Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Rugta Ganacsiga oo Ka Jawaabtay Hadalkii Wasaarada...

$
0
0

Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya ayaa waxa ay ka hadleen hadalkii ka soo baxay Wasaarada Ganacsiga Iyo Warshadaha Soomaaliya, kaasi oo lagu sheegay in la baabi'iyay guud ahaan Rugta Ganacsiga.
Agaasimaha Rugta Ganacsiga Soomaaliyed Cabdi Abshir Dhoore oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay Rugta Ganacsiga inay tahay Hay'ad ka madax banaan Dowladda Soomaaliya oo ku tiirsan Ururada Bulshada Rayidka.
Cabdi Abshir Dhoore ayaa sheegay in aanan lagu soo wargelin Warqadda ka soo baxay Xafiiska Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya, balse Warbaahinta kaliya ay ka maqleen arintaasi.
Wuxuu soo bandhigay Agaasimaha Rugta Ganacsiga Soomaaliyed Warqad cadeynaysa sharci ahaanshaha Rugta, taasi oo ka soo baxday Xafiiska Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre.
Ka hor inta aysan Warqada soo saarin Wasaaradda Ganacsiga ayaa wuxuu sheegay inay haboonaan laheyd in arintaan ay ka wada hadlaan Wasaaradda iyo Rugta ganacsiga Soomaaliyed.Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.comEmail: Ishabaydhaba@hotmail.com
storvideo: 


Dhageyso: Taliyaha Booliska Puntland oo Ka Hadlay...

$
0
0

Taliyihii Ciidanka Booliska Puntland C/qaadir Shire Faarax (Ereg) ayaa ka hadlay shaqo joojin uu ku sameeyay Madaxweyne Ku xigeenka Puntland C/xakiin Xaaji C/laahi Cumar (Camey) oo Warqad uu soo saaray ku sheegay in shaqo joojin lagu sameeyay Taliyaha Ciidanka Booliska.
Ereg oo VOA wareysatay, ayaa wuxuu sheegay Madaxweyne Ku xigeenka inay isku qabteen arin ku saabsan xil ka qaadis in lagu sameeyo Taliye Qaybeed ka tirsan ciidanka Booliska Puntland oo Saldhiga Garowe ka sii daayay 12 ruux oo Maxaabiis ah, kuwaasi oo lagu waayay wax dambi ah.
Wuxuu sheegay Ereg Madaxweyne Ku xigeenka inuu taleefoon u soo diray, uuna ku amray xilka inuu ka qaado Taliyaha qaybta ciidanka Booliska Gobolka Nugaal, Taliye Eregna uu ku jawaabay inuu soo qoro warqad arintaasi ku saabsan, balse Madaxweyne ku xigeenka uu ka carooday hadalkaasi, durbana uu u sheegay inuu isaga shaqada ka joojinaayo.
"Shalay 8:00 subaxnimo, annigoo xafiiskayga fadhiya waxaa i soo wacay madaxweyne k/xigeenka, wuxuu i waydiiyay kiiska 12 arday oo laga siidayay saldhiga dhexe ee Garoowe. Waxaan ugu jawaabay haa madaxweyne waan la socdaa, taliyaha qaybta ayaa sii daayay, sifo sharciga waafqsan ayuuna ku sii daayay, wuxuu amray inaan shaqada ka joojiyo taliyaha qaybta ilaa amar dambe inta laga baarayo kiiskaasi, waxaan ka codsaday inuu amar qoraal keeno si aan shaqada uga joojiyo, kadibna wuxuu yiri waxaan bixinayaa amar afka, kagama joojin karo shaqada amar afka ah ayaan ku iri madaxweyne kixgeenka." ayuu yiri Taliyaha booliska Puntland .
Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland ayaa sheegay 12-ka dhalinyarada ah ee xabsiga laga sii daayay in lagu waayay wax dambi ah muddo 5 cisho ahna ay ku jireen xabsiga, iyaga oo aanan la horgeyn maxkamad, sidaasi awgeedna baaris kadib in la sii daayay.
C/qaadir Faarax Shire Ereg, ayaa sheegay dadka maxaabiista ah inay xaq u leeyihiin inay helaan cadaalad oo aysan mudneyn inay xabsiyada isaga jiraan.
Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas) ayaa ka maqan Magaalada Garowe ee xarunta Puntland wuxuuna ku maqan yahay dalka Sacuudiga.Ku Dhageyso Mobilkaga.Ku Dhageyso Mobilkaga.
Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.comEmail: Ishabaydhaba@hotmail.com
storvideo: 

Dhageyso Barnaamijka Qurbe ee Toddobaadkan

$
0
0

Barnaamijka Qurbe ee todobaadkan waxuu ku saabsan yahay kala duwanaanshaha nolosha qurbaha iyo tan Africa oo sal u noqotey in aabayaasha Soomaaliyeed ee Qurbaha ay ka duwanaadaan kuwa wadanka ku dhaqan, sababa la xariiro culeyska qurbaha iyo qaysaska.
In badan ayaa waxaa qoysasku ay ku kala tagaan ama ay guryaha ku dumaan marka is faham waa xagga nolosha ah ay lasoo gudboonaato hooyada iyo aabaha qoyska. Haddaba Barnaamijka qurbe oo arrinkaasi ku saabsan todobaadkan waxaa inoo haysa Sahra Cabdi Axmed.

