Maamulka Puntland ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in laba kun oo askari oo Amisom ah, ay imaan doonaan deegaanada ay ka talliso Maamulka uu hogaamiyo Mudane C/Raxmaan Faroole.
Maamul Goboleedka Puntland ayaa wuxuu sheegay in labada kun ee Amisom ee imaan doona deegaanada Puntalnd, inay gacan ka geysan doonaan ammaanka deegaanada Puntalnd oo iminka laga deyrinaayo.
Afhayeenka Maamul Goboleedka Puntland Mudane Axmed Cumar Xersi “Libaax Joore”, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in laba kun oo Ciidamadda Amisom ah, oo ka kala socda dalalka Uganda iyo Burundi ay imaan doonaan deegaanada Puntland.
Sababaha ay ciidamadaan u imaan doonaan deegaanada Puntland ayaa wuxuu ku sheegay, inay gacan balaaran ka geysan doonaan ammaanka deegaanada uu gacanta ku haayo Maamulka Puntland, isla-markaana wuxuu sheegay inay ku imaan doonaan codsi uu u jeediyay Madaxweynaha.
Afhayeenka Maamul Goboleedka Puntland Mudane Axmed Cumar Xersi “Libaax Joore”, ayaa wuxuu sheegay in tallabadaasi ay si weyn u soo dhaweynayaan, iyadoo dhinaca kalana uu sheegay in Dowladda Uganda ay Maamulka Puntland u tababari doonto ciidamo badan, wuxuuna taasi uu uga mahad-celiyay Dowladda Uganda.
Inkastoo aysan Puntland kala cadeyn goobaha dhabta ah ee Ciidamadda Cusub ee Amisom la-keeno doona, ayaa waxaa hadana laga cabsi qabaa in la-geeyo Waqooyiga Magaaladda Galkacyo ee Gobolka Mudug.
Maamul Goboleedka Puntland oo sheegay in laba kun oo askari oo Amisom ah ay imaan doonaan Puntland.
Madaxweyne Shariif oo maanta markale sheegay in Dowladda Somaliya ay qaadeyso duullaano ka dhan ah Shabaab
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wuxuu maanta uu ku goodiyay in Xoogaga Shabaab ay ka saari doonaan dalka Soomaaliya oo dhan, isagoo taasi sabab uga dhigay inay dhibaatooyin xoogan ka abuurayaan dalka Soomaaliya.
Madaxweynaha Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed, oo maanta la-hadlay Radio Muqdisho, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Dowladda Somaliya ay qaadeyso duullaano ka dhan ah Xoogaga Shabaab.
Sababaha ay dagaalada ugu qaadayaan Xoogaga Shabaab, ayaa wuxuu Madaxweynaha Soomaaliya uu ku sifeeyay, in maanta Xarakada Al Shabaab ay dhibaatooyin baaxad leh u geysaneyso shacabka Somaliyeed ee ku sugan deegaanada ay gacanta ku heyso.
Ciidamadda Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamadda Amisom ayaa wuxuu ku booriyay inay kaalin weyn ka geystaan, burburinta Xoogaga Shabaab oo uu xusay inay maanta miiranayaan dhiigga shacabka Somaliyeed.
Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa wuxuu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay masuul ka tahay shacabka Somaliyeed, sidaasi daraadeedna ay qaadeyso duullaano culus oo ka dhan ah Xoogaga Shabaab.
Dibadbaxyo balaaran oo ka dhacay deegaanada Ximan iyo Xeeb
Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa sheegay in si qaldan loo maamulay deeqaha waxbarasho ee Turkigu ugu deeqay ardad soomaaliyeed iyadoo Banaanbaxyo cabasho ah ay maanta ka dhexeen deegaanada Ximan iyo Xeeb.
Banaanbaxyo looga soo horjeedo sida loo qaybiyay deeqaha waxbarsho ee dawlada Turkigu ugu deeqday ardada Soomaaliyeed ayaa maanta ka dhacay deegaanada uu ka taliyo Maamulka Ximan iyo Xeeb, iyadoo ay ardada iyo maamulayaasha Iskuulo kala duwan oo ku yaala magaalooyinka Cadaado iyo Godinlabe ay ka cabanayeen inaysan waxba ka helin deeqahaasi waxbarasho.
Wasiirka arrimaha bulshada maamulka Ximan iyo Xeeb Cumar Maxamed Diiriye (Guureeye) oo maanta markii banaanbaxyadu soo dhamaadeen war kooban siiyay Idaacada Codka gobolada dhexe ayaa sheegay in Ximan iyo Xeeb ay dhaleecaynayso sida loo maamulay deeqaha waxbarasho ee turkigu siiyay ardada Soomaaliyeed islamarkaana ay u arkaan in musuqmaasuq la galiyay.
Wax uu sheegay in ay la xiriireen dawlada wadanka Turkiga lana filayo in dib laga saxo qaladaad uu ku sheegay in la galiyay deeqaha waxbarasho ee dawlada Turkigi bixisay.
Mar la wiidiiyay Mr Guureeye su’aal ahayd in maamulku ka kaabiyay in kaalintiisu ay muuqato oo uusan wax xiriir ah samayn ayaa wax uu ku jawaabay in eeda ay qaadanayso cidii deeqdan maamushay ee ka qadisay deegaan balaaran oo arday badan oo Soomaaliyeed ay wax ka bartaan.
Banaanbaxyadan ka dhacay maanta deegaano kala duwan oo ka tirsan Ximan iyo Xeeb ayaa waxa ay daba joogaan kuwo la mid ah oo dhawaan ka dhacay magaalada Gaalkacyo iyadoo looga soo horjeedo sida loo maareeyay deeqaha waxbarasho ee Turkigu siiyay ardada Soomaaliyeed.
Aamina Faarax & Xaawo Max’ed Oo Dacwadooda Lagu Qaadayo Minnesota
Minnesota – GMN - Inkastoo aysan ahayn markii ugu horaysay, ayaa Laba haween Soomaaliyeed ah laga sugayaa maanta maxkamadda gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, kaddib markii lagu eedeeyay inay dhaqaale ku taageereen kooxda Al-Shabaab ee ku xiran kooxda Al Qaacida.
