Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Nigeria: 11 Qof oo Lagu Dilay Weerar Kaniisad

$
0
0

Mas'uuliyiinta dalka Nigeria ayaa sheegay in 11 qof lagu dilay, 18 kalena si darran loogu dhaawacay weerar lagu qaaday kaniisad ku taalla koonfurta bari ee dalkaas.
Goobjoogeyaal, ayaa markii hore sheegay in weerarka ay fuliyeen laba nin oo hubeysan, hase yeeshee Garba Umar, oo ah madaxa booliiska gobolka Anambra ayaa sheegay in hal nin kaliya uu fuliyey weerarka kaniisadda katooliga ee St. Philip, Axaddii.
Guddoomiyaha gobolka Anambra, Willie Obiano ayaa sheegay in weerarka uu salka ku hayo muran u dhaxeeya dad ku nool meel ka baxsan Nigeria.
"Ma nasan doonno illaa aan kasoo qabano kuwii ka dambeeyey weerarkan foosha xun" ayuu yiri.
Koonfurta bari ee dalka Nigeria ayaa waxaa ku badan dadka Kirishtanka, islamarkaana weerar lagu qaado kaniisad ayaa ah wax naadir ah.
Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka, hase yeeshee booliisku waxay sheegeen inaysan rumeysneyn in kooxda Boko Haram ay ka dambeysay.
storvideo: 


Israel oo Mamnuuceysa Taleefishinka Aljazeera

$
0
0

TEL AVIV --
Israel ayaa qorsheeneysaa inay taleefishinka Aljazeera ka mamnuucdo dalka Yahuuda, sida ay sheegtay wasaaradda warfaafinta dalkaas.
Wasiirka warfaafinta Ayoub Kara ayaa sheegay inuu doonayo in kaararka aqoonsiga warbaahineed ka qaado suxufiyiinta Aljazeera, taasi oo ka hor-istaagi doonta inay ka shaqeeyaan gudaha Israel.
Kara ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa'id oo uu qabtay axaddii, kaasi oo weriyayaasha Aljazeera laga mamnuucay inay ka qeyb galaan.
Aljazeera ayaa sheegtay in Kara uu doonayo inuu Israel ka mamnuuco labada kanal ee Aljazeera ee luuqadaha Carabiga iyo Ingiriirska.
Ra'iisul wasaraaha Israel Benjamin Natenyahu ayaa toddobaadkii tagay ku hanjabay inuu xirayo xafiisyada Aljazeera ee magaalada Jerusalem, isaga oo shabakaddan ku eedeeyey inay rabshado ka hurineyso magaalada.
Dalalka Urdun iyo Sacuudiga ayaa dhowaan xiray xafiisyadii taleefishinka Aljazeera, oo laga leeyahay dalka Qatar, ayada oo daawashada kanalkan sidoo kale laga xanibay dalalka Sacuudiga, Imaaraadka, Masar iyo Baxreyn.
storvideo: 

Guddoomiyaha Gobolka Banadir oo Jago Sare u...

$
0
0

Muqdisho (PP) -Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Taabid Cabdi Maxamed ayaa u magacaabay xilka agaasimaha waaxda amniga iyo Dariseynta ee Gobolka Banaadir sarkaalad haweeney ah.
Wareegto kasoo baxday xafiiska Duqa Magaalada Muqdisho ayaa waxaa xilka agaasimaha Amniga iyo dariseynta loogu magacaabay Col. Zakiya Xuseen oo ka tirsan ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.
Agaasimaha cusub ee Amniga iyo dariseynta Gobolka Banaadir Zakiya ayaa xilka kala wareegtay agaasimihii xilka laga qaaday Mahad Xuseen Maxamed, iyadoo xil wareejinta uu goob-joog ka ahaa Guddoomiye ku xigeenka dhanka Amniga ee Gobolka Banaadir.
Col. Zakiya Xuseen oo ka tirmid Ingiriiska ayaa saddex sannadood ka hor ku biirtay ciidamada booliiska Soomaaliya, iyadoo ka tirsaneyd Qaybta Dambi-baarista ee CID, ka hor inta aysan booliiska ka shaqeyn waxay ka tirsanayd Machadka Daraasaadka Siyaasadda ee Heritage.
Ugu dambeyn, Col. Zakiya Xuseen ayaa noqonaysa haweeneydii labaad oo qabata xilka Agaasimayaasha Waaxyaha Gobolka Banaadir oo xilligaan ku socda is-bedel iyo isku shaandheyn.PUNTLAND POST
The post Guddoomiyaha Gobolka Banadir oo Jago Sare u magacaabay Haweeney Sarkaalad ah appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Gudoomiye Jawaari Oo Degdeg Uga Dhoofay Muqdisho…

$
0
0

Aug 7, 2017 -
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta u ambabaxay dalka Koonfur Afrika, halkaasi oo uga qeybgalayo shirka Guddomiyaasha Baarlamaanada Qaaradda Afrika.
Gudoomiye Jawaari ayaa lagu waddaa in uu khudbad dheer uu ka jeediyo Shirka Baarlamaanka Afrika oo Berri Koonfur Afrika ka furmi doono.
Kulanka Jawaari uu ka qeyb gali doono ayaa waxaa looga hadlaya xaaladaha ka taagan qaar kamid ah dalalka Africa iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ka dhexeeya Baarlamaanada Afrika.
Xarunta Baarlamaanada Africa ayaa waxaa ay ku taala magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Magacyada xildhibaannadii shalay u codeeyay...

