Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

XOG COD ah:Sheekh Xasan Dahir Aweys oo xaaladiisa...

$
0
0

Aug 10, 2017 -
Warar hoose oo lagu kalsoonyahay oo aan ka helnay ehelada dhow Sheekh Xasan Dahir Aweys ayaa sheegaya in xaaladiisa caafimaad laga deyrinaayo sheekha.
Sheekha oo sanadihii ugu danbeyse xabsi guri ku ahaa guri aan sidaa oga fogeyn xarunta nabad sugida qaranka ayaa sheegaya in mudooyinkii ugu danbeyse xaaladiisa caafimaad kasii dareyse kadib markii sheekha wadnaha laga haayay.
Xogtaan ayaa sii raacineyso in dhaqaatiir soomaali ah iyo kuwa turkish ah oo ka howl gala magaalada muqdisho xaaladiisa caafimaad kula tacalaaye guriga oo xabsi guriga kuyahay inkastoo lashegayo in habeenimadii xalay loo qaaday isbitaalka leeyihiin ciidamada Amisom balse dib loogu soo celiyay aroornimadii hore saake.
Dowlada soomaaliya iyo eheleda sheekha ayaa kahadlin xaalada caafimaad ee sheekha inkastoo laga yaabo in eheleadiisa ka hadasho xaaladiisa caafimaad hadii sidaan sii ahaato wallow lashegaayo bilooyinkan xanuunka haayay.
Xasan Dahir Aweys oo u xiran fekerkiisa sida ay sheegeyn masuuliyiin katirsan dowlada soomaaliya madaama oo weli shaacin oo kabaxay kooxda shabaab oo katirsanaa balse ugu danbeyntii ayaga naftiisa kala baxsaday.
Wadaadka oo ah qof aad u da ah ayaa sanadii ugu danbeyse xabsi guri ku ahaa kadib markii eheladiisa kasoo wadeen magaalada cadaado oo halkaas baxsad ku gaaray.
Nagala soo xiriir
storvideo: 


Madaxweyne Farmaajo oo amrey howlgal qorsheysan oo...

$
0
0

Muqdisho (RBC Radio) Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmajo) ayaa amray howlgal qorsheysan oo laga fuliyey deegaan ku yaalla dulleedka magaalada Muqdisho oo lugu magacaabo ShaashWeyn, halkaas oo lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsan al-Shabaab,sida ku cad war-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda warfaafinta oo Raxanreeb la soo garsiiyay.
"Horjoogahan kooxda argagaxisada ka tirsan ayaa mas'uul ka ahaa qorsheyaasha lagu fulinayey qaraxyada iyo dilalka qorsheysan eek a dhacayey Muqdisho oo lagu dilay dad shacab ah oo aan waxba galabsan."ayaa lugu yiri war-saxaafadeedka oo intaas ku darray "Labadii usbuuc ee u danbeysey ayaa geesiyaasha ciidanka Soomaalida ayaa bartilmaameysanyey kooxaha argagaxisada jid-gooyooyinka ay lacagaha baadka uga qaadaan shacabka, oo weliba weeraradaas mid ka ah lagu qaarajiyey horjoogihii Muqdisho u qaabilsanaa argagaxisada Al-Shabaab oo lagu magacaabi jirey Cali Maxamed Xuseen (Cali Jabal)."
Gabagabadii,warsaxaafadeedka waxaa lugu caddeeyay madaxweynaha iyo dowladda inay ka go'an tahay sidii al-Shabaab looga cirib tiri lahaa xalka si shacabka looga badbaadiyo qaraxyada iyo dilalka qorsheysan, tanoo shacabka Soomaaliyeed, kuwa Afrikada Bari iyo Caalamkaba dan u ah.
Dowladda ma sheegin magaca sarkaalka weerarka lugu dilay,balse warsaxaafadeedka waxaa lugu sheegay weerarka inay ka qeybqaaten saaxibadda dowladda ee beesha caalamka.

storvideo: 

XOG cusub:Qaban qaabada Mukhtaar Roobow lagu soo...

