Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Ra’iisul Wasaare Khayre oo booqday kaydka raashinka...

0
0

Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Xooga dalka Soomaaliya Sareeyo Gaas Axmed Maxamed Jimcaal (Cirfiid) ayaa galabta booqday xarunta kaydka raashinka ee ciidanka Soomaaliyeed, waxayna indho indheeyeen goobaha ay ku jiraan noocyada kala duwan ee cuntooyinka loogu tala galay ciidamadda Qaranka ee dalka. Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ku dheeraaday shaqada ay hayaan ciidanka ayaa ka dhagaystay warbixin saraakiisha dowladda, kuwasoo ku sugnaa xarunta kaydka ciidanka, waxuuna waraystay habka loo qaybiyo raashinka loona gaarsiiyo xarumaha ay ku sugan yihiin dhamaan ciidamadda, sidoo kalena waxuu waydiiyay in cuntooyinkan ay yihiin kuwa ku filan qaybaha kala duwan ee ciidanka Soomaaliya. Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya ( XDS ) Axmed Maxamed Jimcaale ayaa sheegay in raashinku uu yahay mid ku filan ciidamadda, balse waxuu madaxda qaranka u soo jeediyay in si hoose ula socdaan xaaladda ciiddanka maadaama ay marwalba halis u galiyaan naftooda inay difaacaan dalkooda, sidoo kalena waxuu tilmaamay in maalinta beri ah ciidanka loo qaybin doono raashinkooda, iyadoo xarun walba la gaynayo inta ay xaq u heshay. Ra'iisul Wasaare Khayre ayaa tilmaamay in ahmiyada koowaad la siiyo ciidamadda, maadaama ay shaqada ugu muhiim san wadanka u hayaan, wuxuuna ku dardaarmay in laga fogaado hantida ciidanka [...]
storvideo: 


Dhageyso: Jawaari oo go’aan ka gaaray muran ka...

0
0

Aug 6, 2017 -
Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Habdhowraha baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa.
Guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari markii uu la tashaday labadiisa ku xigeen ayaa waxa uu magacaabay Habdhowraha golaha shacabka iyo labadiisa ku xigeen.
Habdhowraha golaha shacabka iyo labadiisa ku xigeen ayaa waxaa loo kala magacaabay sidatan:
Xildhibaan Maxamed C/llaahi Xasan " Nuux "Xildhibaan Sharmaarke Suleymaan Buraale ku xigeen.Xildhibaan Maxamed NuurIftin " Shambara " ku xigeen.Xildhibaanada golaha shacabka ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay 3 Xildhibaan ee Habdhowrayaasha loo magacaabay.
158 Xildhibaan ayaa ogolaaday magacaabista Habdhowraha golaha shacabka iyo labadiisa ku xigeen halka 8 Xildhibaan ay diideen, mana jirin Xildhibaan ka aamusay.
Ansixintan Habdhowraha golaha shacabka iyo labadiisa ku xigeen ee codadka badan lagu ansixiyay ayaa ka turjumeysa sida Xildhibaanada golaha shacabka ay ugu qanceen Mudanayaasha la magacaabay.
Guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo labadiisa ku xigeen ayaa 3 Xildhibaan waxa ay u garteen in ay noqdaan Habdhowrayaal ka dib markii ay qiimeeyeen aqoontoodaiyo sida ay ugusoo bixi karaan howsha loo magacaabay.
Mudanayaasha la magacaabay ayaa ka shaqeyn doono hagaajinta iyo nidaaminta golaha shacabka inta ay socdaan fadhiyada golaha uu yeelanayo.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Xog Muqaal:Hogaamiye kooxeed sheegay in Farmaajo iyo...

0
0

Aug 6, 2017 -
Cabdi nuure siyaad Cabdi waal oo kamid ah siyaasihiinta ugu caansan koofurta soomaaliya marna kamid ahaa hogaamiyaal kooxeedyadii dalka ka arimin jiray oo maxkamadaha kasaareyn koofurta iyo bartamaha dalka soomaaliyia ayaa kahadlay shir ay soo qaban qaabiyeen odayaasha iyo wax garadka beesha habagidir.
Kulankaan oo looga hadlaayay xukunkii maxkamada ciidamada qalabka sida ku riday askari dilay wasiir Cabaas Siraaji oo dhawaan lagu dilay meel aan sidaa oga fogeyn xarunta madaxtooyada.
Cabdi Nuure ayaa sheegay in dilka askarigaan siweyn arimahiisa gadaal oga riixayaan madaxda ugu sareysa dalka waxaana oo sheegay in oo la kulmay wiil ladhashay Cabaas Siraaji kasoo oo sheegay in ay rabaan in beesha wasiirka dishay kala xaalaan dilka walaalkooda.
Sido kale waxa oo sheegay Cabdi Nuure in u balamiyay ugaaska beeshooda si ula kulmaan beesha Cabaas Siraaji oo kasoo jeedo balse lagu war geliyay in madaxda dowlada la kulmeyn qoyska Cabaas Siraaji islamarkaa loo balan qaaday in lasiin doon wilkii wasiirnimo iyo xildhibaanimo ay faraha kala baxaan xukunka lagu ridaayo askarigaas.
Cabdi Nuure Siyaad ayaa sheegay in dilka wasiir Cabaas si gaar ah u daneenayeen madaxda ugu sareysa dalka ayagoo la leh qorshayaal ka fog dilka waxaana oo sheegay in beesha wiilka laga dilay haatan ogoleyn in la la fariisto madaama balan qaad ku farxayn ka heleyn madaxda dalka.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

AKHRISO: Miisaaniyadda sanadka 2017 iyo qaraashaadka...

