Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

President Sharif visited Mogadishu districts

0
0

The President of the Republic of Somalia H.E. Sharif Sh. Ahmed visited different districts of Mogadishu today in order to encourage the residents to continue the clean up process which began earlier this week. The President walked through Shangani and Hamarweyne districts to thank local residents for their effort in cleaning the streets, pavements and [...]

Hawlagalo Amaan Sugida oo Ka Bilawday M.Galkacyo.

0
0

Galkacyo(Puntlandi.com);- Mamulka Gobolka Mudug,Taliska Qaybta Policka Gobolka Mamulka Degmada iyo Saraakiisha ciidamada ayaa heegan galiyay guud ahaan ciidamada Gobolka ka hawlgala.
Taliska Qaybta Policka Gobolka Mudug ayaa lagu fayliyay Ciidamada Policka kuwa ilaalada Deganka ee D/Hoose iyo ciidamada Madanigaa.
Mamulka Gobolka iyo Saraakiisha amaana ayaa ciidamada ujeediyay khudbado dar daarana kuwaa oo dhamaantood salka ku hayay sidii amaanka Gobolka ay gacanta ugu dhigilahaayeen.
Gudomiyaha Gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jamac (Tigey) ayaa ciidamada kula dar daarmay in ay gacan bira ku qabtaan amaanka Gobolka kana samatabixiyaan dhibaatooyinka dhinaca amaankaa ee Gobolka kajira.
Gudomiyaha ayaa sheegay in amaanka aysan cidkale soo celinkarin loogana baahanyahay in ciidamadan soo celiyaan iyaga oo kaashanaya shacabkooda.
Waxaa uu intaa ku daray in faylkan midka xiga ay soo xaadiridoonaan guud ahaan ciidamada Gobolka ka hawlgala gaar ahaan Daraawiishta,Policka iyo Madaniga iyaga oo isku dhafana ay ka shaqayndoonaan amaanka Gobolka Mudug.
Duqa Degmada Galkacyo Col.Siciid Cabdi Farax oo khudbad ujeediyay ciidamada ayaa sheegay in ay sameeyaan feejignaan dheeriya gaar ahaan xiliyada ay hawlgalada kujiraan.
Waxaa uu sheegay in uu yahay qabiir waxbadan kayaqaan arimaha ciidanka waxaana uu intaa ku daray in habac iyo kala daadsanaan uu kujiro ciidanka loona baahanyahay in ay digtoonaan dheeriya muujiyaan.
Ugu Danbayn Taliyaha Qaybta Policka Gobolka Mudug G/Dhexe C/rashiid Cadceed Gelle ayaa madasha hadal kajeediyay waxaana uu ciidanka u kala diray hawlgalka isaga oo iclaamiyay in uu jiridoono hawlgalo baaxadwayn kuwaa oo Gobolka laga fulinayo.
Taliyaha ayaa amaanay ciidamada madanigaa ee Gobolka kajira waxaaana uu ku dhiirigaliyay in ay shaqadooda labajibaaraan amaankana adkeeyaan.
Waxaa muuqata in mamulka Gobolka iyo Degmada waqtigan doonayaan in ilgaara ay ku hayaan amaanka Gobolka hadii ay sii socdaan hawlagaladana waxaa wax iska badalidoonaa amaanka Gobolka.
Puntlandi.com Galkacyo

Halkan Ka Daawo: Fanaanka Qarniga Fuaad Cumar Iyo Heestii Cusbayd Ee Heshiis Guur

song “waa in aan qancinaa taageerayaasheena”

0
0

04 Oct 2011-  Alex Song oo ka mid ah ciyaaryahanada lafdhabarta u ah kooxda xili ciyaareedkan la ildaran musiibada Guuldarooyinka ayaa waxa uu sheegay in ciyaaryahanada Arsenal looga fadhiyo inay wax ka badalaan hanaankooda ciyaareed.
Song ayaa shaaciyay in kooxda ay iminka marayso halkii ugu xumaa ebed lagama maarmaana ay tahay soo celinta sharaftii arsenal oo uu sheegay inay kusii dhacayso Hog dheer.
“ma dareemaayay wax aan ku farxo maxaa yeelay waxan haysanay fursado badan waxaana nalaga sugaa guulo badan,waxaana u bahanahay inaan wax ka barano dhacdooyinkii nasoo maray’
Laacibkaan ayaa dhanka daafaca maalmahaan ka ciyaaraayay waxa uuna intaasi raaciyay in sidoo kale ciyaarayahanada Kooxda looga fadhiyo inay qanciyaan Rabitaanka Taageerayaasha kooxda.
“waxaan u baahanahay inaan isdaba qabano,macquul maahan inaan dhibco kale luminaa,taageerayaashana taas nagama yeelayaan,waana inaan tasi mustaqbalka wax ka baranaa, maxaa yeelay haatan ma qumanin,”
Kooxda Arsenal ayaa haatan xaaladu ku cakirantahay waxaana iminka ay la daalaa dhacaysaa darsin dhaawacyo ah oo soo wjaahday,waxaana sii baaba aaya hanaankii awoodeed ee naadiga iyo kubadii baaska qurxooneed ee astaanda u ahaa Arsenal.
Mohamud Hassan idaajaa
idaajaa4@gmail.com
idaajaa_11@hotmail.com

Xildhibaan Faadumo Cali Madar Oo Xaflad Loogu Qabtay Magaalada Oslo Ee Dalka Norway

0
0

Waxaa habeenkii sabtidii dadweynaha soomaaliyeed ee ku nool dalka Norway gaar ahaan magaalada Oslo ay u qabteen Xildhibaanada Cusub ee Faadumo Cali Madar, xafladaa oo ay kasoo qayb galeen dadweyne aad u fara badan , ka daawo qaar ka mid ah sawirada Xafladaas halkna hoose:–

