Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Booqashadii Dalka Sweden gaar ahaan Casimada Stockholm ee Wariye Xamse Axmed Salaan

0
0

Sweden waa dal aad u balaadhan oo  dadkeeda lagu qiyaaso 9 Million oo qof, waa dal ka mid ah dalalka ugu barwaaqada badan, waa dal dadka iyo dalku kala badan yihiin oo Sweden ay tahay dalalka yurub ugu weyn tasoo ku tusaysa sida dalku uu u banaan yahay una balaadhan yahay.

Sweden waxa ay caan ku tahay Xadiidka oo ay sameyso waxa kale oo ay sameysaa baabuurta,Volva,Saab iyo Scannio,oo ah baabuur aad u tayo wacan, waxa kale oo Sweden ay tahay dalalka aduunka ugu dhirta badan oo aad yaabayso dirta badnaanteeda iyo quruxdeeda, waxa kale oo ay  Sweden tahay dalka sameeyey tellefoonka aadka aduunka looga yaqaano ee  la yidhahdo Ericsson.

Mar aan soo indho – indheeyey xaafada Somalidu ku badan tahay , waxa  aan kusoo arkay dad fara badan oo wada sheekysanayo iyagoo aan wax ka  weydiiyey meeshan ay joogaan iyo nolosha sida ay ula qabsadeen waxa ay  ii sheegeen inay tahay dal aad u qabow lakiin xaga nolosha ay tahay  dal aad u raaxo badan oo aan dhibaato badan ku qabin, waxa kale oo ay  ii shegeen inay ay shaqadu aad ugu yartahay tasoo ay ku macnayeen in  qofku uu afka si wanagsan ugu hadlo lakiin hadii aanad afka aqoon ay  kugu adkaanayso inaad shaqo wacan hesho.

Waxa dalka dhawaan kusoo badanaayey sida la ii sheegay dad cusub oo  dalkii ka yimid kana soo tahriibay meelo ku dhaw dhaw Dalkan Sweden, waxa wararkaa kala duwan aan ka wareystay sheekh Khadar Axmed Gulled oo ah nin haga Diinta aad uga yaqaana Dalkan Swedena ku haysta  malcaamad Quraan iyo meelo caruurta wax lagu baro, waxaanu sheeku aad iiga waramay xaalada guud ee dalkan aadna waan ugu mahad naqayaaa.

Xamse Axmed Salaan
Stockhom,Sweden
hamse100@gmail.com 

Safarkii Bali-gubadle: siyaasad la’aan iyo saalax-wetayn! By- Axmed-Keyse Cali Rooble

0
0

Safarkii kediska ahaa ee madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Axmed Maxamed Maxamuud uu ku tagey degmadda Bali-gubadle ayaa yimid wax yar kadib war-saxaafadeedkiisii wadhida reebay.
 
Su’aalihii aan iska weydiiney ujeedada safarka madaxweynaha waxaa si waafiya inoogu faahfaahiyey wasiirka arimaha gudaha, mudane Maxamed Nuur Caraale (DUUR). Wasiir Duur wuxuu ku sheegay ujeedada safarka madaxweynahu in uu yahay fariin cad oo uu cid u dirayo; madaxweynuhuna in uu yahay nin aan lagu xaman karin in uu dadka geynayo Xamar.
 
Kama hadlayo arinta tegista Xamar iyo is xajiimeynta ka dhex aloonsan dadka xilka ummadda lagu aaminay; dawlad iyo mucaaradba. Waxaanse ka hadlayaa siyaasad la’aanta, samir yarida iyo saalax-weetaynta ka muuqata xukuumadda, kuwaas oo safarkani inoo sawiray.
 
1.      Siyaasad la’aan: safarka Bali-gubadle iyo taallada laga soo dhisay kama jawaabayaan siyaasadda xukuumaddu ka leedahay arimaha dibadda, waxayse muujinayaan siyaasad la’aanta haysa.
 