Embed code
Copy and paste the embed code below.
The code has been copied to your clipboard.
0:09:21
0:00:00 /0:09:21
Direct link
Pop-out player
storvideo: 

Xog Deg Deg ah: Sh-Muqtaar Rooboow oo Guul weyn usoo...

$
0
0

Aug 28, 2017 -
Xog deg deg ah oo naga soo gaareysa Caawa Xaruunta Nabad-Sugida Magaalada Muqdisho ayaa sheegeysa in Sh.Muqtaar Rooboow "Abu-mansuur" tilaabadii Ugu horeysay uu qaaday guul weyn u noqotay Dowlada Federaalka Soomaaliya uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Sheekh Muqtaar Rooboow oo wadahadal kula jira dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale ku howlan in uu xoojiyo dagaalka uu kula jiro kooxda shabaab waxaana uu ku guuleystay sida aan xogta ku helnay in kooxdaasi uu kala jibiyo.
Sheekh Muqtaar ayaa ku qanciyay xubno sar sare kooxda Shabaab ka mid ah in ay dowlada isku soo dhiibaan iyaga iyo ciidamadooda waxaana xubnahaasi xogta xaqiijineysaa in ay yihiin shaqsiyaad awood ku dhex leh shabaab.
durba warkaan wanaagsan waxaa la gaarsiiyay Villa Somalia waxaana socda abaabulka qorshe xoogan oo Saraakiishaasi shabaab kasoo goosanaya lagu soo dhaweynayo iyaga iyo ciidamadooda.
Sidoo kale waxaa isku daynay in aan helno Magacyada Xubnaha dowlada isku soo dhiibaya ee aqbalay codsiga Sheekh Muqtaar balse waa inoo suurta gali weysay.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

XOG: DF Somalia oo Dowlada itoobiya ku Wareejisay...

$
0
0

Aug 28, 2017 -
Warar lagu kalsoonaan karo oo aan ka helnay ilo kala duwan ayaa sheegaya in Sarkaalkii ONLF ka tirsanaa ee todobaadkii hore la keenay Muqdisho loo gacan geliyay dowladda Itoobiya.
Sarkaalkan oo lagu magacaabo C/xakiin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax) ayaa ahaa Madaxii Xarunta Dhexe ee Ururka ONLF, waxaa bartamihii bishan laga qabtay Koofurta Gaalkacyo, iyadoo loo gudbiyay Cadaado.
Ciidamo ka tirsan Nabadsugida Soomaaliya ayaa jimcihii la soo dhaafay keenay magaalada Muqdisho, kaddib diyaarad looga soo qaaday Cadaado.
Mas'uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug ayaa aad uga carooday howl galka Ciidamada Nabadsugida ay Sarkaalkan uga qabteen deegaanada ay ka taliyeen, iyagoo ka dalbaday in gacanta Galmudug lagu soo celiyo.
Wararka ayaa sheegaya in dowladda Itoobiya ay dalbatay in Sarkaalkan lagu soo wareejiyo, waxaana la sheegay inay u martay Mas'uuliyiin ka tirsan Jubbaland oo saaka u soo gaaray Muqdisho soo wareejinta Sarkaalkan.
Ninkan ayaa saaka diyaarad yar looga qaaday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, iyadoo ay diyaarada sii martay magaalada Baydhabo oo saldhig u ah Ciidamada Itoobiya.
La Taliyaha Madaxweynaha Jubbalad Cabdi Cali Raagge iyo Taliye kuxigeenka Nabadsugida Jubbaland Col. Gaas ayaa la sheegay in Sarkaalkan diyaarada lagu qaaday Sarkaalkan ka tirsan ONLF ay ku wehliyeen.
Wararka ayaa intaa ku daraya in diyaarada Milateri looga sii qaaday garoonka diyaaradaha Baydhabo, waxaana la geeyay magaalada Godey, halkaasoo galabta ay diyaarada Ethiopian Airlines ka qaaday, isla markaana ka dejisay magaalada Nazaret oo ah ku taal xarunta ugu weyn ee Sirdoonka Itoobiya.
C/xakiin Qalbi Dhagax ayaa muddo ku noolaa koofurta Gaalkacyo, waxaa uu ka soo jeedaa Gobolka Wardheer ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.
Tallaabadan ayaa noqoneysa tii u horeysay ee dowladda Soomaaliya ay Itoobiya ugu gacan geliso Sarkaal ka tirsan Ururka ONLF, iyadoo al xusuusto in qaar ka mid ah maamulada dalka ka jira ay horay xubno ka tirsan ONLF oo ay ka qabteen deegaanadooda u gacan geliyeen dowladda Itoobiya
Nagala soo xiriir
storvideo: 

6 carruur ah oo u dhimatay cudurka jadeecadda...

