Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Sawirro+Ra’iisal wasaare Kheyre” lixda bilood ee...

$
0
0

Muqdisho, July 26, 2017....Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad loogu magac daray kulanka madaxda sare iyo shaqaalaha dawladda oo lagu soo bandhigayey wax-qabadka shaqaalaha iyo wada shaqaynta ka dhaxaysa madaxdooda, sidoo kalena waxaa looga hadlayay xaquuqda ay leeyihiin shaqaalaha. Waxaana munaasabadda goob-joog ahaa Wasiirro ka tirsan Xukuumadda iyo Shaqaalaha dawladda.
Ra'iisul Wasaaraha oo tilmaamay in uu ku faraxsan yahay ka qeyb galka kulan-kan muhiimka ah, ayaa ku dhaaraaday dhibaatadii iyo daruufahii adkaa ee lagu soo shaqeeyay, iyadoo aysan horey u heli jirin shaqaaluhu xaquuq joogta ah.
"Waxaan ognahay inaad dalkaan ugu soo shaqeyseen duruufo adag, iyadoo aan la mari karin jidadka amni xumo awgeed, waxaan dareen sanahay qaar kiin inaad soo shaqeyseen iyadoo laga faano dawladda, balse ugu dambeyn waxaad soo gaarteen inaad shaqaysaan, idinkoo ku faanaya shaqada aad qarankiina u haysaan"
"Hadii aan rabno inaan dhibka ka baxno waa in la helaa shaqaale ku faana shaqadooda, bulsho kastana sida ay uga shaqo badan tahay tan kale ayaa lagu qiimeeyaa, taasina waa xaqiiqo ka jirta caalamka oo dhan" ayuu yiri raaciyey Ra'iisul Wasaare Khayre.
Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xusay in dalka Soomaaliya uu qaaday jidkii horumarka, taasina ay keentay in ay dib-u-soo noqoto sharaftii Soomaaliya ku lahayd adduunka. Wuxuuna faray in qof walba looga baahan yahay in uu ka soo hor-jeesto musuq-maasuqa, si loo helo sinnaan iyo caddalad, dalkuna u gaaro horumarka uu higsanayo.
"Haddii aan ku guuleysanay in aan bixinno mushaarka shaqaalaha mudadii aan xafiiska joognay, waa in qof walba ogaadaa in bil walba heli doono xuquuqdiisa, isna laga rabo shaqo dheeraad ah". Ayuu yiri Ra'iisul Wasaare Khayre.
Kulanka ayaa intii uu socday sidoo kale waxaa hadallo ka jeediyey Wasiiro ka tirsan Xukuumadda iyo Guddiga Shaqaalaha Rayidka.By: Cali C/qaadir Cali
storvideo: 


Dowladdaha Soomaaliya Iyo Kenya Oo Ka Wada Hadlay...

$
0
0

Shir Jaraa'id oo ay si wadajir ah u qabteen labada wasiir kulanka kaddib ayeey ku sheegeen in shirkooda uu dabasocday heshiiskii labada madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya ay Nairobi ku gaareen bishii Marso ee sanadkan, kaasoo ku saabsanaa, socdaalka, ganacsiga, isu furidda xuduudda labada dal iyo arrimo kale.
Wasiirka arrimaha dibadda ee dalkeenna Soomaaliya mudane Yuusuf Garaad ayaa sheegay in guddi labada dal ah ay ka shaqeyndoonaan dhaqangelinta heshiiski labada madaxweyne, wuxuuna intaasi ku daray in labada dalba ay isku aragti ka yihiin hirgelinta heshiiskaasi.
Si kastaba ha ahaatee kulankaasi ayaa muujinaya sida labada dowladood ee deriska ah wa Soomaaliya iyo Kenya ay uga go'antahay hagaajinta xiriirkooda. iyagoo iska kaashanaya dhinacyada ammaanka ganacsiga, socdaalka iyo arrimo kale oo muhiim u ah shucuubta labada dal.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Dilkii sargaalka sare oo xaalada siyaasadeed ka...

