Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Dadka Muslimiinta Rohingya ee qaxay oo kor u dhaafay...

$
0
0

Waxaa aad u kordhay dadka muslimiinta Rohingya ee ka qaxaya dalka Myamar, waxayna gaareen illaa 270,000 qof sida ay sheegtay Qaramada Midoobay
Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in kororka badan ay ugu wacantahay in la ogaaday dad cusub oo meelo kala ka qaxaya.
Rabshadaha ka jira Myamar ee dadka lagu qixiyay ayaa waxa ay biloowmeen kadib markii kooxo wax iska caabbin ah oo ka tirsan qoowmiyadan Rohingya ay weerareen saldhigyo booliis.
Dadka Myamar kasoo qaxaya ayaa sheegay in ciidamada militariga ay gubayaan guryaha, islamarkaasina ay dhibaataynayaan dadka.
Dowladda Myamar ayaa beenisey eedeymaha la xiriira in ay ku xad gudbayso dadka Rohingya, waxayna sheegtay in ciidamada ay la dagaalamayaan kooxo falaago ah.
Dadka soo qaxaya ayaa waxa ay galayeen dalka Bangaladesh , iyaga oo gudbayay xudduuda labada dal.
Xerooyinkii horay u jiray ee qaxootiga ayaa buuxsamay, dadka cusub ee halkaasi gaarayana waxa ay dagayaan meelo cusub.
Dadka qaarkood ayaa masaafo dheer lugeynaya, qaarkood ayaa doomo ku baxsanaya, waxaana ka mid ah illaa 300 qof oo doon ku gaaray Bangaladesh maalintii arbacada.
Dhibaatada lagu hayo dadka Rohingya ayaa walwal ka abuurtay meelo kala duwan oo adduunka ka mid ah, waxaana hoggaamiyaha dalkaasi haweeynayda lagu magacaabo Aug San Suu Kyi loogu baaqay in ay wax ka qabato.
Dadka baaqa u diray waxaa ka mid ah Desmond Tutu oo ka wada tirsanyihiin bahda dadka qaatay abaalmarinta nabadda adduunka.
Waxaa xitaa jiray baaqyo loo jeedinayo guddiga bixiya Nobel-ka oo ah in ay kala noqdaan Suu Kyi, balse guddoomiyaha guddiga abaalmarinta bixiya Berit Reiss-Andersen ayaa sheegay in aysan taas suurtogal ahayn.

  • Maxaa soo cusboonaysiiyay qaxa Muslimiinta Rohingya?
  • Hindiya oo musaafurineysa qaxootiga Rohingya

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
storvideo: 


Boqor Salman Oo Boqortanimada Dalka Sucuudiga Ku...

$
0
0

Riyaad (Waaheen):- Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Boqorka Sacudi Carabiya Boqor Salman laga yaabo in uu ku wareejiyo taajka boqortooyada dalkiisa wiilka uu dhalay ee Maxamed Bin salman oo haatan ah amiirka dhaxal sugaha.
Kooxda lagu magacaabo Eurasia ayaa shalay shaacisay warkan iyadoo sheegtay in ku wareejinta xilka Boqortooyada ay dhici karto toddobaadyada soo socda si loogaga hortago in suurtogalnimada in kacdoon uu ka dhex dilaaco gudaha qoyska reer Boqor ee Sacudi Carabiya
"Waxaan filayaa in Boqor Salman uu ku wareejin doono boqornimada wiilkiisa toddobaadyada soo socda haddii aysanba dhaqso ku iman si aysan mucaaradka ka dhex jira reer Boqor uga hor istaagin in uu noqdo boqorka Sacudi Carabiya."ayuu yidhi Ayham Kamel oo madax ka ah kooxda Eurasia Group.
Amiir Maxamed isaga oo hadda aanan Boqor aheyn ayuu dalka Sacuudiga maamulaa, waxaa lagu eedeeyaa in uu lahaa go'aankii go'doominta Qatar, waxaa uu mas'uul ka yahay siyaasadda dalkiisa gaar ahaan sida loo wajahay dalka Yemen.
Dhaqaale ahaan, waxaa uu wadaa National Transformation Plan, "Vision 2030" iyo habab kale oo dhaqaalaha dalkaasi kor loogu qaadayo, waxaana lagu tuhmaa in uu yahay in ka furfuran madaxda kale.
Aragtida cusub ee Dhaxal-sugaha Maxamed Bin Salmaan uu la yimid waxaa ka mid ah sidii looga maarmi lahaa Shidaalka 2020-ka, in la suuqgeeyo hantida ma guurtada ah ee dowladda iyo in 1.2 Milyan oo qof shaqo la abuuro si loo yareeyo Baagamuuddanimada dalka Sacuudiga 11.6% illaa 9%.
storvideo: 

