Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Goobahii shalay ku dagaalameyn milatariga iyo nabad...

0
0

Goobahii shalay ku dagaalameyn milatariga iyo nabad sugida oo ciidamo Boliis ah la wareegeen
Jul 27, 2017 -
Dhamaan goobahii shalay lagu dagaalamay ee ciidamada iyo shacabka lagu xasuuqay ee u dhawaa madaxtooyada laga galo ayaa laga qaaday dhamaan milatarigii goobahaasi joogay laga saaray waxaana goobta la geeyey ciidamo Boliis ah oo wax ka qabto amniga goobahaasi
ciidamadaan boliiska la geeyey goobaha kala ah Enaratooryada Ceelgaab isgooska ku yaalo iyo Tiyaatarka halkaa oo horay u joogeen ciidamada milatariga oo halkaa shaqaaqada ku sameeyey ciidamo ka tirsannabad sugida qarankana kuna xasuuqeen ciidamo gaaraayo 4
Dhanka kale madaxda dowlada Soomaliya dadaal xoogan ugu jirao sidii lagi soo qaban lahaa sargaalkii watay iyo ciidankii shalay xasuuqay taliye sare oo ka tirsan ciidamada Gashaman iyo 3 kale oo la socotay
Xaaladii magaalada Muqdisho oo maal.mahaan ka soo reyneysay ayaa labadii maalmood ee la soo d qas iyo jahwareer ka waday ciidmadii mioatariga ee laga saaray - iyagoona maal mahaan ku arkeysid magaalada milatati badan iyo tiknikadooda gaaf wareegayo Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
English News
storvideo: 


Igu sawir

0
0

28th July 2017 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

Kalmadda "igu sawir" oo sida khaldan ay Mooryaantu iyo dawlad diidku ay hadda u isticmaalayaan iyaga oo ku dhaleeceenaya ama diidaan waxqabadka madaxda Soomaaliyeed, ceebna uga dhigaya wanaaga la sameeyey oo la soo bandhigay ayaa asalkeedu waxa lahaa weriyaha Soomaaliyeed ee caanka ah Cali Xaraare oo sida hadda loo isticmaalayo si ka duwan markii ugu horaysay uga soo saaray barnaamijkiisa kaftanka Siyaasadaa.
Abaartii ugu xumayd inta la ogyahay ee ka dhacday dalka Soomaaliya, oo dad iyo Duunyoba ku dhamaadeen sanadkii hore, oo in badan oo ka mid ah umadda Soomaaliyeed dal iyo dibadba ay sameeyeen Gurnad ay ku badbaadinayeen dadkooda iyo dalkooda, ayaa waxa jiray koox Damiirlaawayaal ah, oo naxariiistu ku yar tahay oo intay u tagaan dadka tabaalaysan ee reer Guuraaga ah oo abaarta la daalaa dhacaya waxay iskaga qaadi jireen sawiro aan haba yaraatee wax u soo kordhinayn masaakiintiina, hase ahaatee lagu niyad kicinayo.
Maalintaas ayaa weriye Cali Xaraare , markuu arkay dhaqankan cusub ee ka baxsan bani aadanimada oo qoos gaajaysan la safayo si sawir layskaga qaado, ayaa isaga oo umadda Soomaaliyeed wacyi gelinaya wuxuu barnaamijkiisa kaftanka siyaasadaa ku soo qaaday markii ugu horaysay hadalkan ah IGU SAWIR
Ugu danbayntii kuwa maangaabka ah, mooryaanimaduna u sii dheer tahay ah, oo madaxweyne Farmaajo iyo RW Kheyre ku dhaleecaybnaya ama ku canbaaraynaya maxaad umadda Soomaaliyeed iyo Bulshada caalamka ugu soo bandhigaysaan ama u tusaysaan sharatfii Umadda Soomaaliyeed ee soo laabanaysa . Waa kuwii shalay igu sawir lahaa hooyada Soomaaliyeed oo ilmahii ay dhashay oo gaajo u dhintay dhabteeda ku haysa, markii ay waxay ku quudiso wayday . Raashinkii ay bulshada caalamku ugu deeqeena horay ay Suuqa Bakaaraha looga gatay.
Post navigation
- Reer Midigale oo lacag ugu deeqay Jidka Barakaysan
storvideo: 

