Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Daawo:Warar deg deg ah oo cawa kayimid maamul...

$
0
0

Aug 16, 2017 -
Wararkii ugu danbeeyay ee gudaha dalka soomaaliya caawa naga soo gaaray waxaana kamid ah qodobo xasaasi ah oo aad ku dhageysan warkeyna manata.
Wararkaan aadka u xiisaha badan ayaa caawa naga soo gaaray guud ahana maamul goboleedyada dalka kajira waxaana kamid ah qodobo siyaasadeed.
Arinta kale oo xasaasiga ah ee nasoo gaartay ayaa ah isku shaadheyn lagu sameyn rabo golaha wasiirada ee xukumada Kheyre iyo arintii Sheekh Mukhtaar Rooboow oo warar cusub caawa kusoo kordhay.[embedded content]
Nagala soo xiriir
storvideo: 


Prof. Saleebaan Ahmed Guleed waa kuma? Muxuuse...

$
0
0

Prof. Saleebaan Ahmed Guleed waa kuma? Muxuuse qabtay? ( Halkan kaga bogo taariikhdiisa iyo wax qabadkiisa oo maqal ah )
Waxa Daabacay staff-reporter on Aug 16th, 2017 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.
Awdalpress - London - Shakhsiga aan maanta jeclaysannay in aan idin barraa, waa Prof. Saleebaan Ahmed Guled oo ah guddoomiyaha Jaamacadda Amoud.
Prof. Saleebaan waa shakhsi intii uu dalku baaba'ay iyo ka horba noloshiisa u hibeeyey in uu barbaariyo da'yar aqoon leh. Waanu ku guulaystay. Waxana xusi doonta taariikhda. Waxanan leenahay hawshaa mugga leh ee aad da'yarta u qabtay Ilaahay ha kaa jazaa'i siiyo.
[embedded content]
Awdalpress
This post has been viewed 235 times.
storvideo: 

Hargeysa oo lagu qabtay shir sare loogu qaadayo wax soo saarka beeyada

$
0
0

Hargeysa waxaa lagu qabtay shir-hawleed saddex maalmood soconaya oo sare loogu qaado wax soo saarka iyo ka ganacsiga beeyada, xabkaha iyo faleenka

Muhaajiriin laga soo badbaadiyay xeebaha Spain

$
0
0

Ilaalada xeebaha dalka Spain ayaa soo badbaadiyay ku dhowaad lix boqol oo qof shan iyo toban doon—oo ka soo shiraacday dalka Marooko.

Guusha Reer Maakhir

$
0
0

16th August 2017 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

Reer Maakhiroow Inangumeed Calanwalaynaya iyo dabadhilifyada la socda ee reer Maakhir sidan ayaad uga adkaan kartaan, guushuna idiin raaci doontaa
Inangumeedkii Dhowaan lagu soo dhoweeyey magaalada Hadaaftimo ee gobolka Sanaag iyo kuwii reer Maakhir ee Dabadhilifyada u ahaa ee ku soo dhoweeyey magaaladaas, waa sii ballameen maalintii shalay , waxayna ku ballameen in bisha kow iyo tobnaad ee sanadkan ay doorashada Beelaha Isaaq ay ka qabsoonto degaanada Maakhir.
Balantan ay inangumeedku iyo Dabadhilifyadu wada galeen labo arimood ayaa reer Maakhir uga hortegi karaan oo ku fashilin karaan labadan bilood ay balameen
Arinta kowaad ayaa waxay tahay, in Qof kasta oo reer Maakhir ah oo shaqeeya oo ku nool qurbaha, maanta laga bilaabo inuu balan qaado inuu ugu deeqayo $1000 doolar ugu deeqayo jidka Ceel daahir iyo Ceerigaabo. Sababtoo ah Isaaq iyo kuwa la socdaa waxay dumiyaan ama dilaan maahee weligood gobolka sanaag wax kama qaban. Arintani waxay kalsooni buuxda siinaysaa bulshada degaanka, waxayna abuuraysaa midnimo bulshada dhexdeeda ah. waxayna keeni doontaa arin farxad gelisa bulshada iyo in lagu soo dhici waayo in mar labaad inangumeedyo lagu soo galbiyo gobolka.
Arinta labaad ayaa waxay tahay, in Bulshada reer Maakhir guud ahaan laga wacyi geliyo in Suladaan Siciid, Ninka bahogayslane ee Jiir Bulqaas, Nimanka Nuux Cumar ee Ina Jaamac Xaamud iyo indho case , Odayga Ogayslabe Cadami, Ina Ibrahim Tuur iyo ninka Dubays ee Cali buureed ay yihiin niman la shaqeeya cadowga Maakhir, khatar ku ah Saldanadda Warsangeli, doonayaana inay amni xumo degaanka ka abuuraan. Si howl yari deganka loogu qaato.
Allsanaag.com
a sharaf
Post navigation
- Puntland oo Taageertay Sacuudiga iyo Imaaraadka Seexaaradihii SNM oo gacanta lagu dhigay -
storvideo: 

