Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Xogta Caawa:Ciidamada sida gaar ah u Ilaalin jiray...

$
0
0

Jul 25, 2017 -
Warar soo baxaya oo ay heshay Warbaahinta ayaa sheegaya in la ruqseeyay Tiro Askar ka tirsan Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano Gaashaan oo xarun ku lahaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.
Askartan la ruqseeyay ayaa gaaraya illaa kontameeyo askari, iyadoo warar is khilaafsan ay ka soo baxayaan sababaha loo ruqseeyay.
Warar laga helay Ilo kala duwan ayaa sheegaya inuu isku dhac dhex maray ciidamadan iyo mas'uuliyiinta shirkad Mareykan ah ee gacanta ku heysay ciidamadan, kaasoo ku saabsanaa dhanka awaamiirta.
Wararka qaar ayaa tilmaamaya inuu khilaaf ka dhashay qalab ciidan oo la sheegay in lagala baxay Xerada ay degenaayeen ciidamadan sida gaarka u tababaran ee Soomaalida ah, taasoo keentay in askar dhowr ah la ruqseeyo, sidoo kalena ay ka caroodaan tiro askar kale.
Ciidamadan ayaa markii dambe xerada isaga soo baxay, iyagoo tagay Xarunta Taliska Nabadsugida, halkaasoo la sheegay inuu ku qaabilay Taliyaha NISA Sanbaloolshe.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in markii hore uu jiray is faham waa u dhaxeeyay Taliyaha NISA iyo Mas'uuliyiinta shirkaddan Mareykanka ee gacanta ku heysay Ciidamadan oo ku saabsanaa dhinaca awaamiirta iyo xilliyada loo baahdo ee ay howl galada fulinayaan.
Wasiirkii hore ee Amniga C/risaaq Cumar Maxamed ayaa wareysi uu dhowana siiyay VOA waxaa uu ku sheegay in Ciidamada Gaashaan aanay ka amar qaadan Wasaaradda iyo Taliska NISA, marka loo baahdana ay weydiisan jireen Saraakiisha maamuleysay ciidamadan.
Ciidamada Gaashaan oo horay loogu yaqaanay Alpha Group ayaa ah Ciidamo hab dhaqankooda wanaagsan yahay, kana duwan ciidamada kale ee dowladda, waa ciidamo si gaar ah u tababaran oo ay gacanta ku heyso shirkad aan magaceeda la aqoon, balse la rumeysan yahay inay hoos-tagto Sirdoonka Mareykanka, waxayna bixsaa tababarkooda, qalabeyntooda iyo mushaarkooda oo la sheego in askarigiiba uu qaato lacag gaareysa illaa $500 (Shan boqol oo dollar)
Nagala soo xiriir
storvideo: 


Wafdi Puntland oo Booqasho ku jooga magaalada Kigali...

$
0
0

Agaasimaha Guud ee Hay'adda Astaynta maamul wanaagga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa dowladda Puntland Cabdiraxmaan Cali Guureeye iyo masuusliyiin ka tirsan xafiiskiisa ayaa booqasho ku tagay caasiamda dalka Rwanda ee Kigali, kadib markii ay cusumaad ka heleen Xafiiska la dagaalanka musuqmaasuqa, Ka hortagga caddaalad xumada iyo horumarinta maamul wanaagga dalka Rwanda "Office of the Ombudsman".
Booqashada wafdiga Ha'adda Astaynta maamul wanaagga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa dowladda Puntland ayaa ah u kuur galida qaabka ay dowladda Rwanda ula dagaalantay musuqmaasuqa iyo maamul xumada iyo sida ay markiiba uga soo kabatay dagaaladdii sokeeye ee aafeeyay dalkaas bilowgii sagaashanaadkii.
Agaasimaha guud ee Ha'adda Astaynta maamul wanaagga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa dowladda Puntland Cabdirahmaan Cali Guureeye oo la hadlayay Warbaahinta PUNTLNAD POST ayaa sheegay in ay dalkaas u joogaan howlo shaqo,ayna soo dhaweyn diiran iyo kal furnaan kala kulmeen dowladda Rwanda iyo dhammaan xafiisyadii ay booqdeen.
Agaasimaha oo si kooban uga hadlay sababta keentay booshadan ayaa yari "Hammigayagu waa in aan maamul wanaagga Puntland kor u qaadno, dadkayaguna ay la saan qaadaan dunida hor u-socodka ah, musuqmaasuqa iyo caddaalad daraadana dagaal cad lala galo si horumar loo gaaro".
"Aad bay reer Rwanda uga soo kabteen burburkii ku dhacay, waana ku kal soonahay in la gaari karo taas balse loo baahan yahay in loo wada istaago sidii loo gaari lahaa" ayuu yiri Agaasime Cabdirahmaan Cali Guureeye.
Agaasimaha iyo wafdigiisa ayaa xog waraysi ku saabsan sida dowaladda Rwanda ay ula dagaalameen musuqmaasuqa, maamul xumada iyo caddaalad darrada waxa ay ka dhagaysteen, Madaxa ugu sarreeya Hay'adda dowladda Rwanda u qaabilsan arrimaha la dagaalanka musuqmaasuqa iyo wanaajinta maamulka Chief Ombudsman Gabadha lagu magacaabo Cyanzayire Aloysie.
Sidoo kale wafdigu waxaa warbixino faahfaahsan siiyay Xoghayaha jootada ah ee Hay'adda iyo Agaasimayaasha waaxyaha kala duwan ee xafiiska "office of the Ombudsman".
Dhanka kale wafdiga dowladda Puntland ayaa booqasho xusuuseed iyo wax ka barasho u tagay halka loo asteeyey in lagu xusuusto xasuuqii foosha xumaa ee ka dhacay dalka Rwanada, halkaas oo xasuuq loogu gaystay dad gaaraya ilaa Hal Mayuun iyo bar.
Goobtan oo ku dhex taaal magaalada Kigali ayaa waxaa xasuuq loogu gaystay 250,000 oo qof, waxaana looga warbxiyay wafdiga Puntland sida ay uga soo kabteen dowlad iyo shacabba dhibtaas baaxadda leh.
Wafdiga dowladda Puntland ayaa sidoo kale maanta booqan doona Hanti dhowrka guud , xafiiska u qaabilsan qandaraayda dowladda Rwanda, Taliska ciidanka Police dowladda Rwanda iyo Transparency International xafiisyadaas ayaa dhammaantood wada shaqayn dhow la leh Hay'adda dagaalanka musuqmaasuqa, Ka hortagga caddaalad xumada iyo horumarinta maamul wanagga dalka Rwanda "Office of the Ombudsman".
Dalka Rwanda ayaa ah dal dhul ahaan aad u yar balse tira ahaan u dhigma Soomaliya, haddana ku dhexyaal qaaradda Afrika oo aan lahayn Bad.
Waana dal wax badan ka horumarsan dalalka ku yaal Geeska Afrika, waxaana dalkaas ka muuqato ilbaxnimo baahsan, kobacdhaqaaale yo nidaam dowladnimo oo mudan in wax badan lagaga daydo.PUNTLLAND POST
The post Wafdi Puntland oo Booqasho ku jooga magaalada Kigali ee dalka Rwanda appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Maxkamadda Yurub oo xukun ka gaartay qaxootiga

