Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Golaha Wasiirada SOMALIA oo Ansixiyay Xaquuqda Uu...

$
0
0

Jul 13, 2017 -
Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG,ka ah ee maamulka Jubbaland waxaa Maanta markii ugu horeysay ka furmay Shirkii Khamiislaha ahaa ee Golaha Wsiirada xukuumada Federaalka Soomaaliya waxaana Shir gudoomiyey ra'iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.
Kulanka Golaha Wasiirada ayaa waxaa lagu ansixiyay Sharciyo ay ka mid yihiin Xeerka Saxaafada oo isbedel lagu sameeyay sharciga Waxbarashada oo uu soo diyaariyay wasiirka Waxbarashada Soomaaliya .
Sidoo kale Qodobada Maanta shirka Golaha Wasiirada lagu ansixiyay ayaa waxaa ka mid ahaa Xaquuqda uu yeelanayo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud maadama markii ugu horeysay dowladda Soomaaliya ay xuquuq gaar ah u sameyn doonto madaxda dalka.
Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii dowladda Federaalka Soomaliya ee kan ka horeeyay ayaa ah Xildhibaan Sharafeed kamid ah Baarlamaanka Soomaaliya maadaama dastuurka uu qabo in Qofkii Madaxweyne horay uga soo noqda dowladda Federaalka uu waligiis ahaanayo Xildhibaan.
Nagala soo xiriir
storvideo: 


Al-Shabaab oo Dad ka Afduubtay Lamu

$
0
0

Koox hubeysan oo loo maleynayo Al-Shabab ayaa lagu soo warramayaa inay deegaanka Lamu ee dalka Kenya ku afduubteen dad Kenyan ah oo baabuur saarnaa.
Warbaahinta Kenya ayaa tabinaysa in dadka baabuurkaasi lagu afdubtay ay ku jiraan saraakiil sare sare oo dowladda Kenya ka tirsan.
Weerarkan ayaa imanaya ayada oo ciidamada Kenya ay Lamu iyo deegaanada ku dhow ka wadaan howlgal la sheegay in halkaas looga sifeynayo maleeshiyada Al-Shabaab.
Warkan kooban waxaa Garissa nooga soo diray Maxamed Faarax Shire.

Embed code
Copy and paste the embed code below.
The code has been copied to your clipboard.
0:01:37
0:00:00 /0:01:37
Direct link
Pop-out player
storvideo: 

Dhageyso:-Madaxweyne Cosoble”Ciidamada Hirshabeelle...

$
0
0

Jul 13, 2017 -
Waxaa Maanta Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaalada Baladweyne Xarunta Gobolka Hiiraan ka degay Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Cabdulaahi Cosoble.
Wafdiga ayaa waxaa qeyb ka ahaa Masuuliyiin ay ka mid yihiin Xildhibaano iyo Golaha Wasiirada Hir-Shabeelle,waxaana Garoonka Diyaaradaha ugaas Khaliif ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble qeybaha kala duwan ee Bulshada baladweyne
Cali Cabdullaahi Cosoble Madaxweynha dowlad goboleedka Hir-Shabeelle oo Saxaafada la hadlay ayaa sheegay in xiligaan wixii ka dambeeya Ciidamada maamulka hir-Shabeelle laga xukumi doono Magaalada Buula-Burde ee Gobolka Hiiraan halka mari hore laga kula xukumi jiray Magaalooyinka Dhuuso-Mareeb iyo Muqdisho sida uu hadalka u dhigay.
Lama oga waxa iskabedeli kara hadalka ka soo baxay madaxweynaha Maamulka hir-Shabeelle ee ku aadan in Ciidamada Hir-Shabeelle laga Xukumi doono degmada Buul-Burde ee Gobolka Hiiraan.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

DHAGAYSO: Kooxda Shabaab oo Dadkii Ugu Badnaa kasoo...

