Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Sawirro+Horumar dhanka bilicda oo Muqdisho laga...

$
0
0

Muqdisho(SONNA) Magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalkeenna waxaa mudooyinkii ugu dambeeyey si xowli ah uga socnayey dib u dhis xoogan kaasi oo lagu sameynayo dhismay bilicdooda marka ay indha haagu ay qabtaan aad kuu soojiidanaya.
Magaalada waxaa laga hirgeliyey dhismooyin aad u tirabadan waxaana dhismooyinkaasi ay isugu jiran guryo ay dadkii lahaa dib u dhis ku sameysteen waloow ay dadkaasi u badan yihiin dad ka Qurbajoogta ah taasi oo kudhalisay markii ay u muuqatay isbedelka nabadeed ee Caasimadda soomaaliya kahirgashay ayay ku dhiiradeen iney guryahoodii ka bur buray dib u dhistaan talaabadaasina waxey qeyb weyn ka qaadatay in durbaba magaalada Muqdisho laga dareemo isbedel dhanka bilicda ah.
Dib u dhiska magaalada ka jir kuma koobna oo qura guryaha oo dib u dhis lagu sameey hoteelada balse waxaa sidoo kale iyana dib loo dhisayaa wadooyinkii bur buray ayadoo dib u dhiska laamiyadana ay fulinayaan dowladdo Soomaaliya saaxiibo dhow la ah oo ay ugu horeeyaan dawlada Turkiga.
Waxaa xusid mudan in dhismooyinkaasi magaalada kusoo kordhay ay wehliyaan sidoo kale garoono caalami ah oo ay dhalintu ku ciyaarto kubada cagta iyo isticmaalka gaadiidka yaryar iyo kuwa waawayn oo iyana magaalada si aad ah ugusoo batay waxaadna mararka qaar la kulmeysaa wadooyin u xirma gaadiidka tarada badan aawgood.
?????????????????????????????????????????????????????????
Xigasho RadioMuqdsiho
storvideo: 


Daawo: War Naxdin & Murugo u ah Soomaalida oo naga...

$
0
0

Jul 29, 2017 -
Saxaafada Caalamka ayaa sheegay in maanta oo sabdi ah la helay maydadka Tahriibayaal Soomaali ah oo ku sii jeeda Qaaradda Yurub kuwaas oo ku dhintay Biyaha u dhaxeeya Turkiga iyo Greece-ga.
5 caruur ah iyo labo haween ah ayaa ku dhintay kadib markii dooni ay saarnaayeen ay ku quustay xeebaha gobalka Izmir ee dalka turkiga taa oo siday 18 qufood oo ku wajahnaa dalka Greeka iyagoo socdaalkoodu uu ku sii wajahnaa dalal kale oo dhaca qaarda yurub.
Balse arimaha Naxdinta leh waxaa ka mid ah in Cunug yar Soomaali ah Muuqaalka aad ku arki doontit uu ka badbaday doonta balse Hooyadii dhashay ayaa ku geeriyooday.
9-qufood oo saddex soomaali ah iyo muwaadiniin u kala dhashay dalalka Iraq iyo Syria ay kamid yihiin ayaa laga soo badbaadiyay doonta kuwaa oo xaaladooda caafimaad lagu dabiibayo isbitaal dhaca Gobalka Izmir ee dalka Turkiga,kadib markii howlgal badbaadin ah ay u sameeyeen ilaalalda xeebaha dalkaasi turkiga.
Kooxahii ka dambeeyay tahriibinta dadkan ayaa baxsaday ka hor inta doontu aysan quusin iyadoo police-ku ay sheegeen in ay ugaarsanaayn kuwii ka dambeeyay falkan tahriibinta sharci darrada,waxaana police-ku ay sheegeen in baadi goob loogu jiro dad kale oo wali la'la yahay kuwaa oo laga baadi goobayo heeraraha doontu ay ku qalibmatay.
Sida ay daabaceen ilaalada xeebaha turkiga in ka badan 7,000 oo qof oo qaxooti soomaaliyeed ay kamid yihiin ayaa ku socdaalay xeebaha turkiga si ay u gaaraan qarada yurub balse intii lagu guda jiray todobadii bilood ee ugu horeesay sanadkan 2017 waxaa ku dhintay 20 qufood xeebaha dalka turkiga intii ay ku guda jireen socdaalkooda tahriibka.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

DEG DEG: Kooxda Shabaab oo weerar ku qaaday Degmada...

