Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Banaanbixii Maanta ka dhacay Muqdisho  (Sawiro)

0
0

Halkaan ka dhageyso wareysiga
Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 


Shirkadda Mareykanka ee Bancroft Oo Beenisay in ay...

0
0

Shirkadda Bancroft ee qaabilsan la talinta howlaha amniga iyo tababarka ciidamada Midowg Afrika AMISOM ayaa beenisay hadal heynta ku aadan in mid kamid ah diyaaradaheeda lagu fuliyay weerarkii shalay ka dhacay deegaanka bariire ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
War saxaafadeed kasoo baxay Shirkadda Bancroft ayaa lagu sheegay in baraha bulshada ay ku arkeen eedeenta loo jeedinayo shirkadda ee ku aadan in ay ka qeyb qaadatay weerarkii 10-qof lagu dilay ee shalay ka dhacay Beer ku taala deegaanka Bariire.
"Waxaa jira warar ah in aan ka qeyb qaadanayay howlgalka ka dhacay deegaanka Barire, balse waxaan cadeynaynaa in wararkaas ay yihiin kuwa been abuur ah, ma jiraan Ciidamo ka socda dhankeeda oo ka qeyb qaatay weerarkii shacabta lagu laayay ee ka dhacay deegaanka bariire ee Gobolka Shabeelaha Hoose.", ayaa lagu yiri war kasoo baxay Shirkadda Bancroft.
Sidoo kale warka kasoo baxay Shirkadda Bancroft ayaa lagu sheegay in ay aad kaga xun yihiin dadkii lagu laayay shabeelaha Hoose, balse shirkadda oo Soomaliya ka howgalaysa muddo 9-sano ah aysan waligeed ka qeyb qaadanin weerar lagu laayay shacab Soomaliyeed, ayna mar walba u taagan tahay gacan siinta Dowladda Soomaliya iyo Ciidamada AMISOM.
Mas'uuliyiin ka Tirsan Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in weerarka ay fuliysay Diyaarad ay leedahay shirkadda Bancroft ee qaabilsan la talinta howlaha amniga iyo tababarka ciidamada AMISOM, islamarkaana lagu dilay 10-ruux oo shacab ahaa.
storvideo: 

Madaxweynaha Galmudug oo dhamestiray Golihiisa...

0
0

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf,ayaa dhamestiray xubnihii ka dhinaa Golihiisa Wasiirada Cusub.
Madaxweyne Xaaf,ayaa Maanta Magacaabay, laba Wasiir hal wasiir ku xigeen iyo hal Wasiiru dowle,kuwaas oo isla Maanta la ansixiyay lana dhaariyay.Hoos Ka Akhriso wareegtada Magacaabiusta Wasiirada

storvideo: 

DHAGEYSO Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle

Dhageyso Barnaamijka Hambalyada Iyo Heesaha

0
0

Ku soo dhawaada Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha oo toddobaadkan xiiso gaar ah leh. Ibraahim Xasan Daandurey iyo Caasho Ibraahim Aaden, ayaa la diyaar ah.

Dhacdo naxdin leh: Darawal caawa lagu dilay Degmada...

0
0

Wararka inaga soo gaaraya Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo, ayaa waxay sheegayan in caawa degmadaasi lagu dilay nin darawal ahaa.
Ciidan uu horkacayay Gudoomiye Kuxigeenka Degmada Ceelwaaq, Sahal Macalin, ayaa darawalka kala degay gaarigii uu kaxeynayay oo ganacsi u waday Gobolka Waqooyi Bari Kenya, iyagoona daqiiqado ka dib dilay.
Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo, ayaa Badweyn.com u sheegay in Gudoomiye Kuxigeenku uu ka careysan yahay nin ay isu heyb ahaayen oo maalintii Khamiista lagu dilay Magaalada Kismaayo.
Ninka darawalka ahi ee la dilay, ayaa ku beel ahaa kuwii ninkaasi ku dilay Magaalada Kismaayo, iyadoo aanay jirin dembi kale oo uu marxuumku gaystay, aan ka ahayn in qabiilkii uu ka dhashay ay wax dileen.
Arrinta kale ee layaabka lihi, ayaa waxaa weeye iyadoo Gudoomiye Kuxigeenka Degmada Ceelwaaq uu diiday in meydka marxuumka laga qaado, halkii ay ilaaladiisii ku dishay.
Saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo Maamulka Gobolka Gedo, ayaan weli rasmi ah uga hadlin dhacdada foosha xun ee caawa ka dhacday Degmada Ceelwaaq.
Dhacdadan, ayaa si weyn looga hadalhaya Degmadaasi Ceelwaaq, waxayna dadku soo xusuusisay xilligii adkaa ee dalku uu soo maray, ee qabiil ahaanta leesku ugaarsan jiray.
storvideo: 

