Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Golaha Shacabka oo Aqbalay Raali Galin uu bixiyay...

$
0
0

Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/raxmaan Xoosh Jabriil oo maanta hortagay Xildhibaanada Golaha Shacabka JFS ayaa raali galin ka bixiyey qoraal uu soo dhigan dhawaan bartiisa Twitterka. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay inuu diyaar u yahay in markasta oo xubnaha Golaha Shacabka u baahdaan inuu hor yimaado. Xubnaha Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa Aqbalay raali galinta wasiirka Dastuurka sida uu ku dhawaaqay Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Xukuumadda Soomaaliya.
storvideo: 


Guurtidda oo Ergo Culus u Dirtay Nabaddeynta Beelaha...

$
0
0

Labo Guddi xaqiiqo Raadis ah oo loo kala diray T/dheer iyo AwdalHargeysa (Waageen)- Shir-gudoonka Golaha Guurtidda ayaa Maanta wufuud Ergo Nabadeyn iyo Xog-ogaal u noqosho ah u kala diray Gobolada Beriga iyo Galbeedka
Ergooyinka ka tirsan Golaha Guurtidda oo ka kooban saddex kooxood, ayaa Ergada ugu culus bar-tilmaameedku yahay Deegaanka Ceel-af-weyn ee Shaqaaqadu ku dhex-martay Beelaha Walaalaha ee wada dega halaasi, waxaana la filayaa in maalinta berri ah ay guda-geli doonaan nabaddeynta dadka wada dhashay, nabadana uga dhex dhalin lahaayeen, waxa la filayaa muddada ay halkaasi joogi doonaan inay la kulmaan qaybaha kala duwan ee Bulshada sida Salaadiinta, Cuqaasha iyo wax-garadka Deegaankaasi.
Dhanka kale, Shir-guddoonka Golaha Guurtiddu wuxuu laba Guddi u kala diray Gobolada Tog-dheer iyo Awdal, kuwaasi oo muhimadooda kooowaad tahay sidii ay ugu kuur geli lahaayeen Xaalada Nololeed ee Dadka iyo Xoolaha, Riiqda ay Abaarihii is xig-xigay ka tageen, wixii Mucaawimo ah ee Xukuumada iyo Shicibku ugu deeqeen Dadkaasi caydhoobay iyo heerka ay hadda marayso ka soo kabashada Abaaruhu, iyagoo socod ku mari doona Deegaamo badan, waxayna kulamo la yeelan doonaan Madaxda heer Gobol iyo Heer Deegaan ee goobaha ay booqanayaan.
storvideo: 

TACSI

$
0
0

TACSI GUDDOOMIYE
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Guddoomiyaha xisbiga Midnimada iyo Horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada, ehelada iyo guud ahaan shacabka Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Axmed Maxamuud Qaalib (Axmed Samiir) oo ahaa maayarkii hore ee Gabiley oo ku geeriyooday cusbitaalka Hargeysa xalay oo taariikhda ahayd 05/08/2017.Marxuum Axmed Maxamuud Qaalib (Axmed Samiir) waxa uu ka mid ahaa xildhibaannadii ugu horreeyey ee lagu doortay cod dadweyne golayaasha deegaanka ee sannadkii 2002-dii, waxaannu xilkaasi hayey waqti ilaa sannad ah oo ahayd muddadii u dambaysay ee golihii degaanka ee ay xilka kala wareegeen xildhibaannadii la doortay 2012-kii, isagoo ku suntanaa waxqabad ballaadhan oo uu ka hirgeliyey degmada iyo magaalada Gabiley.
Guddoomiyuhu waxa marxuumka Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, ehelka iyo shacabkana uu Samir iyo Iimaan Saadiq ah ka siiyo. Aamiin....Aamiin....Aamiin.
Xafiiska warbaahinta xisbiga KULMIYE
storvideo: 

Xukuumada Kheyre oo fulineysa Mid ka mida Balamihii...

