Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

War Deg Deg ah: Taliye ku xigeenkii Saldhiga...

$
0
0

Boosaaso ( Sh.M.Network)-Wararka laga helayo Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa sheegaya in Goor dhow lagu dilay Magaaladaasi Taliye ku xigeenkii Saldhiga Boosaaso oo lagu Magacaabi jiray Cabdi Dheere.
Falkaan ayaa la sheegay in ay geysteen Rag ku hubeysnaa Bastoolada xilli Taliye ku xigeenkaasi uu ku sugnaa Bartamaha Magaalada Boosaaso.
Waxaana halka wax ka dhaceen isaga baxsaday Dableyda falka geysatay walow Ciidamada Ammaanka Magaalada Boosaaso ee Maamulka Puntland ay halkaas baaritaanno xoogan ka wadaan.
Muddooyinkii dambe ayaa waxaa dhibaatooyin Amni xumi oo u badan falal Dilal ah ay ka dhacayeen gudaha Magaalada Boosaaso.
Saaka ayey ahayd markii Askari ka tirsanaa Ciidamada Maamulka Puntland lagu toogtay Bariga Magaaladaasi Boosaaso , iyadoona dilkaas ay Masuuliyaddiisa sheegteen Xarakada Al Shabaab.
storvideo: 


Wasiir Cabdi Xoosh iyo Amb Francisco Madeira oo...

$
0
0

Wasiirka Wasaaradda Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya AVV Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa la kulmay Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya Francisco Caetano Madeira, kulanka oo ka dhacay Xarunta Dhexe ee Hawlgalka AMISOM ee Muqdisho ayaa waxaa Wasiirka ku wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Mudane Maxamed Abuukar Zubeeyr. Labada dhinac ayaa waxa ay ka wada hadleen taageerada AMISOM ee Dowladda Federaalka, si ay guul ugu soo dhamaadaan wadatashayida qorsheysan ee baaxadda leh ee ka dhici doona dhamaan gobollada dalka kuwaasoo ku saabsan Dastuurka. AVV Xoosh ayaa Danjire Madeira u sheegay in Dowladda Federaalka ay rajeenayso taageero ay ka hesho Midowga Afrika oo ku aaddan dhameeystirka Dastuurka. "Midowga Afrika waxa ay qiimo badan ku bixiyeen xasilinta Soomaaliya, aad ayaanna uga mahadcelinaynaa arintaa, taageerada dhanka amniga ah oo kaliya ma xallin karaan dhibaatooyinka aan qabno, waxa aan ka rajeenaynaa in Midowga Afrika ay naga taageeri doonaan kulamada wadatashiga Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka oo ka qabsoomi doona dhamaan deegaanada dalka" ayuu yiri Wasiirka. Ugu dambayn, Wasiir Xoosh ayaa u sheegay Danjire Madeira in dib-u-eegista Dastuurka lagu soo gaba-gabeeyn doono muddo labo sanno ah, taasoo ku suurtageli doonta wadatashiyo ballaaran oo la la yeesho shacabka Soomaaliyeed. ---DHAMAAD---
storvideo: 

Golaha Shacabka JFS oo ansixiyay sharciga...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter
Muqdisho(SONNA) kulan maanta ay ku yeesheen magaalada Muqdisho xildhibaanada Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa waxaa ay kaga hadleen arrimaha sharciga Isgaarsiinat dalka.
Mudanayaasha golaha Sahacbka ayaa intaasi kadib ansixiyay sharciga Isgaarsiinta Qaranka,158 xildhibaan ayaa ogolaatay, halka 1 xildhibaan uu diiday.
Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka mudane C/weli Sheekh Ibrahim Muuday oo shir guddoominayay ayaa ku dhawaaqey in uu sharcigaasi uu yahaya ansxa.
"158 xildhibaan ayaa ogolaatay, halka 1 xildhibaan uu diiday sidaasi daraadeed sharciga Isgaarsiinta dalka waa ansax", Sidaasina waxaa yiri C/weli Muude.
Mudanayaasha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Soomaliya ayaa ewaxaa horyaala ajendayaal dhowr ah iyagoo islamaanta ka hadlaya su'aal weydiin ku aadan warbixinada sharciga 112aad ee shaqadad arrimaha dibadda iyo deegaan doorasheedka dalka oo xildhibaanada laga soo doortay waxyaabihii ay kala soo kulmeen.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleWeerar qasaare geystay oo ka dhacay dalka Faransiiska
Next articleWasiir Cabdi Xoosh oo la Kulmay Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya

storvideo: 

Wasiir Cabdi Xoosh oo la Kulmay Ergayga Gaarka ah ee...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane AVV Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa la kulmay Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya Francisco Caetano Madeira, kulanka oo ka dhacay Xarunta Dhexe ee Hawlgalka AMISOM ee Muqdisho ayaa waxaa Wasiirka ku wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Mudane Maxamed Abuukar Zubeeyr.
Labada dhinac ayaa waxa ay kawada hadleen taageerada AMISOM ee DF, si ay guul ugu soo dhamaadaan wadatashayida qorsheysan ee baaxadda leh ee ka dhici doona dhamaan gobolada dalka kuwaasoo ku saabsan arrimaha Dastuurka.
AVV Xoosh ayaa Amb Madeira u sheegay in DF ay rajeenayso taageero ay ka hesho Midowga Afrika oo ku aaddan dhameeystirka Dastuurka.
"Midowga Afrika waxa ay qiimo badan ku bixiyeen xasilinta Soomaaliya, aad ayaanna uga mahadcelinaynaa arintaa, taageerada dhanka amniga ah oo kaliya ma xallin karaan dhibaatooyinka aan qabno; waxa aan ka rajeenaynaa AU in ay naga taageeri doonaan kulamada wadatashiga Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka oo ka qabsoomi doona dhamaan deegaanada dalka" ayuu yiri Wasiirka.
Ugu dambayn, Wasiir Xoosh ayaa u sheegay Amb Madeira in dib-u-eegista Dastuurka lagu soo gaba-gabeeyn doono muddo labo sanno ah taasoo ku suurtageli doonta wadatashiyo ballaaran oo la la yeesho shacabka Soomaaliyeed.
---DHAMAAD---
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleGolaha Shacabka JFS oo ansixiyay sharciga isgaarsiinta Qaranka

storvideo: 

Raila Odinga: Doorashada Waa la Jabsaday

$
0
0

Hoggaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa maanta sheegay in kooxaha jabsada kombiyuutada ay fuliyeen qiyaano “weyn oo xad dhaaf ah” oo ka dhan ah kombiyuutarada guddiga doorashada Kenya.

Maamulka Trump oo difaacay in uu ka aamusay...

$
0
0

Aqalka cad ee Maraykanka ayaa sheegay in ay ka hadli doonaan weerarkii lagu qaaday misaajid ku yaalla Minnesota.
Sebastian Gorka, oo ka mid ah saraakiisha sarsare ee aqalka cad ayaa sheegay in ay arrintan ka hadli doonaan marka baaritaanada la soo gabagabeeyo.
Sebastian,ayaa sheegay in aqalka cad ay sugayaan in bal laga yaabo weerarkaasi in uu ahaa mid aan waxba ka jirin lagana yaabo in u jeedoyiin gaar ah laga damacsanaa.
Laanta danbi barista Maraykanka ee FBI ayaa baaraysa weerarka oo uu gavanatooraha Minnesota Mark Dayton uu ku tilmaamay fal danbiyeed argagixiso.
Dadka dhaliilaya xukuumada Maraykanka ayaa waxa ay farta ku fiiqeen in Mr Trump uu si degdeg ah uga jawaabay weerarkii argagixisada ee London balse uusan wali ka hadlin weerarkii masaajidka Minnesota .
Maalintii Sabtida ayay ahayd markii uu qarax ka dhacay misaajidka Dar Al Farooq Islamic Center oo yaalla Minneapolis.
Ma jirto cid wax ku noqotay weerarkaasi ,hasa yeeshee waxa burbur xoogan uu ka soo gaaray xafiiska imaamka masaajidka.
storvideo: 

