Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Puntland troops capture 14 alleged Al-Shabaab militants

$
0
0

Puntland said its forces have arrested 14 Al-Shabaab militants including two women in an operation conducted near Garowe town, the administrative capital.
Police Commissioner for Nugal region Abdirashid Mohamud told reporters the suspects were arrested following intelligence information the forces received from members of the public.
"We conducted very successful operation near Garowe town where we captured 14 Al-Shabaab militants, two of them are women and one foreigner. They were going to Almadow hills to join terrorist militants there," Mohamud said.
He did not identify the nationality of the foreigner but the Somalia-based militants are known to have been fighting along with foreign nationals.

storvideo: 


African Union forces leave military outpost in...

$
0
0

MOGADISHU, Somalia - On Tuesday morning, African Union forces pulled out of a key military base at a former University compound in Somalia's capital Mogadishu.
The AU mission has withdrawn its peacekeepers from Gahayr University campus, and handed it over to the Ministry of education for Somali Federal government during a ceremony in the facility.
UN envoy for Somalia, the head of AMISOM, chairman of Somali national University, education minister and other high-ranking officials has attended the hand-over event.
The University building which lies in Wadajir district has been housing for Burundian soldiers, serving with African Union Mission in Somalia known as (AMISOM) for about ten years in the past.
Somali Federal government has welcomed the move, and promised to rebuild the campus, and reinstate its educational status. AMISOM forces pledged support to Somalia in the efforts to restore peace.

storvideo: 

Daawo:Siyaasihiin caanka ah soomaalida oo dowlada...

$
0
0

Jul 11, 2017 -
Ayadoo khilaaf xoogan oo sababay in xiriirka isku jaraan dowladaha khaliijka isla markaa isku eedeeyaan arimo farabadan oo kamid tahay in Qadar hoy utahay argagixisada ayaa soomaaliya ka qaadatay go aan cad.
Qaar katirsan siyaasihiinta soomaalida ayaa dowlada Farmaajo cadaadis ku saraayo in dib oga laabato go aankii ka qaadatay arinkaasi oo ahaa in dhex dhexaad katahay arintaasi.
Jabriil Cabdulle oo sanadkaan u tartamay madaxweynimada dalka soomaaliya ayaa sheegay dowlada soomaaliya ku qaldaneyd go aankii ka istaagtay dowladaha carabta waxaana ugu baaqay in ay ka laabato arintaasi.
Jabriil iyo Cumar Cabdirashiid oo labadooda tartan madaxweyne la galay madaxweynaha haatan Farmaajo ayaa ugu baaqay in dib u eego go aankaas waxaana ay sheegeyn in Sacuudiga iyo Imaraadka soomaaliya xiriir wanaagsan iyo iskaashi kala dhexeeyo iyo mid ganacsi.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

DAAWO: A.Madoobe muxuu ka yiri shirkii golaha amniga...

$
0
0

Jul 11, 2017 -
Madaxweynaha Maamulka Jubaland oo mudooyinkii u danbeeyay ku maqnaa magaalada Muqdisho halkaa oo uga qeybgalay shirkii golaha amniga Qaranka ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose.
Madaxweynaha waxaa safarka ku wehlinayay wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Mudane Maxamed A Salaad (Oomaar), oo hordhac u ah golaha xukuumadda oo la filayo in Khamiista nagu soo aadan shirkoodii todobaadlaha ahaa ku yeeshaan Kismaayo, waxaana garoonka si diiran ugu soo dhaweeyay madaxweyne ku xigeennada iyo xubno ka tirsan labada gole ee dowlad goboleedka Jubaland.
Madaxweynaha oo imaatinkiisa kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in magaalada Muqdisho uu uga soo qeybqagalay shirkii golaha amniga Qaranka, isagoo xusay in shirkaasi guul kusoo dhamaaday.
Waxa uu sheegay in arimaha ugu muhiimsan ee looga hadlay ay kamid ahaayeen sidii loo qaabeyn lahaa ciidamada qalabka sida, difaaca iyo dhismaha guud ee ciidamada dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.
Waxa uu xusay in sidoo kale laga wada hadlay sidii loo suurogalin lahaa in laga maarmo ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya islamarkaana ammaanka dalka ay la wareegaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in aysan waxba ka jirin wararka sheegaya in shirka la isku khilaafay, isagoo warbaahinta ku eedeeyay in ay baahisay warar xaqiiqada ka fog oo ku aadan shirkii golaha amniga qaranka.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Guddiyadda Joogtada ah oo Kulan Ugu Yeeray Ra’iisul...

