Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Miisaaniyadda ay dawladda Somalia u qaybisay maamul...

$
0
0

Miisaaniyadda ay dawladda Somalia u qaybisay maamul goboleedyada oo loo kala badiyey iyo sababta loogu kala badiyey oo su'aali ka joogto. ( Halkan ka dhegeyso )
Waxa Daabacay staff-reporter on Jul 16th, 2017 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.
Awdalpress - London - Qoraal ku saabsan miisaaniyadda loo qoondeeyey maamul goboleedyada Somalia, ayaa loo qaybiyey Maamullada, si ay muddo saddex casho ah u soo akhriyaan.
Xildhibaanno iyo siyaasiyiin arrintaa ka hadlay ayaa durba ka biyo diiday sida loogu kala badiyey miisaaniyadda gobollada, waxana ay dawladda ka codsadeen in ay sababta caddeeyaan. Arrinta ay ka biyo diideenna, waxa ka mid ah. Sababta gobolladka badda iyo dekedaha leh sida Puntland loogu qoondeeyey 4 milyan oo dollar, halka ay maamulka koonfur galbeed la siiyey hal milyan oo keliya ama Galmudug oo la siman Puntland loogu qoondeeyey hal milyan oo dollar.
Arrintaa oo saxaafadda xorta ahi ay ka hadashay, halkan nagala daawada.
[embedded content]
Awdalpress
This post has been viewed 20 times.
storvideo: 


Dekedda Muqdisho oo maanta la keenay qalab lugu...

$
0
0

Muqdisho (RBC Radio) Dekedda ku taalla caasimadda Muqdisho ayaa hadda la doonayo shaqada ay hadda qabato mid ka badan inay soo bandhigto,markii maanta la soo qarsiiyey Muqdisho qalab loogu tala-galay dekedda kaasi oo isugu jira qalabka raridda iyo dejinta.
Wasiirka Dekedaha Soomaaliya,Maryan Aweys oo warbaahinta kula hadashay gudaha Dekadda ayaa waxaa ay sheegtay qalabkan uu muhiim u ahaa Dekadda, wax badan uu ka tari doono,iyadoo inta ku dartay in ay aheyd qalabkan in mar hore la keeno, laakiin howlo badan oo jiray awgeed ay dib u dhaceen, balse wixii hada ka dambeeya lagu fududeyn doono shaqada Dekedda.
Qalabkan oo isagu jira Wiishas, Agab lagu qaado xamuulka, Cagaf-cagaf iyo Qalab kale,waxaa dekedda soo garsiisey shirkadda Al-Bayrak,wasiirka ayaana shirkadda u mahadcelisay iyadoo marka ka dalbatay in ay kordhiyaan dadaalka ay wadaan oo ay ku hormarinayaan dib u dhiska dalka.
Shirkadda qalabkan soo garsiisey ee Al-Bayrak ayaa dhowrkii sanno ee ugu dambeeyay maamulesay dekedda Muqdisho oo ka mid ah ilaha ugu weyn ee dhaqaalaha ay ka hesho dowladda Soomaaliya.
__
RBC Radio

storvideo: 

Adeegga internedka ee ka maqnaa gobollada konfurta...

$
0
0

Muqdisho (RBC Radio) Wasaaradda Boostada iyo is gaarsiinta dalka ayaa maanta ku dhawaaqday in howlaha cilad bixinta adeegga internedka ee ka maqnaa gobollada koonfurta inay meel wanaagsan mareyso isla markaana ay rajeynayaan in la soo gabagabeeyo saacadaha soo socdo,sida u sheegay Eng Cabdi Canshuur Xasan wasiirka wasaaradda Boostada iyo is gaarsiinta Soomaaliya.
Markab kuwa ganacsiga ah ayaa jarey horaantii bisha xariga Fiber Optic ee adeegga internedka siin jirey gobollada koonfurta,taaso sababtay in muddo ka badan labo toddobad uu hawada ka maqanyahay adeegga.
"Howlaha cilad bixinta adeegaas ay meel wanaagsan mareyso,waxaana rajeynaynaa in la soo gabagabeeyo saacadaha soo socdo haddii uu rabbi idmo." ayuu yiri wasiirka Boostada iyo is gaarsiinta dalka.
Warar kale oo ay caawa helayso Raxanreeb ayaa xaqiijinaya in la dhammeeyay inta badan howlaha cilad bixinta adeegga,waxaana la sugaya in uu mar kale dib usoo noqdo Internedka oo ay heleen gobollada koonfurta dalka.
__
RBC Radio

storvideo: 

Dhageyso:Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Shaqaalihii Laga...