Oodweynenews.com/London
 
Shirka Dubur oo galay Maalintii 5aad Iyo Wufuud culus oo ka socda gobolka Togdheer oo gaadhay

0
0

Waxaa ka socda shirka lagu qabayo Dabur ee Gobolka Saaxil oo galay maalintii shanaad halkaas oo ay soo gaadhaan wufuud culus oo ta timi magaalada burco ee gobolka Togdheer , iy0 halkaas oo khudbad dheer laga jeediyey, halkan hoose ka daawo warkii oo dhan:–

SAWIRKA MAANTA. Quruxda Uu illaahay Ku Manaystay Dalkeena

0
0

Sawirka maanta ee shabakada caalamiga ah ee Oodweynenews waa sawir muujinaya quruxda uu ilaahay ku manaystay dalkeena, dalkeenu waa dal hodan ku ah khayraadka dabiiciga ah gaar ahaan dhinaca quruxda iyo dalxiiska  ee Indhaha soo jiidanaya markaad aragto, goobtanina waa meel qiyaas ahaan 35km ujirta magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag kana xigta dhinaca Wuqooyi-bari laguna magacaabo Midhisho. Waxaan filaynaa inay tahay deegaanka  dalkeena ugu quruxda badan, maxay kula tahay? . DAAWASHO WACAN.

SAWIRKA MAANTA EE SHABAKADA CAALAMIGA AH EE OODWEYNENEWS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Oo Khudbad Dhinacyo Badan Taabaneysa U Jeediyey Gudoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir(Dhageyso)

0
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa Khudbad qiimo leh oo dhinacyo badan taabaneysa u jeediyey Gudoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir oo uu Madaxweynuhu maanta Xafiiskiisa kula kulmay.
Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa Khudbadda uu u jeediyey Gudoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir waxa uu kaga hadlay arrimo dhowr ah oo quseeya Ammaanka iyo Gargaarka.
Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Khudbadda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Uu Ka Jeediyey Kulankii Gudoomiyeyaasha Degmooyinka

Dhageyso Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada Radio Muqdisho

0
0

Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada oo Habeen walba kabaxa Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya marka laga reebo Jimcaha ayaa waxa uu kamid ahaa Barnaamijyada ay Aqristayaasha radiomuqdisho.net si toos ah ula socon jireen oo bogga ay ka dhagaysan jireen marka uu idaacadda kabaxo kadib balse bishii barakaysneyd ee Radamaan ayuu webka ka hakaday sababo la xiriira Barnaamijka Tartan Cilmiyeedka ay Warbaahinta Dowladdu u qabatay degmooyinka dalkeena qaarkood oo ay aqristayaashu si toos ah habeel walba ula socon jireen balse hadii alle idmo Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada wuxuu noqon doonnaa mid sidii hore ay aqristayaasha ula socdeen bogga ay ka dhagaysan karaan.
Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Qaybta Koobaad Ee Bandhiga Wareysiyada 03-Octobar
Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Qaybta Labaad Ee Bandhiga Wareysiyada 03-Octobar

Maxaa ka soo Baxay Kulankii Gaalkacyo ku Dhexmaray Saraakiisha Amisom iyo Masuuliyiinta Galmudug?

0
0

Gaalkacyo (RBC) Wasiir ku xigeenka warfaafinta ee maamulka Galmudug Axmed Maxamed Baasto ayaa faahfaahin ka bixiyey kulan maalintii shalay koonfurta Gaalkacyo ku dhexmaray masuuliyiinta Galmudug iyo wafdi saraakiil ciidamada Amisom ka socda iyo DKMG ah oo beryahan ku sugnaa Garowe iyo Gaalkacyo.
Axmed Maxamed Baasto oo warbaahinta gudaha u faahfaahiyey waxyaabihii ka soo baxay kulankii shalay ka dhacay madaxtooyada Galmudug ee koonfurta Gaalkacyo ayaa sheegay in labada dhinac ay ka wada hadleen arimaha amniga gobolka iyo sidii loo caawin lahaa maamulka Galmudug.
“Wafdiga waxaa soo dhoweeyey masuuliyiinta Galmudug, waxaana na dhexmaray wada hadal fiican. Ugu horeyn waxaan isku afgaranay in 100 askari tababar loogu qaado Galmudug kuwasoo lagu soo tababarayo wadanka Rwanda” ayuu yiri wasiir ku xigeenka warfaafinta Galmudug.
Wasiir ku xigeenka ayaa intaa ku daray in sidoo kale arinta amniga magaalada Gaalkacyo lagu soo qaaday kulanka wuxuuna sheegay in Galmudug lagu amaanay dhanka nabadgelyada ka jirta deegaankeeda.
Kulankan shalay dhexmaray masuuliyiinta Galmudug iyo saraakiisha ciidamada Amisom waxaa ka qeybgalay Gen C/qaadir Sheekh Cali oo ah taliyaha ciidamada militariga DKMG  iyadoo dhanka Galmudug ay goobjoog ka ahaayeen wasiirada maamulkaasi.
Kulankan waxaa ka horeeyey kulan kale oo ay saraakiisha Amisom iyo kuwa DKMG ah la soo yeesheen masuuliyiinta Puntland iyagoo soo maray magaalada Garowe oo ay afar maalmood joogeen.
Socdaalka saraakiisha Amisom ay ku tageen Puntland iyo Galmudug ayaa ah kii ugu horeeyey oo saraakiil Amisom ka socota ku tagaan deegaanada labada maamul. Wuxuuna socdaalkan ku soo aaday xilli xaalad amaandari ay ka jiraan magaalada Gaalkacyo.
RBC Radio

