Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Jubbaland : Wasiir kmg ah oo la magacaabay

$
0
0

Kn: Madaxweynaha Jubbaland ayaa magacaabay wasiir si kumeelgaar ah u buuxin doona booskii wasiirkii dhintey ee isboortiga iyo dhalinyarada.
Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa xildhibaan C/waaxid Axmed Yare wuxuu u magacaabay wasiika dhallinyarada iyo ciyaaraha ee Jubbaland, xilkaasi oo KMG ah.
KismaayoNews.com
storvideo: 


DAAWO: Beesha Habar Gidir oo Ka hortimid Xukunka...

$
0
0

Magaaladda Muqdisho waxaa ka dhacay kulan aan caadi aheyn oo ay yeesheen beesha Ceyr oo kamid ah beelaha Habar Gidir/Hawiye kaas oo ay uga soo horjeedaan xukunka askarigii dilay wasiir Siraaji.
Odayaasha iyo waxgaradka beeshaas ayaa sheegay in xukunkaas loo riday si cadaalad daro ah isla markaana aysan raali ka noqon doonin.
"Waxaan cadeyneynaa in kiiskaas aan cadaalad lagu xukumin"ayuu yiri mid kamid ah odayaashii halkaas ka hadlay.
Waxaa ay madaxda dowladda Soomaaliya ugu yeereen iney kiiskan cadaalad ka keenaan.
storvideo: 

Doorasho qof iyo cod ah waxaa naga xiga 8dan sharci

$
0
0

Kn: Guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka Qaranka ee ay madaxa ka tahay Xaliimo Yarey, waxaa ay soo gudbiyeen illaa 8 sharci oo la'aantood la sheegayo in aaney macquul aheyn in Soomaaliya ka dhacdo doorasho 2021-ka.
Sharciyadan iyo qaar kale oo xeer hoosaadyo iyo xeer nidaamiyeyaal ah, waxaa ay muhiim u yihiin doorashada 2012-ka, ansixintooda la'aanteedna lama qaadi karo wax tillaabo ah, hadda waxaa ay marayaan heerar kala duwan, oo la socoshadooda ay muhiim tahay.Sharciyada Iyo Xeer Nidaamyada Muhiimka U Ah Doorashada 2021-ka:
1. Sharciga Dhameystirka Dib u eegista Dastuurka: sharcigan waxaa la sheegayaa in weli ay shaqo ku socoto, waxaana la filayaa in la dhameystiro 2018.
Sharciga Dastuurka waxaa ka mid ah: Doorashada madaxweynaha ma mid baarlamaani ahaa mise shacab, qeexidda doorashada labada aqal, xadeynta xuduudaha doorashooyin, qof codeyn kara iyo mid aan codeyn karin, tirada kuraasta baarlamaanka, kala codeynta xisbiyada heer qaran iyo maamul goboleed iyo iswaafajinta sharuucda doorashada heer maamul goboleed iyo heer qaran.
2. Sharciga Doorashooyinka: Sharciga oo sidoo kale muhiim ah, waxaa la leeyahay shaqadiisa waa bilow, waxaana lagu wadaa in la dhameystiro dhammaadka 2018.
Sharcigan doorashada oo lagu magacaabo hooyada doorashooyinka, waa sharciga sal dhigga u ah dhammaan howlaha doorashooyinka, waxaa ka mid ah nidaamka doorasho ee dalka qaadan doono, nidaamka metelaadda ee kuraasta baarlamaanka federaalka ah, dhalashada iyo da'da codbxixiyaha, dejinta shuruucda xisbiyada sameymaya, sharciga iyo xuquuqda xisbiyada heer federal iyo heer maamul goboleed, xadeynta deegaan doorasho iyo baaxadooda.
3. Sharciga Muwaadinka: Sharcigan waxaa lagu waramayaa in uu diyaar yahay balse uu la yaallo golaha wasiirrada, inta badan waxaa looga hadlaa qeexidda muwaadinka Soomaaliga ah.