$
0
0

Jul 16, 2017 -
Al-Shabaab ayaa weli Gacanta ku haya Shaqaale Samafal oo gaaraya ilaa 7 islamarkaana Shalay ay ka afduubteen deegaanka Deeynuunaay ee duleedka Degmada Bydhabo Xarunta Gobolka Baay.
Shaqaalahaan ayaa u Shqeynayay Hay'ad Samafal oo lagu Magacaabo Gareda tas oo qaabilsan Gargaarka iyo Caawint dadk dantyar.
Gudoomiyaha Gobolka Baay ee Maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya Cali Wardheere Dooyoow oo la hadlay Idaacadda Voa,da laanteda fka Soomaaliga ayaa sheegay in ay arinatas la socdaan islamarkaana aan weli wax xiriir ah laga heynin.
Waxaa la weydiiyay Su'aal ku saabsaneed in ay Al-Shabaab dalbadeen in lasiiyo lacago madax furasho ay ayaa waxa uu sheegay in warkaas uusan soo agarain hadii ay dalbadaanan aysan bixin doonin.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Dhageyso:-Maamulka Dayniile Oo Ka Mamnuucay...

$
0
0

Jul 16, 2017 -
Maamulka degmada Deeyniile ee Gobolka Banaadir ayaa sheegay in xiligaan wixii ka dambeeya ay mamnuuceen Gawaarida waaweyn ee Xamuulka qaada in ay degmadaaas soo dhex maraan kuwaas oo ka yimaada qeybo ka mid ah Gobolka Shabeellaha Hoose.
Cabduweli Nuur Faarax,Gudoomiyaha Degmada Deeyniile oo Waresi gaar ah Xafiiskiisa ku siiyay Badweyn.com ayaa sheegay in Gebi ahaanba ay mamnuuceen in Gawaaridaas ay soo maraan degmada deeyniile,kadib markii ay badatay in Gawaarida Waaweyn ee mararka qaar qaraxyada ka sameeya Muqdisho la sheego in ay deeyniile soo mareen.
Waxa uu sheegay in Gaarigii la arko ee Weyn isaga oo soomaraya degmada deeyniile ay geeyaan Ex Koontirool Afgooye,si baaritaano loogu sameeyo.
Isagoo hadalkiisa siiwata ayaa waxa uu sheegay in ka Maamul ahaan ay diyaar u yihiin in ay ka Shaqeeyaan amniga degmada iyo Guud ahaan Gobolkaan Banaadi.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Ciidamada Dowladda Oo Caawa Degmada Xamar Weyne Ku...

$
0
0

Jul 16, 2017 -
Raggan oo ku labisnaa dareyska Ciidamada Dowladda, ayaa waxaa gacanta lagu soo dhigay, iyagoo wata moobeelo iyo dahab ay ka soo furteen dadka deegaanka.
Xasan Duulane Xersi, Taliyaha Saldhiga Booliska ee Degmada Xamar Weyne, ayaa sheegay in Ciidamada Booliska ay ku baxeen raggaasi, ka dib markii lagu soo wargeliyay inay dhac ka wadaan xaafadaha degmada.
Taliyaha, ayaa Warbaahinta u sheegay in labadaasi nin ay ku soo qabteen teleefanada gacanta iyo dahab, ay ka furteen dumarka deegaanka, sida uu yiri.
Taliyaha, ayaa waxaa uu iftiimiyay in labadaasi nin oo midkood uu ka tirsan yahay Ciidamada Militariga, ay hadda ku xiran yihiin Saldhiga Xamar Weyne, isla-markaana ay ku wareejin doonaan Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.
Xasan Duulane, ayaa dadka deegaanka kaga mahadceliyay wada shaqaynta ay la leeyihiin hay'adaha amniga, isagoona ku booriyay in wada shaqayntaasi ay sii wadaan.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

XOG: Khilaaf ka dhex taagan Wasiirka Gaashaandhigga ...

