Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Lixdan carruur ah oo ku dhimatay isbitaal Hindiya ku yaalla

$
0
0

Ugu yaraan 60 carruur ah ayaa ku dhintay isbitaalka dadweynaha oo ku yaalla waqooyiga Hindiya, sida ay saraakiishu sheegayaan, iyadoo ay jiraan eedeymo ah in hawada oxygen-ta ee dadka xanuunsan qaarkood lagu xiro laga jaray isbitaalka sababo la xiriira lacagaha oo aan la bixin.


Ugu yaraan 15 qof oo ku dhimatay Pakistan

$
0
0

Qarax ka dhacay magaalada Quetta ee dalka Pakistan ayaa waxa ugu yaraan ku dhintay 15qof halka 30 kalena ay ku dhaawacmeen.
Goobjooge ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhacay goob amaankeedu uu aad u adagyahay dabna la qabadsiiyay gawaari aggaasi u dhowaa.
Magaalada Quetta ayaa ah caasimad goboleedka Balochisyan oo mar waliba ay bartilmaamedsadaan kooxaha Islamiyinta ah waxana sidoo kale ka dhaca rabshado dambiyadeed.
storvideo: 

Ciidamada Xoogga Puntland ee PSF oo deeq gaarsiiyey...

$
0
0

Boosaaso(RBC Radio) Ciidamada Xoogga Puntland ee PSF ayaa deeq ku wareejiyey Isbitaalka guud ee magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Deeqdan ayaa ahayd lacag dhan sideed kun oo doolar taasoo ay ugu talagaleen ka qeybqaadashada dhisme lagu kordhinayo Isbitaalka weyn ee Boosaaso.
Dhismahan cusub ayaa qeybta gargaarga degdega ah waana dhisme waxtar u leh shacabka Puntland.
Ciidankan ayaa had iyo jeer u taagan difaaca dalka iyo garab Istaaga shacabkooda ,iyadoona lacagtan deeqda ah ay ka jareen mushaarkooda.
Taliye Kuxigeenka Ciidanka Xoogga Puntland ee PSF Cabdiqaadir Cabdi Axmed oo wareejiyey lacagta ayaa sheegay in mar kasta ay diyaar u yihiin ka qeybqaadashada danta guud ee shacabka.
Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Boosaaso Cabdullaahi Siciid Aw-Muuse oo lacagta lagu wareejiyey ayaa u mahadceliyey ciidanka PSF iyo saraakiishooda.
RBC Radio

storvideo: 

Lixdan carruur ah oo ku dhimatay isbitaal Hindiya ku...

$
0
0

Ugu yaraan 60 carruur ah ayaa ku dhintay isbitaalka dadweynaha oo ku yaalla waqooyiga Hindiya, sida ay saraakiishu sheegayaan, iyadoo ay jiraan eedeymo ah in hawada oxygen-ta ee dadka xanuunsan qaarkood lagu xiro laga jaray isbitaalka sababo la xiriira lacagaha oo aan la bixin.
Saraakiisha gobolka Uttar Pradesh ayaa qiray in laga jaray adeegga hawada oksojiinta, balse waxay dafireen inay dhimasho sababtay.
Qoysaska dadka isbitaalka ku jira ayaa la arkayay iyagoo bacaha neef ku siinaya bukaanka.
Dhimashada carruurtan ee isbitaalka Baba Raghav Das ee degmada Gorakhpur district ayaa soo bilaabatay Isniintii. Soddon ka mid ah carruurta ayaa dhintay intii u dhaxeysay Khamiistii iyo Jimcihii keliya.
Gobolkan ayaa ka mid ah gobollada ugu saboolsan dalka Hindiya waxaana sanadkiiba ku dhinta boqollaal carruur ah.
Wasiirka caafimaadka dalkaasi Sidharth Nath Singh ayaa sidoo kale beeniyay inay carruurta u dhinteen oksojiin la`aan.
storvideo: 

Faah-faahinta Kulamadi Sabtidi Dhacay ee Horyaalka Ingiriiska

$
0
0

Kadib markii Jimcihi lasoo dhaafay si rasmi ah loo furay horyaalka Ingiriiska ee xilli ciyaareedkan 2017-18, ayey kooxaha intooda badani Sabtidi ciyaareen.

