Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Gabadh xabsi ku mutaysatay in ay saaxiibkeed ku...

$
0
0

Gabadh Maraykan ah oo ku sugan gobolka Massachusetts ayaa lagu xukumay xabsi labo sano iyo bar ah iyada oo loo haysto in ay saaxiibkeed ku dhiirigalisay in uu is dilo iyada oo taleefan kula hadashay fariimo gaagaabanna u dirtay.
Michelle Carter, oo hadda 20 jir ah ayaa xabsiga la dhigi doonaa 15 billood, shan sano oo kalana lala socon doonaa sida ay u dhaqanto.
Carter ayaa bishii Juunyo lagu helay in ay gacan ka gaysatay dhimashada Conrad Roy oo is dilay 13 Luulyo ee sannadkii 2014kii.
Roy aabihii ayaa dhagaysigii maxkamadda ee Khamiista u sheegay "in qoyskiisu ay niyad jabeen, wiilkiisuna uu ahaa saaxiibka ay isugu dhaw yihiin dadka."
Michelle ayaa loo ogolaaday in aan xabsiga la dhigin inta laga dhagaysanayo racfaanka ay qaadatay.
Waxay wajihi lahayd 20 sano oo xabsi ah, laakiin qareennadeeda ayaa ku dooday in iyada iyo Roy-ba ay maskixiyan u xannuunsanaayeen.
storvideo: 


Wasiir Cawke oo xarig-jaray xarumo kale oo caafimaad.

