Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Biyo xireennada Houston oo bilaabay inay biyaha sii daayaan

$
0
0

Biyo xireen weyn oo ku yaalla duleedka magaalada Houston ayaa bilaabay inuu biyaha sii daayo, ayadoo duufaanta Harvey ay biyo xireenkaas ku khasabtay in uu celin waayo biyaha, sida ay sheegayaan saraakiisha gobolka Texas.


Biyo xireennada Houston oo bilaabay inay biyaha sii...

$
0
0

Biyo xireen weyn oo ku yaalla duleedka magaalada Houston ayaa bilaabay inuu biyaha sii daayo, ayadoo duufaanta Harvey ay biyo xireenkaas ku khasabtay in uu celin waayo biyaha, sida ay sheegayaan saraakiisha gobolka Texas.
Injineerrada ayaa isku dayey inay ka badbaadiyaan dadkaa halkaa ag deggan in biyuhu jiiraan,ayagoo waxoogaa biyo ah ka sii daayey biyo xireenka Addicks.
Laakinse Jeff Lindner oo ka mid ah saraakiisha koontaroolka fatahaadda ayaa sheegay in heerka biyaha ay iminka ka sare mareen gebiyada biyo xireenka.
Duufaanta Harvey ayaa gobolka Texas ka dhalisay fatahaad, waxayna iminka billowday inay saamayso gobolka Louisiana.
Roobab aan hore loo saadaalin ayaa kumanaan qof ku khasbay inay guryahooda ka cararaan, halka kooxaha samatabixinta ay isku dayayaan inay gaaraan dadka weli go'doonsan.
Ilaa 9 qof ayaa la soo wariyey inay ku dhinteen deegaannada magaalada Houston. Lix qof oo hal qoys ka wada tirsan ayaa dhintay ayagoo ka cararayey heerka biyaha kor u sii kacaya.
Inkastoo biyaha ka soo baxsanaya biyo xireenka Addicks aysan sababayn in biyo xireenku jabo, ayaa haddana la sheegayaa in ay sare u sii qaadayaan heerka biyaha ee Buffalo Bayou oo ah wabiga 4aad ee ugu weyn Maraykanka.
Saraakiisha waxay kaloo cabsi ka qabaan biyo xireenka Barker, kaasoo koontaroola xaddiga biyaha wabiga.
Madaxweyne Trump iyo marwada 1aad Melania Trump ayaa booqanaya Texas si ay u arkaan burburka ka dhashay duufaanta Harvey.
Duufaanka Harvey oo ku dhuftay gobolka Texas
Sawirro: Daadad ka dhashay roobab xoog leh oo magaalada Houston ka da'ay
Trump oo ballan qaaday in taageero u fidinayo gobolka Texas
Sidaas oo ay tahayna waxaa weli socda roobkii da'ayey. Saadaasha ayaa sheegaysa in meelo ka mid ah gudaha iyo hareeraha magaalada Houston uu Talaadada ka di'i doono roob gaari kara 30 Sentimitir.
Harvey waa duufaantii ugu xoogga badnayd ee ku dhufata Texas muddo 50 sano ah. Waxay ka soo dhul billowday Corpus Christi oo 220 mayl koofur galbeed ka xigta Houston.
Duufaanta oo iminka aan xawligii hore ku socon ayaa dul taagan gacanka Mexico, waxayna weli wadaa roobab xoog leh oo ka da'aya maalmaha soo socda meelo ay daadad ku dhifteen.
storvideo: 

Wararka Dibada: Isra’iil oo Ku Eedaysay Iran Inay...

$
0
0

Raysalwasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa ku eedeeyey IRAN inay wado dhismaha xarumo militari oo ka sameysaneyso dhulka Siiriya iyo Lubnaan.
Netanyahu ayaa eedayntan kasoo jeediyey Shir jaraa'iid oo uu Isniintii shalay si wadajir ah la yeeshay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres oo booqashadiisii ugu horeysay tan iyo intuu xilka qabtay ku yimid dalalka Bariga Dhexe.
Wax cadeyn ah masoo bandhigin Netanyahu, wuxuusa sheegay in Iran qorshaheedu tahay in gantaalada ay sameyso keento dalalka ay jaarka yihiin ee Lubnaan iyo Siiriya si ay usoo weerarto mustaqbalka dhulka ay heysato Israel.
Dowlada Iran ayaa kamid ah dalalka taageerada militari siiyey Dowlada Bashar Al Assad ee Siiriya iyadoo ciidamo iyo saraakiisha Tehran ay ka barbar dagaalamayaan militariga Siiriya ee dagaalka kula jira kooxaha ka dagaalamaya dalkaasi.
Israel ayaa mudooyinkii danbe dadaal weyn ugu jirta in indhaha caalamka ay kusoo jeediso Iran waxayna si weyn uga soo horjeeday heshiiskii Barnaamijka Nukliyeerka Iran oo ay la gashay dalalka reer Galbeedka.
Netanyahu ayaa sheega inay dalalka Carabta ah oo ay jaarka yihiin ay ka mideysan yihiin cabsida iyo shakiga ay ka qabaan awooda Iran ee kusii fideysa dalalka bariga dhexe.
Dhinaca kale Safarka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa kusoo beegmay xili xiisadi ay ka dhex taagan tahay UN-ka iyo Israel kadib markii hay'adaha Qaramada Midoobay ay dhaliil dusha uga tuureen maamulka Yahuuda falalka uu ka wado dhulka Falastiin.
Hay'adaha UNESCO ayaa dhawaan ku eedaysay Israel inay faro ba'an ku heyso dhulka taariikhiga ah ee reer Falastiin, gaar ahaan magaalada barakeysan ee Qudus, Hebron iyo Gaza. Warbixintaasi oo ay xukuumada Israel si weyn uga carootay.
Xoghayaha Guud Antonio Guterres ayaa sidoo kale sheegay inuu taageersan yahay in Shacabka Falastiin helaan dal u gaar ah oo jaar la ah Israel, arrintaasi oo ay kasoo horjeedo xukuumada u badan xisbiyada xagjirka Yuhuuda ee uu hogaamiyo Benjamin Netanyahu.
Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.comEmail: Ishabaydhaba@hotmail.com
storvideo: 

