Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Madaxweyne Obama oo daafacay qorshaha masjidka New York

0
0

Madaxweyne Barak Obama ayaa daafacay qorshaha masjidka weyn ee muslimiinta Maraykanku ay ku doonayaan inay ka dhisaan goob u dhaw 'Ground Zero', oo ah goobtii weerarradii 9/11 ee New York, sanadkii dhaceen 200.

Madaxweynuhu, hadalkani waxa uu u jeediyey marti-sharaf ka socotey
muslimiinta Maraykan, oo uu ugu yeedhay guriga cad, uguna sameeyey afur,
bishan barakaysan ee Ramadaan.

Waa in aan la isku khaldin, oo la kala saaraa kooxaha xagjirka ah, sida al-Qaeda oo kale, iyo muslimiinta caadiga ah

Barak Obama

Waana markii ugu horraysay ee ilaa haatan uu ka
hadlo madaxweyne Obama arrintan murranka iyo khilaafku ay ka taagan
yihiin ee dhismaha masaajidkani cusub ee degaanka Manhatan ee New York.

Waxanu madaxweynuhu xasuusiyey marti-sharaftaasi
uu la hadlayey in muwaadiniin kasta oo Maraykan ahi ay xaq u leeyihiin
inay dhistaan meelo ay ku cibaadaystaan.

Murankani waxa uu ka danbeeyey olole iyo cabasho weyn oo ka timid dad ka soo horjeeda dhismaha masaajidkaasi ee goobtaas.

Waxayna dadka olalahaasi wadaa ku doodaya in
masajidku uu aad ugu dhaw yahay dhulka loo yaqaanno 'Ground Zero', oo ah
buqcadihii ay ka taagnaan jireen daarihii loo yaqaanney 'Twin Towers'
ee lagu burburiyey weerarradii argagixiso ee xagga cirka ee 9/11,
sanaddii 2001, buburkaasi oo ay isla markaana ku dhinteen kumannaan qof.

Sidaasi awgeedna, waxay ku doodeen dadkaas in
dhisme masjid oo halkaas laga qotomiyaa uu noqonayo mid xasaasi iyo
xushmo-darro ah, oo kiciya dareena dadkii qaraabadoodu ku dhimatay
weerarradaas.

Hasse ahaatee madaxweyne Obama waxa uu sheegay,
in isaga oo fahamsan xasaasiyadda iyo dareenka ku xeeran arrintani, in
haddana America ay tahay dal ay ka jirto xorriyadda diimaha iyo
wax-caabudku, dalkana loo siman yahay, marka loo eego dadka ku dhaqan ee
kala caqiidada ah

Ugu danbayntiina waxa uu uga digey dadweynaha
Maraykanka, in aan la isku khaldin oo a kala saaro, kooxaha xagjirka ah
ee al-Qaacida ka mid tahay, iyo dhinaca kale muslimiinya caadiga ah.


quot;ishu waa xaqquot; by Dr. Cali Maxamed Salax(2/6 ...

0
0

Author: Salimsi1
Keywords:
Added: August 14, 2010

muxaadaro: 

quot;ishu waa xaqquot; by Dr. Cali Maxamed Salax(3/6 ...

0
0

Author: Salimsi1
Keywords:
Added: August 14, 2010

muxaadaro: 

quot;ishu waa xaqquot; by Dr. Cali Maxamed Salax(4/6

0
0

Author: Salimsi1
Keywords:
Added: August 14, 2010

muxaadaro: 

quot;ishu waa xaqquot; by Dr. Cali Maxamed Salax(5/6

0
0

Author: Salimsi1
Keywords:
Added: August 14, 2010

muxaadaro: 

"ishu waa xaq" by Dr. Cali Maxamed Salax(6/6

0
0

 

Author: Salimsi1
Keywords:
Added: August 14, 2010

muxaadaro: 

Finland: Soomaalida Magangelyo Doonka

0
0

Dowladda Finland ayaa sheegtay in tirada Soomaalida dalbaneysa in loo soo qaado qoysaskooda Afrika ku sugan ay aad u korodhay sanadkan.

Waxaana la qiyaasayaa in inka badan saddex jibbaar ay ka sara marto tirada ay dowladda Finland awoodi karto inay sanadkiiba bixiso sharciga soo gelitaanka.

Mustafe Sheekh Aadan Amiin oo ah wariye madaxbannaan oo ku sugan magaalada Helsinki oo u warramay VOA-da ayaa sheegay in tiro kororkaasi ay ugu wacan tahay dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya ee ka sii daraya.