$
0
0

Jul 26, 2017 -
Waxaa maanta ciidamo katirsan ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya ku dileen afaafka hore ee tiyaatarka Qaranka Sargaal sare oo katirsanaa ciidanka nabad sugida iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya iyo qaar kamid ah ilaalo la socotay.
Masuuliyiin katirsan dowlada Soomaaliya oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dilka loo geestay Gaashaanle Ciise Xasan Caraale (Jiijile) oo ahaa taliye kuxigeenkii hore ee Ciidanka Nabad sugida uu ahaa mid ku dhacay qaab shil ah ayna socdaan baaritaano dheeraad ah oo ku aadan sida uu u dhacay falkaasi.
Suldaan Xasan Madoobe oo ah suldaanka beesha uu kasoo jeedo Sargaalka la dilay oo la hadlay Warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay in dilka loo geestay Ciise Jiijiile iyo ilaaladiisa uu ahaa mid qorsheesan oo u dhacay qaab ku tala gal ah.
Waxa uu sheegay Suldaanka in ciidamada ilaalada Madaxtooyada ay ku tala gal u dileen Ciise Jiijiile iyo ilaaladii la socotay xili ay doonayeen in ay kasoo gudbaan koontaroolka Tiyaatarka, waxa uuna tilmaamay in dilkaasi uu amray sargaal ciidankaasi heestay .
"Waxaan kuu sheegayaa dilka sargaalka iyo ilaaladiisa ma aheyn mid ku dhacay qaab shil ah ee waxa uu ku dhacay si kutalagal ah, cadeymo ayaan heynaa dilkaasi waxaa amray gaashaanle ciidankaasi heesta, sargaalka markii la dilayay waxa uu kasoo degtay gaariga uu la socday dhoor xabadood ayaa lagu dhuftay , gaarigii ay la socdeen sargaalka iyo ciidankiisa xitaa waa la banjariyay "Ayuu yiri Suldana Xasan Madoobe.
Suldaanka ayaa ku baaqay in baaritaan deg deg ah oo qoto dheer lagu sameeyo dilkaasi loo geestay sargaalka katirasanaa ciidanka NISA iyo ilaaladiisa , waxa uuna ka codsaday dowlada in lasoo qabto cadaaladana la horkeemo askartii dilkaasi ka dambeysay.
Hadalka Suldaanka ayaa imaanaya xili maanta Ciidamada ilaalada Madaxtooyada ay dileen Taliye kuxigeenkii hore ee Ciidanka Nabad sugida gobolka Banaadir Ciise Jiijiile iyo labo kamid ah ilaaladiisa, dowlada Soomaaliya oo falkan cambaareesay ayaa sheegtay in loo saaray guddi baaritaan ku sameeya.
Faah Faahino kasoo baxaya qaabkii loo dilay Ciise Jiijiile iyo Madaxda sare oo kulan deg deg ah ka leh
Ciidamo katirsan ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya oo ku sugnaa afaaafka hore ee Tayaatarka Qaranka ayaa maanta dil u geestay Taliye kuxigeenkii hore ee Ciidanka Nabad sugida gobolka Banaadir Gaaashaanle Ciise Xasan Caraale (Jiijile).
Sida aan wararka ku helnay dilka sargaalkan waxaa ka dambeeyay ciidamo katirsan Milatariga gaar ahaan kuwa ilaalada Madaxtooyada ee loo yaqaan Koofi Gaduud, ciidankan ayaana ka careesnaa sida wararka ku helnay askari Duhurnimadii maanta looga dilay Isgooska Ceel Gaabta.
Ciidamo katirsan kuwa Xasilinta oo watay gaari Cabdi Bille ah ayaa la sheegay in askari katirsanaa ilaalada Madaxtooyada ku dileen isgooska Ceel Gaabta, ciidanka dilka geestay ayaana la sheegay in halkaasi isaga tageen.
Gaari Cabdi Bille ah uu la socday Taliye kuxigeenkii hore ee Nabad sugida gobolka Banaadir Ciise Jiijiile oo kasoo baxay Xarunta Nabad sugida ayaa la sheegay in lagu istaajiyay koontarool kuyaala tayaatarka hortiisa.
Ciidanka Milatariga ayaana la sheegay in qoryo ku qabteen gaariga Cabdi Billaha ay la socdeen sadex askari oo xirnaa dareeska Xasilinta iyo Sargaalkan katirsanaa Nabad sugida, waxaana ciidanka la sheegay in rasaas ku fureen gaariga markii uu kasoo degay sargaalka .
Goobjoogaaal ayaa ku waramay in gaariga markii qoryaha lagu qabtay uu kasoo degay Taliye Ciise Jiijiile si uu ula hadlo askarta balse mar qura rasaas ooda looga qaaday, waxaana halkaasi ku dhintay Ciise Jiijiile iyo askari kale oo la socday , waxaa sidoo kale ku dhaawacmay labo askari kale oo mid kamid ah dhaawac culus uu ku yaalo.
Meydka sargaalka la dilay ayaa la geeyay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya iyadoona looga sii qaaday Xarunta CID-da iyo Isbitaalka Madiina si baaritaano loogu sameeyo, waxaana wararka aan helnay sheegayaan in meydka mar kale dib loogu celinayo Madaxtooyada si xal looga gaaro dilkan.
Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra'isul Wasaare Xasan Kheyre ayaa kulan deg deg ah arintan ka yeeshay sida aan wararka ku helnay, waxa ayna Madaxda la kulmeen saraakiisha ilaalada Madaxtooyada iyo kuwa Nabad sugida si loo qaboojiyo xiisada dilka ka dhalatay.
Waxaa socda baaritaano ku aadan sida uu ku dhacay dilka sargaalkan katirsanaa Nabad sugida oo markii hore warar soo baxayay sheegayeen in lagu dilay dagaal dhax maray Ciidanka uu watay iyo Milatariga ee Koonaroolka ku sugnaa.
Dowlada Soomaaliya ayaan wali wax war ah kasoo saarin dilka loo geestay sargaalkan katirsanaa ciidanka Nabad sugida iyo sidoo kale iska hor imaadyo kale oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho una dhaxeeyay ciidamo kawada tirsan dowlada.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Madaxweynaha Hirshabeelle oo ka soo horjeestey go...