DOKUMENT Yaableh: Qaabka uu Fahad yaasiin Xilalka...

0
0

Qoraal uu ku saxiixan yahay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa muujinaya qaab cusub oo xilalka looga qaado shaqaalaha iyo madaxda Madaxtooyada Soomaaliya.
Agaasimihii howlaha guud ee Madaxtooyada C/raxiim Ibraahim Muudey ayaa dhowaan waxaa xil ka qaadis ku sameeyay Fahad Yaasiin, iyadoo uu markii hore damcay inuu si afka ah xilka uga eryo, laakiin markii ku adkeystay in si sharci ah xilka looga qaaday ayuu Agaasimaha madaxtooyada soo saaray qoraalka xil ka qaadistiisa.
Qoraalka waxaa ka muuqda inuu awood adeegsanayo ka sokow in mas'uulka loola dhaqmay si dembiile kiis lagu helay, waxaana la isugu daray in xilka laga wareejiyay, in furayaasha laga qaado iyo inuusan soo geli karin Madaxtooyada.
Arrintan ayaa muujineysa hab dhaqanka uu Madaxtooyada ku soo kordhiyay agaasimaha cusub oo aan weligiis xil dowladnimo soo qaban.

storvideo: 

Xildhibaano sheegay inay dowladda kula xisaabtamayan...

0
0

Xildhibaano ka kala tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya, ayaa waxay sheegeen inay dowladda kula xisaabtami doonaan dadkii shalay lagu laayay Deegaanka Bariire ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Xildhibaanadan oo maanta Magaalada Muqdisho kaga qaybgalay kulan ay lahaayen Odayaasha Dhaqanka & Siyaasiyiinta Beesha Habargidir, ayaa ayiday inaanan la aasin tobanka qof ee lagu dilay Bariire, illaa iyo inta ay dowladdu ka cadaynayso ciddii dishay.
Xildhibaan Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid), Xildhibaan Abshir Maxamed Axmed(Bukhaari), Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad, Xildhibaan Ugaas Yuusuf Geelle iyo Xildhibaan Jawaahir Axmed Cilmi, ayaa ehelada dhibane-yaasha ugu baaqay inay is dejiyan.
Xildhibaan Cabdi Qaybdiid, ayaa sheegay inay taageerayan go'aankii Odayaasha Dhaqanka, ee ahaa inaanan la aasi doonin dhibane-yaasha, iyagoo suggaaya jawaabta dowladda.
Marwo Jawaahir Axmed Cilmi oo kulankaasi ka hadleysay, ayaa ehelada dhibane-yaasha ugu baaqday inaanay fududaan, haddii ay cadahay gardarada lagu laayay dadkooda.
Dowladda Somaliya, ayaa maanta guddi wasiiro u xilsaartay inay muddo shan cisho ahi warbixin kaga keenaan tallaabada ay dadkaasi ku lahaayen Ciidamada Mareykanka.
storvideo: 


Shalay Faarax Cabduqaadir maantana Fahad Yasiin ...

0
0

Halkaan ka dhageyso wareysiga
Qolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

DHAGEYSO Barnaamijka Qubanaha Wararka ee Idaacadda Shabelle

DAAWO: Maamulada Somaliland iyo Khaatuma oo heshiis...