Sheekh Adan Madoobe: Guddi isugu jira Baarlamaanka Xukuumada iyo Aqoonyahano haloo Saaro arinta Badda

0
0

Muqdisho (RBC Radio) Sheekh Adan Maxamed nuur Adan madoobe gudoomiyihii hore ee baarlamaanka KMG Soomaaliya aya ka hadlay arinta mudanayaasha baarlamaanka KMG ay ka doodayaan eek u aadan soodinta Bada Soomaaliya.
Adan Maxamed nuur Madoobe ayaa sheegay in loo baahanyahay in arintaan gudi loo saaro kaasi oo ka kooban baarlamaanka KMG ah Xukuumada iyo Qubaro, kuwaasi oo soo xaqiijinaya waxa bada Soomaaliya ka badalay Badaha caalamka oo keenay in mar kasta kaga doodo biyaha Soomaaliya.
“hales weydiiyo arintaan meesha ay markasta ka soo laalaabato oo ka nooshahay oo ladaba joogo anaga waxaan ogalnahay in meelkasta la geeyo oo looga daado, warmaxaa Soomaaliya Badeeda gaar ka dhigay oo looga daadi la’yahay Badaha Aduunka”sidaa waxaa yiri xildhibaan Adan Madoobe.
“waa la dheeraynayaa waa la gaabinayaa maxaa Badeena ka dhigay meel xuduudeeda cadahay saan la hoodhigo iyo saan ha loo dhigo maxaa keenay’”ayuu hadalkiisa ku siidaray.
Sheekh aadan Madoobe ayaa ku baaqay baarlamaanka iyo xukuumada KMG Soomaaliya oo isku duuban in ay arintaan ka fikiraan isla markaana ay eegaan waxa keenay in markasta la doodo biyaha Soomaaliya.
Xildhibaan Moobe ayaa dhanka Kale sheegay Soomaaliya oo ku jirta Qaramada Midoobay ururka Midowga Afriga iyo waliba urur gobaleedka IGAD in aanan marnababa la dhici Karin Badeeda.
Halkaan ayaa waxuu imaanayaa xili mudanayaasha baarlamaanka KMG Soomaaliya ay arintaan si weyn kaga doodayaan isla markaana xildhibaanada baarlamaanka ay ku kala aragti duwanyihiin arinta Bada.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

