Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Daawo: Komishanka Doorashooyinka Oo Shaaciyey in ay...

$
0
0

Daawo: Komishanka Doorashooyinka Oo Shaaciyey in ay Dhamaan Kaadhaadhkii Codbixyayaasha La qaatay Baaqigiina ay hayaan iyo Xisbiyada oo u balan qaaday in ay la shaqaynayaan

[embedded content]
storvideo: 


Maxaa kala soctaa tirada Qaraxyada Bishii August ka...

$
0
0

Muqdisho (- Online)-Waxaa bishii August ee lasoo dhaafay magaalada Muqdisho ka dhacay Qaraxyo u muuqaal ekaa kuwo ay fashiliyeen ciidamada dowlada.
Qaraxyada bishii August ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa u badnaa kuwo lagu soo xiray gawaari oo la dhigay hareeraha waddooyinka Muqdisho, gaar ahaan wadada Makka Al-Mukarama.
Qaraxyada dhacay bishii August ayaa aad uga yaraa kuwii dhacaayay bilihii ka danbeeyay waxaana bishaani dhacay 7 Qarax oo kala ahaa:
1-August 4, 2017, Qarax gaari ayaa ka dhacay maqaayad ku dhow Isbitaalka Daaru Shifa iyo Hotel Ambasaador, kaa oo maraayay wadada xiliga uu Qarxaayay.
2-August ,10, 2017, Qarax laga soo buuxiyay gaari nooca raaxada ah ayaa ka dhacay agagaarka Carwo Alkowther waxaana ku dhaawacmay Seddex ruux oo shacab ahaa.
3-August 11, 2017, Qarax nuuciisa uu yahay Ismiidaamin, ayaa ka dhacay gudaha xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan afafka hore ee Masjidka xili ay mas'uuliyiin ka tirsan dowlada ku dukanayeen Salaada Jimco, waxaana ku dhintay laba ruux oo midi uu yahay naftii haligaha.
4-August 14 2017, Gaari uu watay nin Taksiile ka shaqeysta Garoonka Aadan Cadde, ayaa lagu qarxiyay meel aanan ka fogeyn Garoonka, kadib markii waxyaabaha qarxa loogu xiray gaariga.
5-August 17 2017, Qarax loo badinaayo in lagu aasay hareeraha wadada ayaa waxa uu ka dhacay Xaafada Laba Dhagax, gaar ahaan agagaarka Sarta Catarka, ee Degmada Wardhiigley waxaana ku dhaawacmay laba ruux.
6-August 22, 2017, Ciidamo ka tirsan AMISOM ayaa Qarax miino lagula eegtay Ex-kontorool Balcad ee Magaalada Muqdisho.
7-August 27, 2017, Qarax gaari ayaa waxa uu ka dhacay wadada Makka Al-Mukarama, gaar ahaan eeryada Hoteel Mubaarak oo ku dhow Isgooyska Xaaji baasto.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
storvideo: 

Wasiirka Cusub ee Maaliyadda Puntland iyo...