2.      Samir yarida: waxa kale oo safarkani inoo sheegayaa samir yarida xukuumadda; sida aanay u sugneyn iyo sida ay ugu nugushahay nabaradda ay taabanayaan mucaaridku.
3.      Saalax-weetayn: dadka bacadka lasoo tubay ee siigadda baabuurtu qarisay, wixii sacab la tumay iyo wixii madaxweynuhu u socday ma ahayn kuwo isu dhigma.
Si kasta oo xaalyahay waxaa haboon in aan xusiisino madaxweynaha iyo xukumaddiisaba in dadku u doortay in ay ka jawaabaan danahooda iyo duruufaha haysta ee aan loo diran in loo jawaabo mucaarid. Waxa kale oo haboon in aan dadka loogu tegin safaro madhan iyo mikirifoon layska caayo. Dadku waxay ka sugayeen madaxweynahooda iyo xukuumadoodaba wax niyadda iyo naftaba wax tara.  
 
Axmed-Keyse Cali Rooble
Ahmed.roble@gmail.com
——————————————-
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.

SAWIRKA MAANTA. Maxay Hargeysi U Hagaajin Weyday Faras Magaalaheeda!?

0
0

Sawirka maanta ee shabakada caalamiga ah ee Oodweynenews waa sawir muujinaya magaalada caasimada ah ee Hargeysa oo Roob hayo, Hadaba sawirkan ayaa waxaa ka muuqda goobo aan billicdoodu fiicnayn  oo ku yaalla badhtamaha magaalada caasimada ah iyadoo Su,aallaha kasoo baxayaa ay yihiin Hargeysa maxay u hagaajisan weyday billicdeeda maadaama ay tahay caasimadii dalka iyadoo sawirkani yahay Faras magaalaha ama badhtamaha magaalada, Su,aashaa & sidii wax looga bedelli lahaa muuqaalka badhtamaha magaalada idinka ayaan idiin dhaafnay, DAAWASHO WACAN,

SAWIRKA MAANTA EE SHABAKADA CAALAMIGA AH EE OODWEYNENEWS

Afhayeenka Xukuumadda Puntland Oo Shaaca ka Qaaday In Ciidamo ka Tirsan Amisom La Keenayo Puntland

0
0

Garowe (RBC) Afhayeenka maamulka Puntland Axmed Libaax Joore oo saxaafadda gudaha u waramay ayaa shaaca ka qaaday arin beryahan soo baxaysay oo la xiriirta in maamulka C/raxmaan Faroole uu codsaday in 2,000 askari oo ka socda hawlgalka Amisom la keeno deegaanada Puntland ka dib markii dawladda Puntland wax ka qaban weysay xaalada amni.
Waxaa tan iyo Khamiistii ina dhaaftay magaalada Garowe ku sugan wafdi saraakiil ciidan ah oo gaaraya 10 xubnood kuwaa oo isugu jira saraakiil Uganda iyo Burundi ah iyo saraakiil ka socota DKMG Soomaaliya. Wafdigaasi oo si qarsoodi ah ku yimid Garowe ayaa waxay wadahadalo aan la ogeyn waxa ka soo baxay waxay la yeesheen madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole iyo saraakiisha amniga.
Afhayeenka Puntland oo markii ugu horeysay saxaafadda gudaha u waramay ayaa xaqiijiyey in ujeedada socdaalka wafdiga Amisom ee jooga Garowe ay tahay in ay indhadheeyaan xaalada amniga Puntland ka dibna ay u googol xaaraan ciidamo gaaraya 2,000 askari oo ka socda Uganda iyo Burundi oo la keenayo deegaanada Puntland. Inkastoo afhayeenka uusan sheegin in meel gaar ah la geynayo iyo inay amaanka madaxtooyada Garowe sugi doonaan.
Afhayeen Joore wuxuu kaloo warbaahinta u sheegay in sidoo kale socdaalka saraakiisha uu ku jiro in Puntland loo qaado askar loogu soo tababari doono Uganda kuwaa oo ah deeqaha DKMG ka hesho dibadda ee ay qeyb ahaan u siisay Puntland.
Maalintii shalay ayaa saraakiisha Uganda iyo Burundi ee ku sugan Garowe, waxaa iyagoo amnigooda aad loo adkeeyey booqasho ku tageen xeryada ciidamada Puntland ee 54-aad iyo saldhigyada ciidamada booliska oo ay indhadheyn ku mareen.
Hadalka afhayeenka Puntland ayaa soo baxay iyadoo madaxtooyada Puntland dhowaan ka codsatay Amisom in ciidamo ay u keento si ay amniga ugu sugaan ka dib markii dawlada Puntland ay wax ka qaban weysay amni xumada daashatay magaalooyinka taasoo Amisom weli wax jawaab ah ka bixin.
RBC Radio