$
0
0

Xarunta madaxtooyadda Soomaliya waxaa haatan ka socday Shir Deg Deg ah oo ay ka qeyb galayaan Guddiyada Joogtada ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Guddoonka Baarlamaanka, iyadoo kulankaas loogu yeeray Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.
Shirka oo uu albaabada u xiran yahay ayaa su'aalo lagu weydiinayaa Ra'iisul Wasaaraha, gaar ahaan arrimo ku saabsan kacdoon hoose oo ay wado Xukuumadda oo ay ku kicineyso bulshada iyo hadalkii ka soo yeeray Sheekh Nuur Baaruud ee ka dhanka ahaa Xildhibaanada Baarlamaanka, kaasi oo ku aadanaa in Xildhibaanada Mooshinka wada la weerari doono.
Sida ay idaacadda Simba ay u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonan karo Wararka ayaa sheegaya inXildhibaanada Baarlamaanka ay hadalka Sheekh Nuur Baaruud aad uga caroodeen, ayna keentay in Guddoonka ku wargeliyaan in arrintan si deg deg ah wax looga qabto, taasoo keentay in kulan deg deg ah la isugu yeero Guddiyada joogtada Baarlamaanka, si arrintan looga hadlo, isla markaana Ra'iisul Wasaaraha loo yeero si uu jawaabo uga bixiyo.
Ra'iisul Wasaaraha ayaa laga yaabaa inuu raalli gelin ka bixiyo hadalka ka soo yeeray Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ee ka dhanka ahaa Xildhibaanada Baarlamaanka, kaasi oo laga jeediyay Xarunta Akadeemiyadda Jeneraal Kaahiye ee Degmada Xamar Jajab.
Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo labo habeen ka hor ka hadlay xaflad ka dhacday xarunta Gen. Kaahiye ayaa sheegay in Xildhibaanada wada mooshin lagu duminayo Xukuumadda ay meelaha ay joogaan ugu galayaan, isla markaana iyaga iyo shacabka ay garaacayaan, taasoo madaxdii uu ka mid ahaa Ra'iisul Wasaaraha ay u sacbiyeen, una istaageen.
Dhanka kale Guddiyada Joogtadda ah ee Baarlamaanka Soomaliya ayaa lagu wadaa inuu caddeeyo in Xukuumadda aanay xilligan wax mooshin laga wadin, kaddib hadal heyno beryahan jirtay iyo kicin lagu haayo shacabka oo la isaga hor-keenayo shacabka iyo Xildhibaan.
storvideo: 

SOMALIA: AMISOM hands over a rebuilt Somali National...

$
0
0

Ambassador Francisco Caetano Madeira, the AU Special Representative for Somalia and Head of AMISOM.
MOGADISHU (RBC Radio) The African Union Mission in Somalia (AMISOM) today officially handed over the Somali National University, to the Federal Government of Somalia, relinquishing control of the institution, which it had occupied for the last 10 years.
At least 300 troops from the Burundi contingent who occupied the university's premises in the capital Mogadishu, were relocated to AMISOM Sector 5 headquarters in Jowhar, in an exercise that commenced in April 2016. The troops occupied the university in 2007, starting off as a small Forward Operating Base, and later evolving into a Battalion headquarters.
"I want to thank the Federal Government of Somalia for supporting AMISOM through providing land and premises, where we could execute our mandate," Ambassador Francisco Caetano Madeira, the AU Special Representative for Somalia and Head of AMISOM said, during the handover ceremony.
The ceremony officiated by the federal Minister for Higher Education Mr. Abdirahman Dahir Osman comes after extensive reconstruction, logistical and engineering works, spearheaded by the United Nations Support Office in Somalia (UNSOS). "We are happy that today, this institution is ready and will start admitting students once the government gives the green light," Amb. Madeira remarked.
"This ceremony has two profound meanings; firstly, relinquishing the University and making it an institution of higher learning is a demonstration that solid progress is being achieved by AMISOM, the FGS and Somali National Security Forces in their joint efforts to contain Al-Shabaab and stabilize the country, normalising life and developing Somalia," the Ambassador noted.
"Secondly, by presiding over the takeover of security responsibilities of the university premises by the Somali security forces, we are implementing important steps of AMISOM's transition and drawdown."
AMISOM also handed over assets that will facilitate the administrative operations of the institution, to enable it operate effectively. "As we hand over these facilities, we do so with confidence, knowing that normal day-to-day activities of this institution of higher learning can continue, free from the threat of terrorists."
Minister Osman described the institution as a symbol of the rebirth of Somalia. "As a Government, we prioritize security, economic development and most importantly education because we believe that education is the anchor for sustainable development," he said.
Established in 1954, the Somali National University suffered extensive damage and material shortage on the onset of the civil war that broke out in 1991, leading to the suspension of classes and effective closure. However, in August 2014, the university reopened its constituent colleges to offer specialized training.