Maraykanka oo duqayn ku laayey qaar ka mid ah Al...

$
0
0

Moqdisho (Waaheen):- War saxaafadeed uu soo saaray taliska ciidamda Mareykanka ee Africa (AFRICOM) Jimcaha maanta ayaa lagu sheegey in iyadoo iskaashi lala yeelanayo dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay ciidamada Mareykanka qaadeen weerar xagga cirka ah oo qorsheysanaa, kaas oo lagu beegsaday Al-Shabaab Khamiistii abbaaro 2:45 Duhurnimo xilliga Soomaaliya. Waxana weerarkaasi ku dhintay hal argagixiye, sida lagu sheegey war saxafaadeedka.
Howl-galka ayaa ka dhacay meel u dhow magaalada Baraawe oo 270 KM u jirta caasimadda Muqdisho. Mareykanka ayaa holwgalkani fuliyay iyadoo la raacayo awaamiirtii madaxweynaha Mareykanka uu bishii March sanadkan soo saaratay, kuwaas oo u ogolaanaya ciidamada inay ku beegsan karaan al-Shabaab iyadoo taageero laga helayao ciidamada Soomaaliyeed deegaannada ay ku xooggan yihiin kooxdaasi.
War-saxaafadeedka oo aan lagu sheegin magaca xubinta ay ciidamada Mareykanka beegsadeen, ayaa waxa sidoo kale lagu xaqiijiyay in ciidamada Maraykanka ay sii wadi doonaan inay adeegsadaan wax kaste oo macquul ah si loo difaaco Ameerikaanka islamarkaasina looga taqalluso halista kooxda.
storvideo: 

Dhegayso Khudbadii Salaada Jumce Ee Masjidul Daarul...

$
0
0

Togaherer 8 sept 2017 Fadlan dhagayso Khudbadii Salaada Jumce ee masjidul Daarul Sacaada ee magaalada Hargeisa iyo fadiliatu Sheekh Cusmaan Cali Xuseen Mawduuca Khudbada:"Ka Faa`idaysiga Xiliyada Khayrka Badan"
Dhagaysi Haboon:Mobile kaga ka dhagayso khudbadii salada jumce ee maanta mawduuceduna yahay ka faa`idaysiga Xiliyada Khayrka badan Khudbada Jumcaha Fadiilatu Sheekh Cusmaan Cali
Warqabadka Togaherer
Hargeisa Somaliland
storvideo: 

Deg Deg: Qarax Ka Dhacay Baydhabo oo Dhimasho Sababay

$
0
0

Wararka ka imanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in qarax uu ka dhacay maqaayad ku dheggan xafiiska Dahabshiil ee magaalada, gabal dhicii maanta xilliga Baydhabo.
Weerarkan ayaa sheegaya in ugu yaraan afar ruux ay ku dhinteen qaraxa, ayna seddex kale ku dhawacmeen. Goob joogayaal ayaa VOA u sheegey in ay suuragal tahay in khasaaraha uu intaa ka bato.
Qaraxan ayaa la sheegay inuu ka dhacay goob sannadkii hore ay qaraxyo ka gaysteen maleeshiyada ururka Al-Shabab.
storvideo: 

Daawo: Xisbiga Wadani Gaar ahaa Qurbajoogta...

$
0
0

Daawo: Xisbiga Wadani Gaar ahaa Qurbajoogta Maraykanka oo Mooto ku Wareejiyey wiil curyaan ah oo degan magaalada Ceerigaabo
[embedded content]
storvideo: 

Daawo: Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland...