Raila Odinga: Doorashada Waa la Jabsaday

$
0
0

NAIROBI --
Hoggaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa maanta sheegay in kooxaha jabsada kombiyuutada ay fuliyeen qiyaano "weyn oo xad dhaaf ah" oo ka dhan ah kombiyuutarada guddiga doorashada Kenya.
Odinga ayaa sheegay in taasi oo dhalisay wax uu ugu yeeray tiro codad ah oo muujinaya in madaxweyne Uhuru Kenyatta uu kaga horreeyo doorashada madaxweyne.
Website-ka guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha Kenya ee loo soo gaabiyo IEBC, ayaa muujinaya in madaxweyne Kenyatta uu doorashada ku hoggaaminayo codad ah 54%, halka Odinga uu haysto 45%, ayada oo la tiriyey 93% codadka.
Odinga ayaa weriyayaasha maanta u aqriyey qoraal uu ku eedeeyey kooxaha jabsada kombiyuutarada inay baddaleen natiijadii doorashadii shalay dhacday, islamarkaana aysan ku koobneyn oo kaliya tan madaxweynaha balse ay saameysay doorashooyinka kale ee dalka.
"Natiijada ay baahinayaan IEBC ee madaxweyne waa mid gebi ahaan been abuur ah oo ku saleysan xisaab la laba jibaaray oo Uhuru siineysa codad aan la dhiiban" ayuu yiri Odinga.
"Qiyaanada xisbiga Jubilee ay kula kaceen dadka Kenya waxay ka saro martay xatooyo kasta oo taariikhda waddankan soo martay. Markan waan ku qabanay" ayuu yiri Odinga oo madaxweyne Kenyatta ku sheegay inuu yahay "qiyaanoole".
storvideo: 

War Deg Deg ah: Xildhibaanada BF Somalia oo...

$
0
0

Aug 9, 2017 -
Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta meel mariyay Xeerka isgaarsiinta Dalka oo maalmihii la soo dhaafay ka doodeyeen Xildhibaannada Golaha shacabka.
Xildhibaannada ayaa cod u qaaday Xeerkan iyada oo kulanka ay soo xaadireen 159 mudane,waxaana haa u codeeyay oo aqbalay 158 Xildhibaan halka Hal Xildhibaan uu ka aamusay.
Xeerkan ayaa wax badan isjiid jiid ka jiray iyada oo uu Xeerkan dowladda u horseedayo in ay gacanta ku dhigto maamulka Furayaash Dalka ee Isgaarsiinta,Internetka iyo kuwo kale
Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya ayaa sheegtay in xeerkan ansixintiisa kaddib ay u fududaaneyso la xisaabtanka Hay'adaha Caalamiga ah ee dhanka Isgaarsiinta iyo kuwa Internetka.
Nagala soo xiriir
storvideo: 


Dhageyso: Wasiir Beyle oo shaaciyay guulo waa weyn...

