Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Axmed Shaam oo Somalia uga qeybgalay shir looga...

0
0

- dalka Ghana magaalada ACRRA waxaa lagu soo xirey shir muddo todobaad ah uga socday Ururada Shaqaalaha dalal ku yaala Qaarada Africa ,waxaana ka qeybgalay shirkaan ku dhawaad 20 wadan sida Malawi,Kenya,Uganda,Brundi,Burkina-faso,Somalia,Ethiopia,Benin,Swasland,Zimbabwi,Nijer,Rwanda iyo Ghana
Intii uu socday shirka looga arrinsanayo Xiriirka iyo Isku xirnaantooda Ururada Shaqaalaha ee ka jira dalalka Afrika, waxaa uga qeybgalay Somalia Wariye Axmed Shaam Maxamed oo matalaya Ururka Shaqaalaha Soomaaliya oo magaciisa loo soo gaabiyo FESTU,Islamarkaana ah xubin si gaar ah uga socotay Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ.
Axmed Shaam ayaa goobta shirku ka socday ka jeediyay Khudbad uu uga hadlay caqabadaha ka jira dalka iyo sida lagu xalin karo, wuxuuna kala mid ahaa hadalkan soo jeedinta goobta uu ka socday Aqoon kororsigaan looga dhageysanayay xubin walba oo ka socota dalalka uga qeybgalay GHANA shirkaan oo socday muddo shan maalmood ah.Daawo Sawirada.Abshir DhiiranePUNTLAND POST
The post Axmed Shaam oo Somalia uga qeybgalay shir looga hadlayo xiriirka shaqaalaha Afrika. appeared first on Puntland Post.
storvideo: 


Ciidamada Myanmar oo gubay xaafado kale oo ay deggan yihiin Muslimiinta Rohingya

0
0

Wararka ka imaanaya dalka Myanmar ayaa sheegaya in xaafado badan oo ay deggan yihiin Muslimiinta Rohingya ee dalkaasi dab la qabad siiyay, iyadoo dadku ay u qulqulayaan dhanka xadka Bangladesh si ay uga baxsadaan qalalaasaha socda.

Ciidamada Myanmar oo gubay xaafado kale oo ay deggan...

0
0

Wararka ka imaanaya dalka Myanmar ayaa sheegaya in xaafado badan oo ay deggan yihiin Muslimiinta Rohingya ee dalkaasi dab la qabad siiyay, iyadoo dadku ay u qulqulayaan dhanka xadka Bangladesh si ay uga baxsadaan qalalaasaha socda.
Qiiq ka baxaya ayaa la arkayaa xaafado ku yaalla galbeedka Myanmar halkaas oo ciidamadu ay ka bilaabeen olole ka dhan ah maleeshiyaadka Rohingya. Hay`adda arrimaha qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegeysa in toddobaatan kun oo qof oo dheeri ah ay u qaxeen dalka Bangladesh.
Qaxootiga Rohingya ayaa sheegay in ciidamadu ay dab qabad siiyeen guryahooda ayna toogteen, balse dowladda Burma ayaa dafirtay arrintaasi waxayna ku eedeysay maleeshiyaadka Rohingya inay yihiin kuwa sababaya rabshadda.
Xadka dhanka Bangladesh, waddooyinka iyo xaafadaha ayaa waxaa buux dhaafiyay qaxooti, iyadoo hay`adaha gargaarku ay ay ka digayaan cunno yaraan ba`an.
storvideo: 

Maxkamadda Iiran oo ayidday xarigga jaajuus Mareykanka u dhashay

0
0

Maxkamad ku taalla dalka Iiraan ayaa taageertay xarigga tobanka sano ah ee lagu xukumay nin u dhashay dalka Mareykanka oo jaajuusnimo lagu eedeeyay.

Maxkamadda Iiran oo ayidday xarigga jaajuus...

