Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Maamulka Hiiraan oo Sheegay In Ay Ka Tashteen...

$
0
0

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cumar Aadan "Cumar Baadiyow" oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Baledweyne ayaa sheegay in dadka kunool gobolka Hiiraan ay ka tashadeen maamulka Hirshabeelle iyo sidoo kale dowladda Dhexe ee Soomaaliya.
Baadiyow ayaa sheegay in maamulka Hirshabeelle la burburiyay, islamarkaana dowladda Soomaaliya ay arintaasi ay ka dambeysay.
Gudoomiyaha ayaa sidoo kale tilmaamay in reer Hiiraan ay dhisteen maamul uu Madaxweyne ka yahay Cali Cabdullaahi Cosoble oo ay xilka ka qaadeen Xildhibaanada Hirshabeelle.
Dowladda Dhexe ayuu sidoo kale tilmaamay in ay jabisay dastuurka.
Cali Cabdullaahi Cosoble oo dhawaan gaaray Magaalada Baledweyne ayaa ku guulestay in uu halkaasi ka dhiso maamul cusub oo ka madaxbanaan Hirshabeelle.
Cosoble ayaa wali Aaminsan in uu yahay Madaxweynaha rasmiga ah ee maamulka Hirshabeelle, islamarkaana xilka ka qaadistii lagu sameeyay ay sharci daro aheyd.
Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.comEmail: Ishabaydhaba@hotmail.com
storvideo: 


Anigoo ah mohamed abdirahmaan maxamuud (dhumiye )...

$
0
0

Anigoo ah mohamed abdirahmaan maxamuud (dhumiye ) waxaan Munaasibada ciidal adxa awadeed hambalyo farxadeed hawada u marinayaa mamaday faadumo hassan yuusuf , walaalahay , ehelkay , asxaabtay , umada somaliyeed iyo dhamaan inta magacayga iyo muuqayga garanaysa ee kala jooga dalka guduhiisa iyo dabadiisaba .
Anigoo idiin leh ciidan ciideeda rabi ha inagu gaadhsiiyo cibaado suuban , caafimaad , hore u socod iyo horumar .
Ugu danbayn Kulu sanna wa,intum dayibiin .
storvideo: 

Britain oo dhimeyso dhaqaalaha ay ku bixiso gargaarka Nigeria

$
0
0

Dowlada Britain ayaa lagu wadaa inay dhinto lacagaha ay ku bixiso howlaha gargaarka ee dalka Nigeria sannadaha soo socda. Ingiriiska ayaa sheegay in afarta sanno ee soo socota uu dhimayo boqolkiiba konton dhaqaalihii ku bixi jiray gargaarka oo lagu qiyaasay lacag dhan laba boqol konton iyo sided milyan oo doolar.

Britain oo dhimeyso dhaqaalaha ay ku bixiso...

$
0
0

Dowlada Britain ayaa lagu wadaa inay dhinto lacagaha ay ku bixiso howlaha gargaarka ee dalka Nigeria sannadaha soo socda. Dowlada Ingiriiska ayaa sheegtay in afarta sanno ee soo socota ay dhimeyso boqolkiiba konton dhaqaalihii ku bixi jiray gargaarka oo lagu qiyaasay lacag dhan laba boqol konton iyo sided milyan oo doolar.
Lacagaha dowlada Britain ay ku bixiso gargaarka ayaa looga gol lahaa sidii dadka ku nool waqooyiga dalka Nigeria ay uga soo kaban lahayeen dhibaatooyinka kooxda Boko Haram ay ka geysatay deegaanadaasi.
Hey'adaha gargaarka ee dalka Nigeria ayaa sheegay in inkabadan hal milyan iyo shan boqol oo kun oo qof oo ku nool waqooyiga dalkaasi ay qarka u saaranyihiin macluul.
Britain ayaa sannadkan kordhisay gargaarka ay siiso Nigeria, si wax loogu qabto dadka rayidka ee ay waxyeelada ka soo gaartay kooxda Boko Haram.
Wasiirka arrimaha horumarinta caalamiga ee Britain Priti Patel oo ka hadashay dhaqaalaha Britain ay ka jareyso howlaha gargaarka ee ay ka waday dalka Nigeria ayaa sheegtay in dowlada dalkaasi looga baahanyahay sidii ay uga adkaan laheyd kooxda Boko Haram, si dadka ay u helaan noolal wanaagsan.
Waxay intaa ku dartay in deeq bixiyeyaasha kale ay kordhiyaan dhaqaalaha ay siiyaan Nigeria.
Waqooyiga bari ee dalka Nigeria ayaa waxaa halakeeyay weerarada Boko Haram ay ka geysanesay deegaanadaasi tan iyo sannadkii 2009-kii, waxaana dadka ku dhintay weeraradaasi lagu qiyaasay inay gaarayaan labaatan kun.
storvideo: 