Soo galowga sida sharciga ku yimaada ee dalkaasi Finland, waxay dowladdu siisaa kaalmo bani'aadamnimo oo wax badan ka tarta noloshooda.

Dowlad goboleedka Puntland oo suxufiyiinta puntland ka mamnuucay iney ka hadlaann dagaalka ka aloosan agagarka boosaaso

0
0

Wasaaradda Warfaafinta u qaabilsan Dawladda goboleedka Puntland ayaa dikireeto ey ka soo saartay Magaalada Bossaso uga mamnuucday baahinta wararka ku aadan waxa ay Dawladdu ku sheegtay Arga-gixisada oo ay ula jeeday kooxaha dagaalka kula jira xilligan Dawladda Puntland.

Wasiirka Warfaafinta ee Dawladda Puntland C/xakiin Axmed Guulleed oo caawa shir jaraa’id ku qabtay Hotelka Panarama ee Magaalada Bossaso ayaa waxa uu uga hadlay sharcigan ay Wasaaraddiisu soo saartay waxaana uu sheegay in saxaafadda Puntland looga baahan yahay in ay sharcigan ku dhaqanto ciddii ku dhaqmi waydana laga qaadi doono talaabo adag sida uu sheegay Wasiirku.

Wasiirka ayaa si gaar ah waxa uu u tilmaamay in kooxaha kasoo horjeeda Dawladda Puantland sida kuwa ku jira Buuraha Gobolka Bari ee Galgala iyo xarakadala Al shabaab in aan gebi ahaanba wararkooda laga siidayn karin Idaacadaha iyo Tv-yada ku yaalla Deegaanada Puntland.

Wasiirka ayaa waxa uu uga digay guud ahaanba saxaafadda Puntland in ay ka fiirsadaan sheegitaanka wararka liddiga ku ah Puntland isaga oo ku cel celiyey in Dawladda Puntland ay talaabo adag ka qaadi doonto ciddii ka dhega adaygta amarradan kasoo baxay Wasaaradda warfaafinta Dawladda Puntland.

“Warbaahinta Puntland maqal iyo Muuqaalba waxaa caawa ugu danbayntii looga digaayaa in ay siidaayaan wararka kooxaha Arga-gixisada ah ee sal guuriyey Puntland kuwaasi oo cadow ku ah nabadda iyo nolosha ka jirta Puntland, ciddii amarkan qaadan wayda ama ka dhega adaygta talaabo adag ayaa laga qaadi doonaa sharciga ayaana la horgayn doonaa”, sidaasi ayaa waxaa yiri Wasiirka Warfaainta ee Dawladda Puntland C/xakiin Axmed Guulleed mar uu caawa ka hadlaayey shir jaraa’id oo uu ku qabtay Hotelka Panaroma.

Amarradan ayaa waxa ay yihiin kuwo ku cusub Deegaanada Puntland ilaa iyo iminkana lama oga sida ay la yeeli doonto saxaafadda Puntland oo markan u muuqata in cadaadis xooggan oo xagga xorriyadda ah laga saaray dhanka Dawladda Puntland.

Sikastaba talaabadan ayaa waxa ay kamid noqonaysaa talaabooyin is daba joog ah oo muddooyinkan uu Maamulku ku hayey Saxaafadda xorta ah ee ka hawlgasha Deegaanada Puntland waxaana ay arrintan kusoo aaday xilli maanta xukun xarig iyo ganaax ah lagu riday Agaasimahii Idaacadda Horseed Media C/fataax Jaamac Mire.


kaalinta salaada ku leedahay islaamk byDr. Cali Maxamed Salax(1/8)

0
0

Author: Salimsi1
Keywords:
Added: August 15, 2010

muxaadaro: 

kaalinta salaada ku leedahay islaamk byDr. Cali Maxamed Salax(2/8)

0
0

Author: Salimsi1
Keywords:
Added: August 15, 2010

muxaadaro: 

Caaqil Axmed Diiriye: "Alshabaab iyo Xisbul islaam nabad waa diideen laakiin weli ka quusan meyno nabad raadinta"

0
0

Caaqil Axmed Diiriye Cali, Afhayeenka golaha Dhaqanka Hawiye oo maanta saxaafada la hadlay ayaa daboolka ka qaaday in ay quus ka istaageen sidii ay uga dhaadhicin lahaayeen xoogaga Alshabaab iyo iyo Xisbul islaam ka qeybqaadashada nabad raadinta Soomaaliya.