$
0
0

4 August 2017 Sii hayaha Wasiirka caafimaadka Dowladda Puntland Cabdinaasir Cismaan Ciise(Cawke) oo ay weheliyaan saraakiil ka socotay hay'adda World Vision oo wasaaradda kala shaqaysa horumarinta Caafimaadka ayaa xariga ka jaray xarumo caafimaad oo laga hirgeliyey meelo ay kamid yihiin,Eyl,Diillin-maaxato,Suubaan iyo Yoombays oo dhammaantood ka tirsan gobolka Nugaal.
Dhammaan degaannada Wasiirku marayey ayaa waxaa soo dhoweyn ballaaran u samaynayey maamulka,waxgaradka,odoyaasha,culimada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku nool degaannadaasi,iyagoo muujinaya sida ay maqsuudka uga yihiin waxqabadka wasaaradda caafimaadka dowladda Puntland.
Degmada Eyl oo Wasiirku ku hormaray ayuu ka daah-furay qaybta'hooyada dhali-weyda' iyo sidoo kale qaybta baxnaaninta ilamaha ee Isbitaalka hooyada iyo dhallaanka degmadaasi,waxaana arrintaasi si weyn uga mahadceliyey dadweynaha degmada Eyl oo Wasiirka ku ammaanay sida uu uga dhabeeyey ballanqaadkiisi ahaa in degaannada laamiga ka baxsan uu xoogga saarayo.wasiir Cawke ayaa dhankiisa ku boorriyey bulshada in ay ku dadaalaan caafimaadkooda,islamarkaana ay isku tashi sameeyaan.
Tuulooyinka Diillin-maaxato,iyo Suubaan ayaa sidoo kale Wasiirku xariga ka jaray xarumo caafimaad oo ay markii ugu horreysay yeesheen tuulooyinkaasi oo aad laamiga uga fog,iyadoo awal ay dhibaato baaxad leh ka haysatay adeegyada caafmaadka gaar ahaanna hooyooyinka uurka leh oo aan heli jirin xannaanada ay u baahan yihiin,taasi oo mararka qaar sababi jirtay'ummul raac iyo isku-furan'.
Dadka ku nool tuulooyinkaasi ayaa ayaa bogaadiyey shaqada wasiirku ka qabtay adeegyadi caafimaadka ee degaankooda,waxayna sheegeen in xilliyadii hore ay adeeg caafimaad ugu dhowaayeen degaannada laamiga ah oo boqollaal KM u jira,balse hadda xarumaha caafimaad oo loo dhisay awgeed dhibaatooyin badan oo caafimaad laga baaqsaday.
"Xilliyadii hore waxaan caafimaad u raadsanjirnay degaannada laamiga ah,iyadoo sidaad ogtihiin laamigu noo jiro 300km.waxaa dhici jirtay in qof irbad keliyah u baahan uu naf baxo,waxaasina waa iyadoo ay tuuladu xarumo caafimaad la'aan ahayd"sidaasi waxaa yiri oday kamid ah waxgaradka tuulada diillin-maaxato.
Wasiir Cawke ayaa dhankiisa ku boorriyey dadka tuulooyinkaasi in aysan gacmaha laaban oo waxqabsadaan,wuxuuna si gaar ah ugu baaqay in ay dhismayaasha iyo adeegyada caafimaad ee weli ka dhiman ku dadaalaan sidii ay u dhammaystiran lahaayeen,islamarkaana aanay wasaaradda caafimaadka ka dhowrin wax walba,maadaama degaannada Puntland ee baaxadda leh ay wasaaraddu u wada shaqayso.
Tuulada Yoombays/Ina-garyaqaan oo uu wasiirku ku soo gabo-gabeeyey safar dheer oo qaatay in ka badan 700KM oo ugu kuurgelayey xaaladda caafimaad ee degaannada aan soo xusnay ayaa ugu dambayntii Wasiirku ka daah-furay MCH ay yeelanayso tuuladaasi,balse waxaa cajaa'ib ahayd markii bulshada ku nool tuuladaasi ay bilaabeen qaaraan-bixin lagu kordhinayo qolal cusub oo lagu kordhinayo qolalka MCH-ka,islamarkaana muddo 10 daqiiqo gudahood ah lagu uruuriyey lacag dhan $5100(Shan kun iyo boqol Dollar),taasi oo wasiirku $1000 ugu horreeyey bixiyey.
"Waxaa la rabaa in meesha shaqada intaa le'eg la geliyey aan ka helno report joogta ah.bilkasta dib u eegid ayaan ku samanaynaa xarumihii jiray iyo kuwa hirgelay",ayuu yiri Cawke.
Dadka reer Yoombays ayaa shahaado sharaf guddoonsiiyeye Mudane Cawke iyagoo ku bogaadiyey waxqabadkiisa joogtada ah ee hagar la'aaneed iyo sida uu marwalba ugu heellanyhay sare u qaadka caafimaadka bulshada,gaar ahaanna degaankasi oo soo maray xilli aan wax adeeg caafimad ah ka jirin.
Idaacadda Radio Dalmar oo ah Warbaahin guur-guurta ayaa iyaduna qayb laxaad leh ka qaadatay,wacyi-gelinta dadka degaannadaasi wasiirku soo maray,waxayna bulshada u shidaysay farriimo baraarujinaya fayo-dhowrka caafimaadka.
Hore ayaa Wasiirka caafimaadka Puntland u daah-furay xarumo caafimaad oo laga hirgeliyey degaannada Baq-baq iyo Budun-buto,waxaana haatan muuqata in degaanno badan oo hore aanay uga jirin xarumo caafimaad uu wasiirku isu-taagay sidii uu uga hirgeliyey goobo caafimaad,gaar ahaanna xarumaha hooyada iyo dhallaanka.
Wasiir Cawke ayaa hore u ballanqaaday in uu wax ka qaban doono adeegyada caafimaad ee degaannada laamiga ka fog,si looga gaashaanto in cudur la daweyn karo uu qof u dhinto.Wasaaradda Cafimaadka Puntland.

storvideo: 

DF “Dib ayaa loo furayaa wadooyinka xiran ee Muqdisho

$
0
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow (Ducaale) ayaa Shirkii Golaha Wasiirada ka hor jeediyay Warbixin ku saabsaneyd guud ahaan ammaanka dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho.
Maxamed Abuukar Isloow (Ducaale) Wasiirka Amniga Soomaaliya ayaa Golaha Wasiirada ka hor sheegay in amniga magaalada Muqdisho uu soo hagaagayo ciidamaduna ay wadaan howlgalo joogto ah.
Waxa uu sidoo kale Xubnaha Golaha Wasiirada ka hor cadeeyay in qorshaha sugidda amniga dalka mar dhaw loo gudbin doono gobolada kale ee dalka.
C/raxmaan Cumar Cismaan ( Eng. Yariisow) Wasiirka Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya ayaa sheegay in ay socdaan qorshayaal dib loogu furayo Wadooyinka xeran ee Muqdisho, maadaama sida uu sheegay ammaanka uu soo hagaagay.
Eng. Yariisow Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa tilmaamay in Shacabka Soomaaliyeed iyo Hay'addaha amaanka ay wada shaqeyn dhow ka dhaxeyso.
"Arrimaha amniga Wasiirka Amniga wuxuu ka warbixiyay xasilinta caasimadda iyo dalka howlgalada ka socda, aad ayaana loo soo dhaweeyay kaalinta shacabka ay ka qaateen amniga, waxaa hada ku xiga oo laga howlgali doonaa Shabeelooyinka, sidoo kale waxaa qorsheysan in la furo wadooyinkii loo xiray sugida amniga dartiis ee Muqdisho". Ayuu yiri Wasiir Yariisow.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