4. Sharciga Xisbiyada: sharciga waxaa uu ka mid yahay sharciyada diyaarka ah balse ay ku socoto dib u eegista, guddiga doorashada waxaa marar badan codsaday in sharcigan dib u eegis lagu sameeyo, arrinkan ayaa ka dhalatay talo soo jeedinta ururada dalka ka jira.
5. Sharciga Warbaahinta: sharciga oo hadda ku jira dib u eegis, waxaa ay Saxafiiyiinka Soomaaliyeed ku taliyeen in meesha la saaro soo magacaabista wasiirka warfaafinta ee 'Guddiga Saxaafadda Soomaaliyeed (GSS), iyaga oo sidoo kale codsaday in 9-ka xubnood ee guddiga tartan loo galo, arrintaas oo kalsooni darro ka dhex dhalin karta wasaaradda iyo saxafiyiinta.
6. Sharciga Isgaarsiinta: sharcigan Isgaarsiinta, waxaa la sheegayaa in la diyaariyay blase aan weli la horgeyn golaha shacabka si ay u ansixiyaan.
7. Sharciga Xuduudaha: Sharcigan waxaa uu muhiim u yahay in maamul goboleedyada kala ogaadaan xuduudda mid weliba leeyahay, arrinta la yaabka leh, sharcigan weli lama diyaarin.
8. Sharciga Dhismaha Guddiga la dagaalanka Musuqa: sharcigan oo sidoo kale muhiim ah, doorashada aan la'aantiisa la qaban karin, waxaa la sheegayaa in aan weli la diyaarin.
Sharciyadan ka sokow, waxaa jira xeer hoosaadyo iyo xeer nidaamyo aan la'aantood doorashada la qaban karin, waxaa ka mid ah:
Xeerarka dadka baahiyada gaarka ah, ololaha doorashada iyo qarashaadka ku baxaya, Hab-raaca howl-galka doorashooyinka, magacaabista murashaxiinta xisbiyada, xeerka xog siinta iyo toosinta xisbiyada si loogu caawiyo isu diyaarinta iyo dhaqangelinta doorashooyinka si waafaqsan sharcigan.
Xeerka xaddidaya isticmaalka ama bedelidda magacyada, astaanka ama midabka xisbiga, Xeerka dejinta qaabka xisbigu diiwaangelinaya ugu gudbiyo warbixin sanadeed ama xiliyaeed ku saabsan dastuurka, sharciga xaqiijinaayo warbixinta uu usoo gudbiyo xisbiga iney ku caddahay xisab-xir hantidhowka iyo xisaabaadka maaliyadeed ee la xiriira hantida, deymaha, dakhliga iyo kharashaadka xisbiga iyo xeerka hannaanka qoondada iyo maareynta sanduuqa iyo maaliyadda xisbiga iyo xeerar kale.
Waxaa kale oo jira in ay muhiim tahay in la diyaariyo xeerar sida: Hab-dhaqanka murashaxiinta, Hab-dhaqanka codbixiyeyaasha, Hab-dhaqanka xallinta khilaafaadka, Hab-dhaqanka murashaxiinta xisbiga, Habka xisbiyada u kharash gareeyaan lacagaha iyo musharaxiinta, habka calaamadaha iyo loogooyinka xisbiyada, Hab-dhaqanka xisbiyada siyaasadda, Maaliyadda xisbiga iyo warbixin sanadeed.
Waxaa intaasi dheer oo lagama maarmaan ah in la sheego waqtiga doorashada, muddada doorashada iyo wareegyada doorashada.
Sharciyad loo baahan yahay ee hadda diyaarka ah waxaa ka mid ah: xisbiyada siyaasadda iyo nidaamintooda, Hab-raaca diwaangelinta xisbiyada, Nidaamka diwaangelinta codbixiyeyaasha, xeer hoosaadka guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka qaranka, Hab-dhaqanka xisbiyada siyaasadda, Hab-dhaqanka kor joogtada gudaha iyo dibadda, Hab-dhaqanka xallinta dhaqaalaha xisbiyada iyo murashaxiinta.
W/D: Cabdi Caziz Gurbiye,
Xigasho : Goobjoog
storvideo: 