0
0

Maxkamad ku taalla dalka Iiraan ayaa taageertay xarigga tobanka sano ah ee lagu xukumay nin u dhashay dalka Mareykanka oo jaajuusnimo lagu eedeeyay.
Ninkan ka soo jeeda Shiinaha oo haysta dhalashada Mareykanka, Xiyue Wang ayaa la xiray bishii July isagoo lagu eedeeyay inuu la shaqeynayay dowlado shisheeye, taas oo uu dafiray.
Waxaa la xiray xilli uu baaritaan jaamacadeed ka sameynayay gudaha Iiraan.
Saddex qof oo kale ayaa sidoo kale la xiray. Labo haysata dhalasha Mareykanka laakiin Iiraan ka soo jeeda iyo qof u dhashay Lubnaan.
Xukunka maxkamadda ayaa ku soo aadaya xilli ay sii xooganeyso xiisadda u dhaxeysa Iiraan iyo Mareykanka.
Xukuumadda Washington ayaa dalbatay in degdeg loo sii daayo dadka haysta dhalashad dalkaas, kuwaas oo ay sheegtay in loo haysto dembiyo la soo dhoodhoobay.
Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa Iiraan ku eedeysay inay dhibaato iyo xarig u geysato muwaaddiniinta Mareykanka.
storvideo: 

Kursi Looma Hayo Afar Kun oo Kursi Doon ah

0
0

4th September 2017 admin Category :
Odayaash Beelaha Hawiye ayaa ugu baaqay dadka dawladda mucaaradnimada la daba taagan in aan dawladda la mucaaradin, waxeeyna sheegeen ineey dadka Muqdisho ay qaraxyadii iyo ballaayadii dhici jirtay ay ka nasteen.
Muddooyinkaan danbe waxaa soo baxay dad doonaya ineey dawladda fashiliyaan iyagoo ka fakaraya masaalixdooda gaarka ah.
[embedded content]Muqaalka Hoose waa sida ay isku badashay magaalada Muqdisho, laakiin dad ayaa doonaya ineey burburiyaan.
[embedded content]
Allsanaag.com
storvideo: 

Ar Badhan i geeya

0
0

4th September 2017 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

Degmada Badhan oo diyaar u ah Boqolaalka arday ee ka iman doona gobolada Soomaaliya, iyaga oo waxbarasho u soo doonan doono Jaamacadda Maakhir ee degmada Badhan, gobolka Sanaag, Puntland
Jaamacadda Maakhir iyo Jidka Ceel Daahir ayaa guud ahaan Bulshada reer Maakhir ku dhiira geliyey inay maalgashadaan magaalada Badhan ee gobolka sanaag. Maanta hadal haynta ugu weyn qurba joogta reer Maakhir waa sidii Guryo iyo ganacsi ay uga samaysan lahaayeen magaaladaas.
Xaquuqda sawirada kore Jaamac Debrani
[embedded content]

[embedded content]
Post navigation
- Arab News Cartoon by Mohammed Rayes
storvideo: 