 Ciidanka AMISOM oo isaga baxday degaanka Leego

$
0
0

Ciidanka Midowga Afrika ee howlgalka AMISOM ayaa isaga degaanka Leego oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, sida ay warbahinta Risaala u xaqiijiyeen masuuliyiinta gobolka.
Guddoomiyaha degaanka Leego ee gobolka Shabeellaha Hoose Abuukar C/laahi Isaaq (Al-cadaala) oo la hadlay Risaala ayaa sheegay maamulkooda shalay in lagu soo wargeliyay in Ciidanka Midowga Afrika AMISOM ay ka baxayaan degaankaasi.
Abuukar C/laahi Isaaq ayaa sidoo kale sheegay AMISOM saakay in ay ka baxeen degaanka, ayna u soo dhaqaaqeen dhanka Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, iyaga oo wata Gaadiidkooda dagaal iyo sahnadooda Millitari.
Wuxuu sheegay Guddoomiyaha ilaa hadda in aysan garaneyn sababta ay u baxeen Ciidanka AMISOM, balse wuxuu sheegay in ay maqleen arrintan in ay ku saabsan tahay isbedelad ay sameynayaan Ciidamada, oo degaanka ay soo gaari doonaan Ciidamo kale oo ka yimid Baydhabo.
"Ciidamada AMISOM saakay ayay baxeen, wax jooga malahan degaanka, shacabka xoogaa cabsi ayaa soo food saartay taasi oo ah in Shabaab ay weerar soo qaadaan, balse intii karaankeena ah waan la dagaalameynaa Shabaab". Ayuu yiri Guddoomiye Abuukar.
Dadka degaanka ayaa la sheegay in ay soo food saartay cabsi ku aadan in degaanka ay gudaha u soo galaan Dagaalyahanada ururka Al-shabaab, maadaama weli degaanka aysan soo gaarin Ciidamada AMISOM ee bedeli lahaa qeybtan baxday.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wada qorshe ku aadan sidii guud ahaan amniga dalka ay ula wareegi laheyd, maadaama la qorsheynayo in Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM dalka ay ka baxaan.
storvideo: 

DEG DEG: Mid ka Mid ah Wasiirada Cusub ee K/Galbeed...

$
0
0

Aug 4, 2017 -
Mudo 5 Maalmood kadib Magacaabistii Golaha Wsiirada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya waxaa ku dhawaaqay in uu iskacasilay xilkii looga magacaabay Wasiirkii Hawlaha Guud iyo Dib u Dhiska Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Eng,Saalax Sheekh Cusmaan oo ka mid ahaa Wasiiradaaas.
Eng, ayaa horay uga soo qabtay dowladdii hore isla xilkaan,waxana uu ku sheegay in uusan waxba ka ogeyn Magacaabistaan.
War Qoraal ah oo uu soo dhigay Barta uu ku leeyahay Facebook ayuu ku shaaciyay Warkaan.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA MAS'UULKA:War Saxaafadeed :In anaan qaban Xilkaas
Isbadal ayaa dhawaan lagu sameeyay Golihii Wasiirada Dawlad Goboleedka K/Galbeed, wajiyada cusub ee Maamulkaasi lagu soo kordhiyay ayaa magaceyga ka dhex arkay, anigu xilligaan Wadanka waa ka maqan ahay, hawlo Qaran ayaa u joogaa Dalka dibadiisa, dadaal waxtar leh oo Soomaaliya lagu hormarinaayo ayaa ku hawlan ahay.
Mabda' ahaan waxaa iga go'an inaan mar walba u adeego ummadda Soomaaliyeed, wey mahadsan tahay ciddii aniga oo maqan xilkaasi igu sharaftay, marka aan qiimeeyay marxalada la joogo waxaa ii soo baxday inaan qaban xilka laygu magacaabay ee ah Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Dib u Dhiska Dawlad Goboleedka K/Galbeed sabbabo jira awgood.
Anigoo jecel Qaranimada, Wadajirka iyo Horumarka bulshada Soomaaliyeed ayaa guud ahaan shacbigayga waxan u rajaynayaa Nabad, Guul iyo Barwaaqo.
Mahadsanidiin
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Xukuumada Somalia oo shaacisay War ka Farxiyay Reer...