$
0
0

Garoowe(RBC Radio) Xarunta Wasaaradda Maaliyadda Dowlada Puntland ee magaaladda Garowe waxaa lagu qabtay maanta kulan muhiim ah oo looga hadlayay sidii xal loogu heli lahaa dhibaatadda Lacagta shilinka Soomaliga ah.
Kulankan oo dhinacyo badan taabanyay aya waxaa shir gudoominayey Wasiirka Maaliyadda Puntland Mudane Cabdullaahi Saciid Axmed Carshe.
Waxaana kulanka ka qeybgalay dhinacyada ganactsada ku dhaqan Puntland ee gobolka Nugaal iyo Xafiiska Dalada Daneeyayaasha aan Dowliga ahayn ee PUNSA.
Muhiimadda ugu weyn ee shirkan lagu laf gurayay ayaa waxaa uu ahaa sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatadda Lacagta shilinka oo beryahan ka tagan Suuqyada Puntland oo dhan.
Ugu horeyn waxaa shirkan ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Puntland Mudane Cabdullaahi Saciid Axmed Carshe,waxaana uu shegay in uu ku faraxsan yahay in kulanka ay qeyb ka yihiin xubnaha ugu muhiimsan ee ganacsatada gobolka Nugaal.
Sidoo kale Wasiirku,wuxuu shegay in ay Wasaraddu diyaar u tahay sidii ay mar walba uga shaqeyn lahayd xal u helida dhibaatada Lacagta Shillinka Soomaliga ah.
Qaar kamid ah ganacsatada ka qeybgashay kulankan ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin kulankan, iyagoona sheegay in ay kulamada noocaan ah aysan hore wasaaraddu u dhex mari jirin balse la sii kordhiyo kulmada caynkaan oo kale ah.
Kulankan ayaa noqonayaa kii ugu horeeyay ee Wasiirka Wasaradda Maaliyadda Puntland iyo Ganacsatada ku dhex mara xarunta Wasaradda iyadoo la eegi doono sidii loo xalin lahaa dhibatada lacagta shilinka Somaliga ah.
RBC Radio

storvideo: 

DHAGEYSO:- Qaar ka mid ah Shacabka Soomaaliyeed oo...

$
0
0

Qaar ka mid ah Shacabka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay Go'aankii ay maanta Golaha Wasiirrada ka soo saareen Arinta C/kariin Qalbi Dhagax. Dadka la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay inay soo dhowaynayaan Go'aanka ay gaartay Xukuumadda Soomaaliya, iyagoo sidoo kale sheegay in ku ammaanayaan go'aankaasi. http://www.radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2017/09/Cadad.mp3
storvideo: 

Arday dhan 50 oo deeq waxbarasho ka helay Shiinaha...

$
0
0

Muqdisho(SONNA)-Waxaa maanta oo Arbaca ah xaflad sagootin ah loo sameeyey arday gaaraysa 50, oo deeq waxbarasho ka helashay dalka aan saaxiibka nahay ee Shiinaha,kuwaasi oo maalmaha na soo aadan u ambabixi doona waddankaasi.
Agaasimaha Guud ee Wasaaarada Waxbarashada Soomaaliya, Ismaciil Yusuf Cisman ayaa sheegay in ay deeqdani tahay tii 2-aad ee ay Wasaarada maamusho, si wanaagsana ay u maareeyeen.
"Deeqdan waxbarasha waxaa nasiib u helay arday ka kala socota maamulada dalka ka jira sida Somaliland, Puntland, Galmudug, Hirshabelle, K/galbeed, Jubbaland iyo gobalka Benadir, waxana ardada u sheegaya in qabiil aysan ku helin ee ay Somaliya ku heleen, ayna jiri karto arday ka mudnaa,balse iyaga nasiib u helay, sidoo kale waxan u sheegayaa in daruufaha ay u adkaystaan waxna bartaan oo aysan khasaarin ama tahriib ku fekerin", Agasime Cisman ayaa sidaa yiri.
Shirwac Ibrahim, agaasimaha waxda Asiya ee W/Arrimaha Dibbada ayaa sheegay in Shiinaha iyo Somaliya ay wadaagaan xiriir saaxiibtinimo oo fog soona bilawday 14 bishii December, 1960-kii, wuxuna intaasi ku daray in Somaliya ay kamid ahayd dawladihii doonayey in Shiinaha uu kamid noqdo Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay.
" Waa deeqdii uga badnayd ee Waxbarasho heer sare ah oo ka helno Shiinaha, dawlada kale baa jira balse waxbarashada sare Shiinaha ayaa uga horeeya, waxaa nahay laba dal oo saaxiib ah", Shirwac ayaa sidaa yiri.
Qin Jian, Safiirka Shinaha uga fadhiya dalkeena Soomaaliya ayaa carabka ku adkeeyey in deeqaha waxbarasho ee ay siiyaan Soomaaliya laba laabi doonaan, isagoo xusay in ardada ay wax ku kala baran doonaan jaamacadaha waaweyn ee ku kala yaala magaalooyinka dalkaasi oo ay - Beijing ku jirto.
Wasiirka Waxbarashada Dawladdda Federal-ka ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdi Daahir Cisman ayaa uga mahad naqay dawlada Shiinaha yabooha waxbarasho, wuxuna ka codsaday in ay kordhiyaan deeqaha waxbarasho ee ay siiyaan Soomaaliya.
"Kuliyado Muhiim ah oo ay kamid tahay caafimaad-ka(Medicine), Engineeriyada, iyo Beeraha ayaa kamida waxa ay ardadan fursada u heleen, waxan kula dar-daarmayaa in ay ka faa'idaystaan, wixii ay bartaana ay beri dalkooda kula soo noqdaan", Wasiirka ayaa sidaas aradada kula taliyey.
Waxaa sidoo kale xaflada sagootinta ka hadlay ardada iyo waalidiinta oo dareen farxad leh ku soo dhaweeyey fursadan waxbarashada iyadoo mahad balaaran ay u jeediyeen dawladda Soomaaliya, sigaar ah wasaaradaha Waxbarshada iyo arrimaha dibbadda iyo dawlada Shiinaha oo ay deeqdani ka heleen.
42 arday ayaa dawlada maamushay halka, 8-deeda kalena ay ardada ku heleen qaab Online ah oo ay safaaradana u ogalaatay sida ay mas'uuliyiinta safaarada ka heshay Wakaaladda SONNA.W/D: Maxamed Cisman Cabdi "Black Cobra"
Daawo Sawirada Xaflada sagootinta maanta
ama guji English www.sonna.so/en
storvideo: 