storvideo: 

Al-Shabab oo Baad ku soo Rogay Ganacsatada Muqdisho

$
0
0

Qaar ka mid ah ganacsatada magaalada Muqdishu ayaa sheegaya inay helayaan telefoonno uga imanaya dad ka tirsan ururka Al-Shabaab oo ku amraya inay bixiyaan lacago baad ah oo Al-Shabab ugu yeertay Zako.
Mid ka mid ah ganacsatada oo ay VOA la hadashay, islamarkaana codsaday inaan magaciisa la sheegin, ayaa sheegay in ganacsatada loogu yeeray degaannada Awdheegle iyo Bariire ee Gobolka Shabellada Hoose, halkaasi oo loogu hanjabay inay bixiyaan lacagaha.
Waxa uu sheegay in ololahan ay Al-Shabaab bilwoday bil ka hor, haatanna ay jiraan lacago badan oo ay ku ururiyeen dadka leh ganacsiga waaweyn iyo kuwa yar-yar intaba.
Ganacsade kale oo ay VOA la hadashay ayaa xaqiijiyey in Al-Shabab ay ka ururiyeen ganacatsada ay ugu yar tahay 100 dollar ayna gaadhsiinsan tahay kumaannaan.
Haddaba Haaruun Macruuf ayaa hanjabadaaha ay helayana ganacsatada iyo lacagaha la sheegay in laga ururinayo ka waraystay Taliyaha Booliiska Gobolka Banaadir Jeneraal Axmed Xasan Maalin.

Embed code
Copy and paste the embed code below.
The code has been copied to your clipboard.
0:02:53
0:00:00 /0:02:53
Direct link
Pop-out player
storvideo: 

Qarax Khasaaro gaystay oo ka dhacay Shiinka Dheer

$
0
0

Qarax Gaari ayaa ka dhacay deegaanka Siinka Dheer ee duleedka magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya. Saraakiisha Booliska ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in Gaari laga shakiyay isla markaan ay qabteen ciidanka Ammaanka intii baaritaanka uu socdayna uu Qarxay Gaarigaasi. Saddex Qof oo shacab ah ayaa ku geeriyootay Qaraxa waxaana sidoo kale ku dhaawacmay Todobo Ruux oo kale sida ay sheegeen Saraakiisha Hay'adaha Ammaanka. Sidoo kale Booliska ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay Ragii waday Gaariga Qarxay.
storvideo: 


Qarax Gaari oo ka dhacay Duleedka Muqdisho iyo...

$
0
0

Gaariga Qarxay ayaa nuuciisa waxa uu yahay Dheyne ama baabuurta waa weyn ee xamuulka qaada, waxaana jugta Qaraxa laga maqlay degaanada ku dhow halka uu Qaraxa ka dhacay.
Gaariga Qarxay ayaa waxaa gacanta ku dhigay Ciimada Dowladda Federaalka, xilliga uu Qarxayay Parking ayuu ku jiray.
Dadka degaanka ayaa inoo sheegay in Qaraxa ay ku waxyeeloobeen Dad shacab ah, waxaana ila hadda aanan la xaqiijin karin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Qaraxaasi.
"Gaariga Qarxay nuuciisa waa Dhayne oo aan gacanta ku dhignay, baaritaano dheeraad ah ayaa ku socday, wuu Qarxay dad shacab ah ayay waxyeelo ka soo gaartay" sidaas waxaa Risaala u sheegay sarkaal ka tirsan Ciidanka Dowladda.
Ilaa hada war rasmi ah lagama hayo in gacanta lagu hayo raggii watay Gaarigaasi.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Madaxweynaha Puntland oo Garoowe Dib Ugu Soo Laabtay...

