Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Magaalo ku taalla Canada oo u diiday Muslimiinta inay qubuuro sameystaan

$
0
0

magaalo yar oo u dhaw magaalada Quebec ayaa qabatay afti loogu codeynayo in Muslimiinta ay qubuuro dhistana iyo in kale.


Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter
Muqdisho(SONNA)- Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa munaasabad saagootin ah loogu qabtay Safiirkii dalka Sweden Mr. Mikael Lindvall oo muddo gaaraysa 5 sano ka shaqaynaayey dalka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka iyo saraakiisha Madaxtooyada ayaa Safiirka qado sharaf kula qaatay Aqalka Madaxtooyada.
"Dawladda Soomaaliya waxay uga mahad-celinaysaa Safiir Mikael Lidvall kaalinta mugga lahayd ee uu ka qaatay xoojinta xiriirka labada dal intii uu hayey xilka Safiirnimo. Sidoo kale, dadaaladii ay ku bixisay Safaaraddu hawlaha gargaarka iyo arrimaha bulashada." Sidaas waxaa yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Yuusuf Garaad Cumar.
Safiirka Dalka Sweden Mr. Mikael Lindvall ayaa sheegay sida uu ugu faraxsanyahay wada shaqayntii iyo garab istaaggii uu ka helay Madaxda iyo Shacabka Soomaaliyeed muddadii uu ka shaqaynaayey Safaaradda Dalkiisa, sidoo kale waxa uu ka warbixiyey qaar ka mid ah Mashaariicda dhawaan ay fulin doonto Safaraaddu. "Waxaan la bilaabaynaa Wasaaradda Caafimaadka ee Dowladda Federaalka ah mashruuc cusub oo lagu tayeynaayo Caafimaadka hooyada iyo dhallaanka kaasoo Dowladda Sweden ay ku maalgalindoonto lacag gaaraysa 8.5 Malyan oo Doolar".
Madaxwayne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa guddoonsiiyey Safiir Mikael Lidvall walxo ka mid ah Agabka Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed
DHAMMAAD
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleRa'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo kulan la qaatay Urrurada Bulshada Rayidka ah.
Next articleR/wasaare XFS oo maamulka Bankiga dhexe kala hadlay soo saarista lacago cusub

storvideo: 

Kulan Looga Hadlay Gargaarka oo ka Dhacay Muqdisho

$
0
0

Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay kulan ay lahaayeen hey’adaha gargaarka ka shaqeeya, wasaaradda gargaarka ee dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.

Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 380

$
0
0

[unable to retrieve full-text content]Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha ee toddobaadkani waxaa si aad uga barateenba soo jeedinaya Axmed Faarax Cali Idaajaa, waana qeybtii 380-aad.
Barnaamijka oo dhan hoosta ka dhageyso.
storvideo: 

SMN Statement on the Controversial Review of Somalia...

$
0
0

The Managing director of Shabelle Media Network (SMN), H.E. Abukar Sheikh Mohamud has released Wednesday a press release on the amendment of the Somalia's media law that was passed by the cabinet ministers of the federal government on July 13, 2017.
It's worth mentioning that SMN has not been invited and attended the Public Consultation Workshop held by the Somalia's ministry of Information, culture and tourism of the federal republic government, in which the local journalists discussed on the 'Somali media law amendment'.
Hence, it is obvious that is a difference between what we have agreed with the Ministry of Information and the information on the Somali media law amendment proposal approved by the cabinet during their weekly meeting held in Kismayo, the interim capital of Jubbaland in July 13, 2017.

  • Article 18 in the new med law, orders journalists to have their names registered at the ministry of information, a move that damages the freedom of the independent media and the press freedom.
  • Article 25 allows the Ministry of information to set up the journalism ethics, which the Somali journalists believe to be a violation of the international standard of the journalism.
  • Article 40, gives the Minister of Information an additional power to take measures against the freedom of the independent media and the press freedom, according article 18 of the constitution.

Therefore, we call on everyone whom it may concern, including the members of council of ministers for the Somalia's Federal Government to intervene in the situation and review the above mentioned issues before the Information minister forward the controversial media bill to parliament for approval.Click the link, to read the statement as PDF. SMN statement on Somalia media law amendment (2)
_________________________________For more information HE Abukar Sheikh Mohamud, Director of Shabelle Media Network Email: abuukarsky@gmail.com

storvideo: 

SAWIRO & Xog Cusub oo laga helay Sarkaal ka tirsan...