0
0

Aug 27, 2017 -
Waxaa Maanta Magaalada Hargeysa Maamulka Somaliland heshiis ku kala saxiixday Masuuliyiin ka kala socotay Maamulada Khaatuma iyo waliba Soomaaliland kadib shir mudo u socday.
Kulanka heshiis lagu kala saxiixday ayaa waxaa goobjoog ka ahaa masuuliyin ka kala socotay labada dhinac ee Soomaaliland iyo Khaatuma,iyada oo lagu heshiiyay 10, Qodob oo meesha ka saari karta dagaalo markale dhexmara labada dhinac.
Heshiiska ayaa waxaa labada dhinac u kala saxiixday Wasiirka Arrimaha Dibadda Maamulka Somaliland Sacad Cali Shire iyo Kayse Cabdi Yuusuf oo ka socdey Maamulka Khaatumo.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Maamulka Soomaaliland Sacad Cali Shire iyo Kayse Cabdi Yuusuf oo ka socdey Maamulka Khaatumo ayaa Warbaahinta siwadajir ah ula hadlay.
HOOS KA AKHRISO QODOBADA HISHIISKA:1: Waxaaan Tacsi u diraynaa Dadkii ku le'day Magaalada Buuhoodle.2:Waxaan hambalyo u diray Odoyaashii ku guulaystaya Hawshaa .3:In meel looga Soo wada jeedsado Xaalada adag ee la aloosan Buuhoodle .4:In Faragelinta ay ku wadaan Puntland iyo Somalia ay ka Joojiyaan Buuhodle .5:In Caalamka aan u sheegayno wixii ka dhacay Buuhoodle ay ka masuul ka yihiin Maamulada Garoowe iyo Muqdisho .6:In Maamulka Garoowe uu masuul ka yahay dhibaatada ka dhacda Buuhoodle .7:In Garaada iyo Guurtida Dhulbahante ay meel uga Soo wada jeedsadaan cida dhibaataynaysa Buuhoodle .8:In Somalilad aanay Ogolaan doonin in Buuhoodle ay kuu qabtaan Odoyaasha Dhulbahante shir looga tahasnay aayaha dadka deegaankaa Somaliland ay tahay dawlada dad ka iyo dalka .9:In aanay Diyaaradaha iyo Hay'adaha aanay fasax la'aan isticmaali karin gegeda Diyaaradaha ee Buuhoode .10:Waxaa la magacaabay gudi laba geesood ah oo abaabula shir wayne loo qabanayo dadka deegaankaasi .
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Qodobbo Kasoo Baxay Wadahadalladi Somaliland Iyo...

0
0

WASHINGTON. D.C --
Guddiga wada-hadallada Somaliland iyo Khaatumo oo maalmahanba wada-hadallo ku lahaa magaalada Hargeysa, ayaa maanta warbaahinta u sheegay in ay ka soo baxeen qodobbo la xidhiidha shir la qabanayo oo labada dhinac ah.
Wefti uu hoggaaminayo Dr Cali Khaliif Galeydh oo socdaal ku joogay magaalada Hargeysa iyo xubno ka socday dhinaca Somaliland oo ay ka mid yihiin guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe iyo Wasiirka Arrimaha dibedda Dr Sacad Cali Shire, ayaa ka mid ahaa guddida labada dhinac ee wada hadalladani u socdeen.
Weriyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye ayaa warbixintan ka soo diray Hargeysa.

Embed code
Copy and paste the embed code below.
The code has been copied to your clipboard.
0:03:17
0:00:00 /0:03:17
Direct link
Pop-out player
storvideo: 

Liverpool oo Si Xaraga Leh Uga Badisay Arsenal

0
0

Kooxda Liverpool ayaa si xaraga leh uga badisay Arsenal, kadib marki ay 4-0 ku garaacday ciyaar ka tirsaneyd horyaalka Ingiriiska taasoo galabnimadi Sabtida ku dhexmartay garoonka Anfield ee magaalada Liverool.