Xukuumad 4sano jirsatay allow itus lama arkayee

0
0

Xukuumad 4sano jirsatay allow itus lama arkayee
Sep 4, 2017 -
Diyaasbaro iyo dayuus inta naqaribeen nolosheenii dhinac walba, ayay rabaan dowladi somaliyeed inay burburiyaan kadib dib ugu laabtaan dalki ay ceyrta ka qaadanayeen.
Ayaga xilka qaatoAyagaa lcgta ugu badan qaatoAyagaa wadaniyiin ah marka horeAyagaa burburiyo qaranka markey dan kawaayaanAyagaa miskiinka wadanka jooga dhiigooda daadiya.Ayaga rabi in qaraxyadii soo laabtaan.
Anagu ma necbin balse nama jecla sababtoo ah waxa kaliyah aan heystay ayay rabaan inay iga burburiyaa.
Kuwa ku dhibanaa gudaha markii ay dareemeen neecaaw nabad iyo nolol ayay leeyihiin nabad ma jirto balaayaa taagan waxay ka been sheegayaan waxa jira oo waxa garab ku siiyeen kuwa sare kuxusan burburinta hoygoodii aanan badiil kale ayan uheysan kaliyah waxay ku kaalmeynayaan xididka qabiilka oo shaqadiisa qabsaday.
Balse isu geyn miskiinka Kismaayo' boosaaso, Baydhabo, Jowhar iyo Muqdisho kunool ayaa ku dhib qabo.
Mashruucley, muaamarada cafowga soo jireenka ah, cadaawada carab noo qabto iyo inta uurka naga neceb iyo laba baasaboorle hadii ay xumaato waa kaa tagay qaarna waxay sii hurin doonaan dabka ileen shaqadooda ayaa sidaa ah ilmahoodana meeshaas ayaa dabkooda ka shitaan.
Miskiinkaanow qorax joogow ogow adigana isbitaaladaan qariban ayaa si khaldan lugta lagaaga goynaa ama dhiig la aan ugu dhimanee.
Allow sahal Umuuraha.
Allow dalka noo hagaaji. Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
English News
storvideo: 


Kuuriyada Koofureed iyo Mareykanka oo ka hadlay tijaabadii hubka Kuuriyada Waqooyi

0
0

Kuuriyada Koofureed ayaa sheegeysa inay tijaabisay gantaal iyadoo ka jawaabeysa tijaabadii hubka nukliyeerka ee Kuuriyada Waqooyi . Shiinaha iyo Ruushka ayaa iyaguna walaac ka muujiyay falka Kuuriyada Waqooyi.

Kuuriyada Koofureed iyo Mareykanka oo ka hadlay...

0
0

Kuuriyada Koofureed ayaa sheegeysa inay tijaabisay gantaal iyadoo ka jawaabeysa tijaabadii hubka nukliyeerka ee Kuuriyada Waqooyi . Shiinaha iyo Ruushka ayaa iyaguna walaac ka muujiyay falka Kuuriyada Waqooyi.
Dhanka kale madaxweyne Trump ayaa ku cambaareeyay Kuuriyada Waqooyi tijaabadeedii ugu dambeysay ee hubka nukliyeerka - wuxuuna uga digay in Mareykanku uu joojin doono xiriirka ganacsi ee dal walba oo xiriir la leh Kuuriyada Waqooyi.
Shiinaha oo ah saaxiibka ganacsi ee ugu weyn ee ay leedahay Pyongyang, ayuu Trump ugu yeeray waqooyiga inay khatar ku tahay Beijing. Mar ay weriyeyaashu weydiiyeen haddii Mareykanku uu weerari doono Kuuriyada Waqooyi, ayuu Trump sheegay in laga war dhowro waxa dhici doona.
Kaddib hadal gaaban oo uu madaxweynuhu jeediyay, ayaa xoghayaha gaashaan-dhigga Mareykanka James Mattis wuxuu sheegay in Mareykanku uu ajwaab milatari ka bixin doono khatar walba oo Mareykanka ku wajahan, geyigiisa iyo xulafadiisaba.
storvideo: 

Soo dhaweyn aan intii mudda ah lagu arag gobolka...

0
0

Soo dhaweyn aan intii mudda ah lagu arag gobolka Awdal ayaa lagala hor tagey Xil. Ahmed-Yaasiin Sh. Ali iyo Musharrixiinta xisbiga Kulmiye. ( Halkan ka daawo )
Waxa Daabacay staff-reporter on Sep 4th, 2017 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Awdalpress - London - Fagaaraha Khayriyada Borama maalintii shalay ahayd, waxa ay ahayd mid ay dadku u fadhiyeen si cidhiidhi ah, farxadda iyo sawaxanka amma mashxaradduna waxa ay ahay mid ka cod dheer Makrafoonnada codkoodu dadka dhagaha jabiyey.