$
0
0

Magacyada xildhibaannadii shalay u codeeyay Xildhibaan Talyanle iyo natiijadii lagu dhawaaqay oo muran ka taagan yahay
Waxa Daabacay staff-reporter on Aug 7th, 2017 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.
Awdalpress - London - Tirada Codadka natiijadii loogu dhawaaqay Xildhibaan Baashe Maxamed Faarax, ayaa ahayd mid xaq-daro ah oo aan si sax ah uga turjumayn tirada Codadka uu ka hellay mudanayaashii taabacsanaa , hase-yeeshee wax isdaba-marin lagu sameeyey tiraddii Codadka loo gudbiyey Gudoomiyaha labaad ee Golaha Wakiiladda Somaliland Md. Cali Yuusuf awgeed lagu siiyey natiijo aanu lahayn oo ah Codadkii Xildhibaan CabdiraxmaanTalyanle ka helay golaha.
Dooda mudanayaasha taageersan Xildhibaan Talyanle iyo Sidoo kale, xogo rasmi ah oo ku saabsan natiijada Codadkii Xildhibaan Baashe iyo iyo Xildhibaan Talyanle ka heleen fadhigii shalay oo Wargeyska Yool helay, ayaa ah kuwo xoojinaya muranka iyo mad-madowga hadheeyey tirada Codadkii la siiyey Md. Baashe. Docda kale-na, waxa isa-soo taraya xoggo iyagguna xoojinaya Xildhibaan Talyanle inuu yahay Musharraxa helay 39-ka Cod.Tusaale ahaan, mudanayaasha taageersan Xildhibaan Talyanle, ayaa dedeffeeyey natiijada dhan 39-ka Cod ee la siiyey Xildhibaan Baashe Maxamed Faarax, taasoo ay sheegeen inay ahayd natiijada codadkoodii, hase-yeeshee la is-daba mariyey intuu aan loo gudbin Gudoomiye-ku-xigeenka labaad ee golaha Wakiiladda Somaliland Md. Cali Yuusuf, waxanay doodooda u daliishadeen tirada Xildhibaanada taabacsan Xildhibaan Talyanle, oo sida ay sheegeen ahayd mid suggan oo dhex-dooda Nin-ba Nin la socday, tiradaasoo sida ay xuseen ahayd 39-mudane dhankooda inay ku wada socdeen, waxana doodaas geestooda markhaati uga dhiggeen Magacyada 39-ka mudane ee ay ku wada socdeen in Mudane Talyanle loo doorto ama uu noqdo Gudoomiyaha cusub ee golaha Wakiiladda.Magacyada 29-ka Mudane ee u Codeeyey Xildhibaan Talyane shalay, sida ay ku doodayaan garabka Xildhibaan Talyanle, waxay kala ahaayeen sidan:
1. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi2. Abubakar Cabdiraxmaan Good3. Maxamed Cismaan Bulqaas4. Siciid Cilmi Rooble5. Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle6. Maxamed Yuusuf Wabeeyo7. Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Loyar)8. Mahdi Xuseen Cadare9. Aadan Muxumed Hore10. Siciid Warsame Ismaciil11. Cabdiqadir Jibriil Tukale12. Axmed Maxamed Nuur13. Baar Siciid Farax14. Cabdiqaadir Xaaji Ismciil Jirde15. Cabdiqaadir Jaamac Xaamuud16. Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Aw-Xoog)17. Cali Xaji Maxamed Muuse18. Cali Sh. Ibraahim Aareye19. Cabdi hirad Warfa20. Xuseen isamciil Yuusuf21. Yuusuf Liibaan Cumar22. Xasan Muuse Hufane23. Maxamed Dhunkale Guutaale24. Saleebaan Yuusuf Cali Koore25. Maxamed Saalax Cige26. Cabdillahi Axmed Yuusuf Madar27. Xamuud Cismaan Cigaal28. Baashir Xuseen Tukale29. Mahadi Cabdilaahi Maxamuud30. Ibraahim Mahdi Buubaa31. Xuseen Maxamed Cige32. Axmed faarax Ghoege33. Maxamed Farax Qabile34. Weli Axmed Xaawa35. Jaamac Xasan Aadan36. Muuse Maxamed Ismaciil (Hoos ujeed)37. Naasir Xaaji Cali Shire38. Xaashi Xuseen Caabi39. Cabdiqadir Askar Xasan