$
0
0

Khilaaf ku saabsan maamulka mushaarka Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa ka dhex taagan Wasaaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska ciidamada.
Khilaafkan ayaa salka ku haya kadib markii Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya C/rashiid C/laahi Maxamed uu dalbaday in la hoos keeno maamulka mushaarka ciidamada iyo arrimaha saadka.
Taliyaha ciidamada Xoogga Gen. Axmed Maxamed Jimcaale ayaa la sheegay inuu ka biyo diiday arrintaasi, isagoo u sheegay wasiirka inuu mas'uuliyadiisa ku ekaado, isla markaana aanu faragelin arrimaha hoggaanada ciidamada.
Khilaafka labada dhinac ayaa sababay in mushaarkii ciidamada milateriga la bixin waayo bilooyinkii ugu danbeeyay, waxaana arrintan soo dhex galay Ra'iisal wasaaraha oo la sheegay inuu taageerayo Wasiirka.
Mushaarka ciidamada milateriga ayaa qaarkood waxaa bixiya dowladda Mareykanka, halka qaar u diiwaangashan dowladda Federaalka muran badan ka taagan yahay tiradooda, ayna dhacdo in lacago badan lagu leexsado.
storvideo: 

Dagaal culus oo caawa ka soconaya Deegaanka Nambar...

$
0
0

Wararka inaga soo gaaraya Deegaanka Nambar Konton ee Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa sheegaya in caawa uu dagaal culus halkaasi ku dhex marayo Ciidamada Dowladda oo gacan ka helaya Amisom iyo maleeshiyada Al Shabaab oo dhinac ah.
Dagaalkan wuxuu ka dambeeyay, ka dib markii maleeshiyada Al Shabaab ay laba jiho kaga soo dhaqaaqeen labada ciidan, ee fariisimaha ku leh Deegaanka Nambar Konton, oo dhaca duleedka Degmada Afgooye.
Wararka, ayaa waxay intaa ku darayan in labada dhinac ay dagaalka isu adeegsanayan hubka noocyadiisa kala duwan, isla-markaana uu dagaalkan ka xoogan yahay kuwii muddooyinkii ugu dambeeyay ka dhacayay deegaankaasi.
Dadka ku dhaqan Nambar Konton, ayaa waxay ku sheegayan in Ciidanka Amisom ay hubka cul culus ku garaacayan goobihii, ay dagaalka ka soo qaadeen maleeshiyada Shabaabka.
Gudoomiye Kuxigeenka Dhinaca ammaanka ee Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose, Cali Nuur Maxamed, ayaa sheegay in Shabaabku ay weerar ballaaran ku soo qaadeen Nambar Konton, isla-markaana ay labada ciidan wadaan dadaalo ay isaga caabinayan.
Gudoomiye Kuxigeenka oo la hadlay Badweyn.com, ayaa Shabaabka ku eedeeyay in xaalad qalqal ahi ay geliyen bulshada deegaanka, ujeedkooduna uu yahay inay muujiyan in weli jooggan gobolka.
Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa waxaa loo arkaa midka ugu badan ee weerarada ka gaystan maleeshiyaadka taabacsan mintidiinta Al Shabaab.
storvideo: 


“Madaxda Hay’adda ILO Waxaanu farta ugu fiiqnay Inay...

$
0
0

Waxay Ka Mid Ah Caqabahada Ugu Adag ee Qarankan Haysta.Maanta waxa anniga iyo wasiirka arrimaha gudaha, wasiirka qorshaynta iyo wasiirka shaqada iyo Arrimaha bulshadu aannu xafiiskayga ku qaabilnay saraakiil sare oo ka socday hay'ada shaqaalaha aduunka ee ILO.
Weftigaasi iyo masuuliyiinta igu wehelinayey shirka waxaannu iska waraysanay mashaariicda hay'adda ILO ay ka qabato Jamhuuriyadda Somaliland iyo baahiyaha badan ee yaala oo aanu farta ugu fiiqnay inay inagga taageeraan, kuwaas oo ay ugu mudan tahay shaqo abuurka da'yarta oo ka mid ah caqabahada ugu adag ee qarankan haysta, Xukuumadda xisbiga KULMIYE-na ay u tafaxaydan tahay sidii ay xal ugu heli lahayd.
Weftigaasi ILO waxay inoo balan qaadeen inay wax badan nala qaban doonaan, horena ay wax noola qabteen, hada ay wadaan mashaariic ay lacago badani ku baxayaan, waanu u mahad naqaynyaa Hay'adaasi.
Alla Mahad leh.
storvideo: 

DAAWO Doodii Ugu Adkeyd: Xildhibaan Jeesow oo...