$
0
0

Aug 4, 2017 -
Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya ayaa shaacisay in dhawaan la furi doono waddooyinka Magaalada Muqdisho, gaar ahaan kuwa galla Xaafadaha oo haatan xiran.
Wasiirka Warfaafinta ee Xukuumadda Soomaaliya, Eng. C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisoow oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo furayo waddooyinkaasi xiran.
Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in arintaasi ay uga goolleeyihiin ka jawaabida codsiyo uga yimid Shacabka, maadaama buu yiri inta badan lagu guuleystay xasilinta howlgalka - Soomaaliya.
Sikastaba, Waddooyinkan ayaa lagu jaray dhagxaan waa weyn, waxaana qorshahaasi mar hore soo jeediyay Saraakiisha Hay'addaha Amaanka, si loo xaqiijiyo amaanka - Soomaaliya.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Gantaalkii K Woqooyi wuxuu 100km u jirsaday diyaarad meesha martay

$
0
0

Diyaarad ka soo duushay Tokyo oo ku sii socotay Paris ayaa 10 daqiiqo ka dib martay goobta uu ku dhacay gantaalka qaaradaha isaga gudba ee Kuuriyada Woqooti ay tijaabisay.

Gantaalkii K Woqooyi wuxuu 100km u jirsaday diyaarad...

$
0
0

Diyaarad Faransiiska uu leeyahay oo siday 330 qof ayaa ku dhowaatay gantaalka qaaradaha isaga gudbo ee dhowaan ay tijaabisay Kuuriyada Woqooyi, sida ay saraakiil sheegeen.
Diyaaradda ayaa goobta martay 10 daqiiqo ka dib markuu gantaalka ku dhacay.
Shirkadda diyaaradaha ee Air France waxay sheegeysa in diyaaradaasi aysan halis galin, balse waxay ballaarineysa in diyaaradeheeda ay ka fogeyneyso meelaha ku dhow Kuuriyada Woqooyi.
Waaxda difaaca ee Mareykanka ee Pentagon-ka waxay sheegeysaa in gantaalka uu dhexmaray hawada ay diyaaradaha ku badan yihiin.
Saraakiisha Mareykanka waxay si joogto ah uga digaan in ay jirto halis ay sababayaan gantaallada ay maamulka Pyongyang tijaabiso.

  • Taariikhda dagaalka beenta ah ee Kuuriyada Woqooyi
  • Kuuriyada Woqooyi oo gantaalkii labaad tijaabisay bil gudaheed
  • Trump iyo Abe oo u heshiiyay Kuuriyada Woqooyi

Wadada diyaaradda Boeing 777 ayaa ahayd jasiiradda Hokkaido ee Japan xilli gantaalkana uu hawada ku soo jiray.
Japan iyo Mareykanka ayaa qiyaasaya in madfacaasi uu aad ugu soo dhowaaday diyaaradda uuna u jiray 100km illaa 150km.
"Wuxuu ku duulay hawada ay diyaaradaha isticmaalaan, wuxuuna ku dhacay badda gaarka u ah Japan ee diyaaradaha iyo doomaha ganacsiga ay adeegsadaan", ayuu yiri afhayeenka Pentagon-ka, Capt Jeff Davis.
Air France waxay ku adkeysaneysaa in gantaalka uusan ka muuqan wadada diyaaradda ee maalintaas, dhib la'aanna ay diyaaradda ku sii socotay.
"Akhbaarta aan hadda hayno ee marxaladdii diyaaradda waxay muujineysaa in gantaalka uu ku dhacay badda meel illaa 100km u jirtay goobta diyaaradda ay ku duuleysay" ayey tiri shirkadda Air France.
Bishii July ee 2014-kii, diyaaradda Malaysia ee MH17, oo ka soo duushay Amsterdam kuna sii socotay Kuala Lumpur, ayaa burburtay ka dib markii uu ku dhacay gantaal la sheegay in Ruushka lagu sameeyay.
Diyaaradda oo ku dhacday Ukraine waxaa ku dhintay 283 qof oo la socotay.
storvideo: 


Dhageyso: Shabab oo Si deg deg ah ku qabsaday...