Afhayeenka Golaha Dhaqanka Hawiye oo sii watay hadalkiisi ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay in ay sii wadayaan dadaalada nabadda ee ay ka dhex wadaan dhinacyada siyaasada Soomaalida isku haya waloow ay aad uga dhega adeegeen xoogaga Mucaaradku baaqyadooda nabadda.

"Golaha Dhaqanka Hawiye waxay aad ugu dadaalayaan sidii dhinacyada looga dhaadhcin lahaa xoogaga Alshabaab iyo Xisbul islaam iyo weliba dowladda" Sidaas waxaa saxaafada u sheegay Caaqil Axmed Diiriye Cali.

halgankanet@gmail.com  

Allaha U Naxariistee waxaa galabta lagu toogtay Ceelasha Biyaha Shiikh Maxamed Tahliil Warsame, gudoomiyihii Golaha Samadoonka Soomaaliyeed

0
0

Allaha U Naxariistee waxaa galabta lagu dilay bartamaha deegaanka Ceelasha Biyaha Shiikh Maxamad Tahliil, Gudoomiyihii Golaha Samadoonka Soomaaliyeed.

Marxuum Tahliil waxaa toogtay kooxo sida la soo sheegayo aan weli la garan heybtooda oo bastoolado ku hubeysan, kuwaas oo meesha ka baxsaday ka dib dilkan laga naxay markii ay geysteen.

Samadoon Tahliil wuxuu ka mid ahaa ragga ugu cadcad nabad ku baaqida iyo baraarujinta kor u qaadida hawlaha nabadda  ee ay sida weyn Soomaalidu ugu hamuunta qabto.

Waxaa si gaar ah loogu xusuutaa Nabad-jire Tahliil Banaabaxyadii uu horseedka ka ahaa ee sida geesinimada leh uu shacabka ugu baaqi jiray in ay heeryada gumeysiga isga ridaan islamarkaana dulligiisa uga diriraan laakiin waxaa hadda dilay kooxo ma-naxayaal ah oo aan diir naxa laheyn caadana ka dhigtay xaalufinta waxgalka Soomaaliyeed.

Marxuumka waxaa maanta lagu aasay qabuuraha Ceelasha Biyaha dadkii ka soo qeygalayna waxa Alle uga baryeen in uu janadiisi ka waraabiyo Soomaalida guud ahaanna samir iyo iimaan ka siiyo.

halkgankanet@gmail.com  

 

Dowladda Koonfur Afrika oo qorsheyneysa Ciidamadii ay u soo diri laheyd Soomaaliya

0
0

Dowladda Koonfur Afrika oo ka mid ah dowladaha ugu tunka weyn Qaarada Afrika ayaa hadda ka fiirsaneysa Qorshe ay ciidamo ugu soo direyso Soomaaliya si ay gacan uga geystaan hawlaha nabad ilaalinta  lagu sheego ee AMISOM ay Muqdisho ka wadaan.

Golaha Wasiirada Xukuumada Koonfur Afrika ayaa lagu wadaa in ay berri ka doodaan qorshahan qabyada ah ee ay soo gudbiyeen xeeldheerayaal Milateri oo ciidamada dalkaas ka tirsan mudana ku hawlanaa dejinta istaraatijiyada Ciidamada ay u dirayaan Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan jooga dhowr kun oo magaca Midowga Afrika ku shaqeeya hawlgalka loo soo dirayna waxaa lagu magacaabay nabad iaalin waloow nabad ay ilaaliyeen waa halkeedee ay xubin firfricoon ka noqdeen xubnaha ku caanka ah xasuuqa shacabka Soomaaliyeed.

halgankanet@gmial.com 

Qoraal ka hadlaya Marxalada dalka iyo shacabka soomaaliyeed ay ku sugan yihiin: Maan Doorka Maanta ah, sadexbaa Dalkeenii loogu dowgalay, i Doorta aan idin dilee, i Daaya aan dalka gubee,Ha Doodin Diinta aan Qaldee, . Qalinkii Galeyr

0
0

Qoraal ka Warama Marxalada Maanta dalka soomaaliya iyo shacabka soomaaliya ku sugan yahay

Waxaa arin lays waydiiyo mudan dhibaatada baahsan ee dhinac walba oo nololeed dalka soomaaliya ka  haysata yaa sababteeda leh maxayse tahay waxa loo la.yahay xal waara oo maruun la helo?
 
