Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

AMISOM oo ka Hadashay Weerarkii Askarta looga Dilay

$
0
0

Wakiilka gaarka ah xogyaha gudiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Francisco Madeira ayaa ciidamada AMISOM ee shaley lagu weeraray gobolka Shabeellada Hoose ugu hambalyeeyay Geesinimadooda.
Warsaxaafadeed uu maanta Muqdisho ka saasaarey ayuu ku sheegay in ay ciidamada wadeen shaqo maalmeedkooda iyaga oo sugayey amniga dariiqa u dhaxeeyo Muqdisho iyo Baraawe oo warsaxaafadeedka lagu sheegay in ay tahay wado sahayda ciidanka la mariyo.
Francisco Madeira ayaa warsaxaafadeedkan ku sheegay in 12 askari weerarki shaley looga diley, 7 kalena looga dhaawacay, kuwaas oo hadda caafimaadkooda lala tacaalayo.
Dhanka kalena, dowlada Mareykanka ayaa iyana dhaleecaysay isla weerarkan shaley ka dhacay deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeellada Hoose.
Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska arrimaha bulshada ee howlgalka Soomaaliya ee Mareykank, ayuu Raymond Stephens ku sheegay in ay codka Mareykanka ku biirinayaan Soomaaliya iyo dowladaha dariska ee aadka uga xumaaday weerarki shaley ay Al-Shabaab ku qaadeen ciidamada AMISOM.
Waxaa uu Raymond Stephens intaas raaciyey in dowladda Mareykanka ay adkeenayso balanqaadkeeda taageerada Soomaaliya si ay u dhaqan galiyaan Nabad iyo Horumar.
storvideo: 


SAWIRO: Mas’uul sare ka tirsanaa guddiga...

$
0
0

Jul 31, 2017 -
Mas'uul sare oo guddiga doorashooyinka Kenya u qaabilsanaa maamulida hanaanka codeynta ee kombuuterada ayaa meydkiisa la helay iyadoo isbuuc uun ay ka harsan tahay doorashada guud.
Chris Musando, oo guddiga doorashooyinka ee IEBC u qaabilsanaa dhinaca farsamada tecknoolajiyada ayaa sameeyay hanaan uu ku sheegay in aan la jabsan karin.Ninkan ayaa la waayay Jimcihii aan soo dhaafnay, sida uu sheegay boolisksa.Wargeys ka soo baxa dalka Kenya ayaa ku warramay in meydka Mr Musando la helay iyadoo jirkiisu uu jirdil ka muuqdo.
Toban arrimood oo ku saabsan doorashada KenyaCNN iyo BBC oo laga sameeyay warar been abuur ah oo ku saabsan doorashada Kenya.
Doorashooyinkii u dambeysay ee Kenya ka dhacay 2013-kii, ayaa hanaankii codeynta iyo tirinta codadka ee ku shaqeynayay combuuterka uu guuldarreystay. Waxay taasi horseeday eedayma ah in doorashadii lagu shubtay.
Chris Msando ayaa isbuucyadii dhawaa lagu arkayay telefihsinada maxaliga ah isagoo sharraxaad ka bixinayo qalabka uu guddiga u istcimaali doono doorasahdan oo lagu tilmaamay mid aan loo hici karin.
Dhimashadiisa oo aan caddeyn sida ay ku timid isbuuc ka hor doorasahada ayaa su'aalo badan dhalin doonto.ISHA: BBC SOMALI
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Faahfaahin ka soo baxaysa weerar lagu qaaday...

$
0
0

Militariga dalka Uganda ayaa waxa ay sheegeen in 12 ka mid ah askartooda la dilay 7 kalana lagu dhaawacay weerar gaadmo ah oo ay kooxda Al-Shabab ku qaadeen Axaddii koonfurta Soomaaliya.
Ciidamadan ayaa waxa ay qayb ka ahaayeen kuwa nabad ilaalinta midowga Afrika oo ay si wadajir ah howlgal u wada fulinayaan ciidamada Soomaaliya.
Al-Shabab ayaa waxa ay horey u sheegeen in ay dilen 39 askari,balse tiradaasi lama xaqiijin karo.
Weerarka dhacay Axaddii shalay ahayd ayaa ku soo beegmaya xilli gaari banbaano lagu soo xiray uu ku qarxay wado mashquul badan oo ku taalla - Soomaaliya ee Muqdisho ,halkaasi oo ay ugu yaraan ku dhinteen 6 qof ayna ku dhaawacmeen ugu yaraan 10 qof.
Midowga Afrika ayaa waxa ay hore uga gaabsadeen in ay sheegaan tirada qasaaraha balse waxa bartooda twiitarka ku sheegeen "in qasaaro badan loo gaystay cadowga halka uu ciidamada midowga afrikana uu qasaaro soo gaaray.
storvideo: 

