Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Xildhibaan Feysal Cabdille Guuleed (Faysal Cabdille ...

$
0
0

Xildhibaan Feysal Cabdille Guuleed (Faysal Cabdille Bidaar)" oo kamida Barlamaanka Aqalka hoose ee Soomaaliya ayaa baaq nabadeed u diray Beelaha Walaalha ee Buuhoodlle ku daggaalamay:Waxan baaq nabadeed u diraya Bulshada (Reer Buuhoodle) Annoo - ku hadlaya Magaca Xildhibaanada labada aqal ee Dawladda Federalka ee Soomaaliya,
Walalaha wada dhashay dhiiga iyo wada dhulka waxan ugu baaqaya inay si deg deg ah u jojiyaan Colaada iyo daggaalka Buuhoodle.
Maanta qof kasta oo Soomaalida wa ka dharag san yahay cawaaqib xumada colaadi leedahay siiba Dad walaalo ah oo wada dhashay.
Waxan u mahadceinaya Caaqiliinta iyo cuqaasha ku hawlan xasilinta calooda, dhalinyarad Qoriga u qatay inuu walaalkis ku waxyeeleeyo waxan leeyahay dunida waad ka dambaysa ee ka wantooba qalalasaha iyo colaada sokeeye.
Waxaan Ilahay ka baryeyna inuu calaadaha abaaraha iyo xasilooni darada innaga cirib tiro nooguna badalo nabad Nolol iyo dagganaasho.

storvideo: 


Cabdiwaaxid Diiriye Aw Jaamac: jaaliyadda Beesha...

$
0
0

Afhayeenka jaaliyadda beesha Tanade Daarood ee dalka Canada Cabdiwaaxid Diiriye bAw JaamacDhammaan qaybaha bulshadda beesha Tanade Daarood(leelkase)ee ku nool dalka Canada waxaay soo dhaweynayaan tageerayaana go'aankii isimadda iyo wagaradkii beesha ay ka gareen gogoshii ay dhigeen magaaladda Garoowe,kuna saabsanayd tabashada beesha ee golaha Barlamaanka Puntland, gogoshaas oo mudo sadex bilood ah fidsanayd ayna beeshu ka codsatay isimadda iyo siyaasiyiinta Puntland in la furo Barlamaanka looguna daro xubno ay codsadeen,hase yeshee ay codsigaas si ku talagal ah u hor istageen ama u diideen dhammaan siyasiyiinta(xubnaha barlamaanka iyo golaha wasiiradda)ugu jira beesha ugu tun weyn maamulka Puntland.
Hadaba jaaliyadda Beesha Tanade Daarood ee dalka Canada waxay si buuxda u tageeraysaa go'aankii iyo shirkii jaraa'id ee ergadii beeshu ay dirsatay ku qabatay Garoowe, waxay kaloo jaaliyaddu aad u soo dhawaynaysaa tageeraysaana shirka hadda qaban qaabadiisu socoto ee la doonayo in lagu qabto puntland,kaas oo haddii alla idmo dhici doona bisha september ee soo socota.
Mahadsanidin
Afhayeenka jaaliyadda beesha Tanade Daarood ee dalka Canada
Cabdiwaaxid Diiriye bAw Jaamac

storvideo: 

Jaaliyada Beesha Tanade ee Seattle Washington:...