$
0
0

Jul 13, 2017 -
Koox hubeysan oo loo maleynayo Al-Shabab ayaa lagu soo warramayaa inay deegaanka Lamu ee dalka Kenya ku afduubteen dad Kenyan ah oo baabuur saarnaa.
Warbaahinta Kenya ayaa tabinaysa in dadka baabuurkaasi lagu afdubtay ay ku jiraan saraakiil sare sare oo dowladda Kenya ka tirsan.
Weerarkan ayaa imanaya ayada oo ciidamada Kenya ay Lamu iyo deegaanada ku dhow ka wadaan howlgal la sheegay in halkaas looga sifeynayo maleeshiyada Al-Shabaab.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Dhageyso: Puntland oo u Hanjabtay Galmudug, Dad...

$
0
0

Jul 13, 2017 -
Maamulka goboleedka Puntland ayaa ka hadlay dil duleedka magaalada Gaalkacyo loogu geystay labo qof oo shacab ah, xili ay kusii jeedeen deegaanka Bacaad Weyn.
Taliyaha ciidamada booliska gobolka Mudug ee Puntland Aadan Nuur Qaal ayaa sheegay in koox hubeysan oo gaarayay 14 qof ay Dileen labadaasi qof, isla markaana gubeen gaarigii ay ku socdeen.
Aadan Qaal ayaa sheegay in raggaasi ay markii falkaasi geysteen galeen dhinaca Galmudug, isla markaana maamulka jaarka ay yihiin ka war qabaan, wuxuuna ugu baaqay in ay kusoo wareejiyaan maadaama iyaga ay markii hore kusoo war geliyeen raggaasi oo jufo hoosaadkooda la yaqaan waa sida uu hadalka u yiri.
Taliye Qaal ayaa ku hanjabay haddii aan nabadda la ilaalin oo ay soo wareejin waayaan Galmudug in ay taasi carqaladeyneyso nabadda Mudug.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Sacuudiga oo ay u cuntami wayday heshiiska Qadar iyo Mareykanka

$
0
0

Afarta dal ee Carbeed ee xiriirka u jaray Qadar ayaa sheegay in xayiraadda dalkaasi ay sii socon doonto maadaama bay dhaheen aan dalkaasi 'la aamini karin'.

Xuquuqda gaarka oo yeelanaayo MD Xasan Sheekh oo...

$
0
0

Jul 13, 2017 -
Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay xuquuq gaar ah oo uu yeelanayo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Dastuurka ayaa u oggolaanaya in Madaxweynihii hore oo xilka si nabad ah ku wareejiyey uu yeelanayo xaquuq isaga iyo qoyskiisa ah.
Madaxweynihii hore Xasan Sheekh ayaa miisaaniyad gaar ah dalka ku yeelan doona, isaga xaasaskiisa, carruurtiisa aan Qaan gaarin, shaqaalihiisa sare, shaqaale hoosaadkiisa, gaadiidkiisa iyo Tikidkiisa diyaaradeed ee safaradiisa shaqo.
Sidoo kale xuquuqdiisa gaarka ah ayaa waxaa qeyb ka ah mushaarka Hal urur oo ciidan ilaaladiisa gaarka noqonaya.
Qodobka 64aad ee Dastuurka ayaa qeexaya in Madaxweynihii waqtigiisa dhameystay oo xilka si nabad ku wareejiyo inuu yeelanayo xuquuq gaar ah.
Arrintan ayaa timid kaddib markii intii uu Madaxweynaha uu ka ahaa dalka is bedel lagu sameeyay Dastuurkii qabyada.
Xasan Sheekh iyo qoyskiisa ayaa hada deegaan ku leh dalka Turkiga, halkaasoo uu aaday dhowr bilood ka hor, kaddib markii uu xilka ku wareejiyay Madaxweyne Farmaajo.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la filayaa in sharcigan qeexaya xuquuqda gaarka ah ee Madaxweynihii hore Xasan Sheekh uu ku soo saaro digreeto rasmi ah, si uu dhaqan gal u noqdo.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Madaxweynaha Puntland oo magacaabay guddiga soo...