Dhanka kale, Xildhibaan Saleeban Cali Koore oo ka tirsan Xildhibaanada Xisbiga Kulmiye ee golaha Wakiiladda, isla markaana hore iskugu dayey inuu u tartamo jagada Gudoomiyaha golaha, hase-yeeshee Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumaddu ka hor istaageen damaciisa, ayaa sheegay in isagga iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan talyanle midna dibeda midna gudaha lagu dilay, isagoo arrinka ku iftiiminaya go'aankii Xukuumadda iyo xisbiga Kulmiye kaga hor-joogsadeen inuu jagada isku sharraxo, halka Dilka gudaha ka dhacay ee Cabdiraxmaan Talyanle-na uu u muuqdo inuu yahay dedaalkii Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye ku dhisayeen Xildhibaan Baashe Maxamed Farax, isagoo xildhibaan Koore arrimaha ka hadlaya waxa uu yidhi ".. Waxan kamid ahay Xisbiga Kulmiye, waxan'se u Codeeyey Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle, sababta aan ugu Codeeyeyna waa Dadkii Deeganka aan kasoo jeedo. Waxanan ku ixtiraamay Codkayga Inaan Siiyo deeganada aan kasoo jeedo. Cid Somaliland wax u ah ee Cod u haysa ee dhul u haysaa taarikhda ayaa qori doontaa, waxa kaloo aan markhaati ka ahay in aniga iyo Cabdiraxmaan Talyanle midna gudaha uu ku dhintay midna dibeda ku dhintay. Sida daraadeed deeganka iyo bulshada aan kasoo jeeda waxay iskugu noqon doonaan tashi buuxa oo ballaadhan, oo aanu ku hoggaaminayno meesha danta dadku u arkaan".Sidoo kale, Xildhibaan Baar Siciid oo kamid ah mudanayaasha Xisbiga Waddani, ayaa daboolka ka qaaday in wax is-dabamarin lagu sameeyey tirada Codadkii golaha ee lagu kala saareyey Labada Musharrax, sida awgeedna garabkeedu uu lahaa 39-ka Cod ee la siiyey Xildhibaan Baashe Maxamed Faarax, Xildhibaan Baar Siciid oo arrinka ka hadlaysaa waxay tidhi ".. waxanu ahayn 39-Xildhibaan, garabka kalena 38-ayey ahaayeen, waxa noo Cad in tirada la iswaydaariyey...".
Geesta kale, xoggo ku duugan qalabka War-qabadka oo iskugu jira muuqaaladda Sawiiro iyo maqal iyo muuqaal wada socda oo laga qaaday mudanayaasha xilligii Codeyntu ka socotay golaha shalay, kuwasoo si dhammaystiran u iftiiminaya Codeynta iyo dhaq-dhaqaaqyadii madasha ka dhacay mudada kooban ee lagu jiray gacan-taaga mudanayaasha iyo tirinta Codadkooda , ayaa iyagguna xoojinaya tuhunka ku saamsab is-waydaarinta lagu sameeyey tirada codadkii ay kala heleen labada Musharrax.
Muranka iyo madmadowga soo galay natiijada tirada codadkii golaha ee shalay, ayaa hadii labada dhinac midna go'aanka guusha ku adkaysto kan kalena ku adkaysto in Codkoodii la qaatay, waxay arrinkaasi si dhib yar u sababi karaa inuu dalku wajaho qalaalase Siyaasadeed, kaasoo waqti xaadirkan Ilahay innaguma keene, hadii uu dhaco uu adag yahay sida loo maareeya. Hase-ahaatee marka ay noqoto go'aaka arrinkan waa mid u yaala Xildhibaanada garabka taageersan Xildhibaan Talyanle, kuwasoo iyaggu xaq u leh inay arrinkan doodiisa sii wadan iyo inay iska dhaafan labada, waxan'se ku haboon Xildhibaanada dooda ka qaba arrinkan, hadii ay la noqoto inay ka tanaasulan waa inay marka hore bulshada u iftiimiyaan khaladka dhacay, kaddibna markaa yeelan sidii kale ee rabbaan.
Xigasho Qaran news
This post has been viewed 170 times.
storvideo: 

OIC oo si kulul uga hadlay Dilkii Gudoomiyihii...