$
0
0

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weftigii uu hogaaminayey ayaa maanta gelinkii danbe12 July 2017 Garoowe dib ugu soo laabtay, kadib shirkii amniga Qaranka Soomaaliyeed oo ay Muqdisho kaga qayb galeen.
Weftiga Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Kanooko ee magaalada Garoowe kusoo dhoweeyey Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Egn. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey, guddomiyaha Golaha Wakiiladda Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi, guddomiyaha gobolka Nugaal iyo duqa degmada Garoowe, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland, saraakiisha ciidamadda qolabka sida, Saraakiil ka tirsan Madaxtooyadda Puntland, Isimo, cuqaal iyo qaar kamida bulshadda Magaaladda Garooowe.
Madaxweynaha oo ka hadlay muhiimadda shirkaasi iyo qodobadii laysla waafaqay ayaa sheegay in lasyla afgarta barnaamij hore loogu heshiiyey, isla markaana lagu balamay in laysaga yimaado dib u dhiska ciidamada dalka, isku dhafka ciidamada, xoraynta dalka iyo midaynta difaaca dalka." ku dhowaad 10 cisho ayaanu ku maqnayn Xamar oo uu ka dhacayey shirkii amniga qaranka oo hore loogu heshiiyey in laysaga yimaado dib u dhiska ciidamada dalka, isku dhafka ciidamada dalka, xoraynta dalka iyo midaynta difaaca dalka, hawshaasi waad la socoteen bishii April 16 2017 waxaa laysla afgartay barnaamij hore loogu wadayo difaaca dalka iyo dib u dhiska ciidamadii qaranka" ayuu yiri Madaxweynuhu.
Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa xaqiijiyey si looga guun gaadho heshiiskaasi lagaadhey in loo baahan yahay wadda shaqayn ayeeshaan xukuumadda DFS iyo Dawladaha xubnaha ka ah DFS, isla markaana waxaa uu sheegay Madaxweynuhu in shirkaasi amniga guul lagagaadhey."Dabcan arrintaasi waxay u baahan tahay wadda shaqayn dhanka Xukuumadda DFS iyo dawladdaha xubnaha ka ah Dawladda Fadaraalka inay kawada shaqeeyaan oo ay isku mawqif ka ahaadaan arrimahaa iyaga ah , runtii shirkaasina wuxuu kusoo dhamaaday guul, waxaanuna kusoo kala tagnay in Dawladda Fadaraalka Soomaaliya iyo Dawladaha Xunaha ka ah DFS ay si dhaw u wadda shaqeeyaan" ayuu yiri Madaxweynuhu.
Madaxweynaha Dawladda Puntland oo ka hadlaya arrimo la xidhiidha cashuurta laga qaado muwaadiniinta Puntland ayaa sheegay in loobaahan yahay in cashuurta la bixiyo oo weliba si joogta ah loobixiyo si looga gun gaadho socdaalka dheer ee loogu jiro ka xoraynta dalka kooxaha tamarta yar ee ku dhuumaalaysanaya , waxaana uu madaxweynuhu hoosta ka xariiqay inaanay dawladdu ka qaadayn shacabkeeda wax ka baxsan sharciga, ganacsatada ka doodaysa cashuurta ay ansixiyeen xukuumadda iyo golaha wakiilaguba ay qalad ku doodayaan ayna tahay inay gartaan wixii dan u ah iyaga, madaama cashuurtaasi lagu sugayo iyaga amnigooda, maalkooda iyo noloshoodaba.
Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa tibaaxay in dalku u baahan yahay ciidan Soomaali ah oo sumad Soomaaliyeed leh, dalkoo dhana laga keeno, isla markaana laga dhigo ciidan ka midaysan qadiyad Soomaalinimo iyo mid muwaadinimoba.
Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Egn. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey ayaa dhankiisa ku bogaadiyey ciidamada qalabka sida ee dawladda Puntland halganka dheer ee ay ugu jiraan sidii ay shacabkoodu nabad ugu noolaan lahaayeen, isla markaana cadawgooda u diidey inay kusii noolaadaan Puntland, waxaana uu shacabka Puntland ku bogaadiyey wada shaqaynta fiican ee ay laleeyihiin ciidamadooda.
Ugu danbayntii, Madaxweynaha Dawladda Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ayaa ku bogaadiyey Dawladda cusub ee Soomaaliya horumarka wanaagsan ee ay ku talaabsatay, madaama ay samaysay markii ugu horaysay arin kudayasho mudan kaas oo ah in lagu qabto maamuladda dalka shirarka muhiim ka ah oo uu ka midyahay kan golaha Wasiiradda DFS oo malinimada berrito ka dhicidoona magaalada Kismaayo ee - Jubaland.==DHAMMAAD==XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.
The post Madaxweynaha Puntland oo Garoowe Dib Ugu Soo Laabtay, Kana Hadlay Shirkii Amniga Qaranka appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

DHAGEYSO: Caqabad Hortaagan Heshiisiinta Beelahii Ku...