$
0
0

Garowe-(RBC Radio)-Shirkii Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa looga hadlay arrimaha kala ah Amniga dalka, Safarkii Madaxweynaha ee Muqdisho, Soo dhaweynta Madaxweynaha Dawladda Federaalka, U-diyaar garowga 1-da August, Xaaladda Abaaraha, Bixinta Canshuuraha iyo warbiximo.

storvideo: 


Shirka golaha wasiirada oo lagu qabtay Kismaayo...

$
0
0

Kn: Golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya oo maanta kulankoodii todobaadlaha ahaa ku yeeshay magaalada Kismaayo ayaa waxa ay ka doodeen qodobo dhowr ah, ayadoo sidoo kale la ansixiyay xeerar ay soo gudbiyeen qaar kamid ah xubnaha golaha wasiirada Soomaaliya.
Furitaanka kulanka ayaa waxaa khudbad ku saabsan xaaladaha guud ee Jubaland, horumarrada la gaaray iyo caqabadaha jira ka aqriyay madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Max'ed Islaam, isagoo dhinaca kale sheegay in ay ku faraxsanyihiin in golaha xukuumadda Soomaaliya ay ku shiraan Kismaayo.
Taliyaha nabadsugidda Jubaland Mudane Sahal C/laahi Cali ayaa madasha ka aqriyay warbixin ku saabsan xaaladaha guud ee dhinaca amniga ee Jubaland, iyo siyaabaha ay uga hortagaan kooxaha kasoo horjeeda dowladda.
Intaa kadib ayay golaha wasiirada oo uu shir gudoominayay raysul wasaaraha dalka Mudane Xasan Cali Khayre waxa ay galeen shir ay saxaafaddu dibad joog ka ahayd, kaa oo qaatay saacado badan.
Shirka markii uu soo idlaaday waxaa warbaahinta u aqriyay wasiirka wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Eng. C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow.
Qodobada ugu muhiimsan ee uu sheegay in shirka looga hadlay waxaa kamid ahaa;
* In wasiirka wasaaradda boostada iyo isgaarsiinta Soomaaliya uu goluhu ka hor aqriyay warbixin ku saabsan adeegga internetka ee maqan, waxa uu sheegay in maalmaha nagu soo fool leh lagu guuleysan doono cillad bixinta, oo haatan ay dowladdu wado qorshe dib loogu howlgelinayo adeeggii Internetka.
* Waxa uu sheegay in goluhu meelmariyay meelmariyay sharciga waxbarashada dalka iyo dib u eegista xeerka saxaafadda Soomaaliya
* Wasiirka wasaaradda cadaaladda Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayuu sheegay in kulanka goluhu ka aqriyay warbixin ku saabsan maxaabiista ku xiran dalka dibaddiisa, isagoo soo jeediyay in la sameeyo gudi arimahaasi dabagal ku sameeya.
Raysul wasaaraha iyo xubnaha golaha wasiirada ayaa la filayaa in ay sii joogaan Kismaayo, ayadoo raysul wasaaruhu inta uu joogo uu kulamo la qaadan doono ururrada bulshada rayidka ah ee Jubaland. Waxaa sidoo kale lagu wadaa caawa in loo qabto xaflad lagu soo dhaweeynayo golaha wasiirada Soomaaliya.
KismaayoNews.com
storvideo: 

Dhageyso:-Xukun Lagu Riday Rag Uu Ku Jiro Nin...

