Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

23 maalmood kadib qadka Internet-ka Koonfurta...

$
0
0

Maqnaanshaha Qadka Internet-ka ayaa wuxuu saameyn ballaaran ku yeeshay shaqooyin badan oo dadka ay qabsan lahaayeen, waxaana taasi ay keentay in gaab ay ku yimaadaan shaqooyinkaasi.
Dowladda Somaliya oo juhdi badan ku bixisay sidii loo sameyn lahaa qadka Internet-ka ayaa ugu dambeyn maanta oo Isniin ah waxa ay ku guulaysatay sameynta Qadka Internet-ka inkastoo uusan aheyn sidii hore.
Shaqooyinka muddadii uu maqnaa qadka Internet-ka gaabka galay waxaa ka mid ah, bixinta Baasaboor Somaliga oo adeega Internet-ka lagu bixin jiray, shaqooyinka xawaaladaha, Idaacadaha iyo Hay'adaha NGO-yada ah.
Dadka ku nool Koonfurta Soomaaliya ayaa isugu hambalyeynaya dib u helida addeega Internet-ka ee Xawaaraha dheereeya oo muddo 23 maalin ah ka maqnaa Koonfurta iyo Bartamaha Somaliya.
Internet-ka ayaa ka mid noqday waxyaabaha dadka aduunka ku nool hadda ay toos ugu wada xiriiraan, maadaama aalado kala duwan oo casri ah lagu isticmaalo sida Facebook, Viber, IMO iyo qadad kale oo Bulshada ay ku wada xiriiraan.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 


Qaramada Midoobay oo Ka Walaacsan Aargoosiga Mosul

$
0
0

WASHINGTON. D.C --
Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Ciraq ayaa sheegay inuu ka walaacsanyahay weerarada aargoosiga ah ee ka dhacaya magaalada Mosul taasoo uu sheegay in loo geysanayo dad rayid ah oo lala xiriirinayo maleeshiyada Daacish ee laga xoreeyey magaalada.
Jan Kubis ayaa Isniintii u sheegay Golaha Amaanka ee QM in ay soo kordhayaan falal aargoosi ah oo lagu beegsanayo qoysaska loo maleynayo in ay u dhawaayeen maleeshiyadi Daacish ee laga saaray Mosul.
Kubis ayaa ku boorriyey Ra'isulwasaaraha Iraqi Haider al-Abadi inuu qaado tallaabo deg deg ah oo uu ku joojinayo weeraradaasi. Wuxuu intaasi ku daray in ficilada aanan caddeynta loo hayn ee ka dhanka ah dadka rayidka ah ay ku xadgudbeyso dastuurka Ciraq iyo qawaaniinta Caalamiga ah.
storvideo: 

Axmed Abdi oo u Tartamaya Maamulka Dekedda iyo Garoonka ee Washington

$
0
0

Gobolka Washngotn ayaa waxaa ka bilowday doorashooyinka is reeb reebka ee loogu tartamayo kuraasta iyo guddiyada maamula gobolkaasi taasoo dhici doonta bisha Novemebar ee sanadkan.

Askari Soomaali Mareykan ah oo Lagu Eedeyey Dil

$
0
0

Warbaahinta gobalka Minnesota ayaa shaacisay magaca askari toogasho ku dilay haweeneey caddaana oo sabtidii lagu dilay magaalada Minneapolis.

Qeybta Koowaad ee Wareysiga Ilhan Omar

$
0
0

Ilhan Omar oo ah mudane ka tirsan Golaha Wakiilada ee Gobolka Minnesota ayaa shalay nagu soo booqatay xarunta VOA-da ee magaaladan Washington.

Askari Soomaali Mareykan ah oo Lagu Eedeeyay...

