Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Warar lama filaan ah oo kasoo baxaya Xiisadda H...

$
0
0

Aug 20, 2017 -
Madaxweynaha Hiirshabelle Cali Cabdullahi Cosoble oo ku sugan magaaladda Muqdisho ayaa diiday inuu la kulmo Ra'isul wasaaraha dowladda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.
Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in kulamo xasaasi ah ay ilaa xalay usocdeen Xildhibaanadda labada aqal ee dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa kasoo jeeda Hiirshabelle, madaxweyne Cosoble, gudoomiyaha barlamaanka maamulkaas iyo xubno kale.
Arrimaha kulankan looga hadlay waxaa kamid ah sidii loo xalin lahaa khilaafka iyo in laga laabto xilka qaadistii lagu sameeyay madaxweynaha Hiirshabelle.
Sidoo kale, madaxweynaha Hiirshabelle ayaa laga dalbaday inuu ka laabto go'aankii uu Ra'isul wasaare Kheyre ugu eedeeyay inuu ka dambeeyay in la rido isla markaana uu la kulmo.
Laakiin Cosoble ayaa lasoo sheegayaa inuu diiday dalabkaas, inkastoo warar kale ay sheegayaan in ugu dambeyn uu badalay fikirkiisa.
"Madaxweynaha wuxuu soo bandhigay qaabka ay dowladu udooneyso in xilkaas isaga laga qaado, marka waxa uu diiday waa in dowladii ridi laheyd uu la kulmo"ayuu yiri xubin katirsan maamulka Hiirshabelle.
Madaxweynaha Hiirshabelle ayaa dhanka kale waxaa la filayaa inuu la kulmo xubno ka socda madaxtooyadda gaar ahaan agaasimaha madaxtooyadda iyo wasiiru-dowlaha madaxtooyadda si ay arrintaas ugala hadlaan.
Dowladda Soomaaliya ayaa umuuqata mid taageersan xilka qaadista COSOBLE, Laakiin xaaladda oo adkaatay ayaa keeni karta in si deg deg ah wadahadal loogu xaliyo arrintan.
Dhawaan ayay xildhibaanadda Hiirshabelle sheegeen iney xilka ka qaadeen Cali Cabdullahi Cosoble laakiin waa uu diiday arrintaas isagoo ku tilmaamay afgambi laga soo abaabulay xafiska Ra'isul wasaare Kheyre.
Nagala soo xiriir
storvideo: 


Qaban qaabo lagu soo dhaweynayo Madaxweyne Farmaajo...

$
0
0

Mas'uuliyiinta safaaradda Soomaaliya ee dalka Masar iyo jaaliyadda Soomaaliyeed oo kunool magaalada Qaahira ayaa isku diyaarinaya sidii ay u soo dhaweyn lahaayeen wefdiga madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Waxaa lagu arkaya xarunta safaaradda iyo meelaha ay degan yihiin Soomaalida kunool dalkaasi Masar qaban qaabo xoogan, dadka ayaa isku diyaarinaya sidii ay u soo dhaweynahaayeen madaxweynaha Soomaaliya oo lagu wado in maanta uu gaaro dalkaasi Masar. Safarka madaxweynaha oo lafilayo in maanta uu ugu amba boxo Masar ayaa ka dambeeyey kadib markii casuumaad rasmi ah uu ka heley dhigiisa dalkaasi. Madaxda ayaa lafilayaa in ay kawada hadlaan xiriirka labada dal, iyadoo dhanka kale madaxweynaha Jabhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Max'ed C/llaahi Farmaajo uu maalinta isniinta ah la kulmi doono jaaliyadda Soomaaliyeed ee kunool dalkaasi.
storvideo: 

DAAWO: Prof Cabdi Samatar oo Wareysi xasaasi ah uga...

$
0
0

Aug 20, 2017 -
Prof Cabdi Samatar oo kamid ah aqoonyahanadda Soomaaliyeed kana soo muuqday dhanka siyaasadda ayaa wareysi uu bixiyay kaga hadlay arrimo badan.
Waxaa uu sheegay in Soomaaliya ay ku socoto xaalad aad uwanaagsan laakiin waxaa uu rajo beel ka muujiyay sida ay maamuladda goboladda udoonayaan iney hoos udhigaan hamiga shacabka ee dowladnimadda.
Prof Samatar ayaa dhanka kale soo hadal qaaday arrimo badan oo ay kamid tahay waxyaabihii uu kusoo arkay magaaladda Kismaayo ee xarunta Jubbaland oo uu tagay.HOOS KA DAAWO MUUQAALKA
[embedded content]
Nagala soo xiriir
storvideo: 

DAAWO Wareysi uu Bixiyay Mid kamid ah Wasiiradda ugu...

