Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Qarax wayn oo ka dhacay Muqdisho

$
0
0

Qarax wayn ayaa ka dhacay Muqdisho. Waxaa lala beegsaday xarun ay deggenaayeen dhowr wasaaradood. Iska roge raran ayaa isku qarxiyay.


WAR DEG DEG AH: DAD KA BADAN KONTON QOFOOD OO KU DHINTAY QARAX ISMIIDAAMIN AH OO WAQTI YAR KA HOR KA DHACAY MUQDISHO

$
0
0

WAR DEG DEG AH: War hadda naga soo gaaray dhanka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay qarax ismiidaamin ah oo galaaftay inta la hubo dad ka badan 50 qofood halka dhaawucuna uu intaas aad uga badan yahay.

Qaraxan oo ahaa mid aad u xooggan ayaa waxaa la soo sheegayaa in uu ka dhacay xaruntii hore ee Hargaha iyo Saamaha oo ku taal inta u dhexeysa isgoysyada Nambar Afar iyo Zoope, waxayna xaruntani saldhigyo u aheyd wasaarado badan oo xukuumadda Soomaaliya ka tirsan.

Qaraxan ayaa loo adeegsaday sida warar hordhac ah lagu helayo gaari nooca xamuulka qaada ah oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, waxaana la tuhunsan yahay in al Shabaabku ka dambeeyaan inkastoo aysan weli sheegan iyagu mas'uuliyadda qaraxan.

Xaaladdu waa cakiran tahay waxaana lagu guda jiraan daabulida dhaawaca iyo dhimashada wixii war ah ee soo kordhana dib ayaan idiinkaga soo sheegi doonaa.

Muxaadaro: Nabi Muxammad (SCW) Waa Naxariis Dunida Loo Hibeeyay Part 1

Muqdisho: Qarax Dilay 60 ruux

$
0
0

Gaari xamuul ah oo bambo lagu soo buuxiyey ayaa ku qarxay dhisme ku yaalla magaalada Muqdisho, halkaas oo ay deggan yihiin siddeed ka mid ah wasaaraha DKMG ah ee Somalia.

Dad goobjoog ah ayaa sheegay in dhowr darsan oo dad ahi ay qaraxa ku dhinteen, halka in ka badan 60 kalena ay ku dhaawacmeen. Wariye VOAda ka tirsan oo goobta joogay ayaa dhismaha dibaddiisa ku tiriyey 21 ruux oo meyd ah. Goobjoogeyaasha ayaa sheegay in dhimashadu ay intaas kasii badan tahay.

Goobjoogeyaasha ayaa laanta Afka-Soomaaliga ee VOAda u sheegay labo is-miidaamiye ay gaari xamuul ah oo walxaha qarxaa ka buuxaan ay dhismaha ku duqeeyeen.

Dhismahan ayaa waxa deggan wasaaradaha Arrimaha Dibadda, Waxbarashada, Caafimaadka, Ganacsiga iyo kuwa kale. Warfidiyeen Soomaali ah oo goobta joogay ayaa VOAda u sheegay in dhibanayaasha badankoodu ay ahaayeen arday goobta u yimid Wasaaradda Waxbarashada si ay u ogaadaan imtixaanadii ay u galeen deeq waxbarasho oo dalka Turkigu bixiyey.

Wixii warar ah ee dheeraad ah, VOAda kala soco.

Faahfaahin ku saabsan qarxii maanta lagu baaba'ay ee Muqdisho ka dhacay iyo al Shabaab oo mas'uuliyadda qaraxaas sheegatay

$
0
0

Waxaa sii kordhaya qasaaraha nafeed ee ka dhashay qarixii ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay agagaarka Isgosyak Nambar Afara ee magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo lagu tilmaamay kii ugu xumaa ee magaalada Muqdisho ka dhaca ayaa waxaa ku dhintay dad gaaraya 100 Qofood halka dhaawucuna uu intaas ka badan yahay sida saraakiisha caafimaadka laga soo weriyay.

Inkastoo mas'uuliyiinta al Shabaab aysan si toos ah uga hadlin qaraxan ayaa waxaa hadana qaraxan mid shahiid ku sifeeyay idaacada Al-andalus ee ku hadashay codka al Shabaab.