Wasaaradda Waxbarashada Oo Xaflad Sagootin Ah U...

$
0
0

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya, Safiirka China u jooga Soomaaliya, Xubno ka kala socday Wasaaradaha Arimaha dibadda iyo Waxbarashada, Waalidiin iyo ardeydii deeqda waxbarasho helay ayaa Xafladdan Goobjoog ka ahaa.
Ugu horeyn Agaasimaha Tacliinta Sare Ismaaciil Yuusuf Cusmaan oo fahfaahin ka bixiyey nooca deeqdan waxbarasho ay tahay ayaa sheegay in ardeyda la aqbalay ay ka socdeen Maamul Goboleedyada dalka oo Soomaaliland ku jirto loona qaatay Darajada Koowaad ee Jaamacadda iyo Darajada Labaad.
Yuusuf ayaa intaas ku daray in howsha ardeydan ay socotay muddo 7 bilood ah si cadaalad ahna lagu soo xulay, waxa ayna isugu jiraan ayuu yiri wiilal iyo Gabdho.
Ardeya waxbarashada helay oo qaarkood ay xafladda ka hadleen waxa ay sheegeen in aysan lumin doonin fursadda ay heleen oo ay dalka kusoo laaban doonaan iyaga si wanaagsan u soo dhammeystay waxbarashadooda ayna u abaal gudi doonaan umadda Soomaaliyeed.
Waalidiin oo iyagana hadlay ayaa ka mahadceliyey fursadda waxbarasho ee caruurtooda ay siisay Wasaaradda waxbarashadu.
Safiirka China u qaabilsan Soomaaliya Qin Jian oo xusay xiriirka Fog ee ay Soomaaliya iyo China leeyihiin ayaa sheegay in ay xoojin doonaan tirada Dhallinyarada ah ee Waxbarashada siiyaan wuxuuna aad u amaanay xiriirka kala dhaxeeya Wasaaradda Waxbarashada.
Ugu dambeyn Wasiirka Waxbarashada Hidda iyo Tacliinta Sare Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan ayaa la dardaarmay ardeyda waxa uuna ku wargaliyey in Wasaaradda waxbarashadu ay la socon doonto xaaladdooda, waxaana isla Goobta wasiirku uu ku gudoonsiiyey ardeyda Tikidhadii ay ku aadi lahaayeen Dalka China.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Daawo: Dawlada Ethiopia oo Uu wakiil ka yahay...