$
0
0

Aug 20, 2017 -
Wasiirka Boostadda iyo Isgaarsiinta dowladda Soomaaliya Cabdi Canshuur Xasan ayaa wareysi uu bixiyay uga hadlay arrimo badan oo ay kamid tahay waxqabadka wasaaradiisa iyo dadaaladda la doonayo in lagu soo celiyo furihii Soomaaliya ee 252.
Waxaa uu dhanka kale ka hadlay hadal dhawaan kasoo yeeray Somaliland ee ahaa ineysan raali ka aheyn in furaha Soomaaliya lasoo celiyo.
Wasiirka ayaa si dheer uga hadlay hormarkii ugu balaarnaa ee dhanka isgaarsiinta laga gaaray, waxaana uu tilmaamay in dhawaan Soomaaliya ay kamid noqon doonto meelaha ugu wanaagsan Afrika ee dhanka isgaarsiinta.
Internetka ayuu si aaad ah uga hadlay waxaana uu sheegay wasiirku in muhiimadda ay tahay in lagula xisaabtamo shirkadaha ka howlgaladda gudaha dalkaHOOS KA DAAWO WAREYSIGA
[embedded content]
Nagala soo xiriir
storvideo: 

WARBIXIN: P/Land oo Ka Xanaaqsan Mashruucyadda...