Faah-faahinta Kulamadi Sabtidi Dhacay ee Horyaalka...

$
0
0

WASHINGTON. D.C --
Kadib markii Jimcihi lasoo dhaafay si rasmi ah loo furay horyaalka Ingiriiska ee xilli ciyaareedkan 2017-18, ayey kooxaha intooda badani Sabtidi ciyaareen.
Kooxda difaacaneysa horyaalnimada ee Chelsea ayaa ku bilaabatay guuldaro qaraar, ka dib marki ay garoonkeeda Stamford Bridge ee magaalada London ku garaacday naadiga yar ee Burnley oo dirtay 3-2.
Burnley qeybti hore ee ciyaarta ayey iska boobsiisay Chelsea, waxaanalaba ka mid ah goolasha u dhaliyey Sam Vokes halka goolka kalana uu saxiixay Stephen Ward . Chelsea oo inti ay ciyaarta socotay kaarka cas laga siiyey kabtankooda cusub Gary Cahill iyo Cesc Fabregas ayaa waxaa goolasha u kala dhaliyey Alvaro Morata oo ay dhawaan kasoo iibsatay kooxda Real Madrid iyo daafacooda David Luiz.
Ciyaaraha kalana, Liverpool ayaa iska khasaarisay guusheedi ugu horreysay ee xilli ciyaareedkan ka gadaal marki daqiiqadi ugu danbeysay ay kooxda Watfrod bareejeysay, iyadoo goolkaasi oo ahaa mid muran dhaliyey uu keenay ciyaaryahan Miguel Britos.
Ciyaartan oo ku dhamaatay bar-barro 3-3 ah, ayaa waxaa Liverpool ay ku hogaamineysay 3-2, laga soo bilaabo daqiiqadii 57-aad ilaa laga soo gaaro daiqiiqadi 93-aad, goolasha waxaa Liverpool u kala dhaliyey Sadio Mane, Roberto Firmino iyo Mohamed Salah. Halka Watford ay goolasha u saxiixeen Stefano Okaka oo madaxa ku dhaliyey, Abdoulaye Doucoure iyo Miguel Britos.
Hadii kooxaha Chelsea iyo Liverpool la taakeeyey, waxaa si raaxa leh guusheedii koowaad ee horyaalka sanadkaan kusoo xareysatay kooxda Manchester City oo 2-0 ku khaarijisay kooxda dhawaan kusoo biirtay kooxaha heerka koowaad ee Brighton.
Inkasta oo ay Manchester City goolasha heleen dhamaadki ciyaarta, ma jirin wax khatar ah oo ay kala kulantay kooxdi kasoo horjeeday guud ahaan inti ay socotay ciyaarta. Labada gool ee ay ku badisay mid ka mid ah waxaa saxiixay Sergio Aguero oo dhaliyey daqiiqadii 70-aad, halka goolka labaadna uu ahaa mid uu kooxdiisa ka dhaliyey Lewis Dunk.
Ciyaarihi kale ee dhacayna, kooxaha waxay isku arkeen sidaan:
Crystal Palace 0 - 3 Huddersfield TownEverton 1 - 0 Stoke CitySouthampton 0 - 0 Swansea CityWest Bromwich Albion 1 - 0 AFC Bournemouth.
Axada birrito ahna, kooxda Manchester United ayaa soo dhaweyn doonta West Ham United, halka Tottenham ay booqan doonto garoonka Newcastle United.
storvideo: 

Mo Farah oo ku guuldarreystay orodka shanta kun ee mitir

$
0
0

Orodyahanka asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya balse u orda Britain, Maxamed Faarax (Mo Farah) ayaa xalay ku guuldareystay inuu hanto billada dahabka orodka shanta kun ee mitir ee tartanka ciyaaraha atleetikada aduunka ee ka soconayo magaalada London.

Mo Farah oo ku guuldarreystay orodka shanta kun ee...