$
0
0

Jul 13, 2017 -
Maxkamada Gobolka Sanaag ayaa Maanta xukuno isugu jira dil Xabsi iyo Qaan Waxa ay ku riday 6 Nin oo mudo badan lagu hayay Xabsiyo ku yaala deegaanada Gar-adag iyo Ceel-Afweyn ee Galbeedka Gobolka Sanaag kuwaas oo ahaa Xukun Sugayaal.
Cali Sidiiq faarax Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Sanaag ayaa ku dhawaaqay Xukunka lagu riday,ragaas oo lagu kala eedeynayo falal ay ka mid yihiin Kufsi iyo arinta layaabka leh ee ah in Nin inuu aabihiis dilay islamarkaana gowracay.
Buraale Salaad Ducale ayaa ah Ninka dilay Aabihiisa,waxana Maxkamadu ay ku xukuntay dil toogasho ah.
Mid ka mid ah raga wax kufsaday ayaa lagu xukumay 5 ano oo axriga ah iyo (laba Kun) oo Dollar.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Xulufada Sacuudiga oo ka Carooday Heshiis a Wada...

$
0
0

Jul 13, 2017 -
Dowlada Sacuudiga iyo dowladaha kale ee xulufada la ah dhawaan shaaciyay in a xariirka u jareen dalka Qadar ayaa si weyn uga caroday heshiis dhawaan magaalada Doha ku kala saxiixdeen dowladaha Mareykanka iyo Qadar.
Dowladaha Qadar iyo Marekanka ayaa sheegay in ay ku heshiiyeen ka hortaga maalgalinta kooxaha loogu yeero argagaxisa, waxa ayna labadan dowladood isku raaceyn in aan la maal galin lalana dagaalamo kooxaha xagjirka sida Kooxda Daacish.
Sacuudiga iyo dalalka kale ee xariirka u jaray dowlada Qadar ayaa sheegay in uusan u cuntameyn heshiiskii lagu gaaray magaalada Doha, waxa ayna tilmaameen in Qadar aan la aamini Karin marar horana u jabisay heshiisyo la gaaray.
Xoghaaha Arimaha Dibada dalka Mareykanka ayaa sheegay in heshiiska uu dalkiisa la saxiixday dalka Qadar uu saameyn ku yeelan doono maalgelinta kooxaha argagixisada ah, korna uu u qaadi doono dagaalka ka dhanka ah kooxahaasi.
Dowladaha kasoo horjeeda dalka Qadar ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan cunaqabteynta ay kusoo rogeen dalka, waxa ayna ku eedeeyeen Dowlada Qadar in ay maal galiso xariirna kala dhaxeeyo kooxaha argagaxisada ah.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Guddoonka baarlamaanka oo ka damqaday ‘dacaayada’...

$
0
0

Kn: Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay in la sharciga lala tiigsan doono cid kasta oo warar been abuur ah iyo dacaayad ka faafisa sida uu hadalka u dhigay xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in hadda kaddib aysan aqbali doonin in la iska dacaayadeeyo xildhibaanada Qaranka ama laga sheego warar aan munaasabad ku aheyn.
Waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in cadaalada laga wada shaqeeyo oo si isku mid ah ah loo dacweeyo loona ganaaxo mas'uuliyiinta dowladda iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed hadii ay dambi ka galaan xildhibaanada Qaranka.
Guddoomiye ku-xigeenka ayaa intaa ku darray in ay jiraan qaladaad waaweyn maalin kasta ay galaan dadka balse aan lagu ciqaabin, waxaa uu xusay in ay ku dadaalayaan sidii loo ciqaabi lahaa dadka mar walbo dacaayadaha ka faafiya xildhibaanada baarlamaanka.
Sidoo kale guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka fogaadaan in ay qalad toos ah ka galaan xildhibaanada Qaranka oo ay warar been abuur ah ka sheegaan.
Hadalka ayaa imanaya xili dhawaan xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ka carroodeen hadal uu jeediyay Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo munaasabad ka sheegay in ay guryahooda ku weerari doonaan xildhibaannada la sheegay in ay wadaan mooshinka ka dhanka ah xukuumada federaalka.
KismaayoNews.com
storvideo: 

US, Somalia forces raid al-Shabab, kill several:...