$
0
0

Aug 20, 2017 -
Kadib markii Puntland todobaadkan ku dhawaaqday inay dowlada Federaalka ugu baaqeyso inay wax ka bedasho siyaasadeeda ku aadan khilaafka Khaliijka ayey shacabka Soomaaliyeed wax iska weydiinayaan sababta keentay in Puntland oo ah maamulka ugu facweyn Federaalka Soomaaliya uu ulla saftay xulafada Sacuudiga iyo Imaaraatiga.
Dadka qaar ayaa in badan aaminsan in arrintan ay la xariirto xiriirka dhaw ee ka dhaxeeya Puntland iyo Imaaraatiga oo ah mid soo jiray kahor dhismihii Federaalka Soomaaliya iyo maalgashiga dhawaan shirkada DP World sheegtay inay ku sameenayso dekkada Bosaaso ee isha dhaqaalaha deegaanada Puntland.
Horseed Media oo isku dayday inay arrintan xog dheeraad ah ka ogaato ayaa ku guuleysatay in qaar kamid ah mas'uuliyiinta Puntland ay arrintan uga waramaan, wallow ay dhamaantood ka gaabsadeen in magacooda la xuso.
"....Qoraalka hada soo baxay ee Puntland maaha mid ka qarsoonaa dowlada Federaalka ee horey bay Puntland si hoose Villa Soomaliya ugu dirtay in arrinta taageerada Qatar ka fiirsato iyo saameynta ay ku yeelan karto arrintaasi guud ahaan dalka Soomaaliya...." Ayuu yiri sarkaal ka tirsan Madaxtooyada oo ka jawaabayey su'aal la xariirtay in horey Puntland iyo Federaalkan arrimahan uga wadahadleen.
Mas'uuliyiinta Puntland ayaa dhamaantood isku raacay in Villa Somaliya ay ka gaabisay in maamulada dalka ka jira ay siyaasada la xariirta khaliijka ay kala tashato.
Dhinaca kale waxaa arrintan sii xoojiyey cabasho horey Puntland uga qabtay Dowlada Federaalka oo la sheegay inay si dadban u horjoogsatay mashaariic uu Turkiga doonayey inuu ka fuliyo Puntland, gaar ahaan dowladii hore ee Xassan Shiikh Maxamuud, taasi oo ay Puntland si weyn u dhibsatay, sida uu sheegay mas'uul sare oo ka tirsan Wasaarada Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ee Puntland.
Dhaqaalaha Puntland oo si weyn ugu tiirsan xoolaha loo dhoofiyo dalka Sacuudiga ayaa sidoo kale kamid ah sababta keentay in Puntland ay si bareer ah taageerto xulafada Sacuudiga iyadoo eegaysa dhinaca dhaqaalaha soo gala dalka Soomaaliya guud ahaan ayuu yiri mid kamid ah mas'uuliyiinta la hadlay Horseed.
Waxaa arrintan u dheer dhaqaale la sheegay in Qatar ay u balan qaaday Dowlada Federaalka Soomaaliya taasi oo la sheegay in aan waxna looga qoondeyn maamulada Federaalka ee dalka ka jira balse lagu koobay khasnada Villa Soomaliya, sida ay sheegeen dhinaca Puntland.Imaaraatiga
Dowlada Imaaraatiga ayaa ah xiligan furaha ugu weyn ee Xulafada Sacuudiga ku leedahay dalka Soomaaliya, waxay xukuumadaasi xiriir aad u dhaw oo ganacsi iyo dhanka amniga la leedahay Puntland oo ay horey u maalgelisay ciidamada Badda ee Puntland oo kamid ah ciidamada ugu awooda badan ee Soomaaliyeed.
Waxayna Imaaraatiga sidaas oo kale dhawaan waday tababarida ciidamada Komandooska ee Federaalka Soomaaliya oo lagu tababaro magaalada Muqdisho. Mashruucaasi oo hada laga cabsi qabo inuu joogsado kadib go'aankii dowlada Soomaaliya ka qaadatay arrimaha Khaliijka. Abu Dhabi ayaa joojisay lacagtii ay ku bixin jirtay tababarada ciidamada Komandooska sida ay sheegayaan xog laga helayo mas'uuluyiin ku sugan Muqdisho.
Puntland ayaa isla bar bar dhigtay dhaqaalaha ka yimaada Turkiga iyo Qatar oo ku kooban Muqdisho, iyo dhaqaalihii u gaarka ahaa oo ku tiirsanaa Sacuudiga iyo Imaaraatiga taasina ku khasabtay inay qaadato tilaabadan ay ku shaacisay go'aankeeda ku aadan arrimaha Khaliijka, wallow qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada Garowe lagu sheegay inuu yahay oo kaliya "TALO" ku socota Villa Soomaaliya. Sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha Puntland.
Waxaa iyaguna jira warar sheegaya in maamulada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland laftooda ay taageeradooda siiyeen Xulafada Sacuudiga wallow aysan arrintaasi weli ku dhawaaqin.
Madaxweynaha Juballand Axmed Madoobe oo isagu laftiisa xiriir wanaagsan laleh Imaaraatiga ayaa todobaadkii tagay baaq uu u diray Villa Somaliya ku sheegay in looga baahan yahay dowlada Federaalka inay wax ka bedasho oo wanaajiso xiriirka ay la leedahay maamulada dalka ka jira, hadalkaasi oo qeyb ka ah dhaliisha ah in Federaalka isku koobay arrimaha xasaasiga ah ee wada taabanaya dalka Soomaaliya guud ahaan.
Hadaan usoo noqono Puntland ayaa dhankeeda dadaal ugu jirta inay hesho mashaariic waaweyn oo dhanka kaabayaasha dhaqaalaha ah iyadoo xiligan rajo ka qabto in dhinaca Sacuudiga uu ka miro dhaliyo balanqaadkiisii ahaa maalgashiga kaluumeysiga Puntland iyo dhismaha wadooyinka.
Waxaan iyadana la ogeyn qaabka ay Xukuumada cusub ee Federaalka Soomaaliya wax uga bedali karto nidaamkii xukuumadii ka horeysay u dajisay mashaariicda iyo dhaqaalaha ka yimaada Turkiga iyo Qatar in lagu koobo Muqdisho ama inay jirto siyaasad kale oo ay kusoo jiidan karto maamulada dalka ka jira!Maxamed Cismaan
Nagala soo xiriir
storvideo: 

SAWIRRO: Shir looga hadlay Fursadaha ganacsi ee...