$
0
0

Daawo: Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil oo ka Qayb galay Xaflada Dhamaystirka Tafsiirka Quraanka Kariimka ah
[embedded content]
storvideo: 

Taliyaha Booliska Somaliland oo Shahaado sharaf lagu...


Xoghayaha Dawlada Hoose Ee Degmada Burco oo u jaabay...

$
0
0

Hargeysa(Waaheen)-Xoghayaha dawlada hoose ee degmada Burco ayaa ka jawaabay eedaymo ay maamulka dawlada hoose usoo jeediyeen haweenka ku ganacsada sariibadda magaalada Burco.[embedded content]
storvideo: 

Madaxweyne Siilaanyo Oo gurigiisa ku booqday Xaaji...

$
0
0

Hargeysa(Waaheen)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo oo maanta gurigiisa ku bookhday Xildhibaan Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdiwaarabe) oo xaalad caafimaad u jiifay gurigiisa maalmihii u danbeeyey.
Xaaji Cabdikariim ayaa madaxweynaha iyo shacbiga Somalilandba uga mahadnaqay ka warhaynta xaaladiisa, sidoo kalena waxa uu xaajigu u duceeyey qaranka iyo shacbigiisaba, dhinaca kale marwada xaajiga ayaa uga mahadnaqday madaxweynaha bookhashada uu ugu yimid xaajiga. Sidoo kale waxa halkaasi ka hadlay wasiirka xanaanada xoolaha md Cukuse iyo suldaanka guud ee beelaha Somaliland.
[embedded content]
storvideo: 

Gudoomiyaha KULMIYE Oo Tacsi Diray .

$
0
0

XISBIGA MIDNIMADA IYO HORUMARKA JSL EE KULMIYE08 Sep 2017TACSI GUDDOOMIYE
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Guddoomiyaha xisbiga Midnimada iyo Horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada, ehelada iyo guud ahaan shacabka Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xasan Cabdi Khayre oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa maanta oo taariikhdu tahay 08/09/2017.Marxuum Xasan Cabdi Khayre waxa uu ka mid ahaa saraakiishii ka soo qaybqaatay dib-u-dhiskii Ciidamada Booliska iyo Asluubta ee Somaliland, waxa uu xilal kala duwan ka soo qabtay xukuumadihii kala duwanaa ee soo maray Somaliland iyo Soomaaliyaba, isagoo markii u dambaysay noqday Wasiirka Boostaha iyo Isgaadhsiinta xukuumadda Madaxweyne Rayaale. Guddoomiyaha KULMIYE waxa uu ku tilmaamay Marxuum Xasan Cabdi Khayre aqoonyahan iyo siyaasi waayo-arag ah oo wax badan soo taray dadkiisa iyo dalkiisaba.
Guddoomiyuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, ehelka iyo shacabkana uu Samir iyo Iimaan Saadiq ah ka siiyo. Aamiin....Aamiin....Aamiin.
Xafiiska warbaahinta xisbiga KULMIYE
Attachments area
storvideo: 

DHAGEYSO Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle

Barnaamij lagu taakuleynayo qoysaskii ay abaartu saamaysaa oo ka bilowday Togdheer

$
0
0

Gobolka Togdheer ee Jamhuuriyada iskeeda ugu dhawaaqday madax banaanida ee Soomaaliland ayaa waxa laga bilaabay barnaamijka dib uga soo kabashada abaarta.

Is marin waa ka taagan guddiga doorashada ee Kenya

$
0
0

Dalkan Kenya ayaa waxaa ka taagan jahawareer siyaasadeed ka dib markii uu khilaaf xooggan soo kala dhexgalay xubnaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka oo la filayo in 17-ka bisha soo socota uu qabto doorashada madaxtinnimada ee ku celiska ah.

Diyaaradaha Dagaalka Ee Ruushka oo Dilay Madax sare...