Argagax iyo anfariir ayaa la soo dersaday dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho waxayna dib u xusuusteen qarixii Hotel Shamoow ka dhacay, inkastoo la soo sheegayo in qaraxan oo kale uusan horay u soo marin magaalada Muqdisho.

Sawirada laga soo qaaday goobta qaruxu ka dhacay ma soo gelin karno WEBKA waayo waa sawiro aan qof kasta la tusi karin, sida ay u gubteen ama u googo'een darteed.

halgankanet@gmail.com

Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyada qaraxii ismiidaaminta

$
0
0

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyada weerar is qarxin ahaa oo maanta lagu qaaday Xarunta Hargaha iyo Saamaha oo ay degan yihiin Wasaarado badan oo ka tirsan Xukuumada. Qaraxan ismiidaaminta ah ee ay fuliyeen ragg naftood hurayaal ah ayaa waxay geysteen qasaare aad u ballaaran oo u badnaa dad rayid ah, waxaana xusid mudnaa in Arday [...]

Xukuumadda KMG oo cambareysay weerar is-qarxin ah oo ka dhacay Muqdisho

$
0
0

Xukuumadda Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa qarax maanta lala beegsaday dhisme ay ku yaallaan dhowr wasaaradood, halkaasoo uu naftii-hallige ku dilay illaa 20 qof, ayna ku dhaawacmeen illaa 30 qof. Waxaa qaraxa loo adeegsaday baabuur weyn.
Dadka dhintay ama dhaawacmay waxaa ku jiray ardey iyo waalidiin sugayay natiijada deeqo-waxbarasho oo ay bixineysay Wasaaradda Tacliinta Sare ee Soomaaliya.
Mas’uul sare oo ka tirsan Xukuumadda oo halkaasi wax ku noqday ma jiro.
Weerarkan wuxuu muujinayaa in khatarta ka imaaneysa argagixisada aysan weli dhammaan oo ay jiraan dad weli doonaya inay carqaladeeyaan horumarka ay shacabka Soomaaliyeed ka sameeyeen dhinaca nabadgelyada.
Xukuumaddu waxay tacsi u direysaa dhammaan qoysaska ay dadkoodu geeriyoodeen, waxayna u rajeyneysaa kuwa dhaawacmay inay deg deg u soo kabtaan.

Video:- Cadeymo hor leh boobka loogu jiro bada Soomaaliya

$
0
0

Oslo(Puntlandi.com) Waxaa waayadaan dambe soo ifbaxayey in Bada Soomaaliya la iibsadey oo lagusoo koobi doono 12 mayl oo kaliya, Arintaan ayaa aheyd mid in mudo ah oo sanado socotey,Waxaase xaqiiq ah in iibsiga hantida Soomaaliyeed aysan ku ekeyn oo kaliya Bada balse ay jiraan dad badan oo suuqa ugu jira iney gadaan hantida Soomaaliya, Dowlada hada ka jirta Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta iney ishortaagto boobka hantida Soomaaliyeed sida uu sheegey Ra’iisal wasaare Gaas,kasoo soo bilowdey mudo sanado laga joogo.
Hadalada hada kasoo baxaya dhinaca bada ayaa soo bilowdey xiligii uu Ra’iisal wasaaraha soomaaliya ka ahaa Nuur Cade, Waxaana New York lagu qabanayaa Bisha Disembar 19 keeda shir looga hadlayo Bada Soomaaliya, iayadoo ay hada soo ifbaxayaan ama isasoo tarayaan wararka xaqiijinaya iibsiga Bada
Admiral Faarax Qare oo sheegay in badda Soomaaliya duulaan lagu yahay haddii Soomaaliya xuduudkeeda lagu soo koobo 12 mayl, oo xuduudkeedii hore loo dhaafi waayo, maxay Soomaaliya arrintaas ku waayi, Daawo Video-gaan hoose
Halka aad ka daawaneyso waa Puntlandi.com


Radio Muqdisho Oo Barnaamij Gaar Ah Ka Sameeyey Mashaqadii Maanta Muqdisho Ka Dhacday Ee Shaamoow Laba(Dhageyso)