$
0
0

Booliiska magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka ayaa baaritaano ku haya askari Soomaali Mareykan ah oo katirsanaa ciidanka booliis magaaladaas kaasi oo lagu eedeeyay in uu dil u gestay haweeney u dhalatay dalka Australia oo lagu magacaabi jirey Justine Damond.
Haweenayda uu dilay askarigan Soomaali Mareykanka ayaa wacday lambarka 911 si ay booliiska ugu wargaliso dhaq dhaqaaq iyo cod ka soo yeeray gurigeeda agtiisa , waxaana booliiska markii uu gaaray gurigeeda dhacday in haweeneydaasai halkaasi lagu toogto.
Maxamed Noor oo ah Askariga Soomaaliga ah ee dilka lagu eedeeyay ayaa si KMG ah shaqada looga fariisiyay, Waaxda badbaada Shacabka ayaa sheegtay in ay baaritaan ku hayso arrinta Sabtidii dhacday Booliska waxay sheegeen in kaameerada askariga ku xirnayd markii ay arrintaasi dhacday ay duubtay, balse ay haatan wadaan baaritanka arintaas ku aadan.
Betsy Hodges Duqa magaalada Minneapolis, oo war kooban kasoo saartay dilkan ayaa sheegtay in ay aad uga naxday kana qalbi jabtay falkan dilka ah ee dhacady, waxa ayna sheegtay in ay socdaan baaritaano dilkaasi ku aadan.
Askarigan Soomaaliga ah ayaa noqday sargaalkii ugu horeeyay oo Soomaali ah oo kamid noqda ciidanka booliiska magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka, waxaana Maxamed Nuur oo ku biiray booliiska Mareylanka sanadkii 2015-kii uu wax ku bartay dalkaasi.PUNTLAND POST
The post Askari Soomaali Mareykan ah oo Lagu Eedeeyay Toogashada Haweeney appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Qeybta Koowaad ee Wareysiga Ilhan Omar

$
0
0

Ilhan Omar oo ah mudane ka tirsan Golaha Wakiilada ee Gobolka Minnesota ayaa shalay nagu soo booqatay xarunta VOA-da ee magaaladan Washington.
Wareysi dheer oo siisay laanta afka Soomaaliga ee VOA ayey Ilhan uga hadashay arrimo kala duwan.
Falastin Axmed Iiman oo wareystay Ilhan ayaa ugu horreyn weydiisay siduu ahaa dareenkeedii inti ay ku guda jirtay ololaheedii doorashada iyo kadib marki ay ku guuleysatay kursiga xildhibaanimada Aqalka Wakiilada Minnesota.

Embed code
Copy and paste the embed code below.
The code has been copied to your clipboard.
0:06:00
0:00:00 /0:06:00
Direct link
Pop-out player
storvideo: 

Axmed Abdi oo u Tartamaya Maamulka Dekedda iyo...

$
0
0

Gobolka Washngotn ayaa waxaa ka bilowday doorashooyinka is reeb reebka ee loogu tartamayo kuraasta iyo guddiyada maamula gobolkaasi taasoo dhici doonta bisha Novemebar ee sanadkan. Dadka tartankaasi ku jira waxaa ka mid ah Axmed Ismaaciil Cabdi oo ka mid ah Soomaalida deggan gobolkaasi oo u tarmamaya mid ka mid guddiga 5-ta ah ee maamula garoonka iyo dekedda ee gobolkaasi, isagoo u tartamaya kursiga degaanka King County ee magaalada Seatle ee gobolkaasi.
Axmed waxa uu hadda ka mid yahay guddiga maamula guryaha ay ku nool yihiin qoysaska uu dhaqaalahoodu yar yahay ee Magaalada Seattle ee gobolkaasi.
Caasho Ibrahim ayaa Axmed Ismaciil Cabdi wareysi kala yeelatay tartankan uu ku jiro.

Embed code
Copy and paste the embed code below.
The code has been copied to your clipboard.
0:05:37
0:00:00 /0:05:37
Direct link
Pop-out player
storvideo: 


Askari Soomaali Mareykan ah oo Lagu Eedeyey Dil

$
0
0

Warbaahinta gobalka Minnesota ayaa shaacisay magaca askari toogasho ku dilay haweeneey caddaana oo sabtidii lagu dilay magaalada Minneapolis.
Sarkaalka dilka geystAskari Soay, ayaa magaciisa warbaahintu ku sheegtay Maxamed Nuur, oo asalkiisu Soomaali yahay, ciidanka booliiska magaalada Minneapolis-naku soobiiray sanadkii 2015kii.
Wariha VOA-da ee Minnesota Maxamud Mascade ayaa dhacdadani ka wareystay Cabdiwaxid Qalinle oo ah qareen dagan gobolka Minnesota.

Embed code
Copy and paste the embed code below.
The code has been copied to your clipboard.
0:06:31
0:00:00 /0:06:31
Direct link
Pop-out player
storvideo: 

Gudoomiyaha Aqalka Sare ” Waan Joojin Doonaa Mooshin...