$
0
0

WASHINGTON. D.C --
Orodyahanka asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya balse u orda Britain, Maxamed Faarax (Mo Farah) ayaa xalay ku guuldareystay inuu hanto billada dahabka orodka shanta kun ee mitir ee tartanka ciyaaraha atleetikada aduunka ee ka soconayo magaalada London.
Farah, wuxuu ku dhameystay kaalinta labaad, kadib marki uu gaari waayey Muktar Edris oo ah orodyahan u dhashay dalka Ethiopia, kaasoo ku guuleystay billada dahabka, halka Mo Farah uu helay bilada qalinka.
Waa balladi ugu horreysay oo dahabi ah oo uu Mukhtar Edris oo ah 23 jir ku guuleysanayo abid.
Hadii uu Mohamed Farah badin lahaa waxay u ahaan laheyd markiisii shanaad oo xiriir ah oo uu ciyaaraha orodka tobanka kun iyo shanta kun ee mitir ku wada guuleysto hal tartan billada dahabka.
Todobaadki hore ayey aheyd marki uu qaaday billada dahabka ee orodka 10-ka kun ee mitir.
Waa marki labaad oo uu ku dhacay inuu qaado bilada dahbiga ah dhamaan tartamadi caalamiga ahaa ee uu ka qeybgalay Mo Farah tan iyo sanadki 2011-ki. Mudadaasi wuxuu urursaday 10 billadood oo dahab ah iyo laba billaad oo qalin ah.
storvideo: 


WAR DEG DEG AH: Qaraarka ka soo baxay Maxkamadda...

$
0
0

WAR DEG DEG AH: Qaraarka ka soo baxay Maxkamadda Somaliland ee ku wajahan dacwaddii 39ka xildhibaan ay u gudbiyeen Maxkamadda. ( Halkan ka daawo )
Waxa Daabacay staff-reporter on Aug 13th, 2017 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.
Awdalpress - London - Maxkamadda Somaliland ayaa soo saartay qaraar amma go'aan diidaya dacwaddii ay 39ka xildhibaan u gudbiyeen, iyaga oo diiddan natiijadii doorashadii guddoomiyaha Baarlamanka. Waxana go'aanka maxkamaddu u dhignaa sidan:
[embedded content]
Awdalpress
This post has been viewed 45 times.
storvideo: 

Barnaamijka Kaalinta dadweynaha oo ka baxa Kalsan TV...

$
0
0

Barnaamijka Kaalinta dadweynaha oo ka baxa Kalsan TV ayaa lagu faaqiday muranka ka dhex aloosan xildhibaannada Somaliland. ( Halkan ka daawo )
Waxa Daabacay staff-reporter on Aug 13th, 2017 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.
Awdalpress - London - Barnaamijka aalaaba maalinta Sabtida ka baxa Kalsan TV ee lagu magacaabo Kaalinta dadweynaha, ayaa waxa maanta marti ku ahaa Ahmedweli Goth oo wax ka qora arrimaha siyaasadda geeska iyo gaar ahaan ta Somaliland. Isla markaana tifaf tire u ah shabakadda awdalpress.com. Barnaamika oo lagu soo qaatay muranka xoogga badan ee ka dhex aloosan xildhibaannada Baarlamanka Somaliland ee qaybsamay, ayaa ahaa mid xasaasi ah, waxana uu barnaamijku u dhacay sidan ee nala daawo:
[embedded content]
Awdalpress
This post has been viewed 65 times.
storvideo: 

Somalia: Nearly 15 ministers quit from HirShabelle...

$
0
0

JOWHAR, Somalia - Thirteen ministers have reigned from HirShabelle state administration on Sunday, sparking a new political turmoil in the newly established federal state.
The ministers have announced their shock resignations at a press conference in Jowhar town, accusing the state President Ali Abdullahi Osoble of unjust and incompetence in his leadership.
Reports suggest that the massive resignations had been triggered by Osoble's resent decision of creating five new districts in Hiiraan region, his homeland, without inclusive consultations with the state cabinet.
On the other hand, HirShabelle state lawmakers have lodged a no confidence motion against President Osoble to the parliament leadership, in a sign of deepening political crises in HirShabelle administration.
The Parliament speaker was reported to have accepted the motion filed by the MPs.
storvideo: 

DAAWO:Warar Deg deg ah oo naga soo gaaray Muqdisho,...