$
0
0

Jul 26, 2017 -
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa ka soo horjeestey kuna tilmaamay in khalad uu yahay go'aanka Maxkamadda Sare ee dalka ee ah in Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Jamhuuriyadda ee la dhaariyay in la dhaho kuraastiina waa lagu noqonayaa, taasi oo ku tilmaamay in ay ka hor imaaneyso dadaaladii loo soo maray dhisida dowladnimada.
War Saxaafadeed uu soo saaray Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle ayuu ku sheegay in 8dii Xildhibaan, horey go'aan ay uga gaareen Madasha Wadatashiga Qaran ee u Xilsaarnaa ka gudbitaanka xiliga kala guurka oo ahaa in sharci ay yihiin islamarkaana loo dhaariyay in ay gutaan waajibaadka Qaran ee loo doortay, waxaana uu carabka ku adkeeyay Madaxweynaha in sharci daro ay tahay in go'aan Baarlamaanka uu ka gaaray ee ah in xildhibaanadaasi ay sharci yihiin in mar labaad maxkamadda Sare ee ka hortimaado go'aankaasi.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Mudane Cali Cabdullahi Cosoble Siyaad oo sii hadlay ayaa sheegay in Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka oo cod aqlabiyad ah oo 180- Xildhibaan haa ay u codeysay in Xildhibaanadani sharci yihiin islamarkaana aanan laga hor imaan karin.
"Waxaa sharci ah Go'aanka Baarlamaanka Dalka, Marna ma ogolin mana aqbaleyno in la khilaafo go'aanka Baarlamaanka Jamhuuriyadda, ujeedada laga leeyahay in la abuuro khilaaf siyaasadeed misana la iska diido go'aanka golaha shacabka qaab aan u fasirno ma naqaano" ayuu hadalkiisa sii raaciyay Madaxweyne Cosoble.
Ugu Dambeyn Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Cali Cabdullahi Cosoble ayaa ka digay in xasilooni siyaasadeed dalka la galiyo, waxaana uu soo jeediyay in loo hogaansamo go'aanada oo sharci ay ku fadhiyaan 8-da Xildhibaan ee Maxkamadda Sare muranka galisay.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Ciidamadii Ku Sugnaa Koontoroolkii madaxtooyada...

$
0
0

Jul 26, 2017 -
Warar ay heleyso Shabakada Badweyn.com ayaa waxa uu sheegayaa in Ciidamadii Maanta rasaaseeyay ciidamo kale oo ka tirsan Nabad-Sugida Soomaliya ee joogay Afaafka hore ee tiyaatarka ee laga Galo Madaxtooyada Goobtii laga qaaday.
Ciidamadaan oo ahaa kuwo ka tirsan Meleteriga Soomaaliya ayaa ilaalo u ahaa Madxtooyada Soomaaliya balse gelinkii dambe ee Maanta ay isku dhaceen ciidamo ka tirsan kuwa Nabad-Sugida Soomaaliya,islamarkaana ciidamadaas haatan bartii ay horay ugu sugnaayeen la keenay ciidamo Booliis ah.
Waxaa la sheegayaa in Ciidamadii Meleteriga ahaa ee Goobtaas laga qaaday uu ku socdo baaritaan ku aadan sidii ay wax u dahceen iyo sababta keentay iskudhaca.
Dagaalkii koobnaa ee Maanta halkaasi ka dhacay ayaa waxa uu sababay geerida taliye ku xigeenkii hore ee Ciidanka Nabad-Sugida Gobolka Banaadir Ciise Xasan Caraale (Jiijiile) iyo Saddex ka mid ah ilaaladiisa.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Cilmi-baarayaashii Nigeria oo la soo badbaadiyay

$
0
0

Milateriga Nigeria ayaa sheegay inuu soo badbaadiyay koox cilmi-baraayaal jaamacadeed ah oo ay afduubteen maleeshiyaad looga shakiyay inay ka tirsan yihiin Ururka Boko Xaraam.

Madaxweyne Siilaanyo Oo Laba Wasiiru-dawle Magacaabay

$
0
0

Hargeisa(Waaheen) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu digreeto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-4933/072017 uu ku magacaabay laba wasiiru-dawle.
MADAXWEYNUHU:
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ee Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagooyinka Wasiiru-Dawlayaasha Wasaaraddaha Kalluumaysiga & Khayraadka Badda Iyo Biyaha Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;
Markuu ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;
Wuxuu go'aansaday
1. In Mudane, Mahdi Cismaan Cabdillaahi (Buuri), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Jamhuuriyadda Somaliland.(Bedel hore Wasiirudawlaha Biyaha)
2. In Mudane, Cabdi-qaadir Maxamuud Sheekh Muxumed (Cabdi-qaadir Dhagaweyne), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Biyaha ee Jamhuuriyadda Somaliland.
ALLAA MAHAD LEH
Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Afhayeenka Madaxtooyada JSL.
storvideo: 

Afayeenkii hore ee maxkamadaha oo ka.mid ahaa ...