Basaska: Baarlamaanka Socda

0
0

Cabdillaahi Xasan Cabdillaahi “Baxraawi”
Dood-wadaagga iyo nidaamka ku dhisan in qof kastaaba fikirkiisa si xor ah u cabiro ayaa caan ka dhex ah bulsho weynta reer Somaliland iyadoo goobaha la iskugu yimaado sida maqaaxiyaha, mafrashyada iyo suuqyada intaba laga doodo xaalada siyaasadeed, dhaqan-dhaqaale iyo bulsho ee dalku hadba la daris yahay.
Meelaha xiisaha leh ee ugu mudan, doodaha ugu mudakarsana ay ka dhacaan waxa ugu muhimsan basaska. Iyadoo sababta ay uga ka dhigtay in doodahoodu ka xamaasad iyo xiiseba badan yihiin kuwa ka dhaca goobaha aynu soo xusnay ay ugu muhimsan waa ta koowaade, waa meel cid gaar ah u xidhnayn ee loo siman yahay, matalan, mafrashyada waxa wada fadhiista in is sheeko taqaana, aragtidooda siyaasadeed laga yaabo inay midaysan tahay wadaaga, aqoon ahaan iyo mihnad ahaanba u siman, oo dooda ka socotaa wax cusub soo kordhinayn maadaama oo qof kastaba la sii garan karo halka iyo dhanka uu ka fakirayo. Haddaynu milicsano, xaga maqaaxiyaha inkastoo sheekadu tahay mid dad badan oo kala aragti duwan, kala da’ gadisan oo xagga aqoontana ku kala tagsani ay iskugu yimaadaan haddana waa mid aan bulshadu u dhammayn , tusaale ahaan haweenka ayaa ka maqan.
Laakiin, basasku waxay goobaha kale kaga dood mac yihiin waa meel ay iskugu yimaadaan dhadig iyo labood, culimo iyo caamo, aqoonyahan iyo qof aanay alifka iyo ba'du u kala soocnayn kana kala soo jeeda da'da iyo ayniyo mararka qaar aad u kala durugsan. Waa goob muddada kooban ee qof kastaaba ku jiro wax kaga korodhsan karo kuna biirin karo bulshada magaalada daafaheeda kala duwan dhan kastaba ka timid ee saaran—sax ha ahaato ama qalad; run ama beenba. Waa goob ay ku hirdamaan ra'yiyo aad u kala fog oo dadka saaran ee qaybaha kala duwan ee bulshada ah ka soo kala jeedaa ay u codeeyaan iyagoo u miisamaya si waaqiciya oo mararka qaar lagu tilmaami karaba inuu yahay basku baarlamaan socda.
Dadkeenu waa dad aan qalada aqoon marka la garab dhigo dadyawga kale. Tusaale ahaan, waa dhif iyo naadir in la arko dood balaadhan oo ka dhacaysa tareen ama bas gudahii marka la joogo dalalka Reer Galbeedka, balse dadkeenu dhaqan ahaan waa dad galaangal leh oo si fudud iskula jaanqaadi kara markay noqoto xaga dood-wadaaga iyo haasaawaha.
Marka albaabka la iskugu laabo baska ee la hubiyo 30 ama 25 qofba inay saaran yihiin ayaa markaba sheekadu isqoorsataa oo ka ugu horeeya iyo kan ugu danbeeyaa mid kastaaba isku dayaa inuu keeno dood iyo mooshin xiise leh oo lala wadaagi karo. Waxa koone ilaa koone la isweydaarsadaa dood lagu ladhay kaftan aan turxaan lahayn, taas oo mararka qaar cirka isku shareerto oo heer gacan ka hadal ah gaadha marka cayda-lafa-jabiska iyo ereyadda meel-qaban-waaga ah lagu kala ciil bixi waayo.
Waxa qof kastaaba u hanqal-taagaa inuu war iyo wacaal halkaa wixii la isku dhaafsanayo ka sii guntado oo haduu goob shaqo ku socdo iyo haduu xaafadiisa ku sii hoyanayo ama ka soo socdaba wax ka sii calfado sheekada.
Dooda marka laga tago, waa meel lagu kala warqaato sidaynu soo sheegnay oo warka aad halkaas ka maqasho laga yaabo in afarta jiho ee magaalada sida caws dab qabsaday mar kaliya u wada gaadho oo warar la badhxay iyo kuwo lis ah intaba waad ka heli kartaa. Maalin barqo ah ayaa bas waxaan ka soo raacay suuqa, goorahaas 50% dadka saarani waa haween ku sii jeeda guryahoodii oo suuqa ka soo adeeganayay. Markii waxooga la socday ee qof kastaaba dhagaha u taagayo goorta ay dooda ugu horraysa sida xabada dhuunta ka soo bixi doonto, ayaa waxa sida hanqadhka mar kaliya uga dhex onkoday cod u dheer oo kor u qaylinaya. Waa ninka xaga danbe fadhiya, markuu dareemay in dadkii dhagaha ku amaanaysteen oo dhankiisa soo wada jaleeceen ayuu yidhi: "Sawmaanaan hadda ka iman tii maxkamad ahayd oo islaan aanu isxigno labada dhagoodba mid inkaar qabtaa may goosan?!"
Kii ugu horeeyay ilaa kii ugu danbeeyay ayaa mar kaliya la soo wada booday "Goosatayaaaa?!" intaanu jawaabin ayaa islaan ag fadhiday ay ku tidhi:
 -"Oo hooyo maxaa u geeyay?"
-"Dee maanu garanayni imtaxaanuun…dee balaayo ayaa ku qaadatay maxaanu garan" ayuu ugu jawaabay.
Gabadh kale ayaa la soo booday "Oo intay mid la garaye tan labaad goosanaysay gabadhu maxay qabanaysay…may qaniintay ilkaha qadhabi ka gurtay?"
Isagoon ka jawaabin, lana sugin wuxuu odhan lahaaba ayaa qof kastaaba dhinaciisa jawaab duuduub ah soo laliyey si ugu qiilsamaynayo mixnaddan.
Ninkii odayga ahaaba sheekadi way dhaaftay, waa la isla wada oogsaday oo dirawalkii, kirishboygii qof kastaaba isagoo yaaban oo labada dhaban gacmaha ku haya dhinacna ka gurxamaya oo mashaqadan meesha ka soo ifbaxday la amakaagasan ayuu hadba su'aal heedadaw ah oo isagu inuu isweydiinayo inuu cid kale ku wado aan la kala garanyn ku soo dhex tuuraa. Waxa la soo gaadhay meeshii uu ku dagi lahaa ninkii baska dhagafaarka dhex dhigay. Maadaama oo aan fadhiyo kursiga ka danbeeya kan lagu magacaabo “Habar-ma-waaye” hadalka, gurxanka, codka aan la fahmayn ee fajacisadu keentay intaba waan la socdaa. Mar qosol ayaan isku xejinayaa; mar kale xiise dartii ayay dhagahu I fidayaan oo aan la tiigsanayaa af dhawr mitir ii jira si aan u masuuninyo uun waxa uu leeyahay, laakiin ninka mooshinka keenay aqooni iiguma laabna oo waan aqaanaa!
Markuu sii dagayay ayuu intuu dib u soo qooraansaday yidhi, "Meelahaa kaga sheekeeya gabadhba labada dhagoodba la goostay, naa waa been…hadduu qof waalani wax idiin sheegana maad rumaysanaysaan?” Ninkani waa nin buka oo xiska wax uga dhiman yihiin balse muuqaal ahaan iyo dood ahaanba haddaad milicsato qof fayaw judhaba loo qaadanayo. Mar kaliya ayaa wax qosol ku dhufta iyo wax hadalku yaab dartii ku gudhay loo qaybsamay, ka dib markii tiraba saddex qof marag iskugu raaceen inuu hebalkani kaan garanayo iyo sidaan u garanayey intaba yahay.
Ha ahaato dhaqanka, diinta, arrimaha bulshadda, siyaasadda, dhaqaalaha iyo guud ahaan qaybaha nolosha basku waa goob lagu faaqido ama mararka qaar afkaar aad la yaabayso qiimahooda ay ka soo baxaan. Waa kuwo dhex mara dad kala duwan oo qaybaha bulshada ee kala gadisan oo dhan ka kooban oo aan qofna lagu cabudhin fikirkiisa oo uu si xor ah u dhiibto. Waa meel xoriyatal-qawlku hadheeyay, rag iyo dumar, culimo iyo caamo, yar iyo weyn aan la isku qoonsan qofba aragtidii iyo soo jeedintiisa, xataa ka waalanna ku dhahoo.
 