$
0
0

Garoowe (RBC Radio) 6 carruur ah ayaa u dhimatay xannuunka jadeecadda tuullada Mayle oo ka tirsan gobolka Nugaal, 70 carruur ah ayaa la sheegay cudurka inuu soo ritey,qaar-kood waxaa la garsiiyay isbitaallada ku yaalla magaalada Garoowe.
Deegaanku maleh goob caafimaad,sida ay sheegayaan dadka deegaan talaalka jadeecadda oo deegaannada Puntland la garsiiyay saddex bilood ka hor deegaanka ma usan gaarin.
Wax-garadka tuullada waxaa ay ka dalbadeen dowladda inay soo gaarto deegaanka,maaddama uu cudurka si degdeg ah u fidayo.
Cudurka wuxuu u muuqda inuu ku fidayo deegaannada Puntland,labadii toddobad ee ugu dambeysay toddobo carruur ah ayaa u geeryootay xannuunkan deegaanka Balibusle oo gobolka Mudug ka tirsan.
Puntland iyo wasaaradda caafimaadka ma jiro war ka soo baxay oo looga hadlay xannuunka ku baayaha tuullooyin ka tirsan gobollada Mudug iyo Nugaal.
__
RBC Radio

storvideo: 

SAWIRO: Shabaab oo Jabkii Ugu weynaa kasoo Wajahaya...

$
0
0

Aug 28, 2017 -
Gaari looga shakiyay inay saaran yihiin waxyaabaha qarxa ayaa galabta loo xiray wadadda mashquulka badan ee Maka Almukarama.
Gaarigan oo ahaa nooca yaryar ee Carib ayaa looga tegay meel u dhow hotelka Maka Almukarama iyadoo ciidamada ammaanka ay xireen jidka, isla markaana muddo saacad ah goobtaasi laga joojiyay dadka iyo gaadiidka.
Markii dambe oo la hubiyay gaariga ayaa la ogaaday inaysan saarneyn waxyaabaha qarxa, waxaana goobta ka qaadaya ciidamada taraafikada, gaariga ayaa dhaliyay ciriiri iyo isu socodka jidkaasi halbowlaha ah oo xirmay.
Balse Shacabka inta badan waqtigooda ku qaata wadada maka-almukarama ayaa muujiyay sida ay shabaab kaga soo horjeedaan waxaana marwalba hadii ay arkaan gaari aysan aqoon u laheyn qofka wata ama ay ka shakiyaan ku wargalinayaan ciidamada xasilinta waxaana taasi jab u tahay kooxda shabaab.
Shalay ayay ahayd markii gaari la dhigay wadadda shaqaalaha uu qarxay, kadib markii ciidamada ay xireen isla wadaddan.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Dhagayso: VOA oo Warbixin ka diyaarisay Fashilkii...

$
0
0

Aug 28, 2017 -
Dowlada federaalka Somaliya ayaa Jimcihii siyaabo kala duwan uga hadashey weerar la sheegey in lagu diley dad rayid ah.
Ciidamada Mareykanka oo la aamisan yahay iney la socdeen ciidamo Soomaali ah ayaa ka dambeeyay weerarkaas oo lagu dilay ku dhawaad 10 qof.
Wasiirka Gaashaandhiga DFS ayaa sheegey in dadka la diley ay hubeysnaayeen, balse la baarayo qaabka weerarkaas uu u dhacay.
Sidoo kale, Wasiirka Warfaafinta ayaa isna bartiisa facebooka soo dhigey weerarkaas in lagu diley dad ka tirsan Al-Shabaab inkastoo markii dambe uu soo saaray qoraal muujinaya inay laba weerar oo kala duwan ay dhaceen.
Sidoo kale waxaa isna ka hadley weerarkaas taliyaha ciidamada Somalia oo sheegey in weerarkaas lagu diley dad rayid ah ayna dowladda masuuliyadeda qaadeyso.
Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in dowladda ay gashay jahwareer xoogan maadaama dadka la laayay ay hal beel kasoo jeedeen ayna kamid ahaayeen caruur.
Warbixinadda la hayo ayaa waxaa kamid ah in kiiskan uu sababay in wasiiradda dowladda laga mamnuucay baraha bulshadda, halka sidoo kale lagu amray iney gudi usaraaan waxii ka dhacay Bariire.
Nagala soo xiriir
storvideo: 


Daawo:Wasiir Juxa oo jabiyay amarkii RW Kheyre...