0
0

HORDHAC
Ku Noqoshada Odoroska Miisaaniyada Qaranka ee 2017ka waa Miisaaniyad Sanadeedkii 1aad ee uu falanqeeyo guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka 10aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya. Guddiga Maaliyaddu waxa uu u xilsaaranyahay isagoo wakiil uga ah Golaha Shacabaka sida ku xusan Qodobka 67aad, Faqradiisa 7aad Xeerhoosaadka Golaha Shacabka arrimaha Miisaaniyadda.
Isagoo si guud oo dhammeystiran u eegaya Qoondada Miisaaniyadda tixgelinayna soo jeedimihi Golaha Shacabka, kana fiirinaya dhinacyada; (b) Siyaasadda Qorshaha Miisaaniyadda, (t) Xaqiiqada dhabta ah ee ay ku dhisantahay Misaaniyaddu xisaab ahaan iyo sharci ahaanba (j) Hubinta isku dheelitirnaanta Dakhliga ka soo xaroonkara ilaha dhaqaale ee ku talogalka Miisaaniyaddu ku qotomo iyo (x) Kharashyada Qorsheysan ee Miisaaniyadda, wuxuu dulmar guud ku sameeyey kana baaraandegay oddoroska ku noqoshada Miisaaniyadda 2017 oo loo soo gudbiyey Golaha Shacabka laguna wareejiyay Guddiga Maaliyadda 15/7/2017.Shuruucda iyo Siyaasadda Miisaaniyadda
Sida habdhaqanka maaliyadeed ee soo gudbinta Miisaaniyada Guud ee Qaranka caadada u ah waa inay Xeerka Miisaaniyadda iyo lifaaqyada qoondada miisaaniayaddu koobayaan warbixinno dhammeystiran oo iftiiminaya dhinacyada kala duwan dhaqaalaha dalka guud ahaan iyo qoondada Miisaaniyadeed ee dalka si ay u fududaato in si sahlan loogu fahmo miisaaniyadda, arrimahaas oo ay ugu muhiimsan yihiin;
1. Shuruucda ay ku dhisan tahay Miisaaniyadda
2. Faahfaahin cad oo Dakhliga iyo Kharashka ah
3. Sababaha korar iyo dhimis kasta oo dakhli ama kharash cusub
4. Warbixinta Deymaha Qaranka iyo faahfaahintooda
5. Warbixinta deeqaha Qaran ee la filayo in la helo
6. Warbixinta dhigaalka/Keydka Qaranka
7. Warbixinta Mashaariicda Horumarineed ee dalka u qorsheysan.Xeerka Qoondada Miisaaniyada ee aan wax ka badalka ku samaynay:
Xeerka Qoondada ayaa dib loo eegay waxaana la isla gartay Guddiga iyo Wasaaradda maaliyada in Qodobada qaarkood toosin lagu sameeyo.
Haddaba meelaha wax laga badalay waxaa ka mid ah qodobada hoos ku cad.
2.3 Miisaaniyad Wareejinta Xaafiiska Dhexdiisa
1. wasiirku wuxuu xafiis dhexdiis.
A. Wuxuu Wasiirku kala wareejin karaa kharashka miisaaniyada joogtada ah walax walax hadii ay isku madax yihiin.
B. Kala wareejin karaa miisaaniyada mashruuc kuna wareejin karaa mashruuc kale kadib markii hay'adda mashruucaasi hore ugu qoondaysnaa ogolaato, Ra'iisul Wasaaruhuna saxiixo.2.4 Miisaaniyad Wareejinta Xaafiisyada Dhexdooda
1. Wasiirku wuxuu u wareejin karaa miisaaniyada joogtada ah ee loo qoondeeyey xafiis dawladeed in loo wareejiyo xafiis kale, kadib markii la xaqiijiyo in xafiiska loo qoondeeyey miisaaniyada aanu wada isticmaali karaynin Miisaaniyadaas hay'adda loo qoondeeyeyna ogolaato Ra'iisul Wasaaruhuna saxiixo.
2. Wasiirku wuxuu amri karaa in Miisaaniyada mashaariicda ee loo qoondeeyey xafiis loo wareejiyo mashruuc xafiis kale, kadib markii la xaqiijiyo in Miisaaniyad yaraanta xafiiska laga dabooli karo Miisaaniyada mashaariic loo ansixiyey sanadkaas xafiis kale oo dawladeed.
3. Wasiirku waa inuu kusoo wargeliyaa Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka kala wareejinta ku xusan Qodobka 2.3, Faqradiisa (B) iyo (T) iyo Qodobka 2.4, Faqradiisa (1) iyo (2) ee Qoondada Miisaaniyadda si uu hubiyo sharci ahaan in ay waafaqsantahay xeerka iyo habraaca Miisaaniyadda ee sannad maaliyadeedka 2017ka.2.5 Wareejinta Miisaaniyada Keydka (Lama filaanka)
1. Wasiirku wuxuu kadib oggolaanshaha Golaha Wasiirada amri karaa in miisaaniyada kaydka lama filaanka loo wareejiyo loona isticmaalo kharash xaalad degdeg ah, kadib markii ay dhacaan hawlo gurmad degdeg ah oo u baahan kharash degdeg ah oo aanay baahidoodu horay u muuqanin waqtiga la diyaarinayay Miisaaniyada sanadka. Ansixinta Golaha Wasiirada kadib Wasiirka waxa uu la wadaagayaa Gudiga Maaliyada Golaha Shacabka ogolaanshaha Golaha Wasiirada ee wareejinta keydka lama filaanka ah oo sababeysan. Kolka uu wasiirka ansixiyo soo wareejinta khaarashka keydka kabida waxaa lagu wareejinayaa hay'adda ka mas'uulka ah.
2. Kharashka kaydka lama filaanka waxaa keliya oo loo isticmaali karaa xaalad degdeg ah sida fatahaado, abaaro, cuduro dilaacay, ama kharashaad muhiimad Qaran oo lama huraan ah leh oo aan muuqanin markii la diiyarinayay qoondada Miisaaniyadda. Loomana isticmaali karo baahida kharashka caadiga ah ee xafiisyada dowladda.
Kaydka kabidda (Lama filaanka) Waxaa guddiga u cadaatay in isticmaalka madax xigaha lama filaanka miisaaniyaddii loo qoondeeyay 6dii bilood ee hore ee sanadkaan loo adeegsaday kharashaad ka geddisan sida xeerka qoondada Miisaaniyadda ku cad. Tusaale ahaan 6dii bil waxaa laga isticmaalay madaxa kaydka kabidda (lama filaanka) lacag dhan $1,283,697 oo kabadan qoondadi 6dii bilood ee sanadkaan 2017, kharashkaas dheeriga ah waxaa laga soo wareejiyay madax xigaha 2314 ee raasumaalka si aan waafaqsanayn xeerka qoondada Miisaaniyadda 2017.2.7 Deymaha/Amaahda
Deymaha iyo Amaahda sharciyeysan ee laga dhaxlay Miisaaniyaddii 2015 iyo 2016-ka ayaa noqoneysa deyn usoo gudbeysa sanadka 2017-ka, waxayna noqoneysaa qeyb ka mid ah mudnaanta kharashka, Waxaana Wasaaradda Maaliyadda in ay soo cadayso deymaha laga dhaxlay Miisaaniyadda sanadyadii 2015 iyo 2016 oo tifatiran iyada oo laga bixinayo meesha ay uga jirto mudnaanta qarash bixinta.
3.1 Mudnaanta Kala Horumarinta Qarash Bixinta
Haddii ay timaaddo hoos u dhac dhanka dakhliga ah ama deeqaha wasaaradduna fulin weyso bixinta dhammaan kharashaadkii kutalagalka miisaniyadda 2017, waxaa mudnaanta kharash bixinta loo raacayaa sida ay u kala horreeyaan ee hoos ku taxan:
1. Raashinka iyo gunooyinka ciidamada qalabka sida.
2. Mushaharooyinka/gunooyinka shaqaalaha Rayidka ah
3. Gunada Xildhibaanada, Golaha Wasiirada iyo Agabka iyo Adeega Barlamaanka
4. Khidmadaha maaliyadu ku shaqayso (Bangiga Dhexe iyo Bangiga Horumarinta)
5. Mushaharka iyo gunnooyinka daynta ah ee kasoo wareegay Miisaaniyada sanadkii hore.
6. Adeegga iyo agabka Xafiisyada Dowladda
7. Daynta iyo qaamaha la hormarsaday.
Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka wuxuu ku adkeynayaa Wasaarada Maaliyada in ay qaraarka Golaha Shacabka ee mudnaanta kala horumarinta qarash bixinta ee xeerka ku noqoshada Miisaaniyadda 2017 ay u fuliso sida uu u qoranyahay.
3.8 Warbixin Xisaabeedka
1) Dhamaan Hay'adaha Dowladda waa in ay u keenaan Xisaabiyaha Guud iyo Agaasimaha Guud ee Wasaradda dhamaan xisaab xidhka kharajka iyo dakhliga ee bishaas ugu danbeyn 7da bisha xigta iyadoo la raacayo qaabka uu tilmaami doono Xisaabiyaha Guud. Waxaa awood loo siiyey Wasaaradda inay hakiso bixinta qoondada ee miisaaniyadda ee hayadaha keeni waaya xisaabxirka billaha ah. Guddiga iyo Wasaarada waxaa ay isla garteen in laga bilaabo bisha Agoosto 2017 loo dhaqan gelin doono qodobkaan sida uu u qoranyahay.
4 Canshuurta iyo Tacriifada Furdooyinka
Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka iyo Wasaaradda Maaliyaddu waxa ay isla garteen in dhamaan tacriifada kujirta xeerka qoondada miisaaniyadda laga saaro lana hor keeno Golaha Shacabka ka hor inta aan la keenin Miisaaniyadda 2018.
O Canshuurta Faai'idul Faa'idada (Mushaaraadka) Guddiga iyo Wasaaradda Maaliyaddu waxa ay isla garteen in aysan jirin waxa canshuura ah oo ku waajibaysa Gunno xileedyada si waafaqsan xeerka Lr. 5, November 7, 1966.
