Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Maxow MD Farmaajo kayiri madaxweynaha cusub Kenya...

$
0
0

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo mar labaad dib loo doortay.
Madaxweynaha ayaa yiri "Madaxweyne Kenyatta ma aha saaxiib qura, balse waa hoggaamiye dadaal badan oo dareen horumarineed leh. Waan ugu hambalyeynayaa guushiisa."
Madaxwyene Farmaajo waxa uu kalsooni weyn ku qabaa in dib u doorashada Madaxweyne Kenyatta ay sii xoojineyso xiriirka wanaagsan ee haatan ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.
"Aniga iyo Madaxweyne Kenyatta waxaan wadaagnaa hiraal ku dhisan nabad, xasillooni iyo koboc dhaqaale oo dhexmara labadeenna dal iyo guud ahaa gobolka."
Soomaaliya waxaa kala dhaxeeya Kenya xiriir dhaqaale iyo mid diblomaasiyadeed oo qotodheer, kaas oo sii xoogeystay keddib markii Madaxweyne Farmaajo uu booqday Nayroobi bishii Maarso ee sanadkan.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go'an in ay hormariso nabadda, ganacsiga iyo iskaashiga dhaqaale ee ay la wadaagto Kenya.
storvideo: 


Daawo sawirada:Ukun sumeysan oo suuqyada caalamka...

$
0
0

Aug 12, 2017 -
Dambi baarayaasha dalka Holland ayaa xiray laba qof oo lagu tuhunsanyahay kiimikada laga helay beedka "ukunta" suuqyada Yurub galay ee dalkaas laga dhoofiyey.
Arintani waxay dhacday ka dib markii baadhitaanno boolisku ka wadeen dalalka Holland iyo Belgium ay ugu daateen guryo wadamadaa ku yaal.
Dacwad oogaha guud ee dalka Holland ayaa sheegay in uu jiro nin maareeye ka ah shirkad la rumaysanyahay in ay u adeegsatay daryeelka digaageeda walxo kiimidaad.
Fipronil ayaa ah daawo loo adeegsado in digaaga qirinkiirka iyo shilinta lagaga dilo lakiin hadii muddo dheer la wado xaddigana la kordhiyo, waxay halis caafimaad ku keenta aadanaha hilibka digaagaa cuna oo waxay wax yeeshaa kelyaha iyo beerka.
Waa walax laga mamnuucay in loo adeegsado daryeelka xoolaha, mar horena waxa boolisku baadheen dhismeyaal ku yaal dalalka Holland iyo Belgium.
Malaayiin xabo oo beed ah ayaa laga qaaday khaanadaha tukaamada waawayn ee ku yaal Yurub oo dhan, hase yeeshee waxay saraakiisha baadhitaanadan wadaa sheegeen in khatarta caafimaad ee ka dhalan karta xaddiga kiimikadaas ah ee ku jira beedkani ay aad u hoosayso.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

XOG:Qorshe dowlada soomaaliya lagu aqoon oo haatan...

$
0
0

Aug 12, 2017 -
Laamaha amaanka dowlada Soomaaliya ayaa wada qorshe looga hortagayo in Warbaahinta iyo dadka kale ee caadiga ee Sawirro iyo Muuqaalo ka duubaan goobaha ay ka dhacaan Qaraxyada gaar ahaan magaalada Muqdisho.
Saraakiisha laamaha amaanka oo kulan deg deg ah ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa iska xog wareestay qarxyada kusoo kordhay magaalada Muqdisho iyo sidii looga hortagi lahaa in baraha bulshada iyo Warbaahinta lagu baahiyo Muuqaalo dadka argagax ku abuuri kara.
Taliyaasha Ciidanka Nabad sugida ,Booliiska iyo Saraakiil kale ayaa isku raacay in goobaha qaraxyada ka dhacaan si deg deg ah u gaaraan ciidamada amaanka kana hortagaan in halkaasi sawiro ka qaataan Wariyaasha iyo dadka kale ee caadiga ah.
Waxa ay sheegeen saraakiishan in muuqaalada laga duubo goobaha qaraxyada ka dhacaan iyo dadka waxyeeladu soo gaarto ay keenaan dhibaatooyin badan, waxa ayna garwaaqsadeen in muhiim tahay in laga hortago baahinta muuqaalada argagaxa leh ee ka dhasha qaraxyada.
Saraakiisha ayaa sidoo kale amray in goobaha qarxayada ka dhacaan in si deg deg ah loo nadiifiyo loogana qaado hadii ay jiiraan gaadiid gubtay iyo waxyaabo kale si halka qaraxu ka dhacay u noqoto meel iska caadi ah lana muujiyo in uusan dhib badan dhicin.
Mudooyinkii dambe ayaa waxaa soo kordhay in muuqaalo toos ah iyo sawiro lagu baaaiyo baraha Bulshada iyo Warbaahinada kale laga duubo goobaha ay qaraxyadu ka dhacaan, waxaana sawirada qaar yihiin kuwa argagax badan ku beera dadka aan xamili Karin sida caruurta iyo haweenka uurka leh.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Trump oo Ka Fikiraya Inuu Tallaabo Milatari Ka Qaado Venezuela