$
0
0

Aug 28, 2017 -
Wasiirka arimaha gudaha iyo federaalka ayaa ka horyimid go aan oo soo saaray ra'isulwasaare Xasan Cali Kheyre kasoo ku aadanaa in wasiirada waraysi sii karin warbaahinta amar la aan iyo isticmaalka baraha bulshada.
Wasiir Juxa oo waraysi siinaaye tv-ga BBC ayaa sheegay in oo isticmaalo baraha bulshada oona weydisaneyn Kheyre waxaana oo sheegay in oo garanaayo waxa oo ku qoraayo iyo waxa kale.
Juxa ayaa sii raaciyay in shaqadiisa ku xirantahay la hadalka warbaahinta soomaalida iyo kuwa caalamka si oo bulshada ugu soo bandhigo waxqabadka wasaaradiisa waxaana oo si maldahan u diray xasaradii kadhalatay wasiiradii arintii Bariire oo khilaafka dhaliyay kadib markii baraha bulshada kusoo qorayn hadal kala duwan.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

XOG Dhageyso: MD Farmaajo oo Taariikh Cusub dhigay...

$
0
0

Aug 28, 2017 -
Dowladda Soomaaliya ayaa Itoobiya u gacan gelisay sarkaal sare oo ka tirsanaa ururka xoreynta Ogaadeeniya [Soomaali Galbeed ]ee ONLF.
Sarkaalkan oo lagu magacaabo C/Xakiin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax) ayaa ciidamada NISA kala baxeen xarun ay ku hayeen maamulka Galmudug, waxaana ay ka dejiyaan magaalada Muqdisho, iyadoo markaas loo qaatay inay ka badbaadiyeen Galmudug iyo koox uu watay Gen. Maxamed Nuur Galaal oo doonayay inay Itoobiya u gacan geliyaan.
Xogta aanu heleyno ayaa sheegeysa in sarkaalkan uu ahaa madaxa Hoggaanka Amniga iyo Arrimaha gudaha ee ONLF oo in muddo ah ay daba joogtay dowladda Itoobiya, waxaana saaka laga dhoofiyay garoonka Muqdisho.
Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo uu amar ku bixiyay in C/Xakiin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax) loo gacan geliyo Itoobiya, waxaana maanta diyaarad laga saaray magaalada Muqdisho, taasoo ku sii hakatay magaalada Baydhaba.
Taliyaha NISA C/llaahi Maxamed Sanbalooshe iyo Safiirka Itoobiya Jamaaludiin Axmed ayaa la sheegay inay ka shaqeyeen dhoofinta sarkaalka. Dowladda Itoobiya ayaa dalab rasmi gaarsiiyay madaxweynaha Soomaaliya oo aqbalay, taasoo ay ugu wacan tahay heshiis maxaabiis isweydaarsi ah oo labada dal u dhex maray.
Wararka qaar ayaa sheegaya in la-taliyaha Madaxweynaha Jubbalad Cabdi Cali Raage iyo Taliye kuxigeenka Nabadsugida Jubbaland Col. Gaas ayaa la sheegay in ku wehliyeen Sarkaalkan diyaarada lagu qaaday.
Qalbi Dhagax ayay NISA dhowaan kasoo soo afduubtay magaalada Gaalkacyo ee Maamulka Galmudug. Waxaa iminka Magaalada Adis-Ababa ku sugan Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Taabit Cabdi Axmed, Agaasime ku xigeenka Madaxtooyada C/risaaq Shoole iyo Xildhibaan Mustaf Dhuxulow.
Madaxweyne Farmaajo ayaa noqonaya, taariikhdana ku gelaya inuu yahay Madaxweynihii ugu horeeyey ee Itoobiya u gacan geliya sarkaal ka tirsan ONLF.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Gaas oo Sucuudiga Kulan Kulayeeshay Ammiir Suldaan...