DEG DEG: Nabadoon caan ah oo Lagu Toogtay Degmada...

$
0
0

Sep 2, 2017 -
Kooxo hubaysan ayaa lagu soo waramayaa in Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha hoose ay ku dileen, Nabadoon si wayn looga yaqaanay Degmadaasi.
Dilka ayaa wuxuu ka dhacay Xaafadda Ceelqode ee Degmada Afgooye, iyadoo rag hubaysan ay toogteen Nabadoon Nuuradiin Cabdullaahi Aweys oo ka mid ahaa waxgaradka Degmadaasi.
Dableyda hubaysan ee toogtay Nabadoonka, ayaa meesha ka baxsaday markii ay toogteen ay dileen Nabadoonkaasi, illaa haddana lama oga sababtii ka dambeysay dilka Nabadoonka.
Qaar ka mid ah dadka degaanka ayaa Warbaahinta gudaha waxa ay u sheegeen in ciidamada Dowladda ay tageen goobta dilka uu ka dhacay xilli dambe, mana aysan sheegin cid loo soo qabtay dilkaasi.
Shabakada Badweyn.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay
Nagala Xiriir E-mail
storvideo: 

Xildhibaan Mahad Salaad oo Bahdil Ku Sameeyey...

$
0
0

MUDANE MADAXWEYNE IYO MUDANE RA'IISUL WASAARE Soomaalidu waa ka gudubtay xiligii dacaayadaha lagu marin habaabin jiray!
Waxaa igu maqaalo ah shalay ilaa maanta in Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaruhu ka baryayeen Dowlada Itoobiya inay soo saarto warsaxaafadeed ay ku sheegayso in Abdikariim Qalbi Dhagax isku soo dhiibay heshiis dhex maray isaga iyo Dowlada Itoobiya. Dowlada Soomaaliyana ay fududeysay oo kaliya! Hadaba waxaa iga su'aal ah:
1. Abdikariim Qalbi Dhagax 3 sano ayuu joogay Mogadishu ee muxuu iskugu dhiibi waayay Dowlada Itoobiya?!
2. Abdikariim Qalbi Dhagax hadii uu xor ahaa maxay Gaalkacyo uga soo afduubteen oo isagu rabitaan kiisa ugu imaan waayay Magaalada Mogadishu oo markii hore uu ka tagay, rabitaan kiisana uga bixi waayay?!
3. Abdikariim Qalbi Dhagax haduu xor ahaa isaga rabitaan kiisana isku dhiibay maxay uga diideen Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha, mas'uuliyiintii ugu tagay ee ka codsaday inay soo arkaan, ayna kamidka ahaayeen: Gudoomiyaha Aqalka Sare Senator Abdi Xaashi Abdullahi, Senator Ahmed Xaashi Mohamud iyo Xildhibaan hore Mohamed Abdi Yusuf?!
4. Wareysigii Wasiirka Warfaafinta Itoobiya shalay siiyay VOA wuxuu ku sheegay in ninkaas oo katirsan "Urur Argagixiso ah" ay usoo gacan gelisay Dowlada Soomaaliya. Hadii rabitaankiisa uu isku soo dhiibay Qalbi Dhagax muxuu Wasiirku u sheegi waayay shalay?!
5. Ururkii uu ka tirsanaa Abdikariim Qalbi Dhagax waxay sheegeen in Dowlada Soomaaliya soo afduubtay si xoog ahna ugu dhiibtay Dowlada Itoobiya. Hadii sheegashada ONLF midka gedisan Dowlada Soomaaliya heyso maxay mar hore ula wadaagi weysay Umadda Soomaaliyeed?!
Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha waxaan ka rajeynaynaa inay Umadda Soomaaliyeed ee xadgudubta lagula kacay Qalbi Dhagax ay taabatay la wadaagaan jawaabaha su'alahaan iyo kuwa kale oo badan ee Dadka Soomaaliyeed isweydiinayaan!Hon. Mahad Salad
storvideo: 

