Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

DAAWO: Wasiirka Amniga oo soo bandhigay Qaabka...

$
0
0

Jul 23, 2017 -
Wasiirka Amniga dowladda Soomaaliya Maxamed Abukar Ducaale Islow ayaa sheegay iney hayaan cadeymo muujinaya in ganacsatada waa weyn ay dhaqaalo badan ganacsigooda ugeliyeen Shabaab.
Warkan ayuu Wasiir Islow ka sheegay kulankii hay'adaha amniga ee ka dhacay Muqdisho, waxaana uu tilmaamay in ganacsatadaas ay talaabo adag ka qaadi doonaan.
"Waxaan ognahay iney jiraan ganacsato badan oo dhaqaalo siisa Shabaab, waxaa jira xataa kuwa ganacsi ugeliyay lacagta, kuwaas ma ahan kuwa aan cafin doono"ayuu yiri Wasiirka Amniga.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay ka hadlay qaabka Shabaab lacagta loo gaarsiiyo "Qaabka waxaa kamid ah in la dhaho Zakaad ayaa lagu bixinayaa ama Mujaahidiinta ayaa lagu taageerayaa, dhamaan arimahaas waan la soconaa"
Ciidamada dowladda ayaa lagu amray iney soo xiraan shaqsiyaadka taageereysa Shabaab isla markaana xoog kula wareegaan hantidooda.
Nagala soo xiriir
storvideo: 


WAREEGTO: Mas’uulkii Labaad ka tirsan Xukuumada...

$
0
0

Jul 23, 2017 -
Wasiirka Boostada, isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyada ee Xukuumadda Soomaaliya Eng. Cabdi Canshuur Xasan ayaa shaqo joojin ku sameeyay Ku simaha Agaasimaha Guud Wasaaradda Axmed Xaaji Cabdi, isagoo magacaabay ku sime cusub.
Warqad ka soo baxday Wasiirka oo ku taariikheysneyd 18-kii bishan, kuna socotay Agaasimaha shaqada laga joojiyay, laguna ogeysiiyay, Wasiiru dowlaha, Wasiir kuxigeenka Wasaaradda, Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha, Hanti dhowrka Guud, Xisaabiyaha Guud ayaa waxaa lagu sheegay in shaqada laga joojiyay Ku simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyada.
Shaqo joojinta ayuu Wasiirka ku sababeeyay in Ku simaha Agaasimaha uu fulin waayay, talooyin badan oo ku saabsan, toosin mas'uuliyadeed oo kusimaha agaasimaha ay la wadaageen mas'uuliyiinta wasaaradda, isla markaana uu ku kacay falal lagu curyaaminayo habsami u socodka howlaha wasaaradda oo ay ugu horeyso diyaarinta sharciga isgaarsiinta qaranka oo muhiimad gaar ah u leh dalka, sida lagu yiri warqada.
Ku simaha cusub ee Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Boostada, isgaarsiinta iyo Tiknooliyada ayaa waxaa loo magacaabay C/raxmaan Macalin Caddow, inta laga soo magacaabayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda.
Tani ayaa qeyb ka noqoneysa xil ka qaadis iyo shaqo fariisin ay bilaabeen in Wasiirada Xukuumadda Kheyre ku sameynayaan Agaasimayaasha Wasaaradaha ee shaqada ku raagay, waxaana wali caqabad ka taagan yihiin Agaasimayaal shaqada laga joojiyay oo aan wali lagu bedelin agaasimayaal rasmi ah, marka laga reebo Kuwo si KMG ah loo magacaabay.
Halkan hoose ka akhriso Warqada shaqo ka joojinta:
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Baydhabo waxaa ka furmey shir dib-u-heshiisiin ah

$
0
0

Kulankan wadatashiga ah oo Maanta ka furmay Magaalada Baydhabo ayaa looga arrinsan doonaa Xalinta khilaafadyada iyo sida looga hortagi karo Abaaraha sanad walba ku soo laalaabta Soomaaliya gaar ahaan deegaanada Koofur Galbeed. Waxaa daah furay Ku simaha Madaxweynaha Koofur Galbeed Maxamed Xasan Fiqi, ayadoo ay ka soo qeybgaleen,wasiiro, xildhibaano iyo madax ka socotay hay'adaha samafalka. Ugu horeyn wasiirka dib u heshisiinta iyo arrimaha dastuurka ee dowlada goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya C/qaadir Nuur Caraale oo kulanka soo qaban qaabiyay ayaa si weyn u bogaadiayay arrimo ay kamid yihiin muhiimadda ay leedahay in bulshadu ay ka wada qeyb qaatan arrimaha dib u heshiisiinta. Qaar kamid ah ka soo qeybgaliyaashi kulanka oo goobta ka hadley ayaa sheegay in abaarahan faraha badan iyo colaadaha mararka qaar dhaca looga hortagi karo in la helo amni la isku haleyn karo taasna looga fadhiyo dawlada. ku simaha Madaxweynaha K/Galbeed Maxamed Xasan Fiqi ayaa talaabo wanaagsan ku tilmaamay shirkaasi,isagoo bogaadiyay arrimaha dib u heshiisiinta dadka deegaanadaasi dega iyo u gurmashada dadka ay abaaruhu saameeyen.
storvideo: 