$
0
0

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu miiska u saaranyahay qorshe ay tallaabo milatari uga qaadayaan Dowlada Venezuela, isaga oo ku tilmaamay xaalada dalkaasi hadda ka taagan mid khatar ah.

Trump oo Markale u Digay Waqooyiga Kuuriya

$
0
0

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa mar kale digniin culus u diray hoggaamiyaha Waqooyiga Kuuriya, isagoo sheegay in haddii uu isku dayo inuu gantaal ku tuuro jaziiradda Guan uu dhibaato adag la kulmi doono.

Uhura Kenyatta oo Doorashadii Kenya ku Guuleystay

$
0
0

Guddiga doorashada Kenya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in madaxweyne Uhuru Kenyatta dib loo doortay, kadib markii uu ku guuleystay doorashadii Kenya ka dhacday 8-dii bishan. Mucaaradka Kenya ayaa iyagu diiday natiijada.

Horyaalka Ingiriiska oo Xalay Si Rasmi ah Loo Furay

$
0
0

Horyaalka Premier League Ingiriiska ee xilli ciyaareedkan 2017-2018-ka ayaa si rasmi ah u bilowday xalay fiidkii xilliga Geeska Africa, iyadoo kooxda Arsenal ay ku furfuratay guul kadib marki ay 4-3 kaga ku garaacday Leicester City.

Trump oo Ka Fikiraya Inuu Tallaabo Milatari Ka Qaado...

$
0
0

WASHINGTON. D.C --
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu miiska u saaranyahay qorshe ay tallaabo milatari uga qaadayaan Dowlada Venezuela, isaga oo ku tilmaamay xaalada dalkaasi hadda ka taagan mid khatar ah.
Trump ayaa hadalkaan ka jeediyey beertiisa nashada ee gobolka New Jersey.
Wuxuu sheegay inay heystaan ikhtiyaaro badan oo uu ku jiro mid milltari, sababtoo ah buu yiri dadka reer Venezuela weey silcayaan waana ay dhimanayaan.
Goor dhaweyd oo xalay ah, waziirka difaaca Venezuela Vladimir Padrino ayaa ku tilmaamay hadalka madaxweyne Trump mid waalli ah.
storvideo: 


Trump oo Markale u Digay Waqooyiga Kuuriya

$
0
0

Madaxweynaha dalkan Maraykanka Donald Trump iyo dhigiisa Shiinaha Xi Jinping ayaa kawada hadlaya xaaladda halista ah ee ka dhex-taagan Waqooyiga Kuuriya iyo Maraykanka.
MR. Trump ayaa mar kale ku celiyay digniin uu u digay Waqooyiga Kuuriya, isagoo uga digaya hanjabaad iyo talloobyin kale oo ku aadan Maraykanka, gaar ahaan in dalkaasi uu gantaalla ku tuuro jaziirada Guan, balse Trump ayaa sheegay in haddii ay taasi ay dhacdo in hoggaamiyaha waqooyiga Kuuriya uu ka shalayn doono.
"Haddii wax gaaraan ama ka dhacaan jaziiradda Guan, waxaa jiri doono dhibaato weyn, oo weyn oo gaadhi doonto Waqooyi Kuuriya." Sidaas waxaa yiri madaxweyne Trump, mar uu weriyayaal kula hadlayay gobolka New Jersey.
Trump wuxuu kaloo sheegay in Maraykanku u ka fikirayo inuu cunaqabateynno kale oo dheeraad ah saaro dalka Waqooyiga Kuuriya
storvideo: 