Assailants abduct, kill Elders in El Wak, near Kenyan border

$
0
0

Two well-known elders were reported to have been killed in El Wak, a town near Somali border with Kenya on Friday night, residents said.
The elderly men were abducted last night by gunmen, before they were found dead in the morning with gun shots on their bodies.
It’s still unclear reason behind the murder of the elders, but, Police said an investigation is underway and pursuing the killers, who fled the crime scene following the shooting.
Local security officials in El Wak town of Gedo region did not respond to Radio Shabelle’s repeated requests for comment and information about the apparent assassinations against the traditional elders.
The post Assailants abduct, kill Elders in El Wak, near Kenyan border appeared first on Shabelle.

Dhageyso:- Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle


Assailants abduct, kill Elders in El Wak, near...

$
0
0

Two well-known elders were reported to have been killed in El Wak, a town near Somali border with Kenya on Friday night, residents said.
The elderly men were abducted last night by gunmen, before they were found dead in the morning with gun shots on their bodies.
It's still unclear reason behind the murder of the elders, but, Police said an investigation is underway and pursuing the killers, who fled the crime scene following the shooting.
Local security officials in El Wak town of Gedo region did not respond to Radio Shabelle's repeated requests for comment and information about the apparent assassinations against the traditional elders.
storvideo: 

Cajal Taabanaya Qalbiga : Wiil Gacmo la` oo...

$
0
0

Dhab ahaan waa Fiidyaw taabanaya Qalbiga Ruux kasta ayaa laga duubay Wiil aan lahayn Gacmo da` ahaana aad u yar oo caawinaya Walaalkii oo ka yar oo ooyayaa, wuxuu isku dayaya wixii awoodiisa ah .
Cajalkan ayaa lagu faafiyey Baraha Bulshada waxaanu durba kabsaday kumanaan ruux ra`yi ururin ay samaysay Barta You tube ka loo yaqaana.
[embedded content]
Warqabadka ToggaHerer
storvideo: 

Frankfurt oo isu diyaarinaysa inay qarxiso bam weyn

$
0
0

Tobannaan kun oo qof oo ay ku jiraan bukaano lagu hayay isbitaallada magaalada Frankfurt ayaa waxaa laga daadgureeyey magaaladaasi, taas oo noqonaysa middii ugu ballaarneyd tan iyo Dagaalkii Labaad ee Adduunka.
Magaalada ayaa isu diyaarinaysa in la qarxiyo bam ka haray Dagaalkii Labaad ee Adduunka, iyadoo durbadiiba ay tobannaan kun oo qof ay guryahooda faarujiyeen.
Goobaha dadka laga daadgureeyay waxaa sidoo kale ka mid ah isbitaalada iyo dhismaha Bangiga Dhexe ee dalkaasi Jarmalka oo ay yaalaan tobannaan bilyan oo doolar oo dahab ah.
Dadka bukaanka ah ee ku jiray qeybaha xaaladda deg degga ee isbitaalada ayaa ahaa dadkii ugu horreeyay ee halkaa laga saaro, waxaana booliska ay haatan adeegsanayaan qalab casri ah oo ay ku xaqiijinayaan in dhammaan guryaha la faarujiyay.
Gudaha dalka Jarmalka waxaa daadsan boqolaal kun oo ah bambooyinka gantaalo cul-culus oo aan qarxin, kuwaasi oo loo adeesanayay Dagaalkii Labaad ee Adduunka.
Khubarada ayaa waxa ay sheegayaan in ay tobannaan sano qaadaneyso in dhammaan walxahaasi qarxa laga saaro dalka Jarmalka.
Bamkan sababay in dadka laga daadgureeyo guryahooda ayaa xilligii Dagaalka Labaad ee Adduunka waxaa halkaa ku tuuray diyaaradaha ciidamada cirka ee dalka Britain.
Horraantii usbuucan ayaa si lama filaan ah waxaa bamkan laga helay goob ku taala Jaamacadda Frankfurt oo uu dhisme ka socday.
Bishii la soo dhaafay ayaa lagu qasbanaaday in la daadgureeyo carruur yar yar oo dhinagayay iskuul kaddib markii macalin uu halkaa ku arkay labo bam oo aan wali qarxin.
Boolisku waxa uu sheegay in arday ka mid ah ardayda iskuulka ay bambooyinkaasi soo qaadeen oo ay iskuulka dhex keeneen.
65 kun oo qof ayey tahay qorshuhu in laga daad gureeyo gudaha Frunkfort ka hor inta aan bamkaasi la qaxrin.
storvideo: 