Senate-ka oo ku Guuldarreystay inuu Baabi'iyo Obamcare

0
0

Aqalka Senate-ka Mareykanka ayaa jimcaha maanta ah ku guul darreystay inuu sameeyo sharci qeyb ahaan baabi’inaya barnaamijka daryeelka caafimaadka ee Obamacare, oo jira muddo toddoba sano ah.

Senate-ka oo ku Guuldarreystay inuu Baabi'iyo...

0
0

Aqalka Senate-ka Mareykanka ayaa jimcaha maanta ah ku guul darreystay inuu sameeyo sharci qeyb ahaan baabi'inaya barnaamijka daryeelka caafimaadka ee Obamacare, oo jira muddo toddoba sano ah.
Saddex sharci-dejiye oo jamhuuri ah oo kala ah John McCain oo laga soo doorto Arizona, Lisa Murkowski oo laga soo doorto Alaska iyo Susan Collins oo laga soo doorto Maine, ayaa ku biiray xubnaha dimoqraaidga, si ay sharciga ugu diidaan cod ah 49-51.
Madaxweyne Donald Trump ayaa barta twitter-ka waxyar kadib weerar ku qaaday xubnaha Jamhuuriga ee la saftay dimoqraadiga.
"Saddex Jamhuuri ah iyo 48 dimoqraadi ah ayaa dhulka dhigay dadka Mareykanka. Sida aan horey u sheegay iska daayq ha guul-darreystee Obamacare, kadibna aan la tacaalno" ayuu yiri Trump.
Sharcigan ayaa baabi'in lahaa qeybo ka mid ah Obamacare sida qodobka dadka ku qasbaya inay ceymis caafimaad iibsadaan ama ay ganaax wajahaan iyo qodobka shirkadaha shaqaaleeya in ka badan 50 qof qasab uga dhigaya inay shaqaalahooda siiyaan ceymis caafimaad.
storvideo: 

Ra'iisal wasaarihii Pakistan oo xilka iska casilay

0
0

Iscasilaadiisa ayaa timid kadib baaritaano ay maxkamadu ku samaysay eedaymo ku aadan wax isdaba marin.

Ra'iisal wasaarihii Pakistan oo xilka iska casilay

0
0

Ra'iisalwsaaraha dalka pakistan, Nawaz Shariif ayaa xilka iska casilay ka dib markii maxkmadda ugu sarreysa dalkaasi ay go'aamisay inuusan u qalmin sii haynta xilkaasi.
Baaritaanka ayaa lagu sameeyey hantida qoyska Nawaz Sharif, kadib markii sanadkii 2015-kii ay soo baxday "cadaymihii Panama", taasi oo lagu sheegay in qoyska ra'iisal wasaaruhu ay ku lug leeyihiin shirkado ku yaalla dalka dibadiisa.
Sharif ayaa si joogta ah u beeniyay eedaymaha loo jeediyay.
Garsoorayaasha maxkamada oo ka kooban 5 qof ayaa si wada jir ah ugu dhawaaqay go'aanka. Waxaana aad loo adkeeyey ammaanka guud ee - Islamabad.
Ejaz Afzal Khan oo kamid ah garsoorayaasha kiiskan qaaday, ayaa sheegay in Nawaz Sharif aanu sii ahaan karin xubin sharafeed kamid ah baarlamaanka.
Wasiirka arrimaha gudaha Pakistan Chaudhry Nisar Ali Khan, ayaa u jeediyay ra'iisal wasaaraha in uu aqbalo xukunka maxkamada.
Maxkamada ayaa baaritaan ku haysay tiro dad ah oo uu kamid ah yahay Nawaz Sharif, gabadhiisa Maryam iyo saygeeda, wasiirka ganacsiga iyo xubno kale oo dawlada ka tirsan.
Nawaz Sharif ayaa dhowr jeer ra'iisal wasaare kasoo noqday Pakistan, laga soo bilaabo 1990-kii. Waxaana sanadkii 1999 xilka looga tuuray afgembi aan dhiig ku daadan.
Ma jiro ra'iisal wasaare rayid ah oo dalka Pakistan soo maray oo xilka si nabad ah ku dhamaystay mudo shan sano ah.
storvideo: 