$
0
0

Aug 20, 2017 - jawaab
Magaalada Turku ee dalka Finland ayaa lagu soo gaba-gabeeyay shir looga hadlayay fursadaha ay dadka Somaaliyeed uhaystaan iney ganacsi ka sameystaan dalkan, waxaana kasoo qeyb galay xubno katirsan dowladda Finland, jaaliyaddaha Soomaalida dalkan Finland iyo qurbajoog kale oo ka yimid dalalka kale ee Yurub.
Barnaamijkan oo loogu magac daray Iska Waran ayaa soconayay mudo labo maalin ah, waxaana lagu soo bandhigayaa arrimo ay ka mid yihiin qaabka ay Soomaalidu ula qabsatay nolosha Finland gaar ahaan dhanka shaqadda iyo waxbarashada.
Sidoo kale Intii uu socday shirkan waxaa lagu soo bandhigay tirada bulshadda Soomaaliyeed ee ku nool Finland oo isugu jira kuwa dalkan qaxooti ahaan kusoo galay iyo kuwa ku dhashay.
C/Shakuur Cali oo ah qaban-qaabiyaha Shirkan iyo gudoomiyaha jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaaladda Turku Sagal Maxamuud Cali ayaa si isku mid ah rajo ugu muujiyay in shirkan uu faa'ido weyn ukeeni doono dadka Soomaaliyeed ee dalka Finland ku nool.HOOS KA DAAWO MUUQAALKA
[embedded content]
Xildhibaanada Soomaalida ah ee golaha deegaanka magaalooyinka Turku iyo Helsing oo shirkan ku sugnaa iyo ka qeyb galayaashii kale ee shirkan ayaa tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ay si fir fircon uga dhex muuqdaan bulshadda laakiin ay muhiim u tahay in la helo ganacsi Soomaaliyeed oo lagu faani karo isla markaana bulshadda shaqo abuur iyo hormar u sameyn kara.
Shirka Iska Waran oo la qabanayo sanadkii labaad ayaa waxaa ugu dambeyn kasoo baxay natiijo wax ku ool ah, oo faa'ido badan u leh bulshadda Soomaaliyeed ee kunool dalkan Finland, waxaana sanadka soo socda lagu qaban doonaa magaaladda Helsinki ee caasimadda dalkan Finland.Xaan Kaafi Maxamed XalaneMagaalada Turku Finland
Nagala soo xiriir
Fikradaha Akhristayaasha (0)
Magacaaga (required)
Email-kaaga (Lama Arki Doono)
Notify me of follow-up comments by email.
Notify me of new posts by email.
storvideo: 

Wararkii Ugu Dambeeyay ee deegaanka Bariire:...

$
0
0

Aug 20, 2017 -
Wararka saakay oo Axad ah ka imaanaya deegaanka Bariire ee gobolka Shabellaha Hoose, ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay howlgallo ballaaran ka wadaan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.
Ciidamadan ayaa baaraya dhammaan guryaha ku yaalla Bariire, iyadoo weli aan la sheegin cid lagu soo qabtay howlgalkan.
Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa shalay waxay Al-shabaab kala wareegeen deegaanka Bariire, iyaga oo markii ugu horreysay xalay halkaasi ku hoyday.
Marar badan oo ciidamadan ay la wareegeen Bariire ayeey hadana saacado kadib halkaasi dib uga laabteen.
Inta badan shacabkii ku dhaqnaa deegaanka Bariire ayaa isaga barakacay, kadib markii ay ka baqeen dagaallo ka dhaca deegaankaasi.
Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Xukuumadda Ciraaq oo ku dhawaaqdey gulf hor leh oo...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter
Muqdisho(SONNA) Ciidamada military Ciraaq ayaa sare u qaaday howlgalada ka dhanka ah kooxaha argagixisada Daacish ee kusugan dalkaasi, iyagoo ka qabsaday deegaano dhowr ah.
Ciidamada ayaa haatan isku gedaamey magaalada lagu magacaabo Tal Afar oo kamid ahayad gobaha ay ku dhuumaalaysanayeen maleeshiyaadkaasiu Daacish.
Talaabadan ayaa ka dambeysay kadib amar ka soo baxay ra'iisul wasaaraha dalkaasi Ciraaq Haider al-Abadi oo ku dhawaaqey duulaan ka dhan ah maleeshiyada ISIS, isagoo sheegay inay doonayaan in ay la wareegaan gacan ku heynta magaalada Tal Afar oo ah magaaladii ugu dambeesay ee ay ku xooganyihiin kooxda ISIS.
Ra'iisul Wasaaraha ayaa hadalkan ka sheegay telefishenka qaranka dalkaasi , waxaana uu intaa ku daray in kooxda Daacish ay u furantahay laba wado oo kala ah, inay isa soo dhiibaan ama in la dilo.
Dhaq dhaqaaq military oo xoogan ayaa halkaasi ka soconaya waxaana haatan magaalada Tal Afar ku hareereysan militariga Ciraaq iyo maleeshiyaadka kale ee taageera howlgalkaasi ee loo yaqaano Peshmerga-ka. .
Wararka ayaa sheegay in sidoo kale magaalada ay dul hehaabayaan diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka iyo kuwa ciidamada Ciraaq, kuwaasi oo duqeynaya magaalada kahor dullaanka uu ku dhawaaqay ra`iisul wasaaraha dalkaasi.
Waxay Magaalada Tal Afar sideetan kilomitir u jirta magaalada Mousil oo dhawaan laga qabsaday kooxda argagixisada ee Daacish.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleQaban qaabo lagu soo dhaweynayo Madaxweyne Farmaajo oo ka socota Masar

storvideo: 


Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq oo ku dhawaaqay dullaan ka...