$
0
0

Waxgaradka culimada siyaasiyiinta Haweenka iyo dhalinyarada tanade ee ku dhaqan seattle Washington oo taageeray bayaankii kasoo baxay Garoowe ee eey beeshu cadeeysay in beeshaan Eey arimaheeda uga arinsato magaalada gaalkacyo bisha danbe 14 keeda
Waxeey qurba joogtu taageereen Dhiirina galinayaan dhamaan qodobada shirka kasoo baxay Waxeey hiil iyo hooba la garabtagan Yihiin sidii shirkaas u qabsoomi lahaa.
Sida aad wada ogsoontihiin waxaa muda 3 bilood ku siman shir uga socday odayaasha dhaqanka iyo siyasiyiinta beesha tanade shirkaas oo eey gogal ugu fidiyeen dhamaan isimada dhaqanka Puntland iyo Madaxwayne Gaas iyo kuxigeenkisa Camay.
Shirkaas waxaa ka hadlay Madaxwaynaha Puntland Wuxuuna cadeeyay in beeshan Tanade matalaad dhab ah ku laheen mamulka Puntland loona baahan yahay in eey beeahaan maamulka Puntland ka hesho matalaad dhab ah.
Madaxweyne Gaas wuxuu cadeeyay beeshaan Muhiimada eey u leedahay Puntland.
1 beeshaan midnimada Puntland muhiim ayeey u tahay.
2 beeshaan difaaca Puntland loogama maarmo.
3 beeshaan waxa eey udub dhaxaad u ahaayeen aas aaskii Puntland Maadaama aan saas u ogsoonahay Waa in aan garoowsanaa cabashadoda
Intaa kadib isimada ayaa shirar is daba jooga yeeshay waxeeyna soo go aamiyeen in beesha loogu daro 4 xubnood
Waxaa xigey 4ta xubnood loo baahday in Madaxwayne gaas uu saxiixo waana uu diiday sababtuna wuxuu ku sheegay in beesha uu ka soo jeedo ee majeerteen eeysan raali ka aheen
Intaa kadib waxaa shir deg deg ah Isugu yimid waxgaradkii tanade waxayna soo saareen bayaan bayaankaas oo shirka gaalkacyo go aano masiiraya beeshu ku gaari doonto Waxa nasiibdaraa in Madaxwaynihii Puntland uu yiraahdo hadalka noocaas ah.
Waxaa mahad balaaran eey qurba joogtu u soo jeedisay beelihii aqbalay in beesha saamigooda eey belana sida Warsangali iyo Dhulbahante iyo Dashiishle
Magacyada dadka bayaanka Soo diray
1 Ex wasiir Abdikariim Aaden Wagaafe
2 Ex Xildhiban Mohamed Abdi Bare
3 Mohamud baraajaale
4 abuu kaate Abdulaahi diriye
5 abuu kaate Raage Haji peeso
6 siyaasi Mohamed peeso
7 siyaasi Mohamud Ruush
8 aqoonyahan Mohamed shugri
9 ganacsade Abdiaziz uubad
10 ganacsade aaden hirsi hiraabe
11 ganacsade Hassan yusuf dhagey
12 Abuu kaate Hirsi ahmed afcad
13 Nabadoon Abdulahi gaadaar
14 Nabadon Hussein shire ow aden
15 Nabadoon abdulaahi daba dhere
16 Nabadoon faarah Hassan bucul
17 Nabadoon wale kheyroow
18 Nabadoon yuusuf Hassan
19 Nabadoon Mohamed bariir
20 Nabadoon Hassan Mohamud

storvideo: 

Laanta Afka Pidgin-ka oo maanta ku soo biirtay BBC-da

$
0
0

Waxaa maanta oo Isniin ah hawada soo galay laan cusub oo ka tirsan BBC-da qeybta la hadasha dibedaha oo wararka ku tebin doonta afka Pidgin-ka, luuqadaas oo looga hadlo Galbeedka iyo Bartamaha Afrika.

Shacabka Gaarisa maxay ka filayaan maamulka cusub?

$
0
0

Shacabka ku nool gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa inta badan ka cawda wadooyinka deegaannadaasi oo xun, isla mrkaana intooda badan aan laami la saarin tan iyo xorriyaddii.

Caafimaadka xoolaha ka dhoofa dekedda Berbera oo xilligan xajka aad loo hubiyo

$
0
0

Iyadoo xilligan xajka ay dekadda magaalada Berbera ka dhoofayaan xoolaha ugu badan ee Soomaalida ee dibedda loo dhoofiyo, ayaa waxaa sare loo qaaday baaritaanka xoolahaasi.

Laanta Afka Pidgin-ka oo maanta ku soo biirtay BBC-da

$
0
0

Waxaa maanta oo Isniin ah hawada soo galay laan cusub oo ka tirsan BBC-da qeybta la hadasha dibedaha oo wararka ku tebin doonta afka Pidgin-ka, luuqadaas oo looga hadlo Galbeedka iyo Bartamaha Afrika.
Walow aanan rasmiyan loo aqoonsanayn haddana luuqadda Pidgin-ka waxa ay ka mid tahay luuqadaha sida weyn loogu hadlo guud ahaan gobolkaasi.
Laantan cusub ayaa waxa ay qeyb ka tahay qorshihii ugu weynaa ee lagu ballaarinayo BBC-da qeybteeda dibedda la hadasha wixii ka dambeeyay 1940-kii.
Arrintan ayaa timid kaddib markii ay dowladda Britain 2016-kii ku dhawaaqday inay kordhisay dhaqaalaha ay siiso BBC-da.
Daahfurka Laanta Pidgin ayaa waxaa xigi doona ilaa iyo 10 laamood oo cusub oo ay BBC-du ka hirgelinayso qaaradaha Afrika iyo Aasiya.
BBC-da dibedaha la hadasha ayaa sidoo kale qorshaynaysa inay xog dheeraad ah ku baahiso moobaylka iyo muuqaalada, iyadoo sidoo kale la kordhinayo warbixinada lagu daabaco barasha ay bulshada ku wada xiriirto.
Sidoo kale BBC-da waxa ay sare u qaadaysaa laamaha TV-yada ee Afrika, taas oo ay ka mid tahay in lagu daro 30 barnaamij oo TV ah oo laga sii dayn doono taleefishino xiriir la leh BBC-da oo ku yaal dalalka ka hooseeya saxaraha Afrika.
Luuqadaha Carabiga iyo Ruushka ayaa sidoo kale waxaa la xoojinayaa.
storvideo: 

