Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Mahad Saladow ceebtu waa celis! ( Waxa aad ka...

$
0
0

Ugu horreyn aan ku dhigo, in falkii maanta uu u baaqday furidda kalfadhiga baarlamaanku, in uu ahaa ammin lumin iyo waayo badsasho. Caws geeriyaad!
Waa markii labaad, ee dib u dhac ku imaanayo furidda kalfadhiga baarlamaanku, fasaxii iidda ka dib, cillado ka imaanaya madaxtooyada iyo goloha wasiirrada. Formaajo iyo Khayrre!
Marka aan ku xuso, in ay furan tahay, in MOOSHIN keeniddu aysan sideeda u ahayn DAMBI iyo EEL, ee marka laga soo tago danaha qofeed, qolo ama qabiil haddii aysan qaaraad ku jirin, uu yahay, xaq dastuuri ah, oo ay leeyihiin xildhibaannadu, una furan tahay, in ay maalin walba keenaan MOOSHIN, haddii ammin, aalad iyo usluub u oggolaanee jiraan. MOOSHIN diidow maanka geli taa.
Ka dib, aan Mahad si gaar ah u dhaho: Mahad Saladow ceebtu waa celis! Maxaa yeelay, markii aad awoodda dawladnimo hayseen, dhaqan ehelnimo, indheergarad, aayodhawr iyo aayatiin sugid la idin ku ma aqoon, marka waxa aad maanta ka cabanee waa camalkaagii shalay, ee ma ogtahay? Lagaa baray, oo lagaa badi!
Horta xusuus ma leedahay? Weligaa sawirradan ma aragtay? Haddaad aragtay, maxaad dareentay? Aan ku xusuusiyee, waxaa ku jira odoyadan faashadaha xiran, ee oogada bararan Ugaas Cabdi Daahir Ugaas Nuur, oo aad saxiixiisa ku noqotay xildhibaan 2012!
Maxaad weji iyo wanaag u haysaa? Horta weli ma ka la hadashay dhacdadan, oo uu ku baxay adeeg aad u dirsateen iyo sidii Xasan Daahir Aways dawladda loogu soo gacangeli lahaa ayna ku guulaysteen, haba garabmareen walxo dhaqan ahaan aysan sii dhugan? Midda kale, ma la timid aragti xumaan tir iyo godobreeb? Kugu fiicnaa leheedaa!
DHAQAN (xeer ama xeerbeeg) waa DHAWRID!
DHAN!W/Qoray: Bashiir M. Xersibrdiraac@hotmail.comwww.bilediraac.wordpress.comAfeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan - Online. - Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra'yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada -@live.com Mahadsanid.
storvideo: 


Qaramada Midoobay Iyo Midowga Afrika Oo Ka Wada...

$
0
0

Shirkii 11-aad ee Wada-tashiga Wadajirka ee Golaha Ammaanka ee QM iyo Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee MidowgaAfrika ayaa shalay lagu qabtay Xarunta Dhexe ee AU-da oo ku taalla magaalladda Addis Abeba.
Ambassador Tekeda Alemu oo ah Ergayga Dowladda Ethiopia u jooga QM, ahna Madaxa Golaha Ammaanka QM ee bishan September ayaa u sheegay Suxufiyiinta in Kulankaasi lagu lafaguray Xaalladda Ammaanka iyo Nabadda ee Afrika, gaar ahaan Colaadaha iyo Xaalladaha ka jira dalalka Somalia, Koonfurta Suudaan iyo dalalka loo yaqaano Harooyinka waa weyn ee Afrika.
Waxa uu intaasi ku daray in Kulankaasi looga hadlay Xoojinta Xiriirka Golaha Ammaanka QM iyo Golaha Nabadda iyo Ammaanka Afrika iyo sida ay taageero uga geysan karaan Hannaanka loo xalin karo Xiisadaha ka taagan 3-daasi Dal.
Dhinaca kale, Madaxa Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee AU-da, Ambassador Ismail Jergu ayaa sheegay in Kulanka wadajir samayn doono ahmiyadda La-dagaalanka cabsida ka soo kordhaysa Kooxaha uu ugu yeeray Xag-jirayaasha.
Mar uu ka hadlayey Xaalladda Somalia, waxa uu tilmaamay inay jiraan ifafaalo xaqiijinayo inay soo hagaagayso Xalladda Somalia marka la barbar dhigo sida ay ahayd 10-sanno ka hor.
"Si kastaba ha ahaatee, dhismaha Hay'addaha Dowladda oo awood leh iyo in Alshabaab laga saaro Somalia ayaa ah qorshaheenna shaqo ee socda" ayuu yiri Ambassador Ismail Jergu
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Mudane...