$
0
0

Kulanti wanaagsan dhamaan Akhristayaasha Badweyn.com kuna soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.
Wararka waxaa kamid ah soo dhaweyntii Sh Roobow ee Muqdisho, Go'aanka madaxda DFS, Kheyre oo Shaqo ubalanqaaday Dhalinyaradii ugu badney, Madaxweyne Farmaajo oo amar bixiyay.
Sidoo kale Sababta Faroole uu utagay Kismaayo, warar ka cusub Puntland iyo Somaliland & Hiirshabeelle oo xaalad xun mareysa
storvideo: 

Madaxweynaha Jubbaland oo Kismaayo kusoo dhaweeyay...

$
0
0

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo dadweyne farabadan ayaa maanta garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyay Madaxweynahii hore ee Puntland Senator Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole.
Mudane Axmed Maxamed Islaam Madaxweynaha Jubbaland ayaa soo dhaweynta kadib sheegay in uu ku faraxsan yahay booqashada Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole uu ku yimid Magaalada Kismaayo oo uu xusay in ay tahay mid rasmi ah isla markana uu inta uu joogo wakhti la qaadan doono bulshada Magaalada oo uu sheegay in mudo ay ugu danbaysay.
Madaxweyne Axmed Islaam wuxuu sheegay in Senatorku uu kamid ahaa dadkii qaybta muhiimka ah ka qaatay dhismaha Jubbaland isla markana Dowlada iyo Shacabkuba ay abaal uga hayaan ugana mahad celinayaan sidii uu garabka walalnimo ugu muujiyay wakhti ay u baahnayeen.PUNTLAND POST
The post Madaxweynaha Jubbaland oo Kismaayo kusoo dhaweeyay Senator Cabdiraxmaan Faroole appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

(Dhageyso)Qoys Reer Miyi Ah Oo Lagu Weeraray...

$
0
0


Waxaa Xili Hameena Weerar ay Koox Hubeysan Ku qaadeen Qoys Reer Miyi Ah Oo Degenaa Deegaan Ku dhow Deegaanada Godad Iyo Gacmo Fale...waxaana Halkaa Horey Uga dhacay Falal Dilal Iyo weeraro Ah iyadoo ay Ood wadaag ka yihiin Xoolo Dhaqatada Galmudug Iyo Puntland..
Xasan cali oo aan qadka taleefanka kula xariirnay asagoo ku sugan goobta uu weerarku ka dhacay kana mid ah qowska la weeraray ayaa waxa uu ka warbixiyay sida uu weerarkaasi u dhacay iyo qasaaraha ka dhashay
Waxa uu sheegay in weerarka ay gaysteen rag Uu sheegay in ay ka yimideen dhinaca puntland dad shacab ahna ay weerarkaasi ku qaadeen asagoo ku baaqay in arintaasi wax laga qabto..HOOS KA DHAGEYSO WAREYSIGA GOOBJOOGAHA DHACDADA
http://hobyonet.com/wp-content/uploads/GOOBJOGE-WERAR.mp3
XAFIISKA GAALKACYO-GALMUDUGSHABAKADDA WARARKAWWW.HOBYONET.COM NAGALA SOO XIRIIR.CMAALIN17@GMAIL.COMHOBYOEDITOR1@GMAIL.COMTELL:25290-7647333/252678647333/252167150440

storvideo: 

Daawo Puntland oo dhaqdhaqaaq ka dhan ah Somaliland...