$
0
0

Ra'iisul Wasaaraha dalka Ciraaq ayaa ku dhawaaqay dullaan ka dhan ah kooxda isugu yeerta khilaafada islaamka ee ISIS.
Haider al-Abadi ayaa sheegay inay doonayaan in ay la wareegaan gacan ku heynta magaalada Tal Afar oo ah magaaladii ugu dambeesay ee ay ku xooganyihiin kooxda ISIS.
Ra'iisul Wasaaraha ayaa hadalkan ka sheegay telefishenka qaranka, waxaana uu intaa ku daray in kooxda Daacish ay u furantahay laba wado oo kala ah, inay isa soo dhiibaan ama in la dilo.
Magaalada Tal Afar ayaa sidoo kale waxaa ku harereesan ciidamada dowladda Ciraaq, dagaalyahanada shiicada iyo kuwa Peshmerga-ka. Waxaana sidoo kale magaalada dul hehaabaya diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka iyo kuwa ciidamada Ciraaq, kuwaa oo duqeynaya magaalada kahor dullaanka uu ku dhawaaqay ra`iisul wasaaraha dalkaasi.
Magaalada Tal Afar ayaa sideetan kilomitir u jirta magaalada Mousil oo dhawaan laga qabsaday kooxda ISIS.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Madaxweyne Farmaajo oo Saaka ku wajahan Dalka Masar ...

$
0
0

Aug 20, 2017 -
Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo, ayaa saaka oo Axad ah wuxuu ku wajahan yahay dalka Masar, kadib markii uu casuumaad rasmi ah uu ka helay dhigiisa dalkaasi.
Warqad ka soo baxday Safaaradda Somaliya ee dalka Masar, ayaa lagu cadeeyay safarka Madaxweynaha Somaliya uu ku tagaayo dalka Masar, halkaasi oo uu kula kulmi doono madaxda dalkaasi.
Safaaradda Somaiya ee dalka Masar, ayaa bulshada Somaliyed ee ku sugan Masar ku wargelisay inay ka soo qayb galaan kulan ka dhici doono Markaz Mutamataad Al-Azhar Qaacada Fusdhaad, halkaasi oo Madaxweynaha Somaliya Isniinta kula hadli doono dadka Somaliyed.
Safarka Madaxweynaha Somaliya oo laga qaban qaabiyay Madaxtooyadda Somaliya, ayaa waxaa la arkaayay ciidamada Koofi Gaduuda Madaxtooyadda oo xiraayay wadada isku xirta Garoonka Aadan Cadde illaa Madaxtooyadda.
Madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo, ayaa dadka Somalida ah ee dalkaasi ku sugan kala hadli doono arrimaha Somaliya iyo sidii door wayn ay uga qaadan lahaayeen dib u dhiska dalka.
Masar ayaa waxa ay ka mid tahay dalalka taageera Dowladda Federalka Somaliya.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Xog Deg deg ah: Wakiilkii M/weyne Siilaanyo usoo...

$
0
0

Aug 20, 2017 -
Xog deg deg ah oo goordhaw aan ka helnay illo ka tirsan Villa Somalia ayaa sheegaysa in Magaalada Muqdisho uusoo gaaray Xubin sare oo ka tirsan Xisbiga Talada haya ee Somaliland kulmiye kaasoo wakiil ka ah Madaxweynaha S/land Siilaanyo iyo Xisbigaasi talada haya,
Wakiilka ka socday Somaliland gaar ahaan Madaxweynaha Maamulkaasi ayaa lagu magacaabaa Maxamed C/llaahi Cumar waxaana horay uu usoo noqday Wasiirka Arimaha dibbada Maamulkaasi balse xiligaan waxaa uu ku sugan yahay magaalada Muqisho isagoo waji gabax kala kulmay qorshe culus uu ka damacsanaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Mas'uulkaan ka socday Xisbiga kulmiye markii uusoo gaaray Muqdisho waxaa soo dhaweeyay shaqsiyaad kasoo jeeda Somaliland Balse ka tirsan Dowlada Soomaaliya waxaana uu u dhiibay warqad kasocotay Madaxweyne Siilaanyo kuna socotay Madaxweynaha Somalia.
Sida Xogta ay sheegeyso warqadaasi waxaa ku qornaa in Madaxweyne Farmaajo uu la safto Xisbiga kulmiye Dhaqaalana uu ku bixiyo sidii uu u guuleysan lahaa Musharaxa Xisbigaasi Muuse biixi oo ka qeyb galaya doorashada Somaliland oo dhawaan dhici doonta waxaana warqada lagu caddeeyay in hadii Madaxweyne Farmaajo uu fuliyo codsigaan labada dhinac ay isku soo dhawaan doonaan.
Balse Xogta ayaa sidoo kale sheegeysa in Madaxweyne Farmaajo uusan la dhacsaneyn Xisbiga kulmiye taageerana uu u hayo Xisbiga kale ee Wadani iyadoo lagu wargaliyay wakiilkii ka socday Somaliland in dib loogu soo jawaabi doono hadana uu iska laaban karo.
Madaxda Somaliland ayaa shacabka ku hoos nool u muujiya naceybka ay u qabaan Dowlada Somalia balse si hoose ula soo xariira taasoo Dad badan xiligaan ay fahmeyn.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

