Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Dagaal ooge Culusoow oo xaquuq uuna mudnayn la siiyey

0
0

14th July 2017 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

Shirka Kismaayo lagu qabtay xitaa ma ahayn in Xasan Culusoow la soo hadla qaado, iska daa in la siiyo xaquuq uu gaar ah oo la leeyahay
Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay xuquuq gaar ah oo uu yeelanayo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Culusoow .
[embedded content]
Dastuurka ayaa u oggolaanaya in Madaxweynihii hore oo xilka si nabad ah ku wareejiye y uu yeelanayo xaquuq isaga iyo qoyskiisa ah.
Madaxweynihii hore Xasan Culusoow ayaa miisaaniyad gaar ah dalka ku yeelan doona, isaga xaasaskiisa, carruurtiisa aan Qaan gaarin, shaqaalihiisa sare, shaqaale hoosaadkiisa, gaadiidkiisa iyo Tikidkiisa diyaaradeed ee safaradiisa shaqo.
Sidoo kale xuquuqdiisa gaarka ah ayaa waxaa qeyb ka ah mushaarka Hal urur oo ciidan ilaaladiisa gaarka noqonaya.
Qodobka 64aad ee Dastuurka ayaa qeexaya in Madaxweynihii waqtigiisa dhameystay oo xilka si nabad ku wareejiyo inuu yeelanayo xuquuq gaar ah.
Xasan Culusoow iyo qoyskiisa ayaa hada deegaan ku leh dalka Turkiga, halkaasoo uu aaday dhowr bilood ka hor, kaddib markii uu xilka ku wareejiyay Madaxweyne Farmaajo.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la filayaa in sharcigan qeexaya xuquuqda gaarka ah ee Madaxweynihii hore Xasan Culusoow uu ku soo saaro digreeto rasmi ah, si uu dhaqan gal u noqdo.
Post navigation
- Soo Dhaween loo Sameeyey Ra'iisal Wasaaraha iyo Wafdigiisa Kheyrre oo wehliyo Axmed oo kulan la qaatay qaybaha kala duwan ee Bulshada Kismaayo -
storvideo: 


Israa’iil oo baajisay salaaddii Jimcaha ee lagu...

0
0

Booliiska Israa'iil ayaa dilay saddex nin oo rasaas ku furay askar ku sugnayd magaaladaa Qudus.
Booliiska ayaa sheegay in ay dhaawacmeen saddex askari oo booliis ah, labo ka mid ahna uu dhaawacoodu halis yahay.
Warbaahinta Israa'iil waxay sheegtay in toogashadaasi ay ka dhacday qaybta qadiimiga ah ee magaalada oo u dhaw masaajidka barakaysan ee Al Aqsa oo ay Yuhuudduna u taqaanno Temple Mount.
Booliiska Israa'iil ayaa hadda aagaas xiray dadkana ka daadgureeyay.
Salaaddii Jimcaha ee lagu tukan lahaa masaajidka Al Aqsa ayaa la baajiyay markii u horaysay muddo sannado ah.=
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Bethuel Kiplagat oo geeriyooday

0
0

Bethuel Kiplagat wuxuu qayb muhiim ah ka soo qaatay wadahadallo nabadeed oo qaar ka mid ah dalalka gobolka lagu heshiisiinayey. Wuxuu Kenya ugu xil saarnaa hanaankii nabadda ee Soomaaliya ee socday 2003 - 2005.

Jerusalem: Weerar Lagu Dilay Laba Qof

0
0

Afhayeen u hadlay booliiska Israel ayaa sheegay in saddex qof oo ku hubeysan qoryaha darandooriga u dhaca ay rasaas ku fureen boolis ku sugnaa magaalada qadiimiga ah ee Jerusalem, halkaasi oo laba qof ay ku dileen, dhowr kalena ay ku dhaawaceen.