$
0
0

Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa barnaamij gaar ah ka sameeyey mashaqadii maanta ka dhacday magaalada Muqdisho taasi oo ay ku naf waayeen dad badan oo Soomaaliyeed kuwaasi oo u badan Arday ku hamineysay inay Mustaqbalkooda Waxbarasho sii wataan .
Ardayda goobta ku naf weysay waxa ay isugu jiraan Laba qeybood oo kala ah:-
Qeyb ku guuleysatay imtixaanka ay u galeen deeqda Waxbarasho oo usoo aaday xarunta Wasaaradda Waxbarashada inay qaataan Fiisooyinkii iyo Tikidadii u fududeyn lahaa inay dalka Turkiga Waxbarasho u aadan.
Iyo Qaybta kale oo ah Arday hada dooneysay inay buuxiyaan Foomamka imtixaan gelista si ay uga qeyb qaataan imtixaanka loo galayo deeqda Waxbarasho oo iyaguna saakay u yimid Xarunta Wasaaradda Waxbarashada,Hidaha iyo Tacliinta Sare inay heleen waraaqihii ay imtixaanka ugu fariisan lahaayeen.
Hadaba Barnaamijkaan ayaa waxaa uu ka hadlayaa qaabka ay dhacadadu u dhacday iyo xanuunka ay Umadda Soomaaliyeed ku reebi karto waxaana ka qeybgalaya Waxgaradka indhaha u ah Bulshada iyo Ardayda Soomaaliyeed ee Wax kabarata Jaamacado ku yaala dalalka Caalamka qaarkood.
Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Barnaamij Gaar Ah Mashaqadii Shaamoow 2 Tabiye Jayte Farsamo Cabaas

SONNA.NET daawo qaraxii muqdisho ee maanta

SONNA.NET daawo qaraxii muqdisho ee maanta

SONNA.NET daawo qaraxii muqdisho ee maanta

Madaxweyne Sheekh Shariif Oo Sheegay In Dadkii Dhaawacyada Halista Ay Kasoo Gaareen Qaraxii Maanta Dibadda Loo Qaadayo(Dhageyso)

$
0
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo galabta Shirjaraa’id oo uu kaga hadlay dhacdadii maanta ka dhacday xaruntii Hargaha iyo Saamaha ayaa shaaca ka qaaday in dadkii dhaawacyada halista ah goobtaasi ay kasoo gaareen dalka Dibaddiisa Caafimaad loogu qaadi doono.
Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Shirka Jaraa’id Ee Madaxweyne Sheekh Shariif
Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ugu horeyn Tacsi u diray eheladii ay ka geeriyoodeen iyo Shacbiga Soomaaliyeed oo uu uga tacsiyeeyay geerida xanuunka badan ee ku timid dadkii maanta geeriyooday Qaraxii ka dhacay magaalada Muqdisho oo u badnaa Arday waqtigan doonayey inay dalka Dibaddiisa u aadaan Waxbarasho.
Waxa uu xusay Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed in dadka ku geeriyooday qaraxa maanta ay tiradoodu gaarayso 70ruux islamarkaana ay ku dhaawacmeen dad ku dhow 200 kuwaasi oo iyagu u badan Arday Mustaqbalka dalka Soomaaliya usoo baxayey iyo dad kale oo goobta ka ag dhowaa waxaana uu Madaxweynuhu sheegay in Weerarkan ay kooxdu u adeegsatay waxyaabo kiimikeysan oo jirka bani’aadamka gubaya.
Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlay Sheegashada Maleeshiyada Shabaab ee Qaraxa maanta ayaa tilmaamay in sheegashadooda fal lagu laayey dad Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan ay muujinaysoo sida ay waqtigan Awoodooda u daciiftay waxaana uu Madaxweynuhu carabka ku adkeeyey in Dowladdu sida ugu dhaqsiyaha badan u qaadi doonto talaabooyin arintaasi looga jawaabayo.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa shirkiisa Jaraa’id waxa uu kusoo hadal qaaday cida weerarka nafteeda ku haligtay waxaana uu xusay Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed in qof u dhashay dalka Kenya uu ka mid ahaa dadka goobta isku qarxiyey oo naftiisa ku haligay hadana ay socdaan baaritaano lagu cadeynayo wararka ku aadan in dadka falkan fuliyey ay gaarayaan Seddex qofood.