SOMALIA: Precarious calm returns to Buhodle after...

$
0
0

Galkayo (RBC Radio) Precarious calm has returned to Buhodle town following a deadly gunfight on Saturday which left at least seven people killed and several others wounded.
The fierce fight broke out between two rival clan militias in the town on Saturday a day after a man was shot dead by gunmen in Buhodle.
According to the locals, the gunfight started after the killed man's relatives protested against killing and then led to immediate gunfight.
Local elders reportedly engaged with the both rival militias to cease the armed conflict and proposed to hold immediate peace talks.
The elders' intervention was emphasized by a call from Puntland leaders to ease the situation in Buhodle.
The situation was reportedly calm on Sunday morning, despite the warring militias were still within the town.

storvideo: 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Muqdisho uga qeyb...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna kusimaha madaxweynaha JFS ayaa Muqdisho uga qeybgalay shir ku saabsan iskaashiga Baarlamanka FS iyo kuwa Dowlad Goboleedyada.
Kulanka waxaa looga hadlayaa Sameynta isku duwida iyo iskaashiga Baarlamaanka dhexe iyo Kuwa dowlad goboleedyada.
Hay'adda UNDP ayaa soo qaban qaabisay Kulanka, wuxuuna ka mid yahay mashruuca UNDP ee taakuleynta baarlamaanada.
Maalinkii labaad ayuu socdaa Kulanka, iyadoo maanta ay goob joog yihiin gudoomiyaha golaha shacabka iyo gudoomiyaasha baarlamaanada dowlad goboleedyada
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleAfhayeenka Ciidanka Xoogga"Wey sii socon doonaan Howlgalada Sh/Hoose"

storvideo: 

SAWIRO: Xuska Maalinta Bani’aadanimada Adduunka oo...

$
0
0

Muqdisho (RBC Radio) Munaasabad uu soo qabanqaabiyay Isu duwaha Gargaarka Bani'aadanimo ee Soomaaliya aya lagu qabtay magaalada Muqdisho, taasoo lagu maamuusayay xuska Maalinta Bani'aadanimada Adduunka oo ku beegan 19ka Agoosto.

storvideo: 

B/Caalamka oo faragelisay Khilaafkii ka dhashay...

$
0
0

Aug 20, 2017 -
Waxaa cirka iskusii shreeray khilaafkii ka dhashay doorashadii Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Maamulka Soomaaliland kaas oo loo saaray Guddi ay iskasoo kala xuleyn labada garab ee isku heesta Gudoomiyaha Golaha Wakiilada.
Guddi ka kooban 10 Xubnood oo loo magacaabay xalinta khilaafkaas ayaa Shaqadooda Maanta ku eg,waxana xusid mudan in Maanta kulan ay leeyihiin Golaha Wakiilada Soomaaliland ay horgeyn doonaan cadeymihii ay hayaan.
Xildhibaano ka tirsan garabka murrashaxii u tartamayay jagada gudoomiyaha Cabdiraxmaan Talyanle oo xalay hadlay ayaa ka dhawaajiyay in saaka goluhu haduu furmo isaga oo aan xal laga gaarin khilaafka in uu noqon doono mid saamayn yeesha.
Kulanka Golaha Wakiilada Soomaaliland ayaa Maanta ku duwan sidii hore,waxana xusid mudan in kulankii kan ka horeeyay ay Gacmaha iskula tageen labada musharax ee isku heesta xilka gudoomiyaha Golaha Wakiilada Soomaaliland.
Xarunta Golaha Wakiilada Soomaaliland ee Magaalada Hargeysa ayaa saakay waxaa la geeyay ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa booliiska Soomaliland si ay u ilaaliyaan amniga maadaama kulanku uu yahay mid xasaasi ah.
Sidoo kale Wararka aan ka heleyno Magaalada Hargeysa ayaa waxa ay sheegayaan in khilaafkaan u dhaxeeya Golaha Wakiilada Soomaaliland ay kala dhexgaleen Beesha Caalamka,iyada oo Maanta ay Hargeysa tegi doonaan Wafdi ka socda dawlada Ingiriiska iyo midowga Yurub.
Nagala soo xiriir
storvideo: 


DEG DEG: Ciyaarihii Kubadda Cagta Soomaaliya oo la...