$
0
0

Jul 29, 2017 -
Dagaalamayaasha Shabaab ayaa Caawa weeraray Saldhigyo ay Ciidamada Dowladda Soomaaliya ku leeyihiin duleedka degmada Afgooye ee gobalka Shabeelaha Hoose waxaana ka dhashay qasaaro dhimasho iyo dhaawac labada dhinac soo kala gaaray.
Wariyaasha Gobalka ayaa ku soo waramaya in dagaalka uu qaatay wax ka badan 30 daqiiqo la iskuna adeegsaday hubka culus iyo kan fudud waxa uuna saameeyay isku socodka gaadiidka iyo dadka.
Raga weerarka soo qaaday ayaa la sheegay in ay iska soo dhigeen Shacab Islamarkaana ay soo qaateen Gaari Homey ah iyagoo kaga degay meel u dhaw Saldhigga Ciidanka kadibna ay weerarka soo qaadeen.
Xaalada ayaa hada degan waxaana goobihii lagu dagaalamay ku sugan Ciidanka Dowladda Soomaaliya.
La soco Warkaan wixii ku soo kordha.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Daawo: Faah faahinta Weerarkii Lagu qaaday guriga M...

$
0
0

Jul 29, 2017 -
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar lagu qaaday guriga uu magaaladda Nairobi ka degan yahay madaxweyne ku xigeenka dalkaas William Ruto.
Laakiin daqiiqado kahor ayuu guriga ka baxay inta uusan weerarkan dhicin sidaas waxaa xaqiijinaya madaxda dalkaas.
Warar si hordhac ah loo helay ayaa sheegaya in weerarkan ay geysteen labo qof, saxaafadda Kenya ayaa tabineysa iney ahaayeen Soomaaali, laakiin boolisku weli kama hadlin.
Ragga weerarkaas ka dambeeyay ayaa lasoo sheegayaa iney ku qeylinayeen (Allahu Akbar) halka ay sidoo kale saxaafadu tilmaameyso iney ku hadlayeen Erayo kale oo ay kamid ahaayeen "Guushu Wey timid"
Raggan ayaa awood uyeeshay iney gudaha ugalaan guriga oo ay mudo dheer ka dagaalamayeen, waxaana halkaas lagu toogtay ragga weerarka geystay halka askarina la dilay.
Saacadu markii ay aheyd 1pm: ayay kooxdan hubeysan weerareen guriga, laakiin waxaa isku dhac uu dhexmaray waardiyaasha guriga madaxweynaha.
Wararka ayaa sheegaya in xiligii uu weerarkan dhacayay uusan madaxweyne ku xigeenka Uhuru Kenyatta, xaaskiisa Rachel Ruto iyo caruurtiisaba aysan joogin guriga.
Saacadu markii ay aheyd: Saxaafadda ayaa gaartay dhismaha guriga Sugoi home.booliska ayaana joogay goobta, markaasna kooxdii weerarka geysatay ayaa gudaha ugu jirtay guriga rasaas xoogan ayaana dhaceysay
Sacaadu markii ay ahed 2.32pm: Ciidamada gaarka utababaran ee GSU ayaa goobta soo gaaray, rasaasta ayaana xoogeysatay.
Saacadu markii ay aheyd 3.38pm: Dagaalka udhaxeeyay kooxdii weerarka soo qaaday iyo ciidamada ayaa xoogeysatay waxaana goobta soo gaaray diyaaradaha booliska gaar ahaan helicopter-ka
Saacadu markii ay aheyd 3.43: Kenya ayaa ubaahatay ciidamo dheeraad ah, waxaana soo gaaray halkaas ciidamo gaar loo tababaray kuwaas oo dagaalka xoojiyay
Saacadu markii ay aheyd 3.59: Ciidamada ayaa ku dhawaaday guriga Madaxweyne ku xigeenka gaar ahaan albaabka laga galo masaafo dhan 200 oo mitir.
Saacadu markii ay aheyd 5.36: Madaxweyne ku xigeenka gurigiisa la weeraray William Ruto ayaa joojiyay olalihii doorasho ee uu ka waday deegaanka Narok. Waxaana uu kulan deg deg ah la qaatay madaxweynaha dalkaas Uhuru Kenyatta iyo madaxda dowladda
Maxaa hadda socda
Xaaladda ayaa hada dagan gurigana waxaa la wareegay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kenya oo toogtay dableyda soomaalida ahaa ee weerarka soo qaaday.
Sida wararku sheegayaan Ragga hubeysan ayaa toogtay Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka GSU ee Kenya kaas oo ilaalo ka ahaa albaabka,waxaana ay gudaha Guriga ka wadeen dagaal iyada oo ay Rasaas xoog hel dhaceysay wuxuuna dagaalkaan kusoo aaday xilli uu madaxweyne ku xigeenka uu daqiiqado ka hor guriga ka tagay.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Ra”iisal Wasaare Khayre: Waa in aad u dagaalantaan...