O Guddiga iyo Wasaaradda Maaliyaddu waxaa ay isla garteen in guud ahaan Mushaarka Ciidamada lagu kordhiyo lacag dhan $50, marka laga reebo inta darajo (grades) wax ku qaadata laga bilaabo 1da Noofember 2017, waxaana shardi ah in loo furo xisaab dhamaan ciidanka qaranka ka hor bisha Noofember 2017, lamana bixin karo wax gunno/mushaar ah oo aan lagu shubin xisaabta gaarka ah ee askari waliba laga bilaabo 1da Noofember 2017.
O Guddiga iyo wasaaradda Maaliyaddu waxa ay isla garteen in Mushaarka Xildhibaanadii hore ee Barlamaankii 9aad la bixiyo 1 Bil sannadkan 2017, shanta bil ee kalena lagu daro Miisaaniyadda 2018.
Muuqaalka Guud ee Miisaaniyadda
Guddiga Maaliyadda iyo Miisaaniyadda ee Golaha Shacabka, isagoo maskaxda ku haya arrimaha kor ku xusan, tixgelinayana duruufaha dalku ku suganyahey wuxuu muddo 2 todobaad ah ku hawlanaa dib u eegista iyo ka baaraandegista Miisaaniyadda Qaranka ee Sannadka 2017, taasi oo muujinaysa muuqaalka hoos ku xusan.
Sida uu tusayo Jaantuska1, ee kutala galka ku noqoshada Miisaaniyadda 2017 ka oo dhan US$ 260M waxaa ka muuqda in Miisaaniayaddu wali si weyn ugu kooban tahey kharashyada Adeegga Maamulka iyo Diffaaca taas oo looga qoondeeyey miisaaniyadda joogtada ah qaddar dhan US$ 247.7M kana ah 95.3%. Halka hadhaaga oo dhan US$ 12.3M oo loogu talo galay mashaariicda horumarinta una dhiganta 4.7% Qoondada Miisaaniyadda.
Jaantuska 1aad: Muuqaalka Guud ee Miisaaniyadda Sannadka 2017
9 Falanqeynta iyo Talo Bixinta Guddiga Maaliyadda
Guddiga Maaliyaddu wuxuu kulan falanqayn ah kala yeeshay Madaxda Wasaaradda Maaliyadda oo uu hoggaaminayey Wasiirka wasaaradda maaliyadda. Dhinaca kalena waxey warbixinno iyo cabashooyinba ka dhegeysteen qaybo ka mid ah masuuliyiinta hay'adaha dawladda. Hadaba markii si qoto dheer loo falanqeeyey loogana baaraandegey kutalagalka Miisaaniyadda ee Dakhliga iyo Kharashka Sannadaka 2017ka waxaa u soo baxdey arrimaha hoos ku qoran oo uu guddigu ka tilmaan bixiyey.
Dakhliga Miisaaniyadda
Dakhliga miisaaniyaddu wuxuu aalaaba ka kooban yahey canshuuraha iyo khidmadaha kala duwan ee sharcigu jideeyey, kaalmooyinka ama deeqaha, dakhliga kale ee ilaha filiqsan ka soo baxa, daymaha qaranku soo deynsado gudaha iyo dibeddaba, haraaga miisaaniyadihii hore haddii uu jiro iyo dakhlikasta oo la filayo in si sharciga waafaqsan ay ugu soo korodho miisaaniyadda.
1. Guddigu markii uu eegay dakhliga gudaha ee miisaaniyadda waxa u muuqdey inuu sameeyey isbeddel korodhsiimo balse aad uga yar kororsiimadii 6dii bilood ee hore sanadki 2016, guud ahaan dakhliga gudaha iyo dibadda ee 6da bilood ee sannadkan ugu horraysay waxaa ay noqotay US$93 M kororsmiimaduna waa US$3.5 M oo lamid ah 3.8% halka 6dii bilood ee sanadkii hore 2016 ka uu ahaa dakhliga guud ee gudaha iyo dibadda US$ 89.5 M kororsiimada uu sameeyayna ay ahayd US$28.9 M oo lamid ah 32.3%, halka 6di bilood ee ugu horaysay sanadki 2015kii dakhliga guud ee gudaha iyo dibadda uu ahaa US$ 60.6 M. Guud ahaan Ku noqoshada miisaaniyad sannadeedka (2017) dakhli ahaan waxey ka yartahay middii ku talogalkii iyo ku noqoshadi sannadkii hore (2017) Kii, waxayna inta badan ku saleysantahay miisaaniyad ku celintii sannadka 2016. Sidaa darted Guddigu waxa uu soo jeediyay in kor loo qaado howlaha dakhli ururinta dalka.
2. Sida ku cad jaantuska 1aad waxaa muuqata in ay ku baxayso 54.8% ku baxayso hay'adaha adeega maamulka guud, waxaana sababa arintaan kororka shaqaalaha dowladda oo joogta ah,
Kharashka Miisaaniyadda
1. Dhinaca Kharash bixinta dawladda wuxuu guddigu falanqeyn dheer ka yeeshey duruufaha adag ee ka horyimid dheelitirka Miisaaniyadda iyo Isbeddelada lagu Sameeyey Miisaaniyadda.
2. Kaddib markii guddiga iyo wasaaraddu yeesheen kulamo isdabajoog ah waxaa la isla gartay in meelaha qaar ay muhiim tahay in isbeddel lagu sameeyo taasi oo ay sababtay duruufo baahiyeed oo lagama maarmaan ka dhigaya in la daboolo. Islamarkaana ay soo korodhay deeqlacageed oo dhan USD14.1 milyan taasi oo loo qaybiyey meelaha ugu baahida badan leh sida ka muuqata jaantuska hoos ku xusan.
O Guddigu markii uu u kuurgalay Miisaaniyadda waxaa u soo baxdey in miisaniayaddii la soo gudbiyey April 2017 ay kusoo korodhay shaqaale dhan 618 oo aan kujirin Miisaaniyaddi 6di bilood ee sanadkaan 2017, tiradaasi oo kharashkooda lagu soo daray isbeddelka miisaaniyadda ku celiska ah ee cusub.
Talooyin iyo Soo Jeedimo
Dhammaan soo jeedimada soo socda waxaa ay noqonayaan qaraar marka Golaha Shacabku ansixiyo waxayna kala yihiin sidatan:
1. Si loo kobciyo dhaqaalaha dalka loona ilaaliyo hufnaanta maaliyadda guddigu wuxuu aad u adkaynayaa dhaqangelinta qaraarada Golaha Shacabaka ee ku wajahnaa hagaajinta hawlaha dakhliga iyo maamulka kharashaadka dowladda.
2. Guddigu wuxuu soo jeedinayaa in miisaaniyadda hay'adda Bi'adda iyo duurjoogta la raaciyo wasaaradda Wasaaradda xannaanada xoolaha, dhirta iyo daaqa.
3. Guddigu isagoo tixgelinaya soo jeedimihii shacabkii ka qayb galay dhegaysigii dadweynaha ee Miisaaniyadda 2017 ka wuxuu soo jeedinayaa iney Xukuumaddu diyaariso qorshe qaran oo horumarineed oo ku aadan miisaaniyadda kaalmada ah ee beesha caalamku ugu deeqday horumarinta dalka iyo in miisaaniayadda gudaha looga qoondeeyo qayb horumarineed miisaaniyada 2018.
4. In ay xukuumadu si guud uga wada shaqayso dib u habaynta Miisaaniyadda Ciidamada Qaranka ee 2018 kahor inta aan la hor keenin Golaha Shacabka sidoo kale lagu soo saleeyo Gunnada Ciidamada darajadooda.
5. In Wasaaradda Maaliyaddu usoo gudbiso Guddiga Maaliyadda liiska daymaha oo faah faahsan iyo qorshaha lagu bixinayo ka hor Miisaaniyadda 2018.
6. Guddigu waxaa uu soo jeedinayaa in Miisaaniyadda Safaaradaha loo qoondeeyay lagu shubo akoomada Safaaradaha ay ku leeyihiin Bangiga Dhaxe. Safaaradii aan akoon lahayna si deg deg ah loogu furo.
7. Guddigu waxa uu soo jeedinayaa in lagu soo faah faahiyo Miisaaniyadda 2018 qoondada duuduubka ah ee ay Dowlada Dhexe siiso Dowlad gobaleedyada, Gobalka Banaadir, Dekeda Xamar, Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha iyo wixii la hal maala.
8. In mashaariicda horumarinta lagu saleeyo baahiyaha mudnaanta leh, lana waafajiyo Qorshaha Horumarinta Qaranka (NDP), looguna qaybiyo si caddaalad ah gobollada iyo degmooyinka dalka, iyadoo fursad loo siinayo xildhibaannada qaranku inay qayb ka ahaadaan talada mudnaanta mashaariicda laga fulinayo deegaan doorashadooda.
9. Guddigu waxa kale oo uu Golaha u soo jeedinayaa in wasaaradda la faro soo diyaarinta xeer Miisaaniyadeed qaran sanadka 2018 oo lagu salayn doono gunnooyinka xileed ee Siyaasiinta iyo sahay safarada si waafaqsan xeer hoosaadka Golaha Shacabka.
10. Waxa kale oo guddigu soo jeedinayaa in sida ugu degdega badan loo dhammeystiro shuruucda maaliyadda ee dhiman sida; Sharciga Maamulka Maaliyadda Dowladda iyo Sharciga Maamulka Cashuuraha (Revenue Bill), iyo in si gaar ah loo hor keeno Golaha Shacabka tacriifooyinka ka hor Miisaaniyadda 2018.
11. Si loo ilaaliyo xuquuqda muwaadinka iyo hufnaanta maaliyadda Dowladda guddigu wuxuu soo jeedinayaa in cidkasta oo qaadata mushaar joogto ah ama gunno Dowladeed (siyaasiyiin, ciidan iyo shaqaalaha rayidka) loo furo xisaab (account) u gaar ah oo si joogta ah loogu shubo/wareejiyo.
Gabogabo
Guddigu isagoo tixgelinyaa duruufha dalku kujiro iyo in dalku lahayn wax miisaaniyad ah mudo bil ah sidoo kalena maanka ku haya xaqa sharci ee ay leeyihiin Xubnaha Golaha Shacabka, Guddigu wuxuu ka codsanayaa Golaha Sharafta leh isagoo gudanaya waajibaadkiisa dastuuriga ah isla markaana xeerinaya duruufaha marxaladda dhaqaale ee dalku marayo in ay ansixiyaan ku noqoshada Miisaaniyadda Sannadka 2017.
=====Dhammaad===