$
0
0

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylci) ayaa Maanta oo ay bishu tahay 09-09-2017 xadhiga ka jaray wershad cusub oo samaynaysa Taangiyada biyaha ee Gamuur Plastic factory, wershadaas oo laga hirgeliyay Waqooyiga magaalada Hargeysa, gaar ahaan Xaafada Sheedaha.
Warshadan cusub ee laga hirgaliyay ayaa waxay samayn doontaa taangiyada biyha iyadoo lagaga maarmi doono Taangiyadii biyaha ee birta ama daxalka yeelan jiray.
Madaxweyne ku xigeenku waxa uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay warshadan cusub ee lagu soo kordhiyay dalka, isla markaana ay xukuumad ahaan soo dhawaynayaan maalgashiyada noocan oo kale ah, gaar ahaan maalgashiga muwaadiniinta reer Somaliland.
"Maanta farxad weyn ayay noo tahay, walaalkeen oo muwaadin ah oo dalka ku soo kordhiyay maal-gelin iyo fikrad cusub, in aynu u hambalyayno, marka labaad-na waxaan leeyahay ILLAAHAY ha u barakeeyo, hana ku guuleeyo oo ILLAAHAY ha gaadhsiiyo halkaa uu ka bilaabay meel ka sarraysa,"ayuu yidhi Madaxweyne Ku xigeenku.
Md. Cabdiraxmaan Saylci waxa kale oo uu intaa raaciyay "Haddii aanu nahay xukuumadda maanta joogta, waxaannu ku taamaynaa in la dhiiri-geliyo maalgashiga, gaar ahaan maal-gashiga muwaadininta, wixii awoodeenna ka baxsanna aynu soo jiidano maal-gashiga caalamiga ah, sababta oo ah waddankeennu waa wadan curdin ah oo ay yaalaan fursado badan, markaa waxaa loo baahan yahay sidaa walaalkeen Daahir MAxamed Gamuur oo kale in lagu dhiirado abuurista fikradaha cusub ee aynu u baahan nahay."

storvideo: 

Mooshinkii Mooryaanta oo fashilmay

$
0
0

9th September 2017 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

Mooshinkii Qaswadayaasha Baarlamaanka Soomaaliya oo fashilmaya, ka dib markii ay ka bateen xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo doonaya in la soo celiyo sumcaddii iyo sharaftii umaddii Soomaaliyeed
Kulankii Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ee lagu waday in looga hadlo arrinta C/kariin Qalbi Dhagax ayaa kooram la'aan u baaqday, kaddib markii tiradii loogu tala galay inuu ku furmo kulanka ay soo xaadiri waayeen.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ku dhawaaqay in kulanka uu baaqday, isla markaana uu kooramka uu buuxsami waayay.
Guddoomiye Jawaari ayaa aad uga carooday in kulanka uu kooram la'aan u furmi waayo, waxaana uu digniin u diray Xildhibaanada xarunta yimid ee aan saxiixin buugga diiwaanka.

Ceeb, Yaxyax iyo wax laga xumaado ayay ahayd tilaabooyinkii Xukuumadu qaaday maanta ee jidadka looga xiray Xildhibaanada...
Opslaet af Mahad Salad pa 9. september 2017

[embedded content]
Post navigation
- Iska jir Mooryaanta SNM ma Mujahideen baa mise waa Majaaniin. Majaaniin u daa -
storvideo: 

Madaxweyne farmaajaha Somalia “Waxaa lagu xantaa...