$
0
0

Aug 4, 2017 -
Wararka naga soo gaaraya Gobolka Sh.Hoose ayaa sheegay in Ciidamada Amisom gaar ahaan kuwa ka socda Uganda iyo Ciidanka Dowladda Soomaaliya ay isaga soo bexeen deegaanka Leego oo kamid ahaa saldhigyada ugu Muhiimsan oo ay Sh.Hoose ka joogeen Ciidanka AMisom.
Saraakiil katirsan Ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa Mustaqbal usheegay in xalay ay Deegaanka Faarujiyeen Ciidanka Amisom iyadoo daqiiqado kadibba ay kadaba baxeen Ciidanka Dowladda Soomaaliya oo aalaaba aan ku nagaanin meelaha ay Baneeyaan Ciidamada Amisom.
Dagaalyahano fara badan oo katirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa durbaba qabsaday deegaanka Leego iyagoo markoodii horeba joogay meelo aan sidaasi uga sii fogeen Deegaanka.
Shabaabka Leego qabsaday ayaa la sheegay iney dhufeysyo ka qodanaya Duleedyada deegaanka iyagoo isugu yeeray Shacabka meel fagaare ah una sheegay in Shareecadii Islaamka dib usoo noqotay Sanado kadib.
Dadka qaar ee Leego joogay ayaa horay usii raacay Ciidanka AMisom iyo kuwa Dowladda ee deegaanka baneeyay maadaama ay ka cabsi qabeen iney beegsadaan Al-Shabaab.
Al-Shabaab ayaa Sanadii 2015-Kii weerar xoogan ku galay saldhigyo Ciidamada Burundi ay ku lahaayeen deegaanka halkaas oo lagu dilay askar badan oo katirsan Ciidanka Burundi.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

WAREYSI KULUL: Cali khaliif oo ka hadlay Ciidamada...

$
0
0

Aug 4, 2017 -
Madaxweynaha Maamulka Khaatumo ayaa ka hadlay doorashada dhawaan ka dhaceysa Magaalada Hargeysa ee loogu Tartamayo Xilka Madaxtinimo ee Maamulka Somaliland.
Dr Cali Khaliif Galeyr ayaa Wareysi kulul kaga hadlay doorashadaas iyo saameynta ay ku yeelaneyso wadahadaladii usocda Maamulada Khaatumo iyo Somaliland.
Madaxweynaha ayaa sheegay in wadahadalada ay hakad kooban galayaan inta doorashada socoto balse ay dib isugu soo laabanayaan marka la soo doorto Madaxweynaha cusub ee Maamulka Somaliland ee hogaaminaya 5-ta Sano ee soo socoto.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale soo hadal qaaday iscasilaada Gudoomiyihii Golaha Wakiilada Somaliland iyo musharaxa ugu cadcad kuwa utartamaya Xilkaas ee Baashe Maxamed Faarax oo ka soo jeeda deegaanada Maamulka Khaatumo.
Waxa uu Madaxweynaha Khaatumo ugu danbeyn ka hadlay Ciidamada la sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka qoraneyso Magaalada Buuhoodle kuwaas oo qeyb ka ah qorshaha isku dhafka Ciidamada Dowladda.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Faah faahinta Qarax Gaari oo caawa ka dhacay Muqdisho

$
0
0

Qarax xoogan oo loo adeegsaday Gaari Walxaha Qarxa laga soo buuxiyay ayaa Maqribnimadii caawa ka dhacay wadada Maka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah.
Qaraxan ayaa si gaar ah uga dhacay agagaarka Hotel Ambasador oo ku yaalla inta u dhaxeysa isgoysyada Taleex iyo shaqaalaha, gaar ahaan meel aan sidaas uga fogeyn Isbitaalka Daaru-shifa.
Jugta Qaraxa ayaa waxaa si aad looga maqlay qaar ka tirsan degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana Qaraxa uu dhacay xilli Maqrib ah oo salaada laga soo baxey.
Saraakiisha Ciidamada Booliska ayaa xaqiijiyay Qaraxan in ay ku dhinteen ilaa Saddex Qof, halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen Shan Qof oo kale, inkastoo khasaaraha intaasi uu ka badan karo.
Qaraxa ayaa markii uu dhacay waxaa wadada Maka Al-mukarama mar qura laga maqlay rasaas fara badan oo ay rideen Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ka tirsan oo goobta ka akdhowaa.
Saraakiisha Gaadiidka deg dega ah ee Ambalaasta ayaa sheegay halkaasi in ay u direen qaar ka tirsan shaqaalahooda, si halkaasi ay uga soo qaadaan dadkii ku waxyeeloobay Qaraxaasi, oo ay u gaarsiiyaan goobaha caafimaadka.
Qaraxan ayaa burbur xoogan u geystay goobaha Ganacsi ee ku yaalla goobta uu Qaraxa uu dhacay, xaalada goobta uu Qaraxa ka dhacay ayaa hada ah mid kacsan, waxaana baaritaano wada Ciidamada ammaanka Dowladda.
Dad goob joogayaal ah ayaa Risaala u sheegay Gaariga Qarxay in uu marayay wadada, ilaa hadana lama oga bartilmaameedka halka uu ahaa.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