Qof waliba waxuu ka bixinayaa jawaab gaara waxuu markiiba dhinac saaraayaa qolada uu taageersan yahay uu u arko inay yihiin xalka umada , qolada ka soo horjeeda ay yihiin qolada nabada diidan ee dalka ka degi la, yahay. Isla markaas waxuu iska indho tirayaa  xadgudbyada ,dhibaatada ,qaladaadka
Iyo tacadiyada kooxda uu taageeraa gaysanayso.
 
Qaarkood waxay ku digtaan hadba gobolka dhibaatadu ka soo cusboonaato iyaga oo xal u arka inay  iyagu gubtaan oo dhibaatadu saamayso, kuwa nabada haystaa waxay  ku digtaan kan colaadu asiibtay  ciwaana uga dhigaan caqlixumo iyo aqoondaro inay hayso isaga oo isaga laftiisu qayb ka ah dhibaatada meeshaas ka jirta ,
 
Waxaa jira in yar oo faro ku tirisa oo aan kala soocin inta ku hadasha af soomaaliga ee magaca soomaali wadaaga  oo dhamaantood isku mid u arka  jecelna  nabadooda , xalkooda  , nidaamkooda dowladnimadooda  , wanaagooda ,  iyo horumarkooda , neceb, colaadaha, qabyaalada,  iyo qolo kasta oo dhibaato ku ah wanaaga umada soomaaliyeed iyo dhamaan qowlaysatada  masiibada ku  noqotay umada soomaaliyeed.
 
Dadka  qaarkiis hadaad waydiiso yaa ugu mudan inuu madax noqdo?
Ciwaanka ugu horeeyaa ee uu ku siyaa waa reerkiisa  isaga oo laba arimood ku doodaya inay yihiin dad hore siyaasada ugu jiray isaga oo kuu xusayaa  magacyadooda hebel iyo hebel ayaa naga dhashay iyo ragii la yaqaanay markaas  lugta hore haday lugta danbe dhaafto way jabtaa mar hore ayaan xal keeni lahayn ee waa nala hortaagan yahay.
 
Midna waxuu ku doodayaa  ilaa maalintii soomaaliya xoriyada qaadatay maalin keliya maanan arag madaxweyne ama ra, iisal wasaare  reerkayaga ah  markaa ilaa laga helayo arintaas way soconaysaa  mucaaradada iyo dhibaatada waan wadaynaa lagamana yaabo dowlad reer hebel wadaan inaan taageero.
 
Waxaa jira moogane aan labadaa midna raacsanayn  meesha xaal marayona la socon oo maalinba dhinac loo jiito meeshii jiibta iyo jaantu u badatona iska raaca waa nin  daad qaaday xunbo cuskay.
 
Shacabka soomaaliyeed waxay ku jiraan xero waxayna u xaraysan yihiin dad aan dantooda wadin
Waa sadex kooxood oo qolo waliba hadaf wadato.
 
Qolada kowaad hadafkoodu waa I doorta aan idin dilee?
 
Marka  laga soo bilaabo dowladii maxamed siyaad bare ilaa waqtigan maanta la joogo oo ah 41 sano waxaa socday dil iyo dhac iyo boob  hanti lunsi, iyo dowlad aan gudanin xaqii iyo waajibaadkii lagu lahaa oo shacabkeeda gumaadkiisaa ku soo caan baxda .
 
Hadaba maxamed siyaad bare xukuumadiisa waxaa la odhan karaa waxna way qabatay waxna way dhintay waxay yeelanaysaa miisaan ah in lagu xasuusto waxqabadkeedii inuu ka badnaa wax dhimaalaheeda waayo inta muuqata maanta iyo muuqaalka lagu tilmaamo soomaali waxaa inta badan sababteeda lahaa xukumadii maxamed siyaad bare, dhinaca arimaha bulshada, waxbarashada, caafimaadka, horumarinta bulshada sida wadooyinka warshadaha, ciidamadii dalka iyo magacii waynaa ee umada soomaaliyeed lahayd waqtigaasba.
 