Aamina Faarax Cali oo 35-jir ah iyo Xaawo Maxamed Xasan oo 64-jir ah ayaa u bilaaban doonta Maxkamadeyn iyadoo haweenkan ay horay u sheegeen inaysan wax lug ah ku lahayn dacwooyinka loo haysto.
Waxyaabaha lagu eedeeyay waxaa ka mid ah in ay lacago ka ururin jireen dadka Soomaailyeed ee ku nool gobolka Minnesota ee dalka Maerykanka, taasoo ay ku sheegi jireen inay tahay mid lagu caawinayo dad dhibaateysan, balse ay u diri jireen Al-shabaab .
Aamina iyo Xaawa ayaa waxaa markii ugu horreysay la eedeeyay bishii July 2010, iyadoo laga joojiyay inay safraan sidoo kalena lala socday dhaqdhaqaaqooda, balse haweenkan waxay gaashaanka ku dhufteen inay ku lug leeyihiin dacwadaha loo haysto.
Gedo Online News
Gedoonlinenews@gmail.com
Hey’ad Samafal Oo Cunta Karin U Bilowday Barakacyaasha Degmada Yaaqshiid”SAWIRRO”
Maamulka degmada Yaaqshiid ayaa ka warbixiyay kushiin barakacayaasha cunto loogu kariyo oo hey’ad samafal oo Masari ah ay ka furtay degmada Yaaqshiid.
Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid ayaa maanta booqday kushiin hey’ad samafal oo ka socota dalka Masar ay ka furtay xeryo barakac oo ku yaala inta u dhaxeysa isgooysyada Towfiiq iyo Baar Ayaan ee degmadaasi, kaas oo maalintiiba laga quudiyo ilaa 1500 oo qoysas ah, waxaana maalin kasta halkaasi lagu qalaa xoolo isugu jira Lo’ iyo Ari, iyadoo raashinkarintaasina ay socoto maalintii Afaraad sida uu warbaahinta qaranka u sheegay mid ka mid ah mas’uuliyiinta hey’addaasi oo lagu magacaabo Axmed Almaqribi oo ku sugnaa goobta ay hey’addu ka waddo cunta karinta.
Muxudiin Xasan Jurus “Saabeey”guddoomiyaha degmada Yaaqshiid oo warbaahinta qaranka kula hadlay halkaasi ayaa ku amaanay hey’adaasi gargaarka cunta karinta ah ee ay u fidisay barakacayaasha ku nool degmada Yaaqshiid, waxa uuna intaa ku daray in hey’addani ay tahay tii ugu horreeysay ee ka howgasha degmada Yaaqshiid.
Dhanka kale guddoomiyaha degmada Yaaqshiid ayaa kormeeray goobo ka mid ah Degmada Yaaqshiid oo ay ka socdeen olole nadaafadeed oo qeyb ka ah todobaadka nadaafada ee uu ku baaqay Madaxweyne Sheekh Shhariif Sh. Axmed, wuxuuna guddoomiyihu ku booriyay xoogaggii ka qeyb qaadanayay ololahaasi nadaafadeed in ay dardar geliyaan howsha nadaafadda ee ka socota waaxyaha kala duwan ee ay ka koobantahay degmadaasi.
Ololahan ka sida xowliga ah uga socda degmada Yaaqshiid ayaa qeyb ka ah olole ballaaran oo ka socda degmooyinka uu ka koobanyahay G/Banaadir kaas oo qeyb ka ah todobaadka nadaafadda ee ku baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Maamulka G/Banaadir Oo Beeniyay In Barakacayaasha Xerada Badbaado Lagu Xadgudbo
Guddoomiyaha maamulka gobalka banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho oo wareysi gaar ah siiyay Radio Muqdisha ayaa beeniyay in haba yaraatee aysan waxna ka jiraan wararka been abuurka ah ee shaagaya in xerada Badbaado ee Dowladda Soomaaliya ay dib u dajinta ugu sameysay dadka abaaruhu ay soo salkiciyeen loogu geystay wax kufsi ah.
Gudoomiyaha gobalka ayaa tilmaamay in arintaas ay dowladda baaritaan ku sameeysay isla markaana ilaa iminka uusan jirin warkaasi la xiriira in xerada Badbado haween kufsi loogu geystay balse meelaha uu ka maqlayay hadlaasi ujeedkiisuna uu yahay mid dacaayad looga abuurayo dowlada.
Gudoomiyaha gobalka ahna duqa magaalaada Muqdisho Maxamuud Axmad Nuur Tarsan oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray in dowladda Soomaaliya ay gacanta ku heeyso xeryaha badbaado iyo Rajo amaankoodana ay sugaan ciidamo gaar ah oo dowladdu u sameysay wixii waqtigaa ka dambeeyana aysan wax dhibaato ahi ka dhicin marka laga reebo shaqaaqo dhimasho sababtay oo halkaasi ka dhacday.
Arinta ayaa imaaneysa iyadoo dowladu ay ku dadaaleyso sidii loo amaan galin lahaa gargaar la gaarsiinayo dadka ay abaaraha Saameeyeen iyaga iyo dadka u soo gurmaday in kastoo marba marka ka sii dambeysa ay magaalada Muqdisho soo gaarayaan dadka ka soo hayaamaya gobalada dalka ee soo tiigsanaya xeryaha ay dowladu dajisay dadka barakacayaasha ah.
Isgaarsiinta Gobolada Oo Dib u Soo Laabtay
Muqdisho(GMN)-ka dib markii maalintii shalay ay hawada ka baxeen isgaarsiintii Gobolada Koonfurta iyo bartamaha dalka soomaaliya ayaa maanta si caadi ah u soo laabtay.
talaabadani waxa ay ka danbeysay ka dib markii Ururka shabaab ay lacago aad u fara badan ay ka qaadeen Masuuliyiinta shirkadaha ee ka howlgalayey Deegaanada ay ka taliyaan.
Shirkadaha qaar ayaa la sheegay in si qasab ah ay ku bixiyeen lacafaha ay dul dhigeen kooxda shabaab sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta shirakadaha ka howlgalada gobolada ay shabaabku ka taliyaan.