$
0
0

Aug 10, 2017 -
Warar hoose oo aan haatan ka heleyno magaalada baydhabo ee xarunta kmg ee mamaulka koofur galbeed ayaa sheegaya in halkaas kasocoto qaban qaabada lagu soo dhaweynaayo Sheekh baxsadka ka ah kooxda shabaab.
Xogtaan oo aan ka helnay mid kamid ah wasiirada dhawaan oo soo magacaabay madaxweyne Shariif Xasan ayaa noo xaqiijiyay in Muqtaar Roobow kusoo wajahanyahay magaalada baydhabo oo haatan qaban qaabadiisa kasocoto.
Xogta ayaa raacineyso in la dajin rabo guri aan sidaa oga fogeyn xarunta madaxtooyada oo amaankeeda siweyn loo ilaaliyo waxaana warar sheegaya in sheekha soo geli doono xeendaabka Shariif Xasan.
Wasiir oo naga codsaday in aan shaacin magaciisa iyo codkiisa ayaa sheegay in sheekha lagu wado in ciidamadiisa la soo galo magaalada Baydhabo halkaas kusugnaan donaan mudo aan lashaacin.
Qaban qaabada lagu soo dhaweynaayo Muqtaar Roobow ayaa imaaneyso xili maalinimadii shalay dagaal xoogan kudhex maray degaanka fariisinka u ahaa Muqtaar Roobow iyo kooxda shabaab.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Suuqa ugu weyn magaalada Gaarisa oo gubtay

$
0
0

Wararka ka imaanaya magaalada Gaarisa ayaa sheegaya in suuqa ugu weyn ee magaaladaasi ee loo yaqaano Suuq Mugdi uu dab qabsaday.
Dabka ayaa ku fidey qeybaha kala duwan ee suuqa, iyada oo la arkayay holaca iyo qaaxa ka baxaya suuqa.
Qaar ka mid ah dadkii ganacsatada ayaa alaabahooda ka daad gureysanaya , iyada oo shaqaalaha dab-damiska ay usoo gurmadeen suuqa, islamarkaasina dhuumo biyo ah ay ku daminayaan dabka.
Dabkan ka kacay suuqa ayaa kusoo aadaya xili guddiga doorashooyinka Kenya ay shaaciyeen natiijada doorashooyin halkaasi ka dhacay oo lagu tartamayay xilal kala duwan.
Kursiga baarlamaanka Gaarisa waxaa ku guuleystey Aadan Barre Ducaale, waxa uu tartan adag kala dhaxeeyey Faarax Macalin Dawaaraa, halka kursiga gufarnatooraha uu ku guuleystay Cali Buunow Qorane oo la tartamayay Nadiif Jaamac oo xilkaasi horey usii hayay.
Musharixiinta laga guuleystey wali ma aysan hadlin.
storvideo: 

Xogtii Ugu Dambeeysay Qaraxii Caawa ka dhacay...

$
0
0

Aug 10, 2017 -
Qarax loo adeegsaday Gaari walxaha Qarxa laga soo buxiyay ayaa fiidnimadii caawa ka dhacay Wadada Maka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan ka soo horjeedka Carwo Al-kowther.
Qaraxan ayaa waxaa si weyn looga maqlay degmooyinka gobolka Banaadir, maadaama Qaraxa uu ahaa mid xoogan.
Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay Gaarigan Qarxay in ay markii horeba ka war hayeen, uuna halkaasi soo dhigay ninkii waday, kana cararay markii ay ogaadeen Ciidanka ammaanka, kadibna lahakiyay dhaqdhaqaaqa wadadaasi, sidaasina uu ku Qarxay.
Ma jirto wax khasaare ah oo ka dhashay Qaraxan, sida ay inoo sheegeen saraakiisha ammaanka, balse waxaa bur bur uu soo gaaray goobaha Ganacsi ee halkaasi ka akdhow.
Warar kale oo madax banaan ayaa waxa ay sheegayaan in uu jiro khasaare dhaawac ah oo soo gaaray dad kooban, kuwaasi oo goobta ka akdhowaa, lana geeyay goobaha caafimaadka.
Hay'addaha ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kordhiyay hawlgalada suggida ammaanka caasimadda, si looga hortago weerarada iyo Qaraxyada Al-shabaab ay ka geystaan magaalada Muqdisho.
Shalay oo ugu dambeysay ciidamada ammaanka ayaa waxa ay gacanta ku dhigeen gaari waxyaabaha qarxa la soo saaray, kaasi oo la soo dhigay meel Banaan ah oo ku taalla degmada Deyniile, balse ciidamada ammaanka ayaa qabtay gaarigaasi.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Warar Deg deg ah oo Caawa naga soo gaaray deegaanka...