Warar Deg deg ah oo kasoo kordhaya Weerarkii ay...

$
0
0

Sep 3, 2017 -
Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in qasaare lixaad leh uu ka dhacay degaanka Buulogaduud iyo duleedka magaalada Kismaayo.
Weerarkan oo loo adeegsaday Qarax is-miidaamin ah ayaa lagu galay saldhigga ciidan ee ciidamada maamulka Jubba iyo kuwa Soomaaliya ku lahaayeen halkaasi, iyadoo lagu dilay ciidamo fara badan.
Weerarka oo dhacay aroortii hore ee saaka ayaa Afhayeenka Alshabaab uu sheegtay inay ku dileen 26 askari, isla markaana ay gubeen laba baabuur oo kuwa dagaalka ah, halka ay wateen askar nool iyo gawaari kale.
Maamulka Jubbaland ayaan weli ka hadlin dagaalka saaka ka dhacay Buulogaduud, waxaana magaalada Kismaayo laga dareemaya xaalad kacsan iyadoo gurmad ciidamo ah loo diray goobta dagaalka.
Maleeshiyada Alshabaab ayaa isaga baxay Buulogaduud markii ay heysteen muddo saacado ah, waxaana la sheegay in goobtaasi lagu diyaarinayay ciidamo howlgal ku qaada Alsahbaab.
Shabakada Badweyn.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay
Nagala Xiriir E-mail
storvideo: 

Salaad Cali Jeelle “Waxaa Jira Siyaasiyiin Dana Gaar ah ka leh Arrinta Qalbi Dhagax”

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Siyaasiga Salaad Cali Jeelle oo ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa ka hadlay Arrin uu ku sheegay maalmihii la soo dhaafay in si weyn looga hadal haayay Dalka, taas oo u ku aadan Sarkaal dowladda la sheegay in ay ku wareejisay Ethiopia.
Salaad Cali Jeelle ayaa hoosta ka xariiqay in arrintaas ay kar karinayaan Siyaasiyiin iska horkeenaya Shacabka iyo Dowladda.
Waxaana uu ku nuux nuuxsaday in dadka arrintaan ka hadlayay isugu jiraan kuwa Soomaalinimo ay ka tahay oo la marin habaabinayo iyo kuwa dano siyaasadeed ka wata.
Sidoo kale Salaad Cali Jeelle ayaa  tilmaamay in dalka haatan uu ka soo kabanayo Bur bur ayna muuqato Rajo fiican sidaas daraadeed ayuu uga digay shaqsiyaadka Siyaasadeynaya arrintaan si dowladda iyo shacabka la isaga horkeeno in ay ka waantoobaan.
Ugu dambeyn Siyaasiga Salaad Cali Jeelle ayaa ka codsaday dowladda Soomaaliy in ay sii laban laabto dadaalada ay ku soo deyneyso haddii ay jiraan maxaabiis weli ku xiran Xabsiyada Waddanka Ethiopia.
Muddooyinkii dambe ayaa la hadal haayay siyaasiyiin aan ka soo dhex muuqan dowladda haatan oo wada Ololo ka dhan ah Masuuliyiinta dowladda oo taageero ka heysta Shacabka.
The post Salaad Cali Jeelle “Waxaa Jira Siyaasiyiin Dana Gaar ah ka leh Arrinta Qalbi Dhagax” appeared first on Shabelle.