Qarax ka dhacay Kuumadaha, Kismaayo oo ay dad ku...

$
0
0

Kn: Illaa 2 ruux ayaa dhimatay , 10 kalana waa ku dhaawacantay qarax loo maleeyey gaari lasoo rakibey oo ka dhacay meesha caanka ah ee lagu shaaheeyo casirkii ee Kuumadaha loo yaqaano ee Kismaayo.Sawir hore
Meeshani oo ah warshadii hore ee Galeyda ayaanan ka fogeyn madaxtooyada Jubbaland, marar hore ayay sidoo kale dhacdooyin yaryar ka dhaceen, balse waa qarixii ugu cuslaa inta la ogyahay.
Waxaa inta badan isugu yimaada oo ku kala warqaata, ama isaga daaha odayaasha magaalada iyo xitaa dhalinyarada qaar ee wargaleenka ah.
Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda qaraxan, oo ka mid ah kuwa faro ku tiris ah oo magaalada ka dhacay sanadihii lasoo dhaafay.
Inkasta oo gobolka intiisa kale ay ragaadiyeen Alshabaab iyo waliba maamulo gacan adag, ayaa hadana magaalada Kismaayo waxa ay ku naalooneysay nabad iyo amni.
KismaayoNews.com
storvideo: 

Aqalka Cad oo galay xaalad mugdi ah

$
0
0

Kn: Lix bilood ayaa laga joogaa markii uu xilka la wareegey madaxweynaha Maraykanka Donald Trump , waxaana xilka uu ka eryey ama cadaadis dartiis isaga tagay dad badan oo maalin kasta ay tiradoodu sii kordheyso, waxa ay xilal muhiim ah ka hayeen Aqalka Cad iyo guud ahaan Maraykanka.
Waxaa ugu dambeeyey Anthony Scaramucci oo ahaa agaasimaha warbaahinta Aqalka Cad, xilkaasi oo uu hayay muddo 10 maalmood ah oo kaliya.
Haddaba waxa aan halkan kusoo taxaynaa liiska dadka shaqada uu Trump ka eryey ama isaga tagay iyo sababaha loo cuskaday.Anthony Scaramucci
Wuxuu ahaa taageerayaasha ugu waaweyn ee Trump markii lagu jirey ololaha doorashada sanadkii hore, 10 maalmood ka hor ayaana xilka agaasimaha warbaahinta Aqalka Cad loo magacaabay.
Waa nin caan ku ah xaga dhaqaalaha, gaar ahaan suuqa saamiyada ee Wall Street, halkaasi oo uu ka mid ahaa dadka macaashka badan ka sameeyey ee ka tilmaaman.
Inkasta oo uusan shaqada ku raagin, hadana waxa uu warbaahinta u sameeyey ciwaano waaweyn intii yareyd ee uu shaqada joogay.
Sheekooyinkii ugu waaweynaa ee laga qorey waxaa ka mid ah fariin uu soo dhigey boggiisa Twitter-ka oo loo fasirtay in uu ku eedeynayay Agaasimaha Aqalka Cad Reince Priebus in uu mas'uul ka yahay wararka hoosta looga dusinayo saxaafada ee sirta ah. Balse markii dambe waa uu tirtirey qoraalkaasi.Sababta shaqada looga eryey
Inkasta oo uu ku faanay in uu si toos ah uga amar qaato madaxweyne Trump, oo uusan hoos tagin agaasimaha Aqalka Cad , ayaa waxaa laga yaabaa in taasi ay ugu wacantahay sababta Agaasimaha cusub Jeneraal John Kelly uu xilka oga eryey Scaramucci.
Shaqo ka tagista Scaramucci waxaa la shaaciyey saacado uun kadib markii xilka agaasimaha guud ee Aqalka Cad loo magacaabay Jeneraal Kelly oo horey u ahaa wasiirka amniga gudaha.
Madaxweyne Trump ayaa la sheegey in uu qoonsaday hadalkii Scaramucci ee uu Twitter-ka kusoo qorey.
Waxaa xilka laga direy taariikhda markii ay ahayd 31-dii July.Reince Priebus, Agaasimahii Aqalka Cad
Waxa uu horey u ahaa guddoomiyaha guddiga qaran ee xisbiga Jamhuuriga, wuxuuna ka mid ahaa dadka tirada yar ee siyaasiyiinta reer Washington ah ee xilka sare ka heley Aqalka Cad ee Trump, balse waa ay u suurtogali weysey in uu hanto shaqada.
Waxa uu la tacaalayay awoodaha is diidan ee ku dhex loolamayay Aqalka Cad , oo ay ka mid ahaayeen gabadha uu dhalay madaxweynaha ee Ivanka iyo wiilka uu seediga u yahay Jared Kushner.
Waxaa xaalka uga sii daray markii agaasimaha warbaahinta loo magacaabay Scaramucci oo ay si shaqsiyan isugu dhacsanaayeen, kaasi oo markii dambe diidey in uu ka amar qaato.Sababta loo eryey
Madaxweyne Trump ayaa la sheegey in uu lumiyey kalsoonidii uu ku qabay Priebus , wuxuuna soo xushey nin jeneraal ah si uu ugu badalo.
Waxaa kale oo xiiso lahayd xiliga la eryey in ay kusoo beegantay xili xisbiga jamhuuriga uu ku guuldaraystey in uu meesha ka saaro sharciga caymiska caafimaadka Obama.
Waxa uu xilka hayay muddo 6 bilood ah, waxaana xilka laga qaaday 28-dii July.Sean Spicer, Afhayeenkii Aqalka Cad
Wuxuu ahaa ninkii ugu caansanaa dowladda Trump, wuxuu ahaa ninka maalin kasta warbaahinta soo hor istaagi jirey si uu u difaaco siyaasadaha Donald Trump.
Waxa uu si weyn ugu sii caanbaxay kadib markii barnaamijka majaajilada siyaasadeed ee lagu magacaabo Saturday Night Live uu ka sameeyey jilliin maad ah oo isaga lagu canjilayo.Sababta uu xilka uga tagay
Sean Spicer isaga ayaa xilka iska casiley , iyada oo sida la sheegey uu arrintaasi isfaham wanaagsan kala gaaray madaxweyne Trump si ka duwan dadkii kale.
Waxa uu xilka ka dagay isla markii agaasimaha warbaahinta Aqalka Cad loosoo magacaabay Scaramucci, talaabadaasi oo uu Spicer ka biyo diidsanaa.