$
0
0

Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa ku dhawaaqday in ay dishay 40 askari oo ka tirsan ururka Daacish oo ay ku jiraan afar ka mid ah hoggaamiyeyaasha sare ee ururka weerar ay ku qaaday diyaarad Ruushi Deir al-Zour bariga ee Syria.War saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Gaashaandhiga Ruushka" weerarkii Ruushka wuxuu keenay in la dilo afar ka mid ah hoggaamiyeyaasha ururka, oo ay ku jiraan Abu Muhammad al-Shimali, Amirkii Daacish ee Deir al-Zour Ahaana Masuulka Maaliyada ."Wasaarada ayaa intaa ku dartay in weerarkaasi uu ku dhaawacmay Gulmerod Halimov, oo ahaa Wasiirka Warfaafinta ee ururka dhaawac halis ahina soo gaadhay.Sida laga soo xigtay saraakiisha Ruushka, Halimov, oo asal ahaan kasoo jeeda dalka Tajikistan, wuxuu xubin ka ahaa Ciidamada Gaarka ah ka hor inta uusan ku biirin Ururka Islaamiga sannadkii 2015.Ciidamada Ruushku waxay sheegeen in diyaaradaheeda ay duqeeyeen dagaalyahannada ururka mar ay ka wadahadleen qorshe ah sidii ay uga hortagi lahaayeen ciidamada Suuriya oo guulo ka gaadhay Deir al-Zour. "Ururka Daacish waxay maamulaan kala badh Deir al-Zour iyo qayb ballaadhan oo gobolka ah.Deir al-Zour waa goobtii ugu dambaysay ee xoogaga Daacish ee Suuriya halka magaalada Raqqa oo - u ah Daacish ay ku hareeraysan yihiin isbahaysiga Maraykanka taageero ee ciidamada Dumuqraadiga Suuriya ee mucaaridka ah.Waxaa weli ku jira kuna nool 93,000 oo rayid ah deegaanada ay dowladdu maamusho ee Deir al-Zour.
storvideo: 


Xog: Xildhibaan Zakariye oo shirqool loogu maleegayo...

$
0
0

RBC Mogadishu: Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay warbaahinta Raxanreeb.com ayaa sheegaya Xildhibaan Zakariye Xaaji Maxamuud loo maleegayo shirqool loogu talagalayo in lagu dilo.
Xogtaan oo ay Warbaahinta Raxanreeb ka heshay dhanka ismaamulka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa lagu sheegayaa shirqolkaan uu hada sirdoonka dowlada Itoobiya uu u marayo meel gabogabo ah.
Xildhibaan Zakariye Xaaji Maxamuud ayaa ah astaanta wadaniyiinta xorta ah ee Soomaaliya waxa uuna ka dhiidhiyey falkii dowlada Itoobiyey loogu dhiibay muwaadin Soomaaliyeed ee lagu magacaabo Cabdikariim Sheekh Muuse "Qalbi-Dhagax"
Sidoo kale Xildhibaan Zakariye ayaa waxa uu kamid yahay siyaasiyiinta tirada yar ee sida tooska shacabka Soomaaliyeed ugu baraarujiya faragalinta qaawan ee ay dowlada Itoobiya ku heyso dalka Soomaaliya.
RBC Mogadishu

storvideo: 

Puntland: Halyeeyadii la hilmaamay!

