Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Wasiirka Cadalada Oo Kulan La Yeeshay Laamaha Garsoorka Iyo Saraakiisha Amniga Ee Boorama

Ogaysiis Muhiim ah oo ku socda dadka islaamka ah meelay joogaanba

0
0

Walaalayaal  halkaan waa masjidka Abubakaru –Sadiiq oo ku yaal Magaalaada Galkacyo ee Gobalka Mudug ,masjidkaan  waa masjid ay isu xilqaameen dadka daga xaafada  uu ku yaalo oo ah xaafad u baahan masaajid lagu cibaadaysto oo  ay dadku ku tukadaan alle mahadiis masaajidkii waa la bilaabay waana uu socdaa waxaana ka kala go ay dhaqaalihii sidaas daradeed waxaa laga codsanayaa dadka muslimiinta ah ee walaalaha ah meel kasta oo ay joogaan in ay ugurmadaan beedkaas ilaahay ee ubaahan hiilka qofkii wax ku darsadaana ay u noqonayso wax uyaala aakhiro gaar ahaan accoun ka janada qofkastoo muslim ah ha ka faa iidaysto jaaniskaan masjidku wuu dayacan yahay wax lacag oo loo hayaana ma jirto bal isagaaba lacag lagu leey
Faahfaahin ku saabsan lacagta lagu qiimeeyay iyo  waxii la helay iyo inta jeer ee la helay
1
Qiimaynta masjidka
$145,000.00
2
Lacagtii shaqada lagu bilabay
$25,000.00
3
Lacagta dhisidii hore
$27,000.00
4
Lacagtii lagu shubay sagxada kore
$36,000.00
5
Dayn inta dhisan
$-11,000.00
6
Lacagta hada loo baahan yahay $11kun ka mid ah si deg deg loogu baahan yahay
IYO 68 ka dhiman dhismaha majska
$68,000.00
Aaga masjiku ku yaalo waa aaga  xerada siinay
Cabirkiisuna waa 25m*25m
Cidii masaajidkaan wax ku darsanaysa waxay waxii dhaqaale iyo talo ku soo hagaajinkaraan gudiga masaajidka gacanta ku haya  oo kala ah .
Gudoomiyaha gudiga Eng: Maxamed Abshir Garboole  Tel:0025290-757769
Maxamed Xuseen Jaamac      Tel:0025290-759062
Aaden   Maxamed Aaden       Tel :0025290-376210
Dhanka Account Number-ka waa shirkada Amal Galkacyo Somalia
Account _No:0711-04-49125-01
Magaca  Masaajidka Abubakarusadiiq Galkacyo.
Masjidku hada waxuu marayaa shubidii sagxada sare oo la dhameeyay laakiin sida uu sheegay eng maxamed waxaa lagu leeyahay howshii ugu danbaysay ee shubida sagxada sare $11kun oo doller.
Cidkasta oo masaajidkaan wax ku darsata ilaahay waxaan uga baryaynaa meesha uu wax kabixiyo inuu ugu badalo wax ka wayn waxa uu bixiyay iyo waxka macaan alle idankiis .

Wabilaahi towfiiq
By Maxamed Cabdi Abshir

Gaari BL ah oo Miino kula kacday agagaarka Saldhiga Kaaraan

0
0

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax miino oo dhulka lagu aasay kaasoo ay la kacday Gaari qudaar waday oo dad shacab saarnaayeen, iyadoo qasaare dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay. Gaarigan oo ahaa BL ayaa miinada kula kacday agagaarka Saldhiga Degmada Kaaraan, iyadoo ilaa saddex ruux ay ku dhintay halka qaar kale ay [...]

Xukuumadda oo cambaareysay xiritaanka Al-Shabaab ee shirkadaha xawaaladda iyo isgaarsiinta

0
0

(Muqdisho, 2 Oktoobar, 2011) Wasaaradda Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta waxay cambaareyneysaa falka kooxda Shabaab ay ku joojiyeen shaqadii shirkadaha isgaarsiinta iyo xawaaladaha ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Joojintan oo timid kaddib markii shirkaduhu diideen lacago baad ah waxay dhaawaceysaa ganacsiyada ugu muhiimsan ee dalka ka jira oo ay ka shaqeeyaan, kana faa’ideystaan boqollaal kun oo [...]