Markab dagaal oo Maraykanku leeyahay iyo mid shidaal wada oo isku dhacay

$
0
0

Toban badmaax ayaa la la'yahay shan kalena dhaawac ayaa soo gaaray ka dib markii ay isku dhaceen Markab kuwa wax burburiya ah iyo mid waday shidaal oo marayay xeebta Singapore, sida ay sheegeen ciidammada badda ee Maraykanka.


Wefdi ka socda Galmudug oo gaarey Degmada Hobyo

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter
Muqdisho(SONNA) Wefdigaan uu hogaaminayay Wasiirka Kalluumeysiga iyo kheyraadka badda ee dowlad goboleedka Galmudug Xasan maxamed warsame oo isugu jiray mas'uuliyiin ganacsato iyo quburo ajaanib ah, kuwaasi oo ku xeel dheer arrimaha kalluumeysiga ayaa gaaray degmada Hobyo ee gobolka Mudug.
Ujeedada socdaalkooda ayaa la xiriira qiimeynta qiimeynta fursadaha Kalluumeysi iyo sida loo hagaajin karo Marsada Hobyo, halkaasi oo kulamo kula yeesheen mas'uuliyiin iyo qeybaha bulshada.Sidoo kale wefdigan ayaa u kuurgalaya howlaha iyo dhaqdhaqaaqyada ganacsi ee ka jira Degmada Hobyo, taas oo tusaale fiican u noqaneysa xaaladda ammaan ee Degmadaasi, islamarkaana la dhiiro geliyo maalgashida.
Waxaa warbaahinta Qaranka uga warbixiyay ujeedadasocdaalkooda Wasiirka Kalluumeysiga iyo kheyraadka badda eeee Galmudug Xasan Maxamed Warsame.
"Socdaalkeena Hobyo wuxu la xiriiraaqiimeynta xaaladaha guud ee Degmada, horumarada ganacsi ee ka socda, iyo dhiiro gelinta ka faa'idaysiga Khayreedka Kalluumeysiga, waana runtii wax lagu farxo horumarka halkan kajira", Ayuu yiri Wasiirka Kalluumeysiga Galmudug.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleMadaxweynayaasha Soomaaliya iyo Masar oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal+Sawirro

storvideo: 

Markab dagaal oo Maraykanku leeyahay iyo mid shidaal...

$
0
0

Toban badmaax ayaa la la'yahay shan kalena dhaawac ayaa soo gaaray ka dib markii ay isku dhaceen Markab kuwa wax burburiya ah iyo mid waday shidaal oo marayay xeebta Singapore, sida ay sheegeen ciidammada badda ee Maraykanka.
Markabka dagaal ayaa xilliga uu shilka dhacayay marayay bariga xeebta Singapore, isaga oo kusoo xiran rabay dekadda weyn ee caasimadda dalkaasi.
Waxaa hadda socda baadi goob ballaaran oo ay ka qeyb qaadanayaan diyaaradaha helicopter-ka Maraykanka, doonyo uu leeyahay ciidanka badda ee Singapore, iyo weliba kuwo ay leedahay Malaysia.
Wararka hordhaca ah ee kasoo baxay shilka ayaa sheegaya in markabka dagaalka uu dhinac ka burburay, haseyeeshee ciidanka badda ee Maraykanka ayaa sheegay in markabka USS John McCain uusan demin oo uu hadda kusoo wajahan yahay dekedda Singapore.
Weli lama sheegin waxa sababay shilka oo dhacay dhowr saacadood ka hor, balse waxaa jirta in aaga uu ka dhacay uu yahay mid saxmad badan oo ay maraan inta badan maraakiibka ganacsiga caalamka.
Toddobo ka mid ah ciidanka badda ee Maraykanka ayaa dhintay bishii Juunyo ka dib markii uu markabka dagaal ee USS Fitzgerald uu ku dhacay markab xamuul ah oo marayay meel u dhaw dekedda Yokosuka ee Japan.
Markabkaasi dagaal ayaa ka mid ah kuwa ugu casrisan caalamka.
Sharciga badaha ayaa dhigaya in maraakiibta maraya marinnada biyaha ee ciriiriga ah ay kala sugaan, si aanu isku dhac u iman.
storvideo: 

Daawo:Qorax madoobaad dunida oo idil kadhici doono...