Waxaa ka danbeeyay dowladihii maqaar saarka ahaa ee badnaa mid waliba waxay  ku caan ahayd  I doorta aan idin dilee waxaa had iyo jeer la yidhaahdaa dowlad heblayo jaanis bay wayday iyo waa laga hor yimid  soomaaliduna waxay ku maahmaahdaa  ( Hal booliya Nirig Xalaala ma dhasho)
Waxaay taasi markhaati ka tahay in aysan dhamaantood  ay ku yimaadeen qaab aan waafaqsanayn  sida sharciga ah oo aysan haysan  kalsoonida shacabka , waxaa arin mar walba ay shacabka markhaati ka yihiin ah balanqaadka madaxda inaysan araga mid keliya oo fuliya sida
Waxaan idinku maamuli doonaa cadaalad, waxaan idinku  xukumayaa shareecada islaamka
Waxaan  ka bilaabayaa shaqadayda horumarka bulshada sida caafimaadka waxbarashada, shaqada , nabadgelyada,  iyo adeega  ay umadi u baahantahay oo dhan.
 
Waxaa taas bil caksigeeda yimaada , inuu dumiyo guryaha inuu dilo maatada inuu dhaco hantidooda iyo caawimada la siiyo inuu keensado ciidamo shisheeye oo duqeeya iyo  inuu ka dhigo dhamaantood wax dhintay wax dhaawaca wax qaxay iyo wax waashay.
 
Haddii mar keliya dalka gudihiisa dowlad laga soo dooran lahaa oo bulshada gacanta taladooda la gelin lahaa caalamka iyo jimciyada quruumaha ka dhaxaysana layska dhaafi lahaa waxaa la gaadhi lahaa xal intuu doonaba ha le,ekaado , hadii tuulo tuulo iyo degmo degmo iyo buulo buulo iyo gobol gobol dadka loo dhexmaro waxaa hubaal ah in la helo mawqiq soomaali ku midaysan tahay iyo heshiis midho dhala ah oo aan ka noqosho lahayn.
 
Qolada labaad Hadafkoodu waa I daaya aan dalka gubee
 
Waxay qoladani ku timaada wajiyo badan  siyaabo kala duwan waa ajaanib aan u dhalan dalka soomaaliya waxayna qoloba ku soo gasha dalab kaga yimaada qolyaha ay xulufada la yihiin oo waxay yimaadaan iyaga oo ciidan ah oo hubaysan ama  dowladi hasoo dirto ama  dad shaqsiyaada ka noqdaana ,
 
Waxay ka qayb qaataan dhibaatada laxaadka leh ee umada soomaaliyeed haysata waxayna si arxan la,aana u dilaan shacabka masaakiinta ah iyada oo qolo waliba qiil uga dhigaysa inay yihiin qolyahay la dagaalamayeen  tusaale ahaan sida qolyahan  muhaajiriinta la baxay iyo amison.
 
Waxay kale oo ku yimaadaan feker ahaan iyaga oo kala maamula lana kala safta kooxaha soomaalida ah ee u taagan gumaadka umadooda waxayna  la baxaan magacyo badan sida , igadh, midowga afrika , jaamacada carabta,  qaramada midoobey , midowga yurub, iyo mujaahidiiinta caalamul islaam, waa kooxo iyo shaqsiyaad cadaawad fog u qaba umada soomaaliyeed waxayna  had iyo jeer la shaqeeyaan lugooyada umada soomaaliyeed mana jecla in laga hadlo waxay wadaan oo hadafkoodu waa I daayaa aan dalkan gubee  waxii ka soo horjeesta ama ka hadlana waxay ku tilmaama hadba magaca ay la safan yihiin maahe magaca kale , sida gaalo raac  iyo argagixiso midkood.
 
Qolada Sadexaadna waa  Ha Doodin Diinta aan Qaldee
 
Qoladani waxay  keentay arin ku cusub bulshada soomaaliyeed oo ah waxaa markii hore dagaalku u dhaxeeyay  jago doon , qabiil doon, aduun doon aarsi doon , iyo kooxo badan oo nabad diida oo magacyo badan leh waxaa ku soo biiray jawigii wareersanaa  10sano ee u danbeeyay kooxo  magacoodu ku salaysan yahay diinta islaamka qolo walibana iyada keligeed isku sheegtay muslin inta kalena gaalo ka dhigtay , waxay dhamaantood ku midaysan yihiin kuwii hore iyo kooxaha danbe
Mowqof keliya oo ah dibindaabyada iyo darxumaynta shacabka dulman.
 