$
0
0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Bakool ayaa sheegaya in masuuliyiin katirsan maamulka Koofur Galbeed ay udhaqaaqeen dhanka deegaanka Abaal oo uu ku sugan yahay Sh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.
Wasiirka amniga Koofur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed Eelaay ayaa hogaaminaya xubno katirsan maamulka Koofur Galbeed oo ubaxay iney aadaan deegaankaas.
Wararka ayaa sheegaya in wafdigan ay utagayaan deegaankaas si ay wadahadal ula yeeshaan hogaamiyaha caanka ah ee Sh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo dagaal kula jira Shabaab.
Mid kamid ah masuuliyiinta socdaalka ku jira ayaa xaqiijiyay in Roobow ay usoo jeedin doonaan inuu usoo baxo dhanka Baydhabo ayna garab ku siiyaan inuu la dagaalamo Shabaab.
Kooxda Shabaab ayaa dhankooda ku sugan meel ku dhow deegaanka lagu dagaalamay kadib markii ay awoodi waayeen iney jabiyaan ciidamada Roobow.
Ku dhawaad 20 ruux ayaa lasoo sheegayaa iney ku dhinteen dagaaladii dhacay halka gaadiid dagaal lakala gubay.
Maamulka Koofur Galbeed ayaa rajeynaya iney guul kala soo laabtaan Wadaad Sh Roobow oo ka baxay Shabaab.La soco WARARKII Soo kordha Insha Allah
storvideo: 

Dhageyso: Caalim oo Xog Xasaasi ah Kashifay” Qorshe...

$
0
0

Aug 10, 2017 -
Aqoonyahan ka Faalooda Arimaha Soomaaliya Maxamed Maxamuud Nuur Caalim ayaa ka hadlay kulankii dhawaan Magaalada Kampala ku dhexmaray Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud.
Siyaasiga ayaa sheegay in kulankaas uu yahay dhaq dhaqaaq jira islamarkaana ay masuul ka tahay dowladda Imaaraadka Carabta kaas oo ah mid la doonayo in lagu jilaafeeyo dowladda sooamaliya.
Waxa uu sheegay in ay macquul tahay dhanka kale in dowladda Uganda iyo Madaxweyne Farmaajo,ay ka dhaxeyso taariikh Madow,islamarkaana Uganda ay ku dooneyso in qorsho kasto oo looga hor imaanayo dowladda Madxweyne Farmaajo.
"Waxaa macquul ah in dowladda Uganda ay ka walwalsan tahay Ciidamada uu farmaajo,sameynayo maadaama ay saameyn ku yeelan karto Ciidamadooda jooga Soomaaliya,waxaase sidoo kale iman kara in Madaxda Maamul Goboledyada dalka ka jira ay sidaan oo kale u tagaan Uganda ayuu yiri Siyaasi Caalim.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

MD Farmaajo oo Amar ku bixiyay Sarkaal sare Shabaab...

$
0
0

Aug 10, 2017 -
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa caawa shaaciyay inuu ogolaaday fulinta howlgal laga dilay sarkaal sare oo ka tirsan Alshabaab.
Qoraal madaxtooyada Soomaaliya faafisay ayaa lagu sheegay in howlgalkan laga fuliyay duleedka magaalada Muqdisho, degaanka Shaashweyne, laguna dilay sarkaal sare oo ka tirsan ururka Alshabaab, kaasoo mas'uul ka ah qaraxyada iyo dilalka ka dhaca magaalada Muqdisho.
Warka ma caddeyn sarkaalka la dilay magaciisa iyo xilka uu ka hayo Alshabaab, waxaana sidan oo kale oo hore ay madaxtooyada u shaacisay in madaxweyne Farmaajo uu ogolaaday fulinta howlgalkii lagu dilay Guddoomiyihii Alshabaab ee G/Banaadir Sheekh Cali Jabal.
Nagala soo xiriir
storvideo: 


SOMALIA: Mogadishu administration kicks off public...