$
0
0

28th August 2017 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo guddashada wajibaadka Xajka u jooga dalka Sucuudiga ayaa maagaalada Jidda ee dalkaaasi Sucuudiga kulan kula yeeshay Ammiir Suldaan Binu Nassar Binu Abdull-Aziz Al-Sucuudi.
Kulanka Madaxweynaha iyo Ammiir Suldaan Binu Nassar ayaa waxa ay kaga wadda hadleen arrimo ay ka mid ahaayeen Siyaasadda Soomaaliya, dhaqaalaha Puntland, iskaashiga ganacsi ee labada dhinac, adkaynta xidhiidhka Puntland iyo Sacuudiga iyo sidii dalka sucuudigu maalgashi caalami ah uga samayn lahaayeen Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.
Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu horayn uga mahad naqay soo dhoweynta Amiirka iyo guud ahaan masuuliyinta kala duwan ee uu kulamada kala duwan laqaatay sida wanaagsan ee ay usoo dhoweeyeen una qaabileen isaga iyo weftigiisa , waxaana uu Madaxweynuhu amiirka usoo jeediyey inay tahay muhiim in laga wadda hadlo sidii loo xoojin lahaa korna loogu qaadi lahaa xidhiidhka ganacsi ee ka dhexeya Puntland iyo dalkaasi Sacuudiga, sidoo kalena loosii wanaajin lahaa xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labadda dhinac.
Dhinaca kale Madaxweynaha iyo Ammiir Suldaan Binu Nassar Binu Abdull-Aziz Al-Sucuudi ayaa ka wadda hadlay siyaasadda Soomaaliya, waxaana uu Madaxweynuhu xaqiijiyey in maanta Soomaaliya mustaqbal wanaagsan leedahay, isla markaana ay kasoo kabatay dhibaatooyin badan oo soo gaadhay muddo dheer oo haatan laga joogo in ka baddan labaatan sano, dawladda Fadaraalka Soomaaliya iyo dhammaan dawladdaha xunaha ka ah DFS ayaa diyaar u ah kana middaysan sidii loo midayn lahaa ummadda Soomaaliyeed, looguna horseedi lahaa nabad iyo horumar.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xaqiijiyey in dawladda Puntland iyo shacabkeeduba ay soo dhoweynayaan maalgashiga dalalka ay saaxibadda dhaw la tahay iyo cid kasta oo kale oo danaynaysa inay maalgashtaan Puntland, isla markaana waxa uu Madaxweynuhu hoosta ka xariiqay in dalka Sucuudiga iyo Puntland ay leeyihiin xidhiidh taarikhi ah oo salka kuhaya maalgashiga, ganacsiga iyo wax wadda-qabsiga.
Ammiir Suldaan Binu Nassar Binu Abdull-Aziz Al-Sucuudi ayaa dhankiisa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin imaanshaha Madaxweynaha iyo weftigiisa dalkaasi Sucuudiga, waxaana uu xaqiijiyey in xidhiidha Puntland iyo dalka Sucuudi Arabia ahaa mid soo jireena oo xaqiiq ku salaysan, isla markaana waxa uu xaqiijiyey in Dalka Sacuudigu danaynayo maalgashiga dhulka dihin ee taarikhda badani ku duugan tahay ee Puntland.
Ugu danbayntii, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku gudajira gudashada waajibaadka Xajka, isaga oo kamidda malaayiin Muslimiina oo sanadkan gudanaysa waajibaadka Xajka.=DHAMMAAD=XAFIISKA, WARFAAFITA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.
storvideo: 

Dowladda iyo rugta ganacsiga oo qir iyo qir taagan

$
0
0

Kn: Wasaaradda ganacsiga ee dowladda federaalka ayaa warqad ay soo saartay waxa ay ku sheegtey in ay kala dirtey rugta ganacsiga ee Soomaaliya, islamarkaasina ay tahay in doorasho hor leh la qabto.
Balse mas'uul u hadlay rugta ayaa sheegey in rugta ay tahay urur bulsho rayid ah oo aysan hoos imanin dowladda, islamarkaasina aysan dowladda soo farogalin karin.
Wareegtadan oo ay ku saxiixnayd Khadra Axmed Ducaale Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa lagu sheegay in wasaaradu ay soo sheegi doonto xilliga la qabanayo doorashada .isla markaana rugaha ganacsiga ee ka jira maamul goboleedyada ay si toos ah ula soo xiriiraan Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha.
Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa waxaa guddoomiye ka ahaa Maxamuud Cabdikariin Gabeyre halka Rug Ganacsi oo kale ay ku dhowaaqeen qaar ka mid ah ganacsatada magaalada Muqdisho.
"Rugta Ganacsiga Somalia waxaa ay ka mid tahay Bulshada rayidka, mana ahan hay'ad ay dowladda leedahay oo wixii ay dowladda rabto ay ka sameysan karto" ayuu yiri Agaasimaha Rugta Ganacsiga Cabdi Abshir Dhoore.
KismaayoNews.com
storvideo: 