Gudoomiyaha Gobolka DALARNA ee dalka Sweden oo...

$
0
0

Waxaa maanta soo gaarey magaalada Garowe Gudoomiyaha Gobolka DALARNA ee dalka Sweden Mursal Ciise kana mid ah guddiga fulinta xisbiga cagaaran ee dalka Sweden, waxaana kusoo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Garowe masuuliyiin ka tirsan Baarlamanka Puntland iyo Madaxtooyadda.
Ujeedada socdaalka Gudoomiyaha Gobolka DALARNA ayaa la xiriirta qeybinta deeq cunto ah oo la gaarsiinayo qoysas ku nool gobolo ku yaala dalka Soomaaliya, wuxuuna todobaadkii lasoo dhaafay deeq gaarsiiyay qoysas iyo dad danyar ah oo ku nool Gobolka Banaadir iyo Shabellaha dhexe.
Maalinta beri ah ayaa lagu wadaa Gudoomiye Mursal Ciise iyo Xildhibaan Cabdi Said Samatar (Surcad) oo ka tirsan Baarlamanka Puntland inay deeq raashin ah gaarsiiyaan qoysas ku nool tuulooyin ka tirsan Gobolka Nugaal sida Yoonbeys, Awrculus iyo Dudumaale.
Sidoo kale Gudoomiyaha Gobolka DALARNA ayaa deeqda ka timid dalka Sweden lagu wadaa inuu gaarsiiyo deegaano ka tirsan Gobolka Bari.
Ma ahan markii ugu horeysay oo uu socdaal ku yimaado magaalada Garowe Gudoomiyaha Gobolka Dalarna ee dalka Sweden.Abshir DhiiranePUNTLND POST
The post Gudoomiyaha Gobolka DALARNA ee dalka Sweden oo maanta tagey Garowe appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Majmaca Culimada Soomaaliyeed oo...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter
Muqdisho(SONNA) Kulankan oo ay Ha'yadda Majmaca Culimada Soomaaliyeed ku yeesheen Magaalada Muqdisho ayaa waxey ku Cambaareeyay dhibaatooyinka gabood falka ah oo Israel ay ku hayso shacabka reer falastiin, ayadoo sidoo kale masjidka barakaysan ee Al- Aqsa lagu dhibaataynayo shacbka falastiin.
Waxaa culimada diiradda ku saareen Dowrka kaga aadan qeyla dhaanta laga muujinayo xad gudubyada ciidamada Yuhuudda ay ku hayaan shacabka reer Falastiin.
Qaar ka mid ah culimadii ka hadashay kulanka ayaa si wada jir ah u cambaareeyay dhibaatooyinkaasi ayagoo ku baaqay in Israel ay joojiso gabood falkaasi.
Gudoomiyaha ha'yadda culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa akhriyay bayaanka ay ka soo saareen hay'adda culimada Soomaaliyeed dhibaatooyinka Yahuudda ay ku hayaan muslimiinta reer falastiin iyo masjidka barakeysan ee Al-Aqso, Waxay culimaddan ugu baaqeen maamulka Israel in uu joojiyo xad gudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha oo ay sameynayaan ciidamadooda.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleKu-simaha madaxweynaha K/Galbeed oo Baydhabo kafuray shir dib u heshiisiineed

storvideo: 

Axmed Karaash”Kuma noqonayo Khaatumo(Dhegeyso)