Salaad Cali Jeelle “Waxaa Jira Siyaasiyiin Dana Gaar...

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Siyaasiga Salaad Cali Jeelle oo ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa ka hadlay Arrin uu ku sheegay maalmihii la soo dhaafay in si weyn looga hadal haayay Dalka, taas oo u ku aadan Sarkaal dowladda la sheegay in ay ku wareejisay Ethiopia.
Salaad Cali Jeelle ayaa hoosta ka xariiqay in arrintaas ay kar karinayaan Siyaasiyiin iska horkeenaya Shacabka iyo Dowladda.
Waxaana uu ku nuux nuuxsaday in dadka arrintaan ka hadlayay isugu jiraan kuwa Soomaalinimo ay ka tahay oo la marin habaabinayo iyo kuwa dano siyaasadeed ka wata.
Sidoo kale Salaad Cali Jeelle ayaa tilmaamay in dalka haatan uu ka soo kabanayo Bur bur ayna muuqato Rajo fiican sidaas daraadeed ayuu uga digay shaqsiyaadka Siyaasadeynaya arrintaan si dowladda iyo shacabka la isaga horkeeno in ay ka waantoobaan.
Ugu dambeyn Siyaasiga Salaad Cali Jeelle ayaa ka codsaday dowladda Soomaaliy in ay sii laban laabto dadaalada ay ku soo deyneyso haddii ay jiraan maxaabiis weli ku xiran Xabsiyada Waddanka Ethiopia.
Muddooyinkii dambe ayaa la hadal haayay siyaasiyiin aan ka soo dhex muuqan dowladda haatan oo wada Ololo ka dhan ah Masuuliyiinta dowladda oo taageero ka heysta Shacabka.
storvideo: 

Salaad Cali Jeelle” Dadku ha is Dajiyaan Dowladana...

$
0
0

Siyaasiga Salaad Cali Jelle oo kamid ah siyaasiinta Muqdisho ahaana musharax Madaxweyne xilal kala duwan ka soo qabtay dowladihii dalka soo maray ayaa ka hadlay tilaabadii dowlada Soomaaliya ay Qalbi Dhagax ugu wareejisay dowlada Itoobiya.
Salaad Cali Jelle ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in aanay mucaaradin dowlada Soomaaliya oo uu sheegay in muddo yar ay shaqeeyneeyso.
" Wadanka Amnigiisa yaan la dhibaateeynin dowlada hala taageero shalay Farmaajo markii la dooranayay dadku waa ay soo dhoweeyeen madaxweynuhuna 8 Bilood uu shaqeeynayay" Ayuu yiri Salaad Cali jelle.
Dhanka kale Odoyaasha Dhaqanka Qaar kamid ah Beelaha Soomaaliyeed ayaa iyana arintaasi ka hadlay kuna baaqay in dowlada aan la mucaaradin.
Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo isna wariyaasha kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in dadka buun buuninaya Arinta Qalbi Dhagax ay yihiin Dad Dowlada hormarkeeda nacaya.Hoos ka Dhageyso Warbixinta Wariyaha PP ee Muqdisho Cowke.
http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2017/09/War-Cowke-PP-Muqdisho-Qalbi-Dhagax.mp3
Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho
The post Salaad Cali Jeelle" Dadku ha is Dajiyaan Dowladana Yaanay Mucaaradin Qalbi Dhagaxna Cadaalad Ha helo" appeared first on Puntland Post.
storvideo: 


Tartan lagu maamuusayay ilaalinta Xuquuqda Qoxootiga...