Horyaalka Ingiriiska oo Xalay Si Rasmi ah Loo Furay

$
0
0

WASHINGTON. D.C --
Horyaalka Premier League Ingiriiska ee xilli ciyaareedkan 2017-2018-ka ayaa si rasmi ah u bilowday xalay fiidkii xilliga Geeska Africa, iyadoo kooxda Arsenal ay ku furfuratay guul kadib marki ay 4-3 kaga ku garaacday Leicester City.
Guusha ay Arsenal ku bilaabatay horyaalka oo aheyd mid ay ku keentay si macangagnimo leh ayaa waxaa aakhirkii ciyaarta u xaqiijiyey weeraryahan Olivier Giroud oo ciyaarta badal kusoo galay.
Arsenal iyada ayaa bilowday goolasha, waxaana daqiiqadii 2-aad ee ciyaarta u daah furay laacibkeeda cusub Alexandre Lacazette, wuxuu ahaa goolkiisii ugu horeeyey ee uu ka dhaliyo Horyaalka Ingiriiska iyo sidoo kale goolki ugu horreeyey ee xilli ciyaareedkan laga dhaliyo Premier League -ga.
Laakin laba daqiiqo kadib ayey Leicester u jawaabtay, waxaana goolka barbarraha u keenay Shinji Okazaki, goolka xigana waxaa daba dhigay Vardy. Arsenal oo ku ciyaareysay garoonkeeda Emirates Stadium ayaa ka daba tagtay, waxaana ciyaarta 2-2 ka dhigay Danny Welbeck.
Leicester ayaa mar kale qabatay hogaanka ciyaarta, waxaana goolka sadexaad u dhaliyey Vardy oo madaxa la helay kubad uu koonaha kasoo laaday Riyad Mahrez. Macalin Wenger tababaraha Arsenal ayaa markaasi go,aansaday inuu ciyaarta wax ka badalo, isaga oo hal mar wada keenay laba ciyaaryahan taasoo sabab u noqotay soo laabashada Arsenal.
Waxana Arsenal ugu danbeyntii ay ku badisay laba gool oo ay u kala dhaliyeen Ramsey iyo Giroud oo ahaa xidigihi uu tababaraha badalka kusoo geliyey ciyaarta.
Ciyaaraha kale ee todobaadka koowaad ee horyaalka Ingiriiska intooda badan waxay dhici doonaan galabta iyo caawa fiidkii, waxana kooxuhu ay isaga hor imaan doonaan sidan:Sabti, August 12, 2017waxaaisarkahakooxahan
Watford ? - ? LiverpoolChelsea ? - ? BurnleyCrystal Palace ? - ? Huddersfield TownEverton ? - ? Stoke CitySouthampton ? - ? Swansea CityWest Bromwich Albion ? - ? AFC BournemouthBrighton & Hove Albion ? - ? Manchester City
Axada, August 13, 2017. Waxaadheelidoona:
Newcastle United? - ? Tottenham HotspurManchester United? - ? West Ham United.
Natiijooyinka kasoo baxa halkaan kala soco.
storvideo: 

C/raxmaan Faroole oo Iska Casilay Xubinimadda...

$
0
0

Senator Cabdiraxmaan Maxamed Faroole madaxweynihii hore ee Maamulka puntland oo kamid ahaa xubnaha guddiga Dib u eegista Dastuurka ee labada Aqal Soomaaliya ayaa ku maanta dhawaaqay in uu iska casilay xiligii uu ka hayay guddiga.
C/raxmaan Faroole ayaa iska casilay xubin in uu kasii ahaado guddiga dib u eegista Dastuurka ee labada Aqal Soomaaliya, waxaana uu sheegay in uu sababo u gaar ah arrintan u sameeyey.
Sidoo kale C/raxmaan Faroole ayaa dadaal badan ugu jiray inuu noqdo Guddoomiyaha Guddiga dastuurka labada Aqal, inkastoo uu ka guuleystay Senator Cabdi Qeybdiid madaxweynihii Hore ee Maamulka Galmudug.
Kulan Xildhibaanada Aqalka sare ay maanta ku yeesheen xaruntooda ayaa laga akhriyay warqad uu soo gudbiyay C/raxmaan Faroole, kaasoo uu ku codsanayo in laga aqbalo inuu iska casilay xubinimada Guddiga.
Sidoo kale Madaxweynihii Hore ee Maamulka Mr Faroole ayaa ku sugneyn Aqalka sare, xilliga laga akhrinayay warqada is casilaada iyo baaqa Guddoonka ee ku aadanaa buuxinta booskaas.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Dowladda Cambodia oo Badbaadinaysa Shaqaalo Loogu...