Cabdillaahi Xasan Cabdillaahi “Baxraawi”
 
EREYNA LA KALA ODHAN OG ALLENA LA KALA BARYI OG

0
0

Waxan jecelahay inaan in yar ka idhaahdo hadalladii jawaabaha ahaa ee ay isu celiyeen madaxwaynaha Md siilaanyo iyo xisbiga UDUB siiba wasiirkii hore ee hawlaha guud Md Siciid Sulub angoo runtii aan aragtidayda ku salaynayn habka caadifadda ama reernimad ee aynu markiiba u mudhuxsanno ee ah hebel waa is xigtaane taageer ama hebel kala beel baa tihiine ku xumee, ee ku salaynaya fikraddaya labada oday, hadalladoodi bal sidaan u arkay
Haddaan ku horreeyo 
MADAXWAYNAHA
hadalkii madaxwaynaha waxu noqday mid woxooga dhega-taag iyo didmo ah geliya bulshada reer somaliland wuxuna keenay su'aalo badan iyo dadka qaarkood inayba doca badan ka eegeen, marka la eego xilliga cawo daranta ah ee madaxwaynuhu hadlay iyo cadhada ka muuqatay iyadoo aad moodaysay inay madaxwaynaha markaa uu hadlayey ay u muuqdeen sawirka  cidda uu la hadlayey oo keliya balse ay ka daahnayd bulshada oo iyagu ah masrixiyadda ama maxkamadda u garnaqaysa siyaasiinta markay sidan u wada hadlayaan.
waxa kaloo madaxwaynaha ka dahsoomay cadawga somaliland oo uu ku jiro shariifka uu u jawaabayey oo hadalka madaxwaynaha u qaadan kara midaan waxbaba sii ahayn ama kalaamu layl.
SICIID SULUB
Haddaba waxa hadal kaa ka duwan kaga jawaabay Md Siciid Sulub, iyadoo ay hadalka siciid sulub  ku jireen Dhalliilo, garnaqsi, hanjabaado, isdifaac, wax qirid iyo qaybo kaloo badani hadana wuxu ahaa hadal aad iyo aad (much better) uga hufan oo aad moodaysay in turxaanta iyo deelqaafka laga guray haddana toos u abbaaraya meeshu uu ku waday, waxa kaloo hadalka siciid sulub ka muuqday waayeelnimo iyo degganaan badan  waayo somalidu horay u tidhi kulaylka iyo qabawgu isku meel bay tagaan, waxa intaa u dheeraa amminta oo ahay barqo gibin ay nafluhu dad iyo duunyaba soo foofeen iyo goobta oo ahayd xafiiskii loo saantay in loogu yeedho warfidiyeennada markaad u dhiibayso hadalkii quruskoodu galay.
Haddaba siyaasaddu waa (game) ama ciyaar ka dhex socota siyaasiyiinta waxana libintu raacdaa hadba kii shacabku aad ugu sacabbiyaa, innagu marna kama gar qaadi karno waxyaabaha laysu sheeganayo ama laysku eedaynayo oo dhan iyadoo waxyaabahaa qaarkood yihiinba wax sharciya ama distoori ah oo u baahan  maxkamad ama golaha sharci dejinta oo kala saara, wayna iska cadahay in nin kasta oo siyaasi ahi ka hadlo wixii danihiisa ah ama sumcaddiisa siyaasadeed kobcinaya iskana difaaco wixii eedaymo ah ee loo soo jeediyo  mana odhan karno kaasa run sheegay ama kana been sheegaya. waxaynuse qiimayn ku samayn karraa habka ay masraxyada wax uga soo gudbiyaan oo ay ku kasban karaan taageerada shacabka ee mustaqbalkiisa siyaasadeed naanaysaha dadku ugu yeedhaanna halkaasuu siyaasigu ka qaataa.
Waxan ku soo gababaynayaa somalidu waxay tidhaa EREYNA LA KALA ODHAN OG, ALLENA LA KALA BARYI OGE allayle magan alla'e quruxdii hadalku siciid sulubbay raacday doorkan maanta ah garise waa dambaysaa meelay ku ciiri allaa og
Wabillahi tawfiiq 
SULEIMAN YASIN 
Sheffield UK
————————————————————
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.

YAA XAQ U LEH IN UU UMMAD XUKUMO.