Xisbiga Waddani oo ka daalacday degmada Allaybaday...

$
0
0

Xisbiga Waddani oo ka daalacday degmada Allaybaday ee gobolka Gebilay. ( Halkan ka daawo )
Waxa Daabacay staff-reporter on Jul 31st, 2017 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.
Awdalpress - London - Shacabka degmada Alaybaday ayaa si weyn u soo dhaweeyey madaxda hoggaanka xibiga Waddani oo booqasho ku tegey degmadaasi. Wafdigan oo uu hoggaaminayey mudane Abdirahman Cirro oo ah guddoomiyaha xisbiga Waddani isla markaana ah musharraxa madaxweyne ee xisbiga. Madaxdii wafdiga ka tirsanayd oo uu ka mid ahaa hoggaamiyaha xisbiga ayaa fagaare weyn kala hadlay shacabkaasi sida miisaanka leh u soo dhaweeyey wafdiga Waddani.
[embedded content]
[embedded content]
[embedded content]
Awdalpress
This post has been viewed 90 times.
storvideo: 

Daawo Sawirada: Villa Somalia oo War kasoo saartay...

$
0
0

Jul 31, 2017 -
Madaxwayanaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan kula qaatay Xarunta Madaxtooyada saraakiisha ciidamada qalabka sida ee dalka.
Kulankan waxaa looga hadlay qorshayaasha guud ee la xiriira tayeynta iyo tababarradda ciidamada, dagaalka lagula jiro argagixisada, xoojinta wada shaqaynta ciidamada iyo hanashada ammaanka guud ee dalka kahor inta uusan soo idlaan howlgalka ciidamada Midowga Africa ee Soomaaliya (AMISOM).
Madaxwaynaha ayaa ku amray saraakiisha ciidamada in ay soo dhisaan guddi ka shaqeeya diyaarinta qorshe midaysan oo ku aaddan xoojinta wada shaqaynta laamaha kala duwan ee ciidamada.
Madaxwayne Farmaajo ayaa u xaqiijiyey sarakiisha ciidamada in ay dowladdu qaadayso tallaabo kasta oo lagu xaqiijinayo tayeynta iyo xoojinta ciidamada.taliye kuxigeen ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeya Guuto Bashiir Cabdi Maxamed oo Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ay dhiseen guddi ka kooban 8 xubnood oo ka kala tirsan saraakiisha ciidamada xoogga dalka, Booliska, Nabad sugidda, iyo Asluubta.
Guddigaan la magacaabay ayaa Madaxwaynaha muddo kooban kadib usoo gudbindoona qorshe midaysan oo ay leeyihiin ciidamada qalabka sida ee Dalka.
DHAMMAADXafiiska Warfaafinta MadaxtooyadaJamhuuriyadda Federaalka SoomaaliyaE-mail: media@presidency.gov.sowww.villasomalia.gov.soFlicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/Twitter: @TheVillaSomalia-
Nagala soo xiriir
storvideo: 

SOMALIA: U.S. embassy condemns attack on AMISOM...