$
0
0

Daawo: Dawlada Ethiopia oo Uu wakiil ka yahay Daljire Shamudiin iyo Madaxweynaha Dowlad Deegaanka oo Gogosha dhigay iyo Wasiiru dawle Mahad oo Heshiis ka Gaadhay Shaqaaqo ka dhacday Xuduuda...
[embedded content]
storvideo: 

DHAGEYSO Barnaamij gaar ah oo looga hadlayo cadaallad darrida Garsoorka


Warsaxaafadeed ka soo baxay odayaasha Musdambeedka...

$
0
0

Warsaaxafadeed ka soo baxay odayaasha Musdambeedka jaalliyadaha reer Somaliland Ingiriiska
kuna saabsan caqlicelin siyaasiinta arrinta fadeexadda leh ee ay caadaysteen.
Umadda muslimiinta wuxuu ilaahay uga digay in ay walaalkood erayo anshaxa ka baxsan ku yidhaahdaan iyaga ula badheedhaya.
Sihaantaas waxaa ay siyaasiinta qaarkood caadaysteen saddexda Xusbi qaran ee dalka ka jira kolba mid ku biiraya kii ay hore uga tirsanaayeenna hadallo anshaxa ka baxsan ku tiraabaya hadalka addoonka afkiisa ka soo baxaya waxaa wanaagsan in uu hubsado ee aan walaakiisa aanay meel kala tegayn ku habboonayn taas oo ah mid shakhsinnimada iyo sharafta addoonka qiima dhac ugu filan
Ilaahay waxaa uu ballan qaaday ceebta aad walaalka la doonayso in uu ciddii ay ka soo baxday dib loogu celinayo.
Talo soo jeedin
In laga waantoobo dhaliilaha sidabajoogga ah.In ay xusbiyadu bulshada u sheegaan waxa ay dalka u qabanyaan haddii ay ummadu doorato kana dheeraadaan dhallilaha wax ka sheegidda xusbiyada kale ay tartamayaan.Waxaad arkaysaa massuul dawladda ka tirsanaa oo marka shaqada loo garan waayo si kastaba haw dhacdee af lagaaddo dawladdii uu ka tirsanaaya ku dhalliilaya markiisii hore maxaa ka hortaagna in uu bulshada u iftiimiyo dhalliilaha jira .Waxaannu ilaahay ka baryeyna in uu Allaha awoodda leh u dooro xusbi dalka horumar ,caddaalad ,danyarta hoos u eega ,daacad ah, dulmiga neceb.Waxaa ilaahay mahaddii ah labadii beelood ee walaalaha ah ee diirirtu dhexmartay oo la so af jaray ciddii wakhtaga gelisay jasaakumallah kahayran.Bulshada reer Somaliland ilaashada nabadgelyadiina iskana jira cadawgiinna ka damqanaya nabaddiina.ha la badiyo saburka hana la fisho khayr
Deeq Cabdi Digale
storvideo: 

Daawo: Dawlada Federal Somaliya oo Warmutiyeed ka...

$
0
0

Daawo: Dawlada Federal Somaliya oo Warmutiyeed ka soo Saartay Dhiibida Mid Ka mid ah ONLF Kuna Sheegtay in uu Cadaw ku yahay Mandiqada Gacansaarna la leeyahay Al-Shabaab
[embedded content]
storvideo: 

Duufaanta Irma oo khasaare geysatay

$
0
0

Jasiiradda Puerto Rico ayaa isu diyaarinaysa duufaan awood badan oo lagu magacaabo Irma, taasoo ugu yaraan 7 qof kusoo dishay, burbur baahsanna ku reebtay jasiirado ka tirsan Caribbean-ka.