$
0
0

Wasaaradda arimaha dibada ee dalka Cambodia gaar ahaan safaarada ay ku leedahay caasimadda Bangkod ee dalka Thailand ayaa waxa ay sheegtay in ay ka shaqeenayaan sidii loo caawin lahaa dib u soo celinta 18 shaqaale muhaajiriin ah oo la socday dooni kaluumeysi oo laga leeyahay dalka Thailand kuwaa oo ku sugan xeebaha biyaha soomaaliya.
Iyadoo la eegayo hadal uu soo saaray afhayeenka wasaaradda arimaha dibada ee combodia Chum Sounry ayaa waxa uu sheegay in wasaaradu ay la shaqeyneyso safaaradda ay ku leedahay magaalada Bangkok iyo ciidamada booliiska iyaga oo kaashanaya hay'adaha caalamiga ee muhaajiriinta si dib loogu soo celiyo muwaadiniinta u kala dhashay dalka combodia.
Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in booliisku ay badbaadiyeen shaqaale la socday doonti kaluumeesi kaa oo sheegay in 18 qof oo kale ay ku sugan yihiin xeebaha biyaha soomaaliya.
Mr Sounry ayaa waxa uu sheegay in sidoo kale baaritaano ay ku hayaan booliiska aduunka ee Interpol kuwaa oo codsaday in loo soo diro dalka Kenya si loo baaro in ay ahaayeen kuwo ka ganacsada tahriibinta dadka iyagoo dib loogu celin doono gudaha dalka Thailand kuwaa oo ku sugnaa biyo u dhaw dekadda magaalada Bosaaso.
Waxa uu afhayeenka intaa ku daray in maxkamadda dalka combodia loo diyaariyay dhamaan documentiyada looga baahan yahay ragaasi si maxkamada ay u dhageesato eedamaha lagu soo rogay.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Sheekh Cabdiraxmaan Faroole oo si casilay

$
0
0

12th August 2017 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

Xildhibaan Faroole ayaa iska casilay guddigii uu ka midka ahaa ee gudoomiyaha u doortay Danbiile dagaal Cabdi Qaybdiid
Guddigana ayaa ka kooban 10 xubnood oo kala ah 5 xubnood oo ka socda Golaha shacabka iyo 5 xubnood oo ka socda Aqalka sare, kuwaasoo dhamaantood ah Rag.
Sheekh C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa iska casilay xubinimadii Guddiga Wadajirka Dastuurka ee Baarlamaanka labada Aqal
Kulan Xildhibaanada Aqalka sare ay maanta ku yeesheen xaruntooda ayaa laga akhriyay warqad uu soo gudbiyay Sheekh C/raxmaan Faroole, kaasoo uu ku codsanayo in laga aqbalo inuu iska casilay xubinimada Guddiga.
Sheekh Faroole ayaa ku sugneyn Aqalka sare, xilliga laga akhrinayay warqada is casilaada iyo baaqa Guddoonka ee ku aadanaa buuxinta booskaas.
Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa ku wargeliyay Xildhibaanada Aqalka sare in la buuxinayo kursigaas, iyadoo xubinta buuxineysa ay iska soo dhex dooran doonaan Xildhibaanada Aqalka sare oo cod loo qaadi doono.
Post navigation
- Dilkii ugu horeeyey ee gobolka Sanaag ka dhacay Reer Maakhir Isaaq tiro koobi maayaan umana dawladeenayaan -
storvideo: 

Ciidamada dowladda oo la wareegay degaanka Abal

$
0
0

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa Goor dhow la wareegay degaanka Abal ee gobolka Bakool.
Degaanka Abal ayaa labadiisa dhinac , waxaa ku sugan ciidamada uu hoggaamiyo wadaadka Sheekh Mukhtaar Roobow iyo sidoo kale ciidamada Al-Shabaab oo dagaallamayay maalmihii lasoo dhaafay.
Mas'uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ayaa xaqiijiyay in hadda halkaasi ay ku sugan yihiin Ciidamada dowladda.
Al-Shabaab ayaa dhawaan weerar ku qaaday Sheekh Mukhtaar Roobow oo mudooyin badan ku sugnaa degaankaasi.
Ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed ayaa u gurmaday Sheekh Mukhtaar.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Daawo sawirada:Haweeney Gacan Go’an Oo Nimanka U...