$
0
0

Cutubyo ka tirsan ciidamada kumaandoosta Puntland ee DANAB ayaa u ruqaansaday deegaano ka tirsan Gobolladda Sool iyo Sanaag ka dib markii maalmihii u dambeeyay maamulka Somaliland uu ka bilaabay dhaq dhaqaaq uu ku doonayo in la keeno degmooyin ku yaala xadka labada dhinac ku muransan yihiin sanaadiiqda codbixinta doorashada.
Taliyaha Ciidanka Kumaandoosta Puntland Korneyl Jimcaale Jaamac Takar oo hogaaminaya ciidamo ku gaashaaman saanad culus iyo gadiidka dagaalka ayaa ku sheegay ujeedada ay u tageen deegaano ku yaala Gobolka Sool inay la xiriirto ka hortaga faragalinta maamulka Somaliland iyo difaaca dhulkooda.
Sidoo kale saraakiisha hogaaminaysa ciidamada Puntland ee fariisimaha ka samaystay xadka Somaliland iyo Puntland ay ku muransan yihiin ayaa kulamo ay shacabka uga dalbanayaan wada shaqeyn iyo gacansiin la yeeshay Odoyaasha iyo Waxgaradka ku nool deegaano kala duwan oo ku yaala Gobolka Sool.
Wuxuuna kusoo beegmayaa heeganka Puntland ay ku dhoobtay ciidamo fara-badan furinta Somaliland xilli maalmihii u dambeeyay hadalo hanjabaad ah ay warbaahinta isu marinayeen masuuliyiin labada dhinac ka kala tirsan.
Haddaba daawo warbixin muuqaal ah oo ay Warbaahinta PUNTLAND POST kasoo diyaarisay qaar ka mid ah ciidamada Puntland ee gaarey Deegaano u dhaw Degmooyinka Xalin,Taleex iyo Tukaraq oo dhamaan ka tirsan Gobolka Sool.
Abshir DhiiranePUNTLAND POST
The post Daawo Puntland oo dhaqdhaqaaq ka dhan ah Somaliland ka bilowday Gobolka Sool appeared first on Puntland Post.
storvideo: 


Xog muqaal:MD Farmaajo oo soo gaba gabeeyay...

$
0
0

Aug 14, 2017 -
Warar hoose oo lagu kalsonaan karo aan ka helnay xafiiska madaxweynaha dalka soomaaliya ayaa sheegaya in madaxweyne Farmaajo oo saxiixay in latoogto askarigii dilay wasiir Cabaas Siraaji.
Waraaqda ogolaasha dilkiisa ayaa usoo gudbisay maxkamada ciidamada sida sharciga ah madaxweynaha waxaana mudooyinkaan taalay xafiiska madaxweyne Farmaajo lagana sugaaye ogolaasho.
Saxiixa Farmaajo ayaa soo gaba gabeynaayo shirarkii iyo dibadbaxa ay wadeen beesha oo kadhashay ee habagidir madaama oo saxiixay madaxweynaha ka laabasho aan lahayn.
Tani ayaa imaaneyso xili shacabka siweyn oga dhursugayeen dilka askarigaan oo hore u dilay wasiir Cabaas Siraaji oo lagu dilay meel aan sidaa oga fogeyn xarunta madaxtooyada.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Xog Dhageyso: Madaxda DF oo bilaabay in Qaab Yaab...

$
0
0

Aug 14, 2017 -
Warar yaab leh ayaa laga helayaa Madaxda Dowlada Soomaaliya oo bilaabay qaab yaab leh in laaluushka u qaataan Maadaama Xukuumada R/wasaare Kheyre ay ku dhawaaqday in tilaabo cad laga qaadi doono cidii lagu helaa Musuq-maasuq.
Sidoo kale R.wasaare kheyre iyo Wasiirka Maaliyada ayaa sameeyay xubno dowlada ka tirsan hadana ah kuwo si hoose u gudbiya Xogta Madaxda Laaluushka qaata.
Xafiisyada Madaxda Dowlada Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho sida Xafiisyada Wasaaradaha qaar, Xafiisyada qaabilsan dhanka garsoorka iyo Maamulka Gobalka Banaadir ayaa laga dhex bilaabay qaadashada Laaluushka oo nooc cusub ah.
Baaritaan iyo dabagal aan sameynay ayaan ku ogaanay in Madaxda dowlada Marka ay kuu fududeeyaan Howlaha kaaga xeran dowlada ama si waafaqsan nidaamka shaqada ay kuugu qidmeeyaan islamarkaana ay kaa rabaan Laaluushka balse hadii aad diido culeys lagaa saarayo howlihii aad u baahneyd.
Madaxda ayaa bilaabay in Lacagta laaluushka aysan ku qaadan qaabka EVC-PLUS-ka. oo ah adeeg Mobile oo Lacagta leesku marsiiyo iyagoo ka baqaya in dabagal lagu sameeyo kadibna Xabsiga la dhigo waxaana taas badalkeeda ay kaa rabaan in aad dollar uga soo dhigto.
Sidoo kale Baarista waxaan ku ogaanay in Qaabka Canshuurta dowlada hoose loo qaado uu ka jiro musuq maasuq weyn sidoo kale waxaa naloo xaqiijiyay in dhanka Maxkamadaha dalka ay yihiin halka ugu daran.
Dhawaan ayeey aheyd markii Sarkaal ka tirsan Ciidamada ilaalada wadooyinka loo xeray Lacag laaluush ah uu qaatay isagoo adeegsanaya awood dowladeed waxaana kashifay Nin shacabka oo soo ku shaaciyay baraha bulshada internetka.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Xog Dhageyso: Xilka Qaadista Taabit oo Meel Xasaasi...