Ururka shabaab ayaa inta badan shirakadaha ka howlgala deegaanada ay kaga sugan yihiin waxa ay ku amraan inay bixiyaan lacago ay ku sheegeen inay tahay zakawaat hase ahatee dad badana ayaa qaba in lacagahaasi loo adeegsado Dagaalada ay ka wadaan soomaaliya.
Gedo Online News
Gedoonlinenews@gmail.com
Dowlada Hoose Ee Xamar Oo Olole Nadaafadeed Ka Bilowday Suuqa Bakaaraha
Maamulka G/Banaadir ayaa olole nadaafadeen ka bilaabay suuqa bakaaraha kaas oo dib loogu soo celinayo bilicdii suuqaasi.
Howlahan nadaafadeed ee ka bilowday suuqa weyn ee bakaaraha ayaa waxaa loogu talagalay dib u soo celinta nadaafadda wadooyinka suuqa bakaaraha iyo bilicda suuqa iyadoo uu abaabulay maamulka gobolka banaadir.
Agaasimaha dowlada hoose ee Xamar Cabdulaahi Xasan Cartan Jimcaale oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in mudooyinkanba ay soo wadeen olalaha loogu talagalay nadaafada waxa uuna tilmaamay in looga baahanyahay shacabka Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan howlahaasi.
Sidoo kale agaasimaha ayaa ka digay in lagu dhex ganacsado wadooyinka isagoo sheegay in ay ka digtoonaadaan shaqsiyaadka falalka noocaasi oo kale ku kacaya.
Xoghayaha maamulka gobolka banaadir Cabdi kaafi Hilowle Cismaan oo isna halkaasi kula hadlay saxaafadda ayaa sheegay in goor dhow uu maamulka gobolka banaadir uu bilaabidoono diiwaan galinta dhamaan goobaha ganacsiga isagoo intaa raaciyay in intii uu maamulka gobalka uu joogay aan la qaadin wax canshuur ah.
Cabdi kaafi ayaa xusay in marka hore shacabka ay dareen siinayaan in ay u adeegayaan kadibna dib loo bilaabidoono qidmooyinkii canshuuraha.
Maamulka gobolka banaadir ayaa muddo labo sano ah aan qaadin wax canshuur ah iyadoo maamulku uu ku dadaalayay sidii loo soo celin lahaa Adeegyadii bulshada kadibna la hirgaliyo qaadista lacagaha canshuuraha taasi oo la doonayo in wax loogu qabto shacabka Soomaaliyeed.
Faarax Macallin: Kenya ma Kaafin karto Qaxootiga Soomaalida
Guddoomiha Ku-xigeenka Baarlamaanka Kenya, Faarax Macallin ayaa madaxda Soomaalida u sheegay inay siyaasadda xal ka gaaraan si dadka xeryaha ku dhibaataysan ay u dib ugu noqdaan.
Guddoomiy Ku-xigeenka Baarlamaanka Kenya ayaa sheegay in dhibtu hadda sidii hore ka yar tahay, hase yeeshee ay dadku wali ku nool yihiin xabsi dusha ka xiran.
Wareysi arrtinaas ku saabsan qeybta hoose ka dhageyso.
Prof. Ibbi: Cabsi kama Jirto Xadka Badda Somalia
Wasiirkii hore ee Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee DKMG, Prof. Cabdiraxmaan Sheekh Aadam (Ibbi) ayaa sheegay in is-fahamkii ay saxeexeen ee ku saabsanaa xadka Badda Somalia ay ka noqdeen markii Kenya khilaaftay wixii la isku afgartay.
Wareysiga oo dhameystiran qeybta hoose ka dhageyso.
Dagaal ka Socda Dhuuse-mareeb
Dagaallo xooggan ayaa ka socda magaalada Dhuusemareeb ee gobolka Galgaduud kuwaasoo dhexmaraya maleeshiyooyinka kooxda al-Shabaab iyo ururka Ahlu-sunna Wal Jamaaca.
Dagaalladan ayaa bilowday kaddib markii maleeshiyada kooxda al-Shabaab ay weerar xooggan magaalada maanta ku soo qaaday. Wararka ayaa sheegaya in kooxda al-Shabaab ay u suurtogashay inay qeybo ka tirsan magaalada qabsadaan.
Lama oga khasaaraha dhimasho iyo dhaawac leh ee dagaalladan ay dhaliyeen.
Weriyaha VOA ee bartamaha Somalia, Xuseen Dhaqane ayaa soo warinaya in dagaalku uu haatan ka socdo qeyb ka mid ah magaalada, iyadoo ay u muuqato in maleeshiyada ururka Ahlu-Sunna ay wadaan dagaal xooggan ay doonayaan in magaalada ay uga saaraan kooxda al-Shabaab.
Wixii warar ah ee ka soo kordha waan idiin la soo socodsiinaynaa.
Somalia: A Road Map into a New Quagmire
Since September 6th when a two and a half a day long conference known as the High Level Consultative Meeting was concluded in Mogadishu, the name that has been dominating the Somali political discourse was the Road Map- the byproduct of said meeting. Or, the document endorsed by the participants as the prerequisite for Somalia to emerge out of its transitional status.
Unfortunately, like all documents signed in the previously 15 failed reconciliation conferences concocted by the international community, this too was an exercise in futility. For the past two decades, multiple agreements were signed in order to give the erroneous impression that this would be the panacea that solves all our problems. Each time, these so-called agreements have lead to new phases of complications.
Ironically, despite the wide consensus to end the international community’s monopoly and the popularity of seeking an organic solution to the Somali problem, the Road Map made it, at least to the second round. Of course, not without a carrot—emerging out of the transitional status—and not without a stick—cutting the international aid. Like any benevolent Mafia Godfather would do, the Transitional Federal Government (TFG) was offered an offer that it could not refuse….
The Roadmap is made of four benchmarks: Security, Constitution, Political Outreach and Reconciliation, Good Governance; Each with its own specific tasks and timelines.
Generally these benchmarks and tasks are fine, except the following few controversial impositions: handpicked “stakeholders”; federalism as a system of governance; granting the parliament the authority to reform itself; and indirectly facilitating the secession of the political entity known as Somaliland.