$
0
0

African Union Mission in Somalia (AMISOM) soldiers in Somalia.
MOGADISHU (RBC Radio) United States mission to Somalia today condemned the attack on African Union Mission in Somalia (AMISOM) soldiers in Lower Shabelle region by Al-Shabab militants.
At least 20 Ugandan soldiers killed after Al-Shabab ambushed their convoy near Golweyn town in Lower Shabelle region on Sunday.
"The United States vehemently condemns the July 30 attack on UPDF soldiers near Goleweyn, Lower Shabelle and joins the expressions of outrage in Somalia and throughout the region against this atrocious act. " said a statement from the U.S Mission.
Al-Shabab claimed the responsibility of the attack which targeted the Ugandan convoy transporting food supply.
The U.S mission to Somalia, which is part of the international funding the peacekeeping mission reaffirmed its commitment to AMISOM.
"This attack was an assault not only on AMISOM forces but on the people whom they are working to protect." the U.S Embassy said "The United States reaffirms our commitment to support the efforts of AMISOM, which is working with the Federal Government of Somalia, to build a secure, peaceful, and prosperous country."

storvideo: 

Deg Deg Dhageyso: Aroos lagu Qarxiyay Magaalada...

$
0
0

Jul 31, 2017 -
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay Qarax baabuur oo Goordhaw ka dhacay Magaalada Muqdisho waxaana Qaraxa lagu soo xeray gaari nooca raaxada ah oo loo diyaariyay in lagu galbiyo Aroos.
Wariye tagay goobta Qaraxa uu ka dhacay ayaa soo sheegay in uu indhahiisa ku arkay gaari si qurux badan ubax loogu sharaxay oo la qarxiyay waxaana halkaasi ku dhaawacmay Ninkii baabuurka watay oo rabay xiligaasi in uu guriga ka doono arooska sidoo kale waxaa ku dhaawacmay cunug yar oo dugsi ka yimid gacantana ka go'ay iyo haweeney halka uu qaraxa ka dhacay ka agdhaweyd.
Ninkii waday baabuurka oo dhaawac ah ayaa goobta laga qaaday waxaana Qaraxa uu ka dhacay Degmada Waabari gaar ahaan meel aan ka fogeyn isgoyska debka ee magaalada Muqdisho.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

KENYA: Police warn against Al-Shabab attacks in Kenya

$
0
0

NAIROBI (RBC Radio) Kenyan police warned possible terror attacks in Kenya during the next week's general elections.
A report released by the anti-terrorism police unit of Kenya revealed that Seven counties bordering Somalia are likely to face attacks from the Al-shabaab Militia during the electioneering period.
Kenyan security agencies have been urged to be on alert following intelligent information that the terror group is likely to use the opportunity.
The towns identified to be prone to terror attacks, according to information from security agencies, include Mandera, Garissa, Wajir, Tana River, Kilifi, Mombasa and Lamu.
Kenya will be voting next week for general election as the current president Uhuru Kenyatta among eight candidates vying for the top position.

storvideo: 


Xog:MD Farmaajo oo ka walaacsan xilalka laba masuul...

$
0
0

Jul 31, 2017 -
Madaxweynaha dalka soomaaliya ayaa walaac xoogan ka qaba xilalka laba kamid ah masuuliyiinta sida weyn ugu dhow waxaana kamid ah taliyaha ciidamada nabad sugida qaranka soomaaliya iyo waliba wasiirka dastuurka qaranka.
Madaxweynaha ayaa saacadihii ugu danbeyse ka walaacsanaa arintaasi kadib markii cadaadis xoogan xildhibaanada barlamaanka soomaaliya la kulmayeen labadaan masuul.
Barlamaanka soomaaliya ayaa maalinimadii shalay cod geliyay wasiir Xoosh inkastoo gudi joogtada loo saaray arintaasi.
Lama ogo xaalada kudanbeyn donaan xilalka wasiir Xoosh iyo waliba taliyaha nabad sugida qaranka inkastoo xildhibaano qaar ka heystaa kalsooni.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Akhriso: RW kheyre Muxuu ka yiri Weerarka Askarta...