$
0
0

United States and Somali military forces raided a rebel-held village in southern Somalia and killed several al-Shabab fighters early Thursday, a senior Somali intelligence official said, as both countries step up efforts against Africa's deadliest Islamic extremist group.
Somali commandos accompanied by U.S. forces in two helicopters raided two locations, the official said. They included a detention center run by al-Shabab in Kunya-Barrow village in Lower Shabelle region, and an unknown number of detainees were freed.
Troops engaged a small number of extremist fighters, said the official, who spoke on condition of anonymity because he was not authorized to speak to the press.
There was no immediate comment from the U.S. Africa Command.
The al-Qaida-linked Al-Shabab said via its Andalus radio arm that its fighters foiled an attempted raid by U.S. and African forces.
Earlier this month, the U.S. military said it carried out an airstrike against al-Shabab in Somalia and was assessing the results. The airstrike followed another last month that the U.S. said killed eight extremists at a rebel command and logistics camp in the country's south. Somalia President Mohamed Abdullahi Mohamed said a training camp near Sakow in the Middle Juba region had been destroyed.
President Donald Trump has approved expanded military operations against al-Shabab, including more aggressive airstrikes and considering parts of southern Somalia areas of active hostilities. The U.S. in April announced it was sending dozens of regular troops in the largest such deployment to Somalia in roughly two decades, saying it was for logistics training of the country's army.
The Horn of Africa nation is trying to rebuild after more than two decades as a failed state, and its chaos helped in al-Shabab's rise. Now a new threat has emerged in the country's north with some fighters claiming alliance to the Islamic State group.
Al-Shabab last year became Africa's deadliest Islamic extremist group, with more than 4,200 people killed in 2016, according to the Pentagon-supported Africa Center for Strategic Studies. The extremist group has vowed to step up attacks against the recently elected government and has carried out numerous deadly attacks in the capital, Mogadishu.
Pressure is growing on Somalia's military to assume full responsibility for the country's security. The 22,000-strong African Union multinational force, AMISOM, which has been supporting the fragile central government, plans to start withdrawing in 2018 and leave by the end of 2020.
The U.S. military has been among those expressing concern that Somalia's forces are not yet ready.
Sources: AP

storvideo: 

SAWIRRO: Golaha Amaanka Midowga Afrika oo Go’aan deg...

$
0
0

Jul 13, 2017 -
Golaha ammaanka Midowga Afrika ayaa kulan ku saabsan dib u eegista howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ku yeeshay xaruntooda magaalada Adis ababa dalka Itoobiya.
Shirka waxaa ka qeyb galay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Francis Madeira, madxa Guddiga Ammaanka Midowga Afrika, waxaana lagu bogaadiyay howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.
Madaxa Golaha Ammaanka Midowga Afrika iyo Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa soo jeediyay in Midowga Afrika uu dejiyo qorshe si tartiib ah ciidamada AMISOM uga baxayaan Soomaaliya iyadoo aanay ka dhalan marnaansho dhinaca nabadgelyada ah.
Golaha Ammaanka Midowga Afrika ayaa shirkii ku saabsan Soomaaliya waxaa dib loogu eegayay howlgalka AMISOM ee 10 sano jirsaday iyo waxyaabihii laga bartay, iyadoo uu socdo qiimeynta qaabka AMISOM uga baxeyso Soomaaliya.

Nagala soo xiriir
storvideo: 

Muqdisho oo Caawa Jawi Cusub ku jirta & Ciidamada...