Akhriso: Wax badan ka Barro 6-Maalqabeen ee Ugu...

$
0
0

Aug 29, 2017 -
Somalia oo lagu sheego Dal Fashilmay, kana soo kabanayso Dagaalladii Sokeeye waxaa lagu ammaanaa dadaalkooda ku aadan noocyadda Ganacsiga.
Maalqabeenadda Ganacsatadda ah ayaa waxay u kala qeybsamaan dhowr dabaq, waxaa jira kuwa dakhligooda hooseeyo iyo kuwo uu dakhligoodu sarreeyo oo asaasay Shirkado Ganacsi oo kala duwan.
Ganacsatadani waxaa sannadkiiba soo gala dakhli xad-dhaaf ah, oo marka xisaab ahaan loo eego lacagtooda noqonaysa ilaa 8 tiro, taasi oo lagu asteeyo Maalqabeenadda haysta Malaayiinta Dollar.
Magacyadda Maalqabeenadda ka soo jeeda Somalia kama yareystaan Maalqabeenadda Afrika, waxaana laga yaabaa inaadan hadda ka hor maqlin magacyadooda.
Majaladda FORBES ee inta badan diiradda saara Arrimaha Dhaqaalaha, isla markaana galaangal u leh Xogaha Qarsoon ee Taajiriinrta Milyoneeradda ah (Multi-Millionaires) ayaa waxa uu soo bandhigay 6-ta qof ee ka soo jeeda Somalia ee Milyoneeradda ah.
1-Waxaa ah Maalqabeenka weyn Sheekh Axmed Nuur Cali Jimcaale oo ah Milkiilaha Shirkada Hormuud waxaana uu heystaa Lacag ka badan 1.5 bilyan.
2- Abdirashid Ducaale waa Madaxa Fulinta ee Shirkadda Xawaalladda ee Dahabshiil, oo ah Shirkad Caalami oo in ka badan 24,000 oo Xafiis ku leh 126 dal, waxaana u shaqeeya in ka badan 2,000 oo qof.
Aabihiisa ayaa la sheegay inuu ahaa Asaasihii Shirkadda Ganacsiga Dahabshiil, isagoo dhidibada u dhigay bilowgii sannadihii 1970-aadkii.
C/rashiid Ducaale oo 40-jir ah waxa uu haystaa Dhalashadda UK, waxayna Xarunta dhexe ee Shirkadda Dahabshil ku taalla magaalladda Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta ee Midowday (UAE).
Wargeyska FORBES waxa uu qoray in dakhliga Shirkadda Dahabshil ee sannadkii hore uu dhamaa hal billion oo Dollar ($1 billion)
Shirkadda Dahabshiil Group waxay kaloo leeyihiin Bangi Ganacsi oo ka hawlgala gudaha Somalia.
C/rashiid Ducaale waxa uu leeyahay 95% saamiga guud ee Shirkadda Isgaarsiinta ee Somtel.
Waxa kale oo uu hanta ku leeyahay magaallooyinka London, Dubai iyo Hargeysa.
3-Cabdirisaaq Isaaq Iidow: Waa Asaasaha iyo saamileyda Shirkadda Isgaarsiinta ee Nationlink Telecom oo ah mid ka mid ah Shirkadaha Isgaarsiinta ee ugu waa weyn gudaha Somalia.
Ganacsadahan waxa uu deggan yahay magaalladda Dubai, wuxuuna Shirkadda Nationlink asaasay sannadkii 1997-dii.
Shirkadda ayaa bixiya Adeegga Telefoonadda Mobaylka iyo Internet-ka, waxayna leedahay in ka badan 700,000 oo macaamil u ah Adeegyadda Nationlink.
4- Maxamed Abshir Cabdi: Waxa uu hantida uu haystay ka helay ganacsiga cuntada badda (seafood).
Waxa uu oleeyahay Shirkadda Kalluumeysiga ee Xaafun (Hafun Fishing Company) oo uu asaasay sannadkii 1992-kii.
Waxa uu ku leeyahay dhoofinta, qeybinta iyo iibinta wax-soo-saarka cuntada Badda, sida Aargoostada iyo Hilibka qalalsan ee Libaax Baddeedka (dried shark meat).
Shirkadda waxaa sannadkii soo gala dakhli ka badan 10-million oo Dollar.
5- Ismaaciil Axmed: Waa Asaasaha iyo Madaxa Guud ee Fulinta Shirkadda Xawaaladda WorldRemit oo Xaruntooda Dhexe ku taallo magaalladda London.
WorldRemit waxay Lacagaha Xawaaladda ku bixiyaa si Online ah, waxayna Macaamiisha u sahashaa sidii ay Lacag ugu diri lahaayeen saaxiibadodoa iyo qoysaskooda ku nool dalalka kale.
Sannadkii 2015-kii, Hantida Shirkadda WorldRemit waxa uu ka sare maray 100 million oo Dollar.
6- Amina Mooge Xersi: Waalidkeeda waxay ahaayeen socoto ka soo tahriibay Somalia, waxayna deggeen Degmadda Bungoma ee Galbeedka dalka Kenya.
Amina waxay ku dhalatay, kuna soo barbaartay Bungoma, Markii ay kortay waxay ka shaqeyn jirtey Bakhaar ay Hooyadeeda ku lahayd gudaha dalka Uganda.
Amina Xersi oo 64-jir ah waxat haayan milkiyad u leedahay qaar ka mid ah dhismayaasha (Real Estate) ee magaalladda Kampala, oo ay ka mid yihiin Dhismaha Ganacsiga ee Oasis Shopping mall iyo Hotelka Laburnam Courts.
Waxay kaloo leedahay Warshad soo saarta Sonkorta ee lagu magacaabo Atiak Sugar Factory.
Waxay kaloo 120-million oo Dollar ku horumarinaysaa Wershad Sonkor oo ku taalla Gobalka Waqooyi ee dalka Uganda.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Warbixin iyo Sawirro : Ciyaaraha degmooyinka G. Banaadir