$
0
0

Dhalinyaradu waa lafdhabarta hurumarka Bulshada waxaana muhiim ah in ay helaan dhiiragalinta ciyaaraha taas oo gudbisa fariin ah in laga gudbo qabyaalada, jahliga, ka hortaga tahriibka iyo isdhexgalka dhalinta.
Hadaba PUNTALAND POST ayaa wax ka iftiiminaysa halka ay Puntland ka mareyso ciyaaraha, iyadoo ku abtirsata muddo 19 sano ah, aadna moodid in maamuladii kala danbeeyay aysan awood badan siinin dhanka cayaaraha oo ah halbowlaha dhalinyarada.
Puntland muddo ku dhow 4 sano lagama qaban tartamada kubadda cagta noocyadooda kala duwan, sida tartanka gobolada, tartanka kooxaha heer kowaad iyo labaad, tartanaka degmooyinka iyo tartamo kaleba, waxa uuna ahaa tantankii ugu danbeyay ee ay Puntland qabato tartankii gobolada bilowdii sanadkii 2014-kii markaas oo uu ku guuleystay xulka gobolka Nugaal.
Waxaa jiray tartanka kooxaha reerka kowaad ee Puntland oo sanadkan bilowgii la qabtay, laakiin markii dhanbe ku dhamaaday fashil, markii ay is qabqabsadeen kooxaha qaarkood iyo xiriirka kubadda cagta Puntland, waxayna dhalinyarada cayaaruhu fashilkaas ku eedeeyeen Agaasimaha dhanka cayaaraha ee wasaarada Shaqada, Shaqaalaha iyo ciyaaraha Puntland Axmed Cabdala Tigaana oo ay sheegeen koobkaas in uu si calaalad daro ah u siiyay koox wadatay magaca Bari.
Agaasime Tigaana iyo xiriirka kubada cagta Puntland oo sedex xubnood ka kooban ayaa dhalinyarada ciyaaruhu ku eedeeyeen dib u dhaca hormaraka ciyaaraha Puntaland, iyadoo cabasha dhalinyardu gaartay Maxkamad iyo ilaa heer Madaxweyne.
Sanadkii hore ee 2016-kii waxaa dhacay dhacdo ay dhalinyarada iyo dhamaan shacabka Puntland ay aad ugu farxeen markii ay koox matalaysay ku guuleysatay tartankii dowlad goboleedaha Soomaaliya oo Muqdisho ka dhacay, iyadoo kooxdaas ay ka yaabisay shacabka Soomaaliyeed markii ay soo bandhigtay ciyaaaro la la dhacay. waxaana guushoodii kadib Puntland shacab iyo dowlad loogu soo dhawweyay si hagar la'aam ah, balse waxay noqdeen Halyeeyadii la hilaamay markii ay garoomo wanaagsan iyo taramo ay ku loolamaan waayeen, si ay u sii wataan xirfadooda ciyaarta ayna ku soo baxaan ciyaartow kaleWaa sidee garoomada kubadda cagta Puntland?
Wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha Puntland ayaa waxba ka gaban garoomada kubadda cagta oo ah hoyga ciyaaraha waxaana garoomada maagaaloolinka waaweyn sida Garowe, Bosaso iyo Gaalkacyo ka muuqda dhayac aad u baahsan, kaaga sii darane waxaad mararka qaar arkeysaa iyadoo garoonka kubadda cagta - Puntland ee Mirre Awaare uu fariinsin u yahay ciidamo hubaysan, halkii uu hooy u noqon lahaa dhalinta ciyaaraha.
Garoonka kubadda cagta GaroweGaroonka kubadda cagta BosasoGaroonka kubadda cagta Galkacyo
Halka magaalooyinka kale ee Soomaaliyana garoomada ciyaarada dibu habeynaha lagu sameeyay lana dhigay dhamaanka qalabka garoomada oo casri ah oo Habeen iyo maalinba lagu ciyaaro, waxaana magaalooyinkaas ka mid ah Muqdisho, Hargeysa, Kismaayo, Boorame, laascaanood iyo kuwa kale, oo dhawaan ka soo kabtay dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay.
Garoonka kubadda cagta MuqdishoGaroonka kubadda cagta Kismayo- dhawaan baa la casriyreeyayGaroonka kubadda cagta Hargeysa
Hadaba iyadoo dhawaan lagu dhawaaqay in tartanka dowlad goboleeda sanadkan dhamaadkiisa lagu qabandoono xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland ee Kismaayo ayaa waxaa la xasuustay Halyeeyadii la hilmaamay in ay markale kor uqaadaan magaca Puntland, waxaana adag sidii loo soo xulilahaa ciyaartow u qalma in ay matalaan Puntland, maadaama aysan dhicin tartamadii laga xulan lahaa ciyaartow xirfadoodu sareyso.
Ugu danbeyntii waxaa muhiim ah in dowlada, Ganacsato, Qurbajoog iyo dhamaan shacab Puntland ay ka qeyb qaataan hor marinta ciyaaraha lana gaarsiiyo bobolada kale ee dalka Soomaaliya, oo ay ka muuqdaan isbadlo dhanka ciyaaraha ah.PUNTLAND POST
The post Puntland: Halyeeyadii la hilmaamay! appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Rohingya maxay uga duwan yihiin East Timor iyo...