0
0

Inta aanan ka hadlin cidda xaqa u leh in ay ummad xukunto waxaan
doonayaa in aan sheeko yar idiin soo gudbiyo. Waxaa jiray nin ka mid
ahaa falaasafaddii Giriigga magaciisa la odhan jiray BALAATU. Wuxuu
Balaatu qoray boog caan ah oo magaciisu yahay The Republic. Dadka
lagu sheego aqoon yahaynka ruux aan akhiriyini waa uu yar yahay.
Markaas ayaa saaxibaday ka sheekayn jireen oo dhihi jireen ma akhriday
buugga Balaatu ee magaciisu yahay The republic, waxaan ugu jawaabi
jiray maya, markaas ayay ii arki jireen nin aan lahayn aragti siyaasadeed
oo aan waxba kala ogayn. Maalinkii dambe aniga oo ku jira kaydka
buugaagta ee Hounslow London ayaa waxaa isha ku dhuftay buuggii the
republic. Markaas ayaan soo qaaday oo kala furay waxaa igu soo baxay
bog ay ku dhignayd su’aal uu is weydiinayo qoraha buuggu oo lee yahay
yaa xa u leh in uu wax xukumo? Wuxuu ku jawaabay Madaxweynaha ha
ahaado digtaatoor ama mid si dimoqaraadi ah loo soo doortay ama
awtoritaariyan (authoritarian) ayaa xaq u leh in uu xukumo. Markii aan
fikirkii faylasuufkaas aan arkay waxaan dhahay “been run u eg ayuu
sheegay”. Waayo waxaa wuxuu ahaa gaal aan Alle rumaysanayn wax
aqoon ahna u lahayn. Waxaanse anigu gartay in marba haddii uu
adduunka Alle abuuray uu isagu xukunka adduunka xaq u lee yahay.
Waxaa la wada og yahay in abuurku ka kooban yahay waxyaabo kala
noole iyo ma-noole wax kasta oo uu yahay. Ma jiro wax ka mid ah abuurka
oo aan lahayn nidaam iyo dhaqan u gaar ah, taas oo ah sharci uu ku
socdo. Matal xiddiguhu waxay lee yihiin dad kulayl dhaaf ah hase yeeshee
meerayaasha oo markii dhulka looga jeedo u eg xiddigo ma laha dab
laakiin iftiinka qorraxda ayay cawar ahaan noogu soo celiyaan markaas
ayaynu u aragna sida dayaxa iyaga oo dhalaalayo oo xidigo la moodo.
Gaaska ogsijiintu waxay caawisaa dabka haddii uusan ogsijiin jiri lahaynna
adduunka dab lagama shiteen, isla mar ahaantaasna waa gaaska la
neefsado oo la’aanteed lama noolaan karo. Si dhirtu ku baxdo wuxuu
Alle u yeelay xididdo dhulkana 75% ayaa biyo ah, qorraxduna tamar ayay
siisaa, markaas ayay dhirtu baxdaa. Haddii aanay biyo, tamar iyo hawo
isku heli lahayn dhirto ma baxdeen. Waxaan uga jeedaa wax waliba si
ayuu Alle ugu talo galay marka haddii sidaas la waayo wax waliba waa
xumaanayaan.
Qiyaamuhuna walaalayaal wax kale ma aha ee waxaa istaagaya qadderka
iyo qadaaga. Wuxuu Alle aayadda 49aad ee suuradda Ibraahiim noogu
caddaynaya in maalinka qiyaamaha ay dhulka iyo cirarku noqonayaan wax
aan dhul iyo cirar toona ahayn. Taas oo macnaheedu yahay in wixii abuur
ahaan ku dhex jiraa uu wax waliba noqonayo waxa ay hadda yihiin wax ka
duwan oo aan wixii ay ahaayeen ahayn.
Cirku cirkii la yiqiin ma aha, geedkuna geedkii la yiqiin ma noqonayo,
biyuhu biyihii ma aha, dadku hdadkii ma aha, buuruhu buurihii la yiqiin ma
aha, wax waliba wixii ay ahaayeen ma aha, hase yeeshee sida ay wax
noqonayaan cid garan kartaa ma jirto waayo maraglayda (qaybka) cid
malayn kartaa ma jirto.
Waxaad kale oo walaalayaal la wada ogsoon yahay in dadku ka mid
yahay inta Alle garashada iyo garaadka siiyey. Caqliguna walaalayaal
sharci la’aan ma noqon karo sidaasna Alle ayaa u gartay. Marka waad
garan kartaan in Alle inta uu caaqil abuuray kana dhigay mid fekeraya
oo qorshe dejinaya in uusan sharci iyo nidaam siinin, sida uu wax kasta
ugu sameeyey nidaabka ee ka muuqata aayadda kor ku xusan ayuu
dadkana ugu sameeyey nimaad iyo sharci ay ku dhaqmaan, wuxuuna noo
soo diray rusul na soo gaadhsiisa sharciga uu Alle doonayo in aynu ku
dhaqanno markaas ayaynu diiddan nahay. Wuxuuna Alle sidaas noogu
sheeayaa aayado faro badan oo ka mida Quraanka oo ay ka mid tahay
aayadda 213aad Al-Baqarah oo iyada oo kooban sheegaysa in uu Alle
dadka oo isku mid ah uu u soo diray rusul u wadda kitaab runta sugaya
si ay ugu kala xukumaan dadka. Aayadda 23aad Aala Cimraan iyana
waxay noo sheegaysaa in ay jiraan kuwa qaar ka mid ah kitaabka loo
keenay lana faray in ay isku xukumaan oo qaarkood diidayo. Sidoo kale
aayadda 48aad An-Nuur waxay noo sheegaysaa in ay jiraan kuwo haddii
loogu yeedho in Alle iyo rasuulkiisu ay ka qaataan sharcigii ay ku kala bixi
lahaayeen uu qaar ka mid ahi diidayo. Waxay ahayd in haddii mu’miniinta
loogu yeedho inay isku xukumaan sharciga Alle in ay dhahaan waa tahay
mooyee hadal kale uma furna.
Wixii aan caaqilka ahayn sida xoolaha iyo ma noolayaasha in Alle xukumay
nidaamna u sameeyey la iskuma haysto ee waxa ay dhibtu ka taagan
tahay waa caqlileyda dadka iyo Jinka.
GUNAANAD:
Ciddii aan ku dhaqmin shareecada Islaamku ma aha islaam, marka waxaa
is weyddiin leh haddii aanay ahayn islaam waa maxay. Ma gaalaa aan
salaad iyo soon iyo cibaado laga aqbalayn oo uu camalkoodu joogsaday
baa mase waa muslim caasi ah. Anigu waxaan u arkaa in uusan qofkaas
sheegan karin msulim marba haddii uusan Alle caabudayn. Waxaa Alle
caabuda ruuxii manhajkiisa sida uu yahay ugu dadaala in uu u fuliyo haddii
gef ka dhacana ka qoomameeya dibna isaga ilaaliya. Laakiin ruux aan dan
iyo muraad ka lahayn Allena caabudin oo aan shareecadiisa ku dhaqmin,
waa uu ka duwan yahay midka caabuda.
Waxaan ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto ugu digayaa in
ay yeeshaan dastuur dad sameeyey ciddii ula timaaddana waa in ay ku
diidaan, haddii xoog iyo dagaal loola yimaaddo si loogu qasbo qaadashada
dastuurka waxaa xaq ah in laga dagaalamo.
OGAADA RUUXII ALLE CAABUDAA WAA RUUXA KU DHAQMA
SHAREECADIISA.
————————————————————
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.

