Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

DUCOMENTRY laga diyaarshay Gen GABRE & Shaqooyinka...


Xilliga la Qabanayo Doorashada ku celiska ah ee...

$
0
0

Nairobi (PP) - Guddiga Doorashooyinka iyo Xuduudaha ee Kenya [IEBC] ayaa ku dhawaaqay in 17-ka bisha October ee soo socota la qaban doono doorashada ku celiska ah ee madaxweynaha Kenya, kaddib markii ay dhawr casho ka hor ay maxkamada sare ee dalkaas amartay in markale lagu celiyo doorashada madaxnimada Kenya.
Warbixin uu guddiga IEBC soo saaray maanta ayaa lagu sheegay in; Raila Odinga oo NASA ka socda iyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo Jubilee ka socda oo kaliya ay u tartami doonaan doorashada, maadaamaa labadoodu ahaayeen kuwii go'aanka maxkamadda lagu saleeyay.
Jimcihii asoo dhaafay ayay maxkamadda sare ee Kenya Laashay Natiijadii doorashadii dhacday 08-dii bishii August, taasoo guddiga shaaciyeen inuu ku guuleystay Uhuru Kenyatta.
Maxkamadda ayaa sheegtay in doorashadaasi lagu shubtay, isla markaasna aysan ahayn mid xalaal ahayd. Xisbiyada Kenya ayaa durba bilaabay ololaha doorashada, iyadoo uu dastuurka qabo in muddo 60 maalmood ah gudahood doorasho lagu qabto laga bilaabo maalinta ay maxkamad laasho natiijada.
Go'aanka maxkamadda Sare ee Dalka Kenya ayaa waxaa aad u bogaadiyay mucaaradka iyo qaar ka mid ah dalalka Beesha Caalamka, waxaana dhacay mudaaharaadyo waawayn oo lagu taageerayo,
Dhanka kale, Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo Xisbiga Jubilee ayaa go'aanka ku tilmaamay mid siyaasadaysan, haseyeeshee ay aqbaleen go'aanka.
Ugu dambeyn, Arrin si weyn loogu muransan yahay ayaa ah - cidda qaban-qaabinaysa doorashadan, Isbahaysiga NASA waxa ay qabtaa in meesha laga saaro guddiga IEBC ee hadda jira maadaamaa maxkamadda ku xukuntay in ay ku xadgudbeen mas'uuliyadooda, balse Jubilee ayaa ku adkaysanaysa in cid aan ahayn IEBC aysan doorashada qaban doonin.PUNTLAND POST
The post Xilliga la Qabanayo Doorashada ku celiska ah ee Madaxweyanha Kenya oo la Shaacyay appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Murrashax Muuse Biixi oo Khudbad Tusaalooyin iyo...

$
0
0

Boorama (ToggaHerer)- Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa khudbad muujinaysa hoggaamiye aragti dheer leh oo xambaarsan talooyin iyo tusaaleyaal ka turjumaya dawladnimada iyo arrimaha ku xeeran u jeediyey mahadal aqoonyahan tiro badani isugu yimaadeen.Murrashax Muuse Biixi oo ka mid ahaa madax kala duwan oo uu hormood u yahay Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Saylici oo ka qaybgashay xaflad lagu maamuusay 725 arday oo noqday dufcaddii 16 ee jaamacadda Camuud ee magaalada Boorama oo dhacday maanta, ayaa khudbad miisaan culus leh oo uu ka jeediyey madasha waxa uu si qoto dheer liishaanka ugu saaray muhiimadda uu dastoorka Jamhuuriyadda Somaliland siiyey sinnaanta muwaadiniinta, suulinta dhaqannada dawladnimada iyo horumarka liddiga ku ah iyo baahida loo qabo inay da'yarta aqoonta lihi doorkooda siyaasadeed iyo horumarba ka ciyaaraan dalka.Md. Muuse Biixi waxa uu ugu horrayn bahda aqoonyahanka ah u sharraxay sida uu Distoorka qaranku xilka isaga saaray inaanay muwaadiniintu dhexdooda iska dulmiyin, isla markaana uu uga hortegay inuu qof magac kooxeed iyo mid qabiil huwani ku dulmiyo cid kale, waxaannu yidhi, "Qoddobka 8-aad ee distoorka Somaliland waxa uu dhigayaa sinnaanta muwaadiniinta Somaliland iyo inaan muwaadiniinta loo kala sooci karin gobol-gobol, midab, qabiil, dhaqaale iyo diin oo dalka loo simanyahay oo aannu qofna kaligii dal, koox iyo reer magacooda kuwo kale ku sooci karin. Qodobkaasina waxa uu ka horreeyaa ka xisbiyada sameeyey ee 9-aad, waxaana looga hormariyey dadka xisbiyada gelaya iyo kuwa xisbiyada samaynayaa inay marka hore dhuuxaan saddexda faqradooda ee qoddobka siddeedaad ka kooban yahay."Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE waxa uu tilmaamay in bahda aqoonta casriga ah ku hubaysan iyo hormoodka wax barayba looga baahanyahay inay siyaasadda door ku yeeshaan si horumar degdeg ah loo gaadho, "Marka aynu reer Somaliland nahay oo aad dhallinyarada waxbaratay tihiin inaad ka fikirtaan in dawlad-wanaagga iyo qaran dhisku uu ku imanayo in talada lasoo galo oo xisbiyada la dhiso oo siyaasadda gunta laga soo dhiso, dadka Prof. Saleebaan Axmed Guuleed oo kale iyo dadka kale ee hal abuurka leh waxa looga baahanyahay inay siyaasadda hoggaaminta qaranka soo galaan," ayuu yidhi murrashax Muuse Biixi Cabdi.Waxa kale oo uu shaaca ka qaaday inaanu dalku ku horumari karin inta bulshadu taladeeda u dhiibayso qof ay shaki ka qabto, isagoo xusay in baahi badan loo qabo sidii qofka talada ummadda ku habboon la isugu raaci lahaa, waxaannu yidhi "Isma qabanayso halkii taladu kasoo baxaysay oo xisbiyadii ah oo hoggaamiyayaashii berri diyaarinaysa in ninkii aad dooranaysay ee aad dabagashay ee aad gacanta u taagaysay adoo ka shakisan inaad tidhaahdo haddana wax baan u dhiibbanayaa, waana inaynu fikraddaas beddelnaa oo aynu xagga hore soo marinaa qofka aad aaminsan tahay ee Ilaahay yaqaanna ee aad leedahay dalkuu wax u tarayaa, dalkuna ka guurimaayo dib-u-dhaca haddii aan qofka hoggaamiyaha ah la aaminsanayn, maantana waan ku faraxsanahay inay halkan fadhiyaan ciidan aan is leeyahay dhibtaas wax bay ka tarayaan."Waxa kaloo uu ka hadlay faa'iidada ay leedahay waxbarashadu, waxaannu soo jeediyey in laga gudbo dhaqanka bulshada ku dhex faafay ee cidda talada qabata lagaga horjoogsado tallaabooyinka horumarineed ee ay hindisaan, "Waxaynu u baahanahay inaynu Tacliinta xoogga saarno oo aynu da'yarta dhiirrigelino oo dhallinyaradu siyaasadda soo galaan, iyaga soo akhriyey taariikhdii hore iyo qaladaadkii kuwii hore galeen, dalkana ku horumarin mayno in ninka siyaasiga ah ee dalka hoggaamiyaa marka uu talada joogo in loo diido inuu tallaabo qaado oo tallaabada uu qaado nin aan garanaynini uu qarqarka qabsado, marka uu talada ka tago ama uu dhintona aad loo ammaano," ayuu yidhi murrashax Muuse Biixi Cabdi.
HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA KHUDBADDA GUDDOOMIYAHA KULMIYE
[embedded content]
storvideo: 