$
0
0

Jul 19, 2017 -
Sarkaal ka tirsan Hey'adda NISA ayaa galabta ku dhaawacmay qarax loogu xiray gaarigiisa, iyadoo qaraxa uu dhacay, xilli gaariga uu marayay inta u dhaxeysa Ex Baarlamaankii hore iyo Xarunta Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga.
Gaariga oo ahaa nuuca Surf ayaa soo gaaray waxyeelo aan sidaa u buurneyn, iyadoo markii uu qaraxa dhacay uu ka baxay wadada.
Sarkaalka ku dhaawacmay qaraxa ayaa magaciisa lagu sheegay C/llaahi Nuur Samatar (Caanobooro), iyadoo dhaawiciisa uu fudud yahay.
Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Axmed Xasan Maalin ayaa sheegay in gaariga uu soo gaaray waxyeelo kooban.
"Gaariga wuxuu ahaa Surf, waxaa qaraxa looga xiray labada kursi dhexdooda ayaa loogu soo dhejiyay wixii qarax ahaa, dhaawac yar ayaa gaaray, wuxuu ka tirsanaa Hey'adda Nabadsugida"ayuu yiri Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir.
Qaraxyada lagu xiro gaadiidka gaarka loo leeyahay ayaa ku soo badanayay magaalada Muqdisho, waxaana horay loogu khaarijiyay shaqsiyaad kala duwan oo isugu jiray, saraakiil ciidan, xildhibaano, shaqaale dowladeed, ganacsato iyo Wariyeyaal.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

SAWIRO: MD Farmaajo oo sagootiyay Safiirka Sweden ee...

$
0
0

Jul 19, 2017 -
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sagootiyay Safiirka dowladda Sweden ee Soomaaliya Mikael Lindvall, oo shaqada ka sii tagaya, kaddib muddo 5 sano oo arrimaha Soomaaliya ka shaqeynayay.
Munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta Madaxtooyada ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Arrimaha Dibadda Yuusuf Garaad, Xildhibaano ka tirsan Aqalka sare iyo Golaha shacabka.
Danjire Mikael Lindvall ayaa Madaxweynaha ka guddoomay hadiyado isugu jiray hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed iyo agab kale.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad ayaa sheegay in Safiirka Sweden mudadii uu Soomaaliya joogay uu howl aad u baaxad leh qabtay, isla markaana Sweden ka mid tahay dowladaha taageera Soomaaliya.
Dowladda Sweden ayaa danjire cusub oo bedelaya Mr Lindvall u soo magacawday Soomaaliya, kaasoo lagu wado inuu dhowaan soo gaaro Muqdisho, si uu waraaqihiisa aqoonsiga ugu wareejiyo Safiirka.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Kulan Looga Hadlay Gargaarka oo ka Dhacay Muqdisho

$
0
0

Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay kulan ay lahaayeen hey'adaha gargaarka ka shaqeeya, wasaaradda gargaarka ee dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.
Kullankaasi ayaa looga hadlay xaaladda Soomaaliya oo weli ay heysato diiftii ay ka qaadeen abaarihii wadanka ku dhuftay.
Wariyeheenna Xassan Kaafi Cabdiraxman Qoyste ayaa warbixintan inoo soo diray.

Embed code
Copy and paste the embed code below.
The code has been copied to your clipboard.
0:09:22
0:00:00 /0:09:22
Direct link
Pop-out player
storvideo: 


Amaro Addag oo lagu soo rogay Wasiiradii Puntland ee...

$
0
0

Jul 19, 2017 -
Hanti-dhowraha guud ee maamulka Punttand, Jaamac Maxamed Cusmaan, ayaa soo saaray go'aan lagu hakinayo in wax lacag ah laga saaro khasnadaha maamulka, sida Bankiyada iyo xawaaladaha gaarka ah.
Warqad ka soo baxday xafiiska Hanti-dhowrka ayaa u qorneyd sida tan "Hanti-dhowrka guud isaga oo cuskanaya awoodiisa Dastuuriga ah iyo sharciga wuxuu masuuliyiinta Wasaaradaha Puntland, Bankiyada, Xawaaladaha gaarka ah ee Puntland ku wargelinayaa in la hakiyay ka saarida wax lacag ah xisaabaadka Wasaaradaha uga furan dhammaan Bankiyada iyo xawaaladaha gaarka ah ee Puntland laga bilaabo 19-ka July 2017-ka ilaa amar dambe".
Sidaas oo kale saxiixa rasmiga ah ee Xisaabaadka lacageed ayaa la joojiyey, waxaana la amray in aysan wax cusub sameyn Karin, ayna wadi karaan oo kaliya shaqadii hawl maalmeedka aheyd.
Warbaahinta gudaha ee Puntland ayaa tabineysa in Hanti-dhowrka Puntland uu amray in aysan Wasiiraddan ka bixi karin dalka, iyagoo aan wareejin xilka ay u hayaan Shacabka Puntland.
Golaha Wasiirada Maamulka Puntland, ayaa shalay la riday, kadib markii codka kalsoonida ay u qaadeen Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Puntland oo kulan ku yeeshay xaruntooda Golaha Shacabka.
Xildhibaano gaaraya 47 Xildhibaan ayaa codka kalsoonida ah si rasmi ah ugala noqday Golaha Wasiirada Puntland, 9 Xildhibaan ayaa ka aamusay 1 Xildhibaana waa uu diiday.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