$
0
0

Jul 13, 2017 -
Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamada xasilinta ay howlgal xoog leh ka wadaan caawa xaafado ka tirsan degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.
Howlgalka oo ay ka qeyb qaadanayaan ciidamo fara badan ayaa ka socda xaafadaha Juungal, xaafadda Towfiiq, Silliga, Ceymiska iyo Fagax, waxaana la sheegay in ciidamada ay galayaan guryaha iyagoo si adag u baaraya.
Dadka degaanka ayaa sheegay in ciidamada ay fiidnimo xireen xaafadaha isla markaana ay ururinayaan dhalinyarada, iyadoo guri guri u gelaya xaafadaha howlgalku ka socdo.
Howlgalkan ayaa imaanaya iyadoo maalmihii ugu danbeeyay ay falal khaarijin ah iyo ammaandarro ka dhaceen magaalada Muqdisho.
Nagala soo xiriir
storvideo: 


Soomaalida qaadatay masiixiyada waxaa naloogu...

$
0
0

Jul 13, 2017 -
Sida uu maanta soo daabacay wargeyska inta badan u janjeera diinta masiixiyada ee Dagen.se dalka Sweden, soomaalida qaadatay diinta masiixiyada ee kunool dalka Sweden ayaa sheegay inay si maalinle ah ula kulmaan hanjabaado ku wajahn naftooda, isla markaana loogu hanjabayo dil. Hanjabaadahaas oo ay kala kulmaan soomaalida kale ee kunool isla dalkaas Sweden.
Mona Walter, Shiine iyo Shania Gaabow oo intuba ah qaar kamid ah soomaalida qaadatay diinta masiixiyada, ayaa sheegay inay helaan fariimo hanjabaad dil ah. Halka qaarkoodna baraha bulshada iyo barta Youtube-ka lagu faafiyay muuqaalo lagu caayayo, isla markaana loogu hanjabayo.
Wargeyska Dagen ayaa sidoo kale qorayo dhacdooyin qaar ay la kulmeen soomaalida masiixiyiinta ah ee kunool dalka Sweden, kuwaas oo qaarkood loogu hanjabayo dil iyaga iyo waliba qoysaskoodaba.
Hanjabaadahan ayay sheegeen inay kala kulmaan qaar kamid ah soomaalida Sweden iyo wadamada kale ee Yurub. Halka qaarna ay hanjabaado kala kulmaan qoysaskooda.
XIGASHO http://www.dagen.se/kristna-somalier-i-sverige-dodshotas-efter-att-ha-ha...
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Maxaa iska badalay waqtiga shaqada ee Xafiiska...

$
0
0

Jul 13, 2017 -
Tan iyo markii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu xilka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir u magacaabay Thaabit Cabdi Maxamed waxaa isbadal weyn ku imaaday waqtiga shaqada ee xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Sida laga war qabo guddoomiyayaashii hore ee Gobolka Banaadir ma laheyn jadwal shaqo oo joogto ah, mana jirin waqti cayiman oo guddoomiyaha Gobolka laga helayo xafiiskiisa, balse tan iyo markii Thaabit loo dhiibay xilkaas, waxaa fududaatay shaqooyinkii Gobolka Banaadir wuxuuna guddoomiyaha xafiiskiisa usoo fadhiistay si joogt ah.
Guddoomiye Thaabit ayaa xafiiskiisa soo fadhiisto 8:00 Subaxnimo Xilliga Muqdisho, wuxuuna fadhiyaa ilaa 5:00 Galabnimo, wuxuuna intaas xafiiskiisa ku qaabilaa dad badan oo adeegyo uga baahan Gobolka taasoo muujineyso inuu guddoomiyaha yahay nin u diyaarsan inuu si wanaagsan u guto waajibkiisa.
Sida uu noo xaqiijiyey shaqaalo ka tirsan Gobolka Banaadir oo xafiiskaas ka shaqeenayey muddoo toban sano, guddoomiye Thaabit ayaa inta badan la arkaa isagoo shaqeenayo xilliyada habeenkii ilaa afar saac habeenimo taasoo noqotay arrinta ugu muhiimsan ee uu Thaabit kaga duwanaaday Guddoomiyayaashii hore.
Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa shaqaalaha Gobolka Banaadir ku amray inay waqtiga shaqada ilaaliyaan isla markaasna si wanaagsan loogu adeego muwaadiniinta documents-ka uga baahdo Gobolka Banaadir, waxaana markii hore jirtay xilliyadii guddoomiyayaashii hore cabaqad kasoo wajaheyso shacabka xafiisyada Gobolka Banaadir.
Guddoomiye Thaabit ayaa laga rajeenayaa inuu si dardar geliyo shaqadiisa, waxayna dadka falanqeeyo siyaasadda aaminsan yihiin inuu Thaabit noqon doono guddoomiyihii ugu waxqabadka fiicnaa dhammaan guddoomiyayaashii soo maray Gobolka Banaadir tan iyo burburkii.
Dhanka Kale guddoomiyaha ayaa ka shaqeeyey in la fududeeyo qaadashada waraaqaha dhashada iyo kuwa sugnaanta, iyadoo ay xusid mudan tahay inuu guddoomiyaha meesha ka saaray laaluushkii markii hore laga qaadan jiray muwaadiniinta Soomaaliya.
Ugu dambeyntii Guddoomiye Thaabit ayaa ka shaqeeyey in dadka doonayo dhalashooyinka iyo sugnaanto loo kala hormariyo sida ay usoo kala horeeyaan halka markii hore loo kala hormarin jiray sida ay u kala laaluush badan yihiin.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Daawo:Shacabka Jubbaland oo munaasabad ku muujiyay...