42 arrimood oo la yaab leh oo uu sameeyey Donald Trump

$
0
0

Kn: Tan iyo intii uu xilka la wareegey madaxweynaha Maraykanka Donald Trump sanadkan horaantiisii, waxa uu la yimid waxyaabo badan oo la yaab leh.
Halkan waxaa ah 42 sheey oo layaab leh oo uu sameeyey Trump.
1.Waxa la shaqaalaysiiyey agaasime cusub oo warbaahinta ah, oo magaciisu yahay Anthony Scaramucci.
2.Afhayeenkii Aqalka Cad Sean Spicer ayaa shaqada ka tagay isaga oo cabasho qaba, balse wuxuu sheegay in uu faraxsanyahay.
3.Scaramucci ayaa waraysi layaab leh siiyey majaladda New Yorker maalintiisii koowaad ee shaqada.
4.Trump waxa uu shaqada ka eryey agaasimihii Aqalka Cad Reince Priebus, kaasi oo looga tagay garoonka diyaaradaha Andrews.
5.Waxa uu Trump shaqada qorey agaasime cusub oo lagu magacaabo Jeneraal Kelly, kaasi oo horey u ahaa wasiirka amniga gudaha.
6.Maalintii koowaad ee shaqada ee Kelly, Trump waxa uu eryey Scaramucci, kaasi oo shaqada joogay 10 maalmood oo kaliya, mudadaasi oo xitaa ka yar waqtiga ay caanaha ku dhacaan.
7.Waxa uu shaqada qorey agaasime cusub oo warbaahinta ah, waana kii afraad muddo 7 bilood ah oo uu xilka hayay.
8.Waxa uu Trump si shaac ah u fadeexeystey Xeer Illaaliyaha Guud, balse Jeff Sessions waa uu iska adkaystay.
9.Waxa uu ku guuldaraystay xeerka caafimaadka oo la marin waayay aqalka Congress-ka.
10. Waxa uu si shaac ah u dhaleeceeyey xildhibaanada Jamhuuriga, kuwaas oo diiday in ay u codeeyaan xeerka caafimaadka.
11.Dadka labeebka ah ayuu ka mamnuucay in ay ciidamada ka mid noqdaan, fariintaas oo uu ku qorey Twitter-ka isaga oo aanan u sheegin taliyeyaasha militariga.
12. Taliyeyaasha ciidamada ayaa ku yiri "Iska hilmaam waxaas, amarada kama qaadano Twitter-ka, ee waxaa jira haykal iyo jaranjaro amarka loo kala qaato".
13. Waxa uu khudbad siyaasadeed u jeediyey dhalinyaro mutadhawiciin ah oo da'dooda u dhaxayso 11 illaa 18 jir.
14. Waxa uu sheegtay in uu hambalyo ka heley hoggaamiyaha dhalinyaradaasi , taas oo ku saabsan khudbaddii ugu qiimaha badnayd ee uu ebed jeediyo.
15. Hoggaamiyaha dhalinyarada mutadhawiciinta ah ayaa beeniyey in uu u hambalyeeyey madaxweynaha, wuxuuna dhalinyaradii kale ka raaligaliyey khudbadii qaldanayn ee loo jeediyay.
16. Trump waxa uu sheegtay in madaxweynaha Mexico uu soo wacay, ugana hambalyeeyay qorshihiisa darbiga la dhisayo.
17. Balse madaxweynaha Mexico ayaa beeniyey in xitaa ay taleefoon ku wada hadleen isaga iyo Trump.
18. Aqalka Cad waxa uu beeniyey in madaxweynuhu yahay nin beenaale ah, balse waa ay sharixi waayeen sheegashada madaxweynaha waxa ay salka ku haysay.
19. Maalmo ayay ku qaadatay in uu saxiixo xeerka iskaashiga xisbiyada, markii dambana waxa uu Aqalka Congress-ka ku eedeeyey in ay ku cadaadiyeen in uu saxiixo xeerka.
20. Waxa uu madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin oga mahadceliyey in uu dalkiisa ka eryey boqolaal dublamaasiyiin Maraykan ah.
21. Waxa uu dhaleeceeyey wararka hoosta saxaafadda looga dusiyo, balse markii dambe waxa uu sheegay in uu jecelyahay maadaamaa ay muujinayaan in wali ay dadka jecelyihiin isaga.
22. Waxa uu askarta ku dhiirogaliyey in ay si adag ula dhaqmaan dadka ay xirayaan.
23. Taliyeyaasha booliiska ayaa hadalkaasi dhaleeceeyey, balse Aqalka Cad ayaa sheegay in madaxweynaha uu kaftamayay.
24.Waxa uu si shaac ah u fadeexaystay hoggaamiyaha xisbiga Jamhuuriga.
25. Waxa uu mar u muuqday in uu u jawaabayay Kuuriyada Waqooyi, isaga oo ku hanjabay weerar hubka Nuyuukleerka.
26. Waxa uu u sheegay dadka jasiiradda Guam in hanjabaadda Kuuriyada Waqooyi ay ka caawin doonto kor u kaca dalxiiska.
27. Madaxa istaraatiijiyada madaxweynaha Steve Banon ayaa sheegay hadal ka duwan kan madaxweynaha, wuxuuna yiri "ma jirto talaabo militari oo ka dhan ah Kuuriyada Waqooyi".
28. Waxa uu ugu hanjabay dalka Venezuela in uu ka qaadayo talaabo militari.
29. Kadib rabshadihii kooxaha xagjirka caddaan ah, waxa uu Trump eedeyn u jeediyey labada dhinac.
30. Kadib markii lagu qabsaday hadalkaas, ayuu ka laabtay, wuxuuna dhaleeceeyey caddaanka xagjirka ah.
31. Markale ayuu tirtirey hadaladiisii hore, isaga oo ka xanaaqsan in lagu qasbo in uu ka laabto, wuxuuna markale eedeeyey labada dhinac.
32. Taliska guud ee ciidamada Maraykanka ayaa soo saaray war ay ku dhaleeceynayaan wax kasta oo faquuq ah, hadalkaas oo loo fasirtey in uu lid ku yahay madaxweynaha.
33. Waxa uu xayaysiiyay beeraha canabka ee Virgia mar wax laga weeydiiyey in uu booqan doono magaaladii ay rabshadaha ka dhaceen ee Charlottesville.
34. Waxa si isku mid ah u wada dhaleeceeyey xisbiyada dimoqoraadiga, jamhuuriga, madaxweynayaashii hore ee Maraykanka, hoggaamiyeyaasha adduunka, waddamada isbahaysiga la ah Maraykanka, shaqaalihiisa iyo waliba wadaadka u weyn kaniisadda masiixiga ee Pope-ka.
35. Waxa uu dhaleeceeyey madaxda shirkadaha waawayn, wuxuuna ku dooday in ay isaga meel cidlo ah oga tageen.
36. Waxa uu shaqada ka eryey Steve Banon oo ahaa ninkii horseedey guushiisa.
37. Waxa uu ka laabtay fikirkii uu horay oga qabay dalka Afqanistaan, wuxuuna sheegay in uu ciidamo dheeraad ah u diri doono dalkaas.
38. Waxa uu ku hanjabay in uu shaqada dowladda xanibi doono haddii aanan loo ogolaanin in uu dhaqaalo u helo dhismaha darbiga Mexico.
39. Waxa uu ku baaqay midnimo dadka Maraykanka ah.
40. Maalintii xigtay ayuu dhaleeceeyey dadka isaga mucaaradka ku ah hadal aad dadka u kala qaybiyey oo uu jeediyey.
41. Maalintii kale ee xigtay ayuu haddane ku baaqay midnimo.
42. Waxa uu cafis u fidiyey madixii hore ee ciidamada Arizona Joe Arpaio, kaasi oo loo xirey amar maxkamadeed oo uu diiay in uu fuliyo, amarkaasi oo looga dalbayay in uu joojiyo hawlgalada ka dhanka ah dadka lagu tuhunsanyahay in ay yihiin soo galooti ama qaxooti.
KismaayoNews.com
storvideo: 