$
0
0

Muqdisho (- Online) - Hordhac 1992-1995 Waxaa dalka Boosniya ka taagnaa dagaalo salka ku haya qawmiyado kala isir iyo diin ah, sida dadka Seerbiyiinta iyo Koroeeshiiyiinta ee haysta diinta Kirishtaanka iyo dadka Boosniyaanka ah markaan siino magacooda ee Muslimiinta ah. Burburkii dowladdii shuuciga ahayd ee loogu yeeri jirey Yuguslaafiya (Yugoslavia) waxay u kala go'day markii hore afar dal oo kala ah.
Seerbiya oo ay ku taaley xaruntii Yuguslaafiyadii hore ee Belgraad, Islofeeniya, (Slovenia) Koroeeshiya (Croatia), Makadooniya (Macedonia) iyo Boosniya (Bosnia and Herzegovina), dalalka kale oo dhan markiiba nabad iyo horumar ayaa ka hana qaadey marka laga reebo Boosniya, waxaana dagaalo dabar goyn ah lagu qaadey dadkii Boosniyaanka Muslimiinta ahaa, Saxaafadda reer galbeedka oo markaas la jaan qaadeysey qorshihii Madaxweynihii xiligaas Maraykanka xukumey ee George H. Bush ee ahaa New World Order, ayaa durbadiiba waxay sameeyeen magacbixinta dadka dirirtu u dhaxayso, waxaana loo qaybiyey Boosniyiinta Serbiyiinta, Booniyiinta Koroeeshiyiinta iyo Boosniyiinta Muslimiinta, markaad eegto labada qolo ee hore midkasta waxaa la siiyey qawmiyadii uu ka soo jeedey laakiin laguma darin diintii ay aaminsanaayeen, oo lama oran Seerbiyiinta Kirishtaanka, laakiin qawmiyadda xasuuqu ku socdey waxaa magacooda loogu daray diinta ay haysteen, haddii la dhihi lahaa Boosniyiinta keliya waxaa caddaan lahayd dadka iska leh dhulka lagu diriraayo, laakiin si weyn ayaa caalamka loogu marin habaabiyey, magac bixintaas.
Shirarkii Ohio iyo Paris 1995 ayaa heshiis lagu qaybiyey dalka Boosniya dagaaladaas lagu soo afmeeray, inkasta oo ay galaafteen kumaankun Boiosniyiin ah, reer galbeedku waxay faro geliyeen dagaalkaas markii shaliyaro dagaalyaho ah ama jihaad doon ah oo horey uga dagaalamay Afqaanitaan ay ka gudbeen dalalkii Sofiyeetiga ka go'ay ayna gaareen Boosniya, isla amrkaasna la jebiyey kuwii go'doonka ka dhigey magaalada Saarayeefo ee xarunta u ah Boosniya, reer Galbeedku waxay ka yaabeen in Boosniya ay noqoto xarun kale oo Afqaanistaan ah, markaas ayeyna u deg-degeen in Miiska la isugu keeno Madaxweynihii Seerbiya ee xiligaas Slobodan Milosevic, Madaxweynihii hore ee Koroeeshiya Franjo Tudman, iyo Madaxweynihii Boosniya Alija Izetbegovic, waxaa heshiiskaas loogu magacdarey Dayton Agreement iyo Paris Protocol. Boosniya ilaa hadda waxay u qabsan tahay saddex qawmiyadood.
Falastiin
Dhulka Falastiin ee Yuhuuddu boobtey maahan mid isaga qoraal keliya lagu cabbiri karo waxaase Falastiin taallo u tahay dhibaato kasta oo dadka Muslimiinta ah loo geysto caalamkan ee aan gar iyo garawshiyo laga bixin.Suudaanta Koonfureed
Dalka Suudaan oo ahaa khariidad ahaan kan ugu weyn qaarada Afrika waxaa kuwada dhaqnaa Muslimiin iyo Masiixiyiin, Jamhadda SPLM ee uu dhisey John Grand waxay muddo dheer dagaalo kula jirtey maamulkii Khartuum, waxay taageero ka heli jirtey dalalka reer galbeedka ah, dagaalo socdey in ka badan 30 sano kadib waxaa la jeexay heshiis u horseeday Suudaanta Koonfureed in ay noqdaan dal ka madaxbanaan maamulkii Muslimiinta u badnaayeen ee Khartuum inkasta oo ayba eedeen, heshiiskaas waxaa ka soo shaqeeyey IGAD oo taageero ka heleysa reer Galbeedka.Bariga Timor (East Timow)