$
0
0


Garowe-(RBC Radio)-Sii hayaha Wasiirka arimaha gudaha Dowladaha hoose iyo horumarinta reer miyiga Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) oo safar ugu maqnaa dalka dibaddiisa ayaa maanta lagu soo dhoweeyey magaalada Garoowe.
Soo dhoweyn kadib wasiirka oo saxaafadda kula hadlay qasriga uu ka degan yahay magaalada ayaa ka hadlay go'aankii barlamaanka Puntland golaha wasiirada kalsoonida ugala laabteen waxaana uu sheegay inay ahayd arrin dastuuri ah oo ay xaq u leeyihiin,uuna soo dhaweynayo.
Axmed Karaasha oo la waydiiyey hadii dib ugu laabanayo Khaatumo oo uu Madaxweyne kasoo noqday waxaa uu sheegay inuusan Puntland marnaba meel ku doorsan doonin islamarkaan Khaatumo ay ka mid noqotay Puntland.
"Khaatumo aan Madaxweyne ka ahaado ama wasiir ku ahaado halkaan ayaan la joogaa,meel aan ka aadayana ma jirto"ayuu yiri Axmed Karaash.
Axmed Karaasha ayaa noqonaya Masuulkii ugu horeeyey ee ka tirsan golaha wasiiradda oo ka hadla kalsooni kala laabashada ay xildhibaanadu ku sameeyeen 18 kii bishaan taas oo ay xasaanada kaga xayuubiyeen golaha xukuumada Puntland.Sawirro.____RBC Radio

storvideo: 

Daawo:Maxaabiista xabsiyada Itoobiya laga soo daayay...

$
0
0

Jul 23, 2017 -
Koox wasiiro ah oo hogaaminayo ra'isulwasaare Xasan Cali Kheyre ayaa booqday maxaabiista somaalida ee laga soo daaye xabsiyada dalka Itoobiya.
Xasan Cali Kheyre ayaa mid mid u gacan qaaday maxaabiista waxaana oo kawareystay dhibaatada ay kala kulmeyn xabsiyada dalka itoobiya iyo waliba sababaha loo xiray.
Sido kale maxaabiista qaar kood ayaa sheegay in qaar kale weli ku xiranyihiin xabsiyada itoobiya kana codsdayn madaxda dowlada ugu horeeyo madaxweyne Farmaajo in kasoo furtaan xabsiyada dalkaas.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Roadside explosion near Baidoa kills 3 soldiers,...

$
0
0

At least three soldiers were reported to have been killed, several wounded in IED blast on army convoy travelling outside Baidoa, some 250Km southwest of Mogadishu on Sunday.
The soldiers died when a roadside bomb ripped through their military vehicle at an area located between Baidoa and Deynunay towns in Bay region, residents told Radio Shabelle.
Al shabaab Militants planted the explosive device and detonated it remotely once the vehicles drove by, the sources added.
The convoy was carrying Southwest state forces heading to a military camp in Deynunay when their personnel carrier was hit by the land mine explosion.
Al shabaab has claimed credit for the bomb attack through a statement posted on its affiliated website, saying that at least four soldiers were killed in the blast.
There was no immediate comment from the Southwest state officials.

storvideo: 


Culimada Soomaaliyeed oo cambaareeyey dhibaatada...

$
0
0

Kulankan oo ay isugu yimaadeen Culimada Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho,waxaana lagu Cambaareeyay dhibaatooyinka iyo gabood falada kale oo Israel ay ku hayso shacabka reer Falastiin, ayadoo sidoo kale, lagu xadgudbay masjidka barakaysan ee Al- Aqsa laguna dhibaateeyo shacabka aan waxba galabsan ee Falastiin. Waxaa culimada diiradda ku saareen dowrka kaga aadan qeyla dhaanta laga muujinayo xad gudubyada ciidamada Yuhuudda ay ku hayaan shacabka reer Falastiin. Qaar ka mid ah culimadii ka hadashay kulanka ayaa si wadajir ah u cambaareeyay dhibaatooyinkaasi ayagoo ku baaqay in Israel ay joojiso gabood falkaasi. Guddoomiyaha ha'yadda culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa akhriyay bayaanka ay ka soo saareen hay'adda culimada Soomaaliyeed dhibaatooyinka Yahuudda ay ku hayaan muslimiinta reer Falastiin iyo masjidka barakeysan ee Al-Aqso, Waxay culimaddan ugu baaqeen maamulka Israel in uu joojiyo xad gudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha oo ay sameynayaan ciidamadooda. SONNA NEWS
storvideo: 

SOMALIA: Constitution Minister says Parliament...