$
0
0

Aug 14, 2017 -
Sida ay sheegayaan Xogo gaar ah oo helnay Magaalada Muqdisho waxaa ka socda qaban qaabada kulan taageero loogu raadinayo guddoomiyaha gobolka Thaabit Cabdi oo ay hor kacayaan Odoyaal caan ah kana tirsan beesha Mudulood.
Arrintan ayaa timid kadib markii Agaasimaha Villa Somalia oo ah nin siyaasada dalka awood ku leh Fahad Yaasiin uu ku qanciyay Madaxweyne Farmaajo in Thaabit uu ku fashilmay taageerada dadka uu matalo islamarkaana aaney madaxtooyadu xamili karin culeyska beelaha gobolka iyo cabashadooda, sidaa darteedna Madaxweyne Farmaajo uu Thaabit u yeerey kuna wargaliyay inuu is casilo ama uu keeno taageerada beelaha uu matalo.
Xafiiska Agaasimaha madaxtooyada Fahad Yaasin ayaa si sir ah looga heley in Guddoomiyaha Gobolka Thaabit oo difaacanaya kursigiisa uu 40 kun oo doolar u dhiibay odoyaal uu horkacayo nabadoon Cabdullaahi Geeddi Shadoor si loogu qabto kulan taageera ah oo lagu qancinayo Madaxweynaha iyo Agaasimaha madaxtooyada, iyada oo dhawaan la qabanayo kulan beesha mudullood ay ku leedahay waan taageersanahay guddoomiyaha gobolka, taasi oo Madaxweyne Farmaajo si hordhac ah loogu sii sheegay,
Sidoo kale Fahad yaasiin oo la aaminsan yahay in uu ka dambeeyay in gudoomiye laga dhigo taabit ayaa hadana wata shaqsi kale oo ka dhashay Beesha Abgaal kaasoo loo arkay in uu Dowlada Farmaajo kusoo xeri karo beelaha dagan gobalka Banaadir.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Dhageyso: Abuu-masuur oo Sirtii Ugu Cusleyd Shaaca...

$
0
0

Aug 14, 2017 -
iyadoo Maanta Magaalada Muqdisho laga soo dajiyay Sheekh Muqtaar Rooboow "Abuu-mansuur" islamarkaana la kulmay R/wasaaraha Somalia ayaa kulanka R/wasaaraha kadib waxaa loo gudbiyay xaruunta Nabad-sugida Qaranka ee Magaalada Muqdisho.
Sarkaal si dhow ula socda Xaalada Sheekh Muqtaar kana tirsan Taliska NISA ayaa Caawa nala wadaagay Xogo sir ah oo si hor dhac ah looga helay Abuu-mansuur waxaana uu caddeeyay in warkaan uu noqon doono midka Ugu saameynta badan.
Sarkaalkaan oo diiday in aan Magaciisa baahino ayaa sheegay in Muqtaar Rooboow uu R.wasaare kheyre iyo Taliyaha NISA Sanbaloolshe la wadaagay Liiska Siyaasiyiin Caan ah iyo Ganacsato waaweyn oo si hoose uga tirsan Shabaabka balse waxaa uu sarkaalkaan naga diiday in uu shaaciyo Magacyada liiska ku qoran.
Sarkaalkaan ayaa inoo sheegay kaliya in uu nala wadaagi karo Xiligaan wixii ka dambeeya in shabaabka muqdisho iyo gobalada dalka uu waqtigooda dhamaaday sirtii u qarsaneydna dowlada usoo gacan gashay.
Waxaa lagu wadaa caawa ama beri in Madaxweynaha Soomaaliya lala kulansiiyo Muqtaar Rooboow kadibna waxaa loo soo bandhigi doonaa warbaahinta isagoo sharaxaya marxaladihii uusoo maray iyo sababta uu isku soo dhiibay.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Qaniinyo ayaa qaniinyo kaa fujisaa