$
0
0

Jul 12, 2017 -
Dagaal Beeleed ayaa waxa uu ka dhacay Bil ka hor Deegaanka Banyaaleey Ee Gobolka Hiiraan waxaana isku fara saaray Beelaha Xawaadle iyo Ceyr.
Ugaas Xasan Ugaas Maxamed ayaa waxa uu Wafdi usoo diray Dhinaca Banyaaleey oo wakhtigii la filayey Heshiisiinta Beelaha kasoo dib dhacay Muddo Isbuuc Ah.
Caqabad ayaa jirta oo hortaagan Beelaha in ay ka gaaraan Xal kama dambeys ah sida ay Waxgarad iyo Odayaal kasoo kala Jeeda Xawaadle iyo Ceyr ay Xaqiijiyeen.
Waxa wararkii ugu dambeeyey Ee Xal ka gaaristeeda ka waramay Nabadoon Tahliil Ugaas Maxamed isagoo sheegay in hadda ay dedaal fiican jirto oo la dhameyn doono sida xaalku hadda yahay.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

SAWIRRO: RW Kheyre & Xukumadiisa oo Si Weyn loogu...

$
0
0

Jul 12, 2017 -
Ra'iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre yo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose, waxaana garoonka ku soo dhoweeyey dadweyne aad u badan, Madaxweynaha maamulka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ku-xigeenadiisa iyo saraakiil sare sare.
Wafdiga Ra'iisul Wasaaraha ayaa waxaa uga soo horeeyey magaalada Kismaayo wafdi kale oo hoggaaminayo Ra'iisul Wasaare ku xigeenka oo kamid yihiin Golaha Wasiirada, kuwaas oo dhammaantood ka qeyb geli doona Shirka golaha wasiirada oo maalinta bari ah ka dhici doona Kismaayo, kaas oo markii ugu horeysay lagu qabanayo meel ka baxsan Caasimadda.
Madaxweynaha maamulka Jubbaland Mudane Axmed madoobe ayaa sheegay in Ra'iisul Wasaaraha iyo Golihiisa Wasiirada ay ku soo dhoweynayaan Kismaayo isla markaana shacabka Jubbooyinku ay si buuxda u taageersan yihiin dadaalada ay dawladdu wado ee ku aadan hoos u daadajinta Hay'adaha dawladda, wuxuuna tilmaamay in shirka ka dhacaya kismaayo uu Xukuumadda u fududeynayo gudashada waajibaadkeeda iyadoo la dhegaysanayo shacabka.
Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa isna dhankiisa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay soo dhoweynta ballaaran ee shacabka iyo hoggaanka Jubbaland u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa, wuxuuna tilmaamay in inta uu ku sugan yahay magaalada uu la kulmi doono qeybaha kala duwan ee bulshada.Kismaayo markii ugu horeysay.
"Booqashadani waxay muujinayaa midnimo iyo in dawladdu ay diyaar u tahay shacabkeedu inuu la xisaabtamo, waxaan Kismaayo ku qabanaynaa shirka Golaha Xukuumadda taas oo muujinaysa sida ay nooga go'an tahay in hoos loo eego deeganada iyo dawlad gobolleedyada"ayuu yiri R/Wasaare Khayre
Ra'iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumaddu mudnaan gaar ah ay siinayso in xukunku uu gaaro meelaha ka durugsan caasimaha, isla mar ahaantaana xiligan la joogo waqtigii wadajir loo wajihi lahaa ka shaqeynta danta guud. dawladduna ay tahay shaqaale ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed.
Wafdiga uu hoggaaminayo Ra'iisul Wasaaraha ee ka kooban dhammaan golaha Wasiirada ayaa inta ay joogaan kismaayo waxay kulamo la yeelan doonaan Wasaaradaha ay shaqo wadaagta yihiin iyo hoggaanka Jubbaland.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

DEG DEG: Qarax Culus oo Goordhow gil-gilay Xarun ay...