$
0
0

Afayeenkii hore ee maxkamadaha oo ka.mid ahaa ciidadii.maanta la xasuuway
Jul 26, 2017 -
Faafahin dheeri ah. Ciise jii jiile waxa uu ka yimid xurunta nabad sugida. Waxa ay ku labisnaayeen dareeyska ciidanka xasilinta xamar waxa uu ku guda jiray howlihiisa shaqo
Goobjoogaaal ayaa ku waramay in gaariga markii qoryaha lagu qabtay uu kasoo degay Taliye Ciise Jiijiile si uu ula hadlo askarta waxa ay rabaan uu ogaado. balse mar qura rasaas ooda looga qaaday, waxaana halkaasi ku dhintay Ciise Jiijiile iyo askartii kale oo la socday , waxaa sidoo kale ku dhaawacmay labo askari kale oo mid kamid ah dhaawac culus uu ku yaal
masuuliyiinta maanta la xasuuqay ayaa waxaa ka mid ahaa Afayeenkii hore ee maxkamadaha Cabdiqylow
waxaana caawa geeriyoodayasuilkii 4 raad
Meydka sargaalka la dilay ayaa la geeyay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya iyadoona looga sii qaaday Xarunta CID-da iyo Isbitaalka Madiina si baaritaano loogu sameeyo, waxaana wararka aan helnay sheegayaan in meydka mar kale dib loogu celinayo Madaxtooyada si xal looga gaaro dilkan.
Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra'isul Wasaare Xasan Kheyre ayaa kulan deg deg ah arintan ka leh sida aan wararka ku helnay, waxa ayna Madaxda la kulmeen saraakiisha ilaalada Madaxtooyada iyo kuwa Nabad sugida si loo qaboojiyo xiisada dilka ka dhalatay.
Waxaa socda baaritaano ku aadan sida uu ku dhacay dilka sargaalkan katirsanaa Nabad sugida oo markii hore warar soo baxayay sheegayeen in lagu dilay dagaal dhax maray Ciidanka uu watay iyo Milatariga ee Koonaroolka ku sugnaa. Balse aysan qabin wax dareen ah . Rasaasna aysan Ridin. Jii jiile iyo ciidankiisa.
Dowlada Soomaaliya ayaan wali wax war ah kasoo saarin dilka loo geestay sargaalkan katirsanaa ciidanka Nabad sugida Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
English News
storvideo: 


Cilmi-baarayaashii Nigeria oo la soo badbaadiyay

$
0
0

Milateriga Nigeria ayaa sheegay inuu soo badbaadiyay koox cilmi-baraayaal jaamacadeed ah oo ay afduubteen maleeshiyaad looga shakiyay inay ka tirsan yihiin Ururka Boko Xaraam, kuwaas oo weerrar gaadma ah ku soo qaaday iyagoo maraya waqooyi bari Nigeria.
Bayaan ka soo baxay milateriga ayaa lagu sheegay in sagaal ka mid ah askartooda la dilay intii uu weerarku socday.
Tobankan Cilmi-baare oo ka tirsan Jaamacadda Maiduguri ayaa waxa ay qandaraas lagu baarayo shidaal kula jireen shirkadda saliidda ee dowladda Nigeria.
Waxa ay la socdeen kolonyo gawaari ah oo lagu qaaday weerrar gaadma ah xilli ay habeenkii Talaadad dib ugu soo guryo noqonayeen magaalada.
Goor sii horraysay ayaa shirkadda maamusha shidaalka dowladda waxa ay sheegtay in la soo badbaadiyay saddex ka mid ah kooxdaasi la afduubtay.
Hasayeeshee weli kama aanay hadlin sheegashadan ugu dambaysay ee milateriga ka soo baxday.
Qof goobjooge ah ayaa BBC-da u sheegay in milaterigu uu yaraynayo tirada dadka halkaasi lagu dilay.
Waxa uu sheegay in dhowr cilmi-baari la dilay halka kuwo kalana weli la la'yahay.
storvideo: 

Dilkii maanta loo geystay 4 ciidan ee ka tirsan...