$
0
0

17 kooxood oo ka ka kooban 392 ciyaartooy ayaa ka qaybgalay ciyaaraha

Warbixin iyo Sawirro : Ciyaaraha degmooyinka G....

$
0
0

[unable to retrieve full-text content]17 kooxood oo ka ka kooban 392 ciyaartooy ayaa ka qaybgalay ciyaaraha
storvideo: 

Daawo: Cali Cosoble oo Sheegay In uu Jowhar Ka...

$
0
0

Cali C/laahi Cosoble, Madaxweynihii Hirshabelle ee kalsoonida lagala noqday, ayaa maanta gaaray Magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, ka dib markii uu ka tagey Magaalada Jowhar.
Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle, ayaa 14-kii bishan kalsoonida kala noqday Madaxweyne Cosoble, ka dib kulan uu mugdi ku jiray oo ay ku yeesheen Xarunta Hirshabelle ee Magaalada Jowhar.
Madaxweynaha codka kalsoonida waayay oo duhurnimadii maanta lagu soo dhaweeyay Magaalada Baledweyne, ayaa shir jaraa'id oo uu ku qabtay wuxuu ku cadeeyay in uu ka soo guuray Jowhar, uuna ku shaqayn doono Baledweyne.
Cali C/laahi Cosoble, ayaa waxa uu Madaxda Dowladda Somaliya ku eedeeyay inay soo fara-geliyen Maamulka Hirshabelle, isla-markaana ay ka shaqeeyen, sida aan sharciga ahayn ee xilka looga tuuray, sida uu yiri.
Cosoble, ayaa sheegay haddii ay ku shaqayn waayeen Magaalada Jowhar, inay ku shaqaynayan Magaalada Baledweyne, isla-markaana ay sii wadi doonaan shaqada Hirshabelle.
Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.comEmail: Ishabaydhaba@hotmail.com
storvideo: 

DAAWO SAWIRADA: Qofka ugu da’da weyn ee sanadkan ka...

$
0
0

Aug 29, 2017 -
Mowsimka xajka sanadkan ayaa ka bilowday magaalooyinka barakeysan ee dalka Sacuudiga iyadoo tirada xujayda cibaadaysanaya lagu qiyaasay ilaa 5 malyan oo ruux.
Dadkaas waxaa ka mid ah Mariah Marghani Muhammad oo ah haweeney u dhalatay dalka Indonesia, waana 104 jir.
Haweeneydan ayaa noqotay qofka ugu da'da weyn ee sanadkan ka qeyb qaadanaya Xajka ayaa waxaa ku casuumay xajka dowlada boqortooyada Sacuudiga.
Ehelada haweeneydan ayaa sheegay in caafimaadkeedu wanaagsan, ayna hadda ka hor cimraysatay 14 sano ka hor iyadoo sagaashan jir ah, waxaana haweeneydan ay sheegtay iney ku faraxsan tahay sanadkan iney ka mid noqoto dadka soo xajinaya

Nagala soo xiriir
storvideo: 


Belaayada Sh/hoose, intii Barriire ku baxday waa ay...