Xog: RW kheyre oo go’aan aad loo hadal hayo kaga...

0
0

Aug 27, 2017 -
Waxaa Magaalada Muqdisho aad loo hadal hayaa go'aan degdeg ah uu qaatay R/wasaare Kheyre kaasoo ah Wasiirada hoos yimaada in aysan Facebook ku qori karin wararka Xasaasi ah ah sidoo kalana aysan la hadli karin warbaahinta ilaa ay wargaliyaan Xafiiska R/wasaaraha.
Go'aankaan oo sabab looga dhigay fadeexad xukuumada Soomaaliya kasoo wajahdalay howlgal ciidamada Dowlada iyo kuwa Mareykanka ku laayeen dad shacab ah Wasiirada Xukuumadana ay kaga hadleyn siyaabo kala duwan balse waxaa la ogaaday in go'aanka R.wasaaraha sidaan oo kale in sanad ka hor ay ku dhawaaqday Haweeneyda R.wasaaraha ka ah dalka Ingiriiska Theresa May.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Muqdisho: Ciidamada ammaanka oo ka hortagay qarax gaari

0
0

Muqdisho (RBC Radio) Ciidamada ammaanka ayaa qarxiyay gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo la dhigay waddada shaqaallaha gaar ahaan Isgoyska Xaaji Baasto, oo ka tirsan jidka mashqulka badan ee Maka Al-Mukarama .
Goobjoogayaal ayaa sheegay dadka deegaanka inay wargeliyeen ciidamada ammaanka gaariga la dhigay waddada dhinaceeda,kaaso noociisu ahaa SURF.
Ciidamada ayaa markii ay goobta soo gaaren waxaa ay xireen dhammaan waddooyinka soo gala goobta gaariga la dhigay,waxaanna laga fogeeyay shacabka,ciidamada amniga ayaa markii dambe ku guuleystay in ay qarxiyaan gaariga, lamana sheegin cid wax yeelo ka soo gaartay.
Inta badan ciidamada ilaalada wadooyinka Muqdisho ayaa gaadiidka u diida in la dhigo hareera waddooyinka,iyadoo marka la jiido gaarigii la waayo darawalka wada,arrinta oo looga danleeyahay in laga hortago qarax ay gaadiidka sameeyaan.
Qaraxan ayaa hadda laga hortagay,xilli muddooyinkii dambe aysan jirin wax qarax ah oo ka dhaca caasimadda Soomaaliya,mana jirto wali cid sheegatay mas'uuliyada gaariga ay ciidamada amniga qarxiyeen.
__
RBC Radio

storvideo: 


Liverpool oo Si Xaraga Leh Uga Badisay Arsenal

0
0

WASHINGTON. D.C --
Kooxda Liverpool ayaa si xaraga leh uga badisay Arsenal, kadib marki ay 4-0 ku garaacday ciyaar ka tirsaneyd horyaalka Ingiriiska taasoo galabnimadi Sabtida ku dhexmartay garoonka Anfield ee magaalada Liverool.
Liverpool oo mar walba si aad ah u weerareysay jihada goolka Arsenal ayaa waxaa bandhiga goolasha u furay Roberto Firmino oo madaxa la helay kubad uu usoo karoosay Joe Gomez.Goolka labaadna waxaa ku fara yareestay laacibka u dhashay dalka Senegal ee Sadio Mane.
Goolasha kale oo yimid qeybti labaad ee ciyaarta ayaa waxaa kala dhaliyey xidiga dalka Masar Mohamed Salah oo isagu kubadd uu kasoo qaatay bartamaha garoonka daba mariyey goolhayaha Arsenal, iyo weeraryahan Daniel Sturridge oo baddal kusoo galay.
Macalinka Arsenal Wenger ayaa kursiga keydka tagay laacibka uu lacagta badan kasoo bixiyey ee Alexandre Lacazette, kaasoo uu badal ku keenay qeybti danbe ee ciyaarta balse waxba kuma uusan soo kordhin.
Ciyaar kale oo ka tirsaneyd horyaalka Ingiriiska ayaa galabta dhexmartay kooxaha Tottenham iyo Burnley, waxaana ay kusoo dhamaatay 1-1. Tottenham waxaa goolka u dhaliyey Dale Ali halka Burnley uu goolka bareejada u keenay Chris Wood.
storvideo: 