Dalka Bariga Timor (East Timor) waxa uu muddo dheer ka tirsanaa dalka ugu tirada badan caalamka Muslmiinta ee Indunuusiya, dadka ku dhaqan Bariga Timor waxay ahaayeen Masiixiyiin. Waxaa guumeystey dalka Burtiqiiska, waxaana ay ka baxeen sanadkii 1975, markaas oo jamhadda dalkaas ka dhisneyd ay sheegatey in ay dal madax banaan yihiin, laakiin waxaa markiiba qabsadey dalka Indunuusiya oo dhinac walba ka xiga una arkaayey in ay ka tirsan tahay dhulkiisi gumeystihii reer Yurub boobay.
Reer Galbeedku waxay muddo dheer ka shaqeynayeen sidii Bariga Timor oo ah dal aad u yar dhul ahaan ee ay degan yihiin Masixiiyiin ay u noqon lahaayeen dal Madaxbanaan, waxaana heshiis lagu gaarey sanadkii 1999, in sanadka 2002 Induniisiya isaga baxdo halkaas, waxaana ay noqdeen dal cusub oio caalamka ka mid noqda, waxaana kamid ahaa dadkii sida weyn uga shaqeeyey Madaxweynihii hore ee Maraykanka Jim Carter.Qawmiyadda Rohingya
Todobaadyadii u danbeeyey waxaa saxaafadda caalamka haystey dhibaatada haysata dadka Rohingya ee degan gobolka Rakhine ee dalkii horey loo oran jirey Burma ee la baxay Myanmar ee ay ku badan yihiin dadka aaminsan diinta Buudiyiinta (Buddhism) Dhibaatada qawmiyadda Rohingya ee aaminsan diinta Islaamka ayaa muddo dheer soo socotey, waxaana dowaldda Burma dooneysaa in ay dadkaas kaba saarto gobolka ay deggan yihiin oo ka tir-tirto, waxay sheegayaan in Burma boos uga banaaneyn kuwa aaminsan diinta Islaamka.
Labadii todobaad ee u danbeysey waxaa lagu diley gobolka Rakhine in ka badan 1000 qof oo qawmiyadda Rohinga ah, dalka Bangledesh oo aan horey u ogoleyn in ay xuduudkooda u furaan waxaa gaarey 300 000 oo qof oo qaxooti ah, iyada oo tirada guud ee dadkaas lagu sheego hal milyan oo qof.
Haddaba golaha amaanka ee Qaramada Midoobey shir deg-deg kama yeelan, looma dirin kormeerayaal caalami ah oo xaaladda la socda, waxaana wakaaladda wararka ee Reuters ay qortey in xuduudka oo dhan miino laga buuxiyey si dadkaasi aysan dib ugu soo laaban guryahoodi. Waa xasuuq cusub oo caalamku daawanayo ayna waddo gabadha horey loo sii yey abaal marinta nabadda ee Nobelka ee la yiraahdo Aung San Suu Kyi.
Waxaa la is weydiinayaa cidda u maqan dadkaas dhibaatada lixaadka leh ku habsatey, haddii shucuubtii yarayd ee masiixiyiinta ahayd ee ku dhex nooleyd dalal Muslimiintu ku badan yihiin ay heleen dowlado madaxbanaan, yaa kuwaan u maqan? maxay Qaramada Midoobey ugu cadaadin weydo ciidamo ilaaliya dadkaas?, maxaa looga shaqeynwaayey sidii gobolkaasi u heli lahaa ugu yaraan is-maamul u gaar ah oo Qaramada Midoobey kor kala socoto?. Maxay dalalka Islaamku xiriirka ugu goyn waayey dalka Burma?.
Ugu danbeyntii Gobolka Rakhine ee dalka Mynamar wuxuu uga duwan yahay Bariga Timor iyo Sudaanta Koonfuireed iyo waxaa deggan Muslimiin.Haji Said
storvideo: 