$
0
0

Aug 29, 2017 -
Ugu horreyn waxa aan Eebe uga baryayaa naxariistii janno inuu siiyo dadkii rayidka ahaa ee dhawaan ku geeriyooday howlgalkii ay ciidamadi ka sameeyeen Bariire ,runtii waa dhacdo aad u xanuun badan ,balse aqristoow ila eeg qoraalka hoose si aad u ogaato in dhibaatada ka jirta Sh/hoose in ay ka baaxad weyn tahay qasaarihii rayidka ka soo gaaray Barriire.
Gobolka Sh/hoose waa gobolka ugu kheyraadka badan dhamaan gobollada Soomaaliya dhanka wax soo saarka waxana uu taariikh weyn ku leeyahay khudradda noocyadeeda kala duwn oo uu muusku ugu horeeyo. Gobolkii sidaa ahaa maanta waa ka loogu baahi badan dadkiisuna ay ugu liitaan guud ahaan qeybaha Soomaaliya ,waxana ugu wacan colaad dabadheeraatay oo horreysay inta badan deegaanada gobolka.
Magaalada Merka waa xarunta gobolka ,maanta wax nolol ah oo ka jiraa ma jiraan .Magaalada yar ee intaa la'eg oo labada dhan ay ka kala xigaan bad iyo buur weyn oo bacaad ah dadka intii awooday waa ay ka haajireen. Magaalada gudahooda waxaa hub ku heysta afar xoog oo kala duwan. Labo waa maleeshiyaadka labada beel ee ay colaaddu u dhaxeyso ,mid waa AMISOM midna waa Shabaab .Hadaba qiyaas magaalo baaxadeedu intaa la'eg tahay oo ay ku kulansan yihiin xooggagaa hubeysan ee kala duwan marna is dilaya.
Ciidamada midowga Africa ee AMISOM ma jirto goob kaga daran Merka meelaha lagu eedeeyo in ay tacaddi ka geysteen ,waxaa horey ay u dileen dad rayid ah oo iskuwada qoys ah kadib qaraxyo loo geystay.
Ma jirto ilaa hadda cid si niyad ah isugu deyday in ay xaliso colaadda Sh/hoose .Dowladii hore kama ay qaban wax micno leh marka laga reebo in madaxweynihii hore Xasan Shiikh Maxamuud iyo saaxiibadii kula jiray dowladdii hore in ay maalin tageen degmada Merka oo ay ku soo dabaashaan xeebteeda.
Dowladda hadda jirta ee ay hogaamiyaan Madaxweyne Farmaajo iyo Raysulwasaare Xasan Cali Kheyre waxa aad moodaa in ay is halmaansiinayaan oo wax ahmiyad aaney u laheyn wax ka qabashada colaadda gaamurtay ee Sh/hoose. Aamusnaantoodu waxa loo fasiran karaa in ay raali ka sii socoshada dhibaatada halkaa ka taagan . Dowlad goboleedka Koofur Galbeed si weyn ayay ugu ceebeysan tahay wax ka qabasho la'aanta dhiillada ka taagan Sh/hoose ,xitaa ficil iska daa hadal saameyn leh oo wax dajinaya lagama hayo weli.
Marka aad la sheekeysto dadka ka yimaada magaalada Merka iyo deegaanada u dhow ayaad ogaaneysaa baaxadda dhibaatada ka jirta halkaasi iyo cabsida joogtada ah ee shacabku ku nool yihiin . Dilalka ,kufsiga waaba joogto.
Sarkaal caafimaad oo ka shaqeeya magaalada Merka ayaa waxa ay ilmihiisu u deggan yihiin Shalanbood , Merka iyo Shalanbood waa ay isu muuqdaan hadana sarkaalkaasi marka uu rabo inuu aado reerkiisa waa in uu Muqdisho yimaado oo gaari wareeg maraya uu raaca oo in ka badan 130 KM u maro si uu halkaasi u gaaro. Wadaddii weyneyd ee Afgooye ka baxeysay ee No 50 mareysay ,Ceel wareegow ilaa Shalanbood sanado wax shacab ah ma isticmaalin hadii ay isku dayaanna gawaarida ay la socdaan waa la gubayaa.
Shacabka Muqdisho ka baxaya ee aada Merka waxa ay hadda maraan wadada xeebta ee Jaziira marta ,Dhanaane ilaa iyo Jilib Merka waxaana halkaas ay bar koontrool u taallaa Shabaab oo baaritaan iyo hubin ku sameeya dadka socotada ah.
Siyaasiyiinta ,masuuliyiinta ku jira dowladda ,xildhibaanada iyo waxgaradka beelaha Habar Gidir iyo Biyo Maal waxa ay ku guul dareysteen sidii xal waara loogu heli lahaa xaalka murugsan ee Sh/hoose ,qolo walibana waxa ay la dhacsan yihiin aragtida reerkooda.
Xalku muxuu yahay? Si nabad iyo deganaan loogu abuuro Sh/hoose ,Dowladda Federaalka ah waa in ay la timaadaa qorshe kal iyo laab ah oo lagu abuurayo wadahadal laguna dhexdhexaadinayo colaadda taagan. Halkudhigga dowladda waa NOLOL iyo NABAD hadii taasi ay dhab ka tahay maanta meesha NABAD iyo NOLOL ugu baahi badan waa Sh/hoose.
Dowlad goboleedka Koofur Galbeed waa in ay qaataan masuuliyadda kaga aadan nabad ku soo daabbaalidda gobolka ay mustaqbalka doonayaan in maamulkoodu uu ku tiirsanaado.
Hey'adaha Caalamiga iyo Saaxiibada Soomaaliya waa in ay dhaqaale ku bixiyaan sidii jawi is faham loogu dhex abuuri lahaa shacabka Sh/hoose oo la abuuraa guddi khibrad u leh dajinta xasaradaha noocan oo kale ah (Crisis Management Experts ) haddii kale inta colaadaasi taagan tahay wax kala soconayaa ma jiraan.
In shacabka loo furo waddooyinka lana damanad qaado amnigooda .Warbaahintu waa in ay diiradda saartaa soo gudbinta xogta dahsoon ee ka jirta deegaanada Sh/hoose .
Qalinkii: Maxamed Ibraahim Macalimuumoalimuu@gmail.com
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Xog Deg Deg ah: Xubnihii ka Dambeeyay Dilka dilka...