Waxay ku doodaan inaay xaq wadaan xaquna ma qabto iyaga
Waxay ku faanaan dilka muslinka waxayna ku sheegaan guul
Waxay banaystaan dhaca iyo boobka iyaga oo magacyo carabi ah ula baxay
Waxay adeegsadaan aayadaha kariimka ah ee ilaahay soo dejiyay iyaga oo dantooda ku fushanaya
Waxay  sitaan  calamo ay ku xardhan yihiin ashaahadaada muslinka iyo islaamkaba  mana ixtiraamaan .
Waxay  axaadiistii Nebigeena suubaana CSW ka dhigeen rasaas laysku weeraro iyo wax ay siday doonaan u adeegsadaan .
Hadaad xaqiiqada ka hadasho ,  xukunkaagu waa dil, hadaad dood diimeed ama climiyeed furto xukunkaagu waa dil, hadaad war sii dayso xukunkaagu waa dil hadaad dantooda farageliso xukunkaagu waa dil,
Iyaga musika qaadka sawirka , ciyaaraha, fanka,  faxshigu waa u banaanyahay dadka kelana waxaa qabanaysa tacsiir iyo in dhagax lagu dilo. Waa kaa xoog wayni xaalkoodu sidaan doonana kuu xukumayaa.
 
Waxay shacabkii soomaaliyeed galeen gacan aan naxariis lahayn waxayna la gubteen labada dhinac
Dhibaatadana waxaa ugu wacan ilaa hada umada soomaaliyeed ayaan dareemin sadex waxyaabood
oo dilay,
 
1=QABYAALAD- ay ku taageeraan nin dilya
2=JAHLI- aysan kala ogayn waxii u daran iyo waxii u dana oo meel ay marayaanba aysan la socon
3=DULMI- Dulmigan oo ah iyaga oo aaminsan kala sarayn kala badnaan kala wanaagsanaan  qolo walibana jeceshay inay qolada kale xaqeeda duudsido  yar iyo wayna ay isku mowqof ka yihiin.
 
Waxaan qoraalkayga ku soo afjarayaa , sidan
Labada shariif iyo Sharma,arke xukuumada laga waayaa shareecadii ay balan qaaday
Shacabka inay dilaan maahe shaqo kale uma qaban
Shabaabna shareecadii islaamka waxuu ka shay xanuun badan  waxay ka jecel yihiin shilinka aduunyo ee  la siiyo.
Qolyaha kale ee bulshada caalamka waxaan dhib ahaan nooguma soo gurman dheefna kama hayno
Aan dhimasho iyo dhaawac iyo dhiiloo  ahayn
 
Waxaan baryeynaa waa bil ramadaane ilaahay isaga waduudee bulshada soomaaliyeedna  haku baraarugto inay  cidla taagan yihiin cidina u maqnayn ceelna u qodnayn, qolyahan qowlasatada ahna aysan qoladan dantooda wadin
 
 
 
Mudaan buuq ku jirnay
Oo aan beerka u jiifnay
oo belayo qarxaysay
boobe laysla dhacaayay
Baasuukiyo laysku afuufay
Bee kaa em iyo suugA
Pii emkaa onkodaayiyo
Bii teen uu ka  holcaayay
Banaadiiq kala nooca
Bonbo laysku gamaayay
Baaruuda kala jaada
Barbaartii ku dhamaatay
Duqaydii ku basbeeshay
Haweenkii ku ba,eenoo
Beladadii ku gubteene
 
waa bishii ramadaane
ilaahayoow baryadeena
iyo baaqeena ajiib
rabiyoow dhul barwaaqo
oon belaayo lahayn
oo aan bahal joogin
rabiyoow baadku ka buuxo
xooluhu ay barqadaan
beeruhu geedo dhaleen
iyo badhaadhe na sii
 
rabiyoow nabad buuxda
oo colaadi bidhaamin
mar dalkeena ku baahi
waa bishii ramadaanoo
waa bishii barakaatkee
ilahayoow baryadeena
iyo baaqeena ajiib
basbaaska xumaanta
belo sheega dhibkiisa
ilaahayoow naga baaji
rabiyoow barkhad khayrleh
iyo belaayo xijaab
iyo badhaadhe aduunyo
ayaan kaa barinay
boqorkow nabad buuxda
baasidoow nabad buuxda
baari,oow nabad buuxda
bulshayahay barbarkiina
aamiinta bilaaaaaaaba
 
aaamiin aamiin aamiin
 
Waa Qalinkii
Cabdiraxiin Hilowle Galayr
Abdirihiin1@hotmail.com

INNAA LILAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN: ALLAHA U NAXARIISTO NABAD-JIRE MAXAMD TAHLIIL OO GALABTA LA DILAY

0
0

Rabbi naxariistiisi Janno haka waraabiyee waxaa halkan tacsi tiiraanyo leh looga soo tebinayaa dhamaan ummada Soomaaliyeed, gaar ahaan eheladii iyo qoyskii uu ka baxay Marxuum Nabad-jire, Gudoomiyihii Golaha Samadoonka Soomaaliyeed Maxamad Tahliil oo maanta gelinkii dambe, salaada casar ka dib ay kooxo hubeysani ku toogteen deegaanka Ceelasha Biya.