Dowladda Soomaaliya oo soo daabacaysa 20 kun shilin oo isku dhegan

0
0

Guddoomiyaha bangiga dhexe Bashiir Ciise waxa uu sheegey in lacagta cusub ee lasoo daabacayo loo naqshadayn doono qaab casri ah oo aanan la been abuuri karin.

Dowladda Soomaaliya oo soo daabacaysa 20 kun shilin...

0
0

Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya Bashiir Ciise Cali ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey Shilin Soomaaliga cusub ee dowladda qorsheyneyso in ay soo daabacato markii ugu horeysey muddo 27 sano ah.
Shir jaraa'id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho ayuu ku sheegey in dowladda soo daabici doonto lacag tirsigeedu badanyahay oo isku dhegan sida Shs20,000 (labaatan kun shilin).
Lacagta ugu weyn ee hadda shaqaysa waa lacagta Shs1, 000 (kunka shilin) oo la daabacay sanaddii 1991-dii si rasmi ah xiligii ay sii dhacaysay dowladdii Jaalle Maxamed Siyaad Barre.
Qorshaha lagu soo daabacayo lacagta cusub waxa uu soo biloowdey sanado ka hor, hase yeeshee ma jirin wax talaabo rasmi ah oo laga qaaday.
Balse dowladda hadda jirta ayaa shirkii London ee Soomaaliya loo qabtay bishii May ee sanadkan la tagtay qorshe raasumaal loogu raadinayo sidii loosoo daabici lahaa lacagta cusub, sidaasi darteedna Bangiga Adduunka ayaa bixinaya lacag dhan $60 malyan oo doolar oo lagu soo daabacayo shilinka cusub.
Diidmada Kunka Shilin
Todobaadyadii ugu dambeeyey waxaa meelo ka mid ah dalka laga diidey lacagta kunka shilin, kadib markii xarakada Alshabaab ay soo saartay amaro la xiriira in shilin Soomaaliga aanan wax lagu kala iibsan karin.
Sidoo kale magaalooyin ka tirsan gobolada dhexe sida Guriceel ayaa laga diidey kunka shilin kadib markii ay suuqa soo galeen lacago been abuur ah.
Lacagaha been abuurka ah ma ahan wax cusub, intii uu dalka burburka ku jireyba daabacaadoodu waa ay socotey, waxaana hadda loo maleynayaa in lacagta suuqa ku jirta ay u badantahay tan been abuurka ah marka la barbardhigo tii la daabacay 1991-dii.
Waxaase xaalka oga sii daray, lacagta hadda shaqaysa oo aad u duugoowdey, islamarkaasina in badan oo ka mid ah aanan la isticmaali karin.
Waxaa intaasi dheer in qiimo dhaca ku dhacay shilinka owgiis aysan suurtogal ahayn in qofka si sahal ah uu jeebka ugu qaato lacag intii uu doono, wuxuuna u baahanyahay qofka in uu bac ama jawaan ku qaato.
Guddoomiyaha bangiga dhexe Bashiir Ciise waxa uu sheegey in lacagta cusub ee lasoo daabacayo loo naqshadayn doono qaab casri ah oo aanan la been abuuri karin.
Taariikhda Shilin Soomaaliga