Gabadha lagu magacaabo Sarah Huckabee Sanders oo ku xigeenkiisa ahayd ayaa buuxisey booskiisa.
Waxa uu xilka hayay muddo lix bilood ah, wuxuuna xilka isaga dagay 21-dii July.James Comey, Agaasimihii FBI
Comey waxa uu kaalin muran badan dhalisey ka ciyaaray maalmihii ugu dambeeyey ee doorashadii Maraykanka sanadkii hore.
Xisbiga dimoqoraadiga ayaa ku eedeeyey eex siyaasadeed kadib markii uu dacwad ku furey Hillary Clinton todobaad uun ka hor maalintii codbixinta doorashada loo dareerayay. Talaabadaasi darteed ayuu Trump amaan badan ugu jeediyey Comey.
Balse markii Comey uu baaritaan ku furey Trump laftiisa eedeymo la xiriira lugtii Ruushka ku lahaa ololihii doorashada ee Trump , ayuu madaxweyne Trump aad u qoonsaday Comey.Sababta xilka looga eryey
Maamulka Trump waxa uu sheegey in sababta Comey xilka looga eryey ay ahayd in uu si xun u maamuley baaritaanka fadeexadii emailada ee Hillary Clinton, sidaasi darteedna uusan awood u lahayn in uu xilkaasi sii hayo.
Balse markii dambe hadalo isburinaya ayaa kasoo baxay Aqalka Cad, waxaana ka mid ahaa in sababaha loo eryey ay la xiriirtey baaritaanka fadeexada Ruushka.
Waxa uu xilka hayay sedex sano iyo sideed bilood, isaga oo afar bilood uun ka hoos shaqeeyey xukunka Trump, ka hor intii aanan xilka laga qaadin 9-kii bishii May.Michael Flynn, la taliyihii amniga
Michael Flynn isaga ayaa xilka iska casiley , balse madaxweynaha ayaa ka codsaday taas kadib todobaadyo ay socotey fadeexad la xiriirta in Flynn uu been ka sheegey kulan iyo xiriir uu la sameeyey safiirka Ruushka ee Maraykanka Sergei Kislyak.
Waxaa la sheegey in uu safiirka kala hadlay arrimo la xiriira cunaqabataynta Maraykanka uu horey u saaray Ruushka.Sababta uu xilka oga dagay
Waa arrin sharci daro ah in dadka muwaadhiniinta ee Maraykanka ay farogashadaan arrimaha diblomaasiyadda Maraykanka, sidaasi darteedna markii la ogaaday in Flynn uu xiriir la sameeyey safiirka Ruushka, wax su'aal ah kama taagnayn in uu xilka isaga tago.
Waxa uu xilka hayay 23 maalmood oo kaliya, wuxuuna ka dagay 14-kii feberaayo.Sally Yates, ku simaha xeer illaaliyaha guud
Madaxweynaha ayaa xilka ka eryay gabadhani oo lagu magacaabo Sally Yates kadib markii ay su'aal ka keentey amarkii Trump ee mabnuucista socdaalka dadka kasoo jeeda 7 dal oo muslimiin ah.
Yates oo uu horey u magacaabay madaxweyne Barack Obama ayaa sheegtey in ay tahay arrin takoor ah in dadkaasi muslimiinta ah loogu diido socdaalka diintooda darteed.Sababka Xilka Looga Qaaday
War qoraal ah oo kasoo baxay Aqalka Cad ayaa lagu sheegey in Sally Yates ay hagardaamaysay wasaaradda caddaalada kadib markii ay diidey in ay dhaqangaliso amar lagu difaacayo amniga dadka Maraykanka.
Waxaa xilka laga eryay 31-dii Janaayo ee sanadkani, 10 maalmood uun kadib markii uu xilka la wareegey Donald Trump.Preet Bharara, Dacwad Oogaha heer Federaal ee New York
Waa wax qeyru caadi ah in dacwad ooge madaxweyne hore uu magacaabay xilka laga qaado marka uu madaxweyne cusub yimaado, iyada oo ay sidaasi tahay ayaa hadana madaxweyne Trump waxa uu Preet Bharara u sheegey in uu xilkiisa haysan doono.
Ninkan ayaa waxa uu sumcad badan ku yeeshey kadib markii uu talaabooyin sharci ah ka qaaday ganacsato badan oo galay dambiyo maaliyadeed.
Markii xilka laga qaadayay waxa uu gacanta ku hayay dacwado waaweyn oo midood ay la xiriirto duqa magaalada New York Bill de Blasio.Sababta xilka looga qaaday
Mr. Bharara waxa uu ka mid ahaa 46 dacwad ooge oo uu Trump ka dalbaday in ay xilka isaga dagaan, balse xisbiga dimoqoraadiga ayaa sheegey in si gaar ah loo eeganayay Bharara maadaamaa meelaha uu xukunkiisa gaarsiisanyahay ay ka tahay xaafadda New York ee uu ku yaalo dhismaha Trump Towers, taasina ay madaxweynaha walwal galisey.
Waxaa dib kasoo baxday in ninkani uu baaritaan ku hayay shirkadaha Trump.
Waxa uu xilka hayay todobo sano iyo todobo bilood, isagoo wax ka yar labo bilood ka hoos shaqaynayay madaxweyne Trum oo xilka ka qaaday 11-kii Maarso.Paul Manafort, agaasimihii ololaha doorashada Trump
Waxa loo xilsaaray in uu maareeyo qalalaasihii ku furnaa ololaha Trump, balse isagii ayuu galaaftay kama dambeysti
Waxaa xilka laga eryey markii uu 5 bilood oo kaliya xilka agaasimenimada hayay .Sababta xilka looga qaaday
Kooxda Trump ma aysan sheegin sabab cad oo xilka looga qaaday, marka laga reebo in ay soo saareen war saxaafadeed guul loogu rajeeyey.
Balse warar saxaafadda kusoo baxay maalmo ka hor intii uusan xilka ka dagin ayaa waxa ay tibaaxayeen in uu heley lacago sharci daro ah oo uu ka heley dad xiriir la leh Ruushka.
Waxaa kama dambeys xilka laga direy 19-kii Agoosto, 2016-kii.
Xigasho : BBC
storvideo: 