SAWIRO: R.W Khayre oo kulan Muhiim ah maanta la...

$
0
0

Jul 19, 2017 -
Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta kulan hal mar bishiiba la qabto la yeeshay qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah, kaasoo looga hadlo isbadelka dalka iyo sida shacabka Soomalaiyeed ay uga qayb qaadan karaan horumarka iyo xasillinta amniga Caasimadda iyo guud ahaan dalka.
Ra'iisul Wasaaraha ayaa u sheegay ka soo qayb galayaasha kulanka inuu ugu yeeray sidii uu ugala tashan lahaa xaaladda uu dalka ku jiro iyo sida ugu habboon ee horumar lagu gaarsiin karo dalka, maadaama bulshadda Soomaaliyeed la'aantood aan la soo gaareen meesha maanta ay joogto dawladnimadu.
"Waxan idinka codsanayaa inaad si dhow ula shaqeysaan dawladdiina si meesha looga saaro cidda aan ku farxsaneyn qaranimadeena iyo kuwa caadeystay dhiigga shacabkeenna qiimaha badan" ayuu yiri Ra'iisul Wasaare Khayre.
Qaar kamid ah ka soo qeyb galayaasha kulanka ayaa soo jeediyey in la dardargaliyo sugidda amniga Muqdisho, si loo furo waddooyinka xiran oo shacabku ay dhib ku qabaan xiliyada ay marayaan, sidoo kalena waxay cadeeyeen in amni daradu ay saameyn ku yeelatay Ganacsiga iyo isku socodka dadka.
Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa tilmaamay in shacabka Soomaliyeed ay ku adag tahay aaminaada madaxdooda, taasina waxay meesha ka saartay wada shaqeynta dawladda iyo shacabka,haddana loo baahan yahay sidii aan u heli lahayn kalsoonida shacabka.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

R/wasaare XFS oo maamulka Bankiga dhexe kala hadlay...

$
0
0

Home WARARKA R/wasaare XFS oo maamulka Bankiga dhexe kala hadlay soo saarista lacago cusub
SHARE
Facebook
Twitter
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleMadaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo sagootiyay Safiirka Sweden oo muddo xileedkiisa shaqo ay ka idlaatay"sawiro"

storvideo: 

Wasiir Xoosh oo sheegay dastuurka inan afti loo...

$
0
0


Muqdisho (RBC Radio) Wasiirka arrimaha dastuurka federaalka ah ee dalka,Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa sheegay caqabaddo badan inay hor-yaallan dastuurka in la qabyo tiro,isagoo saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho.
Wasiirka wuxuu caddeeyay in labo sanno gudahood la doonayo in loo qaado dastuurka afti dadweyne, hase ahaatee waxaa uu xusay inay caqabado ka imaan karaan, gaar ahaan dhinaca amniga iyo siyaasada.
Wuxuu inta ku darrey wasiirka in dastuurka kumeel-gaarka ah aan afti loo qaadi karin, iyadoo nidaamka federaalka ee dalka ka maqan tahay Soomaaliland oo horay uga dhawaaqay inay ka go'day Soomaaliya inteeda kale.
Cabdiraxmaan Xoosh , wuxuu sheegay in haddii afti loo qaado Dastuurka, iyadoo Soomaaliland maqan ay u muuqaneyso in laga maarmay oo ay ku noqoneyso dal ka go'ay Soomaaliya inteeda kale.
"Haddii Soomaaliland aftida ka qeyb qaadan, waxaa u muuqaneynaa inaan dhahno waa idinka maaranay, marka waa inay dariishada furnaato, si Federaalkan socda ay ugu soo qeyb geli lahaayeen." ayuu yiri Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil.
Gabagabadii,hadalka wasiirka ayaa yimid iyadoo wasaaradda arrimaha dastuurka ay ku howlaneed muddooyinkii dambe wada-tashi qeyb ka ah qorshaha la doonayo dastuurka in lugu qabyo tiro.
Gabagabadii,wasiirka dastuurka wuxuu sheegay in marka la soo gaba gabeeyo dib u eegista Dastuurka uu baarlamaanka labada aqal uu talo ka geli doono, kaddibna ay cod u qaadayaan, si uu u noqdo dastuur loo dhan yahay.
__
RBC Radio