Ganacsatada Soomaaliyeed ee K/Sudan oo deeq gaarsiiyay 1000 qoys oo ku dhaqan gobolka Bakool

0
0

Ganacsatada Soomaaliyeed ee Koonfurta dalka Suudaan ayaa maanta deeq raashin ah soo gaarsiiyay qaar ka mid ah qoysaska degan gobolka Bakool, waxaana kaalmadaasi gacantooda gelisay hay’adda maxalliga ah ee lagu magacaabo SACAADA. Qoysaska degan gobolka Bakool ee iyagu maanta helay deeqda ayaa tiradooda waxay ahayd 1000-qoys, kuwaasi oo ay soo riteen abaaraha ka dhacay dalka [...]

Badhasaabkii Gobolka Oodweyne Oo Ku Geeriyooday Magaalada Hargeysa iyo Madaxweynaha Oo Tacsi u Diray

0
0

Hargeysa(OWN) – Badhasaabkii gobolka Daad-Madheedh (Oodweyne)  Eng Maxamed Gahayr Xirsi ayaa maanta ku geeriyooday  cisbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa, ka dib daaweyn loo keenay cisbitaalka.
 
 Marxuum Maxamed Gahayr Xirsi ayaa xilka guddoomiynimo ee gobolka Daad-Madheedh hayay  muddo sannad ah, waxaana uu muddooyinka  dambe la liitay xanuun  ba’an   oo la soo darsay.
 
Alle ha u naxariistee waxa marxuumka         qoyskiisii dhambaal tacsi ah u diray Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo dhambaal tacsi ah ku yidhi “Madaxweynaha JSL Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo Dhamaan Gobolka Oodweyne oo uu ka tacsiyadaynaayo Geerida ku timid Gudoomiyihii Gobolka Oodweyne MARXUUM MAXAMED GAHAYR XIRSI oo ku geeriyooday magaalada Hargeisa Galabta 02.10.2011.
 
 Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo dhamaan shacbiga reer Somaliland-na Samir iyo Imaan ka siiyo.”
 
 Oodweynenews.com/ Hargeysa Office 2     

Baarlamaanka oo ka Dooday Heshiiska xadka badda

0
0

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan ka yeeshay heshiis dhinaca baddaha oo la sheegay inuu dhexmaray dowladda Somalia iyo Kenya.
Wasiirka Kaluumaysiga iyo khayraadka badda ee DKKMG C/raxmaan Sheekh Ibraahim ayaa barlamaanka hortiisa ka sheegay inaanu ka warqabin heshiiskaasi.
Wasiirku wuxuuk kaloo u sheegay in kulan ka dhacay jaziiradda Scyelles aan looga hadlin heshiiska baddaha Somaaliya balse kaliya looga doodday dhibaatada burcad-badeedda Soomaaliya.
Kulanka baarlamaanka waxaa ka loo ka hadlay xildhibaan C/raxmaan C/shakuur Warsame oo isagu dowladda Soomaaliya u saxiixay heshiiska, wuxuuna baarlamaanka u sheegay in dowladii Cumar C/rashiid ay ku amartay inuu heshiiska saxiixo.
Dhageyso warbixinta kulanka baarlamaanku ku yeeshay Muqdisho.

Turkey oo Balaarisay Xarumaha Quudinta

0
0

Dowladda Turkiga ayaa balaarisay xarumaha quudinta ay Muqdisho ka sameyeen ee loogu talagalay dadka barakacayaasha ee Muqdisho degan.
Turkey ayaa Muqdisho ku qabtay munaasabad ay uga hadleen howlaha gar-gaarka ee Muqdisho ay ka wadaan. Munaasabadda waxaa ka ka qeybgalay saraakiisha hay'addaha gar-gaarka ee Turkiga, dhaqaatiirta howllaha qaliin ah Muqdisho ka waday maalmahan iyo madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.

DEG DEG: Al-Shabaab oo Fasaxay Shirkada Nationlink Kadib Markii Galabta ay ka Qaateen $30,000