First, on Stakeholder: While inclusiveness of the stakeholders is often repeated as a prerequisite to sustainable reconciliation, the Somaliland issue is surprisingly (or perhaps not) missing, not to mention that regional administrations such as Puntland and Galmudug are ensured exclusive status. Then there is the issue of Ahlul Sunnah wal Jamaa’ah (ASWJ) as a militia group that is neither considered a regional administration nor as part and parcel of the TFG. Therefore it deserves more scrutiny.
Historically ASWJ was a pacifist Sufi community, though presently they are a force to reckon with. They have unrelenting support from certain elements of the international community who exploit them as a tactical allay. It became the aggressively promoted panacea and the ingredient added to any and all potions fed to Somalia for quick healing. Since stepping onto the bloody stage of Somali politics, it has proven itself as a political chameleon that on one hand improves conditions and on the other worsens. Some times they work as one unit, other times they work as a fragmented group that are at odds with each other. They fight along clan lines or along sectarian lines, depending on the political convenience. Wittingly or otherwise, the only unwavering thing within this group is its loyalty to advance the “myopic strategic interest of Ethiopia to keep Somalia divided.”
A couple of years ago when a number of high ranking officials of the old Somali National Army (SNA) held a conference in Washington, DC to piece together a security strategy to stabilize the country. The central pillar of their proposal was to do away with clan militias and rebuild the SNA. Ethiopia, in its own paranoiac and often self-defeating reaction, used an ASWJ General to sabotage the effort. The day the conference was concluded, the General gave relentless interviews clearly intended to sow the seeds of suspicion that these highly regarded high officials were in fact plotting to establish another military regime. He did not have to provide any proof.
Second, the Security Benchmark: There seems to be a disproportionate focus on security issues that are in the immediate best interest of the international community but hardly any thing that is in the best interest of stabilizing Somalia and protect its national integrity. The Roadmap focuses on dealing with piracy—and no one is denying that piracy should be dealt with—and does not mention any thing about strengthening and integrating the army under one command. Implicitly, the document sets the stage for indefinite dependency on AMISOM- the AU troops in Mogadishu. Meanwhile, ASWJ is an armed faction that does not come directly under the SNA.
Even more bizarre is the fact that the Security Benchmark pressures Somalia to make certain concessions on its Exclusive Economic Zone (EEZ) or ocean rights to its neighbor Kenya.
Third, the Constitution Benchmark: The problem with this benchmark is beyond irony and more on the hilarious side! Despite the wide consensus on the part of the international community and the Somali public opinion on the need to reform the over-bloated (550 member) mostly corrupt transitional Parliament, the Road Map hands the power to reform to the very ones who are in need of reform. The Speaker of the Parliament is granted the power to fill all oversight and implementation committees. He is granted the power to literally handpick any and all whom he sees fit to advance his vision.
Arguably the most expensive constitution ever drafted, yet the most shallow in addressing the most pressing issues facing the nation and all the fault-lines that could ignite new problems in the near future: the Somaliland issue, clan exclusive territories and the grazing rights of the nomadic community, resource sharing and taxation, national security, and who has the exclusive authority to frame foreign, defense, and monetary policy for the country, to name a few.
The United Nations Political Office for Somalia (UNPOS) claims that they have spent over $60 million to draft the constitution at hand. A classic example of how the “Mafia network” in Nairobi squanders the monies donated in the name of Somalia, and how it perpetuates the self-destructive culture of corruption by some in the Transitional Federal Institutions (TFI).
Imagine how many starving children that dollar amount could feed!
In conclusion, while the Road Map does have a few positive tasks in all the benchmarks, it still remains as a precooked sham spearheaded by certain frontline countries such as Ethiopia, Uganda, and Kenya who are the direct beneficiaries of perpetuating the Somali conflict.
_____________
Dr. Oduesp Eman teaches political science and international relations .
Tacsi Tiiraanyo Leh.
03 Oct 2011 Gudoomiyaha naadiga Easteleigh Starahne Milkilaha kooxdaas mudane Daahir Ciise Weheliye
C/laahi Cilmi Ereg (Xaaji Gaab) oo ahaa cayaartooydii hore ee naadigii LLPP Jennyo
Idiris Maxamuud Jaamac oo ah tababarah jaaliyada reer Norwey
Gudoomiyaha Gudiga Mideynta Sportiga Qurba joogta Soomaaliyeed ee UK Axmed Nuur (Sayga Ruushka)
Gudoomiyaha Lester Lion Football Clup Cilmi Macalin Maxamed (Daqare)
Yuusuf Nuur Mxamed (Oowkoombe)
Cabdi Sataar Daahir Sabriye
Ibraahim Geedoow Cawaale (Biibo)
Cumar Cabdi Xasan (Cumar Caaqil)
Maxamuud Cali Yare (Buneeste)
Ismaaciil Xaaji (Shakeeti)
Maxamed Cismaan (Xabiib)
Macalin C/laahi Yuusuf Cali (Baaskuwaale)
Muxiyadin Canbar qamiis
Suleymaan Garaar Ex naadigii Dowlada Hoose ee Muqdisho
Mxamed Salaad Faarax (Daqare)
Anas Cali Maxamuud (Anas Goobe)
C/raxmaan (Salawaad)
Xaaji Caseer
Cali Sheekh
EX xildhibaan Xuseen Aabi
Gudoomiyihii hre ee degmada Wardhiigleey MR Xashaash
C/risaaq Ilbir
Qumeyne
Abshir Maxamed Cawaale
Caano
Yaxye Juuste
Dhamaan Dadkaasi oo isugu jira Ciyaartooydii hore, Weriyayaal Soomaaliyeed iyo (Reer Buur Hindi) waxa ay Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaan Sheekha Xaashi Ciid oo kamid ahaa Ciyaartoydii hore ee Kubadda Cagta Naadiga Muqdisho oo hooyadiis Xaawo Warsame (Garoone) ku geeryootay Deegaanka Lafoole duleedka magaalada Muqdisho taariiqdu markii ay ku beegneyd 29-kii bisha 9-aad 2011-ka kuna beegneyd maalino Khamiis ah, waxa ay leeyihiin Samir iyo iimaan eebe ha ka siiyo, Marxuumadana Janadii Fardowsa aheyd Allaha ka waraabiyo… Aamiin…. Aamiin….. Aamiin….