$
0
0

Maxkamadda caddaaladda ee Yurub ayaa xukmisay in dadka magangalyo doonka ah dacwadahooda laga xareeyo dalka ugu horreeya ee ka tirsan midowga Yurub ee ay ka soo dhul billaabaan.

Maxkamadda Yurub oo xukun ka gaartay qaxootiga

$
0
0

Maxkamadda caddaaladda ee Yurub ayaa xukmisay in dadka magangalyo doonka ah dacwadahooda laga xareeyo dalka ugu horreeya ee ka tirsan midowga Yurub ee ay ka soo dhul billaabaan.
Intii uu socday qulqulka muhaajiriinta ee 2015 iyo 2016 ayaa xuduudaha la isu furay, ayadoo dad badanna ay magangalyo ka dalbadeen dalal kale.
Maxkamaddu waxay ogolaatay doodda dalalka Austria iyo Slovenia ee ah inay xaq u leeyihiin inay dib ugu celiyaan dadka magangalyo doonka ah halka ay Yurub ka soo galaan.
Arrinta xuddunta u ah kiiska ayaa ah haddii shuruucda midowga Yurub ee magan gelyo doonka, ee loo yaqaanno xeerka Dublin, lagu dhaqi karo xaaladahaas aan caadiga ahayn.
Qaxootiga ayaa waxay tahay inay magangalyo waydiistaan dalka ugu horreeya ee Midowga Yurub ka tirsan ee ay tagaan.
Mushaakilka ayaa dibadda u soo baxay xagaagii 2015, markaasoo hal malyan oo isugu jira muhaajiriin iyo qaxooti ay soo dhex qaadeen dalalka galbeedka Balkanka.
Jarmalka ayaa ka hakiyey xeerka Dublin qaxootiga ka yimid Suuriya, wuxuuna sidoo kale hakiyey in dib loogu celiyo dalalka ay ka soo dhul billaabeen.
Laga soo billaabo bishii Agoosto 2015, boqollaal - mararka qaarna kumanaan qof - ayaa gaarayay Austria maalin kasta, kuwaasoo soo maray Hungary, ka dibna Slovenia.
Badidood waxay rabeen inay Jarmalka tagaan, laakin qiyaastii 90,000 oo ka mid ah ayaa magangalyo weydiistay Austria.
Waxaa ka mid ahaa laba gabdhood oo reer Afghanistan ah oo walaalo ah - Khadija iyo Zaynab Jafari - iyo carruurtooda, kuwaasoo gaaray xudduudda Austria Febraayo 2016.
Kiiska gabdhahaas iyo mid la mid ah oo ka dhacay Slovenia waxaa la horgeeyey maxakamadda caddaaladda ee Yurub.
Sida uu sheegayo Stephan Klammer oo ah qareen ka socda hay'adda khayriyada ee Diakonie, xukunka wuxuu saamayn ku yeelan doonaa boqolaal magangalyo doon ah oo lagu celiyey Croatia.
Arrin kale oo iyadana arrimahan xiriir la leh ayaa ah talo uu soo jeediyey la taliye sare oo ka tirsan maxkamadda oo sheegaya in xaakimiintu aqbaleen qorshaha midowga Yurub ee ah in dalal kale la dajiyo dadka magangalyo doonka ah ee ka soo gala Giriigga iyo Talyaaniga.
storvideo: 

Dowladda Kenya oo ka digtay weeraro inta lagu guda...