0
0

Muqdisho (RBC) Sida RBC Radio ay u xaqiijiyeen ilo wareedyo ku dhow shirkadda isgaarsiinta Nationlink oo ka mid ah shirkadihii maanta Al-Shabaab ay shaqada ka joojiyeen ee ku yaalla gobolada koonfurta Soomaaliya, waxaa caawa dib loo fasaxay hawshii shirkadda.
Mid ka mid ah hawlwadeenada shirkadda oo naga codsaday inaan magaciisa la shaacin ayaa xaqiijiyey in shirkadda Nationlink oo ka mid ahayd saddex shirkadood oo maanta Al-Shabaab xayiraad ku soo rogeen ay bixisay lacag caddaan ah oo gaareysa $30,000 (soddon kun oo doolar) taasoo ah waxa ay Al-Shabaab ku tilmaameen Zako y iyagu ka qaadayaan shirkadaha ganacsiga ee ka hawlgala deegaanada ay maamulaan.
Dhaqaalahan ayay shirkadda Nationlink bixisay ka dib markii wada xaajood saacado badan qaatay maanta uu dhexmaray masuuliyiinta shirkaddasi iyo saraakiisha Al-Shabaab u qaabilsan dhanka lacag ururinta oo xafiis ka furtay deegaanka KM-13 ee duleedka Muqdisho.  Waxaana caawa ugu dambeyn shirkadda Nationlink loo fasaxay inay dib u hawlgasho.
Waxaa caawa hawada ku soo noqday isgaarsiinta qaar ka mid ah deegaanadii shirkaddu joogtay ee maanta hawada laga saaray, kuwaasoo ay ka mid yihiin gobolada Hiiraan, Shabeelaha Dhexe iyo Shabeelaha Hoose.
Shaqaalaha shirkadda Nationlink ee ka hawlgala xarumaha kala duwan ee goboladaasi oo saaka markii amarka Al-Shabaab uu soo baxay isga tegey xarumahooda ayaa lagu wargeliyey inay dib berito u soo shaqo tagaan ayna hawshooda wadan karaan maadaama dhaqaalihii ay ka rabeen Al-Shabaab shirkadda la bixiyey.
Dhanka kale shirkadaha Dahabshiil iyo Telecom Somalia oo iyaguna amarka xiritaanka la duldhigay ayaan illaa hadda ogolaanin lacag kor u dhaafeysa $30,000 taasoo Al-Shabaab ku sheegteen shirkadah. Mana cadda in labadan shirkadood ay lacagta iska bixin doonaan iyo in kale.
Saraakiisha Al-Shabaab ayaa saaka soo saaray amar ay shaqada looga joojiyey shirkadaha Nationlink, Telecom Somalia iyo shirkadda Xawaalada Dahabshiil oo xarunteeda weyn ay ku taallo deegaanka Ceelasha biyaha.  Waxaana amarkaasi uu saameyn weyn maanta ku yeeshay dhaqdhaqaaqa suuqyada iyo ganacsiga iyadoo dad badan oo lacago u yaallaan shirkadda Dahabshiil ay maanta dib uga soo laabteen.
Lacagahan faraha badan ee Al-Shabaab duldhigeen shirkadaha ganacsiga ayaa waxaa hore u bixiyey shirkadaha Hormuud ee dhanka isgaarsiinta iyo qaar badan oo ka mid ah xawaaladaha, waxaana dadku isweydiinayaan lacagta tirada badan ee Al-Shabaab ka urursaneyso shirkadaha halka ay u wadaan.
RBC Radio

Somali Government condemns extremists’ ban on telecom and money transfer companies

0
0

(Mogadishu, October 2, 2011) The Ministry of Information, Posts and Telecommunications has strongly condemned the ban on telecom and money transfer companies in south and central Somalia by al-Shabab extremists. The ban on NationLinks Telecom, Telecom Somalia, and Dahabshiil Money Transfer, imposed when companies refused to comply with their extortion demands, heavily damages two of [...]