  • Magaca Shilinka waxa uu baxay sanadkii 1921-dii xiligaasi oo gumeystihii Ingiriiska uu meel mariyay gaar ahaan gobolada Waqooyi oo uu ka talinayay, laakiin si rasmi ah waxaa loo qarameeyey 15-kii Bishii Diseembar, 1962-dii.
  • Xiligaasi Bangiga Dhexe ee Soomaaliya waxa uu daabacay lacag xaanshi ah oo ka kooban 5 shilin, 10 shilin, 20 shilin iyo 100 shilin.
  • Isbadalkii labaad waxaa shilin Soomaaliga lagu sameeyey 1975-tii iyo 1979-kii xiligaasi oo markale dib loosoo daabacay ama loo cusbooneysiiyey lacagtii hore.
  • Balse sanadkii 1983-dii ayaa la daabacay 50 shilin oo xaanshi ah, iyada oo 1989-kiina la daabacay 500 shilin markii ugu horeysey.
  • Ugu dambeyntii 1991-dii ayaa la daabacay lacagta kunka shilin ee isku taala, waxayna noqotey tirsigii ugu badnaa ee shilinka laga daaboco ebed.
  • 20-ka kun shilin ee hadda la daabacayo ayaa waxa ay dadka u fududeyneysaa in ay jeebka ku qaataan lacag ku filan oo maalinkii wax ku gataan.

storvideo: 


Shil khasaaro geystay oo ka dhacay inta u dhaxeysa...

0
0

Boosaaso (Sh M Network)--Ugu yaraan 4 Ruux ayaa ku geeriyooday, tiro kalena dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii shil gaari uu dhacay Waddo xiriira Magaallooyinka Qardho iyo Boosaaso.
Shilkan ayaa yimid kadib markii Gaarigan ay la socdeen Dadka Shacabka ah uu rogmay, sida Taliyaha Ciidamada Ilaalada Wadddooyinka ee Maamulka Puntland uu u xaqiijiyay Warbaahinta.
Taliye Maxamed Faniin Yusuf ayaa u sababeeyay burbur ka muuqda waddooyinka in ay tahay midda keentay in shalalka ay ku soo laab laabtaan Degaanada Maamulka Puntland.
Dhinaca kale, waxaa uu ka codsaday Maamulka Puntland in ay dib u dayactir ku sameeyaan Waddooyinkaasi.
Shilalka inta badan ka dhaca qeybo ka mid ah Gobolada Dalka qaarkood ayaa loo sababeeyaa waddayaasha gaadiidka oo aan la heyn qibrad ku filin oo xagga ka-xeynta gadiidka, iyo waddooyinka qaarkood oo ah kuwa burbursan.
storvideo: 

Taliska Booliska Kenya oo awaamiir duldhigay...

0
0

Lamu (Sh M Network)--Taliska Booliska ee Magaalada Lamu, ayaa amar ku bixiyay in Boolis ay ka xeystaan Gaadiidleyda ku safarta Degaanada u dhaxeeya Magaallooyinka Lamu iyo Mombasa ee Dalka Kenya.
Taliye Marwa ayaa waxuu sheegay in ujeedka ay ka leeyihiin amarkan uu yahay sidii loo xaqiijin la ahaa amaanka dadka shacabka ah ee la socda Gaadiidkaasi.
Waxaa Taliyaha uu sidoo kale amray in Gaadiidkaasi la marsiiyo koontooralada ay ku sugan yihiin Ciidamada Booliska, si marwaliba loola socdo xaaladooda amaan.
Degaano dhaca Magaalada xeebta leh ee Lamu ayaa dhowr jeer oo hore waxaa ka dhacay weeraro ku daatay dhiig badan, kuwaasi oo mas'uuliyadoodu ay sheegteen Xarakada Al Shabaab.
Sikastaba, hadalka Taliyaha Ciidamada Booliska ayaa waxuu imaanayaa xili tobanaan ruux siyaabo kala duwan loogu dilay weeraro ka dhacay Gobolka Waqooyi Bari ee Dalka Kenya.
storvideo: 

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo wax ka...