$
0
0

Aug 5, 2017 -
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Candulaahi Farmaajo ayaa balanqaadyadii ugu waa weynaa uu sameeyay waxaa ka mid ahaa inuu wax ka qabanayo Musuq maasuqa gaar ahaan lacagaha dowlada ay hesho oo shaqiyaad gaar ah ay leexsadaan hadaba xukuumada Soomaaliya ayaa wada qorshooyin ay kaga hortageyso wax is daba marinta.
Ra'iisal Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Qadar ayaa sheegay inay la dagalamayaan leexsashada daqliyada kala duwan ee dalka laga soo saaro.
Waxa uu sidoo kale sheegay in ay ka shaqeynayaan sidii loo hormarin lahaa wax soo saarka dalka iyo waxyaabaha kale oo ay Dowladda u dhoofiso Wadamada Caalamka.
Ra'isal Wasaare ku xigeenka ayaa tilmaamay in ay ku dadaalayaan sidii Soomaaliya ay kula tartami lahayd dalalka Caalamka dhanka dhaqaalaha iyo sidii loogu wada shaqeyn lahaa hormarinta dhaqaalaha.
Waxa uu xusay in Xukuumada Soomaaliya ay xooga saari doonto la socodka daqliyada ka soo xarooda Garoomada iyo dekedaha Dalka.
Dowladda Soomaaliya ayaa wadda dadaallo kala duwan oo lagu xaqiijinaayo ka hortagga Musuq maasuqa iyo sidoo kale kordhinta daqliga Soomaliya.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Ra’iisul wasaare Khayre oo ka laabtay Xilkii...

$
0
0

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa dib uga laabtay magacaabistii Agaasimihii hore ee wasaaradda arrimaha gudaha oo u magacaabay la taliyaha arrimaha gudaha xafiiska Ra'iisul wasaaraha.
Agaasimaha waxaa horay xilka wasaaradda uga qaaday wasiirka arrimaha gudaha Juxa, waxayna arrintaas dhalisay buuq badan oo ay isaga horyimaadeen wasiirka iyo ku xigeenkiisa.
Ra'iisul wasaaraha ayaana markaas u magacaabay la taliye, ka laabashada ayaa keentay sida wararka sheegayaan kadib markii Ra'iisul wasaaraha uu wasiirka arrimaha gudahu uso jeediyey inuu ka laabto.PUNTLAND POST
The post Ra'iisul wasaare Khayre oo ka laabtay Xilkii agaasimihii wasaaradda arrimaha gudaha appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

XOG CUSUB: M/weyne Shariif Xasan oo Kulan Qarsoodi...

$
0
0

Aug 5, 2017 -
Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Badweyn.com u sheegay in Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan uu kulan la qaatay Saraakiil sare sare oo ka socda dowlada Itoobiya.
Kulankaan oo ka dhacay Magaalada Baydhabo ayaa muhiimadiisa ugu weyn lagu sheegay inay tahay sidii maamulka Koonfur Galbeed uu u qaadi lahaa dagaal xoogan oo ka dhan Al-shabaab.
Madaxweyne Shariif ayaa doonaya inuu deegaano dhowr ah ka soo saaro Shabaab si maamulka Koonfur Galbeed awood ugu yeesho degaanada uu maamulo.
Saraakiishan Itoobiyaanka ayaa balan qaaday inay weeraro qaadi doonaan Ciidamada Itoobiya ee qeybta ah AMISOM, hadii loo baahdana la soo kordhin doono ciidamo kale.
Kulankaan oo Albaabada u xernaa ayuu Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ku iclaamiyay Dagaal ka dhan Al-shabaab, oo ay iska kaashan doonaan ciidamada Itoobiya, kuwa maamulka Koonfur Galbeed iyo ciidamada qaranka.
Arintaan ayaa muujineysa inuusan marnaba dhamaan doonin xiriirada dowlada Federaalka ay ka madax banana tahay oo dhex maraya Itoobiya iyo maamulka Goboleedyada dalka, waxaana dhowr jeer oo hore arintaasi ka biyo diiday madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, oo u sheegay masuuliyiinta maamul goboleedyada in kulamo aysan la yeelan Karin dalalka deriska.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Wasiirka dastuurka XFS oo raali galin ka bixiyey...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter

Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/raxmaan Xoosh jabriil oo maanta hortagay Xildhibaanada Golaha Shacabka JFS ayaa raali galin ka bixiyey qoraal uu soo dhigan dhawaan bartiisa Twitterka.
Wasiirka ayaa sheegay in xubnaha Golaha Shacabka uu ka raali galinayo qoraalkaasi oo uu dhawaan kusoo qoray bartiisa Twitterka, iyada oo xubnaha Golaha Shacabka ay aqbaleen raali galinta wasiirka.
Wariyeyaasha Warbaahinta Qaranka ee jooga kulanka golaha shacabka ayaa soo sheegaya in wasiirka loo fasaxay sidoo kale in uu sii wadan karo howlihiisa shaqo.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleGolaha Shacabka oo soo gaba gabeynaya arinta Wasiirka Dastuurka

storvideo: 

WAR CUSUB: AMISOM oo Diiday inuu Habeenkii Shaqeeyo...

$
0
0

Aug 5, 2017 -
Dowlada Soomaaliya ayaa ku talaabsaneysa Talaabooyin dhowr ah oo hormar badan ku soo kordhianaya Soomaaliya, waxaana hada shacabka Soomaaliyeed u muuqata inuu dalka isbedel ka sameynayo dhinacyo badan.
Garoonka Diyaaradaha Aadan cadde inuu habeenkii shaqeeyo waa mid ka mida waxyaabaha shacabka ay sida weyn ugu farxeen laakiin AMISOM ayaa is hor-taagay in habeenkii uu shaqeeyo, kaddib markii maalmo ka hor ay dowladdu ku dhawaaqday in garoonka uu wixii hada ka dmabeeya uu shaqeynayo habeenkii.
Muran ayaa dhex maray Saraakiisha AMISOM ee gacanta ku haya ammaanka garoonka iyo Maareeyaha garoonka Aadan Cadde, kaddib markii Khamiistii ay Ciidamada AMISOM albaabka laga galo garoonka sidii caadada aheyd dhagxaan ku xiray, markii la gaaray 05:00 galabnimo oo ah xilliga laga rawaxo garoonka.
Saraakiisha AMISOM ayaa is hor-taagay amar uu soo gudbiyay Maareeyaha Garoonka, kaasoo ahaa inay furaan qeybta bixitaanka garoonka, si ay u maraan gawaarida iyo dadka garoonka ka soo degay gelinkii dambe.
Intaasi kaddib Maamulka Garoonka ayaa qaatay go'aan ah in cagaf cagaf ay ku qaadaan dhagxaantii ay AMISOM ku xirtay albaabka, iyadoo markii dambena ay AMISOM qaaday tallaabo kale oo gaari Beebe ah ku gooyeen albaabka.
Shir ay isugu yimaadeen Saraakiisha AMISOM iyo Maamulka Garoonka ayaa fashil ku dhamaaday, kaddib markii ay AMISOM diiday inay damaanad qaado amniga Garoonka xilliyada habeenkii.
Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Maxamed C/llaahi Salaad ayaa Axadii la soo dhaafay ku dhawaaqay in garoonka diyaaradaha Aadan cadde uu wixii hada ka dambeeya uu shaqeynayo habeenkii, isla markaana la kordhiyay saacadaha shaqo ee garoonka, lana gaarsiiyay illaa 10:00 habeenimo.
Nalalka ifiya dhabaha ay ku ordaan diyaaradaha ayaa dhowaan laga hirgeliyay garoonka, taasoo dowladdu sheegtay inuu sahli doono in garoonka uu shaqeeyo habeenkii.
Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ayaa dhowr caqabad dartood u shaqeyn karin xilliyada habeenkii, sida in habeenkii ay garoonka ka degaan diyaarado milateri, isla markaana aan habeenki la ogoleyn in laga soo ag dhowaado garoonka iyo nawaaxigiisa, waxaana dhacdamarka shaqaalaha Soomaalida marka ay ka rawaxaan garoonka in dhagxaan iyo baabuur lagu gooyo albaabka laga galo garoonka.
Nagala soo xiriir
storvideo: 


XOG XASAASI AH: Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo...