$
0
0

Somali Minister of Constitution Abdurahman Hosh Jibril.
MOGADISHU (RBC Radio) Somali Minister of Constitution Abdurahman Hosh Jibril has defended a recent High Court decision which ordered re-run selection of eight disputed parliamentary seats of the Federal Parliament.
"Somali Parliament is out to lunch. Parliament can not over turn the verdict of the highest court of the land." wrote the minister on his twitter account on Saturday.
The eight seats are currently occupied by eight lawmakers from Jubbaland, Southwest, Hirshabelle and Galmudug respectively. The positions which were highly contested during the latest selection of the parliamentarians in last year's election but the process marred rife corruption.
Last week, The Attorney General Ahmed Ali Dahir endorsed the High Court decision to repeat the selection of the eight seats.
The High Court decision was a result of months-long court case filed by the eight defeated candidates who ran for the seats as aspirants.
But in a hot debate at the parliament later, the House of the People of the Federal Parliament nullified the court verdict saying that the eight disputed parliamentary seats are official members of the house and that their legality cannot be put into question.

storvideo: 

DAAWO: Madaxweynaha Turkiga Erdogan oo booqasho ku...

$
0
0

Jul 23, 2017 -
Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta booqasho ugaga bilaabatay magaalada Jeddah ee boqortoyada Sacudi Carabiya lugtii ugu horeysay ee safar uu ku marayo wadamada Khaliijka.
Wadamada uu booqanayo Erdogan ayaa waxaa ka mid ah Kuwait iyo Imaaraadka Carabta,waxana uu durba bilaabay Madaxweyne Erdogan waxa uu si kala gaar gaar ah ula kulmay Boqor Salman iyo Amiirka dhaxalka leh ee Mohammed Salman.
Wafdiga Madaxweyne Erdogan ayaa waxaa kamid ah wasiirka arrimaha dibada,dhaqaalaha, kheyraadka, gaashaandhigga iyo Hay'ada Sirdoonka.
Booqashadan ayaa ku soo beegmaysa xiisad siyaasadeed oo ka jirta wadamada Khaliijka kadib markii afarta dal ee Imaaraadka Carabta, Bahrain iyo Egypt oo u jaray xiriirka wadanka Qadar isla maraana ku soo rogay xayiraad.
Maamulka Doxa ayaa lagu eedeeyay in uu caawiyo argagaxisada hase yeeshee dowlada Qadar ayaa beenisay iyadoo sheegtay xayiraada lagu soo rogay ay tahay
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Ciidanka Puntland oo gacanta ku dhigey 10 ruux oo ay...

$
0
0


Ciidanka Daraawishta Puntland,sawir hore
Garoowe (RBC Radio) Ciidamada sida malateriga loo tababarro ee Daraawiishta Puntland,waxaa ay qabteen toban ruux oo ku safrayeey gaari kuwa raaxadda ah,kuwaas oo la sheegay inay ku sii jeedeen deegaanka buuraleyda ah ee Galgala,halkaas oo saldhig u ah al-Shabaab.
Sarkaal sare oo ciidamada ka tirsan wuxuu sheegay 10 ruux ee ay qabteen inay haween ku jireen,marka wuxuu sheegay inay ka soo tageen magaalada Burco,lugana qabtey deegaan lugu magacaabo Cowsane oo ka tirsan gobolka Sanaag.
"Ciidamada Daraawiishta ayaa ku guuleystay iney qabtaan 10 ruux oo al-Shabaab ka tirsan, doonayana iney u gudbaan buuraha Galgala, waxaa laga soo direy magaalada Burco,waxaana ay doonayeen iney u tagaan al-Shabaabka ku dhuumanaya buuraha Galgala, hadda gacanteenna ayeey ku jiraan, baaritaanno dheeraad ah ayaan ku wadnaa, waxaana ku jira dadka aan qabanay dumar." sida waxaa u sheegay warbaahinta taliyaha ciidanka Daraawiishta Puntland ee gobolka Haylaan,Fu'aad Xanaano oo ka hadlay toban ruux oo ay gacanta ku dhigeen kuwaas oo ay ku sheegeen inay ku sii jeedeen buraleyda Galgala oo saldhig u ah al-Shabaab.
Dowladda wali faah faahin kama aysan bixin 10 ruux ee ciidamada amnigu qabteen,mana jirto warar ka madax banaan taliyaha hadlay warkiisa oo la heley.
Puntland ayaa muddo dagaal kula jirta dagaallamayaal al-Shabaab ka tirsan oo ku dhuumaleysta buuraha Galgala.
__
RBC Radio

storvideo: 

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo ka wada magaalada...