Bethuel Kiplagat oo geeriyooday

0
0

Bethuel Kiplagat wuxuu qayb muhiim ah ka soo qaatay wadahadallo nabadeed oo qaar ka mid ah dalalka gobolka lagu heshiisiinayey.
Wuxuu Kenya ugu xil saarnaa hanaankii nabadda ee Soomaaliya ee socday 2003 - 2005.
Wuxuu kaloo ahaa guddoomiyaha guddiga farsamada IGAD u qaabilsanaa shirka dib u heshiisiinta Soomaalida.
Danjire Kiplagat wuxuu door muhiim ah ka cayaaray wada xaajoodyadii nabadda ee dhex maray madaxweynaha Sudan Cumar Al Bashiir iyo hogaamiyihii fallaagada John Garang.
2009 - 2010 wuxuu noqday guddoomiyaha guddiga runta, cadaaladda iyo dib u heshiisiinta ee Kenya, xilkaas oo uu iska casilay markii lagu sameeyey baaritaanno ku lug leh eedeymo la xiriira tacaddiyo xuquuqda aadanaha ah, gaar ahaan kaalin inuu ku lahaa xasuuqii Wagalla ee 1984, kaasoo boqollaal qof lagu dilay markii milateriga oo ugaarsanaya miliishiyo la oran jiray Shifta ay hawlgal ka sameeyeen waqooyiga Kenya.
Bethuel Kiplagat wuxuu dhintay isagoo 81 jir ah.
storvideo: 

Jerusalem: Weerar Lagu Dilay Laba Qof

0
0

Afhayeen u hadlay booliiska Israel ayaa sheegay in saddex qof oo ku hubeysan qoryaha darandooriga u dhaca ay rasaas ku fureen boolis ku sugnaa magaalada qadiimiga ah ee Jerusalem, halkaasi oo laba qof ay ku dileen, dhowr kalena ay ku dhaawaceen.
Mickey Rosenfeld ayaa sheegay in kooxda weerarka soo qaaday ay isku dayeen sidoo kale inay dad mindiyeeyaan ka hor inta aysan u cararin dhinaca masjidka barakeysan ee Al-Aqsa.
"Booliiska ayaa kadib ceersaday dadkaasi, dhammaantoodna waa la dilay" ayuu yiri afhayeenka.
Booliiska Israel ayaa sheegay in salaadda Jimcaha aan maanta lagu tukan doonin masjidka barakeysan kadib weerarkan dhacay.
Weli lama baahin wax akhbaaraad ah oo ku saabsan aqoonsiga saddexda qof ee weerarka fulisay.
storvideo: 

Xayiraadda Trump: Xaakim ballaariyay sharaxaadda qaraabo dhaw

0
0

Waaliddiinta sida awawga, ayayda iyo qaraabada kale ee ay leeyihiin dadka ku nool dalka Maraykanka ayaan laga hor istaagi karin socdaalka iyaga oo loo cuskanayo amarkii madaxweyne Trump, sida uu go'aamiyay xaakim Maraykan ah.

Yariisoow VS Jees

0
0

14th July 2017 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

Daawo dood dhex martay labo ka mid ah qabqablayaashii Muqdisho oo maanta ka wada doodaya Mooryaanimo ma xun tahay. Xildhibaan Yariisoow wasiir Yariisoow ayaa ka wada doodaaya Nooryaanta Muqdisho ku sugan
[embedded content]
storvideo: 


Xayiraadda Trump: Xaakim ballaariyay sharaxaadda...