$
0
0

Aug 5, 2017 -
Saraakiil ku sugan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa Badweyn.com u sheegay in Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Thaabit Cabdi uu diiday in laga qaado xilkiisa.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa wada qorshe uu isbedel ugu sameynayo shaqsiyaadka sida weyn ula shaqeeya, waxaana qaarkood laga qaadi doonaa xilalka ay hayaan, iyadoo loo wareejin doono xafiisyo kale.
Shabakada Badweyn.com ayaa hore idin kugu so gudbisay in Gudoomiyaha gobolka Banaadir Thaabit Cabdi laga qaadayo xilka uu hayo, iyadoo loo wareejin doono Wasiiru Dowlada Madaxtooyada Soomaaliya, balse Thaabid ayaa biyo diiday qorshahaan wuxuuna ku adkeystay inuu hayo xilkiisa.
Fahad Yaasiin oo ah Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya iyo Thaabit ayaa loo arkaa labada shaqsi ee ugu dhow Farmaajo, waxaana labadooda uu doonayaa inuu isugu keeno Madaxtooyada.
Inta uusan bilaaban sanadka 2018 ayaa la filayaa inay isbedelo ku dhacaan wasiirada xukuumada Kheyre iyo masuuliyiin xilal kale haya.
Talaabadan uu Thaabit ku diiday qorshaha Farmaajo ayaa abuuri karta xiisad siyaasadeed oo ka dhex abuuranta Madaxtooyada, waxaana go'aanka ugu dambeeya laga sugayaa Madaxweyne Farmaajo hadii uu aqbali doono diidmada Thaabit iyo hadii qaadan doono go'aan kale.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Baarlamanka Soomaliya oo Go’aan Ka Gaaray Wasiir Xoosh

$
0
0

Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya ayaa aqbalay raali gelin uu bixiyay wasiirka Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil iyagoo sidoo kale u fasaxay in uu sii wato howlihiisa shaqo.
Xildhibaanada Baarlamanka Soomaliya ayaa kulan ku yeeshay saakay xarunta golaha shacabka ajandaha kulanka ayaa ahaa go'aaan ka gaarista xil heynta wasiirka dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil.
Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaliya ayaa ku kala qeybsamay dhawaan arrinta Wasiir Xoosh, kaddib markii uu todobaadkii hore hor imaan waayay Baarlamaanka Soomaliya.
Arbacadii aynu soo dhaafnay ayaa lagu waday Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaliya In ay go'aan ka gaaraan arinta wasiirka balse kooram la'aanta kulanka soo wajahay ayaa sababtay in kulanka loo dhigo ilaa maanta oo Sabtida ah.
wasiirka Dastuurka XFS C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa dhawaan ka hor yimid go'aanka Baarlamanka Soomaliya ay ka qaateen kuraasta 8-da aheyd ee dhawaan maxkamdda Sare ee dalka ay sheegtay in lagu laaban doono doorashadooda.
Faah Faahinta Dib kala soco Insha allah Puntland Post
The post Baarlamanka Soomaliya oo Go'aan Ka Gaaray Wasiir Xoosh appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Japan oo laga xusay weerarkii niyukleer ee Hiroshima