INAA LILAALHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN.
Tacsi Tiiraanyo Leh.
03 Oct 2011 Gudoomiyaha naadiga Easteleigh Starahne Milkilaha kooxdaas mudane Daahir Ciise Weheliye
C/laahi Cilmi Ereg (Xaaji Gaab) oo ahaa cayaartooydii hore ee naadigii LLPP Jennyo
Idiris Maxamuud Jaamac oo ah tababarah jaaliyada reer Norwey
Gudoomiyaha Gudiga Mideynta Sportiga Qurba joogta Soomaaliyeed ee UK Axmed Nuur (Sayga Ruushka)
Gudoomiyaha Lester Lion Football Clup Cilmi Macalin Maxamed (Daqare)
Yuusuf Nuur Mxamed (Oowkoombe)
Cabdi Sataar Daahir Sabriye
Ibraahim Geedoow Cawaale (Biibo)
Cumar Cabdi Xasan (Cumar Caaqil)
Maxamuud Cali Yare (Buneeste)
Ismaaciil Xaaji (Shakeeti)
Maxamed Cismaan (Xabiib)
Macalin C/laahi Yuusuf Cali (Baaskuwaale)
Muxiyadin Canbar qamiis
Suleymaan Garaar Ex naadigii Dowlada Hoose ee Muqdisho
Mxamed Salaad Faarax (Daqare)
Anas Cali Maxamuud (Anas Goobe)
C/raxmaan (Salawaad)
Xaaji Caseer
Cali Sheekh
EX xildhibaan Xuseen Aabi
Gudoomiyihii hre ee degmada Wardhiigleey MR Xashaash
C/risaaq Ilbir
Qumeyne
Abshir Maxamed Cawaale
Caano
Yaxye Juuste
Dhamaan Dadkaasi oo isugu jira Ciyaartooydii hore, Weriyayaal Soomaaliyeed iyo (Reer Buur Hindi) waxa ay Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaan Sheekha Xaashi Ciid oo kamid ahaa Ciyaartoydii hore ee Kubadda Cagta Naadiga Muqdisho oo hooyadiis Xaawo Warsame (Garoone) ku geeryootay Deegaanka Lafoole duleedka magaalada Muqdisho taariiqdu markii ay ku beegneyd 29-kii bisha 9-aad 2011-ka kuna beegneyd maalino Khamiis ah, waxa ay leeyihiin Samir iyo iimaan eebe ha ka siiyo, Marxuumadana Janadii Fardowsa aheyd Allaha ka waraabiyo… Aamiin…. Aamiin….. Aamiin….
INAA LILAALHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN.
Tacsi Tiiraanyo Leh.
03 Oct 2011 Gudoomiyaha naadiga Easteleigh Starahne Milkilaha kooxdaas mudane Daahir Ciise Weheliye
C/laahi Cilmi Ereg (Xaaji Gaab) oo ahaa cayaartooydii hore ee naadigii LLPP Jennyo
Idiris Maxamuud Jaamac oo ah tababarah jaaliyada reer Norwey
Gudoomiyaha Gudiga Mideynta Sportiga Qurba joogta Soomaaliyeed ee UK Axmed Nuur (Sayga Ruushka)
Gudoomiyaha Lester Lion Football Clup Cilmi Macalin Maxamed (Daqare)
Yuusuf Nuur Mxamed (Oowkoombe)
Cabdi Sataar Daahir Sabriye
Ibraahim Geedoow Cawaale (Biibo)
Cumar Cabdi Xasan (Cumar Caaqil)
Maxamuud Cali Yare (Buneeste)
Ismaaciil Xaaji (Shakeeti)
Maxamed Cismaan (Xabiib)
Macalin C/laahi Yuusuf Cali (Baaskuwaale)
Muxiyadin Canbar qamiis
Suleymaan Garaar Ex naadigii Dowlada Hoose ee Muqdisho
Mxamed Salaad Faarax (Daqare)
Anas Cali Maxamuud (Anas Goobe)
C/raxmaan (Salawaad)
Xaaji Caseer
Cali Sheekh
EX xildhibaan Xuseen Aabi
Gudoomiyihii hre ee degmada Wardhiigleey MR Xashaash
C/risaaq Ilbir
Qumeyne
Abshir Maxamed Cawaale
Caano
Yaxye Juuste
Dhamaan Dadkaasi oo isugu jira Ciyaartooydii hore, Weriyayaal Soomaaliyeed iyo (Reer Buur Hindi) waxa ay Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaan Sheekha Xaashi Ciid oo kamid ahaa Ciyaartoydii hore ee Kubadda Cagta Naadiga Muqdisho oo hooyadiis Xaawo Warsame (Garoone) ku geeryootay Deegaanka Lafoole duleedka magaalada Muqdisho taariiqdu markii ay ku beegneyd 29-kii bisha 9-aad 2011-ka kuna beegneyd maalino Khamiis ah, waxa ay leeyihiin Samir iyo iimaan eebe ha ka siiyo, Marxuumadana Janadii Fardowsa aheyd Allaha ka waraabiyo… Aamiin…. Aamiin….. Aamiin….
INAA LILAALHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN.
Baarlamaanka oo dood kulul maalintii labaad ka yeeshay Arrinta Badda
Iyadoo wali ay meel xasaasi ah mareyso arrinta ku saabsan Badda Soomaaliya ayaa maalintii labaad waxay Baarlamaanka guda galeen dood kulul oo daba socotay mid shalay dhex martay, waxaana kulanka uu ahaa mid aad uga duwanaa kuwii hore, oo jawiga ahaa mid degan, isla markaana dhan walba ay isku ra’yi ka yihiin Xildhibaanada.
Dood oo mid mid u qaadanayeen Xildhibaanada ayaa Xildhibaan kasta waxaa uu soo istaagayay cod baahiyaha, waxaana Mudanayaasha maanta aadka looga sugayay makrafoonka ka mid ahaa Muuse Nuur Amiin.