$
0
0

Aug 29, 2017 -
Maamulka Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir, ayaa xaqiijiyay inay tiro dad ahi u soo qab qabteen dilkii degmadaasi loogu gaystay Gudoomiyihii Gobolka Galgaduud, Maxamed Daahir Cali Cilmi.
Gudoomiyaha iyo nin kale oo la dhashay, ayaa waxaa 4-tii bishan lagu dilay xaafadda Carafaat, ka dib markii ay rasaas oodda kaga qaadeen dabley, kuwaa oo dilka ka dib ka baxsaday xaafadaasi.
Ururka Al Shabaab, ayaa qoraal ay soo saareen ku sheegtay masuuliyadda weerarkaasi, iyagoona ku faanay in hawlgal gaar ahi lagu qaarajiyay Gudoomiyaha iyo ninka la dhashay.
Gudoomiyaha Degmada Yaaqshiid Axmed Xasan Maxamuud, ayaa galabta shaaca ka qaaday in tiro dad ahi loo soo qab qabtay weerarkaasi, kuwaa oo hadda ay baarayan hay'adaha ammaanka.
Gudoomiyaha, ayaa waxa uu iftiimiyay in dadkani si dhow loola xiriirinayo dilka Maxamed Daahir Cali Cilmi iyo walaalkii Xasan, wax kastana ay kala cadaan doonaan baaritaanada ka dib.
Axmed Xasan Maxamuud oo ka gaabsaday tirada inta ruux ee falkaasi loo soo xiray, ayaa dhanka kale sheegay in tani ay ka caawiyeen bulshada deegaanka iyo Ciidamada Booliska & Nabad Suggida oo kordhiyay hawlgalada, ay ka samaynayan Degmada Yaaqshiid. Axmed Xasan waxa uu hadalkan ka sheegay kulan amniga looga hadlayay oo galabta ka dhacay degmadaasi.
Madaxweynihii hore ee Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed, ayaa bishii January ee sanadkan Maxamed Daahir u magacaabay inuu noqdo Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud.
Maxamed Daahir, ayaa ka hor intii aan xilkaan loo magacaabin waxaa uu ahaa nin ganacsade ah, iyadoo uu goob ganacsi ku haystay Magaalada Guriceel.
Tan iyo markii la magacaabay Maxamed Daahir, ayaa wuxuu ku sugnaa Magaalada Muqdisho, isagoo aan tagin Gobolkaasi Galgaduud, oo intiisa badan ay Ahlu Sunna ka arrimiso.
Nagala soo xiriir
storvideo: 

Jadwalka Doorashada Madaxweynaha Hirshabelle oo La...

$
0
0

Guddiga Doorashada Madaxweynaha Hirshabelle, ayaa waxay soo saareen jadwalka Doorashada Madaxweynaha, ka dib markii shalay uu wareegto guddigaasi ku soo magacaabay Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle, Sheekh Cismaan Barre Maxamed.
Guddiga, ayaa waxay qoraal ku sheegeen in maalinta Sabtida oo taariikhduna ku beegan tahay 2-da bisha September, ay bilaabi doonaan qabashada araajiida murashaxiinta, waxayna qabashada araajiida ku egtahay 9-ka September.
Waqtiga shaqada ee arji qabashada ee guddiga waxay ka bilaabanaysaa 9:00 subaxnimo 5:00 galabnimo.
Khudbadaha ay murashaxiinta ku soo bandhigayan barnaamij siyaasadeedkooda waxay bilaaban doontaa 10-ka September, iyadoo ay ku egtahay 11-ka September. Waxayna ka dhaceysaa khudbad jeedinta hoolka shirarka Baarlamaanka Hirshabelle ee Magaalada Jowhar.
Doorashada Madaxweynaha Hirshabelle, ayaa waxaa jadwalka ku cad inay qabsoomi doonto maalin Talaado ah, oo taariikhduna ku beegan tahay 12-ka September.
Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.comEmail: Ishabaydhaba@hotmail.com
storvideo: 

DAAWO: Dhakhaatiir Dagaal Afka Ah Dhexmaray Ayagoo...