storvideo: 

Wasaaradda arrimaha dastuurka iyo madaxda ururada...

0
0

Shir u dhaxeeyay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaliya iyo Ururada Bulshada Rayidka ayaa ka dhacay Xarunta Wasaaradda, shirka ayaa ahaa mid loogu diyaar garoowayo shir afar maalin socon doona oo beri ka furmi doona magaalada Muqdisho. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, qaar kamid ah Lataliyayaasha iyo Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda ayaa kulanka la yeeshay Madaxda Urarada Bulshada Rayidka oo soo booqaday Xarunta Wasaaradda, kuwaasoo ka kala yimid dawlad goboleedyada dalka. Wasaaradda ayaa waxa ay qabanqaabisay kulan beri ka bilaabmi doona Muqdisho oo ujeedada laga leeyahay ay tahay in lagu diyaariyo Istiraatiijiyadda Waxbarashada Madaniga, Wacyi Gelinta Bulshada, iyo Latashiyada Dadweynaha ee dib-u-eegsita Dastuurka, Kulankaa oo ay door weyn ka qaadan doonaan Bulshada Rayidka ayaa madaxdooda iyo masuuliyiinta Wasaardda isku afgarteen in uu noqdo mid ay ka soo baxaan talooyin la mahdiyo. Ugu dambayn, waxaa ay labada dhinac isku fahmeen in Istiraatijiyooyinka ka soo bixi doona shirka beri furmi doona ay noqdaan kuwo ay ku hawlgalaan dhamaan Ururada Bulshada Rayidka ee ka qayb qaadan doona Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka.
storvideo: 

RW Khayre oo booqday kaydka raashinka ee ciidanka...

0
0

Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo uu weheliyo taliyaha ciidanka xooga dalka Soomaaliya sareeyo gaas Axmed Maxamed Jimcaal (Cirfiid) ayaa galabta booqday xarunta kaydka raashinka ee ciidanka Soomaaliyeed, waxayna indho indheeyeen goobaha ay ku jiraan noocyada kala duwan ee cuntooyinka loogu tala galay ciidamadda qaranka ee dalka. Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ku dheeraaday shaqada ay hayaan ciidanka ayaa ka dhagaystay warbixin saraakiisha dowladda, kuwasoo ku sugnaa xarunta kaydka ciidanka, waxuuna waraystay habka loo qaybiyo raashinka loona gaarsiiyo xarumaha ay ku sugan yihiin dhamaan ciidamadda, sidoo kalena waxuu waydiiyay in cuntooyinkan ay yihiin kuwa ku filan qaybaha kala duwan ee ciidanka Soomaaliya. Taliyaha ciidanka xooga dalka Soomaaliya ( XDS ) Axmed Maxamed Jimcaale ayaa sheegay in raashinku uu yahay mid ku filan ciidamadda, balse waxuu madaxda qaranka u soo jeediyay in si hoose ula socdaan xaaladda ciiddanka maadaama ay marwalba halis u galiyaan naftooda inay difaacaan dalkooda, sidoo kalena waxuu tilmaamay in maalinta beri ah ciidanka loo qaybin doono raashinkooda, iyadoo xarun walba la gaynayo inta ay xaq u heshay. Ra'iisul Wasaare Khayre ayaa tilmaamay in ahmiyada koowaad la siiyo ciidamadda, maadaama ay shaqada ugu muhiim san wadanka u hayaan, wuxuuna ku dardaarmay in laga fogaado hantida ciidanka [...]
storvideo: 

Uganda iyo Tanzania oo daah furey mashruuc balaaran...

0
0

Madaxweynaha dalka Tanzania John Magufuli iyo dhigiisa Uganda Yoweri Museveni ayaa si wadajir ah u dhagax dhigay dhismaha dhuun qaada saliid ceyrin oo ka bilaabaya deegaanka Hoima ee dalka Uganda gaaraysana dekada Tanzania ee badweynta Indian ee Tanga. Dhuunta saliida ceyriin ee bariga Afrika oo loo soo qaabiyo EACOP ayaa lagu dheririn doonaa 1,443-kilometer taas oo uu ku kacayo aduun gaaraya 3.55 billion oo dallarka Amerikaanka ah, waxayna maalintiii qaadaysa 200,000 liter oo saliid ah marka uu mashruuca la howlgeliyo. Kaas noqon doontaa kan ugu balaaran adduunka oo nooceeda ah. Madaxda ku howlan dhismaha dhuuntan shidaal ayaa sheegay in ay bilaabi doonan mashruucan horaanta sanadka 2018 isla markaana qaadan doonta muddo 36 bilood ah iyadoo abuuri doonto 6,000 ilaa 10,000 oo shaqo. Keydka saliida ee dalka Uganda ayaa hadda lagu qisaasaa 6.5 billion oo fuusto oo laga soo saari karo 1.7 billion dhul gaaraya. Munaasabadda lagu dah furayay mashruucan ayaa waxaa goob joog ahaa mas'uuliyiin sar sare oo ay kamid yihiin wasiiro iyo saraakiil kale oo ka kala socota hey'adaha kala duwan ee dowladda oo mashruucan uu quseeyo. Isagoo ka hadlayay xafladda taariikhiga ah, ayuu madaxweyne Magufuli sheegay in mashruucan uu yahay mid horumar deg deg ah u keeni doono [...]
storvideo: 

Akhriso: Miisaaniyada DF Soomaaliya ee sanadka 2017...