$
0
0

Aug 21, 2017 -
Sida ay sheegeyn quburu caalami ah maalinimada beri dunida oo idil ayaa laga arki donaa qorax madoobaad ayadoo haatan ay ka bilaabatay dalka mareekanka sida ay sheegeyn warbaahinta.
Warbaahinta waa weyn ee dunida ayaa tabineyso warkaan qorax madoobaadka ah waxaana looga digay dadyowga in indhahooda ku eegin qoraxdaas ay isticmalaan ookilaao madow.[embedded content]
Meelaha maalinimada beri laga arki doono qorax madoobaadka ayaa lagu soo daray soomaaliya iyo dalal farabadan oo islaam ah waxaana shacabka looga digay in indhahooda ku eegin qoraxda.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Booliska Spain oo dilay tuhunsanaha weerarkii Barcelona

$
0
0

Booliska Spain yaa sheegay inay toogasho ku dileen Yuunis Abuu-Yacquub, oo ah muwaadhin Morocco u dhashay, isl markana lagu eedeeyay inuu Khamiistii dad gaari ku jiirsiiyay magaalada Barcelona.

Maxkamadda Hindiya oo go’aan ka gaaraysa furriinka saddexda dalqadood ah

$
0
0

Maxkamadda ugu saraysa dalka Hindiya ayaa la filayaa inay go'aan ka gaarto furitaanka degdeg ah ee saddexda dalqadood mar qura ay ku dhawaaqaan ragga Muslimka ah ee dalkaasi.

Booliska Spain oo dilay tuhunsanaha weerarkii Barcelona

$
0
0

Booliska Spain yaa sheegay inay toogasho ku dileen Yuunis Abuu-Yacquub, oo ah muwaadhin Morocco u dhashay, isl markana lagu eedeeyay inuu Khamiistii dad gaari ku jiirsiiyay magaalada Barcelona.
Ka dib markii uu baxsad ahaa afar maalmood, ayaa waxaa lagu arkay deegaanka Subirats ee galbeedka Barcelona, asagoo xiran wax u eg suunka laga buuxiyay walxaha qarxa.
Waxa uu ku cararay beer canab ah, booliskuna waxay toogteen markii uu diiday inuu is dhiibo oo uu suunka iska bixiyo.
Booliska Spain ayaa sidoo kale xaqiijiyay in Imaam looga shakisan yahay inuu xagjir ka dhigay ragga weerarka soo maleegay, uu Arbacadii ku dhintay qarax ka dhacay warshad bambooyinka ay ku diyaarinayeen oo ku taal Alcanar, koonfurta Barcelona.
Guud ahaan sideed qof oo la tuhunsan yahay ayaa dhintay, halka afar kalena gacanta ugu jiraan booliska.
storvideo: 

Maxkamadda Hindiya oo go’aan ka gaaraysa furriinka...

$
0
0

Maxkamadda ugu saraysa dalka Hindiya ayaa la filayaa inay go'aan ka gaarto furitaanka degdeg ah ee saddexda dalqadood mar qura ay ku dhawaaqaan ragga Muslimka ah ee dalkaasi.
Dadka u ololeeya xuquuqda dumarka ee dalka Hindiya ayaa sheegaya in dalqadaha saddexda goor ah ay fuquuq ku yihiin haweenka, waxaana ay ka codsadeen maxkamadda inay mamnuucdo.
Dadka dhaliilsan in mar qura la israaciyo saddex dalqadood ayaa ku doodaya in kumannaan haween Muslim ah oo intooda badan sabool ah, uu furriinka noocaasi ah noolashooda saameeyo.
Sanadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa dalka Hindiya ku batay ragga Muslimka ah ee xaasaskooda furaya, gaar ahaan kuwa wicitaanka telefoonka iyo fariimaha qoraalka ah ku fura dumarkooda.
Nidaamka guurka iyo furriinka Muslimiinta Hindiya ayaa waxaa lagu hagaa shareecada Islaamka, iyadoo qaar ka mid ah ururada Muslimiinta ee dalkaasina ay ku doodayaan in aan la mamnuuci karin furriinka saddexda dalqadood ah, haddii ay sidaa maxkamada go'aamisana ay ka dhigan tahay inay faragelisay diintooda.
Haseyeeshee dadka gadaal ka raxiiya arrinkan ayaa sheegaya in dalal Muslim ah oo ay ka mid yihiin Pakistan iyo Bangladesh ay horay u mamnuuceen dalqadaha saddexda ah, Hindiyana ay kuwaa ku dayan karto.
Garsoorayaasha kiiskan qaadaya ee maxkamadda ugu saraysa Hindiya ayaa ka kooban 5 xaakim oo kala haysata shan diimood oo kala duwan.
Waxayna maxkamaddu go'aan ka gaari doontaa dhawr codsi oo ay usoo gudbiyeen ururada u dooda xuquuqda dumarka, ayadoo xukumi doonta in saddexda dalqadood ee mar qura lagu dhawaaqo ay meel ka dhac ku tahay xuquuqda dumarka Muslimka ah iyo in kale.
storvideo: 