$
0
0

Ururka iskaashiga Islaamka ee OIC ayaa si kulul u cambaareeyay dilkii Magaalada Muqdisho loogu geystay Gudoomiyihii gobolka Galgaduud Maxamed Cali Cilmi iyo walaalkiis.
War qoraal ah oo kasoo baxay OIC ayaa lagu sheegay in falkaasi uu ahaa mid laga naxo, islamarkaana dowladda Soomaaliya laga doonaayo in ay ku sameyso baaritaano.
Xoghayaha Guud ee OIC Yuusuf Alcusmaani ayaa dilka Gudoomiyaha ku tilmaamay mid waxushnimo ah oo meel kaga dhacaya qiimaha diinta Islaamka.
Waxaa uu tacsi u diray dhammaan umadda Soomaliyeed, isagoona sheegay in OIC ay si waddi doonto taageerada ay siiso dowladda Soomaaliya.
Habeenkii Jimca ayay aheyd Markii Magaalada Muqdisho lagu dilay Gudoomiyihii gobolka Galgaduud iyo walaalkiisa, waxaana Mas'uuliyadda dilkiisa sheegtay Al-Shabaab
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Shir u dhexeeya Puntland iyo Galmudug oo Maanta ka...

$
0
0

Aug 7, 2017 -
Shir u dhexeeya Mas'uuliyiinta Maamulada Puntland iyo Galmudug iyo Odayaasha Labada Dhinac ayaa Maanta ka dhacay Hotelka Five Star Ee Koofurta Magaalada Gaalkacyo.
Shirkaan ayaa ah mid looga arinsanayo Nabad galyada Gobolka Mudug iyo sidii aysan u soo laaban laheyn Dilalka ka dhaca Miyiga Gobolka Mudug,waxaana Labada dhinac ay diirada ku saareen in Shirku uu noqdo mid miro dhalo.
Sidoo kale waxaa Shirka Maanta u furmay Mas'uuliyiinta Maamulada Galmudug iyo Puntland looga hadlay siddii Ciidamada Isku-dhafka ah ee Labada Maamul ay sameysteen ay u bilaabi lahaayeen Howlgal wada jir ah.
Dhowr jeer ayaa Magaalada Gaalkacyo waxaa ka dhacay Shirar nuucaan oo kale ah islamarkaana looga hadlayo sidii Xal waara looga gaari lahaa Dilalka ka dhaca Miyiga Gobolka Mudug oo ay inta badan geystaan Maleeshiyaad ka soo kala jeeda Labada Maamul Goboleed.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Doorashada Kenya oo qarka u saaran in lagu dagaalamo...

$
0
0

Aug 7, 2017 -
Ra'isalwasaarihii hore ee dalka Kenya haddana ah musharraxa isbaheysiga NASA u tartamaya ayaa sheegay in uusan aqbali doonin natiijada doorashada berri ka dhaceysa Waddanka Kenya.
Mr Odinga ayaa korjoogtada Midowga Yurub u sheegay in Guddiga doorashada ee Kenya aysan siin koobiga Warqadda NASA u fasaxeysa ka qeybgalka doorashada.
Waxaa uu sheegay in Guddiga doorashada ay siiyeen Lacag dhan 20,000 oo lacagta Kenya ah,waxaana uu intaas ku daray in Guddiga ay xagal daacin ku hayaan doorashada berri dhaceysa.
Raila ayaa dhanka kale sheegay in sidoo kale ay kalsooni darro ku qabaan hannaanka diiwaan gelinta codbixiyayaasha ee ay sameeyeen Guddiga doorashada Kenya.
Nagala soo xiriir
storvideo: 


Daawo: Kenya oo Shareecada islaamka lagu Xakumi...

$
0
0

Aug 7, 2017 -
Musharaxa Maxamed Diida oo markii labaad utaagan xilka madaxweynaha Kenya ayaa meel fagaaro ah ka sheegay in Kenya uu ku fidin doono diinta islaamka hadii xilkaas loo doorto.
Isagoo ku jira olalahiisa doorashada ayuu Maxamed Diida oo ah musharax Soomaali ah una taagan xilka madaxweynaha uu tilmaamay inuu ku kalsoon yahay in dalka Kenya uu hogaamin doono muwaadin muslim ah.
"Dalkan waxaa uu ubaahan yahay in diinta islaamlka lagu maamulo" ayuu yiri Maxamed Diida oo dad badan la hadlayay.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

AKHRI: Tartankii adkaa ee Maanta dhexmaray Qeybdiid...

$
0
0

Aug 7, 2017 -
Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) ayaa maanta loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Cabdi Qeybdiid ayaa loo doortay guddoomiyaha Guddiga Dib u eegista Dastuurka oo ah guddi ka kooban labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Guddiga labada Aqal ee Dastuurka ayaa ka kooban 10 xubnood oo min shan xubnood uga socda Golaha shacabka iyo Golaha Aqalka Sare.
Cabdi Qeybdiid ayaa helay 6 cod, halka uu C/raxmaan Faroole ka helay 4 Cod, waxaana ku adkaaday doorasadii Cabdi Qeybdiid oo 10-kii xubnood ee Guddiga ay 4 ka mida siiyeen codkooda.
Haddaba dagaal dhanka afka ah ayaa ka dhex bilowday Baraha Bulshada, gaar ahaan Facebook, kaasoo ku saabsan tartankii adkee ee dhex maray Faroole iyo Qeybdiid, kaasoo ugu dambeyntii guuldaro adag lagu dhuftay Faroole.
Dadka kala duwan ayaa fikirkooda kasoo dhiibtay arrintaan, iyadoo kuwa qaarna ay sheekada u badaleen nooc kale.
Waxaan halkaan hoose idinkugu soo gudbineynaa qaar ka tirsan fikradihii ugu xiisaha badnaa ee maanta la isku dhaaftsaday Baraha Bulshada:
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Faah Faahinta Dayaxa oo madoobaaday iyo masaajidada...