Baarlamaanka Maamulka Galmudug oo ansixiyay miisaaniyada 2017

0
0

Caaado (Sh M Network)—Kulan Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulkja Galmudug ay ku yeesheen Magaalada Cadaado ayaa waxey ku meelmariyeen miisaaniyada 2017.
Kulankan ayaa waxaa soo xaaditay 50 Mudane oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug, waxaan 46 Mudane ay u codeeyeen miisaaniyada 2017, halka 3 Xildhibaan ay diideen, waxaana ka aamusay hal Xildhibaan.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug, Cali Gacal Casir ayaa waxuu sheegay in miisaaniyada maaliyada 2017 la meelmariyay kadib markii Wasaarada Maaliyada ay soo gudbisay.
“Waxaa cod aqlabiyad leh lagu meelmariyay miisaaniyada maaliyada 2017-ka ee Maamulka Galmudug”, sidaasi waxaa yiri Guddoonka Baarlamaanka, Cali Gacal Casir.
Shalay ayee aheyd markii Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug ay asixiyeen Golaha Wasiirada cusub ee uu soo magacaabay Madaxweynaha Maamulka Galmudug.
 
The post Baarlamaanka Maamulka Galmudug oo ansixiyay miisaaniyada 2017 appeared first on Shabelle.

SAWIRO: Taageerayaasha nin Ilaahnimo sheegtay oo...

0
0

Aug 27, 2017 -
Kumanaan ka mid ah taageerayaasha nin Ilaahnimo sheegta oo Hindi ah oo lagu eedeeyey danbi kufsi ah ayaa bilaabay inay ka baxaan xaruntiisa oo ku taala magaalada Sirsa ka dib rabshado dhexmara.
Taageerayaasha Ram Rahim Singh, oo ah hogaamiye diimeed Hindu ah ayaa ka jawaabay codsi ay u direen maamulka magaalada Sirsa ee waqooyiga India si looga hortago rabshado kale oo uu dhiig ku daato.
Ugu yaraan 36 ruux ayaa ku geeriyootay kadib markii ay isku dhaceen taageerayaasha wadaadkan iyo ciidamada booliska oo adeegsaday awood.
Singh ayaa lagu wadaa in la xakumo Isniinta, waxaana saraakiishu ay ka cabsi qabaan in haddii danbi lagu helo ay taageerayaashiisu sameeyaan qalalaaso uu dhiig badani ku daato.
Boqollaal ka mid ah ciidamada amaanka ayaa wali ku sugan magaalada Sirsa, halka maamulkuna ay geliyeen magaalada bandow.
Rabshadihi ka dhacay Sirsa ayaa bilowday kadib marki ay maxkamada magaalada Panchkula ku eedeysay Singh kufsiga laba dumar ah oo ka mid ah taageerayaashiisa.
Arrintaasi ayaa dhalisay in boqolaal ka mid ah dadka isaga taageersan ay dab qabadsiiyaan dhismayaasha dowladda isla markaana weeraraan saxafiyiin iyo saraakiil boolis.One of the dera follower injured after firing after the clash between followera and securities forces on verdict on dera chief on Friday, August 25 2017. Express photo by Jaipal Singh
Securities forces firing on dera followers after followers started violence after the verdict on Dera chief on Friday, August 25 2017. Express photo by Jaipal Singh

Nagala soo xiriir
storvideo: 

Baarlamaanka Maamulka Galmudug oo ansixiyay...