$
0
0

Haya'adda Kaalo ayaa labo kooxood oo kala matalayey Dadka Qoxootiga Ee ku dhaqan Qardho iyo koox deegaanka ka dhisan u qabatay koob loogu talagalaya is dhexgalka dhalinyarada iyo ilaalinta xuquuqda qaxootiga.
Ciyaartan oo ka dhacaday garoonka kubada cagata Ee Boobe stadium aya waxa daawashadeeda ka soo qebgalay Masuuliyiin ka socda Haya'adda Kaalo ,isduwaha wasarada dhalinyarada iyo ciyaaraha Puntland iyo Gudoomiyaha Qoxootiga Yamaniinta ah Ee ku nool Magaalada Qardho.
Labada kooxood ayaa waxay si dheeli tiran u muujiyeen fir fircooni iyo karti dheeraad, ah waxaana koox walba ay weerar iyo weerar celis ku qaadeysay shabaqa kooxda kale, inkastoo garsoorihii ciyaarta leylinaya uu ugu dambeyn seeriga ka dhawaajiyay sidaasna ay 2gool iyo waxba ay guushu ku raacday kooxdii matalaysay Qardho.
Barnaamijkaan ayaa ka mid ah mashaariic ay hay'ada kaalo ka wado degaanada Puntland iyadoo kaashanaysa i haya'adda UNHCRCabdiqani Boos Puntland Post
The post Tartan lagu maamuusayay ilaalinta Xuquuqda Qoxootiga oo Qardho lagu qabtay appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Dibadbax Ballaaran oo ka dhacay Magaalada Gaalkacyo

$
0
0

Gaalkacyo ( Sh. M. Networ )-Shacabka ku nool Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa maanta dibadbax ballaaran waxa ay ka dhigeen qeybo ka mid ah Magaaladaasi.
Waxaana ay uga soo horjeedeen madax ka tirsan maamullada Galmudug iyo Puntland oo kulamo ku leh Magaaladaasi Gaalkacyo.
Qaar ka mid ah dibadbaxyaasha oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa ku tilmaamay kulanka madaxdaasi mid lagu kala fogeynayo shacabka Gaalkacyo iyo guud ahaan Gobolka Mudug, islamarkaana ay ka soo horjeedaan.
Dibadbaxan ayaa imanaaya, xilli labada madaxweyne ku xigeen ee maamullada Galmudug iyo Puntland ay ku suganyihiin Magaalada Galkacyo, halkaas oo ay ku leeyihiin kulamo looga hadlayo amniga Magaaladaasi iyo xiisado ka jira deegaano ka tirsan Gobolka Mudug.
The post Dibadbax Ballaaran oo ka dhacay Magaalada Gaalkacyo appeared first on Shabelle.

Wafdigii Abdirahman Zaylici iyo Guddoomiye Muse Bixi...

$
0
0

Wafdigii Abdirahman Zaylici iyo Guddoomiye Muse Bixi ay hoggaaminayeen oo magaalada Borama kala kulmay taageerada Waddani.
Waxa Daabacay staff-reporter on Sep 3rd, 2017 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.
Awdalpress - London - Soo dhaweynta maanta loo ballansanaa Borama, waxa iska lahaa Xildhibaan Ahmed-Yaasiin Sh. Ali Ayaanle, waxase mar kaliya is beddelay jawigii soo dhaweynta, kadib markii la arkay M/xigeenka iyo Musharraxa Madaxweyne ee Kulmiye mudane Muse Bixi Cabdi oo soo dhaweyntaa u soo qoystay. Waxase dadweyne badani kala hor tagey GUUSHA YAA LEH? WADDANI BAA LEH.
Sidani waa isbeddel cusub, oo taageero adag loogu hayo, loollanka maanta ka dhacay Boramana waxa guusha iska leh WADDANI, laakiin guushaa ayaa keenay?
Waxa guusha Waddani ee gobolka Awdal hoggaaminaya mudane Abdikarim Maal, oo ah guddoomiyaha Waddani ee gobolka Awdal. Laakiin su'aashu waxa ay tahay....hoggaanka xisbiga Waddani ma u og yihiin guushaa?....Waa ka faalloon doonnaa.
Dhinaca kale waxa sallaanka ka sii dhacaya guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Gobolka u fadhiya, oo la sheegayo in dhawaan xisbiga Kulmiye dareen badan ka qabo.
[embedded content]Bal hadda aynu sugno, wararka kale ee ka soo kordha, cajaladdani muujinaysa taageerada Waddanina aan sii daawanno.
Awdalpress
This post has been viewed 70 times.
storvideo: 