0
0

Waaliddiinta sida awawga, ayayda iyo qaraabada kale ee ay leeyihiin dadka ku nool dalka Maraykanka ayaan laga hor istaagi karin socdaalka iyaga oo loo cuskanayo amarkii madaxweyne Trump, sida uu go'aamiyay xaakim Maraykan ah.
Amarkan uu bixiyay xaakim Derrick Watson oo ku sugan gobolka Hawaii ayaa dharbaaxo kale oo dhanka qawaaniinka ah ku ah qorshihii uu madaxweynaha Donald Trump ku bartilmaameedsanayay dadka Soogalootiga ah.
Xaakimkan ayaa sheegay in mamnuucitaanku uu si yar fasiraad uga bixiyay go'aankii maxkamadda.
Go'aan ay maxkamad gaartay bishii hore ayaa qayb ahaan soo celiyay xayiraaddii uu Trump saaray dadka ka soo safraya lix dal oo ay muslimiintu u badan yihiin.
Maxkamadda ayaa sheegtay in safarka loo ogolaado in ay Maraykanka soo galaan dadka "qaraaabada dhaw" ku leh.
Laakiin maamulka Trump ayaa go'aamiyay in aan qaraabada dhaw lagu darin awoowga, ayeeyda, dumaashiga, dumaashida, adeerka, abtiga, habaryarta, caruurta ay walaaladaa dhaleen iyo ilmo adeerrada.
Xaakimkan ayaa cambaareeyay sharaxaadda ay dawladdu ka bixisay qaraabada dhaw isaga oo sheegay in awawga iyo ayaydu yihiin qaraabo aad u dhaw.
Maxkamadda ugu saraysa ee dalka Maraykanka ayaa wali ka baaraan dagaysa isku daygii uu madaxweyne Trump ku doonayay in uu Maraykanka kaga mamnuuco dadka u dhashay Liibiya, Soomaaliya, Iiraan, Suudaan, Suuriya iyo Yemen.
Waaxyaha cadaaladda ayaa si ku meelgaar ah u hirgaliyay xayiraaddii Trump bishii May.
Trump ayaa sheegay in xayiraaddaasi ay ammaan u horseedi doonto bulshada ayna ka hortag u noqon doonto falalka argagixisada.
storvideo: 

Wasiir hore oo Ka yaabsaday Xukumadda RW Kheyre:...

0
0

Jul 14, 2017 -
Xildhibaan Cabdi Khadir Xaashi oo sidoo kale xilal kasoo qabtay dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inuu aad uga naxay talaabadii ay dowladda Soomaaliya u go'aamisay in shirkii Golaha Wasiirada loo raro magaaladda Kismaayo.
Maqaal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu uga hadlay waxyaabo ay aheyd iney dowladdu ka fiirsato kahor inta aysan go'aan gaarin.
Sidoo kale, Waxaa uu sheegay inuu la yaabay in xukumadda dhamaantood ay hal mar diyaarad wada raacdo taas oo uu sheegay iney ka dhalan kartay dhibaato weyn.
Waxaa kale oo uu taabtay dhaqaalihii badnaa ee dowladda uga baxay shirkaas Kismaayo ka dhacay isagoo tilmaamay in umadda Soomaaliyeed ee abaaruhu haystaan wax loogu qaban jiray.
Hoos ka Akhri Warbixinta Xildhibaanka
Waxaa maanta (13-7-2017) magaala xeebeedka Kismaayo oo caasimadda ku-meel-gaarkaa u ah Dawlad-Goboleedka Jubbaland ku qabsoomay shirkii caadiga ee Golaha Wasiirada Dalka. Arrintaan, waxaa loola jeedi karaa siyaaba badan oo ay ka mid yihiin sida RW Khayre sheegay u kuur gelidda duruufaha ka jira maamulada dalka.
Waxaa is weydiin mudan su'aalaha soo soda:
1- Amni iyo dhaqaale ahaan ba tee fudud in RW ama Ku-xigeenka RW, ama Wasiir ama dhawr wasiir tagaan Magaala madaxyada dawladaha ka trisan DFS iyo la raro Golaha wasiirada oo hadda dhan 69 xubnood oo ay weheliyaan ugu yaraan 30meeyo hawl wadeeno ka ah Xafiisyda dawladda?
2- Allah naguma keenee haddii shil yimaado, yaa dalka maamulaya? Waxaan si weyn ula yaabay in RWhii iyo RW xigeenkii is raaceen.
3- Dhaqaalaha faraha badan oo hadba loogu rarayo Golaha Wasiirada xarumaha Dawlad-Goboleedyada halkee ka imanayaa? Ma lagu qasban yahay gaarahaan markaan ognahay in Madaxweynayaashii Dawladaha ka tirsan DFS ay hadda Muqdishu ku dhamaysteen shirkii u dambeeyey, duruufaha amniga, dhaqaalaha, iyo arrimaha bulshada oo ka jira deegaanada ay ka taliyaana ay iyagu hadda u yimaadeen caasimadda inay kala xaajoodaan madaxda dalka oo Madaxweynaha, RW, RWKX, iyo Golaha Wasiiradu ugu horreeyaan?
4- Midda u dambaysa, ma laga fakarey in ay dhici karto in rajada ka abuuranta siyaarooyinkaan (high expectations) in la dabooli waayo oo ay ka daroo dibi dhal noqoto?
Qoraalkaan ma aha mid aan mu mucaaradayo fakarka iyo xukuumadda toona. Waa keliya oo bayaanin waxa ka dhalan kara in lagu dhaqaaqo falal caadifadeed aan wax soo kordhineyn, laga maarmo, aan hadhowna la fulin karin rajada ay ku abuuraan dadka baahan oo samirka weheshan jirey.
Waxaan arkay in wafdigu Kismayo Ku tageen diyaaradda AfricaExpress oo ah diyaarad gaar loo leeyahay kharajna ku baxayo. Dhaqaalahaas budget ka ama miisaaniyadda halkee uga jiraa? Anigu afar sano iyo afar bilood ayaan ka mid ahaa Guddiga Golaha Shacabka u qaabilsan samaynta iyo daba-galka miisaaniyadda mana ku ogi (Line item) ama qoondeyn ku aaddan safarka Golaha Wasiirada.
Waxaa xusid mudan in ay dhawaan xukuumaddu ummadda soomaaliyeed u soo bandhigtay mashruucii yaabka lahaa ee ahaa in qaaraan lagu dhiso ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Haddaba, miyaanay haboonayn in ay iyadu guntiga dhiisha ka dhigato oo iska bilawdo maamul wanaagga iyo xakamaynta kharajka? Aragti ahaan, ciidanka soomaaliyeed wuxuu u baahan yahay miisaaniyad xooggan oo la isku hallayn karo, dawladnimaduna waa in si cilmi ah taas lagu keeno. Waa bahdila in loo qaaraanto Xoogga Dalka.
Xukuumadda RW Khayre waa cusub tahay mana mudna in hadda wax mucaarad u eg ama loo qaadan karo loo muujiyo hayeeshee waxaa ah mas'uuliyad xumo in wiixii sixitaan ah lagala bakhaylo, ama gabbado hadba sida duruuftu tahay ayadoo la eegayo. Dalka waxaan ugu hiillinaynaa sixitaanka wixii qaldan.
Allaa Mahad Leh!
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Kismaayo: Ra’iisul wasaare Kheyre oo dhagax dhigay...