$
0
0

Madaxweyne farmaajaha Somalia "Waxaa lagu xantaa Ciidanka Xoogga Dalka, markaan la sheekaystay cidkasta, in aad tihiin Geesiyaal Sooma-jeestayaal ah"Muqdisho; September 9, 2017 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kormeer ku tagay Dugsiga tababarka ciidamada ee Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho.
Cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa halkaas salaan sharaf ku siiyey Madaxweynaha. Sidoo kale, Saraakiisha Soomaaliyeed ee tababarka ka bixiya dugsigaan ayaa Madaxweynuhu la yeeshay kulan gaar ah.
Maamulka iyo Saraakiisha Dugsiga Tababarka Ciidamada Jeneraal Goordan waxa ay Madaxweynaha uga warbixiyeen kaalinta ay ka qaataan sugidda amniga dalka, gaar ahaan howlgallada xasilinta Caasimadda, barnaamijka hub ka dhigista, la dagaallanka ka ganacsiga maandooriyaha iyo dagaalka lagula jiro kooxaha nabad diidka ah ee dhibaatada ku haya shacabka Soomaaliyeed.
Intaas ka dib, waxa uu Madaxweyne Farmaajo khudbad dhiiri gelin ah u jeediyey askar tiradoodu kor u dhaafayso 1200, oo tababar gaar ah uu uga socdo dugsiga Jeneraal Goordan.
"Waxaa lagu xantaa Ciidanka Xoogga, markaan la sheekaystay Ajnabi, AMISOM, beesha caalamka iyo cidkastaba in aad tihiin geesiyaal sooma-jeestayaal ah. Xaqiiqiyanna meesha ay galaan aan ka soo noqonayn in ay guul ka keenaan mooyee."ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.
Xayiraadda dhanka hubka ee Soomaaliya saaran ayuu ku tilmaamay Madaxweynuhu mid ka mid ah caqabadaha ugu waawayn ee hor taagan dib-u-soo kabashada Ciidanka Xoogga Dalka, balse waxa uu xaqiijiyey in dowladdu ay sameynayso dadaal kasta oo lagu tayeynayo ciidamada qalabka sida.
Madaxweyne Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu uga mahadceliyey dowladda Imaaraadka Carabta hir gelinta xaruntan iyo kaalinta ay ku leeyihiin qalabaynta iyo dib-u-dhiska ciidamada.
storvideo: 

Madaxweyne Farmaajo oo booqday xarun ay dowladda...

$
0
0

Muqdisho (RBC Radio) Madaxweynaha Soomaaliya,Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta kormeer ku tagay Dugsiga Tababarka Ciidamada ee Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho.
Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa halkaas salaan sharaf ku siiyey Madaxweynaha. Sidoo kale, Saraakiisha Soomaaliyeed ee tababarka ka bixiya dugsigaan ayaa Madaxweynuhu la yeeshay kulan gaar ah.
Maamulka iyo Saraakiisha Dugsiga Tababarka Ciidamada Jeneraal Goordan waxa ay Madaxweynaha uga warbixiyeen kaalinta ay ka qaataan sugidda amniga dalka, gaar ahaan howlgallada xasilinta Caasimadda, barnaamijka hub ka dhigista, la dagaallanka ka ganacsiga maandooriyaha iyo dagaalka lagula jiro kooxaha nabad diidka ah.
Intaas kaddib, waxa uu Madaxweyne Farmaajo khudbad dhiirrigelin ah u jeediyey askar tiradoodu kor u dhaafayso 1200, oo tababar gaar ah uu uga socdo dugsiga Jeneraal Goordan.
"Waxaa lagu xantaa Ciidanka Xoogga, markaan la sheekaystay Ajnabi, AMISOM, beesha caalamka iyo cidkastaba in aad tihiin geesiyaal sooma-jeestayaal ah, xaqiiqiyanna meesha ay galaan aan ka soo noqonayn in ay guul ka keenaan mooyee."ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.
Xayiraadda dhanka hubka ee Soomaaliya saaran ayuu ku tilmaamay Madaxweynuhu mid ka mid ah caqabadaha ugu waawayn ee hor taagan dib-u-soo kabashada Ciidanka Xoogga Dalka, balse waxa uu xaqiijiyey in dowladdu ay sameynayso dadaal kasta oo lagu tayeynayo ciidamada qalabka sida.
Madaxweyne Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu uga mahadceliyey dowladda Imaaraadka Carabta hir gelinta xaruntan iyo kaalinta ay ku leeyihiin qalabaynta iyo dib-u-dhiska ciidamada.

storvideo: 

Xaaji Gaas oo soo gaaray Dubai

$
0
0

Madaxweyne Gaas iyo waftigii uu hogaaminayey ee ku maqnaa gudashada waajibaadka Xajka ayaa galabta soo gaaray Dubai.
Madaxweynaha oo casuumad rasmiya ka helay Dawlada Imaaraadka Carabta ayaa la filayaa in uu labada maalmood ee soo socota uu kusii sugnaado Dubai.

storvideo: 

Shirkii Degmada Carmo ka Socday oo Wejigiisii Kowaad...