Daawo :“Maalilnta Jaamacadda Camuud Laga Qalin...

$
0
0

"Maalilnta Jaamacadda Camuud Laga Qalin-Jabinayo Waa Ciid Oo Kale ..," Ku Xigeenka Badhasaabka Gobolka Awdal
Hoos Ka Daawo Muuqaalka .
[embedded content]
storvideo: 

Laba Caruur Ah Oo Ku Geeriyootay Dab Ka Kacay...

$
0
0

Wararka aan ka heleyno qeybo ka mid ah Gobolka Sanaag gaar ahaan deegaanka Afmadoobeeye ayaa waxa ay sheegayaan in mid ka mid ah Qoysaska rteer Miyiga ah Guri ay ka deganayeen eegankaas uu dabqabsaday.
Ilaa lab Caruur ah ayaa geeriyootay kuwas o isku qoys ahaa kadib markii u demkaasi qabsaday Hooygooda oo ahaa nuuca Soomalidu u taqaano Aqal Soomaali sida uu warbaahinta u sheegay Duq Magaalada Midigale oo ah halka ay hoostagta tuulada Afmadoobeeye Cawad Cali Jaamac.
Waxa uu sheegay in markii uu demka qabsaday aqalkii ay jiifeen Saddex Caruur ah ooh al meel wada jiifay in mid ka mid ah cruurtaas uu Aqalkii ka cararay halka labadii kalena ay halakai ku geeriyoodeen.
Waxa uu sheegay in gurmad kala duwan ay Shacabka u sameeyeen Qoyskii ay waxyeelada ka soo gaartay demkaas kuwaas oo uu dhamaantood bur buriyay Hooygodii iyo Agabkii ay iticmaali jireen debkaas.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Fursad Shaqo oo banaan

Arday ka qalin jebisay Jaamacadda Jamhuuriya oo...

$
0
0

Munaasabad loogu dabaaldagayay qalinjabinta arday tiradoodu gaareyso 281 arday oo ka qalin jabiyay Jaamacada Jamhuuriya ee culuumta iyo Teknoolajiyada ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho. Munaasabada waxaa kasoo qeyb galay mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maamulka sare ee Jaamacadda Jamhuuriya, Waalidiin, Bahda waxbarashada iyo marti sharaf kale. Guddoomiye ku-xigeenka golaha sare ee Jaamacadda Jamhuuriya Cusmaan Cali Xalane ayaa ugu hambalyeeyay ardada qalinjabineysay, maamulka, macalimiinta iyo howlwadeennada Jaamacadda guusha weyn ee la gaaray, isaga oo hoosta ka xariiqay in ujeeddada loo aasaasay Jaamacadda ay tahay soo saaridda Arday tayadoodu sareyso. Guddoomiyaha Jaamacadda Jamhuuriya Maxamuud Axmed Jimcaale oo la dardaarmay ardayda qalinjabineysay ayaa u sheegay in guusha dhabta ah la gaari doono marka waxa ay ardaydu barteen ay uga faa'ideeyaan mujtamaca Soomaaliyeed. Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan oo ka hadlay munaasabada ayaa tilmaamay in ay tahay guul weyn oo usoo hooyatay Ummadda Soomaaliyeed, isaga oo kula dardaarmay bahda Waxbarashada in ay ku dadaalaan sare u qaadista tayada tacliinta sare ee dalka. Qaar ka mid ah ardadii qalin jabineysay oo dareenkooda cabiray ayaa muujiyay in ay ku faraxsanyihiin miradhalka go'aankii ay gaareen afar sano kahor.
storvideo: 