Xaaska Taajir Ka Ganacsada Daroogada Oo Ku Umushay Los Angeles.

$
0
0

Xaaska ninka loogu raadiska badan yahay dunida ee ka ganacsada daroogada ayaa la soo weriyey inay gabdho mataano ah waxa ay ku umushay isbitaal ku yaal waqooyiga magaalada Los Angeles. Emma Coronel, oo 22jir ah ahna xaaska ninka bilyoneerka ah ee Joaquin Guzman oo la sheego inuu yahay ninka ugu qanisan ee ka ganacsada daroogada [...]

Darsiga 12aad ee Fadaa’isha Xajka iyo Cumrada‏

$
0
0

Mahad waxay u sugnaatay Allaha waaxidka ah Nabad-gelyo iyo Naxariisna ha ahaato Nebigeena Muxamad SCW oo aan Nebi kale ka danbayn waxaan soo haynay Duruustii ku saabsanayd Xajka maanta waxaan ka hadlaynaa haduu Rabbi idmo fadliga uu leeyaha xajku, 1- wuxuu fogeeyaa xajku faqriga wuxuuna keenaa hodontinimo waxaana taa caddaynaya xadiiskii Nebiga ee Ibnu maaja [...]


Al-Shabaab oo qaraxii ismiidaaminta u adeegsaday waxyaabo Kiimiko

$
0
0

Waxaa isa soo taraya wararka ku saabsan qaraxii ballaarnaa ee maanta ruxay magaalada Muqdisho, kaasoo ahaa kii ugu saameynta badnaa ee soo mara Muqdisho, inta qaraxyo ka dhacaan, waxaana xajmiga qaraxan uu ahaa nuuciisa kii ugu weynaa. Sida ay sheegeen Saraakiisha sirdoonka Dowladda weerarka is qarxinta oo loo adeegsaday gaari kuwa xamuulka ee loo yaqaano [...]

Golaha Wasiirada oo shir aan caadi aheyn ka yeeshay Qaraxii maanta

$
0
0

Golaha Wasiirada Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa gelinkii dambe ee maanta kulan deg deg ah ku yeeshay xaruntooda magaalada Muqdisho iyagoo kaga hadlay falkii lagu beegsaday Xaruntii Harkaha iyo Saamaha ee KM4 halkaasoo fariisin u aheyd qaar ka mid ah Wasaaraddaha Xukuumada, gaar ahaana kuwii adeega Bulshada. Shirkan oo ahaa aan caadi aheyn [...]

“FOREIGN MINISTER” OF A BREAKAWAY SOMALI REGION UTTERS REMARKS OFFENSIVE TO ‘SOMALI ETHNICITY’

$
0
0

September 29, 2011

P R E S S   R E L E A S E

“FOREIGN MINISTER” OF A BREAKAWAY SOMALI REGION UTTERS REMARKS OFFENSIVE TO ‘SOMALI  ETHNICITY’