$
0
0

Aug 9, 2017 -
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle oo la hadlayay Warbaahinta ayaa ka warbixiyay waxyaabaha ugu waa weyn ee u qabsoomay tan iyo markii uu la wareegay Wasaarada Maaliyadda.
Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in guulo waa weyn la gaaray mudada kooban oo ay shaqeynayaan, iyadoo ay u suura gashay wasaarada inay keento dakhli ku filan mushaarka shaqaalaha dowlada.
"Wax badan baa mudadaas kooban inoo qabsoomay, waxaa ka mid ah inay noo suurta gasho inaan isku keeno dakhli ku filan in mushaarooyinka la bixiyo, Mida ugu horeysa aniga waxaan leeyahay waxaa inoo suura gashay inaan dakhligii soo galay u habeyno si dadka Soomaaliyeed ee ka shaqeeya wasaaradaha, Ciidamada, Baarlamaanka iyo wasiirada shaqada ay wadaan inaan ku bixino wixii lagu lahaa"
Sidoo kale Wasiirka Maaliyada ayaa xusay in ay u suura gashay isku jaangooynta waxa soo galaya iyo waxa baxaya, taasoo hirgalisay in la ogaado in waxa la bixinayo ay yihiin wax la og yahay meesha ay ku baxayaan oo la isku gartay.
"waxaa kaloo inoo suurta gashay inaan isku jaangoyno waxa ina soo galaya iyo waxa baxaya, taasoo micnaheeda yahay in waxa la bixinaya ay yihiin wax la og yahay meesha ay ku baxayaan tusaale waxaan sameynay in qof kasta oo mushaar qaadanaya uu Akoon furto si loo ogaado in qofkaasi akoonkiisa lacagta ku dhacday"
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in guulaha la gaaray ay ka mid tahay in Muqdisho laga balaariyay Maaliyada, isla markaana dowlad Goboleedyada ay wada kulmeen, taasoo suurta galineysa in lagu hamiyo dalka oo dhan in Bajadkiisa la diyaarino sidoo kalena aan mideyno Canshuuraha dalka soo galaya meel kasta.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

KENYA: Anti-riot police clash opposition supporters...

$
0
0

Supporters of opposition leader Raila Odinga, react after their political leader claimed "massive" fraud in this week's elections, in Kisumu, Kenya August 9, 2017. REUTERS/Baz Ratner
KISUMU, Kenya - Kenyan police fired tear-gas on Wednesday at a group of 100 chanting supporters of opposition leader Raila Odinga, shortly after their political leader claimed "massive" fraud in this week's elections, a Reuters witness said.
The unarmed men, who had been chanting "No Raila, no peace," scattered.
Electoral officials are still counting the votes cast on Tuesday despite the opposition leader Odinga rejected to accept the result released so far.
(Source: Reuters)

storvideo: 

Soomaali iyo Ethiopian ku Dhintay Xeebaha Yemen

$
0
0

Koox u dooda xuquuqda muhaajiriinta, ayaa sheegtay in dadka wax tahriibiya ay 50 dhallinyaro Soomaali iyo Ethiopian ah ku harqiyeen xeebaha Yemen, kadib marki ay si ula kac ah biyaaha ugu tuureen.
Shaqaalaha hay'adda IOM, ayaa sheegay in xabaalo ay ku aasan yihiin in badan oo dadkan ka mid ah ay ka heleen xeebta gobolka koonfurta Yemen ku yaalla ee Shabwa.
Dad ka badbaaday dhacdadan, islamarkaana aasay kuwa dhintay, ayaa sheegay inay ahaayeen 120 qof oo saarnaa doon ka timid Soomaaliya, oo ku socota dalka Yemen.
Dadka tahriibinayey dadkan ayaa baqay markii ay u qaateen in mas'uuliyiinta dalka Yemen ay arkeen, kadibna ay go'aansaday in tahriibayaasha ay si ula kac ah badda ugu tuuraan markii ay kusoo dhowaadeen xeebaha, sida ay sheegeen dadkii ka bad-baaday.
Ma cadda weli inta ay xeebta u jireen markii dadkan badda lagu daadiyey.Shaqaalaha IOM ayaa qiyaasaya inay harqadeen 50 ka mid ah dadkan. Waxaa xeebta la helay 27 ka bad-baaday, ayada ugu yaraan 22 kale la la'yahay.
Cel-celiska da'da dadkan ayaa ahayd 16 jir, sida ay sheegtay hay'adda IOM.
Kooxda falkan ka dambeeyey ayaa la sheegay inay markii ay dadka daadiyeen kadib u jiheysteen Soomaaliya, si ay uga soo kaxeeyaan tahriibayaal kale.
Qiyaastii 55,000 oo muhaajiriin oo ka yimid Geeska Afrika, ayaa sanadkan gaaray dalka Yemen, ayaga oo rajeynaya inay uga sii gudbaan dalalka Khaliijka.
storvideo: 

DEG DEG: Haweeney Shirqool yaab leh ku dishay Ninkii...