Xil. Ahmed-Yassin oo aan hadalka loo tilmaamin ayaa microfoonka qaatay, waxana uu kaga qiiraysiiyey shacabkii bacadka u taagnaa....Muxuu yidhi....muxuu yidhi?
[embedded content]

Waxa garbo siman ku soo galay madashii, hawl-wadeennada dawladda iyo xisbiga Kulmiye, oo aan ka xusi karro, Muse Biixi, Abdirahman Zaylici, Ahmed-Yaasiin iyo Abdillaahi Habbane. Madaxdu gacmaha ayey illaa kilkillooyinka is dhaafadeen si ay u dhex maraan shacabka isku jiqda ah, waxana qaylo dheer ku soo dhaweynayey dadweynihii madasha fadhiyey, taagnaa amma kanbadhuudhay. Heesaha qiira badan ayaa lagu dul tumayey, ciyaaraha dhaqan oo kooxa gaar ahi wadeen ayaa dhinacooda waday maaweeyo.

Awdalpress
This post has been viewed 145 times.
storvideo: 

SOMALIA: Somaliland leader returns home after...

0
0

Hargeysa (RBC Radio) Somaliland leader Ahmed Mohamed Mohamud "Siilaanyo" has returned back today after he underwent a surgery in which doctors removed appendix late last month.
The surgery took place at a hospital in Abu Dhabi, according to his spokesman Hussein Deyr.
On Monday, President Siilanyo was received by government officials and members of the public when he landed at Egal Airport in Hargeysa.
Several of the Somaliland cabinet ministers were also accompanying Siilaanyo's flight from Dubai.
The spokesman Hussein Deyr said the president has recovered well and that he will be resuming his presidential office work this week.

storvideo: 

Imam isaga oo Xajka jira Maraykanka lagaga been abuurtay!

0
0

Wararkan ayaa waxa ay ku saabsanyihiin in nin imam ah uu albaabada ka xirtay dadkii ka qaxacayay duufaanta Harvey ee dalkaasi ka dhacday, isaga oo ku andacooday in diinta islaamka aysan ogolayn in uu caawiyo dadka aan islaamka ahayn.

Daawo :Xisbiga UCID Oo Soo Bandhigay Barnaamij...

0
0

Xisbiga UCID Oo Soo Bandhigay Barnaamij Noociisu Cusubyahay .
Hoos Ka Daawo Muuqaalka .
[embedded content]
storvideo: 

Imam isaga oo Xajka jira Maraykanka lagaga been...