$
0
0

Gudoomiyaha Baarlamaanka Aqalka sare ee Dalka Mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa ka hadlay mooshin ay wadaan Xildhibaano katirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya.
Gudoomiye Cabdi Xaashi ayaa sheegay in ay joojin doonaan mooshinkaasi ay wadaan xildhibaanada aqalka hoose ee baarlamaanka.
Waxa uu sheegay in xukuumada Kheyre uu waqtigeedu aad u koobanyahay islamarkaasina aanay hadda habooneeyn in mooshin laga soo gudbiyo.
Waxaana uu ku baaqay in la joojiyo mooshinkaasi xukuumada laga soo gudbiyay haddana aanu aheyn mid munaasab ah.
Dhanka kale Gudoomiye Cabdi Xaashi ayaa soo dhoweeyay shirkii golaha wasiirada ee ka dhacay markii ugu horeeysay meel ka baxsan Muqdisho waxaana uu sheegay in tilaabadaasi ay tahay mid wanaagsan kuna baaqay in la sii joogteeyo.Hoos ka dhageyso Codka .
http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2017/07/Cod-Gudoomiye-Cabdi-Xaashi-Puntland-Post.mp3
Xasan Maxamed Samatar Cowke puntland Post Muqdisho
The post Gudoomiyaha Aqalka Sare " Waan Joojin Doonaa Mooshin Walba oo Laga Keeno Baarlamaanka" appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Qaramada Midoobay oo Ku Dhawaaqday Shaqo La’aan...

$
0
0

Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan arimaha soomaaliya Micheal Keating ayaa sheegay in shaqa la'aanta haysata dhalinyarada Soomaaliyeed ay tahay mid aad u sareyso ayna u baahan yahay xirfado iyo aqoon ay ku shaqaystaan si meesha looga saaro shaqo la'aanta oo uu tilmaamay in ay qayb ka tahay dhibaatada ka jirta gudaha dalka Soomaaliya.
Keating oo sii hadlayay ayaa intaasi ku daray in marka la eego warbixinta ay soo saareen ururka shaqaalaha aduunka ee dalka Soomaaliya ay sheegeen in 33% ay shaqeeyaan halka 67% ay shaqo la'aan yihiin.
QM ayaa hadda Soomaaliya ku maal galinayso lacag gaarayso 17.5 Million oo doolar taasi oo loogu tala galay hormarinta dhalinyarada Soomaaliyeed, dhincyada xirfadaha shaqo sida, kaluumaysiga, beeraha, ka shaqeynta dhismaha iyo iyo kaabayaasha caafimaadka.
Hadalka QM ayaa ku soo aadayo xili dhalinyarada Soomaaliyeed ay haysato shaqo la'aan xoogan oo saameyn ku yeelato noloshooda, iyadoo qaarkood ay dalka iskaga tahriibeen.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Dhageyso: Taliye Cali Gaab oo ku dhagan Amisom soona...

$
0
0

Jul 18, 2017 -
Taliyaha Ciidamada ilaalada wadooyinka Jeneral Cali Xirsi ayaa ka warbixiyey inta ay gaarsiisan tahay dhibaatada ka dhalata shilalka ay geystaan Gaadiidka Amisom iyo sida ay ku xaliyaan arintaas.
Jeneraal Cali gaab ayaa sheegay Afar sano gudahood Amisom ay geysteen shan Boqol oo shil oo qaarkood dad ay ku dhinteen, waxa uuna intaa raaciyey in ay jiraan dad badan oo aan wali hellin wax magdhow ah.
"Malihi aniga Ciidamada Amisom weey wanaagsan yihiin si fiican ayey wax u maamuleen laga soo bilaabo 2011 ilaa 2015,Shan Boqol oo shil ayey galeen in badan weey diideen weyna ka carareen waxana ugu weynaa Ninkii Tagsiilihii ahaa oo Hotelkii Ambasador Horteeda ay Sisharcidaro ah u jireen ayna ka carareen balse aan ku qabanay Agagaarka Xamar-Bile kuwaas oo sidii loo baahnaa aan wax u bixin "ayuu yiri taliyaha.
Habeen kahor mid ka mid ah Gaadiidka dagaalka ee Amisom ayaa jiiray Mooto Bajaaj mareysay Wadada Taleex ee Muqdisho, Taliyaha Taraafikada ayaa cadeeyey in Amisom wax magdhow ah aysan ka bixin Mootadii ay dhibka u geysteen balse isaga iyo Gudoomiyaha Degmada Hodan ay bixiyeen lacagtii lagu qiimeeyey khasaaraha dhacay.
"Xalay shilkii ka dhacay Wadada Taleex Meesha taaga ah oo Amisom ay geesteen khasaarihiisii ka dhashay aniga iyo Gudoomiyaha degmada hodan ayaa qeybsaday kadib markii in badan laga wada dooday "ayuu hadalkiisa intaas sii raaciyay taliye Cali Gaab.
Ugu dambeyntii Taliyaha Taraafikada Jeneraal Cali gaab waxa uu sheegay in Amisom aysan sharciga dalka ka weyneyn islamarkaana lagula xisaabtami doono khasaaraha ka dhasha shilalka ay geystaan isaga oo dhinaca kalana dadka ka codsaday in aysan siyaasadeyn shalalka Amisom.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