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ee Puntland oo...

$
0
0

Home WARARKA GUDAHA Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ee Puntland oo talaalaysa saddex Milyan oo Neef
SHARE
Facebook
Twitter
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleMaxaa ka soo baxay kulankii R'iisul Wasaare Khayre iyo mas'uuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta?

storvideo: 


DHAGEYSO Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle

DHAGEYSO Barnaamijka Qubanaha Wararka ee Idaacadda Shabelle

Putin: Waqooyiga Kuuriya ma joojin doonaan...

$
0
0

Ma joojin doonaan barnaamijkooda nukliyeerka illaa ay ka dareemaan amaan.Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay in cunaqabateenta dheeraadka ah ee lagu soo rogo Waqooyiga Kuuriya in aanay waxba ka joojinayay isagoo intaas ku daray ma joojin doonaan barnaamijkooda nukliyeerka xitaa haddii ay cunaan cawska.
Putin ayaa sheegay in dib-u-dhac ku yimaada wada hadal uu keeni karo dhibaatooyin caalami ah. waxaanu sheegay in xalka kaliya yahay in arrinta lagu wado dublimaasiyad,Putin ayaa ka hadlayey kulan ay wada hadleen kooxda BRIX Group, oo ay ku jiraan Brazil, India, China iyo South Africa oo ka dhacayay Xiamen ee Shiinaha.
Isaga oo sii wata Hadalkiisa Mr Putin Wuxuu Yidhi "Cunaqabatayn kasta oo timaadaa ma fiicna waxtar na ma laha, ma joojin doonaan barnaamijkooda nukliyeerka illaa ay ka dareemaan amaan, sidee baa loo hubin karaa amniga iyadoo dib loo soo celinayo sharciga caalamiga ah Waxaan ku dhiiri galinaynaa wada hadal dhex mara dhammaan dhinacyada ay khuseyso.
Putin ayaa isaga oo Xaalada ka eegaya xaga bini'aadanimo yidhi malaayiin qof ayay saamayn doonta tallaabooyin kale oo adag oo la qaada.
Mar uu ka hadlay Dhinaca ganacsiga Ruushka ee Waqooyiga Kuuriya wuxuu ku sheegay mid jilicsan mana uusan ku xadgudbin xayiraadaha caalamiga ah ee hadda jira.
Warqabadka ToggaHerer
storvideo: 

Beentii Shalay iyo baraaruga maanta.W/Q Cabdiraxiin...

$
0
0

Beentii Shalay iyo baraaruga maantaCabdiraxiin Hilowle Galayrgalayr777@gmail.com September 5, 2017
Nin odaya ayaa waxaa la yidhi wuxuu arkay dadkii degaankiisa oo duufsaday nin wadaad sheeganaya. Ninka odayga ahi ma ahayn isagu nin diinta aad u yaqaan, wuxuuse Eebbe siiyey garaad iyo garasho xeeldheer. Garashadu waa middii bartey nebi Ibraahim (NNKH) inuusan addoon u noqonin dhagaxaan ay iyagu gacmahooda ku sameysteen. Garashadu waa middii bartey nebi Muxammed (NNKH) inuusan addoon u noqonin wixii tolkii Eebbayaasha ka dhigteen ee uu godka u galay ilaa hanuunkii Rabi uga yimid.
Odaygii garashada lahaa wuxuu yidhi: Ninkan dhaqan wadaad iigama muuqdee, iska hubiya. Dadkii baa ku kacay oo qaylodhaan iyo weerar kala hor yimid, wuxuuna ku yidhi: "Markuu haweenkiina hungureeyo ee uu hablihiinna idiin weydaartaad ogaan doontaan!"
Waayo kooban ka dib waxaa dhacday in degmadii beeshu isla olkontey ay qaylodhaantu is gaadhay. Wadaadkii wuxuu noqday wabiin, nin aan waxba ka xishoon. Cabashada haweenkii ayaa is gaadhay, waxaa loo tegay garaadkii waxaana lagu yidhi; "maxaad ku aragtay wadaadka waagaad nooga digeysay?.
Wuxuu yidhi saddex hal oo aan diintu oggoleyn laguna aqoon buuniyaasha diinta faafsha ayaan ku arkay:

  1. Wadaadku haweenka halkii gacantiisu ka gaadho ayuu kala tiigsanayey, garab ka saaryaa ama dhabarka ka saaryaaba, hadduusan barida iyo hoose u dhaadhicin!
  2. Wuu sansanqanayey oo afka iyo indhahaba waa maroorinayey, farruuryihiisuna ma hakaneyn, waana dhaqanka lagu yaqaan ninka hammuun galmoodka qaba (Sexual frustration).
  3. Waa qosol badnaa oo hadalkiisa ma ahayn mid muc iyo murti leh, mid miid iyo marin diimeed ku dheehantahay, nin Eebbe yaqaan oo dhamacda naarta ka cabsoonayaa sidaa u ma qoslo.