$
0
0

Jul 26, 2017 -
Dowladda Kenya ayaa ka digtay weeraro ka dhaca dalkaas inta lagu guda jiro doorashada madaxtinimada dalkaas oo dhici doonta bisha soo socota.
Kusimaha Wasiirka Amniga gudaha Kenya Fred Matiang'i ayaa soo saaray digniin ku aadan weeraro Kooxda Al-Shabaab ka geystaan dalkaas iyo koox kale.
Ciidamada ammaanka Kenya ayaa feejignaan sare la geliyay, iyadoo ditaarado dagaal lagu ilaalin doono goobaha codbixinta ka dhici doonto.
"Waxaan diyaarinay ciidamo badan oo ka hortaga weeraro ay geystaan Al-Shabaab iyo kooxo kale, inta lagu guda jiro doorashada madaxtinimada"ayuu yiri Kusimaha Wasiirka Amniga.
Sidoo kale waxaa la adkeyn doonaa ammaanka magaalooyinka gobolka waqooti bari ee Kenya, halkaasoo ah meelaha inta badan weerarada ka geysato Al-Shabaab.
8-da bisha soo socoto ee Agosto ayaa la filayaa inay dhacdo doorashada Madaxtinimada dalka Kenya, iyadoo xisbiga talada dalka haya iyo mucaaradka ay wadaan diyaar garow olole oo aad u xooggan.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Ciidamo ka wada tirsan DF oo ku dagaalamay Magaalada...

$
0
0

Muqdisho ( Sh.M.Network)-Ciidamada Howlgalka Xasilinta Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho oo howlgallo ballaaran saaka ka billaabay Xaafado ka tirsan degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa lagu soo warramayaa in iska hor'imaad uu ku dhexmaray iyaga iyo Ciidamo kale oo labisan dareeska Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya.
Goob Jooge u warramay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in saaka Ciidamo fara badan ay howlgallo ka billaabeen qeybo badan oo ka mid ah Degmada Wadajir.
Waxaana uu shaaca ka qaaday inta howlgalladaasi ay socdeen in israsaaseyn ay dhexmartay iyaga iyo Ciidamo kale oo hubeysan oo ku sugan degmadaasi Wadajir.
Ma cadda Khasaaraha ka dhashay israsaaseyntaasi u dhexeysay Ciidamada Howlgalka Xasilinta Caasimadda iyo Ciidamo kale oo iyaguna la sheegay in ay ka tirsan yihiin dowladda Federaalka Soomaaliya kuwaas ku sugnaa degmada Wadajir walow goobjoogaha la hadlay Shabelle uu sheegay in ay jiraan dhaawacyo.
Dhinaca kale Israsaaseyn xoogan ayaa haatan laga maqlayaa Jaamacaddii Gaheyr ee degmada Hodan.
Wararka ayaa sheegaya in Israsaaseyntaasi isweedaarsanayaa Ciidamada Howlgalka Xasilinta iyo Ciidamo kale oo ku sugnaa halka israsaaseyntu ka socoto.
Howlgalka Xasilinta Caasimadda ayaa u muuqda mid soo laba kacleeyay kaas oo indhawaanahaan gaabis uu ku yimid dhaq dhaqaaqyadii ay ka wadeen Muqdisho.
Howlgalkaan ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya sheegtay in ay uga golleedahay sidii Muqdisho ay uga dhigi lahayd meel xasiloon.
storvideo: 

UN says food security in Somalia unlikely to improve...

$
0
0

Food and nutrition security situation in Somalia is not likely to improve before the end of the year or January 2018, the UN humanitarian agency said on Tuesday.
The UN Office for Coordination of Humanitarian Affairs (OCHA) called for donor commitments to help improve the situation, citing preliminary assessment results by the UN Food and Agriculture Organization (FAO)-managed Food Security and Nutrition Analysis Unit (FSNAU) .
"Severe drought is expected to continue to deepen till the start of the next rainy season in October and an improvement in the food security and nutrition situation is not likely before December/January," the UN said.
The OCHA said in its humanitarian drought response report that while famine has been averted so far, thanks to critical investments early in the year, drought conditions are expected to continue to deepen till the start of next rainy season in October.
"Reprieve from the effects of prolonged drought will however persist till early next year when improvements in the food security and nutrition situation is expected to start being felt," it said.
Somalia is in the midst of a drought after rains failed in November 2016, for a third year in the row. Humanitarians in Somalia are calling for donor commitments to reach the most vulnerable with life-saving assistance.
"The momentum in new donor contributions has been declining. New donor commitments per month have declined from about 258 million U.S. dollars in March to 26 million dollars by end of June," the OCHA said.
"This is likely to affect continuity of response till the end of the year. Despite ongoing response, humanitarian needs far exceed available resources," it said.
The UN estimates that at least 100 million dollars is required per month to sustain current levels of response.
The April-to-June "Gu" rainy season was late and shorter than normal, and generally poor in most of the country and the temporal distribution was erratic.
storvideo: 

Ciidamo badan oo la geeyay Degmada Luuq

$
0
0

Ciidamo fara badan oo ka tirsan Maamulka Jubbaland, ayaa la geeyay Degmada Luuq ee Gobolka Gedo, ciidankaasi oo laga kaxeeyay degaan ku dhaw Degmada Baled Xaawo.
Ciidamadan oo wata gaadiidka dagaalka oo gaaraya todobo gaari oo Shan ka mid ah ay yihiin Dhashiikayaal ayaa waxaa la geeyay Degmada Luuq, si dhawaan ay u bilaabaan hawlgalo ka dhan ah Ururka Al Shabaab.
Wasiirka amniga Jubbaland ayaa hor kacaayay ciidankaan cusub ee la geeyay Degmada Luuq, waxaana ciidanka ay ka kooban yihiin hal hurin oo muddo tababar qaadanaysay.
Gudoomiyaha Degmada Luuq Maxamed Cismaan Ganey ayaa sheegay ciidankaan cusub qorshaha loo keenay Luuq inay tahay qaadista dagaalo lagu wajahaayo deganada Shabaabka ay joogaan nawaaxiga luuq.
Maxamed Cismaan Ganey ayaa sheegay ciidamadan cusub inay yihiin kuwa u dhameystiran agabkooda ciidan, saanadooda Militarina ay wadaan, ayna isaga aadaan Ururka Al Shabaab.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 


War Deg Deg ah oo naga soo gaaray Gobalka Jubbada...