0
0

Nin haysta dhalashada dalka Canada oo ah imam masaajid ah oo lagu magacaabo Ibraahim Hindi ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay sawirkiisa oo loo adeegsaday warar been abuur ah oo laga faafiyay gudaha Maraykanka.
Wararkan ayaa waxa ay ku saabsanyihiin in nin imam ah uu albaabada ka xirtay dadkii ka qaxacayay duufaanta Harvey ee dalkaasi ka dhacday, isaga oo ku andacooday in diinta islaamka aysan ogolayn in uu caawiyo dadka aan islaamka ahayn.
Balse dhibka jira waxa uu ahaa in sawirka la adeegsaday uu yahay imam ku nool dalka Canada, meesha warka looga hadlayna ay ahayd Maraykanka.
Imam Ibraahim ayaa waxa uu sheegay in uusan waligiis tagin gobolka Texas ee Maraykanka, islamarkaasina xiliga masiibada dhacaysay uu jirey xajka oo uu illaa hadda ku suganyahay.
Warka been abuurka ah ayaa waxa la daabacay 31-da Agoosto, waxaana lagu daabacay bogga America's Last Line of Difense.
Waxaa warka lagu sheegay in masaajidka gabbaad lagu siiyay illaa 500 qof, balse loo diiday dhammaan dadkii aan islaam ahayn ee ka cararayay duufaanta culus.
Sawirka Imam Ibraahim ayaa loo adeegsaday sheekada, waxaana lagu hoos qoray magac kale.
Dad badan ayaa run u qaatay warka, waxaana la sii faafiyay 126,000 jeer.
Maalin kadib ayuu website-ka badalay sawirka Imam Ibraahim, wuxuuna ku badalay sawirka Imam u dhashay dalka Lubnaan oo lagu magacaabo Axmed Al-Casir.
Bog kale oo lagu magacaabo Daily Post Feed ayaa isna baahiyay sheekadan, balse waxa ay isticmaaleen sawirka imaam kale oo ku nool California oo lagu magacaabo Imam Camar Sheyn.
Boggan ayaa isku tilmaama in uu yahay mid maadays ah, wuxuu meesha hoose ku qortay oraahda ah "Dhammaan sawirrada waa in loo fahmaa in wax laga badalay, mana loo qaadan karo in ay runta ka turjumayaan".
Fariin uu bartiisa twitter-ka kusoo qoray Imam Ibraahim oo uu ku sheegayo in sawirkiisa si qaldan loo adeegsaday ayaa lasii faafiyay 200,000 jeer, waxaana astaanta Like la saaray 350,000 jeer.
"Subixii markii aan soo kacay waxaan eegay taleefoonkayga, waxaan arkay boggan sameeyay warka been abuurka ah ee ku saabsan masaajid ku yaala Texas oo albaabada ka xirtay dad dhibbanayaal ah oo aan muslim ahayn oo dufaanta haysatay, waxayna isticmaaleen sawirkayga " ayuu yiri.
Dadkii falcelinta ka bixiyay sheekada been abuurka ah ayaa sheegay in masaajid la sheegay ee 'Ramashan' laga waayay halkii lagu tilmaamay, sheekaduna tahay mid waxbo kama jiraan ah.
Si ka duwan warka la qoray, muslimiinta ku nool magaalada Houston ee duufaaanta ka dhacday ayaa sheegay in ay gabbaad siiyeen dad badan oo ku guryo beelay masiibada dhacday.
storvideo: 


Qalbi Dahagax muxuu u gilgiley quluubta Soomaalida?

0
0

Wuxuu noqonayaa xubinkii ugu sarreeyay ee ONLF ka tirsan oo u gacangala Itoobiya, balse ma ahan kan kaliya ee Soomaaliya gudaheeda inta laga qabto loo wareejiyo Itoobiya.

Xisbiga Waddani Oo Balan Qaadey In Uu Gidaar 2Km Ah...

0
0

Borama (Waaheen):- Musharaxa madaxweyne ku xigeen ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani AMB Maxamed Cali Cabdi ayaa waxaa maanta uu khudbad ka jeediyey xaflad loo qabtey dhalinyaro ka qalinjabinaysay jaamacada Camuud
Musharaxa ayaa waxaa uu madashii qalinjabinta balan qaadey in xisbiga Waddani uu gidaar 2Km ah ku soo wareejin doono dhisamaha jaamacada Camuud oo dhulkii ay ku fadhiday lagu soo durkaayo[embedded content]
storvideo: 

Qalbi Dahagax muxuu u gilgiley quluubta Soomaalida?