Dadkii waxay u sheegeen garaadkii, in lagu arkay dhammaan dhaliilaha uu sheegay, waase goor wuxuu bi'in karayey bi'iyey dhaqanxumadiisiina baahday, halkaasa lagu go'aansaday in degaanka laga eryo.Soomaalida iyo SiyaasigaSiyaasiga carra edeg waxaa dadka lagu xushaa laguna taageera, waxqabadkiisa, kartidiisa, hufnaantiisa iyo hawlkarnimadiisa muuqata, haddaba bulshada Soomaaliyeed waxa ay inta badan ka siman yihiin inay qofki tanag loo garaacaba sacabka ka daba tumaan iyaga oo aan u meel dayin.Cugashadii Farmaajo
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxay bulshada is barteen 1 November 2010 waagaas oo uu madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed u magacaabay Ra'iisalwasaare.
Isla markiiba waxaa ka yimid guux dhinaca baarlamaanka iyo gobollada qaarkood oo iyagu isu waday in nin degaankooda iyo beeshooda ah laga dhigo Ra'iisalwasaare, waxaa kale oo isaguna ka horyimid ka biyo diiday ergaygii qaramada midoobey Soomaalida u fadhiyey Augustine Mahiga. Arrintani waxay dhalisay in dadweynuhu indhaha ku hayaan, waxaana barbar socotey laba arrimood oo uu adeegsaday Farmaajo, hadallo aan ka dhab ahayn oo uu shacabka ku beerlaxawsanayey isagoo had iyo gooraale shisheeyaha halbeegsan jirey sidoo kalena ku celcelin jirey waa in ciidamada xoogga dib loo dhiso.
Maadaama weerar saddex geesood ah, dhinaca guddoonka Baarlamaanka, dhinaca bulshada caalamka iyo dhinaca maamul goboleedka Puntland uu ku foogganaa, wuxuu saaxiib ka dhigtey ciidanki iyo dadkii marasta ahaa isaga oo bandhigyo siyaasadeed sameeyey.Arrinka koowaad: Farmaajo wuxuu hawlgeliyey koox afmiinshaarro ah oo u sameeya halkudhegyo aan jirin, wuxuuna noqday ninkii koowaad ee si dadban uga faa'iideysta baahida danyarta barakacayaasha ah oo loo qaybin jirey lacago maalin goosad ah si ay ugu bannaan baxaan uguna qayliyaan magaciisa. Arrintan waxay soo jiidatay dad badan oo aan hoos u dareensanayn sida iyo qaabka wax u socdaan.Arrinta labaad: wuxuu nasiib u helay in intii uu talada hayey uu soo baxay amar odhanayaa ciidamada AMISOM oo ahaa markii hore nabad ilaalin, in laga dhigo NABAD DHALIYAYAAL, oo kaarihii taagnaa uu u dhaqaaqo dhanka furinta, taasoo keentay guul kooban oo ahayd in xaafadaha qaar dib ay u soo gaalaan gacanta dowladda.Arrinka saddexaad: Wuxuu si habsami leh dhawr bilood u siiyey bil goosadkii (Musharka) Ciidamada iyo shaqaalaha dowladda. Arrintani waxay ahayd mid wanaagsan oo sidoo kale mar labaad soo jiidatay aragtida dadka, haddana maaha mid la odhan karo waa mid ka baxsan xayndaabkii siyaasadeed ee caadiga ahaa, waayo mar walba ciidanku waa cudud aan laga maarmeyn una baahneyd in si mug leh loo haqabtiro baahidooda si dalka nabad iyo deganaanshiiyo loogu soo dabaalo.Arrinta afraad: Waxaa lagu jujuubey ismaandhaaf siyaasadeed oo soo jiitamey ka dib inuu xilka iskaga dego, arrintan ayaa dadweynuhu waxay u arkeen nin iyaga waxtarkooda wada oo loo diiddan yahay, waana midda keentay in taageero badan uu ku kasbado iyadoo loo hiillinayo.
Haddaba intan oo arrimood waxay bulshada illowsan yihiin ninka oggolaaday ee fulintooda suurageliyey inuu ahaa, Madaxweyne Shariif Axmed oo ahaa ninkii isaga keenay una fududeynayey qorshe hawleed walba, isaga oo aan weliba ku taagneyn oo garabtaagna.Bixiddii Farmaajo iyo bedelkeedi