Dagaal U Dhexeeyo Maaleeshiyo Oo Dib Uga Soo Cusboonaaday Deegaanka Rako Ee Gobolka Karkaar

0
0

Karkaar (RBC):- Ugu yaraan toddobo qof ayaa ku dhintay sagaalkana waa ay ku dhaawacmeen ka dagaalo dib uga qarxay  tuulooyinka Xumbays iyo Uurjire oo hoos taga deeganka Rako.
Dagaalka ayaa waxa uu dhaxeeya labo meeleeshiyo beeleedyo oo isla dagan  Rako kuwaas oo isku heesta dhul daaqsiimeed iyo ceel biyood.
Gudoomiyaha degmada Rako ee gobolka Karkaar Faarax Maxamuud oo ku sugan meel ku dhow halka lagu dagaalamay ayaa waxa uu sheegay in markasta la fili karo dagaalada maadama labada dhinac ay is hor fadhiyaan.
Waxa uu sheegay  Guddoomiye Faarax Maxamuud  in dadkii dhaawacmay la geeyay isbitaalada ku yaala gobalka Karkaar.
Labada dhinac ayaa todobaadkii hore dagaalo qasaare geestay uu ku dhexmaray isla tuulada Rako ee gobalka Karkaar.
Dagaalada ku saleesan dhul daaqsimeedka iyo Ceel biyoodyada inta badan caan ka yihiin deeganada ay dagaan Soomaalida.
Illa hadda xukuumda Puntland kama hadlin dagaalkan oo ah kii labaad ee
ka dhaca deegaankasi mudo labo toddobaad gudahood ah.
RBC. Radio

Madaxweyne Shariif oo iclaamiyay in goor dhow dib bilaaban doono howl galadii

0
0

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa shaaca ka qaaday in goor dhow dib u bilaaban doono howl galada lagu doonayay in Al-Shabaab lagaga saaro Magaalada Muqdisho, iyo sidii Gobolada kale loogu gudbi lahaa. Hadalkan ayuu Madaxweynaha ka sheegay kulan shalay uu Kulyadii Jaalle Siyaad kula qaatay Saraakiisha Ciidamada AMISOM iyo kuwa Xooga dalka, waxaana Madaxweynuhu [...]

DKMG oo xaalka ku cusleysay Ganacsatada Bakaaraha kana dhigtay Labo daran mid dooro

0
0

Iyadoo maalinimadii shalay Wasiiro ka tirsan Xukuumada iyo Saraakiil ciidan ay kormeer ku tageen suuqa Bakaaraha, kaasoo qorshihiisa ahaa dhameystirka qorshaha sugida ammaanka iyo sidii dib loogu furi lahaa suuqaas ayaa waxay ugu baaqeen Ganacsatada inay furaan goobahooda ganacsiga. Wasiir kuxigeenka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka C/xakiin Cige Guuleed ayaa sheegay in Dowladda ay xil [...]

Qaar ka mid ah Shirkadihii Isgaarsiinta iyo Xawaaladaha oo dib u shaqo bilaabay

0
0

Kadib muddo 24-saac oo Al-Shabaab ay xanibeen qaar ka mid ah Shirkadaha Isgaarsiinta iyo Xawaaladaha Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa saaka dib u bilowday howlaha ay u hayeen shirkadaas bulshada. Sida ay sheegayaan wararka Shirkadaha Isgaarsiinta Nationlink, Telecom iyo Shirkada Xawaalada Dahabshiil oo shalay Shabaab albaabada isugu dhifteen ayaa saaka si caadi u shaqeynaya. [...]

Juventus Oo Cashar Siisay Ac Milan & Kooxda Napoli Oo Ku Bar Baratay Inter. (Falanqeynta Hor. Talyaaniga & Spain).