0
0

Ra'iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa gelinkii dambe ee shalay dhagax dhigay dhismayaal lagu wado in laga hirgeliyo magaalada Kismaayo ee xarunta KMG Jubbaland.
Dhimmayaasha uu dhagax dhigay Ra'iisul wasaare Kheyre ayaa yeelan doona Wasaaradaha Federaalka ee Beeraha, Kalluumeysiga iyo Xannaanada Xoolaha.
Ra'iisul wasaare Kheyre ayaa waxaa dhagax dhiga ku wehlinayay masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Maaliyadda, C/raxmaan Ducaale Bayle, madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo xubno kale oo ka tirsan Golaha Wasiirada Xukuumadda iyo kuwa Jubbaland.
Bulshada reer Kismaayo ayaa si weyn u soo dhaweysay booqashada ay magaalada ku jooggan Ra'iisul wasaare Xasan Cali Khayre iyo Xukuumadiisa oo shalay shirkoodii ugu horeeyay ku yeeshay magaaladaas.
Ra'iisul wasaare Khayre ayaa shirka uga qabsoomay Kismaayo ku macneeyay mid lagu xoojinayo wada shaqaynta iyo midnimada shacbiga Soomaaliyeed.PUNTLAND POST
The post Kismaayo: Ra'iisul wasaare Kheyre oo dhagax dhigay dhismayaal dowladeed appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Lacagta Shilin Soomaaliga oo weli laga diidan yahay...