$
0
0

Jul 31, 2017 -
Ra'iisul Wasaaraha dalka Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka tacsiyeeyey askartii ku geeriyootay dagaalkii ka dhacay deegaanka Golweyn.
Ciidankaas oo isugu jira kuwa AMISOM iyo ciidanka XDS oo difaacaya shacabka Soomaaliyeed.
Ra'iisul Wasaare Khayre ayaa yiri "Ciidanka AMISOM waxey ka yimaadeen dalalkooda si ay shacabka Soomaaliyeed uga difaacaan kooxaha argagaxisada ah oo caadeystay inay shacabka laayaan, isla markaasna doonaya in ay hor istaagaan horumarka ay dawladda iyo shacabku ku tallaabsadeen.
Ciidanka AMISOM waxey diyaar u yihiin inay dhiiggooda u huraan wallaalahooda Soomaaliyeed, waana uga mahadcelineynaa sida geesinimada leh oo ay ugu soo gurmadeen dalkan."
Ra'iisul Wasaaraha ayaa dalalka Afrika ee ciidamadooda u soo direy Soomaaliya uga tacsiyeeyey, geerida ku timid, isagoo sheegay in huridda dhiigooda uu yahay mid shacabka Soomaaliyeed ay uga mahadcelinayaan. Ciidamada AMISOM waxey wadanka u joogaan in dalku uu noqdo mid amni ah, iyadoo aan ognahay cidda diidan nabadda inay tahay kooxaha argagaxisada ah oo shacabka ka hortaagan inay nabad ku noolaadaan.
DHAMMAAD
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Faahfaahin Qarax ka dhacay Kismaayo

$
0
0

Warar goor dhow inaga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in qarax loo adeegsaday gaari laga walxaha qarxa uu ka dhacay meel maqaayada ah oo dadku ay ku qaxweeyaan. Sida uu ku soo waramayo wariyeheena magaalada Kismaayo qasaare ayaa jira oo qaraxa ka dhashey balse ilaa iyo haatan si rasmi ah looma xaqiijin karo. Goobta qarax uu ka dhacay ayaa ah goob ay inta badan isugu yimaadaan bulshada magaalada Kismaayo. Ciidama ammaanka iyo mas'uuliyiin katirsan Jubbaland ayaa halka qaraxa uu ka dhacay gaaray. Wixii faahfaahin ah halkaan kala soco
storvideo: 

Faah faahin ka soo baxaysa qarixii ka dhacay...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter
Muqdisho(SONNA) Qaraxan oo ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa ka dhashey qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac kadib markii gaari nuuca raaxada ah oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa uu ku qarxay goob lagu qaxweeyo oo kutaala magaaladasi.
Wariyaha warbaahinta qaranka Aadan Max'ed Salaad ayaa SONNA u sheegay in ilaa 17 dhaawac ah inta la xaqiijiyay la dhigay isbitalka magaalada Kismaayo, waxaa sidoo kale jira qasaare dhimasho ah wallow aan la ogeyn tirada rasmiga ah.
Dhinaca kale Afhayeenka wasaaradda Amniga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wakaalada wararka SONNA u sheegey in hay'adaha amaanka ay ka war heleen in gaarigaasi laga soo buuxiyay walxaha qarxa balse kooxaha nabad diidka ee Alshabaab ay qarxiyeen markii la ogaaday kadib.
Goobta qarax uu ka dhacay ayaa ah goob ay inta badan isugu yimaadaan bulshada magaalada Kismaayo waxaana xiligaasi ku sugnaa dad badan oo shacab ah.Faah faahinta goor dhow kala soco SONNA.SO
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleWar Deg Deg ah: Qarax gaari loo adeegsaday oo goor dhow ka dhacay magaalada Kismaayo

storvideo: 

Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Meel u Dhow...

$
0
0

War Deg Deg ah oo hadda naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee xarunta Maamulka Jubbaland ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi goordhow uu ka dhacay Qarax ismiidaamin ah.
Qaraxaan ayaa loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa waxaana la la beegsaday meel aan sidaasi uga fogeeyn madaxtooyada Jubbaland ee Kismaayo.
Qaraxa ayaa ka dhacay maqaaxi dad badan ay fadhiyeen sida ay ku waramayaan goobjoogaal ku sugan magaalada Kismaayo oo aan la xariirnay.
Qasaaraha ka dhashay qaraxaasi ayaan ilaa iyo iminka si rasmi ah loo ogeeyn maadama qaraxa uu dhacay Goordhow oo maqribkaan ah hayeeshee waxaa jira qasaarooyin isugu jira Dhismasho iyo dhaawac.Faah Faahinta Qaraxaan dib ugala Soco PUNTLAND POST Insha allah.Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post
The post Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Meel u Dhow Madaxtooyada Jubbaland Ee Kismaayo appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Wafti ka Socda Somalia oo Wada-hadal u Jooga India

$
0
0

Dalka India waxaa booqasho shan maalmood ah ku jooga wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo uu hogaanimayo wasiirka arrimaha dibadda Yuusuf Garaad Cumar.