$
0
0

Muqdisho(SONNA) Ra'iisal wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre oo ay wehliyaan xildhibaano ka tirsan barlamaanka , wasiirka xanaanadda xoolaha iyo sarakiil ka tirsan ciidanka ayaa booqasho ugu ugu tagay qaar ka mid ah ciidanka howlgalka xaslinta Cassimadda.
Xildhibaan Cabdifirax Qaasim Maxamud oo ka mid ah xubnah dhalinyaradda ah ee ku jira golaha Shacabka ayaa u sheegay ciidanka in aan dalka loo ogolaanin kuwa burburintiisa ka shaqeynaya, isagoo xusay in golaha shacabku ay ku garan taagan yihiin dadaalada ay waddo xukuumadda Soomaaliya ee ku aadan xasilinta dalka.
"Ra'iisul wasaaraha Mukeyf saaxiib lama ahan ee nolashada aad ku nooshiyiin ayuu rabaa in uu idin kula noolaado, waxa aad adinka qabtaan ayuu idin la qabaa anaga middaas ayaa ku taageereynaa," ayuu yiri Qaasim.
Ra'iisal waaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xusay in rajada umadda Soomaaliyeed ay yihiin ciidanka isla markaana amni la'aan wax la sameyn karo ama la gaari karo aysan jirin.
"Sababta aan idin kugu yimid waa in aan idin kaga tacsiyeeyo dhibkii idin ku dhacay, aan idin sheego sababta hal bil ka badan uu qarax ugu dhicin sababta ay u yeraatay dadkii la leyn jirey sababta amni iyo kala dambeyn u bilowday in uu magaaladan ku soo laabto- waa shaqadii adinka aad qabateen," ayuu yiri RW Kheyre.
Mudane Xasan Cali khayre ayaa ciidanka ku booriyey in ay laban labaan dagaalka ay kula jiraan cadowga nabad diidka ee Alshabab isla markaana dadka shacab ah ula dhaqmaan si sharaf iyo karaamo.
"Halyeeyada dalka ayaa tihiin haddaad adinka tihiin dadka la fiirsanayay qalbigiinu waa in uu ahaado bir, shacabka marka aad la dhaqmeysaan waa in aad sharaf iyo wanaag tustaan, Al-shabaab marka aad la dhaqmeysaana bir iyo calool adeeg in aad tustaan waaye, waa in aad u dagaalantaan sidii in aad gumeysi ka xoreynaysaan dalka, Al-shabab waa cadow," ayuu hadlkiisa ku daray RW.
Ra'iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre ayaa tilmaamay in ay Al-shabaab ay yihiin cadowga ummadda Soomaaliyeed maadaama aysan kala sooceynin oo isku si u dilaan marka ay weerar ku qaadaan goobaha dadweynaha u badan yahay sida Hotelada oo kale.
storvideo: 

Guddoomiye Jawaari: In dalka uu yeesho adeeg...

$
0
0

Muqdisho(SONNA) Dhageysiga qorshaha xukuumadda ee ku saabsan dhismaha Golaha Adeega Garsoorka ayuu ahaa ajendaha kalfadhiga labaad kulankiisa lixaad ee mudaniyaasha golaha shacabka oo ka dhacay xarunta golaha shacabka ee magaaladda Muqdisho.
Guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) oo kulanka shir gudoominayay ayaa kulanka furay wuxuuna ka hadlay muhiimada uu leeyahay dhisida golaha adeega garsoorka iyo sida lagu heli karo garsoor hufan oo uu dalka yeesho.
Wasiirka Cadaaladda ee dowladda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa mudaniyaasha golaha shacabka ka hor akhriyay halka uu marayo qorshahalagu dhisayo golaha adeega garsoorka.
Qaar ka mid ah mudaniyaasha golaha shacabka ayaa wasiirka su'aalo ka weydiiyay dhismaha golaha iyo hadii ay jirto muddo u qorsheysan in golahan lagu dhiso.
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay in loo baahan yahy in guddiga golaha shacabka iyo guddoonka golaha iyo Wasaaradda ay ka shaqeeyaan dhismaha guddi loo xil saaro sidii dalka uu u heli lahaa guddiga adeega garsoorka.
Guddoomiyaha golaha shacabka mudane Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in dhismaha golaha adeega garsoorka ay iska kaashan doonaan golaha Shacabka iyo Wasaaradda Cadaaladda ,islamarkaana loo baahan yahay in guddiga la dhisayo uu noqdo mid mas'uuliyad garsoor qaadi kara.
storvideo: 

Akhri: B/Abgaal oo Digniin kasoo saartay Dilka la...