0
0

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Magaciisu waa Cabdikariim Sheekh Muuse, waxaana lagu naanaysaa Qalbi-Dhagax , taas oo malaha loogu bixiyey calool adeygiisa, balse toddobaadkan wuxuu ruxey quluubta Soomaalida intooda badan, isaga oo noqdey shaqsiga loogu hadal heyn badanyahay baraha bulshada iyo qalabka warbaahinta intuba.
Haddii ay kuu tahay markii koowaad ee aad maqlaysid magaca Qalbi Dhagax, waa sargaal sare oo ka tirsan jabhadda ONLF oo sida la sheegay inta dowladda Soomaaliya qabatay, kadibna ku wareejisey Itoobiya.
Ma ahayn nin horey caan oga dhex ahaa Soomaalida, marka laga reebo dadka ay isku qaddiyadda yihiin iyo laamaha sirdoonka dalalka geeska Afrika qaarkood oo laga yaabo in ay isha ku hayeen dhaqdhaqaaqiisa.
23-dii illaa 27-dii Agoosto, 2017
Wax kasta waxa ay isbadaleen taariikhda markii ay ahayd 23-dii bishii Agoosto ee lasoo dhaafay, xilligaas oo Cabdikariim uu ka duulay magaalada Muqdisho, kana degay Gaalkacayo, si uu halkaasi uga soo qaado wiil yar oo qaraabadiisa ka mid ahaa sababo caafimaad awgood.
Sida uu BBC-da u xaqiijiyey Maxamed Daahir oo ka tirsan mas'uuliyiinta jabhadda ONLF oo ku sugan magaalada Johannesburg, Qalbi Dhagax waxa uu Gaalgacayo tagay galinkii dambe ee maalintaas, isla habeenkiina waxaa qabtay ciidammada Galmudug.
Waxaa dhacday in dadka deegaanka magaalada Gaalkacayo, gaar ahaan dhanka Koonfureed ay aad ugu dadaaleen in Qalbi Dhagax lasoo sii daayo, balse waxaa markii dambe la wareegay ciidammada Nabad Suggida Qaranka Soomaaliya ee NISA, kuwaasi oo usoo duuliyey magaalada Muqdisho.
"Markii ay NISA la wareegtay anaga neefta ayaa naga soo fuqday, waxaanan u qaadanay in NISA ay u dhaanto Galmudug, oo uu ku nabad gali doono gacanta dowladda Federaalka oo aan kalsooni aad u badan ku qabnay, balse taas ma dhicin, oo waxaa dhacday nasiib darradii ugu weyneyd oo ah in ninkii loo gacangaliyo Itoobiyo" ayuu yiri Maxamed Daahir.
Markii Muqdisho la keenay ayaa waxaa jirey iskudayo ay qeyb ka ahaayeen mas'uuliyiin dowladda federaalka oo ku saabsan in lasoo daayo Qalbi Dhagax, balse waxa ay illo wareedyo kala duwan xaqiijiyeen in taariikhda markii ay ahayd 27-di Agoosto diyaarad loo saaray Itoobiya sida ay sheegtay jabhadda ONLF oo war qoraal ah soo saartay.
Mardambe waxaa soo shaac baxay muuqaal la sheegay in laga soo duubay Qalbi Dhagax oo jeebeysan, balse BBC-da ma xaqiijin karto goobta laga duubay iyo waqtiga iyo waliba cidda duubtay. Waxaa muuqaalkan lagu faafiyay shabakada Dalsoor.
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Waa Kuma Qalbi Dhagax ?
Qalbi Dhagax waxa uu muddo dheer ka mid ahaa jabhadda ONLF, xilal kala duwan ayuuna kasoo qabtay, xilkii ugu dambeeyey ee uu ka hayay waxa uu ahaa hoggaanka arrimaha gudaha iyo xubin ka tirsan guddiga fulinta ee ugu awoodda badan jabhadda sida ay noo xaqiijiyeen xubno ka tirsan ONLF.
Sidaasi darteed wuxuu noqonayaa xubinkii ugu sarreeyay ee ONLF ka tirsan oo u gacangala Itoobiya, balse ma ahan kan kaliya ee Soomaaliya gudaheeda inta laga qabto loo wareejiyo Itoobiya.