0
0

Kooxda Juventus oo sanadihii dambe laga jajabiyay hanaan ciyaareedkeedii lagu yiqiinay waayo waayo ka dib markii ay la kulantay ganaax culus ayaa xalay mar kale dib isku bartay kooxda iminka horyaalnimada haysata ee Ac Milan oo sanadahan dambe ugu jirto.
Ciyaartii xalay dhex martay labadan kooxood oo aheyd ciyaar isha lagu wada hayay ayaa waxaa 2-0 ku adkaatay kooxda Juventus. waxaana 2-da gool Juve u dhaliyay laacibkooda Marchisio.
Dhanka kale, kooxda Napoli ayaa masaxday buun buunintii iyo amaantii baryahanba la huwinayay tababaraha cusub Ranieri ee kooxda Inter Milan ka dib markii Inter lagu ceebeystay garoonkeeda San Serio 3-0.
Tababaraha Inter oo guul darradaasi aad uga naxay ayaa ilaa iyo haatan ku cel celinaya in la baaro qaladaadka garsooraha ciyaartaasi seeriga u hayay. Wuxuuna tababare Ranieri aaminsan yahay inuu garsoorahaasi sabab u yahay guul darrada soo gaartay.
Kooxaha Fiorentina iyo Lazio ayaa 2-1 ku kala baxay. Waxaana guusha ciyaartaasi hanatay kooxda martida aheyd ee SS Lazio. Kooxda AS Roma ayaa 3-1 ku dubatay kooxda Atlanta.
Navara VS Cataina 3-3
Cesena VS Chievo 0-0
Lecce VS Cagliari 0-2
Palermo VS Siena 2-0
Parma VS Genoa 3-1
Undinese VS Bologna 2-0

Dhinaca Kale, Horyaalka Dalkaasi Spain oo xalay iyo habeen hore la ciyaaray ayaa waxay kooxaha isku arkeen sidatan:
Kooxda Real Madrid waxay 4-0 ku dhifteen kooxda Espanyol.  Halka kooxda Barcelona ay 1-0 ku sagootisay kooxda Sporting Gijon.
C/raxmaan ” Helos “
 
Tottenham Oo Kooxda Arsenal Ka Naxsatay & Chelsea Oo Ku Tumatay Bolton. ( Falanqeynta Hor. Ingiriiska ).

0
0

Kooxda Tottenham oo ka mid ah kooxaha ugu adag horyaalka dalkaasi Ingiriiska ayaa 2-1 ku dhar baaxday kooxda Arsenal. Ciyaartan oo aheyd ciyaar aad u adag ayaa daqiiqadii 40-aad waxaa gool looga naxsaday kooxda Arsenal iyadoo uu ka dhaliyay weeraryahanka Van der Vaart. Hadaba, markii qeybtii dambe ee ciyaarta la isugu soo noqday ayaa Arsenal waxaa u suurta gashay inay la yimaadaan goolkii bar bar dhaca, waxaana u dhaliyay laacibkooda khadka dhexe Ramsay. Balse, daqiiqadii 73-aad ayaa waxaa laad xor ah kooxda Arsenal ku aamusiyay laacibka baalka duwaha uga ciyaara kooxda Tottenham ee lagu magacaabo Walker. Ciyaartiina waxay ku dhamaatay 2-1 oo ay ku badiyeen kooxda Tottenham.

Kooxda Chelsea oo boorka iska jaftay ayaa ku badisay goolashii ugu badnaa inta uu horyaalka socdo, waxayna 5-1 uga farxasheen kooxda iminka ugu hooseeysa horyaalka ee la yiraahdo Bolton Wonders. Waxaana goolasha 3 ka mid ah u saxiixay laacibka khadka dhexe Frank Lampard kaasoo waayahan ku sigtay inuu kursiga keydka ka soo madax muuqdo. Balse haatan u muuqda inuu boorka isaga jafay goolashaan.
 
Kooxda Manchester United oo weli ku dhegan hogaaminta horyaalka ayaa 2-0 isaga fujisay kooxda Norwich City kuwaasoo kala hor yimid ciyaar adag oo aysan fileynin. Waxaana Man United goolasha u kala dhaliyay Anderson iyo Well Beck.
 
Kooxda Manchester City oo iyana xilli ciyaareedkan aad u kacsan ayaa 4-0 ugu qubeysay kooxda Blackburn Rovers si ay weli hogaanka ula wadaagto dhigeeda Man United. Waxayna wada leeyihiin min 19 dhibcood.
 
Kooxda Liverpool ayaa guul fudud ka heshay kooxda Everton oo ay si gaar ah isu neceb yihiin. Liverpool oo 2-0 uga adkaatay Everton ayaa waxaa goolasha u kala dhaliyay Carroll iyo Suarez.
 