$
0
0

9th September 2017 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

Shirkii Degmada Carmo uga Socday Ergo ka kala socotay Qaar ka mid ah Beelaha dishiishe iyo Beesha Ismaaciil Saleebaan ayaa wejigiisii Kowaad Is-Afgarad La"aan kusoo dhamaaday,iyadoona shalay oo Jimce ahayd Lagu kala kacay Shirkii gaarka ahaa ee Labaad Beeleed u dhaxeeyey.
Shirkan oo Mudo Sadex Beri Ah Degmada Carmo ka socday ayaa shalay Lagu kala kacay,iyadoona Qodobadii Lagu heshiin waayay dib Loogu celiyey Erdo dhexdhexaad ah Ee ka kala socday Beelaha kale ee Harti.
Beesha Ismaaciil Saleebaan ayaa ku adkaysanaysa inaysan deegaankan Sinaba uga guureyn,halka Beel ka mid ah Beelaha Dishiishe ee deegaankan Lihina ay arintaasi ku gacanseyrtay Laguna kala kacay Shirkii.
Deegaanka Duur.idaad Waxay Dacwadiisu socotay Mudo dhowr bilood Ah,iyadoona Maamulka Puntland uu isku deyey Mudo dhowr mar ah deegaankan dhismihiisa la joojiyo,walow uusan ku guuleysan Joojinta Dhismaha deegaankaasi.
Halkan Hoose ka Akhriso Dacwada dhulkan ee Maamulka Puntland Horey Loogu Gudbiyey.
Fiiro gaar Ah:-Sawir Hore.
Post navigation
- SHIMBIRAYOHOW HEESA
storvideo: 


Dowlada Myanmar"Dadka Rohingya ee aan haysan dhalashada kuma soo laaban karaan Myanmar"

$
0
0

Wasiir ka tirsan dowlada Myanmar ayaa u sheegay BBC in dhamaan Muslimiinta Rohingya ee u qaxay Bangladesh aan loo ogolaan doonin in ay dalka dib ugu soo laabtaan.

Dowlada Myanmar"Dadka Rohingya ee aan haysan...

$
0
0

Wasiir ka tirsan dowlada Myanmar ayaa u sheegay BBC in dhamaan Muslimiinta Rohingya ee u qaxay Bangladesh aan loo ogolaan doonin in ay dalka dib ugu soo laabtaan.
Win Myat Aye oo ah wasiirka dib u dajinta ayaa sheegay in ay dowlada ogolaan doonto oo kali ah in ay soo laabtaan dadka ku noolaa Myanmar islamarkana haysyta dhalashada dalkaasi.
Arrintani ayaa waxa ay micnaheedu tahay in ay kooban tahay tirada ku soo laaban karta Myanmar maadaama inta badan dadka Rohingya loo diiday dhalashada iyo muwaadinimada Myanmar .
Ku dhawaad 300 oo kun oo ah Muslimiinta Rohingya ayaa ka soo qaxay Myanmar labadii todobaad ee ugu danbeeyay.
Mashaqada ayaa bilaabatay ka dib markii koox Mintid ah ay weerareen 30 saldhig oo ay booliiska leeyihiin.
Dadka Rohingya ee ka soo qaxaya rabshada ka socda Myanmar ayaa waxa ay maalmihii ugu danbeeyay ay soo gaarayeen dalka Bangaladesh.
Dowlada Myanmar ayaa beenisay in militariga dalkaasi ay si gaar ah u bartilmaamedsanayaan Musliminta Rohingya.
Qaramada midoobe ayaa sheegtay in dalka Myanmar ay todobaadyadii ugu danbeeyay ka qaxeen 270,000 qof oo ah Muslimiinta Rohingya
storvideo: 

Dhageyso, Barnaamijka Caweyska Washington

$
0
0

Barnaamijka Caweyska Washington ee todobaadkan.

Dhageyso, Barnaamika Martida Makaroofnka

$
0
0

[unable to retrieve full-text content]Barnaamijka martida waxa uu ku saabsan yahay, wareejintii Qalbi-dhagax
storvideo: 

Ciidamada dowladda Suuriya oo dib u qabsaday saldhig milateri

$
0
0

Warbaahinta dowladda dalka Suuriya ayaa kusoo warantay in ciidamada dowlada iyo xulafadooda ay gareen saldhig ay lahayeen ciidamada cirka ee dalkaasi oo ku yaalo dulleedka magaalad Deir ez-Zour.

Ciidamada dowladda Suuriya oo dib u qabsaday saldhig...