$
0
0

Jul 26, 2017 -
Wararka naga soo garaya degmada Hosingow ee Gobalka Jubada Hoose ayaa soo sheegaya in Al-shabaab ay weerar u badan madaafiic ay ku qaadeen degmadaasi.
Goob joogayaal ayaa sheegay in tiro hoobiyaal ay ku qaadeen Xarunta AMISOM ee ku leeyihiin Degmadaasi waxana la ogeyn qasaaraha ka dhashay ee dhimashada iyo dhaawaca ka dhahsay.
Maamulka degmada Hosingow ee Jubbaland ayaa sheegay in aysan Dagaalamayaasha Shabaab soo qaadin weerar culus balse ay meel banaanka ka ah degmada ka soo rideen Madaafiic iyo rasaas waxayna sheegeen in aysan ka dhalanin wax qasaara.
Shabaab ayaa dhankooda sheegtay in ay gudaha Magaalada ay ku galeen dagaal ayna weerar ku ekeeyeen xaruumaha maamulka iyo Kuwa Kenya.
ma jirto cid labada dhinac ka madax banaan oo xaqiijin karta qasaaraha weerarkaan iyo sida uu u dhacay.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Ciidamada xasilinta oo qabtay rag hubaysan

$
0
0

Ciidamada xasilinta ammaanka caasimadda Muqdisho oo ku guda jira hawlaha xaqiijinta ammaanka, ayaa maanta gacanta ku dhigay laba nin oo hub ku dhex watay Magaalada gudaheeda.
Ciidanka ayaa labadan nin waxa ay ka qabteen Degmada Wadajir, gaar ahaan xaafadda Kaawo Godey, kadib markii labada nin oo dhar shacab watay, hubna sitay ciidamada ay isqabteen.
Labada nin ayaa isku dayay inay ciidanka iska caabiyaan, rasaas kooban oo ay rideen ayaana waxaa ku dhaawacmay askari ka tirsan ciidamada xasilinta, iyagiina waxaa suuragashay in ciidanka ay gacanta ku dhigaan.
Sarkaal ka tirsan ciidamada ayaa sheegay askariga dhaawacmay in loo qaaday goobaha caafimaadka ee Magaalada Muqdisho, si halkaasi loogu daaweeyo xaaladdiisa caafimaad.
Labada nin ee hubka lagu qabtay ayaa loo qaaday xarumaha Baarista ciidamada si kiiskooda baaritaan loogu sameeyo, maadaama iyaga oo hub wata ay dagaalameen, kadibna la soo qabtay.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Ruushka oo ka carooday cunaqabataynta cusub ee...

$
0
0

Dowladda Ruushka ayaa si caro leh uga jawaabtay cunaqabataynta cusub ee congress-ka Maraykanka ay kusoo rogeen dalkaasi.
Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Ruushka ayaa sheegay in xiriirka labada dal uu gaaray meeshii ugu xumayd oo aanan xitaa la hagaajin karin.
Mid ka mid ah xildhibaanada aqalka senate-ka Ruushka ayaa sidoo kale sheegay "in Maraykanka looga aargoosto si ay xanuun iyo dhibaato ku dareemi doonaan dadka Maraykanka".
Xitaa saxaafadda Ruushka ayaa si weyn uga hadlaysa cunaqabataynta cusub , iyada oo wargeysyada Moscow kasoo baxa midkood uu cinwaan bogga hore kusoo qoray "Ruushka waxaa la ciqaabay dabmi la'aan".
Xildhibaanada Aqalka Wakiilada ama Congress-ka Maraykanka ayaa meel mariyey sharci xoojinaya cunaqabatayntii xukuumaddii Barack Obama horay ugu soo rogtay Ruushka, iyada oo waliba aad loo adkeeyey suurtogalnimada in si sahlan lagu qaadi karo.
Waxaa laga baqdin qabay in madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu ka laaban doono cunaqabataynadii uu horey Maraykanka u saaray Ruushka, duulaankii uu Ruushka ku qaaday Ukraine awgeed.
Balse hadda waxa uu sharcigani xadidayaa awoodda madaxweyne ee cunaqabatayn lagu qaadi karo, waxaana qasab laga dhigay in mar kale uu congress-ka hor yimaado oo uu kala tashado haddii cunaqabatayn dal laga qaadayo.
Sharcigan cusub waxa uu sidoo kale xanibaad ku samaynayaa in wax ganacsi ah lala sameeyo shirkadaha Ruushka, gaar ahaan arrimaha la xiriira xagga tamarta.
Saraakiil u hadashay Aqalka Cad waxa ay sheegeen in ay darsayaan sharciga ka hor inta aanan la hordhigin madaxweynaha.
Madaxweyne Trump ayaa aad loogu tuhmayaa in uu u janjeero dhanka Ruushka, samaynna karo wax kasta oo Ruushka u wanaagsan.
storvideo: 

Sawirro:-Kulan Dadweyne Oo Looga Hadlayay Qatarta...