$
0
0

Jul 29, 2017 -
Waxgaradkani oo ka tirsan Beelweynta Abgaal Cismaan ayaa si kulul uga hadlay hadal ka soo yeeray Maxamed Abuukar Jacfar Guddoomiyihii hore ee degmada Howlwadaag haatanna ah Sarkaal sare oo ka tirsan Howlgalka Xasilinta Caasimadda oo ku aadanaa in tallaabo laga qaadayo Askartii ka dambeysay Dilka Allaha u Naxariistee Taliye ku xigeenkii hore ee Nabad Sugida Gobolka Banaadir Ciise Jiijiile.
Ugu Horreyn Nabadoon Xasan Cali Maxamuud ayaa sheegay in Howlgalka Xasilinta Caasimadda Muqdisho oo Saraakiisha horkaceysa uu ka mid yahay Maxamed Abuukar Jacfar intii lagu guda jiray beelweynta Abgaal Cismaan looga dilay 13 Askari islamarkaana aysan marna ka hadlin iyagoo tix galinayay dowladda Cusub in ay gudato waajibaadkeeda qaran balse ay tahay wax aan loo dul qaadan Karin hadal ka soo yeeray Taliyaha Howlgalka Xasilinta Caasimadda ee Gobolka Banaadir Maxamed Abuukar Jacfar.
Sidaas daraadeed ayuu Iclaamiyay in inta Jacfar uu horkacayo howlgalkaas aan qof dambe oo beesha Abgaal Cismaan ka tirsan aan hub laga qaadi doonin maadaama sida uu hadalka u dhigay Maxamed Abuukar Jacfar uu ku hadlay Afqabiil sida uu yiri , dowladdana looga baahan yahay in ay bedesho.
Dhinaciisa Muxuyidiin Darbaweyn oo horay uga mid ahaa Ciyaartoydii Qaranka kana tirsan Waxgaradka Beesha Abgaal Cismaan ayaa tilmaamay in dadku yihiin kuwa isku mid ah islamarkaana dad badan oo ka soo jeeda Beesha Abgaal Cismaan horay loo dilay balse ay tahay wax lala yaabo in Saraakiil ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu goodiyaan Maxaabiis ku jira Xabsi in ay la duugi doonaan Askartii dhawaan lagu dilay Kontaroolka Madaxtooyada Soomaaliya isagoona ka digay hadallada kicinta ah ee shaqsiyaad huwan shaalka dowladda ay ka jeedinayaan Warbaahinta taas oo keeni karta wax aan loo aayin.
Ugu dambeyn Nabadoon Axmed Maxamuud Sabriye Fareey ayaa cod dheer ku sheegay in dhiiga 13-kii Askari ee beesha Abgaal Cismaan uga dhimatay Howlgalka Xasilinta Caasimadda ay ka rabaan dowladda maadaama dad Masuuliyiin ah dadkooda ugu goodinayaan Xabsiga , waxanaa uu hoosta ka xariiqay in ay isha ku hayaan Guddi Madaxweynaha uu u saaray Kiiska Ciidamadii loo xiray Dilka Ciise Jiijiile iyo ilaaladiisa kuwaas oo uu sheegay haddii ay ka dareemaan fara gelin cid kale ah ay jawaab deg deg ah ka bixin doonto beesha Abgaal Cismaan.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa soo ifbaxayay xurguf ka dhalatay Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Nabad Sugida oo isaga iyo ilaaladiisa lagu dilay Kontarool ku yaalla Afaafka hore ee Madaxtooyada walow Madaxwynaha Soomaaliya arrintaas uu guddi u xil saaray hase ahaatee xiisadda ayaa la sheegay in ay cirka isku sii shareertay kadib markii Saraakiil ka tirsan howlgalka Xasilinta Caasimadda oo ku heyb ah Sarkaalka geeriyooday ay Warbaahinta ka sheegeen in loo baahan yahay 11 Askari oo loo heysto dilka Ciise Jiijiile iyo Ciidamadiisa in si deg deg ah loo mariyo ciqaabtii dilkaas , waxaana Saraakiishaasi ugu horreeyo Maxamed Abuukar Jacfar oo ah Taliyaha Howlgalka Xasilinta Caasimadda oo lagu eedeeyay in uu haatan iska horkeenayo beelaha ay ka soo kala jeedaan Askarta la dilay kuwa xiran ee loo heysto dilkaas oo dhammaan ka wada tirsanaa Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Maamulka Gobalka Banaadir iyo Hay’adda SWDC Oo Deeq...