Wafti ka Socda Somalia oo Wada-hadal u Jooga India

$
0
0

Dalka India waxaa booqasho shan maalmood ah ku jooga wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo uu hogaanimayo wasiirka arrimaha dibadda Yuusuf Garaad Cumar.
Kulammo ay wafdiga la yeesheen madaxda India oo ay ka mid tahay wasiirka arrimaha dibadda ee India Sushma Swaraj ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin ammaanka badda, burcad badeedda iyo sii deynta maxaabiis Soomaali ah oo boqol ka badan oo xabsiyada dalkaasi ku xiran.
Wariyeheenna Maxamed Colaad Xassan ayaa arrintan ka wareystay Danjiraha Soomaaliya ee New Delhi, Ebyan Maxamed Saalax (Ebyan Ladane).

Embed code
Copy and paste the embed code below.
The code has been copied to your clipboard.
0:05:04
0:00:00 /0:05:04
Direct link
Pop-out player
storvideo: 


ARAG: Xafiiska Madaxweynaha, Ra’isul Wasaaraha &...

$
0
0

Miisaaniyadda dowladda Federaalka Soomaaliya ee sanadka 2017 ayaa lacagta ugu badan ay ku baxeyso arrimaha maamulka iyo xafiisyada
Lacagaha ugu badan ee miisaaniyadda ayaa ku baxaya labada aqal ee Baarlamaanka iyo xafiisyadooda oo loo qoondeeyay lacag ku dhow 15.6 Milyan oo doolar (Toban iyo Shan Malyan iyo lix boqol kun oo doolar), halka xafiisyada Madaxtooyada iyo Ra'iisal wasaaraha ay ku baxeyso midkiiba lacag 2.8 Milyan oo Doolar (Laba milyan iyo sideen boqol kun oo doolar.
Marka la isku daro saddexdan Hay'adood waxaa ku baxeysa lacag ka badan 21 Milyan oo Doolar. Dhinaca kale Shan wasaaradood oo ay ka mid yihiin kuwa adeegga bixiya ee Caafimaadka iyo Waxbarashada ayaa marka la isku daro miisaaniyadooda aysan gaarsiisneyn 7.5 Milyan Doolar (Toddoba Milyan iyo Bar Doolar).
storvideo: 

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hir-shabeele oo...

$
0
0

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hir-shabeele mudane Cali Cabdulaahi Cosoble ayaa wareegto uu maanta soo saaray ku magacaabay saddex degmo oo ka mid noqonaya degmooyinka Gobolka Hiiraan ee Bartamaha Soomaaliya. Wareegtadaan ayaa lagu shaaciyay Munaasabad kooban oo uu ka qeyb galay Cali Cabdulaahi Cosoble madaxweynaha Hir-shabeele taasoo ka dhacday magaalada Baladweyn ee Gobolka Hiiraan. Munaasabadda lagu magacaabay degmooyinkaan ayaa waxaa Goob-joog ka ahaa Xubno ka tirsan maamulka Hir-shabeele,kan Gobolka hiiraan,qeybhaha bulshada, Saraalkiil ka socotay UN-ka. Degmooyinka la magacaabay ayaa kala ah Halgan, Ceel-cali iyo Far-libaax seddexdaan degmo ee maanta uu magacaabay Cali Cabdulaahi Cosoble ayaa ka dhigaya degmooyinka Gobolka Hiiraan Siddeed degmo. Gobolka Hiiraan ayaa hore uga koobnaa shan degmo oo kala ahaa Baledweyne, Buula-barde,Maxaas,Jalalaqsi iyo degmada matabaan. halkaan hoose ka dhageyso Wareegtada Cali Cabdulaahi Cosoble: http://www.radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2017/08/codadka-mustaf.mp3
storvideo: 

WAR DEG DEG AH: Qarax Ismiidaamin ah oo goordhow...