$
0
0

Aug 20, 2017 -
Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta ayaa shaaciyay in mudo Isbuuc ah ay joojiyeen Ciyaaraha Kubadda Cagta ,iyaga oo ubaroor diiqaya gudoomiyihii guddiga Garsoorayaasha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta oo Habeenimadii Khamiista ay Jimco soo galeysay lagu dilay Muqdisho.
War Qoraal ah oo ka soo baxay Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta ayaa waxaa lagu sheegay in Cismaan Jaamac Diraac,uu ahaa nin qaali ku ah xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta,islamarkaana aysan iloobi doonin.
"Waxa uu ahaa Saaxiib nagu weyn oo ahna walaal inta badan waqtigiisa geliyay horumarinta Ciyaaraha Soomaaliya, aad ayaan uga xunahay dilkiisa, todobada maalin waa wax kooban balse waligeen qalbigeena wuu ku jiri doonaa" sidaasi waxaa yiri gudoomiyaha xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed Cabdi qani Siciid Carab.
Qoraalkaan ayaa waxaa la soo saaray Page-ka xiriirka Kubadda Cagta Aduunka ee FIFA.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Wasiirka Boostada, Isgaariisnta iyo tignoolajiyadda...

$
0
0

Wasiirka Boostada, Isgaariisnta iyo tignoolajiyadda Soomaaliya Cabdi Canshuur Xasan oo ka qeyb galay barnaamijka waxqabad ee ka baxa warbaahinta Qaranka Soomaaliya ayaa sheegay in sharciga Isgaarsiinta Qaranka ee dhawaan ay ansixiyeen xildhibaannada Golaha Shacabka haddana horyaalla mudanayaasha Aqalka Sare uu waxbadan ku soo kordhin doono dalka gaar ahaan dhinacyada Amniga iyo Daqliga. Wasiirka Boostada ayaa sidoo kale sheegay in sharciga Isgaarsiinta Qaranka markuu dhaqan galo uu abuuri dooni Hay'adda Isgaarsiinta Qaranka taasoo maamuli doonta dhaqangalka Sharciga Isgaarsiinta. Sidoo kale Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa ka hadlay Xiriirka ka dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo Shirkadaha Isgaarsiinta iyo doorka ay ku leeyihiin Sharciga Isgaarsiinta Qaranka iyo haddii ay jiraan kulamo ay la yeesheen. Wasiirka Boostada, Isgaariisnta iyo tignoolajiyadda Eng. Cabdi Canshuur Ayaa sheegay in Casharkii laga bartay dhibaatada Go'itaankii Internedka in uu sababay in ay billaabeen qorshayaal looga gudbi karo haddii markale ay dhibaatadaas oo kale dhacdo.
storvideo: 

No bail for two Somali men arrested in Paceville, Malta

$
0
0

Two Somali men have been remanded in custody after being arrested for separate offences in Paceville last night.
Inspector Trevor Micallef told Magistrate Francesco Depasquale how the first to be arraigned, 21 year old refuse collector Shaban Adan Jama, was arrested in St. Julians after being identified by the victim of a snatch and grab theft.
Jama was accused of aggravated theft, having allegedly torn a chain from around a Russian man’s neck before escaping on foot. The incident, which occurred shortly after midnight last night was made more serious by the alleged use of violence.
Lawyer Martin Fenech informed the court that his client was pleading not guilty. Jama was returning from the beach when he saw three Somali men running past. Three drunk Russian men had then singled him out, said the lawyer.
He consistently denied stealing any necklaces and pointed out that the Police had  not found any incriminating items on his person. “He was misidentified.” The magistrate pointed out that from the police report, he also appeared to have been drunk.
Bail was requested. “He’s been in Malta for four years and a clean criminal record. He works and has a fixed residence. There is doubt at this stage, he denies the charges and because it was dark it could easily have been a case of mistaken identity,” Fenech said.
Inspector Micallef said the victims had gone to the police station and time had passed before his arrest. “Obviously there was more than one person involved and that is why the necklace was not found.” Fenech protested that the man was presumed innocent at this stage
The court, however rejected the bail request due to nature if the offence and the fact that witnesses had not yet testified.
Inspector Micallef also arraigned Mahamed Abib Hashi from Somalia this afternoon, after the 21 year old was found to be in possession of cannabis in Paceville at around 1am this morning.
Hashi pleaded not guilty.
Fenech asked for bail. “The police are saying that he was seen throwing some packets under a car and found empty packets at his house, which he shared with five other people.” Only a small amount of cannabis was found, added the lawyer.
Inspector Micallef explained that officers had seen the man throw something under a car, where they later found six packets of drums. More empty packets were found near his bedspace in his apartment, added the inspector.
The Court, in view of the accusation being lodged and in view of the fact that witnesses had not yet testified, denied bail.
The post No bail for two Somali men arrested in Paceville, Malta appeared first on Shabelle.