$
0
0

Muqdisho,(SONNA):-Maamulka Gobalka Banaadir oo kaashanaya xarunta u dooda horumarinta Haweenka SOMALI WOMEN DEVELOPMENT CENTER (SWDC), ayaa maanta deeq isugu jirta dhar iyo agabyo kale loo isticmaalo nadaafadda guud ee deegaanka gaarsiiyay maxaabiista dhawaan dowladda Soomaaliya ay kala soo wareegtay dowladda Ethoipia.
Guddoomiyaha xarunta SOMALI WOMEN DEVELOPMENT CENTER (SWDC) Sahro Maxamed Cali oo goobta ka hadashay ayaa sheegtay in iyagoo ka jawaabaya baaqii madaxday qaranka ay xaruntooda u istaagtay in ay daboosho baahida dagdagga ah ee ay u baahanyihiin muwaadiniinta Soomaaliyeed oo hadda si kumeel gaar ah loogu xanaaneeyo goob ay dajisay dowladda Soomaaliya laguna ogaanayo xaaladahooda caafmiaad.
"Maanta waan idin soo booqanay waxaana marwalba la socondoonaa xaaladdiina, waan ka xunahay dhibka idingaaray waxaase alle mahaddii ah in maanta aad joogtaan dalkiina hooyo, waxaan idiin sidnaa dhar, Firaashyo, Saliid, waxyaabaha la isku carfiyo, Shaanbo, Saabuunta Qabeyska iyo tan dharka aad ku dhaqataan" ayay tiri Maama Sahro Maxamed.
Guuddomiyaha Degmada Wadajir Mudane Cumar Cabdulle Xasan oo ka hadlay munaasibadda deeqda lagu wareejinayay Maxaabiistaasi ayaa rajo wanaagsan u muuhiyay dhalinyarada isagoo xusay in dhammaan bulshada Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin ay garabkiina taagnaadaan.
"Ogaada dhallinyarooy waxaa tihiin muwaadiniin Soomaaliyeed, bulshada gobalka banaadir aad ayay idinkugu damqadeen waxayna idinla qeybsadeen xanuunka iyo waqtiga dheer ee qaarkiin ay xabsiyada ku soo qaateen, deeqda maanta idin soo gaartay waxay idinkaga timid Xarunta SWDC oo fadhigeedu yahay degmada Wadajir, garab istaaga aad naga mudantihiina maanta oo kaliya kuma ekaan doonto" ayuu yiri Mudane Cumar Cabdulle Xasan Guddoomiyaha Degmada Wadajir.
Guddoomiyaha Degmada Waabari Rowda Cabdullaahi oo ay dhallinyaradaani martigalisay deegaankooda ayaa u mahadcelisay Xarunta SOMALI WOMEN DEVELOPMENT CENTER (SWDC) waxayna sheegtay in iyagoo fulinaya baaqii duqa magaalada muqdisho Mudane Thabit Cabdi Maxamed ay maalin iyo habeen garab taagnaan doonaan dhalinyarada laga soo daayay xabsiyada dalka Ethoipia.
Marwo Rowda Cabdullaahi Ayaa kula dardaarantay dhalinyarada in iyagoo ka fakaraya mustaqbalkooda caafimaad ay iska illaabaan xanuunkii iyo waayihii adkaa ee ay soo mareen intii ay xabsiyadu ku xirxirnaayeen, waxayna ku bogaadisay in maanta ay joogaan dalkoodii hooyo ayna la jaanqaadaan nolosha cusub.
"aniga waxaan ahay guddoomiyaha degmada Waaberi laakiin waxaan ahay qof taqasuskeedu uu yahay xanuunada dhimirka ku dhaca, waxaan idinku baraarujinayaa in aad iska saartaan waayihii adkaa ee aad soo marteen iyo wixii idinku dhacay, maanta Soomaaliya ayaa joogtaa qaarkiin waxa ay xasuustaan dalka oo burbursan halka kuwan ay xasuustaan wadanka oo dhisan, marka waxaa la idinka rabaa in aad la qabsataan nolosha cusub iyo isabadalka uu dalku sameeyay si noloshiina iyo caafimaadkiina uu u wanaagsanaado" ayay tiri Rowda Cabdullahi Guddoomiyaha Degmada Waaberi
Guuleed Diiriye Faarax oo ah horjoogaha kooxda dhallinyarada ah ee laga soo daayay xabsiyada dalka Ethoipia ayaa mahadcelin u jeediyay mas'uuliyiinta maamullada degmooyinka iyo madaxda Ha'yadda SWDC, isagoo tilmaamay in agabyada maanta loo keenay ay ahaayeen kuwa aad muhiim ugu ahaa dhallinyarada.
"Aad iyo aad ayaan idinkaga mahadcelinayaa kaalmada bulshadeena nooga timid, siwir wanaagsan iyo yadadiilo wacan ayaa noo muuqaneyso, madax iyo shacaba garab isaaggeena looma kala harin" ayuu yiri Guuleed Diiriye.
22 bishaan ayaa waxaa garoonka diyaarada magaalada Muqdisho soo cagadhigatay diyaarad siday in kabadan 100 maxbuus oo dowladda Soomaaliya ay ku guuleysatay in ay kala soo wareegto dowladda Ethoipia, kuwaas oo muddo dheer xabsiyada waddankaasi ku xirnaa.
storvideo: 


“Ra’iisul wasaaraha Mukeyf saaxiib lama ahan ee...