$
0
0

Muqdisho,(SONNA):- Kulan dadweyne oo ku saabsan sida maamulka iyo shacabku isaga kaashalahaa ka hortagga falalka argagixisada Al-shabaab oo uu soo qabanqaabiyay maamulka gobalka Banaadir ayaa maanta lagu qabtay dagmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.
Kulanka oo ay ka qeybgaleen boqolaal dadweyne ah ayaa waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Degmada Wadajir Mudane Cumar Cabdulle Xasan, Guddoomiye Ku Xigeenka Degmada, Guddoomiyaha ururka Haweenka Gobalka Banaadir iyo Xubno matalayay Culimada Soomaaliyeed.
Kulanka oo qeyb ka ah Barnaamijyo Wacyigalinta Bulshada ee ka hortagga fikirka Xagjirnimada looguna talagalay in lagu baahiyo 17 degmo ee gobalka Banaadir ayaa hal ku dhiggiisu yahay "Ha qarsan dhagarqabayaasha Shabaab kuna wargali Maamulka iyo Ciidamada Amniga Qof kasta oo aad uga shakiso in uu yahay Al-shabaab"
Guddoomiyaha Ururka Haweenka Degmada Wadajir Aamina Cabdulle Maxamed Oo kamid aheyd dadkii ka badbaaday qaraxii Argagixisada Alshabaab ay ka geysteen Xarunta dagmadaasi ayaa la ilmeysay sida xaqdarrada ah ee lagu xasuuqay dadweyne aan waxba galabsan oo u soo shaqo tagay dagmada, kuwaas oo iyagoo Sooman qaarkoodna ay saf ugu jireen Wasoqaadashada Salaadda Duhur la xasuuqay.
"Qaraxa 20 Jun ka dhacay xarunta Degmada wuxuu igu reebay tiiraanyo ii gaar ah, waan weyseesanayay, wiil kamid ahaa dhallinyaradii shihiiday ayaa markaas i dhahay hooyo caaga markaa weysada dhameysato isii waan ku weysaqaadaneynaa, Allaha u naxariisto dhammaantood, fikir xagjirnimo ah ayaa dadkaas oo dhan lagu laayay" ayay tiri hooyo Aamina.
Sh Cabdullaahi Axmed Garruun oo kamid ah Culimada Soomaaliyeed ayaa kulanka ka sheegay in bulshadu uu waajir diini ah ka saaranyahay in laamaha ammaanka ay kala shaqeeyaaan sudiida Amniga, isagoo bulshada goobta joogtay Xasuusiyay sida uu Alle wax walba uga fadilay dhiigga qofka Muslimka ah oo xaqdarro loo daadiyo.
"Waxaa laga weriyay ibn Mascuud (RC) Inuu yiri Rasuulka Illahay (scw) Qof muslim ah ma bannaana in dhiiggiisa la daadiyo haddaanu saddexda arrin midkood uusan ku kicin:-Qofkii isagoo reer leh, ama horay reer u yeeshay ee dhilleysta, Kii qof muslim ah dila, Qofka diinta ka baxa ee ururka muslimka ka faquuqma." [Bukhaari iyo Muslim]
Sheekh Garruun oo sharaxista Xadiiska siiwata ayaa yiri "Xadiiskani wuxuu caddeynayaa halka islaamku ka taagan yahay dembiyada foosha xun, maxaa yeelay, dhiigga islaamku aad buu qaali u yahay mana oggola Muslimku in dhayal lagu daadiyo, marka waxaa loo banneeyay dhiigga gof ka dembiyadaa midkood falay waa iney yihiin dembiyo halis ah oo halbowlaha goynaya xasilloonaanta iyo nabadgelyada bulshada muslimka ah ee ku dhisan isku kalsoonaanta iyo iskaashiga"
Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobalka Banaadir Marwo Jawaahir Baarqab ayaa sheegtay in maalintii ay dalka ku soo laabatay degmada Wadajir ay aheyd degmada ugu nabadgalyada badan magaalada Muqdisho, balse maanta ay dagmada ka jirto amni xumi taasina looga bixi karo marka bulshadu ka xuroobaan cabsida kooxaha xagjirka ah ayna la shaqeeyaan laamaha ammaanka.
"Reer Wadajir waxaa la idinka rabaa in aad la timaadaan isbadal muuqda oo aad soo gudbisaan kuwa idinku dhex dhuumanaya ee maalin kasta usoo tagan in ay mid mid idiin beegsadaan, laamaha ammaankana waxaa laga rabaa in ay damaanadqaadaan amniga dadka ku dhiirada in ay soo sheegaan goobaha ay cadawgu ku dhuumaaleysanayaan" ayay tiri Jawaahir
Qaar kamid ah Bilshada ka qeybgalay Kulanka Dadweyne ayaa Ballanqaaday in ay la shaqeynayaa laamanaha Ammaanka, iyagoo bogaadiyay barnaamijka wacyigalinta Bulshada ee maanta lagu qabtay degmada Wadajir.
Ugu Dambeyntii Guddoomiyaha Degmada Wadajir Mudane Cumar Cabdulle Xasan oo kulanka Soo Gunaanaday ayaa xusay in kulankaan wacyigalinta bulshada uu ahmiyad gaar ah u leeyahay hormarinta Amniga degmada Wadjir, Wuxuuna xusay loo baahanyahay in si wadajir ah ay gacmaha isku qabsadaan bulshada deegaanka iyo laamaha amniga si meesha looga saaro kooxaha xambaarsan fikirka qatarta ah ee Xagjirnimo.
"Hadda wey fiicantahay isku xirnaanta bulshada, maamulka degmada iyo laamaha ammaanka, dadku wey baqayeen markii hore laakiin hadda markii ay ogaadeen in kooxaha argagixisada alshabaab in aysan cidna u aabayeeleynin wuu isbadalay dareenka iyo fahamka bulshada ee arrintaas ku saabsan, anagana waxaan idiin ballanqaadeynaa in aan habeen iyo maalin idin garab taaganaano" ayuu yiri Guddoomiye Cumar.
Guddoomiyaha ayaa xusay in xaruntii dagmada ay burburiyeen kooxaha argagixisada ayna ku xasuuqeen dad shacab ah oo aan waxbagalabsan, haddii aan loo midoobin oo aan lasoo gudbin kuwa xagjirka ah waxaa dhaceysa in maalin walba nala dilo ama nala qarxiyo.
storvideo: 

WAR HADA AH: Mid kamid ah Saraakiisha Sar sare ee...