0
0

Muqdisho (Sh M Network)--Taliyaha hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Maxamed Aadan Koofi ayaa shaaca ka qaaday in ay adkaatay helida Fiisaha dal ku galka Hindiya oo Soomaali badan ay sameyn ku yeelatay, kuwasi oo arrimo Caafimaad iyo Waxbarasho u aada dalkaasi Hindiya.
Waxa uu sheegay in arrimo amaan darteed dowladda Hindiya ay u adkeysay helida Fiisaha dalkeeda, islamarkaana hada uu kala hadlayo sidii loo xalin laha arrimahaasi dadka Soomaliyeedna ay deg deg ugu heli lahayeen Fiisaha Hindiya oo uu tilmaamay in dano dhaqaale , mid Caafimadd iyo Waxbarasho ay dadka Soomaaliyeed u aadaan dalkaasi Hindiya.
Sidoo kale Maxamed Aadan Koofi, taliyaha hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa hoosta ka xariiqay in markii hore Fisaha Hindiya uu ahaa mid si fudud lagu helo, heyeeshee khaladaad jira awaadeed ay keentay in Hindiya adkeyso Fiisaha dalkeeda.
Halkaan ka soo baxay taliyaha hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa imaanaya, xilli mudooyinkii la soo dhaafay uu aad u adkaa helida Fiisaha Hindiya oo Soomaali badan dalkaasi ay u tagaan arrimo Cafaamid iyo Waxbarasho, waxaana sameyn ay ku yeelatay tallaabadan dad badan oo Soomaali ah.
storvideo: 

Dhageyso Wareysi Murugo leh: Hooyo Soomaaliyeed oo...

0
0

Jul 28, 2017 -
Hooyo Falxado Cali Daahiye oo ku sugan degmada Balad-xaawo ee Gobalka oo wereysi siisay Warbaahinta ayaa sheegtay in ay la xanuunsaneyso toogasho wiilkeeda loo geestay isagoo aan wax danbi ah galin.
Hooyo Falxado ayaa sheegtay in wiilkeeda uu ka mid ahaa afar wiil oo habeen saq dhexe Ciidamada Amaanka Jubbaland ay ku toogteen duleedka degmada Balad-xaawo ee Gobalka Gado.
Hooyo Falxado ayaa wiilkeeda waxaa lagu magacaabi jiray Ismaaciil Sugow Salaad waxa uuna ahaa curadkeeda.
Iyadoo hadalkeeda sii wadata ayaa waxay noo sheegtay in wiilkeda uusan Marna ka mid noqonin Al-shabaab waxa uuna haayay Aabihiis Sugow Salaad jimcaale oo xanuunsan waxa uuna aabihiis ka mid yahay Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Kenya orders vehicles entering and leaving Lamu get...

0
0

Due to increased al Shabaab attacks on passenger vehicles and within Lamu county between 2014 and 2015, Interior CS Joseph Nkaissery ordered that all vehicles entering and leaving the county get police escorts.
On Wednesday, Marwa said all public and private vehicles, including school and church buses, must undergo police checks at checkpoints on the road and travel under armed escort.Obey police checks
The police boss said he has already issued orders for police to intercept unescorted vehicles prosecute the owners for endangering lives..
"We must have a structured way in which vehicles operate along the Lamu-Mombasa road. As you are aware, no vehicle should leave Lamu without police escort. We have our police checks on the road and vehicles must also undergo all these security checks.
"We have thousands of vehicles operating on the Lamu-Mombasa road and we can't have police officers on every vehicle. That's why we came up with the issue of a convoy being escorted by our security officers. Everyone must adhere to this," Marwa said.
He said it is a punishable crime for any driver to evade police checks as this helps criminals enter the county undetected.Increased security
Marwa assured the public of their security and said police patrols have been intensified on the route.
He also called for vigilance and asked residents and travellers to report any suspicious people or activity on the route to the police.
On July 19, 2014, a Tahmeed Bus was attacked by al Shabaab militants at the Mambo Sasa Forest in Witu.
Seven people, including four police officers, were killed on the spot.
On December 21, 2014, a Tawakal bus heading to Mombasa was attacked by militants in Lango la Simba, Witu. No one was killed.
On July 13 this year, more than 30 heavily armed al Shabaab militants hijacked a Toyota Prado carrying Public Works PS Mariam El Maawy and five others occupants at Milihoi along the Lamu-Mombasa road.
The PS was shot and injured.
Five other people, including her personal bodyguard and a nephew, were killed.
storvideo: 

SAWIRO: RW Kheyre si lama filaan ah Ugu biiray...