$
0
0

Mogadishu (RBC Radio) As part of its effort to provide better services to the people, Benadir Regional Administration (BRA) today officially launched for the first time a program for Public Financial Management (PFM) reform.
The PFM reform program is part of the administrative Change Management (CM) Plan adopted by the new BRA administration. Since coming to office in April 2017, the new BRA administration has worked to develop and adopt a Financial Management Information System (FMIS) for Banadir Region and Mogadishu Municipality.
The administration's FMIS platform went live and became fully operational on July 01, 2017. Through FMIS, the BRA administration aims to ensure efficient, effective, transparent and accountable use of public resources to serve the holistic social welfare needs of its citizenry.
"Our overall vision of PFM reform is to effectively engage our people in the region and bring services closer to them," said Thabit Mohamed, Governor of Banadir Region and Mayor of Mogadishu. "BRA for the first time since 1991 has implemented and published a comprehensive budget for the second half of 2017. This is an important step for the region as it sets the foundation for the financial reforms" said Maluka Abdulkadir, Deputy Mayor.
"The Federal Government of Somalia, commends and encourages this noteworthy achievement, especially with the new BRA leadership just celebrating 100 days in office. Moreover, the FMIS will deliver good governance which is in compliance with the national pillar of accountability and transparency," said H.E Mahdi Mohamed Guled, Deputy Prime Minister of FGS.
The platform is completely self-funded and self-determined initiative to demonstrate the administrations' political commitment.

storvideo: 

Madaxweyne Farmajo oo amray howgal qorsheysan oo...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter
Muqdisho(SONNA) Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmajo) ayaa amray howlgal qorsheysan oo ay nala fuliyeen saaxiibada caalamka ee ShaashWeyn oo bannaanka gobolka Benaadir ah halkaas oo lagu dilay horjooge sare ee kooxda maleeshiyaadka argagaxisada Al-Shabaab.
Horjoogahan kooxda argagaxisada ka tirsan ayaa mas'uul ka ahaa qorsheyaasha lagu fulinayey qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ee ka dhacayey Muqdisho oo lagu dilay dad shacab ah oo aan waxba galabsan.
Labadii usbuuc ee u danbeysey ayaa geesiyaasha ciidanka Soomaalida ayaa bartilmaameysanyey kooxaha argagaxisada jid-gooyooyinka ay lacagaha baadka uga qaadaan shacabka, oo weliba weeraradaas mid ka ah lagu qaarajiyey horjoogihii Muqdisho u qaabilsanaa argagaxisada Al-Shabaab oo lagu magacaabi jirey Cali Maxamed Xuseen (Cali Jabal).
Madaxweyne Farmaajo iyo dowladiisa ayaa ay ka go'antahay in kooxaha argagaxisada ah laga ciribtiro dalka, so shacabka looga badbaadiyo qaraxyada iyo dilalka qorsheysan, tanoo shacabka Soomaaliyeed, kuwa Afrikada Bari iyo Caalamkaba dan u ah.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleLaamaha Ammaanka oo fashiliyay gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa

storvideo: 

MD Farmaajo oo sheegay in la dilay hogaamiye ka...