$
0
0

Faah Faahinta Dayaxa oo madoobaaday iyo masaajidada oo salaad laga bilaabay
Aug 7, 2017 -

Dayax ayaa caawa lagu arkayay magaalada muqdisho oo gees ka madoobaaday sida caawa laga wada arkay magaaalda muqdisho .
Masaajidyada inta badan ayaa la shegayaa in laga maqlayo Salaada la tukado xiyiyada ay madoobadaan Qoraxda iyo Dayaxu oo loo yaqaan salaatu Kushuufa.
Dayaxa ayaa ka madoo baadey dhinaca Koofureed oo laga dareemayo mugdi dabooley isla marakaasna uu ku faafay ilaa dhexda.
Dadka intisa badan ayaa Masaajidada ugu dhaqaaqey in ay tukadaan salaada ALLA looga baryayo in uu caadigeedii ku soo celiyo Dayaxa.
Mana aha sanadahaan danbe markii ugu horeysey ee dayaxa uu ma doobaadayo somalaiya , balse wuu soo laablaabtey sanadihii ugu danbeeyay.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
English News
storvideo: 

DEG DEG Dhageyso:Qaraxyo waa weyn oo kenya kadhici...

$
0
0

Aug 7, 2017 -
Hogamaiyaha mucaaradka ee dalka kenya isla markaa ah musharaxa sida weyn ula tartamaya madaxweynaha haatan talada dalka kenya haayo ee Uhuro Kenyatta.
Raila Odinka aya sheegay in dowlada haatan jirta in qaraxyo waa weyn ka geysan doonto gooba farabadan oo doorashada kadhici doonto maalinimada beri ay kamidtahay magaalada nairobi.
Sido kale Odinga ayaa sheegay in diyaarad leeyihiin ciidamada kenya Bambaanooyin farabadan u daad gureyse magaalooyin badan tasoo la qorsheynaayo in lagu qarxiyo goobaha codbixinta si loo sheegay in shabaab halkaas soo weerartay oo codka lagu shubto.
Hadalkaan ayaa imanaayo xili 10 saac kayar ka harsantahay doorashada dalka kenya tasoo siweyn ugu loolamayaan musharixiinta kala ah madaxweynaha haatan talada dalka haayo iyo hogaamiyaha mucaaradka ee Raila Odinga.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Gudoomiye ku xigeenkii hore ee Gobolka Bari oo...

$
0
0

7th August 2017 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

Kooxo hubaysan ayaa maanta magaalada Bosaso ku dilay gudoomiye ku xigeenkii hore ee gobolka Bari Khalar Ismaaciil Cabdulle , xilli uu marayay meel aan wax badan ka fogayn Afar Idoodka oo ku taala bartamaha magaalada.
Dad goob-joogayaal ah ayaa sheegay in marxuumka lagu dhuftay dhowr xabadood ,waxaana kooxaha dilka fuliyay u suurtagashay in markiiba ay goobta ka baxsadaan ,iyadoo dilkan uu dhacay wax yar ka dib salaad-dii duhurka ee maanta.
Ciidamo ka tirsan kuwa amaanka gobolka Bari ayaa goobta soo gaaray , mana jirto cid ilaa iyo hadda loo soo qabtay dilkan oo ku soo aadaya , xilli magaalada Bosaaso ay ka jiraan xiisado dhinac amniga ah iyo mudaharaadyo ka dhashay sicir bararka.
Khalar Ismaaciil Cabdulle ayaa soo noqday gudoomiye ku xigeenka gobolka Bari ,xilligii uu Puntland madaxweynaha ka ahaa C/rixmaan Faroole ,waxaana uu la soo shaqeeyay gudomiyhii hore ee gobolka Bari C/samad Maxamed Gallan. Allah ha u naxariistee marxuumka la dilay ayaa ka soo jeeda beesha Ugaar saleebaan, Majeerteen
Ma jirto ilaa iyo hadda cid sheegatay mas'uuliyad-da weerarkan ,waxaana ciidamada amniga Puntland ay bilaabeen baaritaano ku aadan dilka loo gaystay marxuum Khalar oo in muddo ah gobolka Bari ka soo shaqaynayay.
Post navigation
- Danbiile dagaal Gudoomiye ma noqon karaa?
storvideo: 