0
0

Baladweyne ( Sh. M. Network)-Weli deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka taagan Isticmaal la'aanta Lacagaha Shiling Soomaaliga.
Arrintaan ayaa waxa ay saameyn xoogan ku yeelatay qeybaha Bulshada Gobolkaasi Hiiraan, gaar ahaan kuwa danyarta ah.
Guddoomiyaha degmada Baladweyne Aadan Axmed Xeefow oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa dhibaatada ka taagan Gobolka Hiiraan dusha kaga tuuray Ganacsatada Gobolka Hiiraan , waxaana uu tilmaamay in Masuuliyadda dhibaatada ka dhalata Isticmaal la'aanta lacagahaasi ay qaadan doonaan Ganacsatadaasi.
Sidoo kale Guddoomiyaha degmada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan Aadan Axmed Xeefow ayaa shaaca ka qaaday in Ganacsatada ay ka codsadeen in ay bilaabaan Isticmaalka Lacagaha Shiling Soomaaliga xittaa qaarkoodna ay xir xireen balse ay dhegaha ka fureesteen wax ka qabashada arrintaasi.
Si kastaba Isticmaal la'aanta lacagaha Shiling Soomaaliga ayaa beryihii u dambeeyay waxaa ka taagneed caqabad aad u xoogan oo ay la soo darsisay dadka ku nool gobollada dhexe ee Soomaaliya, haba ugu horreeyo Gobolka Hiiraan.

storvideo: 

Hindiya oo sheegtay inay mintidiin ku dishay Kashmir

0
0

Ciidamada ammaanka ee ku sugan Kashmir qeybta ay ka maamusha Hindiya ayaa sheegay inay dileen ugu yaraan saddex qof oo la tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin mintidiinta gobolkaasi, ka dib israsaaseyn ka dhacday meel koonfur-bari kaga beegan magaalada Srinagar.
Ciidamada ayaa sheegay in iska horimaadka uu dhacay ka dib markii askartooda rasaas lagu furay xilli ay baaritaan ka wadeen meel u dhaw magaalada Tral.
Ururka Jayshal-Muxamad ee fadhigiisu yahay Pakistan ayaa sheegay in saddex ka mid ah dagaalyahannadiisa la dilay.
Ammaanka Kashmir ayaa la adkeeyay ka dib markii maalmo ka hor halkaa lagu dilay 7 qof oo Hindu ah, kuwaasoo ku dhintay weerar ay fuliyeen mintidiinta gobolkaasi.
Gobolka Kashmir ayaa u kala qeybsan laba dhinac oo Hindiya iyo Pakistan ay kala maamulaan, waxaana labada dal ay sheeganayaan in ay leeyihiin gobolka oo dhan.
storvideo: 

RW Kheye oo amray Bixinta Mushaarka Ciidamada jooga...

0
0

Kismaayo (Sh. M. Network)-Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo Khudbad ka hor jeedinayay Ciidamada isku dhafka ah ee ku sugan Jubbooyinka ayaa sheegay in la bixin doono Mushaaraadka Ciidamadaasi.
Waxaana uu shaaca ka qaaday Ra'iisul Wasaare Kheyre in Ciidamadaasi yihiin kuwa Naftooda iyo dhiigooda u huray umadda Soomaaliyeed una ogyihiin Shacabka iyo Madaxduba.
Sidoo kale Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa ku amray Ra'iisul Wasaare ku xigeenka iyo Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya in haatan ay siiyaan Ciidamadaasi Mushaaraadkooda.
Xukuumadda Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa bilowday in kulamadeeda ay ka dhacaan -ha Maamul Goboleedyada Dalka , xilli dad badan oo Soomaaliyeed ay dhibaato nololeed ku heysato Gobollada Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, waxaana dadka indheer garadku sheegayaan in shirarkaasi dhaqaalaha ku baxaya ay u baahan yihiin dadkaasi dhibanayaasha ah.

storvideo: 

Cabdiweli Gaas oo ku eedeeyay Ganacsatada Puntland...