$
0
0

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmajo) ayaa amray hawlgal qorsheysan oo ay nala fuliyeen saaxiibada caalamka ee ShaashWeyn oo bannaanka gobolka Benaadir ah halkaas oo lagu dilay horjooge sare ee kooxda maleeshiyaadka argagaxisada Al-Shabaab.
Horjoogahan kooxda argagixisada ka tirsan ayaa mas'uul ka ahaa qorsheyaasha lagu fulinayey qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ee ka dhacayay Muqdisho oo lagu dilay dad shacab ah oo aan waxba galabsan.
Labadii usbuuc ee u dambeysay geesiyaasha Ciidanka Soomaalida ayaa bartilmaameysanyay kooxaha argagixisada jid gooyooyinka ay lacagaha baadka uga qaadaan shacabka, oo weliba weeraradaas mid ka ah lagu qaarajiyey horjoogihii Muqdisho u qaabilsanaa argagaxisada Al-Shabaab oo lagu magacaabi jirey Cali Maxamed Xuseen (Cali Jabal).
Madaxweyne Farmaajo iyo dowladiisa ayaa ay ka go'antahay in kooxaha argagixisada ah laga ciribtiro dalka, so shacabka looga badbaadiyo qaraxyada iyo dilalka qorsheysan, tanoo shacabka Soomaaliyeed, kuwa Afrikada Bari iyo Caalamkaba dan u ah.DHAMAAD.
storvideo: 

Mareykanka oo sheegay in Weeraro ay ka fuliyeen...

$
0
0

Washington (Sh M Network)--Taliska Mareykanka ee Qaraada Afrika (AFRICOM) ayaa waxuu sheegay in labo Weerar ay ka fuliyeen koonfurta Magaalada Muqdisho.
Waxaa Taliska AFRICOM uu shaaciyay in Weeraradaasi lagu beegsaday Xarakada Al Shabaab oo xiriir dhow la leh Ururka Al Qaacida.
Warkan ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Qaraada Afrika ayaa sidoo kale lagu xusay in ay socdaan qiimeyn lagu wado weeraradaasi.
"Waxaan qiimeyn ku wadnaa weeraro ka dhacay Koonfurta - Soomaaliya, oo aan ku beegsaday Xarakada Al Shabaab", sidaasi ayaa lagu yiri qoraalkaasi.
Warsaxaafadaadkan ayaa lagu qeexay in dib warbaahinta looga soo sheegi doono waxii natiijo ah oo ka soo baxa qiimeynta lagu wado weeraradii ka dhacay Duleedka Muqdisho.
Taliskan ayaa xusay in ay sii wadayaan taageerida Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo wada howlgallo ka dhan ah Al Shabaab.
15 -ka bishii March ayee aheyd markii Madaxweynaha Dalka Mareykanka, Donald Trump uu ogolaaday in la kordhiyo weerarada lagu beegsado Xarakada Al Shabaab.
storvideo: 

Golaha Amaanka ee QM oo ku baaqay in loo gurmdo...

$
0
0

New York (Sh M Network)--Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku baaqay in Hay'addaha gargaarka bini'aadannimo loo ogolaado in ay u gurmadaan malaayiinka Ruux oo ku dhibaateysan Dalalka Soomaaliya, Yemen, South Sudan iyo Nigeria.
Warsaxaafadeed ka soo baxay 15-ka xubnood ee Golaha Amaanka ayaa lagu xusay in dhinacyada isku haya Dalalkan ay ogolaadaan in gurmad bini'aadannimo loo fadhiyo ku dhawaad 20 milyan oo qof.
Golaha Amaanka ayaa shaaca ka qaaday in malaayiinkan ruux ay saameyn ku yeesheen abaaro dhawaan ku dhuftay Dalalka Soomaaliya, Yemen, South Sudan iyo Nigeria.
Afhayeenka Golaha Amaanka, Stephane Dujarric ayaa waxuu sheegay in QM ay codsatay bishii Febraayo lacag dhan 4.9 milyan oo doolar balse %51 oo kaliya la helay si wax loogu qabto malaayiinkaasi qof.
Ugu dambeyn, Xogahaya Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres oo warbixin kooban siiyay Golaha Amaanka ayaa waxuu shaaciyay in xaalado nololeed oo daran ay ka jiraan Dalal ay ku jirto Soomaaliya, loona baahan yahay in wax laga qabto.
storvideo: 

XOG DEG DEG AH: Dagaalka Muqtaar Rooboow & Shabaab...