Xildhibaan Muuse Nuur Amiin oo ah nin bartay sharciga badaha ayaa khudbad xasaasi ah ka jeediyay fadhiga ayaa sheegay in Badda Soomaaliya cabirkeeda uu dhirirkeedu gaarayo (3,300-KM SC), waxaana uu xusay in aqoonsi caalami ah ay heshay sanadkii 1982.
Sidoo kale Xildhibaanka ayaa xusay in arrinta EEZ oo ah midka la isku hayo ee damaca badan uu ka taagan yahay ay tahay mid heshiis lagu saxiixay, waxaana uu cadeeyay inaysan jiri karin cid iibsan karta Badda Soomaaliya.
Wasiirkii hore Arrimaha Gudaha Muuse Nuur Amiin ayaa tilmaamay in arrimahan ay gadaal ka riixayaan shirkado waa weyn oo doonaya in Kenya u xalaaleeyaan, kuwaasoo dalalka ku lugta leh ka magac dhabay Dowladda Norway.
Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe oo isna qaatay dooda ayaa sheegay in intii uu xilka hayay dhowr jeer ay Kenya kala hadleen heshiis cusub loo sameeyo xadeynta badda, balse ay dano gaar ah wateen, waxaa uu tilmaamay in arrinta ku saabsan xadeynta badda ay tahay mid lala yaabo, isagoo xusay in Soomaaliya tahay dal xor ah oo ka tirsan Qarmada Midoobey iyo Midowga Afrika.
Xildhibaan Mustaf Dhuxulow ayaa sheegay in Kenya ay si toos u iibsatay Badda Soomaaliya, isagoo tilmaamay inuu hayo Documenti cadeynaya.
Ra’iisul wasaare kuxigeenkii hore C/waaxid Cilmi Goonjees ayaa sheegay in Dowladda Kenya ay dooneyso in la xadeyn cusub loo sameeyo Biyaha Soomaaliya, isagoo sheegay in isaga uu ogaaday xilligii uu wasiirka ka ahaa Xukuumadii Cumar Cabdirashiid.
Taliyaha Ciidamada Badda Soomaaliya Admiral Faarax Qarre oo kulanka looga yeeray ayaa uga jawaabay Xildhibaanada su’aalo ay weydiiyeen, isagoo soo hadal qaaday shirkii 17-kii bishii hore ka dhacay Jaziirada Seychelles, waxaana uu tibaaxay in heshiis la soo hordhigay inay saxiixaan in Badda Soomaaliya looga dhigo 12-mile, waxaana uu tilmaamay inay diideen.
Admiral Faarax Qarre ayaa sheegay in shirkaas ay ku xadgudbeen dowladihii ka soo qeyb galay, isla markaana la doonayo in la difaaco Badda Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.
Ku simaha Gudoomiyaha Baarlamaanka C/wali Muudey ayaa sheegay in la difaaco qadiyada ku saabsan Badda Soomaaliya, isagoo soo dhoweeyay mowqifka ay iska taageen Xildhibaanada, waxaa uu ugu baaqay shacabka inay difaacdaan Badda Soomaaliya.
Kulanka maanta ay yeesheen Xildhibaanada ayaa u muuqata mid ay meel uga soo wada jeedaan Xildhibaanada arrinta ku saabsan Badda Soomaaliya, waxaana Gudoonka uu sheegay in dooda ay socon doonto inta xal kama dambeys laga gaarayo.
Daah Furka Beybalada Ahlu-Kitaabka.W/Q: Calinuur Xoogsade
Ahlu Kitaab waxaa la yiraahdaa Yuhuuda iyo Nasaarada oo ahaa labo Umadood oo uu Allaah u soo kala Diray Labada Nabi oo kala ah Nabi Muuse iyo Nabi Ciise ka hor intii aan lasoo saarin Nabi Muxamad sida la wada ogsoon yahay, waxaana maanta weli Caalamka jooga dad sheegta in ay Diimahaas aaminsan yihiin oo aan rume ysneyn Diinta Islaamka oo ah Kalimadii ugu Dambeysay ee uu Rabi u soo Dajiyay inuu ku gababagabeeyo Risaalooyinkii Nabiyada.
Allaah Nazahnaayee waxaa uu Quraanka Noogu Sheegay labadaas Nabi in lagusoo kala dajiyay laba kitaab oo ahaa Hanuun iyo Nuur ahaa si dadku u Caabudaan Allaah kaliya, Rusuuladiisana u racaan sida Aayadahan soo socda ku cad waxa ayna wada ahaayeen dadka ay Risaaladahaas ku socdaan Israaiiliyiinta:
ecx-style-span" face="Verdana" style="line-height: normal; ">Al-Maaidah Aayada 44aad: Anagaa soo dajinay Toowreed oo dhexdeeda ku sugan yahay Hanuun iyo Nuur.
Al-Maaidah 46aad: waxanan raacsiinay raadkoodii Ciise Ibnu Maryama asagoo Rumeyn wixii hortiisa ahaa oo Towreed ah. Waxaanan siinay Injiil oo Hanuun iyo Nuur ku sugan yahay una rumeyn wixii ka horeeyay oo Towreed ah Hanuun iyo Waanana u ah kuwa dhowrsada.
Ka dibna Allaah Nazahnaayee waxaa uu soo dajiyay Kitaabka Quraanka ah oo uu ugu tala galay in uu soo Dhameystiro Risaalooyinkii Nabiyadii hore, asagoo ah Risaaladii u Dambeysa y ee Xambaarsan Nuur iyo Hanuun dhameystiran, islamarkaana Quraanka waxaa uu soo Gudbiyay Gafafkii iyo Gabood faladii ay Ahlu Kitaabka ku Sameeyeen labadii Kitaab ee Toowreedka iyo Injiilka, gafafkaas oo isugu jira Badlid, Jarid, Kordhin, iyo Qarin lagu sameeyay Kitaabdasaan Qeybo badan oo ka mid ah:
Al-Maaidah Aayada 15, 16aad: Ahlu kitaabow waxaa idiin yimid Rasuulkeena oo idiin Cadeyn wax badan ood aheydeen kuwa ka qariya Kitaabka [Toowreed] wuxuuna idinka cafiynayaa wax badan, waxaana idiinka yimd xaga Allaah Nuur iyo Kitaab cad. Uuna ku Hanuuniyo Eebe ruuxii raaca Raali ahaanshihiisa jidka Nabadgalyada kana bixin Mugdiyada xaga Nuurka Idinkiisa kuna Hanuunin jidka toosan.