0
0

Garoowe ( Sh. M. Network)-Isagoo Saxaafadda kula hadlayay Magaalada Garoowe Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in Ganacsatada Magaalada Boosaaso ay la shaqeeyaan Dagaalamayaasha Al Shabaab.
Waxa uu sheegay Cabdiweli Gaas in Ganacsatada Boosaaso qaarkood ay Canshuuro siiyaan Al Shabaab.
" Ganacsatada sidaas sameyneysa oo Canshuuraha siiya Argagixisada waxba ma dhaamaan Al Shabaab" ayuu yiri Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.
Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa sheegay in Ganacsatada ay ka baqayaan Al Shabaab in ay dilaan , balse Maamulka Puntland xittaa aysan rumeysneen in uu xiri karo, taasina micnaheedu waxa ay ka dhigantahay in Ganacsatadaasi Al Shabaab la mid yihiin.
Sidoo kale Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa hoosta ka xariiqay in aysan jirin dambi ka weyn in Canshuurta la diido bixinteeda.
Inta badan Ganacstada Maamulka Puntland ayaa dhigayay maalmihii la soo dhaafay dibadbaxyo iyagoo xiray goobahooda Ganacsi , waxaana ay ka cabanayeen Canshuuro uu billaabay Maamulku in uu ka qaado Ganacstadaasi.

storvideo: 


Puntland President blames local traders for...

0
0

President of Somalia's northeastern semi-autonomous region of Puntland Abiweli Mohamed Ali Gaas has accused the local businessman community of supporting Al shabaab.
Speaking at a press conference in the port city of Bosaso, President Gaas said some of the traders pay taxation to Al shabaab, in fear of their punishment instead of his administration.
"The traders who pay the tax to Al shabaab are same the militants we are fighting, because they are financing the terrorists," said Puntland President Abweli Gaas.
The President added that a section of the business people rejected to pay the tax to Puntland state; instead they give it to Al shabaab in fear of the group's threats.
The President's accusation came after traders in Bosaso, the regional capital of Bari region shut down their business centers last week, in protest of increased tax by the local authorizes.

storvideo: 

Dowladda Soomaaliya oo Xirtay Markabkii Jaray...

0
0

Dowladda Soomaaliya ayaa xiratay markab laga leeyahay dalka Cumaan,kaas oo lagu eedeeyay in uu jaray Fiilada Internet-ka ee bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya.
Markabkan oo ku xiran Dakadda Muqdisho ayaa 24-kii June jiiray Fiilada Internet-ka ee Somaliya koonfurteeda, waxaana uu maqan yahay illaa hadda, inkastoo ay socdaan dadaalo kala duwan oo ku aadan dib u soo celinta Internet-ka.
Internet-ka maqan waxa uu saameyn taban ku yeeshay dhamaan shaqada dadka sida Dowladda, Hay'addaha gaarka ah, kuwa samafalka, Ganacsiga, Warbaahinta.Bangiyada iyo Xawaaladaha,socdaalka iyo wixii la mid ah.
Saraakiil ka tirsan Dowladda ayaa xaqiijiyay in Markabkaan Dowladda ay gacanta ku dhigtay oo uu ku xiran yahay Dakadda Muqdisho.
Shirkadda iska leh markabkan hadda la xiray ee Fredriksen,ayaa Markabkan lagala wareegay sanad ka hor kaddib markii uu ku xirtay Dakadda Chittagong ee Dalka Bangladesh laguna helay in uu bixin waayay lacagihii canshuuraha ahaa, isaga oo ay dacweysay Waaxda Dakadaha dalka Bangladesh.
Dowladda Somaliya ayaa Shirkadda leh markabkaan ka dooneysa magdhowga khasaaraha uu sababay Internetka oo ka badan $2,000,000 Milyan oo Doollarka Mareykanka ah.
Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Somaliya ayaa sheegtay in maalinkiiba la khasaaray 10 Milyan oo dollar Ineternet-ka maqan dartiis,waxaana ay lacagtaas dusha ka saartay Shirkadda iska leh, iyada oo haddii ay diidana Maxkamad lala tiigsan doona.
Dowladda ayaa hadda wado dadaalo kala duwan oo ku aadan sidii dib loogu heli lahaa Internet-ka maqan ee saameynta ku yeeshay shaqooyin badan.
Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.comEmail: Ishabaydhaba@hotmail.com
storvideo: 

Dowladda Hoose ee Garoowe oo bilowday howlgalo...