Ilaa 5 sargaal oo kale oo sarsare ayaa 20kii sano ee lasoo dhaafay laga qabtay gudaha Soomaaliya, kuwaas oo laga qabtay magaalooyinka Hargeysa, Boosaaso, Gaalkacayo iyo Guriceel sida ay sheegeen ONLF. Waxaa sidoo kale jirey dad jabhadan ka tirsanaa balse aanan wax mas'uuliyad haynin jabhadan oo iyagana la dhiibay.
Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax ayay jabhadda xaqiijisey in uu ka mid ahaan jirey ciidamadii xoogga dalka Soomaaliya, isaga oo sannadkii 1984-tii ku dhaawacmay magaalada Galdogob dagaal Soomaaliya iyo Itoobiya dhexmaray.
Jawaabta Dowladdaha Soomaaliya iyo Itoobiya
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Dowladda federaalka Soomaaliya wali wax jawaab rasmi ah kama aysan bixinin qabashada iyo dhiibista Qalbi Dhagax marka laga reebo taliyaha NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) iyo Ra'isulwasaare Xasan Cali Kheyre oo mar meel fagaaro ah lagu weeydiiyey sheegay in ay ka gaabsanayaan arrinka.
"Waa arrin xasaasi ah, mana jirto cid hadda ka hadli karta, waxaanan ka hadlaynaa waqtiga ku habboon" ayuu yiri Sanbaloolshe oo u muuqday in uu xaqiijinayay in ay dowladda wax ka ogtahay arrinka Qalbi Dhagax.
Wixii markaas ka dambeeyay ma jirto cid ka tirsan madaxda sare ee laanta fulinta oo arrintan ka hadashay, isku dayo faro badan oo aan samaynay, wax jawaab ah lagama bixinin.
Warbaahinta dowladda sida wakaaladda wararka, Raadiyoow Muqdishoow iyo Taleefishinka ayaan iyaguna sooba hadalqaadin dhiibista Qalbi Dhagax xili warka ugu weyn ee warbaahinta kale ay tabineyso uu kaas yahay.
Hase yeeshee dowladda Itoobiya ayaa markiiba ka hadashay Qalbi Dhagax waxayna xaqiijisey in ay gacanta ku dhigtey ninkaasi, waxaana intaasi lagu daray in dowladda Soomaaliya ay gacan ka siisay sida uu idaacada VOA qeybeetda Amxaariga u sheegay Wasiirka Isgaarsiinta Itoobiya Negeri Lencho.
Xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku tilmaamay khiyaano qaran oo la galay in la dhiibo qof Soomaali ah.
Xildhibaan Sakariye Xaaji Maxamuud oo BBC-da la hadlay ayaa yiri "Haddii aan nahay baarlamaanka Soomaaliya waan baaraynaa arrinkan, ciddii ay ku cadaatana sharciga ayaa lala tiigsanayaa".
Balse xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo isna la hadlay BBC-da ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ay dowladda Soomaaliya ka caawiyaan la dagaalanka Alshabaab, ayna suurtogal ahayn in cid Itoobiya cadaw ku ah lagu magangaliyo Soomaaliya.
Dad aad u badan oo isugu jira ururada bulshada rayidka, qurba-joogta, aqoonyahannada iyo shacabka qeybihiisa kala duwan ayaa dareenkooda ka dhiibtay, waxayna cambaareeyeen waxa dhacay.
Baraha bulshada sida Facebook iyo Twitter-ka ayaa ugu daran meelaha ugu badan ee lagu hadal hayo, muddo labo toddobaad ka badana Qalbi Dhagax waa moowduuca ugu weyn ee lagu faaqidayo barahaasi, iyada oo dadka qaarkood ay sawirkiisa saarteen ciwaankooda.
Maxay tahay ONLF ?