$
0
0

Dilkii maanta loo geystay 4 ciidan ee ka tirsan ciidamada Gadhamaan oo lagu tilmaamay mid shir qool ahaa
Jul 26, 2017 -
waxaa maanta ciidamo katirsan ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya ku dileen afaafka hore ee tiyaatarka Qaranka Sargaal sare oo katirsanaa ciidanka nabad sugida iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya iyo qaar kamid ah ilaalo la socotay.Masuuliyiin katirsan dowlada Soomaaliya oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dilka loo geestay Gaashaanle Ciise Xasan Caraale (Jiijile) oo ahaa taliye kuxigeenkii hore ee Ciidanka Nabad sugida uu ahaa mid ku dhacay qaab shil ah ayna socdaan baaritaano dheeraad ah oo ku aadan sida uu u dhacay falkaasi.
Suldaan Xasan Madoobe oo ah suldaanka beesha uu kasoo jeedo Sargaalka la dilay oo la hadlay Warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay in dilka loo geestay Ciise Jiijiile iyo ilaaladiisa uu ahaa mid qorsheesan oo u dhacay qaab ku tala gal ah.
Waxa uu sheegay Suldaanka in ciidamada ilaalada Madaxtooyada ay ku tala gal u dileen Ciise Jiijiile iyo ilaaladii la socotay xili ay doonayeen in ay kasoo gudbaan koontaroolka Tiyaatarka, waxa uuna tilmaamay in dilkaasi uu amray sargaal ciidankaasi heestay .
"Waxaan kuu sheegayaa dilka sargaalka iyo ilaaladiisa ma aheyn mid ku dhacay qaab shil ah ee waxa uu ku dhacay si kutalagal ah, cadeymo ayaan heynaa dilkaasi waxaa amray gaashaanle ciidankaasi heesta, sargaalka markii la dilayay waxa uu kasoo degtay gaariga uu la socday dhoor xabadood ayaa lagu dhuftay , gaarigii ay la socdeen sargaalka iyo ciidankiisa xitaa waa la banjariyay "Ayuu yiri Suldana Xasan Madoobe.
Suldaanka ayaa ku baaqay in baaritaan deg deg ah oo qoto dheer lagu sameeyo dilkaasi loo geestay sargaalka katirasanaa ciidanka NISA iyo ilaaladiisa , waxa uuna ka codsaday dowlada in lasoo qabto cadaaladana la horkeemo askartii dilkaasi ka dambeysay.
Hadalka Suldaanka ayaa imaanaya xili maanta Ciidamada ilaalada Madaxtooyada ay dileen Taliye kuxigeenkii hore ee Ciidanka Nabad sugida gobolka Banaadir Ciise Jiijiile iyo labo kamid ah ilaaladiisa, dowlada Soomaaliya oo falkan cambaareesay ayaa sheegtay in loo saaray guddi baaritaan ku sameeya. Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
English News
storvideo: 

Ma Xildhibaan qaranbaa mise waa Jabahaddii USC

$
0
0

26th July 2017 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

Mar Haddii Xildhibaankii Qof dhintay oo jidka yaal soo bandhigayo si uu dadka beeshiisa ka soo jeeda uu qaab qabiil ugu abaabulo ugana hor keeno dawladda uu Xildhibaanka ka yahay , mar haddii wasiirul dawlihiina uu wareegto ka daba qorayo wareegtadii uu wasiirkiisu soo saaray, isaga oo ka hor imanaya amarkii wasiirka iyo nidaamkii dawladnimo , mar haddii nabadoonadii nimankan qaban lahaa noqdeen noqdeen Xasan diiriye iyo Xasan xaad . Waa adag tahay in la helo dawlad Soomaaliyeed inta Muqdisho caasimad u tahay Soomaaliya .
Sawirka hoose waxa face book soo dhigay Mahad salaad oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo ka soo jeeda Beesha Habar gidir, Hawiye. Mahad Salaad xilala badan ayuu ka soo qabtay dawladdii xasan Culusoow

Isku dhacyadii Ciidamada Militariga iyo Nabad Sugida maanta ku dhex maray Magaalada Mogadishu ee sababay dhimashada iyo...
Opslaet af Mahad Salad pa 26. juli 2017

Post navigation
- Muuse Suudi VS Adna Aadan
storvideo: 

'Kalabar Muslimiinta Maraykanka waxa ay la...