$
0
0

Jul 12, 2017 -
War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in qarax weyn laga beegsaday Bar koontarool oo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda.
Qaraxa ayaa waxaa geystay gaari qaraxyo laga soo buuxiyay, waxaana lala beegsadaykoontaroolka Siinka Dheer ee duleedka magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay inuu qasaare u geystay askar iyo ciidamo.
Wararkii ugu horeeyay ee qaraxa ayaa sheegaya in wadadda la xiray, isla markaana ay istaageen gaadiidkii u kala socday Muqdisho iyo Afgooye.LA SOCO Wararkii soo Kordha INSHA ALLAH
Nagala soo xiriir
storvideo: 

WARAR Dheeraad ah oo kasoo baxaya Khasaaraha Qarax...

$
0
0

Jul 12, 2017 -
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax Gaari oo casir liiqii maanta ka dhacay Degaanka Siinka-dheer ee duleedka magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, sida ay inoo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka.
Gaariga Qarxay ayaa nuuciisa waxa uu yahay Dheyne ama baabuurta waa weyn ee xamuulka qaada, waxaana jugta Qaraxa laga maqlay degaanada ku dhow halka uu Qaraxa ka dhacay.
Gaariga Qarxay ayaa waxaa gacanta ku dhigay Ciimada Dowladda Federaalka, xilliga uu Qarxayay Parking ayuu ku jiray.
Dadka degaanka ayaa inoo sheegay in Qaraxa ay ku waxyeeloobeen Dad shacab ah, waxaana ila hadda aanan la xaqiijin karin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Qaraxaasi.
"Gaariga Qarxay nuuciisa waa Dhayne oo aan gacanta ku dhignay, baaritaano dheeraad ah ayaa ku socday, wuu Qarxay dad shacab ah ayay waxyeelo ka soo gaartay" sidaas waxaa sheegay sarkaal ka tirsan Ciidanka Dowladda.
Ilaa hada war rasmi ah lagama hayo in gacanta lagu hayo raggii watay Gaarigaasi.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Daawo:Warar cusub oo kusoo kordhay dacwadii Badda...

$
0
0

Jul 12, 2017 -
Waxa Jirey Muran Xoogan Oo u Dhexeeyey Soomaaliya iyo kenya Taasi Oo Xiligani Meel xasaasi Marayey Markii maxkamada caalamiga isla tageen dowladaha Kenya Iyo Soomaaliya.
Waxa Loo ogolaaday Kenya Soomaaliya dacwadeeda Furto lana Geeyo halka Lagu muran san yahay Qareeno Caalami Iyo kuwo gaar Ahba.
Waraysi Dheer oo laga Qaaday Xeer Ilaaliyaha Qaranka Soomaaliya Ayaa muujiyey halka Ay ku danabyso dacwada U Dhaxaysa Kenya Iyo soomaaliya,taasi oo mudo Soo jiitamaysey Inkasta Oo Dowlada ka Horeyey Dowladani Ay Maxkamad tagtay.
Dad badan Ayaa Aamin san In wada Hadal mar kale Dowlada Madaxweyne Farmaajo Ku eegi Doonto Murankani bada Madama Mar kale Heshiis Wada Shaqeyn Dhex martay kenya Iyo Soomaaliya Booqashadii uu Nairobi ku yimi madaxweyne Farmaajo.
Nagala soo xiriir
storvideo: 


Madaxweynaha oo Ka Dalbadey Xildhibaanada Labada...

$
0
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa furay kal-fadhiga 2-aad ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka.
Madaxwaynaha oo khudbad u jeediyey Golaha ayaa ugu baaqay mudanayaasha in ay ka mari dhaliyaan himilooyinka shacabka ay wakiilka ka yihiin, ayna kaalin mug leh ka qaataan dib-u-hanashada sharafta iyo qarannimada Soomaaliya.
Madaxwaynu waxa uu tilmaamay howlaha adag ee horyaala Golaha Aqalka Sare sida Dib-u-eegista Dastuurka, Wadatashiga iyo u kuur gelidda xaaladaha siyaasadeed iyo dhaqan-dhaqaale ee Dowlad Goboleedyada, Dejinta Hannaan Awood-qaybsi oo ka dhexeeya Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka; hannaankaas oo ku salaysan is aaminaad iyo danta guud.
"Waxaa tihiin rajadii Soomaaliya ka saari lahayd jahwareerka siyaasadeed, waxaana la idinka fadhiyaa inaad dhidibada u aastaan dowladnimada, dalkana ka hirgelisaan dheeli-tir iyo xasillooni siyaasadeed."
"Waa in Labada Aqal ay ka wada shaqeeyaan sida danta qaranku ku jirto oo meel iska dhignaa danaha qofeed, kooxeed ama beeleed, waana inay ka odayeeyaan hannaanka Dib-u-eegista Dastuurka."
Madaxaweynaha ayaa kula dardaarmay labada Gole ee Baarlamaaka Jamhuuriyadda in ay xoojiyaan xiriirkooda, ayna adkeeyaan wada shaqaynta ka dhexeeysa labada gole sida ku cad Qodobka 56aad ee Dastuurka Kumeel Gaarka ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.comEmail: Ishabaydhaba@hotmail.com
storvideo: 