Muhaajiriin laga soo badbaadiyay xeebaha Spain

$
0
0

Ilaalada xeebaha dalka Spain ayaa soo badbaadiyay ku dhowaad lix boqol oo qof shan iyo toban doon--oo ka soo shiraacday dalka Marooko.
Saraakiisha dalkaasi ayaa sheegaya in doomaha dalkaasi gaaray ay saddex jeer ka badan yihiin kuwii sanadkii hore, kuwaas oo ay saaran yihiin muhaajiriin. Qaramada Midoobay ayaa sheegeysa in siddeed kun oo qof ay tageen dalka Spain sanadkan.
In ka badan boqol iyo labaatan qof ayaa loo maleynayaa inay ku quuseen xeebaha Spain iyagoo isku dayaya inay dalkaasi gaaraan.
Tiro intaa ka badan - ku dhowaad boqol kun - oo ka tegay dalka Liibiya ayaa gaaray Talyaaniga tan iyo bilowgii sanadkan.
storvideo: 

Dad ku dhintay duqemaha cirka ee Suuriya

$
0
0

Toddoba iyo toban qof oo rayid ah ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen duqeymo dhanka cirka ah oo magaalada Raqqa ee dalka Suuriya ay ka geysteen isbahaysiga uu Mareykanku hoggaaminayo.

Dad ku dhintay duqemaha cirka ee Suuriya

$
0
0

Toddoba iyo toban qof oo rayid ah ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen duqeymo dhanka cirka ah oo magaalada Raqqa ee dalka Suuriya ay ka geysteen isbahaysiga uu Mareykanku hoggaaminayo.
Hay`adda xuquuqda aadanaha Siiriya ee fadhigeedu yahay dalka Britain ayaa sheegtay in dadku ay dhinteen markii ay socdeen weerarrada lagu qaaday degmada qaddiimiga ah iyo deegaanno ku xeeran.
Waxay sheegtay in tirada weerarkii ugu dambeeyay ku dhintay ay ka dhigeyso soddon iyo siddeed tirada rayidka ku dhintay weerarrada dhanka cirka ah tan iyo Isniintii.
Isbahaysiga uu Mareykanku hoggaaminayo ayaa taageeraya Kurdiyiinta iyo dagaal yahannada Carbeed ee isku dayaya in magaalada Raqqa ay ka qabsadaan kooxda isku magacawday Dowladda Islaamiga ah.
storvideo: 


Grace Mugabe oo codsaneysa xasaanad diblomaasiyadeed

$
0
0

Dowladda Zimbabwe ayaa xasaanad diblomaasiyadeed u raadineysa xaaska madaxweyne Robert Mugabe oo ku aaddan kiiska xadgudubka ah ee loo haysto, kaas oo ka dhacay dalka Koofur Afrika, sida ay sheegtay wasaaradda booliiska Koofur Afika.