Duufaanta Irma oo khasaare geysatay

$
0
0

Jasiiradda Puerto Rico ayaa isu diyaarinaysa duufaan awood badan oo lagu magacaabo Irma, taasoo ugu yaraan 7 qof kusoo dishay, burbur baahsanna ku reebtay jasiirado ka tirsan Caribbean-ka.
Duufaanta Irma ayaa gaartay heerka ugu sareeya ee cabirka duufannada, waxaana haatan ay ku wajahantahay jasiiradaha Virgin, sida ay sheegtay xarunta Maraykanka u qaabilsan Duufaannada.
Duufaantan oo saacadiiba jaraysa masaafo ah 295 km, ayaa durbadiiba roob lixaad leh iyo dabeylo xooggan gaarsiiyay jasiiradda Puerto Rico ee hoos timaada Maraykanka.
Qaar badan oo ka mid ah dadka ku nool jasiiradaasi ayaa xilli hore sii keydsaday cunno iyo biyo, waxaana loogu baaqay in aanay guryahooda kasoo bixin.
Mas'uuliyiinta jasiiradaasi ayaa sheegay in dhowr maalmood ay dadka halkaa ku nool koronto la'aan noqon doonaan.
Duufaanta Irma ayaa ugu horayn ku dhufatay waddanka labada jasiiradood ka kooban ee Antigua iyo Barbuda.
Ra'iisul wasaaraha dalkaas, Gaston Brown ayaa sheegay in Irma ay waxyeelaysay boqolkiiba 95 dhismayaasha jasiiradahaasi.
Ra'iisul wasaaraha oo BBC-da la hadlay ayaa intaa ku daray in hal qof ay duufaantu ku dishay dalkiisa.
Mr Brown ayaa sidoo kale sheegay in dadka ku nool jasiiradahaasi ay gebi ahaanba ka qixi rabaan, ka dib markii loo sheegay inay soo xoogaysatay duufaan kale oo kasoo kacday badda Atlantic-ga.
Mas'uuliyiinta ayaa xaqiijiyay in duufaanta Irma ay ugu yaraan 6 qof oo kale ku dishay jasiiradaha St Martin iyo Saint Barthelemy ee hoos yimaada Faransiiska.
Madaxweyne Donald Trump iyo kaaliyayaashiisa ayaa sheegay inay isha ku hayaan xaaladda Irma.
Haseyeeshee ma cadda saamaynta ay duufaantaasi ku yeelan karto dhul weynaha Maraykanka.
storvideo: 

Duufaanta Irma oo Garaacday Jaziiradda Puerto Rico

$
0
0

Duufaanta Irma ayaa xalay si xawli ah ku dhaaftay waqooyiga jaziiradda uu Mareykanku leeyahay ee Puerto Rico, iyada oo dhulka dhigtay korntada iyo tubooyinka biyaha qaada taasoo saameyneysa boqollaal kun oo ruux.

Xaalka Xulka Argentina oo Cakiran

$
0
0

Xulka kubadda cakta Argentina oo ka mid ah xulalka ugu caansan dhinaca kubada cakta ayaa qalqiil ugu jira inuu seego ka qeybgalka koobka aduunka ee sanadka soo socda lagu qaban doono dalka Russia.

Xaalka Xulka Argentina oo Cakiran

$
0
0

WASHINGTON. D.C --
Xulka kubadda cakta Argentina oo ka mid ah xulalka ugu caansan dhinaca kubada cakta ayaa qalqiil ugu jira inuu seego ka qeybgalka koobka aduunka ee sanadka soo socda lagu qaban doono dalka Russia.
Kulanki ugu danbeeyey ee isreeb reebka koobka aduunka ee Argentina ciyaareen waxay bar barro la galeen kooxda qaranka ee Venezuela.
Hadaba si toos ah miyay u aadi doonaan koobka aduunka mise waxay danta ku qasbi doontaa in ay dheelaan ciyaaraha kala sooca ah. Nur Bukhaari iyo Maxamud ascadde ayaa falan qeynaya.