0
0


Garowe-(RBC Radio)-Maamulka Dowladda Hoose ee degmada Garoowe ayaa saakay ka bilaabay xaafadaha magaalada howlgalo lagu furayo wadooyinka magaalada - ah.
Howlgalkaan ayaa ku wajahan wax kasta oo dhibaato ku ah wadooyinka sida Baraagaha,Dhagxaanta,Dayrarka,Suuliyaasha,Xeryaha ariga iyo guryaha sida qaladka ah wadooyinka u soo galay.
Duqa Degmada Garoowe Xasan Maxamed Ciise Goodir ayaa sheegay in howlgaladaan lagu soo celinayo bilicda Magaalada waxaana uu intaa ku daray inaan la dayn doonin cid kasta oo si qaldan wadooyinka u soo gashay.
Xasan ayaa Shacabka uga digay cidii ku jirta wado inay ka furfurtaan inta aysan howlgaladu soo gaarin isagoo ka codsaday inay la shaqeeyaan ciidanka amaanka iyo dowlada Hoose.
Gudoomiyaha gobalka Nugaal Cumar Cabdulaahi Faraweyne oo ka hadlay howlgaladaan lagu furayo wadooyinka ayaa sheegay in hadii aan wadooyin jirin aan la gaarayn waxaana uu tilmaamay inaan la ogolaan doonin wado layska xirto.Halkaan ka dhegeyso codadka.http://www.raxanreeb.com/wp-content/uploads/2017/07/GOODIRKA.mp3http://www.raxanreeb.com/wp-content/uploads/2017/07/gudoomiyaha-gobolka-oo-sheegay-dad-la-qabtay.mp3____RBC Radio

storvideo: 

Wararka Dibada: Turkiga oo Laga Xusaayo Sanad...

0
0

Dowladda Turkiga ayaa ku dhawaaqdey in 15 Luuliyo ay tahay maalin fasax qaran, waxaana dalkaas maanta laga xusaayaa sanad kadib inqilaabkii fashilmey.
Maantey oo sabti ah waxaa dalka Turkiga ka dhacaya xaflado kala geddisan oo lagu xusaayo guushii shacabka Turkigu gaareen kadib markii ciidanka Mileterigu isku dayeen in ay inqilaabaan Madaxweyne Rajab Tayib Erdogan maanta oo kale sanadkii hore 2016.
Turkiga ayaa ku dhawaaqey in maanta 15 Luuliyo ay tahay maalin fasax ah oo qaranku lee yahay taas oo xuskeeedu soo noq-noqonayo sanad kasta laguna xusaayo guusha dimoqraadiyadda iyo midnimada Turkiga iyo fashilkii inqilaabka.
Inqilaabkii dhicisoobey ee 15 Luuliyo 2016 waxaa ku dhintey dad ka badan 249 qof, waxaana uu ahaa dhigii ugu badnaa ee ku daata dalka Turkiga muddooyinkan, kadib markii ciidamadu ay dariiqyada ula soo baxeen dabaabadaha, diyaaradaha dagaalkana ku weerareen aqalka Baarlamaanka iyo goobo kale oo Dowli ah.
Inqilaabka ayaa sabab u noqdey in awooda Madaxweynaha Turkiga kor loo qaado, kadib markii wax laga beddalay dastuurka. Sidoo kale Inqilaabka fashilmey ayaa la yimid in kumaankun qof xabsiyada loo diro kumaankun kalena ay shaqadoodi ku waayaan.
Inqilaabkii fashilmey ayaa lagu eedeeyey saaxiibkii hore ee Erdogan wadaadka la yiraahdo Fethullah Gulen oo magangelyo ku jooga dalka Maraykanka.
Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.comEmail: Ishabaydhaba@hotmail.com
storvideo: 

Somali PM vows to pay salaries for SNA soldiers

0
0

The Prime Minister of Somalia Hassan Ali Khaire has announced that his Federal government will pay regular payments for the country's National Army (SNA).
While addressing integrated troops at a military base outside Kismayo, PM Khaire said his administration will give first priority to pay the forces in fight against Al shabaab.
The Prime minister ordered his deputy and the defense minister to pay the salaries swiftly, to boost the morale of troops who are sacrificing their lives to the country.
Somali National army soldiers had not been paid for months in the past, as the African Union forces get their payments monthly by the European Union (EU).
The PM's remarks came after his cabinet ministers held their weekly meeting in Kismayo, the capital of Jubbaland state, first time outside the capital since he took the oath of the office last March.

storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live