Grace Mugabe oo codsaneysa xasaanad diblomaasiyadeed

$
0
0

Dowladda Zimbabwe ayaa xasaanad diblomaasiyadeed u raadineysa xaaska madaxweyne Robert Mugabe oo ku aaddan kiiska xadgudubka ah ee loo haysto, kaas oo ka dhacay dalka Koofur Afrika, sida ay sheegtay wasaaradda booliiska Koofur Afika.
Grace Mugabe ayaa weli ku sugan Koofur Afrika, sida ay wasaaraddu sheegtay, warkan oo khilaafsan wararkii hore ee sheegayay inay dib ugu laabatay Zimbabwe.
Haweeney 20 sano jir ah oo u dhalatay dalka Koofur Afrika ayaa ku eedeysay Grace Mugabe inay tacaddi ugu geysatay hotel ku yaalla magaalada Johannesburg Axaddii.
Booliiska ayaa filayay in Grace oo 52 sano jir ah, inay booliiska hortimaaddo Talaadadii, balse ma aysan sameyn.
Dowladda Zimbabwe ayaa u dalabtay Grace xasaanad diblomaasiyadeed, sida ay wasaaraddu sheegtay.
Xaaska Mugabe oo lasoo taagayo maxkamad ku taala K/Afrika
Xaaska Mugabe oo Zimbabwe ku laabatay iyadoo tacaddiyo loo haysto
Si kastaba, Koofur Afrika ayaa weli dooneysa inay hubiso in Grace la soo marsiiyo hannaanka sharciga ah, sida ay wasaaraddu xustay.
Dowladda Koofur Afrika ayaa khatar ugu jirtay inay cambaareyn la kulanto haddii ay Grace Mugabe fasaxdo.
Tan ayaa dhacday sanadkii 2015-kii, markii ay dowladda Koofur Afrika ku guul-darreysatay inay qabato madaxweynaha dalka Suudaan Cumar Al-bashiir oo ay dooneysay Maxkamadda Dembiyada Caalamiga ah.
Dowladda Koofur Afrika ayaa ku doodday in madaxweyne Al-bashiir uu u qalmay xasaanad diblomaasiyadeed, balse xaakimiinta dalkaasi ayaa ku gacan seyray. Dowladda ayaa kaddib si xooggan loogu cambaareeyay inay jebisay qeynuunka.
Waxay u muuqataa in dowladdu ay dooneyso inay ka fogaato in cambaareyn kale ay la kulanto, sidaas darteed waxay ku adkeysaneysaa in Grace Mugabe ay qasab tahay inay maxkamdd ka soo muuqato.
Balse inay tallaabadaasi qaaddo, waxay khatar gelineysaa xiriirka diblomaasiyadeed ee ay la leedahay dowladda Zimbabwe - oo ay xulafo yihiin, isla markaana ay si aad ah u difaaceysay muddo sanado ah iyadoo ay jirto cambaareyn caalami ah oo ka dhan ah taariikhda xuquuqda aadanaha ee madaxweyne Robert Mugabe.
Sidaa daraaddeed labada dowladood waxaa looga fadhiyaa inay wada hadal yeeshaan si ay u xalliyaan kiiska Grace.
Haweeneyda u dhalatay Koofur Afrika, Gabriella Engels, ayaa ku eedeysay Grace Mugabe inay madaxa uga garaacday qaybisada korontada.
Arrintan ayaa dhacday kaddib markii ay Grace aragtay haweeneydaas oo labadeeda wiil, Robert iyo Chatunga, la fadhisa qolka hotel ku yaalla magaalada Johannesburg, fiidnimadii Aaxaddii.
Wiilasha Grace Mugabe, oo labadooduba da`da 20-naadka ku jira, ayaa waxay ku nool yihiin Koofur Afrika.
storvideo: 

XOG:Musharixiin saameyn kulahaa doorashadii Farmaajo...