DEG DEG:Mid kamid ah dagaaladii ugu cuslaa oo caawa...

$
0
0

Aug 4, 2017 -
Wararka caawa naga soo gaaraya deegaanka Xeraale ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaas uu ka socdo dagaal xoogan.
Dagaalkan oo bilowday maqribkii caawa ayaa waxaa uu udhaxeeyaa ciidamada Ahlu Sunna Waljamaaca iyo maleeshiyaad qaab beeleed u abaabulan.
Warar hordhac ah oo aan heleyno ayaa sheegaya inuu jiro khasaaro xoogan oo ka dhashay dagaalkan iyadoo la aamisan yahay in qasaaraha ugu badan uu soo gaaray dadka dagaalamaya.
Waxaa jira warar sheegaya in dhinacyada dagaalamaya ay helayaan gurmadyo ciidan iyadoo gaadiid dagaal oo aad ubadan ay gudaha ugaleen deegaankaas.
Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa horey ugu hanjabtay iney qabsan doonaan deegaanka Xeraale halkaas oo ay ku sugan yihiin maleeshiyo beeleed, waxaana ay kooxda la dagaalameysa ku sheegeen iney katirsan yihiin maamulka Galmudug.La soco Wararkii soo Kordha Insha Allah
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Khilaaf ballaaran oo soo kala dhexgalay madaxda Khaatumo

$
0
0

Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ayaa labadaba BBC-da u sheegey in xilka laga qaaday midba midka kale.

Khilaaf ballaaran oo soo kala dhexgalay madaxda...

$
0
0

Madaxweynaha maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galayr ayaa ka hadlay xil ka qaadis la sheegay in ay baarlamaanka maamulkaasi ku sameeyeen madaxweyne ku xigeenkiisii, wuxuuna sheegey in uu soo dhaweynayo xil ka qaadistaasi.
Galayr oo BBC-da la hadlay ayaa yiri "Cabdalla Maxamuud Cali oo la doortey 2014-kii siyaabo baarlamaanka u arkay in madaxweyne ku xiguhu uusan mas'uuliyadiisa u gudanaynin waa jireen, balse markan ugu dambeysay waxaa dhacday in uu 8 bilood wadanka ka maqnaa, hawl lagu ogaa oo uu ku maqnaa ma ayan jirin, dhawr bilood ee ugu dambeeyey waxa uu joogay Nairobi iyo Xamar oo shirar lagaga soo horjeedo maamulka Khaatumo, laguna diidanaa wadahadala Somaliland uu qabanayay".
Balse madaxweyne ku xigeenka Cabdalla Maxamuud Cago-Lule ayaa dhankiisa isna BBC-da u sheegey in ay xilkii ka qaadeen Cali Khaliif Galayr "Waa arrin iska galgalasho ah, ma jirto xil la iga qaaday , baarlamaanka waxa uu si buuxda xasaanadda oga qaaday madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka, waxa lagu eedeeyeyna waa wax cad oo muuqda"
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Cali Khaliif ayaa eedeyn u jeediyey maamul goboleedka Puntland, wuxuuna yiri "Arrimahaasi waxaa ka dambeysay Puntland, waxa wax isku duba ridayay, shirarkana abaabulayay, iyo cidda balamaha ka qabanaysay dowladda dhexe Puntland bay ahayd"
Cabdalle Cage-Lule ayaase dhankiisa beeniyey eedeynta Puntland, balse qirtey in dowladda Federaalka madaxdeeda la kulmeen, isaga oo yiri "Aniga Muqdisho waan tagay oo mas'uuliyiinta ugu sarsare ee dowladda federaalka waan la kulmay, dastuurka noo qoran ee Khaatumana waxa uu qeexayaa in aan xubin ka nahay federaalka, madaxweynaha isaga oo garab maraya golayaashii iyo dastuurkaba ayaa waxa uu heshiisyo la galayaa maamulka Somaliland".
Mar Galayr wax laga weeydiiyey saamaynta ay maamulka Khaatumo ku yeelan karto eryidda madaxweyne ku xigeenka ayuu yiri "Hebel oo iska caroodey ama hebel oo danaysanaya khatar nama galineyso, walwalna naguma hayso, hangaraaricii la oran jirey lug uma dhutiyo weeye".
Baarlamaanka Khaatumo oo ka kooban 32 xildhibaan, ayay qaarkood ka maqnaayeen madasha sida uu sheegey Galayr, waxaana u codeeyey 19 xildhibaan in xilka laga qaado madaxweyne ku xigeenka.
Khaatumo iyo Somaliland ayaa gaaray heshiis ay ku midoobayaan, balse wali ma uusan dhaqangalin heshiiskaasi. Wuxuuna heshiiska kala qeybiyey madaxdii ugu saraysay ee maamulkan.
Diyaarad qaadi lahayd Cali Khaliif Gallaydh oo Buhoodle lagu xanibay
storvideo: 