0
0

Aug 6, 2017 -
Akhriso: Miisaaniyada DF Soomaaliya ee sanadka 2017 oo faahfaahsan...
Baarlamanka Somalia ayaa maanta ansixiyey miisaaniyada xukuumada Somalia ee sanadkan 2017-ka. Taasoo ay horey u soo diyaarisay, baarlamankana horgeysay Wasaarada Maaliyadda.
Miisaaniyada sanadkan ayaa gaareysa 260 milyan oo dollar, taasoo ka badan miisaaniyadii sanadkii hore oo gaareysay 246 milyan oo dollar.
Guddiga Maaliyada Baarlamanka Somalia oo ayaa wax ka bedel ku sameeyey miisaaniyada oo u qorneyd sidatan:-HORDHAC
Ku Noqoshada Odoroska Miisaaniyada Qaranka ee 2017ka waa Miisaaniyad Sanadeedkii 1aad ee uu falanqeeyo guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka 10aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya. Guddiga Maaliyaddu waxa uu u xilsaaranyahay isagoo wakiil uga ah Golaha Shacabaka sida ku xusan Qodobka 67aad, Faqradiisa 7aad Xeerhoosaadka Golaha Shacabka arrimaha Miisaaniyadda.
Isagoo si guud oo dhammeystiran u eegaya Qoondada Miisaaniyadda tixgelinayna soo jeedimihi Golaha Shacabka, kana fiirinaya dhinacyada; (b) Siyaasadda Qorshaha Miisaaniyadda, (t) Xaqiiqada dhabta ah ee ay ku dhisantahay Misaaniyaddu xisaab ahaan iyo sharci ahaanba (j) Hubinta isku dheelitirnaanta Dakhliga ka soo xaroonkara ilaha dhaqaale ee ku talogalka Miisaaniyaddu ku qotomo iyo (x) Kharashyada Qorsheysan ee Miisaaniyadda, wuxuu dulmar guud ku sameeyey kana baaraandegay oddoroska ku noqoshada Miisaaniyadda 2017 oo loo soo gudbiyey Golaha Shacabka laguna wareejiyay Guddiga Maaliyadda 15/7/2017.
Shuruucda iyo Siyaasadda Miisaaniyadda
Sida habdhaqanka maaliyadeed ee soo gudbinta Miisaaniyada Guud ee Qaranka caadada u ah waa inay Xeerka Miisaaniyadda iyo lifaaqyada qoondada miisaaniayaddu koobayaan warbixinno dhammeystiran oo iftiiminaya dhinacyada kala duwan dhaqaalaha dalka guud ahaan iyo qoondada Miisaaniyadeed ee dalka si ay u fududaato in si sahlan loogu fahmo miisaaniyadda, arrimahaas oo ay ugu muhiimsan yihiin;
1. Shuruucda ay ku dhisan tahay Miisaaniyadda
2. Faahfaahin cad oo Dakhliga iyo Kharashka ah
3. Sababaha korar iyo dhimis kasta oo dakhli ama kharash cusub
4. Warbixinta Deymaha Qaranka iyo faahfaahintooda
5. Warbixinta deeqaha Qaran ee la filayo in la helo
6. Warbixinta dhigaalka/Keydka Qaranka
7. Warbixinta Mashaariicda Horumarineed ee dalka u qorsheysan.
Xeerka Qoondada Miisaaniyada ee aan wax ka badalka ku samaynay:
Xeerka Qoondada ayaa dib loo eegay waxaana la isla gartay Guddiga iyo Wasaaradda maaliyada in Qodobada qaarkood toosin lagu sameeyo.
Haddaba meelaha wax laga badalay waxaa ka mid ah qodobada hoos ku cad.
2.3 Miisaaniyad Wareejinta Xaafiiska Dhexdiisa
1. wasiirku wuxuu xafiis dhexdiis.
A. Wuxuu Wasiirku kala wareejin karaa kharashka miisaaniyada joogtada ah walax walax hadii ay isku madax yihiin.
B. Kala wareejin karaa miisaaniyada mashruuc kuna wareejin karaa mashruuc kale kadib markii hay'adda mashruucaasi hore ugu qoondaysnaa ogolaato, Ra'iisul Wasaaruhuna saxiixo.
2.4 Miisaaniyad Wareejinta Xaafiisyada Dhexdooda
1. Wasiirku wuxuu u wareejin karaa miisaaniyada joogtada ah ee loo qoondeeyey xafiis dawladeed in loo wareejiyo xafiis kale, kadib markii la xaqiijiyo in xafiiska loo qoondeeyey miisaaniyada aanu wada isticmaali karaynin Miisaaniyadaas hay'adda loo qoondeeyeyna ogolaato Ra'iisul Wasaaruhuna saxiixo.
2. Wasiirku wuxuu amri karaa in Miisaaniyada mashaariicda ee loo qoondeeyey xafiis loo wareejiyo mashruuc xafiis kale, kadib markii la xaqiijiyo in Miisaaniyad yaraanta xafiiska laga dabooli karo Miisaaniyada mashaariic loo ansixiyey sanadkaas xafiis kale oo dawladeed.
3. Wasiirku waa inuu kusoo wargeliyaa Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka kala wareejinta ku xusan Qodobka 2.3, Faqradiisa (B) iyo (T) iyo Qodobka 2.4, Faqradiisa (1) iyo (2) ee Qoondada Miisaaniyadda si uu hubiyo sharci ahaan in ay waafaqsantahay xeerka iyo habraaca Miisaaniyadda ee sannad maaliyadeedka 2017ka.
2.5 Wareejinta Miisaaniyada Keydka (Lama filaanka)
1. Wasiirku wuxuu kadib oggolaanshaha Golaha Wasiirada amri karaa in miisaaniyada kaydka lama filaanka loo wareejiyo loona isticmaalo kharash xaalad degdeg ah, kadib markii ay dhacaan hawlo gurmad degdeg ah oo u baahan kharash degdeg ah oo aanay baahidoodu horay u muuqanin waqtiga la diyaarinayay Miisaaniyada sanadka. Ansixinta Golaha Wasiirada kadib Wasiirka waxa uu la wadaagayaa Gudiga Maaliyada Golaha Shacabka ogolaanshaha Golaha Wasiirada ee wareejinta keydka lama filaanka ah oo sababeysan. Kolka uu wasiirka ansixiyo soo wareejinta khaarashka keydka kabida waxaa lagu wareejinayaa hay'adda ka mas'uulka ah.
2. Kharashka kaydka lama filaanka waxaa keliya oo loo isticmaali karaa xaalad degdeg ah sida fatahaado, abaaro, cuduro dilaacay, ama kharashaad muhiimad Qaran oo lama huraan ah leh oo aan muuqanin markii la diiyarinayay qoondada Miisaaniyadda. Loomana isticmaali karo baahida kharashka caadiga ah ee xafiisyada dowladda.
Kaydka kabidda (Lama filaanka) Waxaa guddiga u cadaatay in isticmaalka madax xigaha lama filaanka miisaaniyaddii loo qoondeeyay 6dii bilood ee hore ee sanadkaan loo adeegsaday kharashaad ka geddisan sida xeerka qoondada Miisaaniyadda ku cad. Tusaale ahaan 6dii bil waxaa laga isticmaalay madaxa kaydka kabidda (lama filaanka) lacag dhan $1,283,697 oo kabadan qoondadi 6dii bilood ee sanadkaan 2017, kharashkaas dheeriga ah waxaa laga soo wareejiyay madax xigaha 2314 ee raasumaalka si aan waafaqsanayn xeerka qoondada Miisaaniyadda 2017.
2.7 Deymaha/Amaahda
Deymaha iyo Amaahda sharciyeysan ee laga dhaxlay Miisaaniyaddii 2015 iyo 2016-ka ayaa noqoneysa deyn usoo gudbeysa sanadka 2017-ka, waxayna noqoneysaa qeyb ka mid ah mudnaanta kharashka, Waxaana Wasaaradda Maaliyadda in ay soo cadayso deymaha laga dhaxlay Miisaaniyadda sanadyadii 2015 iyo 2016 oo tifatiran iyada oo laga bixinayo meesha ay uga jirto mudnaanta qarash bixinta.
3.1 Mudnaanta Kala Horumarinta Qarash Bixinta
Haddii ay timaaddo hoos u dhac dhanka dakhliga ah ama deeqaha wasaaradduna fulin weyso bixinta dhammaan kharashaadkii kutalagalka miisaniyadda 2017, waxaa mudnaanta kharash bixinta loo raacayaa sida ay u kala horreeyaan ee hoos ku taxan:
1. Raashinka iyo gunooyinka ciidamada qalabka sida.
2. Mushaharooyinka/gunooyinka shaqaalaha Rayidka ah
3. Gunada Xildhibaanada, Golaha Wasiirada iyo Agabka iyo Adeega Barlamaanka
4. Khidmadaha maaliyadu ku shaqayso (Bangiga Dhexe iyo Bangiga Horumarinta)
5. Mushaharka iyo gunnooyinka daynta ah ee kasoo wareegay Miisaaniyada sanadkii hore.
6. Adeegga iyo agabka Xafiisyada Dowladda
7. Daynta iyo qaamaha la hormarsaday.
Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka wuxuu ku adkeynayaa Wasaarada Maaliyada in ay qaraarka Golaha Shacabka ee mudnaanta kala horumarinta qarash bixinta ee xeerka ku noqoshada Miisaaniyadda 2017 ay u fuliso sida uu u qoranyahay.
3.8 Warbixin Xisaabeedka
1) Dhamaan Hay'adaha Dowladda waa in ay u keenaan Xisaabiyaha Guud iyo Agaasimaha Guud ee Wasaradda dhamaan xisaab xidhka kharajka iyo dakhliga ee bishaas ugu danbeyn 7da bisha xigta iyadoo la raacayo qaabka uu tilmaami doono Xisaabiyaha Guud. Waxaa awood loo siiyey Wasaaradda inay hakiso bixinta qoondada ee miisaaniyadda ee hayadaha keeni waaya xisaabxirka billaha ah. Guddiga iyo Wasaarada waxaa ay isla garteen in laga bilaabo bisha Agoosto 2017 loo dhaqan gelin doono qodobkaan sida uu u qoranyahay.
4 Canshuurta iyo Tacriifada Furdooyinka
Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka iyo Wasaaradda Maaliyaddu waxa ay isla garteen in dhamaan tacriifada kujirta xeerka qoondada miisaaniyadda laga saaro lana hor keeno Golaha Shacabka ka hor inta aan la keenin Miisaaniyadda 2018.