Is jiid jiid iyo isqabqabsi soo jiitamey kaddib, waxaa kooxdii ka soo horjeeday inuu xilka sii hayo Farmaajo ka gadeen bulshada caalamka, oo biisha soomaaliya iyo dowladdaha ciidamadu ka joogaan inuu xilka banneeyo Farmaajo. Inkastoo dadweynaha iyo siyaasiyiinta qaarkood garab istaageen, haddaba Farmaajo waa u hoggaansamay inuu xilka banneeyo oo iskaga tago.
Farmaajo waxaa la weydiiyey maxaad ku beddelaneysaa? Ma uusan odhan in aan dalkayga joogo, siyaasaddana u tartamo doorashada danbe, nabadgelyadeyda la ilaaliyo bil goosadkaygiina lay siiyo,ee wuxuu dalbaday in la siiyo Laba Milyan (2,000, 000) madaxnimadiisi, dadkii taageersana, hankii iyo himiladii wuxuu ka doortey laba milyan wuxuuna u dhoofey is la markiiba dalkuu ka yimid ee Mareynkanka.Farmaajo markuu tegay ma loo darsaday?
Aragtida Shariif ayaa ahayd wixii qabsoomaa inay u qabsoomeen, wuxuu mar kale keenay Ra'iisalwasaare Cabdiweli Gaas oo ka tirsanaa xukuumaddii Farmaajo, haddana markuu tegay Farmaajo waxba isma beddelin horumarkii dhinacyada ammaanka iyo la dagaallanka kooxaha nabad diidaka ah waa sii socdeen, ooe waxaa laga saarey magaalada oo dhan ilaa gobollada qaar. Waxaa la dhisay ciidan xoog leh oo Soomaaliyeed, ilaa ay gaadhay in dalka gudihiisa doorasho ka dhacdo, taasoo uu xitaa isaga oo xil raadinaya ka qaybgalay Farmaajo.Soomaaliya oo mar labaad sirantay!
Waxaa dhacday waa hore in nin boqor ah nin ka mid ahaa shaqaalihiisu ka codsaday iyagoo socdaal ah inuu maalin qudha u oggolaado inuu boqornimada jillo oo iska dhigo boqorkii saxda ahaa, ka dib boqorkii waa ka oggolaaday wuxuuna yidhi hal ku dheg hirgelay oo ahaa:" Biddoow anigu ku sheegi maaye, yaan Basarkaa ku sheegin!" markii boqorkii iyo shaqaalihiisi tageen beeshii ugu horreysay ee la soo dhaweeyey, Boqorkiina dharkii shaqaalaha wato, shaqaalihiina dharkii boqorka, ayaa gacanqaadkii iyo bariidadii horeba uu hardafay ninkii shaqaalaha ahaa, dadku ugama baran habdhaqankaas boqore hoosbaa loo wada guuxay, markii la fadhiisanayeyna, iyadoon lays weydiin ayuu markuu gogoshii arkay habashaq ku yidhi, taasina dareen kale ayay keentay, markii cuntadii la keenayna iyadoon la duceysan ha la af billaabana la odhan ayuu laf la booday, dadkiibaa guuxay sidoo oo kale, waxay la yaabeen ninka dharka shaqaalaha sita hab maamuuskiisa iyo ninka dharka boqorka sita basar xumadiisa, markaasaa la yidhi, labadiinna kiinneebaa ah boqorkii saxda ahaa, halkaas ayuuna ku barriiqday biddihii waxaana sheegtey basarxumadiisa.
Farmaajo waxa uu ku guuleystay 8dii Febraayo sanadkan 2017 jagada ugu sarreysa dalka; madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya, waxaa si weyn u soo dhaweeyey qaybo badan oo dadweynaha ka mid ah, waxaa loo muujiyey dareen wanaagsan, waa loo duceeyey waana loo dabaaldegay.Hanashadii xilka iyo hilmaankii bulshada
Farmaajo eraygii ugu horreeyey ee uu ku hadlaa wuxuu noqday mid muujinaya qofka uu yahay, dadkii oo bannaanka u tuban dibad iyo gudo, ayuu yidhi ka dareera waddooyinka oo guryihiina aada, isaga oo aan u mahadcelin isaga oo aan u muujin inuu ku faraxsan yahay taageeradooda, waxaadba mooddeysay markuu hadlayey inuu la hadlayo carruur dugsi quraan barahoodii diinta guryaha u kala dirayo.
Wixii maalintaas ka dambeeyey Farmaajo wuxuu tirtirayey sooyaalkii beenta ahaa ee bulshada uu u sheegay, tallaabo kasta oo uu qaada waxay noqotey mid ka dheeraysa middii uu shalay Madaxdii hore ku dhaliileyey:

  1. Socdaalka
  2. Xulashada Madaxda
  3. Fulinta ballanqaadyada
  4. Waxqabadka dalka
  5. Garsoorka iyo sinnaanta
  6. Sugidda ammaanka
  7. Kobcinta dhaqaalaha
  8. Bixinta bilgoosadka iyo gunnooyinka
  9. Heshiisyada dhagareed
  10. Arrimaha siyaasadda gudaha iyo dibadda.

Intanba waxaa ka muuqda hungo iyo habacsanaan badan, maaha mid aan qoraal qudha ku koobi karo, waxaase inoo muuqda maanta in wax hoos u dhacay maahine aan wax tallaabo ah hore loo qaadin 7da Billood waxaana ka mid ah dhacdooyinka soo kordhay:

  1. Xigaal ku shaqaaleysiin(Nin jeclaysi)
  2. Guulwade ku shaqaaleysiin( I ammaan)
  3. Eryidda shaqaale aan waxba dhimin( ima taageersana)
  4. Af jigid iyo Aamuusiin(Awood sheegasho)
  5. Burburinta maamullada dhisan( Kud ka guur oo qanjo u guur)
  6. Kala qoqobka beelaha wada dega( isku dirka cusub)
  7. Ku tagrifalka awoodda dowladda( Ardeydii kacaanka)
  8. Duqaynta maatida ( Shabaab ku sheegid)
  9. Aamusiinta warbaahinta( Dhaqaale ku bixin)
  10. Dhiibidda ONLF( Itoobiyaan ka farxin)

Halkii roob laga sugayey ceeryaamaa ka timid. Wubaal in dadweynuhu aysan ahayn dad nugul oo wixii la rabo laga samaysan karo, balse, xaalkooda ayaa ah "Nin bukoo boqol u talisay" ilaa hadda waxay baadigoob ugu jiraan ninkii badbaadin lahaa, maalin walbana nin gabbaan ah jilicsan iyo mid gurracan ayay guddoonka u dhiibtaan, waa halkuu ka lahaa Abwaan Hadraawi.

  • Weligeed fal baa loo guntaa, lagu guhaamaaye
  • Mar uun bay gadooddaa siday, gees lo'aad tahaye
  • Galab xiisaheedaa wakhtigu, kaga gaboobaaye
  • Ninuun baa ku guuree iyada, geeddi waw weliye
  • Marka wiil ku guro Naarta iyo, godadka Yaahuuda
  • Ayay kii Jannada geyn lahaa, dayasho goobtaaye
  • Marka uu galaa buu iyaga, guba yidhaahdaaye.

  • Markay raar guraysaba nin bay, gudub tidhaahdaaye
  • Gabno ugubi way quusisaa, gaawe Cumarowe
  • Garab-daar ninkii lagu bokhraa, geedad sare waabye
  • Gar-ma-qaatayaashiyo dadkaa beera, ruux gudhane
  • Ganbo nimaan la soo bixin haddii, guulo lagu waabo
  • Markuu dhaawac geystaba haddii, loo gargarateeyo
  • Isagoo canaan lagu gudbiyo, gaarran filanaaya
  • Giblo iyo haddii sacabbo lulan, loogu gogol-xaadho
  • Keligii inuu guurti yahay, maalintaa gunudye

Waxaan qoraalka ku soo gebagebaynaa, bulshada Soomaaliyeed beentii shalay loo sheegay waa kuwaa maantaba ku baraarugey, ee isbeddelka dhabta ahi waa kan ee maaha kii loo mashxaradayey shalayto. Haddii shalay layna lahaa rabitaanka shacabka ayuu ku yimid oo waa loo bannaan baxay, haddaba maanta rabitaanka shacabku waa kan muuqda ee ay diideen ha la tixgeliyo, madaxda dalkuna waa inay dadweynaha waxay rabaan dhegaystaan. Haddii kale yaan lagu awrkacsan rabitaan shacab ee qowlaysatadu hawsheeda hayska wadato horeba shacabku waa u afduubnaaye.Cabdiraxiin Hilowle GalayrGalayr777@gmail.com=============QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

storvideo: 

'Beeralay reer Somaliland oo si degdeg ah loo kaalmaynayo'

$
0
0

Guddiga ka soo kabashada abaarta Somaliland ayaa ku dhawaaqay in sagaal kun oo beerood ay si degdeg kaalmo u siinayaan si beeralleydu ay dib ugu laabtaan qodoshada beeraha.

“Daawo” shirka dibu heshiisiinta Galkacyo una ...

$
0
0

Shirkaan oo ah mid lagu doonaayo in Xal waara looga gaaro Colaadda inta badan dhex marta Maleeshiyaad kala taabacsan Maamulada Dariskaa ee Galmudug iyo Punyland ayaa Maalintii labaad waxaa uu ka dhacay Magaaalada Gaalkacyo ee Xaruunta Gobolka Mudug ee Bartamaha Dalka. Waxaaa goob joog ah madasha shirkan dib u heshiisiineed madaxweyen ku xigeenka Galmudug Max'ed Xaashi Cabdi iyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/xakiin Xaaji C/llaahi Cumar Camey,kaasi oo la filayo in laga soo saaro go'aano ku aadan nabad ku wada noolaanshaha bulshooyinka Galmudug iyo Puntland ee deegaanadaasi wada dega. shirka oo ka socda Garoonka Diyaaradaha C/laahi yuusuf ee Xaruunta Gobolka Mudug ee Gaalkacyo ayaa waxaa maanta ku Biiray Odoyaasha iyo Waxgaradka marka laga soo tago Madaxda Siyaasiinta ah. Maamulada Galmudug iyo Puntland oo si wada jira u maamula Magaalada Gaalkacyo ee Xaruunta Gobolka Mudug ayaa inta badan waxaa dhex mara Dagaal ay Dadi ku dhintaan kuwa kalena ku dhaawacmaan dhowr jeer ayaa laysku dayay in xal kama damabays ah laga gaaro Colaada Mudug hasayeeshee ma jirto wax ka dhaqan galay.
storvideo: 

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya oo ka hadlay Qalbi Dhagax

$
0
0

Mar uu ka hadlayay sida laga yeelayo Qalbi Dhagax ayuu yiri "Arrintiisa waxa ay u taalaa dastuurka dalka Itoobiya, iyo hay'daha nabad galyada, iyo madaxda kala duwan".