On Thursday, September 17th 2011 the soi-disant ‘foreign minister’ of ‘Somaliland’, Dr. Mohammed Abdullahi Omer, spoke in an event hosted by the International Republican Institute (IRI) in Washington, DC on the subject of “Crisis in the Horn of Africa: A Somaliland Perspective”, to a largely foreign audience comprising the apologists of the so-called ‘Somaliland’ and others who, presumably, came to learn something from the event.
Dr. Mohammed spoke on the topic and, as expected, painted a horrific picture of the South of our country and a very gloomy one of Puntland while, on the other hand, he gave a very bright and promising picture of the secessionist enclave he called ‘Somaliland’.  He fed his unfortunate and misguided foreign audience with nothing more than his usual claptrap of lies and fabrications about our country.
Everyone knows that the World is tired of the secessionists’ repeated distortions of the realities on the ground, and it is common knowledge that the secession is fueled by a single clan – the clan to which Dr. Mohammed and Silanyo (the President of the secessionist camp) belong.  As a result, there is no single country that recognizes the so-called ‘Somaliland’ despite all the expensive efforts that the secessionists have deployed far and wide over the last twenty-two years, including the recruitment of foreign influence peddlers, such as Dr. Peter Pham, who moderated the IRI session.   It is also well known that the secessionists are still pinning their hope on the international community getting tired of the instability of the South of our country and recognizing the secessionist camp in desperation.
But, apart from seeing the secession as an internal Somali problem which Somalis themselves have to deal with, the international community is not blind to the fact that at least a third of the territory that was once British Somaliland is inhabited by the anti-secessionist Warsangeli and Dhulbahante clans that are related to the clans in Puntland. These two clans have never voted in any election organized by the secessionist administration in Hargeisa and remain adamant in their refusal to join the secessionist camp.
In his talk, however, Dr. Mohammed referred to these clans as a different ‘ethnic group’ related to Puntland but traditionally living in ‘some districts’ in ‘Somaliland’.  This ominous statement clearly means that while those clans belong to Puntland, the land on which they live belongs to what he calls “Somaliland”, which is taken to mean the Isaq clan – his “ethnic group” (to use his term). To illustrate his point Dr. Mohammed further said that some people of his ‘ethnic’ group live in Kenya and Ethiopia but ‘we never claim’ land from either country.  Of course the Isaq in Ethiopia and Kenya do not by themselves constitute a distinct ethnic group, but only with their other fellow Somalis in these two neighbouring countries.
To reflect for a moment on the Foreign Minister’s line of twisted thinking then one can conclude that the other two non-Isaq clans in ‘Somaliland’, the Gudobirsi and the Issa, who also by and large are known to be anti-secession, also belong to ‘ethnic minorities’ from Ethiopia and Djibouti respectively.
Hence having arbitrarily designated four of the five clans in ‘Somaliland’ as foreign ‘ethnic groups’ who are in Somaliland at the pleasure of the Isaq, then according to his chauvinistic clan-cleansing mentality, the territory of the former British Protectorate as a whole belong to his clan, the Isaq!!
Such loose talk smacks of the secessionists’ denial that all the clans in ‘Somaliland’ are part and parcel of that single ethnic group known as ‘Somalis’. Referring to fellow Somalis living next door as belonging to an ‘ethnic group’ while incorporating the word ‘Somali’ in the appellation of the one-clan secessionist entity ‘Somaliland Republic’, is very odd, to say the least.
When asked how the United States could help, the ‘Minister’ asked for pressure to be exerted on the United Nations to treat Somalia and ‘Somaliland’ separately as two different countries and to allow ‘Somaliland’ to address the Security Council, and that this UN body should desist from reaffirming the unity and territorial integrity of Somalia.
Such display of ignorance of the international system of which the United Nations is a part, by a person who claims to be a ‘Minister of Foreign Affairs”, is truly remarkable.  A few months ago Dr. Mohammed was humiliated before a delegation of the Security Council in Nairobi when he claimed to be the ‘foreign minister’ of an ‘independent’ state called ‘Somaliland.  He was told in no uncertain terms that he should address the delegation only as a representative of a regional administration within Somalia.
As usual, we call on our compatriots who are vainly seeking the recognition of their breakaway region as an independent state to return to their senses and desist from such divisive and harmful actions and to work towards the peace and unity of our country which will constitute a solid contribution to the peace and harmony in the Horn of Africa. We all belong to one homogenous ethnic group, called Somalis, sharing the same language, religion, and culture.
For comments or questions, please contact:
NORTHERN SOMALIS FOR PEACE & UNITY (NSPU)
Communication & Public Relations Department
E-mail: contact@nspu.org     website: www.nspu.org
NORTHERN SOMALIS FOR PEACE & UNITY (NSPU) is a grass-roots Somali advocacy organization with Branches in Somalia, United Arab Emirates, Canada, USA, UK, and South Africa. We are dedicated to the promotion of peace and unity among the long-suffering people of Somalia.  We believe the ‘Somalia problem’ can only be dealt with within the framework of a holistic strategic approach aimed at the empowerment of a central government to rebuild national democratic governance institutions and restore law and order throughout the country. NSPU believes the balkanization of Somalia is a recipe for future conflicts and a bleak future for the Somali people, who are bonded by ethnicity, language, religion, and shared centuries-old culture and traditions.