Waxaa iga xasuusin inaan ogaano marka hore in Muslimiinta Rumeysan yihiin Asal ahaan kitaabadii lagusoo dajiyay Nabi Muuse iyo Nabi Ciise iyo Nabiyadii horeba , Muslimna in uusan aheyn Ruuxii aan aaminsaneyn Kitaabadaas iyo Nabiyada lalasoo dirayba, sida aayadahan ku cad ee uu Allaah Muslimiinta ku amray in ay yiraahdaan sidatan.
Al-Baqara Aayada 136aad: waxaad dhahdaan waxaan rumeynay Allaah iyo waxa Naloosoo dajiyay iyo waxa lagusoo dajiyay Ibraahiim, I sxaaq, Yacquub iyo Caruurtoodii iyo waxii la siiyay Muuse iyo Ciise iyo wixii lagusoo dajiyay Nabiyadii [kale] xaga Allaah kala geynameyno dhexdooda, waxaana u hogaansamaynaa Allaah.
Muslimiinta waxaaba tilmaan u ah inay rumeysan yihiin Allaah Malaaigta Kutabadii hore Nabiyada lala soo diray iyo inaysan qaar ka mid ah Rususha Rabi beenineyn sida ahlu Kitaabka Caada u ah oo kale.
Al-Baqara Aaayada 285aad: Wuxuu rumeeyay Rasuulka wixii looga soo dajiyay xaga Rabigiis Mu’miniintuna [wey rumeysan yihiin] dhamaana [Rasuulka iyo Mu’miniintu] waxey rumeysan yihiin Allaa h, Malaa’igtiisa Kutubtiisa iyo Rusushiisa, mana kala geeyaan mid ka amid ah Rasuuladiisa dhexdood [ma inkiraan midna] waxeyna dhaheen waan maqalnayoon adeecnay, Dhaafidadaa Allehenow [yaan kaa baryeynaa] Allaheenow xagagaana loo ahaan.
Marka arintan waxay cadeyn u tahay hadii aan nahay Muslimiimta inaan si Buuxda u rumeysan nahay Toowraadkii Nabi Muuse iyo Injiilkii Nabi Ciise, hase yeeeshee waxaan aamin-sanahay kitaabada hada ku jira Gacmaha Ahlu kitaabkana in wax badal laga badalay laguna kordhiyay lagana dhimay lagana jaray oo aysan Saafi aheyn Dhameestirneyna maadaama dad kii ay aheyd in ay Xifdiyaan ay ayaga qeyb ka noqdeen wax u Dhimida kitaabadooda, waxaana la yiraahdaa hadii Caano Asal ahaan Saafi ahaa la Barxo Caanuhu haba Cadaadaan midab ahaan laakiin ma aha Caano Saafi ah waloow ay dhici karto in magacii Caanaha weli Xambaarsanaadaan, sidaa daarteed waxaa dhici karto dadka qaar in ay ku dagmaan Midabka Cadaanka ah oo ay Caanaha ku yiqiineyn ayagoo aan wax kale ka fiirin iskana hubin in Caanuhu yihiin Saafi iyo in Midabka uun Caano ka yihiin.
Aala Cimraan Aayada 71aad: Ehlu Kitaabow maxaad ugu qaldeysaan Xaqa Baadil [Xumaan] ood u qarineysaan Xaqii idinkoo og)
Waxaa uu Allaah Nazahnaayee ku eedeyay ahlu Kitaabka Yuhuuda iyo Nasaarada in ay balankii lagu galiyay Xifdinta Kitaabkooda khilaafeen oo ay gacmahooda ka ceshan kari waayeen Kitaabkii Toowraadka iyo Injiilka oo ay Dooriyeen, sida Ayadahan ku Cad.
Almaaidah Aayada 13aad: Buruntooda balankoodii [Yuhuuda] yaan u lacnadnaykana yeelnay Quluubtooda mid Engegan, ayagoo kaleexin kalimada meesheeda waxeyna halmaameen qeyb ka mid ah wixii lagu waaniyay kamana weydid xagooda inaad ku aragtid khiyaamo wax yar Mooyee,..< /o:p>
Al-Maaidah Aayada 15, 16aad: Ahlu kitaabow waxaa idiin yimid Rasuulkeena oo idiin Cadynaya wax badan ood aheydeen kuwa ka qariya Kitaabka [Toowreed] waxowna idinka cafiynayaa wax badan, ..
Aala Cimraan Aayada 78aad: waxaa ka mid ah [Yuhuuda] koox ku leexisa Carabkooda Kitaabka si aad ugu maleysaan kitaabka kana mid ma aha Kitaabka waxeyna dhihi isagu waxaa uu ka ahaaday Allaah agtiisa kamana ahaanin Allaah agtiisa, waxeyna ku dhihi Allaah Been iyagoo ogsoon.
Nabi Muxamadna waxaa uu Xadiiskiis ku Sheegay in ay Yuhuuda Gacantooda ku qoraan Kitaabo oo ay Raaceen ayagoo leh waa Kitaabkii Alle, sida Xadiiskan Cadeynayo.
{Reer Banuu Israa’iil waxey Qorteen Kitaab, weyna raaceen waxeyna ka tageen Toowraadkoodii} (waxaa wariyay Dhabaraani X/No: 5548, waana X/ No: 2832 ee Silsilada Albaani).