$
0
0

Aug 17, 2017 -
Warar hoose oo lagu kalsoonyahay oo haatan heleyno ayaa sheegaya in liiska golaha wasiirada cusub ee lagu wado dhawaan in oo soo baxo kasoo mid noqon rabaan shaqsiyaad qeyb ka ahaa doorashadii dalka kadhacday.
Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in liiska golaha wasiirada kasoo muuqan donaan ilaa sadax musharax kuwaasi oo qeyb ka ahaa tartankii doorashada oo ku guuleystay madaxweyne Farmaajo.
Sadaxdaas musharax ayaa kala ah Zakariye Xaaji Cabdi,Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo waliba Cali Xaaji warsame waxaana lashegayaa in kasoo muuqdaan golaha wasiirada.
ZAkariye Xaaji ayaa ahaa nin saameyn xoogan kulahaa in ladoorto madaxweyne Farmaajo waxaana oo jeediyay qudbad aad u xasaasi ahayd kahor xiliga doorashada labilaabi rabo waxaana oo si toos ah ugu karbaashay madaxweynihii hore ee soomaaliya iyo waliba Generaal Gabre.[embedded content]
Isku soo wada duub sadaxdaan musharax ayaa ah shaqsiyaad saameyn xoogan kuleh barlamaanka soomaaliya waxaana lashegayaa in ay baajin doonto mooshinada laga keyno shaqsiyaadka qeybta ka ah xukumada Kheyre.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Xog Sir ah Dhageyso:MD Farmaajo oo xabsi guriga ku...

$
0
0

Aug 17, 2017 -
Sida ay sheegayaan ilo u dhow dhow xafiiska madaxweynaha dalka soomaaliya ayaa sheegaya in madaxweynaha oo booqday wadaadka xabsi guriga ku ah magaalada muqdisho ee Sheekh Xasan Dahir Aweys.
Kulankaas ayaa lashegayaa in goob joog ahayeen qaar katirsan saraakiisha dowlada soomaaliya waxaana lashegayaa in madaxweynaha ku booqday wadaadkaas oo weli aan cadeyn mowqifkiisa.
madaxweynaha iyo Sheekha ayaa kawada hadlay arimo farabadan oo kamid tahay xaaladiisa caafimaad madaama mudooyinkaan sheekh oo iska xanuunsanaa.[embedded content]
Farmaajo ayaa lashegayaa in sheekh ka codsaday in ka tanaasulo kamid ahaan shaha kooxdii shabaab oo hore oga tirsanaa kadibna lasiin deyn doono.
Wadaadka ayaa siweyn usoo dhaweeyay masuuliyiinta dowlada gaar ahaan madaxweynaha waxaana lashegayaa in mudo wada qatayn inkastoo Sheekha oo sheegay in waqti lasiiyo.
Arintaan ayaa imaaneyso xili maalinimadii shalay mowqifkiisa ku cadeeyay wadaadka baxsadka ka ah kooxda shabaab ee Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Xog Sir ah Vedio:Mukhtaar Rooboow iyo Xasan Dahir...

$
0
0

Aug 17, 2017 -
Sida ay sheegayaan wararka aan ka heleyno saraakiisha ciidamada nabad sugida qaranka soomaaliya oo gacanta ku heyso amaanka Sheekh Mukhtaar Rooboow ayaa sheegaya in maanta u geeyeen hogaamiyihii xisbul islaam.
Mukhtaar Rooboow ayaa maanta booqday Xasan Dahir Aweys oo xabsi guri ku ah magaalada muqdisho waxaana lashegayaa in labada hogaamiye waqti wada qaateen.
Labadaan hogaamiye oo mudo farabadan kasoo wada tirsanaa xogagii awooda balaarnaa kulahaa koofurta iyo bartamaha dalka soomaaliya ayaa lashegaya ain oga wada hadleyn xaaladihii ugu danbeyse dalka iyo dagaalada dalka kasocda.[embedded content]
Labadaan masuul oo kulankooda qaatay mudo saacado ah qeybna ka ahayeen saraakiisha nabad sugida qaranka ayaa lashegayaa in kawada hadleyn xaaladihii ugu danbeyse arimahooda gaarka ah.
Labadaan Sheekh ayaa qeyb ka ahaa golahii maxkamadaha islaamiga oo koofurta iyo bartamaha soomaaliya ka saaray hogaamiye kooxeedyadii dalka ka arimin jiray kadibna dagaalo xoogan la galay dowladihii dalka soo maray.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Daawo:Wadaad xog halis ah kashaaciyay shaqsiyaadka...