O Canshuurta Faai'idul Faa'idada (Mushaaraadka) Guddiga iyo Wasaaradda Maaliyaddu waxa ay isla garteen in aysan jirin waxa canshuura ah oo ku waajibaysa Gunno xileedyada si waafaqsan xeerka Lr. 5, November 7, 1966.
O Guddiga iyo Wasaaradda Maaliyaddu waxaa ay isla garteen in guud ahaan Mushaarka Ciidamada lagu kordhiyo lacag dhan $50, marka laga reebo inta darajo (grades) wax ku qaadata laga bilaabo 1da Noofember 2017, waxaana shardi ah in loo furo xisaab dhamaan ciidanka qaranka ka hor bisha Noofember 2017, lamana bixin karo wax gunno/mushaar ah oo aan lagu shubin xisaabta gaarka ah ee askari waliba laga bilaabo 1da Noofember 2017.
O Guddiga iyo wasaaradda Maaliyaddu waxa ay isla garteen in Mushaarka Xildhibaanadii hore ee Barlamaankii 9aad la bixiyo 1 Bil sannadkan 2017, shanta bil ee kalena lagu daro Miisaaniyadda 2018.
Muuqaalka Guud ee Miisaaniyadda
Guddiga Maaliyadda iyo Miisaaniyadda ee Golaha Shacabka, isagoo maskaxda ku haya arrimaha kor ku xusan, tixgelinayana duruufaha dalku ku suganyahey wuxuu muddo 2 todobaad ah ku hawlanaa dib u eegista iyo ka baaraandegista Miisaaniyadda Qaranka ee Sannadka 2017, taasi oo muujinaysa muuqaalka hoos ku xusan.
Sida uu tusayo Jaantuska1, ee kutala galka ku noqoshada Miisaaniyadda 2017 ka oo dhan US$ 260M waxaa ka muuqda in Miisaaniayaddu wali si weyn ugu kooban tahey kharashyada Adeegga Maamulka iyo Diffaaca taas oo looga qoondeeyey miisaaniyadda joogtada ah qaddar dhan US$ 247.7M kana ah 95.3%. Halka hadhaaga oo dhan US$ 12.3M oo loogu talo galay mashaariicda horumarinta una dhiganta 4.7% Qoondada Miisaaniyadda.
Jaantuska 1aad: Muuqaalka Guud ee Miisaaniyadda Sannadka 20179 Falanqaynta iyo Talo Bixinta Guddiga Maaliyadda
Guddiga Maaliyaddu wuxuu kulan falanqayn ah kala yeeshay Madaxda Wasaaradda Maaliyadda oo uu hoggaaminayey Wasiirka wasaaradda maaliyadda. Dhinaca kalena waxey warbixinno iyo cabashooyinba ka dhegeysteen qaybo ka mid ah masuuliyiinta hay'adaha dawladda. Hadaba markii si qoto dheer loo falanqeeyey loogana baaraandegey kutalagalka Miisaaniyadda ee Dakhliga iyo Kharashka Sannadaka 2017ka waxaa u soo baxdey arrimaha hoos ku qoran oo uu guddigu ka tilmaan bixiyey.
Dakhliga Miisaaniyadda
Dakhliga miisaaniyaddu wuxuu aalaaba ka kooban yahey canshuuraha iyo khidmadaha kala duwan ee sharcigu jideeyey, kaalmooyinka ama deeqaha, dakhliga kale ee ilaha filiqsan ka soo baxa, daymaha qaranku soo deynsado gudaha iyo dibeddaba, haraaga miisaaniyadihii hore haddii uu jiro iyo dakhlikasta oo la filayo in si sharciga waafaqsan ay ugu soo korodho miisaaniyadda.
1. Guddigu markii uu eegay dakhliga gudaha ee miisaaniyadda waxa u muuqdey inuu sameeyey isbeddel korodhsiimo balse aad uga yar kororsiimadii 6dii bilood ee hore sanadki 2016, guud ahaan dakhliga gudaha iyo dibadda ee 6da bilood ee sannadkan ugu horraysay waxaa ay noqotay US$93 M kororsmiimaduna waa US$3.5 M oo lamid ah 3.8% halka 6dii bilood ee sanadkii hore 2016 ka uu ahaa dakhliga guud ee gudaha iyo dibadda US$ 89.5 M kororsiimada uu sameeyayna ay ahayd US$28.9 M oo lamid ah 32.3%, halka 6di bilood ee ugu horaysay sanadki 2015kii dakhliga guud ee gudaha iyo dibadda uu ahaa US$ 60.6 M. Guud ahaan Ku noqoshada miisaaniyad sannadeedka (2017) dakhli ahaan waxey ka yartahay middii ku talogalkii iyo ku noqoshadi sannadkii hore (2017) Kii, waxayna inta badan ku saleysantahay miisaaniyad ku celintii sannadka 2016. Sidaa darted Guddigu waxa uu soo jeediyay in kor loo qaado howlaha dakhli ururinta dalka.
2. Sida ku cad jaantuska 1aad waxaa muuqata in ay ku baxayso 54.8% ku baxayso hay'adaha adeega maamulka guud, waxaana sababa arintaan kororka shaqaalaha dowladda oo joogta ah,
Kharashka Miisaaniyadda
1. Dhinaca Kharash bixinta dawladda wuxuu guddigu falanqeyn dheer ka yeeshey duruufaha adag ee ka horyimid dheelitirka Miisaaniyadda iyo Isbeddelada lagu Sameeyey Miisaaniyadda.
2. Kaddib markii guddiga iyo wasaaraddu yeesheen kulamo isdabajoog ah waxaa la isla gartay in meelaha qaar ay muhiim tahay in isbeddel lagu sameeyo taasi oo ay sababtay duruufo baahiyeed oo lagama maarmaan ka dhigaya in la daboolo. Islamarkaana ay soo korodhay deeqlacageed oo dhan USD14.1 milyan taasi oo loo qaybiyey meelaha ugu baahida badan leh sida ka muuqata jaantuska hoos ku xusanO Guddigu markii uu u kuurgalay Miisaaniyadda waxaa u soo baxdey in miisaniayaddii la soo gudbiyey April 2017 ay kusoo korodhay shaqaale dhan 618 oo aan kujirin Miisaaniyaddi 6di bilood ee sanadkaan 2017, tiradaasi oo kharashkooda lagu soo daray isbeddelka miisaaniyadda ku celiska ah ee cusub.
Talooyin iyo Soo Jeedimo
Dhammaan soo jeedimada soo socda waxaa ay noqonayaan qaraar marka Golaha Shacabku ansixiyo waxayna kala yihiin sidatan:
1. Si loo kobciyo dhaqaalaha dalka loona ilaaliyo hufnaanta maaliyadda guddigu wuxuu aad u adkaynayaa dhaqangelinta qaraarada Golaha Shacabaka ee ku wajahnaa hagaajinta hawlaha dakhliga iyo maamulka kharashaadka dowladda.
2. Guddigu wuxuu soo jeedinayaa in miisaaniyadda hay'adda Bi'adda iyo duurjoogta la raaciyo wasaaradda Wasaaradda xannaanada xoolaha, dhirta iyo daaqa.
3. Guddigu isagoo tixgelinaya soo jeedimihii shacabkii ka qayb galay dhegaysigii dadweynaha ee Miisaaniyadda 2017 ka wuxuu soo jeedinayaa iney Xukuumaddu diyaariso qorshe qaran oo horumarineed oo ku aadan miisaaniyadda kaalmada ah ee beesha caalamku ugu deeqday horumarinta dalka iyo in miisaaniayadda gudaha looga qoondeeyo qayb horumarineed miisaaniyada 2018.
4. In ay xukuumadu si guud uga wada shaqayso dib u habaynta Miisaaniyadda Ciidamada Qaranka ee 2018 kahor inta aan la hor keenin Golaha Shacabka sidoo kale lagu soo saleeyo Gunnada Ciidamada darajadooda.
5. In Wasaaradda Maaliyaddu usoo gudbiso Guddiga Maaliyadda liiska daymaha oo faah faahsan iyo qorshaha lagu bixinayo ka hor Miisaaniyadda 2018.
6. Guddigu waxaa uu soo jeedinayaa in Miisaaniyadda Safaaradaha loo qoondeeyay lagu shubo akoomada Safaaradaha ay ku leeyihiin Bangiga Dhaxe. Safaaradii aan akoon lahayna si deg deg ah loogu furo.
7. Guddigu waxa uu soo jeedinayaa in lagu soo faah faahiyo Miisaaniyadda 2018 qoondada duuduubka ah ee ay Dowlada Dhexe siiso Dowlad gobaleedyada, Gobalka Banaadir, Dekeda Xamar, Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha iyo wixii la hal maala.
8. In mashaariicda horumarinta lagu saleeyo baahiyaha mudnaanta leh, lana waafajiyo Qorshaha Horumarinta Qaranka (NDP), looguna qaybiyo si caddaalad ah gobollada iyo degmooyinka dalka, iyadoo fursad loo siinayo xildhibaannada qaranku inay qayb ka ahaadaan talada mudnaanta mashaariicda laga fulinayo deegaan doorashadooda.
9. Guddigu waxa kale oo uu Golaha u soo jeedinayaa in wasaaradda la faro soo diyaarinta xeer Miisaaniyadeed qaran sanadka 2018 oo lagu salayn doono gunnooyinka xileed ee Siyaasiinta iyo sahay safarada si waafaqsan xeer hoosaadka Golaha Shacabka.
10. Waxa kale oo guddigu soo jeedinayaa in sida ugu degdega badan loo dhammeystiro shuruucda maaliyadda ee dhiman sida; Sharciga Maamulka Maaliyadda Dowladda iyo Sharciga Maamulka Cashuuraha (Revenue Bill), iyo in si gaar ah loo hor keeno Golaha Shacabka tacriifooyinka ka hor Miisaaniyadda 2018.
11. Si loo ilaaliyo xuquuqda muwaadinka iyo hufnaanta maaliyadda Dowladda guddigu wuxuu soo jeedinayaa in cidkasta oo qaadata mushaar joogto ah ama gunno Dowladeed (siyaasiyiin, ciidan iyo shaqaalaha rayidka) loo furo xisaab (account) u gaar ah oo si joogta ah loogu shubo/wareejiyo.
Gabogabo
Guddigu isagoo tixgelinyaa duruufha dalku kujiro iyo in dalku lahayn wax miisaaniyad ah mudo bil ah sidoo kalena maanka ku haya xaqa sharci ee ay leeyihiin Xubnaha Golaha Shacabka, Guddigu wuxuu ka codsanayaa Golaha Sharafta leh isagoo gudanaya waajibaadkiisa dastuuriga ah isla markaana xeerinaya duruufaha marxaladda dhaqaale ee dalku marayo in ay ansixiyaan ku noqoshada Miisaaniyadda Sannadka 2017.
Nagala soo xiriir
storvideo: 