$
0
0

Ra'isul wasaraha xukumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre oo ay wehliyaan xildhibaano ka tirsan barlamaanka , wasiirka xanaanadda xoolaha iyo sarakiil ka tirsan ciidanka ayaa booqasho ugu ugu tagay qaar ka mid ah ciidanka howlgalka xaslinta Cassimadda.
Xildhibaan Cabdifirax Qaasim Maxamud oo ka mid ah xubnah dhalinyaradda ah ee ku jira golaha Shacabka ayaa u sheegay ciidanka in aan dalka loo ogolaanin kuwa burburintiisa ka shaqeynaya, isagoo xusay in golaha shacabku ay ku garan taagan yihiin dadaalada ay waddo xukuumadda Soomaaliya ee ku aadan xasilinta dalka.
"Ra'iisul wasaaraha Mukeyf saaxiib lama ahan ee nolashada aad ku nooshiyiin ayuu rabaa in uu idin kula noolaado, waxa aad adinka qabtaan ayuu idin la qabaa anaga middaas ayaa ku taageereynaa," ayuu yiri Qaasim.
Ra'isul waaraha xukumadda federaalka Soomaaliya ayaa xusay in rajada umadda Soomaaliyeed ay yihiin ciidanka isla markaana amni la'aan wax la sameyn karo ama la gaari karo aysan jirin.
"Sababta aan idin kugu yimid waa in aan idin kaga tacsiyeeyo dhibkii idin ku dhacay, aan idin sheego sababta hal bil ka badan uu qarax ugu dhicin sababta ay u yeraatay dadkii la leyn jirey sababta amni iyo kala dambeyn u bilowday in uu magaaladan ku soo laabto- waa shaqadii adinka aad qabateen," ayuu yiri RW Kheyre.
Mudane Xasan Cali khayre ayaa ciidanka ku booriyey in ay laban labaan dagaalka ay kula jiraan cadowga nabad diidka ee Alshabab isla markaana dadka shacab ah ula dhaqmaan si sharaf iyo karaamo.
"Halyeeyada dalka ayaa tihiin haddaad adinka tihiin dadka la fiirsanayay qalbigiinu waa in uu ahaado bir, shacabka marka aad la dhaqmeysaan waa in aad sharaf iyo wanaag tustaan, Al-shabaab marka aad la dhaqmeysaana bir iyo calool adeeg in aad tustaan waaye, waa in aad u dagaalantaan sidii in aad gumeysi ka xoreynaysaan dalka, Al-shabab waa cadow," ayuu hadlkiisa ku daray RW.
Ra'iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre ayaa tilmaamay in ay Al-shabaab ay yihiin cadowga ummadda Soomaaliyeed maadaama aysan kala sooceynin oo isku si u dilaan marka ay weerar ku qaadaan goobaha dadweynaha u badan yahay sida Hotelada oo kale.
storvideo: 

 Al-shabaab oo Weerar Culus Ku Qaaday Dagmada Afgooye

$
0
0

Wararka laga helayo Dagmada Afgooye ayaa ku soo waramaya in Caawa ay Weerar Xoogan Al-Shabaab ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Dowlada Soomaaliya Ay ku leeyiihin Dagmadaasi waxaan la maqlayaa Rasaasta ay is Weydaarsanayaan labada Dhican ee Dagaalku u Dhexeeyo.
Dagaal ayaa waxa uu ka Bilowday Kontaroolka Dagmada Afgooye waxaan Rasaas Dhawaaqeedu ay ku Fiday Gudaha Degmada Sida Ay Xaqiijiyeen Goobjoogayaal ku Sugan Dagmadaasi waxaana Wararku ay intaa ku sii darayaan Dagaalku u Wali ka socdo Kontaroolka iyo Xaafada ka ag-Dhow ee Dagmada Afgooye waxaan la ogeyn Qasaaraha ka Dhashay Dagaalkaasi.
Saraakiisha Dagmada Afgooye oo aan la Xariirnay ayaa Waxay ka Gaabsadeen in ay ay ka Hadlaan Weerarka Caawa Al-shabaab ay ku Qaadeen Dagmadaasi.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Barnaamijka: Dhacdooyinka Todobaadka

$
0
0

Barnaamijka Dhacdooyinka Todobaadka ayaanu ku soo qaadanaa qodobada aan isleenahay waxey ugu xiisa badnaayeen ama ugu waaweynaayeen wararkii ku baxay todobaadkaa idaacadaheenna VOAda laanta Af-Soomaaliga. Waxaana wararkaa raacinaa falanqeyn ay ka sameynayaan khubaro iyo aqoonyahannada markaa ku haboon inay wax ka yirahdaan.
Barnaamijka oo dhameystiran oo uu so jeedinayo wariyeheenna Jamaal Axmed Cusmaan halka hoose ee qoraalkan ka dhageyso:

Embed code
Copy and paste the embed code below.
The code has been copied to your clipboard.
0:08:36
0:00:00 /0:08:36
Direct link
Pop-out player
storvideo: 

Maamulka Degmada Afgooye oo ka Hadlay Dagaalkii...