$
0
0


Kismaayo (RBC Radio) Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan wadatashi ah oo ku saabsanaa hannaanka dib-u-eegista Dastuurka la yeelatay Ururada Bulshada Rayidka ee Jubbaland. Kulanka ayaa waxaa ka soo qaybgalay Gudoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland Mudane Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan, culumada, haweenka, dhaqanka, iyo dhalinyarada Jubbaland.
Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo kulanka ka hadlay ayaa ku tilmaamay kulanka wadatashiga ee Kismaayo ka dhacay in uu ahaa tallaabo horey loogu qaaday xoojinta wada shaqaynta Wasaaradda iyo Jubbaland.
"Runtii farxad wayn bay noo tahay in aan maanta kulan wadatashi ah ku qabano Kismaayo, waxa aan u nimid in aan ra'yigiina dhageeysano; Waa tallaabo kale oo ay Wasaardda horey u qaaday si aan wadashaqayn joogta ah u la yeelanno dawlad goboleedka Jubbaland" ayuu yiri Wasiirka.
Sidoo kale wasiir Cabdi Xoosh isago oo ka hadlayay Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka ayuu yiri "Micanaha Dastuurka waa heshiis bulsho, sidaa awgeed waxa aan donaynaa in aan bulshada rabitaankooda ku hogaaminno Geedi-socodka taariikhiga ah ee dib-u-eegista Dastuurka ee sanadkan ka bilaabmi doona dalka".
Dadkii ka soo qaybgalay kulanka ayaa talooyinkooda ku saabsanaa Qorshaha Guud ee hannaanka dib-u-eegista Dastuuka la wadaagay Wasaaradda.
Ugu dambeyn, Wasiir Xoosh ayaa ballanqaaday in kulamada wadatashiga ay gaarsiin doonaan dhamaan deegaanada dawlad goboleedyada.
__
RBC Radio

storvideo: 

Madasha bandhiga Waxqabadka Xukuumadda Puntland oo...