Sawirro:-Golaha Wasiirada Oo Ansixiyey Wax-Ka-Bedel...

$
0
0

Jul 13, 2017 -
Wasiirka Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa uga mahadceliyey Golaha Wasiirada oo maanta ansixiyey Wax-ka-bedel lagu sameeyey Xeerka Saxaafada Soomaaliyeed.
Wasiir Eng. Yarisow ayaa golaha wasiirada siiyey warbixin ku aadan marxaladaha uu soo maray Xeerka oo Baarlamaankii hore uu horey u ansixiyey bishii Diseember 2015.
Wasiir Eng. Yarisow ayaa yiri "Sababaha keenay in wax-ka bedel loogu sameeyo Xeerkan Saxaafada ayaa aheyd cabashooyin ka yimid suxufiyiinta Soomaaliyeed oo qodobo ka mid ah u baahdeen in wax laga bedelo sida qodobka 35aad oo sheegayey in suxufigu uu heystaa shahaado jaamicadeed ee suxufinimo. Sidaad daraadeed ayaan qodobkan wax uga bedelnay iyo sidoo kale qodobyo kale oo ka mid ahaa Xeerkan."
Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska ee Dowladda Federaalka ayaa wadatashiyo ballaaran la yeelatay Wasaaradaha Warfaafinta Dowlad-Goboleedyada, bahda warbaahinta Soomaaliyeed, Somali Media Support Group iyo dhammaan dadka ay khuseyso. Tanoo keentay in qodobada la isku raacay lagu bedelay kuwii cabashooyinka ka timid.
Xeerkan Saxaafada oo ay Golaha Wasiiradu ansixiyeen maanta ayaa loo gudbin doonaa Golaha Shacabka si ay waajibaadkooda dastuuriga ah uga gutaan.DHAMAAD
Sawirro
Nagala soo xiriir
storvideo: 

DHAGEYSO: Shabaab oo dilay saraakiil ka tirsan...

$
0
0

Jul 13, 2017 -
Ururka Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday laba sarkaal oo saarnaa Mooto, kuwaasi oo ka baxay degmada Xudur, kuna sii jeeday degaan duleedka ka ah degmadaasi.
Degaanka ay ku siijeedeen labadaasi sarkaal ayaa waxaa ku sugnaa Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed, balse iyaga oo aanan gaarin degaanka ayaa waxaa dhexda u galay Dagaalyahano ka tirsan Shabaab, sidaasina halkaasi loogu dilay.
Ciidamo gurmad ah oo ka baxay degmada Xudur, gaarayna goobta uu weerarka ka dhacay ayaa waxa ay wadaan Holwgallo lagu raadinayo raggii ka dambeeyay weerarkaais.
Wariyaha Badweyn ee degaanada Koonfur Galbeed Siid Cali Muuse Maxamed (Ateera) ayaa khadka telefoonka waxa uu ugu waramay Feysal C/laahi Maxamuud oo Badweyn.com ka tirsan.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Shirkii golaha wasiirrada Federaalka oo toddobkan...