Masuuliyiinta Bangiga Amal oo kulamo la qaatay...

0
0

Maamulka Bangiga Amal ee Gobolka Bari iyo Sanaag bari oo safar shaqo ku tegey Gobolka Sanaag ayaa kulamo la qaatay bushada ku dhaqan gobolka.
Kulamadaan oo Bangigu laqaatay dhammaan qeybaha bushada ee kala duwan; ayaa waxaa ka soo qeyb galay Maamulka Gobolka, Aqoonyahano, Culumaa'udiin, dhalinyarada dhaqanka iyo guurtida Gobolkaas.
Kulankaas oo ka dhacay Hotelka Ally ee magaalada Badhan ayaa waxaa ugu horeyn furey Gudoomiyaha degmada Badhan Cabdirisaq Axmed Ciise, isagoo soo dhoweeyey Bangiga Ama; kuna dhiiri geliyey in uu ka qeyb noqdo horunarka ka socda Gobolka.
Sidoo kale goobta ka hadlay Maamulaha Bangiga Amal ee Gobolka Bari iyo Sanaag Bari Dr. Maxamed Faahiye Ciise isagoo u sharaxay bulshada gobolka ujeedada socdaalka isagoo ku tilmaamay in ay tahay in Bangigu ka qeyb qaato horumarka balaaran ee Gobolka ka socda, iyadoo Bangiga Amal mudadii labadii sano ee lasoo dhaafayba uu si xowli ah uga qeyb qaadanayey horumarka bulshada Soomaaliyeed.
Sidoo kale waxaa ka hadlay kulanka xubno ka socday Wasaaradda ganacsiga ee Gobolka Sanaag hormuud ka ahaa isuduwaha Wasaaradda ee Gobolka Maxamed Axmed Ciise, Bahda waxbarasha, dhaqanka, culumaa'udiinka iyo ururada dhalinyarada dhammaantoodna waxay si diiran u soo dhoweeyeenBangiga Amal
Ugu dambeytii wuxuu kulanku ku dhamaaday jawi wanaagsan.Warbixinta : AMALCabdiqani BoosPuntland Post Bosaso
The post Masuuliyiinta Bangiga Amal oo kulamo la qaatay Bulshada gobolka Sanaag appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Hadal heynta muqdisho noqotay Ugaarsiga qurba joogta...

0
0

Aug 6, 2017 -
Ayadoo haatan lagu jiro xiliga sommerka isla markaa dalka siweyn ugu soo laabtaan qurba joog farabadan oo ku kala nool guud ahaan caalamka ayaa haatan waxa - soo buux dhaafiyay qurba joogtaas.
Qurba joogtaas oo kolkii hore ka barakacday dagaalada iyo colaadaha kajira gudaha dalka soomaaliya ayaa haatan dib ugu soo laabanaayo guud ahaan dalka gaar ahaan - dalka soomaalia waxaana la arkayaa ayagoo raxan raxan oga soo dagaayo garoonka muqdisho.
Qurba joogta sanadkaan dib ugu soo laabatay magaalada muqdisho ayaa noqotay mid hadal heyn xoogan dhalisay waxaana la arkayaa dhalinyaro aad u farabadan oo isugu jira rag haba ugu badnaadeyne raga guursadaan gabdhaha qorax joogta ah ee dalka kusugan inkastoo xulanayana kuwa soo dhameeyay jaamacadaha dalka ay bartay cilmiga caafimaadka.
Qurba joogta wiilasha ah iyo kuwa gabdhaha oo la arkaayo ayagoo la aqal galaya dhalinta qorax jogta dalka wax kusoo bartay inkastoo u badanyihiin kuwa soo dhameeyay jaamacaha gaar ahaan kuwa caafimaadka.
Mid kamid ah dhalinyarada ka imaatay qurbaha oo ku aqal gale magaalada muqdisho oo guursaday gabar sanadkaan kasoo qalan jabisay jaaamacada banaadir qeybteeda caafimaadka ayaa nooga waramay waxaana oo sheegay in gabadhaas oga baxday aduun lacageed madaama cilmi lacag badan oga baxay soo baratay.
Qaar kale oo kamid ah qurba joogta ayaa noo sheegay in lacag gaarayso Toban kun oo dollar ilaa 20 kun oo dollar oga baxdo guursiga gabdhaha soo dhameeyay caafimaadka waxaana ay sheegayn in lacagtaas aad u badantahay balse gabadhahaan yihiin kuwa qarash kale ka galayn madaama yihin dhaqaatiir.
Isku soo wada duub jaamacadaha dalka ku yaalo ayaa sanad waliba ka qalan jabiya dhalinyaro mudo soo baraneyse cilmiga caafimaadka oo ah maadada ugu qarashka badan ee jaamacadaha dalka ku yaalo waxaana imaaneysaa ayagoo suuq ka helay raga qurbaha ka imaada iyo kuwa dalka kusugan oo heysta dhaqaalaha.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

SAWIRRO: Uhuru Kenyatta oo si dib loogu doorto...

0
0

Aug 6, 2017 -
Madaxweynah Kenya Uhuru Kenyatta iyo kuxigeenkiisa William Ruto ayaa maanta tegay Kaniisad ku taalla magaalada Nairobi si loogu barakeeyo inay ku guuleystaan doorashada dalkaasi.
Uhuru Kenyatta iyo Ruto ayaa la arkayay iyagoo jilba jabsan oo wejiga loo marinayo calaamada wadaadda Kirishtaanka adeegsadaan, waxayna duco u sameeyaan inay ku guuleystaan doorashada madaxtinimada dalkaasi ee dhici doonta 8-da Bisgan Ogost.

Nagala soo xiriir
storvideo: 

Xildhibaanadda DFS oo diyaariyay Mooshinkii ugu...