Maxaa sabab u ah sare u kaca Qudaarta ee Suuqyada...

$
0
0

Muqdisho(S)NNA) Suuqyada magaalada Muqdisho ayaa waxaa laga dareemayaa sare u kac ku yimid qiimaha la kala siisto qudaarta, noocyadeedi kaladuwan,taasi oo saameysay dadka danyerta ah.
C/raxmaan Max'ed Siyaad waxaa uu ka mid yahay ganacsada Qudaarta kala duwan ee Suuqyada Muqdishpo,isagoo xusay in taasi ay sabab u tahay wax soo saarka dalagyada Beeraha oo gaabis noqday markii roob yeri ay dhacday.
Saameynta Qudaar yerida Suuqyada ayaa laga dareemayaan Maqaayadaha Muqdisho iyo xaafadaha, iyadoo istaicmaalka Qudaartu ay kamid tahay waxyaabaha muhiimka u ah jirka aadanaha caafimaad ahaan.
"Magacaygu waa C/raxmaan Maxamed Siyaad waxaan akmid ahay ganacsatada Suuqa Qudaarta Xamarweyne, sicir barar dhanka Qudaarta ayaa jira, dalagii Beeraha sida qudaarta noocyadeedi kaladuwan oo roob la'aantu sabab u tahay, qiimo qaali ah ayay suuqa ku imaanaysaa,marka taasi saameyn weyn ayaay nagu yeelatay", Ayuu yiri C/raxmaan Siyaad.
C/raxmaan oo ka ganacsada Qudaarta qooyan ayaa sheegay in hadda tan ugu qaalisan ay tahay Yaanyada, oo tenegii uu gaarayo 6ilaa 7 boqol oo kun oo Shillin Soomaali ah,halkii hore boqol ilaa 150 konton Shillin Soomaali ah ay ahayd.DHAGEYSO WARBIXN UU KA DIYAARIAYAY WARIYEC/qaadir Cali Axmed
http://sonna.so/wp-content/uploads/2017/09/warka-ganacsiga-c.qadir-3-09-...

DCIM100MEDIA

storvideo: 

QM oo ka Walaacsan Abaarta Weli ka jirta Soomaaliya

$
0
0

Rome ( Sh. M. Network )-Hay’adda Qaramada midoobay u qaabilsan Cunada iyo Beeraha ee FAO ayaa shaacisay in ay ka walaacsan tahay in ay sii xoogeystaan abaarihii dhawaan ku dhuftay Dalka Soomaaliya.
Madaxa Hay’adda FAO, Jose Graziano da Silva ayaa xusay in uu ka digayo sii xoogeysashada abaarahii ku dhuftay qeybo ka mid ah Dalka Soomaaliya, maadaama uu xusay in weli ay jiraan abaaro iyo colaado.
Waxaa uu qeexay in cunno yari baahan laga dareemay qeybo ka mid ah Dalka Soomaaliya horaanta bishii la soo dhaafay.
Da Silva ayaa shaaciyay in cunno yaridan sidoo kale ay saameyn ku yeesheen Dalalka Yemen iyo Suudaanta Koonfureed.
Ugu dambeyn, Hay’adda FAO ayaa soo jeedisay in wax laga qabto dhibaatooyinka ay wajahayaan kumanaanka Soomaalida maadaama abaaro xoogan ay ku dhufteen Soomaaliya
 
The post QM oo ka Walaacsan Abaarta Weli ka jirta Soomaaliya appeared first on Shabelle.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live