Britain iyo France oo muwaadiniintooda uga digay Xeebaha ku dhow Soomaaliya

0
0

Dowladada Britain ayaa muwaadiniinteeda uga digtay in ay ka fogaadaan xudduudda u dhaxeysa Kenya iyo Soomaaliya si ay uga badbaadaan in ay afduubtaan kooxaha burcad badeedda looga shakiyay ee afduubyada iyo dilalka ka geystay xeebaha dalka Kenya.
Xafiiska arrimaha dibadda u qaabilsan Ingiriiska ayaa soo saaray qoraal  muwaadiniinta dalkaasi faraya in ay ka fogaadaan 150km xeebaha dalka Kenya ee ku dhow xadka Soomaaliya kadib markii ay afduubyo ka geysteen burcad badeed hubeysan oo watay doonyo dheereeya.
Digniintaan ayaa daba socota falkii lagu afduubtay haweeneey Faransiis ah kowdii bishaan jasiirad loo dalxiis tago oo  ku dhow xadka Soomaaliya iyo afduubkii 11-kii bishii hore loo geystay Haweeneey Biritish ah oo ninkeediina lagu dilay weerar ay gudaha Kenya ka geysteen burcad badeed, haweeneydaasna waxaa la xaqiijiyay in lagu heysto xeebaha gobollada dhexe ee waddanka Soomaaliya.
Dowladda Faransiiska ayaa sidoo kale muwaadiniinteeda uga digtay in ay u dalxiis tagaan goobo ku dhow xadka Soomaaliya iyo Kenya, Dhacdooyinkaan is xig-xiga ayaana saameyn ku yeelan kara Dalxiiska Geeska Afrika oo dowladda Kenya ay ka hesho dhaqaale badan.
Dhinaca kale dowladda Kenya ayaa qorsheyneysa in ay xiriir la sameyso kooxaha afduubtay  Marie Dedieu oo ah haweeneey 66 sano jir ah oo u dhalatay waddanka Faransiiska.
Saraakiil ka tirsan dowladda Kenya ayaa ku warramay in dadaalo ay ka sameynayaan gudaha Soomaaliya si loo sii daayo haweeneysaan, Wakaaladda Wararka ee AFP ayaa baahisay in dowladda Kenya ay ergo u dirtay gudaha Soomaaliya si ay xiriir ula sameeyaan kooxaha wax afduubtay.
Yusuf Sheik Isse, Nairobi-Kenya.

Barcelona oo si dirqi ah kaga fakatay sporting iyo Real Madrid oo badisay,

0
0

03 Oct 2011-  Horyaalka Laligaha oo maraaya meel aad u xiisa badan aaya todobaadkan la ciyaaray waxaana dhacay kulamo aad u adgaa,tiiyoo ay cirka isku sii shareerayso hamiga kooxaha ee ku aadan ajandaha ka dhanka ah kooxaha Barcelona iyo Real.
kooxda Barcelona ayaa waxaa ku filnaaday hal goal oo uu qaybtii hore ee ciyaar ay la yeelatay kooxda sporting u dhaliyay Adriano, Barcelona inkastoo ay soo bandhigtay hanaankeedii ciyaareed ee aadka loo jeclaa hadana waxaa laga dheehan karay inay ka amqanyihiin wiilashii kubada qurxoonaa ee CESC iyo Iniesta,
kooxda aalaaba la loolanta naadiga Barca ee Real Madrid ayaa iyana iyadoo guusha Barcelona maanka ku haysa Ku dumatay kooxda ESpanyol oo ay gurigwwda ku ciyaaraysay.weeraryahankooda Higuain ayaa u dhaliyay 3 gaol, sidoo kale J.M.CALLEJON.ayaa isna hal goal dhaliyay.
Tartanka Laligaha ayaa ah mid ay aalaaba ku loolamaan kooxaha Real iyo Barcelona waxaana sanadkaan kooxaha ISBAANISHKU ay wacad ku mareen inay samaynayaan isbedel dhanka hanaanka horyaalka ah.
Mohamud Hassan Idaajaa
idaajaa4@gmail.com
idaajaa_11@hotmail.com

War Saxaafadeed: Dowlada KMG Soomaaliya Oo Cambaareysay Al-Shabaab Xanibaada Ay Kula Kaceen Qaar Ka Mid ah Shirkadaha Isgaarsiinta Dlka.

0
0

background:white">Muqdisho(OWN)- Wasaaradda Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta waxay cambaareyneysaa falka kooxda Shabaab ay ku joojiyeen shaqadii shirkadaha isgaarsiinta iyo xawaaladaha ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Joojintan oo timid kaddib markii shirkaduhu diideen lacago baad ah waxay dhaawaceysaa ganacsiyada ugu muhiimsan ee dalka ka jira oo ay ka shaqeeyaan, kana faa’ideystaan boqollaal kun oo Soomaali ah.
background:white">Xeritaanka Shirkadaha NationLinks, Telecom Somalia, iyo Dahabshiil wuxuu sidoo kale wiiqayaa dadaallada gargaarka ee socda, maadaama xawaaladaha ay isticmaalaan qurba-joogta Soomaaliyeed iyo qaar ka mid ah hay’adaha gargaarka, waayo waa hannaan deg deg badan, laysku halleyn karo, isla markaana gaara meel kasta oo ka mid ah Soomaaliya. Tani waa tallaabo kale oo Al-Shabaab ay kaga hor istaagayaan in gargaarka la gaarsiiyo dadka baahan.
background:white"> 
background:white">Wasaaradda Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta, Mudane Cabdulqaadir Xuseen Maxamed (Jaahweyn), ayaa yiri:
background:white">“Al-Shabaab waxay ciqaabayaan ganacsiga ka hana-qaaday dalka ee ku shaqeynayay duruufta adage ee ka shaqeynaya inuu dalku dib u soo kabto.
background:white">“Xukuumaddu waxay taageereysaa ganacsiga iyadoo ka shaqeyneysa sidii loo heli lahaa suuq xor ah oo xasilloon oo ay ganacsatadu ku shaqeysan karaan iyadoo aysan jirin caga-jugleyn”