$
0
0

Ku dhawaad kala bar dadka Muslimiinta Maraykanka ayaa waxa ay sheegeen in sanadkii ugu danbeeyay ay la kulmeen faquuq.
Daraasad ay samaysay xarunta cilmi baarida Pew Research Center ayaa lagu ogaaday in dad badan oo muslimiinta Maraykanka ah ay la kulmaan faquuq.
Sadax meelood hal meel dadkani waxa ay sheegeen in ay la kulmaan faquuq badan ,halka,boqolkiiba 74 ay sheegeen in madaxwayne Trump "uusan saaxib la ahayn Muslimiinta ".
Sanaddii 2011, boqolkiiba 64 waxa ay muslimiinta Maraykanka sheegeen in madaxwayne Barack Obama "uu saaxib yahay Muslimiinta ".
Cilmibaarida ayaa waxa sidoo kale muujinaysa in muslimiinta Maraykanka ay noqdeen kuwa bulsha ahaan dhaxdhaxaad ah.
Cilmibaarayaasha daraasadani sameeyay ayaa waxa ay la hadleen oo ay su'aalo waydiiyeen iyaga isticmaalaya qadka taleefoonka 1,001 Muslimiinta Maraykanka.
Waxa ay sheegeen in dadka ay u soo xusheen in su'aalaha ay waydiiyaan ay ahaayeen dad hormuud u ah buslahada.
Inkastoo ay jiraan dad badan oo faquuq u gaystay Muslimiinta ayaa waxa hadana jira dad taageera muslimiinta ku nool Maraykanka.
Kalabar dadka la hadlay cilmibaarayasha ayaa waxa ay sheegeen in ay sii adkaanayso in qof muslim ah uu Maraykanka ku noolaado,halka boqolkiiba 48 ay sheegeen in si shaqsi ahaan ah ay ula kulmeen faquuq sanaddii aanu soo dhaafnay.
Sida ku cad daraasadda ay soo saartay xarunta cilmi baaridda Pew Research Center faquuqa ugu badan ee ay muslimiinta la kulmaan ayaa ah in laga shakiyo taasi oo ah boqolkiiba 32 ka mid ah dadkii cilmi baarayaasah ay la hadleen.
Daraasada ayaa sidoo kale muujinaysa in laammaha ammaanka garoomada ay si gaar ah ula dhaqmaan Muslimiinta taasi oo dhan boqolkiiba 19, iyada oo loogu yeero magacyo daandaansi ah.
Boqolkiiba 6 ka mid ah dadka su'aalaha la waydiiyay ayaa waxa ay sheegeen in weeraro loogu hanjabay.
Mid ka mid ah dadkii su'aalaha la waydiiyay ayaa yiri "waa in aan taxadar dheeraad ah yeelanaa aana iska eegnaa waxa agagaarkeena ka socda,aan ogaano halka aan ku suganahay iyo cidda joogta iyo fikirka ay muslimiinta ka aaminsan yihiin."
Daraasada ayaa sidoo kale sheegtay in dadka xiran labiska muslimiinta sida xijaabka ay sheegeen in ay la kumaan midibtakoor dalka Maraykanka.
Dhammaan noocyadani faquuqa lagu hayo muslimiinta Maraykanka ayaa sare u kacay tan iyo 2007, markii uu madaxwaynaha ahaa George W Bush, balse waxa ay arrintani hoos u dhacday 2011,markii uu xilka qabtay madaxwayne Obama.
storvideo: 

Muran ka dhashay nin eygiisa ugu magacdaray...

$
0
0

Dacwad ka dhan ahayd nin 41 jir ah oo u dhashay dalka Nigeria kaasi oo Eygiisa ugu magacdaray Muhammadu Buhari ayaa dacwadiisa daaqada laga tuuray.
Joachim Iroko, oo ah ganacsade islamarkana sidoo kale loo yaqaano Joe Fortemose Chinakwe, ayaa la xiray 2016 isaga oo lagu eedeeyay in ku dhaqmay ficil wax u dhimaya nabdda ka dib markii lagu eedeeyay in Eygiisa uu ugu magac daray madaxwaynah.
Garsooraha maxkamad ku taalla gobolka Ogun ee koonfur galbeed dalkaasi ayaa sheegay in dacwad soo oogaha uu ku guuldaraystay in uu cadeeyo dacwadaha ka dhanka ah ninkan.
Xarriga ninkani ayaa waxa uu dalkaasi Nigeria ka dhaliyay caro badan.
Buhari oo maanta dib ugu laabtay xafiiskiisa
Buhari: Weligay sidan oo kale uma xanuunsan
Madaxweynaha Nigeria oo loo qaadayo London
Dadka dhaliilsan xariga Joachim Iroko, ayaa ku eedeeyay booliiska in ay jabinayaan xaqa dastuuriga ee ah xurriyatul qowlka.
Dhanka kale af-hayeen u hadlay madaxwaynaha Nigeria Garba Shehu ayaa sheegay in madaxwayne Buhari uu ku qoslay sheekadan islamarkana cid waliba oo la xiriirinaysa arrintan ay tahay mid jaahilnimo muujinayso.
Mr Iroko oo la hadlay wargayska Vanguard ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in dacwadii loo haystay la tuuray uuna u mahadcelinayo intii taageertay.
Mr Iroko ayaa wadooyiinka la dhex maray Eygiisa oo labada dhinac ay kaga qoran tahay magaca Buhari .
Booliiska ayaa waxa ay sheegeen in ay ka baqeen in arrintani ay dadka iska horkeento,balse Mr Iroko ayaa sheegay in si qaldan loo fahmay.
"Eygeyda aan aadka u jecelahay ayaa waxa aan ku magacaabay Buhari, oo ah halyeeygayda....xushmada aan u hayo Buhari ayaa soo bilaabatay markii isaga oo militari ah madaxwaynaha ka ahaa dalka" .
storvideo: 

SAWIRO: Madxweynaha Hirshabelle oo soo bandhigay...