$
0
0

Jul 26, 2017 -
Madax ka tirsan Maamulka gobalka Shabeelaha Hoose ayaa inoo sheegay Goordhaw in ciidanka Soomaaliya ay toogasho ku dileen Sarkaal sare oo ka tirsan Shabaab.
Saraakiisha gobalka ayaa sheegay ay weerar ay qaadeen ciidanka Dowladda oo ka dhacay duleedka magaalada Marka ay ku dileen Xubin sare oo ka tirsan Dagaalamayaasha Shabaab kaas oo ka mid ah xubnaha gobalka ugu sareeya Shabaab ee dhinaca ciidanka.
Mas'uuliyiinta aan la hadalnay ayaa sheegay in aysan hada sheegi karin magaca sarkaalka balse ay saacadaha soo socda shaacin doonaan magaciisa.
Howlgalka ayaa wali socda waxaana la sheegay in Howlgalka uu ahaa mid qorshaysan walina uusan soo dhamaanin Balse ay ka hadli doonaan markii uu soo dhamaado.
Lasoco Warkaan Wixii kusoo kordha:
Nagala soo xiriir
storvideo: 

AKHRISO: Magacyada xildhibaanada Mooshinka ka keenay...

$
0
0

Jul 26, 2017 -
Golaha shacabka ayaa maanta u yeeray Wasiirka Dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil kadib markii ay mooshin ka keeneen xildhibaan ka tirsan baarlamaanka.
Wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh ayaa loogu yeeray si su'aalo looga weydiiyo cambaareyn uu u jeediyay go'aankii Baarlamaanka ka hor imaansho ku ansixiyeen Qaraarka sugidda xil-haynta xubnaha Golaha shacabka, kuna diideen go'aankii Maxkamadda Sare.
Xubnaha Mooshinka wasiir Xoosh waxay kala yihiin:
Sharma'arke SaleebaanKhalif Sheekh CabdullahiMahad Maxamed SalaadCabdinasir NuurZakariye XuseenSamiiro Xuseeniyo xildhibaanno kale.
Wasiir Xoosh ayaa ah shaqsiyad fekerkiisa ka hadla oo aan tixgelin siinin xilka uu hayo, taasoo hadda ku keentay inay isku dhacaan Golaha Shacabka.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Madaxweynaha Puntland oo xariga ka jarey dhisme...