$
0
0

Waxaa maalintii labaad caasimadda Puntland Garoowe ka socota madal ay gollihii wasiiradda ee barlamaanka Puntland ay kalsoonida kala laabteen ay ku soo bandhigayaan waxyaabihii ay qabteen mudadii ay hayeen xilka Wasaaradda.
Wasiiradda maanta soo bandhigay waxqabadkooda waxaa ka mid ahaa Wasiirka Haweenka iyo arrimaha qoyska Aniisa Cabdiqaadir X. Muumin, Wasiirka Degaanka Cali Cabdullaahi Warsame iyo Wasiirka Ganacsiga Cabdiweli Xirsi Cabdulle (Indho-guran). waxay madasha ku soo bandhigeen muuqaalo ka turjumayo ka tarjumayay waxqabadkoodii, iyagoo khudbadana ka jeediyay Madasha.
Madasha Bandhiga oo lagu qabtay xarunta jaamacadda Bariga Afrika ee Garoowe, waxaa maanta si weyn u soo buuxdhaafiyay haween aad u tiro badan kuwasoo cududooda ku muujiyay taageeradda ay u hayaan Wasiirka haweenka, oo khubad dheer oo madasha ka jeedisay faahfaahin ka bixisay guulaha muuqda ee wasaaradda gaartay tan iyo markii ay xilka la wareegtay sanadkii 2014ka
Waxay sheegtay in ay dadaal dheer u gashay sidii haweenka iyo caruurta Puntland ay u heli lahaayeen nolol ka wanaagsan tii ay ku jireen maalintii aan xilka la wareegay, islamarkaana ay u hirgashay balanqaadyadii ay hore u ballanqaadeen.Wasiiradu waxay sheegtay in ilaa 500 kun oo haween reer puntland ay wasaaradu u suurtagalisay in maalgalin la siiyo, waxay kaloo sheegtay in wasaaradu ay kaalmaysay 15 kun oo qoys oo ku nool dhammaan goboladda dalka. sidoo kale waxay sheegtay in wasaaradu ay heshay lacag ka badan hal milyan oo dollar oo ay mashaariic kaga fulin doonto caasimadda Garoowe
"Abaartii dheerayd ee wadanka soo martay waxay wasaaraddu ku bixisay dadaal dheeraad ah sidii dadka dhibaataysan loo gaarsiin lahaa raashin iyo biyo.Mudadii xukuumadda Madaxweyne Cabdiweli jirtay waxaan caawinay dad danyar ah oo dhan 15,120, bil walba waxaan caawimaad isugu jirta raashin, taakulo caafimaad, taakulo lacageed siinaa 360 qoys oo ku kala nool dhamaan gobolada Puntland" ayay tiri Wasiirka Haweenka Puntland.
Ugu Dambayntii, Wasiiradda Haweenku waxay ku boorisay ka soo qaybgalayaashii Madasha iyo dadweynaha reer Puntland inay ilaashaadaan nabadgelyada kala dambaynta iyo dowladnimada ay haystaan oo ay la shaqeeyaan xukuumadda iyo madaxda Puntland.BANDHIGA WASAARADA DEEGAANKA.
Wasiirka Degaanka iyo duurjoogta Cali Cabdullaahi Warsame wuxuu madasha ku soo bandhigay waxqabadkii wasaaradiisa ee dib u noolaynta degaamadii xaalufku ku dhacay, biyo-xireeno ay ka sameeyeen degaamada qaarkood iyo kuwo ay dhawaan dhagax dhigeen. wuxuu ka sheekeeyay sida wasaaradiisu ugu guulaystay inay baabiso dhul daaqsimeed si gaar ah loo xirmaystay iyo xirmayn ay ka samaysay dooxda dharoor oo haatan uu sheegay in dad badan oo xoolo dhaqato ah ay ka faa'iidaysteen.
Wasiirka oo soo bandhigay muuqaalo iyo sawiro muujinaya waxqabadka Wasaaradiisa, wuxuu sidoo kale ku booriyay madaxda, Barlamaanka iyo shacabka Puntland inay ilaashadaan dowlanimada iyo nabada ay haystaan oo lala shaqeeyo qof kasta oo loo dhiibo xilka
"Dowladdnimada halkaa danbe ku qabsada, hal maalina fowdo dalka yaan loo ogolaan, ninkii doona ha xukumo, ninkii doonaa Wasiir ha noqdo, anagu waxaan diyaar u nahay hadii nala ka maarmo , hadii dadkeenu naga maarmaan inaan ka baxno, Shacabkaan ku biireynaa.Laakiin Dowladdnimo lagama maarmo , Dowladdnimo lama taaban karo , gorgortan laguma geli karo, wadahadal laguma geli karo, dadka Noloshiisii weeye, Nabadiisii weeye, Horumarkiisii weeye, Sharaftiisii weeye" ayuu yiri Wasiir Cali Cabdullaahi.BANDHIGA WASAARADA GANACSIGA.
Wasiirka Ganacsiga Puntland Cabdweli Xirsi Cabdulle wuxuu si la mid ah wasiiradii kaga horreeyay khudbadaha, soo bandhigay filim kooban iyo sawiro tilmaam ka bixinaya waxqabadkii wasaaradiisa mudadii uu xilka hayay. Wuxuu sheegay in markii loo magacaabay wasaaradda lagu lahaa 7000 kun dollar oo dayn ah, wasaaraduna ay deganayd guri kiro ah.
" Isha markhaati ah, dadweynuhu waa markhaati ,Anigu dadka waaya aragiinta ah baan ka mid ahayoo waxaan qirayaa dowladdan inay wax badan qabatay" ayuu yiri Indha guran.
Khudbadaha, muuqaaladda iyo doodaha qaar ka mid ah gollaha wasiirada kalsoonida laga laabtay ay kusoo bandhigeen madasha waxqabadka xukuumadda ayaa u muuqata mid wasiiradu isaga difaaceen eedaymihii gollaha barlamaanku usoo jeediyay iyo saluuga dadweynaha qaar ka qabay waxqabadkooda. .Abshir DhiiranePUNTLAND POST
The post Madasha bandhiga Waxqabadka Xukuumadda Puntland oo maalintii 2aad ka socota Garowe appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Taliyihii Ciidamada Ilaalada Waddooyinka Cali Gaab...