$
0
0

Aug 10, 2017 -
Sida ay sheegayaan wararka aan ka heleyno Xaafada Xamar-Jadiid ee degmada Warta-nabada waxaa maanta xaafadaasi ka dhacday dhacdo xanuun badan oo dadka ay ka argagaxeen ka dib markii nin la sheegay inuu ku noolaa Xamar-jadiid toorey lagu dilay.
Mid ka mid ah dadka Goob-joogayaasha ayaa inoo sheegay in dilka ay ka danbeeyeen dhalinyaro ku hubeysneyd Mindiyo,iyagoo durba goobta ka cararay.
Sidoo kale, Dad goobta ka agdhawaa ayaa sheegaya in Dhalinyarada wax dishay ay qaraabo ahaayeen Xaaska Ninka la dilay,waxaana uu Xusay in Dilku uu Salka ku hayay Muran soo kala dhex galay Ninka la dilay iyo Xaaskiisa.
Dhanka kale Marxuunka la dilay wiil uu Abti u ahaa ayaa inoo Xaqiijiyay in la dilay Abtigiis oo ay dileen Rag Middiyo watay.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Wiil uu awood u yahay Idi Amin oo xildhibaan ka...

$
0
0

Wiil uu awoow u yahay madaxweynihii hore ee kaligii taliska ah ee Uganda Idi Amin ayaa ku guuleystey kursi baarlamaan dalkaasi Uganda kadib doorasho ku celis ah oo dhacday.
Taban Amin ayaa kasoo galay degmada Kibandha ee waqooyiga dalkaasi kadib markii maxkamadda sare ee dalkaasi ay waxbo kama jiraan kasoo qaaday doorasho horey u dhacday oo uu isaga ku guuleystey. Markii doorashada lagu celiyey ayaa la waayay cid la tartanta, sidaasi ayuuna markale ku guuleystey xildhibaanimadda.
Taban Amin ayaa waxa uu ka tirsanyahay xisbiga talada haya ee NRM ee madaxweyne Yuweri Musavani.
Musavani ayaa waxa uu qeyb ka ahaa afgambigii ciidamada ay ku sameeyeen Idi Amin sanadkii 1979-dii, kaasi oo ay soo abaabushey dowladda Tanzania.
Horey waxaa u jirey muran la xiriira doorashadiisa, kadib markii ninkii la tartamayay uu ku eedeeyey in uusan ahayn codeeye diiwaangashan, islamarkaasina shahaadooyinkiisa waxbarasho uu ku qoranyahay magac ka duwan kan uu ku tartamayo.
Balse maxkamadda sare ayaa sidoo kale xukuntey in eedeymaha loo jeediyey aysan ahayn kuwa ku filan in Taban looga hor istaago in uu markale tartamo.
Taban ayaa leh dhammaan astaamihii iyo qaabkii awoowgiis oo mar ahaa nin aad looga baqo.
storvideo: 

DOORASHADA KENYA: Aadan Barre Ducaale iyo Yuusuf...