0
0

Caaado (Sh M Network)--Kulan Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulkja Galmudug ay ku yeesheen Magaalada Cadaado ayaa waxey ku meelmariyeen miisaaniyada 2017.
Kulankan ayaa waxaa soo xaaditay 50 Mudane oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug, waxaan 46 Mudane ay u codeeyeen miisaaniyada 2017, halka 3 Xildhibaan ay diideen, waxaana ka aamusay hal Xildhibaan.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug, Cali Gacal Casir ayaa waxuu sheegay in miisaaniyada maaliyada 2017 la meelmariyay kadib markii Wasaarada Maaliyada ay soo gudbisay.
"Waxaa cod aqlabiyad leh lagu meelmariyay miisaaniyada maaliyada 2017-ka ee Maamulka Galmudug", sidaasi waxaa yiri Guddoonka Baarlamaanka, Cali Gacal Casir.
Shalay ayee aheyd markii Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug ay asixiyeen Golaha Wasiirada cusub ee uu soo magacaabay Madaxweynaha Maamulka Galmudug.
storvideo: 

XOG & LIIS: Kooxda Shabaab oo Fashilkii Ugu weynaa...

0
0

Aug 27, 2017 -
Waxaa sii kordhaaya fashilka maleeshiyaadka Al-shabaab ka heysta weeraradii is xigxigay oo ay ka fulin jireen magaalada Muqdisho.
Maleeshiyada Al-shabaab ayaa fashilada ugu badan wajahday wixii ka danbeeyay doorashada Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo, iyadoo hoos u dhaca ugu badan uu soo foodsaaray Alshabaab.
Maleeshiyada Al-shabaab ayaa mudada ay jirto dowlada uu Hogaamiyo Farmaajo fulisay weeraro fara ku tiris ah, kuwaa oo inta badan ay ku waxyeeloobayeen dhalinyarada lagu miidaamiyay gaadiidka.
Qaraxyada fashilmay labadii bil ee ugu danbeysay ayaa ahaa kuwo ay ku nafwaayen dhalinyaradii waday gaariga miineysnaa, waxaana xusid mudan in gaadiidkaasi ay Qarxayeen ka hor inta aysan gaarin goobihii loo maleegay dhagarta.
Qaarkood ayaa ku Qarxaayay hareeraha waddooyinka, halka qaarna ay Qarxayeen iyagoo socda kuna sii jeeda goobaha taargeetka u ahaa maleeshiyada.
Sidoo kale, fashilinta gaadiidka ayaa waxaa kaalin weyn ka qaadanaayay ciidamada Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka kuwaa oo xili waliba taagan waddooyinka magaalada Muqdisho.
HADDABA HOOS KA AKHRISO QARAXYADII UGU DANBEEYAY OO AY KU FASHILMEEN AL-SHABAAB.
1- July 12, 2017, Qarax loo adeegsaday Gaari nooca Dheenada loo yaqaan oo fashilmay ayaa ka dhacay deegaanka Siinka Dheer ee duleedka magaalada Muqdisho waxa uuna kusoo fool lahaa magaalada Muqdisho.
2- July 30, 2017, Qarax gaari oo fashilmay ayaa ka dhacay wadada Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho, gaar ahaan inta u dhaxeysa Saldhiga Waaberi iyo Hotelka Maka Al-Mukarama.
3- August 4, 2017, Qarax gaari oo fashilmay ayaa ka dhacay afafka hore ee maqaayad ku dhow Isbitaalka Daaru Shifa iyo Hotel Ambasaador, kaa oo ahaa gaari maraayay wadada xiliga uu Qarxaayay.
4- August ,10, 2017, Qarax laga soo buuxiyay gaari nooca raaxada oo fashilmay ayaa ka dhacay agagaarka Carwo Alkowther waxaana ku dhaawacmay Seddex ruux oo shacab ahaa.
5- August 27, 2017, Qarax gaari fashimay ayaa waxa uu ka dhacay wadada Makka Al-Mukarama, gaar ahaan eeryada Hoteel Mubaarak oo ku dhow Isgooyska Xaaji baasto.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live