$
0
0

Aug 11, 2017 -
Wararka ka imanaya gobolka Bakool ayaa sheegaya in maleeshiyada Al-Shabaab ay weerar kale maanta ku qaadeen saldhigga Mukhtaar Roobow Abu Mansuur uu ku leeyahay Deegaanka, halkaasoo arbacadii la soo dhaafay dagaal qaraar labada dhinac ku dhex maray.
Dagaalkan ayaan la ogeyn khasaaraha ka dhashay, iyadoo wararka laga helay deegaanka uu dagaalka ka dhacay ay yihiin kuwo aad u kooban.
Weerarkan cusub ayaa la sheegay inuu ka dambeeyey markii Al-Shabaab ay maleeshiyo badan keeneen deegaankaasi, kuwaasi oo la sheegay inay qayb ka yihiin weerarkan.
Mas'uuliyiin ka tirsan Koofur Galbeed ayaa xaqiijiyay in Al-Shabaab weerar dhowr jiho ku soo qaadeen aagga uu ku sugan yahay Mukhtaar Roobow, isla markaana uu socdo dagaal culus oo la isu adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan.
Sidoo kale Wararka ayaa sheegaya in dagaalka leesku gabal dhacsaday balse ciidamada Muqtaar Rooboow ayaa cashar u dhigay shabaabka markale weerarka kusoo qaaday.
Arbacadii la soo dhaafay ayaa weerar xoog leh ay ku qaadeen maleeshiyaadka Alshabaab fariisimaha uu ku leeyahay deegaanka Abal oo ka tirsan gobolka Bakool, inkastoo uu iska difaacay.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Xaalada Siyaasada Kenya oo Meel Xasaasi ah Mareysa…...

$
0
0

Aug 11, 2017 -
Musharaxa mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa iskiis ugu ku dhawaaqay inuu yahay madaxweynaha la doortay ee Kenya.
Shir jaraaid oo isbaheysiga mucaaradka qabteen ayay ku sheegeen in musharaxooda uu heysto codad ka badan 8 Milyan, sidaas darteedna uu yahay madaxweynaha ku guuleystay doorashadii Kenya.
Natiijadii ay shaaciyeen Isbaheysiga mucaaradka ayaa ah:Raila: 8,041,726Uhuru: 7,155,428.
Arrintan waxaa cambaareeyay guddigha doorashada oo sheegay in iyaga kaliya ay shaacin karaan natiijada. Agaasimaha guud ee gudiga doorashooyinka Kenya Ezra Chiloba ayaa shacabka ugu baaqay in ay isdejiyaan inta ay ku jiraan hubinta natiijada kasoo baxday doorashada.
Natiijada ugu danbaysa ayaa looga dhawaaqi doonaa caawa 7:30 Fiidnimo xarunta Bomas, halkaas oo ay isugu tageen musharixiinta ku loolamaya doorashada madaxtinimo.
Waxaa laga cabsi qabaa in Kenya ay yeelato laba madaxweyne, iyagoo musharaxa Mucaaradka iyo isbaheysigiisa ay ku adkeysanayaan inuu Ra'ila Odinga ku guuleystay doorashada, laakiin natiijada ilaa iminka la shaaciyay ayaa muujineysa in Uhuru Kenyatta dib loo doortay.
Rabshado ayaa laga cabsi qabaa inay sameeyeen taageerayaasha mucaaradka, kadib ku dhawaaqista natiijada kama danbeysta ah, taasoo dalka gelin karta qalalaase, iyo inuu jiitamo muranka ku saabsan doorashada iyo natiijadeeda.
Sida ka muuqata mucaaradka uma dhowa inay aqbali doonaan natiijada lagu dhawaaqayo caawa, halka taageerayaal jidbeysan ay sugayaan wixii soo baxa, waxaana laga digayaa inay dib u soo noqdaan wixii dhacay doorashadii hore oo dad badan lagu laayay kadib murankii ka dhashay doorashadii hore.
Muranka doorashada madaxtinimda ayaa jiitami doona ugu yaraan bilo, haddii aanay dhicin xaalado kale oo dalkaasi geliyay qalalaase ama faragelin keenta culeys la saaro mucaaradka.
Nagala soo xiriir
storvideo: 


Magaaladee ku xigi doonta Galgala?