$
0
0

Aug 12, 2017 -
Haweeney gacan go'an ayaa sawirkeeda soo dhigta barta leysku shukaansado ee Tinder. Joker Lauren oo u dhalatay dalka Mareykanka ayaa shaqadeeda ku tilmaamtay 'Arms Dealer', qof gacmaha ka baayac mushtarta.
Joker ayaa isku qiimeysay sidan, Quruxda '10/10', jismiga '9/10', dabeecada '20/10', gacmaha '1/2'.Niman aad u fara badan ayaa gabadhan qoraalo usoo qoray oo raba iney xiriir la sameyaan, ayagoo sheegay iney gacanteeda ka heleen.

Nagala soo xiriir
storvideo: 


Kumaandoosta Puntland oo gaaray xuduuda fog ee...

$
0
0

Cutubyo ka tirsan ciidanka kumaandoosta PUNTLAND ee Danab oo uu hogaaminayo Korneyl Jimcaale Jaamac Takar ayaa gaarey xuduudka fog ee Puntland la wadaagto Somaliland sidey PUNTLAND POST u xaqiijiyeen dadka tuulooyinka Tukaraq iyo Deegaano kale oo sheegay inay galinkii dambe ee maanta ka gudbeen ciidamo ku gaashaaman hubka culculus iyo gadiid farabadan.
Ujeedada ciidamadaan ayaa la rumaysan yahay inay qeyb ka yihiin hawlgalo ay ku damacsan tahay Puntland inay ishortaag ku samayso in doorashada Somaliland ka qabsoonto deegaano ka tirsan xadka ay ku muransan yihiin Somaliland.
Ma jirto faahfaahin ay weli ka bixiyeen saraakiisha iyo masuuliyiinta Dowlada Puntland heeganka ciidamo xoog leh ay ku dhoobtay xuduuda ay la wadaagto SomalilandKala soco wixii faahfaahin ah PUNTLAND POSTXASAN BASHE
The post Kumaandoosta Puntland oo gaaray xuduuda fog ee Puntland la wadaagto Somaliland appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Daawo Sawirro:RW Ku-xigeenka Soomaaliya oo ka qeyb...

$
0
0

Aug 12, 2017 -
Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khader) ayaa maanta ka qayb galay Munaasabad lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee dhalinyaradda aduunka oo sanad walba la qabto 12-ka bisha Ogoosto oo ku beegan maanta. Waxaana soo qaban qaabiyay kulan kan Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya, iyadoo ay ka soo qayb galeen Xil-dhibaano, Xubno ka socday Hay'addaha Qaramada midoobay iyo Ururada dhalinyaradda Soomaaliyeed.
Wasiirka Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Soomaaliya Xil- Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa u hambalyaysay dhamaan dhalinyaradda Soomaaliyeed,waxayna sheegtay in ay diyaariyeen qorsho yaal cad-cad oo lagu horumarinayo aayaha iyo mustaqbalka dhalinyaradda, kuwaa soo rajadooda dib usoo celinaysa, sidoo kalena waxay tilmaamtay in ay markii koowaad sameeyeen siyaasad lagu hagayo dhalinyaradda, taasoo u sahalysa ka mid noqoshada iyo matalaadda door walba oo ay tahay.
Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay inu si wayn ugu faraxsan yahay ka soo qayb-galka xafladan lagu maamuusayo maalinta dhalinyaradda aduunka oo qayb ka yihiin dhalinyaradda Soomaaliyeed, taasoo hal ku dhigeedu ahaa "Dhisadda Dhalinyaradda Soomaaliyeed" waxuuna hambalyo u diray dhamaan dhalinyaradda caalamka gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed.
Ra'iisul Wasaare Khadar oo ka sheekeeyay awoodaha ay dhalinyaradu leeyihiin ayaa yiri "Ma jiro wadan horumar gaari kara hadii uusan helin cududda uu baahan yahay, dhalinyaradda Soomaaliyeedna waa awoodda kali ah ee dalkeenu uu ku faano, sidaas owgeed waa in dhalintu ay dareemaan in ay yihiin madaxdii maanta" ayuu yiri Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Soomalaiya .
Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya ayaa balan qaaday in xukuumaddu ay ka shaqeynayso dhiirigalinta dhalinta, kor uqaadida Mustaqbalkooda iyo in loo sameeyo shaqo abuur dhalinyaradda, waxuuna u soo jeediyay Soomaaliyeed in ay mideyaan fikradahoodda wanaagsan.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Reer Maakhir Isaaq tiro koobi maayaan umana...