$
0
0


Garoowe (RBC Radio) Madaxweynaha dowlad-gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland,Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta si rasmi ah xariga uga jarey dhismaha cusub ee ay ku shaqeyn doonto wasaaradda maaliyadda,markiiba dhismaha waxaa lugu sheegay inuu ka mid noqonayo dhismayaasha ugu ballaaran ee wasaaradaha.
Xalfadda daah-furka xarunta cusub ee wasaaradda maaliyadda,waxaa madaxweynaha ku waheliyay guddomiyaha golaha wakiiladda Mudane Axmed Cali Xaashi, Madaxweynihii hore ee Puntland, ahna Xildhibaan Aqalka Sare ee Baarlamaanka dowladda federaalka Dr. Cabdirahmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Faroole, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Cabdulaahi Sheekh Axmed, Mas'uuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, Isimo, Aqoon yahano, iyo qaar kamida bulshada rayid ka ah ee magaalada Garoowe.
Madaxweynaha Puntland ayaa ugu horayn tilaamay in uu aad ugu faraxsan yahay furitaanka iyo kasoo qayb galka xafladda dhismaha cusub ee Wasaaradda Maaliyada Puntland, waxaana uu Madaxweynuhu amaan iyo bogaadin usoo jeediyey cidwalba oo ka qayb qaadatay hirgelinta dhismahani oo ay ugu horeyaan madaxda Wasaaraddu iyo farsama yaqaankii dhisay dhismahani ( Engineer ).
"Waxaan raba inaan amaan iyo bogaadhin usoo jeediyo Wasaaradda Maaliyadda dhammaanteed, ku bogaadiyo dhismahan cusub iyo hogaamiyaha wanaagsan ee mashruucani hogaaminayey Wasiir Cabdulaahi Sheekh Axmed, runtii qofku wakhti yar ayuu joogayaa shaqaduna waa meerto." ayuu yiri madaxweynuhu.
Cabdiweli ayaa si cad u sheegay in dhismaha wasaaradda maaliyadda lagu hir-geliyey si isku tashiya, kaasi oo hore uga go'ay Puntland in ay wax ku qabsato isku tashi dhanwalba leh, Madaxweynaha ayaa sheegay in shaqaalaha Wasaaraddu ku hirgeliyeen dhismahani 1.5% oo ay ka beekhaamiyeen gunnadooda.
"Waxaan leeyahay Wasiir Cabdulaahi iyo intii la shaqaynayseyba waxay ka tegayaa taariikh aan weligeed la iloobi doonin oo ah in 1.5% adeegooda intay beeshaamiyaan dhismaha saas u quruxda badan ay dhisaan, runtii waxa weeye waxaan weli la arag loogana baran Puntland. " ayuu yiri Madaxweynuhu.
Dhinaca kale,Madaxweynaha ayaa sheegay in dalku u baahan yahay in la wadda ilaasho oo qof walba oo muwaadini mas'uuliyad iska saaro danta guud ee dalka, isla markaana meel looga soo wadda jeesto wax kasta oo dan u ah horumarka iyo dhisidda kaabayaasha dhaqaalaha Puntland.
"Puntland waxay u baahan tahay ilaalin cidkastana mas'uuliyad baa ka saaran, waxaa loo baahan yahay inaan meel uga soo wadda-jeedsano horumarkeena iyo difaaca dalkeena intaba, insha Alla wixii hadda ka dambeeya inaan u wadda dhaqaaqno horumarinta dawladda nimadeena iyo difaaca dawladdeena ayaan rajaynaynaa, cadawgeena haddii aynaan iska qaban dabcan horumarkaan ka hadlaynaa ma suuroobayo." ayuu yiri madaxweynuhu.
Axmed Cali Xaashi , guddoomiyaha golaha wakiiladda Puntland ayaa maanta lugu furey xarunta wasaaradda maaliyadda hadal uu ka jeediyay wuxuu dhankiisa amaan iyo bogaadin usoo jeediyey dhammaan shaqaalaha iyo maamulka Wasaaradda Maaliyadda Puntland sida wanaagsan ee xil kasnimadda leh ee ay isugu hawleen dhismahan quruxda baddan, Guddoomiyaha ayaa sidoo kale shacabka reer Puntland ugu baaqay in laga wadda shaqeeyo markasta waxa uu ku jiro wanaaga iyo masiirka danaha Puntland, isla markaana beri laga ahaado fadhi ku dirirka aan waxba siyaadinayn.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Cabdullahi Sheekh Axmed ayaa ku dheeraaday dedaalka iyo mas'uuliyadda gaar ka ah ee ay iska saareen sidii ay u hirgelin lahaayeen dhismaha Wasaaradda, waxaana uu cadeeyey in shaqaalaha iyo Masuuliyiinta sareba ay hirgeliyeen dhismaha cusub ee Wasaaradda iyagoo ka duulaya halku dhigii Madaxweynaha ee ahaa "Puntland ha isku tashato".
Madaxweynihii hore ee Puntland ahna xildhibaan Aqalka Sare ee Baarlamaanka dowladda federaalka Dr. Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Faroole ayaa isna dhankiisa ku tilmaamay guushan maanta mid taarikhda gelidoonta beri ka maalina lagu maamuusi doona cidkasta oo gacan ka gaysatey, Sidoo kale xildhibaan Faroole ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in laga wadda qayb qaato dhamaystirka Dastuurka DFS, isla mar'ahaantaana waxa uu fariin u diray cid kasta oo faragenlin danagaara leh kuwadda dhamaystirka Dastuurka DFS.
Ugu dambeyntii, madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa hoosta ka xariiqay in Wasaaraddu dhismayaal kale ka waddo qaar kamidda magaalooyinka waaweyn ee Puntland, waxaana uu Madaxweynuhu ballan qaaday in horumarka ka socda Puntland uu gaadhidoono dhammaan degaannada Puntland, isla markaana waxa uu madaxweynuhu shaagay in cadaaladda loo siman yahay muwaadin kastana uu ku naloondoono horumarka.
__
RBC Radio

storvideo: 


Kenya oo ka cabsi qabta weerarro ay al-Shabaab...

$
0
0


Muqdisho (RBC Radio) Dowladda Kenya ayaa bannaanka soo dhigtay walaaca ay ka qabto weerarro ay geystaan ururka al-Shabaab inta ay socoto doorashada madaxweynaha ee dalkaas ka dhacaysa bisha soo socota.
Fred Matiang'i , oo ah ku-simaha wasiirka amniga gudaha Kenya ayaa digniin ka soo baxday wuxuu sheegay inay jirto cabsi ah weerarro ay geystaan al-Shabaab iyo kooxa kale,sida u sheegay,wuxuu inta ku darray inay diyaariyeen ciidamo badan oo ka hortaga weerarro dhaca inta ay socoto doorashada madaxtinimada dalkaas.
"Waxaan diyaarinay ciidamo badan oo ka hortaga weeraro ay geystaan Al-Shabaab iyo kooxo kale, inta lagu guda jiro doorashada madaxtinimada."ayuu yiri Ku-simaha Wasiirka Amniga.
Kenya waxaa ay xoogga saari doonta adkeynta nabadgalyadda magaalooyinka gobolka waqooti bari ee Kenya, halkaasoo ah meelaha inta badan weerarada ka geysato al-Shabaab.
Doorashada madaxweynaha ayaa dalkaas ka dhacaysa siddeeda bisha soo socota ee Agosto,waxaana hadda socoda diyaar garow xooggan oo loogu jiro doorashada.
__
RBC Radio

storvideo: 

SAWIRO: RW Khayre oo ka qeyb galay kulanka Madaxda...