Dhageeyso Warka Subaxnimo

Fadeexadii Batalaale

0
0

Waxaan marka hore salaamayaa dhamaan Shacabka Soomaliland meel kasta oo ay joogaan. Mark labaadna waxaan salaamayaa warbaahinta Somaliland waxaanan leeyahay aad ayaanu idiinku mahadineynaa sida hagarlaanta leh ee aad nooga haqab dirtaan wararka wadankeena hooyo.
Aniga oo ah Yuusuf Yaasiin Sugule, oo degan magaalada Berbera, ahna Macalin wax ka dhiga Dugsiga Sare ee Bursade ee Berbera, dhalasho ahaana ka soo jeeda magaaladan Berbera. Ayaan jeclahey in aan u cadeeyo Umada Soomaaliland fadeexad weyn oo ka dhacdey Xeebta Batalaale.
 
Waxa ay Dawladu siisey qof kasta oo ka soo qeyb galey maalintii ugu dambeysay Shirkii Berbera $50.00. Shirkaas oo labadii maalmood ee hore ay 4 Oday iyo 10 kale oo aan ahey Reerka oo raamsi doon ahi ay ku xareesnaayeen qol ku yaala Hotelka Mansoor ee magaalada Berbera. Waxa kale oo ay  halkaa keentay Dawladu Dumarkii Jaamal laaye ee ka mid ahaa dadka laga tirada badan yahey ee degan magaaladan Berbera. kuwaas oo laga garanayey dhaqankoodii in aanu ahey daqanka Ciise Muuse.
 
Hadaba anigu oo u badheedhay in ann shaqadan yar ee aan caruurta masruufkeeda aan ku filneyn in aan ku waayo soo bandhigida xaqiiqda ka dhacdey Batalaale, aniga oo og in aanan waayeen Ilaahey hadaan waayo shaqadan yar.
 
Waxaan u sheegayaa Umada Soomaliland meel kasta oo ay jogaan in dadkii aad ku aragteen Batalaale ay ahaayeen dad ku qariib ahaa magaaladan Berbera, isla markaana aanu garan waayey meel laga keenay, isla habeenimadiina ay ka baxeen magaaladan dhinac ay u baxeena aanu garan la'nahey.
 
Hadaba maadaama ay ku kaceen fadeexadaa qaawan dadkii ay dawladu u xilsaaratey gobalkan, ayaan u soo jeedinayaa in ay karaama la'aanta intaa le'eg eey ay masuuliyadeeda iyagu leeyihiin in ay xilka ey ku fashilmeen ay iska casilaan. Inkastoo aanu ognahey in Madaxda sare ee Dawladu ka dambeysay una ogolaatey in ay sidaa u isticmaalaan Xoolaha Umada. hadana waxa cad in ay iska garan waayeen oo ay noqdeen dad aan caqli dheer oo ay wax ku arkaan aan laheyn isla markaana ah dad u shaqeenaya sidii Gaandhi iyo Morgan u shaqeen jireen.
 
Waxaanu leenahey baneeya oo waliba cafis weydiista Reerka aad magaciisa sheeganeysaan. anigu Yuusuf ahaan u maleyn maayo in ay cidi idin saamaxeyso'e.

Wasalaamu Caleykum
Yuusuf Yaasiin Sugule. 
=============================================================================================================================================
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.
 
TAXANIHII MACALIMIINTA -III, W/Q. Ceelaabe

0
0

waa qeybtii saddexaad ee aynu ka soo diyaarino taxanahan aynu ugu talo galney in aynu ku soo bandhigno fikrado muhiim u ah arimaha macalimiinta iyo saameynta ay macalimiintu ku leeyihiin nolosha da,yar badan oo waxbarasho ku jirta dugsiyadana ku jira.waxa aynu qeybtana kusoo qaadan doonaa arimo kale.
 
Mr.X waa mid ka mid ah macalimiin dugsi wax ka dhiga,wuxuu ka sheekeynayaa arimo badan oo kala duwan,ugu horeyn wuxuu inoo sheegayaa in uu maalin maalmaha ka mid ah soo galay fasal uu ardey 40 gaadheysa wax ugu dhigi jirey,fasalkaasi oo maamulkiisana isagu gacanta ku hayey.markii uu xiisadii soo galay ayaa mar qudha ardeydi ay sacabka u qaraaceen,waxaaney ku yidhaahdeen waa maalintii macalimiinta aduunka,waxa la gudoonsiiyey ubaxyo,waxaana halkii lagu siiyey hadyado kala duwan o dhammaan ardeydu ugu talo galeen,aad buu u farxay mar in uu arko ardeydiisii oo macalinkoodii ku faraxsan munaasibada maalinta macalimiinta aduunka,waxaase wax laga naxo aheyd in macalinku aanu la soconba in maanta ay ku beegneyd maalinta loo asteeyey macalimiinta aduunka,waxaana taasi ka sii darneyd in macalinku shaqada ka tagi doono todobaadka danbe oo uu xilka iska wareejin doono macalinimadana uu ka bixi doono.mar wuu farxaa,marna wuu murugoodaa oo wuu ka naxaa dhalinyartaasi isaga la qabsatay ee uu ka tagaayo.
 