$
0
0

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa dood kulul uga yaabsaday Wasiirka Warfaafinta DFS Eng C/Raxmaan Yariisow.
Doodan oo ka baxday TV-ga Goobjoog ayaa waxaa looga hadlay waxqabadkii Xukumadda Soomaaliya iyadoo Xildhibaan Jesow uu banaanka keenay ceebo badan oo ay dowladu gashay.
Wasiir Yariisow ayaa ay ku adkaatay inuu jawaabo lagu qanco ka bixiyo su'aalo adag oo la weydiiyay, halka xiliyada qaar doodu ay aheyd mid gacmaha la isku taagayay.
Dad badan ayaa aamisan in Xildhibaan Jeesow uu kamid yahay xildhibaano diidan xukumadda Soomaaliya, oo wada mooshin.
storvideo: 

Nin caawa lagu dilay Magaalada Baledweyne iyo warar...

$
0
0

Raggan, ayaa waxaa la sheegay in xaafadda Hawlwadaag ay ku weerareen marxuumka oo lagu magacaabi jiray Saalax Xasan Madaxey, iyagoona dilka ka dib goobtaasi ka baxsaday.
Waxaa soo baxaya warar sheegay in Saalax Xasan Madaxey uu ka tirsanaa Ciidanka Hay'adda Nabad Suggida (NISA), lana dilay xilli uu hoygiisa ku sii jeeday.
Goobjooge, ayaa Badweyn.com u sheegay in ragga weerarka gaystay ay horey goobtaasi uga sii qaateen qori AK47 ahaa, oo uu askarigu watay.
Goobjoogaha oo magaciisa ka gaabsaday, ayaa inoo sheegay in Ciidamada Dowladda ay dilka ka dib soo gaareen goobtaasi, balse aanay jirin cid ay u soo qabteen dilka ninkaasi.
Sida ay baahisay Idaacadda Andalus oo ku hadasha afka mintidiinta Al Shabaab waxaa weerarkaasi gaystay rag ka tirsan maleeshiyaadka Shabaabka.
Andalus, ayaa ku warantay in Saalax Xasan uu dhibaato ku haayay bulshada deegaanka, maleeshiyaduna ay ku khasbanaatay in ninkaasi laga horleexiyo dadka deegaanka.
storvideo: 

XOG: Hogaamiyaha Daacishta SOMALIA C/qaadir Muumin...

$
0
0

Jul 17, 2017 -
iyadoo la shaciyay in duqeyn lagu dilay Amiirka guud ee Daacish ama ISIS Abuu bakar Al-baqdaadi ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in kooxdaasi hogaankeeda loo magacaabayo Amiir cusub balse waxaa la shaaciyay warbixin Soomaalida ku noqotay Lama filaan.
Hogaamiyaha Ruuxiga ah ee kooxda Daacishta Soomaaliya C/qaadir Muumin ayaa la ogaaday in uu ka mid yahay Musharaxiinta ugu cad cad Xiligaan in loo magacaabo Amiirka guud ee Daacish.
Warbaahinta dalka UK ayaa maanta qortay C/qaadir muumin oo ku noolaan jiray dalka ingiriiska in uu hada u sharaxan yahay amiirka Daacish isagoo maalmihii lasoo dhaafay qoraalo iyo fariimo cod ah u diray madaxda kooxdaasi maadaama la xaqiijiyay in la dilay hogaamiyahii guud ee kooxdaasi Al-baqdaadi.
Warbixinada la daabacay ayaa lagu sheegay in C/qaadir muumin oo hada ku magacaaban hogaamiyaha Daacishta Somalia in ay macquul tahay in xilkaasi loo magacaabo maadaama uu yahay shaqsi fahansan howsha Argagixisada sidoo kalana ay la dhacsan yihiin hogaamiyaasha kale ee kooxdaasi.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Hooyo Soomaaliyeed oo ka cabaneysa Dhul Boob lagu hayo.