$
0
0

Aug 17, 2017 -
Sheekh Cali Raage oo kamid ah wadaadada sida aadka ah oga faalooda arimaha siyaasada iyo diinta ayaa kahadlay soo dhiibista wadaadka xiligaan baxsadka ka ah kooxdii oo wax ka aas aasay ee Mukhtaar Rooboow.
Cali Raage ayaa sheegay in guul weyn u tahay dowladii Farmaajo imaatinka Rooboow waxaana oo sheegay in looga faa iideysan karo arimo farabadan.
Waxa oo ku daray in xasiloonida iyo hormarka balaaran ee dalka kasocda loogu adeygsan karo wadaadka waxaana oo fariin udiray kooxdii oo kasoo tagay oo hore oga tirsanaa inkastoo xogo farabadan toosh ku iftiimiyay wadaadka.[embedded content]
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Real Madrid oo Ku Guuleysatay Super Cup-ka Spain 

$
0
0

Kooxda Real Madrid ayaa hanatay koobka Super Cup-ka dalka Spain, kadib marki ay 2-0 ku garaacday xalay kooxda Barcelona, is araga labaad ee finalka koobkan.


Real Madrid oo Ku Guuleysatay Super Cup-ka Spain 

$
0
0

WASHINGTON. D.C --
Kooxda Real Madrid ayaa hanatay koobka Super Cup-ka dalka Spain, kadib marki ay 2-0 ku garaacday xalay kooxda Barcelona, is araga labaad ee finalka koobkan.
Lugti koowaad ee ay labadani kooxood ciyaareen todobaadki hore ayaa Real waxay kusoo badisay 3-1, sidaasi daraadeed isu geynta goolasha ee labada lug ayaa ka dhigeysa in Barcelona looga badiyey 5-1.
Ciyaarti xalay, Real iyada ayaa ku gacan sarreysay, xittaa maqnaashaha xiddigooda sare ee Cristiano Ronaldo oo ganaaxan wax saameyn ah kuma yeelan.
Goolka hore waxaa Real u furay laacibka da,da yar Marco Asensio, halka goolka labaadna uu saxiixay Karim Benzema. Dhanka Barca aad ayey ugu cusleyd inay hesho gool, laba jeer ayey sigeen shabaqa Real markaasoo ay Messi iyo Suearez garaaceen tiirka goolka.
Real Madrid oo hadda ah horyaalka Yurub iyo kan Spain, ayaa u muuqata koox aanan la jibi karin. Sababta ugu weyn ayaa loo aaneynayaa laacibiinta ay heysato oo ah kuwo muddo isla ciyaarayey iyo tababare Zidane oo ah nin leh khibrad dhinaca kubadda cakta ah.
storvideo: 

11 qof oo Soomaali ah oo siyaabo kaladuwan loogu...

$
0
0

Muqdisho(SONNA) Dilalka loo geysto Soomaalida ku nool dalka South Africa ayaa isa soo taraya mudooyinkii dambe, waxaa jira dilal is xig xiga oo loo geystay ganacsato Soomaali ah, kuwaasi oo goobo ganacsi ku kala lahaa deegaano kala duwan oo ka kala tirsan gobalada Limpopo,Gueteng ,Kwazunatala, iyo gobolka Western Cape .
Kooxaha burcada ah ee weerarada ku dilay ganacsatada Soomaalida ayaa 20 kii maalmood ee lasoo dhaafay waxaa ay nafta dhaafiyeen ilaa 11 ruux oo Soomaali ah, kuwaasi oo goobo ganacsi ku lahaa deegaanada isku raranka ah ee Soomaalida ganacsiyada ku leeyihiin.
"11 kaa qof ee la dilay waxaa lagu kala dilay qaar ka tirsan gobolada dalka South Africa,goboladaas ayaa lagu laayay dadkaan oo burcada ay ku weerartay ganacsigooda," Sidaasi waxaa warbaahinta qaranka u sheegay Cabdiraxmaan sheekh Cumar"Ukun" guddoomiye ku xigeenka jaaliyadda Soomaaliyeed ee South Africa.
Asaga oo hadalkiisa sii wata waxaa uu guddoomiye ku xigeenka sheegay in dadkaan la dilay saddax ka mid ah dilalkooda loo adeegsaday in nafta lagu gubo
"Dadkaan qaarkood ama saddax ka mid ah dilalkooda waxaa uu yimid markii lagu gubay goobahooda ganacsiga midkii ugu dambeeyay dhaawac ahaan ayaa isbitaalka loo geeyay halkaas ayuu ku dhintay"
Dilkii ugu dambeeyay waxaa uu ka dhacay xaafada lagu magacaabo khaliija ee hoos timaada magaalada Cape Town habeen kahor kooxo burcad ah ah ayaa dil u geystay ganacsade lagu magacaabi jiray Shire Maxamuud Tawiis xilli uu kusii jeeday guri uu daganaa sida uu warbaahinta qaranka u sheegay Cabdikariim Xasan Caddow oo goob ka ahaa dhacdadaas.
"Dhacdada sida ay u dhacday waxaa waaye ayaga oo dukaanka kasoo baxay oo wata Cashadii ay cuni lahaayeen una socda xaafadii ay seexan lahaayeen ayaa jidka loo galay xabado ayaa lagu dhuftay kadibna waa ay isaga carareen asna halkaas ayuu ku dhintay"
Ilaaa iminka majirto cid loo soo qabtay falalkaan naxdinta leh ee lagu dilay muwaadiniintaan Soomaaliyeed oo loo soo bandhigay warbaahinta waxaana jira baritaano ay wadaan ciidamada Police-ka.
storvideo: 