$
0
0

11th August 2017 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

Magaaladani waxay ka mid ahayd degaanaddii Saladanaddii Warsangeli ay ka atalin jirtay qarniyada , maantana xoog ayaa lagu haystaa dadkeediina waa laga Barakiciyey, oo maanta waxay dul saaran yihiin oo ay la nool yihiin Bulsho kale oo aan wax badan dhaamin, oo iyaguna ku nool Dhul laysku haysto oo cuna qabatayn dhaqaale saaran yahay
Magaalada Galgala ee gobolka Bari, dhowr sano ka hor waxay ahayd magaalo camiran oo dad badani ay ku nool yihiin. waxay ahayd magaalo dadka ku nooli ay beeran jireen moocyada kala duwan ee dalagyada la beerto. Waxay ahayd magaalo nabadeed.
Maanta dadkii ku noolaa xoog ayaa looga barakiciyey, dalagii ka bixi jiray oo ay caanka ku ahaydna, oo lagu soo tabcaayey sanadaha badan kibir ayaa dab loo saaray. Guryihii bulshada reer Galgala dhisteen si ay ugu nolaadan, oo caruurtooda ugu korsadaaan sanadka 12kiisa bilood . Lix bilood alshabaab ayaa degan lixda bilood oo kalena Ciidamo la sheegay inay la dagaalamayaan Alshabaab ayaa degan.
Maanta sawirka dhabta ah oo si tuugnimo looga soo qaaday Galgala waa kan:
SNM iyo Marabbidoodu nasan maayaan ilaa magaalo kasta ee reer Maakhir ay sida Galgala oo kale ka dhigan
Post navigation
- Puntland oo beenisay Hadal kasoo yeeray SNM
storvideo: 

Ahlu Sunna iyo Ganacsatada G/Dhaxe oo Go’aan 4-qodob...

$
0
0

Aug 11, 2017 -
Madaxweynaha Maamulka Gobalada dhexe ee Ahlu sunna Shiikh Max'ed Shaakir Cali Xasan ayaa maanta Magaalada Dhuusa Mareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud Kulan kula Qaatay Guddiga Ganacsatada ee Socodsiinta Kunka Shillin u Tagay Deegaanada Puntland.
Shiikh Max'ed Shaakir iyo Ganacsatada uu la kulmay ayaa ugu horeyn iska Xog wareystay Waxyaabihii ugu HIrgalay Safarkii ay Puntland ku tageen iyo kulamadii ay lasoo qaateen Madaxweynaha Puntland C/wali Max'ed Cali Gaas.
Waxyaabihii ay ka wada hadleen Shiikh Max'ed Shaakir iyo Guddigii Ganacsatada ayaa kamid ahaa:1-Dib u socodsiinta Kunka Shillin ee Ganacsatada Diideen.2-In aanan dib u dhicin Diidmada Kunka Shillin.3-In Kalsooni la galiyo Shacabka, iyadoona taa laba bilaabayo in Canshuurta maamulka Gobolada Dhexe ay ku Qaadaan Kunka Shillin ee La diiday Qaadashadiisa.4-In Go'aan laga qaato Ciddii lagu arko iyadoo kala Sooceyso Lacagta iyo Qodobo kale.
C/Qaadir Cabdi Dhoore oo Gudoomiye u ahaa Ganacsatadii lasoo kulantay Madaxweynaha Puntland ayaa tibaaxay in Socodsiinta lacagta ay muhiim u tahay dadka danta yar iyo kuwa Xoolaha u iibsi geeya Deegaanada Puntland, wuxuuna ku baaqay in loo hogaansamo Heshiiskii ay soo galeen.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

XOG: Dowlada Farmaajo oo Qorshe Yaab leh Damacsan...