Muqdisho: Senator Xuseen Xaaji oo baabuurkiisa la...

$
0
0

Muqdisho (RBC Radio) Labo ruux ayaa ku dhaawacan-tay weerar koox hubeysan ay ku qaadeen baabuur uu leeyahay Senator ka tirsan aqalka sare ee dowladda Soomaaliya oo lugu magacaano Xuseen Cali Xaaji.
Kooxda weerarka geysatay ayaa rasaas ku furey gaari uu lahaa Senator-ka,xilli uusan la socon,balse waxaa marka la socday saddex qof oo kale oo la ehel ah Senator-ka.
"Maanta waxaa dhacday gaarigeyga ayaa aaday isbitaalka Digfeer,waxaa sarnaa labo qof oo aan anniga waarid u ahay iyo wiilka darawalka ah iyo gabadh,anniga gaari ma raacin,meel u dhow isbitaalka Digfeer markuu marayay gaari ayaa lugu horgooyay waana la xabadeeyay."ayuu yiri Senator Xuseen Xaaji oo inta ku darey ." Gabadhan iyo wiil ayaa dhaawacmay."
Weerarka oo ka dhacay degmada Hodan, waxaa markiiba baxsaday kooxdii fulisay,baaritaan ayaana socda sida u sheegay xildhibaanka,iyadoo aysan jirin wali cid sheegatay mas'uuliyada weerarka.
__
RBC Radio

storvideo: 

Barnaamij shaqo loogu abuurayo dhallinyarada gobolka...

$
0
0

Muqdisho (RBC Radio) Guddoomiyaha gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed ayaa sheegay inay maanta daahfureen barnaamij illaa 1000 qof oo dhallinyaro ah lagu shaqaalaynayo,kaaso lugu sheegay inuu yahay mid kumeel-gaar ah oo muddo lix bilood ah socon doonna.
Barnaamijka waxaa ka faa'iideysanaya dhallinyarada ku nool kaliya degmooyinka gobolka Banaadir,waxaana fursad u heli kara dhallinyarada heerkooda waxbarasho uu garsiisan-yahay ugu yaraan dugsiga sare.
Dhammaan dadka fursada ka hela barnaamijka ayaa ka shaqeyn doonno arrimo la xiriira bulshada,sida u xaqiijiyay guddoomiyaha gobolka Banaadir oo inta ku darey in la fulinayo ballanqaadkii ra'iisul wasaare, Xasan Cali Kheyre ee ahaa in dhallinyarada shaqo loo abuuri doono.
"Barnaamijkan wax qabiil ah shaqo kuma leh,kaliya waa mudnaan uu qof walba ku muteysanayo aqoontiisa." ayuu yiri guddoomiye Thaabit.Qaar ka mid ah shuruudaha xulashada ayaa waxay kala yihiin:-
1- Inuu yahay qof degmada uu ka tartamayo degan yahay.
2- Inuu heysto Shahaado Dugsi Sare ugu yaraan.
3- Inuu jiro da' ahaan 18 ilaa 29 sano.
4- Inuu CV-ga geeyo Degmada uu degan yahay, kana qeyb galo Imtixaanka
5- inuu xariir la leeyahay Dhalinyarda Degmada, leeyahay xirfadaha Isticmaalka Computer-ka ( Microsoft & Word ), iyo kuwo kale.
Mas'uuliyiinta gobolka Banaadir ayaa sheegay in furadaha shaqo ay u siman yihiin wiilasha iyo gabdhaha, isla markaana la qaadanayo tiro isla'eg degmo kasta waxaa laga soo xulayaa 58 Dhalinyaro ah, waxaana nidaamka xulida ka wada shaqeenaya Gudi isugu jiro Heer degmo iyo Heer Gobolka.
Sidoo kale waaxaa fursadahan wax ku leh dadka qaba baahiyaha gaarka ah, kuwaasoo doorkooda la siin doono.
Barnaamijkan ayaa waxaa maalgelinaya ururka Midowga Yurub, dhallinyarada ka qaybqaadanaysa barnaamijkan shaqaalaynta waxaa si siman loo siin doonaa mushahar go'an oo gaaraya $150 qof walba,sida u guddoomiyaha xaqiijiyay.
__
RBC Radio

storvideo: 