$
0
0

Laba dhakhtar oo ka hawlgala isbitaal ku yaalla India ayaa si KMG ah shaqada looga joojiyey, ka dib markii uu soo baxay video muujinaya ayagoo isku dul haysta oo ku dul qaylinaya haweeney uur leh oo miiska qalliinka ee isbitaalkooda saaran.
Muuqaalka oo laga soo qaaday isbitaalka Umaid ee waqooyiga Rajasthan, ayey aad dadku isugu direen, kaasoo caro dhaliyey.
Sarkaal isbitaalka u hadlay ayaa sheegay in haweeneyda iyo ilmihii ay dhashayba ay fiican yihiin.
Cidda muuqaalka qaadday weli lama oga, laakin waxaa loo baadinayaa in shaqaalaha isbitaalka uu ka yimid.
Markii video-ga uu soo baxay ayey warbaahin badanna isla dhex mareen in ilmihii haweeneyda uurka lahayd uu dhintay.
Dr. Ranjana Desai oo ka mid ah madaxda isbitaalka waxay sheegtay in taasi aysan sax ahayn. "Markii aan arkay muuqaalka oo aan baaritaan sameeyey waa goor ay warnaahintu durba tabisay in ilmahaas uu dhintay" ayey tiri.
Waxay sheegtay in uu jiro ilmo yar oo dhintay, balse uusan ahayn cunugga ku dhashay miiska lagu murmayey.
Dr. Desai ayaa magacyada labada dhakhtar ku kala sheegtay Dr Ashok Nanival iyo Dr Mathura Lal Tak.
Shaqo joojinta lagu sameeyey dhakhaatiirta ka sokow, waxaa kale oo soconaya baaritaan gudaha ah oo la xiriira ciddii filimka qaadday oo sii deysay.
Maxkamadda sare ee Rajasthan ayaa amar ku bixisay in isbitaalku uu warbixin soo gudbiyo, ayadoo dhanka kalena uu soconayo baaritaan heer gobol ah.
p>
Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.comEmail: Ishabaydhaba@hotmail.com
storvideo: 

Toos u daawo Kulanka Xukuumadda iyo Saxaafadda oo ka...

Daawo :Xildhibaan Jaamac Riyo Oo Taageeray Hadalkii...

$
0
0

Xildhibaan Jaamac Riyo Oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa taageerray hadal ka soo yeedhay Gudoomiyaha Guurtida Somaliland .
Hoos Ka Daawo Muuqaalka .
[embedded content]
storvideo: 

Wasiir Cabdiqadir Dhagaweyne, Wasiir Kas-badey...

$
0
0

Gobanimadu Waa Shay Asliya, Iib-na Lagu Waaye."Shaki kuma jiro inuu waxbadan qaban doono" Wasiir C/qadir M. Sheekh (Dhagaweyne).Waayo Baabaco Cad-ceed May Qarin, Waa Maya. Sidaa darteed wax qabad muuqda ayuu ku talaabsaday mudadii koobnayd ee uu hayay xilka Wasiirnimo oo aan la dafiri karin, cid qarin kartaana aanay jirin.
Iyadoo laga joogo xili yar uun mudada uu hayay xilka wasii-nimo, mudane Cabdiqadir Dhagaweyne ayuu hadana ku talaabsaday waxqabad la taaban karo. isagoo ugu horeyn mideeyay reerka uu ka soo jeedo. Waxaanu isla markiiba ku kacay qabashada shirar is daba jooga oo lagaga hadlayay masiirka siyaasadeed ee reerka. Ku darsoo iyadoo aanay jirin indhawaalaba cid isku keenta shirisana reerka oo gaabkaasi banaanaa. Ciladda ugu weynina ay ahayd in la waayay cid jeebka gacanta galisa iskuna hawsha sida uu hadda ugu tafo xaytay hawlaha reerka. Waayo hortii waxa dhici jirtay iyadoo qof waliba uu jeclaa isku keenka reerka ayaa hadana waxa aan layska indho tiri-karin qodobada hortaagnaa oo ay ugu weynaayeen laba qodob:

  1. Hogaanka siyaasiyiinta reerka oo aan hamigaasi kuba jirin, jecleyna cid isku timaada oo ka hadasha masiirka siyaasadeed ee reerka. Iyadoo ay jirto goldoloolooyin siyaasadeed oo badan sababteeda ay iyagu leeyihiin &
  2. Marka la gaadho jeebka oo gacanta la galiyo ayuunbaad hareerahaaga ka waayaysay dadkii tubnaa. Waxaanad ku war helaysay iyagoo qaarna ka sii laabayaan isha boorame halka qaarna ay ka sii laabayaan dhakhtarka weyn dabadiisa. Iyaba waa tabaalaha wakhtiga taynu aragnaaye.