$
0
0

Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in qof is miidaamiyay uu isku qarxiyay Baar dhexdiis.
Ninkan ayaa la sheegay inuu qof shacab ah iska soo dhigay, kadibna uu Maqaayada soo dhexgalay, iskuna qarxiyay.
Wararkii ugu horeeyay ee qaraxa ayaa sheegaya inuu dhaliyay dhimasho iyo dhaawac, iyadoo ciidamada ammaanka ay xireen goobta uu qaraxu ka dhacay.
Goobta qaraxu ka dhacay ayaa u dhow Xarunta Madaxtooyada Maamulka Jubbaland ee magaalada Kismaayo.
LA SOCO FAAHFAAHINTA..
storvideo: 

XOG CUSUB: Dagaalka Marka oo waji kale yeeshay,...

$
0
0

Aug 1, 2017 -
Magaalada Marka waxaa maanta ka soconaya Dagaal xoogan oo u dhaxeeya Beelaha Habar Gidir iyo Biimaal, waxaase soo baxaya warar cusub oo sheegaya in dagaalka uu yahay mid si weyn loo qorsheeyay.
Xog gaara oo ay heshay Badweyn.com ayaa sheegeysa in Ururka Al-shabaab iyagoo ku gabanaya Beesha Biimaal ay ku jiraan dagaalka, waxaana la sheegayaa in Beesha Biimaal ay dooneyso sidii ay isaga celin laheyd Habar Gidir isla markaana ay soo dhaweysaneyso cid kasta oo taageereysa.
Hub badan iyo ciidamo ayay dagaalyahanada Al-shabaab ku biiriyeen dagaalka waxayna la safan yihiin Biimaal, iyagoo la dagaalamaya ciidamada Beesha Habar Gidir.
Sidoo kale xogaha Badweyn.com ay heleyso ayaa waxay sheegayaan in Habar Gidir aysan jirin ciidamo gaara oo dagaalka ugu jira balse ay yihiin ciidamadii dowlada ugu jiray oo qaarkood xitaa shalay laga daabulay magaalada Muqdisho.
Dadka goobjoogayaal ayaa inoo sheegaya in ciidamada labada dhinacba ay u badan yihiin kuwa xiran dharka lagu yaqaano ciidamada dowlada taasoo ah xeelad Al-shabaab ay kula dagaalamayaan ciidamada dowlada ee hab beeleedka ugu dagaalamaya Beesha Habar Gidir, waxana si aan arintaan loo fahmin dagaalyahanada Al-shabaab ay soo xirteen dharka ciidamada Militariga Soomaaliya.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Isku Shaandheyn La Sameyn Rabo+Thabit Cabdi oo...

$
0
0

Aug 1, 2017 -
Waxaa bixi doona Mas'uuliyiin badan oo hadda xilka haya Dawlada Soomaaliya taasi oo la sheegay in ay saameyn ku yeelan doonto Isbadel dhacaya.
Madaxweyne Farmaajo ayaa fulin doona Ballan qaad uu sameeyey Xilligii ololaha Doorashada uu ku jiray iyo kadib Xilka markii uu helay.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Thabit Cabdi Maxamed Ayaa Saameyn ku yeelan doona isku shaandheyntaasi oo xilka ka tegi doona.
Ninkaan Thabit ah ayaa waxa isku shaandheyn la sameyn doono Xilkaasi ku weyn kara sida ilo muhiim ah ay xaqiijiyeen taasi oo laga yaabo Shakhsi Caan ah in lagu Badelo.
Badweyn.com ayaa sii ogaatay in Salaad Cali Jeelle uu Noqon doono Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho taasi oo fursad fiican heli kara.
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ay isku Beel kasoo wada jeedaan Salaad Cali Jeelle ayaa labaduba Siyaasad ahaan kala jeeday ka hor inta uusan Mar kale murashaxnimadiisa soo banaan bixin.
Waxay taasi dhaxal siisey in La heshiisiiyo salaad iyo Shariif islamarkaana Farmaajo lala kulan siiyey Salaad Cali Jeelle oo Xilka Duqa Muqdisho loo sii ballan qaaday Bilo kadib inuu heli doono.
Xogtaan oo aan si hoose uhelnay waxay sidoo kale muujineysaa in dad kale oo xilal haya Dawlada Soomaaaliya daaqada ka bixi doonaan walaw aan lasii hordhici karin.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live