Nabad-jirahan oo runtii aad looga naxay geeridiisa ayaa waxaa halkan tacsi gaar ah uga diraya qaar ka mid ah Raggii ay sida wadajirka ah ee wadanimada, islaamnimada iyo Soomaalinimada leh uga wadashaqeynayeen hawlaha nabad raadinta Soomaaliyeed.

Cabdullaahi Cabdi Faarax (Sujuud) oo aqoon fiican u leh Marxuum Nabad-jire Maxamad Tahliil ayaa mar uu u waramaya warsidaha www.halganka.net waxaa eraydiisi ka mid ahaa; " Innaa Lilaahi Wa innaa ileyhi Raajicuun, Allaha u Naxariistee Marxuum Maxamad Tahliil wuxuu ka mid ahaa rag aan iska kaashano nabadeynta Soomaaliya, tiisi ayaa gashay balse waxaan leeyahay Maxamad Tahliil waa liibaanay waayo waxaa la dilay maalin Soonqaad isagoo waqti dhow ka hor dhameystiray dhismaha Masjid uu ka hirgeliyay deegaanka Ceelasha Biyaha"

"Wuxuu sidoo kale labada todobaad ee ugu dambeysa Bishan Ramadaan qorsheynayay in uu Dhinaca Xaramka ku soo qaado kuna soo cibaadeysto" Sidaas waxaan ka soo xiganay Sujuud oo aqoon wannaagsan u lahaa nabad-Jire Maxamad Tahliil oo maanta kooxo hubeysani ay si bareer ah ugu toogteen deegaanka Ceelasha Biyaha.

Dhanka kale Marxuumkan ayaa ku hawlanaa nafaqeynta, barbaarinta, waxbarida iyo weliba kafaala qaadida Agoon fara badan oo ku kala sugan daafaha dalka Soomaaliyeed waxaanna muuqata in agoontaas ay maanta mar kale agoontoobeen maadaama madasha cimriga bani'aadmiga Alle U asteeyay ka sokoow ay maanta naftiisi qaaligi aheyd dhaafiyeen kooxo hubeysani Shaqsigii u istaagay dib u yagleelida noloshooda.

Daadihiyayaasha Boggan ayaa iyaguna dhankooda tacsi u diraya dhamaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay u dhaqdhaqaaqihii nabada Soomaaliyeed ee ceelka ku dhacday ee cadawga badan leh.

halgankanet@gmail.com  


Muxaadaro: Sh. Mustafe 2

0
0

Author: oodweyne
Keywords:
Added: August 15, 2010

muxaadaro: 

Alshabaab oo lagu eedeeyay dilkii shalay galab deegaanka Ceelasha Biyaha loogu geeystay Allaha U Naxariistee Nabad-Jire Shiikh Tahliil

0
0

Alshabaabka hubeysan ee dagaalka kula jira dowladda Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen dilkii shalay salaada Casar ka dib deegaanka Ceelasha Biyaha loogu geeystay Marxuum Shiikh Maxamad Tahliil, Gudoomiyihii Samadoonka Soomaaliyeed.

Gudomiyaha Maamulka Ahlu Sunna ee degamada Guriceel Cismaan Ciise Nuur oo la hadlay idaacada maxaliga ah ee Shabelle Radio ayaa dilka Marxuum Shiikh Tahliil ku sifeeyay mid iska cad oo ay ka dambeeyeen xoogaga Alshabaab waxaana uu arintaas ka yiri erayadan; "Dilka hadda inta badan ka dhaca Soomaaliya waa iska cad yahay dadka ka dambeeya, Alshabaab ayaa ka dambeeysa waana u caado in ay dilaan cid kasta oo waxtar u leh Bulshada Soomaaliyeed ama iyaga hadafkooda ka soo horjeeda"

Shacabka Soomaaliyeed ayuu Cismaan Ciise ugu baaqay in ay la dagaalamaan Alshabaab inta goori goor tahay haddii kale dalka laga weyn doono cid wax gasha maadaama ay kooxdani caadeeysteen ciribtirka waxgalka Soomaaliyeed waa siduu hadalka u dhigaye.