$
0
0

Aug 11, 2017 -
Laamaha amaanka dowlada Soomaaliya ayaa wada qorshe looga hortagayo in Warbaahinta iyo dadka kale ee caadiga ee Sawirro iyo Muuqaalo ka duubaan goobaha ay ka dhacaan Qaraxyada gaar ahaan magaalada Muqdisho.
Saraakiisha laamaha amaanka oo kulan deg deg ah ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa iska xog wareestay qarxyada kusoo kordhay magaalada Muqdisho iyo sidii looga hortagi lahaa in baraha bulshada iyo Warbaahinta lagu baahiyo Muuqaalo dadka argagax ku abuuri kara.
Taliyaasha Ciidanka Nabad sugida ,Booliiska iyo Saraakiil kale ayaa isku raacay in goobaha qaraxyada ka dhacaan si deg deg ah u gaaraan ciidamada amaanka kana hortagaan in halkaasi sawiro ka qaataan Wariyaasha iyo dadka kale ee caadiga ah.
Waxa ay sheegeen saraakiishan in muuqaalada laga duubo goobaha qaraxyada ka dhacaan iyo dadka waxyeeladu soo gaarto ay keenaan dhibaatooyin badan, waxa ayna garwaaqsadeen in muhiim tahay in laga hortago baahinta muuqaalada argagaxa leh ee ka dhasha qaraxyada.
Saraakiisha ayaa sidoo kale amray in goobaha qarxayada ka dhacaan in si deg deg ah loo nadiifiyo loogana qaado hadii ay jiiraan gaadiid gubtay iyo waxyaabo kale si halka qaraxu ka dhacay u noqoto meel iska caadi ah lana muujiyo in uusan dhib badan dhicin.
Mudooyinkii dambe ayaa waxaa soo kordhay in muuqaalo toos ah iyo sawiro lagu baaaiyo baraha Bulshada iyo Warbaahinada kale laga duubo goobaha ay qaraxyadu ka dhacaan, waxaana sawirada qaar yihiin kuwa argagax badan ku beera dadka aan xamili Karin sida caruurta iyo haweenka uurka leh.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Xukuumada Somalia oo sheegtay in Shirkadaha Ajaaniibta laga rarayo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

$
0
0

Muqdisho (Sh M Network)—Wasiirka Arimaha Dibadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Yusuf Garaad, ayaa waxuu sheegay in Shirkadaha Ajaaniibta laga rarayo gudaha Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.
Wasiirka oo la hadlay Warbaahinta Dowlada ayaa waxuu sheegay in dhismaha Shirkadaasi ay ku howlgalaan ay caqabad ku heyso shaqada Garoonka Diyaaradaha.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu Wasiirka tilmaamay in Shirkadahaasi la geyn doono goobo kale oo ay ku howlgalaan si buu yiri ay u fududaato shaqada kale ee ka socota Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho.
Shirkada badan oo Ajaaniib ay leeyihiin ayaa howlo kala duwan ka haya gudaha Garoonka Diyaarada Muqdisho, taasi oo haatan caqabad ku noqoneysa shaqada duulimaadka ee Garoonkaasi.
 
The post Xukuumada Somalia oo sheegtay in Shirkadaha Ajaaniibta laga rarayo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho appeared first on Shabelle.

Xukuumada Somalia oo sheegtay in Shirkadaha...

$
0
0

Muqdisho (Sh M Network)--Wasiirka Arimaha Dibadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Yusuf Garaad, ayaa waxuu sheegay in Shirkadaha Ajaaniibta laga rarayo gudaha Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.
Wasiirka oo la hadlay Warbaahinta Dowlada ayaa waxuu sheegay in dhismaha Shirkadaasi ay ku howlgalaan ay caqabad ku heyso shaqada Garoonka Diyaaradaha.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu Wasiirka tilmaamay in Shirkadahaasi la geyn doono goobo kale oo ay ku howlgalaan si buu yiri ay u fududaato shaqada kale ee ka socota Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho.
Shirkada badan oo Ajaaniib ay leeyihiin ayaa howlo kala duwan ka haya gudaha Garoonka Diyaarada Muqdisho, taasi oo haatan caqabad ku noqoneysa shaqada duulimaadka ee Garoonkaasi.
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live