$
0
0

Muqdisho ( Sh.M.Network)-Hooyadani Soomaaliyeed oo lagu Magacaabo Fardooso Cali Ismaaciil ayaa ka cabaneysa Dhul Boob uu ku hayo Nin Magaciisa ay ku sheegtay Yaasiin Maxamed Sheekh loona yaqaanno ( Yaasiin Dhagool), isagoo ka helaya Nin kale oo ka caawiya sameynta docomentiyo been abuur ah oo uu ku sheeganayo dhulkaas laguna Magacaabo Baashi Xabiib Aba Nuur.
Waxa ay Tilmaamtay Hooyo Fardooso Cali Ismaaciil in muddo 2 sano ah ay dhibane u ahayd shaqsiyaadkaas oo boobaya dhulkeeda ay sharciga u heysato, iyagoo u adeegsanayay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed sida ay hadalka u dhigtay.
Sidoo kale Hooyo Fardooso Cali Ismaaciil ayaa ku cataawday in dadka boobaya dhulkeeda ay heystaan dhaqaalo ay u adeegsanayaan in aysan gar uga helin sharciga iyadoo ka dhawaajisay in Xaakimkii kiiskeeda ku shaqada lahaa ay u iibiyeen Gaari cusub oo illaa haatan sida ay tiri uu ku naaloonayo.
Hooyo Fardooso Cali Ismaaciil ayaa intaas ku dartay in kadib markii Garsoorku garowsaday in dhulkeeda ay sharci ahaan iyadu leedahay hadana ay Kiiskeeda dib u fureen Garsoore lagu Magacaabo Cabdiraxmaan iyo weliba Maxamed Xasan oo ah Xeer Ilaaliye ku xigeenka taasina ay tahay qorshe kale oo hantideeda lagu baneysanayo.
Sidaas daraadeed ayaa Hooyadani Soomaaliyeed waxa ay ka codsatay Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra'iisul Wasaare Kheyre, labada aqal ee Baarlamaanka iyo dhammaan hey'adaha Cadaaladda dalka in ay soo fara geliyaan arrinteeda islamarkaana dadkaas awooda dhaqaale iyo tan dowladeed u sheeganaya laga celiyo.
Cabashada Hooyo Fardooso Cali Ismaaciil ayaa imaaneysa xilli Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu wacad ku maray in dowladdiisa aysan aqbali doonin Cadaalad darro ay shacabka Soomaaliyeed kala kulmaan Hay'adaha Garsoorka dalka isagoona ballan qaaday in isbedel la taaban karo ay bulshadu ka dareemi doonaan Hay'adaha Garsoorka Soomaaliyeed.

storvideo: 

DEG DEG: Kooxda Shabaab oo weerar Culus ku qaaday...

$
0
0

Jul 17, 2017 -
Wararka ka imaanaya Magaalada Buulo burde ee Gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya inuu halkaasi ka dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidamada Shabaab iyo ciidanka Jabuuti.
Dagaalkaan ayaa wuxuu ka dambeeyay, kadib markii dagaalyahano ka tirsanaa Shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhiga ciidamada Jabuuti ay ku leeyihiin Buulo burde.
Dagaalka oo dhacay ayaa la sheegayaa inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray dhinacyadii halkaasi ku dagaalamay.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada Shabaabka laga dilay laba askari, sida uu xaqiijiyay Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda oo ku sugan Degmada Buulo burde.
Sarkaalkaan ayaa xaqiijiyay in ciidamada dowladda ay qayb ka ahaayeen dagaalka, wuxuuna sheegay inay ka hortageen qorshe Shabaabka ay ku doonayeen inay ku dhibaateeyaan ciidanka Jabuuti.
Saraakiisha ciidamada Jabuuti ee ku sugan Magaalada Buulo burde ayaanan weli ka hadlin dagaalkaan ka dhacay Magaalada Buulo burde ee Gobolka Hiiraan.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Maamulka Shabeelaha Hoose oo ku baaqay in la joojiyo...

$
0
0

Afgooye ( Sh.M.Network)-Iyadoo weli Xiisad dagaal ay ka taagan tahay deegaanka Buulo-Yareey ee duleedka degmada Afgooye oo shalay ay ku dagaalameen Labo maleeshiyo Beeleed ayaa waxaa dagaalkaas baaq Nabadeed ka soo saaray Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose.
Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose Ibraahim Aadan Najax oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa ayaa ugu baaqay Beelahaasi walaalaha ah oo ku wada dagaalamay deegaanka Buulo-Yareey in si Shuruud la'aan ah ay u joojiyaan Dagaalka .
Waxaana uu hoosta ka xariiqay in ka maamul ahaan ay gacan ka geysan doonaan daminta Colaadaasi ka soo cusboonaatay qeybo ka mid ah Gobolka Shabeelaha Hoose.
Colaadaan dagaal ee ka soo cusboonaatay deegaanka Buulo-Yareey ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa timid kadib markii Beelahaasi Walaalaha ah ay isku fahmi waayeen dhul Beereed ku yaalla deegaankaasi.
Xiisad beeleedkaas ayaa weli laga dareemayaa saan saanteeda deegaanka Buuloyareey oo hoostaga degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

storvideo: 


Saraakiisha Sar sare ee Kooxda Shabaab oo Xaalka ku...