$
0
0

Aadan Barre Ducaale oo la guddoonsiiyay shahaadadiisa guusha doorashada xildhibaanka Gaarisa.
Nairobi (RBC Radio) Hoggaamiyihii hore ee aqlabiyada Baarlamaanka dalka Kenya Aadan Barre Ducaale iyo Xildhibaanka Kamukunji Yuusuf Xasan ayaa labaduba ku guuleystay inay heystaan kuraastooda baarlamaanka dalka Kenya doorashadii Talaadadii ka dhacday Kenya.
Illaa hadda waxaa socda tirinta natiijada doorrashada codadkii la dhiibtay, hase yeeshee natiijada hordhaca ayaa muujineysa in labada xildhibaan oo ka mid ah kuwa Soomaalida Kenya ugu muuqda laguna yaqaano xagga siyaasadda gudaha ay dib ula soo noqdeen kuraastooda.AADAN BARRE VS FAARAX MACALIN
Xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo ahaa hogaamiyaha xildhibaanada muxaafidka ee ugu badan baarlamaanka ee xisbiga Jubilee, ayaa isagu kursigan ku fadhiyay illaa 2013.
Doorashadan oo ahayd mid adag ayaa waxaa kursiga kAadan Barre ula tartamay Faarax Macallin oo isagu ka tirsan isbahaysiga mucaaradka, isla markaana horey u soo noqday guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya.
Labada nin ayaa ku tartamay kursiga baarlamaanka ee Gaarisa.
Aadan Barre ayaa illaa hadda heysta codad gaaraya 22,587 halka Faarax Macallin uu helay 14,897.Yuusuf Xasan oo la guddoonsiiyay shahaadada guusha xildhibaanka Kamukunji ee Nairobi.
YUUSUF XASAN
Dhanka kale, Yuusuf Xasan oo bilawgii isreeb reebka doorashooyinka hoose uu qiil qiil galiyay nin u dhashay qowmiyada Kikuyada, ayaa markii danbe xisbigiisa Jubilee u gartay inuu isagu u tartamo kursiga xildhibaanimada degmada Kamukuni ee magaalada Nairobi. Xaafada Islii ee ay Soomaalida ka degto Nairobi, ganacsiyada badanna ku leedahay ayaa ka tirsan degmada Kamukunji, halkaasoo codad badan uu ka helay xildhibaanka.
Doorashada guud waxaa Yuusuf kula tartamay musharixiin dhowr ah, hase yeeshee waxaa ugu muuqday dhanka mucaaradka Ibraahim Axmed 'Johny' oo ah musharrax xildhibaan oo dhanka isbahaysiga mucaaradka u tartamay.WAQOOYI BARI
Guud ahaan degmooyinka gobolka Waqooyi Bari ee Kenya oo ah gobolka Soomaalide deggan tahay, ayaa masuuliyiinta maamulada heer gobol waxaa ku soo baxay musharixiinta xisbiga talada haya ee Jubilee, taasoo ka dhigan in degmooyinka Gaarisa iyo Wajeer oo horey ay u maamulayeen guddoomiyaal ka yimid xisbiyada mucaaradka ay waayeen kuraastooda.
Saddexda degmo ee Gaarisa, Wajeer iyo Mandhera ayaa, sida hadda ka muuqata natiijoyinka hordhaca, waxaa ku soo baxay musharixiinta Jubilee ee kala ah Cali Rooba (Mandhera), Danjire Maxamed Cabdi (Wajeer) iyo Cali Qorane (Gaarisa).

storvideo: 

SAWIRO: Wariyaal careysan oo Banaanbax ka dhigay...

$
0
0

Aug 10, 2017 -
Suxufiyiinta ka hawlgala caasimadda Puntland ayaa banaanbax cabasho ah ka hordhigay baarlamaanka Puntland maanta oo Khamiis ah.
Suxufiyiinta ayaa ka cabanaya xarigga loo goystey Cumar Siciid Maxamed oo maalintii afaraad u xiran madaxtooyada Garoowe.
Cumar ayaan la horgeyn wax maxkamad ah, laguma eedeyn denbiga loo haysto, waxaana lagu hayaa xabsi gaar ah oo magaciisa loogu yeero iihay, kaas oo lagu haysto dadka aan la dooneyn in maxkamad la horgeeyo.
Suxufiyiinta ayaa sheegay in ay sharci darro tahay in muwaadin la iska hayo iyada oo dastuurka Puntland uu dhigaayo in aan qofna la xiri karin 48 saac ka badan haddii aysan maxkamadi xukumin.
Xiliga Suxufiyiintu ay banaanbaxa cabashada ah ka hordhigeen baarlamaanka waxaa ka socdey ansixinta golaha wasiirada ee Puntland ee ay kalsoonida kala noqdeen bishii hoe.
Nagala soo xiriir
storvideo: 