Banaanbax looga cabanayo diidmada lacagta shilin...

$
0
0


Garowe-(RBC Radio)-Banaanbaxayaal caraysan ayaa maanta salaadii jimcaha kadib mudaharaad ka dhigay Magaalada Garoowe ee - Dowladda Puntland.
Mudaharaadayaasha oo u badnaa dumar iyo caruur ayaa waxaa ay ka cabanayeen diidmada lacagta shilin soomaaliga ah iyo korukaca ku yimid maciishada.
Dadka banaanbaxayey oo wajiyadooda caro ka muuqatay waxay jeex jeexeen sawirka madaxweynaha Puntland oo ku dhigan hareeraha laamiga, waxayna dalbanayeen in sare u kaca doolarka hoos loo dhig.
Xoghayaha degmada Garowe Cabdiqafar Cadiraxmaan Axmed oo dadka banaanbaxayey la hadlay ayaa sheegay in cabashada dadka isu soo baxay ay wax ka qaban karaan, isagoo u sheegay isu soo baxayaashii inay furaan suuqa xiran.
Sawirro.____RBC Radio

storvideo: 


Akhriso: Xubin ka mida Guddiga Taakuleynta ciidamada...

$
0
0

Aug 4, 2017 -
Xubin ka mida Guddiga Taakuleynta ciidamada ee uu shalay magacaabay ayaa farriin u soo diray Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Mohamed Yusuf Tigey ayaa sheegay inuu ka aqbalay Madaxweyne Farmaajo, magacaabista uu u magacaabay xubin ka tirsan guddiga taakuleynta Ciidamada Qaranka. Tigey oo hore u noqday guddoomiyihii Gobolka Mudug ee Puntland ayaa muddooyinkii danbe ku dhex jiray howlo samafal.
HOOS KA AKHRI FARRIINTIISA
"Adiga oo qoran askari adiga oo qoriga sidan qof walowba ciidan baad qaranka u tahee ogoow.Waxaan ka aqbalay madaxwaynaha dawladda federaalka soomaaliya xubinnimada guddiga uu ii magacaabay waana u mahad celinayaa waxaanna diyaar u ayay inaan si Hagar la'aan ah ugu shaqeeyo dadkayga iyo dadkayga
Waxaa la igu soo koriyay mushaar dawladeed waxaan ku soo barbaaray guri halgame SYL qarankii soomaaliyeedna wuxuu ii soo diyaariyay inaan dalkayga cadowga ka difaaco.
Dal aan ciidan lahay Qaran ma noqonkaro adduunkana ma jiro dal ciidan shisheeye amnigiisa sugo Dhamaanteen waa inaynu ka qayb qaadannaa dib u dhiska ciidanka qarankeenna
Nagala soo xiriir
storvideo: 

DEG DEG:Nabadoon caanka ahaa magaalada muqdisho oo...