Dhageyso:-Maamulka Jubbaland Oo Goordhow Faah Faahin...

$
0
0

Aug 1, 2017 -
Faah faahino dheeraad ah oo ka soo baxaya qarax Isimiidaamin ah oo maanta Gabaldhicii ka dhacay qeybo ka mid ah Magaalada Kisamayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.
Qaraxa ayaa lala bartilmaameedsaday Goob Maqaaxi ah oo ay Bulsho badan ku qaxweeynayeen waxana ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.
Wariye Siciid Cabdi Haajir oo ku sugan kismaayo ayaan ka Wareysanayay Wararkii ugu dambeeyay ee qaraxii Kismaayo.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Ra’isul Wasaare Kheyre oo fariin amaan ah udiray...

$
0
0

Aug 1, 2017 -
Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda F. Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray shacabka iyo madaxda maamulka Puntland, oo u dabaal degaya sannad guuradii 19-aad ee ka soo wareegtay markii la aas-aasay maamul gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland sanaddii 1998-dii.
Mudane Khayre, ayaa sheegay in shacabka Puntland ay yihiin dad ku caan baxay nabad jaceyl, dawlad jaceyl iyo inay ka shaqeeyaan horumarka guud ee Soomaaliya. Wuxuna ugu baaqay inay sii xoojiyaan ka shaqeynta horumarka iyo sidii dib loogu yagleeli lahaa qaran Soomaaliyeed oo xoog leh, isagoo u rajeeyey inuu Alle u siyaadiyo horumarkaasi ay gaareen.
"Waxaan hambalyo u dirayaa Shacabka iyo madaxda Puntland oo maanta u dabaal degaya sanad guuradoodii 19-aad. Puntland waxay tusaale fiican u tahay Soomaaliya inteeda kale. Waxay si wadajir ah uga shaqeeyeen nabadda, waxayna ku gaareen amni iyo horumar ballaaran" ayuu yiri R/Wasaare Khayre.
Waxaa uu ugu dambeyntii Ra'iisul Wasaaruhu u xaqiijiyey shacabka reer Puntland in Dawladda Federaalka Soomaaliya ay mar walba ka shaqeyneyso waxa danta u ah dalka oo dhan, dhinacoodana looga baahan yahay inay kaalintooda ka qaataan sidii waddanka dib loogu soo celin lahaa maqaamkii uu horey u lahaa.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Qarax ka dhacay Afghanistan oo ay dad badan ku dhinteen

$
0
0

Qarax ka dhacay masaajid ku yaalla magaalada Herat ee dalka Afghanistan ayaa waxaa ku dhintay ilaa 30 qof kuwo kalana way ku dhaawacmeen.


Dhageyso Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada Oo Intiisa...

Qarax ka dhacay Afghanistan oo ay dad badan ku dhinteen

$
0
0

Qarax ka dhacay masaajid ku yaalla magaalada Herat ee dalka Afghanistan ayaa waxaa ku dhintay ilaa 30 qof kuwo kalana way ku dhaawacmeen.
Qaraxa, oo ka dhacay masjidka Jawadia, ayaa ku soo beegmay salaadda cishaha.
Saraakiisha ayaa sheegaya in ugu yaraan labo qof ay weerarka soo qaadeen - nin is qarxiyay iyo mid dadka masjidka ku cibaadeysanayay xabbado ku furay.
Afhayeen u hadlay maamulka magaalada ayaa BBC u sheegay in khasaraaha uu kordhi karo.
Wuxuu sheegay in ugu yaraan 29 qof ay dhinteen, halka 64 kalena ay ku dhaawacmeen.
Weli ma jirto cid sheegatay qaraxa oo ka dhacay goob ay ku badan yihiin Muslimiinta Shiicada ah. Afhayeen u hadlan ururka Taliban, oo hore u qarxiyay masaajiddo ay shiicada leeyihiin oo dalkaasi ku yaalla, ayaa farriin qoraaleed ay warbaahinta u direen ku cambaareeyay weerarkaasi.
Magaalada Herat, ayaa ku taalla meel u dhow xadka Iiraan, waxaana lagu tilmaamaa mid ka mid ah magaalooyinka ugu ammaanka badan Afghanistan.
storvideo: 

XOG:Farmaajo iyo Kheyre oo qorshe waligeed...