Somaliland: Mamnuuciddii bacdu ma hirgashay?

$
0
0

Bacda ayaa waxa laga mamnuucay Somaliland muddo haatan laga joogo saddex sano markii wasaaradda deegaanku sheegtay in bacdu dhibaato u leedahay deegaanka iyo caafimaadka dadka iyo xoolahaba.

Xafladdii caleema saarka Suldaan Ahmed-ciid Suldaan...

$
0
0

Xafladdii caleema saarka Suldaan Ahmed-ciid Suldaan Sh. Muse Goodaad iyo hadalladii laga jeediyey xafladdaasi. ( Halkan ka daawo )
Waxa Daabacay staff-reporter on Aug 28th, 2017 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.
Awdalpress - London - Xaflad si weyn loo soo agaasimay oo lagu caleema saarayey Suldaan Ahmed-ciid ayaa ka dhacday dooxada Jir-jir, waxana xafladdaasi ka soo qayb galay mas'uuliyiin ka socota dawladda Somaliland, oday dhaqameedyo, waxgarad kale iyo bulsha weyn kale.
Suldaanka la caleema saarayo, oo ka soo jeeda beesha Xeeb-jira ee Habar Cafaan, ayaa maanta maanta ku ballansanaa amma qorshaystay in ay caleema saaraan suldaankooda. Marti qaadka iyo milgaha sooryadana iyaga ayaa lahaa, oo agaasimay.
Xafladdan quruxda badan ayaa waxa ka hadlay mashaa'iikh uu ka mid yahay Sh. Abdillaahi Sh. Ali Jawhar iyo siyaasiyiin uu ka mid yahay musharraxa M/xigeenka Waddani iyo Musharraxa Madaxweyne ee UCID Faysal Ali Waraabe iyo rag kale. Sidan ayaanay qudbadihii u dheceen.
[embedded content]
[embedded content]
[embedded content]
[embedded content]
This post has been viewed 200 times.

Categories: Daily Somali NewsTags:
storvideo: 


M/xigeenka Somaliland Abdirahman Zaylici oo shaqadii...