$
0
0

Taliska Ciidamada Amniga Dagmada Afgooye ayaa Faah-faahin ka Bixiyey Dagaal Caawa Dhexmaray Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo Al-shabaab kaasi oo Bilowday ka dib Markii Al-shabaab ay Weerar ku qaadeen goob ay ku Sugnaayeen Ciidamada ka tirsan Kuwa Dowlada Soomaaliya.
Taliyaha Ciidamada Booliska Dagamada Afgooye Gaashaanle C/risaaq Aadaan Doodishe ayaa Sheegay in Ciidamada Dowlada ay Dagaal Culus Caawa la Galeen Rag Hubaysan oo ka tirsan Al-shabaab kuwaas oo Weerar ku soo qaaday Deegaanka Bacaacow oo qiyaastii 1-km u jiray Dagamada Afgooye ee Gabalka Shabeelaha Hoose.
Taliyaha ayaa Sheegay inaysan Jirin Wax Qasaaro ah oo soo gaaray Ciidamada Dowlada,Balse Dhanka Al-shabaab ay gaarsiinyeen Qasaaro Dhimasho iyo Dhaawac,Waxa una Xusay inay Hada ku Howlan yihiin Tira-koobka Raga ka tirsan Al-shabaab ee ku Dhintay Dagaalka Caawa ka Dhacay Dagamada Afgooye ee Gobalka Shabeelaha Hoose.
storvideo: 

Gunmen attack Kenyan Deputy President William Ruto’s...

$
0
0

Unknown number of gunmen have stormed into the home of Deputy President William Ruto in Sugoi, Uasin Gishu County.
DP Ruto is on the campaign trail and started with a rally in Kitale before heading to Kapkatet Stadium in Kericho County where he addressed the rally but did not mention the incident. He was also at Nairagie Enkare in Narok with the President for another rally.
Here is what we know so far:
- DP Ruto spent the night at the Sugoi home before leaving Saturday around 11am to accompany President Uhuru Kenyatta for a series of rallies. He attended rallies in Trans Nzoia and Kericho.
Around 1pm: Gunmen ambush GSU guards at the home and overpower one of the officers who was manning the gate.
Reports indicate DP's wife Rachel Ruto and children were not at home at the time of the attack.
2.28pm: Nation team arrive at DP Sugoi home. Police already at the scene and have surrounded the home with reports that the attackers are still inside the compound. Journalists report hearing gunshots from the compound.
2.32pm: GSU Recce squad arrive at the home and enter the compound and more gunshots are heard.
3.38pm: More gunshots heard in the compound and a police helicopter hovers over the home.
3.43: More reinforcement arrive at the home as gunshots continue to rent the air.
3.59: Hundred of residents mill around the home but police are keeping at bay, about 200 metres away from the gate.
5.36: DP William Ruto wraps up campaigns after Nairagie Enkare rally in Narok. The DP had a brief meeting with President Uhuru Kenyatta and other leaders.
8:39: Inspector General of Police Joseph Boinnet says that the officer injured by the intruder is in stable condition; and that the DP's family is safe.Source: Daily Nation
storvideo: 

DAAWO: RW kheyre oo Maanta Dhex galay Ciidamada...

$
0
0

Jul 29, 2017 -
Ra'isul wasaraha xukumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre oo ay wehliyaan xildhibaano ka tirsan barlamaanka , wasiirka xanaanadda xoolaha iyo sarakiil ka tirsan ciidanka ayaa booqasho ugu ugu tagay qaar ka mid ah ciidanka howlgalka xaslinta Cassimadda.
"Ra'iisul wasaaraha Mukeyf saaxiib lama ahan ee nolashada aad ku nooshiyiin ayuu rabaa in uu idin kula noolaado, waxa aad adinka qabtaan ayuu idin la qabaa anaga middaas ayaa ku taageereynaa," ayuu yiri Xildhibaan Cabdifirax Qaasim Maxamud oo ka mid ah xubnah dhalinyaradda ah ee ku jira golaha Shacabka.
Ra'isul waaraha xukumadda federaalka Soomaaliya ayaa xusay in rajada umadda Soomaaliyeed ay yihiin ciidanka isla markaana amni la'aan wax la sameyn karo ama la gaari karo aysan jirin.
"Sababta aan idin kugu yimid waa in aan idin kaga tacsiyeeyo dhibkii idin ku dhacay, aan idin sheego sababta hal bil ka badan uu qarax ugu dhicin sababta ay u yeraatay dadkii la leyn jirey sababta amni iyo kala dambeyn u bilowday in uu magaaladan ku soo laabto- waa shaqadii adinka aad qabateen," ayuu yiri RW Kheyre.
Xasan Cali khayre ayaa ciidanka ku booriyey in ay laban labaan dagaalka ay kula jiraan cadowga nabad diidka ee Alshabab isla markaana dadka shacab ah ula dhaqmaan si sharaf iyo karaamo.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Barnaamijka Caweyska Washington

$
0
0

Barnaamijka Caweyska Washington ee todobaadkan


DAAWO: Halyeey Soomaaliyeed oo Reer Muqdisho &...