$
0
0

Jul 27, 2017 -
Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle ayaa la kulmay ciidamada Booliska Saldhiga Magaalada Baledweyne, ciidankaasi oo ah kuwa cusub oo aanan haysan nambarada ciidanka.
Cali Cabdullaahi Cosoble, Madaxweynaha Hirshabelle, ayaa gacantiisa ugu qaybiyay nambarada cadeynta ka mid noqoshada ciidamada Booliska Hirshabelle, kadib markii Saldhiga uu ugu tagay ciidamadan, kadibna uu u qaybiyay nambarada.
Madaxweynaha ayaa ku ammaanay ciidamada sida wanaagsan ee ay u guteen shaqooyinka suggida ammaanka, wuxuuna u sheegay ciidanka inay saaran tahay masuuliyada amniga.
Madaxweynaha Hirshabelle, ayaa sidoo kale u sheegay ciidamada inay heli doonaan xuquuqda ay ku leeyihiin Maamulka, iyagana laga doonaayo inay ka soo baxaan waajibaadka Qaran ee saaran.
Cosoble ayaa gacantiisa ugu qaybiyay nambarka Booliska Hirshabelle, kaasi oo hadhoow cadeyn doona in askarigaan uu ku jiro ciidanka Booliska Hirshabelle.
Suggida ammaanka iyo daryeelka ciidanka ayuu sheegay inay tahay masuuliyadda koowaad ee ciidamada Booliska saaran, taasi oo looga baahan yahay inay si nidaam ah uga soo baxaan.
Madaxweynaha Hirshabelle, ayaa horay u sheegay inay dhisan doonaan ciidamo Boolis u gaar ah Maamulka Hirshabelle.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka jawaabay...

$
0
0

Muqdisho ( Sh.M.Network)-Iyadoo Taliyaha Hay'adda Naabd Sugida Qaranka Soomaaliyeed Cabdullaahi Maxamed Cali Sambaloolshe uu si kulul uga hadlay Masuuliyiinta qaladaadka ka dhaca Ciidamada Ammaanka buunbuuniya sida uu sheegay ayaa waxaa hadalkaas isna si kulul uga jawaabay Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad.
Mudane Mahad Maxamed Salaad ayaa Qoraalkaan Hoose ku soo daabacay bartiisa Facebook :-
Taliye yaasha Hay'adaha Amniga waxaa ila haboon inay gartaan mas'uuliyadoodu waxa ay tahay ee aysan dhex boodin Arimaha Siyaasada. Kuna mashquulin doodaha iyo fariimaha Xildhibaanadu uga hadlayaan qaladaadka Xukuumada iyo Hay'adaha Amnigu galayaan maalin walba, sababtoo ah waa arin Dastuuri ah waana qayb kamid ah waajibaadka shaqo ee Xildhibaanada.
Sidoo kale anigu waxaan kitaab ku maray inaan ahay Xildhibaan Qaran oo Dalka, Dadka, Diinta iyo Dastuurka intaba ilaalin doona sidaas darteed inaan guto waajibka i saaran cidna marti ugama noqonayo. Hanjabaada Taliyaha Hay'ada Nabad Sugida ugu gafay Xildhibaanadana jawaabteeda maalin kale ayaan u dhiganeynaa inshaa'allaah.
DALKANA LAGUMA MAAMULI KARO WAREEGTO IYO WARSAXAAFADEED.
storvideo: 


R/Wasaare Xasan Cali Khayre oo ka qeybgalay maanta...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter
Muqdisho(SONNA) Ayadoo qeybo kamid ah magaalada Muqdisho ay ka soconayaan olole ku aadan bilic soo celinta caasimadda Soomaaliya, ayaa ra'iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre waxaa uu ka qeybgalay ololahasi oo ka soconaya Muqdisho.
Ra'iisal wasaaraha Dowladda Soomaaliya ayaa wuxuu tagay saaka qaar kamid ah degmooyinka magaalada Muqdisho, degmada Wadajir ee magaalada Muqdosh, halkaasi oo shacabka iyo maamulka kaga qeybgalay ololaha nadaafadda ee degmadaasi ka socoda.
Mudane XAsan Cali KHayre oo weli ku guda jira howlihiisa kormeer ayaa waxaa uu tagay goobo kale oo ay ka soconayaan olole kuwan lamid ah wuxuuna dhiiro geliyay in dadku ay ka qeyb qaataan dib u soo celinta bilicda magaalada Muqdisho.Warakaasi oo faah faahsan goor dhow kala soco SONNA
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleXog-hayaha Guud ee QM oo warqadihii aqoonsiga ka guddoomay safiirka Soomaaliya ee QM
Next articleGuddoomiyaha Bankiga Dhexe"Dowladda FS iyo Dowlad Goboleedyada lacagaha been abuurka ah waxkaqabta

storvideo: 

Baarlamaanka Puntland oo Ka Doodaya Heshiiska...

$
0
0

Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa maanta la horgeeyay heshiiskii Puntland ay la gashay Shirkadda DPWorld ee dowladda imaaraadka Carabta ee la xiriira maamulka iyo balaarinta dekadda Boosaaso ee Gobolka Bari.
Kulanka baarlamaanku markuu furmay waxaa la akhriyey codsiga Madaxweyne Gaas ee soo gudbinta heshiiska, kadibna waxaa loo gudbay in ku simaha Wasaaarada Dekadda Saciid Maxamed Raage uu akhriyey warbixin ka hadlaysa heshiiska dekadda Boosaaso kana codsaday baarlamaanka in uu ansixiyo.
Waxaa lasoo bandhigay warbixin maqal iyo sawir isugu jirta oo sharaxaad lagu daray taasi oo mudanayaasha hortooda lagu sharaxay, qaabka wax looga bedelayo dekadda Boosaaso, caqabadaha hada jira iyo waxa ay ka faaideyso dekaddu heshiiskaasi.
Soo bandhigista Heshiiska Dekadda Magaalada Boosaaso weli khudbadihiisu waa ka socdaan iyadoo ay jiraan nuqulo heshiiska iyo dekadda ku saabsan oo loo qeybiyey baarlamaanka .
storvideo: 

Al shabaab fires mortar rounds at AMISOM base in...