$
0
0

M/xigeenka Somaliland Abdirahman Zaylici oo shaqadii ka joojiyey Badhasaabka gobolka Awdal.
Waxa Daabacay staff-reporter on Aug 29th, 2017 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.
Awdalpress - London - Madaxweyne ku xigeenka Somaliland mudane Zaylici, isla markaana ah ku simaha Madaxweynaha Somaliland, ayaa shaqadii ka joojiyey badhasaabka gobolka Awdal Shiine.
Shaqa ka joojintan ayaa loo aanaynayaa dhul la sheegay in uu badhasaabku iibinayo, laakiin dad xog ogaal ahi waxa ay shabakadda awdalpress u sheegeen, in warkaasi yahay mid aan waxba ka jirin, oo suuqa uun la soo geliyey.
Warka shaqa ka joojinta Badhasaabka ayaa maanta gelinkii danbe uun laga war helay. Sida la sheegayna waxa badhasaabka isla galabnimadii maanta farta laga saaray, wareegto shaqada lagaga joojinayey Badhasaabka. Illaa iyo imminaga wax war ahi kama soo bixin badhasaabka.

Awdalpress
This post has been viewed 195 times.
storvideo: 

DAAWO SAWIRRADA: – Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya...

Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI oo Magacaabay...

$
0
0

Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI oo Magacaabay xilalkii ugu Mugga weynaa iyo Gobolka Awdal oo weli shaan-dhaynaya saamiga ay ka heleen.
Waxa Daabacay staff-reporter on Aug 29th, 2017 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.
Awdalpress - London - Xilal la magacaabay oo ka soo baxay xisbiga Waddani, kuna saxeexan yahay guddoomiyaha xisbiga Waddani Abdirahman Cirro, ayaa lagu soo daabacay warsidayaal door ah. Sida dadka qoraalka ka muuqda, waxa taageerayaasha gobolka Awdal ay aad uga hadlayaan, saamiga ay ku leeyihiin shaxdan lagu soo qoray mas'uuliyiinta waaxaha dawladda xisbiga.
Warqadduna sidan ayey u qoran tahay

Awdalpress
This post has been viewed 165 times.
storvideo: 

Bomb on KDF convoy near Mandera kills 2 Kenyan soldiers, injures 3

$
0
0

At least two KDF soldiers were killed on Monday when their Armoured Personnel Carrier (APC) triggered off a roadside bomb explosion in Damasa Lafey Sub County, Mandera.
Three others were injured in the explosion that badly damaged the APC.
Security personnel in the area said the Improvised Explosive Device had been set up by Al-Shabaab militants.
The injured were evacuated in a military chopper that landed the area minutes later.
North Eastern regional coordinator Mohamud Saleh said he had not received full details of the incident.
“There was also an exchange of fire between the militants and the survivors before the terrorists escaped,” added Saleh.
Other security experts questioned the reliability of the APCs given they could not protect the personnel on board.
More than 50 security personnel have now been killed in separate attacks in the region since May 2017. The attacks were staged by Al-Shabaab militants.
On August 15, five police officers were killed in an ambush by Al-Shabaab militants along the Bodhai-Ijara Road, Garissa County.
The attackers burnt their Land Cruiser and escaped with their guns after the incident.
The officers were from Bodhai police station when they were ambushed at Alijize area as the vehicle raced on the road.
Seven police officers who were in the APC were also killed in Lamu, May this year. The VN-4 is produced in China and is manufactured by Chongqing Tiema Industries Corporation, a China North Industries Corporation (NORINCO) company.
Eleven of the security officers were killed in Mandera and Garissa Counties between May 22 and May 25 in three separate attacks.
Ten others were killed in Baure, Lamu County in two separate attacks.
The post Bomb on KDF convoy near Mandera kills 2 Kenyan soldiers, injures 3 appeared first on Shabelle.

Bomb on KDF convoy near Mandera kills 2 Kenyan...

$
0
0

At least two KDF soldiers were killed on Monday when their Armoured Personnel Carrier (APC) triggered off a roadside bomb explosion in Damasa Lafey Sub County, Mandera.
Three others were injured in the explosion that badly damaged the APC.
Security personnel in the area said the Improvised Explosive Device had been set up by Al-Shabaab militants.
The injured were evacuated in a military chopper that landed the area minutes later.
North Eastern regional coordinator Mohamud Saleh said he had not received full details of the incident.
"There was also an exchange of fire between the militants and the survivors before the terrorists escaped," added Saleh.
Other security experts questioned the reliability of the APCs given they could not protect the personnel on board.
More than 50 security personnel have now been killed in separate attacks in the region since May 2017. The attacks were staged by Al-Shabaab militants.
On August 15, five police officers were killed in an ambush by Al-Shabaab militants along the Bodhai-Ijara Road, Garissa County.
The attackers burnt their Land Cruiser and escaped with their guns after the incident.
The officers were from Bodhai police station when they were ambushed at Alijize area as the vehicle raced on the road.
Seven police officers who were in the APC were also killed in Lamu, May this year. The VN-4 is produced in China and is manufactured by Chongqing Tiema Industries Corporation, a China North Industries Corporation (NORINCO) company.
Eleven of the security officers were killed in Mandera and Garissa Counties between May 22 and May 25 in three separate attacks.
Ten others were killed in Baure, Lamu County in two separate attacks.
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live