0
0

Jul 28, 2017 -
R/wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ku biiray dagaalka baraha bulshada ku dhex maraya taageerayaasha iyo dhaliilayaasha madaxda dowladda Soomaaliya.
Kheyre oo ah nin bulsho ah oo wax weyn ka bedelay xiriirka dowladdai yo bulshada ayaa adeegsaday halheys is difaac ah oo ay abuureen taageerayaasha dowladda "IGU DAYO"kaasoo yimid kadib markii baraha bulshada uu qabsaday halheyska caan baxay ee "IGU SAWIR"kaasoo lagu dhaliilo dowladda.
Xasan Cali Kheyre ayaa u muuqda inuu sii shidi doono baraha bulshada, iyadoo dowladda ay hogaamiyaan Farmaajo iyo Kheyre lagu tilmaamo mid si weyn u adeegsata baraha bulshada.
Barta rasmiga ah ee R/wasaaraha ayaa markii ugu horeysay adeegsatay halheyska #igudayo oo mid dhowaangal ah oo yimid dagaal dhinaca baraha bulshada ah oo ay mucaaradka dowladda wadeen muddo dheer kaasoo ku socday halheyska #igu sawir.

Nagala soo xiriir
storvideo: 

Xildhibaan Mahadi H Sharif Mahamed oo ka tirsan...

0
0

XILDHMAAN Mahadi H Sharif Mahamed oo ka tirsan golaha deegaanka magaalada Manchester ee cariga ingiriiska,ayaa maanta kasoo dagay gaggidda dayuuradaha ee Cigaal international airport, isagoo halkaasna ay ku qaabileen wasiiro ka tirsan xukuumada Somaliland iyo waliba xildhibaanada golaha deegaanka magaalada Laascaanood oo uu hogaaminayey duqa degmada Laascaanood iyo masuuliyiin kale.
Xildhibaan Mahdi Hussein oo warbaahinta qaranka madaarka wareysi ku siiyey ayaa sheegay inuu usocday arimo dhawra oo ay u horeyso mataanaynta labada magaalo ee Mancheater iyo Lascaanood wuxuuna sheegay xildhibaan Mahdi inuu safarkiisan kusoo afmeeri doono booqosho uu ku indho indhayn doono dowladaha hoose ee gobalada dalka.
storvideo: 


Baarlamaanka Puntland oo ansixiyey qandaraaska DP World ee dekada Boosaaso

0
0

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa kasoo horjeedsaday heshiiska Berbera iyo kan Boosaaso ee DP World.

Baarlamaanka Puntland oo ansixiyey qandaraaska DP...