$
0
0

Jul 17, 2017 -
Cabsi xooggan ayaa soo wajahday Saraakiisha Ururka Al Shabaab ee ku sugan Gobolada Koonfureed ee Somaliya, kadib markii ay kordheen Duqeynta diyaaradaha ee lagu bartilmaameedsanaayo Saraakiisha Ururka Al Shabaab.
Bishan gudaheeda waxaa dhacday Duqeyn kala duwan oo ay fuliyeen diyaarado dagaal oo qaarkood ay leeyihiin Dowladda Mareykanka, waxaana lagu bartilmaameedsaday Saraakiil ka tirsanaa Shabaab.
Habeenkii Khamiista todobaadkii aan soo dhaafnay ayaa waxaa duqeyn lagu bartilmaaameedsaday Saldhigyo Al Shabaab ay ku leeyihiin deegaanka Kuunya Barow oo ka tirsan Gobolka Shabellaha hoose, kadib markii ciidamo ajaanib ah iyo kuwa Somali ah ay beegsadeen.
Sidoo kale isla Bishan gudaheeda ayaa waxaa duqeyn lagu bartilmaameedsaday Sarkaal Shabaab ka tirsanaa, kaasi oo la sheegay inuu madax u ahaa ciidamada Shabaab ee Buuraha Galgala ku jira, waxaana duqeynta ay ka dhacday isla Gobolka Shabellaha hoose.
Ilo Wareedyo ayaa sheegay madaxda Shabaab inay soo food saartay cabsi xoogan oo ku aadan in lagu duqeeyo deeganada ay joogaan, waxaana taasi ay dhalisay in habeen waliba Saraakiisha Shabaab ay seexdaan meelo kala duwan.
Magaalooyinka waaweyn ee Shabaab ay gacanta ku hayaan sida Jilib, Jamaame iyo Magaalooyinka kale, ayaa habeenkii markii ay galayaan gaadiidka Shabaabka, gabi ahaanba waxaa la damiyaa nalalka, oo gaariga waxaa lagu hagaa toosh, si nalka gaariga aysan diyaaradaha dagaalka u soo raacin oo loo bartilmaameedsan.
Sidoo kale madaxda Shabaab ayaa si aad ah isaga ilaaliya taleefanooda, oo meelaha qaar ay tagaan waxa ay kala saaraan moobeelka iyo Simcard ay ku isticmaalaan, maadaama xilliyada qaar duqeymaha la fuliyo moobeelka lagu hago.
Walaacan xoogan ee Saraakiisha Shabaabka soo food saaray ayaa ah kii ugu xooganaa, waxaana sidoo kale jirto shaki xoogan oo ka dhex jira Ururka Al Shabaab dhexdooda, maadaama ay jiraan shaqsiyaad kala duwan oo dhanka dowladda u soo baxsaday, kuwa kalena laga cabsi qabo inay u baxsadaan dhanka dowladda.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Dagaal Xoogan Oo Ka Dhacay Gobolka Hiiraan Iyo...

$
0
0

Wararka ka imaanaya Magaalada Buulo burde ee Gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya inuu halkaasi ka dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidamada Shabaab iyo ciidanka Jabuuti.
Dagaalkaan ayaa wuxuu ka dambeeyay, kadib markii dagaalyahano ka tirsanaa Shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhiga ciidamada Jabuuti ay ku leeyihiin Buulo burde.
Dagaalka oo dhacay xalay ayaa la sheegayaa inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray dhinacyadii halkaasi ku dagaalamay.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada Shabaabka laga dilay laba askari, sida uu xaqiijiyay Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda oo ku sugan Degmada Buulo burde.
Sarkaalkaan ayaa xaqiijiyay in ciidamada dowladda ay qayb ka ahaayeen dagaalka, wuxuuna sheegay inay ka hortageen qorshe Shabaabka ay ku doonayeen inay ku dhibaateeyaan ciidanka Jabuuti.
Saraakiisha ciidamada Jabuuti ee ku sugan Magaalada Buulo burde ayaanan weli ka hadlin dagaalkaan ka dhacay Magaalada Buulo burde ee Gobolka Hiiraan.
Madaxweynaha Hirshabelle, ayaa sheegay in Buulo burde ay tahay xarunta Taliska ciidamada Maamulka Hirshabelle.
storvideo: 

Korea-da Koonfureed oo Wada-hadal Usoo Jeedisay K...