$
0
0

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Taliyihii Ciidamada Ilaalada Waddooyinka ee loo yaqaano Taraafiko Jen, Cali Maxamed Xirsi (Cali Gaab) in laga qaaday xilkii uu hayay muddo 3-bilood kadib.
Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Jen, C/xakiin Daahir Saciid (Saacid) ayaa la Sheegay in uu xilka ka qaaday Taliye Cali Gaab,warar soo baxaya ay sheegayaan in xilka laga qaaday xilli uu ku guda jiray howlo shaqo iyo kormeer uu ku sameynayay qaar ka mid waddooyinka Muqdisho.
Xil ka qaadista lagu sameeyay Taliye Cali Gaas Lama oga illaa iyo hada sababaha ka dambeeya oo la ogyahay in uu yahay nin shaqo.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xurguf ay ka dhaxeyso Jen, Cali Gaab Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Jen, C/xakiin Daahir Saciid (Saacid).
Taliye Cali Gaas ayaa horay u soo noqday Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir, hase ahaatee uu iska casilay, bishii afaraad ee sanadkan ayaa waxaa dib loogu magacaabay Taliyaha Ciidamada Ilaalada Waddooyinka ee Taraafiko oo hoos tagta Taliska Booliska
Todobaadkan ayay aheyd markii Jen. Cali Gaab uu sheegay in Ciidamada AMISOM ay afartii sano ee u dambeysay ay geysteen illaa shan boqol oo shil sababay dhimasho iyo dhaawacyo, kuwaasoo aanay ka bixin wax magdhaw ah.
Dhanka kale Taliyaha Ciidamada Ilaalada Waddooyinka ayaa waxaa mar kale dib loogu magacaabay G/sare Cali Maxamed Cali oo howlo caafimaad ugu maqnaa dalka Hindiya afartii bil ee la soo dhaafay.
storvideo: 


Dhismayaal badan oo ku bur burey iyo barakac ka...

$
0
0

Gaalkacyo (RBC Radio) Labadii maalin ee ugu dambeysay waxaa ka taagan degmada Caluula xaalad barakac ah,markii ay badda ku soo rog-matay magaalada,sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.
Ku dhawaad boqol dhisme iyo 20 ka mid ah doomaha kalluumaysiga ayey baddu la tagtay,waxaana wali jirta cabsi laga qabo inay baddo gaarto qeybo kale oo degmada ka mid ah.
"Badda ayaa soo rog-matay,xaafaddo ka tirsan magaalada biyaha ayaa bur buriyey doomihii kalluumaysigana ay la tageen." Maxamuud Cismaan oo dadka deegaanka ka mid ah ayaa hadalkan u sheegay Raxanreeb.
Sidoo kale,deegaanka waxaa ka taagan dabeylo mana jirto ilaa hadda wax gurmad ah oo gaarey degmada,iyadoo dadka deegaanka ay baaq u dirayaan dowlad-gobolleedka Puntland ee deegaanka uu ka tirsanyahay.
Degmada ayaa ka mid ah deegaannada u nugul dabaley-laha iyo badda oo kacda,maaddama xaafadaha qaar ay aad ugu dhowyihiin xeebta.
__
RBC Radio

storvideo: 

Baarlamaanka federaalka oo dib u celiyay sharciga la...

$
0
0


Muqdisho (RBC Radio) Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta dib u celiyay sharciga la dagaalanka musuq maasuqa, kaasoo ay Wasaaradda Cadaalada ay hor-keentay baarlamaanka,
Kalfadhiga Labaad kulankiisa afaraad ee mudaniyaasha golaha Shacabka waxaa shir guddoominayay gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha shacabka mudane Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudeey,waxaana ajendaha kulanka uu ahaa akhrinta koowaad ee hindise sharciyeedka dhismaha guddiga madaxa-bannaan ee la-dagaalanka musuq-maasuqa.
Wasiirka Cadaaladda ee xukuumadda federaalka,Xasan Xuseen Xaaji ayaa golaha Shacabka ka hor akhriyay sharciga dhismaha guddiga madaxa-bannaan ee la-dagaalanka musuq-maasuqa iyo faa'idooyinka uu dalka u leeyahay.
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdulla Cawad ayaa xildhibaanada akhriyay qodobada lagama maarmaanka u ah in ay ama ay ka muuqdaan hindise sharciyeed walba oo la hor keenaayo golaha shacabka.
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah mudaniyaasha golaha shacabka ayaa soo jeediyay in maadaamaa sharcigan qodobo muhiim ah ay ka maqan yihiin loo baahan yahay in dib loogu celiyo wasaaradda si loo dhameystiro.
Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha shacabka mudane Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudeey ayaa sheegay in sharcigan uu u baahan yahay in lagu soo daro qodobada ka maqan isla markaana wasaaraddu dib loogu celiyay hindise sharciyeedka la- dagaalanka musuq maasuqa.
Dhanka kale, xildhibaan Maxamed Cabdi Gaandi oo ah guddoomiyaha gudiga dib-u-heshiisinta ee ee golaha shacabka ayaa sheegay in dagaal beeleedyo dhibaatooyin badan dhaliyay ay ka jiraan qeybo badan oo ka mid ah gobolada dalka,wuxuuna ku baaqay in dagaaladaasi la jooiyo.
Gabagabadii,guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha Shacabka Mudane Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudeey oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in gudoonka golaha shacabka uu ku baaqaayo in si deg deg ah loo joojiyo dagaal beeleedyadaasi.
__
RBC Radio

storvideo: 

Puntland oo Gacanta ku Dhigatay 10 Ruux oo ay ku...