$
0
0

Aug 2, 2017 -
Warar lagu kalsoonyahay oo aan ka helnay xarunta madaxtooyada dalka soomaaliya ayaa sheegaya in soo dajiiyeen qorshayaal dib udhigayaan kalfadhiga barlamaanka soomaaliya kasoo loo madalsanyahay.
Madaxtooyada ayaa saacadihii ugu danbeyse latacaaleyse hor istaaga mooshinka ay wadaa qaar katirsan xildhibaanada barlamaanka soomaaliya ay ku ridayaan wasiirka dastuurka qaranka.
Xafiisyada madaxweynaha iyo kan ra'isulwasaare Kheyre aya go'aamiyay in aan ka qeyb gelin xildhibaanada ayaga tageersan kulamada barlamaanka si aan kooramka u buuxsamin.
Maalinimadii maanta ayaa barlamaanka dib u dhacay ayadoo aan kasoo qeyb gelin dhamaan xildhibaanada difaaci lahaa wasiirka waxaana lasheegayaa in msg kasoo gaartay madaxtooyada laguna wargeliyay in aan ka qeyb gelin kulanka barlmaaanka madaama laga cabsi qabo in kooramka buuxsamo.
Qorshahaan dib loogu dhigaayo ka doodista sii heynta wasaarada dastuurka wasiir Xoosh ayaa lasheegayaa in lagu baajonaayo kooram la aan xildhibaanada dhex dooda ah inkastoo inta badan xildhibaanada kusuganyihiin magaalada muqdisho.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

guddiga joogtada ah baarlamaanka oo fariin udiray ra...

$
0
0

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta fasaxay lacagta la siiyo ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya , Guddiga joogtada ah ayaa arrintan go'aamiyey in bilaha July iyo August , sidaas waxaa warbaahinta u sheegay gudoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad.
Gudoomiyaha ayaa tilmaamay markay warbixin ka dhagaysteen guddiga Maaliyadda Baarlamaanka , Wasaaradaha Maaliyadda iyo Qorshaynta ay go'aamiyeen inay socoto dooda ansixita Maaliyadda dowladda federaalka in la fasaxo lacagta ciidamada .
Cawad ayaa sheegay inaysan marna baaqan karin lacagta ciidamada oo lagama maarmaan tahay inay helaan saadkooda iyo mushaharkooda.
Gudoomiye ku xigeenka ayaa hadalkiisa ku daray inay ku wargalinayaan Ra'iisul wasaaraha , Wasaaradda Maaliyada , Xisaabiyaha guud ee bangiga dhexe iyo Hanti dhowra in la fasaxo xuquuqda ciidamada bilaha July iyo August, waxaana sidaas go'aamiyey guddiga joogtada ah ee baarlamaanka dowladda federaalka Soomaaliya.
Guddiga joogtada ah Baarlamaanka Soomaaliya oo kugudo jira fadhigoodii 7-aad ayey uga doodayaan ansixinta Miisaaniyada dowladda.Halkan ka Dhagayso Codkahttp://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2017/08/Cod-Cawad.mp3PUNTLAND POST
XASAN BASHE
The post guddiga joogtada ah baarlamaanka oo fariin udiray ra'iisul wasaaraha iyo wasaaradda Maaliyadda appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Madaxweyne Gaas: “In maanta Puntland yeelato taya...

$
0
0

Boosaaso (RBC Radio) Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo hawlo shaqo u tegey magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ayaa maaanta 02 August 2017 xarigga si rasmi ah uga jaray xaruntan oo lagu magacaabo Somali Quality Services oo ah xarun shaybaar oo loogu talagalay in lagu baaro Tayada Badeecadaha ka dhoofa Puntland iyo kuwa la keeno.
Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa ku tilmaamay guul weyn oo u soo hoyatay Puntland iyo Guud ahaan Soomaaliya ,isagoona Madaxweynuhu digniin adag u diray cidkasta oo isku dayda in gudaha Puntland keenaan badeecad aan tayo laheyn .
'' In maanta Puntland yeelato taya dhowr qalabaysan waa wanaag iyo horumar u soo kordhay Puntland ,waana mahadsan yihiin ciddi ka qeyb-qaadatay howshaan muhiimka ah '' Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.
"Hadda wixii ka dambeeya Bariis caag ah iyo Baasto caag ah ma jiri doono ,Puntland lama keeno doono ,cidii ku talagasha inay keento iridaan u fadhinaa hadii alle yiraahdo "Ayuu yiri Madaxeyne Gaas .
Ugu danbayntii, xukuumadda Dawladda Puntland oo uu hormuud u yahay Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas Ayaa ku guulaystay mudo yar gudeheed In la hirgeliyo shaybaarkaan casrig ah kadib markii badeecadaha Puntland ka baxa loo helay suuqyo casri ah oo dadaal badan dawladdu ku bixisay ,waxaana sheybaarkaan ku howlgalaya howlwadeeno xirfadoodu sarayso una tababaran qalabkan casiriga ah ee xarunta yaal.

storvideo: 

DAAWO VIDEO: Qatar Oo Heshay Badalkii Sacuudiga Iyo...