Yuusuf Xasan oo mar kale ku guuleystay Kursiga...

$
0
0

Aug 10, 2017 -
Xildhibaan Yuusuf Xasan ayaa mar kale difaacday Kursiga Xildhibaano ee degmada Kamakunji, kaddib markii uu codod badan uga adkaaday Musharaxii la tartamayay.
Tartanka Kursiga Kamakunji ee Xaafada Islii ayaa ahaa mid si aad ah isha loogu hayay, waxaana ku loolamayay Xildhibaanka difaacanayay kursigiisa Yuusuf Xasan iyo Ibraahim Joonii.
Yuusuf Xasan ayaa ku guuleystay codod dhan 38,282, halka Musharaxa kale ee la tartamayay Ibraahim Joonii uu helay codod dhan 19,000.
Xildhibaan Yuusuf Xasan ayaa lagu wadaa in la guddoonsiiyo shahaadada kursiga uu ku guuleystay, waxaana uu hataan ku sugan yahay xarunta Bomas ee ka socota tirinta cododka doorashada.
Xaafada Islii oo ay degto Soomaalida ugu badan, ganacsi kala duwan ku leh ayaa waxaa la sheegay in looga dabaal degay Guusha Xildhibaan Yuusuf Xasan.
Tirinta cododka ayaa wali iska soo daba dhacaya, waxaana soo baxaya xubno hor leh oo ku guuleysanaya kuraasta ay ku tartameen ee deegaanada ay ka soo jeedaan.
Aadan Barre Ducaale ayaa xalay la shaaciyay inuu ku guuleystay kursiga deegaan Baarlamaaneedka Gaarisa Township, isagoo ka adkaaday Siyaasiga caanka ah Faarax Macalin.
Illaa iyo hada laguma dhawaaqin natiijada doorashada Madaxweynaha, waxaana ku horeeya natiijada horudhaca ah Madaxweynaha talada haya Uhuru Kenyatta, halka Raila Odinga uu ku xigo, inkastoo uu qaadacay natiijada horudhaca ee cododka la tiriyay.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Golaha Wasiirada SOMALIA oo ansixiyay Sharciga...

$
0
0

Aug 10, 2017 -
Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay sharciga xakameynta Hubka wax dila, kaasoo ka mid noqonaya sharciyo horay Goluhu u ansixiyay.
Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa Wariyeyaasha u sheegay in Golaha Wasiirada ay si aqlabiyad leh ku ansixiyeen sharciga xakameynta hubka wax dila.
Sharcigan ayaa waxaa soo diyaariyay Wasaaradda Amniga gudaha, waxaana uu soo maray marxalado kala duwan.
Wasiir Yariisow ayaa sheegay in muddooyinkii la soo dhaafay laga hortagay falal amni daro, isagoo xusay in ansixinta sharcigan uu qeyb wanaagsan ka yahay howlaha socda.
Xukuumadda Soomaaliya ayaa bishii May ku dhawaaqday howl gal loogu magac daray Xasilinta Caasimadda, iyadoo la dhisay Ciidamo si gaar ah oo horay magaalada uga sameeyay howl galo lagu uruurinayay hubka oo ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Golaha wasiirada oo ansixiyey Xakameynta hubka xili...