“Da’yarta aan diinta baranin bay qortaan” Shabaab...

$
0
0

Muqdisho (Caasimadda Online) - Dhallinyaro badan oo Afrikaan ah oo ku dhaca gacmaha argagixisada ayaan "waxba ka aqoonin ama wax aan naf lahayn ka yaqaanna" cilmiga diinta Islaamka iyo macnihiisa, sida lagu ogaaday cilmi baaris ay samaysay, Qarammada Midoobay.
Cilmibaaaristan ayaa middii koobaad ee nooceeda ah ee Afrika laga sameeyo, ayaa lagu darsay 500 oo dhallinyaro ah oo ay qoratay malayshiyaad ay ka mid yihiin Al Shabaab iyo Bookoo Xaraam.
Dhallinyaradaas markii ay ku biirayeen ururradan waxay u ahayd wakhtigii ay ugu baahi badnaayeen in ay shaqo helaan, sida cilmi baaristan lagu ogaaday.
Waxay sidoo kale cilmi baaristu sheegtay in dawladda oo tallaabo qaada ay noqon karto billawga wax ka qabashada arrintaas.
Dhallinyarada cilmibaaristan lagu sameeyay badankood waxay sheegeen in aysan soo marin nolol farxad leh isla markaasna aysan helin waalid dusha kala socda waxa ay carruurtoodu ku sugan yihiin.
Cilmibaareyaal ka socda barnaamijka hormarinta Qarammada Midoobay ee loo soo gaabiyo UNDP ayaa la waraystay dhallinyaro ay argagixisadu ka qoratay Kenya, Soomaaliya, Nigeria, Suudaan, Cakeroon iyo Niger si ay u dhamaystiraan warbixintooda.
Ururka al Shabaab oo fadhigiisu yahay gudaha Soomaaliya ayaa badanaa weerarro ka gaysta dalka Kenya, halka uruka Bookoo Xaraam ee Nigeria ka jiraana uu ku fiday dalalka ay dariska yihiin ee Niger iyo Cameroon.
Qarammada Midoobay ayaa qiyaastay in 33,300 oo ruux oo Afrikaan ah ay noloshooda ku waayeen weerarrada argagixiso intii u dhaxaysay 2011 ilaa billawgii 2016-kii.
Cilmi baareyaashu waxaa kale oo ay waraysiyo la yeesheen dad kale oo noloshoodu la mid tahay kuwa la qortay balse aan xagjir noqonin.
Cilmi baareyaasha oo ku salaynaya dadyawgii ay waraysiyada la yeesheen ayay sheegeen "in ugu yaraan lix sano oo madariso diimeed la dhigto ay yarayn karto macquulnimada ku biiridda argagixisada 32%".Xigasho: BBC
storvideo: 

Trump oo hadal bahdil ah ugu faanay dalalka...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Washington DC (- Online) - Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu u guda galay xal u helida xiisada ka dhex aloosan dowladaha Qadar iyo Xulafada Sacuudiga.
Donald Trump, waxa uu sheegay in xiisada Khaliijka ay tahay keliya mid ay xalinkarto dowlada Mareykanka maadaama dowladaha kale ay ku fashilmeen xalinta xiisada taagan.
Donald Trump waxa uu farta ku goday in dowladiisu ay laheyd kicinta xiisada kal dhextaagan Khaliijka waxa uuna iminka tibaaxay in arrinkaa ay kawada hadleen dowladaha ay ka dhex jirto xiisada.
"Xiisada jirta waxaa xalkeeda haya Mareykanka inaga ayaana xalinteeda gali doono si loo sii wado wada shaqeynta hakatka gashay"
Donald Trump, waxa uu cadeeyay in dowladiisu ay xalinta xiisada ku qaadan doonto muddo asbuuc ah, iyadoo loo mari doono dhammaan dhinacyada ay xiisadu ka dhaxeyso.
"Waxaan kaashan doonaa dowladaha aan weli ka daalin xalinta xiisada ee dhex dhexaadka ahaa, waxaan ku rajo weynahay inaan dawo u helno xiisada jirta"
Docda kale, Donald Trump waxa uu ku baaqay in loo jilicsanaado faragalinta ay ku sameyn doonaan xiisada iminka ka dhextaagan Khaliijka.- OnlineXafiiska Washington DC-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live