$
0
0

Xaflad lagu xusayo sanad guuradii 72 ee ka soo wareegtay weerarkii bambo-atoomigga ee uu Maraykanka ku qaaday Hiroshima dalka Japan dagaalkii labaad ee dunida ayaa lagu qabtay halkaasi.
Xuskani ayaa wax ka qayb galay raisul wasaaraha Japan,Shinzo Abe, iyo marti sharaf ka kala yimid dalalka dibadda.
Bishii aanu soo dhaafnay ayay ahayd markii ay iska dhaga tireen wadamada haysta bambo-atoomigga in ay saxiixaan heshii ahaa in hubkaasi wax gumaada laga mamnuuco caalamka.
Heshiiskan ayaa waxa saxiixay inta badan wadamada xubnaha ka ah qaramada midoobe,balse waxa diiday dalalka haysta hubkani wax gumaada.
Japan oo dhisaysa kombuterkii ugu waynaa adduunka
Ra'iisul wasaaraha Japan oo Trump la kulmay
W/Kuuriya oo looga digay tijaabada gantaallada
Maraykanka ayaa , August 1945, waxa bambaano atoomig ah ay ku rideen Hiroshima taasi oo keentay inay dhintaan ilaa 140,000 oo qof.
Waxay ahayd markii ugu horraysay oo dagaal loo adeegsado hub Nukliyeer ah, ayadoo seddex maalmood ka dibna lagu dhuftay Nagasaki.
Weerarradaasi ayaa loo arkaa in lagu khasbayey xukuumaddii Japan ee xilligii dagaalka inay is dhiibto.
Weerarkaasi niyukleerka ayaa waxa uu soo afjaray dagaalkii labaad ee dunida .
storvideo: 

Xogtii Ugu dambeysay C/weli Gaas oo Goordhaw...

$
0
0

Aug 6, 2017 -
Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in Cabduweli Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland uu soo Magacaabo Golihiisa Wasiirada Cusub.
18,kii Bishii July ayaa Baarlamaanka puntland ay kala direen Golaha Wasiirada,waxaana haatan lagu soo waramayaa im qaban qaabadii u dambeysay ay ka socoto Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Garoowe.
Xalay ilaa Shalay Gelinkii dambe ayaa Madaxweyne Gaas,Waxa uu kulamo iyo wadatashiyo kala duwan uu la lahaa waxgaradka iyo Siyaasiyiinta Puntland si uu u dhamestiro Golihiisa Wasiirada.
Wararka aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweyne Gaas,uu sameyn doono kaliya isku-shaandheyn lagana yaabo in badankood Golihii Wasiirada ee lakala diray ay dib u soo laabtaan.
Xildhinaanada iyo Siyaasiyiinta Puntland ayaa Cabduweli Gaas,waxa ay ku cadaadinayaan sidii si deg deg ah uu ku soo dhisi lahaa Golihiisa Wasiirada
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Hogaamiyayaal ka tirsan mucaaradka Venezuela, oo la...

$
0
0

Hogaamiyaha ugu sareeya mucaaradka Venezuela, Leopoldo Lopez, ayaa dib loogu celiyay xabsi guri ka dib markii muddo 4 maalmood ah lagu hayay xafsi militari.
Mr Lopez ayaa isaga iyo Antonio Ledezma oo isna ka soo horjeeda dowlada waxa la xiray talaadadii.
Leopoldo Lopez ayaa xabsiga laga siidaayay jimcihii waxaana dib loogu celiyay xabsi guri.
Madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo siidaayo hogaamiyayaasha ka tirsan mucaaradka Venezuela.
Mucaaradka Venezuela ayaa waxay ku eedeeyeen dowlada Nicolas Maduro in ay afduub u haysato hay'adaha dalkaasi.
Sabtidii ,golaha cusub ee baarlamaanka dhawaan lagu soo doortay doorashadii muranka dhalisay ayaa waxay xilka ka qaadeen oo ay badaleen dacwad soo ooogaha dalkaasi.
Muddooyiinkii ugu danbeeyay ayaa waxa dalka Venezuela ka socday dibad baxyo looga soo horjeedo dowlada madaxwayne Nicolas Maduro.
storvideo: 

WAR CUSUB: Maxaad ka Ogtahay Lacagta Dowlada...