storvideo: 

Gollaha wakiiladda Puntland” Isla xisaabtanku waa...

$
0
0


Muqdisho (RBC Radio) Xildhibaan Faysal Cabdille Guuleed (Feysal Cabille Bidaar), oo kamida Barlamaanka Dawladda Federalka ee Soomaaliya ayaa - isagoo kusugan Muqdisho wuxuu ka hadlay xallada kusoo korortay Dawladd Gobolleedka Puntland ee Soomaaliyeed.
Xildhibaan (Feysal Cabdille Bidaar), oo kamida Mudaneyaasha laga soo doort Puntland, ayaa wuxuu ka hadlay siduu 'u' arko kala dirista Gollihii wasiiradda ee Dawlad Gobolleedka Puntland, oo ay kalsoonidii kala noqden Gollaha wakiilada Puntland. Wuxuuna yiri sidan:-
Gollaha wakiiladda Dawladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay guten (Qodob) dastuuriya sida uu dhigayo (Dastuurka) Dawladda Gobolleedka Puntland ee Soomaaliyeed waxayna kamid tahay Dawlad wanaagga, Dimuqraadiyadda iyo isla xisaabtanka Gollayaasha Dawliga.
"Waxaa lagu jira xili u bahan dhammaan bulshadu inay isku duubni iyo wada jir wax u wada qabsato waxaa jira Abaaro xalad amni iyo dhaqaale xumo haysata guud ahan Ummadda Soomaaliyeed sidas darted, waa in si wadajira shacab iyo Dawladd-ba la isku duubnaado."
"Shacabka Puntland iyo Madaxda Dawladdaba waxan leeyahay ilaalisada xasiloonida iyo Dawladnimaddiina waxay raasamaal u tahay dhammaan Ummadda Soomaaliyeed , Gollihii fulinta ee Dalka u soo shaqeeyey waxay mudan yihiin karaamo iyo inay shaqadii halkii kasii wadan iyagoon xitaa xilal hayn ayaa waxaa waajib ku ah inay bulshadooda u shaqeeyan waana filaya inay gudan doonaan waa jibaadka mawaadinimo , ee Qof kasta sara am axil ha hayo ama uusan xil hayne."
"Ugu dambayntiina Mar haddii xukummaddii Barlamaanku kalsooniddii kala noqday Madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas), sida uu sheegay ba -dastuurkuna siinayo waa inu soo magacaabo Golle Fulineed oo Tayo) leh. Kana tiro yar xukumaddii hore si loo xakameeyo dhaqaalaha iyo shaqada Dawladda.
"Puntland oo ah halka (Aniga) la- iga soo doortay waxay xuddun u tahay Jamhuuriyadda Federalka, ee Soomaaliya waa Hooyada Dawladnimo ee Soomaaliya waana Dawlad Gobolleedkii koobad ee nidaam Faderal ah ku dhismay kadibna dhexeda u xirtay raadinta Qaran Soomaaliyeed."

storvideo: 

Taariikhda magaalada qadiimiga ah ee Harar

$
0
0

Mid ka mid ah magaalooyinka ugu da'da weyn uguna barakaysan dalka Itoobiya ayaa todobaadkan waxa ay jirsatay kun iyo toban sano.

Xulafadii uu hoggaaminayey Saudigu ee shuruudda adag...