$
0
0

Cawsane[Puntland Post]Ciidamada Daraawiishta Puntland,waxaa ay qabteen toban ruux oo ku safrayeey gaari kuwa raaxadda ah,kuwaas oo la sheegay inay ku sii jeedeen deegaanka buuraleyda ah ee Galgala Ee Gobalka Bari,halkaas oo saldhig u ah al-Shabaab.
Taliyaha Ciidamada Puntland ee Sanaag ayaa sheegay in dadkaasi ay ka yimaadeen Magaalada Burco ,islamarkaana ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab Waxaa uu sheegay in ay gaarayaan dadka ay qabteen 10 qof oo isugu jira rag iyo Dumar.
Dowladda wali faah faahin kama aysan bixin 10 ruux ee ciidamada amnigu qabteen,mana jirto warar ka madax banaan taliyaha hadlay warkiisa oo la heley.
Puntland ayaa muddo dagaal kula jirta dagaallamayaal al-Shabaab ka tirsan oo ku dhuumaleysta buuraha Galgala.Cabdiqani Boos Puntland Post
The post Puntland oo Gacanta ku Dhigatay 10 Ruux oo ay ku sheegeen al-Shabaab appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Maamulka gobolka Mudug oo ku shaqeynaya meel ka...

$
0
0


Guddoomiyaha gobolka
Gaalkacyo (RBC Radio) Guddoomiyaha gobolka Mudug,Xasan Maxamed Khaliif ayaa markii ugu horreeysay shaaciyay maamulka inuu ku shaqeynayo meel ka baxsan xarunta gobolka ee magaalada Gaalkacyo.
Guddoomiyaha oo ay waheliyaan mas'uuliyiin kale oo gobolka ah ayaa muddo hadda ku sugan degmada Galdogob ee gobolka Mudug,wuxuuna sheegay si kumeel-gaar ah maamulka inuu ku shaqeynayo Galdogob.
"Saaka waxaan idinka soo salaamayaa degmada Galdogob ee gobalka Mudug. Waxaan si ku meel gaar ah xafiiskaygii shaqada ugu raray Degmadaas. Galdogob waxaa deggan dad eebbe weyne ku manaystay sharaf, karaamo iyo soo dhaweyn....Dhamaan shaqooyinkii aan utagnay ee isagu jiray bilic kusoo celinta magaalada, qaabaynteeda(Town planning) meel wanaagsan ayay noo marayaan illaa hadana wax caqabad ah hayaraato ama haweynaatee lama aanan kulmin." ayuu yiri guddoomiyaha gobolka oo warkan ku baahiyay bogga uu Fecebooka ku leeyahay,wuxuu inta ku darray "Waan sii degenaan doonaa Galdogob ilaa hadafka laga gaarayo."
Guddoomiyaha waxaa kalo u sheegay in maal-mahan soo socodka uu dhagax-dhigi doono waddooyin laami ah oo laga hirgeliyo degmada Galdogob.
Gagabagabadii,wuxuu guddoomiyaha u mahadceliyay bulshada deegaanka iyo dadka kale ee maamulka ugu hambalyeeyay shaqada uu hayo.

DEGMADA GALDOGOB!!!Saaka waxaan idinka soo salaamayaa degmada Galdogob ee dhacda Gobalka Mudug. Waxaan si ku meel gaar...
Posted by Gudomiye Hassan Mohamed on Monday, July 24, 2017
__
RBC Radio

storvideo: 

SOMALIA: Puntland forces detain 10 al-Shabab suspects

$
0
0

BOSASSO (RBC Radio) Puntland security forces have detained ten suspected al-Shabab members traveling to the Galgala mountains following a security check up.
According to senior officials, the vehicle transporting the ten suspects, among them women, was stopped at Awsane location in Sanag region where the security forces detained all ten occupants of the car.
The officials are now conducting investigation into the suspects to ascertain their final destination in Galgala.
Galgala has front line where the security forces have been fighting al-Shabab militant group since 2010.
Puntland officials familiar with the ongoing investigation said the arrested group came from Bur'o in Somaliland.
Last month, President Abdiweli Ali Gaas accused the neighboring Somaliland to be supporting al-Shabab militants in Galgala. Somaliland rejected the accusation.

storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live