$
0
0

Aug 6, 2017 -
Warar hoose oo aan ka helnay ilo wareedyo ka tirsan Xukuumada Somaliland ayaa sheegaya in dowlada Federaalka ah ee Somalia ay kaalin dhaqaale ka qaadaneysa doorashada maamulka Somaliland ee dhawaan dhici doonta.
Wararku waxa ay sheegayaan in dowlada Federaalka ay dhaqaale aan cadadkeeda la sheegin gaarsiisay maamulka Somaliland, taa oo lagu biirin doono dhaqaalaha ku bixi doona howlaha doorashada.
Dowlada Federaalka ayaa waxaa dhaqaalahan usoo mariyay maamulka Somaliland xubnaha beesha caalamka ka jooga Somalia, kuwaa oo qoondo lacageed dhanka doorashada ah ugu talo galay maamulka.
Dhaqaalaha oo ilaa iyo xad kabi kara maamulka ayey dowlada Federaalka ku sheegtay in loogu talo galay ku bixinta howlaha doorashada, sida aan kasoo xiganay ilo wareedyo ka tirsan Xukuumada.
Dowlada Federaalka ayaa dhaqaale xoogan ku bixisa maamul Goboleedyada dalka taa oo lagu xaliyo dhibaatooyinka soo foodsaara, waxa ayna lacagtan qeyb ka tahay lacagaha ay dowlada ku bixiso doorashooyinka maamulada u qabsooma.
Geesta kale, Xukuumada Somalia ayaa si gaara uga fiirsan doonta qoondada dhaqaale ee loogu talo galay maamulka Somalia, sida ay dhawaan shaacisay Wasaarada Maaliyada.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

WAR DEG DEG AH: Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland...

$
0
0

Aug 6, 2017 -
Magaalada Hargeysa ee Maamulka Soomaaliland waxaa Maanta lagu qabtay doorashada Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Maamulka Somaliland taas oo ay ku tartamayeen ilaa laba musharax.
Doorashadaan oo aheyd mid aad u adag ayaa ugu dambeyn waxaa ku guuleestay in xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Somaliland in uu noqdo Baashe Maxamed Faarax,oo horay u ahaa Gudoomiye ku Xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiilada somaliland.
Doorashada ayaa waxaa ku tartamayay Cabdiraxmaan Talyanle u Codeeysay 38 Mudane halka Baashe Maxamed Faarax,ay u codeeyeen 39 Mudane sidaasna uu ku guuleestay.
Shirgudoonka Golaha Wakiilada Somaliland ayaa waxay shaaca ka qaadeen in 7 Cisho kadib isna la dooran doono booskii uu baneeyey Baashe Maxamed Faarax ee Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha wakiilada Somaliland.
Nagala soo xiriir
storvideo: 


Madaxweyne Gaas oo magacaabaya gole wasiirro oo u...