$
0
0

Jul 29, 2017 -
Halyeey dhalin-yaro ah oo waliba naafo ah ayaa shacabka Magaalada Muqdisho u noqday tusaale dhanka Nabadda ah.
Boqolaal shacab ah ayuu tusay waxey tahay Nabadda kuwaasi oo filan waa ka qaaday ciyaar nabadeed uu soo bandhigay.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

SAWIRO: Wax badan ka Baro Sedaxda Nin ee Soomaalida...

$
0
0

Jul 29, 2017 -
Wargeyska ganacsiga bariga Afrika ka faallooda ee loo yaqaano Busiweek ayaa qoray warbixin uu kaga hadlayo sadexda nin ee ugu taajirsan Soomaalida ka dib qiimeyn uu ku sameeyey.
Warbixinta ayaa waxaa lagu sheegay ninka Soomaalida ugu taajirsan uu noqday Axmed Nuur Cali Jimcaale oo iska leh bangkiga Salaam isla markaana masuulka ka ah khadka isgaarsiinta ee dhulka Soomaalida.
Wargeyska ayaa sheegay in Axmed Nuur Jimcaale uu haysto lacag dhan 1.3 bilyan oo dollarka Maraykanka ah.
Kaalinta labaad waxaa ku jira Maxamed Siciid Ducaale oo ah Milkiilaha shirkadaha Dahabshiil Group, wuxuuna haysta lacag dhan 1.1 Bilyan oo dollar.
Kaalinta 3aad waxaa ku jira sida wargeysku qoray ganacsadaha reer Jabuuti Cabdiraxmaan Boore oo ah maalgashade, wuxuuna hanti ku leeyahay dalalka Emiratka, Ingiriiska, Singapore iyo meelo kale, hantidiisa waxaa lagu qiyaasay inta u dhexaysa 750 milyan ilaa 960 milyan oo dollarka Maraykanka ah.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

KDF jets carry out airstrike on Al shabaab base in...

$
0
0

A minister in Jubbaland state said Kenyan military jets have launched Friday night an airstrike against Al shabaab base near Garbaharey, the regional captal of Gedo region.
Mohamed Abdikalil, the state minister of security for Jubbaland has confirmed that the air raid took place at Al shabaab-held area near Garbaharey, and has killed several militants.
The residents in Kulbis, a small town located about 20Km north of Garbaharey said they heard loud explosions, presumed to the bombardment of the Kenya air force warplanes.
However, the the exact number of the casualties as result of the aerial attack was not immediately known, according to the locals, who spoke to Radio Shabelle by phone.
Al shabaab is yet to release its own statement, in regard to the KDF airstrike.
storvideo: 

Somaliland oo ka hadashay Kaniisad laga furay Hargeysa

$
0
0

Somaliland ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Kaniisad la sheegay in muddo 30 sano ah kadib laga furay magaalada Hargeysa ee xarunta maamulkaas.
Wasiirka Diinta iyo Owqaafta Somaliland Shiikh Khaliil Cabdulaahi Axmed oo maanta Warbaahintu wax ka weydiisay arrintaas ayaa sheegay in Wasaaradiisu ka soo saari doonto War rasmi ah, laakiin waxa uu ka digay in tafaasiil khaldan laga bixiyo arrintan.
"Runtii aad iyo aad baan uga xunahay wararka lagu faafiyay baraha bulshada gaar ahaan Facebook-ga oo soo xiganaya hadalo qof dumar ah oo Kirishtana oo dalka dagan, laakiin sawiro iyo warar been abuura ka turjumay, sidaas darteed Wasaarada Diinta iyo Owqaafta waxa ay go'aan satay iyada oo kaashanaysa Wasaarada arrimaha dibada in ay soo saari doonaan War-saxaafadeed ay uga hadli doonaan arritan xaqiiqadeeda" ayuu yiri Wasiirka Diinta iyo Owqaafta Somaliland.
Wasiirka Diinta iyo Owqaafta Somaliland ayaa diiday in Warbaahintu wax soo'aalo ah ka weydiiso arrintan, isagoo sheegay in dib uu ka faahfaahin doono arrintan.
Mariane Vecchione oo ah Haweeney ka mid ah ajaanibta ka shaqeeya magaalada Hargeysa ayaa shalay sheegtay in Somaaliland ay kala hadleen furitaanka Kaniisad Kaatoolig ah oo ay ku cibaadeestaan dadka Kirishtanka ah ee ku sugan Hargeysa, waxayna xaqiijisay in loo ogolaaday in ay furtaan.
PUNTLAND POST
The post Somaliland oo ka hadashay Kaniisad laga furay Hargeysa appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Qoraayaal reer Jabuuti ah oo buugaagtooda ku soo bandhigay Hargeysa

$
0
0

Qoraayaal ka tirsan Naadiga Geeddiga Buugaagta ee dalka Jabuuti ayaa ku soo bandhay carwadii buugaagta ee Hargeysa oo shalay la soo gebogabeeyay buugaag dhawr ah oo ay qoreen.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live