Alshabaabku dhankooda wax jawaab ah kama bixin eeda loo soo jeediyay sidaas si la mid ahna maba soo hadal qaadin dilka Marxuum Tahliil.

Shalay ayeey aheyd markii Shiikh Tahliil oo caan ku ahaa ku baaqida nabada iyo difaacida Diinteena Sharafta badan ay dileen kooxo hubeysan oo ilaa iyo hadda la leeyahay lama garanayo Heybtooda.

halgankanet@gmail.com

Ra'iisal wasaare Sharma'arke oo sheegay in Nayroobi uu kala soo laabtay wax aan looga baran madaxdii isaga ka horeeysay

0
0

Ra'iisal wasaaraha Xukuumada Soomaaliya mudane Sharma'arke oo shalay uun dalka dib ugu soo laabtay ayaa sheegay in Nayroobi uu kala soo laabtay wax loo aayo oo aan mudooyinkan dambe looga baran madaxda Soomaaliya.

Sharma'arke wuxuu ugu horeyntii qoraal safarkiisi ku saabsanaa ku sheegay in Ciidamada Dowladda Soomaaliya loo carbinayo hadda wixii ka dambeeya dalka gudihiisa lagu tababari doono, Xafiisyada Qaramada Midoobayna Muqdisho amaba gudaha Soomaaliya loo soo rarai doono.

Safarkii uu Ra'iisal wasaaruhu ku tegay Nayroobi ayaa warbixinta Ra'iisal wasaaraha sida ku qorneyd lagu tilmaamay mid guul ku soo dhamaaday maadama mudo dheer QM laga raaridi la'aa soo rarida Xafiisyada Soomaaliya u qaabilsan ee Nayroobi ka furnaa.

Dowladda Soomaaliya ayaa itaal waa halkiisee hadda ku dadaaleysa in ay kalsoonida Beesha Caalamka sii xajisato maadaama gudaha dalka ay kaga furan yihiin dagaalo aan u muuqan kuwa lagu kala baxayo oo mucaarad mayal adag kaga imaanaya.

halgankanet@gmail.com

Dowladda Giriiga (Greece) oo Qaxootiga Soomaaliyeed siineysa Sharci u ogolaanaya waxbarasho, daryeel Caafimaad, deganaansho iyo weliba shaqooyin

0
0

Baarlamaanka dalka Giriiga ayaa qalinka ku duugay Sharci u saamaxaya Soomaalida halkaas Qaxootiga ku ah helitaanka Daryeel Caafimaad, waxbarasho, Shaqo iyo weliba dib u dejin.

Soomaalida, Bakistaaniyiinta, Afghaanistaaniyiinta iyo weliba Suudaaniyiinta halkaas ku dacdareysan ayeey Giriigu u ogolaadeen in ay dalkaas ka helaan adeegyada Daruuriga ah ee loo sameeyo Qofka loo aqoonsado in uu Qaxooti yahay.

Giriiga ayaa waxaa ku sugan kumanaan Qaxooti Soomaaliyeed ah kuwaas badankood ka soo galay dhanka Turkiga waxayna ku nool yihiin nolol aan la heyn wax lagu jimeeyo, waxaana weliba nolol xumadaas u sii dheer in dalkaas dib loogu celiyo haddii ay isku dayaan in ay uga sii gudbaan dalalka kale ee yara nolol dhaama.

halgankanet@gmail.com

Nabadoon Xaad; "Ilaahey waxaan ka baryaa in uu ummada ka qabto kuwa waxgalka leynaya. Kuwa dilay Maxamad Tahlil waa ma naxayaal"

0
0

Gudoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Hawiye, Nabadoon Xaad oo codkiisa ku biirinayay cambaareynta loo soo jeediyay Arxan laawayaasha dilay Nabad-Jirihii Soomaaliyeed Shiikh Maxamad Tahliil ayaa cod argagax ka muuqdo ku yiri erayadan; "Waxaan Ilaahey ka baryaa in uu Ummadda ka qabto kuwa ma naxayaasha ah ee dadka waxgalka ah sida Shiikh Maxamad Tahliil leynaya".

Xaad wuxuu ku dheeraaday waxqabadkii uu Maxamad Tahliil amaanta iyo ducada ku muteystay wuuxuuna ugu dambey Alle uga baryay Jannatul Fardowsa, kuwii dilayna wuxuu ku habaaray habaar qalbiga ka soo go'ay.

halgankanet@gmail.com

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live