0
0

Baarlamaanka Puntland ayaa cod aqlabiyad ah ku meelmariyey labo heshiis oo dowlad goboleedka Puntland ay la gashay labo shirkadood oo ajnabi ah xili ay jirto hubanti la'aan ku saabsan waxa ay dowladda federaalka ka ogtahay heshiisyadaasi.
Kulanka baarlamaanka waxaa fadhiyey 60 xildhibaan, waxaana heshiisyada u codeeyey 59 xildhibaan, hal xildhibaana waa uu ka horyimid.
Heshiiska ugu muhiimsan waa kan shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta ay ku dhiseyso, kadibna maamulkeeda kula wareegeyso dekada Boosaaso .
Heshiiskani oo uu madaxda shirkadda la saxiixday madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas horraantii sanadkan ayaa waxa uu ku kacayaa lacag dhan $336 milyan , waxayna shirkadda balaarin ku samaynaysaa dekada, kadibna maamulaysaa muddo 30 sano ah.
Heshiiska labaad waxaa lala saxiixday shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha oo lagu magacaabo CCECC , wuxuuna ku saabsanyahay dhismaha waddada isku xirta Gaalkacayo iyo Garoowe iyo waliba waddo kale oo isku xirta Eyl iyo Garoowe.
Shirkadda CCECC waxa ay horey u dhistay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Boosaaso.
Dekada Boosaaso waxaa la sheegey in ay aad ciriiri u tahay , ayna adagtahay in dhawr markab ay markaliya kusoo wada xiran karto .
Inta dhismaha socdo, DP World waxa ay dhisi doontaa deked yar oo macmal ah oo shaqada kusii kala socoto inta dekada weyn ay diyaar noqoneyso.
DP World iyo dekadaha Soomaaliya
Shirkadda DP World oo maamusha dekada weyn ee magaalada Dubai ayaa waxa ay heshiisyo ula saxiixatay jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland, halkaasi oo ay la wareegeyso dekada Berbera.
Sidoo kale bil ka hor waxaa soo baxay warar sheegaya kulan dhexmaray madaxda DP World iyo madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan, kulankaasina waxaa la sheegey in looga wada hadlay dekad laga dhisi doono magaalada Baraawe. Illaa iyo hadda ma jiraan illo madax banaan oo BBCda u xaqiijiyey kulankaasi.
Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa kasoo horjeedsaday heshiiska Berbera iyo kan Boosaaso ee DP World , waxayna golaha shacabka geeyeen mooshin ay ku dalbanayaan in heshiisyadaasi la joojiyo, hase yeeshee guddoomiyaha baarlamaanka Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa warqad u qorey madaxweyne Farmaajo , kagana dalbaday in in uu cadeeyo waxa ay dowladda ka ogtahay heshiisyada Berbera iyo Boosaaso ka hor inta aanu baarlamaanka fadhi ka yeelan arrinkaasi.
Madaxweyne Farmaajo ayaa arrintaasi kaga hadlay khudbadii uu ka jeediyey furitaanka baarlamaanka ee horaantii bishan Luuliyo, wuxuuna sheegey in wali dowladda ay ku dabo jirto xogta heshiisyadani ku saabsan, marka xog uruurintaasi soo dhamaatana laga hadli doono.
storvideo: 

Maxan Ku Doortay Musharaxa Xisbiga Kulmiye Muse ? 

0
0

Iyadoo mar walba ay taariikhdu tahay markhaatiga ugu wayn ee doodaha ayaa waxad ogtihiin in #Muuse taariikhiyan ahaa qof naftiisa usoo huray #Somaliland wakhti badana galiyay sidii ay cagaheeda ugu istaagi lahayd, Haday tahay Nabadayntii, Hubka-dhigistii, Asaaski Ururada, Doorashooyinkii Iyo guud ahaanba wacyigii laso maray oo uu ka ahaa shaqsiyad firfircoon kartina badan, waxa kalo uu #Muse_Biixi yahay shaqsiga kaliya ee an dalka ka bixin qoyskiisuna dagana 27-kii sanno ee Somaliland jirtay !
Hadaba aan uso daadago maxan ka filaya Musharax Muse ?
1- Ku dhaqanka sharciga : waxan aminsanahay inu ku adkaan doono ku dhaqanka shuruucda ino qoran oo ay naafeeyaan dhaqanka barbar socda ee keentay la jiifiyaana banaanta.2- Cadaalada dadka : waxan filaya inu yahay shaqsiga ugu haboon ee fahmi qaab saami qaybsi oo dadkani helaan madama uu yahay qofka dhaqan ahaan ugu aqoonta badan kunaso dhex jiray.3- Waxsoo saarka : Waxan ogahay inuu yahay shaqsi aaminsan in dalku ku horumari karo dadkiisu inay gacma ka shaqeeyaan wax soo saarna yeeshan dhanka beera iyo xirfadahaba.4- Kaabayaasha dalka : waxan filaya in uu culays badan saari doono kaabayaasha dhaqaalaha dalka sida wadooyinka, dekedaha, Gagooyinka diraayada iwm.5- Nabada Mandaqada : waxan filaya in aqoontiisa ciidan-nimo ay fure u noqon doonto adkaynta nabada dalka iyo la shaqaynta dalalka jaarkaba.6- Siyaasada dibada : waxan filaya inuu abuuri doono saaxiibo cusub uuna iibin doono qadiyada dalkan.
Waxan inta ii dheer qorshayaasha Xisbiga #Kulmiyeee laso bandhigi doono dhawaani inay noqon doonaan kuwo si dhaba idiinkusii tafsiira waxa uu hirgalin doono hadii la doorto Musharax Muse.
Aad ban idiinku mahadcelinaya asxaabtayday waxanan rajaynaya inad ila qaadan doontan fikirkayga #Xisbiga_Kulmiye.
Mohamed AhmedHargeisa/Somaliland.
storvideo: 