$
0
0

Aug 2, 2017 -
Dalka Qatar ayaa ka maarmay ganacsigii xooganaa ee uu ka heli jiray dalalka Sacuudiga iyo Imaaraatka Carabta sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay shabakad dhaqaalaha ka faalooda oo lagu magacaabo Bloomberg.
Warbixinta shabakaddaan ayaa sheegtay in cuna qabateynta dalalka afarta ah ay saareen Qatar inaysan wax saameyn ah ku yeelan isla markaana agabkii dhismaha Qatar ugu baahneyd garoomada sideeda ah ee ay u dhiseyso marta gelinta koobka adduunka 2020.
Shabakadda Bloonberg ayaa sheegtay in agabkii biraha shubka ee garoomada oo horay ugu heli jirtay dalalka Sacuudiga ay haataan ka hesho Malaysia, halka agabkii kale ee Imaaraadka usoo mari jiray haatan ka hesho saldanada Cumaan.
Sidoo kale, dalka Shiinaha ayaa hadda laga soo daabulaa daraasiin alaabta dhismaha ah, taasoo Qatar hadda u isticmaasho dhismaha garoomada ciyaaraha adduunka 2020 lagu balansan yahay.
Dowladda Qatar ayaa dhismayaasha garoomada cusub waxay u qorsheysay 200 bilyan, iyadoo dekaddaha Cumaan ay buux dhaafiyeen qalabka dhismaha ee Qatar soo iibsatay.
Sidoo kale, Qatar ayaa 35 bilyan dollar u qorsheysay dhismaha jidadka tareemada oo qaadi kara 200 kun oo qof.
Tallaabadaan ay Qatar ugu maarantay suuqii dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa marka xaqiiqda la eego dhabar jab ku ah dhaqaalaha dalalkaasi kasoo geli jiray Qatar.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Xog:MD Farmaajo oo caawa kulan xasaasi laqaatay beel...

$
0
0

Aug 2, 2017 -
Warar hoose oo aan heleyno ayaa sheegaya in madaxweynaha dalka soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo caawa lakulmay xildhibaanada iyo odayaasha dhaqanka ee kasoo jeedo beesha dhulbahante oo ku aftirsata maamulka khaatumo.
Xogta aan ka heleyno ayaa sheegaya in madaxweynaha oo kadhageystay xildhibaanada iyo odayaasha dhaqanka xaalada degaanadaas iyo warar waayadii ugu danbeyse tabinayeen oo ahaa maamulkaas wadahadal kula jiro maamulka somaliland.
Madaxweynaha ayaa odayaasha iyo xildhibaanada ku wargeliyay in ilgaar ah ku eegi doono xaalada degaanadaas waxaana oo sheegay in booqasho ku tagi doono inkastoo oo cayimin waqtigaas.
Sido kale Odayaasha ayaa ka codsaday madaxweynaha in maamulkooda oo siiyo aqoonsi maamul isla markaa lamid noqdaan maamulada dalka kajira inkastoo madaxweynaha sheegay in arintaasi muhiim tahay balse kala soo tashan doono taliyaashiisa iyo maamulka Puntland.
Kulankaan ayaa imanaayo xili maamulka somaliland wadahadalo kula jiro Cali Khaliif Galeyr oo ah madaxweynaha maamulkaas waxaana kulankaan imanaa xili Xasan Sheekh si cad ugu sheegay xildhibaanada iyo siyaasihiin kasoo jeedo deganadaas in aan aqoosaneyn maamul goboleed ahaan.
Nagala soo xiriir
storvideo: 


Dhalinyaro Soomaaliyeed oo lagu xukumay India

$
0
0

Waxaa maanta oo Tallaado ah dalka India lagu xukumay 15 Dhalinyaro Soomaaliyeed oo kamid ah 118 Maxabiis oo ku xiran dalkaas , kuwaas oo badankood ku eedaysan falal burcad badeednimo.
Wasiirka arrimaha dibadda dowladda federaaalka Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar oo jooga dalka India ayaa sheegay in maanta la xukumay 15 maxaabiis oo kamid ah 118 maxaabiis oo Soomaali ah oo ku xiran magaalada Mumbai ee dalka India.
Maxaabiista ayaa lagu xukumay min 7 sano oo xarig ah , dowladda India ayaa horay ugu xukuntay 6 sano iyo bar, Qayb kale oo kamid ah maxaabiista ayaa la sheegay in la xukumayo maalinta Sabtida ah.
"xukunka maanta macnihiisu wuxuu yahay in ay xabsigooda ay ka hartay 6 bilood oo keliya, Waxaa kale oo lagu xukumay ganaax aan badneyn". Ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda.
Wasiirka arrimaha dibadda iyo wefti uu hogaaminayo ayaa jooga dalka India waxayna kulamo la qaateen masuuliyiin ka tirsan dowladda India.
Masuuliyiinta ka socda dowladda federaalka iyo dowladda India ayaa kala saxiixday heshiis ku saabsan in maxaabiista la xukumay xabsiyadooda ku dhamaystaan dalkooda.
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa horay heshiis ay ula saxiixatay dowladda Ethiopia lagu soo daayey 100 maxabiis Soomaali ah oo qaarkood xirna 27 sano.PUNTLAND POSTXASAN BASHE
The post Dhalinyaro Soomaaliyeed oo lagu xukumay India appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Dowladda oo ka laabatay heshiisyo ay kula jirtey 17...