Saxaabada Rasuulkana iyo Muslimiintaba arinkaas si dhab ah ayay ugu yaqaaneen Ahlu Kitaabka waxaan uu yiri Ibnu Cabaas oo tilmaamaya in Ahlukitaabka Dooriyeen Kitaabkooda:{Sideed ku Su’aaleysaan Ahlu Kitaabka wax, ayadoo Kitaabkii lagu soo Dajiyay Rasuulkii Alle ee Muxamad ahaa uu ka Cusub yahay, oo aad aqrineysaan asagoo Saafi ah oo aan Barxaneyn, waxuuna idiin Sheegay Rasuulka in Ahlu Kitaabka Dooriyeen Kitaabkii Alle oo ay Badaleen, oo ay Gacantooda Kitaab ku Qoreen ayagoo leh: waxaa uu kasoo dagay Kitaabkaan xaga Alle si ay ugu iibsadaan kitaabka Dheef yar} xadiiskan Bukhaari ayaa ku wariyay No 7363.
Sidaa daraadeed ayuu Nabigeena Suuban [Nabad iyo naxariis Korkiisa Allaha yeelee] nagu baraarujiyay inaan ka digtoonaano Xaqa ay Baadilka ku barxeen Ahlu Kitaabka, dariiqada looga digtoonaanayana waa in la raacaa dardaaradan ku Dhisan Cadaalada si ayanan xad gudub iyo gafba ugu dhicin xaqana aan u waafaqsanaano mar kasta hadey wax saxan sheegaan iyo hadey baadil ku hadlaanba Ahlu-Kitaabka.
Nabiga Suuban [Nabad iyo Naxariis korkiisa Allaha yeelee] waxaa uu yiri sida uu Bukhaari kusoo guuriyay Kitaabkiisa XNo 4485: (Ha rumeysana Ahlu Kitaabka hana beeninina laakiin waxaad tiraahdaan: waxaan rumeynay Alle iyo wixii nalagusoo dajiyay iyo kii leydinkusoo dajiyay [Towraadkii iyo Injiilkii]).
Waxaana uu Nabiga Sabab uga dhigay inaan laga Rumeysan arimaha ay Diin ahaan u Sheegaan in uu ahaan karo Been darteed maadaama ay Dooriyeen Kitaabadoodii si looga Digtoonaado in ay Hoosta ka galiyaan ruuxa Muslimka waxiii ay Dooriyeen ayagoo u Labisaya Weji Xaq ah lehna waa wax ku Qoran Kitaabkii Towraadka ama Injiilka.
Nabiga Suuban [Nabad iyo Naxariis korkiisa Allaha yeelee] waxaa uu yiri: (waxa ay idiinka sheekeeyaan Ahlu kitaabka ha rumeysanina hana ku beeninina, waxaadse tiraahdaan: waxaan rumeynay Alle iyo Rasuulkiis, markaas hadii uu Baadil ahaa maadan rumeynina, hadii uu xaq ahaa hadalkoodana maadan Beeninina Xaqii) Xadiiskan waxaa wariyay Abuu Daa’uud No 3644.
Waxaana uu ahaan doonaa Maqaalkan inshaa Allaah [Cw] Taxane waqtiyada soo socda anagoo Daaha ka furi doono Xaqiiiqooyin waa weyn oo muujinaya Beybalada Ah-Kitaabka Maanta Gacmahooda ku jira ee loo yaqaan Cahdigii Hore iyo Cahdigii Cusbaa in aysan aheyn Towraadkii Nabi Muuse iyo Injiilkii Nabi Ciise dhab ahaan, si ay taas wada noogu Furto inaanan ku dagmin Kaniisadaha ku Mashquulsan Faafinta Beybalada ayagoo lagu Turjumay afka Soomaliga.
W/Q: Calinuur Xoogsade
asadxg@hotmail.com
——————————————-
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.
tacsi tiiraanyaleh Marxuum cabdi axmed aadan kaar oo loo yaqiinay cabdifood
anagoo ah asaxaabtaan hoos ku qoran waxan tacsi tiiraanyaleh udirayn reer il axmed aadn kaar
reer ilma axmed indha case reer ilma iyo intii maqalkiisa iyo muuqaalkiisa taqiinay alaha unaxariistee
cabdi axmed aadan kaar oo loo yaqiinay cabdifood oo ahaa faanan reer somalilan ah kana tirsana fananiintii hore ee somalida oo ku geeriyooday magalad hargaysa 2011.10,2dii inaalilaai waa inaa ilayhi raajicuun
foosiya ahmed mahamed
ayaan cabdiqaadir
isir ahmed aadan kaar
nadar abdilaahi xaaji
bahja abdilaahi haaji
axmed abdilaahi
abdifataax ahmed
khadar xasan cige
jamiil cismaan samatr
shugri haaji xasan
nafisa cali maxamed
maxamed cali sugule
tacsi tiiraanyaleh
waxa qortay nadar abdilaahi haaji
janadii fardawsa alah ka warabiyo
by
nadar jeesto
adis abab
TACSI Geerida Mohamed Gaheyr
Ilaahey waa keligii isaga ayaana loo wada noqonayaa. Dhamaan dadka halkan ku qoran waxey tacsi u dirayaan qoyskii, reerkii iyo eheladii uu ka geeriyoodey Eng. Mohamed Gaheyr Xirsi ilaahey naxariista janno ha ka waraabiyo. Waxaanu ka maragqaceynaa inuu ahaa shaksi wanaagsan.
1. Khadar Ali Madar
2. Hassan Siciid Boss
3. Ahmed Sajin Dahir
4. Mohamed Carab Aw Cabdi
5. Ahmed Ali Madar
6. Abdirahman Mohamed Roodhile
7. Cabdiqadir Siciid Boss
8. Fadumo Ali Madar
9. Amina Ali Madar
10. Faisa Mohamed Caalim
11. Fadumo Sheikh Ibrahim
12. Cabdirisaq Muuse Cabdilaahi
13. Hassan Rashiid Xaashi
14. Cabdirisaaq Caydiid
15. Keyse Cabdi Fartaag
Warbixin ku saabsan doodii kululeyd Baarlamaanka ee Ajandaha Badda
Iyadoo wali ay meel xasaasi ah mareyso arrinta ku saabsan Badda Soomaaliya ayaa maalintii labaadwaxay Baarlamaanka guda galeen dood kulul oo daba socotay mid shalay dhex martay, waxaana kulanka uu ahaa mid aad uga duwanaa kuwii hore, oo jawiga ahaa mid degan, isla markaana dhan walba ay isku ra’yi ka yihiin Xildhibaanada. Dood oo mid [...]