Magacaabista Wasiir Cabdiqadir Dhagaweyne oo ku soo beegantay xiligii ugu mudnaa looguna baahida badnaa. Waayo waxa jirey gaab siyaasadeed & is fahan la'aan u dhexeysay xukuumadda, xisbiga talada dalka haya ee kulmiye & reerka ( Abokor Muuse) oo khilaaf xooganina u dhexeeyo. Iyadoo tabashadii reeeku keentay is casilaadda laba masuul oo reerka ahi.
Cidda sababtay inuu gaab & kala fogaansho soo kala dhex-galo reerka, xisbiga kulmiye & xukuumadda waxa sababteeda lahaa madaxdii reerka oo noqotay fadhiidh & kuwo aanu kuba jirin qorshahooda hogaamineed ee xaga siyaasadda.
Iyagoo reerkina ku go'doomiyay meel cidlo ah, oo tahli-kari waayay inay ka shaqeeyaan isu soo dhawaanshaho dhex yimaadda reerkaa go'doonka siyaasadeed ku dhacay & xukuumadda + xisbigeeda.
Hadaba waanu ku hambalyaynaynaa Wasiirka ka shaqaynta isu soo dhawaanshaha xukuumadda + xisbigeeda + reerka & midaynta Ardaayada Abokor Muuse. Oo siyaasiyiintii ka horeysay Wasiir Cabdiqaadir ku rideen go'doon siyaadadeed. Taasina keentay kala fogaansho dhex yimaadda isla reerka oo xaalkoodu noqday layskuma ciirsasho.Waxa kale oo uu Wasiirku ka hawl-galay mudadii koobnayd ee uu hayay xilka Wasiirnimo mudane Cabdiqaadir Dhagaweyne. Inuu ku Guulaystay inuu dib u bilaabo xidhiidhinta Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye iyo beesha Ciidagale oo Mujaahid Muuse biixi Cabdina kalsooni Galisay.
Waayo Madaxda Reerka ee xisbiga iyo xukuumaduba iyagaa is wada hayay oo aan is arki karayn.Waana Markii ugu horaysay taariikhda ee Madaxda dawlada & ta xisbiga kulmiye ee beeshu ay si wada jira hawlaha xisbiga iyo ta reerkaba laga wada socdo.Iyadoo arinkaasi galiyay gud. xisbul xaakimka kulmiye. Muj. Muuse biixi Cabdi inuu ku dhiirado bilaabidda la kulanka Ardaayada beelaha Ciidagale isagoo ula kulmaya mid mid iyo xasarad la'aan.
Waxa ka mid ahayd murtidii & suugaantii toolmonayd ee Xaaji Aden Af-qalooc alle haw naxariistee mar uu tilmaamayay xurmada ay mudanyihiin dadka ku suntan horumarinta bulshadooda ayaa waxa uu yidhi:-. Dadka kale ninkiisii wax tara way tamadiyaane.. Idinkuna caqliqa taamudka waad ku tumataane.. Tartar baad ka dhaaftaan ninkii toos idiin wada"e.
Allaa Mahad Leh.
Qalinkii: Garyaqaan Keyse Koosaar Cilmi.
storvideo: 


Xoogsatada Hargeysa Oo Ka Cabanaya Ajaanibta Ku...

$
0
0

Qaar ka mid ah dadka Xoogsatada ah ee ku nool Magaalada hargeysa ayaa walaac ka muujiyay dhibaatooyin ay sheegeen in ay ku arkeen qaar ka mid ah dadka Ajaanibta ah eek u sugan Gudha Magaalada Hargeysa.
Deeq Daahir Faarax oo gudoomiye ka ah Urur ay ku bahoobeyn Timajarayaasha ka Shaqeysa Magaalada Haregysa ayaa waxa uu sheegay in Ajaanibtaas ay wadaan dhibaatooyin qaarkood lidi ku ah Diinta Islaamka,ayna ka mid tahay in Haweanka ay Timaha u jaraan.
Waxa uu sidoo kale sheegay in qaarkood ay iibiyaan waxyaabaha Maanka dooriya,islamarkaana Masuuliyiinta Soomaliland iyo kuwa Magaalada Hargeysa intaba ay ku wargeliyeen dhibaatooyinka ay dadka Ajaanibta ah ku hayaan Shacabka Magaalada Hargeysa.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Minneapolis: Waddo loogu magac daray nin Soomaali ah.

$
0
0

Waxa magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka laga dhaxgax dhigay waddo loogu magacdaray Allaha u naxariistee Xuseen Samatar, oo ahaa ninkii ugu horeeyey ee Soomaali ah ee xil loo doortay ka qabta wadanka Maraykanka.