Natiijooyinka kooxaha kale:
 
Fulham VS QPR 6-0
Swansea VS Stoke City 2-0
Aston Villa VS Wigan 2-0
Walves  VS Newcastle 1-2
Sunderland VS West Bromwich 1-1
 
C/raxmaaaaan ” Helos “
 
Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo ka warbixiyey safar ay saraakiil AMISOM iyo dowladda KMG ku joogaan Garowe

0
0

Taliyaha guud ee ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini oo haatan ku sugan magaalada Garoowe ee caasimada Puntland ayaa ka warbixiyay safarka ay saraakiil ka tirsan Talisyada Amisom iyo dowladda KMG Soomaaliya ku joogaan Puntland.
 
Waxa uu taliyaha xooga dalka Soomaaliyeed uu sheegey in Puntland si diiran loogu soo dhaweeyay, isla markaana ay kala kulmaan amni iyo hay’adihii maamulka oo shaqenaya.
 
“Puntland waa deegaan xasiloon, waxayna ka mid tahay degaannada ay ka taliso dowladda KMG Soomaaliya, waxaana ku aragnay maamul dhamaystiran oo sida dowlad u shaqeynaya” ayuu yiri Jen. Diino oo intaas ku daray in Puntland ujeeddad ay u tageen ay tahay sidii ay u eegi lahaayeen howlaha hormarineed ee Puntland gaar ahaan dhanka ciidamada.
 
“Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan aragnay Xeryihii ciidamada Soomaaliya oo u dhisan sidoodii iyagoon la bililiqeysan, waxaana oran karaa Puntland waa meesha kaliya ee aan ku aragnay xeryo ciidan oo sidoodii ah, qalabkoodiina uu u dhamaystiran yahay marka loo eego gobolada kale ee dalka Soomaaliya” ayuu yiri Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed S/Gaas C/qaadir Sheekh Cali.
 
Waxa kale oo uu ka warbixiyay kulamo ay la qaateen madaxda maamulka Puntland, wuxuuna sheegey in madaxda Puntland ay isla meel dhigeen arimo badan, welina ay kulamadu socdaan.

Korneel Muungaab; "Ciidamada qalabka sida ciddii aflagaadeysa sharciga ayaan la tiigsanayaa"

0
0

Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya korneel Muungaab ayaa dadka uga digay in ay aflagaadeeyaan ama wax ka sheegaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee sida uu sheegay naftooda u huray difaacidadda danaha dadka iyo dalka.
Gudoomiyuhu wuxuu sheegay in aan loo dulqaadin doonin hadalada meel kadhaca ku ah ciidamada dowladda Soomaaliya, hadaladaas oo sida uu ku dooday beryahan dambe warbaahinta ku batay.
"Cidii ciidamada dowladda hadal wax u dhimaya sumcadooda sheegta waxaana la tiigsaneynaa sharciga, waa qasab in aan difaacnaa sharafta ciidamada" Gudoomiyaha maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.
Hadalka gudoomiyaha oo ayaa ku soo aadaya xili ciidamada dowladda la sheegay in ay dhibaatooyin u geysteen shacabk masaakiin ah oo aan awoodin in ay ka hortagaan dhibaatooyinka loo geysanayo.
halgankanet@gmail.com

Madaxweyne Shiikh Shariif oo ku dhawaaqay dagaal kama dambeys ah oo ay la gelayaan al Shabaab

0
0

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed ayaa ku dhawaaqay dagaal sida uu sheegay lagu kala baxayo oo ka dhan ah xoogagga al Shabaab.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in hadda la joogo waqtigii al Shabaabka meesha laga saari lahaa, wuxuuna ciidamada dowladda ugu baaqay in ay u diyaragaroobaan dagaal dalka looga xoreynayo wax uu ku tilmaamay cadaw soo duulay.

Shariif Shiikh Axmed wuxuu ciidamada u sheegay in waqti yar uu u haray dowladiisa, waqtigaas yarna ay  tahay in Muqdisho cadawga looga nadiifiyo kadibna gobolada kale loo gudbi, waa siduu hadalka u dhigaye.

Madaxweynaha ayaa hadalka sii daayay xilli uu booqanay qaar ka tirsan xeryaha ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku yaal magaalada Muqdisho.

Markabkii macaawinada Iiraan oo laga yaabo inuu dib u laabto.