$
0
0

Xulafadii uu hoggaaminayey Saudigu ee shuruudda adag ku xidhay Qatar ayaa soo dabcay. ( Halkan ka akhriso warka oo faah faahsan )
Waxa Daabacay staff-reporter on Jul 19th, 2017 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.
Afarta dal ee Carbeed ee hormuudka u ahaa go'doominta Qatar ayaa ka soo debcay halkii ay taagnaayeen oo haatan kuma adkaysanayaan in Qatar saddex iyo tobankii qodob ee ay bishii hore u soo gudbiyeen ay fuliso.
Diblomaasiyiin ka kala socda Sucuudiga, Imaaraatka, Baxrayn iyo Masar ayaa warfidiyeenka ugu sheegay xarunta Qaramada Midoobay in ay haatan doonayaan in Qatar fuliso lix qodob oo mugweyn.
Qodobadan ay sheegeen waxa ka mid ah la dagaalanka argagixisada iyo xag jirka iyo in ay joojiso talaabooyinka carinta iyo kicinta ah.
Qatar oo beenisay in ay argagixisada taageerto ayaan iyadu markiiba ka jawaabin hadalkan diblomaasiyiintu sheegeen.
Waxay sidoo kale ganafka ku dhufatay qodobadii ay u soo jeediyeen dalalkaasi oo ay ku sheegtay in ay halis ku yihiin qarannimadeeda ama ay xad gudub ku yihiin xeerka caalamiga ah, waxaanay sidoo kale dhaleecaysay "go'doonka" ay geliyeen dalalka la olloga ahi.
Diblomaasiyiinta ka socday afarta dal waxay warbixintii ay warfidiyeenka ku siiyeen xarunta Qaramada Midoobay ee New York ku sheegeen in ay doonayaan in xiisadda lagu dhameeyo xal sokeeye.
Danjiraha Sucuudiga u fadhiya Qaramada Midoobay, Cabdullah al-Mucallimi, ayaa sheegay in wasiirada arimaha dibadda ee dalalkoodu lixdan qodob ee cusub isku raaceen markii ay ku shireen Qaahira 5 Juulaay "waana kuwo u fudud Qatar oo ay aqbali karto" ayuu yidhi.
BBC
This post has been viewed 35 times.
storvideo: 


Waraysi: Mustafe Kiiko iyo fankiisa allifaadda laxannada

$
0
0

Cuudka ama kabanku waa aaladda ugu dhawaqa dabacsan ee Muyuusigga Soomaalida dhadhanka gaarka ah u yeesha, waa aaladda bisha heesaha Soomaalida ee qaaci iyo qaraamba leh ee aan laga xiise goyn.

Chelsea oo £60 milyan kula soo wareegaysa Alvaro Morata

$
0
0

Kooxda Chelsea ayaa la gaartay Real Madrid heshiis ay 60 milyan oo Pound kagala soo wareegayso weeraryahan Alvaro Morata.

Dr. Mohamed Bihi Yonis oo u soo xadhko xidhay...

$
0
0

Dr. Mohamed Bihi Yonis oo u soo xadhko xidhay dagaalka uu kula jiro xisbiga Kulmiye, barrina wacdaro ka dhigi doona magaalada Hargeysa.
Waxa Daabacay staff-reporter on Jul 19th, 2017 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.
Awdalpress - London - Sida warar hoose ku soo gaadhayaan shabakadda awdalpress.com, waxa la sheegayaa in Dr. Mohamed Bihi Yonis uu meel fog uga yimid dagaal xooggan oo uu ku qaadayo xisbiga Kulmiye ee Muse Bixi musharraxa u yahay. Sida aan ka hellay warar hoose ayaa tibaaxaya in siyaasiyiin miisaan culus ku leh Hargeysa iyo shacabka degaanka ku ah Hargeysa oo wada socdaa ay barri isugu iman doonaan kulan ay ku caddaynayaan mawqifkooda siyaasadeed, ee ay kaga mid noqonayaan xisbiga Waddani.
Waxana magaalada Hargeysa laga dareemayaa qaban qaabada ay wadaan beelaha dega galbeedka Hargeysa. Siyaasiyiinta miisaanka leh ee hawshan ka dhex muuqdana waxa ka mid ah Abiib Tima-cad iyo Ismail Yare. Siyaasiyiintaasi iyo kuwo kale oo barri lagu arki doono saaxadda kulanka, ayaa u soo xadhko xidhay sidii ay dagaal aan waxba la isula hadhin ugu qaadi lahaayeen xisbiga Kulmiye.
Illaa iyo intii la bilaabay Kaadh qaadashada ayaa waxa isa soo taraya xoogga iyo taageerayaal ku soo qul qulaya xisbiga Waddani, meelaha ugu daran ee lagala hoos baxay xisbiga Kulmiyena waxa ka mid ah Caynabo, Dhoqoshi iyo Ceerigaabo. Laakiin dadka siyaasadda u kuur galaa waxa ay leeyihiin ciyaari waa gellin danbe.
Awdalpress
This post has been viewed 335 times.
storvideo: 

Odayaal ku hadlaya magaca Beesha Makayl-dheere oo...