$
0
0

12th August 2017 admin Category :
Haddii kaadhadhka beesha Isaaq ay Warsangeli wax u tarayaan ama u soo kordhinayaan , labadan nin ee muuqaalka hoose ka muuqda waxay ka soo jeedaa labada jufo ee degaanka ugu weyn ka degta degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag. Jufooyinka Nuux Cumar iyo Bah ogayslabe, Labaatan sano waxa degmada Ceerigaabo iyo degaanada hoos taga ugu dawladeenayey Ismaaciil Xaaji Nuur iyo beeshiisa oo horay u degi jirtay dhakada buurta Surad . Waa kuwa raali ka ah in Habar yoonis iyo Isaaq degmada Ceerigaabo iyo degaanka hoos taga ugu ugu dawladeeyaan.
Maanta nimanka noocaas ah, oo raali ka noqday bahdilaada iyo degaan wareejinta dhulkooda, ayaa bulshada kale ee reer Maakhir ee aaminsan In Beeli beel kale ayna diiwaan gelin karin ama tiro koobi karin , beelina beel kale u dawladeen karin , waxay ugu baaqayanaa inay qaataan Kaadhadhaka Isaaq ay ku doonayaan in gobolka intiisa kale qaataan ama la wareegaan.
[embedded content]
Daawo Komishanka Oo Kala Diray Gaadiidkii iyo Shaqaalihii kaadh Qaybinta Gobolka Sanaag
Opslaet af Saxafi Abdirahman Ahmed Elsar pa 11. august 2017

[embedded content]

Saldanada Maakhir

storvideo: 

Ciidamada Koofur-galbeed oo u gurmaday Abuu-mansuur

$
0
0

Ciidamo ka tirsan kuwa dowlad-goboleedka Koofur-galbeed oo ayaa gaaray deegaanka Cabal ee uu fariisinka ku leeyahay Mukhtaar Roobow Cali Abuu-mansuur

Ciidamada Koofur-galbeed oo u gurmaday Abuu-mansuur

$
0
0

Ciidamada amaanka maamulka Koofur Galbeed oo wata gaadiid dagaal ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray deeganka Cabal ee gobolka Bakool, halkaasoo maalhii ugu dambeeyay ay dagaallo ku dhex marayeen maleeshiyada Alshabaab iyo rag hubeysan oo uu hogaaminayo gudoomiye kuxigeenkii hore ee xarakada Mukhtaar Roobow Cali Abuu-mansuur.
Deeganka uu dagaalku ka dhacay oo 18km magaalada Xudur koofur kaga beegan ayaa waxaa hadda kuwada sugan Ciidamada dowlad-goboleedka K/galbeed iyo Malsheeiyada Abuu Mansuur, waxaana halkaasi isaga baxay dagaalyahannadii Alshabaab ee weerarka soo qaaday.
Wax iska hor imaad ah oo u dhexeeya ciidamada K/Galbeed iyo Alshabaab goobta kama dhicin.
Wasiirka Amniga K/Galbeed Xasan Xuseen Max'ed (Xasan Eelaay) ayaa noo hubiyay in ciidamo K/Galbeed ka socda ay gaareen deegaanka Cabal.
Sidoo kale Shiine Macallin Nuurow oo hogaaminaya ciidamada u gurmaday Mukhtaar Robow oo ay VOA la hadashay ayaa dhacdadan xaqiijiyay.
Mukhtaar Roobow Cali Abuu-mansuur oo isagu ka gadooday Alshabaab ayaa muddooyinkanba waxaa fariisin u ahaa deegaankaasi, waxaana socday wahadal u dhexeeya wadaadka iyo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kaasoo la xiriira sidii loogu qancin lahaa inuu isku soo dhiibo Dowladda.
Dowladda Mareykanka oo horey madaxa Roobow lacag u dul dhigtay ayaa dib ula laabatay, waxaana jirta hadal heyn la xiriirta in gabi ahaanba laga saaray liiskii argagixisada ee Washington.
Shariif Xasan Sheekh Aadan madaxweynaha maamul-goboleedka KG oo mar sii horreysay VOA-da wareysi siiyay ayaa sheegay in haddii Abuu-mansuur uu kaalmo milatari kasoo dalbado ay u gurman doonaan, hase ahaatee ilaa iyo hadda lama oga in arrintani ay ku timid codsi Roobow ka yimid iyo in kale.
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live