  • Waa jabhad la asaasay sannadkii 1984tii oo sheegta inay u halganta xaqa ismaamulista ama madaxbannaanida dadka iyo dhulka Soomaaliyeed ee ay Itoobiya maamusho.
  • Jabhadda Xoreynta Ogaden ayaa waxa ay muddo dheer la dagaalamaysay dowladda Itoobiya, waxaana jira weeraro badan oo dowladda Itoobiya ay ku eedeysay jabhadan.
  • Dowlad deegaanka Soomaalida ayaa sheegtay in la wiiqay awooddii ONLF ee gudaha.
  • Waxaa jabhadda guddoomiye ka ah Admiral Maxamed Cumar Cusmaan oo horey u ahaan jirey taliyihii ciidammada badda Soomaaliya,
  • Sannadihii dhawaa waxa ay dirir u dhaxaysay ciidamadda jabhadda iyo kuwa dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya,
  • ONLF waxa ay dowladda Itoobiya iyo dowlad deegaankaba ku eedeysaa xadgudubyo baahsan oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, eedeymahaas oo markasta ay beeniso dowladda Itoobiya.

Dastuurka muxuu ka qabaa?
Aragtida koowaad ee la'isku wada raacsanyahay ayaa ah in aysan meelna sharciga Soomaaliya kaga qorneyn in qof Soomaali ah oo gudaha dalka ku sugan loo dhiibo dowlad kale.
Qodobka 36-aad ee dastuurka ayaa si kooban oga hadlaya isu celinta eedeysanayaasha iyo dambiilayaasha ee dalalka kale, wuxuuna shuruud ka dhigayaa in uu marka hore jiro heshiis ka dhaxeeya labada dal in ay isu celiyaan maxaabiis, isu celintana ay ahaataa mid waafaqsan shuruucda caalamiga ah.
Ma jiro wax heshiis ah oo la ogyahay oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya oo ay isugu celiyaan eedeysanayaal ama maxaabiis, hase yeeshee 22-kii bishii Luuliyo ee sannadkan 2017-ka ayaa dowladda Soomaaliya waxay lasoo wareegtay maxaabiis gaaraysa 114 oo Soomaali ah oo ku xirnaa xabsi Itoobiya ku yaalla , waxaana dadkaasi oo dambiyo yaryar loo heystay ,
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ololaha doorashada ku galay illaalinta xuquuqda asaasiga ah ee muwaadiniinta Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, wuxuu ololihiisa iyo balanqaadyadiisa ku salaysnaayeen waddaniyad iyo illaalinta sharafta iyo karaamada Soomaaliya.
Waana sababtaasi tan ugu badan ee ay dadka cuskanayaan marka ay aragtiyadooda dhiibanayaan, iyaga oo ku baaqaya in madaxweynaha uu arrintan ka hadlo, wixii laga qaban karana uu ka qabto.
Waxaa kale oo jira baaqyo loo dirayo labada aqal ee baarlamaanka in ay fadhi ka yeeshaan Qalbi Dhagax , go'aamana kasoo saaraan, laanta fulintana ay ku qasbaan in ay ka jawaabto sida ay wax u dhaceen.
Dadka baaqa u direy madaxda dowladda waxaa ka mid ah xaaska Qalbi Dhagax oo lagu magacaabo Khadro Maxamed Cabdi xili ay la hadashay warbaahinta, waxayna ka dalbatay madaxweynaha iyo Ra'isulwasaaraha in ay xoriyadiisa dib ugu soo celiyaan seygeeda.
storvideo: 

“Dumarka Waxaan Leeyahay Ha Guursanina Nin Qaad Cuna...

0
0

Hargeysa (Waaheen):- Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa waxaa uu maanta khudbad ka jeediyey munaasibad loo sameeyey ardey maanta ka qalin jabisay jaamacada Camuud ee magaalada Borama
Faysal Cali Waraabe ayaa waxaa uu habalaha reer Somaliland ugu baaqay in aaney nin qaad cuna[embedded content]
storvideo: 

” Muuse Biixi Iyo Cabdiraxmaan Ciro Laba Nin Oo La...

0
0

Hargeysa (Waaheen):- Prof Ismaciil Hurre Buubaa oo ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa waxaa uu ka Hadley xaalada uu wakhtigan dalku maraayo
Siyaasigan ayaa waxaa uu sidoo kale uu sheegay in labada Musharax ee Muuse Biixi iyo Cabdiraxmaan Ciro aaney aheyn laba nin oo la is barbar dhigi karaayo .
Waxaa uu carabaabay in Muuse Biixi aanu dalka hore u wadi Karin oo uu dib ugu celinaayo wakhtiyo uu soo maray , sidoo kale waxaa uu xusay In Cabdiraxmaan Ciro yahay nin hayin ah oo dalkan isku wadi kara
[embedded content]
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live