Embed code
Copy and paste the embed code below.
The code has been copied to your clipboard.
0:04:38
0:00:00 /0:04:38
Direct link
Pop-out player
storvideo: 


Saaxiibada beesha caalamka oo walaac ka muujiyay...

$
0
0

Muqdisho, 6 September 2017 - Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD, Dowladaha Ethiopia, Talyaaniga, Sweden, Boqortooday Midowday ee Ingiriiska iyo Maraykanka ayaa si dhow ula socda arrimaha ka dhacaya HirShabelle ka dib markii Golaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedku ku dhawaaqay inuu xilka ka xayuubiyay Madaxweyne Cali Cabdullaahi Cosoble 14kii bishii Agoosto.
Iyagoo garowsan in Md. Cosoble uu diiday hanaanka xil ka qaadidda, saaxibada Soomaaliya ee caalamka waxay dhammaan dhinacyada ugu baaqayaan inay sii wadaan dadaallada wax lagaga qabanayo arrintan muhimka ah iyadoo la raacayo hababka dastuuriga ah iyo kuwa sharciga ah ee u degsan, kana fogaadaan falalka wax u dhimi kara xoojinta hanaanka dhisidda dowlad goboleedyada.
Iyadoo la eegayo maalgashiga weyn ee dhanka siyaasadda iyo dhaqaalaha ee lagu bixiyay hanaanka dhisidda dowlad goboleedyada iyo dadaallada tayo dhiska ee hadda socda, saaxiibada caalamku waxay si gaar ah uga walaacsanyihiin iskudayga la sheegay in dowlad goboleed gooni ah lagu sameynayo gobolka Hiiraan.
Tallaabooyinka ay dhinacyadu iskood ugu dhawaaqaan oo aan asaas sharci lahayn, oo isla markaasna waxyeelleynaya dadaallada dhisidda dowlad goboleedyada iyo xasilinta ee hadda socda waxay keenayaan dhibaato waxayna abuurayaan welwel.
Saaxiibada caalamku waxay dhammaan dhinacyada ugu baaqayaan inay raacaan hanaanka sharci ee loo dejiyan in lagu dhaqmo, dastuurka HirShabelle iyo habraaca baarlamaanka ee u degsan. Saaxiibadu waxay ku adkeynayaan muhimadda ay leedahay in la ilaaliyo xasilloonida siyaasadeed ee lagama maarmaanka u ah in horumar dheeraad ah laga gaaro hanaanka dhisidda dowlad goboleedyada iyo sii xoojinta habka federaalka ka jira Soomaaliya.
storvideo: 

Duufaanta Irma oo Garaacday Jaziiradda Puerto Rico

$
0
0

WASHINGTON. D.C --
Duufaanta Irma ayaa xalay si xawli ah ku dhaaftay waqooyiga jaziiradda uu Mareykanku leeyahay ee Puerto Rico, iyada oo dhulka dhigtay korntada iyo tubooyinka biyaha qaada taasoo saameyneysa boqollaal kun oo ruux.
Duufaantan oo saacaddiiba jareysa 295km ayaa lagu sheegay tii ugu xooganeyd ee abid garaacda dalalka dhaca badda atlantiga.
Saraakiisha Puerto Rico ayaa sheegay in muddo ka badan lix bilood ay qaadan doonto in korontada Jaziirada ay si buuxda usoo laabato.
Madaxweyne Donald Trump ayaa Arbacadi ku dhawaaqay in xaalad deg deg ah la geliyey Puerto Rico, taasoo u fasaxeysa Hey'adda Maareynta Masiibooyinka deg dega ee Mareykanka ay halkaasi ka bilowdo howlaha gurmadka.
Axada ayaa la filayaa in duufaanta Irma ay garaacdo koofurta Florida iyo hareeraha magaalada Miami.
storvideo: 