Booliska Gaalkacyo oo howlgalo ku qab qabtay...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter
Muqdisho(SONNA) Ciidamada booliska magaalada gaalkacyo ee Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ayaa ku guuleystay in ay gacanta ku soo dhigaan kooxo muddooyinkii u dambeeyay ay ciidamadu ku raad jogeen, kuwaasi oo ka ganacsada waxyaabaha maanka dooriya.
Taliyaha Saldhigga ciidanka Booliiska magaalada gaalkacyoCapten Cawil Nuur Rooble ayaa warbaahinta uga waramay howlgalkaan iyo waxyaabaha lagu soo qabtay, kuwaasi oo saxaafadda loogu soo bandhigay gudaha Saldhiga.
Taliyaha ayaa sheegey in howlgal ay sameeyeen ciidamada Boolisku ay baaritaano ku hayaan koxahaasi, islamarkaana talaabo laga qaadi doono.
Ka ganacsiga Maandooriyaha ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey ku soo badanayay magaalada Gaalkacyo, waxana talaabadan ay qaadeen ciidamada Boolisku ay horseedeysaa in ay hoos u dhacaan falalka dhiiragelinaya dhibaatooyin ka dhex dhac bulshada dhexdeeda.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous article11 qof oo Soomaali ah oo siyaabo kaladuwan loogu dilay K/Afrika warbixin

storvideo: 

FBI-da oo Lacag Siineysa Ciddii Sheegta Qofki Qarxiyey Masjidka Darul Faaruq ee Minnesota

$
0
0

Hay’adda FBI-da ee dambi-baarista Maraykanka ayaa kudhowaaqday abaalmarin lacageed oo dhan 30 kun oo dollar oo la siin doono cidda soo sheegta dadkii ka dambeeyey weerarkii qaraxa ahaa ee loo gaystay masaajidka Daarul Faaruuq ee magaalada Bloomington ee Gobolka Minnesota.

FBI-da oo Lacag Siineysa Ciddii Sheegta Qofki...

$
0
0

WASHINGTON. D.C --
Hay'adda FBI-da ee dambi-baarista Maraykanka ayaa kudhowaaqday abaalmarin lacageed oo dhan 30 kun oo dollar oo la siin doono cidda soo sheegta dadkii ka dambeeyey weerarkii qaraxa ahaa ee loo gaystay masaajidka Daarul Faaruuq ee magaalada Bloomington ee Gobolka Minnesota.
Weerarkaas ayaa dhacay laba toddobaad ka hor, ilaa hattan cid looma qaban. Ururrada islaamka ayaa iyaguna ballanqaaday 24kun oo doolar.
Haaruun Macruuf ayaa wararkii ugu dambeeyey ka waraystay Maxamed Maxamuud Maxamed Carab oo ah Mamaulaha Masaajidka.

Embed code
Copy and paste the embed code below.
The code has been copied to your clipboard.
0:06:39
0:00:00 /0:06:39
Direct link
Pop-out player
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live