Dayax Madoobaad caawa laga arkay Soomaaliya

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter
Muqdisho(SONNA) Fiidnimadii caawa ayaa waxaa la arkay Dayax madoobaad laga dareemay guud ahaan Soomaaliya iyo caalamka intiisa kale, bisha ayaa ka madoobaatay dhinac.
Sheekh C/llaahi Axmed Garuun oo wareysi siiyay wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegey in ariyax madoobaadka iyo qoraxda ay muujinayaan awoodda alle sida uu sheegey Rasuulka suuban CSW loogana baahanyahay dadka muslimiinta ah towbad keen iyo alla bari.
Masaajidda ayaa waxaa ka bilowday alla barri iyo qur'aan aqris ayagoo dembi dhaaf weydiisanayay alle, sidoo kay dad aad u farabadan oo lagu arkayay qeybo kamid ah wadooyinka magaalada Muqdisho kuwaasi oo muujinayay awoodda Alle islamarkaana weyneynayay.
Hadaba goor dhow ayaa bisha iftiinkeedi si caadi ah ku soo noqday kadib markii muslimiinta ay sameeyeen qur'aan aqris iyo Allae bari.
Dadka Muslimiinta ah ayaa waxaa waajib ku ah in ay illaahay weyneeyeen ayadoo loo marayo dariiqa toosan, sida in masaajidyada salaada dayax madoobaadka ama Salaatul Kusuuf laga tukanayo
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleGuddoomiye Jawaari oo sagootiyay arday deeq waxbarasho ka heshey dalka dibadiisa+Sawirro

storvideo: 

Kulan deg deg ah caawa kasocda madaxtooyada iyo...

$
0
0

Aug 7, 2017 -
Warar hoose oo aan heleyno ayaa sheegaya in kulan deg deg ah caawa kadhacay xarunta madaxtooyada dalka soomaaliya kasoo yeesheyn madaxweynaha dalka soomaaliya iyo waliba ra'isulwasaare Xasan Cali Kheyre.
Kulankaas ayaa lasheegayaa in looga hadlay arimo soo kordhay kamidyihiin shirarka magaalada Kampalla kuyeesheyn madaxweynayaashii hore dalka soomaaliya kuna gaarayn heshiis sida lasheegay.
Farmaajo ayaa lasheegayaa in heshiiska labadaas masuul oo awood siyaasad haatan kuleh baralmaanka madaama saxiibadooda dhanka siyaasdaa kujiraan barlamaanka kana ka kala tirsan xisbiyada Aala Sheekh iyo damul jadiid.
Farmaajo ayaa lasheegayaa in heshiiskooda ka qaaday walaac dhanka siyaasada ah madaama xisbiga damul jadiid maalmihii ugu danbeyse cadaadis xoogan ku hayeen xukumada Kheyre qarka usaarneyd in wasiir Xoosh xilka ka qaadaan.
Sido kale xogta aan heleyno ayaa sheegaya madaxdaan walaac xoogan ka qabaan in labadaan madaxweyne hore jahwareer siyaasadeed dalka geliyaan inkastoo Sheekh Shariif xiriir dhow siyaasadeed la leeyahay madaxweyne Farmaajo hore u ahaa ra'isulwasaarihiisa.
Nagala soo xiriir
storvideo: 


Dil Caawa Ka Dhacay Deegaanka Ceelasha Biyaha ee...

$
0
0

Dil Caawa Ka Dhacay Deegaanka Ceelasha Biyaha ee Duleedka Muqdisho
Aug 7, 2017 -

Wararka aan ka heleyno Caawa deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi lagu dilay mid kamid ah dadka deegaanka.
Kooxo ku hubeysan Bustoolado ayaa shaqsigaas dilay xili uu ku sugnaa meel aan ka fogeyn Isgoyska Ceelasha,iyaga oo goobta ka baxsaday.
Macada sababta loo dilay Shaqsigaas iyo Cid ka dambeya dilkiisa,waxaana daqiiqado kadib goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya kuwaas oo hada halkaasi baaritaano ka wada.
Deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho ayaa waxa uu ka mid yahay deegaanada ay mararka qaar ka dhacaan dilalka,waxaana dhowr mar halkaasi lagu dilay dad Ganacsato u badan iyo Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya. Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
English News
storvideo: 

Shir lagu diyaarinayo Istiraatiijiyadda Waxbarashada...