0
0

Mooshin la geeyo Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya kii ugu wanaagsanaa ayaa lagu wadaa in maalina beri ah doodiisa ka bilaabato Baarlamaanka Soomaaliya.
50 xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka ayaa soo diyaariyay Mooshinkan oo ku saabsan inaan dalka la keenin wax soo saar ama badeeco laga heli kara gudaha dalka Soomaaliya, taasoo lagu dhiiri gelinayo wax-soo saarka gudaha.
Mooshinkan oo Beri furmaya ayaa u daneynaya Warshadaha yaryar ee wax soo saarka dalka oo ay suuqa ka saareen alaabta laga keeno dibadda, iyadoo ay xirmeen warshado yaryar oo dagaal ganacsi oo dibadda ah ku yimid.
Shirkadaha sida weyn dhibaatada ugu qaba wax soo saarka dibadda waxaa ka mida Shirkadaha Biyaha nadiifiya, kuwa cabitaannada soo saara iyo warshahadaha yaryar, waxayna saameyn ku yeelan doontaa badeecado badan oo laga keeno dalalka Imaaraadka iyo Yeman.
storvideo: 

Ciidamo ka tirsan Puntland oo caawa xabsiga dhigay...

0
0

Wariye Cumar Maxamed Siciid (Cumar Dheere) ayaa caawa ciidamo ka tirsan laamaha Amniga Puntland u taxaabeen xabsi ku yaala kantaroolka Koonfurta Galbeed ee magaalada Garowe sida uu u xaqiijiyay PUNTLAND POST Wariye Jaamac Daperani oo sheegay inay isla socdeen Cumar Dheere ka dib markii la xirayay.
Jama Deperani ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan laamaha Amniga ku amreen inay u raaceen saldhiga ku yaala Kantaroolka Garowe xilli ay goob magaalada ku wada sugnaayeen Wariye Cumar Dheere oo ka tirsan Masuuliyiinta Ururka Suxufiyiinta Puntland ee (MAP).
Ma jirto cid ka tirsan masuuliyiinta iyo laamaha Amniga oo ka hadashay sababta ka dambeysa xariga Wariye Cumar Maxamed Siciid, Wallow warar madax banaan sheegayaan inay ka dambeysay XOG uu kusoo bandhigay sadaasha iyo meelaha ay ka kala imaan doonaan wasiirada laga sugayo inuu soo magacaabo Madaxweynaha Puntland.
Ilo wareedyo ka tirsan Saraakiisha Dowlada oo si hoose ula hadlay PUNTLAND POST waxay sheegeen in laga dhibsadey Aqalka Madaxtooyadda Puntland warbixinta uu maanta ku shaaciyay Wariye Cumar Dheere Mareegta Horseedmedia. Riix halkaan si aad uga akhriso warbixin ka hadlaysa hadal haynta magacaabista Wasiiradda.
Kala soco PUNTLAND POST saacadaha soo socda faahfaahin dheeriya oo ku saabsan xariga caawa Garowe loogu geystay Wariye Cumar Dheere oo ah mid qeyb ka noqonaya tacadiyadda iyo juujuubka Madaxda Puntland ku hayaan madax banaanida saxaafadda.Abshir DhiiranePUNTLAND POST
The post Ciidamo ka tirsan Puntland oo caawa xabsiga dhigay Wariye Cumar Dheere appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Dad lagu laayey kaniisad ku taal koonfurta Nigeria

0
0

Booliska ayaa sheegay in ugu yaraan sideed qof lagu dilay weerar lagu qaaday kaniisad ku taal koonfurta Nigeria.
Waxa sidoo kale lagu dhaawacay ku dhawaad 18 qof oo kale weerarkaas oo subaxnimadii hore lagu qaaday kaniisad ku taal Ozubulu oo u dhaw magaalada Onitsha.
Waxa soo baxaya warar is khilaafsan oo ku saabsan cidda weerarka qaaday in ay ahayd qof keliya oo qori sitay iyo in ay ahaayeen koox dabley ah.
Boolisku waxay sheegeen in toogashadani daba socotay khilaaf dhex maray dad ka soo jeeda deegaanka Ozubulu oo dalka dibadiisa ku nool.
Taliyaha booliska gobolka Anambra, Garba Umar, ayaa warbixin ku sheegay in mid ka mid ah qurbe joogta Nigeria dhisay kaniisada St Philip's Catholic Church. Waxaanu hadalka ku daray in ay weerarka qaadeen dad ka tirsan bulshada deegaankaa degan.
Qofka weerarka qaaday wuxu kaniisada daf yidhi iyada oo ay socoto ducadii Axaddu waxaanu markii hore beegsaday qof keliya markii dambena wuxu rasaasta ku furay dadkii kale sida ay wararku sheegeen.
storvideo: 

Soomaaliya oo goobjoogeyaal u dirtay doorashada Kenya

0
0

Goob joogeyaal ka socda beesha caalamka iyo dalalka deriska la ah Kenya ayaa gaadhay dalkaas si ay ula socdaan sida ay u qabsoomayso doorashada dalka ka dhici doonta maalinta berri ah.


Minneapolis: Bandhigga farshaxanka Soomaalida

0
0

Xarunta bandhigga farshaxanka Soomaalida ee lagu magacaabo Soomaal oo ku taal magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka ayaa lagu qabtay bandhiga farshaxan oo ay ka soo qayb galeen saddex iyo toban dhalinyaro Soomaali ah oo soo bandhigay farshaxankooda.

Cabdiraxmaan Talyaanle oo Ku Dhawaaqey in uu Yahay...

0
0

DEG-DAG:- War Cusub oo Ka Soo Baxay Doorashadii Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ee Maanta iyo Cabdiraxmaan Talyaanle oo Ku Dhawaaqey in uu Yahay Guddoomiyaha Rasmiga ah ee Golaha Wakiilada Somaliland.Maanta Ayaan Gudoonkii Fadhigu Uu Ku dhawaaqay in Baashe Maxamed Faarax uuyahay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland.SBC Somali TV#Hargeysa
Opslaet af SBC Somali TV pa 6. august 2017
storvideo: 

Waa kuma ninka loo doortay af-hayeenka Baarlamanka...

0
0

Waa kuma ninka loo doortay af-hayeenka Baarlamanka Somaliland? Su'aashaasi muran ayaa ka yimid. Doorashadii saaka dhacday ee la isku hambalyeeyeyna waa waxba kama jiraan. ( Daawo warka hoose )
Waxa Daabacay staff-reporter on Aug 6th, 2017 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.
Awdalpress - London - Maanta oo ay taariikhdu tahay 06/08/2017, waxa ay golaha Baarlamanku isugu yimaaddeen u codaynta mas'uulkii qaban lahaa af-hayeenka amma guddoomiyaha golaha Baarlamka Somaliland. Xilkaasi oo uu Abdirahman Cirro usbuucan banneeyey.
[embedded content]
Laakiin saacado kadib, waxa soo baxday khalad ka yimid tirintii codadka. Abdirahaman Talyanle ayaana goor dhaweyd siiyey war saxaafadeed, uu ku caddaynayo in uu isagu yahay ninka ku guulaystay af-hayeenka Baarlamanka Somaliland.
[embedded content]
Awdalpress
This post has been viewed 430 times.
storvideo: 

Kheyre oo kormeer ku tegay bakhaaradda lagu...

0
0

7th August 2017 admin Category :
Ra'iisul Wasaaraha xukumadda Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali khayre, ayaa galabta kormeer ku tagay bakhaarka lagu keydiyo Raashinka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaaliyeed si uu u hubiyo tayadda iyo nuucyadda uu ka kooban yahay raashinka la siiyo ciidanka

Waxan galabta Kormeer aan ku tagay bakhaarada lagu kaydiyo cuntada ciidamada XDS, si aan u hubiyo tayada iyo nuucyada...
Opslaet af Hassan Ali khaire pa 6. august 2017

https://www.facebook.com/somalia.primeminister/posts/1930831783846989
storvideo: 

Tuugta iyo Weriyaha yaa mudan in la xiro?

0
0

7th August 2017 admin Category :
Shalay maqaalkan ayuu ku soo qoray , maantana Xabsiga ayaa loo dhaadhiciyey .Ciidamo katirsan kuwa ammaanka Puntland ayaa caawa xabsiga u taxaabey Wariye Cumar Maxamed (Cumar Dheere) oo sidoo kale kamid ahaa Ururka Saxafiyiinta Puntland ee MAP.
Wariyaha ayaa loo gudbiyay xabsi ku yaalla Kantaroolka magaalada ee dhinaca Koonfureed .
Hoos ka akhriso maqaalka uu weryuhu ku soo qoray Facebook

MADAXWEYNAHA IYO GUDDOONKA BARLAMAANK AYAA SHARE KA AH MAKIINADA LACAGTA FAALSADA SAMAYSA Burhaan Aadan Aw-cabdi oo...
Opslaet af Omar Mohamed pa 6. august 2017

storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live