$
0
0

14th August 2017 admin Category :
Qaniinyo ayaa qaniinyo kaa fujisaaW(axaa qoray Ahmed Osman, akas A.A Ali)
Dhiiggii Soomaalida ee 25 sano qubanaayey waxaa maanta beddelay dhurwaa iyo yeey dharaar cad ku diiraneyso.
Sida aad ogsoon tahay, guuguulihii iyo giddi habar-dugaagba ee ka ciyi jirtay dhammaan keymaha geyiga Soomaaliyeed, waxaa maanta beddelay jugta iyo guuxa saanadeed ee ay nagu garaacayaan kuwa isku bahaystay naceybka iyo gumaadka ummadda Soomaaliyeed.
Haddaba, haddii gododkii waraabaha iyo halaqyada ay ka soo jeedaan Alshabaab, Mooriyaan, Barre Hiiraale, mid Saacid Hurdaaye ka sii daran, Xassan Culusow iyo laaluushqaateyaal xildhibaan, walaalow, maxaad iigu diganeysaa haddaan u ooyey nabaddii, sharcigii, sharaftii iyo karaamadii ummadda Soomaaliyeed ee cirka lagu laalay.
Adeer, miyaadan arag, hooyada Soomaaliyeed ee inta ninkeeda hortiisa lagu kufsaday, kadibna ay maxkammad ee waddan Muslim ah ay iyadii xabsi ku xukuntay, kii dembiilaha ahaana abaalmarin iyo dallacaad darajo lagu dhoobay.
Adeer, guri aad u qurxoon baa waxaan ka dhistay Xamar oo waagii hore ee la oran jirey Muqdisho. Hadda, aniga iyo carruurteydaba dibaddaan wareegna sidii dugaagiiye, gurigii aan dhisteyna waxaa ku mushaaxayaa rag kale oo aan abaal iyo aqoonsi midna ii quurin.
Waa runtaa, Cabdi Weli waa ninkii soo dhisay distuurka federaaliga wuuna ku mahadsan yahay, illaase maanta yaa maalayaa sharcigii iyo distuurkuba.
Adeer, sidii gurigeyga loo bililiqaystay ayaa sharcigii iyo distuurka aad sheegeysid loo galay, ee haddaad booddid ama dhacdid waxba kama qaban kartid ee bal yaabkaasi ogow.
Midda kale, distuurka aad sheegeysid soo ma aha kii uu qoray Xoosh Jibriil oo sarkhaansan. Haddaba, wuxuu ahaan lahaaba, nin Culusow la baxay ayaa intuu jeexjeexay kadibna musqusha la aaday oo ............ (fadlan ii dhammaystir). Haddaba, distuurka uu sidaasi Culusow u gelayey, hadduusan ahayn distuuri wacal ah (illegitimate constitution) muxuu marna Cabdi Weli uga hadli waayey, mise Faroole ayaa looyar ama macallin u ahaa?
Adeer, Cabdullaahi Yusuf (Ilaah ha u naxariiste) waa tii isagoo Madaxweyne ah loo tarxiilay Baydhabo, laguna yiri "ar hooy, Xamar uma aadan dhalan ee wur, halkaasi soo dhaaf".
Waxaa la yiri 'qaniinyo ayaa qaniinyo kaa fujisaa' ee Cabdi Weli sidee buu Xamar muddo dheer ugu noolaa hadduu isna markiisa uu waraabuhu qaniini jirin?
Runtii, aad baan u nacbanaa Faroole, waayo isla markii uu yimidba wuxuu qashinka ku daray wasiiro iyo madax kale oo aanu saaxibbo ahayn, waxaana la igu yiri sida 'Yahuudda' oo kale ayuu Absamaha iyo Daaroodka kale u naceb yahaye ee iska ilaaliya.
Anoo aqoon ama eex iga ahayn, waxaan aaminsanaa in Faroole uu wax badan Puntland u qabtay sidaasi awgeedna uu si sahlan ku soo laaban doono. Horumarinta, dhisidda geyiga Puntrland iyo middeynta Daaroodka ka sokow, waa ninka keli ee Xassan Culusow iyo jinkiisa inta uu dhalo ku xiray, kadibna ku yiri "waryaa Culusow, Xamar kama soo bixi kartid", kadibna soo masaxay raadka meel kasta ee uu Culusow adduunka cagta ka saaray.