$
0
0

Korea-da Koonfureed ayaa maanta soo jeedisay wada-hadallo milatari oo ay la gasho Korea-da Waqooyi, kuwaas oo ujeedadoodu tahay in lagu qaboojiyo xiisadda ka aloosan xuduuda labada dal.
Wasaaradda gaashaandhigga Korea-da Koonfureed ayaa sheegtay inay dooneyso in wada-hadallada maalinta jimcaha lagu qabto xaafadda xabad joojinta xuduudda ee Panmunjon.
Illaa iyo hadda ma jirto wax jawaab ah oo kasoo baxay Korea-da Waqooyi.
Haddii wada-hadallada ay dhacaan waxa ay noqon doonaan kuwii ugu horreeyey ee dhex mara labada dal tan iyo bishii December ee 2015.
Madaxweynaha Korea-da Koonfureed, Moon Jae-in ayaa xafiiska yimid bishii March, isaga oo u ololeynaya in si toos ah loola hadlo dowladda Korea-da Waqooyi.
Dhinaca kale hay'adda Laanqeyrta cas ee dalka Korea-da Koonfureed ayaa maanta ku baaqday in kowda August lagu qabto xaafadda Panmunjon kulankii dib loogu mideyn lahaa qoysaska ku kala nool labada dal ee uu kala gooyey dagaalkii Korea.
storvideo: 

Puntland & Galmudug oo Ciidamo isku dhaf ah u...

$
0
0

Jul 17, 2017 -
Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug waxaa maanta gaaray wafdi uu hoggaaminayay Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey,waxaana siweyn halkaasi ugu soo dhaweeyay qeybaha kala duwan ee Bulshada Magaalada Gaalkacyo.
Soo dhaweyn kadib Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug ayaa waxa uu la kulmay dhigiisa Puntland Cabixakiin Xaaji Cumar Cameey,iyaga oo ka wada hadlay arimo ku aadan Nabada Magaalada Gaalkacyo
Madaxweyne ku xigeenka Galmudug iyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa waxa ay Galkacyo uga wada qeyb galeen Munaasabad tababar loogu furayay ciidamo iskudhaf ah oo ka kala socda labada Maamul kuwaas oo ka qeyb qaadan doona amniga Magaalada Gaalkacyo.
hada waxaa sidoo kale Gaalkacyo ka socda kulamo ay wada leeyihiin msuuliyiin ka kala socda Maamulada Puntland iyo Galmudug si loo dhaqangeliyo heshiiskii ay Gaalkacyo ugu wada saxiixdeen masuuliyiinta labada Maamul.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Wararkii ugu dambeeyay dagaal ka dhacay Degmada...

$
0
0

Dagaalkaan ayaa wuxuu ka dambeeyay, kadib markii dagaalyahano ka tirsanaa Shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhiga ciidamada Jabuuti ay ku leeyihiin Buulo burde.
Dagaalka oo dhacay xalay ayaa la sheegayaa inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray dhinacyadii halkaasi ku dagaalamay.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada Shabaabka laga dilay laba askari, sida uu xaqiijiyay Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda oo ku sugan Degmada Buulo burde.
Sarkaalkaan ayaa xaqiijiyay in ciidamada dowladda ay qayb ka ahaayeen dagaalka, wuxuuna sheegay inay ka hortageen qorshe Shabaabka ay ku doonayeen inay ku dhibaateeyaan ciidanka Jabuuti.
Saraakiisha ciidamada Jabuuti ee ku sugan Magaalada Buulo burde ayaanan weli ka hadlin dagaalkaan ka dhacay Magaalada Buulo burde ee Gobolka Hiiraan.
Madaxweynaha Hirshabelle, ayaa sheegay in Buulo burde ay tahay xarunta Taliska ciidamada Maamulka Hirshabelle.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live