$
0
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya AVV Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa maanta Muqdisho ka furay shir afar maalin socon doona oo lagu diyaarinayo Istiraatiijiyadda Waxbarashada Madaniga, Wacyigelinta Dadweynaha, iyo Latashiyada Dadweynaha ee dib-u-eegista Dastuurka.
Kulanka oo ay ka soo qaybgaleen Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta XFS, madax katirsan DFS, madax ka socotay Wasaaradaha Dastuurka ee dawlad goboleedyada, iyo dhamaan Ururada Bulshada Rayidka ee ka jira dawlad goboleedyada ayaa waxaa si rasmi ah u furay Wasiir Cabdi Xoosh oo mahadcelin u jeediyay dhamaan ka qaybgalayaasha.
"Maanta waxaa farxad weyn inoo ah Wasaarad ahaan in aan kulankan ka furno Muqdisho oo lagu diyaarin doono Istiraatiijiyadda Waxbarashada Madaniga ee Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka, waan karnay aniga iyo shaqaalaha Wasaaradda inaan diyaarino Istiraatiijiyadda, balse waxa aan ka doorbidnay in Dawlad Goboleedyada iyo Buslahada Rayidka talooyinkooda ku dhisanto Istiraatiijiyadda, waana idinkaga mahadcelinayaa ka soo qaybgalka wanaagsan" ayuu yiri AVV Xoosh.
Ugu dambayn, Wasiirka ayaa ka codsaday dhamaan ka qaybgalayaasha in ay fikradahooda soo bandhigaan oo ay soo saaraan Istiraatiijiyad wanaagsan oo lagu hawlgeli karo.
---DHAMAAD---
storvideo: 

Somali Government is committed to promote equality...

$
0
0

Mogadishu, 07 August 2017 - HE Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow), Minister of Information, Culture & Toursim today met representatives of the Disability Group to discuss best ways to promoting and raising public awareness to the public on the plight of disability people.
Minister Eng. Yarisow thanked participants of today's meeting and assured to disability groups that the Federal Government of Somalia is committed to promote equality of opportunity between disabled persons and other persons, to eliminate discrimination, harassment of disabled persons that is related to their disabilities. The FGS is also committed to promote positive attitudes towards disabled persons and to encourage participation by disabled persons in public life.
Minister Eng. Yarisow stressed the importance of disable people to challenge any forms of discrimination as the government is willing to support in this regard. We need to do more on public awareness campaigns to show public the positive image of disabled people and the need for all segments of the society to sympathize the plight of disable people.
Minister Eng. Yarisow finally stated the the FGS is working hard to finalizing the necessary legislations to promote disability groups' needs. The Ministry of Women & Human Rights aims to encourage that when appointing national committees and other senior positions that disable people should be given a consideration. And now the Ministry of Information will begin public awareness programs aimed at promoting disable people's rights.END
Ministry of Information, Culture & TourismFederal Republic of Somaliamedia@moi.gov.so
storvideo: 

Magaalada Nairobi oo doorashada ka hor laga qaxayo...

$
0
0

Dad badan ayaa ka qaxaya caasimadda doorashada ka hor
Dad badan oo Kenyan ah ayaa ka cabsi qaba in doorashooyinka guud ee dalkani ka dhacaya maalinta talaadada in ay ka dhalan karaan rabshado u dhaxeeya qowmiyadaha wada dega Kenya ee kala taageersan xisbiyada loolamaya.
Sidaasi darteed dadka waxa ay sii jimleysanayaan dhammaan noocyada kala duwan ee cuntooyinka sida saabuunta, caanaha baakadaha ku jira, galleyda, burka, iyo salliida si haddii ganacsiyada xirmaan, rabshadna ay dhacdo in ay helaan kayd dhawr bilood ah oo ay ku noolaadaan.
"Maanta dadkii wax naga iibsanayay waxaa ka mid ahaa qof iibsaday 10 xabbo oo saabuun ah, taasina waa wax kheyru caadi ah" ayay tiri Margaret Wanbui oo maamule ka ah dukaan weyn oo ku yaala xaafadda Kawangware oo ah meel dadku iska dageen oo ku taala duleedka waqooyi ee Nairobi.
Inkasta oo suuq fiican jiro, haddana gabadhani waxa ay sheegtey in maamulka dukaankani uu todobaadyo ka hor gaaray go'aan ah in aysan la dagin wax badeeco ah oo cusub, cabsi laga qabo rabshado dhaca iyo qasaara dhasha awgiis.
Dil Arxan-darro ah
Kadib doorashooyinkii lagu murmey sanadkii 2007-dii , waxaa la diley dad gaaraya 12,000 , waxaana guryahooda ka qaxay 500,000 kadib rabshado dhexmaray qowmiyadaha Kikuyu iyo Luo oo ah labada ugu tirada badan Kenya.
Balse doorashadii 2013-kii dhacday oo uu ku guuleystey Uhuru Kenyatta waxa ay ahayd mid nabdoon oo aysan wax rabshado ah ka dhicin.
Hase yeeshee doorashada dhacaysa talaadada waxaa aad looga cabsi qabaa in dhibaato dhacdo, waxayna cabsidan kor usii kacday kadib markii dil arxan-darro ah loo geystey madixii tijnoolajiyadda guddiga doorashada, Chris Msando.
Ninka la diley ayaa horey u balanqaaday in uu hubanti ka dhigi doono in Kenya ay ka dhacdo doorasho xaq iyo xalaal ah.
Doorashadii 2007 ayaa waxaa ka dhacay rabshado dad badan ku dhinteen
Magaalada Nairobi iyo magaalooyin kale ee waaweyn ayay dad badan ka qaxayaan, iyaga oo dadka u qaxaya hadba meesha ay ku badanyihiin dadka ay isku beesha yihiin.
Qormo lagu soo bandhigey wargeys hawada ku jira oo lagu magacaabo The Elephant ayaa si wanaagsan loogu cabbirey sida ay xaalada tahay magaalada Nairobi.
Waxaa ciwaan looga dhigey "The Silent Panic in Kenya" oo micnaheedu yahay "Hanfariirka shanqarta yar ee Kenya".