DHAMMAAD
 
Dhageyso Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada Radio Muqdisho

0
0

Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada oo Habeen walba kabaxa Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya marka laga reebo Jimcaha ayaa waxa uu kamid ahaa Barnaamijyada ay Aqristayaasha radiomuqdisho.net si toos ah ula socon jireen oo bogga ay ka dhagaysan jireen marka uu idaacadda kabaxo kadib balse bishii barakaysneyd ee Radamaan ayuu webka ka hakaday sababo la xiriira Barnaamijka Tartan Cilmiyeedka ay Warbaahinta Dowladdu u qabatay degmooyinka dalkeena qaarkood oo ay aqristayaashu si toos ah habeel walba ula socon jireen balse hadii alle idmo Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada wuxuu noqon doonnaa mid sidii hore ay aqristayaasha ula socdeen bogga ay ka dhagaysan karaan.
Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Qaybta Koobaad Ee Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada 02-Octobar
Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Qaybta Labaad Ee Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada 02-Octobar

Xukuumada Somaliland Oo La Sheegay Inay Ku Wareejisay Ethiopia Tiro Oromo Ah Oo Siyaasiyiin Iyo Saraakiil Isugu Jira

0
0

Mid ka mid ah wakaaladaha wararka Ethiopia ooo la yidhaahdo Nazrat ayaa maanta waxay daabacday in ka dib markii Wasiirkii hore ee Arrimaha gudaha Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gaboose uu ka dhego-adaygay codsi uga yimid Xukuumadda Addis Ababa oo ku saabsana in loo soo gacan geliyo shan boqol oo qof oo ku eedaysna falal siyaasadeed oo ay doonaysay Xukuumadda Ethiopia oo ku sugna Somaliland in taasi ay keentay in Wasiirka hadda xilka Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland loo dhiibay Maxamed Nuur Caraale Duur uu saxeexay in dadkaasi loo gacan geliyo Maamulka Ethiopia. 
Wakaaladda wararka ee Nazret waxay shaacisay in tiro badan oo ka mid ah dadkaasi gacanta loo soo geliyey Dawladda Ethiopia ay yahiin siyaasiyiin iyo saraakiil ka tirsan Ururka (Oromo Liberation Front) oo ah urur dagaal hubaysan kula jira dawladda Ethiopia, arrintani ayaa waxay ka danbaysay markii ayey wakaaladda Nazret tidhi Markii ay Somaliland ku dhawaaqday inay dalkeeda ka saarayso kumanaan qof oo Oromo ah oo ku sugna Somaliland. 
Sii akhri luqda engilsh :-
Security cooperation in good shape with Siilanyo.
Source: Indian Ocean Newsletter 
After being a little strained under Somaliland’s previous home affairs minister, security cooperation between Hargeisa and Addis Ababa is now in going strong. 
The very same day Somaliland’s new Minister for Home Affairs Mohamed Nour Arale known as Duur (ION 1316) took up his functions on 1 September in Hargeisa, replacing Mohamed Abdi Gabose, President Ahmed Mohamed Mahamoud known as Silanyo received a letter from the Ethiopian government. Addis Ababa wanted 500 Ethiopians who had fled to Somaliland for political reasons to be expelled and sent back to their country. A significant number of them are Oromowhom the Ethiopian authorities accuse by name of being linked to the Oromo Liberation Front (OLF) or other opposition organisations. 
Gabose had previously resisted certain Ethiopian security requirements (ION 1315), but President Silanyo and the new home affairs minister did not have the same scruples. On 4 September, the Deputy Home Affairs Minister Osman Garad Sofe announced in Hargeisa that Somaliland would expel within a month all illegal immigrants to their country of origin. At the same time Mohamed Nour Arale ordered his police service, together with intelligence officers, to round up the Ethiopian exiles Addis Ababa wanted. Around 300 of are believed to have already been captured and are awaiting deportation. 
Cabdiraxmaan Dhoore
dhore77@hotmail.com 