Waxaa kaloo lagu xantaa, in Faroole uu ahaa ninkii Saacid Hurdaaye siiyey kaniinka hurdada oona seexiyey kadib markii uu afgaran waayey.
Waxaan marnaba illaaweyn, sida qalbiga iyo walaaltinimada buuxda ee uu ugu hiiliyey Jubbaland markuu dhurwaagii usoo dhacay. Culusow markuu daldalanayey meydka mooriyaanta, Dr Faroole waa kii bukaanada Puntland inta isbitaalka ka saaray kadibna ku beddelay dhaawacyadii Jubbaland.
Waxaan Ilaah idinkiisa filayey, goorta Faroole uu soo laabto, horumarka iyo barwaaqada uu dadkiisa u horseedo ka sokow, in uu sameysan lahaa sayruukh iyo dayaxgacmeed kadibna reer Puntland ay dayaxa u casho tegi lahaayeen.
Faroole, aragtidii aan ka qabay aad buu iiga qanciyey, ee walaalkey cabdi Weli hadduu waraabaha uu isna markiisa qaniinayo ama uu si kale nooga dhicinayo, Walle qalbi iyo gacmo furan ayaan kuu soo dhoweyneynaa, waxaanna isaga iyo shacbiga Puntland u rajeyneynaa guul iyo barwaaqo daa'iman ah.
Adeer, waxaan maqli jirey halku dhegga 'Hawiye turub baray', mana aan ogeyn in macnaheedu yahay 'Hawiye xasuuq iyo dhul boob baray sida Yahuudiiye'. Riwaayadda maanta ka socoto Shabeelooyinka waa tii aanu 1948 ku daawanay Falistiin (Palestine),haddeer Soomaaliya, wakaasi dadkii dhulka lahaa lagu ooday meelo dhagaxyo waaweyne ee dalalka deriska, oo bahdil, qaxar, gaajo iyo dhib looga dhigay mehered iyo masruuf.
Waxaa la yiri 'in the land of the blind, the one eyed man is the king'. Haddaba, Madaxda Puntland iyo Jubbaland waxaa laga doonayaa in ay noqdaan waraabe waraabe ah, mas suntiisa aan laga kicin iyo geesino sida nin waalan oo aan marna gadaal usoo jeedsan, xoog, addin, miciyo libaax iyo af soofeysan oo aan soo laabban sida mindida kawaanlaha.
Caliyow, going down to Memory Lane, waad ogsoon tahay halkii arrinta Maamulka Jubbaland iyo Axmed Madoobe aan ka joogay. Fadlan, kuwa weli isla meeshii taagan, waxaad iga gaarsiisaa fariinta ah 'qofka ugu dambeeyo Jubbaland, fadlan nalka ha soo demiyo (please, may the last person to leave Jubbaland switch off the lights).
Haddaba, su'aashu waxay tahay:- Mar haddii Dr Cabdiraxmaan Moxamuud Faroole ciida la cunsiiyey- Mar haddii Culusow iyo jinkiisi dhalada (bottle) laga siiddaayey- Mar haddii Saacid Hurdaaye lagu beddelay mid ka sii daran- Mar haddii Axmed Madoobe uu bakhti afuufayo Barre Huuraale- Mar haddii cirka lagu lalay nabaddii iyo horumarkii Jubbaland laga filayey- Mar haddii ciidankii Jubbaland inta gacmaha laga xirxiray, kadibna cadowgoodu sida ey gaajeysan loogu soo daayey- Mar haddii halgan cusub iyo nacasnimo reerkayagu dhex jifo
Caliyow, adiguba caqlaad leedahaye carar maxaa dhaamma?
Thank you!
Waxaa qoray Ahmed Osman, akas A.A Ali
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live