$
0
0

Aug 4, 2017 -
Wararka Caawa naga soo gaaray qeybo ka mid ah degmada Dharkeenleey ee Gobolkaan Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in Caawa Xaafada Macmacaanka lagu dilay Nabadoon Caanka ah degmadaas.
Kooxo ku hubeysan Bustoolado ayaa Xiligii Salaada Cishaha isagoo ka soo baxay Masjid uu ku dukaday Nabadoon Geedi Firdhiye ay halkaasi ku toogteen.
Macada sababta ka dambeysa dilka Nabadoonka,iyada oo Kooxdii ka dambeeysay dilka ay Goobta isaga baxsadeen.
Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka degmada dharkeenley ayaa hada ku sugan goobta dilka ka dhacay iyaga oo halkaasi ka wada howlgallo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay dilka Nabadoonka.
Maamulka degmada Dharkenley ayaan xiriir la sameynay si aan waxa uga weeydiino dilkaas balse kama uusan jawaabin taleefoonadeena.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Nabadoon Caawa Lagu Dilay Degmada Dharkenleey ee...

$
0
0

Nabadoon Caawa Lagu Dilay Degmada Dharkenleey ee magaalada muqdisho
Aug 4, 2017 -

Wararka Caawa laga helayo qeybo ka mid ah degmada Dharkeenleey ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Caawa Xaafada Macmacaanka lagu dilay Nabadoon Caanka ah.
Kooxo ku hubeysan Bustoolado ayaa Xiligii Salaada Cishaha isagoo ka soo baxay Masjid uu ku dukaday Nabadoon Geedi Firdhiye ay halkaasi ku toogteen.
Macada sababta ka dambeysa dilka Nabadoonka,iyada oo Kooxdii ka dambeeysay dilka ay Goobta isaga baxsadeen.
Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka degmada dharkeenley ayaa hada ku sugan goobta dilka ka dhacay iyaga oo halkaasi ka wada howlgallo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay dilka Nabadoonka.
Maamulka degmada Dharkenley ayaan dilkaas ka hadlin walow ay waqti hore tahey in sifiican wax looga ogaado dhacdadaas Dailkaa ee ka dhacdey.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
English News
storvideo: 

Daawo: B/Habar Gidir oo Wacdaro ka dhigtay Muqdisho...

$
0
0

Aug 4, 2017 -
Boqolaal dad ah ayaa maanta isugu soo baxay qaar ka mid ah xaafadaha Muqdisho kuwaas oo sitay sawirka Dable Axmed Cabdulahi Caydiid oo ay maxkamadda ciidanka qalabka sida ku xakuntay toogasho kadib markii ay ku cadaatay inuu dilay Wasiir Cabaas Siraaji.
Dadka isu soo baxay ayaa ku qeylinayay inuu xukunku u dhacay si aan cadaalad aheyn, dadka banaanbaxa dhigayay ayaa u badnaa haween iyo caruur.
Waxaa ay sheegeen in xukunka la siyaasadeeyay iyagoo ku qeylinayay dooni meyno cadaalad daro iyo xukun aargoosi ah, waxey sheegeen in la diiday iney wada hadlaan reerka wasiir Cabaas iyo beesha Dable Ceydiid.
Dibad baxayaasha ayaa madaxweynaha Somalia mudane Maxamed C/laahi Farmaajo u sheegay inuu il gaar ah ku fiiriyo bartilmaameed ay sheegeen inuu Ra'iisul wasaare Kheyre ku hayo beesha Habar Gidir.
Waxey ku qeylinayay in Dowladda cusub ay aad u bartilmaameed saneyso beelaha Hiraab, si gaar ah beesha Habar Gidir oo ay sheegeen inuu Kheyre cadaawad gaar ah u qabo.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

2 Ruux oo ku dhimatay qarax caawa ka dhacay...

$
0
0


Muqdisho-(RBC Radio)-Magaalada Muqdisho waxaa caawa maqribnimadii ka dhacay qarax jugtiisa laga maqlay inta badan magaalada muqdis gaar ahaan wadada Maka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Qaraxan ayaa dhacay meel aan ka fogayn agagaarka Hotel Ambasador oo ku yaalla inta u dhaxeysa isgoysyada Taleex iyo shaqaalaha, gaar ahaan meel aan sidaas uga fogeyn Isbitaalka Daaru-shifa.
Saraakiisha Ciidamada Booliska ayaa xaqiijiyay Qaraxan in ay ku dhinteen ilaa Saddex Qof, halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen Shan Qof oo kale, inkastoo khasaaraha intaasi uu ka badan karo.
Qaraxan ayaa burbur xoogan u geystay goobaha Ganacsi ee ku yaalla goobta uu Qaraxa uu dhacay, xaalada goobta uu Qaraxa ka dhacay ayaa hada ah mid kacsan, waxaana baaritaano wada Ciidamada ammaanka Dowladda.____RBC Radio

storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live