No bail for two Somali men arrested in Paceville, Malta

$
0
0

Two Somali men have been remanded in custody after being arrested for separate offences in Paceville last night.
Inspector Trevor Micallef told Magistrate Francesco Depasquale how the first to be arraigned, 21 year old refuse collector Shaban Adan Jama, was arrested in St. Julians after being identified by the victim of a snatch and grab theft.
Jama was accused of aggravated theft, having allegedly torn a chain from around a Russian man's neck before escaping on foot. The incident, which occurred shortly after midnight last night was made more serious by the alleged use of violence.
Lawyer Martin Fenech informed the court that his client was pleading not guilty. Jama was returning from the beach when he saw three Somali men running past. Three drunk Russian men had then singled him out, said the lawyer.
He consistently denied stealing any necklaces and pointed out that the Police had not found any incriminating items on his person. "He was misidentified." The magistrate pointed out that from the police report, he also appeared to have been drunk.
Bail was requested. "He's been in Malta for four years and a clean criminal record. He works and has a fixed residence. There is doubt at this stage, he denies the charges and because it was dark it could easily have been a case of mistaken identity," Fenech said.
Inspector Micallef said the victims had gone to the police station and time had passed before his arrest. "Obviously there was more than one person involved and that is why the necklace was not found." Fenech protested that the man was presumed innocent at this stage
The court, however rejected the bail request due to nature if the offence and the fact that witnesses had not yet testified.
Inspector Micallef also arraigned Mahamed Abib Hashi from Somalia this afternoon, after the 21 year old was found to be in possession of cannabis in Paceville at around 1am this morning.
Hashi pleaded not guilty.
Fenech asked for bail. "The police are saying that he was seen throwing some packets under a car and found empty packets at his house, which he shared with five other people." Only a small amount of cannabis was found, added the lawyer.
Inspector Micallef explained that officers had seen the man throw something under a car, where they later found six packets of drums. More empty packets were found near his bedspace in his apartment, added the inspector.
The Court, in view of the accusation being lodged and in view of the fact that witnesses had not yet testified, denied bail.
storvideo: 

Howlgalkii Shabaab looga Xureyn Lahaa Gobalada Dalka...

$
0
0

Aug 20, 2017 -
Cabdullaahi Iimaan Ceynte Afhayeenka Ciidanka Xoogga Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay dagaalkii shalay Ciidamada Soomaaliya iyo Kuwa AMISOM ay kula wareegeen deegaano ka mid ah gobalka Shabeelaha Hoose gaar ahaan Bariire Mubaarak iyo meelo kale oo ay Al-Shabaab ku sugnaayeen.
Afhayeenka wasaaradda Difaaca ayaa shir jaraa'id uu ku qabtay magaalada Muqdisho ku sheegay in howlgalada oo shalay Al-shabaab looga furtay hub kala duwan uu yahay mid aan joogsan doonin ilaa Al-shabaab laga saarayo meelaha wali gobolka Sh/Hoose ay ka joogaan.
Waxa uu intaasi ku daray in maadaama uu gobolka Sh/Hoose yahay meel Istiraatiiji ah lagama maarmaan ay tahay in laga saaro Al-Shabaab, ciidanka Soomaaliya ayuu sheegay in ay diyaar u yihiin sidii ay ula wareegi lahaayeen goobaha gacantooda ka maqan.
Howlgalada socda ayuu ku tilmaamay Cabdullaahi Iimaan Ceynte afhayeenka Ciidanka Xoogga in ay ka duwan yihiin howlgaladii hore maadaama aaney joogsan doonin inta Al-Shabaab awoodooda laga wiiqayo.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live