagaalanka argagixisada." Sidaasi ayuu ugu waramay wakaalada AFP,hogaamiyaha ururka midowga Africa.
Dowlada mareykanka ayaa ka mid ah kuwa ugu waaweyn ee taageerada siiya howlgalka nabad ilaalinta midowga africa AMISOM ee soomaaliya ka dagaalanta.
Waxaa hogaamiyaha ururka midowga africa uu sheegay in uu rajo wanagasan ka qabo maamulka cusub ee dowlada mareykanka wada shaqeyn dhaw iyo in laga taageero dalalka africa sidii ay kaga gudbi lahaayeen caqabadaha hor yaala oo dagaalada kooxaha islaamiyiinta ay kamid yihiin isagoo ka codsaday in aan hoos looo dhigin dhaqaalaha howlgalka mdiowga africa oo AMISOM-ta soomaliya ay kamid tahay.
Bishii aynu ka soo gudubnay golaha amaanka ee qaramada midooby ayaa soo dhaweeyay howlgalinta ciidamo military ah oo la geeyay wadanka galbeedka saxara laakiin qaramada midoobay ma sheegen in taagerada ay siin doonaan.
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live