$
0
0

Garoowe (RBC Radio) Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa laga sugaya magacaabista gole wasiirro ,markii dhawaan Baarlamaanka uu ridey wasiirradii hore.
Madaxweynaha ayaa la hadal haya inuu dhawaan soo magacaabo golaha wasiirrada cusub,sida laga soo xigtay ilo ku dhow madaxweynaha.
Inta baddan la tashiyo ka horreeyay magacaabista ayuu madaxweynaha soo dhammeystiray,balse waxaa jira caqabado ay ugu horreeyaan in xubno la doonayo in la magacaabo ay ku qanci la'yihiin qaarkood wasaaradaha loo dhiibayo.
Isku shaandheyn mise magacaabis
Madaxweynaha waxaa la sheegay inta baddan inuu dib usoo celinayo wasiiradii hore ee u Baarlamaanka ridey,qaarkood waxaa dhici karta in loo badalo wasaaraddo kale,taaso magacaabista wasiirrada u ekeysiineysa isku shaandheyn.
Garoowe hadda waxaa joga dad badan oo qaarkood ay dibadda ka yimaaden si ay qeyb uga noqdaan xukuumadda cusub,balse isbadal weyn luguma arki doonno golaha uu soo dhisayo madaxweynaha,sida ay Raxanreeb oggaatay.
"Kaliya wasiirro kooban ayey saameynaysa golaha cusub oo inta badan waxaa la filaya madaxweynaha inuu soo celiyo wasiiradii hore oo qaarkood soo laabanaya iyagoo wasaaraddo kale ku magacaaban."ayuu yiri sarkaal sare oo dowladda ka tiran oo Raxanreeb la hadlay.
Gabagabadii,Si cad looma oggaan karo illaa hadda magacyada ka mid noqon kara golaha wasiirrada cusub ee laga sugayo madaxweynaha Puntland.
___
RBC Radio

storvideo: 

Xog: Xildhibaano ka tirsan BF oo is feeray &...

$
0
0

Aug 6, 2017 -
Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa soo kala dhex galay Khilaafyo xoogan oo sabab u noqda inay isku adeegsadaan xiliyada doodaha Baarlamaanka hadalo qalafsan, walow Saxaafada loogu hanjabo in aan hadaladaasi la duubi Karin ama aan la sii deyn Karin.
Xogta aan helnay ayaa sheegeysa inuu sii xumaaday dagaalkii u dhaxeeyay Labada Xildhibaan ee ugu kul kulul Baarlamaanka waa Xildhibaan Mahad Salaad iyo Xildhibaan Cabdi Raxmaan Dheere.
Labadaan Xildhibaan ayaa sida la wada og yahay Xildhibaanada Hortooda isku feeray, waxaana dagaalkaasi uu sababay in Xildhibaanada ay la kala saftaan taasoo abuurtay xiisad kulul oo ilaa iyo hada aan xal laga gaarin.
Sababaha ugu waa weyn ee xiisada loo dajin la'yahay ayaa lagu sheegay Xildhibaan Mahad Salaad oo ku andacoonaya inuu raali galin siiyo Cabdi Raxmaan Dheere maadaama uu isaga feeray.
Laakiin Xildhibaan Dheere ayaa biyo diidan inuu raali galin ka bixiyo dagaalka uu bilaabay, isagoo sheegay in Mahad Salaad ay tahay in laga qabto Xildhibaanada Baarlamaanka.
Qaar ka mid Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa hada wada qorshe ay iskugu soo hor fariisinayaan Xildhibaanadan is feeray, si loo soo gaba gabeeyo dagaalka u dhaxeeya.
Ciidamada AMISOM ayaa kala dhex gala Xildhibaanada oo inta badan si caro ay ka muuqato u dooda ka dibna dagaal gacan ka hadal uu dhex maro, inkastoo Warbaahinta loogu hanjabo inaysan shacabka u soo bandhigin dhacdooyinkaan oo kale.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Shiinaha oo Pyongyang ugu baaqay in ay hakiso tijaabada hubkeeda

$
0
0

Shiinaha ayaa ugu baaqay Kuuriyada Woqooyi in ay go'aan fiican ka qaadato sidii ay u hakin lahayd tijaabada niyuukleerka iyo gantaaladeeda.

Talyaaniga oo markab siday muhaajiriin u diiday inuu ku xirto Lampedusa

$
0
0

Markab u kireysan hay'adda dhakhaatiirta aan xudduudda lahayn ee MSF oo siday dad muhaajiriin ah ayaa loo diiday in uu ku xirto dekadda jasiiradda Lampedusa ee dalka Talyaaniga.

Baarlamaanka Somaliland oo doortay guddoomiye cusub

$
0
0

Baarlamaanka Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland ayaa maanta doortay guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka kaddib markii dhawaan uu iscasilay guddoomiyihii hore.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live