Xildhibaan Daahir C/qaadir Ciiro oo Qaraxii Maanta Ku Dhaawacmay oo U Waramay RBC Radio (Dhageyso)

$
0
0

Muqdisho (RBC) Xildhibaan Daahir C/qaadir Ciiro oo ka mid ah mudanayaasha barlamaanka Soomaaliya oo maanta dhaawac uu ka soo gaarey qaraxii lala beegsaday xarun ay degan yihiin wasaarado ka tirsan DKMG oo ku yaalla agagaarka isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho ayaa ka waramay xaaladiisa caafimaad.
Xildhibaanka ayaa RBC Radio u sheegay in hadda xaaladiisa caafimaad ay fiican tahay uuna ka soo baxay isbitaalka, isagoo si aad ah u cambaareeyey kooxda Al-Shabaab oo qaraxa sheegatay.
“Adeer Illaahay mahadii, sida ay noogu talagaleen kooxda daalimiinta ah ee NABADDIIDKA ah Illaahay waxba nooma yeelin aad baana u fiicanahay dee waa aniga kula hadlaya” ayuu yiri xildhibaan Daahir Ciiro oo wareysi siiyey RBC Radio.
Xildhibaanka oo aan weydiiyay sida wax u gaareen ayaa sheegay in labo meelood oo madaxa ah ay wax ka gaareen isla markaana la tolay, kadibna uu dib ugu laabtay gurigiisa.
Mar aanu weydiinay sida bal dareenkiisu ahaa qaraxa markii uu dhacay ayuu yiri “Anigu markaan arkay inaan lugahayga ku socon karo ayaan nafteyda u dhaqaaqay oo gaari doontay isbitaalkana anigaa tegey”.
Wuxuu sheegay inuu isagu arkay tobaneeyo ruux oo dhaawac iyo meyd isugu jira oo goobta yaalay kuwaasoo ku waxyeeloobay qaraxii maanta lala beegsaday xarun ay wada degan yihiin siddeed wasaaradood oo ka mid ah DKMG Soomaaliya.
Xildhibaanka ayaa si kulul u cambaareeyey kooxda Al-Shabaab oo weerarka qaraxa maanta geysatay isagoo sheegay inay yihiin daalimiin dadka dhibaato ku haya. Wuxuuna xildhibaanka ku baaqay in meel looga soo wada jeesto oo aan la qarin kuwa qaraxyada soo diyaariya iyo meelaha ay ku diyaariyaan.
Dhanka kale xildhibaan Daahir Ciiro ayaa si kulul u dhaliilay heerka amniga ee magaalada Muqdisho isagoo sheegay in dawladu ku fashilantay adkeynta amniga isla markaana ay maalin walba masuuliyiinta DKMG ay bixiyaan derejooyiin aan mudneyn, siduu sheegay.
RBC Radio

Somalia Islamists launch attack on rival militia

$
0
0

Somalia’s Islamist rebels attacked and briefly seized the main stronghold town of a rival militia that backs the country’s transitional government, witnesses said Tuesday.
The Al Qaeda-linked Shebab insurgents raided the central town of Dhusamareb, seat of the Ahlu Sunna Wal Jamaa movement, late on Monday, sparking a brief firefight.
The Shebab raided a radio station and seized equipment in their first attack against their rivals in months.
“The Shebab made a surprise offensive late Monday and remained in Dhusamareb for hours before they withdrew,” local resident Abdullahi Yasiin said.
Another resident, Hassan Elmi, said the Shebab left the town before midnight Monday.
“I saw the Shabab gunmen leaving before and the Ahlu Sunna forces arrived,” he said.
In August, the hardline insurgents pulled out of the capital Mogadishu where they had been fighting to topple the Western-backed transitional government and retreated to southern and central Somali regions under their control.
The Somali government, the Ahlu Sunna Wal-Jamaa and authorities of the breakaway northern Puntland region last month launched a new bid to restore government control in the Horn of African state battered by 20 years of relentless conflict.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live




Latest Images