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo qiimayn dhanka...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter
Muqdisho(SONNA) Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr iyo dhamaan Agaasime Waaxeedyada ee Wasaaradda ayaa la kulmay Benson Mutiso oo ka socday hay'adda Baker Tilly Merali's oo ah hay'ad ay UNDP u xilsaaratay in ay qiimayn ku sameeyso dhamaan hay'adaha dawladda iyada oo la ogaanayo awoodda hay'adaha dawladda ee dhanka tayada maamulka iyo shaqaalaha. Qiimeynta Wasaaradda lagu sameeynayo ayaa socon doonta 3 maalin.
Agaasimaha Guud oo warbixin siinayay Benson ayaa u sheegay in Wasaaradda ay soo martay marxalado kala duwan iyada oo ka soo gudabtay heer aysan lahayn wax xafiisyo ah iyo shaqaale tayo leh markaa oo ay ahayd waqtigii la kala gooyay Wasaaradda Dastuurka iyo Wasaaradda Cadaaladda ee horaantii 2015.
Barnaamijkan oo lagu magacaabo HACT Assessment ayaa sadax sano ka hor laga sameeyay dalka, waxaana hadda lagu ogaanayaa heerka ay gaarsiinsantahay awoodda maamul iyo shaqaale ee dawladda.
Ugu dambayn, Wasaaradda ayaa waqtigan waxaa laga dareemayaa in ay sameeysay horumar dhanka maamulka iyo shaqalaha kadib hawlo baaxad leh oo bilooyinkii la soo dhaafay ay ka fulisay dalka iyadoo salka u dhigtay nidaam ku dhisan hufnaan, daah-furnaan, iyo islaxisaabtan.
---DHAMAAD---
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleSaaxiibada beesha caalamka oo walaac ka muujiyay qorshah la sheegay in dowlad goboleed cusub laga sameynayo gobolka Hiiraan

storvideo: 

Hogaamiyayaasha Catalonia oo ku heshiiyay qabashada afti madax bannaani

$
0
0

Hogaamiyayaasha siyaasadeed ee gobolka Catalonia ayaa saxiixay heshiis ay ku baaqayaan in gobolkaasi ay 1-da bisha Oktoobar ka dhacdo afti loo qaadayo inuu ka go’ Spain iyo in kale.

Hogaamiyayaasha Catalonia oo ku heshiiyay qabashada...

$
0
0

Hogaamiyayaasha siyaasadeed ee gobolka Catalonia ayaa saxiixay heshiis ay ku baaqayaan in gobolkaasi ay 1-da bisha Oktoobar ka dhacdo afti loo qaadayo inuu ka go' Spain iyo in kale.
Goor sii horaysayna, baarlamaanka gobolkaasi ayaa ansixiyay sharci ogolaanaya in afti loo qaado madax bannaanidiisa.
Xukuumadda Madrid oo si weyn u diiddan tallaaba kasta oo uu gobolka Catalonia kaga go'ayo Spain, ayaa go'aannadan ku tilmaamtay kuwo sharci darro ah.
Dowladda Spain ayaa ka codsaday maxkamadda dastuuriga ah ee dalkaasi inay waxba kama jiraan ka dhigto go'aanka baarlamaanka Catalonia, isla markaana dacwad dembiyeed ay kusoo oogto afhayeenka baarlamaankaasi.
Ku xigeenka ra'iisul wasaaraha Spain, Soraya Saenz de Santamaria, ayaa ku tilmaamtay go'aanka siyaasiyiinta Catalonia mid laga xishoodo.
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live