DAAWO VIDEO:Raysal wasaare Oo Booqasho kadis Suuqyda...

$
0
0

Jul 18, 2017 -
Ra'iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo ka duulaya qorshaha xukuumadda eek u aadan u adeegista shacabka ayaa galabta tagay mid kamid ah maqaayadaha kuyaala degmada Boondheere ee magaalada halkaasi oo uu kula kulmay dadweyne kaladuwan.
Mudane Xasan Cali Khayre Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa shacbkii uu lakulmay weydiinayay aragtida ay ka qabaan waxqabadka Dowladda,isagoo sidoo kale dhageystay warbixino ku aadan talooyin ay u soo jeediyeen Dowladda.
"Qaar kamid ah dadweynihii uu lakulmay ra'iisul Wasaaraha ayaa yiri" waan ku faraxsanahay booqashadaada mudane ra'iisul Wasaare, ma filaynin waana ku soo dhaweyneynaa, waxaan ka codsanaynaa xukuumadda in ay si hufan ugu adeegto shacabka.
Dhanka kale Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali khayre ayaa kormeer kadis ah ku tagay wasaardaha Cadaaladda , iyo Awqaafta iyo arimaha diinta isagoo u kuurgalayay haubak ay u socdaan howlaha shaqo ee Wasaaradahaasi ay u hayaan bulshada.
Wasiirka Cadaaladda Xasan Xuseen Xaaji ayaa ra'iisul Wasaaraha u soo bandhigay sharciyo ay diyaarisay Wasaaradda kuwaasi oo kamid ah shuruucda ay Xukuumaddu u gudbinayso Baarlamaanka Soomaaliya.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Gaas oo aqbalay xil ka qaadistii wasiiraddii uu...

$
0
0

19th July 2017 admin Category :
Madaxweyne Gaas oo soo dhoweeyey Kaadhkii uu marsaday Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland, oo xilalaka looga qaaday wasiiradii Puntland ee uu horay isaga u soo magcaabay , hase ahaatee markii danbe ka dhego adeegay amaradiisii oo ay ka mid ahaayeen wasiirka amniga Puntland iyo wasiirka arimaha Gudaha Puntland. Waa markii ugu horaysay caalamka
[embedded content]
storvideo: 

BBC-da oo bishan lagu soo daray television ku hadla...

$
0
0

BBC-da oo bishan lagu soo daray television ku hadla Af-Somaliga iyo Lixdan guuradii idaacadda laanta Afka-Somaliga oo aan idiinka soo qabannay waayo waayo wararkii amma raggii ka hadli jiray. ( Halkan ka daawo )
Waxa Daabacay staff-reporter on Jul 18th, 2017 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.
Awdalpress - London - Lixdan sano ka hor oo ku beegan maanta, waxa BBCda ku soo kordhay laanta Af-Somaliga. Isla bishanna waxa BBCda lagu daray Television ku hadla afka Somaliga.
Halkan ka daawo wararkii maanta:
[embedded content]
Aan idiin kala baxo Dr. Mohamed-rashid oo innoo soo qabta clipyo ka mid ah wararkii bari samaadkii BBC da ka bixi jiray iyo hal doorkii wakhtigaa.
Dr. Ahmed Ismail Samatar siduu u hadli jiray markii uu BBC da ka hadli jiray.
[embedded content]
Codkii dahabiga ahaa ee Cisman Sugalle bal isna aan wada dhegeysanno
[embedded content]
Xaaji Abdi Ducaale AUN waxa uu ahaa ninkii ugu horreeyey ee billaaba ka hadalka Laanta Af-Somaliga ee BBCda.
[embedded content]
Awdalapress
This post has been viewed 295 times.