$
0
0

Kn: Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dowladda federaalka ay heshiiskii uga baxday wax ka badan 10 shirkadood oo adeegyo kala duwan bixinayay, adeegyadaasi oo wixii hadda ka dambeeya kusoo laaban doona gacanta dowladda.
Shirkadaha ayaa badankood waxaa laga leeyahay gudaha dalka, iyada oo wali aanan loo talaabo qaadin dhana shirkadaha ajaaniibta ah .
Waxaa shirkadahaasi ka mid ah kuwa hoos ku qoran.
1. Shirkadda Visooyinka,
2-.Shirkadda Pasaporka,
3- Shirkadda Lesinada iyo Taargooyinka,
4- Shirkadda Tresmitralaha,
5- Shirkadda Gaadiidka Airporka,
6- Shirkadda Sameysa Shahaadooyinka
7-Shirkadda Notaayoyinka/Superlogoyinka,
8- Shirkadda Quality Controlka,
9-. Shirkadda PGM ee Dekadda
11- Shirkadda Scanka Dekadda,
12-Shirkadda Shatiyada kala duwan,
13- Shirkadda Sameyso Dhalashada iyo Kaarka Aqoonsiga.
14- Shirkadda Canshuuraha Guryaha,
15 Shirkadda Shidaalka siisa Ciidanka,
16 Shirkadda Raashinka iyo Cuntada siisa Police-ka,
17 - Shirkadda Shidaalka siiso Gobolka Banaadir.
KismaayoNews.com
storvideo: 

Ra’isulwasaare Ku Xigeenka iyo Wasiirka Dhalinyarada...

$
0
0

Munaasabad abaal marino lagu guddoon siinayey kooxaha kaalmaha hore ka galay horyaalka heerka koobaad ee kubadda cagta Dalka ayaa waxaa ka qeyb galay Ra'isal wasaare ku-xigeenka dalka, Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Wasiirka iyo wasiir ku-xigeenka dekedaha, gudoomiyaha xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed, guddoomiyeyayaasha, xiriirada kale ee ciyaaraha iyo masuuliyiin kale. Kooxda Dekedda oo horyaalkan ku guuleysatay ayaa la guddoon siiyay Koob iyo lacag dhan 184 Milyan oo shilin Soomaali ah, halka kooxda Banaadir Telecom oo gashay kaalinta labaad la guddoon siiyay 94 Milyan oo Shilin Soomaali ah, Kooxda Elman oo iyana kaalinta Saddexaad timid ayaa la guddoon siiyay lacag dhan 46 Milyan oo Shilin Soomaali ah, Wasiirka Dekeddaha iyo gaadiidka Badda dowladda Soomaaliya Maryan Aweys Jaamac oo halkaas ka hadashay ayaa u hambalyeysay dhammaan kooxihii ka qeyb galay Tartanka si gaar ahna kooxda Dekedda oo iyagu sanadkan tartanka ku guuleystay. Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha Soomaaliya Khadiija Maxamed Diiriye ayaa oo iyana Munaasabadda ka hadashay ayaa u hambalyeysay kooxaha kaalmaha hore ka galay horyaalka heerka koobaad ee kubadda cagta Dalkeena waxaana ay sheegtay in wasaaradda ay ka go'an tahay horumarinta guud ahaan cayaaraha gaar ahaanna Kubadda cagta. Ra'isulwasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa xusay in Cayaaruhu waxtar dhinacyo badan leh u [...]
storvideo: 

Gaas oo Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Bosaaso...

$
0
0

2nd August 2017 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa Garowe dib ugu soo laabtay ,ka dib safar saacado qaatay oo uu Ku tagay Magaalada boosaaso oo banaan bax iyo isku dhac ciidan oo dhawac sababay ay ka dhaceen gelinkii hore ee maanta.
Madaxwayne Gaas gudaha magalada uma uusan galin wuxuuna ka soo laabtay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Bosaaso,isagoona xariga jaray xafiiska tayo dhowrka Puntland (Quality control) oo aan horay Puntland uga jirin.
Dhanka kale madaxwaynuhu kama hadlin is rasaasaynta uu Ku dhaawacmay taliyaha ciidan ka dekada Bosaaso iyo 4-askari oo kale.
storvideo: 

Miisaaniyadda oo la kala dhantaalay

$
0
0

Kn: Xilli ay socoto dood adag oo ka taagan miisaaniyadda wasaarada maaliyadda soo gudbisey ayaa waxaa la meel mariyay miisaaniyadda ciidamada.
Guddoonka Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaciyey in la fasaxay Miisaaniyadda Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya bilaha July iyo August inta ay socoto Dooda Miisaaniyadda guud ee Dowladda 2017.
Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in go'aankani uu gaaray Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka shalay oo ay taariikhdu ku beegneyd 01 August 2017 sababta go'aankaas loo qaatayna ay tahay inaanay marna hakan xuquuqda Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya hadii ay ahaan laheyd raashiinkooda,adeegooda iyo mushaaraadkooda.
Ra'isulwasaaraha Xukuumadda,Wasiirka Maalliyadda iyo Bankiga Dhexe ee Soomaaliya waxaa la faray iney fuliyaan go'aankaas oo ah go'aan kasoo baxay Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya maadaama aanay ciidammadu sugi karin inta ay soconeyso Dooda Golaha Shacabku ka doodayo Miisaaniyadda Qaranka ee 2017.
KismaayoNews.com
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live