Muuqaal ku saabsan ahmiyadda doorashada kenya
Waxa ay qormada faahfaahin ka bixineysaa sida dadka ay u qorsheeyeen safarada ay ku aadayaan meelaha ay dadkooda ku badanyihiin si ay oga cararaan meelaha halista ugu jira rabshadaha.
Nin maamule ka ah dukaan weyn oo ku yaala xaafad dadka ladan ay degenyihiin ee Nairobi, balse magaciisa diidey in uu sheego ayaa sheegey in aysan habooneyn in ay dadka baqdin gasho.
"Aniga waxaan usoo joogay afgambigii 1982-dii, dhibaato ayaanan kala kulanay, waxayna ila tahay in aan la qabsano xaaladda, nolosheenana halkeedii kasii wadano" ayuu u sheegey BBC-da.
Lahaanshaha sawirkaREUTERSImage captionUhuru Kenyatta waxa uu tartamayaa markii labaad in uu madaxweyne noqdo
Hadalo Hanjabaad ah
Haweeney degen xaafadda gidaarka ku wareegsan ee Jamhuri State ee Nairobi ayaa sheegtey in todobaadyo ka hor ay soo iibsatay raashiinkii ay u baahneyd, waxayna sheegtey in taasi ugu wacantahay in ay jiraan dad isticmaalaya hadalo hanjabaad ah.
Balse nin lagu magacaabo Zuma oo ganacsi najaarnimo ku haysta xaafaddaasi agteeda ayaa isagu qaba in aysan wax dhib ah dhici doonin doorashada kadib. Wuxuu intaasi ku daray in uusan soo iibsanin raashiin dheeraad ah oo kayd ah.
"Waan shaqaysan lahaa maalinta doorashada haddii dowladda aysan ku dhawaaqi lahayn in ay tahay maalin fasax, maalinta xigtana qorshahayga waa in aan sii wataa hawsheyda".
Lahaanshaha sawirkaAFPImage captionRaila Odinga ayaa ku guuldaraystey in uu madaxweyne noqdo sedex mar oo hore
Qorshaha Ku shubashada
Nin kale oo ay la hadashay BBC-da ayaa sheegey in uu kaliya awoodo in uu soo iibsado raashiin ku filan sedex maalmood. "Waan jeclaan lahaa in aan soo iibsado raashiin kayd ah oo badan, haddii aan haysan lahaa lacag" ayuu yiri David Kadondi.
Waxa uu aaminsanyahay in dilkii loo geystey Msando uu qayb ka yahay qorshe lagu doonayo in doorashada loogu shubto.
"Msando waxa uu fure u ahaa in doorashada ay noqoto mid xalaal ah, balse meesha ayay ka saareen, qaabka loo dileyna waxa ay muujineysaa in ujeedku ahaa in loo dhoco habka doorashada, kadibna lagu shubto" ayuu yiri ninkan.
Booliiska Kenya ayaa wali baaritaan ku haya dilka Msando oo lala diley haweeney da' yar.
Image captionSuuq fiican ayuu heley dukaanka ay ka shaqayso Ms Wambui
storvideo: 

Wasaaradda Dastuurka Soomaaliya oo dhaweysay...

$
0
0

Wasaaradda Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo dhaweysay guddiga la socodka iyo dib u eegista dastuurka labad Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya. Avv. Xuseen Cabdi Cilmi oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in guddiga labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya u qaabilsan dib u eegista dastuurka ay soo dhaweynayaan, ayna diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan. "Waxan ku faraxsanahay Guddiga ay is doortaan oo ay shaqeeyaan, waxaan joognaa waqtigii shaqada rasmi ah bilaabi lahayn, bilooyinkii la soo dhaafay waxaan wadnay wadatashiyo aan la yeelanaynay Maamul goboleedyada, ururada bulshada rayidka, siyaasiyiinta, marka hadda wixii ka dambeeyay waxaan rabnaa in la gudo galo arrimaha Dastuurka, waxaana rajeyneynaa inaan wada shaqeyn la yeelano guddigan" ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda. Halkan ka dhageyso Wareysiga oo dhameystiran http://www.radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2017/08/Waraysi-wasiir-k...
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live