Categories: Daily Somali NewsTags:
storvideo: 


Qorshaha Trump waa ha dumo caymiskii Obama

$
0
0

Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in siyaasadda cusub ee caymiska caafimaadka ee xisbiga Jamhuurigu tahay mid doonaysa inuu dumo caymiska caafimaadka ee haatan jiraa.

Maxaa xilligan keenay in baarlamaanka Puntland uu kalsoonida kala laabto golaha wasiirada?

$
0
0

Baarlamaanka Puntland ayaa shalay kalsoonidii kala noqday golaha wasiirada maamul goboleedkaas, waxaanay qaar ka mid ah xildhibaannadu ay BBC-da u sheegeen in habacsanaan weyni ka muuqatay shaqada xukuumadda gaar ahaan dhanka nabadgelyada.

Qorshaha Trump waa ha dumo caymiskii Obama

$
0
0

Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in siyaasadda cusub ee caymiska caafimaadka ee xisbiga Jamhuurigu tahay mid doonaysa inuu dumo caymiska caafimaadka ee haatan jiraa.
"Wax aan yeeli doono ma aha" ayuu Trump ku yidhi warfidiyeenka isagoo ka hadlayey qorshihii caymiska ee Obama, waxaanu intaa ku daray "waan idiin sheegayaaye ma aha wax ay Jamhuurigu yeeli doonaan".
Xildhibaannada xisbiga Jamhuuriga kaga jira Senate-ka ayaan isku wada raacin taageerada qorshahan cusub ee laga doodayey Isniintii waxaana intii hore uga soo horjeeday ku biiray laba xildhibaan oo kale.
Hogaamiyaha xildhibaanada xisbiga Dimuqraadiga ee Senate-ka, Chuck Schumer, ayaa yidhi Trump wuxu "dhayalsanayaa" hanaanka caymiska caafimaadka Maraykanka.
"Wuxuu si kas ah u doonayaa in uu wiiqo hannaanka caymiska caafimaadka dalkan waxaanu ku ciyaarayaa malaayiin qof oo Maraykan ah naftooda" ayuu hadalkiisa ku daray Schumer.
Dhanka kalena ra'yi ururin la sameeyey ayaa muujisay in hanaanka caymiska Obama Care ay dadka Maraykanku doonayaan waxaana ra'yi ururintaa sameeyey wargeyska Washington Post iyo Telefishanka ABC News Isniintii.
Waxaana lagu ogaaday in kala badh iyo dheeraad dadka Maraykanku ay Obama Care ka door bidayaan qorshahan cusub ee haatan ay waddo xukuumadda Trump.
storvideo: 

Maraykanka oo cunoqabatayn cusub ku soo rogay Iran

$
0
0

Maraykanka ayaa ku dhawaaqay cunoqabatayn cusub oo dhinaca dhaqaalaha ah oo uu ku soo rogay Iran, taas oo ka dhalatay barnaamijkeeda gantaalaha ballistic-ga ah waxaanu ku eedeeyey in uu barnaamijkaasi wiiqayo xasiloonida gobolka.

Maraykanka oo cunoqabatayn cusub ku soo rogay Iran

$
0
0

Maraykanka ayaa ku dhawaaqay cunoqabatayn cusub oo dhinaca dhaqaalaha ah oo uu ku soo rogay Iran, taas oo ka dhalatay barnaamijkeeda gantaalaha ballistic-ga ah waxaanu ku eedeeyey in uu barnaamijkaasi wiiqayo xasiloonida gobolka.
Washington waxay sheegtay in cunoqabatayntani beegsanayso dad iyo shirkado tiradoodu tahay sideed iyo toban oo taageera barnaamijka gantaalaha Iran ama ciidanka awoodda badan ee ilaalada Jamhuuriga Iran.
Wasaaradda arimaha dibadda Iran ayaa ku tilmaantay cunoqabatayn tan mid "dhan keliya ah oo sharci darro ah". Waxaanay ku goodiday in ay tallaabo fal celin u ah qaadi doonto oo ay Iran na Maraykanka cunoqabatayn saari doonto.
Tallaabadan u dambaysay ee Maraykanku qaaday waxa la shaaciyey maalin uun ka dib markii Aqalka Cadi sheegay in Iran ku dhaqmayso qodobada heshiiskii nukliyeerkeeda ee ay la gashay quwadaha caalamiga ah.
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live