$
0
0

Al Shabaab militants have fired mortar rounds at AMISOM military base in Jalalaqsi town, located in Somalia's central region of Hiiraan on Thursday, residents said.
Madobe Nur, the deputy commissioner of Jalalaqsi has confirmed to Radio Shabelle the Al shabaab mortar attack, saying some of the shells landed inside the AU military camp.
Nur stated that the militants launched the attack on Djibouti-an peacekeepers, serving with AMISOM from Al shabaab controlled area, located in the outskirts of the district.
There was no any casualties on both AU forces and the civilians as result of the mortar shelling by Al shabaab, a militant group fighting to oust the UN-backed Somali government.
The government troops, long with African Union soldiers launched an operation on Thursday morning, in an attempt to thwart another Al Shabaab attack on the town.
storvideo: 

Guddoomiyaha Bankiga Dhexe”Dowladda FS iyo Dowlad...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter
Muqdisho(SONN) Kadib shir jaraa'd uu maanta ku qabtay xafiiskiisa,Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya Mudane Bashiir Ciise Cali ayaa wuxuu kaga hadlay dhibaatooyinka ka dhashey lacago been abuur ah oo la soo geliyay qaar kamid ah suuqyada dalka.
Wuxuu ka dalbaday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad goboleedyada in ay ku dadaalaan sidii ay wax uga qaban lahaayeen lacagaasi oo been abuurka ah.
"Waxaa jira lacago been abuur ah oo dhawaan la soo geliyay suuqyada magaalooyinka dalka, lacagtaasi saameyn ayay ku yeelatay nolosha bulshada, marka waxaan ugu baaqayaa Dowladda Soomaaliya iyo dowladd goboleedyada in ay wax ka qabtaan lacagasi" Ayuu yiri Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya.
Mudane Bashiir Ciise Cali ayaa dhanka kale sheegey in uu socdo qorshe ku aadan sidii lacago cusub oo shillin Soomaali ah loo soo daabici lahaa si looga gudbo dhibaatooyinka ka taagan dhanka lacagaha shillionka ah.
Hadalka ka soo baxay guddoomiyaha ayaa imaanaya xili muddooyinkii ugu dambeeyey suuqyada qaar kamid ah magaalooyinka gobolada dalka lagu arkayay lacago been abuur ah kuwaasi oo saameeyey nolosha bulshada.
Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa kamid ah meelaha ay dhibaatooyinkaasi ay ka tagnaayeen ayadoo maamulka iyo ganacsatadu ay ka shireen sidii xal looga gaari lahaa arrintaasi, oo saameyn xoogan ay ku yeelatay nolosha dadkaW/Q Cali C/qaadir Cali
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleR/Wasaare Xasan Cali Khayre oo ka qeybgalay maanta ololaha nadaafadda ee ka soconaya Muqdisho

storvideo: 

Xil.Mahad Salaad oo si kulul dhankiisa Ugu Jawaabay...

$
0
0

Jul 27, 2017 -
Iyadoo Taliyaha Hay'adda Naabd Sugida Qaranka Soomaaliyeed Cabdullaahi Maxamed Cali Sambaloolshe uu si kulul uga hadlay Masuuliyiinta qaladaadka ka dhaca Ciidamada Ammaanka buunbuuniya sida uu sheegay ayaa waxaa hadalkaas isna si kulul uga jawaabay Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad.
Xil.Mahad Maxamed Salaad ayaa Qoraalkaan Hoose ku soo daabacay bartiisa Facebook :-
Taliye yaasha Hay'adaha Amniga waxaa ila haboon inay gartaan mas'uuliyadoodu waxa ay tahay ee aysan dhex boodin Arimaha Siyaasada. Kuna mashquulin doodaha iyo fariimaha Xildhibaanadu uga hadlayaan qaladaadka Xukuumada iyo Hay'adaha Amnigu galayaan maalin walba, sababtoo ah waa arin Dastuuri ah waana qayb kamid ah waajibaadka shaqo ee Xildhibaanada.
Sidoo kale anigu waxaan kitaab ku maray inaan ahay Xildhibaan Qaran oo Dalka, Dadka, Diinta iyo Dastuurka intaba ilaalin doona sidaas darteed inaan guto waajibka i saaran cidna marti ugama noqonayo. Hanjabaada Taliyaha Hay'ada Nabad Sugida ugu gafay Xildhibaanadana jawaabteeda maalin kale ayaan u dhiganeynaa inshaa'allaah.
DALKANA LAGUMA MAAMULI KARO WAREEGTO IYO WARSAXAAFADEED.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live