Reer Nugaaleed oo Qatar taageeray

$
0
0

22nd August 2017 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

Dagaalkii Qatar iyo Sacuudiga ka dhaxeeyey ayaa Beelihii Puntland saameeyey, Maanta Odayaasha Beesha Ciise Maxamuud oo iyagu Qatar la jira ayaa baaq ay ku diidan yihiin mowqifkii Madaxweynaha Puntland soo saaray. Maalmaha soo socda, sidoo kale beelihii kale ee Sacuudida iyo Imaaraadka la jiray ayaa warsxaafdeed qaban doona

Garowe: Kuma soo abaabulay shir jifiyeedkii loogu gafey Madaxweynaha Puntland (XOG Xasaasi ah)

storvideo: 

Trump: Waanu sii joogeynaa Afghanistan

$
0
0

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in degdeg ku saaridda ciidanka dalkiisa ee ku sugan Afghanistan ay fursad siineyso ururada argagixisada ah.

Trump: Waanu sii joogeynaa Afghanistan

$
0
0

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in degdeg ku saaridda ciidanka dalkiisa ee ku sugan Afghanistan ay fursad siineyso ururada argagixisada ah.
Waxa uu intaa ku daray in markii hore uu ka fekerayay in ciidamada Maraykanka uu gebi ahaanba ka saaro Afghanistan, balse aanu hadda rabin inuu sameeyo khalad la mid ah kii Ciraaq.
Trump ayaa sheegay inuu ka weecanayo hannaanka waqtiga ku xiran, oo uu xoogga saarayo mid salka ku haya wax ka qabashada xaaladda Afghanistan inta ay doonta ha qaadatee.
"Maraykanku waxa uu la shaqeyn doonaa dowladda Afghanistan ilaa iyo inta laga gaarayo hormarka dalkasi," ayuu yiri madaxweynaha.
Pakistan ayuu u digay, asagoo sheegay in Maraykanka aanu u dulqaadan doonin in dalkaasi uu "hoy u noqdo" ururada xagjirk ah.
Madaxweyne Trump oo laga filayay inuu ku dhawaaqo kordhinta tirada ciidanka ka jooga Afghanistan, ayaa arintaa ku gaabsaday, waxaana uu sheegay in aanu ka hadli doonin tirada askarta iyo qorshahooda.
Janaraalka haysta ciidamada Maraykanka ee Afghanistan ku sugan, John Nicholson, ayaa codsaday 4,000 oo askari oo dheeraad ah in dalkasi la geeyo.
Khudbada madaxweyne Trump ayaa muujinaysay inuu ka filayo dalalka xulafada la ah inay kordhiyaan askarta ka joogta Afghanistan iyo weliba kharashaadka ay ku bixiyaan ciidamadaasi.
Maraykanka ayaa dabayaaqadii 2014 si rasmi ah u joojiyay howlgalada ciidan ee ka dhanka ah ururka Taliban, balse waxaa Afghanistan ka jooga ciidan sida gaarka ah u tababaran oo kalmeeya xooggaga dalkaasi.
Tirada ciidamadaasi Maraykanka ah ee Afghanistan ku sugan ayaa gaaraysa 8,400 oo askari.
storvideo: 

Maxay ka cabanayaan muruqmaalka dekedda Berbera?

$
0
0

Muruqmaalka dekeda Berbera ayaa waxa ay dareemayaan isbeddel ku dhacay shaqadoodii oo gaabis noqotay tan iyo intii ay sharikadda DPWorld ay la wareegtay maamulka dekeddaasi.

Sidee wax looga qaban karaa dhibaatooyinka Gaarisa la degay?

$
0
0

Barasaabka cusub ee deegaanka Garissa, Cali Bunow Qorane, ayaa sheegay in maamulkiisa uu wax ka qaban doono dhibaatooyinka la degay deegaankaas oo ay ka mid tahay biyo yarida.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live