$
0
0

Odayaal ku hadlaya magaca Beesha Makayl-dheere oo taageeray Xukuumada Somaliland Iyo Xisbiga Kulmiye
Waxa Daabacay staff-reporter on Jul 20th, 2017 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.
Awdalpress - London - Odayaal sheegtay in ay ku hadlayaan magaca beesha Makayl-dheere, ayaa ka dhawaajiyey in ay ku biireen xisbiga Kulmiye. Arrintan oo daba furan ku ah isbahaysi beelaysnaa oo muddaba dabada laga riixayey.
Waxase su'aali ka joogtaa in ay odayadani ku hadli karaan codka iyo masiirka ummad weynta Makayl-dheere. Sidoo kale waxa la is weydiinayaa farqiga ay odayadani samayn karaan.
Dhinaca kale taageerayaasha xisbiga Waddani ee gobollada galbeedka ayaa u eg mid uu muddaba hoos u dhac ku socday. Waxana sababta arrintaa loo aanaynayaa ama loo sibir saarayaa dadka u ololeeya musharraxa M/xigeen Mudane Mohamed Ali ee kala jooga gudaha iyo dibadda, oo ah kuwo aan fahmo badan u lahayn ololaha xilligan loo baahan yahay. Haddii ay hawsha ololuhu sidaa ku sii socotana waxa aan shaki ku jirin in xisbiga Waddani cidlo lagaga dhaqaaqi doono.
[embedded content]
AWdalpress
This post has been viewed 310 times.
storvideo: 

Xiddig VS Goodax

$
0
0

Cabdirashiid Xidig, oo Tuugnimada iyo musuqmaasaqa kula shaqaysan jiray madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Culusoow, oo xitaa Raashin Turkigu keenay oo loogu tala galay in la geeyo gobolka Sanaag ka gatay suuqa Bakaaraha iyo Boosaaso, ayaa maanta Askartii oo rasshinkooda dhici jiray wuxuu leeyhay waa in madaxweyne Farmaajo uu u qoraa $500
Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xiddig wuxuu xilka Xildhibaannimada kursiga beeshiisa ku fadhiistay Sanadkii 2000 Shirkii Carta ilaa Maanta.
Wuxuu ka mid ahaa afartii Baarlamaan ee kan ka horeeyay tan iyo burburkii wadanka, isagoo ka mid ah Baarlamaankii 5aad tobanka Baarlamaan ee uu dalku yeeshay tan iyo Xornimadii Soomaaliya oo uu xildhibaan ka yahay maanta.
Wuxuu ka mid ahaa Xildhibaannadii jagada Wasiirnimada iyo Xilka Baarlamaanka labadaba ku soo wada fadhiyay, isagoo Xukuummaddi ugu dambaysay ee Xasan Culusoow ka hayay Xilka Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arimaha Gudaha.
Maanta waxa uu u doodayaa sidii nin ku Cusub Baarlamaanka Soomaaliya isagoo ah Xildhibaan ku naaxay Xoolaha Shacabka.
Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xiddig wuxuu xilka Xildhibaannimada kursiga beeshiisa ku fadhiistay Sanadkii 2000 Shirkii Carta ilaa Maanta.Wuxuu ka mid ahaa afartii Baarlamaan ee kan ka horeeyay tan iyo burburkii wadanka, isagoo ka mid ah Baarlamaankii 5aad tobanka Baarlamaan ee uu dalku yeeshay tan iyo Xornimadii Soomaaliya oo uu xildhibaan ka yahay maanta.Wuxuu ka mid ahaa Xildhibaannadii jagada Wasiirnimada iyo Xilka Baarlamaanka labadaba ku soo wada fadhiyay, isagoo Xukuummaddi ugu dambaysay ee Raisulwasaare Cumar Cabdirashiid ka hayay Xilka Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arimaha Gudaha.Maanta waxa uu u doodayaa sidii nin ku Cusub Baarlamaanka Soomaaliya isagoo ah Xildhibaan ku naaxay Xoolaha Shacabka.DAAWO JAWAABAHA AY IS DHAAFSANAYAAN ISAGA IYO XILDHIBAAN GOODAX.
Opslaet af Mustafa Salad Awale pa 18. juli 2017

storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live