$
0
0


Muqdisho (RBC Radio) Shirkii Golaha Wasiirada ee Xukuumada Dowlada Federaalka Soomaaliya oo uu shir-guddoominayey Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa lagu qabtay magaalada kismaayo iyadoo warbixin laga dhageystay Madaxweynaha Jubbaland, lagana soo saaray awaamiir dhanka amniga ah, laguna ansixiyey Sharciyada Waxbarashada Guud ee dalka iyo kan Saxaafada.
Ra'iisul Wasaaraha oo furay Shirka ayaa ka codsaday Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe inuu warbixin ku aadan xaalada guud ee Jubbaland ka siiyo Golaha Wasiirada. Madaxweynaha Jubbaland ayaa uga mahadceliyey Ra'iisul Wasaaraha iyo xukuumada tallaabada geesinimada leh oo ay shirkoodii caadiga ahaa ku qabsanayaan Kismaayo. Axmed Madoobe ayaa ka warbixiyey marxaladaha ay soo mareen Jubbaland iyo sida ay hay'adaha dowliga ah u dhiseen waxii caqabdo jireyna ay uga soo gudbeen, maantana ay ka fikirayaan sii horumarinta amniga, iyo u adeegista bulshada. Golaha Wasiirada ayaa warbixin kooban ka dhageystay hay'adaha amniga Jubbaland oo ka warbixiyey xaalada amniga, xogaha ay ka hayaan cadowga, qorsheyaasha u degsan ee la dagaalanka argagaxisada.
Wasiirka Amniga dalka Mudane Maxamed Abukar Islow (Ducaale) ayaa golaha siiyey warbixin ku aadan sidii amniga loo sii xoojin lahaa oo kooxaha argagaxisada ah cadaadiska ay ku hayaan bulshada looga joojin lahaa. Warbixin dheer ka dib golaha wasiiradu waxey go'aamiyeen in cid allaale iyo cidii lagu helo inay taageerto argagaxisada ha noqoto dhanka maaliyada, siyaasada iyo niyadaba in tallaabo sharci ah laga qaadi doono, haddana ay jiraan shaqsiyaad lagu raad joogo.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Eng. Yarisow ayaa Golaha horgeeyey Xeerka Saxaafada oo wax-ka-bedel lagu sameeyey qoddobo ka mid ah, kana warbixiyey xaaladaha uu soo maray iyo wadatashiyada ballaaran oo ay la yeesheen Dowlad Goboleedyada, suxufiyiinta Soomaaliyeed, bulshada rayidka ah, hay'adaha caalamiga ah sida SMSG, UNSOM, IMS/FOJO, iyo kuwo kale. Golaha Wasiirada ayaa ansixiyey Xeerka Saxaafada oo muhiimad gaar ah u leh suxufiyiinta Soomaaliyeed iyo hourmarinta warbaahinta dalka.
Wasiirka Waxbarashada Mudane Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan ayaa isagana golaha horkeenay Sharciga Waxbarashada Guud ee dalka oo ahmiyad gaar ah u leh horumarinta waxbarashada dalka. Golaha Wasiirada ayaa ansixiyey Sharciga Waxbarashada Guud.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Juxa ayaa golaha horkeenay Hindise Sharciyeedka Jinisyada kana warbixiyey muhiimada uu dalka u leeyahay, kana codsaday wasiirada inay soo akhristaan sharciga waxii tallooyin ahna ku soo biiriyaan si loo horkeeno shirarka danbe oo loo ansixiyo.
Wasiirka Cadaalada Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa golaha warbixin ka siiyey xaalada maxaabiista Soomaaliyeed ee dalalka dibeda ku xiran. Warbixintaas ka dib golaha wasiirada waxey isla garteen ahmiyada u adeegista muwaadiniinta Soomaaliyeed iyadoo la isla gartay in warbixin dhab ah laga keeno maxaabiista tiradooda guud iyo dalalka ay ku xiranyihiin si dalkooda loogu soo celiyo, iyadoo la illaalinayo karaamadooda iyo sharfkooda.
Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale maanta u codeeyey oo ansixiyey xaquuqda Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo go'aanka golaha wasiirada loo gudbin doono Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo si uu dekreeto uga soo saaro. Dastuurka ayaa u oggolaanaya in Madaxweynihii hore oo xilka si nabad ah ku wareejiyey uu yeelanayo xaquuq isaga iyo qoyskiisa ah.
Ugu danbeyntii Ra'iisul Wasaaraha ayaa sheegay ahmiyada doorashooyinka dalka 4ta sano ee soo socoto, kana codsaday wasiirada in la diyaariyo dhammaan qorsheyaasha lagu hubinayo in loo diyaar garoobo doorashooyinkaas. Ra'iisul Wasaaraha ayaa guddi heer wasiir ah u magacaabi doono dhowaan si loo dardargeliyo barnaamijka doorashooyinkooda.

storvideo: 

Al-Shabaab oo Dad ka Afduubtay Lamu

$
0
0

Koox hubeysan oo loo maleynayo Al-Shabab ayaa lagu soo warramayaa inay deegaanka Lamu ee dalka Kenya ku afduubteen dad Kenyan ah oo baabuur saarnaa.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live