wuxuu macalinku dib u xasuustay maalintii ugu horeysey ee dugsiga la keeno,maalintii ugu horeysey ee macalinimo uu faraha la soo galo,wuxuu xasuustaa isaga oo xafiiska la keenay,wuxuu dib u xasuustay maalintii ugu horeysey ee la is baray isaga iyo maamulaha dugsiga,waxaana xasuuus gaar ah u leh oo maanta aad uga oohisey markii ugu horeysey ee fasalka la dhex geeyo,maalintii maamuluhu soo baray ardeyda macalinka cusub ee loo keenay,markii isaga iyo fasalkii loo kala tagay maalintii ugu horeysey ee uu macalin noqdo.tolow maxaa ku dhaca macalimiinta marka ugu horeysa ee ay fasalka yimadaan ama ay shaqadani bilaabayaan,waxa macalinkan Mr X ku soo hagaagay mid ka mid ah fasalada dugsiga ee ay dhigtaan ardeyda ugu akhlaaqda xun,ama rabashada dugsiga inta sameeya,waa ardey xagga akhlaaqdana ka hooseeya kuwa kale,waana mid ka mid ah ardeyda dugsiga ee xagga imtixaankana ugu liidata,waa maalintiisii ugu horeysey,waxaana gadhka laga geliyey fasalkii ugu rabshada badnaa dugsiga oo uu macalin iyo mamuulba u noqon doono.waxa uu kala kulmey ardeydii arimo badan oo niyad jab ku keeni kara macalin hadda shaqada ku cusub,macalinka oo wax lagu soo tuuro marka uu wax qoraayo,maqnaansho badan,hablaha oo afka lala galo,dacaayada gidaarada lagu qoro,daaqadaha oo fasalka laga soo daawado,masaxaada fasalka oo la qariyo,balwado xun,qalin qaadasho badan,xaadiris lagu ciyaaro,dagaal iwm.arimahaasi oo marar badan macalinka ku keenay in uu dalbado in laga wareejiyo fasalkan haddana uu ku guuleysan kari waayey.
 
waa macalin aqoon u leh macalinimada hase ahaate waa markii ugu horeysey ee uu shaqadana faraha la soo galo,waxaana uu u baahan yahay khibrad uu ku maamulo iyo la qabsi uu fahmo ardeydiisa,wuxuuna markii danbe go,aansaday in uu samir yeesho.waxaanu ku fekiray sidii uu fasalkan uga dhigi lahaa mid ka mid ah ardeyda ugu wanaagsan ee dugsiga jooga.wuxuu macalinkani fahansanaa in ardeyda fasalada ku seexda qaar badan oo ka mid ahi ay ku fiican yihiin xagga sawirka,wuxuu ogaa in ardeyda qaar badan oo ka mid ahi ay ku fiican yihiin xagga farta iyo qoraalka,wuxuu ogaaday in qaar badan oo ardeyda ka mid ahi ay ku fiican yihiin xagga ciyaaraha,waxa kale oo uu ogaaday in ardeyda fasalka ugu fiican ama dugsiyada ugu fiican xagga waxbarashadu ay yihiin kuwo  aamusan ama xishood badan kuwaasi oo xitaa aan si fiican u aqoonin hadalka.
 
wax badan ka dib waxa macalinkii u suurta gashay in uu fasalkii gacanta ku qabto,wuxuuna  bartay oo uu si fiican u fahmay  dhammaan tayadii ardeyda oo qaar badan oo wanaagsan uu ka soo dhex saaray.wuxuu adeegsaday khidad iyo caqliyad macalinimo taasi oo keentay in uu dhammaan badalo ardeydii isaga oo aan midna eryin midna weligii dilin.wuxuu fasalkii ka soo saaray ardey dugsiga laga jeclaaday markii danbe,ardey isku xidhan oo iswada jecel,ardey nadaafada ilaalisa,ardey luqada englisha si fiican ugu hadasha ama u baratay maxaa yeelay wuxuu ahaa macalin english isagu.waxaan weli xasuustaa waanooyin badan iyo dhiirigelin badan oo aan ku badalay marar badan ayuu yidhi Mr X.
 
Mr X wuxuu maalin ka mid ah maalmaha soo galay fasalkii waa markiisii ugu danbeeyey,wuxuuna doonaayey in uu sii salaamo ardeydii uu inta badan wax u dhigaayey,wuxuu ka tagayaa macalinkii shaqadii,markii uu fasalka soo galay ee ardeydii loo sheegay in macalinkii ka tagaayo oo uu shaqo kale helay qaar badan oo ardeyda ka mid ah ayaa wada ilmeeyey oo oohin hadli kari waayey,erayo runtii murugo ku wada jirto ayaana ardeydii macalinkii ay ku si sagootiyeen,wey u mahadnaqeen waxaaney uga mahadceliyeen sidii wanaagsaneyd ee uu wax u soo baray akhlaaqdoodana u soo dhisay,macalinka laftiisiina waxa la dareemay isaga oo ilmeynaya oo wejigiisi is badalay.
 
inkasta oo aan dugsigii ka tagaayo,haddana marna ma ilaawi doono ardeydii aan wax u dhigi jiray,waa shaqo adag,waana mid ka mid ah shaqooyin dad loo qabto kuwa ugu qimaha badan,waxaan ku bartay waayo badan iyo dhaqano kala duwan,waxaan wax weyni iska badalay aqoonteydii oo kor u kacday iyo habka xalinta khilaafaadka,habka dhiirigelinta iyo qiimeynta ardeyda intaba.waxaan ku faraxsanahay in aan ka tagi doono ardey aan jidka guusha cagta u saaray,waxan salaamaya dhammaan ardeydii aan wax u dhigi jirey.ilaahay ha idin naxariisto,ilaahay ha idiin ilaaliyo.nabadgelyo marna ma ilaawi doono xasuustiina.
 
La soco……………………………….
Abdifataah Mohamed Ahmed

TAXANIHII MACALIMIINTA -III

0
0

Waa qeybtii saddexaad ee aynu ka soo diyaarino taxanahan aynu ugu talo galney in aynu ku soo bandhigno fikrado muhiim u ah arimaha macalimiinta iyo saameynta ay macalimiintu ku leeyihiin nolosha da,yar badan oo waxbarasho ku jirta dugsiyadana ku jira.waxa aynu qeybtana kusoo qaadan doonaa arimo kale.

La soco……………………..
Abdifataah Mohamed Ahmed
 
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live