0
0

Waxaa agagaarka Dekadda Wayn ee Magaalada Muqdisho lagu arkay ciidamo si aad ah u hubaysan oo tiradoodu ka badan tahay 150-Askari oo aad u tababaran isla markaana hubkooda u dhan yahay qabana tababar nooc walba leh ayaa ku sugan magaalada Muqdisho, kuwaasi oo markii guu horeysay lagu arkay iyagoo ilaalo ka haya markab ay leedahay Dowladda Iiraan oo ku sugan xeebta ku dhow Dekedda caalamiga ah ee magaalada Muqdisho.
Markabkaasi u raran Dowladda Iiraan ayaa macaawino u sido dadka ay abaaraha saameeyeen ee ku soo jabay magaalada Muqdisho, waxaana la sheegayaa in ciidamada AMISOM ay hor istaageen markabkaasi inuu ku soo xirto dekedda Muqdisho, iyadoo aan la ogeyn sababta arrintaasi keentay.
Ciidamada calooshood u shaqeystayaasha ah ee ilaalada ka haya markabka u raran Dowladda Iiraan ayaa u dhashay wadanka K/Afrika, iyadoona madax ka tirsan Dowladda Iiraan ay iminka dadaal ugu jirto sidii markabkaasi uu ugu soo xiran lahaa dekedda Muqdisho si looga dejiyo shixnadaha mucaawinada ah ee saaran.
Madax ka tirsan Dowladaha Soomaaliya, Iran iyo Uganda ayaa shir qarsoodi ah oo ay ku yeesheen magaalada Muqdisho waxay uga wadahadleen sidii markabkaasi uu ku soo xirto Dekedda, inkasta oo warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in Dowladda Iiraan ay ka caga jiideyso markabka inay ku soo xirto Dekedda Muqdisho lagana cabsi qabo in dib looga celiyo Soomaaliya isla markaana loo wareejiyo wadamo kale oo xiriir la leh Dowladda Iran.
Dhinaca kale Arrintaan ayaa soo baxday xilli uu mugdi soo kala dhex galay cilaaqaadka Dowladaha Soomaaliya iyo Iiraan tan iyo wixii ka dambeeyay shirkii sanadlaha ahaa ee QM, markaasi oo xilli uu khudbeynayay madaxweyne Axmadi Njad xarunta QM Soomaaliya ka mid ah noqotay 17-Dowladood oo isaga baxay khudbadaasi.
 
HeeganTV

Baarlamaanka Galmudug Oo Maanta Fadhi Ku Yeeshay Gaalkacyo

0
0

Gaalkacyo (RBC):- Xidhibaanada baarlaamanka maamulka Galmud ayaa maanta oo Isniin ah kulan ku yeeshay magaalada Gaalkayo ee Gobalka Mudug, iyanoona kaga dooday qorshayaasha horyaala iyo in la anisixiyo golaha wasiirada uu dhawaan magacabaay madaxweynaha Galmudug Maxaxmed Axmed Caalin.
Kulan waxa furay madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug ahana ku simaha madaxweynaha Cabdi Samad Nuur Guuleed, waxana uu sheegay in uu ka codsanayo xubnaha baarlamaanka in ay codka kalsoonida ay siiyaan wasiirada cusub ee maamulka Galmudug.
Kulanka maanta oo ay fadhiyeen inta badan xildhibaanada maamulka Galmudug ayaa waxa shirgudoominaayay Afahyeenka baarlamaanka Galmudug Xasan Maxamuud Xaayle.
Kulan waa kii 10-aad oo ay yeeshaan baarlaamanka Galmudug tan iyo markii la dhisay,
Dhinaca kale, waxa aad loo adkeeyay amaanka magaalada Gaalkacyo dhinaca Galmudug ay maamusho oo ay gaareen wafdi ka socda saraakiisha DKMG ah Iyo AMISOM  kuwaas oo ka soo kicitamay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland oo maalmahan ay joogeen.
Wafdiga ayaa kulamo la qaatay madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cabdi Samad Nuur Guuleed, in kastoo aan saxaafada loo ogolaanin in ay ka qayb galaan kulanka saraakiisha DKMG ah iyo AMISOM ay la qaateen masuuliyiinta Galmudug.
Xafiiska Wararka RBC Garoowe

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live