$
0
0

Warbaahinta dowladda dalka Suuriya ayaa kusoo warantay in ciidamada dowlada iyo xulafadooda ay gareen saldhig ay lahayeen ciidamada cirka ee dalkaasi oo ku yaalo dulleedka magaalad Deir ez-Zour.
Qabsashada Deir ez-Zour ayaa soo afjartay go'doon ay kooxda isugu yeerta khilaafada Islaamka ee daacish ku hayeen saldhigaasi.
Horaanti toddobaadkan, ciidamada milateriga Suuriya ee uu taageero Ruushka ayaa qabsaday qeybo kamid ah magaladaasi, waxaana halkaasi ay ku go'doomiyeen kumanaan rayid ah iyo ciidamo halkaasi ku sugnaa tan iyo sanadkii 2015-ka.
Magaalada Deir ez-Zour ayaa ah magaalo qani ku ah shidaalka, taa oo istaraateji ahaan u wanaagsan ciidamada dowladda.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 

Dhageyso, Barnaamijka Caweyska Washington

$
0
0

[unable to retrieve full-text content]Barnaamijka Caweyska Washington ee todobaadkan.
storvideo: 


Mucaaradka Angola oo maxkamadda dastuuriga u gudbiyay dacwad ka dhan ah natiijada doorashada

$
0
0

Xisbiga mucaaradka ee ugu ballaaran dalka Angola ee UNITA ayaa maxkamdda dastuuriga ee dalkaasi geeyay dacwad ka dhan ah natiijada doorashadii madaxtinimada ee bishu aynu soo dhaafnay ka dhacday dalkaasi.

Mucaaradka Angola oo maxkamadda dastuuriga u...

$
0
0

Xisbiga mucaaradka ee ugu ballaaran dalka Angola ee UNITA ayaa maxkamdda dastuuriga ee dalkaasi geeyay dacwad ka dhan ah natiijada doorashadii madaxtinimada ee bishu aynu soo dhaafnay ka dhacday dalkaasi.
Xisbiga UNITA ayaa ku eedeeyay guddiga doorashada in natiijada gobolo badan oo ay shaaciyeen aysan aheyn mid dadku ay u codeyeen, balse ay tahay tiro been abuur ah oo laga soo gudbiyay xafiiska guddiga doorashada.
Arbacadii aynu soo dhaafnay ayay aheyd markii guddiga doorashada ee dalka Angola uu ku dhawaaqay natiijada doorashada, waxaana ku guuleystay xisbiga MPLA oo xukunka dalkaasi soo hayay tan iyo sanadkii 1975-tii.
Dhawaan ayay aheyd markii Maxkamadda Sare ee Kenya ay waxba kama jiraanka ka soo qaadday natiijada doorashadii madaxtinimada, taasi oo ka dhigan in axsaabta siyaasadda ay markale dib ugu laabtaan olole doorasho kahor doorashada ku celiska ah.
Go'aanka Maxkamadda Sare ee Kenya oo aan horay uga dhicin qaaradda Afrika ayaa muujinaya madax banaanida waaxda garsoorka ee dalkaasi, iyo sida ay uga go'an tahay in ay wajahaan murranada ka dhasha doorashada.
Waxaana ilaa iyo hadda aan kala cadeyn go'aanka maxkamadda dastuuriga ee dalka Angola ay ka qaadan doonto muranka ka dhashay natiijada doorashada.
storvideo: 

Weriye Maxamed Weji oo ka hadlaya buuggiisa Konton sheeko iyo sheeko

$
0
0

Maxamed Xasan Cali (Weji) waa weriye caan ah, waxyaabaha bulshadu ku jeceshahay ee uu sida gaarka ah ugu caan baxayna waxa ka mid ah sheekooyinka gaagaaban ee uu bulshada Soomaalida nolol maalmeedkooda tooska u taabta ee uu qoro.

Maxaa kala socotaa magacyada Xildhibaanada ku...

$
0
0

Maxaa kala socotaa magacyada Xildhibaanada ku fashilmay mooshinka maanta ka doonaayey in lagu carqaladeeyo DF Somaliyeed
Sep 9, 2017 -
Waxaanta dalka Soomaliya ka bad baaday shir qool la doonaayey in lagu fashiliyo horumarka yar at heshay
Hadaba maxaa kala socotaa xildhibanada mooshinka waday oo. Is qarinaayo .
Hubnaha Is qarinaayo ee mooshinka dabada ka ka riixaayo ayaa kala ah
1 Xildhibaan Cabdiwali Maxamed Qanyare
2 xildhibaan Xasan Macalin.
3xildhibaanad Maryan Cariif Qasam
Xikdhibanadaan. mooshinka wado ayaa dadka at matalaa siweyn I taageersan yihiin dowlada gawadeenka ika yahay .
Xasan Call Kheyre iyagoona ku amaanay howsha wanaagsan uu u wado qaranka Soomaliyeed
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
English News
storvideo: 

DHAGEYSO Barnaamijka Qubanaha Wararka Ee Idaacadda Shabelle

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live