Puntland :-Socdaalkii dimuqraadiyeynta iyo baahinta...

$
0
0

Wasaarada Dastuurka Arimaha Faderaalka iyo Dimuqraadiyaynta Puntland ayaa kulamo bulshada loogu xog waramayo nidaamka xisbiyadda badan ku qabatay degmooyinka Dongoroyo, Waaciya iyo Carmo oo ka kala tirsan Gobolladda Karkaar, Bari iyo Nugaal.
Wafti uu hogaaminayo Wasiirka Dastuurka Puntland, Agaasimaha guud ee Wasaaradda, Agaasimaha Waaxda Dimuqraadiyeynta,Guddiga Doorashooyinka iyo Masuuliyiin kale ayaa ka qeybgalay kulankii 1aad oo lagu qabtay Degmada Dongoroyo ee Gobolka Nugaal, waxayna Dadweynaha uga xog warameen hananka xisbiyadda badan oo qorshuhu yahay inay ku talaabsato Puntland, Sidoo kalena waxay uga qeybgaleen Degmooyinka Waaciya iyo Carmo kulamo lagu daahfurayo.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dastuurka Puntland Cabdirashiid Maxamuud Siciid ayaa sheegay inay wadayaan kulamadan si bulshada loogu baraarujiypo Nidaamka Asxaabta badan, wuxuuna tilmaamay in haatan la gaaray waqtigii laga guuri lahaa habka Puntland looga soo dhaqmayay muddo gaareysa 19 sano.
Cabdirizaaq Xuseen Gacayte oo xubin ka ah guddiga Doorashooyinka Puntland ayaa dadweynihii lala kulmay u sheegay in guddigoodu sameeyay xeerarkii iyo shuruucdii lagu dhaqi lahaa Ururada Siyaasada,loona baahan yahay bulshadu doorkeeda inay muujiso.
Dhinaca kale Wasiirka Dastuurka Arrimaha Faderaalka iyo Dimuqraadiyaynta Puntland Cabdifitaax Caynab ayaa sheegay in Dawladda Puntland ay ka go'an tahay hirgalinta nidaamkan, wuxuuna ugu baaqay shacabka inay qaataan doorkooda, islamarkaana gacan ku siiyaan taabagalinta qorshayaasha Wasaaradu ka qaatay sidii guud ahaan loo gaarsiin lahaa deegaanada Puntland.Abshir DhiiranePUNTLAND POST
The post Puntland :-Socdaalkii dimuqraadiyeynta iyo baahinta nidaamka asxaabta badan. appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Kulan Dadweyne Oo Looga Hadlay Sidii Caruurta Looga...

$
0
0

Muqdisho,30 Aug 2017:-Kulankaan oo qeyb ka ah barnaamijka wacyigalinta bulshada ee loogu magacdaray "Samawade" waxa uu ahaa mid dadweynaha ku nool dagmada Yaaqshiid lagaga dalbanayay in amaanka degmada ay kala shaqeeyaan laamlaha amaanka, si looga guul gaaro ficiladda argagixiso ee suurtagal noqon karta in loo adeegsado bulshada kuwooda nugulka ah . Kulanka ayaa si gaar ah diiradda lagu saaray sidii waalidiintu ay ogaal dhow u yeeshaan caruurtooda, ayna ka soo saaraan kuwa hadda ku jira gacanta Alshabaab maadaama horjoogeyaashii ugu sareeyay kooxdaasi ay billaabeen in ay ka soo baxaan kooxdaasi ayna isku soo dhiibaan dowladda Soomaaliya. isku keenkan dadweyne waxaa soo agaasimay maamulka degmada yaaqshiid, waxaana ka qeyb galay maamulka gobalka banaadir xubno ka socday xukuumadda Soomaaliya. Axmed Maxamed Xasan Geedoow gudoomiyaha degmada Yaaqshiid ayaa shacabka ka dalbada iney la shaqeeyaan laamaha ammaanka, isagoo xusay in ciidamada Ammaanku ay soo qabteen raggii ka dambeeyay dilka guddoomiyihii gobalka galgaduud oo horraantii bishaan lagu dilay gudaha dagmada. Jawaahir Baarqab guddoomiyaha ururka haweenka gobolka banaadir ayaa sheegtay in lagama maarmaan ay tahay iney shacabku ciidanka la shaqeeyaan, waalidiintuna xiriir dhaw la yeeshaan caruurtooda, haddii hadda ay Al Shabaab ku maqanyihiina kasoo saaraan. Sheekh Cali Sh Maxamuud Sh Cali-dheere Agaasimaha Waaxda Diinta Wasaaradda Owqaafta [...]
storvideo: 

Shacabka Kenya maxay ka filayaan Barlamaanka cusub.

$
0
0

Maanta waxaa la dhaarin doonaa xubnaha baarlamaanka cusub ee dalka Kenya, kadib doorashadii guud ee dhawaan ka dhacday dalka.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live