$
0
0

Jul 26, 2017 -
Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad loogu magac daray kulanka madaxda sare iyo shaqaalaha dawladda oo lagu soo bandhigayey wax-qabadka shaqaalaha iyo wada shaqaynta ka dhaxaysa madaxdooda, sidoo kalena waxaa looga hadlayay xaquuqda ay leeyihiin shaqaalaha. Waxaana munaasabadda goob-joog ahaa Wasiirro ka tirsan Xukuumadda iyo Shaqaalaha dawladda.
Ra'iisul Wasaaraha oo tilmaamay in uu ku faraxsan yahay ka qeyb galka kulan-kan muhiimka ah, ayaa ku dhaaraaday dhibaatadii iyo daruufahii adkaa ee lagu soo shaqeeyay, iyadoo aysan horey u heli jirin shaqaaluhu xaquuq joogta ah.
"Waxaan ognahay inaad dalkaan ugu soo shaqeyseen duruufo adag, iyadoo aan la mari karin jidadka amni xumo awgeed, waxaan dareen sanahay qaar kiin inaad soo shaqeyseen iyadoo laga faano dawladda, balse ugu dambeyn waxaad soo gaarteen inaad shaqaysaan, idinkoo ku faanaya shaqada aad qarankiina u haysaan"
"Hadii aan rabno inaan dhibka ka baxno waa in la helaa shaqaale ku faana shaqadooda, bulsho kastana sida ay uga shaqo badan tahay tan kale ayaa lagu qiimeeyaa, taasina waa xaqiiqo ka jirta caalamka oo dhan" ayuu yiri raaciyey Ra'iisul Wasaare Khayre.
Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xusay in dalka Soomaaliya uu qaaday jidkii horumarka, taasina ay keentay in ay dib-u-soo noqoto sharaftii Soomaaliya ku lahayd adduunka. Wuxuuna faray in qof walba looga baahan yahay in uu ka soo hor-jeesto musuq-maasuqa, si loo helo sinnaan iyo caddalad, dalkuna u gaaro horumarka uu higsanayo.
"Haddii aan ku guuleysanay in aan bixinno mushaarka shaqaalaha mudadii aan xafiiska joognay, waa in qof walba ogaadaa in bil walba heli doono xuquuqdiisa, isna laga rabo shaqo dheeraad ah". Ayuu yiri Ra'iisul Wasaare Khayre.
Kulanka ayaa intii uu socday sidoo kale waxaa hadallo ka jeediyey Wasiiro ka tirsan Xukuumadda iyo Guddiga Shaqaalaha Rayidka.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Wasiirrada arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo Kenya...

$
0
0

Wasiirka arrimaha dibadda ee dowladda F. Soomaaliya mudane Yuusuf Garaad ayaa galabta magaalada Nairobi kulan kula qaatay dhiggiisa dalka Kenya Amino. iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka u dhaxeeya labada dal. Shir Jaraa'id oo ay si wadajir ah u qabteen labada wasiir kulanka kaddib ayeey ku sheegeen in shirkooda uu dabasocday heshiiskii labada madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya ay Nairobi ku gaareen bishii Marso ee sanadkan, kaasoo ku saabsanaa, socdaalka, ganacsiga, isu furidda xuduudda labada dal iyo arrimo kale. Wasiirka arrimaha dibadda ee dalkeenna Soomaaliya mudane Yuusuf Garaad ayaa sheegay in guddi labada dal ah ay ka shaqeyndoonaan dhaqangelinta heshiiski labada madaxweyne, wuxuuna intaasi ku daray in labada dalba ay isku aragti ka yihiin hirgelinta heshiiskaasi. Si kastaba ha ahaatee kulankaasi ayaa muujinaya sida labada dowladood ee deriska ah wa Soomaaliya iyo Kenya ay uga go'antahay hagaajinta xiriirkooda. iyagoo iska kaashanaya dhinacyada ammaanka ganacsiga, socdaalka iyo arrimo kale oo muhiim u ah shucuubta labada dal.
storvideo: 

DAAWO VIDEO:- Dood Wadaag Ku Saabsan Is Fahamka iyo...

$
0
0

Dood wadaag ku saabsan is fahamka iyo wada shaqeynta shacabka iyo dowladda ayaa lagu qabtay Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho waxaana dooda ka qeybgalay Ra'isulwasaare ku xigeenka dalka,Wasiirrada Gaashaandhigga iyo Warfaafinta iyo dadweyne fara badan oo ka kala socday qeybaha kala duwan ee bulshada. Dooda Hoos Ka Daawo:-
storvideo: 

Dowladda federaalka oo guddi gaar ah u saartay iska...

$
0
0


Muqdisho (RBC Radio) 5 askari oo uu midkood sargaal yahay ayaa ku dhintay, dhawr kalana waa ay ku dhaawacmeen iska-horimaad dhexmaray ciidamo ka wada tirsan dowladda federaalka ee Soomaaliya oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.
Ciidamada dagaallamay ayaa ka tirsan kuwa madaxtooyadda iyo ciidanka sirdoonka iyo nabadsugidda qaranka,wuxuuna iska-horimaadka ka dhacay agagaarka madaxtooyadda.
"Wixii maanta dhacay wuxuu ahaa shil, baaritaan dhab ah ayaa lagu sameynayaa, cid kasta oo qaladkeeda ku soo baxda tallaabo ayaa laga qaadayaa." ayuu yiri taliyaha nabadsugidda iyo sirdoonka qaranka,Cabdullaahi Mamamed Cali (Sanbalooshe) oo iska-horimaad dhexmaray ciidamada dowladda ka hadlay.
Mar uu taliyaha ka hadlayay waxa dhaliyey iska-horimaadka ciidamada dhexmarey,wuxuu sheegay ciidamada madaxtooyada oo dhaq dhaqaaq sameynayay, laguna soo wargeliyay in rag al-Shabaab ah oo isu ekeysiinaya NISA iyo ciidamadii oo howl gal waday ay isku dhaceen, waxaana uu xusay in arrintaas laftirkeed baaritaan adag lagu sameyn doono.
Wasiirka gaashaandhiga dowladda Federalka Soomaaliya,Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed ayaa dhankiisa sheegay in falkii maanta dhacay ay dowladda ku xukuntay, isla markaana aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin wada shaqeynta ka dhaceysa ciidamada dowladda.
Gabagabadii,wasiirka gaashandhigga ayaa sheegay inay dowladda u qabatey guddi gaar ah arrinkaan, kuwaasoo soo dhiraandhirin doonno sida ay wax u dhaceen iyo xaalada guud ee arrinkan.
__
RBC Radio

storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live