Shir ku Saabsan Hormarinta Deeganada laga Saaray...

0
0

Kulan looga hadlayay Horumarinta iyo dibu dhiska deegaanada laga saaray malayshiyaadka Al shabaab ee ka tirsan Gobolada jubbada hoose iyo gedo ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Kismaayo ee Xaruunta Jubbada hoose. Kulanka ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Wasaarada arrimaha guddaha maamulka Jubbaland aynakasoo qeyb galeen qaar ka mid ah haayadaha Caawiya Soomaaliya Xubno ka tirsan Wasaaradda arrimaha guddaha Xukumada Federaalka Soomaaliya,Dowlada goboleedyada iyo Jubbaland waxaana inta Badan diiradda lagu saaray wada shaqeynta maamulka iyo haayadaha Deeqda bixiya. Ugu horayn ayaa goobta ka hdalay Wasiirka wasaaradda arrimaha guddaha maamulka Jubbaland Mudane maxamed warsame darwiish ayaa sheegay in kulanka inta uu socday goobta lagu soo bandhigay talooyin iyo Fekrado ayku aadan iskaashiga Jubbaland iyo haayadaha Deeqaha bixiya.
storvideo: 

Daawo Sawirro+ Bilicda Magaalada Muqdisho ee...

0
0

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalkeenna waxaa mudooyinkii ugu dambeeyey si xowli ah uga socnayey dib u dhis xoogan kaasi oo lagu sameynayo dhismay bilicdooda marka ay indha haagu ay qabtaan aad kuu soojiidanaya. Magaalada waxaa laga hirgeliyey dhismooyin aad u tirabadan waxaana dhismooyinkaasi ay isugu jiran guryo ay dadkii lahaa dib u dhis ku sameysteen waloow ay dadkaasi u badan yihiin dad ka Qurbajoogta ah taasi oo kudhalisay markii ay u muuqatay isbedelka nabadeed ee Caasimadda soomaaliya kahirgashay ayay ku dhiiradeen iney guryahoodii ka bur buray dib u dhistaan talaabadaasina waxey qeyb weyn ka qaadatay in durbaba magaalada Muqdisho laga dareemo isbedel dhanka bilicda ah. Dib u dhiska magaalada ka jir kuma koobna oo qura guryaha oo dib u dhis lagu sameey hoteelada balse waxaa sidoo kale iyana dib loo dhisayaa wadooyinkii bur buray ayadoo dib u dhiska laamiyadana ay fulinayaan dowladdo Soomaaliya saaxiibo dhow la ah oo ay ugu horeeyaan dawlada Turkiga. Waxaa xusid mudan in dhismooyinkaasi magaalada kusoo kordhay ay wehliyaan sidoo kale garoono caalami ah oo ay dhalintu ku ciyaarto kubada cagta iyo isticmaalka gaadiidka yaryar iyo kuwa waawayn oo iyana magaalada si aad ah ugusoo batay waxaadna mararka qaar la kulmeysaa wadooyin u xirma gaadiidka tarada [...]
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live