$
0
0

Jul 13, 2017 -
Munaasabad lagu soo dhaweynaayo golaha wasiirada federaalka dalka soomaaliya oo shirkoodii ugu horeeye maanta ku qabsaday magaalada kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka jubbaland.
Shacab aad u farabadan iyo masuuliyiinta maamulkaas ayaa soo buux dhaafiyay goobta munaasabada kadhacday waxaana hadalo kala duwan kajeediyay masuuliyiintii halkaas kusugneyd oo Axmed madoobe ugu horeeye.
Bulashadii halkaas ka hadashay iyo masuuliyiinta ayaa aad usoo dhaweeyay kulanka golaha wasiirada Federaalka lagu qabtay magaalada kismaayo waxaana ay sheegeyn in ahmiyad gaar ah uleeyahay arintaasi.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Daawo:Wiil naafo ah oo mucjisada kubada cagta...

$
0
0

Jul 13, 2017 -
Wiil dhalinyaro ah oo naafo ka ah lugaha kadib markii ay ku dhacday cudurka loo yaqaano boolyada ayaa haatan kayaabshay warbaahinta soomaalida gaar ahaan kuwa la iska arko.
Wiilkan oo kusugan - dalka soomaaliya ayaa kubada cagta dheela ayadoo badalkii lugahiisa ku dheela gacmaha kana mid ah cyaar yahaada ugu jecelyiihiin kooxaha kadhisan degmadiisa.
Qaar katirsan laabiciinta ka bar bar ciyaarta wiilkan kubada sida weyn ugu ciyaaro gacmaha aya sheegeyn in kalsooni badan ku qabaan mararka qaar oga ficanyahay ciyaar yahanada ku ciyaara lugahooda.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Soo Dhaween loo Sameeyey Ra’iisal Wasaaraha iyo...

$
0
0

14th July 2017 admin Category :
Ra'iisal Wasaaraha DF ee Soomaaliya oo ay weheliyaan golaha wasiirada ayaa loo sameeyey soo dhaween taas oo ay ka soo qeeyb galleen qeeybaha kalla duggan ee bulshada. Ineey dawladda ku shirto magaalada Kismaayo, waxaa soo dhaweeyey bulshada Soomaaliyeed oo u arka in dalka la wada leeyahay, dawladduna ay ku shiri karto meel kasta oo dalka Soomaaliya ka mid ah. Hase ahaatee, waxaa talaabadan ka soo hor jeeda kuwa aan aragtida fog laheen ee leh caasimadii ayaa la qaaday.
[embedded content]
Allsanaag.com
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live