Dhageyso: Senator-kii lagu weeraray Muqdisho oo xog...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay waxaa maanta magaalada Muqdisho ee - Somalia lagu weeraray Xildhibaan Xuseen Cali Xaaji oo ka tirsan Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somalia.
Xildhibaanka oo faahfaahin ka bixiyay weerarka ayaa marka hore sheegay in shaqsi ahaantiisa uusan xiligaa la socon gaariga.
Xildhibaanka waxa uu tilmaamay in gaariga ay kasoo qaaten Gabar iyo wiil uu adeer u ahaa kuwaa oo xiliga weerarka kusii jeeday Isbitaalka Digfeer, oo ku dhow goobta lagu weeraray oo aheyd agagaarka Isbitaal Suudaani ee Degmada Hodan.
Xildhibaanka waxa uu cadeeyay in gaarigiisa lagu horjaray gaari uu noocisa uu ku sheegay Spacio oo ay la socdeen dhalinyaro ku hubeysnaa hubka fudud kuwaa oo watay dareeska ciidamada.
"Waxaa lagu horgooyay gaari noociisa uu ahaa Spacio dabadeed waxaa ooda looga qaaday rasaas"
"Howsha weerarka waxaan uga danbeyn doonaa Hay'addaha amaanka iyaga ayaan ka sugayaa inay gacan bira kusoo dhigaan kuwa caadeystay inay ugaarsadaan madaxda"
Xildhibaan Xuseen Cali Xaaji waxa uu intaa raaciyay in weerarka ka dib ay u yimaadeen Saraakiisha Booliska iyo Nabad Suggida ee Degmada Hodan, ayna ku guda jiraan baaris amni, wixii baarista ka soo baxana uu dib ugala soo wadaagi doono Warbaahinta, sida uu hadalka u dhigay.
Mar wax laga weydiiyay khasaaraha ayuu sheegay in gabadha ay ka dhaawacantay garabka, halka wiilkuna uu bowdada ka dhaawacmay.
[embedded content]
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Wasiirka Cusub Ee Wasaradda Duulista hawada Puntland...

$
0
0

Bosaso-[Puntland Post]-Wasiirka Cusub Ee wasardda Duulista hawada iyo Garoomada Puntland Axmed Cilmi Cismaan karash oo ay weheliyaan Maamulka Gobalka Bari ,kan Degmada Boosaso ,ku xigeenka Mareeyaha Garoonka Diyaaradaha iyo Masuuliyiin kale ayaa kormeeray Garoonka Diyaradaha Boosaso.
Masuuliyiintan ayaa kormeerka ka bilabaya qeybta Nasashada Ee Garoonka dhabada ay diyaaraduhu ku ordan iyo qeybta shidlaka laga siiyo diyaradaha oo si casri ah loo dhisay iyagoona sida oo kale warbxino ka dhageystay madaxda shaqada garoonka ku hawlan.
Markii uu kormeerku soo dhamaaday ayaa waxa si wadajir ah saxafada ula hadlay Masuuliyiinta kormeeray garoonka diyaradaha oo uu hor kacayey wasiirka cusub Ee wasarada duulista hawada iyo Garoomada Puntland.
Yuusuf Maxamed Waceys Dhado Gudoomiyaha Gobalka Bari Duqa Degmada Boosaso Yaasiin Mire Maxamuud iyo ku Xigeenka Mareeyaha Garoonka Diyradaha Bosaso Nuur Jaamac Carab ayaa si wada jir ah usoo dhaweyey wasiirka cusub ee wasaradda garoomada Puntland waxayna ku tilmaamen shaqsi hufan oo shaqadan khibrad u leh.
Axmed Cilmi Cismaan karash wasiirka Cusub Ee wasaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland ayaa sheegaya in uu kormeerkiisa ku soo arkay hormar wanagasan o uu garoonku ku talabsaday isla markan uu sii laba jibaari doona .
Wasiirkan cusub ee wasarad duulista hawada ayaa dhawan xilka lo magacabay waxana horyaala hawlo mihiim ah oo ay kamid yihiin dardargalinta wajiga labada Ee dhismaha garoonka diyaradaha Boosaso.

Cabdiqani Boos Puntland Post
The post Wasiirka Cusub Ee Wasaradda Duulista hawada Puntland oo Booqday Garoonka diyaradaha Boosaso appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Jawaab hadaad ka sugeysay madaxda waa tan

$
0
0

Jawaab hadaad ka sugeysay madaxda waa tan
Sep 5, 2017 -
Dowladda waxay markale ku gulleysatay iney xabsiga Itoobiya kasoo saarto maanta Muwaadiniin Somaaliyeed oo ku xirna Addis Ababa.
RW kheyre iyo Md Farmaajo waxa ay hayaan hawl qaran , shacabkana madaxdooda ha aaminaan.
Ma jiri doonto Iscasilaad iyo War saxaafadeed , waxayna Dowladdu ku mashquulsantahay dib u dhiska iyo hawlaha qaranka ee horyaala.
Madaxweynaha waxa uu ka baxsaday isku day fashilin ah , kuwii geystayna madaxweynaha waxaa uu la sugayaa tallaabo ku haboon waqtigeeda.
Sida awadeed waxa la farayaa muwadiniinta iney hortaallo dowlada arimo kale oo xasaasi ah oo aad u badan sida ajligeed waxay dowladda ku mashquulsantahay siinta musharaadka ciidamada xooga dalka ,xasilinta amaanka iyo dib u eegista dastuurka dalka .
Dalka oo ay ku suganyihiin ciidamo aad u badan oo Itoobiyaana ayaa kalifeyn xiligan in si toos ah madaxda uga hadlaan arimaha xasaasi oo qalqal galin kara xasiloonida iyo xiriirka labada dal oo ah mid u batay khiyaano so jireen ah iyo dabin-daabyo u badan hal dhan kasoo ku sii biirinaya un kala fogaansho.
Si lamid ah Shacabka ha u dhafaan siyaasadda arimaha dibadda madaxdooda si loo gaaro hiigsiga 2020 nin iyo cod.
Hadii aad u hiilin madaxda waxaad qeyb ka tahay Muwaadin burburka dowladnimada si loo gaaro hormar garab-istaag maanta madaxdaada .
Anteeno Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
English News
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live