$
0
0

[unable to retrieve full-text content]
storvideo: 

Golaha Wasiirada Puntland oo maanta la ansixiyay

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter
Muqdisho(SONNA) Kulankan ansixinta Golaha Wasiirada cusub ee Puntlnd waxaa goob joog ka ahaa madaxweynaha Puntland kaasi oo baarlamanku ka codsaday in si duuduub ah u ansixiyaan Wasiiradda.
Kalsooni siinta Golaha Wasiirada Puntland ayaa waxaa ay u dhacday qaab gacan tag ah kadib markii ay xildhibaanadu isku raaceen in gacan tag laga dhigo.
Ilaa 63 xildhiban ayaa soo xaadiray kulanka, 61 kamid ah ayaa ogolaatay 2 ayaa ka aamustay sidaasi ayay Golaha wasiirada Puntland ay ansax ku noqdeen.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi ayaa ku dhawaaqey natiijada ansixinta Wasiirad.
"Waxaa kulanka goob jog ah 63, waxaa ogolaatay oo haa ugu codeysay Wasiirada 61 mudane 2 way ka aamuseen, sidaasi daraadeed,waa ansax Xukuumaddu waxaan leenahay waajibaadkeeda ha gudato", sidaasi ayaa waxaa ku dhawaaqey guddoomiyaha baarlamaanka Puntland.
Xubnaha Golaha wasiirada uu dhawaan soo magacabaay Madaxweyne C/weli Max'ed Cali Gaas ayaa gaaraya ilaa 50 oo isugu jira wasiiro, wasiir ku xigeeno iyo Wasiiru-Dowlayaal.
Markay Taariikhdu ahayd 18kii Bishii July ee tagtay ee sanadkan ayaa Baarlamaanka Puntland codkii kalsoonida uu kala noqday Golihii Wasiirada kadib markii ay ku eedeeyeen wax qabad la'aan.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleShirkii Golaha Wasiirada oo maanta lagu ansixiyay sharciyada Maamulka Maaliyadda iyo xakameynta Hubka

storvideo: 

Suxufiyiinta Puntland oo Bannaanbax ka hordhigay...

$
0
0

RBC Radio(Garoowe) Suxufiyiinta ka howlgasha magaalada Garoowe ee - Puntland ayaa maanta oo khamiis ah Bannaanbax ka hordhigay Baarlamaanka dowladda Puntland.
Bannaanbaxan ayaa Suxufiyiintu kaga cabanayeen suxufi Cumar Siciid Maxamed oo maalintii afaraad u xiran Madaxtooyada Puntland ee Garoowe.
Illaa hadda suxufi Cumar Dheere lama horgeyn wax maxkamad ah,lagumana eedeyn wax danbi ah,waxaana lagu hayaa xabsi gaar ah oo magaciisa loogu yeero iihay,kaasoo lagu hayo dadka aan la dooneyn in maxkamad la geeyo.
Waxa ay sheegeen Suxufiyiintu iney sharci-darro tahay in muwaadin la iska haysto iyadoo Dastuurka Puntland uu dhigayo in aan qofna la xiri karin 48 saac ka badan haddii aysan maxkamadi xukumin.
Xiliga ay suxufiyiintu bannaanbaxa cabashada ah ka hor dhigayeen Baarlamaanka ,waxaa socday ansixinta Gollaha wasiirada ee Puntland ee ay kalsoonida kala noqdeen bishii Luuliyo.
Maamulka Madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas ayaa suxufiyiin badan qaabkan oo kale xarig ugu geystay kuwaasoo aan la horgeyn maxkamad lana sii-daayey kadib markii ay muddo dheer lagu takri faley Xuquuqdooda.
Suxufi Cumar Dheere ayaa xarigiisa waxaa si weyn u canbaareeyey ururada xuquuqda aadanaha iyo kuwa sida gaarga ah ugu dooda Xuquuqda suxufiyiinta ee heer caalami iyo kuwa dalka Soomaaliya.RBC RadioGaroowe

storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live